Dadku weligoodba waxa ay doonayeen in ay ogaadaan waxa dhab ahaan ku hoos jira dhulka. Waxa aynu qodnaa dhulka si aynu u helno meelo aynu gabood ka dhiganno, si aynu ugu aasno dadka innaga dhinta iyo si aynu ugala soo baxno khayraadka dhaldhalaalaya. Dhulka hoostiisu waa
duni cajiib ah oo ay ka buuxaan waddooyin la mariyo waxyaabaha sharcidarrada ah iyo godad la illaabay oo mucjiso ah.
Buuggan waxa aynu ku soo bandhigaynaa siro badan oo gundheer iyo goobo layaab leh, kuwaasi oo aanu micnahoodu ahayn in ay cidi aragto.
En originalproduktion från Bonnier Carlsen Bokförlag, Stockholm
Översättning: Musa M. Isse
Sättning: Agneta Tomasson Tryckt av Baltoprint i Litauen 2020
ISBN 978-91-7525-341-1
Fenixforlag.se
GOOBAHA
DHULKA HOOSTIISA
ADDUUNKA
KU YAALLA EE
Jens Hansegård
Anders Nyberg
Deerinkuyuu, Turkiga
Sannadku waa 1963. Waxa aannu joognaa dhulka
Kaapadookiyaan ee dalka Turkiga. Halkani waa meel dhagxaan badan oo engegan. Nin baa dib u dhisaya istoodhkiisii. Gidaarka dhiniciisa dambe waxa uu ku arkay qol mucjiso ah, ka dib waxa uu bilaabay in uu baadhitaan ku sameeyo.
Wixii uu halkaa ka helay waxa ay noqdeen wax adduunka oo dhan caan ka noqday. Waxa ay ahayd magaalo dhulka hoostiisa ku taalla oo la iska illaabay, taasi oo ka kooban siddeed dabaq oo dhulka hoostiisa ah.
Magaalada Deerinkuyuu waxa la bilaabay in la qodo markay taariikhdu ahayd 700-kii Ciise ka hor. Waa ay fududayd in la qodo, maxaa yeelay buurta ayaa jilicsanayd sababta oo ah foolkaano ayaa ka kacay.
Kun sano ka dib waxa la baadhay magaalada weyn ee halkan ku taalla. Waxa laga dhisay xeryo iyo kiniisado. Dadka meesha ku nooli waxa ay dhaqan jireen xoolo, waxaanay soo saari jireen saliid iyo khamri. Ta ugu muhiimsani waxa ay ahayd in ay dhagxaan ku xanibi karayeen waddooyinka dhulka hoostiisa mara si ay isaga difaacaan dadka sida sharcidarrada ah ugu imanaya.
Halkan waxa la qiyaasayaa in dad ku dhaw 20 000 oo qof ay ku dhuunteen si ay cadowgooda uga badbaadaan.
Marka laga yimaaddo Deerinkuyuu waxa ay sidoo kale cilmibaadhayaashu heleen magaalooyin kale oo dhulka hoostiisa ku yaalla oo u dhow Deerinkuyuu. Magaalooyinkani waa ay isku dheggan yihiin oo waxa isku xidha waddooyin dhulka hoostiisa mara. Lama yaqaan sida wakhtigaa fog farsamadii jirtay u suurogalisay in la dhiso waddooyinka dhaadheer ee dhulka hoostiisa mara ee isku xidhan.
Miyaad hubtaa in aynu wax u qodayno dhankii saxda ahaa? Waa aan u malaynayaa!
Jamhuuriyadda Jeeg
Wadiiqooyinka dhulka hoostiisa
Magaalada Biilsen ee dalka Jeegga waxa ku yaalla wadiiqooyin isku xidhan oo dhulka hoostiisa ah, istoodho iyo ceelal biyood la dhisay 1300-kii. Halkan waxa ay dadku ku kaydsan jireen barafka iyo cuntada. Balse wadiiqooyinkan dhulka hoostiisa maraa waxa ay ahaayeen hab layaab leh oo ay magaalaba magaalada kale ugu qaxi karaysay haddiiba la soo weeraro. Waddooyinka dhulka hoostiisa mara waxa ay gaadhi jireen ilaa deyrka bannaanka ee magaalada ku xeeran.
Halkan hoose waxa sidoo kale ku yaalla boqolaal ceel. Markii ay taariikhdu ahayd 1300-kii, waxa ay dadka maalqabeenka ahi lahaayeen ceelal biyood u gaar ah. Halkan waxa lagu kaydin jiray tenegyada khamriga ee caanka ahaa.
Waa la idin hareereeyay! Ma qaxi kartaan!
Haha!!
Haha!!
Godadkii burcadka ee Rokfoor
ee Faransiiska
Godadka Rokfoor waxa lagu samayn jiray burcad tan iyo wakhtigii dhexe. Sida ay taariikhdu sheegayso nin adhi jir ah ayaa wakhti roob da’ayay roobkii ka hoos galay godad dhagxaan leh. Waxa uu halkaasi ku illaabay burcadkii uu ku qadayn lahaa. Markii dambe ee uu ku soo noqday ayaa uu arkay burcadkii oo ay fuushay caaryo. Badh buu ka cunay. Balse hadda si kale ayaa uu u dhadhamayaa burcadku. Waa uu ka macaan yahay sidii hore.
Waa qoyaan godadka dhexdoodu, cimiladuna waxa ay u dhaxaysaa 8 ilaa 12 digrii sannadkii oo dhan. Waa cimilada ugu ican ee lagu kaydin karo burcad, waxaana ku jirta caaryo dawo ah oo la yidhaa Rokfoortiyum. Waa nooc la mid ah caaryada loo isticmaalo soo saaritaanka antibiyootiga oo ah dawo lagu daweeyo bakteeriyada.
Waxa ay qaadataa 20 cisho in burcadku godadka ku jiraa isu beddelo nooca loo yaqaan Rokfoor, kaasi oo ah boqorka burcadka.
Saqafka soo godan
ee Edinbera, Iskotlaan
Habeenkii waxa ay magaalada Edinbera noqotaa sidii magaalo rooxaaneed. Balse magaalada dhexdeeda waxa ku sii dhextaalla magaalo kale. Waana wax cabsi badan. – Waa waddooyin, hogag iyo istoodho dhulka hoostiisa ku yaalla oo jahawareer ah. Halkaasi oo lagu hayn jiray dambiilayaasha iyo budhcadda markii ay taariikhdu ahayd 1700-kii.
Markaa magaalada Edinbera waxa ay ahayd mid xun oo wasakh badan, balse dadka tijaarta ahi waxa ay rabeen in ay helaan waddooyin cusub oo qurux badan oo ganacsiga ku habboon. Waddooyinka hoostooda waxa laga dhisay istoodho leh saqaf soo godon kuwaasi oo laga dhigay istoodho alaabaha ganacsiga lagu kaydiyo. Nasiibdarro waa ay daroorimeeyeen oo waxa alaabihii baabiiyay biyihii roobka.
Magaaladu waxa ay la ciiraysaa dhallinyaro fuqaro ah oo ka soo qaxay Ayrlaan. Qaxoontiga reer Ayrlaan, sida dawarsadayaasha iyo dadka kale ee barakacayaasha ah ayaa ay deggan yihiin istoodhada ku yaalla dhulka hoostiisa. Halkaa hoose waxa ku yaalla makhaayado khamriga iibiya oo sharcidarro ah, markaa dadku waxa ay ku khamaari karaan lacag. Saqafka sare ee istoodhka waxa ku yaalla meel dambi halis ah keeni karta. Ugu dambayntii maamulkii magaaladu waxa ay arkeen in dambiyo badani ka dhacayaan dhulka hoose, taasina waxa ay keentay in ay derbi ku wareejiyaan.
Saqafka istoodhka Edinbera waxa ku dhuuman jiray dadka haya shaqada cabsida leh: budhcadda. Waxa ay qodi jireen xabaalaha oo waxa ay la soo bixi jireen meydadka, iyaga oo markaa ka iibin jiray ardayda caafimaadka barata ee rabta in ay aragto sida ay u eeg yihiin gudaha meydadku. Istoodhada hoose sidoo kale waxa ay ahaayeen meelo ay budhcaddu ku xafiddo alaabahooda.
Goobaha maarta laga qado
Iswiidhan
1600-kii Faalun waxa ay ahayd magaalada labaad ee ugu weyn
Iswidhan. Waxa taasi ugu wacnayd iyada oo lahayd goobaha maarta laga qodo ee ku yaalla Faalun. Halkan waxa laga qodi jiray saddex meeloodoow laba meelood maarta laga qodo Yurub.
Maarta laga soo saarayay Faaluun waxa ay Iswidhan ka dhigtay dal qani ah oo awood u yeesha in uu la dagaallamo dalalka kale ee Yurub. Wakhtigan waxa la odhan jiray wakhtigii awoodda weyn. Wakhtigan dhexe dambiilayaashu waa la ca n jiray haddii ay ka shaqo galaan goobaha godadka macdanta laga qodo.
Maatis Buurane
Sannadku waxa uu ahaa 1719. Waxa godadkii macdanta laga qodayay laga helay meyd ahaa nin dhallinyar ah godadka ka shaqayn jiray, balse cidna ma ay garanayn qofka uu ahaa. Muddo ka dib waxa meesha soo martay islaan weyn. Markii ay aragtay meydkii waa ay qaylisay. Waxa ay aqoonsatay in uu yahay ninkii ay u mehersanayd ee la odhan jiray Maatis Buurane, kaasi oo la waayay 42 sano ka hor. Balse weli meydkiisu waxa uu u eg yahay qof da’ yar. Nasiib wanaag maaddooyinka ku jira hogagga ayaa meydkiisa ku ilaaliyay sidiisii.
Meydkiisii oo si ican loo ilaaliyay waxa la dhigay farasmagaalaha, waxaanu noqday goob soo jiidata dalxiisayaal badan.
Markii uu meydkii ugu dambayntii bilaabay in uu kala googo’o ayaa Maatis Buurane la aasay.
Dumistii weynayd
Maalintii ka horraysay maalintii dabbaaldegga xilliga xagaaga badhtankiisa sannadkii 1687 ayay shaqaalihii macdanta qodayay maqleen shanqadh ka imanaysay hogagga dhexdooda. Balse waxa ay iska sii wateen qoditaankii macdanta. Maalintii dabbaaldegga xilliga xagaaga badhtankiisa waxa ay masiibaddii noqotay mid dhab ah. Godkii waxa laga qodayay waa uu dumay oo waxa uu noqday hog weyn. Nasiib wanaag cidna kuma ay dhiman. Maadaama oo ay ahayd maalin fasax lagu jiro badi shaqaaluhu waxa ay ahaayeen fasax. Ilaa maanta ayaa uu hoggii jiraa oo ilaa 100 mitir ayaa uu hoos u gun dheer yahay. Waxa loo yaqaanaa jugtii weynayd.
Waddooyinka dhulka hoostiisa ee laga baxsado ee
Talyaaniga iyo Boolaan
In la qodo waddooyin dhulka hoostiisu
waxa ay weligeed ahayd mid caan ku ah in ay maxaabiistu sameeyaan marka ay baxsanayaan. Sannadkii 1755 waxa uu dalmareenkii iyo qoraagii Jakoomo
Kasanoofa galay xabsigii cabsida badnaa ee Venis: Qolalka biraha. Kasanoofa waxa uu bilaabay in uu qodo waddo dhulka hoostiisa ah oo uu kaga baxsan karo. Layaabku waxa uu ahaa in uu u sii wareegay qol kale intii aannu dhammaan qoditaanka waddada dhulka hoostiisu. Qolka cusub waxa uu kula kulmay oo uu la saaxiibay nin wadaad ah oo ku xidhan. Kasanoofa waxa uu wadaadkii ku qanciyay in ay qodaan waddo cusub oo dhulka hoostiisa marta. Ugu dambayntii labadoodiiba halkii bay kaga baxsadeen xabsigii, iyaga oo ka baxay saqafkii sare ee Venis, sidaana waxa ay ku heleen xorriyad.
Xeradii saddexaad ee ugu weynayd ee Ciidammada Cirka: Ma ay ahayn waddo caadi ah oo dhulka hoostiisa marta. Waxa ay ku qalabeeyeen nalal koronto ku shaqeeya, hawodhaliye iyo sidoo kale xadiidka tareenku ku socdo.
Istaalag Lufti III
Intii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunida waxa ay Istaalag Lufti III ahayd xero dalka Jarmalka ku taalla oo lagu hayo maxaabiista laga soo qabto askarta cadowga ah. Xeradu waxa ay ahayd mid boqolkiiba boqol la hubo in ammaankeedu sugan yahay. Sidaasi aawadeed ayaa lagu xidhi jiray maxaabiista dagaalka ee la layo in aanay halkaasi ka baxsan karin. Markii dambe waxa la ogaaday in ay kir qaldan ahayd in maxaabiis baxsanaysa hal meel la isugu keeno. Askarta ku xidhan xeradu keliya ma ay qodin hal waddo oo dhulka hoostiisa marta, balse waxa ay isku mar qudha qodeen saddex waddo. Maxaabiistu wax ay wax ku qodayeen qalab ay ka sameeyeen qasaacado. Ciidda ay qodaan waxa ay ku qarin jireen jeebabka surwaaladooda. Marka ay ku wareegaan xerada waxa ay jeebabkooda ka soo daadin jireen ciidda si ay dhulka ugu qubaan oo ka dibna ay ku dul socdaan. 1944 ayay 76 nin ka baxsadeen xabsigii. Nasiibdarro intoodii badnayd waa la soo qabtay, balse saddex askari ayaa baxsaday oo sidaa ku helay xorriyad.
Koobar Beedi
Ustaraaliya
Sannadku waa 1915. Waxa aannu joognaa Ustaraaliya, dhulka lamadagaanka ah ee qallalan ee la yidhaa Ootbaak. Hog boodh badan oo la yidhaa Koobar Beedi ayaa uu wiil 15 jir ah oo la yidhaa Wili Hajinsan ka helay wax la yaab leh. Waa dhagax la yidhaa Obaal.
Waxa halkan isugu yimid dad badan oo nasiibkooda raadinaya oo raba in ay helaan dhagaxan Obaal la yidhaa, kuwaasi oo isaga kala yimid Ustaraaliya oo dhan. Askartii ka soo noqotay dagaalkii koowaad ee adduunka ayaa khabiiro ku noqotay sida loo qodo ateerooyinka ay askartu ku dhuuntaan marka ay dagaalka ku jiraan. Hadda waxa ay taa beddelkeeda wax u qodayaan in ay helaan dhagaxa loo yaqaan Obaal.
Maanta boqolkiiba toddobaatan dhagxaanta Obaal ee dunidu waxa ay ka soo baxaan dhulka ku xeeran Koobar Beedi. Kala badh dadka magaalada ku nool oo qiyaastii ah 3 500 oo qof waxa ay ku nool yihiin dhulka hoostiisa, waayo waa meel kulul. Dadka baadha dhagxaantan waxa ay dhulka hoostiisa ku leeyihiin waddooyin dhulka hoostiisa mara iyo qolal raaxo leh. Hadda qof kasta waxa uu gurigiisu leeyahay dhawr qol iyo barkad lagu dabaasho oo u gaar ah. Dadka ku nool
Koobar Beedi waxa ay dhulka hoostiisa ka dhisteen madxafyo, maktabado, hudheello iyo waliba kiniisad.
Koobar Beedi waa meel kulul. Wakhtiga xagaaga waxa uu kulaylku gaadhaa 45 digrii. Si ay kulaylka uga badbaadaan waxa ay shaqaalaha macdanta qodaa dhulka hoostiisa ka qotaan hogag iyo waddooyin, waxaanay degaan dhulka hoostiisa. Dhulka hoostiisa, waxa ay cimiladu tahay 24 digrii.