Doorkii Dawladda Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Dhaqan-galka Dastuurka. waxaa Qoray : Maxamuud S. Nuur
Dhaqan-galka Dastuurka. Waa Maxay Dastuur?
Dastuurku waa xirmo shuruuc ah oo la isku xukumo. Waxaa kaloo dastuurka lagu tilmaamaa heshiis bulsho oo mar u dhexeeya xukuumadda iyo muwaaddiniinta, mar kalena muwaaddiniinta dhexdooda. waa dokumeenti sharci ah oo lagu ilaaliyo muwaaddiniinta xuquuqdooda asaasiga ah, danahooda iyo wanaagga noloshooda. Wuxuu dastuurku soohdin u yeelaa awoodda xukuumadda, wuxuu caddeeyaa awoodaha ay yeelanaysaa kuwa ay yihiin.
Dawladda Puntland, waxay waayo aragnimo durugsan u leedahay arrimaha dastuurka iyadoo marti-galisay, shirarkii Garoowe1, Garoowe,2 iyo Gaalkacyo, shirar-kaas iyo shirar kale waxay Soomaalidu kaga tashanaysay arrimaha Dastuurka Soomaaliya. Waxa marka kasta Dawladda Puntland ka go’an in Soomaali yeelato Dastuur afti dadwayne lagu ansixiyeey. Dastuur waliba wuxuu sharci ku noqon karaa markii ummadda qoratay ay isku waafaqdo. Dastuurka rasmiga ah ee ay Soomaalidu yeelandoonto, waxaa laga rajeynayaa inuu noqdo dokumeenti maqaamkoodii dib ugu soo celiya, ayna kaga raystaan dagaalkii sokeeye ee 25 kii sano ee u dambeeyey uu dalku ku soo jiray. Hadda ayaa diyaarinta dastuurkaas isaga ah gacanta lagu hayaa, waxaana muhiim ah in muwaaddiniinta Soomaalidu geedi-socodkaas ay ka qayb-qataan. Dastuur kasta oo diyaarintiisa iyo meel-marintiisa dadweynaha laga qayb-geliyaa wuxuu Soomaaliya u keeni karaa xukunka sharciga oo loo hoggaansamo, xuquuqda aadanaha oo la ilaaliyo iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka oo si siman loo qaybsado.
Arrimaha Federaalka. Meelo badan oo adduunka ka mid ah ayaa nidaamka Federalismka lagaga dhaqmaa, hasa ahaatee, laba dal oo isku si ugu dhaqmaa ma jiraan. Dal waliba isaga ayaa doorta mabaadi’da ka tarjumaysa waxa uu rumaysan yahay. Sidaas darteed, Dawlad Goboleed kasta oo xubin ka ah Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya waa inay ka jawaabtaa baahida dadkeeda, isla markaasna uu ka muuqdaa sooyaalka dhaqameed ee wadar ahaan uu shacbigu Soomaaliyeed ugu dhaato.
Waxay Dawladda Puntland, Hooyo iyo Aabe u tahay nidaamka Federalism-ka ee Soomaalidu ay maanta isku raacday, Dawladda Puntland waa Dawladdii ugu horaysay ee hirgalisay nimaadkan. Waxayna qayb muuq leh ka qaadatay dhismaha dhamaan Dawlad Goboleedyada Dalka ka jira, iyadoo markasta la garab-taagnayd in ay la wadaagto waayo aragnimadeeda la xiriirta arrimaha amniga, maamul wanaaga, kobcinta iyo maaraynta dakhliga iyo dib u habaynta hay’adaha Dawladda.
Maxay shabacka reer Puntland ku doorteen Nidaamka Federal-ka. Sida aan kor ku xusay ma jiraan laba dal oo isku si ugu dhaqmaa nidaamka federalka, Shacabka reer Puntland waxay nidaamkan ku doorteen waa nidaam dhiiri-geliyaa arrimaha dawladda oo si ballaaran looga qayb-galo, maxaa yeelay wuxuu fidiyaa xukuumadda heer qaran iyo heer dawlad-goboleed intaba. Wuxuu isu soo dhoweeyaa muwaaddiinta iyo hoggaamiyeyaashooda,
Waa hab damaanad-qaadaya kala saaridda awoodda ay kala leeyihiin laamaha ay dawladdu ka kooban tahay oo kala ah fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka. Hadii xataa, awoodaha laamaha Xukuumadda Dhexe uu qof ama kooxi ay isku koobto, weli habka federaalku wuxuu damaanadqaadi karaa dawlad-goboleedyadu inay si madax bannaan hawlahooda ku fushadaan.
Mahadsanidiin. W/Q Maxamuud S. Nuur