Waayıhii weris mooge ıyo QOSYKEEDA Cabdiqani Xasan Ismaaciil
I. Degmadu saaka codka diiga qololka ka ciyaya, dhibicda roobka gabaxlaha ah ee xalaytoo dhan da’ayay iyo dhirta timirta u badan ee dabayshu magoolisay xamamashtooda ayay hurdada kaga tooseen.Waa bilowga nolol maalmeed shaqo oo tacab iyo beero falasho loo kallaho marka waxa yar ee la heli karo caloosha lagu hubsdo. Mooge waa ma naste aan daalka aqoon wuxuu ka mid yahay beesha saaka cirka godladay iyo cida diiga ku hurda bururay ee maalinta kusoo wajahan la ambaqaadkeeda u tafaxadaynaya. Waa madi aan aabe iyo hooyo tooni ifka u joogin. Labaatankii dhowr gu baa u dheer. Sida uu hooyadiis ka maqlayna wuxuu dhashay gugii webigu fatahay ee tacabka badani beesha ka baabaay. Waa gugii isaga magaca loogu bixiyay ee uu curadka reerka noqday. Aabihiis oo in badan Ilaahay ubad ka tuugayna uu labada gabdadood ee masagada iyo saloolka duban ah uu reeraha beesha wanqalkiisa u siiyay. Sidii caadada ahayd ciyaalku markay dhashaan Mooge isaga lama saarin caleemaha daragya ah ee dalaga la goostay iyadoo loo rajaynayo cimri dheer iyo caafimaad, dumarka beeshuna intay isu soo urureen umay alalaasin. Gugaas wixii dhashayna looma dirto dalag shinayaynta iyadoo la aaminsan in burjigoodu biyo badanyahay, oo habeenkii xidiga magacalihi uu hogosha biyaha leh ku gawdiiday ayay ku beegnayd. Mooge waa sababta uu saaka u jeclaysan waayay dhibicda waayayn ee roobka xalaytoo dhan reeraha mirayay. Beerta uu aabihiis ka dhaxlay oo uu gugan doonayo inuu ku gabadh dhisto ayuu lexo jeclo badan ka leeyahay, saaka si aanu uga fekerin intii hore ayuu ugu fooganyahay “Belo ku beeratay” ayuu niyada ka oranayaa markii ay ka kalla yaacday xisaab uu ku dhiftay inta sanadkan uga soo go’I karta beerta si uu cidlada iyo kelimanada ku raagtay uu raas iyo reer ugu bedeli lahaa, una buuxin lahaa booskii wehel ee ay ka bexeen aabihiis iyo hooyadiis. Mooge oo ku jira xisaabtiisaa ka baahday ayaa ku kallahay hawl maalmeedkiisii shaqo ee maalintaas, gelin hore dhul faagis, caro tuur iyo bacaad celin buu ku fooganyahay marka qoraxdu ku kululaalato ayuu ka hadh gallaa. inta badan xoogay midho ah oo beerta uu ka tiigsaday ayuu afka ku dhuftaa intaasaa hadhiimo u noqota, mararka shaqo badani aanay u hadhsanayna webiga jiinkiisa ayuu kalluun dabasho u aadaa, iyadoo maalintaas wixii malaay ah ee quudkiisa Ilaahay ka dhigay uu la soo dheelmado. Galabnimadii ayuu isagoo daalan, gaajona u raacda uu aqalkiisa usoo caraabaa, halkaasuu hurdo uma hogtee gasiinkii uu caawa caloosha ku seexin lahaa u qalab qaataa oo dabka saaraa. Horaa loo yidhi calool madhan wax ka dhaxan bani ma jiraan laakiin mooge waxa kaga daran cidlada iyo ciirsila’aanta.Wuxuu ku beexaamo ama ku noolyahay lama oga oo waa is koris aan wehel lahayn.
Mooge oo xallay hurdada riyooyin uu jeclaystay ayaa ku arkay ayaa sidii caadada u ahayd lug ku soo waaberiistay goortii geed iyo ruux la kalla gartay. Wuxuu soo dhex jibaaxay beero ay beeshu leedahay oo isku dhafan. Markuu kasoo dhamaaday dhul beereedkii weynaa oo ula ekaa mid sanadka tacab badan laga goosanayo ayaa ku soo baxay aqal uu markii hore is yiri meesha kumuu ool. Waa aqal mus duur iyo caws isagu dhafan lagu meeray, fagaagiisa waxaa xaadhaysa gabadh garays iyo guntiimo xidhan oo timuhuna u tidcanyihiin dhinaca qorax soo baxa ayay usii jeedaa. Markuu isha ka buuxday ayaa wuxuu iskulla hawsay ‘’ Waa iyadii, Waa iyadii’’ waa tii xalay uu haasawaha iyo wada sheekaysiga macaan uu waagu uga beryay, waa tii legdanka iyo laactanku xalay dhexmaray. Waa Xabiibo. Waa gabadha keliya ee uu dhallay odayga beesha ee inta badan catiirka cudbiga iyo dhogarta xayawaanka lagu sameeyay ku fadhiista. Waa nin gadh weyn oo aan madaxiisa tin madow lagu ogayn. Heybad buu u dhashay. Da’daase ka muuqata. Ilaa gumaysigii inuu ku ogaa oo beesha madaxnimadeeda looga danbeeyo ayuu golayaasha beesha ka sheegaa . Mooge wuu la socdaa in uu soo gallay meel aan lagu soo degdegin iyo goobaha barakaysan ee degmadu leedahay. Wuxu isku haaraamay saaka adoo hurdaysan baad soo jarmaaday oo waa adigaa xuduudkaagii dhaafay. Hadana wuxuu iskulla hadlay meesha saaka adigu cagahaaga kumaad iman ee waxbaa kugu lamaanaa marar kalloo badana wuxuu mooday inuu hurdadii ku jiro oo uu dermadiisii cawda ka samaysnayd ku jiifo. Horuu u talaabsaday, markii hore inuu taagnaa iyo in kalle ayuu kalla garan waayay. Xuur ilmeheedii aragtay isagoo la moodo ayuu dhidid u dhamaaday ilaa uu gabadhii foogan laga tiigsa karo u istaagay.Waa doob gaamuray. Gabadh sidan u feydatay kubkeeda riyo mooyee run kumuu arag. Ma danbibuu gallay hadii gabadhan sida geenyada shaaximan qolqolka ku qoofalan ay xalay hurdada kulla bariidsatay, oo ay jidhkiisii dhaxantii jiilaalku qolofta kaga tagtay ay ka dhigtay mid laydha ka xadantoonaya. Mooge oo wadnihiisa sidii durbaan la tumayo, xidididadiisa dhiiga sidaana ay xinjiro dibada usoo tuuri rabaan ayaa bariidayay Xabiibo oo markaa istaag u hollatay. Markay maqashay codkiisa oo jaleecday Kuye waa Mooge waa wiilkii madashii dalag goosiga loogu dabaal degayay ee kal hore ultanka cajiibka ah soo bandhigay. Waa kii qaabkiisa iyo jooga dhismaha jidhkiisu uu qanciyay ee marar badana ay hurdada kulla faraka ciyaartay. Waa kii ay ragba ku indho doogsan jirtay xusuustiisa, aragtidiisa se ay muda badan baadi goobka ugu jirtay. Bariido kadib is waraysi loo oomana lagu dheeraa. Laga war hel in ay nafohoodu isku cindanaayeen. Waa isla doonasho ilaahe aminta oo xun awgeed goor firaaqo layahay iyo jiinka webiga ayaa lagu ballamay. Mooge oo la moodo mid dagaal lagu riiqday libin kalla soo laabtay ayaa tallaabo xawli ah fagaagii kaga dhaqaaqay.Waxaa la horkeenay isagoo cidladii cid uu ka weheshado hellay oo cawdiisii xumayd ka digo rogtay. Dhanka kalle, Xabiibo waa u riyo rumowday. Waa u hogol toostay. Wey ogtahay in ay tahay gabadha odayga beeshu dhallay ee rag fara badan ku haasawaan faaladeeda, waxaa kusoo dhacaysa ‘’ Baga ma gabadh kaa muuq iyo milgo wanaagsn ayaa ifka ku nool’’ Ilaahaw qofaan waxba ogayn ha cadaabin, xabiibo wey ka war ladahay boqolaalka haybtooda ah ee la faquuqay,wey moogtahay boqolaalka la
saanta ah ee goob cunteedyada, iyo gaadiidka gaarka ah loo sameeyay, wey moogtahay boqolaalka iyagoo xoriyadooda u doodaya waran wadnaha lagaga warjeefay. Waxaa dunida kalle iyo meelaha ka durugsan ka dhacaya maxaa iyada ka gallay! Inta isheedu qabato iyadaa u boqorada, sow horeba looma oran aadame waa indho ku garaadle. Waa galab cadceeda kulaylkeeda badnaa ee maanta lagaga raystay. Wuxuu mooge soo dhamaystay hawlmaalmeedkiisii beerta. Wuxuu fadhiyaa jiinka webiga oo ah goobtii lagu ballamay subaxdii waaga hore ay isaga iyo xabiibo isku indha dilaacsadeen. Mooge intii gabadhan ay kulmeenba xisaabtiisu intii hore wey ka badatay . Wuxuu dhegta ka nuugayaa qulqulka biyaha webiga iyo cida shimbiraha iyagoo dheregsan raabe raabe u haadaya. Wuxuu sugoba, wuxuu halacsanayaa bindhaan dumar u eg oo ka soo hadafaaysa wadada aada guryaha beesha. Ilaahaw iyadii ka dhig ayuu ku ducaystay. Mooge isma ogayn goor uu soo istaagay halkii wadaduba ahayd ee ka hor yimid, ‘’Waa xabiibo’’ iyo ‘’ii waran aboowe miyaan kaa raagay’’ ayaa war laysugu bilaabay. Wax mar hasaawe hufan la kalla haadiyo marna waayaha aduun iyo gorfayntiisa lagu arartaba waxaa lagu war hellay qoraxdii oo godkeedii sii weeraraysa. Gunaanadkii hadalka iyo dulucdiisii farta layska saar. Arina meel lagu ogaa. Aabahay usoo gole fadhiiso marka dalagu kuusoo go’o, oo sidii dhaqanku ahaa raganimadaadu ha ii kaa goyso ayaa arin lagu soo afmeeray. Ninba wixiisaa wax u ahe dadkan dhulkan ku dhaqan dhogor xoolaad intifaac kama sugaan. Dhinbiisha hadhuudhka iyo caleenta muuska wax dhaafsiisan oo oon iyo ardaa laga samaysto weligood may arag. Mar nin beesha aan ahayn uu beer dhulka laga siisay xoolo ku dhaqdayna inta oog weyn beeshu shidatay ayaa laga habaaray. Intaan danbaskii xaabadii oogta lagu siraaday meeshiisii laga qaadin ayaa lagu war hellay in ninkii oo ceel lo u horaya uu sac ku durduriyay isagoo nafi aanay ku jirina ceelkii laga soo saaray. Magaalada markii la geeyay naftiisii go’day waxaa cusbitaal kula rooray walaalkiis Dhagjar. Dhagjar oo ah laba xidigoodle, dherer u dhashay dhismaha askarinimona u raaco. Shafka waxaa kaga tigtigan bilad sharafeed uu ku faano, oo dhowaan aabaha Jamhuuriyadu goob fagaare ah ugu tolay. Walaalkiisan uu meydkiisaa xambaarsanyahayna, wuxuu ahaa qurbe joog mudo badan dalka dibadiisa ku maqnaa. Isagoo dhir iyo dhagax jiidhaya ayuu dalka kusoo laabtay dhowaan, kadib markii uu maqlay in uu garab dalkii ku yeeshay. Ka ganacsiga caanaha lo’da inuu maalgelin weyn ku samaysto oo dhul seera ah ooto ayuu ku taami jiray. Xafiisyada dawlada ee beeraha iyo dhulka qaabilsan ayuu judhii horeba isku qaaday. Waa nin la garanayo e, aad baa loo soo dhoweeyay. Waqtigii ugu haboonaa inuu dalka kusoo laabtay baa loo tibaaxay. Isna qorshayaashiisa uu la ciirayo ayuu soo bandhigay. Meelo fara badan baa la kalla dooran siiyay oo loo arkayay in u wanaagsantahay mashruuciisan uu wato. Wuu ka biyo diiday. Ilaa markii danbe dookhiisa la ciyaarsiiyay oo la yiri meeshaad rabtid na tus oo farta noo saar. Waxay kaga dhegtay in uu doonayo seero weyn oo ku qoofalan webiga Janaale. Markii lagu cataabay in halkaas dhul beereed la yaallo ay yihiin oo aan waxba ka banaanayna, wuxuu yiri ‘’War maxaa dhul beereed ah! ma kuwii ugadha ahaa baad sheegaysaan’’ Isagoo qoslayoo sii raaciyay ‘’ War dhowaan kuwa ay isku haybta yihiin waatay cadaankii Rhodesia kalla wareegeen, oo beerihii ay dib u qabsadeen, sow maydin arag sida uu wax soo saarkii beeraha ee dalkaasi uu u riiqmay’’.
Balanqaad iyo jeeb taabasho badan kadib, warqad dheer oo lix hektaar oo isku wareeg ahi ku suntan tahay ayaa farta laga soo saaray. Gaadhi booliis ahna waa la sii raaciyay. Hal gu kamay soo wareegin dharaartaas isagoo aan hamigiisii aan aan ka rumayni uu sac baas oo wiidaysani geeska u daruuray af-rogtana ugu tuuray ceel biyood uu dhaqaalle badan ku bixiyay qodistiisa. Goortii naftiisii goday cusbitaal la geeyayna waxa la xaqiiqsaday inaan naf ku jirin. Dadka dhexdooda waxba kuma qarsoomaane loo sheeg Dhagjar in walaalkii dadkii uu ugaadha ku sheegi jiray ay habeen habaarkiisa ku waabariisteen, kadib markii dhulkii laga qaaday ay ugu darsantay lo’diisii oo dalaga ay iligta kalla soo baxaan carabka marisay. Wuxuu isna balan ku qaaday in arinta walaalkiis ay dil badheedh ah tahay aanuna ka samri doonin. Ma waqti aana laga samraa la joogaa, waa seben xumaaday oo nin ba ninkuu utun u qabay ka cadgoostay e. Laba dharaarood ka dib ayaa lagu aasay xabaalaha dadweynaha iyadoo dad badan oo tolka ahina ay xabaashiisa hareeraha kaga gedaamanyihiin.
II.
Waa casar liiq cirku casuus badan leeyahay .Wuxuu Mooge soo ebyay hawl qabadkii ugu danbeeyay ee uga hadhay dalag goosiga beerta ee uu ayaamahan ku foognaa. Wuxuu tirsanayaa madaxyada hadhuudhka iyo hoobaanta bislaatay ee canabka iyo muuska isagu jirta ee ku hubsaday danbiilihiisa waaweyn ee uu dalag gurashada uu ugu soo talla gallay saaka. Wuxuu maanta islayahay kii ugu ayaanka badnaa aduunka. Wuxuu arkayaa dalagiisii uu bilaha badan ee dhaxanta iyo qabowga leh uu usoo kalihi jiray, ee saacadaha badan qoraxda iyo cadceeda u taagnaan jiray oo maanta midhohoodii guranayo. Wuxuu rumaysanayaa odhaahdii ahayd ‘’ Waxaad beeratid baad gurataa’’ maanta odhaahdani isaga macnaha dulka xaadiska ah ee leedahay wey uga gun dheertay, ujeeda kalloo dad noqosho, tacab iyo wax qabsi ku dhisan baa uga dhex muuqda. Wuxuu ku taamayaa in aanu noqon sidii ay beeshu ka aaminsanayd oo uu maanta dalag uu gacantiisa ku shiniyeey uu guranayo. Intii hore shaki iyo cabsi baa ku jirtay oo belbelisuu qabay maanta ayuuse cuqdadaas ka xoroobay, oo xalaal ka noqday. Wuxuu uu tafa xadaynayaa sidii uu galbaha soo maqan uu Xabiibo iyo reerkooda ugu gola fadhiisan lahaa. Markuu sheego inuu beer weyn leeyahay, dalag badanina u soo go’ay, sidii dhaqanka ahaaa wuxuu filayaa inaan Xabiibo hadal badan laga gelin. Galabtii danbe ayuu Mooge qayd, ul qurux badan oo uu dhawaan qortay, iyo kabo saan biciid ka samaysan isku soo taagayaa. Wuxuu u soo dhaqaaqayaa jihadii uu kaga beegnaa gurigii ay xabiibo iyo reerkoodu deganaayeen. Wuxuu talaabada hoosta kasoo xadaba wuxuu soo gaadhayaa aqalkii aqalada ka duwanaa ee odayga beeshu lahaa, xabiibona boqorada ka ahayd. Irida hore markuu marayo ayuu galab suuban iyo khayr inuu reerka u rajaynayo bariidada ku bilaabayaa, markaasoo sida dhaqanku yahay qofka martida ah gogosha loo fidiyo, lana dhoho ‘’ Minanku minankaagii waaye’’.
Is waraysi guud kadib, Mooge wuxuu xabiibo aabeheed u sheegayaa inuu gabadhiisa xabiibo ay is janteen guur iyo reer sidii dhaqanku ahaana ay rabaan in ay ootaan. Wixii looga baahanyahay oo yarad iyo wanaajin kalle ahna uu diyaar layahay. Wuxuu intaa ku darayaa in uu beer hanti ah leeyahay, dalag fiicanina uu usoo go’ay. Mooge markuu hadalkii dhameeyo, ayaa odaygii gabadha dhallay hadlayaa oo oranayaa’’ Maandhow, gabadhayda intii lagu helli lahaa oo dhan waad keentay laakiin mid keliyaa kaa dhiman waa WIYIL GEESKEED’’ odaygu waxaa hunguri badani gallay markii maalin dhoweyto qolo gawaadhi wadatay ay u sheegeen hadii uu wiyil geeskeed keeno in lacag adag loogu bedelayo, odaynimada beeshana geed adag loogu xidhayo, oo aan cid kalle beesha kalla ariminayn. Wiyil geeskeed laftigeeda ayaa quudhsi ahayd oo madax beeleedyada kalle iska daa in xilkooda lagu xidhee lagulama dhaco. Waa duni dabaqadiba dabaqada ka hoosayso ay cagta hoosteeda gelisay, oo ninba ninkuu ka cudud roonaa cabiidsaday. Mooge oo weedhii WIYIL GEESKEED ay sidii dhinbiil daba qalbigiisa u gubayso ayaa cawdii loo dhigay ka kacay, fagaagii reerkana ka dareerayay. Mooge waa nin deegaankiisa iyo waxa ku nool oo dhan jecel oo xanaaneeya, iska daa wiyil uu dilo oo gees kallo boxo e, weligii shimbir buul kamuu didin. Waxaasoo dhami in ay bulshadiisa yihiin buu aaminsayahay, in ay walaalihii yihiin buu u haystaa, malaha kelinimada iyo walaal la’aanta dadka ka jeclaysiisay isaga. Haseyeeshee, wuxuu isku dirqiyayaa inuu aamino in waqtigaasi uu dhamaaday oo loo baahanyahay in uu nolosha iyo deegaankuu jeclaa arxan daro ku wajaho. Subaxa danbe ayuu qaanso iyo kiish uu falaadho ku gurtay isku jeeni qaarayaaa, hooto iyo mindi afbadana gacanta kusoo qaadanayaa, wuxuu dhex jibaaxaya dhirta fooda isla gashay ee biyaha webiga ka oon baxday, wuxuu il gibidhleeyo oo jabaq dhaadoba wuxuu mar danbe halacsanayaa wuxuu xayawaan u gartay uuse saari waayay wuxuu yahay, horuu usoo afar qaadayaa isagoo meel u dhow oo uu kaga il sugan karo ayuu imanayaa, nasiib wanaag waaba wiyil xalay dhashay oo ilmeheedii hoos jiifo, hootadiisii ayuu liishamayaaa meel uu maqli jiray wiyishu way u dhimataa oo gol jilicda ah ayuu warankii kaga aroorinayaa, halkii bay isku dhacaysaa. Wuu dul imanayaa oo qalabkiisii uu saaka ugu talla galay inuu geeska wiyisha ku siibo si farsamaysan ugu darandooriyayaa, sidii uu markii hore filayay wey kaga adkaanaysaa, hawl badan kadib buu isagoo meel kasti daal la go’antahay ayuu gees dhiig badan la soo dheelamanayaa. Intii uu soo socday, calool xumuu la talaabsan kari waayayaa, nin walaalkii uu la degenaa godob ka gallay buu isu arkayaa, yeelkeede hadii ay xabiibo ii goyso ayuu qalbigiisa gubanaya biyo damiya uga dhigayaa. Wuxuu soo jiitamo wuxuu imanayaa gurigiisii uu saaka ka jarmaaday, biyo iyo midho wuxuu guriga ka hello markuu ka hello ayuu u jeedsanayaa sidii uu abaari lahaa gurigii ay deganayeen xabiibo iyo qoyskooda , jid cadaha gurigooda soo aada ayuu ku soo dhacayaa markuu gurigii soo gaadho, odaygii beeshuna hubsado inuu sido geeskii uu gabadha kaga xidhay isagana xilka iyo lacagta loogu ballan qaaday ayuu hoosta cid ka dirayaa,baaqna ku darayaa in golaha lasoo camiro, golahaas oo foox badan lagu shiday ayaa cawayskii Mooge iyo Xabiibo faraq laysugu xidhayaa, galabtii danbe ayaa iyagoo caleemihii dalagii la beertay lagu saydhayo gurigoodii loo soo galbinayaa. Habeenkaa mooge wuxuu ka adkaaday dhaxantii iyo cidladii oo uu masaafo fog kusoo xidhay, gurigii cidlada ahaa ee uu galabtii kusoo dheelman jiray hada wehel baa u jooga cunta kulul iyo dab dayrta dhaxanta badan uu ka kulaalo ayuu ka hellaa, hada isagoo luudaya guriga ma yimaado, ismaba oga goor uu guriga soo
gaadho oo beertii fogayd kasoo caraabay, marar badan gurigu inuu intiisii ka soo dhowaaday ayuu u maleeyaa. Xabiibo iyadu galabtii casarka dheer bay wixii cunto ee baal leh ee habeenkaa dabka la saarayo kalla hufkiisa iyo kalla haadistiisa iyo arimaha kalle ee guriga kasoo dhallaashaa, wixii intaa ka danbeeyana waxay isu diyaarisaa sidii ay raalliyo wanaagsan u noqon lahayd oo nafteeda qurxin ugu dhaqaaqdaa, marka ay xabiibo irida hore kaga hor timaado ee wixii alaab uu ku raraa ay ka kalla qaado, Mooge kalgacal iyo wehel aanu weligiis arag buu dareemaa, ilmadaana dhabanadiisa ka dareerta, waa lamaane is jecele marka ay cawayskooda dhamaystaan ayay boga iska gallaan oo ay dareenka kalgacal webiyadiisa ka wada dhamaan, aduunyada hadii col gelelafo ma oga, oo miyay joogaanba tuuladii +. .beeshu deganayd ee mugdiga badnayd, aduunyo kaloo iftiin iyo farxad leh ayay ku cawaysimayaan. Iyagoo badhaadhahaa ku jira oo aan bello ogayn lagana mahad sheeganayo roobabkii da’ay ayaa waxaa dabayaaqadii dayrta degaanka ku habsaday tacluus duumo oo tarab tarab u isugu xejisay dhallaankii iyo waayeelkii beesha, maalin aan aas loo dareerin qoraxdu masoo baxdo oo dadkii farihii baa biyo ka galleen. Deegaanka degmadooda la deriska ah oo dhan waxay ka simanyihiin masiibada samaawiga ah ee ku yuurursatay, Mooge oo u adkaysan waayay dhaqaaq la’aanta iyo gurmad la’aanta haysta degmada kana sii xanuunsaday duqii gabadhiisa dhallay oo sakaarad ah ayaa maalintii danbe intuu weeso biyo ku shubtay wadada degmada ugu dhow ee ay baaburtu marto xageeda u dhaqaaqay isagoo ka rajo qaba bal inuu arko wax caafimaadka qaabilsan si uu u gaadhsiiyo warka degmada ee dhiilada leh, intaanu jidka gaadhin wuxuu la kulmay raxan shaqaalle caafimaad ah oo daawo ku qeybinaya degmooyin u dhow. Mooge oo is weydiiyay sababta loogu iman waayay iyaga malihiisana u qaatay inay war la’aan iyo xog yari ay tahay, ayaa ku dadalaalay in uu arko qofka madaxda u ah kooxdan caafimaadka si uu fariinta gargaarka degdega ah u gaadhsiiyo, gacan iyo taakulona helo. Ninkii meesha haystay markii loo tilaamay ayuu mooge si diiran gacanta ugu soo fidinayaa, si nin meel adag ku jiray oo shimbirkii naxariista siday arkay. Laakiin horjoogihii caafimaad isagu ismaba dareensiin gacantaa Mooge, e maxaa daran jaalle buu hadal uga bilaabay isagoo wejigiisa arxan dari ka soo if baxday, maba moodid mid loo soo diray inuu nafo badbaadiyo. Mooge oo isku qaboobay ayaa gacantiisii dib ula laabtay, hadalkii uu soo waday ayaa ka kalla duulay, wuxuu hadal kasoo bixi waayaba marka danbe ayuu ereyo murugo iyo hiirtaanyo ka muuqato ku oranayaa ‘’ Maxaad beeshan halkan ku baabaday ee is dul taalla ugu iman weydeen’ goob joogihii meeshu oo dhoola cadeeynaya dana aan ka gelin dhiilada ninkan ka muuqata ayaa intuu timihiisa baaqbaaqo oranaya ‘’ Oo idinkana bahasha idin laysay cidba reebi maysee, ha werwerin! difaac baad u leedihiin idinku oo waad ka caafimaadaysaan’’ intaas intuu ku tuuro ayuu iska dhaqaaqayaa . Horjoogahan caafimaad fariintaa uu bixiyay maaha mid uu u cuskanayo buugaagta daawada, iyo xaqiiqo cilmi ah oo kalle toona . Mooge oo ciil iyo cadho la caga jiidayaa ayaa meeshii ka jeesanaya. Wuxuu soo hadhgaloba goor casarkii ah ayuu gurigii kusoo aadayaa, isagoo aan futada dhigin ayaa waxaa dhanbaal naxdin leh kula soo dhacaysa afadiisii xabiibo waxay u sheegaysaa ah in odaygii sodogii uu galabta baxay, halkaasuu Mooge fadhiisan maayee uu duugtii odayga iyo hawshii kalla gudboonayd gellayaa.
Aaskii duqa si aanu filanayn Mooge ayaa looga soo qayb gallay oo dad badan oo qoryo dab ka baxayo cirka u taagaya ayaa hareeraha xabaasha ku xoonsanaa, sidii boqor shinidii laga qabtay ayaa gurxanka ka baxaya qofkii arkaa uu moodayay raxan libaaxyo ah oo godkoodii loogu gallay, beesha isuu soo ururtay intooda badani waqtigan ma habaartamayaan laakiin Ilaahay waxay ka tuugayaan inuu ka dul qaado belaayada ku habsatay ee aan ciyaal iyo ciroole, madax iyo majo midna dhaafin ee birta ka wada sintay. Waxay Ilaahay uga ashkatoonayaan bulshada aan arxanka iyo isu tudhka toona aqoon ee uu ku dhex beeray. Awal bender waxba ugamay baahnayn oo midhohooda iyo biyohooda ayaa wax kasta u ahaa, laakiin hada markay baahiyi timi ayaa waxay dareemeen inay ku dhex noolyihiin goob ayaan daran oo lama dugsadaan ah. Waxay tebeyaan xuquuq badan oo ay xaq u lahaayeen in la dulmiyay oo la duudsiyay baa u cad, cid maanta ay garanayaan oo xaqooda u doodi kartaana ma jirto, oo weli miyay arkeen wax dani kasoo gashoba, malaha wey ku khaldanyihiin in ay ka fekeraan kelmedaha xaq, xuquuq iyo wixii la halmaala.
III. Dhowr bilood ayaa laga joogaa maalintii odaygii beesha ciida lagu hubsaday. Waxaa dhulkii Ilaahay ka qaaday musiibadii meertada ahayd ee waqtiga adag markisay. Dhulkii baa qallalay, geedihiibaa qoyaankii ka yaraaday, warahii biyaha dayrtu ku jireen ayaa qolof qalalani dul martay; waxaa yaraaday biyihii webiga. Waa jiilaal badhtamihii. Waxaa waqtigaa habeen ka mida ku astaysan sidkii xabiibo oo beryahan culays la heetinaysay . Waxaa laga war dhowrayaa foosheeda iyo waxa ay ifka kusoo biiriso. Wax la sugoba goor cawayskii dhexe ah ‘’ Alla waa gabadh’’ ayaa qolqolka ka yeedhay. Aabeheed oo maqlayay codkaa baxay ayaa yiri ‘’ Waa weris, waa weris oo waa hooyadeed’’ wuxuu u ku niyad sanyahay inay noqoto tii hooyadeed dabeecada iyo dadnimada ka dhaxasha oo sida xabiibo oo kalle waqti adag iyo mid aaranba aan liicin, wanaageeda iyo macaankeeduna aanu gudhin, ee noqota il gu iyo jiilaalba biyaha laga durduurto. Wuxuu xusuustay maalintii hooyadii ku tidhi ‘’ Waxaad dhallatay gugii webigu fatahay tacab beereedka badana lagu waayay’’ waxaa hadana kusoo dhacday in gabadhiisu caawa ay jiilaal dhexdiis ku beegantay oo webigu biyihiisii dhimay. Waxa halkaas uga soo dhex baxay is diidis weyn iyo waqti kalla duwanaasho amakaag ku keentay. Wuxuuse niyada ku qaboojistay in gabadhiisa uu magaca hoodada xanbaarsan ee Weris uu ugu magac daray aanay sidiisa mid ayaan daran noqon doonin. Afar gu ayaa kasoo meertay habeenkaas uu Mooge fadhiyay ardaagiisii niyad samidana ugu rajaynayay gabadhiisii habeenkaa ifka timi, gabadhaa iyada ah waa werise way kuraankurtay oo waxay noqotay socod barad cagaha wax loo geliyay oo aabeheed bari iyo bogoxba la aada, waa ubadka keliya ee Ilaahay isaga iyo Xabiibo kalla siiyay oo aad buu u jecelyahay. Dharaartii danbe ayaa iyadoo weris aabeheed ku weheliso beerta ayaa waxaa dhinac kalle kasoo istaagay laba gaadhi oo ciidan hubaysani saaranyahay. Baaburtii ayaa laga satay oo waxay weris ku sastay qararacdii qoryaha iyo jaantii dhulka kaga gariirsiisay ee ciidanka baaburta dhulka kaga soo daatay, aabeheed oo yaaban ayaa yiri ‘’ Oo waa askare, tolow maxay rabaan?!’’ belbelisaa Alla u tuuray wuxuu markiiba fahmay inay yihiin ciidankii warqadaha waraska ah la wareegi jiray. Weris iyada laakiin
waa markii u horaysay ee ay maqasho kalmada askar. Waa garteedoo dhul nabada oo aan bello qabin bay ku kuraankurtay. Markiiba afkaa laga soo gallay iyadoon waxba la weydiin ayaa hadal kulul lagu yiri ‘’beertan wixii kaa yaala ka ururso oo yaanu kuugu soo noqon’’ Mooge oo yaaban ayaa yiri ‘’ Beertan aabahay baa iiga dhintay oo aan ka dhaxlay, dhididkaygii iyo dheecankaygiina iyaduu ku jiraa ee sidaan uga tagaa’’ dood dheer baa dhex martay. Nin shaarubo dhaadheer lahaa, oo malaha taliyaha meesha ahaa oo intii hore isagu gaadhiga shidkiisa sigaar ku cabayay, ayaa intuu u ka xanaaqay ninkaa dooda furay soo degay oo sadex xabadood oo baaskoolada intuu laabta kaga jiiday yiri ‘’War waxa qoloftiisa naga leexiya, oo hawlihiina qabsada’’ . Mooge oo naf yari ku jirto ayaa dhulka ku dhacay oo jirjircadka goostay. Dhiigiisii ayaa tog noqday xididka wadnaha ee halbowlaha ayaa go’ay. Mooge oo aduun iyo aakhiro u dhexeeya ayaa waxaa la horkeenay maalintii uu wiyisha dhashay uu goljilicda ka wareemay ee uu dhiigeedii dhulka ka waraabiyay, ereyadii u danbeeyay ee afkiisa ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa ’’ WIYIL GEESKEED’’ iyo codad guul daro muujinaya oo aan la fahmayn micnohooda. Xabiibo oo saaka caws ay beryahan tolniinkiisa waday maxaadh kulla jirta ayaa maqashay sanqadha rasaasta dhacday. Waxay u malaysay inay yihiin qolyo gabraarato ah oo beryahan ugaadhii si xun u dhameeyay. Dhowr daqiiqo kamay soo wareegin sanqadhii baxday markii ay Xabiibo irada iska soo taagtay gabadheedii Weris oo labada daan xunbo ka ridaysa. Waxay iyadoo ooyaysa war ugu soo koobtay ‘’Hooyo aabe waa la dilay’’ . Xabiibo oo ku barooranaysa ‘’ Ma maantaa gurigay ba’ay’’ ayaa isku sii daysay beertii oo markaa shaagii u danbeeyay ee ciidankii Mooge dilay uu ka dhaqaaqay. Waxay isa dul taagtay meeshii uu mooge ku qudh baxay. Inta baroor iyo qeylo midna kasoo bixi waayeen, ayay lugaha iyo gacmaha isu duday ,indhahana gacmaha ka marisay, meydkiisina go’ii ay sidatay dusha ka saartay. Xabiibo waxaa dhegeheeda kusoo dhacaya rasaas goosgoos ah, intay inanteedii yarayd gacanta qabsatay ayay gurigoodii miciinsatay. Ciidankii Mooge dilay wuxuu gelelefay degmadii beeshu deganayd wuxuu birta ka aslay dhamaan wixii amar diido sameeyay ee dhaga adaygay. Guryihii meesha ku yaallay dhamaana dabkaa loo tuuray. Markii la soo gaadhay gurigii Mooge ayaa xaaskii Mooge intay is hayn kari wayday ay nin askari ah oo gurigooda gaas ku belbelinayay dhirbaaxo ku dhifatay, kii askariga ahaa ayaa u holladay inuu xabad iskaga furfuro, taliyahii meesha ee arxanka daraa ayaa intuu dhulka usoo degay yiri ‘’ War naagta iyadoo ooman ha dilina, nacallaa idinkuma yaalle’’. Xabiibadii Mooge ku indha kuulan jiray askar aan sanado taf naageed arag ayaa isaga degay, oo weli iyadoo weli qaar usoo hamuumayaan ayaa taliyihii meeshu amar ku bixiyay in baaburta la fuulo oo degmado la baneeyo intaan habeenku soo haleelin. Weyba nasiib badantahay hadaan markii laga dan dhamaystay aan xabad lagu tuujin. Weris hooyadeed markay miirowday waxay talo ku gaadhay in ay dhulkan ooda loo rogay ee gabaahiirada ah ay ka tagto oo meel uun iftiin leh oo dad ku noolyahay ay nafteeda iyo inanteeda yar la beegsato. Waxaan ka dheerayn oo in yar u jirta wadada hal bowlaha ah ee aada magaala madaxda. Halkaa inay fadhiisataan oo Ilaahay cid uun u bixiyo ayay rajaynaysaa. Waxay wadada kuududaaan oo hadba gaadhi ku dhaafoba, goor ay casar liiq tahay ayaa waxaa soo maray gaadhi nooca FIAT 23 ah oo ah moodo dumarka waqtigan jooga qaarkii markay arkaan uu carabku kasoo dhaco, oo halabsigiisa loo kalla beretemo. Marka lagu kalla bixi waayana tii daaqada hor qabsatay loo daayo. Gaadhiga waxaa wata nin muraayado waawayn oo aad moodo in ay sankiisa ku dherersanyihiin sita. Wuxuu la yaabay tan cidlada uu caawa kaga soo baxday isagoo gallabta shan iyo toban kiiloomitir soo safrayna ma rabo in uu shidaalkiisu ka khasaaroobo oo uu hungo ku noqdo. Wuxuu
is oranayaa tani kaaga dari maysee caawa dhaxanta kaga baxso, laakiin markuu gaadhigii u istaajiy oo ay fuulayso ayaa wuxuu arkay wax cunug u eeg oo ay dhabteeda kasoo rogtay gaadhigana saartay. Markaasuu candhuuftiisa dib u laqayaa oo oranayaa caawaad umul soo xambaaratay, weliba ah beeshii heblaayo ee lala sinji diriri jiray markii la doonana dalalka deriska inay u dhasheen lagu afgobaad san jiray. Markuu waraystay, waxay u sheegtay in ay tahay hooyo deegaanka ah oo magaalada arin ka rabta oo ay uducayn lahayd hadii uu magalaada geeyo, umay sheegin wixii ba iyo balanbal qabsaday oo waxay is tiri sow meesha lagaaga dareere. Weris hooyadeed Xabiibo ma aha markii ugu horeysay oo ay magaalo tagto dhowr jeer ayay aabeheed benderka isagoo deleg u suuq geynaya magaalada usii raacday, laakiin nasiibdaro, cidna kama xusuusto meelihii iyo cidihii uu uu aabeheed u tagi jiray. Cabaar markii ay socdeen ayaa raadiyow codkiisa ay saari weyday meesha uu ka baxayo waxay ka maqashay in dawladu heshiis la gashay heyado shisheeye oo masnooyin waaweyn laga abuurayo degaaamo ka mida kuwa ku xeeran webiga Janaale, si loo haqab tiro baahida loo qabo dalagyada kalla duwan. Waxaa raadiyowga laga waraysanayaa nin Jaalle Dhagjar lagu sheegay oo la yiri martida shisheeye iyo madaxda qaranka ka tirsan ee beri meesha booqanaysa ayuu goobta kusoo dhowanayaa. Waxaa laga waraysanayaa tabaabusha iyo sida wax usocdaan. In meelihii martidu kusoo degi lahayd la diyaariyay oo goobihii berito la dhagax dhigi lahaa oo dhana la sallaxay ayuu ka tororog siinayaa. Codka meesha ka baxaya ayay judhiiba soo saartay waa ninkii maanta goobta xille dhigay ee reerihii beesha ooda u rogay. Waa ninkii saygeedii Mooge rasaasta ku qaboojiyay ee dhiigiisa dhulka ku ranjiyay, xabiibo intay wareertay bay miyir saaqantay. Waraysigii dheeraa ee ninku gooruu dhamaaday may maqlayn. Waxay ku sastay, weriyihii raadyowga ka hadlayay oo leh nagula nastan heesta macaan ee uu ku luqeeyo fanaanka toolmoon ee Maxamed Mooge. Waxay mooday Moogeheedii uurka kaga yaallay oo intay soo booday bay tiri ‘’Alla igaarkay Mooge’’ markaasaa ninkii gaadhiga watay yidhi ‘’ Ma waxbaad isku tihiin?’’ markaasay intay isku naxday tiri ‘’ May e waan ka hellaa’’. Su’aashaas hore ayuu markii danbe xusuustay inuu ku khaldamay oo Ina Mooge iyo gabadhani inay dad kalla dheeryihiin ayuu dib ka fahmay, oo wuxuu garwaaqsaday hadii maanta cid kalle la joogi lahayd in xaal badan oogadiisa la saari lahaa, oo intu isku qaboobay ayuu iska aamusay. xabiibo waxay dhegeheedu qabanayaan qeybo ka mida heestaa raadiyowga ka dananaysay, oo ay kamid ahaayen:Tiiranyo cudur iyo nimay tawsi haysaa ileen taah ma daayee I taageer allahayow arintaydan kalla taal adaa toosin karayee Waxay rumaystay in ay maanta doontaa Maxamed mooge ay saaranyihiin, oo jid iyo ceelba ka lumay, cidla ciirsilana ay taaganyihiin. Waxay Weris hooyadeed mawjahadahaa waayaha aduun ah dhex muuqorto oo midiba mid u dhiibtaba, waxaa indhaha ka qabanaya laydhkii wadada ee gaadhigu marayay. Waxay soo galleen koonaha magaalada. Waa magaaalo culays dadka camiray la ciiryoonsan, oo malaha aad moodid inay ka afeefanayso martigelinta Weris iyo hooyadeed. Wuxuu gaadhigii shaago soo rogaba markii uu usoo dhowaa kotoroolka magaalada laga galo, ayaa ninkii baaburka watay wuxuu xusuutay in meesha uu ka shaqayn jiray nin seedigiis ah oo hadii lagu arko isagoo dadkani gaadhiga u dhex fadhiyaan magac xumo
iyo ceebi ka raacayso. Markaasuu intuu gaadhigii hakiyay, Weris iyo hooyadeed u sheegay inay degaan. Waa dad maanta qalbigu jabay e, hadal iyagoon soo celin bay dhulka boobeen. Marka laga reebo laydh iftiinkiisu aanu saa usii baahsanayn oo wadada ka baxaya mooyee, dhulka intiisa kalle gudcur maagan gooye ah ayaa kasoo neefsanaya, waxaa dad ugu dhow askarta fadhida kontoroolka magaalada laga gallo oo dhowr boqol oo tallaabo u jira, kuwaasna sas bay ka qabaan oo markay wax qori sita arkaan baa hoogii maanta ku dhacay la horkeenayaa. Xabiibo intay gabadheedii yarayd xambaarasho ku tigtigtay bay intay bisinka hoosta ka qabsatay wadada dhineceeda qaaday, qofka marka baqdani hayso ma dareemo dhulka kalla fogaanshihiisa e, waxay soo socdaanba waxay kasoo dhamaadeen dhulkii dhirtu ku teedsanayd oo waxay soo gaadheen meelo filooyin teel teel ah oo waawayni ka dhisan yihiin.
Filo malaha dhowaan la dhisay oo deyr weyn oo qabyo ahna lagu soo wareejiyay ayay dhaxanta ka miciin bidayaan. Waa qof xalay oo dhan lug usoo haysay e markay meel dabada la heshay ayaa Xabiibo hurdo culusi ku yuruursanaysaa. Waxay ku baraarugaysaa uun fallaadhaha cadceeda subaxnimo oo indhaha ka dhallaalisay. Cabaar markay xabiibo indhaha marmaratay, waxaa albaabkii filada weyn si kedisa u furaysa gabadh shaqaalle ah oo mafiiq ay rabto inay dhulka ku nadiifiso subaxa hore lasoo kallahday. Gabadhii intay naxdo ayay dib u hakanaysaa, hadana waxay ka shakiyaysaa in dadka meesha fadhiyaa ay u eg yihiin dad ay garanayso, marka ay usoo dhowaato ayay hubsanaysaa in aanay ahayn cid ay garanayso balse ay yihiin kuwa kamida beeshii ay isku haybta ahaayeen. Xabiibo oo ku diirsatay in cid u diirnaxaysa meesha ka hesho ayaa gabadhii shaqaalaha ahayd uga waramaysa dhibaatadii qabstay. Inantii intay ka ilmaysoo arinkaa ayay xabiibo u sheegaysaa inaanay waxba u qaban karin, balse ay ka bixin karto kuumiyada yar ee gawaadhida magalaada lagu raaco. Marka xabiibo u sheegto in aanay jid iyo ceel toona garanayn, ayay waxay u tilmaamaysaa xaafad isku raran ah oo magaalada ku taal, halkaas oo ay isleedahay cid dadka ah bay ka helli kartaa. Gaadhi magaalada usocday ayaa weris iyo hooyadeed fuulayaan, gabadhii shaqaalaha oo aan ka hadhina waxay kalla dardaarmaysaa lacag ururiyii meesha in gabadhaa isa sidata meeshay rabto lagu hubsado. Waxay duni xariir ah iyo daaro dhaadheer dhaafanba, wuxuu gaadhigu u istaagayaa meel qashinka iyo il xumada lala amamkaagayo, halkaasuu meel habaas weyn u istaajinayaa una sheegayaa inay tahay goobtii ay u socdeen, xabiibo waa markii u horaysay ee aragto meel sidan isheedu u diido. Intay gabadheedii soo daadahsato ayay xaafadii ku aroorayaan.
IV. Dhowr caanamaal ayaa ka soo gudubtay maalintii xabiibo iyo gabadheedu ay xaafada isku raranta ah yimaadeen, kumayse hungoobin oo dad meesha uga soo horeeyay oo aabeheed garanaya ayay ka heshay. Waxaa loo ururiyay cayman iyo baco ay ku dhisato meel ay bacadka qoraxda ka hadh gallaan oo itaalkii waa loo hagarbaxay, shaqada dumarka meesha degani inteeda badani qabtaan oo ah
booyaysatona waa lala doonay, oo waxay heshay guri hawl badan laakiin ay xoogaaga yar ay ku noolaadaan ay ka hesho. Weris hooyadeed waxay bulshada ka maqashay inay jiraan goobo lagu xanaaneeyo caruurta bilaa aabaha ah. Dharaartii danbe ayay gabadheedii gacanta qabsatay oo la beegsatay meel degmada ay deganyihiin u dhow oo loo tilmaamay. Markii ay tagtay sheegtayna in ay wado gabadhan oo bilaa aabe ah waxaa maamulihii meeshu si guracan oo adag ugu sheegay in aanu qaadan karin gabadheeda sababo la xidhiidha muuqaalkeeda guud iyo abuurteeda awgeed. Layaab maleh oo waa DUNI madaxa ku socota oo majeheedii cirka eegayaan, waa DUNI dulmigu noqday hoyga barakaysan ee la dugsado; Allow sahal. Waxay xabiibo iyo gabadheedu noloshooda qadaa ma dhergaanka ah ee dhibta kalle ee bulsho ka sooca, iyo faquuqudi u dheertahay ku jiraanba, subaxda danbe ayaa waxay ku waabariisanayaa rasaas aan kalla joogsi lahayn oo bari iyo galbeed kasoo dhacaysa. Dadkii magaalada ayaa isku dhex yaacaya, meel kasta waxaa la arkayaa dad teel teel ah oo qoryo degta kulla yaacaya rasaas aan jiha lahayna dhinacyada u ridaya. Afar caana maal oo isku bixisa markii dagaal qadhaadhi socday ka dib ayaa raadiyowgii jamhuuriyada laga sheegay in dalka jabhado hubaysani gacanta ku dhigeen, taliskii dalka ka jirayna afka ciida loo daray. Marka hadalkaas la maqlo ayaa bililiqo iyo boob xoog leh lagula dhaqaaqayaa goobihii dadweynaha iyo kuwii gaarka loo lahaa. Nin kasti wuxuu haleeli karayay ayuu gacanta kasoo buuxsanayaa oo meeshuu wax ku ogaa ayuu abaaraya. Tvyada wararka ee caalamka oo dhan ayaa waxaa laga sheegayaa in dalkaasi uu gallay xilli fowdo iyo kalla danbayn la’aan ah xukuumadii dalka ka jirtayna meesha laga tuuray. Waxay kusoo celcelinayaan sawiro muujinayaa dad gadoodsan oo laydhadhkii iyo tabeelayashii wadooyinka sudhnaa ku qamaamaya oo dhulka dhigaya. Lug iyo faras ninba tuu awoodo ayaa magaalada lagaga baxayaa. Xabiibo iyo gabadheedu waxay ku jiraan kuwa lugta miciinsaday ee is leh xabada duulaysa meel aad kaga gabataan raadsada. Iridaha magaalada laga gallo waxaa fadhiya maleeshiyaad aan arxan lahayn. Dadku markuu halkaa soo gaadho wuxuu saf usoo gallayaaa meel lagu xidhay marooyin calal ah oo dadka magaalada kasoo baxaya lagu baadhayo. Umada waa la kalla soocayaa, inta goonida loo saaray marka ay isku biiraan ayaa xayn xayn rasaas loo marinayaa. Xabiibo iyo gabadheeda Weris waxay ka mid yihiin dadweyne tiro badan oo saf ugu jiraa meesha dadka lagu hojinayo. Safka isna waxaa ku jiro waa maalin aduunyaade, Dhagjar oo ah ninkii xabiibo seyga tiray Werisna agoomeeyay, ee beeshii nabdoonayd ee webiga janaale coonkiisa deganayd gelengesha ka dhigay. Wadnhuu farta ku hayaa. Dhamaan wixii astaan lagu garan lahaa oo dhan buu iska soo dhigay. Goor la sii daayay oo uu socod u dhaqaaqay ayaa waxaa kasoo daba booday dable uu taliye u ahaa beri oo ciidankiisa ku jiri jiray oo dib ka gartay. ‘’ War ma dhagjar baad sii deyseen’’ intuu yiri ayuu qasnad rasaasa ah ku dhameeyay. Dhagjar oo hilibkiisii bislaaday ayaa dhulka sii xoogle ugu dhacaya. Xabiibo dhowaanahaba ninka way soo saari weyday laakiin markii Dhegjar ay maqashay bay garatay.Sidii Mooge ayaa isagana dhiig badani ka baxay oo weyba ka naxday. Laakiin nin kasti wuxuu galabsaduu hellayaa, miyuu is lahaa sidan xilleh baad u baxaysaa oo dable aad taliye u ahayd baa ku dilaya, miyuu is lahaa
gabadhii aad saygeeda shafka ka toogatay ee aad iyadana faraxumasay ayaa markay aragto sida fooshaxun ee laguu dillay intay is ilowdo kaa naxaysa. Xabiibo iyo gabadheeda Weris marka la arko ishooda liidata iyo haybtooda hoosaysa ayaa layska sii daynayaa. Waa markii u horeysay oo wax naftooda anfacay ay habytooda awgeed ku helleen. Markay naftooda lasoo badbaadan ayay waxay soo beegsanayaan meel dadkii maxasta iyo intii socon kari wayday ee magaalada kasoo qaxday ay degtay. Halkaasay hoy kalle ma haystaane dhirta hoosteeda cadceeda ka gellayaan. Dhowr bilood ayaa kasoo wareegaysa maalintii magaaladii weyneyd lasoo haawiyay oo bisadaha iyo eyda looga soo tegay. Malaa dadkii maxaysatadaha ee qaxay waxaa dhaamay bisadahaa iyo eeydaa magaalada lagaga soo tegay, oo waxay meel kasta ka helleen hilib dad oo ay dufan badan ka heensadeen. Lafihii yaraa ee hadba loo tuuri jirayna dhogor wanaagsan baa ka martay. Bulshadii meesha tagtay markii wixii yaraa ee ay meesha la yimaadeen ka dhamaadeen baahi macaluul isu rogtay baa ku habsatay oo waxaa quud u noqday caleemaha dhirta. Weris oo sideed jir xaab dhacaya ah ayaa maalintii danbe hooyadeed usoo sheegtay in baabuur niman saan cadi saaran yihiin uu raashin ku daadiyay meel u dhow xerada. Iyada hooyadeed waa laysi soo raacay bal si wuxuun ay uga soo qaataan meesha. Iyadoo meeshii lagu xoonsanyahay ayaa qolo shufta ahi meeshii rasaas ku asqaysay.Weris iyo tiro yaroo kalle ayaa nabad qab ku baxsatay. Hooyadeed xabiibona waxay ka mid noqotay dadkii badnaa ee gawaankii raashinku yaallay la dhigay. Weris Mooge oo noqotay qori san iyo af leh ayaa waxaa macaluushii u raacaya, hooyo la’aan iyo cid la’aan. Maalin kasta waxay arkaysaa caruurtii ay isku dada ahaayeen oo xaabalo wadareedyo lagu aasayo. Silicii iyo saxariirkii faraha badnaa ee goobta ka dhacay oo dhan bay goobjoog u ahayd. Maalinta danbe ayaa iyadoo tira caruura oo lafa iyo harag noqday dhex yoxoobta, waxaa xeradii soo booqanayo qolo saancadayaal ah oo ay ku jirto islaan madow oo la dhaho Helen Thomson oo Gobolada Midoobay ee Maraykanka u dhalatay. Hellen Thomson waa konton jir, hanti badan leh. Biniaadantinimada jecel. Dadka warka macaluusha iyo gaajada markay maqleen gurmadka biniaadantinimada u yimi bay ka mid tahay. Helen Thomson waxay ku dheygagtay Weris Mooge. Waxay ula eekaatay gabadheedii Kiana Thomson ee shan sano ka hor markii duufaanta xumi ku dhufatay gobolka ay kasoo jeedo ee New orleans la waayay, welina soo cad. Islaantii Helen intay tuurtay buskud ay ciyaalka meesha jooga u qaybinaysay, ayay kusoo booday oo laabta gashatay Weris Mooge oo lafa isa sudhan ah. Markii laga dhaqaajin kari waayay ayaa waxay ka fursan waayaysaa in gabadhii yarayd ee aan cidina dhalin ee Weris Mooge maqaarsaar ay ku godlato looga dhigo islaantii Helen Thomson.
V. Waris Mooge maalintii ay kasoo samata baxday gahiirtii iyo hoygii dhimashada dhowr iyo labaatan sanaa laga joogaa hadda, waa barqanimo aan sinaba ugu dhowayn barqooyinkii ay ku garaadsatay ee baaruuda, gaajada iyo dhimasha miidhan ahayd; waa barqanimo aanay qoraxdu dadka jiidhkooda aad u diirinayn. Waa Weris Mooge kale iyo aduun kale. Goobta la joogaa waa dhismaha gaboobay ee Jaamacada Yale,New Haven, CT 06520, Maraykanka. Waa goob aad u camiran oo hawada u furan. Indha nololi ka muuqato ayaa ka wada buuxa. Dadka foolkooda farxad iyo raynrayn baa ka burqanaysa. Qushuuc iyo dareen gaara ayaa lala wada maranyahay. Waxa dadkaas dhexdooda ishu ku dheeranaysaa gabadh wejigeeda maariinka ah iyo falaadhaha qoraxdu markay is haleeleen dareen gaara abuuraysa. Waa Weris Mooge. Waxaa lagu casuumay in ay kelmed musaabadda. Waa halkii ay waxbarashada sare ka bilowday mudo aan badnayn ka hor. Sanadaha ay dhiganaysay jaamacada ayay qortay buug nolosheeda wax badan u taray . Buugeedaasu dalka oo dhan noqday ka ugu iibsiga badan oo majaladaha buugaagta ayaa magaceedu sanada farabadan kusoo baxay. Waa marka ay bilowday xirfadeeda cusub ee qoraanimo oo ay ku mutaysatay abaal marino lacag iyo aduun badan u dhigma. Waxay ka qalinjabisay kuliyada warbaahinta. In badan kumay shaqayn xirfadaa marka laga reebo mudo kooban oo ay tifatire u ahayd majalado maxali ah. Maantan waatan! Waa iyadii oo lagu casuumay madasha dufcad ka tirsan ardayda gugan qalin jabinaysaa!. Waxaa hadalka qaatay oo goobta kusoo dhoweeyay madaxweynaha ruugcadaaga ah ee jaamacada Jimmy Brendel. Cod culus oo wayeelnimo ka muuqato ayuu sidan ku bilaabay ‘Mudanayaal iyo marwooyin waxaa ii sharafa inaan halkan kusoo dhoweeyo mid kamid ah dhaxalka qiimiga badan ee jaamacadan ka soo baxay. Waa magac aad In badan aad akhrideen ana aan maanta halkan ka akhriyayo. Waa qoraayaada caanka ah ee Weris Mooge….’’ Foodhi, sacab iyo qaylo ayaa samada isku shareeray markuu madaxweynuhu hadalkiisii koobnaa dhameeyay. Weris oo dharka maamuuska ee jaamacada xidhan ayaa goobtii khudbada isa soo taagtay. Maalintaa khudbadii taariikhda gashay ee ay halkaa ay ka marisay waxay noqotay mid hadal haynteedu dheeraatay. Weris Mooge si qumaati ah bay af soomaaliga ugu hadashaa. In badan oo kamida lacagta ay ka hesho abaalmarinaha iyo iibsiga buugaagteedana waxay ku bixisaa daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada caruurta ee qaarada Afrika . Qof kasta-siiba soomaali ah- oo ay uga sheekayso waayihii xanuunka badnaa ee ay soo martay iyo sida ay weli u jeceshahay dalkeedii hooyo iyo dadkeediiba inta uu is hayn kari waayo ayaa ilmo ka hoortaa, oo uu habeeno badan hurdo iska waayaa. Markaasuu is weydiiyaa: Maxay tolow tahay dun wanaagaa aan wax loo dhigaa jirin? Maxay tolow tahay dadnimadaa heerka saraysaa ee mar la araga ahi? Adigu xageed ka joogtaa hadaad isku dhereriso Weris Mooge? Alleylehe gob iyo laandheere waa intii Weris Mooge iyo qalbigeeda leh intuu dhaho ayuu maskaxdiisa su’aalaha badan ku furtay gunaanad uga dhigaa.
DHAMAAD
‘