galool magazine issue3

Page 1



INDEX Horn cable Tv iyo Qorshihiisa Sanadka Cusub ee 2012 (P.4)

P.4

Qoysaska Danyarta Ah Oo Caruurtooda U Dira Shaqo, Halka Kuwa Ladani Iskuulada U Diraan P.12

EDITOR Hassan Ahmed

Quraanka iyo Culuumta Sayniska ah

P.8

SUB EDITOR

Abdifatah Ismail Abdikadir Barawani Abdirahim Ismail Hamse Osman (Leeb

Mucjisada Dhaqaalaha ShiinahaP.17

GRAPHIC DESIGN Musawi Abdalah

MANAGER & MARKETTING

Halisa caafimaad ee ku xeeran cuntooyinka bacaysan ee laga soo waarido wadamada shisheeye

P.18

Mohamed Abdi

UK MANAGER

Macaanka Iimaanka ( QAYBTII 2 AAD ) P.20

Hodan Ahmed

KENYA STAFF Abdirashid

Xabad Ibraahim(Culuunta Ugaadha Qaytii Labaad

BAADI-SOOC

P.22

P.26


Horn cable Tv iyo Qorshihiisa Sanadka Cusub ee 2012

W

axa Horn Cable TV si rasmiya loo bilaabay wakhtigii ugu horeeyay sanadkii 2005 tii wakhtigasi oo horn cable TV waxa lagu bilaabay 18 channel oo dadwayanaha caasiamda looga baahanayay ciyaaro movies diini xayawanaad iyadoo dadwaynaha caasimadu muddadaasi si haboon ugu riyaaqay adeegani oo markii ugu horayasay Horn Cable TV si haboon uga hirgaliyay Caasimada hargeisa. Sanadkii 2010ka ayuu horn cable Tv waxa uu bilaabay inuu kor u sii qaado adeegani waxaanu dalka keenay 30 Channel oo badelay kuwii hore noqdayna adeega loogu jecel yahay ee laga helo Ciyaaraha Guud ahaan, Barnaamijyada Aqoonta ee Science ka, diini, madadalooyin, tariikh, Moveis waxaanay keneen in laga maarmo kadhadh laga soo iibsado dalalka dibada oo laga daawan jiray Channeladani. Qorashahani waxa uu meel mariyay oo taabo galiyay buuxinta kaalin muhiima oo ay bulshadu tabaysay iyagoo kalsooni badan ka qaaday sidii loogu dhamaystiray hawshani , waxa ay soo jiiteen Channaladani Indhaha bulshda iyagoo noqday qaar ka tayo wanaagsan kuwii hore. Waxa bilawgii hawshani loogu fududeyay dadwaynaha Casimada Hargeisa Adeega Casriga ah ee Technology ga Casriga waxaana hawshaasi ay keentay bilawgiba in horumar laga sameeyo kordhinta baahinta adeegani. Sanadka 2012ka Bishan January waxa Horn Cable TV bilaabay kordhinta Baahin Casriya oo loohu talo galay inay badesho, Channelada 30ka ah ee markii hore shaqaynayay, waxana hada la bilaabay Qorshaha Cusub ee lagu kordhinayo Channeladani waxay noqon donaan 80 Channel Waxay buuxin donaan dhamaan baahiyihii ay bulshadu qabeen iyadoo maalinba malinta ka danbaysa ay sii kordhayaan isbadelka Casriga ah ee haatan kusoo kordhaya dunida, waxana hawada aanu kusii dayn donaa, waxa socda Isbadelka

lagu samaynayo hawsha waxaana haatan gacanta ku haya Engineero aqoon u leh hirgalinta hawshani oo ka kala yimid dalka dibadiisa. Baahintani waxa kale oo garab socda, VHF local Transmission kaasi oo laga daawado Caasimada Hargeisa si bilaasha iyadoo lagu helo Antenna laga dultaago muraayada kaliya , baahintani VHF waxay dabooshay inay ka fa’idaystaan dadwaynaha Casimada ee aan awooda u helin inay hellaan dhaqaale ku iibsadaan Satellite. Horn Cable TV isaga oo sii wada kobcinta Xog isgaadhsiinta dalka ayuu sameeyay inuu balaadhiyo qaybahani isagoo labadani adeeg si gaar ah ugu sameeyay Caasiamada Hargeisa oo ay ku noolyihiin dadwayne tiro badan oo sii kordhaya una baahan inay helaan dhamaan baahiyahooda gaarka ah ee adeega warbahineed. Horn Cable TV waxa ugu baahintiisa Channelka afka Somaliga ah kaasi oo laga daawado Guud ahaanba dunida dacaladeeda, waxa laga daawadaa Dhamaan Qaaradaha Dunida ee Africa, Europe, Asia, America, iyo Australia, iyadoo sanadkii 2011 ku uu ahaa Sanadkii ugu balaadhinta waynaa ee Horn Cable TV uu gaadhay Qaradaha America Iyo Europe kuwaasi oo aan hore looga daawan jirin. Waxa Xarumo waawayn laga furay oo loogu adeegayo dadwaynaha ku hadala Afka Somaliga wadamada ay kamidka yihiin, England, Sweden, America, waxaanay noqdeen qaar looga fa’idaystay helida xog isgaadhsiinta casriga ah ee warbaahintu hormoodka u tahay. Xarunta ugu balaadhan ee Horn Cable TV uu ku leeyahay dalka Dibadiisa ayaa ah Magalada London ee Dalka Britain, halka Dalka Maraykanakana ay tahay Minnesota, horn cable TV waxa isagoo xoojinayo dedaalka uu kujiro laga hirgaliyay, wadamada Djibouti, Somaliland, Kenya, England, Somalia in laga soo tabiyo wararka uu TVgu soo baahiyo todobaadkasta. Waaana TVga kaliya eek u hadla Afka Somaliga ee Xaruntiisu tahay Hargeisa

4 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

ee shan magaalo todobaadkii wararka si toosa looga soo galo, taasi oo noqotay guulaha laga gaadhay kobaca dhinaca Xog isgaadhsiinta, waxa Horn Cable TV kasoo warama oo si toosa warka TVga oo dhan looga baahiyaa Caasimada Somalia ee Muqdisho taasi oo kamid ah meelaha ugu dhibatada badan 18kii basha Decemberna lagu dilay mid kamida warfidiyeenadii ugu wanaagsana Horn Cable TV C/salan Sheekh Xasan Xiis. Horn Cable TV waxa uu si xoogan u Casriyeeyey Baahinta dhina Websitka oo la hirgaliyay Wabsitka www.hctv.tv waxaana booqda in badan 2 milayan oo dadwayne ah 24kii sacdood kuwaasi oo kala socda barnaamijayada iyo wararka horn cable TV waxaana barnamijyada ugu badan ee lagala socda ugu wayn Wararka oo soo gudbintooda si balaadhan looga shaqeeyay warfidiyeeno meelkasta ku sugana ay jogaan oo xirfad u leh shaqada. Sanadkani Cusub waxa Horn Cable TV uu bilabay barnaamijyo tayo leh oo muqaalo kala duwan samayn doona si xoogana u taabanaya baahiyaha Aasaasiga ah ee bulshada sida, Barnamij diiniya oo Cusub oo noqonaya Su,aalaha Diiniga ah oo Todobaad kasta uu soo gudbin doono Sh. Maxamed Sh Cumar Dirir, barnaamij taxane ah oo ay mateli donaan jilayaal Somalia ah oo ka hadli doona Waxyaabaha Saamaynta ku leh Bulshada, waxa kale oo kamid noqon doona Filimada Africanka ah oo lagu turjumay Afsomali lana wafajiyay dhaqanka oo taxane ah, waxa kale oo barnamijyadaasi ka mid noqon doono barnaamij Live ah oo lagu dhiibanayo atagtida laga qabo mawduucyada ugu wawayn ee siyasada dhaqalaha dalka kasi oo aragtida lagu soo gudbin karo baraha casriga ah ee Facebook Twitter iyo khadka Telephonka oo live ah. Mustaqbalka waxanu u qorshaysan Horn Cable TV inuu hirgaliyo Barnaamijyo Documenrty ah oo looga fa’idaysto Dalka, waxana lasii wadi doona in la hirgaliyo Qaybaha kale ee Warbaahinta sida Idaacado.


JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 5




8 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012


JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 9


Caafimaadka

Cudurka Macaanka Hordhac Cudurka Macaanku waa Cudur Dunida inbadan laga yaqaanay, cidkaste oo Aduunka ku nool waa uu ku dhici karaa, Rag iyo Dumar ,Yar iyo Wayn. Cudurka Macaanku Dunida marka la eego waxa la yidhaahdaa Dadka Cad iyo Dadka Madow waxa uu ku badan yahay Dadka Madow, Cudurka Macaanku waa Sonkorta(hyper glycemie) oo ku badata dhiiga qofka,Sonkortu marka hore dhiiga waxa ku jira xaddi loo ogal yahay in laga helo dhiiga, Sonkortu waa ta unugyada jidh oo dhan siisa Tamarta ,Hadii tamartaa la waayo unugii ma noolaanaayo isla markaana maskaxdii ma noolaanayso. Maxaa Sababa Cudurka Macaanka ? Ilaa imika si toos ah looma garan waxa keena Cudurka Macaanka, Waxa la ogyahay in dheecaanka loo yaqaano INSULINTA oo uu soo daayo Qanjidhka loo yaqaano GANACA(PANCREASE) uu dheecaankaas mararka qaarkood yaraynaaya ama la waayaayo ama isaga oo jira aanu jidhka waxba u tarayn,waxa uu caadi ahaan dheecaan kaasi dhib yaraynayaa in glucose-ta dhiiga maraysaa u gudubto unugyada jidhka si loo helo Tamar. Qaybaha Cudurka Macaanka:Cudurka Macaanku guud ahaan waxa uu u qaybsamaa Sadex qaybood:Nooca koowaad : INSULIN DEPENDENT. Nooca labaad : NON INSULIN DEPENDENT. Nooca sadexaad waxa uu ku dhacaa dumarku marka ay uurka leeyihiin . Astaamaha Lagu Garankaro Cudurka Macaanka:Waxa u leeyahay Cudurka Macaanku Astaamaha lagu garan karo kuwa ugu waawayn waxa ka mid ah :1.kaadida qofka oo badata . 2.Gaajo badan oo dareemo . 3.Haraad badan. 4.Misaanka qofka oo hoos udhaca 10% in

Qalinkii:Dr:Maxamed Muuse -Garaad- oo ka tirsan dhakhaatiirta ku bahawday GARGAAR HOSPITAL

ka badan. 4.Araga qofka oo is dhima ama yaraada. Talo, Cidii Astaamahaa isku aragtaa ha aaddo xarun caafimaad halka ugu dhow,si loo baadho qofka loona hubsado inuu qabo cudurkan iyo in aanu qabin,marka la baadho qofka halmar laguma gaadhi karo go'aanka ah in Cudurka laga helay ee dhawr jeer oo kala duwan ayaa la baadhayaa qofka,intaa ka dib ayaa si rasmi ah loo ogaan karaa in uu qofku qabo cudurkan iyo inuu caafimaad qabo. Dadka Halis U Ah Cudurka Macaanka 1.Qofka oo aan dhaqdhaqaaq samayn ama aan jimicsan,waxa fiican in uu qofku sameeyo socod kuclayn ah maalintiiba kiiloo mitir badhkii(½ kilometer). 2.Qofka oo uu misaankiisa cuslaado. 3.Dadka leh Cudurka Dhiigkarka ama Cududrka Wadnaha iyo Xididada Dhiiga ku dhaca,Dadkaasina waa u halis Cudurka Macaanku. 4.Xidhiidh waa uu la yeelan karaa famaliga oo hiddaha waa uu gali karaa,taasina maaha in uu qofkaste hiddaha ugu gudbi karo,Waxa jira dad hidde u leh laakiin aan Qabin Cudurkan. 5.Hooyada uu xilliga Uurka ay leedahay ku dhaco Macanku oo iyaduna halis u ah in uu ka tagi waayo cudurku. Dhibaatooyinka Cudurku ku Samayn karo Bukaanka . waxa jira dhibaatooyin degdeg ah iyo dhibaantooyin marka danbe ku soo baxa qofka:1.Dhibaatooyinka degdeg ah waxa ka mid ah:-Macaanka oo kor u kaca oo ah Sonkorta oo aad u badato(Hyper Glycemie). -Sonkorta oo hoos u dhacda(Hypo Glycemie) -Qofka Bukaanka ah oo Miyir doorsooma (Comma) 2.Dhibaatooyinka marka danbe ku soo baxa Bukaanka waxa ka mid ah:-Dhibaato soo gaadha Xiddidada Indhaha,,waxa hoos u dhaca araga.

10 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

-Dhibaato gaadha Kalyaha,taasina waxay sababtaa in kalyuhu ay shaqayba waayaan . -Dhibaato iyo wax yeelo soo gaadha dareemayaasha Jidhka,isla markaana laga yaabo in uu mararka qaaorkood ka dareemo cagaha kabuubyo. -Dhibaato gaadha Xididada Wadnaha. Daawaynta Cudurka Macaanka Cudurka Macaanku waa Cudur aan laga bogsan,waana lala noolaankaraa,Daawaynta waxa ka muhiimsan in laga hortago Cudurka Macaanka inta aanu kugu dhicin. Siyaabaha Looga Hortagi karo Cudurka Macaanka :- In aan la badsan macaanka, micnahu maaha in macaanka oo dhan la joojiyo. -Waa in culays iyo miisaanka qof la dhimo. -Waa in dhaqdhaqaaq iyo jimicsi la sameeyo. Daawaynta Cudurka Macaanku way dhibyartahay:1.Waa in uu digtoor ku xidhnaado qofka bukaanka ahi. 2.Waa in uu isku dayo in uu fahmo xanuunka si uu ula noolaan karo ,hadii uu dafiro xanuunka ama uu is ilowsiiyo waxa suurto gal ah in uu xanuunku waxyeelo wayn u gaysto Bukaanka. 3.Waa in uu kaantaroolo cuntadii uu cuni jiray, taas micnaheedu maaha inuu cuntada oo dhan joojiyo, laakiin waxaa uu yaraynayaa waxyaabaha Macaanka leh iyo Subaga faraha badan. 4.Waxa kale oo Qofka la siinayaa Dawo joogto ah ,Dawadu waxay noqon kartaa Iraarb iyo Kiniinba iyo mar labadaba la isku raacinayo, Iyadoo mar walba ay ku xidhan tahay heerka uu xanuunku marayo. 5.Qofka waxa la rabaa in uu joogteeyo oo uu laasimo dawadiisa sidaasna u fahansanaado xanuunkiisa. (( xanuunkan labo qof uma kala gudbi karo maahana xanuunada fida.))


JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 11


Waxbarashada

Qoysaska Danyarta Ah Oo Caruurtooda U Dira Shaqo, Halka Kuwa Ladani Iskuulada U Diraan

Qalinkii:Axmed Cige

Q

oysaska danyarta ee Somaliland ayaa inta badan Caruurtooda u dira inay soo shaqeeyaan si ay wax ugu soo biiriyaan dakhliga quutal daruuriga ah, kuwaas oo shaqooyin kala duwan ka qabta suuqyada Hargeysa, halka Qoysaska ladani ay caruurahooda u diraan Iskuulada iyo dugsiyada waxbarashada si ay wax ugu soo bartaan Mustaqbalkana u anfacaan. Caruurta da’doodu ka yartahay 15ka jirka xiliga qaan gaadhka ayaad ku arkaysaa suuqyada iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan, iyaga oo shaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Baalashka, Hudheelada, Maqaaxiyaha, Kirishbooyada Basaska ha u badnadaan Caasiyada (Mini Bus), Maydhida Baabuurta, halka ay qaarkooda Bisha Ramadaan qoysaskoodu u soo dhiibaan Saambuusaha oo Ramadaanta dadka Soomani Isticmaalaan xiliga Afurka. Caruurtan ayaa intooda badani aan ka xaadirin goobaha waxbarashada, qaar kalena ay uga tageen dugsiyada

xaalada duruufeed ee qoyskoodu ku jiro, iyaga oo lacagaha yaryar ee ay soo shaqeeyaan kusoo biiriya qoyskooda ay ugu isticmaalaan nolol maalmeedka qoyskooda. Qoysaskaasi danyarta ah ayaa Saambuusaha duba bisha Ramadaan, isla markaana waxa aad suuqa ku arkaysaa caruur yaryar oo meelo la fadhiya ama la wareegaya si looga iibsado Saambuusaha, taas oo ay ka soo saaraan quutal-daruuriga qoysaskooda, halka qoysaska Ladani ay caruurtooda ku daraan Iskuulada gaarka loo leeyahay ee Lacagta lagu dhigto ama kuwa dawalada, ayaa qoysaskaasi noloshoodu aad u kala duwan tahay. Caruurtan yaryar ee qoysaska danyarta ah ayaa noqonaya Caruur shaqaysa, islamarkaana ka qaybqaata halganka nolosha reerkooda, kuwaas oo qaar ka mid ah aabayaashood dhinteen oo hooyadood nooshahay, balse aan wax dhaqaale ah haysan iyo qaar waalidkood nool yihiin oo sidoo kale aan waxba haysan oo ay saamaysay xaalada sicir barar iyo dhaqaale xumada wadanka ka jirta. Dhinaca kale Sooyaalka Taariikheed

12 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

ee Saambuusaha ayaa ah mid fog xilliyadii uu aduunka ka bilaabmay isticmaalkiisa ay ku sheegeen taariikh yahano u dhashay Iran iyo Saldanadi India ee Delhi Sultanate inuu bilaabmay soo saaristiisu qarniyadii 10 ilaa 14aad, isla markaana Magaca Sambusa ay dalalkaasi siyaabo kala duwan ugu yeedhaan sida (Gujarati: sumosa, Urdu: sambusak, Arabic: samsa, Turkish: samsa, Somali: sambuusa. Si kastaba ha ahaatee Caruurta shaqaysa ee wadamo badan oo aduunka ka tirsan ayaa lagu khasbo shaqada oo ay kala kulmaan dhibaatooyin badan, inkasta oo ay hoos loo dhigay Caruurta wadamada Saxaraha Afrika ka hooseeya, kuwaas oo si weyn loo yareeyey Caruurta aan qaan gaadhka ahayn ee shaqaysa. Walow wadamo badan oo Asia ka mid ah caruurtu xoog uga shaqeeyaan sida Bangladesh, India iyo qaar kale oo ay caruurtu ka hawlgalaan warshadaha Farsamadoodu hoosayso ee sameeya Caagaga, Kabaha iyo Biraha. Axmed Cige Report


JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 13


Quraanka iyo Sayniska

Quraanka iyo Culuumta Sayniska ah

Q

Qalinkii :saciid maxamuud gahayr (hargeysaawi)

uraanka Kariimka ah waxa ku jira oo uu ka kooban yahay in ka badan 6000 (Lix kun oo Aayadood), kuwaas oo 1000 (Kun) in ka badan oo aayadood ay ka warramaan Sayniska. Dadka qaar si ay wax u fahmaan waxay u baahan yihiin in mar wax loo sheego. Qaarna waxay u baahan yihiin in laba/saddex goor wax loo sheego. Qaarna waxa ay u baahan yihiin in toban jeer wax loo sheego. Halka dadka qaarna ay u baahan yihiin in wax loo sheego 100 jeer si ay wax u kasaan. Kuwo kalena waxa ay rabaan in arrin laga dhaadhiciyo 1000 goor iyo ka badanba. Sidaas awgeed Quraanku cidkastaba inta ay wax ku fahmayso ayuu wax ugu sheegaa. Qofka intaas waxba ku fahmi waayaana waa qof ay maskaxdiisu xaqqa ka awdan tahay. Quraanku sidiisaba ma aha Saynis “Science” ee waa “Signs”, Aayado rabbaani ah oo uu Ilaahay soo dajiyay, oo ugu talogalay in dadku ay wax ku qaataan, kuna rumeeyaan jiritaanka iyo kalinimada Eebbe Subxaanahu Watacaalaa. Dadka reer Galbeedka ah ee haysta diinta Kiristaanka, waxa ka dhex aloosan loollan adag oo u dhaxeeya diinta iyo sayniska. Gabi ahaanna waa mid aan suurtogal ahayn in uu mufakar reer Galbeed ahi aqbalo in ay meel ku kulmaan diinta iyo saynisku. Kitaabka magaciisu yahay “Bible” oo ah kitaabka ay rumaysan yihiin dadka

haysta diinta kiristaanku, waxa ku qoran oo uu sheegaa, in geedkii loo diiday Nabi Aadam Calayhi salaam cunistiisu in uu ahaa geedka aqoonta. Sidaas awgeed uu Nabi Aadam helay waxoogaa aqoon ah markii uu cunay geedkii uu Alle u diiday. Dadyawga reer Yurub waxa ay laba qarni ku muransanaayeen in ay aqbalaan aqoonta Sayniska ah ee ka imanaysa muslimiinta iyo in kale, maadaama oo kitaabkooda noocyada badani aanu dhiirgalinba aqoonta. Kiniisaddu waxa ay aamisan tahay in la fogeeyo aqoonta, maadaama oo cunista geedka aqoontu tahay sababtii janada iyo barwaaqada looga soo saaray Nabi Aadam. Baadariyada iyo Bishoobyada kiniisaduhuna waxa ay daliishadaan in Aadam helay aqoonta markii uu cunay geedkaas, helista uu Aadam aqoonta helayna waxa aan ku farxin bay leeyihiin Baadariyadu “Ilaahay” oo Aadam janada ka soo saaray marki uu geedkaas cunay. Taas aawadeedna waxa aqoonta gabi ahaanba is hortaagi jiray madaxda kiniisadaha. Ugu dambayntii markii ay awooda heleen saynisyahanadii iyo mufakiriintii reer Galbeedku, ee ay ka adkaadeen madaxdii kiniisadaha, shacbigiina ay hanteen, waxa ay qaadeen tallaabooyin ka soo horjeeda kuwii ay qaadi jireen madaxda kiniisaduhu, iyaga oo ka aargoosanaya cadaadiskii ay kiniisadu ku hayn jirtay. Saynisyahannadii iyo mufakiriintii reer Galbeedku waxa ay liciifi-

14 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

yeen awoodii kiniisadda, saamayntii, maamulkii, iyo waxqabadkii kiniisadana waxa ay ku koobeen dhinacyo xadidan. Laakiin diinta Islaamku waxa ay dhiirigalisaa aqoonta, si ka duwan diinta Kiristaanka. Markii uu Ilaahay abuuray Nabi Aadam, waxa uu siiyay aqoon aanu siinin malaa’iigta. Alle waxa uu Aadam baray magacyada waxyaabaha jira oo dhan, kadibna malaa’iigta ayuu waydiiyay magacyada waxyaabaha jira, waxa aanay ku jawaabeen malaa’igtu: “Ilaahayoow adiga ayaa xumo ka nasahane, ma lihin cilmi aan ahayn kii aad na bartay, adiga ayaa ah Caziis, Xakiim ah”. Kadibna Ilaahay waxa uu Aadam ku yidhi “Uga waran magacyadooda”,Aadamna waxa uu malaa’igtii uga warramay magacyadii. Halkaas waxaad ka garan kartaa in Ilaahay aadamaha ku maamusay milgaha aqoonta,Geedka uu Nabi Aadam cunayna muu ahayn geedka aqoonta, ee waxa uu ahaa geed uu ku dagay Shaydaanka Ibliis, lacnad baa ku dhacday e. Ibliis waxa uu Aadam iyo Xaawa ku yidhi “Ma idin tusiyaa geedkii waaritaanka iyo mulkiga aan gaboobahaynin”, Sidaas ayaanay Aadam iyo Xaawa ku cuneen geedkii uu Ibliis ugu sheegay “Geedka waaritaanka iyo mulkiga”, Nabi Aadamna waxa uu aqoonta lahaa ka hor intii aanu cunin geedkan uu ku degay Ibliis.


Quraanka iyo Sayniska

JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 15


16 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012


Dhagaalaha

Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha (Qaytii labaad) (The Chinese Economic Miracle)

Qalinkii : Ahmed M.Abdi

L

aakiin Shiinuhu muu noqon wadan wayn oo kaliya waxsoosaara ee wuxuu noqday suuq wayn oo wax soo dhoofsada sida saliida, sanadkii 2004kii shiinuhu waxyaabaha uu ka soo qaatay suuqyada kale waxay kor u kaceen 40%, sadexdii sanadood ee ka horeeyayna Shiinuhu waxa uu noqday wadanka sadexaad ee ugu wax soo dejin badan (impors). Shiinuhu wuxuu noqday awooda kaliya ee ka dhaq-dhaqaaqaysa wadamada bariga Asia, waxa kale oo uu dhoofiyay kala badh marka layku geeyo dhamaan waxyaabihii ay dhoofiyeen wadamada laysku yidhaa Bariga Asia oo shiinuhuna ka mid yahay, runtii waxsdhoofinta (exports) shiinuhu waxay door muhiim ah ka ciyaartay soo kabashadii dhaqaalaha Jabanka. Sanahihii u danbeeyay dadka siyaasada shiinaha dajiyaa waxay ku dedaalayeen sidii ay u cagaha ugu dhigi lahaayeen dhaqaalohooda, waxaana soo if baxay calaamado tilmaamaya inay ku guulaysteen inay waxoogaa dejiyaan maalgalinta iyo lacagta ay bangiyadu dadka amaahiyaan.Wali dhaqaalaha Shiinuhu wuu kobcayay iyadoo ay dhaqaaleyahanadu la tacaalayeen inay qaboojiyaan tani oo ka danbaysay siyaasadii (super lax monetary policy) taasoo lacagta shiinaha xadidaysay marka Dollarka lagu sarifayo. Shiinuhu wuxuu ku cadaadinayay dadka reer galbeedka ah ee maalgashanaya wadankiisa, inay la jaan qaadaan

lacagta Shiinaha oo ah mid aad uga fur furan tan Maraykanka, wa’ayo wuxuu aad kor ugu qaaday dulsaarka taaso aad usoo jiidatay dad badan oo danaynayay inay maalgashadaan Shiinaha, dhamaan dadkii wixii ay maal lahaayeen waxay ku maalgaliyeen shiinaha tani waxay horseeday inay bankiyadu lacag xawliya amaahiyaan kadibna maagalinyii cirka isku shareerto.nasiib wanaag dhaqaalihii muu noqon mid aad u xumbeeya,sidii dhacday 1990, markii maalgalinta (investment) adeega cards(credit cards) iyo sixir bararka (inflation) ay si xad dhaafka u dhaqaaqeen, taasoo markiiba masuuliyiinta si dhakhso ah wax uga qabteen iyaga oo korodhkii maalgalinta, qalabkii ay debada kala soo dagaayeen iyo alaabta qaydhiin (raw material) 7% hoos loo dhigay. Dhaqaalaha shiinaha ee marna kor ukacaya oo hadana hoos loo dajinayaa waxay ku xusuusinaysaa waqtigii dhaqaalaha USA marna barwaaqoobayay marna hoos u dhacayay xiligii kacaankii warshadaha dhamaadkii qarnigii 19aad, tani runtii Ameerika kamay joojin inuu noqdo awood dhaqaale oo aad u wayn oo qabsatay dhamaan suuqyada qaarada yurub iyo dunidaba.hadii Shiinuhu sii wado dib u habayntan uu ku wado dhaqaalihiisa wuxuu gaadhi hor ukac dhaqaale oo ka deg deg badan kan Maraykanku gaadhay.

aduunka, maalin maalmaha ka mid ahna Maraykanka wuxuu kala wareegi doonaa hogaanka dhaqaalaha aduunka, Shiinuhu wuxuu leeyahay waxyaabo badan oo u sahlaya inuu dariiqa saxda ah qaado kuwaasoo ay ka mid yihiin dadkiisa oo aad u tiro badan iyo dhaqaalihiisa oo si dhakhso ah ugu faafaya aduunka kale, taasoo lagu qiimeeyay ganacsiga iyo maalgalinta tooska ah ee dibada uga timaada (foreign direct investment). Hadii dhaqaalaha shiinuhu la qabsado oo waliba dhexgalo dhaqaalha wadamada kale wuxuu noqon doonaa wadanka kaliya ee ugu dhaqaale buuran uguna koritaan badan tobanka sanadood ee soo socda, runtiina horumarka shiinuhu ka samaynayo suuqyada aduunka waxay dar-dar galinaysaa kacaanka Technolojiyada (IT revolution) .

Mudo toban sanno gudohood Shiinuhu wuxuu noqon doonaa kan ugu wax dhoofin (exporter) badan, waxna ugu soo dejin badan (importer)

(La soco )

Shiinuhu wuxuu waajahayaa oo uu ku taagan yahay dariiq toosan, bilaa turxaan ah dhaqaalihiisana u horseedaya barwaaqo, runtiina mustaqbalka wuxuu ku danbaynayaa mid la mahadiyo oo waliba dhisa qaniimad xaqiiq ah, abuurana shaqaale waxsoosaar leh oo kobcinaya, kaabayana shiinaha, halka macaamiisha maraykanku (American Consumers) ku noolaan doonaan ama ay isticmaali doonaan qaniimado dhalanteed ah faa’iidooyin laga helay (illusory gains in wealth).

JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 17


Caafimaadka

Halisa Caafimaad Ee Ku Xeeran Cuntooyinka Bacaysan Ee Laga Soo Waarido Wadamada Shisheeye

C

Qalinkii :Maxamed Mawliid Nuur

untadu waa baahida kowaad ee aasaasiga ah ee uu nooluhu u baahan yahay si ay noloshiisu u sii jirto waxa aanay si wayn uga qayb qaadataa koriinka jidhka noolaha siiba Aadamaha oo ah waxaa ugu karaamada iyo xushmada badan waxa uu Ilaahay abuuray , si aynu u samayno dhaqdhaqaaq kala duwan xubnaha jidhkeena ee kala duwani mid waliba waxa ay u baahan tahay tamar ay ku dhaqaaqdo, taasi oo ay si toos ah uga hesho cuntada uu qofku qaato, taasi la’ aanteedna aanu qofku waxba qabsan Karin ,dhinaca kale cuntadu waa tiirka ugu weyn ee caafimaadkeenu ku xidhan yahay.qofka cuntadiisa la socdaana waa midka la socda xaaladiisa caafimaad. Hadaba kaalinta ay cuntadu ka qaadato jiritaanka noolaha siiba aadamahu waa mid aan qormo iyo laba toona lagu soo koobi karayn sidaasi oo ay tahay ayaa waxaa si isdaba joog ah waayadan ugu sii badanaya bulshadeena cudurro aan noocoda hore loo arag ama kuwo baryihii hore marmar la arki jiray oo ooda soo jabsaday farahana ka baxay taas oo inbadan oo bulshada ka mid ahi la il daran yihiin kuwaasi oo cid wax iska waydiisaaba ay yartahay aqoon yarida bulshadeena iyo mooganaanta masuuliyiinteena awgeed . Waayadii hore cuntadeena iyo cabitaankeenuba waxa uu ahaa mid aynu faraha ku hayno oo aynu kala soo baxno beeraheena iyo xoolaheena islamarkaana waxay ahayd mid nadaafadeeda iyo tayadeeduba ay sarrayso ,bulshaduna waxay ahayd mid ka fayow cudurada magacyada badan ee maanta inagu dhexfaafay taasaana ka marag kacaysa in cuntadu ay door muhiim ah ka ciyaarto caafimaadka dadka . Hadaba markii dhaqankii iyo noloshii hore gabi ahaanba la dooriyay ayaa cuntadeenii heerka tayadeeda iyo nadaafadee-

da aadka u saraysay noqotay waxyaabaha ugu horeeya ee laga talaabsado iyadoo lagu doorsaday cuntooyin iyo cabitaano baco iyo karaatoon laynoogu soo guray laga soo waariday wadamo shisheeye oo aynaan isku diin, dhaqan ,isir midna ahayn , hadii waayadii hore la isticmaali jiray cuntada beeraheena iyo xoolaheena ka soo go’da sida hadhuudh, gallayda, digirta iyo khudaarta,hilibka, iyo caanaha maanta waxaa badalay bariis,baasto,co ca,spirate,mango, rani iyo kuwo kale oo aan magacyadooda soo koobi karayn islmarkaana aynaan garanayn meesha ay ku orooraan iyo cidda ay ka soo jeedaan midnaba sidoo kale aynaan waxba ka ogayn waxaa ay ka samaysan yihiin iyo meesha lagu farsameeyey iyo cidda farsamaysay toona , waxna aynaan ka sheegi Karin tayadeeda iyo nadaafadeeda midna ,maalinba maalinta ka dambaysana waxaa suuqyadeena ku soo badanay cuntooyin iyo cabitaano hor leh ,taasina waa ta keentay in xaalada caafimaad ee bulshadeenu si wayn isku badasho cuduro badan oo aynaan lahaan jirinina inoogu soo kordhayaan isla markaana dhaqaale kale inagaga baxo daawayntooda iyo la tacaalidooda . Dhibaatadii dhaqaale ee ay wadankeena ku haysay waxyaabaha dibada laynooga keeno sii ba cuntada oo ah waxyaabaha ugu badan ee la soo waarido oo ay lacag adag inagaga baxdo sannadwalba ,ayaa waxaa taa barbar socda in sidoo kale caafimaadkiina halis galo xakamayn la’ aanta cuntada iyo cabitaanka wadanka soo galaya awgeed Waxaan ku baraarujinayaa dawladda gaar ahaan wasaaradaha caafimaadka iyo ganacsiga iyo ,hayadaha caafimaadka ka shaqeeya, iyagoo kaashanaya hayada dhawrista tayada oo la dhisay in laga hawlgalo sidii loo xakamayn lahaa cuntada iyo cabitaanada kala duwan ee ku soo

18 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

qulqulaya wadankeena oo runtii noqday suuq loo iibkeeno noockasta oo cunto iyo cabitaan ah oo adduunka laga soo saaro .bulshadeenuna ay noqotay macmiil quuta cuntada iyo cabitaanka lagu farsamaynayo warshad ka mid ah kuwa adduunka oo aynaan aqoon cidda faraha ku haysa Si kastaba ha ahaatee adduunka dawlad waliba waxa ay hubisaa tayada wayaabahay u soo dagaya ee wadankeeda soo galaya gaar ahaan cuntada iyo cabitaanka oo muhiim u ah caafimaadka bulshada haddii cuntooyinka iyo cabitaanada tirada badan ee wadankeena sida xooga leh u soo galaaya la xakamayn waayo lana hubin waayo waxaa hubaal ah in bulshadeenu noqon doonto mid lagu tijaabiyo wax soo saarka kasta oo adduunka lagu farsameeyo Ugu dambayntii waxaan shacbiga u soo jeedinayaa in layska hubiyo isticmaalka cuntooyinka iyo cabitaanka bacaysan ee dibadda laynooga keeno ,sidoo kale waxaan dawladda Somaliland u jeedinayaa sidii looga hortagi lahaa waxkasta oo wax u dhimaya caafimaadka bulshadeena oo ay tanina ka mid tahay ,lana dardar galiyo hay’ada dhawrista tayda oo iyadu waxqabadkeedu aanu ahayn mid muuqda ,waxaa ammaan iyo bogaadin mudan dawladda hoose ee caasimadda Hargeisa oo inta taagteeda ah suuqyada ka ururisa daawooyinka.cuntooyinka iyo cabitaanada wakhtigoodu dhacay ee lagu dhex iibinayo suuqyada waaweyn ee dalkeena balse hawshu ay tahay mid ka baaxad wayn ,waxaa iyaduna ammaan ku leh diyaargaraynta aqoonyahanadii ka hawlgali lahaa hawshaa Jaamacada Hargeisa oo iyadu furtay qayb lagu barto nafaqada iyo cilmiga cuntooyinka (department of nutrition and food science) oo qayb laxaad leh ka qaadan doona dhawrista tayada cuntada iyo daawooyink soo galaya dalkeena .


JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 19


Diinta iyo Nolosha

Macaanka Iimaanka ( QAYBTII 2 AAD ) Qore : axmed c-laahi aaden ( shacbaan ) . Email: abo-xamza@hotmail.com

A

staamaha lagu garto qofka dhadhansaday iimaanka waxa ka mida : Xishood dhab ah ayay alle ka xishoodaan ,oo macnaheedu yahay dhamaan xubnohooda ayay ilaaliyaan ,waa siduu ku fasiray Rasuulkeenii qaaliga ahaa ,Imam Tarmadi wuxu soo saaray xadiis uu Abu Hurayra in Rasuulku (s c w) yidhi : Ilaahay si dhab ah uga xishooda, markaasay asxaabtii yidhaahdeen Ilaahay baa ku mahadsane waanu ka xishoonaa ,markaasuu Rasuulku yidhi : kaan ujeedaa kaa maaha,laakin waa inaad xafiddaa : 1- Madaxa iyo wixii ka ag dhaw ,sida Indhaha oo laga ilaaliyo wax kaste oo Ilaahay ka cadhaysiiya iyo Carrabka oo laga ilaaliyo Beenta, Aflagaadada, Iskudirka iyo Xanta iwm iyo in aad dhawrto Dhagahaagu waxay dhagaystaan . 2- In aad ilaaliso Calooshaada iyo wixii ay ka koobtay ,wixii aad galinayso ma Xalaalbaa mise waa Xaaraan , iyo Xubinta Taranka inuu ka ilaaliyo ciddii aan Alle wayne u fasixin sida : Xaas iyo Adoon dumar ah oo goobta Jihaadka lagu soo qabto . Labadanna :( Afka iyo Ibta ) waa labada ugu badan ee Naar lagu mutaysto mar lawaydiiyay Rasuulkeena kariimka ah (scw) Maxaa ugu badan ee Janno lagu galaa? Waxa uu ku jawaabay : Alle ka cabsi iyo Akhlaaqad wanaagsan ,waxa kaloo lawaydiiyay : Maxaa ugu badan ee Naar lagu galaa? Markaasuu yidhi : Afka iyo Ibta , Ninka ay hogaamiso calooshiisu ee aan u meel dayin waxa ay quudanayso ama reer ku masruufayso ama ku cudur daarta duruuf dhaqaale ayaa jirta ama waa Saban xumaadoo wixii aan ku cuninba waa la cunaa ,ee xaaraanta daldasha Naar baa u Aana ah sida uu sheegay Rasuululaahi Muxamed ( scw) Jiidh kasta oo xaaraan ku baxay Naarbaa u xaq leh . waa xadiis : (

xasan ah ) . Ama cawradiisa xakamayn waaya , Akhlaaq iyo Anshax yeelan waaya Naar baa u xaq leh , sidaa awgeed waxa Rasuulkeena laga wariyay oo saxiix ah : yaa ii dammaanad qaadaya waxa labadiisa gadh u dhexeeya ( Carrabka ) iyo waxa labadiisa lugood u dhexeeya ( Cawrada) oo aan u dammaanad qaadaa Jannada . 3- Qofka Alle ka xishoonayaa ha xasuus naado Geerida iyo baaba’a Qabriga lagu dhamaado , waa Nolosha dhabta ee laga doonayo Qof kasta oo Alle yaqaan ahi inuu u diyaar garoobo Saacad walbana u Toog hayo waxa laga wariyay Rasuulka (scw ) inuu yidhi : badiya xasuusta ka macaan oo dhan gooya . Faaiidada geerida oo la xasuusnaado : • Waxa ay hawlyaraysaa geerida . • Waxa ay jilcisaa qalbiga dhagaxoobay . • Tawbadana way dadajisaa. • Dunuubta way nadiifisaa. • Aduunkana way ku nacsiisaa. • Arsaaqda ballaadhan way soo koobtaa . • Arsaaqda koobanna way ballaadhisaa . Intaasoo dhan waxay ku sugnaadeen xadiiska rasuulka ( scw). 4- Qofka Aakhira doonayaa wuxu ka tagaa dhaldhalaalka Aduunka ,lama odhan Adduunkuu ka tagaa ee waa dhalaalka Adduunyo iyo indha sarcaadka dad badan qaatay ee ay ku ilaabeen Aakhiro iyo Camalkeed iyo inay u tartamaan darajaatka Jannada ee ka ballaadhan Samada iyo Arlada . Waxa ay Culimada rabbaaniyiinta ahi yidhaahdaan : Aaduunka iyo Aakhiro waa sidii laba dumar ah oo la wada qabo hadaad mid raali galiso ta kalaa cadhoota ,markaa waxa lagama maarmaan ah inaad ku eegto Caqli fayaw oo aad is barbar dhigto midkee dhaxal gal ah , oo aan laga guurayn

20 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

ama laga geeriyoonayn ,waxa lagu matalaa Aduunka gabigiisa Riyo wanaagsan oo aad Hurdada ku aragtay kadibna aad soo toostay . Ama sida uu yidhi Sheikh Ibnul Qayyim ( rxh ) tusaalaha Adduunku waa sidii qolo lagu qaaday doonni waxa lagu yidhi waxa laydin gaynayaa Gasiirad aad u Qurux badan Cagaar badan Dhir aad u hadh qabaw Biyo macaan ,Gasiirada waxa laga helaa Ciid iyo Dahab ,waxa aad wadataa laba kiish waqtina waxaad haysataa lix saacadood kadibna waa la soo laabanayaa ,mar kii ay ka dageen gasiiraddii ayay u qaybsameen saddex qaybood : I. Qaybtani markay heleen hadhkii qaboobaa ayay madaxa iyo mijaha duubeen waanay seexdeen waxay hurdaana waxay ku war heleen markii siidhiga loo garaacay , waxa ku alalaaseen in wax yar la siiyo oo ay diyaar garoobaan , laakin dhag jalaq looma siinin. II. Qaybtani waxay bilaabeen inay gurtaan ciiddii oo ay ka buuxsadaan weelkay wateen in alle intii la joogay meeshana way shaqaynayeen markii siidhiga la garaacay ayay soo raaceen doontii ,laakiin markii lagu soo noqday dagaankii asalka ahaa ayay af kala qaad ku noqotay . III. Qaybtani way dadaaleen oo may fadhiisan waxana ay miidheen dahabkii oo ka buuxsadeen weelkii ay wateen ,markii lagu soo laabtay dagaankii rasmiga ahaa ay lingaxa ka jareen waxay soo shaqaysteen maxaa ka farxad iyo rayrayn badan , ragannimo waa taa , geesinnimo waa taa , wixii kalaba waa dhalanteed ama indhosarcaad. Horaa loo yidhi :hadal sar oo ha saafine , akhristaha sharafta lahaw adiga iyo aniguba aynu is eegno tolow keebaynu noqonaynaa maantaa xisaabtanku wax tarayaa oo wali tawbaddu furantahay . Alle hayna ilaaliyo adduunka oogadiisa iyo uurkiisa iyo aakhiraba .


Dhaxal Reeb Taariikhdii Abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde)

C

abdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku taal duleedka magaalada Gabiley,sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay,isla markaana uu ii xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen.Hooyadii waxay ahayd Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa darteedna wuxuu dhashay 1920-kii. C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi. Wuxuu ku koray degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamadqur’aan.C/laahi Suldaan, isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya,waxaanuinta badan ku noolaa magaalooyinka Adari (Harar) iyo Diridhabe.Timacadde wuxuu Itoobiya ku tegay farriin uga timid inaadeerkii Maxamed Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa.C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale oo ay ilma-adeer ahaayeen.Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid. Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur’aanka iyo diinta ka barto. Maxamed Dugsiiye dib ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa, isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ay C/laahi Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku ‘Batalyan’ noqdeen. Ku sinnaan 1938-kii ayuu Timacadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/ laahi u soo wareegay magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii. C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha

iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga gabyi jiray.Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/ laahi Suldaan gabayo bulsho oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da’da ahaayeen, kuwaas oo dadku aad u xiisayn jiray. C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah; "Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha." C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii ayay Maryan ku curatay.Guurkaa Timacadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen magaalada Jabuuti 1957-kii.C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii,isagoo degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa: Xaliimo C/Laahi Suldaan Maxamed C/Laahi Suldaan Mako C/Laahi Suldaan Iyo Nimco C/Laahi Suldaan. C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii gobonimo-doonka ahaa ee dalka ka hana-qaaday.Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa. 1960-kii kadib, markii gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas. Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga. Beryihii dambe ilaa

doorashadii 1969-kii,Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay. 1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday taladii dalka kula wareegeen inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca. Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba sida ugu roon isu beddeli doonaan. Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku guursaday Ardo Tukaale 1971-kii,waxaanay u dhashy Samsam C/ laahi Suldaan oo keliya. Carruurtii Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan,Nimco iyo Sam-sam oo keliya oo xaasas ah. 1971-kii, C/laahi Suldaan waxa kusii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha. Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay dalka Kenya. Tima-cadde waxa la dhigay ‘Kenyatta Hospital’, oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya. C/ laahi Suldaan wuxuu ku dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd. Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa. C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii,1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga soo qaaday Kala-baydh,iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo’e

JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 21


Deegaanka

Xabad Ibraahim(Culuunta Ugaadha Qaytii Labaad Qalinka: Boobe Yuusuf DucaaleCankaabo@hotmail.com,

I

www.dharaaro.com n kasta oo uu wareysigu u badnaa su’aalo iyo jawaabo, bal aan isku dayo in aan idinka sheeko ahaan idiin ku xidhiidhiyo.

Barnaamajkan uu Xabbad Ibraahin ku soo gudbinayay aqoonta iyo suugaanta qotada dheer ee uu u lahaa Ugaadha iyo Ugaadhsigu, wuxu u qaybsanaa laba qaybood oo kala ahaa: Ugaadha: magac-bixinteeda, dhaqankeeda iyo sifooyinkeeda kala geddisan, Ugaadhsiga: hababka, agabka iyo tabaha ama xeeladaha lagu ugaadhsado, Qormadaydan maanta waxaan isku koobi doonaa qaybta hore ama koowaad, aniga oo ku rajo-weyn in aan qaybta labaadna idiin soo gudbin doono mustaqbalka dhow, haddii Eebbe inagu simo. Malaha indho-daalis ayaan idin ku riday oo dhareerkiiba idin ka dhammaaye, aan toos u galo mowduuceenna maanta ee Ugaadha. Ugu horreynba Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), wuxu Ugaadha u kala qaybinayaa laba qaybood oo uu ku kala sheegay: Yeris, iyo, Ishin, Yerista:Xabbad Ibraahin, Yersita wuxu u kala saarayaa qaybahan soo socda, isaga oo raacinaya qayb welba magac-bixinta, dhaqanka iyo sifooyinka ay leedahay. Sakaarada: Sakaarada, oo ku dhaqanta Sudaha iyo Duudaha, labkeeda waxa la yidhaahdaa Atoor, dheddigana Yac. Sakaaradu markay yar yar tahay waxa loo yaqaan Biiq. Sakaaradu laba-laba ayay isu raacdaa. Waxay dhashaa Kaliisha, Atoorkuna wuu saaraa labka kale.

22 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

Cawsha: Cawsha lab waxa loo yaqaan Jaxeedh, ta dheddigna Masaal. Cawshu waxay ku dhaqantaa Bananka, waxaanay mar la dhashaa Adhiga. Cawsha wada socota ee markaa meel wada daaqaysa, waxa loo yaqaan Goosin Cawl ah. Cawlku wuu saaraa labka kale, wuu sahamiyaa waanu hayaamiyaa Cawsha. Waxaynu maqallaa iyada oo la leeyahay Cawlku (Jaxeedhku) markuu saaranayo Masaasha wuu u xiddigiyaa. Garanuugta: Garanuugtu, waa geed-laac waxaanay ku dhaqantaa Sudaha. Waqti kasta way dhashaa oo sida orgigu riyaha ugu dhex jiro ayuu Liiggu ugu dhex jiraa. Garanuugtu sida dumarka ayay caadada u leedahay. Garanuugta lab waxa loo yaqaan Liig, ta dheddigna Tingay. Liiggu, markuu yar yahay waxa la yidhaahdaa Warrad. Markuu Warradku geesaha yeesho, ayuu Liiggu saaraa. Garanuugta wada socota ee markaa meel wada joogta waxa loo yaqaan Dan Garanuug ah. Deerada: Deeradu waxay degaan u leedahay: Bananka, Idhammada iyo Duudaha. Deeradu waa ta ugu xeelad badan Ugaadha. Labka waxa la yidhaahdaa Deer, dheddigana Deero. Deeradu, sida Cawsha ayay Idaha la dhashaa. Deerada markaa meel wada joogta waxa loo yaqaan Wadar Deero ah.


Goodirka:

Deegaanka

Goodirku, Ugaadha kale wuxu kaga duwan yahay isaga oo u kala qaybsama laba qaybood oo isugu jira Yeris iyo Ishinba. Goodirku markuu Yerista yahay, wuxu u kala baxaa labka oo Daraad la yidhaahdo iyo dheddigga oo loo yaqaan Caarrey. Goodirku, wuxu ku dhaqmaa Buuraha iyo Durdurrada. Waa nugul, oo ma adkaysi badna, carradana wuu cunaa oo gebiyada ayuu xagtaa. Goodirku, markuu Ishinka yahay wuxu u kala baxaa: Labka oo la yidhaahdo Laba-qolle iyo dheddigga oo loo yaqaanno Adeeryo. Goodirka inta meel ku wada dhaqan, waxa loo yaqaannaa Urur Goodir ah. Goodirku markuu laba yahay, waxa loogu yeedhaa Neehi, saddexdana Saalax, halka afarta Goodir ee meel wada daaqaysa looga yaqaan Yahaab-gaab. Saalax ha u akhriyina sida magaca Saalax, bal se “La’da” waxa loogu dhawaaqayaa sida “Ba’da” ku jirta “Kaabad” oo kale oo shedku wuxu fuulayaa “La’da”. Goodirka intii markaa meel wada joogta waxa loo yaqaannaa Urur Goodir ah. Dhawaaqa ereygan “Urur” wuxu u dhigmaa sida loogu dhawaaqo ereyga “Arar” oo kale, marka laga tago shaqallada labada erey oo kala duwan. Biciidka:

Biciidku wuxu ku dhaqmaa oo uu ku nool yahay Hawdka, Badaa’iska iyo Sudaha, waxaanu daaqa doogga iyo Bilcilkaba. Labkiisu waa Saryan, halka dheddiggiisa looga yaqaan Biciid. Biciidku markuu badan yahay ee uu meel wada daaqayo waxa loo yaqaannaa Yahaab Qamaamaley ah. In kasta oo uu Biciidku leeyahay geeso waaweyn, haddana waa sheyga ugu fulaysan oo wuxu ka didaa shinbir agtiisa ka duushay. Saryanku wuu saaraa labka kale, wuu sahamiyaa waanu hayaamiyaa. Saantiisa waxa laga jeexaa suumanka Maddannada loo yaqaan oo Sabeeno la siisto. Cabsida badan awgeed, Biciidku wuu is-raadguraa waxaanu u dhow yahay haddaad meel uu saaka maray ku sugto, in uu kugu soo noqdo. Waa sida loo yidhi: “Wallee, Saryan gooni-daaq ahi gelin ma hadhsado.” Biciidka yar yar waxa loo yaqaan magacyada ay ka midka yihiin: Sawaro iyo Dheddigo. Gorayada: Gorayadu waxay ku dhaqantaa Bananka. Labku waa Haldhaa, dheddiguna Gorayo-cawl. Gorayadu waxay dhashaa Kaliisha, dhasheedana waxa loo yaqaannaa Hal-garac, halka ay dhigoto oo meel cidla’ ahna waxa la yidhaahdaa Goofka. Midkoodba mar ayuu ku fadhiistaa, ka kalena daaq tagaa. Gorayada intii markaa wada kacda waxa la yidhaahdaa Fil. Gorayadu way ilaalo dheer tahay oo meel fog ayay wax ka aragtaa. Inta markaa wada socota ee meel wada daaqaysa waxa loo yaqaannaa Gawar Gorayo ah.

Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), waxa kale oo uu Ishinka Ugaadha ku daray: Halgeriga, Siigga iyo Farowga oo aanu soo gaadhin iyo Gunburiga oo adduunka oo dhan kaga dhaqan Nugaal oo keliya. Sidaa ayuu Xabbad Ibraahin u kala qalay Ugaadha, isaga oo sheegay in guud ahaanba Ugaadhu urta wax ku garato marka laga reebo Gorayada iyo Halgeriga oo ugu il-dheer oo meel aad u fog kaa garta oo iyaga dareenka indhaha loo geliyay. Xabbad Ibraahin intaa wuxu ku darayaa, in saddex ay kaa gartaan geedka jirriddiisa markuu Beydarku ku jiro, kuwaas oo kala ah: > Libaaxa, > Gorayada, iyo, > Guudlaha oo dhanna Gorayo ka ah dhanna Digirin, Salomadhlahana ka weyn. Markaynu dib u jalleecno Qormadan Ugaadha ku saabsan ee aynu ka soo xigannay Xabbad Ibraahin, waxa inoo soo baxaysa sida aynu uga arradan nahay qaybo dhan oo afkeenna hodanka ah ka mid ah. Weliba, Xabbad Ibraahin waqti iyo fursad midna uma helin in uu intaa in ka badan inoogu sheego, in kasta oo laga yaabo in aynu hellno aqoonyahanno kale oo buuxiya wixii uu Xabbad ka tegay. Qormadani, waxay ku kooban tahay Ugaadha oo keliya, sidaana waxa inagaga maqan qaybihii Habar-dugaag, Argoogta (Heemaashiga ama Haadda) iyo qaybo kaleba ku saabsanayd oo iyaduna qiimaheeda leh. Bal aynu isku koobno qaybtan Ugaadha ku saabsan oo eegno inta erey ee kale ee loo adeegsado ama u dhigma ereyga “Koox”. Waxa Qormadan inooga soo baxaya ereyada ah: Goosin, Dan, Urur, Yahaab iyo Gawar. Waxa kale oo aynu og nahay in ay jiraan ereyo kale oo isla macnahaa xanbaarsan oo loo adeegsado Xoolaha ama Dugaaggaba. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa: Xayn oo Adhiga loo adeegsado iyo Raxan oo Maroodiga loo adeegsado. Intaasi waa intii uu Xabbad Ibraahin ka haleelay Ugaadha, habeen Barnaamij lagaga duubay Golaha Raadyowga iyo Telefishanka (RTD) ee Jabuuti, waxaana hubaal ah in ay Qormadani gundhig u noqon karto ururinta culuunta iyo suugaanta la xidhiidha Ugaadha. Waa hawl u taalla inta danaynaysa in ay ururiso culuuntaa iyo suugaantaa hodanka ah ee Ugaadha la xidhiidha, Xabbad Ibraahinna Dhaban-daran, Ilaahay ha ka abaal-mariyo dhaxalkaa aan duugoobayn ee uu inooga tegay, Alle Naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Idinkuna Aammiinta igu dara oo dhaha: “Ha samaato oo ha la helo.” Xuska iyo xusuusta waxa mudan Xabbad Ibraahin (Dhabandaran), sidaa darteed waxaan idiin ka magan ahay oo aan idin ka codsanayaa in aydaan qormadan ii nisbayn aniga ee aad milge iyo maamuusba uga dhigtaan Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran). Murtida iyo suugaanta ku jirta Qormadan, markaad ka murmaysaan ama ka doodaysaan, hadal-haynta iyo magac-dhowga anigu ma lihi, bal se waxa iska leh Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), sidaa darteed magaciisa ayaa xuska iyo xusuustaba mudan ee Faatxada u mara. Waxaad xusuusnaatan in aanan anigu Qormadan qorin ee ay xigasho igu tahay. Anigu inta aan ku leeyahay waa habaynta qoraalkeedaa iyo gudbinteeda qoraal ahaaneed. Gudbintii maqal-muuqaal ee sheekadan waxa iska lahaa oo aynaan kaga masuugi karin Golaha Raadyowga iyo Telefishanka (RTD) ee Jabuuti oo mahad iyo abaalba inagaga mudan.

JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 23


Beeraha

BEERAHA IYO HORUMARKA DHAQAN-DHAQAALE. Qalinkii : Faisal Jama Geelle (B.sc) of Agriculture and EnvironmentAmoud University, Somaliland

B

aahida asaasiga ah ee nolosha ayaa had iyo jeer waxa lagu tilmaamaa inay ugu muhiimsanyihiin saddexda shay eekala ah: Hunguriga(food); Huga(fiber) iyo Hoyga(Shelter). Cuntada ama hunguriga qofba siduu u yaqaan ayaa hadana ah tan ugu sii muhiimsan saddexdaba ee dadkuna ay u qabaan baahida koowaad. Waa shayga koowaad ee ka masuulka ah jiritaanka naflayda, waana shayga ka caawiya noolaha inuu helo tamar uu ku koro, ku tarmo kuna shaqeeyo ( ku dhaqdhaqaaqo). Huga iyo Hoyga ayaa iyagu ka caawiya bini’aadamka in ay kaga gaashaantaan khataraha kaga imankara deegaanka ku gedaaman ee dugaag iyo bahalba leh iyo cimilada ay ku noolyihiin ee qabaw iyo kulayba leh. Daboolida bahiyahaas aynu kor ku soo sheegnay (Hunguriga, Hoyga iyo Huga) waxa ilaahay sabab uga dhigay helitaankooda beeraha(beerista dalaga iyo sidoo kale xanaanaynta xoolaha). Si kale hadii aan u dhigno beeraha ayaa waxay laf dhabar u ahaayeen una yihiin weli horumarka dhaqan-dhaqaale iyo ka siyaasadeed ee maanta iyo shalayba dunida ka jira. `aqoonyahanada cilmiga durugsan u leh taariikhda iyo kuwa dersa dadka iyo dhaqamadooda ( anthropologists) ayaa iyagu waxay ka marag kaceen in beeruhu ay horseed ka ahaayeen ilbaxnimada dunida iyo degitaanka magaalooyinka. Waxay intaas ku dareen

in bilawgii nolosha ay dadku ahaayeen ugaadhsato iyo qadhaabsato (Hunters and gatherers) ay nolol maalmeedkoodu ku xidhnaayeen hadba inta ay maalintaas ugaadhsiga iyo qadhaabsiga ay ku soo helaan. Muddo ka dib waxa ay dadkaasu fahmeen in xoolaha ay ugaadhsanayaan qaarkood la rabayn karo lana dhaqi karo isla markaana dhirtan ay midhahooda ay cunayaana laga abuuri karo iniinyahooda. Muddo ku beegan qiyaas ahaan 10,000 oo sanno ka hor ayaa beeritaankii ugu horeeyay waxa uu ka hirgalay dhulka u dhaxeeya labada webi ee Tigris iyo furaat ( ciraaqda haatan). Waxana halkaas ka bilaabmay kacdoonkii beeraha “Agricultural revolution” ee dunida soo gaadhsiiyey meesha aynu marayno, waxana halkaas markii ugu horeysay taariikhda ku istaagay marxaladdii koowaad ee Aadamuhu soo maray ee ahaa in ay cuntadooda eryadaan iyagoo taa bedelkeeda beertay cuntadoodii. Waxa halkaas ka bilaabmay degaano joogto ah oo wata waayahooda cusub. Waxa la sameeyey markii ugu horeysey nolosha waxa loo yaqaan “Magaalo”. Waxa halkaas ka bilaabmay ilbaxnimo hor leh waxana sii ambaqaadmay geeddi socodkii nolosha. waxa la ogaaday in la heli karo far laysku afgarto oo la qori karo (waxbarasho), waxa bilaabmay ganacsi bud dhig u ahaa kan haatan casriga ah oo ahaa in shay shay kale lagu bedesho (barter trade). Intaas oo keliya maahee waxa halkaas lagu jabiyey meerto ka mid ah meertooyinkii nolosha ee gaboobay waxana bilaabantay

24 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

tu ka geddisan, ka fiican kana fudud qaabkii hore. U kaalay maanta oo aynu ku jirno qarnigii 21aadsu’aasha maskaxdaada ku soo dhacaysa waxa weeyaan sideebaa cunto ku filan loogu heli karaa dadwaynaha adduunka, xilligan oo ay tiradooda iyo tarantooduba ay kordhayso isla markaana isbedelo cimilo oo saamayn aan fiicnayn ku leh beerashada la dareemayo? Waxa dabayaaqadii qarnigii tagay ka bilaabmay qaar ka mid ah wadamada Asia wax loo yaqaan kacdoonka cagaaran “green revolution”.kacdoonkaas oo laban laabay wax soo saarkii dunida. Waxa arrintaasi saamaxday awoodii xoolaha ee loo isticmaaali jiray in wax lagu qodo oo lagu bedelay makiinado wax qodaya sida Cagaf, isticmaalka carro-nafaqeeyayaasha kiimikada ah (chemical fertilizers), isticmaalka kimikada disha dulinka dalaga cuna (pesticides), isticmaalka kimikada laysa haramaha ee loo yaqaan (herbicides); kuwan iyo kuwo kale oo ah kimikooyin loogu talo galay in ay ka qaybqaataan korodhka wax soo saarka beeraha iyo qodobo kale oo badan ayaa keenay in uu kor u kaco waxsoosaarka adduunku. Sidoo kale farsamada casriga ah ee hadba kor u sii kacaysa ee adduunku waxa ay saamayntooda ku yeesheen xaga farsamada beeraha. Waxa ay farsamadaasi suurtogelisay in la beeri karo dalaga iyadoo la soo gaabinayo muddadii iyo waqtigii ku baxayey ee la sugayey goosashada dalaga iyadoo isla markaana la kordhinayo tayada iyo tirada (quality and quality) ee


dalaga la beerayo. Waxa soo baxay cilmi cusub oo arrintaas ka sheekeeya oo la yidhaahdo (Genetic engineering) oo ah farsamada la xidhiidha wax ka bedelka hiddosidaha unugyadanoolaha oo hadba laysku talaalayo sida iyadoo la soo saarayo dalag adkaysi u leh biyo yaraanta ama dalag adkaysi u leh xanuunada dhirta. Waqti xaadirkan (xiligan aan wax qorayo) waxa warbaahinta laga maqlayaa iyadoo korodhka adduunku uu gaadhay meeshii ugu saraysay haba ugu sii darnaato wadamada saxaraha ka hooseeya oo dabcan aynu ku jirno. Dadkaas kordhayaa waxay u baahanyihiin wax ay ku noolaadaan oo ay quutaan. Somaliland ayaa iyadu ah wadan cuntadiisa dibada kasoo waarida ( malaha danbi iguma aha haddaan idhaahdo 99% waxay cuntadoodu uga timaadaa wadamada dibada). Waxa taas kasii daran iyada oo aanay jirin wax meel inoo sii yaala xilli uu kor u kacayo qiimaha cuntada adduunku oo ay sababtay kor u kaca qiimaha tamarta dhidaalka iyo tan budhcad badeedka oo iyaguna saamayntooda leh maadaama ay maraakiibtii kor u

Beeraha

qaadeen qiimihii ay alaabta ku qaadayeen maadaama ay khatar galayso isu socodkii gaadiidka baddu. Maxaa inala gudboon shicib ahaan iyo xukuumad ahaanba? Si aynu uga gaashaamano khatarahaas aan kor ku soo sheegnay waxa muhiim ah in xukuumada Somaliland ay la timaado qodobo door ah sida: • In ay dib u eegto siyaasadda wax beeriseed ee dalka sida iyagoo kordhinaya miisaaniyada wasaaradda ku shaqada leh beeraha, sidoo kale waa in ay u raadiyaan maal galin caalami ah dalkan ciiddiisu ay dihin tahay. • Waa in ay dhiirigelisaa in ganacsatada dalka ka shaqaysataa ay abuuraan beero ay iyagu leeyihiin oo ay ku beeraan cuntooyinka daruuriga ah sida Bariiska, Gallayda iwm • Waa in ay xukuumaddu ka codsataa hay’adahan waddanka ka shaqeeya khaasatan kuwan beeraha kulugta leh in ay beeralayda ka caawiyaan in ay beer-

alaydu helaan waxyaabaha muhiimka u ah waxbeerashada sida qalabka, siidhka iwm. • Xukuumaddu waa in ay kor u qaaddaa aqoonta beeralayda waddanka si ay ula jaanqaadi karaan beeralayda adduunka iyo hadba isbedelada dhaqandhaqaale ee ka soconaya dunida. Waxan ku soo gababeynayaa haddii ay ganacsatadii waddanku diidaan in ay maalgashadaan waddankoodii hooyo islamarkaana ay diidaan in ay hoos u dhigaan qiimaha maciishada iyagoo og duruufta dhaqaale ee shicibka masaakiinta ah ee waddankan miyaanu xaalkoodu u eekaanayn gabaygii gaarriye ee ahaa: > Nin wax diiday oon odhan Waxanaan ka door biday Wuxu doonayaan jirin!

JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 25


Suugaan

BAADI-SOOC

X

illigii ay abwaanka maankiisa ka soo burq ate y heestani waxa uu ku sugnaa magaalada Boorama, halkaasoo beelaha soomaaliland shir uga socday gadhcastii, guurtidii, qaafadii, iyo waayeelkii haybada lahaa ee gadhka xineeyey ayaa abwaanka maankiisa qaadey oo waayo-waayo iyo barisamaadkii soomaalida xusuusiyey. Xoolihii soomaalidu dhaqan jirtey, dharkii ay xidhan jirtey, dhaqaale, dhaqan iyo dur waxii ay lahayd ayey heestu si la yaab leh u soo bandhigeysaa. Inksata oo ay abwaanka wakhtigaasi da’diisu yarayd, haddana hibo Eebbe ku siiyo habeen layskama qaadee, ee waxa aad moodeysaa in boqolaal sanno uu jirey abwaanku. Haddii heestani baadi-sooc mooyaane aan suugaan kaleba aanu tiriyeen abwaanku, waxa ay heestani markhaati cad u furi lahayd hibada hal abuurkiisa

Qalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi (Dheeraad) Dheeraad2@hotmail.com Heestan waxa uu allifay abwaanku sannadkii 1993-kii. Waxaaney ka mid tahay heesaha hir galay ee abwaanku leeyahay

Seehi geeloo Saddex boqol iyo Sagaashan habeen Uu sid keed yahay Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan u lahayn Baarqab suguloo Maraq saarkiyo Illaa sararaha Dhibidii simay Sange shaal iyo Sitaac quruxliyo Laji sudhantoo Sindiyaal lulay Darmaan sebiyoo Gaasabixinoo Sidii wiil curad Sixin lagu habo Waa sadkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Sac irmaanoo Weyl aan socod baran

U siyaaxiyo Gadhoodh iyo subag Dibi suudh loo Sarar waynoo Seero daaqoo Geesku samay yahay Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan u lahayn Orgi salawloo Suurad bahalloo Seenyo dhuuxeey Sinsaaro u dhigay Sumal gooloo Tiro suuriyo Sabeenaha ugub Jeeni wada sudhay Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Suubban boqor iyo Saddex qayd iyo Bafto sidatoo Subeeciyad xidhan Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Barbaar seefiyo Hooto samayliyo Saddex geesiyo Sita dhuugii

26 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Boqol sooniyo Guurti sooftoo Sama talisoo Geedka lagu sugo Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Seerma waydiyo Dadkoo saxal baxay Dhallin saxanoo Sacab tumataa Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Surad iyo lool Gaari soohdoo Gabadh lala sugo Dhibaad iyo sii Waa sedkeeniyo Sawraceeniyo Sinjaan u lahayn Marti socotoo Sama faliddeed Sumal gooliyo Sogob loo qalo Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan u lahayn

Sooryo xididoo Xeedhyo saabliyo Caanihii sulub Habeen lagu sedo Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan u lahayn Baadi sooc iyo Dhaqan suganoo Soo jireenoo Aan sal guurayn Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Rabbaw saawiyo Saxal cudur iyo Aafo socotiyo Sadho naga hay Rabbaw sigashiyo Col saqaafiyo Weerar siman iyo Sumuc naga furo Rabbaw siigiyo Abaar suruqdiyo Soof idlaadiyo Seben naga dhawr Rabbaw silic iyo Saac fogaadiyo Saba guurtiyo Saymo naga kori.


Suugaan Gabay ( Tartan)

G

abaygan tartan waxa uu abwaanku kaga warramayaa meeqaanka aqoontu qofka bini aadmiga ah gaadhsiiso wuxu hummaag qoto dheer kaga warramayaa waayaha nolosha iyo siday ugu baahantahay halgan qoto dheer oo ah dedaal iyo gaabin la’aan waxa kale oo gabaygan ka buuxa maah maaho wada duurxula oo ku saabsan mundarada ay soomaalidu ku miyantahay una aragto inay la mid tahay bulshooyinka adduunka waana tirtirsi guud oo soomaalida la wada hadlaya maah maahaha gabayga ku jira waxa ka mida laxiba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa waxa kale oo ka mida madax muuqda iyo middi saawira midna lagama quusto waxa kale oo ka mida gacmo wada jirbay wax ku gooyaan sidaas iyo akhris wanaagsan Indhawaydba gabay waan ka tagay’ togashadiisiiye Waligood ragbaa tirinayoon’taawo ku lahayne Maalintuu shinkii taaganyaan’dholo’da taabtaaye Hayeeshee ku tookhiyo anoon’toodho uga jeedin Bal aan tiriyo saakana midbaan’idin tusaalayne Adduunyada tacliin iyo cilmaa’lagu tanaadaaye Kuwa samada tagay waa aqoon waxay’ku tookhaane Tartanbay ku gaadheen halkaa’kuna tisqaadeene Tubta noloshu way durugsantay’ waana tahan dheere Tuuryo gaadhimaysiyo dhawaaq’la’isla tooxaaye Halkay taallo wabiyaala waa’ laga tallaabaaye Marna waa cirkaa tiigso iyo’ tobankun oo baace Marna tulud liqbaa kaaga fudud ‘qaabaday tahaye Tagoogaha qofkii aan ka jabin’taabi kari waaye Haddii aan tusaalaa si kuugu’soo tabiyo Toojada haddaan bannaan’heedhe lagu toosin

fudud meel

Abwaan:Cabdiwaaxid Cali Gamadiid

Wallee inaan hadhuubkoo tammilan’laga tifsiinayne Tacabkiyo waxaad taransataa’taabud kaa dhiga ’e Tagoogaha qofkii laabtayee’ taxarrigaw’diidayay Assaagiisa inu tuugsadaa waa’tu la hubaaye Halkay maanta gaaladu tagtaad’tacajabaysaaye Tamashlay ku marayaan dayaxa’tahanna dhaafeene Talaadahana qaarbaa dagoo’tu’iyay awrtiiye Sahankoodu wuxu taaganyay’taniyo niibtoone Dhul tigaadlebay reer fureen oo’tuskii helaye Markuu tarandacaan aadamaa ruux’utaag heline Hadduu kibir la wada tiicayaa’ gaalka taygaliye Ninkii taagyar iyo kii hadhaa’ loo tashanayaaye Talo iyo ismaqalbay ummadi’ tamar ku leedaye Tafaraaruq waa waxa dilee’ teenna dhaawacaye Tacabkaa ba’soomaalidaay’ waa lagaa tagaye

tahan ka maahmaahay Tooggada waxaan uga socdaan’idin tusaalayne Intay taag shinnidu leedahaa’ wada taqaaniine Taqwad iyo itaal malaha iyo’ turuqyo waawayne Dedaalbay filkeed kaga tagtaa’ amase tawfiiqe Waxan tabayo wuu garanayaa’ruuxi taam ihiye Middidii tumaal wayda iyo’kii wax tari waaya Intay kula tolyiineed adigu’taab kuwada hayso Midna tuhunka kama baaqsadiyo’tooggo waligiiye Tookh iyo qabiilbaan wadnaa’taniy haabiile Waa tororog xaalkeenuyoo’ malihin taariikhe Dadku taqadumbuu doonayaa’loo tallaabsadaye Qalinkiyo tawaaday khalqigu’ taabka galiyeene Tooraha ku dhaca aadamuu’ wuu tartamayaaye. dhamaad

Haddaan hadalka teed kugu fog’ iyo

JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 27


Ciyaaraha

Ciyaaraha Gobolada Somaliland Qalinkii Abdikadir Barwaani 1/Dec/2011 Waxa ka furmay Gobolka Togdheer caasimadiisa Burco Tartanka Ciyaarah Kubada Cagta ,Baaskitka,iyo waliba Oradka ee Gobolada Somaliland. Tartankan oo ay kasoo qayb galeen 8 Gobol oo kamid ah Gobolada Somaliland. 1. Gobolka Maroodi jeex 2. Gobolka Togdheer 3. Gobolka Sanaag 4. Gobolka Sool 5. Gobolka Awdal 6. Gobolka Saaxil 7. Gobolka Gabiley 8. Gobolka Hawd Dhammaan Goboladan kasoo qayb galay Tartanka Ciyaaraha Kubada iyo Oradka ee Gobolada Somalilnad waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey caasimada Gobolka Togdheer ee Burco Bishii December kowdeedii,Waxa ay Gobalada Somaliland u ahayd xilli ay dadka shacabka reer Somaliland yar iyo waynba ay hadal hayaan Ciyaaraha Gobalada taas oo aad meelkaste oo aad Somaliland cagta dhigto ka dhigtay in la hadal hayo Tartanka Ciyaaraha Kubada iyo Oradka ee Gobolada Somalilaland. Waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee meel ka baxsan caasimada Somaliland lagu qabto Tartanka Gobolada Somaliland taas oo aad u dhiiri galisay dhamman Shacabka Somaliland meelkaste oo ay joogaan islamarkaana muujisay in Gobolkasta oo Somaliland ka mid ah uu marti galin karo Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland. Tartankan oo dhamaan ciyaarahiisu ay ka dhacaayeen garoonka wayn ee Alamzey Stadium ayaa waxa uu ku bilaabmay Jawi aad u wanaagsan iyo dardar ka muuqatay dhamaan Goboladii kasoo qayb galay ,Tartankan oo run ahaantii ay ka muuqatay inuu Gobol walba isku soo diyaariyay in uu guusha u soo hooyo Gobalkiisa. Ciyaarahan Gobolada oo ahaa kii 4-aad ee laga qabto Somaliland ayaa ahaa mid aad xiisihiisu u sareeyo waxaa laga da-

reemaayey magaalada Burco Jawi aad u farxad badan oo ka muuqday dhamaan halwadeenada ka qayb galaayey Ciyaaraha Gobolada hadii ay noqoto Ciyaartoygii Gobalada ka socday,Shaqaalihii ka hawlgalaayey,Madaxdii Dawlada ka socotay,Ganacsatada Somaliland iyo gabi ahaanba dad waynihii ku noolaa magaalada madaxda Gobalka Togdheer Burco oo uu ka socday Tartanku . Gari laba nin kama wada qosliso waxaa kama danbaystii Ciyaaraha Gobolada isugu soo baxay Gobolka Maroodi jeex iyo Gobolka Hawd oo ah Gobol cusub oo kamida Goboladii dhawaan lagu dhawaaqay ahna markii u horaysay ee uu kasoo qayb galo ciyaaraha gobalada Somaliland. Ciyaartii Kamadanbaysta Ahayd MAROODI JEEX 1 oo la Ciyaaray 0 HAWD Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa ka soo qayb galay ciyaartii kama danbaysta ahayd ee Tartanka Gobolada Somaliland taas oo ahayd markii ugu horaysay Taariikhda Tartankan ee uu kasoo qayb galo Madaxwayne Jamhuuriyada Somaliland ahi. Madaxwaynaha Somaliland iyo masuuliyiin badan oo dawlada ka tirsan ayaa waxa ay ku sugnaayeen garoonka Alamzey Stadium ee ay Ciyaarta kama danbaysta ahi ka socotay ee magaalad Burco . Waxa maalintaa Goroonka Alamzey Stadium buux dhaafiyey Madax badan , Taageerayaal, Fanaaniin, Askarta baan booyda oo halkaas ka dhigay wacdaro lagu soo dhawaynaayey labada gobol ee ay dhex maraysay ciyaarta kama danbaysta ah. Gobolka Maroodi jeex iyo Gobalka Hawd oo labadooduba wacdaro ka dhigay ciyaarihii Gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee garoonka Alamzey Stadium una soo quus gooyey dhamman Gobaldii kale ee kasoo qayb galay Tartankan ayaa

28 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

ugu danbayntii isagu yimi ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobka Gobolada Somaliland ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u qurux badan oo ay soo bandhigeen labad gobal ayaa waxaa Gobolka Maroodi Jeex u suurto galay inay 1-0 goolkaas madiga ah oo uu u saxeexay ciyaartoygooda Cabdi Riyad oo ay kaga guulaysteen gobolka Hawd ,halkaasna ay ku qaadaan markoodii labaad koobka Gobolada Somaliland oo ay lamid noqdeen Gobolka Togdheer oo isagu haystay rikoodhka ugu badan koobka Gobolada Somaliland.s Waxa dabaal dag iyo farxadi is qabatay garoonka Alamzey Stadium taas oo ay taageerayaasha iyo ciyaartoyga Gobolka Maroodi Jeex ka dhigayeen garoonka . Waxaa halkaas Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ku gudoon siiyey koobkii Gobalada Somaliland Gobalka Maroodi Jeex oo markii labaad ku guulaystay Tartanka Ciyaaraha Gobalada Somalailand. Waxa iyagana la gudoonsiiyey koob Gobolka Hawd oo isagu kaalinta labaad ka galay koobka Gobolada Somaliland . Waxaa xusuus mudan in Gobolka Sool uu ku guulaystay Gobolkii ugu ciyaarta fiicnaa iyo ciyaartoygii ugu wanaagsanaa intii uu tartanku socday oo uu ku guulaystay Cabdi-Sallaan islamarkaana uu kaalinta sadexaad ka galay koobka Gobolada Somaliland oo uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland u balanqaaday in laga hirgalin doono Gobolka Sool Garoono Kubada Cagta lagu ciyaaro si ay dhiiri galin intaas kasii badan u helaan boqolaalka dhalinyarada ah ee ku Nool Gobolka Sool. Ugu danbayntii Gobolka Maroodi Jeex oo kor u sida koobkii Gobolada Somaliland ayaa kusoo guryo noqday Magaalada Hargaysa ee caasimada Gobolka Maroodi Jeex ahna caasimada jamhuuriyada Somaliland , halkaaso oo lagala hortagay dabaal dagyo loogu hanbalyeynaayo guusha ay u soo hooyeen Gobolkooda Maroodi Jeex.


JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 29


Technology

Maxaad Ka Ogtahay Shirkadda Google ?

G

Qalinkii: Xamse Cisman Xasan(Leeb) Journalist and writer

oogle Inc waa shirkad Maraykan ah oo ka ganacsata Technologyga si baahsanna looga yaqaano dhamaan dacalada Dunida gaar ahaan wadamada adeegsada Technology-yadda Internet-ka. Google waxaa aasaasay bishii January 1996 laba nin oo magacyadoodu kala yihiin Larry Page iyo Sergey Brin iyaga oo wakhtigaas Shaahadada PHD ku diyaarinayay jaamacadda Stanford ee wadanka Maraykanka .Google waxay ku caanbaxday baadhaha macluumaadka (search Engine) sidoo kalena waxay fidisaa adeegyo Internet-ka ah iyo soo saarida Software ah sida Gmail oo loo isticmaalo fariimaha Electronic-ah, Google Docs Office Suite oo loo isticmaalo qoraalada iyo wadaagida macluumaadka, Google+ oo loo isticmaalo xidhiidhka bulshada, Google Crome oo loo isticmaalo kicinta web bages-ka (browser), Picasa oo loo isticmaalo qurxinta iyo habaynta sawiradda,Google Talk oo loo isticmaalo fariimaha qoraalka ah ee wada sheekaysiga ah ( instant messaging) iyo waliba Global IP Solution oo ah Adeeg telefoon oo ku dhisan Internetka. Sidoo kale shirkada Google waxay suurtogalisay Google Earth oo loo isticmaalo Map-ka Aduunka laguna raadiyo Map-ka goobkasta oo Aduunka ka mid ah. shirkada Google waxay hogaaminaysaa samaynta barnaamijka (Operating System) Android oo ay ku shaqeeyaan Mobile-da ay soo saaraan shirkadaha HTC, SAMZUNG iyo MOTOROLA, sidoo kale waxa ay

soo saartaa barnaamij (Operating System) loogu talo galay laptop-yo gaar ah iyo Chrome books waxaanay heshiis ganacsi kula jirtaa shirkadaha Microsoft, Nokia iyo Ericsson oo ay u samayso barnaamijyo bixiya adeegyo loo isticmaalo Mobile ay sameeyaan shirkadahani. Sidoo kale Google waxay soo saartaa Google Translate oo ah mishiin isku turjumaya 35 luuqadood waxaana si gaar ah u isticmaala UN iyo baarlamanada wadamada yurub. Sanadkii 2006 Google waxay ku iibsatay lacag dhan $ 1.65 Billion barta lagu wadaago muuqaalada video-ga ah ee Youtube oo sanadkii 2008 oo kaliya $200 Million ka faaiiday xayaysiisyada ay samayso. Waxa kale oo ay Google sanadkii 2009 ku iibsatay lacag dhan $106.5 Million shikada samaysa barnaamijyada lagu sameeyo muqaalada video-ga ah ee On2 Technologies. iyada oo shirkada google la wareegtay ganacsiyo badan oo kala duwan ayaa waxaa ugu dambeeyay shirkada Motorola Mobility oo ay kula wareegtay lacag dhan $12.5 Billion sanadkan sii dhamaanaya ee 2011. shirkada Google waxay hanti ahaan u leedahay shirkado caan ah sida youtube, Aardvark, AdMob, DoubleClick, Motorola Mobility, On2 Technologies, Picnik iyo Zagat. Google oo maalinba maalinta ka dambaysa gaadhaysa guulo waawayn ganacsigooduna sii balaadhanaayo ayaa hantida guud ee shirkada waxaa sanadkii 2010 gaadhay $57.851 Billion waxaana ka shaqeeya shaqaale tiradoodu dhantahay 31,353. Shirkada Google ganacsi iyo faaiido

30 | GALOOL MAGAZINE ISSUE 3 | JANUARY 2012

kaliya ah kuma mashquulsana balse waxay sidoo kale gacan ka gaysataa hormarinta danaha guud ee Beesha Caalamka tusaalena waxaa inoogu filan in Sanadkii 2010 ay samaysay Google Energy oo ahaa hab dabaylaha looga dhalinayo awoodaas oo bilawgiisiiba ay ku maalgalisay lacag dhan $38.8 million iyada oo ay soo saaraysay 169.5 megawatts oo dab (koronto) ah taas oo ku filan 55,000 oo guri isla markaana yarayn doonta isticmaalka Shidaalka oo khatar ku haya isbadalka Cimilada Aduunka. Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in shirkada Google ka qaybqaadatay kacdoonadii ka dhacay wadamada carabta iyada oo u fudaydisay adeeg cusub oo la magac baxay Speak to Tweet kaas oo qofku garaacayo lambar talefan kadibna ku duubayo cod xataa isaga oo aan haysayn Internet. Wax soo saarka iyo adeegyada shirkadda Google maaha wax lagu soo koobi karo qoraal kaliya ama maqaal qudha, isla markaana guulaha ay ku talaabsatay waa qaar aad u badan balse qoraalkan waa mid si kooban iyo daahfur guud uun uga hadlaya shirkada Google.


JANUARY 2012 ISSUE 3 GALOOL MAGAZINE | 31



Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.