Hemliga kompisar somalisk utgåva

Page 1


SAAXIIBBADII sirta ahaa AKHRIS FUDUD

HELENA BROSS CHRISTEL RÖNNS Fasalka 1b

Fasalka 1B

VICKE

CARRUURTA KALE EE ISKUULKA DHIGATA

Fasalka 1B

DADKA WAAWEYN EE ISKUULKA KA SHAQEEYA

ALEX OLLE
CLARA

Sidoo kale akhri:

SPÖKET i skolan

STARKAST i klassen

Världens finaste GLASÖGON

NY i klassen

Vilse i SKOGEN

Tand-LIGAN

Vi vill ha DISKO

Skrik och BAJS

RING 112

NATT i skolan Hjälp, vi kommer FÖR SENT!

Bli SAMS

Vilken VIKARIE !

SmåkrypsJAKTEN SLAGSMÅL

Allra bästa KOMPISEN

Inbrott i SKOLAN

Hej, HELLO!

Fira med FEST

HEMLIGA KOMPISAR

© text: Helena Bross 2006

© bild: Christel Rönns 2006

En originalproduktion från Bonnier Carlsen Bokförlag, Stockholm

Översättning: Musa M. Isse

Sättning: Agneta Tomasson

Fenix Förlag, Stockholm, 2020

Tryckt av Balto Print i Litauen, 2020

ISBN 978-91-7525-306-0

Fenixforlag.se

QORAALKII: SAWIRRADII:

HELENA BROSS Fasalka 1b

Saaxiibbadii sirta ahaa

Ardaydii waa ay istaageen oo waxa ay saf u galeen cuntadii.

Oscar deg deg ayuu safka u galay si uu u daba istaago Maja.

Balse waxa kala dhex galay Linus oo gacmaha kala dsanaya.

– Oh! ayay tidhi Maya. Waa aad i qanjiidhisay!

– Waa uu jimicsanayay! ayuu yidhi Oscar.

– Waa adiga qofka jimicsinayay! ayuu cod dheer ku yidhi Linus, waxaanu jiitay funaanad Oscar.

Oscar ayaa gacmihiisa gundhiyay si uu isaga furfuro Linus.

Balse waxa uu gacantiisa ku dhuftay okiyaalihii Linus.

Dhulka ayuu ku dhacay okiyaalihii.

– Joojiya! ayay tidhi macallimaddii

Iyada oo xanaaqsan ayay dhulka ka soo qaadday okiyaalihii Linus.

– Waxa aan rabaa in aan labadiinaba idinla hadlo! ayay tidhi.

Ardayda oo dhammi waa in ay tagto hoolka cuntada balse

Oscar iyo Linus waa in ay halkan ku hadhaan. – Waxa aad ahaan jirteen saaxiibbo. Waa maxay sababta ay sidani u dhacday? ayay waydiisay macallimaddu.

Oscar iyo Linus waa ay is eegeen.

Runtii ma ay doonayn in ay dagaallamaan, balse si kedis ah ayay isugu dhaceen. Waxa aan doonayaa in ardayda fasalka 1b noqdaan kuwa saaxiibbo ah! ayay ku tidhi macallimaddu.

Ka dibna inta ay gacanta isku saartay oo ay heshiisiisay Oscar iyo Linus ayay galeen

hoolkii cuntada.

Markii ay halkaasi soo galeen ayay

arkeen Elin oo keligeed fadhida oo haddana ooyaysa.

– Maxaa kugu dhacay? ayay waydiisay macallimaddu.

– Alice iyo Maya meel gaar ah ayay fadhiisteen oo hoos bay u xanshaashaqayaan, ayay tidhi Elin iyada oo ooyaysa.

– Ikhtiyaar baanu u leenahay in aannu ka sheekaysanno waxa aannu doonno! ayay tidhi Alice.

Ma icna runtii in aad hoos u wada hadashaan, ayay tidhi macallimaddu.

Macallimaddii waxa ay sasabtay Elin, waxaanay u soo qaadday cunto.

– Oh, waxa aan soo ilaabay caanihii, ayay tidhi macallimaddu markii ay sidaa u fadhiiso is tidhi.

– Aniga ayaa caano kuu keeni kara! ayaa uu yidhi Oscar.

– Miyaad ii keeni kartaa? Waa aad naxariis badan tahay! ayay tidhi macallimaddu.

Oscar waa uu farxay. Waa wax wanaagsan in la noqdo qof naxariis badan!

– Mahadsanid! ayay tidhi macallimaddii inta ay dhoolacaddaysay.

Macallimaddu waa ay faraxsan tahay. Waxa la moodaa in ay wax gaar ah ka kirayso.

Maalintii xigtay waxa ay macallimaddu u eegayd mid caqli badan, ka dib markii ay fasalka soo gashay.

Daasad ayay gacanta ku sidatay. Arday kastaaba waa in uu warqad yar kala baxo daasadda.

– Balse qofna yaanu cid kale tusin warqaddiisa! ayay tidhi macallimaddii.

Oscar waxa uu eegay warqaddiisii.

Waxa ku qoran magaca Maja. Waxa uu jalleecay Maja. Waa uu ka helaa iyada.

Maya waxa ay inta badan kubbadda la ciyaartaa wiilasha.

Waxa ay ku dhiirrataa in ay dhirta dhaadheer korto.

Waxa ay leedahay timo cas oo qurux badan iyo dhoolacaddayn xiiso leh. Waxa uu jeclaa in uu saaxiib la noqdo Maja.

– Hadda si wanaagsan ii dhegaysta! ayay tidhi macallimaddii.

Marka uu qof kastaa akhriyo warqaddiisa waxa uu ogaanayaa ruuxa uu yahay saaxiibkiisa sirta ahi.

– Waa maxay saaxiibka sirta ahi? ayuu yidhi Melker.

– Waa qof aad si dheeraad ah ugu naxariisato, ayay tidhi macallimaddii.

Waa qof aad si dheeraad ah uga yara kirto.

Miyaanan sheegi karin qofka uu yahay saaxiibkayga sirta ahi? ayay waydiisay Lova. – Haddii aad sheegto sir noqon maayo, ayay tidhi macallimaddu. Waxa aad ula dhaqmaysaaa si naxariis badan si uu saaxiibkaaga sirta ahi kuu dareemo.

Xisaabtana ku darso in qof kale haysto warqad kale oo magacaagu ku qoran yahay.

–Wanaagsanaa in saaxiib la yeesho! ayuu yidhi Vicke.

Kaalay halkan oo noqo mid si ican iila dhaqma!

– Maalinta jimcaha ayaynu ogaan doonaa kuwa ay yihiin saaxiibadiina sirta ahi, ayay tidhi macallimaddii.

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.