BAXSAN Barihore waxaa jiray Inan baaluqoo koray, Bidhaantiisu waa taam Garashana way u buuxdaa, Isagoo dharaar baxay OO xawli badan galay Orod beegsanaayuu Mar uun dhinaca bidix dayay, Inan wabiga baashii Soconaysa baaroo Bilicdeeda lagu daray Cadceed soo baxayso Bixinaysa saymoo Biyuhuna celinayaan, Ayaa aragga baadoo Miyirkana badhbaa xadan, Isagoo baraad luu Bariidiyo salaan diray, Iyana may ka boodine Badhaadhaa jiray tidhi, Marba baal intuu dayay Baadh-baadh kor iyo hoos, Baxsanay ruux miyaad tahay Mise bahalo shaydaan? Bishmahay caday soo Tidhi bahalo shaydaan! Qosol baa laysu kala baxay! 1
Barashadeenu wacanaa Balan may dhiganoo Barito sidaad u aragtaa! Baxsanow hagaag tidhi! Balaayaa haleeshoo Habeen kii badh muu ladin, Markii waagu soo baxay Yuu bartii is dhigay shalay. Markuu yara bidhaamiyay Wadnahaa buglayn galay! “Bismilaahi shaafiin Bismilaahi caafiin” Ayuu yidhi mar uun bile. Booqashiyo salaan daaa! Naftu laba boglayn iyo Boholyow ma joogtoo Marba baal u duushoo Baabaco ku socotee Inantii buukaankiyo Igu beertay kaarkaay II bari illaahoo Adna baano ii noqo. Ayuu yidhi mar uun Bile! Inta ay is barbarisoo Gadaal uga baxday tidhi “Bismilaahi caafiin Bishmilaahi shaafin War qof yahow bukaanka ah Bal bartaada naga joog.” 2
“Waxaa dunida ruux badan Midka adiga kuu ba’an Sanka lagama baydhshoo Afka looma buuree Boogta i damqanaysiyo Adaa beeray kaarkee II bari illaahoo Adna baano ii noqo. Ayuu yidhi hadana Bile! “Ruuxaanad wali baran Nafta kugala baydhee Bog kaaga raraysaa Inay kaa baxdaa roon!” Wali may ka bixin hadal, “Adoon boodin ii fahan Jacalkaa il bidhiqsiga Bidhaan kaliya lagu helay Een laga baraan dagin Uma bogo dhankaygoo Siduu u bilowduu Hadhowtana u baxayaa” Hadal madaxa buuxshay Baxsan inantu igu tidhi Yuu cabaar isula baxay! Wuxu yidhi “barwaaqada Eebe bixiyo weeyoo Adigoon u baal dayin Barashiyo aqoon kale Bidhaan kaliyu kugu filan!” Hadalkii muu ka bixin wali! 3
“Adoon iga boodin fahan Ruuxaan boogaagiyo Maankaagu baal marin Ee kugu baxee dega Beerkiyo wadnaha bidix Inaad barato magacii Ama buulka uu galo Iyo inuu mid baariya Balan iyo axdina gala Diinta aan baal marin Yahay ruux u bisil nolol Boogtii ku qabatee Wadnaha kaaga bilatay Buun buunisaayoo Nalka ay u bixisaa! Inantii buukaankiyo Igu beertay kaarkaay II bari illaahoo Adna baano ii noqo.” Iyadoo aan buuq furin Ayaa bilan waxay tidhi “Sidii umul fooli boobtay Barinna doonaysa oo Ilowday wixii la baday Jacayl wuu kaa ba’aa Boogtiisuna way ku dayn! Adoon iga boodin fahan Waxaa jira labo bogoo Iyagu isu baahanoo Jacayl u bilaamayoo
4
Bishaaro aroos dhigtoo Bulshadu u cayaarto oo Markay dhawr bilood galaan Hadana baa ba’ sha waxay Intaa badan soo wadeen! Bogsood Allan ku baryee Boggaagana dhaymo roon” Waa looga baxayoo Isagoo bidayaaa Dhulka looga baydhee Aakhiro ma banaantay? Wixii yidhi mar uun Bile! “Waxan u baaqayaa Naftii jacayl bishee Baxnaaninaysa ee Beertiisa hadeer fashaay, Inuu basanbaas yahoo Boodh iyo siigo cas lahoo Ba’aa uu isaga yahay Markhaati ayaan u bixin! Inuu maankaa bedelo Badwayntaa kugu daroo Biyaha ku dhex geeyo oo Hadana kaaga soo baxana Markhaati anaa u bixin! Naftuu biimo ka gashaa Adoo baaleelayoo Baal iyo jaho aan lahayn Ayay naftu kaa baxdaa”
5
Markuu dhawr bari maqnaa Ayay Beeshii tabeen Wixii baadigoob la diray Hungaa baraddii ka yimi! Adan Dirie June 12, 2013
6