www.amisom-au.org Cadadka 16 | May – Agoosto 2015
Wadada
Guusha Majaladda AMISOM
1
Farriinta
SRCC
Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika(SRCC), Ambassador Maman Sidikou
W
axaan idinku soo dhoweynayaa daabacaadda labaad ee Majaladda AMISOM ee sanadkan. Markan waxa ay kusoo beegmaysaa xili aad xasaasi ugu ah howlgalka iyo Soomaaliya, dal ahaan. Waa waqti uu howlgalku iyo iyo kuwa kale ee ay talada ka ga’daba indhaha ku hayaan natiijooyin wax ku ool ah oo ku aaddan dadaalada xasilinta dalka. Hadalkaygii dhowaan aan u jeediyay Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Midowga, waxaan kaga hadlay seddex meelood oo horumar lagaga samereyay xaaladda ammaan ee Soomaaliya; Qiyaasihii dhowaan ay soo gabagabeeyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay; wixii kasoo baxay baaritaanadii la xiriiray Kufsiga iyo tallaabooyinka ay AMISOM qaaday si loo hubiyo heerka uu gaarsiisanyahay kahortagga. Guulaha la gaaray ayaa qeyb ka ah dadaalo laga fikiray oo loo qaaday si xaalka wax looga badalo. Waxaa sidoo kale jira guulo siyaasadeed oo Soomaaliya laga sameeyay – gaar ahaan hanaanka
federaalaynta, dib u eegista dastuurka iyo habsami u socodka hanaanka doorashada, kuwaa oo xafiiskayga iyo kuwa kale ee ay talada ka go’do taageero ka gaystaan. Ka AMISOM ahaan, waxaan indhaha ku haynaa tallaabooyinka military ee kuwan xiga. Inaga oo gacan ka helayna Gudiga Midowga Afrika iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan billownay wadatashiyo aan la yeelanayno dalalka ciidamada ku deeqay, si looga wada xaajoodo habka hore loogu socon karo. Xafiiskayga waxa uu fikir ahaan raacsanyahay, natiijada kasoo baxday qiiyaasihii ay wada sameeyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, taa oo qeexaysay, in iyada oo horumarro la sameeyay, haddana xaaladda Soomaaliya aanay ku simaynin ilaa 2016-ka in la keeno ciidamada Qaramada Midoobay. Tani waxa ay ka dhigantahay in loo baahanyahay in AMISOM ay sii joogto, qiyaastii ilaa dhamaadka 2016-ka. Waxaan soo dhoweynayaa
“Wadadu aad bay u dheertahay, iyada oo Soomaaliya ay u baahantahay taageero dheeri ah si ay u gaarto riyooyinkeeda ku aaddan in ay noqoto dowlad si rasmi ah u shqaysa”
2
Majaladda AMISOM
talooyinka ku aaddan in la ballaariyo waqtiga, kaa oo sida la qorsheeyay beegsanaya dib u habaynta AMISOM (qeybaha Militariga, Bilayska iyo Rayidka), si looga jawaabo xaaladaha isbedbedalaya, oo ay kamkid yihiin sii yarreynta hanjabaadda al-Shabaab, iyo abuurista jawi dadaalada siyaasadeed ay ku socdaan. Yaanan ka tagin, midaynta iyo xasilinta meelaha la qabsaday, oo lagu bar bar wado howlgalada ammaan ee ay wadaan AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya. Waxaan isha ku haynaa mustaqbal xiiso leh oo Soomaaliya ay yeelato. Waxaan bogaadinayaa dadaalada ay wadaan dhammaan kuwa hiil iyo hooba la garab taagan Soomaaliya. Waxaan si wadajir ah u qoraynaa taariikh cusub oo Soomaaliya ah. Balse, wadadu aad bay u dheertahay, iyada oo Soomaaliya ay u baahantahay taageero dheeri ah si ay u gaarto riyooyinkeeda ku aaddan in ay noqoto dowlad si rasmi ah u shaqaysa. Waxaan taageero dheeri ah u doonaynaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay u noqdaan jaalayaal waxtar leh. Taageerada Saadka ee ay AMISOM u baahantahay iyo ugu dambayn, tayaynta Unugta Bilayska AMISOM si ay u xoojiyaan taageerada iyo kalsoonida Ciidamada Bilayska Soomaaliya. Iyada oo 2016-ka uu inoo muuqdo, waxaan kalsooni ku qabaa in aan dunida u caddaynayno in dadaalada ku aaddan soo kabashada Soomaaliya aanay aheyn hal bacaad lagu lisay.
Tusmada
Askari Burundays ah oo ka tirsan howlgalka AMISOM oo digtoonow ku jira, intii ay socotay xaflad abaal gud bilado ah oo ka dhacday Kuliyaddi Hore ee Militariga Soomaaliya oo Muqdisho ku taala. Ilaa 1,828 askari ayaa bilado helay kadib markii ay dhamaysteen howlgalkooda Soomaaliya, May 30-keedii 2015. Sawirka, AU UN IST/ IIyas Axmed
Cinwaanka Bogga Hore: Bilowga Guusha Tifaftiraha Maamulka: Eloi Yao Qaabaynta Iyo Cinwaanka: Noel Lumbama Sawirada: Warqabadka AU/UN IST | thenewsroom@auunist.org Email: amisommediacentre@gmail.com P.O. Box 20182 – 00200, Nairobi, Kenya Taleefan: +254 202 713 755 /56 /58 Fax: +254 202 713 766 Soo Saarista: Unugta Warbaahinta AMISOM
2
Farriinta SRCC
4
Wararka
8
Hore-U-Socosho: Waxa Muhiimka Ah
10
Xorreyntii Kudhaa
12 Isbahaysiga 12
Imaashiyihii Kerry
13
War Wanaagsan oo Kasoo Yeeray Midowga Yurub
14
Waraysi, Taliyaha AMISOM
17
Federaalka Oo Dhidibada Aasanaya
18
La dagaalanka Kufsiga
19
Wadatashiga
20
Cuduro Rajo beel ku riday Soomaaliya
22
Bulsho Daryeesho
24
Lambarka Deg Degga ee Muqdisho
26
Madaxa Bilayska AMISOM
27
Iskudhafka Ciidamada
28
Dhagaysiga Raadiyaha
30
Dab Damiska Muqdisho
32
Banki Cusub Oo Caalami ah
33
Falanqeynta Ramaddaanka
34
Diiradda Waxa Ay Saarantahay AFCON
Majaladda AMISOM
3
Wararka 23
kii Febraayo 2015:
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho laba maalin ah ku yimid Soomaaliya, halkaa oo uu kaga qeyb galay munaasabadda dabaal dagga “Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo”, waxa uu sidoo kale booqday ciidamada AMISOM ee Beledweyne jooga, iyada oo safarka Beledeweyne uu ku wehliyay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekha Maxamuud. Labada madaxweyne oo dad isugu soo ururay xarunta AMISOM ee Beledeweyne kula hadlay, ayaa waxa ay tibaaxeen muhiimadda ay leedahay wada noolasho nabad ku dhisan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamiyayaasha qabaa’ilka waydiistay in ay ka shaqeeyaan nabadda, oo ay joojiyaan dagaal beeleedyada gobolka ka socda. Madaxweyne Geelle ayaa odeyaasha Hiiraan ka codsaday in ay nabadda ka shaqeeyaan. “Dhammaan dadka reer Hiiraan waxaan ka codsanayaa nabadgalyo. Waxaan rajaynayaa in aad codsigayga tix galin doontaan,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
22
kii Maarso 2015:
Jasiiradda kudhaa ayaa laga xorreeyay xagjiriinta al-Shabaab. Qabsasahada jasiiradda istiraatiijiga ah ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka dambaysay kadib todobaadyo ay qorshaha howlgalka wadeen Ciidamada qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. “Magaalada Kudhaa waa magaalo istiraatiiji ah, qabashadeedana waxa ay gacan ka gaysan doontaa hagaajinta ammaanka gobolka Jubada Hoose. Si walba ayaan alShabaab u baacsan doonnaa ilaa laga saaro Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Madaxa AMISOM, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidikou. 4
Majaladda AMISOM
12
kii Apriil 2015
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u dabaal dagay sanad guuradii 55-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay, iyada oo balan lagu galay in la mideeyo ooh al talis loo sameeyo dhammaan ciidanka Soomaaliya. Xaflad aad u heer sarreysa oo maalintaa lagu xusayay ayaa lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. “Aad ayay muhiim u tahay in la mideeyo ciidanka Soomaaliya, talis dhexena loo sameeyo. Si hadafkaa loo gaaro waa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadu ay heshiis wada gaaraan si tani looga miro dhaliyo, loona xoojiyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi.
5
tii May 2015:
Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya, taa oo ka dhigan Wasiir Arimo Dibadeedkii ugu Horreeyay oo Mareykan ah oo booqasho ku yimaada dalka Soomaaliya, oo labaatan sano kabadan kusoo dhex jirtay dagaal sokeeye. “Anaga oo dhan danteena ayaa ku jirta horumarkiina. Qariiradda dunida boos ugama bannaana meel aanay dowladi ka jirin,” ayuu Kerry ku yiri farriin muuqaal aheyd oo Soomaalida uu u diray wax yar kadib booqashadiisa Soomaaliya.
8
dii May 2015:
Baarlamaanka Maamulka Kumeel-Gaarka ah ee Jubba ayaa lagu dhaariyay xaflad uu kasoo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu qabtay magaalada Kismaayo. “Waxa naga lumay waa qaran, in lasoo celiyana waa wax inoo wada yaala, haddaan nahay Soomaali, waa in aan iska iloownaa wixii tagay, oo aan xoogga saarnaa waxa taagan iyo mustaqbalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Majaladda AMISOM
5
10
May 2015:
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in xafiis uu ka furanayo Muqdisho. Kudhawaaqistan ayaa kusoo beegantay xili Maalinta Yurub looga dabaal dagayay Muqdisho. “Maanta waa maalin xusuus mudan. Waa Maalinta Yurub, sidaa daraadeed waxaan doonaynaa in hadaladeena aan ficil u badalno. Waxaan saxiixnay heshiis si aan u muujino in aan nahay deeq bixiyayaasha ugu badan, oo hadana doonaya wax intaa ka badan in ay qabtaan. Waxaan doonaynaa in aan Soomaaliya ku sugnaano oo aan xafiis ka furano,” ayuu yiri Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.
15
kii May 2015:
Dhalinyaro kakala socota gobolada kala duwan ee Soomaaliya ayaa isugu soo baxay xuska 72 guuradii kasoo wareegatay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliya. Maalintan ayaa sanad walba loo dabaal dagaa si loo xuso aas aaska xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay ee ay Soomaali yeelato 15-kii May 1943-dii, xisbigaa oo dowr muhim ah ka cayaaray halgankii gobonimo doonka Soomaaliya. Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kummaannaan dhalinyaro ah socod kula maray waddooyinka caasimadda Muqdisho, isaga oo ubax dhigay taalada SYL, si loo maamuuso geesiyaasha xornimada. “Farriinta aan maanta idiin wado waa in aan dhalinyarada waydiistaa in ay dalkooda dhistaan. Dalka adinka oo kaliya ayuu idiin sugayaa. Waa in aad
19
dadaaladiina ka dhabaysaan. Dhalinyaradii SYL aas aastay 72 sano kahor waxa ay ahaayeen naftood hurayaal dalka u halgamay si xornimo loo helo. Waxaan idinka dalbanayaa in aad wadadaas raacdaan, kana shaqaysaan dhismaha dalkiina,” ayuu yiiri Madaxweyne Xasan, isaga oo la hadlayay dhalinyarada.
kii May 2015:
Ergayga gaarka ah ee Madaxa Gudiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Maman Sidikou ayaa isaga oo Addis Ababa, Itoobiya ku sugan waxa uu “Xaalka Soomaaliya” warbixin ka siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Ku laab qabowsada in dhowaan ay bilaaban doonaan howlgalladii kadhanka ahaa al-Shabaab, kadib talooyin kasoo baxay howlgalkii wadajirka ahaa ee ay wada qaadeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaa jiri doona howlgallo dhowaan dib uga bilaaban doona meelaha qaar,” ayuu yiri Sidikou. 6
Majaladda AMISOM
25
May 2015:
Somaaliya ayaa Afrikada kale kula biirtay xuska Maalinta Midowga Afrika, iyada oo xuska madaxdii ka qeyb gashay, oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ay carabka ku dhufteen in guusha qaararradda ay ku xirantahay daganaasho laga helo dalalka ay colaaduhu ka jiraan.
2
“Maanta oo kale aad bay qaaradda muhim ugu tahay, iyada oo qaaradda ay wiiqeen caqabado u baahan in si wada jir ah looga hortago,” ayuu yiri Moman Sidikou, oo ah Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM.
June 2015:
Ergayga gaarka ah ee Madaxa Gudiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Maman Sidikou iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagay magaalada Beledeweyne si ay u booqdaan ciidanka AMISOM. Waxaa wafdiga kamid ahaa Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo Safiirka dowladda Jabuuti u jooga Soomaaliya Dayib Doubad Robleh . Isaga oo hadal jeediyay kadib markii ciidamada la kulmay ayuu Maman Sidikou yiri, “Waxaan u nimid saaxiibadeena Jabuuti iyo Itoobiya. Beledweyne waa meel ku dayasho mudan, maxaa yeelay Jabuuti iyo Itoobiya kaliya xoogga ma saarayaan dagaal iyo in cadowga laga guulaysto balse
waxa ay sidoo kale aqoonta u kordhinayaan Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan rumaysanahay in aannu yeelanay wadatashiyo macno leh.” Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Cervone d’Urso ayaa isagana intaa ku daray, “Maanta waa maalin gaar ah; waa markii ugu horreysay muddo toban sano ah oo Midowga Yurub uu kusoo laabto Beledeweyne. Waa howlgal ay wada jir u fulinayaan Midowga Yurub iyo AMISOM. Waxa ay anaga noo ogolaanaysaa qiimaynta waxa ay dadka u baahanyihiin iyo sida aan u caawin karno. Sidoo kalena waa fursad aan ku ogaan karno heerka aan la joogto howlgalka AMISOm qaybiita afaraad. Majaladda AMISOM
7
Hore-U-Socosho:
Waxa Muhiimka
S
oomaaliya oo gacan ka helaysa Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM), Qaramada Midoobay (UN) iyo Beesha Caalamka ayaa ku tallaabsatay horumar dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka. Guulaha ilaa hadda laga gaaray xaqiijinta ‘Yoolka 2016-ka’ iyo Heshiiskii Soomaalida, kaa oo cadaynayay waxa muhiimadda la sinayo marka loo socdo xaqiijinta ammaanka siyaasadda iyo horumarka ayaa caddeyn buuxda ah. Iyada oo aynu ka warqabno baahida loo qabo dar dar galinta guulahan, lagana dhigo sanadka 2015-ka sanadkii “Fedraalayna iyo Xaqiijinta”, iyo sidoo kale xaqiijinta labada yool, balse kala baaxad weyn, meelaha lagu xooganyahay iyo fursadaha, ayaa AMISOM iyo Qaramada Midoobay waxa ay Janaayo 2015-kii qabteen shir qiimayntii sanadlaha ahayd ee Soomaaliya. Ujeedada kulanka wadajirka ah ayaa waxa ay ahayd in la diyaariyo sida loo
8
Majaladda AMISOM
horumarin karo ilaha, sida loo kordhin karo howlaha iyo sida wadajir looga shaqayn karo in Soomaaliya laga sii caawiyo soo kabashadeeda. Shirkii qiimayna ee ay wada galeen Midowga Afrika iyo AMISOM ayaa la qabtay markii lasoo gaba gabeeyay shirkii qiimaynta AMISOM ee 2015-ka, kaa oo ay kasoo baxeen talooyin gacan ka gaysan kara waxa Soomaaliya ka socda. Talooyinka AMISOM kasoo baxay waxa ay ahaayeen sidan, sida uu shirkii qiimaynta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay uu ka sheegay Ergeryga Gaarka ee Soomaaliya ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika (SRCC) Maman Sidikou: l In AMISOM, ay ilaheeda xoogga ku
saarto sida ay Dowladda Soomaaliya ugu kala muhiimsanyihiin, iyada oo lagu soconayo wadada Hiigsiga Cusub, Yoolka 2016-ka iyo qorshayaasha kale ee dowladda;
l In AMISOM ay taageerto midnimada
hoggaanka siyaasadda Soomaaliya;
l AMISOM waa in ay taageetaa dib u
dhiska Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo la raacayo hagaajinta iyo iskudhafka ciidamada maxaliga ah, iyada oo la tixgalinayo joogtayntooda;
l In la dar dar galiyo taageerada
adeeg ammaan iyo difaac xoog leh oo Soomaaliya ka hir gala, iyada oo xoogga la saarayo in marka laga soo tago taageerada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena la taageero Ciidamada Bilayska Soomaaliya, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyo jilayaasha kale, iyo sidoo kale in la tix galiyo dadaalada xaga bulshada ee ammaanka iyo nabadgalyada, sida bleeseynta bulshada ee soo celinta amarka iyo kala dambaynta;
l In la hubiyo in galaagal joogto ah loo
yeesho meelaha soo kabanaya;
l In dareenka loo weeciyo hirgalinta
howsha AMISOM, oo ay kamid tahay
Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Maman Sidkou oo qurba joog Soomaaliyeed kula sheekaysanaya magaalada Hague ee dalka Holland
difaacidda rayidka, xquqqda aadanaha iyo arimaha jinsiga. Kuwaan ayaa lamid ah kuwa Qaramada Midoobay. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nocholas Kay, oo ka hadlayay shirkii qiimaynta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, ayaa hoosta ka xariiqay in
xoogga la saaro aqoon kobcinta dowladda Soomaaliya iyo haggaanka Soomaalida, maamul samaynta iyo federaalaynta, hanaanka sharciyaynta iyo dib u eegista dastuurka. Hanaanka siyaasadda ayaa muhiim loo arkay marka la eego howsha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Marka halkaa la joogo, waxaa la isla qaatay in gogol xaarka nabad iyo
daganaashiyo ay tahay in la dhiso 2015-ka. Baahida loo qabo hanaan dhamaystiran ayaa la isla gartay, iyada dhamaystirnaanta ay tahay udub dhexaadka guusha iyo hore u socoshada. Kay, ayaa carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la xaqiijiyo in dhammaan qabaa’ilka iyo bulshada rayidka, gaar ahaan dumarka iyo dhalinyarada ay qeyb ka yihiin go’aanada. Majaladda AMISOM
9
Xorreyntii
Kudhaa
J
asiiradda Kudhaa, oo dhacda xeebta Badweynta India, 130 kiiloomitirna koonfur galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, ayaa waxaa bishii Febraayo 2015 al-Shabaab ka qabsaday Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Qabsashada Kudhaa ayaa imanaysa shan bilood un kadib markii bishii Oktober 2014 ay Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo gacan ka helaya AMISOM ay xoreeyeen magaalo dakadeedka Baraawe, oo aheyd meesha ugu weyn ee ay al-Shabaab ku xoogganaayeen. Xorreynta Kudhaa ayaa muhiim u aheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya, maxaa yeelay waxa ay aheyd meesha kaliya ee ay al-Shabaab ka joogeen gobolka, xarunta seddexaad ee ugu weyn diyaarinta sahayda al-Shabaab iyo saldhig ay u isticmaalayeen in ay ka abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ahayd meel laga soo dajiyo alaabaha sharci darada ah ee gobolka loo wado. Nolosha ayaa caadi kusoo noqonaysa bilo yar kadib markii la xoreeyay jasiiradda yar oo ay ku noolyihiin qiyaastii laba kun oo qofood, oo intooda badan ay magaalada isaga carareen intii ay xukumayeen argaggixisada al-Shabaab. “Waxaan Kudhaa xorreynay 22-kii Maarso 2015, inaga oo kaashanayna Xoogga Dalka Soomaaliyeed, howlgalkaas oo keenay in al-Shabaab ay magaalada ka cararaan, ammaankana aad buu usoo hagaagayaa tan iyo markaa, iyada oo dadka deegaanka ay aad u faraxsanyihiin,” ayuu yiri Abaanduulaha AMISOM 10
Majaladda AMISOM
Gaashaanle Patrick Mutuku, oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF). Duqa magaalada Kudhaa Kadiye Ibraahim Cabdulle, ayaa AMISOM uga mahad celiyay in ay gacantooda kusoo celiyaan jasiirada istiraatiijiga ah. “isbedel weyn ayaa ka jira magaalada hadda, maxaa yeelay al-Shabaab waa ay na dhibaatayn jireen, balse hadda waannu faraxsannahay maadaama magaalada ay gacantooda ka baxday. Al-Shabaab ayaa naga qaadatay, waligoodna ma aanay na taageerin,” ayuu yiri Cabdulle. Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar ayaa hoggaamiyay raashin qaybin loo sameeyay dadka deegaanka Kudhaa, oo guryahooda kusoo laabtay, baahi gargaarna qabay. Kudhaa waxayaabaha ay caanka ku tahay waxaa kamid ah gacanka balaciisu yahay 20-ka kiiloomitir, dhirirkiisuna yahay 850 kiiloomitir, oo kasoo bilowda Caanoole, kuna dhamaada bartamaha Kudhaa ilaa Badweynta India. Dhir ayaa ku faafsan min magaalada ilaa koonfur galbeed ilaa Xudduudda ay Soomaaliya la wadaagto Kenya, waana kaynta ugu xajmiga weyn Soomaaliya. Kaynta ayaa ah meel gabaad ah, taa oo xagjiriinta u aheyd meel ay tababarada ku qaataan, ayna ku dhuumaalaystaan. Waxaana ay caan noqotay waqtigii Midowga Maxkamadaha Islaamiga (ICU) oo gobolkan usoo cararay markii ay kusoo guul dareysteen dagaalkii ay la galeen ciidamada Itoobiya 2007-dii. Xukunkii al-Shabaab ayaa gabi ahaanba burburiyay kaabayaasha jasiiradda, iyada oo caafimaadkana uu aad u liito. Bartamaha magaalada waxaa ku yaalo dhismo burbursan;
waana Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH), mana yaaliin wa dawooyin ah, dhaqaatiirna ma jiraan. Koonfurta magaalada waxaa dhaca saldhiggii hore ee bilayska, halkaa oo sida ay dadka deegaanka sheegayaan al-Shabaab ka dhigteen xero kumeel gaar ah iyo maxkamadooda argaggaxa leh. Kudhaa ayaa istiraatiiji u aheyd al-Shabaab, maxaa yeelay bedel ayay u noqotay markii Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay kala wareegeen dekedaha Kismaayo, Muqdisho iyo Baraawe ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Kudhaa waxa ay muhiim u aheyd military ahaan, waxa ayna kadib noqotay saldhigooda sahayda iyo dhaqaalo ururinta, iyaga oo canshuur ka qaadi jiray doomaha qaadka ee kusocda Kismaayo. Waxaa intaa dheer, magaalo dakadeedka waxa ay aheyd meesha kaliya ee ay kasoo galaan dagaalyahanada ajaanibta ah eek u biiraya al-Shabaab. Dhanka kale haddii aan ka eegno, Kudhaa, waxa ay al-Shabaab ku haysteen kaynta, oo ah dhul ku fidsan ilaa kaynta Boni ee goblka Lamu, dalka Kenya. Kaynta ayaa goob istiraatiiji ah u aheyd al-Shabaab, iyaga oo ka heli jiray biyo nadiif ah, sidoo kalena gabaad u ahaa howlgaladooda. Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM ayaa markii hore al-Shabaab ka xorreeyay Kudhaa bishii May 2014-kii, balse markii AMISOM ay magaalada ku wareejisay Ciidamada Soomaaliya ayay al-Shabaab dib u qabsadeen afar bari kadib, taa oo ciidanka Soomaaliya ku qasabtay in ay u baxaan dhanka Raas Kambooni. Waxaana
loo baahday in dib loogu qabto magaalada hoowlgal loogu magic daray ‘Operation Ocean Build’ Qabsashadii labaad ee Kudhaa si weyn ayaa loo soo qorsheeyay si loo hibiyo ammaanka ciidamada iyo sugnaanta howlgalka. Qorshaha ayaa mar hore la diyaariyay, balse waxaa ciidanka la diyaariyay 4-tii Maarso 2015 si ay weerarka u fuliyaan. Maalin Axad ah, 22-kii Maarso 2015, howlgalka ayaa si hagaagsan oo qariirad ku dhisan ku billowday. Ciidamada AMISOM ayaa cagta dhigay xeebta Kudhaa. Inkastoo ay howl adag aheyd ayaa hadana tababarka ay ciidamad qaateen aawadeed, waxa ay ku guulaysteen in ay ka gudbaan. Ciidanka ayaa si tartiib ah ugu socday dhererka xeebta. Waxa ay jiireen iska caabintii, iyaga oo magaalada gacanta ku dhigay 10:00-kii subaxnimo. Waxa ay burburiyeen laba tikniko oo ay al-Shabaab isticmaalayeen, iyaga oo dilay xagjiriin badan, inkastoo qaar kale ay iyaga oo dhaawacan u baxsadeen Caanoole, oo 20 kiiloomitir u jirta Kudhaa. Ciidanka oo si xirfadaysan u diyaar garoobay ayaanay so gaarin wax qasaaro ah. Maalin kadib qabsashada ayay ciidanki samaysteen difaacyo cul culus, iyaga oo bilaabay roondooyin. Soomaalida maxaliga ah ee kasoo jeedda qabiilka Baajuuni, oo asal ahaan kalluumaysato iyo ganacsato qaadka u kala gudbisa Raas Kambooni iyo Kismaayo ayaa aad u dhibaataysnaa. Waqtigii xagjiriinta, waxaa jidgooyo u taalay badweynta, iyaga oo si adag loo canshuuri jiray, balse hadda majiraan. Majaladda AMISOM
11
Isbahaysiga Imaashiyihii Kerry ee Muqdisho
B
ooqashada Kerry waxa ay aheyd mid aan la shaacin oo deg deg ah. Xoghayaha Arimaha Dibadda dalka Maraykanka John Kerry ayaa booqasho gaaban ku yimid Muqdisho 5-tii May 2015, isaga oo kulamo la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Hoggaamiyayaasha Bulshada rayidka ah. Safarkan gaaban, oo ahaa kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo Wasiir Arimo Dibadaeed Mareykan ah uu ku yimaado Soomaaliya, ayaa loo arkay in mid taageero loogu muujinayo Dowladda Federaalka, oo la harjadaysa dagaal ay argaggixisada kaga sifaynayso dalka. Falanweeyayaasha ayaa sheegaya in ay tani calaamad u tahay dadaalada xasilinta iyo isbedelka dalka ka socda. Wax yar un kadib booqashadiisa, ayaa Wasiirka Arimaha Dibadda Mareykanka, waxa uu soo saaray cajalad muuqaal ah oo luugu talo galay dadka Soomaalida ah, taa oo uu ku sheegay in Maeykanka oo xafiis weyn oo diblomaasiyadeed ka furanayo caasimadda Muqdisho.
12
Majaladda AMISOM
“Maanta waxaa sharaf ii ah in aan noqdo Wasiir Arimo Dibadeedkii ugu Horreeyay oo Mareykan ah oo soo booqda Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeedow, inkastoo aan la kulmay madaxdiina iyo hoggaamiyayaashiina bulshada rayidka, haddana waxaan jeclaystay
in aan idiinla hadlo. In ka badan 20 sano kahor, dowladda Mareykanka waxaa lagu qasbay in ay ka baxaan dalkiina. Maanta ayaan kusoo laabanaynaa, inaga oo kaashanayna beesha caalamka, rajo fiicanna qaba, walaacna waa uu jiraa,” ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan manta Soomaaliya usoo booqday, maxaa yeelay isbedel ayaa ka socda. Seddex sano ayaa laga joogaa tan iyo markii dastuur cusub la hirgaliyay, baarlamaanna la dhaariyay. Iyaga oo kaashanaya AMISOM, Ciidamada Soomaaliya waxa ay al-Shabaab ka saareen xarumo badan. Dadaal caalami ah ayaa lagu cirib tiray burcad badeedda Soomaaliya. Waxaas oo idil waxaa kku mahadsan adinka, dadka Soomaaliyeedow.” Waxa uu carabka ku adkeeyay, “Intii aan wada hadalada maanta kula jiray hoggaamiyayaashiina, waxaan xoogga sooray tallaabooyinka xiga ee loo baahanyahay in loo qaado Yoolka 2016-ka, si horumarka Soomaaliya loogu tallaabsado, iyada oo la yahay maamul goboleedyo federal ah oo midaysan. Dowladda Federaalka, hadda waxa ay gacanta ku haysaa dhismaha maamul goboleedyo cusub si loo xoojiyo daganaashiyaha, barwaaqana looga gaaro qeyb walba oo Soomaaliya kamid ah. Taa waxaa kamid ah in la helo isu dheelitirnaan maamul iyo mid mas’uuliyadeed oo heer gobol ah. Waxaan isha ku hayaa horumar deg deg ah, iyo in la isku dhafo Xoogga Dalka Soomaaliyeed si markaa aan u bixino taageeradeena xagga ammaanka ah. Dowladda ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa dhamaystirka dastuurka iyo qabashada doorasho 2016-ka. Dhammaantiina waa in aad cod ku yeelataan hanaankan. Hoggaamiyayaashiina ayaa manta ii xaqiijiyay sida ay uga go’antahay in ay horumar ka sameeyaan arimahan, iyaga oo carabka ku adkeeyay in uu jiro isfaham ballaaran oo ku aaddan sida dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka ay u dhacayaan. Dhammaanteena maslaxad ayaan ku qabnaa horumarkiina.” Waxa uu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, “Adduunka melena ugama banana dhul aan dowlad lahayn. Taasina waa sababta kusoo noqoshada Soomaaliya ee dowlad shaqaysa ay u tahay fursad taariikhi ah. Si loo xaqiijiyo horumarka la sameeyay iyo kan soo socda, waxaa sharaf ii ah in aan ku dhawaaqo in Dowladda Mareykanka ay Muqdisho ka bilaabi doonto howlgal diblumaasiyadeed. Inkastoo wali aynan waqti u qaban dib u furashada safaaraddeena, waxaan haddana ka shaqaynaynaa howsheena diblumaasiyadda, oo aan ka sugayno aqalka odeyaasha in ay ansixiyaan, waxaana howshan hoggaamin doona diblumaasi noqon doona safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya noo matala tan iyo markii aan joojinay howshaa 1991-dii. Waxaanan rajaynaa in sida uu sameeyay madaxweynaha, in labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay howlgalladooda diblumaasiyadeed ka bilaabaan labada caasimadood.”
War Wanaagsan oo Kasoo Yeeray Midowga Yurub
M
idowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay in xafiis uu ka furanayo Soomaaliya kadib heshiis ay wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaiya Mr. Michele Cervone d’Urso Heshiiska ayaa rasmi ka dhigaya joogitaanka Midowga Yurub ee Soomaaliya, isaga oo wadada u xaaraya in dalal badan oo Yurub ah ay safaaradahooda ka furtaan Muqdisho. “Waxaan saxiixnay heshiis si aan u muujino in aan anagu nahay deeq bixiyayaasha ugu ballaaran, waxaanan doonaynaa in wax intaa kabadan aan qabano. Waxaan doonaynaa in aan Soomaaliya ku sugnaano, oo aan xafiis ka furano,” ayuu yiri Cervone d’Urso Midowga Yurub, oo ah mid kamid ah deeq bixiyayaasha ugu ballaaran ee Soomaaliya, ayaa waxa ay xafiiskooda Soomaaliya xireen markii uu dalka ka billowday dagaalka sokeeye 24 sano kahor.
Furista xafiiskooda ayaa imanaysa kadib markii horumar ballaaran laga sameeyay ammaanka, markii Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay si wadajir ah al-Shabaab uga saareen meelo badan oo Soomaaliya kamid ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, isaga oo yiri, “Tan iyo markii aan xornimada qaadanay Midowga Yurub waxa uu mar walba ahaa jaaleheena horumarka, manta oo aan 25 sano xaalad adag kusoo jirnayna wali waa sidiisii.” Midowga Yurub ayaa waqti xaadirkan, seddex xafiis howled ku leh Soomaaliya, oo ay u isticmaalaan in ay kula socdaan in si sax ah loo dhaqan galiyay iyo in kale mashaaricda uu Midowga Yurub maal galiyo. Xafiis howleedyada ayaa sidoo kale warbixino la xiriira horumarka dalka ka socda u gudbiya Ergada Midowga Yurub, oo hadda saldhigoodu uu yahay Kenya.”
Majaladda AMISOM
13
Wareysi, Taliyaha AMISOM Sarreeye
Guud Jonathan Kipkemoi Rono Mudane marka hore, waxaan kuugu hambalyaynayaa magaacibstaada Taliyaha AMISOM. Dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya waxa ay aad u danaynayaan in ay wax badan ka ogaadaan taariikhdaada. Waad mahadsantahay. Waxaan howshayda militariga ku bilaabay ciidanka dhulka, darajooyin kala duwan ayaanna kasoo qabtay Ciidanka Difaaca Kenya, ilaa hadda oo aan noqday Taliyaha AMISOM. Waxaan waligay xiriir dhow la lahaa ciidanka. Waxaan AMISOM kusoo biiray Desembertii lasoo dhaafay, aniga oo noqday Taliye Kuxigeenka iyo Saadka, bishii Desember-na waxaan si kumeelgaar ah u qabtay xilka Taliyaha AMISOM markii Maarshaal Ntigurirwa oo Burundi u dhashay uu xilka ka tagay. Bishii Apriilna waxaa si rasmi ah la iigu magacaabay xilka. Waxaan hadda sugayaa meel marinta in aan noqdo Taliyaha Ciidamada AMISOM. Maxaa kugu dhiiragaliyay in aad ku biirto militariga? Waa su’aal aad u xiiso badan. Marka aad dugsiga sare ku jirto waxaad dooranaysaa waxa aad rabto in aad mustaqbalka noqoto. Markii aan soo caqliyaystay waxaan aad u jeclaa tartamada iyo tababarada militariga la xiriira, oo inta badan la sameeyo 14
Majaladda AMISOM
xiliyada bandhigga. Aaad ayaan ula dhacsanaan jiray habka ay bandhiga u samaynayaan, waxaanan jecelaystay in aan kamid noqdo. Sidaa daraadeed markii ay bilaabatay military qorista magaalada Nakuru, ayaan ku biiray ciidanka, inkastoo dhowr jeer aan gafay. Waxaa dadka lagu xulanayay gobolada ay kasoo jeedaan, waxaanan aniga kamid ahaa dadka ka yimid gobolka Rift Valley. Inaga oo 7 qof ah ayaa nalaga dhex doortay 700 oo qofood oo is diiwaan galisay, halkaas ayayna ka bilaabatay noloshayda militariga. 1979-ki ayaan ku biiray, tababar ayaa la ii qaaday waxaanan qaatay darajada Gaashaanle Dhexe, waxa ay ahayd guul; waxaan gaaray yoolkayga, ilaa maantana wax shalaay ah kama qabo in aan military noqday. Howlgal ahaan, AMISOM, waddo dheer ayay soo martay tan iyo markii ay dalka soo gashay 2007-dii. Marka sided u aragtaa guulaha la gaaray? Side ayuu howlgalku u socdaa? Waxa ay ila tahay kani waa howlgal uusan jirin mid lamid ah. Waxa uu billowday xili howlgallo badan ay Soomaaliya ku guul dareysteen. Ilaa 2007-dii dalalka gobolka oo ay Uganda hoggaaminayso ayaa halkan imanayay si ay Soomaaliya u taageereen, wax fiican ayayna qabtten. Uganda ayaa ugu horreysay wax ciidan ku deeqa,
waxaana soo raacay Burundi, iyada oo dalka intiisa badan ay gacanta ku hayeen xagjiriinta al-Shabaab. Waxaa kusoo biiray Jabuuti, Ciidanka Difaaca Kenya iyo Ciidamada Qaranka Itoobiya. Xili waxaa jirtay ay ciidamada Sierra Leone nala joogeen. Markaa ka koox ahaan wax badan ayaa qabsoomay. Marka ugu horreysay Muqdisho ayaa caadigeedii lagu soo celiyay, waxaana nabadda lagu baahiyay dalka intiisa kale, maanta waxaan gacanta ku haynaa 80 boqolkiiba dalka Soomaaliya oo dhammaan ay xukumi jireen alShabaab. Tani waxa ay guul taariikhi ah u tahay Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM, aad bayna u amaaneen kuwa talada iska leh, dalalka ciidamada ay ka joogaan iyo cid walba. Sideedii sano ee lasoo dhaafay isbedello badan ayaa ka dhacay Soomaaliya. Waxaan hadda isha ku hayna dal rajo ka qaba in dooorasho ay ka dhacdo, doorashada kadibna arimahooda ka shaqeeya, ciidamadooda ay gacanta ku hayaan ammaanka. Inahaas ayay ila tahay in ay yihiin guulaha la gaaray. Marka aad si rasmi ah xilka ula wareegto, maxaad xoogga saari doontaa? Muxuu yahay qorshahaaga? Maanta wali 20 boqolkiiba dhulka Soomaaliya waxaa gacanta ku haya al-Shabaab. Aniga waxa muhiimka ii ah waxa weeyaan, in si deg deg ah loo
xorreeyo inta hartay. Midda labaad, fududeynta hadalada socda ee maamul u samaynta gobolada, fududeynta arimaha bini aadamnimada; waxaan rabnaa in aan aragno in wax walba ay si caadi ah uga socdaan Soomaaliya, waxaan rabnaa in aan aragno inaga oo fududaynayna doorashooyin, oo aan diyaarinno dowladda Soomaaliya oo wax walba iyada gacanta ku haysa. Waxaad xilka la wareegtay xili alShabaab ay dar dar cusub lasoo baxeen, iyaga dagaalo naf la caari ah soo qaadaya. Maxaa kaaga qorshaysan oo istiraatiijiyad ah? Weerarada naf la caariga ah waxa ay muujinaysaa jugta al-Shabaab gaadhay. Dhul badan ayaa gacantooda ka baxay, tiro ahaan iyo tayo ahaanba way wiiqmeen. Al-Shabaab hadda quus ayay taaganyhiin, waxa ayna isku dayayaan in ay naf is galiyaan si ay u badbaadaan. Sida kaliya ee wax looga qaban karaana waa wadajir; taa oo ay ciidankeena gacanta ku hayaan iyaga adeegsanaya dilalka madaxdooda, howlgalada noocaasna waxa ay ka dhiganyihiin burburka al-Shabaab. Si walbo ha ahaatee, waxaannu si dhow ula shaqaynaynaa jaalayaasheena si aan u isku dhaafsano macluumaadka, sirdoonka, qalabka si loola dagaalamo howlgalada naf lacaariga ah ee al-Shabaab. Waqti badan ayay qaadanaysaa, xili dhowna laguma soo gaba gabeyn, balse waxaan qaadnay dhammaan wixii loo baahnaa oo lagula dagaalami ahaa. Jaalayaasha gobolka iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan, waxaad moodaa in aanay fahmi kareyn in aad tiraahdo al-Shabaab waa laga adkaaday, iyada oo ay jiraan weerarada sida kii Jaamacadda Gaarisa ama weerarada Muqdisho ka dhaca iyo meelo kaleba. Sidee ayaad taas ugu sharxi kartaa? Al-Shabaab waxa ay qeyb ka yihiin argaggixiso sal ballaaran. Yaana Kenya kaliya ku shaabadaynin maxaa yeelay al-Shabaab waxa ay sidoo kale weeraro ka gaysteen dalal kale oo Soomaaliya ka baxsan. Waxaan horey u maqashay in Kampala ay weerareen, iyada oo saaxiibadoodna ay weerar ka gaysteen Paris iyo meelo kale oo dunida ka tirsan. Kani waa dhibaato caalamka dhan ka jirta, ma ahan wax Kenya ku kooban. Kenya waa dalka ugu dhow xuduud ahaan marka maalinti dhalataba waad maqli kartaa al-Shabaab ayaa Kenya weeraray. Sidoo kalena dalalka dariska ayay weerari karaan, balse waxa ay ka faa’idaysanayaan soo dhoweynta ay caanka ku yihiin dadka reer Kenya. Tani waa dhibaato ay dunida isla qabto, waana taa sababta, waana taa sababta ay jaalayaasha iyo beesha caalamka ay u caawinayaan Soomaalida.
Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM waxa ay al-Shabaab ka saareen inta badan meelihii ay ku xoogganaayeen, balse in badan oo kamid ah xagjiriinta waxa ay ku dhex milmeen bulshada. Waa maxay qorshaha AMISOM si loola dagaalama xaaladda? Waxaan arrintan si dhow ugala shaqaynaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed. Howlgallo ayaaba xili hore billowday. Sida aad kawar qabtana waxa ugu badan ee aan Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqaynayno waa in aan iyaga u tababarnaa si ay shaqooyinkaa u qabtaan. Maanta, waxaan kuu sheegi karaa in Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fiicanyihiin markii aan halkan imanaynay, waa ciidan isku xiran, tababaro badan ayayna qaateen. Balse taa micnaheedu ma ahan wax caqabado ah ma jiraan, caqabado dabcan waa ay jiraan, balse waxaan kuu sheegayaa in Ciidamada Soomaaliya ay yihiin ciidamo la isku hallayn karo. Waxa kaliya ee ay u baahanyihiin ayaa ah khibrad, qalab iyo dhaqaale. Tababaro ayaa wali u socda. Waxa mustaqbalka ii muuqda koox diyaarsan, waxaan ka hadlaynaa tiro fiican oo isku tiirsan mustaqbalka. Marka tababarka laga soo tago, waa maxay caqabadaha kale ee haysta Xoogga Dalka Soomaaliyeed? Ma haystaan xeryo. Marka aad military tahay, waa in aad haystaa xeryo, lagu mideeyo, lagu ururiyo, lagu tababaro, ayna ku wada shaqeeyaan ciidanka. Caqabada halkan ka jirta waxa ay salka ku haysaa taariikhda dalka, waxaad arkaysaa ciidamo A ahaa oo B jooga, marka way adagtahay in la koontaroolo. Marka aan ka hadlayno ciidan qaran, waa in ay ahaadaan kuwo ka howlgali kara meel walbo oo dalka kamid ah, si iskumid ahna ay dalka u arkaan. Marka caqabadahaas ayaan la kulanna, maxaa yeelay waxaad hadda ka hadlaynaa taliye goboleed iyo sida uu militarigu saameyn ugu yeelan karo. Ma haynaa military Muqdisho kasoo jeeda oo Jubbaland ka howlgalaya? Kuwan ayaa kamid ah caqabadaha aan la dagaalamayno. Caqabadaha jira waxaa kamid ah xeryaha, qalabka iyo waxyaabaha kale ee loo baahanyahay. Waad ka war qabtaa in Midowga Afrika uu iyaga ku taageero
qalab, haddii aan baxnana waxaan qabaa in ay cagahooda ku istaagi karaan. Haddii maanta aad u sheegto in ay howlgal fuliyaan, ma haystaan gawaarida gaashaaman, AMISOM ayaa lasoo baxda dabaabaadkooda. Sidaa daraadeed, waxa ay u baahanyihiin qalab aad lagama maarmaan ugu ah iyaga. Waxaad ka dhawaajisay qorshayaal ku aaddan in al-Shabaab laga xoreeyo meelaha ay haystaan. Howlgalkaas hadda AMISOM awood ay ku fuliso ma u leedahay? Sida aan horeba u sheegay howsha inoo hadhay waa 20 boqolkiiba. Hana iloobin in al-Shabaab ay joogaan meelaha kale. Markii laga saaray meelihii ay ku xoogganaayeen, waxa ay soo galeen magaalooyinka sida Muqdisho iyo Kismaayo, marka wali howlgallo ayay ka fuliyaan magaalooyinkaa, oo ay baraawena ku jirto. Sidaa daraadeed, istiraatijiyadeena waxaa weeyaan in aan adeegsano ciidan aan muuqan, dib u habayno, islamarkaan aan badalno istiraatijiyadda; marka laga soo tago qabsashada dhulalka iyo isku ballaarintooda, waxaan samaynaa wax aan ugu yeerno howlagglo uu sirdoon hagayo, al-Shabaab meesha ay joogaan ayaan raadinaa, waana ku tirtirnaa halkooda, meeshii aan cayrsan lahayn. Sida aan horey u sheegayba, waxaan u baahannahay taageerada jaalayaasheena, gaar ahaan macluumaad ururinta iyo sidoo kale ciribtirka hoggaanka al-Shabaab. Tanina waa ay shaqaysan. Dhabtii; qaar kamid ah jaalayaasheena ayaa ku guulaystay in ay dilaan hoggaamiyayaal al-Shabaab ah. Qaar yar ayaa haray, waxaanan xoogga saari donna in aan baabi’ino gabi ahaantoodaba. Tani waxa ay caddeyn u tahay in al-Shabaab aanay doonayn in ay dagaalka sii wadaan. Xaaladan ayaan u adeegsanaynaa in aan ku xoojino howlgaladeena, inaga oo rajo fiican ka qabna in aan guulaysanno. Dowladaha ciidamada ku deeqay si fiican ayay wax u caawiyeen, hadday wada shqeeyaanna wax fiican ayaa kasoo baxaya. Meelaha la xorreeyay waxaa ka jira caqabado aad u faro badan, sida marnaanta adeegyada daruuriga ah. Ka military ahaan, maxay AMISOM ka qabanaysaa? Caqabadaha ugu weyn ee aan maanta wajahayno, waxaa kamid ah xaqijinta ammaanka Waddooyinka Qalabka lasoo marsiinayo, oo ay ahayd in la furo. AMISOM si cad ayay ula wareegi kartaa meelaha ay al-Shabaab ku xoogganyihiin marka laga hadlaayo ammaanka, balse waxa ay ku xadidantahay furista waddooyinka. Si kasto ha ahaatee, waddooyinka Soomaaliya wax dayactir ah ma helin muddo 20 sano ka badan. xaaladaha waddooyinkan aad bay u naxdin badanyihiin. Marka aad saldhig A ka baxayso oo aad u socoto saldhig B, Majaladda AMISOM
15
qiyaastii 60 kiiloomitir, waa in aad socotaa kudhowaad 8 saacadood sababo la xiriira burburka waddooyinka. Tani waxa ay u baahantahay dadaal wadajir ah oo ay sameeyaan dowladda, jaalayaasha iyo cid walba oo awood u leh si loo helo dhaq dhaqaaq xor ah. Marka laga hadlaayo ammaanka, waxaa goobta jooga ciidamadeena; waxa ay sameeyaan roondooyin, baaritaano iyo howlgallo ku xiran macluumaadka aan sirdoonka ka helno. Waxaa kaloo jirta, haddii meel la xorreeyo, haddaan ciidan la gayn al-Shabaab waa ay kusoo laabanayaan. Tani ma dhicin maxaa yeelay dhulka anagaa gacanta ku haynay, xorreynaynay, lana joogaynay, inagaa ah AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya. Tan ayaa ah caqabad, marka waxaan rabnaa in aan howlgallo kala duwan samayno. Tayaynta Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa muhiimadda koowaad ee kuwa talada iska leh oo ay ku jirto Dowladda Soomaaliya. Haddii lagu yiraahdo qiimay tayada Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkayd ku qiimayn lahayd? Meeqa ayaad tababarteen marka la eego tirade loo baahnaa ee la rajaynayo in AMISOM ay howsha kala wareegaan? Qorshaha Midowga Afrika iyo AMISOM waa in la helaa koox si wanaagsan u tababaran oo Ciidanka Soomaaliya kamid ah. Gaar ahaan yoolku waxa uu yahay in la tababaro 10,900 oo askari oo loo kala qeybiyo saldhigyada kala duwan. Waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in yoolkaas la gaaray, anaga ayay nala shaqaynayeen, waa xirfadlayaal, waxa ay u haahanyihiin horumarin yar,
Waxaan rabaa in aan sheego in haddii maanta aan doorasho u dareerno waxaa jira Ciidan Soomaaliyeed oo ku filan, iyaga oo gacan ka helaya AMISOM. Balse tani waa mid ku xiran sida ay siyaasaddu u socoto.
balse dhibaatadu waxa ay tahay tiradan kuma filna Soomaalida oo idil. Marka aan hadda marayno 10,900 inaga oo u baahan 30,000, oo ay dowladdu sheegtay in ay beegsanayso, waxaan kaliya oran karnaa shaqo badan ayaa inoo hadhay. Balse kooxda aan tababarka siinay waan dhaarinay, waana la tijaabiyay, aad ayayna u fiicnaayeen. Waxaan rabnaa in aan gaarno, jeer ay cagahooda ku istaagaan, waanana wadnaa howshaa.
Ugu dambeyn, haddaan galno waxa kuu qarsan, waa maxay waxa aad ka heshay intii aad Soomaaliya joogtay? Aan kuu sheego, Soomaaliya waa dal aad u qrux badan, juquraafi ahaan waxa ay ku taalaa meel istiraatiiji ah, waxa ay leedahay khayraad aanay marnaba lahayn dalalka kale, Soomaaliya waxa ay leedahay xeeb dheer oo aad u qurux badan, anagoo jeclaan lahayn in aan nimaano oo aan ku dabaalano. Soomaaliya waxa ay leedahay khyraad aad u faro badan, sida shidaal iyo macdan. Kani waa dal wax badan laga fili karo haddii ay nabad ka islaaxdo. Haddii dhibaatadan dagaal ay ka baxaan wax lala yaabo ayaad ku arki doontaa. Kani waa dal noqon kara awoodda gobolka, aniga Soomaaliya waxa ay ii tahay dalkayga labaad, maxaa yeelay waa dariskayaga.
Marka laga hadlayo Yoolka 2016-ka iyo doorashooyinka soo socda, Ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM awood ma u leeyihiin maarreynta howshaa? Aniga aragtidayda, su’aashaasi waa mid siyaasad la xiriirta. Waxa ay ku xirantahay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed. Guul maka gaaroynaa siyaasadda? Haddii qorshayaasha siyaasadda ay sidii la rabay u socdaan, haa waan samayn karnaa inaga iyo Ciidanka Soomaaliya. Waxaa na hagaya hanaanka siyaasadeed ee dalka.
Dardaarankaaga? Kani waa howlgal caqabadihiisa wata. Waxa uu u muuqdaa howlgal nabad ilaalin ah balse ma ahan dhabtii. Waxaan ku howlgalnaa Cutubka 7-aad oo aah xoojin, balse AMISOM iyada oo guulo gaartay waxa ay baahi u qabtaa taageero saad oo ka timaada jaalayaasha si loogu dhaqaaqo xaaladda xigta. Inta yare e aan helnay wax badan ayaan ku qabanay. Haddii aan wax kale helnana wax kasii badan ayaa la gaari lahaa, waliba waqtiga ugu yar.
Kuxigeenadiisa: Sarreeye Gaas Nakibus Lakara, Taliye Kuxigeenka Ciidanka (Taageerada Saadka): Waxa uu 1960-kii ku dhashay Degmada Kotido ee Waqooyi Bari Uganda. Waa hoggaamiye khibrad u leh howlgalada diblumaasiyadeed. Waxa uu tababaro militari kaga qeyb galay meel Uganda ka baxasn. Waxa uu ka baxay Machadka Difaaca Karen ee dalka Kenya, Akadeemiyada Hoggaaminta Qaranka ee Monduli, Tansaaniya, iyo Fort Leavenworth , oo Mareykanka ku taala. Waxa uu 35 sano kamid ahaa Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF), shaqooyin kala duwan ayuuna soo qabtay, isaga oo soo noqday abaanduulaha ciidanka. Inta aan lasoo magacaabin bishii Apriil ee sanadkan, waxa uu ahaa Taliyaha Qeybta Lugta ee saldhigoodu uu yahay Moroto, oo ku taala Bariga Uganda. Sarreeye Gaas Mohammed Esha Zeyinu, Taliye Kuxigeenka Ciidamada (Howlgallada & Qorshaynta): Waxa uu sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada Axum, Waqooyiga Itoobiya. Waxa uu shahaadada koowaad ee Jaamacadda ka haystaa Cilmiga Hoggaaminta Militariga, iyo Shahaadada Labaad oo uu ka qaatay Maareynta Ammaanka. Waxa uu sidoo kale shahaadooyin kala duwan ka haystaa tababaro militari, oo ay kamid yihiin Cilmiga Militariga, Ladagaalanka Fallaagada iyo sidoo kale Ladagaalanka argaggixisada. Waxa uu siyaabo kala duwan ugasoo shaqeeyay Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), ha ahaato ciidanka lugta ama Kuwa Sida gaarka ah u Tababaran. Waxa uu soo noqday Taliye Unugeed, Taliye Guuto, Taliyaha Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran, iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka Bari. Waxa uu si wanaagsan ugu hadlaa Luuqadaha Amxaariga iyo Tigreega oo uu u dhashay, iyo sidoo kale Luuqadda English-ka. Marka uu firaaqada leeyahay dabaasha ayuu jecelyahay. 16
Majaladda AMISOM
Federaallaynta oo si habsami leh u socota: Baarlamaanka IJA oo la Dhaalriyay IJA
B
aarlamaanka Maamulka KumeelGaarka ah ee Jubba (IJA) ayaa la dhaariyay 8-dii May 2015-ka, iyada oo tallaabo horumar leh loo qaaday dhismaha Fedraalaynta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa horumar ah in dhammaan bulshooyinka daggan gobolada Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose ay qeyb ka yihiin baarlamaanka. Xafladda Dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Kooxda Qaramada Midoobay ee Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta Annie Demirjian, Taliyaha AMISOM Sarreeye Guud Jonathan Rono, iyo sidoo kale wafdi ka socda Itoobiya iyo Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ka ugu baaqay midnimo, isaga oo codsaday dadaal wada jir ah oo ku aaddan xasilinta dalka Soomaaliya, kaa oo kazoo kabanaya sanado colaado ah.
“Waxa naga lumay waa qaran, in lasoo celiyana waa wax inoo wada yaala, haddaan nahay Soomaali, waa in aan iska iloownaa wixii tagay, oo aan xoogga saarnaa waxa taagan iyo mustaqbalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Xulista xildhibaanada ayaa soo bilaabatay bishii Janaayo, waxaana lasoo
gaba gabeeyay bishii hore, iyada oo la dhaariyay 75 xildhibaan. Xubnaha baarlamanka ayaa Sheekh Cabdi Maxamed u doortay in uu noqdo afhayeenka baarlamanka, halka Aadan Khaliif Xaaji iyo Cabdi Baalay Xuseen loo kala doortay, kuxigeenka koowaad iyo kuxigeenka labaad, sida ay u kala horreeyaan.
Shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe oo cadaado ka socda
S
hirka maamul u samaynta gobolada dhexe ayaa bishii Apriil ka furmay magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaa oo ay kuwa ku lugta lihi ku falanqeeyeen sida loo samayn karo maamulka Gobolada Dhexe. Furitaanka shirka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wufuud ka kala socota gobolka iyo jaalayaasha caalamiga ah, oo ay kamid yihiin Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay, Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD Maxamed Afay, Safiirka dalka Uganda ee Soomaaliya Sarreeye Gaas Nathan Mugisha iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar. Shirka ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo kamid ah shirar xiriir ah oo looga arinsan doono maamul u samaynta Gobolada Dhexe. Marka maamulkan la sameeyo, waxa uu noqonayaa maamulkii afaraad ee Federaalka Soomaaliya kadib dhismihii Jubbalan, koonfur Galbeed iyo Puntland. Soomaaliya ayaa qaadatay hanaanka Federaalka, kadib markii Gudiga Qaran ee Dastuurka Soomaaliya ay dib u eegis ku sameeyeen Agoosto 1-deedii 2012-kii. Majaladda AMISOM
17
La dagaalanka
G
Kufsigae
uddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika (AU), Dr Nkosazana Dlamini Zuma, ayaa 22-kii Apriil 2015, si rasmi ah u shaaciyay natiijooyin iyo talooyin ku dhex jiray warbixin kasoo baxday Koox Baaris Madaxbanaan oo loo xil saaray in ay baaritaan ku sameeyaan eedeymo la xiriira Kufsi, oo ay ku kaceen xubno ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Eedeynta loo soo jeediyay AMISOM ayaa lagu soo saaray warbixin kasoo baxday Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (HRW), oo cinwaan looga dhigay “Xoogga ay Raggan Nagu haystaan – Kufsi Ay Ku Kaceen Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya” oo lasii daayay 8-dii September 2014. Kooxdan barista, oo ka koobnayd rag khibrad sare leh, ayaa waxaa laga kala keenay dalalka Ghana, Tansaaniya iyo Zimbabwe, oo dhammaantood ah dalal aan wax ciidamo ah ku lahayn AMISOM. Kooxda ayaa baaritaakeeda ka samaysay gudaha iyo dibadda Soomaaliya intii u dhaxaysay November 2014 ilaa Febraayo 2015. Kooxda ayaa baaritaan ku samaysay Labaatan iyo Kow (21) eedeymo oo ay ka koobnayd warbixinta HRW. Waxa ay ogaadeen in labo kamid ah kiisaskan kufsiga ah ay galeen askarta AMISOM.
18
Majaladda AMISOM
Marka aad eegto natiijada ay kooxda soo saareen, waxa ay sameeyeen indha indheyn dhowr ah iyo talooyin si loo xoojiyo go’aanka taagan ee ay isla meel dhigeen Gudga Midowga Afrika iyo Dalalka ay Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya, si loola dagaalam kufsiga. Iyada oo laga duulayo “siyaasadda dulqaadka la’aanta’ iyo sida ay uga go’antahay la dagaalanka kufsiga, ayaa Gudiga waxa uu bilaabay, isaga oo kaashanaya dalalka ay khusayso, ee leh mas’uuliyadda koowaad qaadidda tallaabooyin deg deg ah oo la xiriira caddaaladda si loo hubiyo in dhibanayaasha ay helaan caddaalad iyo caawinaadda loo baahanyahay. Gudiga ayaa sheegay in ay kulamo la qaadanayaan Soomaaliya iyo dalalka Ciidamada ku Leh AMISOM, si loo ogaado tallaabooyinka ay tahay in la qaado si loo dhaqan galiyo talooyinkii ay soo jeediyeen HRW iyo warbixintii Kooxda Baarista. Gudiga ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’antahay in Dalalka Xubnaha ka ah ay sii wadaan tixgalinta sharafta hablaha iyo gabdhaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale ilaalinta dhaqanka iyo diinta dadka Soomaalida, iyada oo AMISOM ay sii wadayso howsheeda nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya.
Wadatashiga
E
rgeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika (SRCC), Ambassador Maman Sidikou, Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la kordhiyay tallaabooyinka lagu difaacayo haweenka Soomaaliyeed, iyaga oo ku celiyay sida ay uga go’antahay in ay taageeraan dadaalada lagula dagaalamayo rabshadaha jinsiga ku salaysan iyo kufsiga ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa arrintan ku dhawaaqay 3-dii Maarso 2015, intii lagu guda jiray wadatashi heer sare ah oo looga hadlayay kufsiga ka jira Soomaaliya. Wadatashiga waxaa soo qabanqaabiyay Legal Action Worldwide, oo ah Urur Caalami ah Oo Aan Dowli Aheyn. Madaxda kale ee kasoo qeyb gashay kulanka waxaa kamkid ahaa Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Zahra Maxamed Cali
Samatar, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, Agaasimaha Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Ms Fartuun Aaden iyo Agaasimaha Fulinta ee Legal Action Worldwide Ms. Antonia Mulvey. Sidikou, ayaa carabka ku adkeeyay sida ay AMISOM uga go’antahay ladagaalanka kufsiga. “Waa in aysan jirin meel ay ku badbaadaan kuwa ka dambeeya dambiyada noocan ah ee kadhanka ah haweenka nugul ee Soomaaliyeed. Inaga oo si wadajir ah u shaqaynayna, aqoonteena iyo khibradaheena isdhaafsanayna, ka dhabaynayna hadafkeena siyaasadeed, waxaa inaga go’an in aan soo gabagabayno kufsiga iyo xadgudubyada kale ee jinsiga la xiriira. Waxaa wali inaga go’an in aan dadka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay kala shaqayno soo
qabashada dambiilayaasha si loola xisaabtamo, loona hagaajiyo fal celinta, loogana caawiyo dhibanayaasha in ay galangal u helaan hanaanka caddaaladda Soomaaliya,” ayuu yiri. Madaxda ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muuhiimadda ay leedahay in dhibanayaasha si waqtiyaysan oo dhamaystiran loola gaaro gargaar, sida caafimaad, daweyn maskaxiyan ah, oo ka caawinaysa in meesha laga saaro saameyn waqti fog ah oo kufsiga uu ku yeesho dhibanayaasha iyo qoysaskooda. “kahortagga iyo kajawaabidda kufsiga waa muhiim. Waa in aan marnaba xornimo loo helin dambiyada caynkaan ah. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda ay kala shaqayso kordhinta tallaabooyinka lagu difaacayo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Nikolas kay. Majaladda AMISOM
19
Cuduro Rajo beel ku riday Soomaaliya
M
arka Soomaaliya lasoo hadal qaado, waxaa kuu sawirmaya dagaal. Balse waxaa jira cudur halis ah oo ka qarasan indhaha caalamka. Kadib sanado colaado ah waxaa bur buray kaabayaasha caafimaadka ee dalka, isaga oo gaaray heerkii ugu hooseeyay. Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), cudurada ku dhaca neef mareenka ayaa ah kuwa ugu badan ee dhimashada sababa Soomaaliya, waxaana soo raaca shubanka, jadeecada, nafaqo darada, qaaxada, xiiqdheerta iyo xaaladaha dhalmada. Tirakoobyada laga sameeyay xaaladda caafimaadka Soomaaliya ayaa ah kuwo aan ku filnayn. Tirakoob ay WHO soo saartay 2013-kii ayaa tilmaamaysa in caruurta shanta sano ka yar ay ka dhintaan 146, 1,000 walba, iyada oo 850 ay ka geeriyoodaan 100,000 ee hooyo ee dhala. Taasi waxa ay ka dhigantahay in Soomaaliya aanay gaarin Yoolka Horumarka Kun Sanadeedka oo ku ekaa Juun 2015-ka. Warbixin ay soo saartay UNDP ayaa xaaladda Soomaaliya ku tilmaantay mid “halis ku socota” iyada oo mid kaliya laga xaqiijiyay siddeeddii yoolba. Warbixinta ayaa lagu soo gaba gabeeyay, “Ma jiraan macluumaad kaafi ah oo ku aaddan horumarka laga sameeyay Yoolka Kun Sanadeedka, balse dalka ayaa u muuqda in waddo halis ah uu ku 20
Majaladda AMISOM
socdo. Tiiyoo ay jirto daganaasho la’aanta siyaasadeed, Soomaaliya uma muuqato mid uu isbedel ka imanayo mustaqbalka dhow. Warbixinta ayaa laga soo saaray aqoon is waydaarsiyo aqoon kororsi ah oo kampala lagu qabtay 2010-kii. Agaasimaha Xiriirka iyo Qorshaynta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cabdi Xamiid Ibraahim, ayaa fikirkiisa ku biiriyay warbixnta. Waxa uu yiri, “Xaaladda caafimaadka dalka aad bay u xuntahay. Waxa ay ila tahay in uu yahay dalka labaad ee ugu xun caalamka, balse tani waxaa sabab u ah colaadda aan dhamaadka lahayn, daganaashiyo la’aanta
iyo macluusha uu dalku wajahayo, taa oo horseeday burburka kaabayaasha gabi ahaan.” Xaaladda waxaa kaga sii daray dhaqaalo la’aanta jirta, balse wali rajo ayaa jirta. Dr. Ibraahim ayaa sheegaya in dowladda ay waddo qorshayaal xaaladda wax laga badalayo. “Inaga oo kaashanayna jaalayaasheena, sida WHO, UNICEF iyo UNFPA, waxaan isku dayaynaa in aan dib u kicino hanaanka caafimaadka dalka,” ayuu yiri Dr. Ibraahim. Waxa uu sheegay in dowladda ay diyaarisay siyaasad qaran oo caafimaadka ah, inakstoo buu yiri in howl culus ay u taalo dowladda.
TInaga oo kaashanayna jaalayaasheena kale, sida WHO, UNICEF iyo UNFPA, waxaannu doonaynaa in aan dib usoo noolayno hanaanka caafimaadka ee dalka Cudurada ku dhaca neef mareenka iyo kuwa caruurta, sida nafaqo darida, ayaa u muuqda kuwo ay adagtahay in Soomaaliya ay ka gudubto. Si kastaba ha ahaatee, tirakoob ay soo saartay WHO ayaa muujinaysa in dhimashada la xiriirta dilalka iyo isdilidda ay kor u kacday tan iyo 2012-kii, taa oo muujinaysa kororka cudurada maskaxda. Iyada oo dagaalka uu gaba gabo yahay, caqabad cusub ayaa Soomaaliya hor taala: cudurada dhimirka. Cudurkan ayaa ku baahay Soomaaliya, iyada oo dadka qaba aan la aqoonsan. Kaliya lix kaal kaaliye ayaa dalka dhan u tababaran xanaanaynta dhimirka, sida lagu sheegay warbixin kale oo ay soo saartay WHO, oo ku aaddan hanaanka caafimaadka dhimirka oo laga sameeyay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Habka Indhaindhaynta Heerka Caafimaadka Maskaxda (AIMS), ayaa muujinaysa sawir kale oo la xiriira caafimaadka maskaxda, dal kazoo kabanaya dagaalo. Xanuunada maskaxda ku dhaca ayaa Soomaaliya ka bilowday intii lagu jiray sanado colaado ah oo uu dalku ku jiray. Soomaaliya ayaa kaalimaha hore kaga jirta liiska wadamada uu ku badanyahay xanuunka maskaxda, iyada oo seddexdii qofka uu mid qabo, sida ay sheegtay WHO. Qiyaasta ayaa intaas ka badan karta, marka la eego sida baahsan ee khuraafaadka loo aaminsanyahay iyo marnaanta macluumaad sax ah. Saamaynta xanuunka maskaxda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu milnaan doona si aan la filayn, marka la eego, sida looga aamusanyahay, iyada oo dadka qaba cudurka la go’doomiyo ama la xiro ama la takooro. Kuwa nasiibka u yeesha in la caawiyana, ma haystaan dawo ku filan, iyada oo intooda baday ay ku tiirsanyihiin sama falayaal. Dhibaatada xanuunka dhimirka Soomaalia ayaa waxaa sii kordhinaya
habka loo maro daweyntiisa, marnaanta siyaasad iyo sharci caafimaad iyo, qoondo la’aanta dhaqaale ee xanuunada caafimaadka, iyo marnaanta faragalin ka timaada cidda ku shaqada leh. Tani waxa ay u baahantahay faragalin deg deg ah. Iyada oo aanay jirin dhaqaatiir dhimirka ah, iyo yaraanta kalkaaliyayaal, iyada oo qaarkood ay haystaan kaliya tababaro seddex bilood ah, taa waxa ay culays ka dhigaysaa caawinta dad kor u dhaafaya 10 milyan. Cabdiraxaam Cali Cawaale, oo loo yaqaano Dr. Xabeeb, waxa uu ka shaqeeyaa caafimaadka dhimirka. Waa nin iska xil saaray caawinta dadka dhimirka la’, waxa uuna xarumo caafimaad uu ku leeyahay meelo badan oo dalka kamid ah. Xarumahan – oo shan kamid ah ay Muqdisho ku yaalaan, halka qaar kalena ay dalka ku firirsanyihiin – waxa uu ku daaweeyaa tobanaan la il daran xanuunka dhimirka. Inta badan bukaanada dalkan waxa ay la il daranyihiin Post-Traumatic Stress Disorder, halka qaarka kalena
ay la xanuunsanayaan depression iyo schizophrenia. Tani ma ahan in aan waxba la qaban. Iyada oo dhibaatada ka war haysa, ayaa AMISOM waxa ay bilowgii sanadkan ogaatay in Xarunta Xanaanaynta Caafimaadka Bulshada ee Baydhaba ay tahay xarun muhim ah, waxa ayna ugu deeqday agab kala duwan, oo daawooyin ay kamid yihiin. Iyada oo dalka ay ka jiraan Hay’ado aan Dowli Eheyn oo aad u fara badan, haddana ma jirto hal hay’ad oo ku lug leh xanuunada maskaxda, iyaga oo u arka cudur aan faafin. “Xanuunka maskaxda waa mid kamid ah xanuunada aan faafin, waxa uuna dilaa bukaan badan sababo la xiriira xaaladaha bulsho,” ayuu yiri DR. Ibraahin. Waxa uu intaa raaciyay, “Waa caqabad weyn, balse in badan ayaan ka shaqayna siyaasadda xanuunada maskaxda, waxaanuna bilaabaynaa in aannu tababarno kaal kaaliyayaal ku shaqo leh xanuunada maskaxda, balse dhibka jira ayaa ah ma jirto hay’ad diyaar u ah in ay nagu taageerto mashruucan.” Majaladda AMISOM
21
Bulsho
Daryeesho
W
axa ay u muuqataa qof daggan, waxa ayna ula hadashaa s naxariis leh. Caan ayay ka tahay isbitaalada Muqdisho iyo hareereheeda ku yaala, halkaa oo ay tabarucaad ku samayso. Dr. Caasha Maxamed shahaadada ugu sareysa ee jaamacadda ayay ka haysataa Cudurada Haweenka iyo dhalmada. Adeegyadeeda ayaa waxaa ku diirsaday boqollaal haween ah oo horey aan u haysan qof iyada camal ah. Dr Caasha waxa ay ku dhalatay, kuna soo barbaartay magaalada Muqdisho. Markii dagaalka uu ka qarxayay Soomaaliya 1991-dii, waxa ay sanadkeedii ugu horeeyay ee jaamacadda ka dhaginaysay Jaamacad Muqdisho ku taala. Sida dad badan oo Soomaali ah, iyada iyo qoyskeeda waxa ay ka carareen dagaalada, nasiib wanaag dal ayaa dib u dajin u sameeyay, halkaa oo ay kasii wadatay waxbarashadeeda ilaa ugu dambayn ay qaadatay shahaadada sare sanadkii 2008-dii. 2009-kii, oo ku beegnayd labo sano kadib markii Ciidamada Midowga Afrika ay Soomaaliya u yimaadeen soo celinta nabadda, ayay go’aansatay in ay dalka kusoo laabato oo ay bulshadeeda u shaqayso, iyada oo markaa dagaalo culus ay ka jireen dalka. Go’aankaa iyada oo kali ayaa aqaadatay, iyada oo qoyskeeda ay dibadda ku hareen. Waxa ay go’aankeeda ka tiri, “Waxaan ogaa baahida dalkayga eek u aadanyd marnaanta dhaqaatiir
22
Majaladda AMISOM
dumar ah oo xaliya dhibaatada haweenka, waxaan kaloo ogaa in dhaqanka iyo diinta aawadood ay haweenka Soomaaliyeed door bidaan dhaqaatiir haween ah.” Haddii go’aanka kusoo laabashada
Muqdisho uu aad u adkaa, waxaa kasoo adkeyd dhibaatadii markaa dalka ka jirtay. Waxa ay usoo dhaqaaqday safar aad halis u ah, waxa ayna dhexda kasoo gashay dagaal markaa u dhaxeeyay xagjiriinta al-
Shabaab iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) “Inta badan degmooyinka Muqdisho waxaa gacanta ku hayay argaggixisada, dhaqdhaqaaquna aad buu u adkaa. Bukaanka oo markaa aad u tiro badnaana uma aanay fududeyn in ay isu socod sameeyaan. Saacad walba, waxaa dhacayay qaraxyo iyo israsaaseyn. Inkastoo aan dhowr jeer isku dayay in aan iska laabto, haddana waxaan go’aansaday in aan sii joogo ilaa aan ujeedooyinkayga ka gaaro. “Afar ilaa shan mar ayaa dib u laabtay, maxaa yeelay xaaladda ayaa aad u adkayd,” ayay tiri. Intaa kadib Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay in ay Agaasime ka noqoto mid kamid ah isbitaalada ugu qadiimisan dalka. Si lamid ah hay’adaha kale ee dowladda, isbitaalada ma aanay ka badbaadin weerarada argaggixiso. Waa lasoo weeraray oo la burburiyay, balse ilaa iyo waqtigaas waxaa dib loo kiciyay qeybta Bukaan-SocodEegtada oo usbuuciiba labo jeer la furo. Ugu yaraan 200 oo bukaan ayaa qeybtaan soo booqata maalin walba. Inkastoo qof dumar ah loo arko, haddana Dr. Caasha marnaba ma aaminsana in jinsigeeda uu caqabad ku yahay shaqadeeda. Waxa ay sheegtay in sanadkii 1974-tii ay Soomaaliya lahayd duuliye dumar ah, iyada oo intaa ku dartay in dumarka Soomaaliyeed ay mar walba horyaalo ahaayeen. Waxa ay qabtaa in dumarnimada iyo hoggaaminta Soomaalida aannu isdiideyn. Caqabadaha ay mar walba la kulanto waa kuwo kadhashay dagaalada Soomaaliya ka socda 20-ka sano kabadan. “Waxaa jira iskudhexyaac badan. Latalin badan ayaa loo baahanyahay. Iskudhexyaaca jireed iyo midka maskaxeed, waxa uu leeyahay dhaawac aad u tiro badan,” ayay tiri. Waxa ay sidoo kale sheegtay in dagaalku uu sabab u noqday burburka
hay’ado badan, oo qaarkooda hadda dib boorka looga jafayo. “Dowladda xitaa ma dhaleeceyn kartid. Waxaa hortaa shaqo badan. Marka hore waa in ay xoogga saaraan ammaanka dalka, kadibna dhaqaalaha. Balse iyada oo kuwaasi ay jiraan, haddana waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashada dhibaato ayaa ka jirta,” ayay tiri. Haweenka aad bay xaaladdu ugu xuntahay, iyada oo qaarkood ay 100 kiiloomitir u safraan si ay isbitaal u tagaan. Safar ay bishii November 2014 ku tagtay Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayay waxa ay kula soo kulantay tuulooyin aan inaba ha yaraatee laheyn adeegyada caafimaadka asaasiga ah, iyada oo bukaanadu ay ku qasbanaayeen in ay Muqdisho usoo safraan marka ay daweyn u baahdaan. Dr. Caasha, ayaa sheegaysa in dhibaatooyinka ugu badan ee caafimaad ee ay wajahaan dumarka Soomaaliyeed uu kamid yahay daweynta Cudurada aan Faafin. Kansarka minka iyo kan naasaha, oo u baahan in xili hore la ogaado, ayaa dumar badan oo Soomali ah u laynaya la’aanta qalab caafimaad oo lagu ogaado xili hore, sida ay sheegayso dhaqtaradda. “Waxaan xusuustaa in OPD aan ka furnay Baydhaba, aanan baaris ku samaynay minka 100 haween ah, balse baaritaankaas waxaan ku qasbanaanay in aan u dirno Magaalada Kampala, kadibna natiijada lasoo celiyo. Tani marka xili walba macquul ma ahan, iyada oo dumarka ay la taahayaan cudurro laga hortagi karo ama la daaweyn karo,” ayay tiri. Balse waxa ay tilmaantay in arimuhu ay si tartiib tartiib ah isku badalayaan, iyada oo adeegga caafimaad uu hadda sidii hore dhaamo. Iyada oo xaaladuhu ay hagaagayaan, waxa ay sheegtay in ay wax walba oo ay awooddo u samaynayo si ay isbedel muuqda meesha u keento. Waxa ay sidoo kale qurbajoogta Soomaalida ku wacyi galinaysaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan.
Bishii Janaayo 2015 waxa ay Caasha ka qeyb gashay Shirka Qurbajoogta oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda. Shirka waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Arimaha Qurbajoogta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Howlgalka Midowga Afrika Ee Soomaaliya, si la isugu keeno Soomaalida qurbaha ku nool, oo loogu dhiiro galiyo in ay dalkooda kusoo laabtaan, looguna muujyo sawirka dhabta ee xaaladda uu dalka hadda marayo. Dr. Caasha ayaa kamid aheyd wufuuddii ka qeyb gashay shirka, iyada oo lagu marti qaaday in ay hadal ku saabsan ‘Xaaladda Caafimaadka Dalka’ ka jeediso shirka. Maanta xirfadlayaasha xagga caafimaadka ee dalka waxa ay ku midaysanyihiin ururka “Isutagga Howlwadeenada Caafimaadka.” Kooxda ayaa la rajaynaa in ay dalka ka hirgaliyaan 20 goobood oo haweenka ay ku dhalaan inta aan laga bixin 2015-ka. “Lacag mahaysano, balse waxaan haynaa niyad fiican. Waxaan haysanaa dad badan oo mutadawiciin ah oo bixinaya taageero niyadeed iyo kid jireed. Waxaan doonaynaa in dadaalkeena dhan aan isugu gayno si aan haweenkaa u caawino,” ayay shirk aka sheegtay Dr. Caasha. Waxa ay aaminsantahay in masiirka Soomaaliya uu gacanta ugu jiro Soomaalida, oo ay sheegtay in ay tahay in ay hormuud u noqdaan isbedelada ay doonayaan in dalkooda uu ka dhaco. “Hurdada ka toosa oo ka fikira dalkan. Dalkan malahan dad kale, kaliya waa ay na caawinayaan. Inaga ayay na jirtaa in maalin un aan go’aansano in aan iska joojino dagaalkaan waalida ah,” ayay waydiisatay. Farriinta ay dunida kale u dirtayna waxa ay aheyd –
“Maanta iftiin ayaa ii muuqda. Ma dhowin, balse wadada saxda ah ayaan haynaa. Majaladda AMISOM
23
Lambarka deg degga
ee Muqdisho
B
ishii May 2015, Bilayska AMISOM ayaa bilaabay dadaalo bulshada iyo bilayska ay ku wada shaqaynayaan oo laga fulinayo 16-ka degmo ee Muqdisho. Dadaalada ayaa soo saaray natiijo wax ku ool ah oo lagu xadiday dambiyada magaalada ka dhaca, iyada oo dadka la baray lambarka deg degga ah, oo ay kusoo sheegayaan haddii ay la kulmaan qof ay ka shakiyaan. Marka ay dadka soo wacaan lambarka lacag la’aanta ah, ayaa si kalsooni ay ku jirto loola dhaqmayay, iyada oo la xaqiijinayo macluumaadka, kadibna laga jawaabayo. Dadka daggan degmooyinka ka faa’idaystay ayaa sheegaya in dadaaladan ay miro dhal noqdeen, isalamarkaa xaafadahooda ay ka sifeeyeen dambiyada. Mashruuca oo ilaa hadda laga hir galiyay 10 dagmo oo Muqdisho ah, ayaa waxaa horboodayaan Ciidanka Bilayska Soomaaliya iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka, iyaga oo taageero ka helaya AMISOM. Laga soo bilaabo Degmada Shangaani, oo ah mid kamid ah degmooyinka ugu qadiimisan, uguna nabadgalyada badan, ilaa Degmada Heliwaa, oo ku can baxady dambiyada, ayaa dadka deegaanka waxa ay rajo wanaagsan ka muujinayaan in dadaaladan cusub ay yarreyn doonaan dambiyada xadka ka baxay. Iyada oo wali ay ku dambeeyaan raadadki al-Shabaab, ayaa Degmada Hiliwaa waxaa wali ka jira weeraro qaraxyo loo adeegsado iyo dambiyo rasaas loo isticmaalo. Waa Degmadii lixaad ee laga hirgaliyay howsha. “Hiliwaa waxaa loogu doortay mashruucan, maxaa yeelay waa meel ay ka dhacaandambiyada ugu badan, waa middaa sababta howshan loogu doortay,” ayuu yiri Randolph Somiah, oo ah Caawiye Taliye Bilays (ASP) oo ka socda Ghana. Balse, degmada Waaberi ayaa ugu wanaagsanayd marka laga hadlaayo darisaynta. Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay in inta aan mashruucan la bilaabinba ay degmada Waaberi hirgalisay hanaanka darisaynta 10-ka guri. Tani ayaa ah in xaafadaha la isugu xiro 10 10 uguri, iyada oo tobankii guriba uu qof mas’uul ka noqonayo, subax walbana uu kasoo diyaarinayo warbixin ku aaddan waxa ka socda guryaha uu mas’uulka ka yahay. Habkan ayaa waaberi ka dhigay meelaha ugu ammaanka fiican Muqdisho. Degmada Wadajirna, dadka deegaanka ayaa aad u dhararayay in ay arkaan howshan. “Waxaan jecelnahay nabadda iyo daganaashiyaha laga dhaxlay howshan ay waddo AMISOM. Dadka deegaanka waqti dheer ayay sugayeen arrintan, haddii uu qof dhibaato la kulmana, waxa uu wacayaa bilayska, halka markii hore laga wici jiray nabad sugidda ama militariga,” ayay tiri Aamina Cabdulle Maxamed, oo daggan Wadajir. Degmooyinka kale ee mashruucan ka faa’iday waxaa kamid ah Hodan, Warta-Nabadda, Xamarweyne, Dharkiinlay iyo Boondheere. Iyaga oo ka tusaale qaadanaya guusha uu mashruucan gaaray, ayaa bilayska AMISOM waxa ay rajo ka qabaan in howshan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarto gobolada kale ee Soomaaliya.
24
Majaladda AMISOM
“Inaga oo gacan ka helayna wlaalaheena AMISOM ee caawinaya bilayskeena, guul ayaan gaari karnaa. Aniga oo ah hoggaamiyaha haweenka degmada Shangaani, waxaan kuu sheegayaa in dumarka iyo dhalinyarada ay ay diyaar u yihiin in caawiyaan ciidamada bilayska. Waxaan ku faraxsannahay kaalmada nooga imanaysa AMISOM ee looga golleeyahay hagaajinta ammaankeena,” — ayay tiri Saynad Yuusuf Wehliye, oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Shangaani.
Sida kaliya ee nabad lagu heli karo, waa in bilayska iyo dadweynaha ay si wadajir ah u shaqeeyaan. Bilayska kaligii waxba ma qaban karo, waxa ay u baahanyihiin taageerada dadweynaha ee ah in ay usoo sheegaan marka ay arkaan waxyaalo ay ka shakiyaan. Waa sidaa habka kaliya ee ay ku wada shaqeyn karaan. Arimahaas ayay ka hadleen waana la isku raacay.” — ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabduqaaadir Maxamed”
Dadka daggan Degmada Boondheere, waa dadka ugu ilbaxsan magaalada Muqdisho, waana ay caddeeyeen in ay sharciga u hoggaansamaan. Shaqadeena ku aaddan sugidda ammaankooda ayay inoo fududeeyeen, si dhow ayayna ula shqeeyaan Golaha Ammaanka ee degmada oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxa ay wacad ku mareen in ay dhaqan galiyaan hanaanka bileeseynta bulshada, maxaa yeelay waxa ay arkeen muhiimadda uu mashruucu leeyahaym.” — aayuu yyiri Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdullaahi Xasan
“Wadashaqaynta aan la leenahay AMISOM aad bay u wanaagsantahay. Waqti badan ayay galiyeen in ay na caawiyaan. Waxaan ku dadaalnay hagaajinta xiriirka nagala dhexeeya bulshada, maamula iyo bilayska. Waxaan had aka shaqaynaynaa tarbiyaynta bulshada si aan u hagaajinoo shaqadeena iy ammaanka, inaga oo kaashanayna bulshada, maamulka, bilayska AMISOM iiyo bilayska Soomaaliya. Xaaladdu waa ay kasoo reenaysaa,” — ayuu yiri Taliyaha Bilayska Degmada Hodan Cabdiraxmaan Cusmaan Koronto
Howshan ah in taleefanno lacag la’aan ah la waco oo bilayska lagu wargaliyo wixi dhibaato keenaya muddo ayaan sugaynay. Aad ayaan u faraxsanahay, maxaa yeelay waa markii ugu horreysay ee aan fursad u helno in aan gudbino wixii aan u aragno in ammaanka uu dhibaato ku yahay, muddo ayaan sugaynay, ugu dambayanna waa ay dhacday,” — ayay tiri Iisha Xasan Cabdi, oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Waaberi
Majaladda AMISOM
25
Madaxa
Bilayska
AMISOM
Magaca: Anand Pillay Jagada: Sarreeye Guuto Xiliga uu ciidanka kusoo biiray: 1982, ayuu kusoo biiray Ciidanka Bilayska Koonfur Afrika, isaga oo ka gaaray darajada Sarreeye Guuto Guulihiisa xagga Shaqada: Waxa uu mar soo noqday Taliyaha Bilayska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Koonfurta Sudan (AMISS), waxa uu sidoo kale Taliye Unugeed kasoo noqday Milnerton, oo dhacda Gobolka Western Cape ee Jamhuuriyadda koonfur Afrika. Kamid Noqoshadiisa AMISOM: Waxa uu Taliyaha Bilayska noqday 19-kii May, 2014-kii.
Guulaha: n Waxa uu kormeeray daadgurraynta Bilayska AMISOM qeybahiisa kala duwan, iyo sidoo kale hagaajinta aragtida bilayska ee ku aaddan meelaha loo xil saaray. n Dhaqangalinta CONOPS n Waxa uu xoojiyay wada shaqaynta bilays ee Miowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isaga oo sidoo kale ka shaqeeyay wada shaqayn lala yeesho Bilayska Soomaaliya. n Waxa uu booqsaho indha indhayn ah ku tagay dhammaan goobaha n Waxa uu madax ka ahaa dhismaha saldhigga Bilayska Gigada Diyaaradaha. n Waxa uu hoggaan u noqday Istiraatiijiyadda hagidda “Soo Celinta Asaasiyaatka” isaga oo Bilayska Soomaaliya kala shaqaynaya dhinacyada dabagalka dambiyada, maarreynta gaadiidka, maamulidda goobaha ay dambiyadu ka dhacaan, iyo kahortagga dambiyada, guud ahaan Soomaaliya.
26
Majaladda AMISOM
Iskudhafka
Ciidamada
Turxaan bixinta iyo dib-u-howlgalinta 926 Bilays Soomaaliyeed ayaa lasoo bandhigay, baarisna lagu sameeyay bishii Febraayo 2015-ka. Waxaa kamid ahaa bilays hore oo dib shaqada loogu soo celiyay. Shaqo kusoo celinta bilayskii hore ayaa muhiim u ahayd ciidamada marka la eego khibradda ay leeyihiin. Waxaa sidoo kale laga filayaa in bilayska da’da yare e aan khibradda laheyn ka caawiyaan shaqada ay ka hayaan dal sida Soomaaliya oo kale ah. Kadib markii baaris lagu sameeyay, ayaa loo kala qeybiyay saldhigyada bilayska si ay u xoojiyaan bilayskii horey u shaqaynayay, ayna u tababaraan dhalinyarada ku cusub shaqada, iyagoo gacan ka helaya tababarayaasha AMISOM. Shaqo so galinta iyo baaritaanka ayaa kordhisay aqoonta Ciidanka Bilayska Soomaaliya, taa oo u ogolaatay in ay hagaajiyaan awoodooda bilays, ayna hubiyaan ammaanka iyo nabadgalyada dadka Soomaaliyeed. Baarista ayaa gacan ka gaysatay hagaajinta hay’adda, iyada oo meesha laga saaray kuwa dambiyada horey u galay. La taliyayaasha iyo tababarayaasha AMISOM ee dib u habaynta bilayska ayaa si dhow Kuliyadda General kaahiye kula shaqeeyay Ciidanka Bilayska Soomaaliya, iyaga oo hagayay howsha.
Roondooyin wadajir ah Iyaga oo kaashanaya Ciidanka Bilayska Soomaaliya ayaa bilayska AMISOM waxa ay ku guulaysteen soo celinta amarka iyo kala dambaynta iyo ammaanka dadweynaha ee qeybo badan oo kamid ah Muqdisho iyo hareereheeda. Roondooyinka la samaynayo habeen iyo maalin ayaa ujeedadoodu ay tahay in la dhiso kalsoonida shacabka ee ammaankooda. Ganacsiga ayaa soo hagaagaya iyada oo Soomaalida ay ka faa’idaysanayaan roondada si ay guryaha banaanka uga soo baxaan. Unuguta Bilayska (FPUs) ayaa roondada ka samaysa dhammaan degmooyinka Muqdisho, sida Baarlamaanka, Madaxtooyada, Xeebta Liido, Kiiloomitir4, Ex-kontarool, iyo isgoysyada Cali-Kamiin, Afgooye iyo Fagax. Roondada wadajirka ah iyo howlgalada ayaa gacan ka gaystay ammaanka waddooyinka, iyada oo marar badan gacanta lagu soo dhigay dad laga shakiyay. Shir jaraa’id oo ay dhowaan wada qabteen Taliyaha Bilayska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan iyo Taliyaha Bilayska AMISOM Anand Pillay, ayay ku sheegeen in labada dhinac ay gacanta ku hayaan qorshe howled dhamaystiran, oo
ammaanka kusoo celinaya Muqdisho iyo magaalooyinka kale, si loola socdo xaaladda ammaan, loona xaqiijiyo ammaanka dadweynaha. Pillay ayaa yiri, “Howlgaladeena, waxaa laga maamuli doonaa xarunta howgalka wadajirka ah eek u taala Xarunta Dhexe ee Bilayska Soomaaliya.” Waxa uuna hadalkaa ka sheegay wax yar un kadib markii Wasiirka Ammaanka Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu guddoomiyay rakibidda hanaanka howlgalka wadaxiriireed ee casriga ah ee lagu sameeyay Xarunta Dhexe ee Bilayska. Qalabka oo ay rakibtay shirkadda Motorolla, ayaa waxaa ku deeqday dowladda Japan, iyada oo gacan ka helaysa Bilayska AMISOM iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Wasiirka Amniga, Cabdirisaaq, ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay tayaynta bilayska. “Waxaan isku dayaynaa in aan tayano bilayska hadda jira, islamarkaana aan qorano bilays cusub oo soo dhamaystay waxbarashada nidaamiga ah. Waxaan sidoo kale ku talo jirnaa in aan kordhino tirade bilayska haweenka ah,” ayuu yiri wasiirka.
Majaladda AMISOM
27
Dhagaysiga Raadiyaha: Khibradda Xasan Geeddi Santuur
A
nigoo kusoo koray Muqdisho, waxyaabaha aan sida aadka ah u xasuusto caruurnimadayda ayaa ah in aan isugu soo ururno dhagaysiga barnaamijka Maaweelada Caruurta ee maalinimada Jimcaha ka bixi jiray Raadiyoo Muqdisho, kaa oo ay soo gudbin jireen jilayaal xirfadlayaal ah. Barnaamijka ayaa intiisa badan ahaa sheekooyin ku saabsan fankaloorka Soomaalida, ee ay kamidka yihiin sheekooyinka dawacada iyo waraabaha. Sheekooyinkaas ayaan mar walba xiiseyn jiray. Waxaan mar walba aad ugu baahnaa in aan maqlo sheekooyin. Waxa ay xiriir la yeelatay howlahayga. Qof biniaadam ah oo qof kale oo biniaadam ah wax u sheegaya waa waqti lumis. Aad bay u fududeyd. Aad bay u qurux badnayd. Balse marka aan dib u xasuusto, waqti dambe ayaan ogaaday in aan dareenka dhan siin jiray dhagaysiga raadiyaha. Fiidkii, marka aan cashada cunayno, waxaan dhagaysan jirnay warka habeennimo, oo ay kamid ahaayeen warbixino laga soo diray meelo fog fog, halkaa oo ay ka dhici jireen waxyaabo aanan aqoon u lahayn. Sheekooyinka sida ciidamada Ingiriiska oo weeraray Jasiiradda Falkland; toogashada falastiiniyiin dhagax tuuraysa intii lagu jiray kacdoonkii Intifada; ama geesinimada fallaagada Soweto iyo magaalooyin kale oo ku yaala Koonfur Afrika ayaan aad u xiseyn jiray. Waxaan aaminsanahay in doonistayda in aan safro, xiisaha aan dunida u hayo iyo jacaylka aan u qabay saxafinimada raadiyaha aan ka dhexlay wararkaa habeennimo ee laga soo dayn jiray Raadiyoo Muqdisho. Raadiyaha waxa uu ii noqday iridda fowdada, badweyn aan dhamaad lahayn, waxaanna rabay in aan wax badan ka barto. 28
Majaladda AMISOM
Inaga oo guriga uu inoo yaalay raadiye iyo cajalado ay ku dhamaystiranyihiin heesihii ugu dambeeyay ee Mareykan ah, TV iyo kaaseet, hadana waxaan aniga caruurnimadayda aad u xiiseyn jiray Raadiyaheena. Marka layaab ma aanay aheyn in sanado badan kadib aan wariye raadiyoo ka noqday Hay’adda Warbaahinta Kanada. Waxaa intaa dheer in dabeecadayda dhagaysiga ay kobcaysay muddo sanado ah – maalmahaan waxaan soo dagsadaa barnaamijyada aan ka xiiseeyo BBC, CBC iyo NPR, waxaanan dhagaystaa marka aan nasashada ku jiro – raadiyaha waxa uu wali ii yahay waxa aan warbaahinta ka xiiseeyo. Sida aan ogaaday, ma ahi kaligay qofka raadiyaha jecel, marka aad eegto Soomaalida. Raadiyaha ayaa ah isha ugu badan ee ay Soomaalida ka helaan wararka, macluumaadka iyo madadaalada, waxaana sabab u ah dadka aan waxba qorin ama aqrin oo kor dhaafaya 55 boqolkiiba. Sida ku cad qiyaaso lasoo saaray, kudhowaad 50 raadiye oo gaar loo leeyahay ayaa waqti xaadirkan ka howl gasha Soomaaliya. Tan iyo markii uu burburay xukunkii kaligi taliyihii Siyaad Barre, dagaalka sokeeyana uu ku baahay dalka, waxaa Soomaaliya ku baahayay raadiyayaal gaar loo leeyahay. Xiligii hore, waxaa jiray hal raadiye oo wararkiisa uu faaf reebi jiray nidaamkii militariga. Gacan ku hayntii dowladda ee wararka iyo macluumaadka waxaa badalay warbaahin tiro badan oo burbursan. Dhibaatada ay leedahay ka furashada warbaahin meel aan laga qiimaynin sharciyada warbaahinta ayaa ah in laga gudbo anshaxa saxaafadda iyo halbeegga tifaftirka. Balse taa micnaheeda ma ahan in la yiraahdo in aanay gabi ahaanba jirin xirfad marka laga hadlaayo raadiyaha Soomaalida.
Beryahaan waxaa soo kordhayay raadiyayaal si heer sare ah loo maamulo oo anshaxooda iyo tifaftirkoodu uu ku heer yahay halbeegga caalamiga ah ee warbaahinta. Inkastoo caqabado ay jiraan, ayaa haddana taageerada loo hayo warbaahinta raadiyaha Soomaaliya ay kobcaysay maalinba maalinta ka dambaysa. Marka laga soo tago madadaalada laga dhagaysto, waa habka ugu saamaynta badan ee ay ku wada xiriiraan Dowladda Federaalka iyo jaalayaasheeda. Raadiyaha ayaa wali ku weyn quluubta Soomaalida, yar iyo waynba. Aniga ahaan, Raadiyoo muqdisho ayaa ii ah. Kaligayna ma ahan, ee wariyayaasha ugu caansan Soomaaliya, fanaaniinta iyo jilayaasha ayaa u nasab sheegta Raadiyoo Muqdisho, oo soo jiray in ka badan nus qarni. Xitaa intii lagu guda jiray maalmihii madoobaa ee caasimadda oo ay dadka argaggax ku hayeen al-Shabaab, ayna gacanta ku hayeen inta badan magaalada, wariyayaasha geesiyaasha ah iyo farsamo yaqaanada Raadiyoo Muqdisho waxa ay shaqada ka wadeen dhismo ay rasaastu burburisay oo ay waardiyaynayeen nabad ilaaliyayaasha Midowga Afrika. Horumarka ballaaran oo xagga tiknoolijiyadda ah ee la gaaray qarnigii labaatanaad, iskaba daa in raadiyaha uu daaqadda ka bexee bal wuuba si xoogaystay. In muddo ah waxaa la is lahaa in talifishinka uu sababi doono hoos u dhaca raadiyaha. Soo shaac bixidda Internetka ayaa hadana la is lahaa waqtiga ayuu ku adkeyn doonaa taageerayaasha raadiyaha. Hase yeeshee, layaabku waxa uu yahay in saamaynta, xadka iyo tayada raadiyaha ay kusii badatay dunida maanta. Interneka oo la is lahaa raadiyaha ayuu meesha ka saari doonaa, ayaaba noqday mid looo adeegsado wadaagga iyo faafinta sheekooyinka raadiyaha. Waxaan hadda dhagaysan karnaa war laga baahiyay dhanka kale ee dunida, inaga oo hal kilik isticmaalayna, waxaana taa ku mahadsan Interneka. Raadiyaha dowr weyn ayuu ku lahaa, wuuna ku lahaan doonaa nolosha mallaayiin ku nool meelaha ugu fog uguna xun dunida. Raadiyaha nolol maalmeedka ayuu kamid yahay dalalka ay halakeeyeen dagaalada, kacdoonada iyo kaligi talisnimada. Dadka dalalkaa ku nool, raadiyaha, kaliya uma ahan meel ay wararka ka helaan saacado kooban, balse waxa uu sidoo kale u yahay meel ay ku nastaan oo ay ku doogtaan. Waxa uu ku dhiiro galiyaa in aanay kali eheyn. Majaladda AMISOM
29
Dab Muqdisho
Kooxda Dam Damiska Muqdisho iyo Ciidamada Midowga Afrika oo tababar ku qaadanaya garroonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde
C
aasimadda Muqdisho ayaa ku naaloonaysa adeegga koox dam damis ah oo sumcad ku kasbatay ka jawaabidda musiibooyinka deg degga ah oo shaqdooda badbaadinta ku sameeya heerka ugu sareeya. Waxaa lasoo wacaa mar alla marka ay dhibaato ka dhacdo caasimadda, ha ahaado dhisme soo dumay, dab meel ka kacay, ama weerar argaggixiso oo dhacay. Cidda ugu horreysa ee meesha tagta, marka laga tago bilayska waa dab damiska ka socda Waaxda Dabka iyo Adeegga Deg Degga ah ee Muqdisho, oo dadka Caasimadda ay u yaqaanaan geesiyaasha Muqdisho. Seddex sano kahor, magaalada Muqdisho ma aanay lahayn shaqaalaha iyo qalabka dab damiska. Inta badan marka xaalado deg deg ah ay soo 30
Majaladda AMISOM
kordhaan seddexda milyan ee Muqdisho ku nool ma aanay heli jirin wax gacan ah. Iyada oo gacan ka helaysa jaalayaasheeda, hadda Muqdisho waxa ay leedahay qeyb dab damis oo si buuxda u shaqaysa. Qeybtan, ayaa ka kooban koox dam damiyayaal 60 qof ah, waxaana la aasaasay iyada oo gacan laga helayo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan taageerada AMISOM (UNSOA), oo sidoo kale fududeeyay tababarada shaqaalaha si loo kobciyo xirfadooda dab damiska, iyada oo la isticmaalayo dhaqaalaha AMISOM. 18 kamid ah shaqaalaha, ayaa bishii Apriil 2015 tababar sare oo badbaadinta ah kusoo qaatay Nairobi, si ay si muuqata uga jawaabaan xaaladaha dabka ee Soomaaliya.
Tababarka ayaa waxaa fuliyay Maamulka Eelaboorada Kenya iyo Adeegga Dab Damiska Kenya, waxaana xoogga lagu saaray hoggaaminta iyo xakamaynta xaaladaha deg degga ah. Tani waxa ay ka dhigantahay in dab damiyayaasha ay yihiin xirfadlayaal awood u leh in ay maareeyaan howlgalada deg degga ah. Markii ay casharada qaateen, waxaa ay baraatikeeyeen wixii ay barteen, iyaga oo garoonmada Nairobi ku sameeyay tababaro xaqiiqda u eg. “Waxaan ku faraxsanahay in aan kamid noqdo 18-ka qof ee badbaadinta iyo dab damiska Soomaaliya. Waxaan soo qaadanay casharro muhiim ah oo ku aaddan hoggaaminta xaaladaha. Waxaan soo barangay sida shilalka looga jawaabo
iyo sida dabka looga jawaabo, ha ahaato sida loo damiyo dabka, sida dhibanayaasha loo soo badbaadiyo iyo sida loo sameeyo meel la isugu geeyo dhammaan dhibanayaasha,” ayuu yiri Cabdiwali Muumin Cabdi, oo kamid ah dadka lasoo tababaray. Waaxda Badbaadinta iyo Dam Damiska, oo saldhiggeedu uu yahay degmada Boondheere, waxaa ka howol gala kaalkaaliyayaal iyo dab damiyayaal. Kooxda waxa ay haystaan seddex mashiin oo dab damis ah, laba aambalaas iyo sidoo kale laba bambo oo biyaha lagu jiido, lacala haddii daadad ay dhacaan. Balse xaaladaha deg degga ah ee inta badan dhaca aawadood, qalabka ma ahan mid ku filan. Hoggaamiyaha kooxda Cabdisalaam Axmed Cabdullaahi, ayaa sharaxaad ka bixnaya howsha ay dadweynaha Muqdisho u hayaan. “Waxaa lanaka doonayaa in aan damino taanki gubanaya oo uu shidaal ka buuxu, hanti gubanaysa, ama guri ay ciddi lahayd ka carartay. Inaga oo ku mashquulsan daminta taanki ayaa waxaa qarxaya mid kale, balse taas howsheena ma joojiso. Caqabadda kale ee nah or taala waa qaraxyo. Waxaan tagaynaa meel uu qarax ka dhacay si aan dadka usoo badbaadino, waxaan
arkaynaa gawaari gubanaysa, iyo maydad meel walba yaala, waxaa intaas oo dhan kasii xun ma ogaan kartid haddii gaariga ku ag yaala uu qarax ku xiranyahay iyo in kale,” ayuu yiri. Faysan Canbar Mahdi, ayaa dib u xusuusanaya gurmad ay u sameeyeen Hoteel gacanta ugu jiray xagjiriinta al-Shabaab. “Qaraxyo ayaa dhacayay, iyada oo dadka gudaha ku go’doonsan ay gurmad dalbanayeen. Waxaa lanaku amray in aan halkaa aadno oo aan dadkaa soo badbaadino. markii aan hoteelka tagnay, waxaan la kulannay dad badan oo gudaha ku go’doonsan, iyada oo dagaal uu ka dhex socday. Waxaan isticmaalaynay wiishashkeena si aan daaqadaha dadkaa uga soo saarno oo aan usoo badbaadino, meel ammaan ahna u gayno. Dad badan ayaa meesha ku jiray. Waxaan soo badbaadinay 30 qof,” ayuu yiri Faysal. Dab damisyaasha Muqdisho, waa koox madaalayaal ah oo howl adag haya, iyaga oo ay yartahay ilaha iyo qalabka ay haystaan. Sida ay uga go’antahay shaqada waa marag ma doonto, iyaga oo xitaa ku shaqeeyaxaalado aad u adag. Dhab ahaantii waa geesiyaasha Muqdisho. Majaladda AMISOM
31
Banki
Cusub oo Caalami ah
B
ankigii labaad oo caalami ah ayaa laga furay Soomaaliya, taa oo calaamad u ah koboca dhaqaalaha iyo bankiyada dalka. Furista Premier Bank, ayaa imanaysa kaliya lix bilood kadib markii dalka laga hir galiyay Bankiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa xafladda furitaanka ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise, iyada oo madaxda bankiga ay balan qaadeen in ay dib u habeyn ku sameenayaan hanaan bankiyeedka Soomaaliya, iyaga oo la imanaya xalka lacag xawilidda. “Ujeedada Premier Bank, waa in aan saameyn ku yeelanaa koboca dhaqaale ee ka socda dalkayaga, waxaan sidoo kale hirgalinay adeegyo gaar ah oo gacan ka gaysanaya koboca ganacsiga, waxaa farxad inoo ah in aan ku dhawaaqno in Premier Bank uu ka diiwaan gashanyahay shirkadda swift, uuna leeyahay swift code, taa oo dadkeena iyo macaamiisheena u ogolaanaysa in ay lacago u diraan caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Mahad Axmed, oo ah Agaasimaha Maamulka Premier Bank. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay horumarkan, isaga oo sheegay in Bankiga uu ka shaqeeyay koboca hay’adaha dhaqaalaha ee dalka. “Waxaan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku ammaanayaa dadaaladooda ku aaddan dhiira galinta hay’adaha dhaqaalaha ee madaxa bannaan, sida kan maanta la furayo oo kale. Iyada oo Bankiga Dhexe uu gacanta ku hayo diyaarinta sharuudaha sharciga ah ee ay u baahanyihiin jaalayaasheena caalamiga ah, haddana waxaa wali jira gaabis xagga hay’adaha dhaqaalaha ah. Balse waxaan ku faraxsanahay waxa ilaa hadda noo qab32
Majaladda AMISOM
soomay, waxaana jira wax badan oo aan ku tallaabsanay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Premier Bank, oo bixinaya adeegyo kala duwan, waa banki Islaami ah, oo ku shaqaynaya lacagaha qalaad. Waxa uu la jaal yahay shirkadaha MasterCard iyo SWIFT si uu u bixiyo adeegayada caalamiga ah, oo ay kamid tahay Lacag La Bixidda Elektaroonikka ah. Bankiga waxa uu labo xafiis ku leeyahay caasimadda Muqdisho, isaga oo qorshaynaya in howlihiisa uu ku ballaariyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Marka aad eegto sida uu bankiga u shaqaynayo iyo adeegyada uu bixinayo, waxa uu la heer yahay bankiyada kale ee caalamka ku yaala. Waxaana sidaa Caddeynaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim. “Kani waa Bankigii ugu casrisanaa ee laga furay Soomaaliya. Markii aan soo galay gudaha [Bankiga], waxaan u haystay in aan joogo meel dalka ka baxsan, maxaa yeelay waxaan halkan ku arakay wax alla wixii Banki looga baahnaa. Milkiilayaasha iyo shaqaalaha waxaan ku ammaanayaa howsha wanaagsan ee ay macaamiishooda u diyaariyeen,” ayuu yiri. Furitaanka bankigan ayaa caddeyn buuxda u ah nabadda iyo daganaashiyaha ka jira Soomaaliya tan iyo markii ay soo fara galiyeen Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM), kuwaa oo xagjiriinta al-Shabaab ka saaray inta badan dalka. Qiyaaso aan la xiqiijin ayaa tilmaamaya in isticmaalka bankiyada Soomaaliya uu yahay kaliya 3 Boqolkiiba marka la eego 10-ka Milyan ee Soomaalida ah. Mallaayiin Soomaali ah ayaa wali ku tiirsan habka lacag isku xawilidda aan sharciga aheyn ee xawaaladaha. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo caalamka xadidayo hab xawilaadda lacagaha aan sharciga aheyn, sababao la xirira ammaanka, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa ay dadka Soomaaliyeed ku dhiira galinaysaa habka lacag xawilidda tooska ah.
Falanqeynta Ramaddaanka
B
isha barakaysan ee Ramaddaan, oo dadka Muslimiinta ay cunada ka soomaan maalintii oo dhan, dambiyadana iska ilaaliyaan ayaa bilaabatay 18-kii Juun, iyada oo Muslimiinta Caalamka, oo ay Soomaaliya ku jirto ay afka xirteen Ramaddaan waa bisha ugu barakada badan Islaamka, iyada oo Soomaaliyana howlaha la yareeyo, dalkana uu xoogga saaro cibaadada. Kulaylka aadka u badan ayay Muslimiinta u adkaysanayaan, iyaga oo maalinki oo idil ka dhowrsanaya cunada iyo biyaha. Sanadkan soonka, waxa uu kusoo aaday iyada oo nabad badan ay jirto. Waddooyinka caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale, waxaa ka jira dhaq dhaqaaq aad u yar oo xagga ganacsiga ah. Gaar ahaan cunnada, iyada oo Soomaalida ay waqti yar ku bixiyaan cunno gadashada. “Waxaan rajaynaynaa in aan si nabad ah ku soonno maxaa yeelay waxaan nabad ku dhex jirnay 11 bilood, haddana waxaan diyaar u nahay in aan soonno, ilaahay ayaan ka baryaynaa in uu noo fududeeyo,” ayay tiri Laylo, oo ah gabar daggan Muqdisho, iyada oo markaa ka dukaamaysanaysay suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Diiday Macalim Salaad, oo ka ganacsata kudradda ayaa aad u faraxsan. Waxa ay
sheegaysaa in ganacsigeeda uu kor u kacay. “Dadka si aad ah bay wax u iibsanayaan todobaadkan, iyaga oo bisha barakaysan iibsanaya khudaar, sida basasha, oo sanbuuska lagu sameeyo, mooska oo lagu afuro, cambaha oo cabitaanka laga sameeyo, basasha iyo baradhada oo iyagana cuntada lagu sameeyo sidoo kalena sanbuuska lagu daro,” ayay tiri. Balse Soomaalida oo nabadda ay hadda ku naaloonayaan uga mahad celinaya faragalinta Nabad Ilaaliyaasha Midowga Afrika, ayaa ciidamada ammaanka aysan howshoodu fududeyn. Inta badan, bisha barakaysan ee Ramaddaan, Soomaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin ammaan, iyada oo bishan ay tahay xiliga ay xagjiriinta al-shabaab ay soo cusboonaysiiyaan dhibaatayntooda dadka rayidka ah iyo meelaha kale ee ay beegsadaan. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Maxamed Khayre, ayaa sheegaya in dowladda ay diyaarisay tallaabooyin ku aaddan sidii ay dadka Muslimiinta ah si nabad ah ugu afuri lahaayeen. “Waxaa sidoo kale lanaga doonayaa in
aan hubino in dadka Soomam ay waajibaadkooda diiniga ah u gutaan si nabad ah, inaga oo si dhow ula shaqaynayna hay’adaha ammaanka, si dadka ay si nabad ah ugu soomaan,” ayuu yiri kahyre. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM) ayaa dajiyay istiraatiijiyad lagu xoojinayo ammaanka gobolada oo idil. Ciidamada Bilayska Soomaaliya iyo AMISOM, ayaa 16-kii Juun shaaca ka qaaday qorshe howled wadajir ah si loo hubiyo in la xaqiijiyo ammaanka bisha barakaysan ee Ramaddaan. Taliyaha Bilayska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan iyo Taliyaha Bilayska AMISOM Anand Pillay ayaa sheegay, in howlgalka wadajirka ah ay yareeyeen rabshadaha Ramaddaanka. “Marka hore, marka Ramaddaan walba la gaaro, waxaan arki jirnay dhibaatooyin sii kordha. Labadii Ramaddaan ee lasoo dhaafay, waxaan usoo joognay weeraro qaraxyo loo adeegsaday iyo kuwo toos ah iyo ismiidaamin. Waxaan dadka ku wacyigalinay ammaankooda, maxaa yeelay marka ay dad badan meel ku kulmaan waxaa sahlanaanaysa in qaraxyo lagu weeraro,” ayuu yiri Pillay. Taliyaha Bilayska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan ayaa ku raacay. “Sida aad ka warqabtaan, waxaa hanjabaado ay naga soo gaartay argaggixisada. Waxaan ku jirnaa xaalad aad u jilicsan, balse waa in aan inti karaankeena ah soo bandhignaa, inaga oo caawimaad ka helayna Bilayska AMISOM iyo Militarigooda, iyo sidoo kale hay’adaha kale ee ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri. Sida uu Pillay sheegayo, howsha wadajirka ah oo ku bilaabatay bandhig ka imanaya bilayska iyo kuwa sida militariga u tababaran oo waddooyinka la dhigay, iyaga oo ku socda howsha bilayska AMISOM oo ah taageeridda bilayska Soomaaliya, iyada oo la tababarayo, si loo dhiso tayadooda, loona gaarsiiyo heerka bilayska caalamiga ah. Majaladda AMISOM
33
AFCON 2017 oo Isha lagu hayo T
artankii 30-aad ee Koobka Qaramada Afrika, oo ah tartanka ugu weyn kubadda cagta Afrika, ayaa soo gaba gaboobay bishii Febraayo, iyada oo dalka Every Coast uu ku guulaystay koobka kadib markii uu 9-8 gool ku laad ah uu uga badiyay xulka qaranka dalka Ghana. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa xiratay booska seddexaad, halka dalkii marti galinayay koobka ee Equatorial Guinea ay ku dhamaysteen kaalinta afaraad. Inkastoo bilo yar laga joogo markii lasoo gaba gabeeyay Koobkii Qaramada Afrika ee 2015-ka, ayaa waxaa durbaba la bilaabay safarka koobka 2017-ka. Soomaaliya oo aan ka qeyb galin is reereebkii 2015-ka, ayaa rajo ka qabta in ay ka qeyb noqoto soo baxayaasha sanadka dambe marka la eego ammaanka dalka ka jira.
34
Majaladda AMISOM
Tababare ka tirsan FIFA oo tababar ku siinaya Garroonka Kubadda Cagta Banaadir ee Muqdisho garsoorayaal Soomaali ah bishii Apriil 2015-kii
Dalka Gaban ayaa marti galin doona koobka 2017-ka, iyada oo ugu yaraan 50 waddan la rajaynayo in ay qeyb ka noqdaan tartanka, oo ay ku jiraan xulka qaranka Soomaaliya oo lagu naanayso “Xidigaha Ocean.” Xiisaha loo qabo tartanka ayaa laga dareemayaa guud ahaan Soomaaliya, iyada oo cayaaryahanada ay muujinayaan dadaalkooda ugu dambeeya si ay usoo bandhigaan xirfadooda. Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa jaalayaasheeda ayaa ku guulaysatay in ay dacaytir ku samayso garoonka kubadda cagta Banaadir, kaa oo ku bur buray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Dhammaan taageerayaasha kubadda cagta ayaa hadal haya tartanka 2017-ka, gaar ahaan dhalinyarada oo tartankii 2015-kii kala socday talifishinada. Cayaaraha ayaa waxaa dalka ka manuucay al-Shabaab, intii ay xukunka hayeen, ilaa markii dambe ay Ciidamada Qaranka
Kubadda ayaa isbedel ku samaysay nolosha dhalinyarada dalka ku nool oo intooda badan ay beegsanayeen alShabaab, kuna qasbayeen howlo argaggixiso
Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay ku guulaysteen in ay xagjiriinta ka saaraan gobolo badan, taa oo soo celisay rajadii kubadda cagta. Kubadda cagta ayaa gacan ka gaysata in dhalinyaro badan ay ka fogaadaan in ay ku dhacaan dambiyo. Kubadda ayaa badashay nolosha in badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliya, iyada oo intooda badan ay al-Shabaab ku qasbayeen in ay ka qeyb galaan howlaha argaggixisada. Qaar kamid ah dhalinyarada ayaa ka tirsan amaba taageerayaal u ah kooxaha kubadda cagta ee ugu waaweyn dalka oo ay kamid yihiin; ‘Horseed’, ‘Heegan’, ‘Elman’, ‘Benaadir’, ‘LLP Jeenyo’, ‘Safaana’, ‘Dekadaha’, ‘Gaadiidka’, ‘Saxafi’ iyo ‘Somali Fruits. Dhalinyarada ayaa intooda badan waxa ay ku rajo waynyihiin in ay 2016-ka gaaraan guulo cusub, sida in la qabto doorashadii ugu horreysay oo Dimuqraadi ah iyo in ay usoo baxaan Koobka Qaramada Afrika. Majaladda AMISOM
35
Nagala soco Onlinka