JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA BEERAHA & WARAABKA
ﺟـﻣـﮭــﻮ رﯾﺔ اﻟﺻـﻮﻣـﺎل اﻟﻔﯾدراﻟﯾﺔ وزارة اﻟزراﻋﺔ واﻟري
FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MINISTRY OF AGRICULTURE & IRRIGATION
Maalgashiga Soomaaliya Hagaha iyo Fursadaha Maalgashi ee Beeraha
“Waa waqtigii Soomaaliya la maalgashan lahaa.” Mudane. Hassan Ali Khaire, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya
TUSMADA
Beeralay xannaanaynaysa Mooskeeda soo baxaya ee Afgooye.
I.
Beeraha SoomaAliya
1
II.
Ku soo dhowow Soomaaliya
2
III.
Sharciga iyo Siyaasadda Maalgashiga Beeraha 4
IV.
Fursadaha Maalgashi ee Beeraha
V.
Sidee loo aasaasaa ganacsiga beeraha ee Soomaliya 9
VI.
Dhaqaalaha iyo Shaqaalaha
5
10
Najma oo ka tirasan Somfaresh oo ku soo bandigaysa Moos Carwada Gulfood ee Dubai.
Beeraha Soomaaliya Beeraha iyo xoolahu waa laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna ku kabaan wax-soosaarka guud ee gudaha wadanka (GDP) qiyaastii 70%, halka ay ka shaqeeyaan 80%, iyo ilaa 50% wax dhoofinta. Soomaaliya way soo kabanaysaa colaado ka dib, iyada oo ay jiraan caqabado, Wasaaradaydu waxay ka shaqaynaysaa sidii loo gaari lahaa sungnaan cunto. Waxaanu qayb ka nahay Yoolasha Joogtaynta Horumarineed ee Qaramada Midoobay (UNSDGs) waxaan ka shaqaynaynaa inaan noqono qaran gaajo ka xorooba sannadda 2030. Waxaan cunno ku soo iibsanna lacag ka badan USD 1.5 Bilyan sannadkii. Si loo xalliyo faraqaas dowladu waxay dhiirigalinaysaa maalgashiga dhinaca wax-soosaarka waxayna taageeraysaa kororka tacabka gudaha ee cuntada. Waxaan hirgalinay hal-beegyo dhowr ah si loo dar-dargeliyo koboca loona xaliyo caqabada jira. Tusaale ahaan, waxaan ku howllanahay sidii loo kordhin lahaa tacabka dalagyada cuntooyinka aasaasiga ah sida Gallayda, Qamandiga, iyo Digirta iyada oo la adeegsanayo hal-abuur, kob-cinta aqoonta, iyo Tiknoolojiyada. Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya waxay kordhisay dhulka la tacbado, casriyaysay wax-soosaarka beeraha, hirgalisay habka cimiladda caqliyaysan (climate-smart) ee beeraha, dib u dayac-tir lagu sameeyay habkii cakirnaa ee waraabka, iyo tabarta beeralayda oo la horumariyay iyaga oo la tababarayo. sugnaanta cuntadu waa kan ugu muhiimsan ee hor-tabinta noo leh, hadii aad akhrido Hagaha maalgalinta beeraha ee aan diyaarinay, waxaan rajaynayaa inaad ka heli doonto dhinacyo muhiim ah oo maalgashiga Soomaaliya ah. Said Hussein Iid Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaal ka Soomaaliya
Khiyaar lagu beeray Aqal cagaaran (Greenhouse) loona adeegsadey waraabka tifoqda oo diyaar u ah in suuqa loo iib geeyo.
1 .
Beeralay rasaynaya si u qalajiyo sisintii uga soo go’day Balcad.
Kusoo dhowowSoomaliaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo adeegsanaysa Wasaaradeeda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha (MoPIED) iyo Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (SOMINVEST), waxay siiyeen wax-soosaarka beeraha mid ka mid ah mudnaanta hor-tabinta leh ee dhinacyada maaalgashiga iyadoo la xeerinayo sida ay uga qayb-qaadanayaan horumarinta dhaqan-dhaqaale iyo nololeed ee waddanka. Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (SOMINVEST) wuxuu dhowaan diyaariyay Istaraatiijiyadda Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (NIPS) si loo helo tilmaamaha maalgashi oo dhamaystiran oo ku saabsan dhinacyada muhiimka u ah dhaqaalaha, ay ka mid tahay wax-soosaarka beeraha, taasoo saamiga uu ku leeyahay wax-soosaarka Guud ee Wadanka ay si wayn kor ugu kacday laga soo bilaabo heerkii uu joogay dagaaladii ka hor oo ahayd 62 boqolkiiba uuna gaaray 70 boqolkiiba. Burburkii dowladda ka hor, dalagu wuxuu ahaa kan labaad ee ugu badan oo ku biiriya wax-soosaarka Guud ee Wadanka iyo dhoofka, xoolaha nool ka dib. Istaraatiijiyadda Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga waxay hab-istaraatiijiyadaysan ula jaan qaadaysaa Qorshaha Horumarinta Qaran ee Soomaaliya (NDP), kaasoo lagu gaari karo horumar wakhti dhexe iyo wakhti fog iyo istaraatiijiyadda yaraynta saboolnimadda. Qorshuhu wuxuu qeexayaa ajendaha isbedelka wax-soosaarka ee dowladdeena isagoo hagaya farsamada ay ganacsiga yar-yar iyo dhexe uga guurikaraan howlahooda ku salaysan tabartooda ee loo guuro tacab takhasus leh ayna hagto baahida suuqa. Intaa waxa dheer, Istaraatiijayada Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashigu waxay taabba galinaysaa nidaam ganacsigu Hagayo Horumarka, kaasoo kobcinaya awoodda ganacsiga si uu xal u keeno iyo xaddiga dhaqaale ayna iskaashanayaan dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta caalamiga ah. Waxay taageeraysaa mabaadi’da Caalamiga ah Yoolasha Joogtaynta Horumarineed (SDGs) si loo gaaro koboc loo dhanyahay loona simanyahay isla markaasna la hor tabinayo maalgashiga dhinaca wax soosaarka ee Soomaaliya, aqoonsanayana heerka maalgalinta waaxda iyo waax-hoosaadka dhiirigalinaya soo jiidashada iyo adkaynta maalgalinta loo qasday, kaasi waa xiriir maalgalineed oo dedejinaya hormarka dhaqaalaha. Guusha fulinta Istaraatiijayada Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashigu waxay qayb-libaax ka qaadandoontaa xiriir iyo iskaashi dhow ay yeeshaan daneeyayaasha oo dhan iyo iswaafajin habboon ee maalgashiyada. Sidaasi awgeed, Mashaariicda muhiim ka ah sida Mashruuca GEEL waa in la siiwadaa. Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (SOMINVEST), oo kaashanaya Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, waxaa ka go’an inuu bixiyo hogaamin iyo iskaashi la xiriira fulinta istaraatiijiyada maalgalinta waaxdan muhiin ka ah waxayna u fududayn-doontaa ka qaybqadashada daneeyayaasha, oo ay ugu horayso Wasaarada Beeraha iyo Warabka. Sidaasi darteed, waxaan ugu baaqaynayaa dhammaan daneeyashaasha ay ka midka yihiin beeralayda,hay’adaha horumarinta, bulshada rayidka ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahayba, i nay si dhow ugala shaqeeyan dowladda sidii loo hirgalin lahaa qorshahan.Innaga oo isku duuban, waan bedeli karnaa maalgalinteenna, dhaqaalaha, iyo nolosha dadkeena. Hassan A. Farah Agasimaha SOMINVEST
2
$8,900,000 Ha DHUL LA BEERANKARO
3 WABI
MARA IN KABADAN 2,300km
7
AAD UGU
TACABKA BADAN SISINTA ADUUNKA DHAN
3,333km UGU XEEBTA DHEER AFRIKA
81.5%
TIRADA DADKU WAY KA YARTAHAY 35 SANO
600,000 Ha DHUL LAWARAABIYO
Beeruhu waxay ku kabaan wax-soosaarka guud ee gudaha 40% waxayna soo xereeyaan 50% dhakhliga dhoofka Soomaaliya. Beeruhu ma aha oo kaliya majaraha dhaqaalaha Soomaaliya balse waa nolosha dadka. Waaxdan waxay ka koobantahay tacabka dalagga, xoolaha nool iyo kaymaha, Dhoofinta wax-soosaarka beeraha Soomaaliya wuu kobcayaa, waxaana ugu badan Sisinta, Liinta iyo Mooska.
Maxaa loo maalgashanayaa Dhaqaalaha Soomaaliya? Waxaa jira fursado maalgahatol shisheeye ah oo raadinaya ganacsato soomaaliyeed oo ay wax isla Dhul maalgashadaan. Arimahan soo socda waxay xoojinayaan beereed inay Soomaaliya tahay goob maalgashi oo safka hore ballaaran kaga jirta tartanka maalgashi: • Tacabka gudaha oo aan ku filnayn dalabka jira • Waxaa jira suuqyo wax loo dhiifiyo oo Agab raadinaya dalagyadii hore iyo kuwo cusub-ba beereed • Si xoog ah wali looma maalgashan waaxdan dihin • Shaqaale jaban • Fursado hal-abuur iyo tiknoolojiyad cusub lagu samaynkaro • Dhul-beereed ballaaran oo fidin iyo tacab lagu samaynkaro • Suuq goboleed wax loo iibgayn karo iyada oo loo marayo Suuqa Dhexe ee Bariga iyo Bartama Afrika (COMESA), Urur Goboleedka (IGAD), iyo Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO) • Siyaadaha mudnaansiinta leh ee aan la leenahay Turkiga iyo inta badan Wadamada Ururka Islaamka • Udhawaanta marinada iyo dekedha dib-u-siirarka caamaliga ah • Hab isgaarsiineed fiican. • Taageerada iyo u heelanaanta Xafiiska Dhiirigalinta Maalgashiga oo ay ka go’antahay bed-baadada, ilaalinta iyo bixinta ageedyada daryeelka ka dib.
Ubax Maxamed oo goosanaysa Sallar la beeray intii uu socday tartankii tacabka beeraha ee ee Tvga ee loo yaqaanay Tartan Tacab.
Heshiisyada mudnaansiinta leh ee Turkiga iyo Ururka Iskaashiga IslaamakA
Beeraha Soomaaliya
Beeraha, Tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya
3
Beeralay da’ yar oo caws ku habaynnaysa beer-xoolaad dhexdeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dejisay sharciyo iyo xeerar la xiriira soo jiidashada maalgashiga shisheeye oo toos ah si ay uga qayb-qaataan koboca dhaqaalaha. Sanadihii u danbeeyay, dowladu waxay dadaal xoogan ku bixisay dib u eegista sharciyada si loo dhiirigaliyo maalgashi wax-soosaar baaxad leh. Qaar ka mid ah sharciyada Baarlamaanku meelmariyay waxaa ka mid ah; • Sharciga Maalgashiga Soomaaliya 2015 • Sharciga beeraha Soomaaliya 2020 • Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Adeega baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS) • Ahindise-Sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed • Xeerka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-beereedka • Sharciga Badbaada Dhir-beereedka iyo Takoorka • Siyaasadda Qaran ee BacrimiyeyaashaNational • Siyaasadda Qaran we Dulin-dilayaasha
Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta maalgashiga wuxuu gacan siiyaa, dhiirigaliyaa maalgashatada qalaad, wuxuuna aduunka u suuq-geeyaa waxyaalaha Soomaaliya soo saarto isaga oo gacan ka helaya Wasaarada Gacansiga iyo Hay’adaha kale. Istaraatiijiyada Qaran ee Maalgashigu waxuu hortabinta siinayaa maalgashiga beeraha iyo xoolaha, tamarta iyo khayraadka badda. Istaraatiijiyada Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga iyo hannaanka guud ee Badbaadada Maalgashadaha Qalaad ayaa la diyaariyay.
Suuqyada Soomaaliya waa xor taasina waxay fursad u tahay maalgashatada. Dowladda Soomaaliya waxay dadaal badan ugu jirtaa gacan-siinta ganacsiga si loo horumariyo hannanka guud ee sharciyada kaasoo taageeraya korna u qaadaya xiriirkooda suuqyada caalamiga ah iyo maalgalinta. Hay’adda Adeega Baaritanka Beeraha Soomaaliyeed iyo Xafiska Halbeegyada Soomaaliyeed ayaa la dhisay si loo Ganacsiga iyo maalgalintu waa furaha dar-dar geliyo xeerarka iyo hal-beegyada. horumarka Soomaaliya kuwaas oo xaqiijinaya inay Soomaaliya ka ciyaarto kaalin muhiim ah Sharciyadii beeraha ee dhowaan la meelisbedelka aduunka ee isku xiran. Taageeridda mariyay waxay hannan qaanuuneed kusoo hadafkaas, Soomaaliya waxay qaadatay mid kordhinayaan hab-maamulka beeraha ka mid ah sharciyada maalgashiga shisheeye Soomaaliya, waxay kaloo gacan ka ee ugu dabacsan/furfuran. Tan muhiimada gaysanayaan ilaalinta tayada beer-gashiga leh waa in sharcigan maalgashigu uu ula iyo dalagaba. Hannankan waxaa hirgaliyay dhaqmayo maalgashadaha wadaniga ah iyo dhaq-dhaqaaqa fududaynaya ganacsiga iyo ka ajnabiga ah si siman dhaqaale ahaan iyo iyo maalgashiga ee dhinaca beeraha kaas oo bulsho ahaanba. Maalgashadaha ajbaniga ah tiir muhiim ah u ah Qorshaha Horukmarinta wuxuu xaq u leeyahay dhamman dhinacyada Qaran. dhaqaalaha hadii aanuu wax-yeellaynayn ammaanka qaran, deegaanka, diinta iyo dhaqanka ama aanuu moral ahaan haboonayn. Xoolo nool oo laga dhoofinayo dekedda Muqdisho.
SIYAASADDA & SHARCIGA MAALGASHIGA
Siyaasadda Maaligalinta beeraha, Sharciga iyo Xeerka
4
Shaqaale nadiifinaysa Moos dhowaan laga soo jaray Afgooye, ka hor intaan la caabbayn si loo dhoofiyo.
Soomaaliya waxaa inta badan laga tacbaa beeraha dhul-beereedka gobollada wabiyadu maraan oo gaaraya 2,300km. sidaasi darteed, tacabka beeruhu waxay leeyihiin fursado maalgashi oo dakhli fiican keeni kara, waxaana ka mid ah: • Takhasus tacab ballaran ee dalag beerasho • Beer-gashiga iyo qalabka • Tacbashada digiraha iyo misirta • Tacbashada Qudaarta iyo miraha • Warshadaynta cuntada, qaybinta iyo dhoofinta • Beer-gashiga oo isugu jira qalab iyo tiknoolojiyadda • Silsiladda qabowga iyo keydinta • Safrinta iyo saadka • Dammanadda tayada iyo tijaabinta • Maalgainta beeraha
Tacabka ballaran ee dalaga
Tacabka Miraha Cimilada kulul ee Soomaaliya waxay ku habboon tahay tacbashada ganacsi iyo dhoofin ee miraha iyo qudaarta, iyada oo lagu beerayo deegaan cimildadiisu ilaashantahay si uu u kordho waxsoosaarku. • Miraha qiimaha sare leh sida Liinta, Canbaha, Cinabka iyo Mooska: • Moosku wuxuu ka mid yahay dalagyada qiimaha sare leh ee la dhoofiyo kharashka tacabkiisuna uu hooseeyo marka la barbardhigo wadamada Laatiin Ameerika ee ku tartama. Beeralayda Soomaaliyeed waxay tacbanayeen mooska in ka baan 100 sano. Waxa jira in ka badan 50,000 Higter oo la tacban karo, tacabka mooska iyo dhoofkiisu wuxuu leeyahay fursado faa’iido leh oo maalgashi. Mooska ka baxa Soomaaliya kuma dhacaan dulinka iyo cudurrada halista ah sidaasi awgeed wuxuu u baahanyahay inyar ama uma baahna wax kiimika ah in la adeegsado si uu u baxo, taasi waxay hoos u dhigaysaa kharashka tacabka. Intaa waxa dheer, dowladda Soomaaliya iyo Turkigu waxay kala saxiixdeen heshiis xor ah oo mudnaan leh, kaas oo ka yaraynaya canshuurta soo dejinta suuqyada. • Tacab baaxad leh iyo dhoofinta waxaa lagu gaari karaa dakhli aad u sareeya in la helo.
Biya la’aanta iyo kharashka badan ee waraabka, tamarta iyo habka ama farsamaynta ayaa inta badan tacabashada ballaran ka dhiga mid aan isbixin lana tartami karin kuwa dibadda laga keeno. Sidaasi darteed, maalgashatadu waa inay xoogga saaraan dalgyada asalka u ah Soomaaliya ama kuwa ku habboon caqabadaha cimiladeeda. Ganacsiga mooska ee aduunka waxaa laga sameeyaa USD 8 billion sanadkii. Hase yeeshee, dhoofinta caalamiga ahi waxay ka tahay 15% kaliya ganacsigaas. inta kale waxaa lagu isticmaalaa gudaha, gaar ahaan wadamada sida Hindiya, Shiinaha iyo Baraaziil.
Sisinta ka soo go'da Soommaaliya, Laguna farsameeyay Muqdishu, cabbaysan diyaarna u ah dhoofin.
Kharashka Tacabka/Hekter kii Dakhliga Sannadkii/Hekter kii
5
FURSADAHA MAALGASHI
Beeraha
Habka waraabka ee Kor ka bilbilidda (Central pivot irrigation system) oo lagu adeegsanayo beer cowsaad Soomaaliya ku taal.
Soomaaliya oo u sii fidaysa xagga magaalooyinka ayaa dhalisay baahida loo qabo cunto la warshadeeyay. Waddanku xilligan waxuu soo dejistaa cunto warshadaysan oo gaaraysa 1.5 billion dollar sannadkii, inta badan ka timaada wadama dariska iyo Bariga Dhexe. Fursad baaxad leh oo maalgashi ayaa ka jira dhicana warshadaynta beeraha waayo wadanka kama jiraan shirkado waawayn oo cuntada warshadeeya. Waxaa la wariyaa in 55 ilaa 60 boqolkiiba ay lumaan dalagga gurashada ka dib, waa arin u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Fursadaha maalgalinta ee jira; • Warshadaynta Miraha: shiididda Canbaha, casiirka, Jaamka iyo farsamaynta maraqa. Celcelis 50,000 tan oo cambe ah ayaa la helikaraa in la farsameeyo sannadkii. • Farsamaynta Qudaarta: Tacabka Yaanyada waxaa lagu qiyaasaa 35,000 MT sannadkii, kalabar ayaa la farsamayn karaa. Qudaarta kale sida sallarka iyo basbaaska ayaa iyagana la farsamayn karaa. • Dalagga saliida iyo farsamayna iniinta: Soomaaliya waa wadanka 7aad ee tacba sisinta, waxaa la tacbaa qiyaastii 500,000 MT sannadkii si loo daboolo dalabka gudaha oo ah 150,000 MT . fursad ayay leedahay maalgashiga warsadaynta sisinta si looga faa’iidaysto dheeriga. • Warsadaynta Digiraha iyo Misirta: Soomaaliya wali waxay wajahaysaa yaraanta Gallayda, Bariiska, Digiraha iyo kuwa lamidka ah, wali waxay soo dhoofsataa qiima gaaraya 600 milyan oo dollar sannadkii. • Waxaa kale oo ka mid ah Sonkorta, Burka iyo Cudbiga.
Beer-gashiga iyo Habka Waraabka Casiga ah
FURSADAHA MAALGASHI
Warshadaynta Beeraha
La’aanta shirkado caalami ah oo ka ganacsada abuurka iyo walxaha kiimikada beeraha ee wadanka ayaa siinaya maalagashatada fursado dahabi ah ee maalgashiga dhinaca beer-gashiga. Tusaale ahaan: • Tacabka abuurka iyo warshadaynta: baahida loo qabo abuur la hubiyay oo taya leh waxay ka badan 10,000mt sannadkii, waxaa jira laba shirkadood oo soo saara 1,000mt. faraqa jira waa fursad la maalgashan karo. • Dulin-dilaha: dhamman dulin-dilaha laga isticmaalo gudaha wadanka waxaa laga keenaa dibadda, waxaa jira fursad lagu samayn karo laguna suuqgaynkaro dulin-dilaha. • Bacrimiyayaal: suuqa Soomaalilya wuxuu u baahanyahay in ka badan 10,000mt oo bacrimiye ah sannadkii, laakiin waxba laguma sameeyo wadanka inkastoo walxaha laga sameeyo wadanka laga heli karo. • Tiknoolojiyadda aqalka cagaaran (Greenhouse) ka: adeegsiga kordhaya ee greenhouse ka ee beeralayda Soomaaliya ayaa wuxuu kordhiyay teiknoolojiyadda loo baahanyahay, lakiin dhamman qalabka greenhouse ka dibadda ayaa laga keenaa. • Ganacsiga waraabka iyo keydinta biyaha: waxaa jira 8.9 milyan oo hiktar oo dhulbeereed la waraabin karo Soomaaliya, laakiin kaliya 6000,000 hiktar ayaa la waraabiyaa. Sidaasi darteed waxaa jira fursad lagu samaynkaro iskaashi ballaaran oo dowladda iyo ganacsatada ah. • Cilmi baaris iyo tarmin: hadda kama jiraan Soomaaliya xarumo cilmi baaris iyo tarmin, waa qayb faa’iido badan leh loona baahanyahay.
.
Shaqaale beereed baaritaan ku samaynaya moos afyooge ka soo go’ay, ka hor intaan la farsamayn lana cabbayn si loo dhoofiyo.
Qalabka Beeraha
Silsilada qaboojinta iyo Keydinta Dhoofka dalagyada daray ah oo kordhay ayaa siyaadiyay baahida loo qabo hab qaboojinta iyo kaydinta ee wadanka. Meelaha maalgashiga lagu samaynkaro waxaa ka mid ah dekedaha Berbera, Kismaayo, Boosaaso, Muqdisho iyo Hobyo iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Hargaysa, Garowe, iyo meelaha dhowaan loo diyaarinayo in lagu farsameeyo salaga la dhoofinayo.
Maalgalinta Beeraha
Markasta oo uu kobco tacabka beeruhu, waxaa jira baahi kordhaysa oo loo qabo in la helo shay-baar sameeya tijaabo isla markaasna bixiya shahaadada tayada, fursad maalgashi ayaa ku jirta in la dhiso shay-baar gaar loo leeyahay si loo ilaaliyo tayada dalagga beeraha. Meelaha suuragalka ah in la maalgashado; • Shay-baarro: in la maalgashado shay-baar la aqoonsanyahay oo baari kara ciidda, H20, bacrimayaal iyo baarista haraaga kiimikaad. • Hay’ad shahaada bixin: dhismaha xarumaha Soomaaliya ee Hab-beerashada Habboon (GAP) ka Caalamiga ah, shahaadaha Hay’dda Caalamiga ah ee Hal-beegyada (ISO), shahaadada bed-baada cuntada. • Adeegyada Horumarinta Dhaqaalaha: kobcinta awoodda wax qabad, hanti-dhowrka, iyo habka iswaafajinta. • Shahaada siinta dhoofka: in ay si wadaag ah u maalgashadaan dowladda iyo ganacstadu si loo hubiyo tayada waxa dhoofaya ama soo degaya.
Markii uu meesha ka baxay Bangigii Maalgalinta Beeraha ee Soomaaliya sannadkii 1990kii wuxuu si xoog leh u saameeyay tacabkii beeraha wadanka, beeralaydii waxay waayeen daymihii ay ka qaadan jireen bangiyada. Inkasta oo ay dib u aasaasmeen bangiyo gudaha laga leeyahay, waxaa jirta wali fursado nidaam wadaag maalgashi ay ku aasaasi karaan dowladda, ama ganacsato aasaasi karto bangi gaar u ah beeraha. Meelaha xoogga la saarayo ay ka mid tahay: • Maalgashiga yagleelidda Bangiga Qaran ee Beeraha oo dowladda lagula shirkadoobo • Wadaaga Dowlada iyo Ganacsadata si loo bixiyo maalgalinno kooban oo lagu taageerayo beeralayda yar-yar, lana daymiyo qalabka beeraha ganacsiga ah ee waawayn iyadoo la waafaqayo Habka Bankiyada Islaamka, ganacsiyada caalamiga ah iyo maalgalin qalab.
Dammaanada Tayada iyo Tijaabinta
Shaqaale buufinaya moos la dhaqay, Afgooye.
Farsamayaqaan shay-baar oo ku tijaabinaya muunad moos shay-baar nud beerid oo Soomaaliya ku yaal.
FURSADAHA MAALGASHI
Inta badan dhamman qalabka beeraha, sida cagafta, waa la soo dhoofiyaa, celcelis 1,000 cagaf ayaa la soo dhoofiyaa sannadkii. Fursado ayaa ka jira in gudaha wadanka lagu sameeyo, in kabadan 3,000 cagaf ayay u baahan yihiin beeralaydu, sidoo kale beeraha deeq bixiyayaashu taageeraan sanndaha soo socda, iyo celceliska ugu yar ee ay iska bedelaan beerganacsiyeedku oo gaaraya 1,000 cagaf sannadkii. Qalabka ay adeegsadaan beeralayda yar-yar ayaa iyaguna dalab fiican leh, in gudaha wadanka lagu sameeyo waa fursad maalgashi.
Xoolo nool oo u diyaarsan in laga dhoofiyo dekedda Muqdishu.
FURSADAHA MAALGASHI
Moos iyo xoolo nool oo loo diyaariyay inay Soomaaliya ka dhoofaan.
Dhinacyada kale ee Maalgashi • Agabka cabbaynta: waxaa jira fursado maalgashi oo aan la dhayalsan karin ee soosaarista xaashida iyo bacaha, aluminum, dhalooyinka, caagaga iyo xaashiyaha loo isticmaalo cabbaynta. Tusaale, baahida agabka lagu cabeeyo mooska sannadkii waxay kor u dhaafaysaa 500,000 oo wal-xood ee afarta sano ee soo socota. Isticmaalka bacda ee Africa waxaa la filayaa inuu saddex jibaarmo shanta sano ee soo socota adeegsiga wal-xaha bacda ka samaysan wuu kusii kordhi doonaa Soomaaliya. • Loojistikada hawada iyo badda ee dalagga dhakhso u hallaysmikara. • Kaydinta mudada dheer
Faa’iidooyinka Maalgashiga Qalaad ee Tooska ah ee Beeraha • Waxay waafaqdaa istaraatiijiyadaha sugnaanta cuntada • Isu gud-binta tiknoolojiyada iyo kor u-qaadideeda • Shaqo-abuur iyo yaraynta faqriga • Kororka tayada iyo tirada cuntada la tacbo, taasoo xaqiijisa sugnaanta cuntada. • Beerasho baaxad leh iyo ganacsiyayntooda • Kala bed-bedelka iyo qiima ku kordhinta Wax-soosaarka
8
Geel caws ku daaqaya beer xoolaad Soomaaliya ku taal.
In laga aasaaso shirkad Soomaaliya way fududaatay ka dib markii ay Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Federalka ay daah furtay adeega E-government. Halkaas oo Maalgashatadu gancasigooda ay ka diiwaan galinkaraan website ka www.ebusiness.gov.so shahaadadana waxaa lagu heli karaa hal maalin gudeheed. Si kastaba ha ahaatee, maalgashatada shisheeye waa inay waafajiyaan ganacsigooda Sharciyada Maalgashiga Shisheeye ee Soomaaliya si ay shaqadu ugu fududaato.
Ka GANACSIGA SOOMAALIYA
Sidee looga Aasaasaa Gannacsi-Beereed Soomaaliya
9
Farsamayaqaan dayactiraya qaboojiye intii lagu guda jiray tababar ku saabsan silsiladda qaboojinta kaydka oo Muqdishu lagu qabtay.
Inta badan hantida lagu abuuro ganacsiyada Soomaaliya waxa ay ka timaadaa ganacsatada, eheladooda iyo asxaabtooda. Badanaa dhaqaale ku filan ma noqdo, waxaana loo baahdaa dhaqaale kale oo gudaha ah. Bangiyadu aad ayay isugu howlayaan inay maangaliyaan ganacsiyada la xiriira beeraha iyo cuntada beeraha ka soo go’da, iyaga oo adeegsanaya maalgalin shareecada ku salaysan. Shuruuduhu inta badan waa labo sano, laakiin way jiraan mudda ka badan intaa iyo wakhti fursad siin ah oo hore ayaa hadda soo badanaya. Xaddiga faa’iidada bangiga waxay u muuqataa inuu sarreeyo laakiin waxay la jaanqaadaan dhaqamada caalamiga ah ee suuqyada horumarinta. Ganacsiyada waxaa la rabaa sida curfigu yahay inay la yimaadaan dhul ama hanti kale oo maguurta ah dammaanad ahaan. FCA waxay maalgalisaa ganacsiga beeraha, iyo beergashiga waxay gacan ka gaysataan mashaariica baaxad leh oo u baahan ugu yaraan 111,029 Dollar lehna shuruud 5 ilaa 6 sano waxaana loo qaabayn karaa raasamaal, ama dayn la waafajinayo habka shareecada islaamka. Shuraako waxay bixisaa maalgalin ku salaysan shareecada ay ugu yartahay $100,000 ayna saarantahay faa’iido ka yar midda bangiyada. Hay’adaha Caalamiga ah ee Horumarinta Maaliyadda (DFIs) waxay bilaabayaan inay soo galaan suuqa iyagoo aad u xiisaynaya inay si ballaran wax uga qabtaan dhanacya khaas ah. Dammanadda maalgaliyaha iyo caymiska halista khaaska ayaa noqonaya kuwa la heli karo hase yeeshee waxay u baahan yihiin macaamil ganacsi oo gaaraya 10 maylan oo dollar.
Suuqa shaqaalaha Soomaaliya waxay ku faantaa bulsho aqoon iyo fir-fircooni leh, 81.5 boqolkiiba waxay ka yaryihiin 30 sano. 67 boqolkiiba oo u dhaxeeya 14 ilaa 29 sano jir waa shaqa la’aan. Nasiib wanaag, shaqaalaha wanaagsan oo howl-karka ah ee Soomaaliya ayaa soo jiidanaya maalgashatada. Qurba-joogta Soomaaliya ee sida xawliga ah ugu soo laabanaya wadanka ayaa sababay kor u kaca hal -aburka, maalgashiga iyo raasamaalka. Mushaharka bishii wuxuu u dhaxeeyaa 300 dollay ilaa 600 dollar shaqaalaha xirfadda leh, halka kuwa aan xirfadda lahaynna ay qaataan 100 dollar ilaa 300 oo dollar bishii, way ka jaban yihiin suuqa shaqaalaha ee gobolka.
Beeralay ku faraxsan liinta qurxoon ee u soo go'day.
MAALGALLINTA IYO SHAQAALAHA
Maalgalinta Dhinaca Beeraha
Yaanyo lagu beeray Aqalka Cagaaran (geernhouse) laguna waraabiyay habka tifqinta.
XIRIIRADA GUUD
Nagala soo xiriir Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cinwaan: Muqdisho, Soomaaliya Website: www.moa.gov.so/ Email: minister@moa.gov.so Tel: +25261 2266277
Adeegga Baaritaanka Beeraha Soomaaliya (SARIS) Cinwaan: Muqdisho, Soomaaliya Website: www.moa.gov.so/ Email: minister@moa.gov.so Tel: +25261 2266277
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsahadaha Cinwaan: P.O. Box 30, Muqdisho, Soomaaliya Website: www. moci.gov.so Email: ministry@moci.gov.so/ info@moci.gov.so
Xarunta Hal-beegga Soomaaliyeed Cinwaan: P.O. Box 30, Muqdisho, Soomaaliya Website: www. moci.gov.so Email: ministry@moci.gov.so/info@moci.gov.so
Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Soomaaliya Cinwaan: Afgoye Road, KM5, Muqdisho, Soomaaliya Website: http://sominvest.mop.gov.so Email: sominvest@mop.gov.so Tel : +252619111530 Beeralay reer afyooye ah oo kormeeraya dhirta mooska ah ee u soo baxaysa.
Daabacaadan waxaa suurta galiyay taageerada dadka Mareekanka oo adeegsanaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareekankanka (USAID) oo adeegsanaya USAID/Soomaaliya mashruuca GEEL. Xogta daabacaadani waxay u gaartahay Kooxda Khayraadka Caalamiga ah (a subsidiary of RTI) kamana turjumayso aragtida USAID. Ama Dowladda Mareekanka.
USAID KA TIMID DADWAYNAHA MARAYKANKA