"DAQIIQADII DHEEMANTA AHAYD"

Amintu waa galab, cadceedu liiqa lasii galayso godkeeda, muuqaalka quruxda badan ee ka dhashay dhicitaanka qoraxdaas ayaa indhuhu macaansayaan. Alla miyay sidaas oo kale maalinta dhamaanteed ahaato, Alla qurux badanaa, Ereyadaas waxa aan ka maqlay xagayga dambe iyagoo igu soo gaadhayeen si teel-teel ah, Jeer oo aan u holadey in aan jaleecana waxay indhahaygu qabtaan muuqaal aanan waayo-arag, wakhtina igu qaadatey ka fikirkiisa iyo soo saarida muuqaalka aan arkey,