Got i Muslimiinta Qiyamka Horukaca (MPV) 2015 Warbixin ku aaddan Dib-u-eegid Xilliyeedka Guud ee
Soomaaliya
Ku saabsa n MPV
MPV oo xarunteedu tahay dalka Maraykanka, lana aasaasay sannadkii 2007, waa hey’ad u taagan Xuquuqda aadanaha, siiba xagga diinta, meeqaan la talinna ku leh Qaramada Midoobey, una doodda in si siman looga hadlo Islaamka, xuquuqda haweenka iyo LGBTI, xorriyadda hadalka, in diinta iyo caqiidada xor loo ahaado ama laga ahaado. MPV waxay hawshaas qabataa iyada oo diyaarisa fagaare si siman diinta looga hadlo, farshaxan, iyo dhaqdhaqaaqyo dhanka bulshada ah. MPV sidoo kale waxay hawlo olole ah oo siyaasadaha sare ah ka samaysaa Qaramada Midoobey si loo xoojiyo Isfahan buuxa iyo isu-dulqaadashada Islaamka oo ku salaysan xuquuqu insaanka caalamiga ah, nabadda iyo caddaaladda.
Qoraa yaasha: Tania Reza and Emily Zell Tifaftirayaasha: Aynur Jafarova, Omair Paul, Shafferan Sonneveld, iyo Ani Zonneveld Diyaarinta Sa wirka: Muslimiinta Qiyamka Horusocodka X ogta Xiriirka
Muslims for Progressive Values 1626 N. Wilcox Ave, Suite 702 Los Angeles, CA 90028 United States of America +1 323 696 2678 info@mpvusa.org www.mpvusa.org
Faahfaahinta Gudbinta Fadhiga: Jannaayo 2016 Taariikhda Gudbinta: 22 Juun 2015 Tirada erayada: 3,598
Page 2 of 19
Khulaaso Fulineed / Exective Summary Muslimiinta Qiyamka Horukacu (Muslimis for Progressive Values “MPV”) waxay doonayaan in ay ku daydaan oo ay la jaanqaadaan ujeeddooyinka quraanka ee ku aaddan karaamada aadamiga, sinnaanta, naxariista, iyo caddaaladda bulshada. hawlaha ugu muhiimsan ee hey’adda MPV waxaa ka mid ah in ay taageerto in la soo bandhigo in shareecada Islaamku ay waafaqayso qaanuunka caalamiga ee xuquuqda aadamiga iyo in mabaadida Islaamka loo adeegsado si loo difaaco xuquuqda aadamiga ee caalamiga ah. Shareecadu waa nidaam akhlaaqeed ku salaysan Quraanka iyo sunnada saxiixa ee ka sugnaatay Nebi Muxamed (SCW). Dhanka kale, Qawaaniinta Shareecadu, waa wixii aadamigu kala soo baxay diinta, iyada oo laga duulayo fiqi dad dejiyey, oo ay qodobo u yeeleen dadka hey’adaha sharci dejintu. Sidaa darteed, khalad waa ku imaan karaa, waana la beddeli karaa. Warbixintaani waxay xiganaysaa Shareecada, qaanuunka dowliga ah ee xuquuqu insaanka, iyo Dastuurka kumeelgaarka ah ee Dowladda Fedderaalka ah ee Soomaaliya si ay u canbaarayso tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamiga ee ka dhaca Soomaaliya. Inkasta oo xukuumadda Soomaaliya ay dejisay halbeegyo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, sida aqoonsiga maalinta xuquuqda aadamiga, ayidaadda rasmiga ah ee higsiga xuquuqda aadamiga, iyo bilaabidda Siyaasadda Qaranka Ee Jinsiga (National Gender Policy) ee ugu horraysey iyo Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurta oo jirey tan iyo 2012. Soomaaliya weli waa dal xaaladda xuquuqda aadanuhu ay liidato, una baahan in heer qaran iyo heer caalamiba fiiro gaar ah loo yeesho. Warbixintaani waxay falaanqaynaysaa xadgudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamiga ee ka dhacay Soomaaliya muddadii u dhaxaysey May 2011 iyo June 2015. Warbixintu waxay si gaar ah uga hadlaysaa dhinacyada; xorriyadda hadalka, xorriyadda diinta, xuquuqda dumarka iyo sinnaanta jinsiga, iyo xuquuqda dadka kuwa la midka galmada la wadaaga, kuwa labada jinsiba galmada la wadaaga iyo kuwa jinsigooda beddela (Liesbian, Gay, Bisexual, Transgender and Intersex “LGBTI”).
Page 3 of 19
Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha I. Xorriyadda Hadalka I.I.
Xukuumadda Soomaaliya xil sharci ah ayaa ka saaran dhawridda, xoojinta iyo horumarinta xorriyadda hadalka iyo ra’yigai. Taasoo jirta, haddana xukuumadda Soomaaliya waxay suurogelisay, kana qaybqaadatay xadgudubyo ka dhan ah wariyeyaasha, faafreebka warbaahinta, iyo xarig aan loo meel-dayin oo loo geysto warbaahinta iyo shaqaalaha ka hawlgala.
I.II.
Sharciga Saxaafadda ee Soomaaliya, ee la ansixiyey bishii Juulaay 2013, wuxuu xoojinayaa in xukuumaddu gacanta ku hayso warbaahinta, wuxuu oggolaanaya faafreebka, wuxuuna mamnuucayaa sheegidda wixii wax u dhimaya dalka, dadka, ama diintaii. Sidaa darteed, Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan wariyeyaasha, waxayna kaalin hoose ka gashay tusmaynta xorriyadda ee warbixintii 2014 ee Ururuka Wariyeyaasha aan Xuduudda Lahayniii.
I.III.
Ugu yaraan shan iyo labaatan wariye ayaa la diley tan iyo sannadkii 2012, oo ay ku jiraan Daa’uud Cali Cumariv iyo Farxaan Jeemis Cabdullev. Kuwo badan oo kale waa la weeraray, qaarkoodna dhaawacyo xun baa loo geystay iyada oo la adeegsanayo xeelado lagu cabsi gelinayo, wariyeyaasha falkaas lagula kacayna waxaa ka mid ah Nuurre Maxamed Calivi.
I.IV.
Inkasta oo madaxda dowladdu ay aalaaba weeraradaas ku eedeeyaan malayshiyada kooxda AlShabaab, laakiin sidoo kale waxaa la tuhmaa in ganacsatada waaweyn iyo siyaasiyiintuna ay beegsadaan wariyeyaasha ka warrama mawduucyada xasaasiga ah, sida musuqmaasuqa, kooxaha mucaaradka ah, iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanahavii. Xarig iyo eedayn aad u yar ayaa laga sameeyey weeraradaas, arrinkaas oo xoojinaya denbiyada gacan-kahadalka ee loo geysto saxafiyiinta, isla markaana dheeraynaya cimriga dhaqanka ciqaab ka baxsiga ee Soomaaliyaviii. Page 4 of 19
I.V.
Xukuumadda Soomaaliya waxay isku dayday in ay aammusiso wariyeyaasha dhaleeceeya Xukuumadda ama ka warrama mawduucyada xasaasiga ah, waxayna ku khasabtaa in ay u hoggaansamaan xeerarka faafreebka iyada oo lagu handadayo hayn iyo xarig, intaa waxaa dheer in la xannibo xarumahooda warbaahinta iyo in laga qaato qalabka ay ku shaqeeyaan. Tusaale ahaan, bishii Sibteembar ee sannadkii 2014, soddon iyo labo wariye ayaa qabasho iyo xarig loo geystey, ugu danbayntiina intoodii badnayd waxaa la sii daayey iyada oo aan wax eedayn ah loo soo jeedin.ixx
I.VI.
Dhawaan, magaalada Hargeysa waxaa lagu xiray Guuleed Axmed Jaamac oo ah sharciyaqaan caan ku ah inuu u doodo xuquuqda aadanaha , kaddib markii uu idaacadda ka canbaareeyey xukun dil ah oo Soomaaliland ay ku fulisay lix eedaysane. Guuleed waxaa lagu eedeeyey inuu faafiyey dicaayado ka dhan ah qaranka iyo denbiyo kale, haddii la xukumana wuxuu mudan karaa lix sano oo xarig ah.xi
I.VII.
Si loo hubiyo in loo hoggaansamey shuruudaha faafreebka, Xukuumadda Soomaaliya waxay xirtay dhawr idaacadood oo madax bannaan, oo ay ku jiraan Idaacadda Shabeelle iyo SKyFM, idaacado kalena waxaa lagala wareegay ama laga burburiyey qalabkii ay ku hawlgalayeen.xiixiii
I.VIII.
Sidoo kale Soomaalida waxaa ku yar awoodda ay u leeyihiin in ay muujiyaan fikradda ay ka qabaan tacliimaadka Islaamka, fasiraadda kitaabka iyo shakhsiyaadka diiniga ah. Inkasta oo qodobbada 18.1 iyo 18.3 ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Dowladda Federaalku ay dammaanad qaadayaan xoriyadda hadalka, haddana jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ah mid aan xasilloonayn, isla markaana colaadiya kuwa aan u hoggaansamin sida xagjirku u macneeyaan Quraanka.
I.IX.
Sannadkii 2014, Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu riddoobey, kaddib markii uu su’aal ka keenay xukummada dilka ah ee ururka Al-Shabaab ay fuliyaanxiv. In qof lagu dhaleeceeyo inuu dood ka keenay qaabka Quraanka loo fasiro waxay liddi ku tahay fikradda ijtihaadka, iyo dhiirigelintii Islaamku siiyey in nusuusta muqaddaska ah maskax furan lagu macneeyo.xv
I.X.
Sannadkii 2015, Al-Shabaab waxay dileen nin lagu eedeeyey inuu aflagaaddeeyay Nebi Muxamed (SCW)xvi. In qof loo dilo inuu isticmalay xaqa uu u leeyahay/leedahay xoriyadda hadalku waxay liddi ku tahay mid ka mid ah mabaadida waaweyn ee Shareecada- oo ah xaqa nolosha- waxaana lagu canbaareeyey Quraankaxvii. Waxaa intaa dheer, xorriyadda hadalkasiiba dhanka diinta- waxaa ilaalisay aayadda Quraanka ee oranaysa: “Qasab ma aha diintu”, arrinkaasna waxaa sii adkeeyey aayado badan oo Quraanka ah oo sheegaya in aysan jirin naf mid kale mas’uul ka ahi, iyo in uusan jirin ruux awood u leh inuu ciqaabo kuwa rumaysan wax ka duwan waxa isagu uu rumaysan yahay.xviii,xix Page 5 of 19
Soomaaliya waa in ay qaaddaa tillaabooyinka ku habboon si looga dhabeeyo in si buuxda loo dhawro, loo hirgeliyo, loo hormariyo, looguna naalloodo xorriyadda hadalka iyo fikirka.
Page 6 of 19
II. Xorriyadda Diinta II.I.
Xukuumadda Soomaaliya xil sharci ah ayaa ka saaran dhawridda, xoojinta iyo horumarinta in diinta iyo caqiidada xor loo ahaado ama laga ahaadoxx. Sidaas oo ay tahayse, si joogto ah ayaa xorriyadda diinta Soomaaliya loogu xadgudbaa, waxaana ku kaca dhinacyada dowladda iyo kuwo aan dowladda ahayn labadaba.
II.II.
Qodobka 2-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Dowladda federaalku wuxuu dhigayaa in diinta Islaamku ay tahay diinta dowladda. Laakiin sidoo kale wuxuu dhigayaa in muwaadiniintu, iyada oo aan loo eegin diin, ay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad simanxxi.
II.III.
Qaanuunka dastuuriga ah ee Soomaaliya wuxuu reebayaa faafinta diin aan tan Islaamka ka ahayn, wuxuuna dhigayaa in qawaaniintu ay waafaqaan mabaadida guud ee Shareecada. Qaanuunka dastuuriga ah ee Soomaaliya iyo Xeerka Ciqaabta ee 1963 midkoodna si cad uma xusin Muslimiinta qaata caqaa’idda kalexxii. Sannadkii 2014, ayaa Axdiga Federaalka ee Kumeelgaarka ah waxaa lagu xusay in aan cidna lagu takoori karin diinta ay rumaysan tahay darteedxxiii.
II.IV.
Islaamka gudihiisa, Aayadaha Quraanka ayaa marag looga helayaa xorriyadda diinta. Quraanka oo reebaya in diin la isku dirqiyaa wuxuu leeyahay: “Diintu qasab ma ah, hanuunku waa ka caddaaday baadida”xxiv. Aayaddaani waxay si cad u burinaysaa xarigga iyo ciqaabta jirka ah ee lagula kaco dadka Soomaaliya ku sugan ee lagu tuhmo in ay riddoobeen. Waxaa jira aayado kale oo taageeraya xorriyadda diinta iyo in aysan jirin ciqaab dunida ah oo lagu qaadayo qofka diinta ka baxa, iyo in diintu tahay xiriir ka dhexeeya qofka iyo Allaha abuurayxxv.
II.V.
Si kastaba ha ahaatee, kooxo ay ka mid tahay Al-Shabaab ayaa si joogto ah ciqaab dil ah ugu fuliya dadka aan Muslimka ahayn, gaar ahaan Masiixiyiintaxxvi.
II.VI.
Maamulka Soomaaliland waxay musaafuriyeen injineer Keenyaati ah oo u shaqaynayey Barnaamujka Dejinta Aadamiga ee Qaramada Midoobey (UN-Habitat), kaddib markii lagu eedeeyey inuu qaybinayey qoraallo ku saabsan diinta Masiixigaxxvii.
II.VII.
15kii bishii Nofeembar 2013, Al-Shabaab waxay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ku dileen Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ahaa wadaad Buntilaand caan ka ah, kaddib markii uu dhaleeceeyey sida kooxdu jihaadka u fasiraanxxviii.
Page 7 of 19
II.VIII.
Sidoo kale, waxaa la wariyey in Al-Shabaab ay dileen Xasan Xuurshe bishii Juun ee 2013, isaga oo lagu tuhmay in uu qaatay diinta Kirishtaankaxxix. Sidoo kale, Al-Shabaab waxay dileen saraakiil Dowladda ka tirsan, iyaga oo ugu yeeray in ay yihiin gaalo ama ay riddoobeenxxx.
II.IX.
Sidoo kale Al-Shabaab waxay beegsadaan hey’adaha samafalka ee caalamiga iyo shaqadooda iyaga oo marmarsiinyo ka dhiganaya sida ay u fasirtaan shareecada. Sannadkii 2011, kooxdu waxay shaqada ka joojiyeen 16 hey’adood, oo ay ku jireen UNHCR iyo Ururka Caafimaadka Adduunku (WHO), iyaga oo ku eedeeyey in ay diin kale dalka gudihiisa ku faafinayaanxxxi.
II.X.
Sannadkii 2012, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa laga cayriyey deegaannadii ay ka talinayeen Ururka Al-Shabaab. Ururka Gargaarka Islaamiga ah (=Islamic Relief) waxaa laga manciyey inuu si qarsoodi ah wakiil ugu noqdo hey’adihii horay loo mamnuucay shaqooyinkoodaxxxii.
II.XI.
Sagaalkii bilood ee ugu horreeyey sannadkii 2014, shilal gacan-ka-hadal oo tiradooda lagu hilaadiyey 2,170 oo loo geystey dadka u shaqeeya hey’adaha samafalka ayaa warbixinaha lagu sheegayxxxiii.
II.XII.
Al-Shabaab waxay adeegsadaan dicaayad ka dhan ah ciidamada Amisom iyo Itoobiya oo xulafo la ah Xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo ku shaabbadeeya in ay yihiin Nasaaro ga’aansatay in ay ku duulaan oo qabsadaan Soomaaliyaxxxiv.
Soomaaliya waa in ay qaaddaa tillaabooyinka ku habboon si looga dhabeeyo in si buuxda loo dhawro, loo hirgeliyo, loo hormariyo, looguna naalloodo xorriyadda in diinta iyo caqiidada xor loo ahaado ama looga ahaado.
Page 8 of 19
III. Xuquuqda Dumarka iyo Sinnaanta Jinsiga III.I.
Xukuumadda Soomaaliya xil sharci ah ayaa ka saaran dhawridda, xoojinta iyo horumarinta xuquuqda dumarka iyo sinnaanta jinsigaxxxv. Hayeeshee, dowladda Soomaaliya waxay mas’uul ka tahay sii socoshada sinnaan la’aanta jinsiga, waayo waxay ku guuldarraysatay in la horumariyo, la fuliyo, oo la dhaqangeliyo siyaasadaha looga hortago gacan-ka-hadalka ka dhanka ah haweenka, guurka khasabka ah, iyo gudniinka fircooniga ah ee lagu jarjaro, laguna naafeeyo xubnaha taranka ee gabdhaha (FGM/C).
III.II.
Ku dhawaad 800 oo xaalado kufsi ah ayaa la sheegay in ay ka dhaceen magaalada Muqdisho lixdii bilood ee ugu horreeyey sannadkii 2013, inkasta oo ay u badan tahay in tirada dhabta ahi ay intaas waxbadan ka badan tahay, sababta oo ah xaaladaha kufsiga badankooda lama sheegoxxxvi.
III.III.
Carruurta iyo dadka waddanka gudihiisa ku barakacay ayaa si gaar ah ugu nugul gacan-kahadalka iyo galmada jinsiga qofka ku salaysan, waxayna gaaraysaa in ka badan saddexmeelood xadgudubyada la diiwaangeliyo ee ka dhaca Soomaaliyaxxxvii.
III.IV.
Denbiilayaasha geysta tacaddiyada kufsiga waxaa ka mid ah ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ciidamada ammaanka dowladda, iyo Al-Shabaabxxxviii.
III.V.
Cabsi ay ka qabaan aargoosi iyo ceebayn, oo loo geeyey dhaqanka ciqaab la’aanta denbiilayaasha iyo yaraanta adeegyada caafimaadka iyo bulshada ee ay heli karaan, ayaa aalaaba dhibbanayaasha la kufsado waxay ka hor-istaagaan in ay raadsadaan caddaalad iyo daryeel caafimaadxxxix. Dhibbanayaasha badbaada ee isku daya in ay qaadaan tillaabo sharci ah, inta badan waxaa lagu xiraa in faraha lagu hubiyo bikronimadoodaxl, arrinkaas oo ay ugu hanjabaan mas’uuliintu, iyo/ama in la xirayo, sida ay muujinayso xaaladda Luul Cali Cusmaan Barakexli.
III.VI.
Kufsiga iyo gacan-ka-hadalka jinsiga ku dhisani waxay liddi ku yihiin rukni tiirdhexaad u ah Shareecada- kaasoo ah in la dhawro karaamada aadanaha- wax u dhinkiisana Quraanka ayaa dhaleeceeyeyxlii.
Page 9 of 19
III.VII.
Gabdhaha Soomaaliyeed kufsiga iyo gacan-ka-hadalka jinsiga ku salaysan waxaa u dheer, in ay marar badan dhibbane u noqdaan guur khasab ah oo ay ku dirqiyaan ururka Al-Shabaabxliii. Inkasta oo guurka khasabka ah lagu mamnuucay qodobka 28.5 ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Federaalka, Quraankana si cad loogu canbaareeyeyxliv, Al-Shabaab gabdhaha waxay ka afduubaan dugsiyada, waddooyinka, iyo meelo kale iyaga oo adeegsanaya xeeladaha kala duwan ee cabsi gelinta, si loo hubiyo in gabadha, qoyskeeda, iyo macallimiinta dugsiguba ay u hoggaansameen doonistoodaxlv.
III.VIII.
In la diido addeecidda Al-Shabaab sida caadiga ah waxaa lagu mutaystaa garaacid ba’an ama dhimasho, iyo sidoo kale in ruuxa loogu hanjabo in la dilayo dadka uu jecel yahay. Cabsida laga qabo Al-Shaab waxay cawaaqib daran ku leedahay in gabdhaha qaangaarka ah dugsiyada la geeyo ama ay sii dhigtaan. Haddaan tusaale qur ah xusno, waxaa dhacday in dhammaan gabdhihii da’doodu ka weynayd shan iyo tobanku ay ka baxeen dugsigii kaddib markii AlShabaab ay afduubeen labo iyo toban gabdhood si ay u guursadaanxlvi.
III.IX.
In badan oo ka mid ah Soomaalida qaxootiga ahi, waxay sheegeen in sababta ugu weyn ee ay Soomaaliya uga soo carareen ay tahay cabsi ay ka qabeen in gabdhahoodu khasab lagu guursadoxlvii.
III.X.
Baahsanaanta gudniinka fircooniga ahi (FGM/C) waxay muujinaysaa xididaysiga sinnaan la’aanta xagga jinsiga ee Soomaaliya. Inkasta oo qodobka 15.4 ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ee Federaalku uu mamnuucayo gudniinka gabdhaha, 98 boqolkiiba gabdhaha Soomaaliyeed waa la gudaaxlviii.
III.XI.
Gudniinka fircooniga ahi waa mid si qotodheer ugu xidideystay dhaqanka Soomaalida, gabdhuhuna ma helayaan cid guursata haddii aan la gudin, taana waxaa ugu wacan iyada oo si weyn loo rumaysan yahay inuu yahay wax diintu fartay, uuna daahirinayo haweenka, yaraynayana dareenkooda galmada si loo ilaaliyo bikranimadooda muddada guurka ka horraysaxlix,l.
III.XII.
Gabdhaha Soomaaliyeed ee weynaanta lagu gudo, marar badan waxbarashadaa waa ka haraan, sababta oo ah waxay la kulmaan dhiigbax daran ama iyaga oo loo diyaarinayo in ay guursadaanli. Dhibaatooyinka kale ee ka dhasha gudniinka fircooniga ah waxaa ka mid ah dhiigga caadada oo lagu xanuunsado, cudurro, dhalmo la’aan, iyo foosha oo dhib badan lagala kulmolii.
III.XIII.
Cawaaqibka xun ee ka dhasha gudniinka fircoonigu waa mid liddi ku ah mabaadida Shareecada, kuwaas oo dammaanad qaadaya xaqa ruuxu u leeyahay in uu noolaado, waxbarasho helo, karaamadiisa aadaminnimana la ilaaliyo. Intaa waxaa dheer, waxaa jira dhawr
Page 10 of 19
aayadood oo quraanka ka mid ah oo u muuqda in ay bannaynayaan in la mamnuuc dhaqankaanliii. III.XIV.
Intaas waxaa dheer, in gudniinka gabdhuhu uu xadgudub ku yahay Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC), kaas oo Soomaaliya ay ansixisay horraantii sannadkaan 2015liv’lv
Soomaaliya waa in ay qaaddaa tillaabooyinka ku habboon si looga dhabeeyo in si buuxda loo dhawro, loo hirgeliyo, loo hormariyo, looguna naalloodo xorriyadda haweenka iyo sinnaanta jinsiga.
Page 11 of 19
IV. Xuquuqda LGBTI IV.I.
Dowladda Soomaaliya waajib sharci ah ayaa ka saaran ka hortagga falalka kala sooca ku dhisan, iyo in ay dejiso, xoojisana siyaasadaha wadajirka iyo ku naalloodka xuquuqda isku midka ah, iyo in ay ka hortagto xadgudubyada xuquuqda urur ku biiridda iyo keli ahaanshahalvi. Soomaaliya, muwaadiniinta LGBTI-du waxay la kulmaan faquuq dhanka bulshada, siyaasadda iyo sharcigaba isugu jira.
IV.II.
Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay in ay ilaaliso xorriyadda muwaaddiniinteedu u leeyihiin ururidda iyo in ay u gaar ahaadaan arrimahooda shakhsiga ah, ayna ka ilaaliso in lagu faquuqo nooca galmada iyo aqoonsiga jinsigooda (=Sexual Orientation and Gender Identity "SOGI")lvii. Intaas waxaa dheer, in DKF uu fidinayo xuquuq iyo ilaalin ku rumoobaysa dhammaan muwaadiniinta LGBTI-dalviii. Dhawr tillaabo oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo heer gobol ah ayaa Soomaaliya ku khasbaya in ay si gaar ah u ilaaliso xorriyadda dumarka, iyo in xisaabta lagu darsado xuquuqda bulshada LGBTI-dalix.
IV.III.
Sannadkii 2014, Diiriye Cusmaan wuxuu qoray in Soomaaliya qofka LGBTI-da ahi waa inuu diyaar u noqdaa in loo geysto “waxyeello jirka ah, kadeed aan dhammaanayn, xabsi ama dil”lx. Cusmaan qoyskiisii ayaa ugu hanjabay in ay dilayaan, markii ay ogaadeen inuu yahay dadka u galmooda dadka ay isku nooca yihiinlxi.
IV.IV.
Sannadkii 2013, Maxamed Cali Baashe oo 18 jir ahaa ayaa magaalada Muqdisho dhagax lagu diley, isaga oo lagu eedeeyey inuu yahay dadka kuwa ay isku jinsiga yihiin galmada la wadaaga. Inuu yahay ragga kuwa kale galmada la wadaagaa waxay keentay in dhagax lagu dilo, laakiin si taa ka duwan nin kale oo lagu helay inuu nin dilay waa la toogtey, sida qaalligii maxkamadda qaadayey uu sheegayna waxaa arrinkaas ugu wacan: “ Ninkaani wuxuu sameeyey wax aan muslimiintu samayn, sidaa darteedna, dhagax ayaa lala dhacayaa illaa uu ka dhinto, ninka midka kale dileyse xabbad ayaa lagu dilayaa, waayo in galmo lala wadaago qof kula jinsi ah ayaa ciqaabta ugu adag lagu mutaystaa Islaamka”lxii.
IV.V.
Dhab ahaantii, shakhsiyaadka oo ay k jiraan Muslimiintu, xuquuqdooda iyo xorriyaddooda waxaa ilaaliya Islaamka iyada oo aan la eegin nooca galmada iyo aqoonsiga jinsigooda (=Sexual Orientation and Gender Identity "SOGI"). Kana cabsanayn in dhib loo geeysto jirkooda, maskaxdooda ama saxariirin. Islaamku wuxuu u dabaaldegaa oo taageeraa kala duwanaanta
iyo
ka
mid-noqoshada:
“Cid
kasta
ha
ku
camal
fasho
jidkeeda
(Shaakilatihi/Diinteeda) Eebbihiin baa og cidda jidkeedu hanuun badan yahaye”lxiii. Iyo “Waxaa Page 12 of 19
ka mid ah aayaadka ku tusin Eebbe samooyinka uu abuuray iyo dhulka iyo kala duwanaanta afkiinna iyo midabkiinna ..”lxiv. IV.VI.
Quraanka laga heli maayo aayad sheegaysa in la ciqaabo dadka kuwa la jinsiga ah galmada la wadaaga, laakiin waxaa loo daliishadaa axaadiis saxiixnimadooda iyo qiimahooda laga doodi karo. Dhab ahaantii, nusuuta Islaamku waxay qirayaan kala duwanaanta galmada: “Kuwa raaca, ee aan dan lahayn (=hawo u lahayn) oo ragga ah …”lxv iyo “Kuwa ka fadhiistay oo haweenka ah oo aan galmo rajaynayn korkooda dhib ma saarra in ay iska dhigaan dharkooda, iyagoon ismuujinayn qurux, inay dhawrsadaan yaase u khayr badan, Eebbana waa Maqle Og”lxvi.
Soomaaliya waa in ay qaaddaa tillaabooyinka ku habboon si looga dhabeeyo in si buuxda loo dhawro, loo hirgeliyo, loo hormariyo, looguna naalloodo xuquuqda iyo xorriyadaha dhammaan muwaadiniinta LGBTI.
Page 13 of 19
Gunaanad iyo Talooyin MPV waxay ugu baaqayaan waddanka xubinta ah inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadiisa ku aaddan sharciga xuquuqu aadanaha ee caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba, iyo sidoo kale qodobbada isla dastuurka dalka ku xusan ee khuseeya xuquuda, xorriyadaha iyo ilaalintooda. Nidaamka akhlaaqeed ee Shareecada oo ku salaysan Quraanka iyo sunnada saxiixaha ee Nebi Muxamed, waa mid waafaqaya macaayiirta xuquuqu aadanaha. MPV talooyinka soo socda ayay u soo jeedinaysaa Soomaaliya:
I. I.I.
Xorriyadda Hadalka Dib-u-hubin Sharciga Warbaahinta Soomaaliya si loo dammaanad qaado xornimada iyo madaxbannaanida dhammaan noocyada warbaahinta.
I.II.
Waa in baarid dhab ah lagu sameeyaa weeraradii horay loogu geystay weriyayaasha iyo dhammaan shaqaalaha kale ee saxaafadda, lana soo qabto ciddii mas’uulka ka ahayd.
I.III.
Waa in m udnaan la siiyo nabadgelyada dhammaan shaqaalaha ka hawlgala warbaahinta dalka gudihiisa ka shaqaysa, lana qaado taxadarka lagama maarmaanka u ah dammaana qaadka badbaadadooda.
II.
Xorriyadda Diinta
II.I.
Ka dhabaynta dhammaan waajibaadka ku xusan Heshiiska Dowliga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda (=International Covenant on Civil and Political Rights “ICCPR”) iyo Heshiiska Dowliga ah ee Xuuqda Dhaqaale, Bulsho iyo Dhaqan (=International Covenant on Econom ic, Social and Cultural “ICESCR”) iyo dhaqangelinta xuquuqda aadanaha, ilaalinta xorriyadaha, marka lagu daro qodobka 18-aad ee ICCPR ee dhawridda xorriyadda diinta iyo rumaynta ee dhammaan muwaadiniinta. Page 14 of 19
II.II.
U hoggaansam idda heshiisyada gobolka ee Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka (= African Commission on Human and Peoples’ Right “ACHPH”) iyo sidoo kale dastuurka DF ee Soomaaliya, lana xaqiijiyo in siyaasadaha iyo hawlgallada dowladdu ay ka tarjumaan waajibaadka ku xusan heshiisyadaas iyada oo aan cidna la faquuqayn.
II.III.
Waa in la hubiyo in dhammaan saraakiisha dowladda iyo ciidamada nabad-ilaalintu ay qaataan tababar dhab ah oo aan dhan la jirin iyo waxbarasho ku aaddan qaanuunka caalamiga ah ee xuquuqu insaanka iyo xor u ahaanta ama ka ahaanta diinta iyo caqiidada.
II.IV.
Taageero iyo ilaalin u fidinta kooxaha samafalka caalamiga ah, iyada oo laga fogaanayo eex siyaasad ama diin ku dhisan, si ay u gudan karaa gargaarka bani’aadamnimo ee ay gaarsiinayaan shacabka Soomaaliyeed ee la dhibban dagaallada gudaha iyo yaraanta kheyraadka.
III. Sinnaanta Jinsiga iyo Xuquuqda Haweenka III.I.
Saxiix oo ansixi Heshiiska ku saabsan tirtiridda Dhammaan Qaababka Haweenka lagu Takooro (= Convention on the Elimination of All Forms of Discrimination Against Women “CEDAW”) iyo Borotokoolka ikhtiyaariga ah ee ku lifaaqan, deji qorshe qaran oo lagula dagaallamayo gacan-kahadalka haweenka lagula kaco (oo uu ku jiro gudniinka gabdhuhu), iyo xoojinta sidii ragga iyo dumarku ku heli lahaayeen fursado isku mid ah.
III.II.
Dhaqangeli sharciyo mamnuucaya, oo denbi ka dhigaya guurka carruurta, da’da ugu yar ee lagu guursan karaana waa in ay noqotaa 18 jir lab iyo dheddigba.
III.III.
W aa in dib u hagaajin lagu sameeyo Xeerka Ciqaabta iyada oo lagu darayo qoddobo mamnuucaya dhaqanka waxyeellada badan ee gudniinka gabdhaha, iyo in la xaqiijiyo hirgelin wax ku ool ah, siiba dhinacyada ka hortagga, kobcinta wacyiga, la socodka iyo xayiraadda.
III.IV.
Fulinta sharciyada xaaraantimaynaya guurka khasabka ah, sida ku cad Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Federaalka iyo Xeerka Ciqaabta.
III.V.
In la taageero si buuxdana loola shaqeeyo hawlaha bulshada rayidka ah ee sida cad ugu baaqa faafinta afkraata sinnaanta, u dhammaanta, gacan-qaad la’aanta, iyo in maskax furan lagu fasiro, laguna falaanqeeyo nusuusta iyo suugaanta diinta si loo hormariyo sinnaanta jinsiga.
III.VI.
In loo qoondeeyo dhaqaale ku fulin si loo bilaabo hindise bulshada wada gaara, oo kor loogu qaadayo wacyiga dhibaatooyinka caafimaad ee uu leeyahay gudniinka gabdhuhu.
Page 15 of 19
IV. Xuquuqda LGBTI IV.I.
Waa in dowladdu ku dadaashaa in laga dhabeeyo hirgelinta dhammaan macaayiirta caalamiga ah iyo waajibaadka dowladaha sida ku xusan Warbixinta 2015 ee Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha ee khuseeya faquuqa iyo gacan-ka-hadalka lagula kaco shakhsiyaadka iyada oo lagu salaynayo nooca galmada iyo jinsiga (A/HRC/19/41).
IV.II.
Taageeridda dhammaan waajibaadka ku xusan heshiiska ICCPR iyo dhaqangelinta xuquuqda aadanaha, ilaalinta xorriyadaha, oo ay ku jiraan ka hortagga faquuqa, iyo xaqa ruuxu u leeyahay kelinimada iyo urur ku biiridda.
IV.III.
Taageeridda waajibaadka ku xusan Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadyowga, ayididda xuquuqaha kale ee lagu aqoonsaday dhigaallada Xuquuqu Insaanka dunida.
IV.IV.
U hoggaansam idda qodobbada ku xusan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee khuseeya xaqa nolosha iyo xorriyadda in ururro laga midnoqdo ama aan laga mid noqon, iyo in dib-u-eegid iyo sixid lagu sameeyo dhammaan sharciyada qaranka ee dadka kala sooca iyada oo laga duulayo jinsiga qofka iyo nooca galmada (=SOGI).
IV.V.
In la taageero si buuxdana loola shaqeeyo hawlgallada bulshada rayidka ah ee sida cad ugu baaqa faafinta afkraata sinnaanta, u dhammaanta, gacan-qaad la’aanta, iyo in maskax furan lagu fasiro, laguna falaanqeeyo nusuusta iyo suugaanta diinta si loo ilaaliyo xuquuqda LGBTI.
Page 16 of 19
Raadraac Baaqa Caalamiga Ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR) Qodobka 19; Heshiiska Caalamiga Ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda (ICCPR) Qodobka 19(2); Dastuurka Federaalka Ee Ku-meelgaarka ah (PFC) Qodobka 18(2). ii Faahfaahinta eeg: http://www.article19.org/resources.php/resource/37192/en/somalia:-draft-media-law. iii Faahfaahinta eeg: https://rsf.org/index2014/data/index2014_en.pdf. iv Daa’uud Cali Cumar, oo ahaa soosaare ka hawlgala Idaacadda Baydho iyo xaaskiisii bishii Abril 2015 ayaa waxaa toogtey labo qof oo aan haybtooda la aqoonsan, sababta dilkoodana waxaa loo badinayaa inuu la xiriiro xiriir la sheegay inuu ka dhexeeyo Idaacadda Baydhabo iyo dowladda. Faahfaahinta ka eeg: https://cpj.org/2015/05/gunmen-kill-a-radio-journalist-in-the-puntlandreg.php v Farxaan Jeemis Cabdulle, wuxuu ahaa wariye soosaare ka ah Idaacadda Daljir, bishii Abril 2012 ayaa labo qof oo aan haybtooda la aqoonsani toogteen, waxaase loo badinayaa in dilkiisu la xiriiro barnaamij uu soo saari jirey oo dadka ku wacyi gelin jirey khatarta adeegsiga hubka, kuna baaqi jirey in hubka la iska dhigo. Faahfaahinta eeg: https://www.cpj.org/2012/05/gunmen-kill-somalijournalist-inpuntland.php vi Nuurre Maxamed Cali, oo ah wariye iskii u shaqaysta, bishii Nofeembar 2014 ayaa lagu dhaawacay miino gaari lagu xiray. Faahfaahinta eeg: http://en.rsf.org/somaliaimpunity-guaranteed-for-violence-20-11-2014,47254.html vii Faahfaahinta ka eeg: http://www.theguardian.com/media/greenslade/2012/oct/25/journalist-safety-somalia viii Faahfaahinta ka eeg: http://en.rsf.org/somalia-impunity-guaranteed-for-violence-20-11-2014,47254.html ix Faahfaahinta ka eeg: http://www.article19.org/resources.php/resource/37679/en/somalia:-arbitrary-arrests-and-detention-ofjournalists-muststop x Faahfaahinta ka eeg: http://www.article19.org/resources.php/resource/37679/en/somalia:-arbitrary-arrests-and-detention-ofjournalists-muststop xi Faahfaahinta ka eeg: http://www.hrw.org/news/2015/04/22/somaliland-activist-who-questioned-executions-detained. xii Faahfaahinta ka eeg: http://en.rsf.org/somalia-impunity-guaranteed-for-violence-20-11-2014,47254.html xiii Faahfaahinta ka eeg: http://www.balancingact-africa.com/news/broadcast/issue-no24/regulation-policy/somalia-in-mogadishu/bc xiv Faahfaahinta ka eeg: http://www.washingtonpost.com/national/religion/book-on-apostasy-in-islam-earns-writer-the-monikersomalias-salmanrushdie/2014/11/07/fac3eda0-66b1-11e4-ab86-46000e1d0035_story.html xv Faahfaahinta ka eeg: http://www.gatestoneinstitute.org/3114/muslims-ijtihad xvi Faahfaahinta ka eeg: http://www.bbc.com/news/world-africa-32452284 xvii “… Ciddii disha naf aan (dilin) naf ama fasaadin dhulka, waxay la mid tahay inuu dilay dadka dhammaan …” Suurat Al-Maa’idah:32. xviii “Eebbana wuu kala xukumin dhexdooda maalinta qiyaame waxay isku diiddanaayeen “Suurat Al-Baqarah: 113. xix “.. Naf kastana waxay kasbato waa uun korkeeda, nafna dembi naf kale ma qaaddo…” Suurat Al-Ancaam: 164. xx Xeerka Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadyowga (ACHPR) Qodobka 2. ICCPR Qodobka 18(1). Heshiiska Dowliga ah ee Xuuqda Dhaqaale, Bulsho iyo Dhaqan (ICESCR) Qodobka 2(1). xxi Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa 17-aad oo ku saabsan xorriyadda Diinta iyo i
Caqiidadu wuxuu leeyahay: 1.Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa. 2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda. Qodobka 11-aad uu ku saabsan sinnaanta faqradiisa 1-aad, waxay leedahay “Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa”. Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa la ansixiyey sannadkii 1963, iyada oo gobollada Soomaalidu midaysan yihiin, welina wax lagama beddelin. Faahfaahinta eeg: http://www.refworld.org/docid/4bc5906e2.html. xxiii Axdiga ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 15-aad wuxuu leeyahay: Sinaanta Muwaadiniinta xxii
Sharciga Hortiisa. 1. Dhammaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Soomaaliya waa siman yihiin sharciga iyo Axdiga Ku-meel gaarka ah ee Federaalka hortooda, waxayna xaq u leeyihiin in isku si loo ilaaliyo iyo in ay isku si uga faa’iideystaan sharcig iyada oo aan lagu kala soocayn Jinsi, dhalaso, af, diin, jinsi ama koox siyaasadeed oo laga tirsanaado. 2. Sinnaanta waxaa ka mid ah in si buuxda oo isle’eg loogu naalloodo dhammaan xuquuqda iyo xorriyadaha. Faahfaahinta eeg:
Page 17 of 19
http://www.refworld.org/cgibin/texis/vtx/rwmain?page=country&category=&publisher=&type=LEGISLATION&coi=SOM&rid=456d62 1e2&docid=4795c2d22&skip=0. Suuradda Al-Baqara: 256. Suuradda 5-aad, aayaddeeda 3-aad waxay sheegaysaa in Muslimiintu ay Alle ka cabsadaan, balse aysan ka cabsan kuwa Islaamka diiday. Suuradda 53-aad, aayaddeeda 39-aadna waxay sheegaysa in ruuxu u qoolan yahay waxa uu sameeyey oo qura. Suuradda 109aad, Aayaddaheeda 1-6aadna waxay leeyihiin: “ Waxaad dhahdaa, gaalooy, ma caabudayo waxaad caabudaysaan, idinna ma caabudaysaan Eebbahaan caabudi, Mana Caabudin waxaad caabuddeen, Idikuna ma caabudaysaan Eebbahaan caabudi, Idinkuna diintiinnaad leedihiin aniguna diintaydaan leeyahay”. xxvi Bureau of Democracy, Human Rights, and Labor. International Religious Freedom Report for 2013, Somalia. See more: http://www.state.gov/j/drl/rls/irf/religiousfreedom/index.htm#wrapper. xxvii Isla isaga. xxviii Khudbo laga jeediyey shir baroordiiq ah oo lagu qabtay Buntlaand, waxaa lagu sheegay in Faarax “Ku jeesjeesay wuxuu ugu yeeray “Guluw ama Xagjirnimo” oo uu ku sheegay in ay tahay arrin faro ba’an ku haya dalkaas. Wuxuu ku cataabay in dhallinyaro da’doodu u dhaxayso afar iyo toban ilaa toddobo iyo toban oo inta maskaxda laga dhaqay isu rogay makiinado wax dila ay culumada diinta beegsadaan marka ay masjidka galayaan ama ka baxayaan”. Faahfaahinta ka eeg: http://somalicolumn.blogspot.com/2013/02/shaikh-abdulkadir-nur-farah-obituary.html. xxix Dhaqdhaqaaqu waxay Xuurshe dabagal ku hayeen tan iyo markii uu yimid Jamaame isaga oo ka yimid Keenya sannadkii 2010. Inkasta oo uu diinta Masiixiga qaatay muddadii uu joogey Kenya, hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxay ku dileen fagaare ku yaal magaalada Jilib 7dii bishii Juun ee 2003. Faahfaahinta ka eeg: http://morningstarnews.org/2013/06/islamic-extremists-in-somalia-killchristian/. xxx upra note 27. xxxi Clar Ni Chonghaile, Al-Shabaab Bans Aid Agencies in Somalia and Raids Offices. 2011. See more: http://www.theguardian.com/world/2011/nov/28/al-shabaab-bans-aid-agencies-somalia. xxxii Somalia’s al-Shabab Militants Ban Islamic Relief Aid. 2012. See more: http://www.bbc.com/news/world-africa-19873932. xxxiii UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. 2015 Humanitarian Needs Overview, Somalia. See more: https://docs.unocha.org/sites/dms/Somalia/Somalia%202015%20Humanitarian%20Needs%20Overview%20-%20FINAL.pdf. xxxiv Supra note 8. xxxv ICESCR Article 3; Convention on the Elimination of all forms of Discrimination against Women (CEDAW) Article 1; UDHR Article 2 xxxvi http://www.hrw.org/sites/default/files/reports/somalia0214_ForUpload.pdf xxxvii Isla isaga. xxxviii http://www.hrw.org/world-report/2015/country-chapters/somalia xxxix http://www.hrw.org/sites/default/files/reports/somalia0914_ForUploadR.pdf xl Baaritaanka fartu waa hawsha uu qabto dhakhtarka baaraya joogitaanka ama maqnaanta xuubka bikronimada iyo habacsanaanta xubinta taranka gabadha dhibbanaha ah ee kufsiga loo geystey”, sida lagu qeexay: http://www.hrw.org/sites/default/files/reports/india0910webwcover.pdf xli Luul Ali Osman Barake, waa haweenay Soomaali ah oo ay malayshiyo kufsi u geysteen, kolkii ay dacwootayna lagu xukumay hal sano oo xarig ah, iyada oo lagu eedeeyey in ay eed been ah sheegtay iyo inay magac-dil u geysatay hey’ad dowladeed. Faahfaahinta ka eeg: http://www.theguardian.com/world/2013/mar/07/rapists-rewardedsomali-woman-cleared xlii Aayadda 34-aad ee Suuradda An-Nisaa siyaabo aad u kala duwan ayaa loo fasiray. Gaar ahaan, erayga Carabiga ah ee “Da-raba/”ﺿرب, waxaa si weyn afka Ingiriiska loogu tarjumey qaab muujinaya nacaybka dumarka, ninkana u fasaxaya inuu xaaskiisa garaaci karo. Balse, waxaa jira qaabab kale oo aayadda loo macnayn karo, waxaana ka mid ah in lagu macneeyo “In la iska socdo/To walk away”. xliii Faahfaahin dheeraad ah ka eeg: http://www.hrw.org/sites/default/files/reports/somalia0212ForUpload_0.pdf xliv “Kuwa (Alle) rumeeyow idiinma bannaana in aad dumarka xoog ku dhaxashaan …” Suurat An-Nisaa: 19. xlv Faahfaahinta ka eeg: http://www.hrw.org/sites/default/files/reports/somalia0212ForUpload_0.pdf xlvi Isla isaga. xlvii Isla isaga. xlviii Faahfaahinta ka eeg: http://www.unicef.org/somalia/reallives_14437.html xlix Faahfaahinta ka eeg: http://www.theguardian.com/global-development/2012/aug/17/female-genital-mutilation-banned-somalia l Inkasta oo mararka qaarkood Islaamka loo aaneeyo jiritaanka gudniinka fircooniga, haddan Quraanka kuma jirto aayad qura oo si cad uga hadashay Gudniinka dumarka. Balse si taa ka duwan, waxaa la helayaa aayado loo daliishan karo in ay dhaleecaynayaan falkaas. Waxaana ka mid ah aayadda 30-aad ee Suurat Ar-Ruum ee oranaysa “Wax beddeli kara abuurka Eebbe ma jiro …”. li Isla isaga. lii Faahfaahinta ka eeg: http://www.unicef.org/somalia/reallives_14437.html liii ““Wax beddeli kara abuurka Eebbe ma jiro …”.Suurat Ar-Ruum: 30. xxiv xxv
Page 18 of 19
Faahfaahinta ka eeg: http://www.un.org/apps/news/story.asp?NewsID=49845#.VXdhtlxViko Gaar ahaan Gudniinka gabdhuhu wuxuu xadgudub ku yahay Qodobka 2, Qodobka 19.1, Qodobka 24 iyo Qodobka 37 ee Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC). lvi ICCPR Articles 2(1), 17, 22(1), 26. UDHR Articles 2, 12, 20 lvii ACHPR Articles 2, 4, 60 lviii Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Federaalka Qodobkiisa 11.1 wuxuu leeyahay: “Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa”. Qodobka 13-aadna wuxuu leeyahay: “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol”. Qodobka 15-aad faqrada 1iyo2 waxay leeyihiin: “1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa. 2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa ka mid ah: ka-reebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn, waxaa kaloo xorriyadda qofnimo ka mid ah ka-reebanaan wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay wax kasta oo cunfi ah oo lagula kaco haweenka. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini’aadantinamada ka baxsan”. Qodobka 16-aadna wuxuu leeyahay: “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox. Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biro”. Qodobka 18.1 waxay leedahay: “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba”. Qodobka 19.1 “Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis”. lix Go’aankii Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadamiga iyo Dadka ee xaqa Sixidda iyo Magdhawga Haweenka iyo Gabdhaha Dhibbanaha u noqda Kufsiga. Waxaa laga heli karaa: http://old.achpr.org/english/resolutions/resolution111_en.htm. Maamuuska Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadyowga ee Xuquuqda Haweenka Afrika, oo ay Soomaaliya saxiixday 23kii Feebaraayo 2006, waxaa laga heli karaa: http://www.achpr.org/instruments/women-protocol/. Baaqii rasmiga ahaa ee Sinnaanta Jinsiga ee Afrika, ee ay qaateen waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika sannadkii 2004, waxaa laga heli karaa halkaan: http://www.afrimap.org/english/images/treaty/AU_GenderSolemnDec04.pdf http://library.unescoiicba.org/English/Girls%20Education/files/International%20Instruments/International%20Instruments5.html lx Diriye Osman, To Be Young, Gay and African. 2014. HuffPost Gay Voices. Faahfaahinta ka eeg: http://www.huffingtonpost.com/diriyeosman/to-be-young-gay-and-afric_b_4980025.html. liv lv
Isla isaga. 18-Year Old Stoned to Death for Being Gay. 2013. Faahfaahinta ka eeg: http://www.webcitation.org/query?url=http://lezgetreal.com/2013/03/18-year-old-stoned-to-death-in-somalia-forbeinggay/&date=2013-03-20. lxiii Suurat Al-Israa: 84 lxiv Suurat Ar-Ruum:22 lxv Suurat An-Nuur: 31 lxvi Suurat An-Nuur:60 lxi
lxii
Page 19 of 19