Bille, Muqdisho Sebtember 2017
MASAR IYO
SOOMAALIYA: IS BEDELLADA SOOYAALKA AH
SOOMAALIYA IYO MASAR AYAA DIB U XOOJINAAYA XIRIIRKOODII SOO JIREENKA AHAA KADIB KULANKII QAAHIRA
Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyrre
TUSMO
MUUQAALLO MUDNAAN LEH 3 Madaxweynihii hore ee soomaaliya cabduqaasim salaad oo ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay is cafiyaan illahayna ay u soolaabtaan... 4 Madal Kulmisa Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Haweenka Bulshada Ra’yidka oo lagu sameeyay Muqdisho...
WARBIXINNO 6 MASAR IYO SOOMAALIYA: Is Bedellada Sooyaalka Ah...
HAWEENKA 12 Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo Bilowday howsha lagu Sameynayo Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka... 14 Haweenka iyo Nolosha...
HAKA QUUSAN GUUSHA 16 Kumaa Tahay?
20 Faafaahin Ku Saabsan Indho Xanuunka
NOLOSHA ISLAAMKA 22 Dhahaarada iyo Muhiimada ay leedahayd qeybtii saddaxaad (4)...
SHEEKOOYIN TAXANE AH 24 Nabsi...
LA YAABKA ADUUNKA 18 Gobol Dadka Ku Nool U Badan Yihiin Dad da’doodu ay ka weyn tahay 90 sano
8 Xukuumadda Soomaaliya oo Wajaheysa Jahwareer Warfaafineed... 11 Tirada Ay Saameysay Nafaqo Darrida, Barakaca Iyo Daacuunka 6-dii Bil Ee La soo Dhaafay...
COSOB 1
CAAFIMAADKA
Sebtember 2017
Muuqaallo Mudnaan leh
Madaxweynihii hore ee soomaaliya cabduqaasim salaad xasan oo ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay is cafiyaan illahayna ay u soolaabtaan. Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar shaqo dhawaan ku tagay dalka masar ayaa kula kulmay dalkaasi madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee dalka mudane Cabduqaasim Salaad Xasan oo xiliyadii dambe deegaan u ahayd dalkaasi, Cabduqaasim Salaad waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay sida dalku ugu soo kabanayo buru burkii mudada uu ku jiray waxaa kaloo uu yiri; “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaayaa hadii horta aan Illahy loo soo noqon dhibaatadu naga tagimeyso, nagana kicimeyso bal horta Illahay ha loo soo noqdo iyo diinta islaamka waa marka koowaad,marka ku xigta oo Illahay hala baryo oo qur,aanka hala aqriyo oo qofwalba faataxada qofkii yaqaana faataxada inta aqriyo intaas oo goor tadoba goor ugu yaraan (7) inta aqriyo Illahay rabiyow dalka balaayada ka qaad ha yiraahdo meel uu joogaba, marka ku xigta ha-lays cafiyo, Illahay cafis halawarsado si Illahay noo cafiyo anagu waa in aan is cafinaa, waxaan shaki lahayn doowladdu waxay ka qabankatro in ay ka qabaneyso dadkii hantidooda la qaatay ama dhibka loo gaystay sidii wax un loogu qabanlahaa laakiin waxaa larabaa in duqeyda,culimaa’udiinka iyo dadka waxgaradka ah arrintaas ay waxbadan ka qabtaan Illahay si uu dhibaatada noogu dul qaado, aan barino, IIlahay dabadeedna aan isku soo noqono gacmaha aan is qabsano Koonfur,Waqooyi Bari Qoraxsin iyo meelkastaba ha layscafiyo illahayna hala bariyo ayaan leeyahay”
Muuqaallo Mudnaan leh
Madal Kulmisa Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Haweenka Bulshada Ra’yidka oo lagu sameeyay Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabisay UMWOMEN kaasi oo ahaa kulan lagu sameynayay Platform ama madal kulmisa haweenka baarlamaanka iyo kuwa bulshada ra’yidka shirkan oo socday muddo labo maalin ah waxaa looga hadlay arrimo quseeyo haweenka ,oo badi dadkii ka qeybgalay waxa ay soo jeediyeen aragtiyo kala duwan oo dumarka ka hadlayo. Waxayaabaha kulanka ka soo baxay waxaa saxaafadda u akhrisay Sahra Axmed Maxamed oo ah gudoomiyaha SWDC waxaa ugu waa weynaa in madasha ay ka shaqeyn doonto arrimaha horumarinta Haweenka ee dhinacyada ka qeyb galka siyaasada ,dhaqaalaha ,ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaa sidoo kale la sameeyay lataliyaal gaarayo illaa shan xubnood oo haweenka baarlamaanka iyo bulshada ra’yidka isugu jiro ,iyo 5 Xoghayn ah oo iyaguna sidaasi oo kale ka kooban labada dhinac. Kulanka waxaa ka hadashay Faadumo Qaasim Dhayib oo ah Xoghayaha Maamulka Barnaamijyada UNWOMEN ee Soomaaliya waxa ay sheegtay in UNwomen ay u taagan tahay u adeegista Arrimaha haweenka Soomaaliya si taasi loo gaaro waa in aan dardargalinaa shaqada madashan ayay Yiri Faadumo,” sidoo kale waxaa jiri doono safaro aan ku tagi doono gobolada Dalka Soomaaliya si aan howsha UNwomen u balaarino.
MASAR IYO SOOMAALIYA: Is Bedellada Sooyaalka Ah Labada dal maaha laba dal oo jaar ah oo ay ka dhaxayso xuduud kala qaybisa,laakiin waxay waligood ahaayeen laba dal oo aad isugu dhow,labada dal inta ku xusan taariikhda la xusuusto waxaa waligood ka dhaxeeyay xiriir soojireen oo aad isugu dhow. Masartii ay fircoonadu xukumi jireen waxay xiriir dhaqan dhaqaale la lahayd soomaaliya oo ay berigaa ka soo doonan jireen fooxa iyo maydiga iyo baalka goroyada iyo geedaha carfa oo ay ku shidi jireen guryaha boqorada iyo meelaha ay wax ku caabudaan, Faraacinadu waxa ay berigaa soomaaliya uyaqaaneen dhulkii uduga (Puntland) أﺭﺽ ﺍﻟﺒﻮﻧﺖ. Taariikhda dhow masar waxay ahayd mid si dhow u garab taagan soomaaliya,waayo waxay masar ahayd wadanka ugu cad cad ee taageeray xornimo doonkii soomaalida,waxayna madaxdii masar goob kasta oo lagu kulmo ka sheegi jireen sida ay muqadas utahay in wadankaas geeska afrika ku yaal uu mudan yahay in xoriyadiisa la siiyo. Markii ay soomaaliya xoriyadda qaadatay 1960 kii dowlada masar waxay ahayd dowladii ugu horeysay ee aqoonsatay ee safaarad ka furata,waxayna markiiba is garab taagtay dowladii dhallaanka ahayd oo ay ka caawisay agabyadii aasaaska u ahaa dowladnimada. Wadankaas masar ee faqriga ah ee ay ku nool yihiin dadka labaad ee ugu tiro badan afrika wuxuu si is xilqaanimo ah isugu taagay inuu soomaaliya ka caawiyo xagga tababarada ciidamada iyo maamulka,wuxuu kaloo u soo diray macalimiin bilaash wax ku barta caruurta soomaalida. Dagaalkii ay itoobiya ku soo qaaday soomaaliya sanadkii 1964 tii masar waxay si toos ah ula safatay soomaaliya oo ay ugu deeqday hub iyo saanad iyo waliba iyaga oo xagga cirka usoo diray soomaaliya duuliyayaal wada dayuuradaha dagaalka. Waxay kale oo masar ciidamadii soomaaliya ku hubeeyeen qoryo markaa casri ahaa oo loo yaqaanay xakiim oo ay
masar sameysay,waxayna ku soo qoreen. ()ﺣﻜﻴﻢ ﺣﻴﺎة ﺍﻟﺼﻮﻣﺎﻝ ﻣﻮﺕ ﺍﻟﺤﺒﺸﺔ oo la micno ah qoriga xakiim waa noloshii soomaalida iyo geerida xabashida. Dagaalkaas oo muddo gaaban socday soomaaliya ayaa ku guulaysatay waxayna ciidamadii itoobiya ka saareen tuulooyinkii xuduuda ku teedsanaa ee ay qabsadeen,dagaalkaas masar waxay ahayd dowlada kaliya ee ugu cad cad ee soomaaliya garab taagneyd. Sidoo kale masar waxay ahayd dowladii soomaaliya ku dartay jaamacadda carabta maadaama ay masar berigaa hormuud u ahayd wadamada carabta. Waxayna masar dhinac kasta kala safatay intii karaankeeda ah soomaaliya,waxayna si indho la'aan ah u taageertay qadiyad kasta oo ay soomaaliya lahayd. Dhanka dowladihii soomaaliya waxay si dhow u taageeri jireen qadiyad kasta oo ay masar wadato,oo dagaalkii carabta iyo yahuudda ee dhacay sanadihii 1967dii iyo 1973dii soomaaliya waxay dagaalkaas kaga qayb qaadatay naf iyo maalba inay u dirto wadamadii carbeed ee dagaalka COSOB 6
Sebtember 2017
ku jiray ee ay ugu weyneyd masar,waxyaabaha ugu badan ee ay soomaaliya u diri jirtay ciidamadii carabta waxaa ka mid ahaa hilibka qasacadaysan ee ay soo saari jirtay warshaddii hilibka ee kismaayo iyo khudaar moos ubadan. Xiriirkii dhowaa ee masar soomaalida la lahayd iyo ixtiraamkii ay soomaaliya masar u haysay waxaad ka garan karta in ay meelo badan sida jidad iyo iskuulaba ugu magac dartay madaxdii masar sida jamaal cabdinaasir iyo kuwo kale. Waxaa kale oo ay soomaaliya hoos u dhigi jirtay calanka soomaaliya mar kasta oo uu dhinto ama la dilo madaxweyne masaari ah,waxaan soo gaaray oon xusuustaa tacsidii ay dowladii soomaaliya u sameysay markii la dilay madaxweynihii masar Anwar Saadaad oo ahaa madaxweynihii ka horeeyay mubaarak. Sidaa si la mid ah soomaaliya waxay ahayd wadanka kaliya ee carbeed ama muslim ah ee aan xiriirka u jarin masar kadib kolkii ay la heshiisay isra'il,taas oo keentay in dhamaan dowladihii carbeed iyo dunida muslimka intooda badan ay xiriirka u jaraan dawladda masar marka laga
Warbixin
reebo soomaaliya. Dabcan soomaaliya xiriir lama aysan lahayn yahuuda mana aysan aqoonsaneyn israil lkn waxaa umuuqday xiriir dhinac kasta ka gaamuray oo ay la lahayd dowladii masar oo aan sahal lagu goyn karin. Waxaa igu maqaalo ah kolkii ay masar aqoonsatay israil in shir deg deg oo ay dowladihii carbeed isugu tageen wadan ka mid ah wadamada carabta oo lagu cambaareynayay masar uu diiday madaxweynihii soomaaliya AUN Maxamed Siyaad Barre inuu dhaleeceeyo masar kolkii la weydiiyayna wuxuu ku gaabsaday somaliya ma aqoonsana israil isla markaana laga sugi maayo inay cambaareyso ama xiriirka u jarto masar. Kolkaas ayaa madaxweyne carbeed laga sheegay inuu yiri hadal caan baxay oo ahaa ( )ﺍﻟﺼﻮﻣﺎﻝ ﺭﺑﻴﺒﺔ ﻣﺼﺮoo la micno ah soomaaliya waa barbaarintii masar ee seed oga sugaysaan inay dhaleecayso. Ugu dambeyntii masaaridu waxay ahaayeen kuwo si kasta u garab taagan soomaaliya ilaa ay ka burburtay dowladii soomaaliya,wixii intaa ka dambeeyay masar waxay uun muujin jirtay sida ay oga xun tahay burburka ku yimid wadankaas jaalkeed ahaa,waxayna marar badan isku dayday inay soomaalida u qabato dib u heshiisiin in kasta oo aysan miro ka soo bixin. Sidoo kale masar marna faragalin kuma aysan soo sameyn dagaaladii qabaliga ahaa ee soomaaliya ka socday taas oo loo aanaynayo
inay ka cabsatay in qayb soomaalida ka mid ah ay u aragto inay masar taageerayso qabiilka ka soo horjeeda,waayo siyaasada soomaaliya ee qaabka qabiilka u qaybsantay wixii ka dambeeyay 1991dii cidii faraha la soo gasha waxay uun u muuqanaysay cid qabiil gaar ah la safatay. Sidaa darteed dad badan baa masar oga garaabay inay ka fogaato faragalinta dagaaladii sokeeye ee soomaaliya.halka ay qaarna ku dhaliileen in ay masar ku fiirsatay soomaaliyadii sidaa ugu dhoweyd burbur iyo dagaalo sokeeye. Dad badan baa rumeysan in sawabta ay masar sidaa ugu taageeri jirtay soomaaliya ay tahay in ku ilaashan jirtay wabiga niil oo ah mid ay si weyn ugu xiran tahay nolosha masaarida oo uu mid ka mid ahi ka soo bilowdo buuraleyda itoobiya,sidaa darteed ayay masar mar kasta ka cabsan jirtay inay itoobiya biyahaas xirato. Lkn taas badalkeed waxaa iyana la oran karaa soomaaliya oo cadaawad guun ah la lahayd itoobiya way u baahneyd wadan sida masar oo kale ah oo si indho la'aan ah u taageera qadiyadeeda,waayo itoobiya marna ma rabin inay dhalato dowlad soomaaliya la yiraahdo oo ka yagleelanta geeska afrika,waxaana taariikhda ku xusan inay itoobiya dadaal dheeraad ah u gashay sidii iyada loo hooskeeni lahaa soomaalida oo ay barkeed hore u haysatay,ingiriiska oo mar arintaas u dabcay ayaa xoriyaddii ka hor itoobiya ugu wareejiyay dhulka howdka ah ee ku teedsanaa xuduuda itoobiya,lkn inuu soomaaliya wada hoos geeyo itoobiya waxaa u diiday shucuubtii soomaaliyeed oo ahaa kuwo baraarugsan soona jeeda oo ay taageerayeen wadamo carab iyo muslim u badan oo ay masar hordhaan u ahayd,taas oo meel cidlo ah ku soo afjartay damacii xabashida ee ahaa in dhul kasta oo ay soomaali dagan tahay xukunkeeda la hoos keeno.
COSOB 7
Sebtember 2017
SOOMAALIYA IYO MASAR AYAA DIB U XOOJINAAYA XIRIIRKOODII SOO JIREENKA AHAA KADIB KULANKII QAAHIRA. Habada dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho labo maalmood ku tagay dalka Masar, inta uu Qaahira joogay waxaa uu aqalka madaxtooyada masar uu kula kulmay dhiggiisa Cabfifitaax Al-sisi, Faa’ido ahaan, marka laga soo tago adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaa dhacay kulamo dhinac socday kan labada madaxweyne taasi oo ka dhalatay in la isku afgarto iskaashi amni iyo mid dhaqaale. Waxyabaha kaloo ka soo baxay kulanka waxaa ka mid ahaa Iskaashiga dhinacyada waxbarashashada, dhaqaalaha iyo socdaalka Ajagdayaasha kale ee madaxweyne Farmaayo iyo Al-sisi waxaa ka mid ahaa in diyaarada (EGBT AIR) ay duulimaadyo toos ah ka biloowdo Moqdisho iyo Qaahira. In dal ku galka Masar loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraayo Baasaboor shaqaalaha iyo midka diblomaasiga. In dowladda masar ay ka hirlgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro diblumaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiyo Soomaliaya Labada madaxweyne ayaa isku afgartay dhamaan qodabadii ay ka wada hadleen.
Xukuumadda Soomaaliya oo Wajaheysa Jahwareer Warfaafineed
Cabdiqaasim Macalim Axmed Qoraa/Saxafi Qoraal ka soo baxday xafiiska Raysul wasaare ku xigeenka oo u muuqda mid xukuumaddu uga fal celineyso sidii wasiirrada qaarkood ay uga hadleen dhacdadii 25-kii bisha Agoosto ka dhacday deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha hoose, taasoo lagu laayay dad rayid ah oo beeraley ah sida dowladdu ugu dambeyntii xaqiijisay ayaa wasiirrada looga mamnnuucay in ay wax xukuumaadda la xiriira uga hadlan qalabka warbaahinta oo dhan iyagoo aan oggolaansho ka heysan xafiiska Raysul-wasaaraha.
yoolkeygu ma ahan inaan ka hadlo khaladaadka wasiirrada ka dhacay ee waxaan doonayaa inaan isla eegno arrintan u muuqata khalad khalad ku sax oo ah warqadda xafiiska Raysul-wasaaraha ka soo baxday ee ahayd in “wasiirradu aaney arrimaha xukuumadda uga hadli karin qaybaha kala duwan ee qalabka warbaahinta [oo ay ku jiraan xisaabaadkooda karaka ah oo ay ku leeyihiin warbaahinta ama baraha bulshada] Dabcan masuuliyiinta xukuumaddu waxay go’aankan u soo saareen iney ka fal celiyaan khaladaadkii la xirriray dhacdada Bariirre iyo kuwa kale oo laga yaabo in tan ay ka sii horreysay oo wasiirradu ku lug yeesheen, laakiin tani ma tahay waddadii saxada ahayd ee lagu sixi lahaa dhibaatada dowladda ka heysata adiigsaiga warbaahinta mise waa khalad khalad ku sax?
Dhowrkaan qodob ee hoos ku xusan dartood haddaba waa khalad lagu saxayo ee ma ahan hannaankii saxda ahaa ee loo mari lahaa in xaaladdaan Ilaa seddex wasiir oo laga yaabo oo kale lagu wajaho, waxaabase iney siyaabo kala duwan u khuseyso aan dhihi karnaa labada khalad kan dhacdada Bariire, kuwaasoo kala ah dambe aya weyn oo horseedi kara wasiirka warfaafinta, C/raxmaan Cumar khaladaad kale oo aan la maamuli Yariisow, Wasiirka gaashaandhigga karin. Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf KHALADAAD DASTUURKA Garaad Cumar ayaa arrintaan durba LAGA GALAY: ka hadlay oo warbaahinta bulshada iyo Ugu horreyn go’aankani waxaa uu si idaacdaha ku faafiyay iyagoo siyaabo cad uga hor imaanayaa Dastuurka is khilaafsan uga hadlay arrinta, federaalka ah ee kumeel gaarka ah qaarkoodna ay warar is burrinaya ee oo hadda dowladdu ku shaqeyso haddana aan isi saxeyn soo saareen. ayna ahayd iney u hoggaansanto iyo xeerka saxaafadda oo arrintan Waa iska caddahay in wasiirradu si gaar ah u khuseeya, sida ku ay si aan munaasab ahayn ay arrin cad qodobka 32aad ee Dastuurka laga yaabo in heerka hadda ay Federaalka ah ee damaanad qaadaya gaartay aaney gaari lahayn ay ugu xaqa dadweynuhu ay leeyihiin helista isticmaaleen warfaafinta, halkaasoo oo Macluumaadka dowladdu heyso, dadweynaha iyo cid kasta oo arrintani gaar ahaan faqrooyinka 1aad iyo 2aad khuseyso ay ka fahmi karaan sida oo sidan u qoaran: dowladdu ay ugu jahwareersantahay (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay adeegsiga warbaahinta iyo in uu helo macluumaadka ay gaarsaariinta dadweynaha xogta ay Dawladdu hayso. u baahanyihiin. Hasa yeeshee hadda (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay COSOB 8
Sebtember 2017
helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay. Qodobka 37aad ee xeeraka saxaafadda oo isna ka hadlaya xorriyadda saxafiyiinta, gaar ahaan faqrada 2-aad, oo sheegeysa in wariye kasta ay waajib tahay inuu helo macluumad [oo ay ku jiraan macluumaadka dowoladda] si uu/ay dadweynaha ugu gudbiyo/gudbiso, haddii aaney jirin sabab sharci ah oo u diidaysa baahinta macluumaadkaas yaa go’aankani jabinayaa; waayo xaqii helista macluumaadka ayaa meesha ka baxaya. Qodobadan dastuuriga ah ee aan xusnay, waxaa ay dowladda qasab uga dhigayaan in ay dadweynaha iyo warbaahinta macluumaadka dowladda la wadaagto. Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta xukuumaddu waxay ku doodi karaan in aanuu ujeedkoodu ahayn in ay dadka ay xogta dowladda u diidayaan am ay ka qariyaan, ee laakiin ay doonayaan in ay macluumaadka maamulaan, oo ay koontaroolaan, si looga fogaado isbarbar yaaca. Dooddaasi haddaba mid sax ah ma ahan, mana u noqon karto difaac qolada ku doodeysa. Macluumaadka dadweynuhu u baahanyihiin waxaa uu isugu jiraa, mid degdeg ah iyo mid aan degdeg ahyn oo muddo laga sugi karo dowladda. Macluumaadka waxaa ku jira, wararka degdegga ah ee marka ay dhacaan ay tahay in faahfaahin laga helo, dadweynahana waxaa taas masuul uga ah warbaahinta oo ay ka sugayaan iney warka u soo gudbiso marka uu dhacayo ama uu dhacay durba. Sidaa darteed, marka warka la daahiyo oo dadweynaha laga qariyo ama aan xilliga loo baahanyahay lala wadaagin waxaa la jabiyay qodobbada aan xusanay ee Dastuurku sheegayo. Go’aankan, waxaa uu sidoo kale meel uga dhacayaa xuquuqda gaarka ah ee wasiirradu ay mudaawdiniin
Warbixin
ahaan u leeyihiin, taas oo dastuurku caddeynayo, sida ku cad qodobka 18aad ee Dastuurka Federaalka ee ku meel gaarka ah oo ka hadlaya xorriyadda ra’yiga iyo afkaarta, faqrooyinkiisa 1aad iyo 2aad oo sidan u qoran (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba. (2) Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka. Marka laga soo tago iney wasiirradu warbaahinta la hadlaan iyagoo magaca xukuumadda ku hadlaya ama wasaaradda ay maamulaan, waxa ay xaq u leeyihiin iney aragtidooda gaarka ah ka dhiibtaan arrin taagan ama shaqadooda la xiriirta ama aan la xiriirin, iyo in ay fikad gaar ah ka qaatan waxa socda ka dibna mowqifkooda ka hadlaan. Hasa yeeshee, go’aanka uu soo saaray Raysul-wasaara ku xigeenku, arrinta kalama saarin ee waxyaaba xukuumadda ku saabsan kama hadli karaan ayuu ku soo koobay. Ugu yaraan, waxa ay ahayd inuu ku gaabsado in laga joojiyay faafin rasmi ah oo aan loo oggolaan, laakiin hadalka sidan uu u yiri haddii loo qaato waxaa soo gelaya wixii xitaa ay bogaggooda ku qoraan, marba haddii ay xukuumadda la xiriirto.
KHALADAAD FARSAMO
Arrintani waxa ay xannibeysaa howlaha dowladda ee warfaafineed, waxaa ayna dhiirri galineysaa wararaka been abuurka ah ee marka war sax ah la waayo la sameysto; waayo haddii la yiraahdo wararka xukuumaddu faafineyso oggolaanshohooda waxaa laga sugayaa xafiiska Raysul-wasaaraha, waa iska caddahay waqtiga uu qaadan karo warkaasi, waayo sharciga u diidaya wasiirrada war aan xafiiska Raysul-wasaaruhu soo oggolaan waxaa uu qabanaya sidoo
kale masuuliyiinta ka hooseeysa ee iyaga hoos yimaada, sida agaasimayaasha kala duwan, safiiiraada, madaxda ciidamada iyo afhayeennada kala duwan ee wasaaradaha; maxa yeelay kuwaasi waa iney soo maraan habka kala sarreynta oo qof walbaa qofka uu hoos tago uu arrinta la wadaago, kaasina uu la sii wadaago kan ka sii sarreeya ilaa ay xafiiska Raysulwasaaraha ka gaarto ee laga soo oggolaado ama laga diido. Tusaale ahaan, haddii qarax meel ka dhaco oo afhayeenka wasaaradda amnigu uu warbaahinta inuu la wadago khasaaraha loo baahdo, waa inuu masuuliyiinta ka sarreysa ee wasaaradda la wadaago ka dibna wasiirka wasaaraddu uu la xiriiro xafiiska Raysul wasaaraha, ka dibna oggolaansho la soo siiyo ama loo soo diido, arrintaas oo ugu yaraan maalin qaadan karta ama ka badan, sidaasna waxaa ku micna belay warkii dadweynaha lala wadaagi lahaa, ama qolyo kale ayaa si ka faaiideysi ah dacaayad u faafin kara. Sidoo kale arrintani waa faafreeb lagu sameynayo masuuliyiinta dowladda, waxayna sidoo kale saameyn kartaa warbaahinta dowladda oo loo arko warka ay sheegto hadal rasmi ah oo ah mowqifka dowladda. Dhinaca kale marka la eego, waxaa warqaddani tusineysaa in wasiirrada aan masuuliyaddooda lagu aamini karin waayo qofka lagu aamini waayay masuuliyadda warka uu sheegayo macneheedu waxa ay noqoneysaa inaan sidoo kale lagu kalsoonaan karin go’aamada kale ee isagoo aan la tashi ka sameyn uu qaadan karo, maadaama uu yahay masuul xil sare haya oo ay tahay inuu gaaro go’aamo masiiri ah oo dowladda iyo muwadininiinta saameyn ku leh. Marka mar haddii la faafreebayo warkooda, waxaa loo baahanayaa in ficilladoodana la hubiyo ka hor inta aaney talaabo qaadin, taasina runtii waxay meel ka dhac ku tahay COSOB 9
Sebtember 2017
wasiirrada oo ah cidda gaarta go’aannada fulineed ee ugu badan maadaama ay yihiin masuuliyiinta laanta fulinta oo ay adagtahay iney la tashi ka sameeyaan dhamaan howlaha ay fulinayaan.
WADDADA AY AHYAD ARRINTAAN IN LOO MARO IYO XALKEEDA
Go’aankani waxaa uu u muuqdaa mid deg deg ah oo aan laga fiirsan, lana turxaan bixin, iyadoo lagu soo saaray xaalad kacsanaan ah oo dowladdu ay wajahayso jahwareer warfaafineed oo ay dhalleeceyn kala kulantay. Haddaba si xaalad noocaas ah loo hagaajiyo uma baahna degdeg caadifadeysan ee waxaa ay ahayd in si deggen looga fakaro ka hor inta aan dadweynaha lala wadaagin go’aanka dowladda. Waxa ay ahayd in sidoo kale wasiirrada laftooda laga tala galiyo oo shir loo qabto lagana doodo arrintaan muhiimka ah, taasina ma dhicin sida aan xogta ku heynno ee qaarkood ama intooda badan dadweynuhu markey ogaadeen ayey iyaguna ogaadeen. Haddiiba lagu qasbanaaday in go’ankaan la gaaro, habka loo maray marnaba sax ma ahayn; waayo waa arrin farsamo oo aan baahi loo qabin in dadweynaha lala wadaago. Wasiirada inta loo yeero ayaa loo sheegi karay iyadoo waliba arrintan la isla lafa guray oo xitaa laga codsanayo xuquuqdooda gaarka ah iney danta guud darteed uga tanaasulaan si jahwareerkan looga gudbo. Waxaa kaloo la awooday in xeerarka gaarka ah ee golaha wasiirrada lagu qoro arrinta, ama iimeel lagula wadaago ee marna looma baahneyn in wasiirrada dadweynaha hortooda lagu edbiyo iyadoo aan loo baahan arrinkaas. Xukuumaddu si ay u koontarooshu wararka ay faafineyso waxay aheed in marka wax weyn dhacaan
wasiirradu ay isugu yimaadaan kulan aan caadi ahayn oo degdeg ah ka dibna halkaas lagu siiqeeyo qaabka arrinta looga hadlayo ama loo wajahayo, isla markaas waa iney jiraan afhayeenno rasmi ah oo warkoodu uu biyo kama dhibcaan yahay. Haddii wasiirka warfaafintu uu yahay afhayeenka xukuumadda, waxa uu ubaahanyahy inuu la xiriiro wasaaradda ama jihada warkaasi khuseeyo oo ka dibna uu mowqfika rasmiga ah ee dowladda la wadaago dadweynaha. Tusaale ahaan, dhacdadii Bariirre khaladkeedu ma ahayn in cid aaney khuseyni ay ka hadashay ee khaladkeedu waxaa uu ahaa in iyadoo aan xog la helin la degdegay oo xitaa taliska ciidanka milatariga la baal maray. Marka khaldkaas oo kale waxa ay ahayd in si gaar ah loogula xisaabtamo wasiirradii ku lug lahaa ee looma baahna in si khaladkaas loo saxo khalad Dastuuri ah oo aan laga fiirsan la galo. Sidoo kale xukuumaddu si ay maamusho macluumaadka ay la wadaageyso dadweynaha gaar ahaan kan baraha bulshada oo malaha ah kan ugu faafi og, ayna uga fogaato iney ku xad-gudubto xaqa gaarka ah ee wasaiirrada, waxa ay awooddaa iney si fudud dadweynaha ugu sheegto in wararka lagu qoro bogagga gaarka ah ee masuuliyiinta dowladdu aaney ka tarjumenin mowqifka dowladda ee rasmiga ah. Marka wasiirkii waxa khalad sheega isaga ayaa dadweynuhu eedeynayaan ee dowladdu beri ayey ka noqneysaa. Ugu dambeyn, xukuumaddu waxay u baahantahay iney go’aamadeeda iyo tilaabooyinkeeda ay si taxaddar leh u maamusho ee aaney deg degdegta tirade badan ee lagu eedeynayo go’aamo masiiri ah ku gaarin. Mar walba dhaliisha soo laablaabata ee dadweynuhu waa mid wax dhiseysa oo ay tahay in xukuumaddu casharro ka barato.
COSOB 10
Sebtember 2017
Warbixin
Tirada Ay Saameysay Nafaqo Darrida, Barakaca Iyo Daacuunka 6-dii Bil Ee La soo Dhaafay CUNTADA:
Wararka laga helayo hey’adaha cuntada waxaa ay sheegayaan in ay sii badanayaan caruurta nafaqa darrida loo dhigayo isbitaallada halkii ay ka ahaayeen 28, 600 January waxaa ay noqdeen 52, 200 February, 94 300 oo March ah, 59,400 oo April ah iyo 97, 600 oo bisha May ah. Tirada ugu badan waxaa ay aheyd bisha May, waxaana gobollada ugu badan ahaayeen Banaadir/ Mogadishu, Bay, Mudug, Galgadud, Bari iyo Hiiran
BARAKACA:
Barakaca dadka ayaa la sheegayaa in uu sare u kacay qeybta hore ee sanadkan 2017-ka, arrimaha sababta looga dhigay waxaa ugu weyn abaarta iyo amni darrida.
Dhibaato banii’aadamnimo ayaa weli ka jirta Koonfurta Soomaaliya, sida ay ku warameyso (UNOCHA), dadkii ugu badnaa ayaa waxaa uu soo ritay Daacuun, waxaa kale oo aad u kordhay nafaqa darrida caruurta heysata iyo barakaca. Hey’adaha Gargaarka ayaa raadinayan lacag dhan $1.5 billion oo lagu caawin doono 5.5 million oo Soomaali ah, iyada oo la sheegayo in la helay 37% lacagtaas ka mid ah oo u dhiganta $557 million. In kasta oo lacago lagu yaboohay shirkii London May 11-keeda hadana hey’adahan waxaa ay sheegayaan in weli la la’yahay $952 million.
Sida ku qoran warbixin ay soo saartay hey’adda UNHCR, dad lagu qiyaasay 818, 000 ayaa barakacay inta u dhaxeysay January – June 2017, waxaa ku jira ayaa la leeyahay 662, 000 qof (81% ) oo u barakacay arrimo la xiriira abaarta.
CHOLERA:
In kasta oo la wado dadaallo looga hortagayo cholera hadana waa laga adkaan waayey, sida lagu qoray warbixin ay soo saareen wasaaradda caafimaadka iyo hey’adda WHO inta u dhaxeysa January 1 to June 18, 2017, waxaa la diiwaangeliyay tiro ahaan 53, 015 oo xanuunka soo ritay, 795 qof ayaa u dhimatay. COSOB 11
Sebtember 2017
Gobollada ugu badan Bay (28%), Shabeellaha Hoose (10%), Banaadir (10%) iyo Geod (10%), waxaa kale oo gobollada qaar la sheegayaa in ay ku badnaayeen dhimashada hooyada sida Bakool (4.1%), Sanaag (2.0%), Toghdeer (1.9%) iyo Banadir (1.9%). Waxaa qeybo ka mid ah ka da’aya roobab, waa markii 2aad oo sanadkan roobab socdaan, beerihii waxaa lagu wadaa tacab hadana tirada dadka dhibaateysan ee ay hey’adaha sheegaan isma badalin, arrintaas oo su’aalo badan keeni karta. Dowladda Federaalka ah wax xog ah kama heyso NGO’ska dalka ka jira, sidaa waxaa sheegtay wasaaradda maaliyadda, arrintaasi waxaa ay keentay in hey’adahan aaney la socon sida qaranka wax u rabo, xilliga uu rabo, intooda badan waxaa ay fuliyaan mashaariic iyaga u gaar ah, arrintaas oo dowladda federaalka ah ku guuldareysatay xakameytooda.
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo Bilowday howsha lagu Sameynayo Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka
Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxa ay ka mid tahay Wasaaradaha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, kuwooda ka shaqeeya arrimaha haweenka , Carruurta iyo Xaquuqda Aadanaha, Wasaaradu waxa ay hor u soo saartay sharciga ka hortaga tacadiyada Jinsiga kaasi oo meel marin ka sugayo labadda gole ee dowladda sida Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ,sidoo kale Wasaaradu waxa ay qorsheynaysaa soo saarinta sharci ka hadlayo xuquuqda ay leeyihiin dadka qaba baahida gaarka ah ama uusan lixaadkooda dhameystirneyn. Xukuumad waliba oo cusub waxa ay wasaarada u soo magacaawdaa wasiir cusub oo dumar ah si meesha looga sii qaado shaqada wasaaradda ,4 bil ka hor ayaa Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya loo magacaabay Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo bulshadda ra’yidka kala soo shaqeysay
arrimaha haweenka. Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Xaquuqda Aadanaha Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf waxa ay sheegtay in ay qabatay shaqooyin dhowr ah oo ka duwan, sidoo kale waxa ay xustay in la dardar galiyay shaqada wasaarada iyada oo laga shaqeynayo qorshihii lagu sameyn lahaa gudiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka kaasi oo ah mid uu dhigayo Dastuurka KMG ah, Aniga oo ah Nasriin Maxamed Ibraahim ayaa kula kulmay magaaalada Muqdisho, waxa aan la yeeshay wareysigani oo ka hadlayo dhinacyo kala duwan.
COSOB 12
Sebtember 2017
Haweenka
WAREYSI
Wariye Nasriin : Muxuu kaga Duwan yahay gudiyadda Madaxa banaan ee hor loo sameeyay iyo kuwa dhiman.?
Wariye Nasriin : Sidee ayay u socotaa howsha lagu sameynayo Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha? Wasiir Deeqa : Howsha gudiga lagu sameynayo meel fiican ayay mareysaa wajigeeda Koowaad, sidoo kale waxa aan ku baahinay website-ka Wasaaradda Haweenka qoraalka lagu soo dalbanayo ka mid noqoshada gudiga howshan waxaa wada 19 xubnood oo isku dhaf ah kuwaasi oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka socdaan.
Wasiir Deeqa : Wuxuu kaga Duwan yahay 3 ka mid ah xubnahani waxa ay noqonayaan Haween taasi oo qasab nagu ah , waxaa ku jiri doono qof ka mid ah dadka qabo baahida gaarka ah, 5-ta kale waxaa lagu saleynayaa awood qeybsiga wadanka ka jiro, si guud ahaan lasaga dhex arko oo ay meesha uga baxdo looma dhama. Wareysiga waa Qaaday Wariye Nasriin Maxamed Ibraahim.
Wariye Nasriin : Meeqa Xubnood ayuu ka koobnaanayaa Gudigan ? Wasiir Deeqa : Waxa uu ka koobnaanayaa ilaa 9 gaal xubnood sida uu dhigayo Dastuurka COSOB 13
Sebtember 2017
Haweenka iyo Nolosha
Abbuuristii Nabi Aadan ka dib ayaa Allaah (swt) feertiisa ka sameeyay hooyadeen xawaa, wayna noqdeen qoyskii ugu horreeyay ee Alle siiyay awlaad isla markaana noqday bu’dii ugu horreysay ee taranka biniaadamku ka yimid. Illaa waqtigaa aan soo xusay haweenku waxay uddub dhexaad u ahaayeen noloshiii qoysaskii jirtay waqtiyo kala duwan waxayna si buuxda uga qayb qaadanayeen dhismaha qoyska oo la,aantood aan macaaan iyo micno lahayn. Diinteena suubban waxay kaalinta hooyadda gaysay meel sare , waxaana rasuullku swc Sheegay inay hooyaddu seddex jeer ka xaq badan tahay aabbaha. Sacad ibnu waqaaas Allaha ka raali noqdee wuuu yidh: seddex qofkii hela wuxuu helay adduunyo raaxadeed haweeney wanaagsan, guri wanaagsan oo diinta Allaah looga dhaqmo, iyo gaadiid wanaagsan. Dhinaca sooyaalka diinta hooyaddu kaalinta guriga ee ay hayso wax qaban kara oo rag ah ma jiraan waxayna soo ababiyeen oo soo kariyeen dhammaan anbiyadii oo ugu dambeyay nabigeena maxamed
(SCW). Faafintii diinta islaamka waxay ka qaateen kaalin muuqata, waxayna taageero dhinac walba la garab taagneeyeen sidii Diinta islaamku u guulaysan lahayd. dhaqankeena suubban haweenku waxay tiir dhexaad u ahaayeenn nolosha oo dhan. Sida wehelka, dhaqaallaha, taranka, shaqadda, nabadda, iyo magaca. Dhinaca wehelka, waxaa qoys la oran karaa markii si sharci ah ay haweeney iyo nin ugu heshiiyaan inay wada noolaadaan oo ay si wada jira ah isaga kaashadaan dhibaatooyinka ay ugu horreyso kalinnimadda iyo nolosha guud ahaan. Wehel la,aantu waa marxalad ay jecel yihiin inay ka gudbaan dhammaan da’yarta doonaysa inay mustaqbal dhisaan waxaana mar walba u sawiran sidii ay ku heli lahaayeen lammaane ay wadaagaan dhammaan macaanka nolosha iskana weheshadaan cidladda, sidoo kalane haddii Alla u qadaro kala hela ubbad ay ku indho qabowsadaa.
COSOB 14
Sebtember 2017
Abwaan maxamed ibraahin hadraawi oo ka hadlayay faaiidadda haweenka ayaa yidhi: Haddaan guudka laga jarin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan Illayn guri dugsoon ma leh. Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adiga iyo go’aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saareyn Illayn gogoshu wehel ma leh. Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illaa noloshu guul ma leh.
Haweenka Dhaqaalaha waxay kaga jirreen kaalinta 1aad waxay samayn jireen dhammaan guriga lagu hoydo iyagoo ka samayn jiray dhirta waxyaabaha aqalka soomaaliddu ka kooban yahay waxaa ka mida ahaa kuwo la tidco, kuwo la talo iyo kuwo la qoro.. waxyaabaha haweenku samayn jireen waxaa ka mid ah geeddiga, raarka, qobtolka iyo kabadda, waxyaaba ay tidci jireen waxaa ka mid xargaha oo siyaaba badan loo isticamaali jiray, waxyaabah ay toli jireen waxaa ka mid ahaa haammaha, masafta, dhiisha, iyo birraha, waxyaaba ay duubi jireen waxaa ka mid ahaa dhigaha,iyo qoridda udbaha. Waxyaabaha aan kor ku soo sheegnay waxay isugu jiraan, hoygii, hu’gii iyo qalabka biyaha iyo cuntada lagu isticmaali jiray dhamaantoodna waxaa samayn jiray dumarka oo wax qarash kuma bixi jirin. Hooyooyinkii hore waxaa loo tababari jiray inay gurigeeda iyo dhammaan waxayaabaha lagu adeegato oo dhan ay samaysan karto umana baahnayn waxyaabo dibadda looga keeno, halkaa waxaad ka qiyaasi kartaa kaalinteeda dhaqaalaha gurigga iyo heerka uu gaarsiisnaa oo ahaa waxaan miisaan la saari Karin. Dhinaca taranka ninkii tabar iyo xoola haysta oo ubbad doonaya waxay ahayd haween badan oo uu guursado inuu ka raadiyo meel kale oo dad laga helaa ma jiraan, xoolo kasta oo aad haysato kuuma goyso hal cunug kaliya. Sida kaliya ee dad aad ku doonataa waa inaad haweeney guursataa haddii Alla kuu qadaro, dadkuna waa waxa ugu qiimo badan ee dunidda lagu tabco waayo inta ay carruur yihiina waa lagu indho qabowsadaa markii ay wayanaada waa lagu nafciyaa, haddii ubbad saalah Alla ku siiyana waxaa suurowda inuu sabab u noqdo inaad janno gasho. Dhinaca shaqada haweenku waxay hayeen shaqooyin aad u adag oo ay ka mid yihiin korrinta carruurta iyo hayntooda, raacidda iyo illaalinta ariga oo ah xoolaha la dhaqdo midka ugu dhibka badan, sidoo kale waxay ku mashquulsanayeen dhisidda iyo furidda aqalka marka la dagayo iyo marka la guurayo labadaba. Haweenku waxay nabad iyo xasilooni ku soo celin jireen reero is dilay oo caloobay ka dib markii haweeney godob reeb ah lagu daro dadka wax laga dilay, halkaana waxaa ka dhalan jiray nabad iyo xiriir cusub oo ay saldhig u tahay haweeney la bixiyay si colaadaa loo damiyo, sidaa darted waxay ahaayeen nabad dhaliyayaal aad loo ixtiraamo.
Dhinaca magaca haweenka waa la gaadan jiray oo meel dheer laga dooni jiray , hawenba haweenka ay ka magac iyo qoys wanaagsan tahay waa la dooni jiray, waayo waxaa halkaa laga dooni jiray magac iyo sharaf qoyskaasi leeyhay. si loo helo haweeney wanaagsan oo qoys wanaagsan ka dhalatay waxaa la huri jiray maal fara badan isugu jira geel, fardo iyo hub. Sedexdaa shay oo ahaa waxyaabaha ugu qaalisan ee miyiga yaalay waxa la isugu daro oo laga dhiibo waxay ahayd haweeneey la guursanayo. Aw jamac cumar ciise wuxuu buugiisa geela, fardaha iyo haweenka ku qoray gabay ay isugu faaneen oo mid waliba yiri anaa qiimo leh wuxuuna ku caddeeyay in gabadhu geel iyo farasba laga bixiyo oo iyadu qiimo wayn leedahay. Waan tan doodii: Geelii baa yidhi: Gammaan iyo gabdhihiiyoow waxbaaad galalafaysaane. Runtaa lagu gamuuraa haddaad gole ka faanteene. Inkastoo guyaal badan cuntoo, badhi laguu gooyo. Adaa guriga laga jiidayaa, geeridaa dane,ahe Miyaad ila gudboontahay, afkaad igu gigaysaane. Faraskii baa yidhi: Geeliyo gabdhihiiyoow waxbaad galalafaysaane. Runtaa lagu gamuuraa haddaad gole ka faantaane. Gu’goo hoorey oo arlada, daadku gabaxleeyey Oo kaymo geede leh la dagay goodiyada caynta. Qaylada haddii gelin dambiyo galab la soo sheego. Geestaan ka daaqayay baa lagu gucleeyaaye. Markii koorihii la ii gingimay gurada lay saaro. Xakamah aana goyn markii goyska la ii galiyo. Raadkaaga waxaan soo guroo, daba gucleeyaaba. Gab gabtayda goortuu arkiyo gaalib orodkayga.. Ayuun buu fuluhu iga gala jeexyo geede lehe. COSOB 15
Sebtember 2017
Dibay kaaga guulmaan ragii kugu galoollaaye. Miyaad ila gudboon tahay raggaan garabki joogaaye. Haweenkii baa yidhi: Geel iyo gammaanoow wax baad galalafaysaane. Runtaa lagu gamuuraa haddaad gole ka faantaane. Anoo naasku ii gaabtayoo marada soo giijey. Mar haddaan garfeedh qaato , waan geda gadeeyaaye. Gacal iyo xigaal baa yidhaa eega gabadhaase. Anoo gudimadii qaatayoo hawdka yara gaadhay. Ayaa laba isoo garab gashaa oo hadallo gaystaane. Anna waxaan go,aan uga dhigtaa gaadashaan ahaye. Markaasey guryahayga tagi, goobta reeraha e. Garcadaalayaal loo marey ayaa taagan golilhiiye. Gaasirkii walalkey ahaa cadho galiilyooye. Tolow wiika geel siiya baa gacal yidhaahdaaye. Miyaad ila gudboontahay dhammaan la iga kiin geeye
Osman Sh Ahmed
KUMAA TAHAY? Kama hadlayo qabiilkaaga, kuma weydiin magacaaga sababtoo ah kuwaas oo dhan waxaad ugu jirtaa si doorasho la’aan ah, micnaheygu qofna kaalama tashan magaca laguugu yeerayo maanta, sidoo kalana wax talo ah kuma aadan lahayn ku biirista qabiilkaaga, su’aashaydu waxay ku qotontaa maxaad kaga duwantahay iinsaanka tiro-beelka ah ee dunida ku nool?, wali ma is weydiisay su’aashaas cajiibka ah?, ha is canaanan waxaa kula mid ah balaayiin ku nool dunida oo aan abid is weydiin su’aal nuucaas ah, tiro la egna waxay ka jawaabi la’yihiin isla su’aashaan, maxaa yeelay waxay ka mid tahay weydiimaha la xariira masiirka qofka, hagaag bal ina keen aan raadino jawaabtaas lagu wareersanyahay.. Adiga oo muraayada isku fiirinaya si aad u hubiso hagaagsanaanta muuqaalkaaga, haddii tikhsi (duqsi) kaaga dhago wajiga maxaad samaysaa? Si aad iskaga fujiso ma waxaad dharbaaxdaa muraayada uu kaaga dhex muuqdo? Waa maya, bini’aadamku waxuu haystaa aas-aaska garashada sidaas owgeed waxaad islamarkiiba fahmi kartaa in tikhsigu (duqsigu) ku dhaganyahay wajigaaga muraayaduna ay tahay fal-celis (reflection) oo kaliya, waxaad si toos ah u abaartaa meesha uu kaaga dhaganyahay oo ah wajigaaga si aad iskaga fujiso, taasi waa tilaabada koowaad ee aqoonsiga naftaada aad siisay, laakiin taasi wali kuma filna in aan ogaano qofka aan nahay, marka lagasoo tago aqoonsiga in aad tahay qof jira waxaa xigta marxalada barashada (dabeecadaha, sifooyinka, aaminsanaanta iyo hab fikirkaagaba) waana qaybta ugu wayn ee aqoonsiga qofka aad tahay, tusaale haddii wax lagaa weydiiyo saaxiibkaa waa qof nuucee ah? Ma waxaad tirin lahayd labiskiisa, socodkiisa iwm, mise waxaad suureyn lahayd astaamihiisa shaqsiyadeed sida samafalkiisa, xumaantiisa iyo hab-fikirkiisa, waxay ila tahay tilmaantaadu waxay ku qotomi lahayd tan danbe oo ah shaqsiyada. Dadku sadex ayay u kala baxeen: • Qof leh qorshe nololeed, si fiican u yaqaan qofka uu yahay kuna faraxsan ahaanshihiisa, islamarkaasna ku guda jira hirgalinta hamigiisa. • Qof leh qorshe laakiin aan aqoon qofka saxda ah ee uu yahay sidaas darted aan awoodin rumeynta riyooyinkiisa, kalsooni darro owgeed. • Qof iska nool bilaa fikir iyo qorsheyn. Hadaba adigu qofkee tahay? Bal dib ugu noqo noloshaada ma iyadaa ku hogaamisa mise adigaa hogaanka u haya oo u leexiya hadba meesha aad doonto? Qofba koox intaan kamid ah ayuu ku biiray kuna lifaaqanyahay, doorashaduna waa dhankaaga. Waxaa tahay sadex xidigle! Ha dag-degin ma aha xidigtii darajada ciidanka, darajada nolosha waxay kaaga bilaabataa adiga sadex xidigle, aan mid mid u dul istaagno: Waxaa tahay noole! Adiga iyo ciida (dhulka) farqi nuucee ah ayaa idiin dhaxeeya, ciidu dood kama qabto in lagu dul socdo,
seexdo ama shaqaysto, adigu inta dhanbacaad u jiifato intaas in laguu isticmaalo ma ogoshahay maalin walba waa maya! Sababtoo ah waxaa kugu jira wax diidaya oo ah (noolanimo), kursigu ma diido in lagu dul fadhiisto amar la’aan adiguse ma ogolid, hagaag! Hadda soo ma ogolid in noolanimadu tahay darajo kuu gaar ah marka loo firsho inta aan noolaha ahayn laakiin wali taas kuguma filna bal aan ku baro xidigtaada labaad. Waxaa tahay bini’aadam! Xidigtaan waa darajada labaad ee aad haysato , bini’aadanimadu waa sababta aad u fahmayso qoraalkaan aan kuusoo qoray, haddii aysan darajadaasu jiri lahayn haadaha iyo ancaamta ayaa qoraalkaan kula aqrisan lahaa, maskaxdaadu waxay ka koobantahay 150 bilyan oo unug , hadhe waa bilyan! Midkastana wuxuu kasii koobanyahay malaayiin unug-yareed oo ah kaydka , garashada, aragtida iyo awooda maskaxda ah, in aad bini’aadam tahay waxay sabab u tahay in aad yeelato mas’uuliyad nololeed iyo mid diimeedba, horay usoo soco waxaa kuu dhiman xidigtaadii sadexaad oo ah midda ugu
COSOB 16
Sebtember 2017
Haka Quusan Guusha
xajmiga iyo qiimaha wayn!
bini’aadamka kale oo dhan, qofna hibadiisa ma ogaan karo haddii uusan baran naftiisa. Waxaa tahay qof Msulim ah. Waxaa macquul ah in aad is weydiinayso sideen ku ogaan Alxamdulilaah! Waa wax ilaahay looga xamdiyo inuu noo karaa qofka aan ahay?, waa su’aal lagama maarmaan dooray inaan noqono mulimiin haysata diinta sharafta ah in jawaabteeda aad hesho, wax walba marka aad badan ee Islmaaka, qofka aan haysan diinta saxda ah muhimadooda sugto ayaad warbixin dhab ah uga ee Islaamka ma haysto faham nololeed oo buuxa, ma baahanaysaa, sida ugu sahlan ee aad naftaada ku baran yaqaan wax ka danbeeya dhimashadiisa, khibrad uma karto wa ain aad maskaxdaada weydiisid su’aalo masiiri laha la falgalista mushkiladaga dunida iyo aakhiraba. ah sida , Maxaan ka doonayaa nolosha?, ma u qalmaa Hadda soo iskuma aqoonsanid in aad tahay sadex nolosha aan manta ku noolahay?, maxay tahay in aan xidigle banaanka yaal. ka ogaado naftayda? adigoo raadinaya jawaabahooda, sidoo kale u kuurgal xaaladahaaga nololeed iyo isbadalada ruuxiga ah ee aad sameysay si aad uga dhex MUHIMADA BARASAHDA NAFTA. Noloshaadu waxay bilaaban doontaa maalinta aad si sax hesho warbixin dhab ah oo la xariirta waxa qaabeeya ah u barato qofka aad tahay, meela aad ku xoogantahay noloshaada. iyo meelaha aad ku liidato , maalintaas ayaad ogaan Lasoco qaybaha xiga ee qormooyinkeyga la xariira doontaa sida noloshaadu u socoto iyo waxyaabaha horumarinta nafta. dib kuu haya, sababtoo ah qof aan qiyaas ka haysan Nor Abdi Jim’ale naftiisa xitaa wuxuu Qatar ugu jiraa inuu ku fashilmo nolosha oo dhan dhinacyadeeda kala duwan, qof walba wuxuu leeyahay hibo (talent) uu kaga duwanyahay COSOB 17
Sebtember 2017
Gobol Dadka Ku Nool U Badan Yihiin Dad da’doodu ay ka weyn tahay 90 sano
Sheekadan ayaan waxaan daaha kaga qaadaynaa gobol ay ku nool yihiin dad la damaashaada cimri dheeridooda iyaga oo weliba caafimaad qaba, gobolkan ayaa waxaa loo yaqaanaa Blue Zones . waxa uuna ku yaalaa Xeebta loo yaqaan Silento ee ku taalla Dalka Talyaaniga. Sida laga xigtay cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadda Rome’s Sapeneinsa iyo jaamacadda california ee San Diego ayaa waxay shegeen in boqolkiiba lixdan dadka deegankaasi uu cumrigoodu kor u dhaafayo sagaashan sano . Mandiqaddan oo ku taala Badda Cad ee Dhexe ayaa waxa ay caan ku tahay nidaamka cuntooyinka caafimaadka leh oo hodanka ku ah macdaha uu jirka u baahan yahay, gaar ahaan waxay cunaan cuntada fireeshka ee dhulka laga soo saaro sida baastada, saliidda seytuunka, iyo dhirta loo
yaqaan Rosemary-ga Dr Salvatore Di Somma, oo hoggaaminayey cilmi baaristan ayaa waxa uu sharraxay baaritaankoodii dhiigag ee ugu horreeyey ee ay ka qaadeen dadka cumrigooda dheeraaday ayaa saynisyahanada waxa ay daaha ka qaadeen in protienka uu xiriir la leeyahay caafimaad qabka insaanka, waana waxyaabaha sida khaaska ah ay ku arkeen cilmi baaristoodana taasoo aysan marnaba ku arkin malaayiin baaritaan oo ay horey u sameeyeen. Sidoo kale cilmi baarayaashan ayaa isha waxa ay ku hayeen dadka cimriga dheer awoodda iyo kartida ay weli leeyihiin, dhammaantoodana kama aysan muuqan calaamadaha duqowga daran ama cudurka hilmaanka oo qofka xusuustiisa tagta duqnimada awgeed loona yaqaano Cudurka Alzheimer’s. Dadkan da’da ah ayaa waxa ay
COSOB 18
Sebtember 2017
La Yaabka Aduunka
leeyihiin awood ah in ay ku diyaarsadaan cuntadooda iyaga oo aan cidina gacan ka helaynin sida ay doonaana u dhaqdhaqaaqa daraasaddan ayaa si weyn waxa ay soo qaadatay qof jira boqol sano o lagu magacaabo Giovanna Ruggiero, isaga oo markaasi u dhaqaaqayey una socday magaaladana u marayey si fudud. Saynisyahanada ayaa waxa ay yiraahdeen in aysan ahaynin wax hore loo yiqiinay qof jira in ka badan 90 sano oo soconaya ul la’aan ama baakoor la’aan. saynisyahanada ayaa ahmiyad gaar ah waxa ay siiyeen Giovanna Ruggiero iyaga oo ku arkay in aysan marnaba xirnayn ookiyaalaaha aragga, ama inaysan marnaba u baahnayn qalabka dhegaha la gashado oo sahla maqalka. fikradda ka dambaysay mashruuca cilmi baaristan
ayaa waxa ay ahayd in diiradda la saarayo waxyaabaha dadkan da’da ah ka yeelay in yihiin kuwa caafimaad qabaan oo caafimaadkooda aadka u wanaajiyey. Hayeeshee ugu dambayntii ay ogaadeen in cuntada dabiiciga ah ay kaalin weyn ka qaadato caafimaad qabka dadka, iyo weliba cuntada isku dheeli tiraan middaasi oo ka yeeshay in noloshooda si fudud u wataan. Dadkan da’da ah ayaa waxa ay ka soo badbaadeen dhibaatooyinkii ay ka mid ahaayeen faqrigii, gaajadii iyo macaluushii ay sababeen labadii dagaal ee adduunka oo misana cumrigooda dheeraaday dadkan ayaa waxay yihiin koox maanta aad u jilicsan misana caafimaad qabkoodu aad u wanaagsan yahay.
COSOB 19
Sebtember 2017
Faafaahin Ku Saabsan Indho Xanuunka Laxaadka indhuhu wuxuu ka kooban yahay kubada isha (eyeball-globe) iyo wixii soo raaca ee xidido dareen iyo kuwa dhiig intaba leh,waxayna xariir wadaagaan saldhiga araga ee maskaxda ku yaal. (Optic Brain) Wixii khalkhal ku yimaada goobahaas ayaa loo yaqaanaa xanuun,waxaana isha binu aadamka lagu tilmaamaa mucjiso sideeda uga wayn cilmiga maanta yaala . Ujeeda aan qormadeenan caafimaad uga dan leenahay waa in aynu la socono daryeelka guud ee indhaheenu inaga mudan yihiin iyo sida ay waajibka u tahay ilaalintoodu. Indho xanuunku waa cudur maalin walba haya bulsho kasta oo dunida daafaheeda ku nool,waxaanay u bukoodaan dhawr nooc oo ay ugu caansantahay diciif xaga araga ah,sidoo kale iyadna waxaa jirta in loo qaybiyo cudurada indhaha laba qaybood oo waawayn sida indho beel iyo indho xanuun. Marka aynu kasoo bilawno indhaha abuurkooda waxaa ugu horeyn Saqiirka caloosha hooyadii ku jira in indhuhu sadex marxaladood soo maraan,sedexdaas marxaladod waxay laba kusoo dhamaystaan caloosha hooyada,midna waxay ku dhamaystaan marka ay dibada usoo dhashaan. Labada shay ee ay caloosha hooyada kusoo dhamaystaan waxaa kamid ah dhamaystiranka xubnaha ay ishu ka kooban tahay, iyo tan 2-aad oo ah dhaqdhaqaaqa nololeed ee isha, marxaladan sadexaad ee indhuhu maraan waxaa weeyi, sidii ay isha iyo maskaxdu u wada hawl gali lahaayeen, xataa dareemayaasha kale ee qofka marka lagu daro weeyi, sida maqalka, urka iyo dareenka. Cudurada ay idhuhu qaadaan marka uu qofku caloosha hooyadii ku jiro waxaa badankooda loo aaneeyaa inay xaga (dhalmada) ama tafiirta ka yimaadaan,sidoo kale waxey la wadaagan caafimaadka guud ee hooyada kolba sida uu yahay,waayo taasi waxay aad ugu lug leedahay sida uu noqonayo ilmaha caloosheeda ku jira caafimaadkiisu. Hadii aan tusaale kuusoo qaado waxaa hooyooyinka uurka lihi ay had iyo jeer qabaan Cuncun (itchy) ku dhaca Macdantooda xubnaha taranka khaasatan bilaha ugu horeeya uurka iyo bilaha ugu danbeeya ee waqtiga dhalashada oo uu sii xoogaysto infection ku. taasi oo hadii si dhaqso ah hooyadu u dawayn waydo uu xanuunkani raad indho xanuun kaga
tago ilmaha caloosha ku jira. Sidoo kale waxaa isna indho xanuunka ay caruurtu lasoo dhalato keena marka hooyada uurka lihi ay yaraysato biyaha cad cabistooda ama sharabka,taasi oo horseeda in kilyuhu ay dareemaan biyo yaraan isla markaana ay qashin saaraan oo ay kaadida raaciyaan walxo gubtay oo qabsada gidaarka marinada qashin saarka kaadida yaraatay awgeed,isla goordhaw oo daqiiqada ahna isku badala noole jeermis ah oo u tarma si layaab leh oo dagdag ah,jeermiskaas oo aan u fiicnayn hooyada uurka leh ayaa sababa in ilmaha caloosha uurka hooyadii jiifaa lasoo dhasho indho ama dhago xanuun,khaasatan marka waliba ay hooyada uurka lihi dareento calool istaag xoog ah. Hooyada uurka leh uma fiicna inay kaadida xajisato ama caloosheeda oo taagan iska joogto,khaasatan marka ay bisha sagaalaad madaxa la gasho,waxaana hooyada uurka leh ee bisheedii sagaalaad gashay ku waajib ah inay dadaasho inta karaankeed ah oo aanay ka wahsan wixii dhaqdhaqaaq ah ee la gudboon Caafimaadkeeda, haba
COSOB 20
Sebtember 2017
Caafimaadka
ay tahay naaska hooyadii,waxa ugu hereeya ee uu maqlaana ay tahay wixii looga dhigo,taasi oo diintu ina fartay in dhagtiisa midigna lagu adimo tiisa bidixna lagu aqiimo, Intaas kadib waxaa haboon in ilmaha laga dhaqo wixii nadaafad xumo ah ee saaran jidhkiisa isagoo lagu dadaalayo inaan indhihiisa markaaba saabuun kulul laga marine lagu isticmaalo biyo diiran iyo goob diiran mana fiicna in ilmuhu ku hoos noolaado bilawga hore ee isticmaalka indhihiisa nal xoogan oo toos dushiisa u sudhan waayo waxay taasi wiiqdaa habsami u wada shaqaynta indhaha iyo maskaxda,waxaana luma xidhiidhka wayn ee indhuhu ku qaataan cabirkooda toosnaan ee xaga fiirada,waxaana la arkaa caruur indhahoodu qaloocaan lixda bilood ee dhalashada kadib. Indhaha caruurta waxaa ku yar libiqsiga waxaana nuurka ka imanaya meel toos ahi uu wiiqi karaa habka diiradaha ishu ay u fadhiisiiyaan mawjadaha wareega ku yimaada ee nalka,maadaama isha ilmaha libiqsigu ku yaryihiin,xaalad koritaana ay indhuhiisu ku jiraan waxaa sidani ay wiiqdaa fayoobida toosnaaneed ee indhaha ilmahu u rakib mayaan. Waxaa hooyada looga baahan yahay inay ilmaheeda ka jirto nalka tooska ah ee ku wajahan indhaha ilmaheeda cuslaatee, si ay u dhawrto Caafimaadkeeda iyo cunagga dhalan doona intaba. ka yar hal sanno, hadii kale wuxuu noqon doonaa goor dhaw ilmo Xanuunada ilmaha indhahooda lasoo darsa marka uu caloosha hooyadii cawarn. ama caad daboolo idhaha ku jiro waxaa iyagana lasoo raaciyaa kuwo soo darsa marka uu ilmuhu dhalanayo,taasi oo ay fiican tahay in dadka caafimaadka hooyooyinka qaabilsani aad iyo aad iskaga jiraan inay dhaawac gaadhsiiyaan ilmo soo Dr. Ahmed Abdulahi dhalanaya indhihiisa,waayo marxaladani waa mid aad iyo aad khattar u ah Hussein (Dr-Saacid) oo aan la dhayalsan karin,waxaana masuuliyadi ay ka saarantahay qofka dhakhtarka ah inaanu isticmaalin dawooyin aan ku haboonayn ilmaha soo fool leh indhihiisa,isla markaana uu ka ilaaliyo wixii cadaadis iyo jug u gaysan kara dhamaan agagaarka madaxiisa khaasatan indhaha. Sidoo kale waxaa haboon in isla marka uu dhasho ilmaha , in laga mariyo indhaha Boomaato Jermis deli ah , si looga hortago cuduradii haleeli lahaa indhaha Hadii aan intaas kaga gudubno waxii ilmaha soo gaadhi kara indhihiisa isagoo caloosha hooyadii jiifa bal aan ka hadalno sida ay waxyeeladu dibada uga bilaabanto,akhristow ma ogtahay in ilmuhu marka uu soo dhasho waxa ugu horeeya ee uu arkaa inay tahay iftiinka,waxa ugu horeeya ee uu uruyaana
COSOB 21
Sebtember 2017
Dhahaarada iyo Muhiimada ay leedahay (4) Akhristow waxaan mawduucii noogu dambeeyay kaga soohadalnay qeyba kamid ah su’aala muhiim ah oo kusaabsan najaasada. Waxaana noogu dambeeyay dhiigga bani aadamka najaas miyaa mise? Waxaana soo sheeknay in ay culimada islaamka dhiigga uqeybiyeen dhowr qeyboot: 1) Dhiigga kayimaada dumarka oo lagu magacaaba xeydka ( caadada), waxaana soo sheeknay in uu dhiiggaas najaasa yahay sida ay isku raaceen culimada islaamka, waxaa lamid dhiigga umasha iyo midka looyaqaan dhabar furanka. 2) Dhiigga caadiga ah ee kayimaada dadka, kana imaanin meesha ay katimaada saxarada ama kaadida; waxaana soosheeknay dhiiggaas asiga ah in ay culimada islaamka kukala arakti duwanyihiin oo sida ay ubadanyihiin waxay qabaan in uu najaasa yahay dhiigga kayimaada dadka, waa markii uu yahaya mid dareeraya sida ay qabaan qaar kamid ah culimada qabta dhiigga caadiga ah in uu najaasa yahay. Culima kale waxay qabaan dhiigga caadiga ah in uusan najaasa aheyn, waxaana kamid ah culimadaas Sheekh Al-shawkaani, Ibnu cutheymiin iyo culima kale, waxayna daliil sadeen: b) Sheykastaa asal waxaa ah in uu dhaahir ayahay ilaa lagahela daliil tusinaya in uu najaasa yahay, waxayna yiraahdeen lamahaya Nabi Muxamed s.c.w. oo amray in ladhaqa dhiigga caadiga ah
kaliya wuxuu armay in ladhaqa dhiigga dumarka kayimaada sida Caadada(xeydka),dhiigga umasha iyo midka dhabar furanka looyaqaannna iyada oo la ogyahay in ay dadka gaar ahaan saxaabada uu jirkooda dhaawacmi jiray marka ay jihaadka kujiraan,hadii uu najaasa ahaan lahaa Rasuulka s.c.w. wuu amri lahaa in ladhaqa dhiigga jirka soogaara. t) Waxay kaloo daliisadeen muslimiinta way dukanjireen ayaga oo dhaawac jirka kaga yaalla, waxaana dhici jirtay mararka qaar in uu dhiig badan kayimaada jirkooda. Daliiladaasa iyo kuwoo kale ayay daliil kadhikteen culimada qabta in dhiigga caadiga ah uusan najaasa aheyn. 3) Nooca 3aad ee dhiigga: Waa dhiigga xoolaha hilibkooda lacuna; dhiigga xoolaha lacuna hilibkooda najaasa ma ahan. Hadii ay dhacda in xoola lagowraca ama labireeya dhiigga marka hore soobooda waa najaasa, midka kuhara hilibka ama kamuuqda dhigsiga marka lagurida hilibka asiga najaasa ma ahan. Gabagabada waxaan leeyahay dhiigga waa najaasa maadaama qilaaf kadhexjira culimada dhexdooda ha leyska ilaaliya inta suura galka ah. S4-aad: Matagga kayimaada bani aadamka najaasa miyaa mise? Jwb:waxaa asal ah sheykastaa in uu dhaahir yahay hadii aan lahelin daliil tusinaya in uu najaasa yahay, matagana wuxuu kamid yahay waxyaabaha aan looheynin daliil sax ah ee tusinay in uu najaasa yahay waa xaggga COSOB 22
cilmi ahaan laakiin waxaan kutalinayaa in leyska ilaaliya intii suura gal ah. S5-aad: Najaasa miyaa qoyaanka kayimaada haweenka farjigooda? Jwb: laba arakti ayay arintaan culimada islaamka kaqabaan: 1) waa najaasa qoyaanka kayimaada farjiga haweenka, sababtoo ah wuxuu u ekyahay Madiga ( waa biyo dhareer ah oo jiitamaya yimaadana markii dareenka qofka uu kaca ama uu xusuusta lakulanka xaaskiisa), waana najaasa kuwaas jirka ama marada meesh ay kagaaraan waaladhaqayaa. 2) Ra’yiga labaad wuxuu leeyahay waa dhaahir qoyaanka kaiymaada farjiga dumarka. Waxaanse dhihi karnaa waa in lakasaaraa arintaas; hadii uu qoyaankaas imaanaya marka ay haweeneyda ninkeeda lafara ciyaarta ama uu jira istimtaac waa najaasa weesada wuu burinayaa meesha uu jirka ama dharka kagaarana waa in ladhaqaa. Hadiise qoyaankaas yimaada marka ay uurka leedahay haweeneyda ama socodkeeda uu bata najaasa ma ahan kaas asiga ah. Waxaan kulatalinayaa dumarka soomaaliyeed in ay isku dayaan in ay waxbadan ka ogaadaan waxyaabaha kusaabsan najaasada si aayan qalad ugu dhicin oo keeni kara in dhahaaradooda ayan sax noqonin,taasoo sababi karta in salaadooda sax noqonin ama aan la aqbalin. Sebtember 2017
Nolosha Islaamka
SIDEE AYAA LOOGA DHAAHIR NOQONAYAA NAJAASOOYINKAAS AAN SOO SHEEKNAY? Waxaa looga dhahaara qaadankaraa sidatan: 1) Dharka haduu gaara dhiigga xeydka (caadada) waa in la jijibiyaa kadib larugaa kadibna ladhaqaa. 2) Canugga yar kaadidiisa dharka ay gaartaa waa in biyo lagu shubaa iyada oo aan lamajuujineynin waa wiilka yar ee aan gaarin laba sana sidookale aan cunin wax aan caana aheyn. Gabadha yar iyada kaadideeda dharka ay gaarta waa ladhaqayaa waxaana loo dhaqayaa sida qofka weyn kaadidiisa loo dhaqa. 3) Madyiga meesha uu kagaara jirka ama dharka waa ladhaqayaa sida kaadida oo kale. 4) haweeneyda dharka ay wadata qeybaha hoose ee dhulka gaaraya hadii ay najaasa gaarta waxay dhaahir kunoqonkartaa in ay lamarta dhulka ama ciida, hadii najaasada midibkeeda iyo urkeeda
kadhamaada marada dhulka gaartay ee najaasada sooraacday dhaahir ayay noqoneysaa. 5) Kabaha hadii ay najaasa lagula joosada waxay dhaahir kunoqonkaraan in lala mara meel dhaahir ah ama dhulka lagu ruga najaasadiina kabaaba’da. 6) Ey hadii uu weel afka geliya todoba jeer ayaa ladhaqayaa iyada oo ay ciid laraacinaya. 7) Maqaarka neefka baqtiyay hadii lamakdeeya ( laga saara waxa ukeeni kara in uu qurmo) dhaahir ayuu noqonayaa. 8) Dhulka hadii najaasa gaarta sida kaadida oo kale meesha ay kaadida gaartay ayaa biyo badan lagu shubayaa sidaas ayuuna dhulkii dhaahir konoqonayaa. 9) Ceel biyood hadii ay najaasa kudhacda wuxuu dhaahir kunoqonayaa in biyaha laga saara ilaa leysyiraahda biyihii hore way baxeen, sidookale subagga adak hadii najaasa gaarta mar haduu fadhiya meesha ay najaasada kagaaray ayaa lafujinayaa COSOB 23
Sebtember 2017
inta soohartayna waa dhaahir. Su’aal: najaasada marka leyska nadifinaya biyo in la isticmaala miyaa shardhi ah mise wax kale ayaa la isticmaali karaa si leysaga dhahira najaasada? Jwb: Culimada islaamka arintaan laba arakti ayay kaqabaan: 1) Najaasada biyo kaliya ayaa loo isticmaali karaa, waa sida caanka(mash huurka) ka ah Madhabka Imaamu Maalik iyo Madhabka Imaamu Axmed, waana jadiidka madhabka Shaafici. 2) Culima kale waxay yiraahdeen waxkasta oo najaasada suulinaya (baa’inaya) waa loo isticmaali karaa najaasada, biyo kaliya in la isticmaala shardhi ma ahan. Laakiin marka aad ufiirsata hadalla culimada waxaa kuu soobaxaya in biyo mooyee waxkale oo dareera ah najaasada lagu suuli Karin.
Xasan Axmed Nuur
Sheekooyin Taxane ah
Nabsi
NABSIGII SAMAWADA SILICA BADAY Samawada, waxaa ay ku dhalatay, kuna soo barbaartay Magaalada Kismaayo. Waxaa ay halkaasi kula noolayd hooyadeed iyo aabbeheed iyo laba wiil oo la-dhalatay, oo ka yar-yaraa. Ciddeedu sabool bay ahaayeen, wax maal iyo mood ah iyo wax shaqo ah oo fiicanna ma aysan haysan. Markii ay Samawada Iskool gaartay, ayaa waxaa la geeyey Dugsiga Hoose/ Dhexe/ Sare ee Faanoole, isla markaasina ay ciddu uga heshay wax-barasho tabbarruc ah. Laakiin markii ay Dugsiga Hoose dhammeysay, ayaa kii dhexe “Iska bixiya” la yiri, kolkaas baa ciddii awoodi weydey, ka-bixinta lacagta Dugsigaas. Waalidkii Samawada, inta tashadeen, bey go’aan ku gaareen, in Samawada loo diro Xamar, oo eeddadeed Aamino oo Xamar joogta, ay la noolaato, abtigeed Siyaad oo isna Xamar ku noolna, uu ka bixiyo lacagta Iskoolka. Sidaas baa Samawada loogu diray Xamar 2005-tii, isla markaasina, inta Iskoolka ‘Usaama Bin-seyd’ lagu daray, wax-barashadeedii halkaa ku sii wadatay. Markaas ay Xamar wax-barashada ka bilaabeysay, waxaa ay jirtay 14-sano. In kasta oo ay daruufi ka muuqatay, laakiin gabar qurux kula siman Iskoolkaas ma joogin. Dhererka, Dhuubnaanta, Isla’ekaanta, Xubnaha kala baxsan ee wada jalaqsan, Wejiga shuban, Indhaha baliisha u eg, Sunniyada qoran ee la-moodo bil dhalatay, Sanka Roomaanka, Bishimaha meel-dhexaadka ah ee quruxda badan iyo Ilkaha wada cad ee siman, Qoorta dheer ee ay cabbaadyadu ku taxan yihiin iyo weliba timaha jilicsan ee garbeheeda ka kala dhacsan, ee Seynta Faras la moodo; qofka qurux yaqaanka ah, daruufteeda ayuu ka dhex arki karaa bilicdeeda. Samawada, waa ay heshaa cunto iyo jiif iyo lacagta Iskoolka oo marmar abtigeed ay ku adkaato in uu si dhaqsa ah ku bixiyo, laakiin wax kale oo intaas dheer ma hesho. Eeddadeed, wax aan cuntadaas ahayn, ma siiso. Xitaa dhar uma
gaddo, oo Samawada, waxa ay xirataa dharka ay ka baxaan labada Gabdhood ee Eeddadeed carruur ka dhashay ee ka waaweyn, abtigeedna, wax aan lacagta Iskoolka ahayn ma siiyo, kolkaas bay niyad-jab ku dhigataa Iskoolka, marka ay aragto gabdhaha qeyrkeed ah oo wada labbisan, misena iska bixin kara cabbitaannada xilliga biririfta. Laakiin Dheg jalaq uma siine, daruuftaas adag ayey inta dugsiga dhexe kaga baxdey bey kii sarena u gudubtay. Xilli duhur ah, oo milicdu dhamac ahayd, oo markaas ku beegneyd horraanta bisha Maalmadoone, oo kicin xoog leh uu cirka ku jiray, Guga oo curasho ku dhawaa awgi, ayaa Samawado oo markaas ka soo baxday Dugsigii Usama Bin-seyd oo ku yiillay aagga Carwada Taleex ee Degmada Hodan ee Xamar – oo ay markaasina dhiganaysay Fasalka Koowaad ee Dugsiga Sare, ayaa iyada oo hiiraan-hireysa, baqoolana u sii ah gurigoodii, inta aysan goyn jidka, waxa ay ku hakatay geed harac ah, oo ku yiillay daanta xigtay ee laamiga hormara Iskuulka sare ee Banaadir. Waa ay harraadsanayd yartu, oo oon bay dhuuntu la qallalnayd, qorraxda oo kululayd iyo iyada oo fasalkii saaka oo dhan iska dhexfadhiday, oo aan haysan jeebgelis ay bannaanka afka wax uga soo geliso xilliga biririfta ah, sida ardeyda kale ee eynigeeda ah, ayna u dheereyd lug ay doonaysay in ay ku gaarto gurigoodii, waxaa se nasiib-wanaag halkaas ay ku hakatay ku yaallay, Miiskii uu wiil ku gado Cabitaannada la qaso. Markii ay soo ag istaagtayba, wiilkii ayaa gabadha aad u eegey, waxaa uuna ka gartay naabta bishimeheeda saaran iyo ilgooyada ka muuqata, in aysan ilaa saaka afkeeda waxba saarin. Waa og yahay, in arday aysan duruufuhu ku wanaagsanayn, haddii ardaygu yahay gabarna ay ka daran tahay. Wax aan cabbitaan ahayn ma gada e, inta u yeeray ayuu Kalax Qare ah u shubay, oo ku yiri “Abbaayo, hoo COSOB 24
cab”. Markii hore in ay ka gobaadsato ayey damacday, laakiin inta uu ku khasbay, oo gacanta ka saaray, ayey ugu dambeyntii Aar-galaankii cabbitaanka Qaraha ahaa, inta la sii jeesatay, qur-qurisey. Inta koobkii oo aan gobo’ biya ah ku jirin miiska u saartay, ayey inta il naxariisle ku eegtey wiilkii, ku tiri “Mahadsanid Abboowe”. “Wax la isku leeyahay la isagama mahad-celiyo”, inta ku yiri, ayuu weydiiyey Magaceeda. “Samawada” ayey inta ugu jawaabtay, bay isna kiisa weydiisey. “Sawrac” ayuu isna ugu war-celiyey. Sawrac, waa uu garanayaa Dugsiga ay dhigato, oo waaba u dhaw yahay, waana fahmayaa in ay Fasallada sare, mid uun dhigato, oo waxa uu ka kasayaa Jalbaabka ay qabto jaadka uu yahaye, waxa uu weydiiyey, xaafadda ay deggan tahay. Maba foga e, waxa ay ugu tilmaantay meel aan ka dheereyn Isbitaal Banaaddir. “Abbaayo, barasho wanaagsan”, inta yiri, ayuu macasalaameeyey, maaddaama uu arkayey daalka inanta ka muuqday. Qeybtii koowaad ee sheekada Nabsi halkaan ha inoo joogto lasoco qeybta xigta ee nuqulka dambe.
Sebtember 2017
Qisooyin Cibro Leh
515 call center 818886 818883 818884
COSOB 25
Sebtember 2017
WAR GALIN MUHIIM AH
Majalladda Cosob, waxa ay ku wargelinaysaa Hey’adaha Ganacsiga, Shirkadaha, & cidkasta oo dooneysa Ogeysiin, xayeysiin, in ay ku sameyn doonto qiimo jaban oo ku raali galiya. 0612221920 | 0615848980 | 0699885600 | 0624442222 | info@cosob.net | www.cosob.net