Bille, Muqdisho
Nofeembar 2017
MUSIIBADII 14-KA OKTOOBER OO
SOOMAA LIDA MIDEYSAY
JAWAABTII IYO ISBARBARTAAGGII XOOGGANAA EE SOOMAALIDU KA BIXISAY XASUUQII SOOBE AYAA MARKALE CADDEEYAY WADAJIRKA IYO MIDNIMADA SOOMAALIDA.
Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre
TUSMO 6 MUSIIBADII 14KA OKTOOBAR OO SOOMAALIDA MIDEYSAY
10 HAYADDA QATAR CHARITY WAXA AY DEEQ DAAWO AH AY
GUDOONSIISAY DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA. 11 SOOMAALIDA KOOFUR-AFRIKA 14 LAASHINKII AAKHIRO KA YIMID 16 HAWEENKA IYO NOLOSHA 17 TAARIIKHDII ABWAAN XASAN SHIIKH MUUMIN 18 MIKHAIL KALASHNIKOV “DAGAALKA CIRAAQ AYAAN KU
OGAADAY IN QORIGEYGU YAHAY MIDKA UGU WANAAGSAN” 20 WAA MAXAAY CUDURKA LOO YAQAAN (TUUGA INDHAHA GALA) 21 DHAHAARADA IYO MUHIIMADA AY LEEDAHAY: QEYBTA 6AAD 22 MURTIDA IYO MAADDA 23 NABSI (QEYBTII 6AAD)
COSOB
1
Nofeembar 2017
Muuqaallo Mudnaan leh
SAAMEYNTA QARAXII ISGOYSKA ZOOBE EE 14-KII OKTOOBAR 2017
Muuqaallo Mudnaan leh
DAYACTIRKA ISGOYSKA SOOBE Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u dayactir ku bilaabay laamiga Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku burburay qaraxii xooganaa ee 14-kii Oktoobar ka dhacay halkaasi. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in si mideysan u nadiifiyaan laamiga iyo goobihii ku burburay qaraxa, maadaama wadadaasi ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka maamul ahaan ay ku qasban yihiin in si degdeg ah ay dib ugu dhisaan. Laamiga oo ka go’ay inta u dhaxeysa Hoteelkii Safaari iyo xaruntii Bisha cas oo labaduba ku burburay qaraxii dhacay ayaa durba waxaa la buuxiyey bohoshii weyneyd, iyadoo laami la saaray. Waxaana furmay maalmo ka dib isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadadaasi. Qaraxii ka dhacay Zoobe oo jaray nolosha 300 qof oo shacab ah, kuwo kalena dhaawacay ayaa sidoo kale wuxuu burbur xooggan uu u geystay guryo halkaasi ku yaallay iyo xarumo ganacsi.
MUSIIBADII 14KA OKTOOBAR OO SOOMAALIDA MIDEYSAY JAWAABTII IYO ISBARBAR-TAAGGII XOOGGANAA EE SOOMAALIDU KA BIXISAY XASUUQII SOOBE, AYAA MARKALE CADDEEYAY WADAJIRKA IYO MIDNIMADA SOOMAALIDA.
Weerarkii loo adeegsaday gaariga xamuulka ah ee ka dhacay isgooyska Soobe, 14-kii Oktoober, waxaa lagusoo beegay xilliga salaadda casarka. Dadka qaar waxa ay ku howlanaayeen in ay dib u furaan goobahooda ganacsi, halka kuwa kalana ay ku mashquulsanaayeen howl-maalmeedkoodii shaqo, dadka qaar waxay dhoobnaayeen boosteejada iyagoo sugaya baabuur ay raacaan, waddaduna ciriiriga ka jira awgeed baabuur badan ayaa isku soo gaartay isgooyska, iyadoo daka qaarna inta ka soo rawaxeen shaqada ay u soo socdeen guryahooda ama gooba ay ku nastaan, waxay ahayd xilli meesha qaraxu ka dhacay ay ahayd mid ka mid ah waqtiyada ugu mashquulka badan. Waa barta ay ku kulmaan waddada Afgooye iyo waddada Danwadaagaha (Isgooyska Soobe), waxa uu ka mid ahaa isgoysyada ugu mashquulka badan Caasimada Moqdisho. Waxaa ku yaalay hoteello, maqaayado, carwooyin, tukaamo
COSOB
Isbitaallo, iskuullo iyo xarumo kaloo badan. Xilli haddaba dadka halkaa ku sugnaa aaney qabin feejignaan ama cabsi markaas taagan oo la xiriirta war war laga qabo qarax ama xasuuq intaa la eg; maadaaba waddadaas aan looga baran qaraxyo, marka laga reebo qarxii hoteel Shamow ee 8 sano ka hor dad far badan lagu laayay, kaasi oo ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn goobta kani ka dhacay, ayaa waxaa mar qura magaalada inteeda badan ama dhammaanteed gilgilay dhawaq qola walabaa ay u qaateen in halka ay ku suganyihiin uu ka yeeray, gaar ahaan degmooyinka Hodan, Wadajir, Dharkenley, Waabari iyo Howlwadaag, oo dhammaantood si xoog leh looga maqlay daryaanka qarxa, weyninka uu lahaa awgi, taasoo durba uu xigay qiiq weyn oo cirka isku shareeray lagana arki karay inta badan Muqdisho. Wuxuu ahaa qarax loo adeegsaday qaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo lagu sheegay noociisa in uu yahay TM,
6
Nofeembar 2017
dhaawacii si loogu dabiibo, taasoo dhinaca kalana niyad wanaajin iyo barbar istaag u noqotay dadkii dhibku gaara iyo eheladoodii.
GURMADKA DIBADDA Madaxda dowlada ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ah oo ay aduunka u direen durba looga jawaabo, iyadoo dalal uu hurmuud ka yahay Turkigu ay daryeel deg deg ah u fidiyeen bukaannadii dhaawacoodu uu aadka u liitay. Turkiga ayaa xilliyo kala duwana waxa ay Soomaaliya ku soo jeedisay indhaha aduunyada, sida taageeradii aaney Soomaalidu waligeed iloobeynin ee gurmadkii abaahrah 2011-kii, gargaarkaas oo aan hal marna istaagin, kaasoo ugu dambeynna isu beddelay heer hurumarineed, iyagoo Soomaaliya ama Muqdisho ka dhistay waddooyin, isbitaallo iyo xaruma waxbarsho oo lagu diirsaday. Waxaa jira dalal kale oo iyaguna gurmad xoggan sameeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Djibout, Qadar, Imaaraatka, Mareykanka, Kenya Itoobiya iyo dalal kale oo dhamaantood dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku garab istaagay musiibadii 14-kii Oktoober. Nooc kale oo barbar istaag ah ayey waddamada qaar Soomaaliya ugu muujiyeen taageero. Taalada magaalada Paris ee wadanka Faransiiska ayaa saqdii dhexe 16-kaoctoober leerkeedii la damiyay oo mugdi laga dhigay, si loogu baroordiiqo dadkii lagu laayay weerarkii Moqdisho, sidoo kale calaamada ay caanka ku tahay Toronto ayaa loo badalay midabka calanka Jamhuurida Soomaliya ee buluugga ah.
SOOMAALIDA OO U MIDOWDAY MUSIIBADA Dhacdadii Soobe ayaa si aan hora loo arag u mideysay dareenka iyo caadifadda dadweynaha Soomaaliyeed, inkastoo looga bartay marka dhibaato jirto iney is garab istaagaan, haddana markaan si ka baaxad leh ku wii hore isugu soo baxay iney meel uga soo wada jeestaan cadawgood, una muujiyaan taageero iyo barbar istaag dhibbanayaashii musiibada. Dadka Soomaaliyeed ayaa gobol walba oo ay joogaan waxaa uu u muuqday inuu ahaa kan ay ka dhacday dhibaatadu, iyadoo muragadu ay taabatay qof walba iyo guri walba oo Soomaaliyeed.
kaasi oo ku qarxay isgooyska Soobe. Waa Qarixii ugu weynaa ee abid ka dhaca Muqdisho, iyo guud ahaan Soomaaliya. In kabdan 642 muwaadiniin ah ayaa waxyeello nafeed ka soo gaartay, kuwaa soo isugu jira 358 dhimasha ah iyo 228 dhaawac ah, halka in ka badan 50 qofna ay la’yihiin ehelkoodii, weerarkaas oo lagu sifeeyay inuu ahaa gumaad ama xasuuq aan loo meel dayin, sida ay shaacisay Dowladda Federaalka ah Soomaalia. Marka laga soo tago khasaaraha nafeed, dowladdu ma aaney sheegin khasaaraha maaliyadeed ee muwaadiniinta iyo dowladdaba ka soo gaaray musiibadaas. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir , mas’uuliyiin kale iyo dadweyne ubadanaa dhalinyaro ayaa dhiigooda ugu deeqay
COSOB
Dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa in badan oo ka mid ah waxaa ay ahayeen dad u xamaala qoysas dan yar ah oo iyaga ku tiirsanaa, iyadoo markii warbaahintu baahisay dadka dhibku gaaray xaaladahooda iyo waxa laga yaqaanno uu mar kale sii laba kacleyey dareenka Soomaalida. Dadka ku dhintay Soobbe waxaa ka mid ahaa, 4 will oo isla dhalatay, kuwaas oo goobta meel u dhaw dukaan ku lahaa, waxaa sidoo kale ku dhintay will iyo gabar isla dhashay oo u shaqeyn jiray qoys tobaneeya ah oo labadooda uun ay lixaad ka qabeen, halka la sheegay in qoyska intiisa kale ay cuuryan ahaayeen aann hadda cidna u maqneyn. Qisooyin far badan oo muruga leh ayaa la soo tabiyay oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
ISU-SOOBAXYO WAAWEYN Dibad baxyo qaarkood aan abaabul xooggan ka dambeyn hasa ahaatee ay dadku si caadifeysan oo cara iyo muraga leh isugu soo baxeen ayaa ka dhacay inta badan magaalooyinka Soomaaliya. Dadka isusoo baxay ayaa madaxa ku soo duubtay mara gaduudan oo ay ugu tala galeen iney ku muujiyaan
7
Nofeembar 2017
baroor diiqda, iyagoo hadallo qiira leh oo barbaristaag ah ku qaylinayay. Gobolka Banaadir oo ah meesha dhibaatadu ka dhacday, ayaa dibad baxa ka dhacay maalintii qaraxa maalintii ka dmabeysay. Waxaa loo arkay inuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo reer Muqdisho iyagoo aan baqeyn ay ku cambaareeyaan weerarka naxdinta lahaa. Reer Muqdisho ayaa looga bartay iney ka baqaan ka hadlidda arrimaha noocaan oo kale ah, iyadoo kuwooda ka hadlayaana ay magaca iyo muuqooda qarin jireen, laakiin carada ay ka qaadeen musiibadaan darteed waxa ay ay ku dhiirradeen inay banaanka u soo baxaan iyagoo codkooda iyo muuqoodaba si cad u muujinaya, kuna baaqaya in si wada jir ah loo wajaho dhibaatada. Gobollada kale ee dalka ama maamul goboleedyada ayaa iyaguna isugu soo baxay meelo fagaar ah si ay u muujiyaan waxa ka dhacay xamar iney ahaayeen dhibaatyo Soomaali oo dhan loo geystay. Waxay sheegayeen dibad baxayaashu in aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyin kale oo ka dhaca Muqdisho, waxaana ay sheegeen iney ka go’an tahay iney gacan adag isaga qabtaan cid walbo oo amniga wax u dhimeysa. Soomaalida ku nool qurbaha ayaa iyaguna si mideysan uga carooday ugana hadlay dhibka Xamar ka dhacay. Waxa ay sameynaayeen baroordiiq lagu qabtay meela kala duwan, iyagoo gurmad lacageed iyo qaaraan uruurisna ku biiriyay ka jawaabidda musiibada.
GURMAD WAJI BADAN Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada iyo dibadda ayaa bilaabay iney sameeyaan gurmad xoog leh oo wax looga qabanayo dhibkii dhacay, iyadoo qof walba uu bixinayay wixii karaankiisa ah. Dhallinyaro is abaabushay ayaa hor boodayay gobol kasta sidii ay dadka gobolkoodu uga qayb qaadan lahaayeen dhaqaalaha loo aruurinayo dadka dhintay eheladoodii ama lagu daweynayo kuwa dhaawaca ah. Deegaannada Puntalnd ayaa dhallinyaro isu soo baxday waxaa ay ku dhawaaqeen baroor diiq ay aad warbaahintu u tabisay, dhallin yaro isugu jira wiilal iyo gabdho oo barooranaya. Puntland ayaa iyana soo dirtay dhakhaatiir iyo dawooyin ay uga qayb galeen gurmadka. Dhallin yarada isugu soo baxay Garoowe ayaa soo uruurshay lacago ay ugu tala galeen dadka dhibku gaaray. Culumada magaalada Boosaaso ee isla Puntland ayaa iyaguna soo jeediyay muxaadarooyin diini ah oo dadka looga wacyi galinayo falalka xun xun ee aan islaamku raalli ka ahayn sida leynta marasta iyo waxa la midka ah. Magaalooyinka Baydhabo, Beledweyne, Kismayo, Cadaado iyo Jowhar aya ayana ka mid ahaa meelaha lacagta laga uruurshay. Magaalada Baydhabo, dhallin yaro iyo waayeel intaba dadku waxa ay bilaabeen iney u guntadaan sidii qaaraan uruurin baahsan loo sameyn lahaa, iyadoo maamullada Iskuullada laga codsanayay iney ardayda ku qoraan lacago, iyadoo ganacsatadana goobahooda ganacsi loogu tagayay, taasoo keentay in dhaqaala badan la soo aruursho, oo lagu wareejiyo guddiga gurmadka qaran.
Si kastaba ha haatee isku duubnida iyo midnimada ay keentay musiibadii 14-ka Oktoobar ayaa u baahan in si wanaagsan looga faaiideysto, waxaana dadka in dheer garadka ah ay ku baaqayaan in dowladdu musiibada dhacaday ay u beddesho fursad looga faaiideysto awoodda dadweynaha oo lagu jiheeyo danta qaranka iyo difaaca dalka. Ugu dambeyn musiibadii 14-ka Oktoober iyo kuwii ka horeeyay ee abaaraha iyo fatahaadaha isugu jiray ee dalka soo maray, ayaa dhammaantood hoosta ka xariiqayay sida dadka Soomaaliyeed ay u yihiin xubno hal jir ku wada yaalla oo isla damqanaya, taasoo u baahan in dadka siyaadda iyo hoggaanka hayaa ay la yimaadaan xikamaddii iyo qorshihii looga faaiideysan lahaa. COSOB
8
Nofeembar 2017
Farxiya Maxamed Kheyrre Tifaftiraha Majaladda
COSOB
9
Nofeembar 2017
HAYADDA QATAR CHARITY WAXA AY DEEQ DAAWO AH AY GUDOONSIISAY DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA.
Iyadoo lagu Guda Jiro Gurmadka loo sameynayo Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii Zoobe ayaa Gurmad daawo ah waxaa lagu doonsiiyey Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya . Deeqdaan Gurmadka waxaa soo gaarsiiyey Hayadda Qatar Charity waxayna Dawadaas isugu jirtay Qaybaha ay ka kooban tahay Dawooyinka , waxayna Hayadda Qatar Charity ugu tala gashey in lagula Tacaalo Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14 kii Octoobar ka dhacay Isgoyska Zoobe Ugu Horayn waxaa ka hadley Munaasabadii lagu gudoonsiinayey Deeqdaas Madaxa Xafiiska Hayadda Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Cabdi Nuur Xaaji Cali Mursal waxaana uu sheegey in Deeqdaas ay ugu talagaleen in lagu Daweeyo Dadkii waxyeelada ka soo gaartey Qaraxaasi ee ku jira Iisbitaalada kala duwan ee Magaalada Muqdisho. “Hayadda Qatar Charity waxay mar waliba ka jawaabtaa sidii Shacabka Soomaaliyeed ula qaybsan lahayd Xaaladaha jira
COSOB
iyo baahiyahooda” Cabdi Nuur oo sheegey in Hayadda Qatar Charity ay sii wadeyso deeqaha Noocaan oo kale ah. Xubnihii kale ee ka hadley Deeqdaas waxaa ka mid ahaa Wasiirada Caafimaadka ee Dowlada Federaalka Drs Fowsiya Abiikar Nuur waxayna u Mahadcelisey Hayadda Qatar Charity oo ay sheegtay in ay tahay hayad mar waliba u taagan taakuleynta dadka Soomaaliyeed sidoo kale waxay u mahadcelisey Dowlada Qadar iyo Shacabigeeda Garab istaaga ay Garab istaageen Shacabka Soomaaliyeed wasiiradana waxay kuwareejisay isbitaalka madiina oo kamid ah isbitaalada ka howlgala magaalada muqdisha. Hay’ada Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo jirsaday 10sano ayaa hawlaha uu wax ka qabto waxaa kamid ah daryeelka agoonta, gurmadka abaaraha, mashaariicda horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dhismaha Masaajidada, qodida ceelasha, kaalmeenta masaakiinta, danyarta iyo curyaamiint
10
Nofeembar 2017
SOOMAALIDA KOOFUR-AFRIKA, OO IYADOO DHIBAATOOYIN JOOGTA AH LOO GEYSTO HADDANA NOQOTAY, SHISHEEYAHA HORUMARKA UGU DHAQSIGA BADAN KA SAMEEYAY DALKAAS WAREYSI AY MAJALLADDA COSOB LA YEELATAY GANACSADE SOOMAALIYEED
COSOB: Waa maxay shaqada ugu badan oo ay qabtaan waqti
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-dii, oo dalka ay ka bilaawdeen dagaalladii sokeeye, ee sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, bur bur hantiyeed, dhac iyo bililiqo loo geystay hantidii umada ka dhaxeeysay. Ma jirin wax loo turay. waxa ay ahayd dhibaato weyn, oo natiijo aan fiicneyn ka dhalatay, taasoo waxyeeleysay midnimadi qaranka Soomaaliyeed.
furan dukaamo aan ku iibino cuntada noocyadeeda kala duwan, bagaashka iyo ganacsiyo kale oo badan, oo dharka uu ka mid yahay iyo waxyaabah la isku qurxiyo.
Dadka Soomaaliyeed in badan oo kamid ah intii dhibaatadii dhacday uu Illahay ka bad-baadiyay, waxa ay bilaabeen in ay ka qaxaan dalka ayagoo maciin biday in ay qaxooti ku noqdaan wadamo kaladuwan oo adduunka kamid ah oo ay ugu horreeyaan waddamo ku yaalla qaaraddan Afrika, si ay u helaan badqab nafeed iyo meel ay ku noolaadaandba. Meelaha soomaali badan ay tageen waxaa ka mid ah dalka Koofur-afrika. Soomaalida ku nool Koofur-Afrika, oo lagu qiyaaso, labo- boqol iyo kon-ton-kun oo ruux (250,000) ayaa waxay si qaxooti ah ay u galeen dalkan sanadihii 1992-dii, 1993, dii, illaa1997-dii. Dadka halkaa u qaxay, waxa ay u badan yihiin gacacsato, iyagoo aad ugu dhexmuuqda ganacsiga shisheeyaha jooga Koofur-Afrika iyo kan dadka dalka u dhasahay intaba. Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Koofur-Afrika ayaa ku tilmaamay Soomaalida halkaas ganacsiga u joogta, in haddii ay dalka sii joogaanm 10-ka sano ee soo socota la saadaalinayo iney ka mid noqon doonaan ajaanibta uga dhaqaalaha badan dalka, iyagoo la filayo iney kaalinta afaraad galaan hadii ay 10 sano oo dheeri ah sii joogaan. Dhinaca kale, inkastoo Soomaalidu ay horumar wanaagsan ka sameeyeen ganacsiga Koofur-Afrika, ayey haddana si joogta ah ula kulmaan dhibaatooyin ay kala kulmaan muwaadiniinta dalkaas qaarkood, oo la aaminsanyahay iney ka soo horjeedaan ajaanibta dalkooda dhaqaalaha ka tabcaneysa, iydoo tira aad u fara badan oo Soomaali ihi ay naftooda ku waayeen, rabshada ay kala kulmeen tuugo soo wareertay, halka qaar badan ay dhaawacyo la kulmeen, qaarna hantidoodii la boobay.
xaadirkaan?
CAWIL: Shaqadeenna ugu badan waa ganacsi, waxaa noo
COSOB: Gancsiga Soomaalidu, maxuu kaga duwan yahay kan ay leeyihiin ganacsatada u dhashay dalkaasi iyo ganacsatada kaloo ajnabiga ah?
CAWIL: Waddanku waxa uu leeyahay meelo waa-weyn ee laga
adeegto, dadku waxa ay wax ka iibsan- jireen dukaamanka waaweyn [ee loo yaqaanno suppermarket ka], balse annagu [Soomaali ahaan] waxa aan bilaawnay wixii dukaammada waaweyn, lagu gadaayay, waxaanna geeynay xaafadaha dhexdooda, muwaadiniinta Koofur-Afrikaanka ah[ee caadiga ah], iyo dadyowga kaloo ku nool dalkaasi waxa ay bilaabeen in ay anagga wax naga iibsadaan, sababtoo ah waxkasta waxaan kaga iibinaa tafaariiq, halka ganacsiga Soomaalida ka horna ay wax- ku iibsan-jireen jumlo, taasoo micnaheeda uu yahay qofkii doonaayo in uu iibsado jog kabo ah aanan laga iibin jirin taas badalkeediina uu ku qasbanaa inuu iibsado, darsin kabo ah ama 12-joog. Waxyaabaha aan badalnay oo aan caanka ku noqonay bulshaduna ay u jeclaatay in ay wax naga iibsadaan waa ganacsigaasi tafaariiqda ah. Hasae ahaatee, taasina waxaa aad u dhibsaday ganacsatada dalka udhalatay oo jumlo wax ku iibiya, waxa ay bilaabeen ayagoo adeegsanaayo kooxo bur cad Koofur-Afrikaan ah in ay weerarro joogto ah ay ku qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed, sidaa darteed saaxiibbo badan ayaa naftoodii ku waayay, qaarkoodna nolosha ayaaba lagu gubay. Waxaa naloogeystaa kudhufo oo ka dhaqaaq, mararka qaar dhac lacageed iyo boob hantiyeedba waa layskugu kaaya daraa,waxna kama qaban-karno.
COSOB: Maaxay Dowladdu tilaabo ka qaadday kuwa dhibka
idiin geysta, ma jiraan waxa la taaban karo oo dowladdu idinku garab istaagtay, mise jiraan wax weyn oo muuqda oo aad dalka ka sameyseen?
CAWIL: Dowladdu, waxay waddaa talaabooyin lagu joojinaayo
Majalladda COSOB: Cawil, waxaad inooga warrantaa, dadka
dilalkaasi qorsheeysan ee loo geysto dadka Soomaaliyeed. Waxaa jirtay magaalo la dhihi jiray Balville oo iminka Soomaalida loo dhaafay oo loo bixiyay Somali Country (waddanka Soomaaliyeed), sababtoo ah waxaa ku yaala Hotello, xawaalado, maqaayado iyo tukaamo tiro badan oo ay leeyihii Soomaalida, xitaa takaasida marka la rarayo waxa ay dhahaan Somali country ayaan u socdaa (wadanka Soomaaliya ayaan u socdaa), markaad joogtid magaaladan waxaad moodaa in aad joogtid Suuqa weyn ee Bakaaraha, waana meel ay isugu yimaadaan dad Soomaaliyeed oo dano kala duwan ay ka dhaxeeyo.
Cawil Cabdi Cali: Waxaa la dhihi karaa, safarka Soomaalida
COSOB: Marka laga soo tago ganacsigaas tafaariiqda ah, maxaad kalood isleedahay waad uga duwantihiin ummadaha diggiinna ah ee dalka u soo haajiray?
Haddaba su’aashu waxay ay tahay dowladda Koofur-Afrika maxay wax uga qaban la’adahay xad-gudubka joogtada ah ee loo geysto, Soomaalida iyo hantidooda, sideyse Soomaalidu ula tacaashaa dhibaatadaan joogtada ah? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo lamid ah ayey majallada COSOB ka wareysatay Cawil Cabdi cali, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur-Afrika, isagoo Muqdisho ku sugan. Soomaaliyeed xilligii ay bilaabeen in ay u qaxaan dalka Koofur-Afrika?
xooggiisu waxaa uu bilawday, 1997-dii. Wey jireen dad ka horeeyay oo 1992-dii illaa 1993-dii u safray dalkaas, laakiin aad bey u yaraayeen. Aniga 2005-tii ayaan, tagay KoofurAfrika, markaas Soomaalidu aad-bey ugu yareyd wadanka, shaqada ay qabtaanna waxa ay ahayd shaqo ka duwan tan ay hadda hayaan, waxay joogi-jireen meelaha taksiyada iyo baabuurta ay ka baxaan, waxa ayna ku wareejin-jireen alaabada yar yar sida nacnaca iyo suumanka iyo waxa lamidka ah. COSOB
CAWIL: Waxyaabaha kaloo Soomaalida ay kaga duwan tahay
qoomiyadaha kale ee aduunka waxaa ka mid ah, Soomaalidu wey isoo-raadsadaan meelkastoo ay aduunka ka joogaan, tusaale ahaan markuu qof meel uu dago waxaa la soo daga dad kaloo Soomaali ah ciddii uu doono ha noqdo qabiil iyadoo aan loo fiirineynin, waxay noqonee shan haddii ay yihiin in ay guri ku wadanoolaadaan, labaatan haddey-yihiinna afar guri in ay kireystaan, laakiin isku meel ay yimaadaan oo ay iska
11
Nofeembar 2017
warqabaan, dhaqankaan maqabaan qoomiyadaha kale saasna uma dhaqmaan, waxaan kaloo leenahay guddi isku xiran oo iska warqaba, waan is caawinaa qofkii xanuunsan iyo qofkii kaloo dhibaato heysaba, sidaas ayaanna kaga duwannahay. Afrikaanka kale, ayagu isma caawiyaan. Waxyaabaha aan hormarka ku gaarnay waxaa waaye iscaawintaas iyo iska warqabkaas, aadbaan ugu dheereynaa waana nagula amaanaa. COSOB: Marka aad eegto isbeddalada uu soo maray ganacsiga Soomaalida Koofur-Afrika, ma is leedahay dhaqaalaha ganacsatada Soomaalidu wuu kobcayaa, gaar ahaan marka aad la barbar dhigto Afrikaanka kale? CAWIL: Dadka Soomaaliyeed waa dad hormar ka sameeya wadamada ay tagaan, laakiin dadka kaloo Afrikaanka ah hormar lamid ah kan Soomaalida masameeyaan; tusaale waddanka Kongo waa waddan isna [ay dadkiisu] aad u qaxayeen, Waddanka ay tagaan waxa ay ka noqdaan dad waardiyeeya meelaha gacansiga iyo wixii la mid ah, laakiin Soomaalidu waxa ay noqdeen dad isku filan gacansiyo kala duwan sameeyay. Ma jiro qof Soomaali ah oo u shaqeeya qof Koofur-Afrikaan ah amaba qofkale, Laakiin waxaa jira dad KoofurAfrikaan ah ama dadkaloo Afrikaan ah oo Soomaali u shaqeey. Ganacsigeena anagaa iska leh anagaana ka shaqeysana. Dhaqaalaha wadankan inta ugu sareeysa waxaa iska leh caddaanka waxay leeyihiin warshado, waxaa ku xiga dadka Hindida ah, wax naga xiga hadda ma jiraan waxaa nahay dadka ku soo xiga oo dhaqaalahoodu uu aad-ka u koraayo, Soomaalidu waxay aad u soo gashay dalka, 15-kii sano ee la soodhaafay, ma jirto qoomiyad nala mid ah oo 15 sano hormar ku sameeysay xaga dhaqaalaha marka laga eego.
COSOB
12
Nofeembar 2017
Wareysiga waxaa qaadday Farxiya Maxamed Kheyrre
COSOB
13
Nofeembar 2017
LAASHKII AAKHIRO KAYIMID
Ma seexan habeenkii uu soo dhawaaday bixitaankayga, waxaan habeenkii oo dhan la sheekaysanayey naftayda, mar waan isku xanaaqnaa marna waan is fahannaa. Su’aalo badan ayey i weydiineysay. waxaa kamid ahaa “berri subaxii, sidee reerka u sogootinayaa? hooyo haddaad habsiisid oo ay laabteeda ku galiso armaad oohin is celin waysaa oo halkaas su’aalo badan ka yimaadaan? Bahjo oo ahayd yaraanta hooyo iyo Aabbe sidee hab u siinaysaa oo aad ku dhahaysaa abaayo macsalaamo?”. Waxaan su’aalo is waydiiyaba waxa dillaacay waagii arooryaad. Waan kacay aniga oo aad moodid in aan xalay oo dhan geel shubaayey oo xubnaha jidhka oo dhan i daallan yihiin. Sidii ballantu ahaydba waxaa i soo wacay ninkii laashka. Waxan soo aaday qolka hooyo si ay u noqoto qofka ugu danbeeya oo aan eego. waxaan damcay in aan dhaho “hooyo macsalaamo” laakin waan awoodi waayey, waan yara ag-fadhiistay oo gacmaha u tuutuujiyey, waxaan dareemay naxariis. hooyo madaxa ayey iga shumisay oo ay i dhahday “wiilkaygiyow noloshaada si fiican u maaree oo noqo wiil wax barashada ku wanaagsan si uu Aabbahaa kuugu farxo”. Intuusan hooyo hadalka afkeeda ka dhamaaninba waxan is waydiiyey su’aalo dhowr ah. Su’aal kasta oo aan is waydiiyana waxan u waayaa war-celin. Waxaan ka soo baxay gurigeennii
COSOB
waynaa oo geedka hadhka qaboowi hortiisa ku yaallay . Markaan ka soo dhammeeyey lugtaydii ayaan dib u eegay, waxaan u macasalaameeyey sidii in aan laashkii aakhiro raacaayo oo naxashkii leygu qaadi lahaaba diyaar ii yahay. waxaan is dhahayey “toloow ma kusoo laaban doontaa?” maskaxdaydu jawaab ima aysan siinaynin. ma waxay ka xun tahay bixitaanka aan ka baxayo guriga? mooji. Waxaan soo dhex maray xaafadda dhexdeeda, waxaa i salaamayey asxaabta xaafadda, anne niyadaan ka sogootinayey. Waxaa gacanta ii haatisay gabadh aan aad isugu fiicnayn oo Xamdi la odhan jiray. aad ayaan sheekadeeda u jeclaa Xamdi, laakin saaka igama hayso oo webi kalaa ii cad. Waxaan soo luudaba waxan u imid kooxdii aan rabay in an is raacno. dhammaantood waa ay faraxsanaayen laakiin anigu ma faraxsanayn, mana ogi sababtaas. Waxaa la fuuulay laash aad mooddid maqaar calooleed, waxaan fariistay meel yar oo aan salka dhigtay. waxaa agtayda fadhisay islaan aad u cayilan oo mindhaa halkeeda lug iyo aniguba aan isku miisan nahay, waxay igu fidsataa lugteeda culayska badnayd, Waxaa dagaalay salkaygii maqaarka iyo lafta ahaa iyo laashkii yaraa, waan kuurkuursadaa sidii hal macluuli dishay. Waxaan dhex maraynaa bad-weyn aan ku nahay sidii saxarkii oo kale, yacnii aan aad ula yar nahay. Waxaan arkay qorraxdii oo sii liicaysa iyo aniga oonba tabar lahayn. Waxaan
14
Nofeembar 2017
soo xasuustay in aan jeclaan jiray marka ay qoraxdu dhacayso in aan daawado, laakin galabta xaalku waa is beddalay oo waanba naxay. Waxaan eegay hareerahayga dadka meesha fadhiya waan la yaabay sida ay u madluunsan yihiin oo ay amarka ninka laashka wada u qaadanayaan. waxaanba soo xasuustay malcaamaddii dugsi qur’aanka. Waxaa madoobaaday habeenkii, aniguse waxaan seexadaa hurdo aad mooddid tii carruurnimada, ma awood darradaa igu wacan mise naftan ku sasabayaa? ma ogi. Waxaan dareemay in ay bad-wayntaani noo dulqaadanayso oo ayba hadallo dhahayso laakin aanan maqlaynin. Waa saq dhexe indhaha ayan is yar gashtay, waxaan arkay aniga oo riyo qaab daran dhex maquuranaya. riyadaas oo ahayd noloshaydii hore, waxaanba mooday in aan sariirtaydii hurdo, wan soo haaday mise waa mugdi ciddlo ah. waxaa riin iyo taah billaabay haweenkii laashka saarnaa. wax ka fool xun kana xanuun badan ma lahan in qof dumar ahi ay agtaada ku taahayso oo aadan waxba u qaban Karin, in aad la hoorisid taaha mooyaane. Waxaa dillaacay waagii subaxnimo waxaad moodaa in uu aniga bas ii dillacay, waxaan dareemay nafis yar, Wax yar markii la socday waxaa rafatay gabadh yar oo uur lahayd laashkana saarnayd. waxaa soo xaadirey malaggii nafta
COSOB
ka qaadi lahaa. waa la yaasiimiyey, naftiina way ka baxday. Alla! asxaan darnaaya mulkiilihii laashka. intuu tii yarayd oo mayd ah qoorta ka qabtay ayuu bad-wayntii ku dhex tuuray ayadii iyo ilmaheediiba. Waxaana aaminay qofka ku xiga in aan aniga ahay, oo naftaan la yar hadlay, sidii in ay wax iga maqlayso ayaan ku iri “geeri diyaar ma u tahay?” ma xasuusto jawaabtii ay i siisay. Waxaa hal mar si lama filaan ah hawada u galay laashkii yaraa, markaas ayaan yaqiinsaday in samirkii iyo dulqaadkii bad-wayntu dhammaaday. waxan bilaabay in aan akhriyo xoogaa qur’aan ah oo aan aqaannay iyo in yaroo duco ah. waxaan iri “iska Ashahaado bal, waxa laga yaabaa in aad janno gashide”. intii aan Ashahaadanayey waxa mar labaad kor u kacay laashkii yaraa oo haddane af-gambi u soo dhacay. waxaan arkay aniga oo bad-waynta ku dhex jira. waan is dhiibay oo waan ka quustay naf yar oo aan in badan maaweelinaayey. Waxa si lama filaan ah iigu dhagay naqaska, feerahaygana waxaa buuxiyey biyo
Lasoco qaybta 2aad
15
Nofeembar 2017
HAWEENKA IYO NOLOSHA QOYSKA OO AH MEESHA AADANAHA KA YIMAADO WAXAA SALDHIG U AH HAWEENKA
marka si sax ah cabir u saartid hooyadu waxay maamushaa guriga oo ah meesha ugu mihiimsan ee bulshadu ka dhisato ama ka dhimato. Waxay sida qormadeenii hore ku jirtay soo saartaa raga iyo dumar badan oo manta dunidda wax ka bedelay, kuwo taariikh sameeyay, kuwo bad baadiyay umaddo la,aantood ku noolaan lahaa mugdi iyo gudcur, kuwo ku nooleeyay dhaqaalihii ay haysteen dad u dhimanay gacantooda.
nagu shardiyay, mana awoodo sidaa ayay himaddii iiga guurtay, gabdhii oo ahayd mid caqli badan waxay markiiba u sheegtay inay meherka iyadu leedahay ayna cafisay, wiilkii aad ayuu u farxay sidaas ayuuna arooskoodii ku bilowday,
Qiimaha haweenka leeyihiin dhinaca nolosha waxaad ka garan kartaa marka la doonayo haweenay waxaa isugu imaan jiray duqowda labada dhinac waxana halkaa lagu galaa heshiis balaaran oo ay wada galeen laba dhinaca ah, waxaa lagu bixin jiray xoolo fara badan , xoolaha waxaa inta badan lagu soo celin jiray qoyska gabadha laga guursado, aan soo qaadano qisooyinkaan.
Subixii ayuu odoyashiisii u sheegay in meherkii gabadhii u cafisay oo culays wayn ka dhacay, odoyaashii waxay samaysteen shax iyo talo ay dib ugu heli karaan awrtii iyo qoryihii, waxayna goosteen inaysan culayska martinimada aysan reerka ka qaadin. Markii todobaadkii arooska wiilku dhamaaday intaana la marti soorayay ayuu xaaji cumar u yimid odoyaashii si uu u sagootiyo, laakiin odoyaashii waxay ku yiraahdeen: tagi mayno inaan gaadiid helno ma ahee, mana tagayno inaan hub aan ku jir marno helno ma ahane, waxaan hilib iyo caano ahayna ma cunayno intaan joogno.
Intaan arimaha haweenka baarayay waxaan ogaaday gabadhii ugu qaalisanayd ee xoolo iyo hub laga dhiibo waxay ahayd gabar uu dhalay Xaaji cumar cameey oo ahaa nabadoon , gabyaa iyo caaqil ku noolaa gobolka sool, Xaaji cumar cameey waxaa gabar ka soo doonay reer ay deris ayaayeen, wuxuuna ku xiray inay keenaan 50 halaad oo yarad ah, sanad ka dib ayay keeneen, markii xigtayna wuxuu maherkeedii ku shardiyay 50 halaad oo kale waana aqabaleen, intaa markii ay joogto ayay arooskii u soo diyaar garoobeen waxay soo wadeen 30 rati oo rukuub ah iyo sodon qori waxaana la soo waday wiilkii si gabadha loogu aroosiyo looguna cayaaro, sidoo kale waxay ka tirsanayaayeen dariiqada qaadiriya, xaaji cumar markii ay reer xididkii u yimaadeen si gabadhii loogu dhiso waxuu ku xujeeyay laba arimood, midda koobaad inay ku wareejiyaan Awrta iyo qoryaha ay wataan, midda labaadna inay qaadiriya oo ay ka tirsanaaayeen ka baxaan oo ay noqdaan saalixiya.
Haaji cumar cameey waxaa u caddaatay in la xujeeyay, wuxuuna fahmay in sooryada dadkaan xididka la noqday ay culays wayn ku hayso, sidoo kalana wuxuu diidanaa in halkaa fursad loogu gabyo ama magac xun ku raaco ka soo baxdo, wuxuu go,aansaday inuu arwtii iyo qoryahoodiiba u celiya wuxuuna ku yiri: hubkiinii iyo awrtiinii waan idiin celiyay xaaskiinana waan idin raacinayaa oo kama tagaysaan, wuxuuna gabadhii iyo reerkii guursaday oo wada socda u sagootiyay si sharaf leh, gabdhiina waxaa loo raray awr hilib iyo caano ka buuxan iyo ari fara badan, intaa markii ay dhacday oo ay doonayaan inay tagaan ayay u yeedheen xaaji cumar cameey waxayna uga mahad celiyeeen sida wanaagsan ee u sooray intay joogeen iyo sida sharafta leh ee uu u sagootiyay, waxay hadalkii ku soo gunaanadeen inay qaadiriyadii ay ka baxeen markay gabadha doonayeen ay dib ugu noqdeen sidaa ayaana sheekadii ku dhamaatay oo la isku mac-salaameeyay.
Duqaydii iyo dhalinyaradii gabadha doonaysay waa shireen waxayna go,aansadeen si ay helaan waxay u soo socdaaleen in ay dhiiibaan awrta iyo qalabka, waxay kaloo sheegeen inay ka baxeenn qaadiriya oo saalixiya noqdeen, sidaas ayay ku dhamaatay oo wiilkii arooskii ku galay.
Sida ka muuqata sheekadaan waxaad ka fahmaysaan nimankii gabdha doonayay inaysan ka hor-imaan doonistii ninkii gabadha ay ka doonayeen, laakiin markii ay fuliyeen dalabkiisii ay la yimaadeen qorshe ay dib ugu heli karaan xoolihii shardiga looga qaaday , sidoo kale markii ay heleen xoolahoodiina ay u sheegeen inay ku laabteen dariiqadii ay aaminsanaayeen. Sheekadaan waxaa ku jira tartiib iyo faham wayn oo u baahan in laga faaidaysto.
Markii habeenkii la aqal galiyay ayuu wiilkii iska seexday, mudo sedex bari ah markii uu jiifay oo uusan dhinicii gabadha soo fiirin ayay waydiisay sababta iyo waxa ku dhacay? Wuxuu ugu jawaabay aabahaa wuxuu kugu mehriyay 50 halaad oo uu COSOB
Osman Sheekh Ahmed 16
Nofeembar 2017
TAARIIKHDII ABWAAN XASAN SHIIKH MUUMIN iskuna miisaami lahaa ayuu nishaabay. Xagga waxbarashada sidoo kale, dabyar ma shidin. Wuxuu ku noqday guddigii 1970kii loo xilsaaray qorista af Soomaaliga maanta aynu miradeeda muudsanayno. Hawshiisa fara badnayd wuxuu ka cudur daartay, ha yeeshee, waxaa loogu bedelay la-taliye u noqdo. Mahrajaanadii dhalinta dugsiyada kala duduwanaa intooda badan asagaa isku dubariday waxaa ka mid ahaa: Soomaaliyey sara kacaa Isticmaarka surka goynoo Oo dalkeena aan ka saarno…. Haddaba aynu soo qaadano suugaantiisii qaar ka mid ah, halka dadka madaxooda iyo maankooda ruxisay: Gorayadu ilmaheeda Xasan Sheekh Muumin wuxuu ku dhashay magaalada Boorame xiliyadii 1930.kii Caa’ilad reer diineed ayuu ka soo jeedaa. Dugsiga quraan ayuu waxbarshadiisa ka billaabay. Shaqooyin kala duduwan ayuu qabtay. Shaqadiisii dowladeed ugu horeysay wuxuu ka qabtay Raadiyo Muqdisho iyo Wasaaradda Waxbarashada. Raadiyo Muqdisho wuxuu ka ahaa soo saare barnaamij. Taa dambe, waxay fursad u siisay inuu diyaariyo agaasinka waxna ka alifo barnaamijyka “Riwaayada Raadiyaha,” hab taxane ah dadweynuhu aad u hiigsado. Halkaas ayuu ku soo caan baxay. Hawshiisii ugu horeysay, wuxuu abaabulay Riwaayada la magac baxday: “Hubsiimo hal baa la siistaa.” Isla markiiba xigtay Golaha Murtida & Madadaalada lagu furay: “Shabeel Naagood,” ayadu noqotay heer caalami. Waxaa turjumay Macalin Goosh (Andrzejwski: Leopard Among the Women, London, @1974, OUP). Waxaa xigay “Gaara Bidhaan” iyo “Ehelunaar Adduunka.” Labadan dambe iyo guud ahaan fikradihiisa, waa labo sheeko mujtamaca taabanaya. Tan hore, waxaa ayaamahaas kulmay, dhalinyaradii wadanka waxbarasho dibada ugu maqnaa iyo soo laabadkoodii ayagoo soo guursaday hablo caddaan ah. Sheekada wadanka jirtay umbuu taabtay, waxay bulshadi ku noqotay: “Meel bugta iyo fartay is og.” (hoos ayeynu kaga hadli doonaa). Midan kale, Ehelunaar Aduunka, ayada wuxuu ka soo naqliyey fikrada suugaanlihii Masar, “Al mucadabuun fil ardi,” waana sheekada shaqaalaha ku dulman wax soo saarka dhaliya iyo hanti goosadka ribix kaliyah u muuqdo. In la is waafajiyo sidii wax loo sixi la
Aroori bay dhigtaayo Aboodigu ku laayaa Shimbirtuna aroos ay Ilaxidhoo ammaana bay
Halkan waxaa inooga soo baxaya isaseega (iska soo horjeedka) iyo ekaansho ka dhex muuqda labo maanso. Iyo wax hoos u qarsoon oo ay tahay qofka dhagaysanaya inuu kala soo baxo ubucda maansada. Midaa weeye ta dhadhanka goonida u yeelaysa maansada. Halkan ekaanshuhu, waa ubad shimbir iyo gorayo. Ereyga qarsooni waa labo shay oo kala weyn. Shimbir yar iyo goroy aad uga weyn. Isaseegu wuxuu ku jira, habka dhaqanka labadan shimbirood. Midii weyneyd, ubadkeeda meel cidla’ ciirsan ayey uga dhaqaaqdaa, tii yareydna buul geed dhaladii ku yaal ayey uga dul heestaa. Baydkan dambe, adinka ayaan idiin daayey inaad maankiina maashaan: Ilka weynow maroodigu Aradaduu mirtaa buu Cadowgu ka ugaadhaa Aboorkuna dundumadaan Aragnay buu dhistaayoo Naftiisa ku ilaashaa…..! Suugaantiisa ka dhammaan meyno, sidoo kale, dab dhaxamooday, durdur oomay iyo daawo bukootay bal idinkuba eegoo in la helo meel laga maro. Maanta umbay inoo muuqataa inay maanta ciida ku rognay Qaamuus. Aniga dhowaan ayuu dhidibka ila aslay buug, qalinkana ku duugay
17
Haddanna wax fara badan wadaaga qaar muuqda iyo mid qarsoon (Compartative Analysis). Inta waxaa dheer riwaayadiisa sare ku soo xusay, “Gaaraa Bidhaan,” waxay isku miisaan wadaagaan riwaayadda Cali Sugule, “Kalahaab iyo Kalahaad.” Ayaguna wakhigooda ayey leeyihiin. Waxaan isleeyahay buuggani wuxuu gaarsiiyo meel uusan haaban lahayn la’aantii, dhinac walba marka laga eego. Waxaan ka qoray, malahayga, dhowr cadad ayey u baahan yihiin in lagu soo wada koobo. Kolayba in aan abaal uga dhigo ayaa i dulsaaran. Asagana naxariis iyo jannada Fardowsa Ilaahay ha ka waraabiyo eheladiisana iyo Soomaalina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin!
Ubadkeeda seexisaa…..!
COSOB
hordhaciisana. Waxaa intaa dheer subax Ilaahay keenaba, fikrad cusub iyo talo wax ku ool ah ayuu kolba igu soo butaaci jiray. Wuxuu nishaabi jiray halkan isleeyahay waxay u baahan tahay in la is barbardhigo labo maanso aan shaqo isku lahayn.
Nofeembar 2017
Abwaan Xasan Sheekh 16kii Jannaayo 2008 ayuu ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaana lagu aasay magaalada Boorama. Ilaah ha u naxariisto.
Abdulfatah Abdullahi Gacmadheere Asaaska Suugaanta Soomaaliyeed
MIKHAIL KALASHNIKOV “DAGAALKA CIRAAQ AYAAN KU OGAADAY IN QORIGEYGU YAHAY MIDKA UGU WANAAGSAN”
Mikhail Kalashnikov oo ah ninka soo hindisay Qoriga loogu isticmaalka badan yahay Adduunka ee AK-47 oo u warramayay wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Ciraaq uu ku ogaaday in qorigiisu uu weli yahay midka ugu wanaagsan, maadaama uu yiri ay ciidammada Mareykanka oo soo saara qoriga M-16 ay isticmaalaan qoriga AK-47. Kalashnikov oo haatan 86-jir ah kana hadlayay shir jaraa’id oo uu habeen hore ku qabtay magaallada Moscow ayaa waxa uu yiri “xitaa haddii qoriga AK47 uu muddo dheer ku raago meel ama god, uma baahna in wax badan aad ka qabato, keliya wuxuu u baahan yahay in aad boorka ka jafto, kaddibna xabbad ayaa ka dheceysa”, waxaana Kalashnikov uu intaa ku daray “Dagaalkii Vietnam ciidammada Mareykanku waxay iska tuureen qoryahoodii M-16, waxayna qaateen qoriga AK-47 oo ay ka furteen meydadka askartii Vietnam”, “U fiirsada dagaalka Ciraaq waxaad maalin walba Shaashada ka arkeysaan ciidammada Mareykanka oo saaran gawaaridooda gaashaman, isla markaana wata Qorigeyga iyo Rasaastiisa”. Isticmaalka qoriga AK-47 ayaad aad ugu badan dalka Ciraaq, iyadoo sababaha qorigaasi oo uu Kalashnikov soo saaray 1947-kii lagu jeclaaday ay tahay fudeydkiisa iyo qaabka toogashadiisa. Haddii aan u milicsanno taariikhda Kalashnikov magaciisa oo buuxa waa; Mikhail Timofeevich
Kalashnikov, waxa uu dhashay 10-kii November 1919-kii, waxaana uu ka dhashay qoys sabool ah oo ku noolaa dalka Ruushka, waxa uu shaqadiisa Injineernimo ka bilaabay xarun Tariin, halkaas oo uu Kalashnikov si aad ah ugu bartay Makaanikada. 1938-kii waxa uu Kalashnikov ku biiray ciidammada Red Army ee dalkiisa, waxaana hormuud looga dhigay Taangi, inkastoo 1941-kii markii uu si xun u dhaawacmay dib loogu celiyay dalkiisa si loogu daweeyo, laakiin Kalashnikov waxa uu Isbitaalkii uu ku jiray uu ku sameeyey naqshadda qorigiisa AK47, kaasoo si rasmi ah loo soo bandhigay 1947-kii. Kalashnikov waxa laga dhigay soo saaraha guud ee Hubka fud-fudud ee Midowgii Soviet, waxaana uu soo saaray mar kale Qori Automatic ah oo ka duwan AK-47 oo loo yaqaanno “RPK” (Ruchnoi Pulemyot Kalashnikova), waxaana qorigani uu qaadanayaa Rasaas silis ah oo aad u fara badan. Wixii ka dambeeyey 1949-kii Kalashnikov waxa uu u adeegayay magaallada uu ka soo jeedo ee Izhevsk, isagoo dhaqtar ah waxaana la guddoonsiiyay abaalmarinno ay ka mid ahaayeen (Hero of Social Labor), 1998-kii ayaa sidoo kale la guddoonsiiyay “Order of Saint Andrew the Protoclete), iyadoo wiil uu dhalay Kalashnikov uu isna raacay wadaddii Aabihiis noqdayna nin Hindisa Qoryaha fudud, waxaana uu ku guuleystay soo saaridda qori fudud oo lagu magacaabo AN-94, kaasoo ay haatan adeegsadaan ciidammada Ruushka.
COSOB
18
Nofeembar 2017
Yaxye Yuusuf Khasaaro
COSOB
19
Nofeembar 2017
WAA MAXAAY CUDURKA LOO YAQAAN (TUUGA INDHAHA GALA) QAAR KA MID AH XANUUNADA INDHAHA KU DHACA
waxaan halkaan ku qeexaynaa qaar kamida xanuunada iyo cudurada ku dhaca indhaha inshaa allaah.
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid gulukooma haddii uu jiro:
Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca
1: qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba gulukooma. 2: cudurka sonkor ama sonkorow ama kaadi macaan haddii uu kugu dhacay, 3: cudurka dhiig-karka haddii uu kugu dhaco ama cadaadis ka dhiigaagu uu noqdo mid sareeya, 4: haddii aad qabto cudurada wadnaha 5: ama shaqo yari ku timaada qanjirka qoorta (hypothyroidism) 6: Haddii dhaawac isha kaaga dhacay, 7: haddii laguugu sameeyay qalitaanada indhaha qaarkood 8: haddii aad qabto barar indho oo mudo dheer jiray 9: haddii da’daada ka weyn tahay 60 sano.
oo keeni kara indho-la’aan ama lumis arag. Marka uu kugu dhaco gulukooma, dheecaan ayaa buuxsama isha, taa soo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. Cadaadis kaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve) waxana uu sababaa lumis aragga ah. Badanaa marka hore waxaa wax yeelo soo gaartaa aragga dhinacyada, taa soo ay ku xigto aragga xagga hore. Noocyada Gulukooma Laba nooc ee ugu weyn gulukooma waa: 1: Gulukooma xagal furan (open-angleglaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka gaarayso heer fog. Si tartiib ah ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib. Taasi waxay saameysaa labada indhood ba laakiin waxa laga yaabaa inaad marka hore calaamado ku aragtid hal il kaliya. 2: Gulukooma xagal xiran (angle-closure glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo si dhakhso ah sare ugu kaca iyo calaamado si dhakhso ah u yimaada. Lumid aragga oo joogto ah ayaa ku dhici karta qofka maalin gudaheed. sidaa daraadeed waxaa muhiim ah inaad hesho daaweyn deg deg ah. COSOB
Calaamadaha Gulukoomada waxa laga yaabaa in ay san yeelan wax calaamado ah ilaa ay ka imaanayso lumidda aragga Calaamadaha kale ee Cudurkaan aad ku arki kartid waxa ka mid ah: 1: Aragtida oo isku darsanta 2: iftiin ku wareegsan wax iftiimaya (Halos) 3: Lumidda aragga dhinacyada (peripheral vision) ka 4: Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision) 5: Indhaha oo casaada qofka 6: Xanuun indhaha ah oo daran 7: Lallabo iyo matag 8: Lumista araga (vision loss)
Ahmed Abdullahi 20
Nofeembar 2017
DHAHAARADA IYO MUHIIMADA AY LEEDAHAY: QEYBTA 6AAD ISTINJADA AMA DARAB QAADASHADA. Aqristaha qiimaha badanow waxaan kuguda jirnaa maqaalkii dhahaarada uga hadleynay,maqaalkii hore ayaan ugu hadlnay ISTINJADA ama DARABQAADASHADA. maqaalkani waxaan kaga hadli doonaa XAALADA WANAAGSAN OO LAGA DOONAYA IN AY LAYIMAADAAN DADKA MUSLIMIINTA AH. Waxaa jira waxyaaba wanaagsan ee ay Diinta Islaamka nagu baraarujisay, kuwaas oo ah waxyaaba wanaagsan Nabi yadii hore doorteen in ay kudhaqmaan. Waxaana lagahelayaa oo faa’ida ah maslaxad diineen iyo mid aduunyo, waxaana lagu ogaankaraa in siwanaagsan looraadiya ( loo raacraaca),waxayna kuwa qurxiyaan qaabka ama hey’ada qofka, jirkana way nadiifiyaan. Maqaalkan waxaan ku eegi doonaa qaar kamid waxyaabaha horseeda quruxda jirka iyo nadaafadiis. Waxaana jira Axaadiith kasugan Nabi Muxamed s.c.w. oo tilmaamaya wanaaga ay leeyihiin waxyaabaha aan tilaami doona. ££
Rasuulkeena suuban s.c.w. wuxuu yiri: “fidrada wanaagsan waa shan:
1.
Gudniinka.
2.
Tinta hoose oo laxiira.
3.
Gaabinta shaaribaha.
4.
Jarida cijiyaha.
5.
Timaha kilkilaha oo latifa ama lajara”.
££
Sidoo kale Rasuulka s.c.w wuxuu yiri: “ Toban walxaad fidrada ayay kamid yihiin:
1.
Gaabinta shaaribaha.
2.
Garka oo ladaaya ( aan laxiirin ama aan lajarin).
3.
In lacadeyst ( ilkaha oo lagu nadiifiya caday ama wax lamid ah).
4.
Sandaarsiga ( marka laweesaysanaya in sanka biya lagu nadiifiya).
5.
Cijiyaha oo lajara.
6. Faraha meelaha laalaaban ( gacmaha ama lugaha) oo lanadiifiya. 7.
Timaha kilkilaha oo latifa ama lajara ( laxiira).
8.
Tinta hoose oo laxiira.
Tobanka walxaad mid waliba sigooni ah ayuu u iftiiminayaa ama ubidhaaminayaa faa’idada gaarka ah ee uu leeyahay, sidaas darteet waxaa nala gudboon in aan kudadaalna waxkasta oo ay diinteena nafartay dan aduunyo iyo mid aaqira ayaa noogu jirtee. Aqristaha sharafta mudanow waxaan kahadli doonaa hadii Alla idma maqaalkan kan xiga qeyba kamid ah tobanka walxaad ee Rasuulkeena s.c.w. noogu tilmaamay labada xadiith ee kor kuxusan, sida gudniinka macnihiisa, xukunkiisa,maxay culimada islaamka kayiraahdeen gudniinka.
9. Biyaha oo lagu istinjooda ( lagu darab qaata).
Gudniinka fircooniga soomaalida ugu yeerta maxay diinteena katilmaantay, ragga iyo dumarka gudniinka maka simanyhiin.
10. In biyo lagu laluqlquda marka laweyseysanaya.
Waxaan kaloo kahadli doonaa Cadayga waxa uu yahay iyo Gerka oo ladaaya ama aan lajarin xukun ahaan muxuu yahay.
F.G. FIDRADA waxaa laga wadaa wanaaga Alla uu udhaliyay qofka muslimka ah.
Intaa oo dhan hadii Alla idma maqaalkan kanxiga ayaan kaga hadli doonaa.
Hadaba labadan xadiith ee kasugan Nabi Muxamed s.c.w. waxay tusinayaan waxyaabaha wanaagsan ee lagudboon qofka muslimka ah in uu layimaada iyo in uu kuadaala nadaafa jirkiisa. Aqristaw waxaad arki kartaa sida ay Diinta Islaamka utusineysa bini aadamka waxa wanaagsan ee anfacaya, nadaafada in ay tahay shey muhiim ah ayaa meesha kafahmi kartaa.
COSOB
21
F.G. wixii su’aala ah ee kusaabsan mawduuca waad noosoo gudbi kartaan waxaana jawaabta kusoo qori doonaa maqaalka xiga hadii Alla idma.
Xasan Axmed Nuur Nofeembar 2017
MURTIDA IYO MAADDA
1. HALKAN AYAA KA IFTIIN BADAN. Fargal uu lahaa Nin la odhan jiray juxo ayaa waxa uu kaga lumay guriga dhexdiisa,in badan oo uu raadiyay kaddib juxo waxba maa’uusan helin,gurigii ayaa uu debedda uga soo baxay waxaanu yimid meel jaarka dhexdeeda ah isaga oo fargalkii ka daydayaaya meesha,dadkii jaarka ayaa ku yidhi juxo maxaad meesha ka raadinaysaa? Waxa uu ugu jawaabay fargal ayaa iga lumay oo aan raadinayaa,dadkii waxa ay waydiiyeen oo xaggeebuu kaaga lumay ? waxa uu ku yidhi guriga dhexdiisa, dadkii oo yaaban ayaa waxa ay ku yidhaahdeen oo haddaa maxaad halkan uga raadinaysaa miyaad guriga ka raadisid? waxa uu ugu jawaabay halkan ayaa ka iftiin iyo nuur badan guriga!.
2. HOOYO MAXAA AY TIMAHAAGU LA CIRRAYSTEEN. Waxaa jiray wiil yar oo maskax badan, wiilka yari waxa uu dhigan jiray iskuul, maalin malmaha kamida ayaa waxa uu arkay hooyadii oo madexeeda badh soo cirraysanayo kaddib waxa uu is waydiiyay hooyadaa maxaa ay timaa badhkood la caddaadeen, wiilkii yaraa hooyadii maa uusan waydiin, isaga uun baa iswaydiin jiray. maalin maalmaa kamida ayaa waxa loo yeedhay waalidkii iskuulka uu dhigan jiray wiilkii yaraa waxa uu kaxaystay hooyadii oo loogu yeedhay in ay ka qabgalaan xaflad loo samaynaayay dugsiga uu dhigto wiilku. Barayaashii iskuulku waxay u ogolaadeen in ay waalidiintu ka hadlaan xafladda waxaanay uraaciyeen inay ardaydu waydiin karaan su’aalo waalidkood, wiilkii yaraa markii ay hooyadii dhamaysay hadalkii ay ka jeedinaysay iskuulka ayaa waxa uu waydiiyay wiilkii yaraa xaflada dhexdeeda’’hooyo waxaan ku waydiiyay timahaagu way soo cirroobayaane maxaa sababay in ay caddaadaan oo ay cirroobaan? Hooyadii wiilka dhashay ayaa waaxa ay ugu jawaabtay hooyo waxay timahaygu la cirraysteen adiga dartaa oo qayladaada iyo rabshadaada ayaa sababtay in uu madaxaygu caddaado,wiilka yari waxa uu ahaa wiil il-dheer oo meel fog wax ka eega waxa uu hooyadii ku celiyay hooyo imaka ayaan fahmay waxa Ayayday madexeeda wada cirrada iyo coodhcoodka ka dhigay,oo uu ula jeedo haddii aan anigu intaas oo cirro ah aan kaasoo saaray adigu ayayday gabigeeda adaa sabab u ahaa in ay wada caddaato waliba ay coodhcoodho.
3. KOLBA KEENA LADAGO AYAA BADAWA. Maalin maalmaa ka mid ah ayaa waxa yimid magaalo ka mid ah magaalooyinka Soomaalida nin dalxiis ah oo ka yimiday waddanka jarmalka kaas oo suxufi ahaa oo doon doonaayay sidii uu warar xiiso leh u heli lahaa,isla markii uu soo dagay ayaa uu doonay in uu cid kaxaysa helo maadaama oo uuna kala garanayn magaalada, kaddib wiil uu aad ugu kalsoonaaday ayaa uu helay,halkii ayaa uu ka bilaabay dalkiiskiisii waxa uu tagay magaalooyinka oo uu sawiro ka sooqaad qaadayay. Dhawr cisho kaddib ayaa uu wiilkii ku yidhi iska hadh anaa kaligay tagayee magaaladu waa ammaane wiilkii wuu aqbalay waanu iskaga hadhay , ninkii jarmalka ahaa markii uu magaaladii tagay ayaa uu istaajiyay gaadhigii uu watay,kaddib waxaa arkay niman kamida tuugtii magaalada oo yidhi waar way inoogashee daa,waxa ay doonayaan in ay baadhaan, soo dag ninkii jarmalka ahaa kamaradiisiina lasoo bax isagoo doonaaya in uu wax sawiro .
COSOB
Tuugtii ayaa tashatay waxaanay ku tashadeen in ay ninkan isaga dhigaan badaw si ay u khiyaameeyaan, markaasuu midkamidi yidhi niyow sigaar ii dhiib waxaan iska dhigayaa mid ka shidanaaya istoobada dambe ee gaadhigiisa, tuugii waa uu soo dhaqaaqay waxaanu daba istaagay gaadhigii sidii wax sigaar ka shidanaaya ,ninkii jarmalka ahaa ayaa eegay, waxa uu layaabay ninkan sigaarka ka shidanaya,ninkii jarmalka ahaa ayaa isla hadlay oo yidhi manta ayaabad heshay sawirkii ugu yaabka badnaa ee sawir ka qaad ninkan, shandaddiisii ayaa uu turuska gaadhiga saaray isaga oo sasawiraya tuugii, ninkii kale ee tuuga ahaa ayaa isna shandaddii ka daba wareegay oo la hadaafay ,ninkii jarmalka ahaa markii uu sawiradii dhamaystay ayaa uu is yidhi dhaqaaq shandaddii ayaa uu is yidhi qaado illayn maba taal, ninkii sigaarka ka shidanaayay qaadhiga ayaa uu xaggiisii jalleecay maba joogo ,yaab tuugta iyo ka jarmaka ah waxay noqotay in uu badawsanaado jarmalkii,hadaba meelkaste ood tagto ha iska dhigin nin xariif ah waxaaba laga yaabaa in lagaa xariiif sanyahay.
Mubaarig Farxaan Faarax (Araye) 22
Nofeembar 2017
NABSI: QEYBTA 3AAD
Samawada, Markii ay Iskoolkii timid, waxaa isla markiiba isha la raac-raacay gabdhihii iyo wiilashii ay is yaqaaneen, oo kuwa ay isku fasalka ahaayeen u badnaa, sababta oo ah, waxa ay u ekaatay Samawad qof kale. Waagiii hore, waxaa quruxdeeda qarinayey arradka oogada iyo kan dharka baaliga ah ee aan beddelka lahayn. Arrad iyo Busaaradi waa qurux wedkeed e, markii maryahaan cusub ee bilicda badan ay ku soo labbisatay, waxaa soo baxay quruxdeedii iyo shacnigii ay u dhalatay, waxaa ayna soo jiidatay ardeydii Iskoolka; gabdho iyo wiilalba. Isla markiiba, waxa ay Samawada dareentay Layr cagaaran oo muujinayey, in ay ka soo gudubto xeyn-daabkii horyaallay. Isla xilligaasba, waxaa wada hadal la furay oo kaftan soo dhaweyn iyo la-jaan-qaad ah ku bilaabay wiilashii iyo gabdhihii yasi jiray! Si deedaba, dadku, samankaan waa indho-ku-garaadle, oo marka ay kaa jajaban tahayna il-qoraad bay kaa dhugtaan, marka ay kuugu jirtana dhoolla-caddeyn bay kugu qaabilaane. Waa taa Samawada sheekadii iyo kaftankii dhallinyarada lagu daray! Samawada, mar kasta oo far-danbaha la gaaro, oo biririfta yarta ah la helo, waxa ay isku sii deysaa Sawrac, waxa ayna ka cabtaa hadba nooca ay doonto; Biyaha uu halkaas ku qaso. Waxaa kale oo ay ku darsataa Jallaato oo ay Iskoolka inta ay dhex joogto ku malafsato. Gabadhu kama fekerto in uu Wiilku miskiin yahay, oo reero dhan ka Masruufo miiskaas yar, laakiin uu iyada maankeeda ilaalinayo, laakiin iyadu wax-baba iskama weydiiso xaalkiisa, markaas bay labo jeer, ugu yaraan laba galaas oo biyo ah ka cabtaa maantii; Mid far-dambaha ah iyo mid marka ay sii dhalan-dhoolayso ah iyo mararka qaar laba Jallaato.
Waxaa intaas dheer, haddii ay u baahato xoogaa Shilimaad ah, waa weydiisataa, isna, ma hayo waa ku culus tehee, wixii uu hayo ayuu sii siiyaa. Deyn badan ayey gelisaa, oo haddii ay u baahato Baati, Malkhamad, Guntiino ama Garbasaar qurxoonba, waa warsataa, isna, ma heli karo ma yiraahdee, waxaa uu uga soo qaadaa Dukaan ay macmiil yihiin, oo nin qaraabadiis ah leeyahay. Mar uu Dukaankaas lacag badan oo deyn ah, oo uu iyada u galay isku gaartay, ayaa Alle uga samata-bixiyey adeerkiis labaad oo Sucuudiga ka yimid, oo uu maalin soo shaxaaday, oo intii uu ka soo helay oo dhan Dukaankii uu wada siiyey. Ayaan markii uu sidaas ku waday Samawada, ayaa dareenkii Sawrac ee walaaltinimo isu beddeley dareen jacayl. Ninku waa nine, waxaa soo jiitay bilicda qurxoon ee Samawada oo aysan nawaaxigaas ku nooleyn tu la mid ah. Waxa ay leedahay muuqaal aad wacan oo soo jiidasho leh, hadal macaan iyo dhoolla-caddeyn saameynteedu ay qalbiga u tallaabayso, oo wiilka laabtiisii kal hore u gudubtay. Dareenkaas uu qaaday darti, ayuusan la-dareemin cabbitaanka uusan awoodin ee ay daldalayso iyo wax weydiisadka badan ee isugu jiray midka dhaqaale iyo midka dharba. Marar badan ayuu damcay in uu jacaylkaas u ban-dhigo, laakiin waxa uu ka cabsaday, in ay u garato taageeridda uu taageerayo, mid ku salaysan dan kale. Markii uu in muddo ah jacaylkaas qarsanayey, ayuu maalin waxaa uu goostay, in uu u sheegto. Mar ay Dugsiga inta ka soo baxday, ay soo maraysay, oo cabbitaan Liin Bambeelmo ah ay ka dalbanaysay iyo xabbad Jallaato ah oo ay jidka ku sii carrabsatana ka sii qaadanaysay, ayuu waxa uu ka codsaday in ay caawa kulmaan, haddii ay fursad heyso. Samawada waxa ay u aragtaa fursad Eebbe u soo diraye, maba cudur-
COSOB
23
Nofeembar 2017
daaran, oo waxa ay u qaadatay in uu wax u keenayee, waxa ay u guddoontay weydiisadkaas sidii uu rabay, waxaana lagu ballamay meelihii xaafaddeeda u dhawaa ee mar-mar la isku wareysan jiray.. Mar ay fiid-horaad ahayd, ayuu isaga oo sidii marka uu Biyaha iibinayo ka nadiifsan, xoogaana boorka iska soo qaaday, ayuu ugu tagay inantii halkii lagu ballamay. Salaan iyo is-nabdaadin guud kaddib, waxaa uu u sheegay sida uu ugu faraxsan yahay is-barashadoodii iyo hor-u-kaca wax-barashadeeda. Waxaa kale oo uu ugu niyad-qaboojiyey, in uusan kaga hareyn dadaalkeeda waxbarasho iyo hammigeeda sare, oo uu garab-taagnaan doono. Intaas dabadeed, waxaa uu u soo bandhigay arrin ay Samawada la yaabtey. Waxaa uu ku yiri “Samawada, abbaayo, waxaa kale oo aan caawa kuugu imid, arrin dhawr bilood qalbigeyga saameysay”. Inta naxday oo si fiican u kuud-kuudsatay, ayey dareenkeeda oo dhan wada siisay hadalka Sawrac, iyada oo la-yaabban, waxa uu sheegi doono. Isaga oo hadalkii wata ayuu sii yiri “Abbaayo, muddo dheerba jacayl aan kuu qaaday ayaan la daalaa-dhacayey. Habeenkaas oo dhan ayaan kaa fekeraa, maalintiina haddii aanan ku aragba iima ahan. Inta aad i ag taagan tahay, ee aad cabbitaanka cabbeyso, ayeyba aniga ii tahay in aan Jannadii Adduunka ku jiro. Dhawr jeer ayaan damcay in aan kuu soo ban-dhigo, laakiin, armay si kale kuu aragtaa ayaan is iri. Abbaayoy, waxa aan doonayaa in aad arrintaas wax igala qabatid”.
Lasoco qeybta xigta...
COSOB
24
Nofeembar 2017
515 call center 818886 818883 818884
COSOB
25
Nofeembar 2017
WAR GALIN MUHIIM AH Majalladda Cosob, waxa ay ku wargelinaysaa Hey’adaha Ganacsiga, Shirkadaha, & cidkasta oo dooneysa Ogeysiin, xayeysiin, in ay ku sameyn doonto qiimo jaban oo ku raali galiya. 0612221920 | 0615848980 | 0699885600 | 0624442222 | info@cosob.net | www.cosob.net