ISNIIN 16 OCTOBER 2017
WARGEYS 3 BILE AH OO KA FAALLOODA ARRIMAHA JAALIYADDA SOOMAALIYA NETHERLANDS
WARGEYSKA
CADADKII 10AAD
/fsan fsan 06 52474158
President Allendelaan 725 1068 VN Amsterdam, Netherlands
1
2
KULANKA JAALIYADDA & WASIIRKA WARFAAFINTA
+31(0)20 - 486 16 28
WARARKA MASHRUUCA KA HORTAGA GUDNIINKA GABDHAHA
info@fsan.nl
www.fsan.nl
3 DHALASHO 2AAD
4
TIFAFTIRE MOHAMED ABDI SOO DHOWEYNTA XILDH. IDIRIS QARASHKA CAAFIMAADKA
Sheekadii DR. DAROOGO Q2AAD
WAX-QABADKA URURADA
Wasiirka warfaafinta DFS oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida Netherlands FSAN oo qabatay kulankaasi
Casho-sharaf loo sameeyey
AMSTERDAM > Wasiirka warfaafinta Hidaha iyo dhaqanka ee DFS Eng. Abdirahman Omar Osman Yarisow oo beryahan shaqo-dowladeed u joogay dalkan Netherlands, ayaa caawa magaalada Amsterdam kula kulmay jaaliyadda Soomaalida, isagoo uga warbixiyey xaalada wadanka, marxaladaha uu soo maray iyo dadaalka dowlada ay ku wajahan arrimaha dib u heshiisiintaiyo kaalinta qurbo-joogta. Kulankan oo su'aalo dhaliil wax dhisaysa u badnaa lagu weydiiyey wasiirka ayaa waxaa qabtay dalada FSAN, isagoo ka dhacay hoolalka shirarka ee dalada. Waxaana kulankan qaban qaabadiisa wada-lahaa Shukri Said, madaxa ururka IFTIN oo kamida dallada iyo maamulka FSAN. Waxaa kulankan ka soo qeyb galay madaxda ururada jaaliyadaha Soomaalida ee ka dhisan gobolada dalkan Netherlands. Wasiirka ayaa kulankan jaaliyadda uga warbixiyey marxalada dalka hadda uu marayo, isagooka sheekeeyey halka laga soo bilaabay nidaamka dowladnimo ee maanta la haysto iyo sida loogu baahan yahay in lagu fara-adeygo.
2
Sawir: ©FSAN
Waxa uu xusay in qurbo-joogta ay kaalin mug leh ka qaateen geedi-socodka nabada iyo dib u dhiska dalka. Waxa uu sheegay inay jiri karaan dhaliilo, laakiin loo baahan in si wada jir ah wax loo wada qabto, qof kastana uu xil ka saaran yahay inuu ilaaliyo nidaamka dowladnimo ee maanta la haysto. Wasiirka ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su'aalahii la weydiiyey isagoo ka codsaday qurbo-joogta Holland inay gacan ka geystaan arrimaha dib u dhiska dalka.
Ali Ware, gudoomiyaha FSAN oo goobta hadal kooban ka jeediyey ayaa wasiirka uga waramay kaalinta ay Soomaalida Holland ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo tusaale soo qaatay doorkii ay ku lahaayeen gurmadka abaarahii ka dhacay Somalia. Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey gudoomiye ku xigeenkii gobolka Banaadir Iimaan Iikar, isagoo ka waramaray doorkii maamulkiisa uu ka qaatay dib u diska gobolka Banaadir oo meel hoose laga soo bilaabay.
Eng. Xandule, oo ka mid ahaa wasiiradii hore ee dowladii KMG ee madaxweyne Cabdiqaasim, ayaa isna goobtaasi hadal kooban oo dardaaran u badnaa ka jeediyey, isagoo sheegay in waqtigooda ay xilli adag ku soo shaqeeyeen,laakiin uu hadda jiro buu yiri biseyl siyaasadeed oo loo baahan in looga faaiideysto soo celinta sharafti Soomaaliya. Ugu dambeyn waxaa loo dareeray casho-sharaf heer sare ah oo loo sameyey wasiirka, halkaasoo si kal furnaan ah loogu wada-sheekeystay.
Wargeyska FSAN
CADADKA 10AAD
DAABACAADA 10AAD
FSAN oo waaya-aragnimadeeda la wadaagtay jaaliyadda Soomaalida Norway • Shirka ka hortaga gudniinka gabdhaha oo lagu casuumay Kulankan ayaa waxaa soo abaabulay wasaarada caafimaadka ee dalka Norway oo wada-shaqeyn la leh hay’ado kale oo ka tirsan dowlada, iyadoo ay ka soo qeyb galeen ilaa 20 qof oo isugu jira masuuliyiin urur iyo shaqsiyaad ka tirsan jaaliyadda Soomaalida.
NORWAY > Shaqaale ka tirsan mashruuca ka hortaga gudniinka gabdhaha ee dalada FSAN ee dalka Netherlands Miriam Corciulo ayaa 13-kii bishii September waxa ay gaartay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasoo ay ku laheyd kulan ku saabsanaa waaya-aragnimada ay FSAN u leedahay carbinta dadka loo igmaday wacyi-gelinta ka hortaga gudniinka.
HAGAHA BUUGGA
caafimaadka dumarka
Tababar ayaa 9-kii bishii September loo qabtay guddiga sare ee wacyi-geliyayaasha arrimaha ka hortaga gudniinka (Stuur Groep), kaasoo ku saabsanaa fahanka buug ay dhowaan wada-qoreen FSAN iyo Pharos. Tababarkan oo lagu qabtay magaalada Amsterdam ayaa waxaa iska kaashaday FSAN iyo Pharos, kaasoo looga dooday buugga hage ah oo loogu talagalay in ay isticmaalaan wacyi-geliyayaasha gudniinka. Buuggan (Werkboek Sluitelpersonen VGV) ayaa waxaa ku qornaa macluumaad badan oo ku la xiriira hab dhiska jirka, uurka, caadada, galmada, dhalmada ka dib, habka caafimaad ee Nederland iyo caafimaadka guud ee haweenka. Buuggan ayaa ah tilmaami ay ku shaqeyn doonaan wacyigeliyaasha gudniinka gabdhaha.
2
FSAN ayaa waxaa kulankaasi ku casuumay info123 oo ah urur Soomaaliyeed oo ka dhisan dalka Norway, ka dib markii ururkaasi uu ka war helay in FSAN ay galaangal badan u leedahay jaaliyaddaha Afrikaanka si looga hortago halista gudniinka oo weli laga isticmaalo wadamo badan oo ku yaala Afrika iyo wadamo kale. Miriam Corciulo oo ku hadlaysay magaca FSAN ayaa magaalada Oslo kula kulantay jaa-
ISNIIN 16 OCT. 2017
liyadda Soomaalida ee Norway, gaar ahaan gudoomiyaha ururka info123 Hassan Dhere iyo Hussein Nuuriyo oo ah fanaan caan ka ah Soomaalida dhexdeeda. Miriam ayaa kulnkaasi ka jeedisay khubad ku saabsaneyd sida ay FSAN u wado mashruuca ka hortaga gudniinka iyo sidii wax looga badeli lahaa wacyiga dadka, loona heli lahaa mustaqbalka bulsho ka fiyow dhaqaka gudniinka. Arrimaha kale ee kulankaasi looga dooday ayaa ahaa guurka qasabka iyo sida looga hortagi karo, iyadoo waaladiinta laga wacyi-gelinayo dhibaatooyinka ka dhalan kara in gabadha lagu qasbo guur aysan raali ka aheyn. Miriam waxay jaaliyadda Soomaalida Norway la wadaagtay guulaha ay FSAN ka gaartay wacyi-gelinta bulshada, gaar ahaan in dadku ay ka hadlaan arrimaha loo arko inay ceeb yihiin, sida gudniinka gabdhaha. Waxay dowlada Norway ku dhiirigelisay inay jaaliyaddaha Afrikaanka kala shaqeyso sidii looga hortagi lahaa arrimaha
FSAN & Shirkii Brussels
BRUSSELS > Wakiilo ka socday jaaliyaddaha ka soo jeeda wadamada laga isticmaalo gudniinka ee aduunka ayaa 26 September tababar uga furmay magaalada Brussels ee caasuimada dalka Belguim.
Tababarkan oo qeyb ka ahaa mashruuca Change Plus ayaa waxaa ka qeyb galay 3 jaaliyad oo ka kala yimid wadamada France, Netherlands iyo Germany, kuwaasoo ka dooday kaalinta ay jaaliyaddahan ay ku yeelan karaan baabiínta dhaqanka gudniinka gabadhaha.
Sawir: © end FGM
Kulankan ayaa waxaa marti-geliyey MEPs Julie (S&D) iyo Anna Maria Corazza Bildt (EPP), waxaana wakiilada jaaliyaddaha Germany, France iyo Netherlands ay tageen baarlamaanka Midowga Yurub si ay ula kulmaan hayádaha EU-da ee qaabilsan arrimaha xaquuqda baniáadamka, si loo joojiyo gudniinka weli laga isticmaalo meelo badan oo ka mida dunnida. Shirkan muhiim u ahaa goáanada ay gaarayaan Midowga Yurub ee fadhiya Brussels. Dhinaca jaaliyadda Soomaalida Netherlands, waxaa shirkan u matalayey oo ka qeyb galay
Zahra Naleie, madaxa mashruuca ka hortaga gudniinka ee FSAN. Mashruuca Change Plus ayaa ujeedadiisu ay tahay sidii dhaqanka xadgudubka ee gudniinka looga tirtiri lahaa jaaliyaddaha ku dhaqan Yurub ee wadamada ay ka soo jeedaan weli laga isticmaalo. Tirada saxda ee haweenka horey loogu sameeyey gudniinka ee ku nool Yurub weli lama hayo, laakiin baarlamanka Yurub waxa uu qiyaasayaa in ilaa 500,000 oo haween ah dhibane u yihiin gudniinka, kuwaasoo lagu sameeyey qaliino lagu badbaadinayo noloshooda. 180,000 oo haween ah ayaa khatar ugu jira gudniin horey loogu sameeyey. Wargeyska FSAN
CADADKA 10AAD
DAABACAADA 10AAD
FSAN & WOCCA OO KU KULMAY AMSTERDAM
Sarah oo tababar u joogta Hague
Netherlands oo ogolaanaysa in dhalasho 2aad la yeesho
AMSTERDAM > Qaar ka mida masuuliyiinta FSAN ayaa maanta magaalada Amstedam kula shiray agaasimaha mashaariicda biyaha iyo nadaafada ee ururka aan dowliga aheyn ee WOCCA Sarah Hassan, kaasoo fadhigiisu yahay magaalada Muqdishu ee caasimada Somalia. Gudoomiyaha FSAN Ali Ware iyo madaxa mashaariicda FSAN Zahra Naleye oo la kulmay Sahra, ayaa uga warbixiyey taariikhda iyo waxqabadka FSAN oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 56 ururo Soomaaliyeed oo ka dhisan Netherlands. Sahra oo ka shaqeysa xafiiska WOCCA ay leedahay magaalada Nairobi ayaa dalka Netherland u timid tababar socon doona muddo 4 todobaad ah ku baran doonto Water Policy and strategy. Sahra waxay FSAN dhinaceeda uga warantay WOCCA oo ay sheegtay inay wax qabato arrimaha daryeelka caruurta iyo haweenka, waxayna dhisan tahay muddo ku dhow 30 sanno, iyadoo xafiiskeeda ugu weyn uu ku yaallo magaalada Muqdishu.
dadka u ololeeya qaadashada labada dhalasho ayaa i weyn u soo dhoweeyay arrintan.
Sahra waxay sheegtay in howlaha ugu badan ay ka qabtaan gobolka Sh/dhexe, gaar ahaan Jowhar iyo Balcad, meelaahasoo ay ka fuliyaan mashaariic badan oo la xiriira arrimaha baniáadimada. Sarah waxay sheegtay in WOCCA ay wada-shaqeyn weyn la leedahay ururo badan oo caalami ah, iyadoo dhaqaalaha ugu badan ay ka helaan hayáda UN-ka ee OCHA. Waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay la kulanto madaxda dalada FSAN oo aad ugu riyaaqday waxqabadkooda, iyadoo intaa ku dartay inay doonayso in inta ay jooga Holland ay badaninayso xiriirka ay la yeelanayso jaaliyadaha Soomaalida. Waxay aad u soo dhoweysay in mustaqbalka ay wada-shaqeyn la yeelan doonto FSAN.
SOO DHOWEYNTA XILDHIBAAN MOHAMED IDRIS
waxa uu warbixin guud jaaliyadda ka siiyey isbadelka dalka ka dhacay Ivo marxaladaha siyaasadeed ee hadda uu ku sugan yahay iyo dadaalada socda ee ay dowlada ku doonayso in la soo celiyo sharciga kala dambeynta.
Magaalada Amsterdam ee dalkan Netherlands waxaa 30 bishii july 2017 lagu qabtay kulan balaaran oo ay jaaliyadda Somalida ku soo dhoweeyeen xildhibaan Mohamed Hassan Idiris (Ganey) oo dhowaan booqasho ku yimid Holland. Kulankankaasi ayaa xildhibaanku
ISNIIN 16 OCT. 2017
Xildhibaan Mohamed Hasan Idris waxa uu ka mid ahaa Soomaalida Netherlands ee dalkan wax ku bartay, dibna ugh laabtay dalkii Somalia, isagoo baarlamaanka ka soo galay gobolada Jubooyinka. Waxa uu ka mid ahaa xildhibaanada dhalinyarada ee isbadelka dalka wax ka dhaliyey.
HAGUE > Dowlada cusub ee wadaaga ah ee todobaadkan ay isku raaceen xisbiyadii ku guuleystay doorashadii bishii March 2017 ka dhacay dalka Netherlands ayaa waxaa qorshaheeda ku jira in sharciga Dutch-ka uu dadka ajaanibka ah u ogolaado inay qaataan laba dhalasho. Sharciga hadda qoran ayaa dhigaya in haddii qofkii haysta dhalashada Dutch-ka uu qaato dhalasho labaad uu si toos ah u luminayo dhalashadii Dutch-ka, iyadoo qaxootiga looga baahan yahay inuu ka tanaasulo dhalashadiisa marka uu qaadanayo baasaboorka Dutch-ka. Dowladan cusub weli si rasmi ah ugu dhawaaqin sharcigan yeelashada labada baasaboor, laakiin
Isbadelkan cusub ayaa laga yaabaa inuu u suurtageliyo muwaadaniinta British-ka ah ee ku nool dalkan Netherlands in iyagoo dhalashooda haysta ay qaadan karaan baasaboorka Dutch-ka, si ay uga badbaadaan caqabadaha ku imaan kara marka UK ay ka baxdo Midowga Yurub. Dadka ajaanibka ayaa codsan kara inay qaataan dhalashada Dutchka haddii ay dalka ku nool yihiin 5 sanno oo xiriir ah ama 3 sanno haddii xaaskiisa ay Dutch tahay ama gabadha uu ninkeeda Dutch yahay marka ay ka gudbaan imtixaanka luqada Netherlands. Dowlada hadda sii baxaysa ayaa waday qorshe ah in 7 sanno lagu qaato dhalashada Dutch-ka, laakiin arrintaasi ayaa diidmo kaga timid aqalka sare ee odayaasha horaantii bishan. 1.3 million oo haysa dhalashada Netherlands ayaa weli haysta dhalasho labaad.
Qarashka caymiska caafimaadka oo la dhimay DSW waxay sheegtay in dhimistan ayaa ka dhigaysa qarashka aasaasiga €107.50 bishii.
Shirkadda caymiska caafimaadka qofka DSW ee dalka Netherlands ayaa ku dhawaaqday in 0.50 cents ay ka dhimayso qarashka bilaha ee qofka ku bixiyo daryeelka caafimaadka, sida maanta oo Talaado ah lagu sheegay bayaan shirkada ka soo baxay.
Waxa kale oo shirkadan sheegtay inay sidoo kale hoos u dhigayso bixinta qarashka caafimaadka shaqsiga sanadkii ku soo aadaysa waa haddii uu isbitaal aado oo ah €385, taasoo laga dhigayo €375. Sharciyan, dalka Netherlands, haddii qarashka soo gala sanadkii qofka ka weyn 18 sanno ay ka yar tahay 27,800 loo soo celinayo lacagta caafimaadka bishii.
FSAN OO MAR KALE LACAG GUDOONSIISAY GUDDIGA ABAARAHA MOGADISHU > Dalada FSAN ayaa dhowaan mar kale deeq lacageed gudoonsiiyey guddiga gurmadka abaaraha heerka qaranka ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdishu.
3
Lacagtan oo cadad ahaan dhan $3042 oo laga soo aruuriyey jaaliyadda Soomaalida Holland ayaa Abdikarin Sh. Hussein oo xubin ka ah guddiga FSAN waxa uu ku wareeyey gudoomiyaha guddiga Gurmadka Abaaraha Sheekh
Nuur Baaruud. Guddigan ayaa horey waxaa loogu wareejiyey $60,000 oo laga soo aruuriyey Soomaalida Holland, taasoo loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay abaarahii ku dhuftay meelo badan oo ka mida Somalia. Wargeyska FSAN
CADADKA 10AAD
DAABACAADA 10AAD
ISNIIN 16 OCT. 2017
WAXQABADKA URURADA ASIYA IYO IFTIN
ASIYA oo hirgelisay xarumo cunta-karin
A
IFTIN waxay sanadkan fulisay 2 mashruuc
SIYA oo ah urur Soomaaliyeed oo ka dhisan magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands, kana mida dalladda FSAN, ayaa qabta howlo badan oo dhinaca wacyi-gelinta bulshada u badan, isagoo wada-shaqeyn dowlada hoose ee Rotterdam iyo hayádaha qaabilsan daryeelka bulshada.
Said ayaa sheegtay in ay tababar ay siiyeen ilaa 30 dumar qaxooti ah, kuwaasoo isugu jira 20 Soomaali iyo 10 Eritrean iyo Syrian ah.
Guddoomiyaha ururka ASIYA, Ruqiyo Caddow ayaa waaxda isgaarsiinta FSAN u sheegtay in Khamiis kasta 14:00 ilaa 20:00 ay magaalada Rotterdam ku sameeyaan cuntada dhaqanka Soomaalida, iyagoo u sameeya waayeelada iyo dhalinyarada Soomaalida ee degan Rotterdam iyo tuulinka ku teedsan, iyagoo ku iibsanaya qiimo aad u jaban. “Waxaan cunto Soomaaliga ugu faaíideynaa waayeelada iyo dhalinyarada iskaabulada ah, sidoo kale waxaa mar mar noo yimaada dadka cadaanka ah iyo kuwa kale ee ajaanibka ee magaalada nala degan oo runtii ka helay dhadhanka cuntadeena.” Ayey tiri Ruqiya Caddow. ASIYA waxay kaloo wacyi gelin dhinacyo badan u sameysaa qoysaska Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Zuid Holland iyo ka caawinta dhibaatooyinka soo wajaha. Ruqiya waxay sheegtay in ururkoodu uu Soomaalida ku xiran ku wacigeliyo qaabka haboon ee korinta caruurta iyo la dhaqankooda, ka digista guurka qasabka iyo hadalada xagjirnimada. “Waxaan badanaa Soomaalida kala hadalnaa in laga fogaado guurka dhalinyarada la isku qasbo, waxaa laga yaabaa in labada qof ee la isku qasbayo inysan dhaqaalo ahaan diyaar aheyn oo ay u baahan yihiin in marka hore noloshaada dhisaan. Waxaan horey u aragnay guurar badan oo qasab ku yimid in markii dambe burbur ay dambeeyeen. Ayey tiri Ruqiya cadow. Ururka ASIYA waxa uu bisha September ee sanadkan sameyn doonaa barnaamij wacyi-gelin ah oo ku saabsan dhaqan celinta caruurta Soomaaliya la geeyo sax ma tahay iyo maxaa dhibaata ah oo ka imaan kara.
Ujeedada mashruucan ayey Shukri ku sheegtay inuu ahaa sidii dumarka qaxootiga loogu dhiirigelin lahaa inay horumar ka gaaraan noloshooda dhinacyada barashada luqada, shaqo helista iyo la socodka howlaha ka socda xaafadaha ay degan yihiin.
U
rurka Haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Amsterdam iyo nawaaxigeeda (IFTIN) ayaa dhowaan soo gabagabeeyey 2 mashruuc oo kala ah horumar-gaarsiinta dumarka qaxootiga ah iyo ku-barbaarinta caruurta wadan cusub. Gudoomiyaha ururkan Shukri
Mashruuca 2aad ayaa IFTIN u qabatay qoysaska qaxootiga ku ah dalkan Netherlands, kuwaasoo la baray sidii caruurta loogu barbaarin lahaa laba dhaqan dhexdooda, iyagoo aan la tageynin dhaqankooda, laakiin haddana ay la qabsadaan dhaqanka korinta caruurta ee Netherlands. Barnaamijyadan oo socday muddo sanad ah ayaa IFTIN ay soo gabagabeysay bishii June ee sanadkan.
Dayactirka guriga safiirka
Jaaliyadda Breda oo isku xilqaantay nadaafada guriga safiirka iyo safaarada Soomaaliya ee Belguim
Barnaamijkan ayaa ASIYA ay u sameyn doontaa jaaliyadda Soomaalida eek u dhaqan magaalooyinka 's-Hertogenbosch, Cappela aan de ijsel iyo Pijnacker. Laga bilaabo bisha September maalin kasta oo Arbaco ah, waxa ururka ASIYA oo ka bilaabayaa magaalada s’-Hertogenbosch baraamij cunto Karin ah oo loogu faaíideenayo dadka waayeelada iyo dhalinyarada saacada 13:00 ilaa 20:00 BRUSSELS > Ururka ay ku mideysan jaaliyadda Soomaalida ku nool magaalada Breda ee dalka Netherlands (Somalische Stichting Breda) oo xubin ka ah daladda FSAN ayaa 9-kii bishan September howl nadafadeed ka fuliyey guriga safiirka Soomaaliya u fadhiya wadamada Benelux ee ku yaala magaalada Bruseles ee caasimada dalka Belguim.
4
Gudoomiyaha ururka SSB Abdi Oday oo hogaaminayey ilaa 10 dhalinyaro ayaa tagay guriga safiirka, halkaasoo ay ka sameeyeen howl nadaafadeed iskaawax-u-qabso ah, iyagoo ka jaray geedo fara badan oo ku baxay dibadda guriga. Guriga Safiirka ayaa ku yaalla meel qiyaastii 30km u jirta dhis-
maha safaarada. Howsha nadaafada ayaa waxaa ka qeyb qaatay safiirka Dr. Ali Fiqi iyo qaar ka mida masuuliyiinta safaarada. Abdi Oday ayaa sheegay in iskood ay isku abaabuleen ka dib markii uu soo gaaray baaq ka yimid safaarada Soomaaliya ee
Belguim-ka oo ku wajahnaa jaaliyaddaha Soomaalida ee Yurub. Mr. Oday waxa uu intaa ku daray in jaaliyadda Soomaalida Breda ay noqotay jaaliyaddii ugu horeysay ee baaqaasi ka jawaabta.
Wargeyska FSAN
CADADKA 10AAD
DAABACAADA 10AAD
Sheeko Gaaban QISO DHAB AH
DR. DAROOGO !
B
arni waxa miyir ugu dambeysay isagoo cod macaan oo gaaban ku qaadaya heestaan kuna amaanaya iyada Ilkaha u eg daruurtee Ciridkaaga duhulka ah Mowluhu ku daahiyo Dibnaha dhuxusha moodee Mar mar dib uga feeydiyo Sanqaroorka soo dagay Indha deeraleey Daymada xishoodka Markaad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa OO layga darayaa Indha deeraleey Dumar ugu fil rooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu metaaleey Da’ada tii todaba toban Gugan loogu darayee Indha deeraaleey.
Waxa uu maandooriye u raaciyay cabitaan uu sii diyaariyay dabadeedna wixii uu ka sameynsankarana ka sameystay, intaa kuma dhaafinee marki uu dantiisii ka dhameystay ayuu sawiro iyo muuqaalo video kaga duubay taleefankiisa gacanta. Barni inta dhacdooyinkaasi soconayaan waxba kalama oga waxay xoorantahay sariirta dusheeda iyadoo aan wax dhar ah qabin. Miskiin bal maxay ku muteysatay in sidaasi loola dhaqmo mise waa dhaqamada iyo caadooyinka ay adeegsadaan kuwa damiirlaawashaasha ah oo iyagu caadeystay in sharafta gabdhaha Soomaaliyeed ay ku cayaaraan kadibna faan iyo ilbaxnimo mooda. Dr, Daroogo waa kaa dhexda ku xirtay go'iisii caddaa ee uu ku seexan jiray, kama qasna waxa uu ku dhacdiidaa kursi jiif ka sameysan shiraaca ama darbaalka la saaro gawaarida xamuulka, kursiga waxa geesta kale ka xiga miis ka sameysan alwaax, miiska dushiisa waxa saaran dhawr bakeeri oo lagu cabay shaah iyo café oo aan la mayrin geesta kale ee bidix waxa yaala Armaajo dheer oo afar qaanadood leh laba qaanadood oo kamid ahi waa 5
ISNIIN 16 OCT. 2017
Q2AAD Waxaa Qoray
ABDISAMAD.A FARAH
ay furanyihiin waxana ka soo raaraca dhar u badan saraawiil iyo shaarar.
Waa qol irrid banaan ah oo ku yaala xaafad ciriiri ah waddada ugu weynina tahay 5mitir waa Xamartii hore. Qolku sidaa uma weyna qiyaastii waa illaa afar mitir. Qeyba ka mid ah dhulka waxa daadsan haraaga ama gumadka sigaar la cabay. Geesta midig ee bartanka ahna waxaa taala sariir ka sameysan alwaax, Meel udhaw albaabkana waxaa yaala miis yar oo ay ku dul raseysan yihiin buugaag. Dhinacyada darbiyada qolka waxa ku dhegan sawiro hablaha xayeesiiya dharka fashionka, Qolkaas sidaas u dayacan waa hoyga uu ka soo baxo ninkaas xaragada badan ee magaalada oo dhami u taqaano feereysane, cidina aamini meyso in Dr Daroogo halkaan ku noolyahay. Gudaha qolka oo dhan waxaa buux dhaafiyay qiiqa sigaarka oo uu xabadba xabada kale ka dabashidayay,waxa is qabsaday kaarboon daaqadii yareyd ee qolku lahaana waa ay xiran tahay, Barni waxay indha ku kala furtay iyadoo dhextaala meesha sidaa u dayacan, yaa u gaarabaya. Maqalkii ugu horeeyay ee dhagaheeda ku soo dhacay waxaa uu ahaa qosol jees jees ah waa Dr Daroogo oo ku dhacdiida kursigiisa kana qasneyn "Barniyeey haye gacalo ii waran maxaad cawada aragtay" Hadalkaas jeesjeeska ah marki uu ku tuurayo Barni iyadu waa ay ooyeysaa maxaa yeelay hadda ayay soo baraarugtay oo warba kama heynin sida wax u dhaceen. Aragtay in gabarnimadeedii lagu cayaaray sharafteedii dhimatay, caawa
ay dhex fadhido gole ceebeed.Maxeyse intaa oo dhami ka qaban kartaa?, waa "maya!!!!!. War balaayo hakuugu dhacdee maxaad igu sameysay alla ba,ayeey,ciyaala suuqaan maxaa iisoo xereeryay oo gurigiisa ikeenay !!!!!!???....Allaa hooyooy". Intaa markii afkeeda ka sii dhamaanayeen Qosolkii inta sii laba jibaaray ee soo istaagay ayuu si caro leh ku yiri "Edeb ma lihid yaah maxaa kaa halleysan oo aad la qeylineysaa xiro dharkaaga reerkana igu salaan baashaal wacan". Oohinti intii ayay sii laba jibaartay,madaxii oo dhan ayaa weynaaday indhihii waxay noqdeen dhibic dhiig ah, yaaba u naxaya inta si xoog leh gacanteeda u soo qabtay ayuu qolkii dibadda uga saaray, waa caado uu lahaa Dr Daroogo, marki gabdhaha muraadkiisa ka gaaro inuu dibadda u saaro dabeecaddana u baddalo ee ma ahayn mid ku kooban Barni. Bishaaro oo ahayd Barni hooyadeed waxa ay la yaabtay isbaddalka xoogan ee ku dhacay gabadhi ilmaheeda ay u jecleyd ee Barni.Macalin Kulmiye oo ahaa wadaadka xaafadda Qur,aanka u akhriya xitaa waxay shardi kula gashay inuu cir guduud kasta saaro jallaad Qur'aan ah. ...Waa socotaaa….. La soco qeybta kale.
W/Q: Abdisamad Abdulkadir Farah (Hanad) Skype: abdisamad.farah2 Email: Cabdisamad111@gmail.com Wargeyska FSAN