JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA BEERAHA & WARAABKA
ﺟـﻣـﮭــﻮ رﯾﺔ اﻟﺻـﻮﻣـﺎل اﻟﻔﯾدراﻟﯾﺔ وزارة اﻟزراﻋﺔ واﻟري
FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MINISTRY OF AGRICULTURE & IRRIGATION
MAALGASHIGA SOMALIA HAGAHA TACABKA IYO DHOOFKA MOOSKA
Hordhac Moosku waa dalag ganacsi oo muhiim ka ah Somaaliya tacabkiisuna ku xooganyahay wabiga hareerihiisa. Afartan sano ka dib, mooska Soomaaliya waxa uu hananayaa booskii uu horay u joogay isaga oo guula muhiim ah ka soo hoynaya tartannada mooska suuqyada aduunka. Markii la adeegsado hab-beerista habboon, tacabka moosku aad ayuu faa’iido ugu leeyahay beeralayda Soomaaliyeed. Buuggan waxaa ku diyaarsan xog iyo aqoon farsamo oo ku saabsan tacabka iyo dhoofinta mooska Soomaaliya. Waxa uu ka kooban yahay hab-tacabka mooska ee haboon, taas oo isugu jirta naqshadaynta beerta, diyaarinta dhul-beereedka, soo go’idda ka dib iyo qaadista, farsamaynta, cabbaynta iyo daabulkiisaba. Waxaa kale oo ka mid ah khibradda shaqo ee ka badan 50 ka sano ee beeralayda Soomaaliyeed ku go’aansaden dadaalkooda dib usoo noolaynta dhoofinta mooska. Mashruuca GEEL Soomaaliya oo ay meelgaliso USAID ayaa gacan ka gaystay soo-saarista buuggan isaga oo qayb ka noqonaya dadaalka baaxadda leh ee ay ugu jiraan dib u howlgalinta mooska Soomaaliya iyo dardar gelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyhay ee waddanka Mashruuca GEEL waxa kale ee uu fududeeyay tababarka beeralayda mooska Soomaaliyeed si xal loogu helo goddaloollada tacabka, habaynta, kaydinta iyo kaabayaashaba. Taas oo la adeegsanayo golayaasha ganacsi ee heer goboleed iyo caalamiba, Mashruuca GEEL wuxuu beeralayda ku xiraa kuwa haya beergashiga, kuwa dhoofiya, adeeg bixiyayasha maaliyadeed iyo farsamo si loo kaabo fursadahooda koriimada joogtada ah iyo saamayntooda wakhtiga dheer
Mooska Soomaaliya Soomaaliya waxay leedahay taariikh moos-tacab oo gaaraysa muddo hal qarni ah. 1920 kii ilaa 30 meeyadii, kannaalo ayaa laga dhisay Shabeelada Hoose si ay uga qayb-qaataan tacabka. Labaatan sano ka dib, tacabkii ayaa ku fiday gobollada Shabeelada dhexe iyo Jubbada hoose. Tacabka moosku wuxuu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay horaantii sagaashameeyadii taasoo ahayd 188,500 mitirik tan oo moos ah lagana tacbay dhul gaaraya 6,800 hiktar, 60 boqolkiiba uu ahaa Shabeelada hoose. Xilligaas waxaa la wariyaa inay Soomaaliya ahayd wadanka ugu horreeya Afrika ee dhoofinta mooska, waxaa ku howlanaa ilaa 140 shirkado beeralay ah oo waaweyn, midkiiba uu beerijiray inta u dhaxaysa 40 ilaa 500 hiktar. Sida ku cad diiwaanka Dowladda, beeraha mooska waxaa laga tacbijiray 25 ilaa 30 Tan halkii hiktar sannadkii. Sannadka 2019, beeralayda moosku waxay tacbayaan 6,000 oo hiktar, oo u badan Shabeelada hoose. Dayactirka beera hor leh ayaa socda si ay u kaafiyaan dalabka kordhaya ee suuqyada gudaha, gobolka iyo kuwa caalamkaba. adeegsiga xirfadaha iyo teknoolojiyadda cusub, beeralayda Soomaaliyeed waxay labanlaabikaraan waxsoosaarkooda iyo dakhligoodaba, tacab ganacsiyeedka mooska Soomaliya aad ayuu u faa’iido badanyahay wuxuuna si mug leh uga qayb-qaadankaraa kororka dhaqaale.
Giraanta Tacabka Mooska Beeralaydu waa inay adeegsadaan hab-beerasho habboon waliba ay beertaan xilli roobaadka.
Tarmin iyo Beerid Moos ganacsiyeedku ma-laha abuur waxaase lagu tarmiyaa habka tallaalka. Jirridda mooska ee dhulka ku jirta way gaabantahay, waxaana loo yaqaanaa Rhizome, taas oo xambaarsan dhowr xididood. xidid kasta oo ka mid ahina wuxuu noqotaa rhizome samaysa burucyo duuban oo xiddido ah. Geedaha yaryarka ah ee latallalay ayaa waxaa loo yaqaanaa banooni curfi ahaan, beeralayda moosku waxay siibijireen/tallalijireen faraca geedka asalka taas oo loo yaqaan “Banooni”. Habka beeridda/siibidda Habka beeriddu waa kan ugu caansan Somaaliya, taas oo beeralaydu geedyaraha mooska jiridda ay u siibaan si ay u tarmiyaan dalag hor lehna ugu soo baxo. Hase yeeshee, habkani waxuu dhalinkaraa khatarahan soo socda: • Adeegsiga beeridda isla geedkii wuxuu halis leeyahay faafidd cilladihii hore ee jiray. • Dhul-beereedka loo falay habka qadiimka ah waxay kaliftaa shaqaale badan waxa ka soobaxa waxsoosaar aan midaysnayn. • Isticmaalka Banoonigu wuxuu u baahayahay dib u beerid joogta ah, taas oo laqiyaasay inay lumiso 20%-30% walxihii abuurka dhirta. • Banooniga waa in laga fujiyo geedka asalka ah • Isticmaalka yaanbo/badeel afleh oo gaarikara 1.2 Ilaa 1.5 dherer ah. Unug/nud abuuris (Tissue Culture) Beeralayda moosku waxay ku badiyaan dhirta habka abuurka nudda loo yaqaan. Abuurista nudda/unuga geedku wuxuu leeyahay faa’iidooyinkan: • Walxo dhireed isku mid ah ayay soo saaraan, koritaan, iyo dalag hadii si hagaagsan loo maamulo geedka cusub waxaa la gaaraa faa’iidooyinkaas. • Marka la soo iibsado dhirta unug/nud abuurku ma wataan wax cudurra ah, sidaasi darteed waxay meesha ka saartaa inay ku yimaadaan dhirta dullin iyo cuduro cusub.
Dalag Aasaasidda Beeralaydu waa inay sameeyaan cilmi-baaris ballaaran iyo dedaal ku haboon arimahan soo socda ka hor inta aanay bilaabin horumarinta beerashada moos-ganacsiyeedka, si loo hubiyo inay waafaqsantahay halbeegyada suuqyada loo dhoofinayo.
Xulashada Dhulka • Ka hor beerista, beeralaydu waa inay sameeyaan taxliilka ciidda dhul-beereedka. • Waxaa lagu talinayaa dhul-beereed, carro fur-fura leh oo la qoday, u dhaxayso Ph ka ciiddiisu 5.5 ilaa 7. • Waa in aanay noqon ciiddu mid isku dhaffan, ayna leedahay awood ku fillan oo ay biyaha ku xejisato. Hadii ciiddu isku dhafantahay waxaa haboon in la qodo ugu yaraan 50-70cm. • Ciidda dhoobada ah ee gaaraysa ilaa 1.5m ayaa haboon, waxay xididada moosku gaaraan guntaas. Diyaarinta dhulka Farsamooyinka saxda ah ee diyaarinta dhulka waxay fure uyihiin Wax-soosarka ugu fiican ee dalaga iyadoo abuuraysa xaaladda lagamaMaarmaanka ah ee ciidda iyo deegaan ku haboon koriimada geedka. Inta dhul diyaarinta lagu guda jiro, beeralaydu waa inay adeegsadaa wax aan bedelayn qaab-dhismeedka ciidda. Waxaa haboon in la adeegsado cagaf leh ilko 1.2m dherer ah si ay u samayso labo jeedin oo 45 digree ah, dhexdhexaad guntisa ugu haboonna ay tahay 0.80m. Tallaabooyinka dhul diyaarinta • beeralaydu waa inay carra-rogaan dhulka dhowr jeer/mar si ay u diyaariyaan carrada isku dhaffan, waxaa haboon 30cm ilaa 40cm lana adeegsanyo qalabka carra-rogga. • Inta lagu jiro dhul diyaarinta, waa muhiim in la ilaaliyo nabaad-guurka carrada. • Beeralaydu waa inay ciribtiraan jaanka/haramaha balse aanay baabi’in haraadiga nabaadka si ay u kordhiso xooganaanta walxaha dabiiciga ah ah ee ciidda ku jira. • Si loo diyaariyo carro isku dhaffan, waa in la adeegsadaa qalab gaar ah sida cagafta ilka leh. • Beeralaydu waa inay simaan dhulka intaan la beerin. ayna diyaariyaan Biyo-shuur ama biya mareen si ay isaga moosaan biyaha roobka ee saa’idka ah.
Marxaladaha koriimada Geedka • Marxaladda Banooniga: Udhaxeeya 73 and 137 Maalmood • Marxaladda Abalka/Buuniska: Udhaxeeya 73 to 116 Maalmood • Marxaladda Joobanaha: Udhaxeeya 110 to 156 Maalmood Khubaradu waxay ku taliyaan in Banooniga iyo jirridu inay yihiin walxaha lagu tarmiyo mooska, waxay kale oo kutala bixiyaan in markasta oo Banooni biyoodku (banooniga caleenta ballaran leh) uu soo baxdoba la jaro. Kubaradu waxay ku taliyaan in la isticmaalo walaxdhireed nuddiisa/unigiisa lagu horumariyay shaybaar ama Banooni si fiican loo xulay. kuwani waa sadexda nooc ee banooni ee lagu taliyo. • Maiden Heard – waa laan wayn oo aan Mira bixin. • Sword Sucker – waxay ku dhegentay geedka asalka ah waxayna leedahay caleemo sida seefta u samaysan. • Water Sucker – waxay u muuqataa inay ku dhegantahay jirridda geedka asalka ah waxayna leedahay caleemo.
Naqshadaynta dhul-beereedka Habka ugu habboon ee la adeegsado waa laydi ama afargees loona dhaxaysiinayo dhirta fogaan dhan 2.5m safafkana loo dhaxaysiinayo 2.5m, taas oo lagu beerikaro 1600 oo geed halkii Hiktar.
Siyaabaha kale waa: • 2.5m loo dhaxaysiiyo geedaha iyo 3m oo loo dhaxaysiiyo safafka, halkii Hikter 1,333 geed. • 3m loo dhaxaysiiyo geedaha iyo 3m oo loo dhaxaysiiyo safafka, halkii Hikter 1,111 geed. • 2.8m loo dhaxaysiiyo geedaha iyo 3m oo loo dhaxaysiiyo safafka, halkii Hikter 1,450 geed. • 2.7m loo dhaxaysiiyo geedaha iyo 3m oo loo dhaxaysiiyo safafka, halkii Hikter 1,550 geed. • 2.6m loo dhaxaysiiyo geedaha iyo 3m oo loo dhaxaysiiyo safafka, halkii Hikter 1,650 geed.
Habka beerashada afar geeska
Habka beeriska duljeexa lamman Habka beerashada sadex xagalka isle’eg
Nafaqada Dalagga Koritaanka dalaggu wuxuu ku tiirsanyahay nafaqada, halka ay jiraan waxyaala kale oo ka qayb qaata. Nafaqooyinka aasaasiga ah iyo kuwa heerka labaad ahba waxay lagamamaarmaan u yihiin kororka tayada iyo wax-soosaarka geedka mooska. Isticmaalka Bacrimiye isu dheelitiran ayaa loo nisbeeyaa horumarinta sida in badan la diiwaan galiyay. Calcium (Ca), Magnesium (Mg), iyo Sulphur (S) waa nafaqooyinka yar-yar ee heerka labaad ah. Nafaqada ciidda oo hooseeya ayaa caqabad ku ah koritaanka wanaagsan ee dalagga iyo waxsoosaarka. Bacriminta nafaqooyinka aasaasiga ah ayaa maamula carra-sanaanta. Nitrogen (N), Phosphorus (P), iyo Potassium (K) waa nafaqooyinka aasaasiga ah waxayna dhaliyaan waxyaaba uu ka samaysanyahay bacrimiyaha NPK. Dalagu wuxuu walxahan uga baahanyahay xaddi aad u badan, sidaasi darteed waa in lagu shubaa ciidda haddii mid ama wax kabadan ku yaryihiin. Nafaqooyinka heerka labaad waa walxo looga baahanyahay xaddi yar waxayna muhiim u yihiin guud ahaan waxtarka iyo bed-qabka dalagga. Waxay isugu jiraan Iron (Fe), Manganese (Mn), Zinc (Zn), Copper (Cu), Molybdenum (Mo), iyo Boron (B). Nitrogen ku wuxuu lagama maarmaan u yahay wax-soosaarka engegan iyo miraynta geedka, ayna ka mid tahay tirada jiirooyinka ee halkii gacan ka soo baxa.
Maaraynta Biyaha Moosku wuxuu u baahanyahay celcelis 70 mitir sadex jibbaaran oo biya ah halkii hiktar si uu baxo. Biyaha oo lagu yareeyaa waxay hoos u dhigtaa koritanka geedka waxayna sababtaa in ay baxdo mir yar oo xoodan aanna laga aqbalin suuqyada loo dhoofiyo. Waxaa haboon Biyaha roobka, biya xilliyeedka wabiga (laga tijaabiyay xaddiga milixda) iyo kaydadka biyaha dhulka hoostiisa ah. Siyaabaha biyaha loo kaydiyo waxaa ka mid ah harooyinka iyo haamaha/taangiyada. Waa muhiim in la helo hab-waraab waafi ah si looga faa’iidaysto khayraadka biyaha. Noocyada waraab ee kala duwan ee jira waxaa ka mid ah: Waaraabka bilbilidda (Micro-Jet Irrigation) Habka waraabka bilibiliddu waa in si siman biyaha loo gaarsiiyo iyadoo biya badan loo adeegsanyo cadaadis tuubbo. Waa hab tashiilaya biyaha, biyaha iyo bacrimiyahaba si siman ugaarsiinaya. Waxaa lagu talinayaa isticmaalka waraabka bilbillida ee geedka salkisa ah, iyadoo beerta loo samaynayo shabakhad isku xiran oo tuubbo ah, halkii waraabka biyaha qul-qulaya la isticmaali lahaa. Habka Waraabka Tifqinta (Drip Irrigation System) Waraabka biyo tifqintu waa habka ugu waxku-oolsan dhicana isticmaalka biyaha. Sidaa si la mid ah, waxaa loo isticmaalaa in bacrimiyaha toos loo gaarsiiyo xididka geedka. Si kastaba ha ahaatee, khubarada waraabku kuma tala bixiyaan habkan, waayo si joogta ah ayay u xanibmaan duleellada biyu ka soo baxayaan ee tuubada taasoo inta badan aanay ku baraarugsanayn beeralaydu. Waraabka Biyaha Qul-qulaya Qul-qulka biyuhu waa hab waraabka ugu waxtarka yar, beeralayda Soomaaliyeedna ay aadka u adeegsadaan. Waraabka biyaha qul-qulaya waa in biyaha lagu gaarsiyo beerta kannaalo yaryar oo dhexmaraya. Khubaradu waxay ku taliyaan in habka bilibilidda la adegsado si biyaha hab dhaqaalaysan loogu gaarsiiyo beerta.
Xakamayta dulinka iyo Cudurrada Xakamaynta Jaanka/Haramaha(Weeds) Xakamaynta haramahu waxuu lagama maarmaan u yahay beerashada mooska. Jaan/haramuhu wuxuu kula tartamaa geedka bacrimiyaha, biyaha, nafaqada, booska iyo iftiinka, sidaa awgeed, waa in la xakameeyaa. Maaraynta aan habboonayn waxay dhaxalsiisaa hoos u dhac dhaqaale, halka joogtaynta ka xakamaynta haramaha ee beerta ay horseedo wax-soosaar sareeya.
Warriiqa Beeralaydu waa inay beertaan dhir nadiif ah oo aan cudur wadan. Waxaa lagu talinayaa geedaha abuurka nudda/unuga inay u adeegsadaan walaxbeerashadooda. In dabin loo dhigo si loo dilo Warriiqa. Warriiqu habeenkii ayuu socdaa waxaana loo dhigikaraa dabin, in la ilaaliyo nadaafadda beerta waxay hoos u dhigi kartaa in dulin iyo cudurro ka dillaacaan.
Burrowing Nematode (Radopholus Similis) Waa nooca dulin ee ugu halista badan ee mooska waxyeelleeya. Calaamadaha Xididada oo dhibca madow yeesha ayaa muujiya infekshankiisa. Geedka uu sida daran u saameeyay wuxuu bololiyaa dhuuxa xididka wuuna soo dhacaa geedku markii uu gacanka bixiyo. Noocyada kale ee dulinka nematode waxaa ka mid ah Pratylenchus spp, Helicotylencus spp. iyo Meloidogyne spp. Waxay Iyana khatar ku yihiin geedka mooska. Habka loo xakameeyo • Siib keedka dulinka xambaarsan • Isticmaal dhir aan wadan dulinka nematode • Isticmaal dhirta u adkaysashada leh • U adeegso xakamaynta walxaha noolaha ka soo jeeda adoo isticmaalaya Paecilomyces Li- lacinus, waa fangas ka takhalusa nematode ka ukuntiisa, diirdiirta/, iyo kiisa waynba.
Bacteria Wilt
Fusarium Wilt TR4
Bacteria Wilt waa cudurka ugu caansan ee wax burburiya waxaana keena Xanthomonas. Calaamadihiisa • Bisayl aan waxtigisa gaarin iyo mirta oo dheecaan yeelata. • Caleemaha oo jaalle noqda, laanta lab oo engegta koriimadeeda socota, markii jirridda la jarona walax malax u eg ayaa ka soo dareerta. Habka loo xakameeyo • Goy ama siib geedka aad ku aragto calaamada cudurka si aad uga hortagto inuu cudurku ku fido dhirta kale. • Isticmaal dhir-beereed nadiif ah. Dhaq oo kululay. • Beero geed nud/ugug abuur lagu sameeyay ama banooni la daweeyay si aad uga fogaato beerashada dhir hallaysan.
Calaamadaha • Caleemaha oo jaallooba • Ubax sidaha oo liica kuna soo duubma geedka. Habka loo xakameeyo • Ilaali nadaafadda guud ee beerta, xakamay faafidda cudurka adigoo siibaya geedka cudurku gaaray. • Nadiifi qalabka, walxaha iyo dharka gabi ahaantood markii ay taabtaan geed jirran. • Isticmaal dhirta iska caabinta leh ee kala duwan, ay ka midka yihiin Caven- dish, FHIA 17, iyo FHIA 23.
Fangaska Fusarium Oxysborum wuxuu sababaa Fusarium Wilt TR4. Cudurka waxaa faafiya banooni cudurka sida, qalab cudurku gaaray, ciidda, kabaha iyo qalabka bilaha qaada oo hallaysan.
Black Sigatoka Black Siga toka waa mid kamid ah cudurrada ugu daran ee baabi’iya mooska waxaana keena fangas ka Mycosphaerella Fijiensis. Aad ayuu u yareeyaa wax-soosaarka wuxuuna saameeyaa habka qorax cunta ku samaysashada caleenta. Calaamadaha • Aad ayuu u midab dilaa, caleentana waa qalajiyaa • Miraha oo si liidata u soo baxa Habka loo xakameeyo • Joogtay kala fogaynta dhirta • Joogtay bed-qabka ciidda iyo bacriminta • Joogtay nadaafadda beerta adigoo jaraya caleemaha cudurka qaba. • Isticmaal agab-beereed nadiif ah.
Anthracnose Waa cudur lagu garto dibco hoos ugodan oo kafee ama madow ah oo ka muuqda mirta cagaaran waxaana lagu arkaa gurashada kadib, xilliga qaadista iyo kaydinta. caabuqu wuxu muuqdaa marka mirto bislaato, bar/dhibic madow, wareegsan oo xoogaa hoos u godan ayaa lagu arkaa. Barta/dhibicda dhexdeeda waxay noqotaa madow sababtoo ah waxaa ku samaysma fangus. Hadii uu qoyo, jermis badan oo leh midabka binkiga ayaa samaysma. Gudaha mirta caabuqu magaaro inta badan hadii aan miru bisalyl dhaafin.
Fiixayn/ubaxayn: Gacan bixin Ubaxayntu waa howl isku dhafan oo ubax samayn ah taasoo ubaxa qaybta dheddig ay soo baxayso markaas oo ugxan siduhu isu bedelayo mir aan iniin lahayn isaga oo aan la faxlin ama habka loo yaqaan parthenocarpy, halkaas oo koox ubax dheddig ah usafanyihiin labo saf. Ubaxyadani waxay sameeyaan “Gacan”. Halkaas oo mirtu ku samaysanto. Qaybta kale ee samaynta mirta aan iniinta lahayn way fidsantahay waxayna soo saartaa koox ubax lab ah loona yaqaan “Laace”, taas oo soo saarta faxal bacrimiya.
Sumadayn iyo kormeerid si looga hortago waxyeelada Waa muhiim in la daweeyo mooska ganacsiga loo beeranayo, iyo kan dhoofinta loogu talagalay, si loo ogaado dhirta ku habboon iyo jadwalka gurashda/goosashada. Beeralaydu waa inay u kormeeraan dhirtaas si joogta ah si ay uga ilaaliyaan dhaawacyada iyo dullinka, sababtoo ah kuwa aan dhaawaca lahayn kaliya ayaa ku haboon dhoofinta.
Dedidda iyo go’ynta Gacanka Cayayaanka iyo dabayshuba waxyeello ayay gaarsiiyaan, nabar iyo xoqniin ayay u yeelaan miraha mooska soo baxaya. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah GBPP in la geliyo gacanka mooska bac khafiif ah(polyethylene) si loo goosto moos taya sare leh oo la dhoofinkaro.
Maaraynta mooska la dhoofinayo goosashada iyo goosashada ka dib Xilliga Goosashada Mooska Mooska waxaa la goostaa inta badan sanadka oo dhan. miraha moosku waxay yeeshaan muuqaalkiisa lagu yaqaan iyaga oo wali cagaar ah, taasoo tartiib usoo laabma marka kasta oo uu sii bislaado. Muuqaalka jiirooyinka moosku waxay muujiyaan heerka bisaylka mooska markasta oo mirtu soo laabanto, ayay sii bislaataa. Faraha waxaa loo tixgeliyaa inay bislaadeen oo laguran karo marka ay cagaar noqdaan oo ž ay soo laabmaan (75% bisayl).
Hagaagsanaanta Cadka/Hilibka Mirta Issue Midabka Cadka/hilibka
Cad Kareemka
Heerka Mirta buuxda
Description Hadii midabka cadka mirtu u ekaado Kareemka gaar ahaan dhidibka dhexe, lama qaato Cadku wuxuu lumiyaa adkaantisa. Uma adkaysankaro in la tuujiyo
Risk Mirto waxay bisalyka bilowday intaan la soo jarin.
Mirtani waa mid sifiican u kortay ama iyadoo curdin ah aan lasoo jarin.
Mirta jir ahaan wayn koriimadeedina dhamaysatay waxay isu bedeshaa jaalle inta suuqa loo sii wado. Mashaakil ka dhasha kala soocidda miraha diyaar ka u ah in la gurto ama habbeerashada dhirta.
Astaamaha dhiman/dheeriga ah Mirta la baaray waxay noqotaa mid heerkii la rabay ka hoosaysa ama ka saraysa marka lagu abla-ableeyo qalabka Kaliber ka.
Mirtu waxay bisalyka bilowday intaan la soo jarin.
La socodka Tayada Mirta Gurashada Kahor: Miraha ay tahay in la tuuro • Mirta aadka u da’weyn: waa kuwa cabirkoodu uu sareeyo ama hooseeyo ee nidaamka goosashada • Miraha Bislaaday: cadkoodu jilcay jiirooyinkuna isbedelaan • Miraha in ka badan 50% hallaysmeen • Gacanka jiiro ama ka badan fangus saameeyay • Gacmaha leh wax gubasha ah in ka badan 50% farahooda ayna sababeen wax-yaallo kiimika ah. • Miro la guray xilli aan ahayn mudda gurashadoodii • Gacmaha aan lahayn midab lagu sooco oo muujinaya cimrigooda jir ahaaneed.
Sida loo goosto mooska • Adiga oo adeegsanaya maqar, u go’y gacanta si taxadar leh kuna qaad xariga safrinta. • Jawaan ku rid si aad ugu qaado xariga safrinta loogana ilaaliyo dhaawaca inta loo safrinayo halka lagu cabbaynayo. Khubaradu waxay ku taliyaan in la adeegsado xariga safrinta marka gacanka la safrinayo. • Ku calaamadi xarig midabaysan si loo garto loona diyaariyo miraha xamuulka loo dirayo, waxaa kaliya la xulanayaa gacmaha shuruudaha buuxiya si loogu diro farsamayn. • Diiwaangeli gacanka culayskiisa, xilligii la gooyay, iyo halkii laga soo jaray, iyo xog kale oo dheeri ah.
Jiiro goyn, dhaqid iyo cabbayn Miraha soo gaara xarunta cabbaynta iyadoo la adeegsanayo xariga safrinta iyo rimoorka cagafta. Marxaladdan, beeralaydu waa inay qaadaan dhow tillaabo oo muhiim ah si ay u hubiyaan bed-qabka iyo tayada cuntada.
Goobta lagu kala Xulo Miraha Tallabadan, hab isku dhafan oo silsilad xarig ah ayaa ka jirta goobta cabbaynta oo ka bilaabanaysa farsamada mirta gacanka looga jarayo, waa farsamada looga jarayo gacanka jiirooyinka mooska ah. Iyadoo la adeegsanayo maqar afka hore ka xoodan ama baangad xoodan oo af leh, waxaana loogu hor jarayaa jiirada hoose.
Dhaqidda • Adeegso biyo nadiif ah oo la cadaadiyay ama biyo haan/taangi ku jira ilaa 15 daqiiqo • Isticmaal biya koloriin lagu daray iyo bulush jilicsan si aad ugaga qaado dhegdhegga ku qalalay. • Markaad nadiifinaysid, ha adeegsan walax dhaawac gaarsiinkarta mirta dusheeda. • Xaqiiji inaan bisaylka mirta la dedejin iyadoo laga xulanayo jiiro gacanka labaad ama lakala qaybinayo. • Gacanka kaga go’y adiga oo isticmaalaya maqar biya jeermiska laga dilay dhexdood. • Iska reeb miraha aan waafaqsanayn astaamihii loo baahnaa, sida cabirka, dullin daawacay, iyo cuduro iyo waxyaalo kale, ka saar taangiga oo kurid taangi kale.
Dawayn • Markaad nadiifiso miraha ka dib, isticmaal fangus dile is aad uga hortagto jeermis ku samaysmikara intii la kaydinayay ama la safrinayay. • Fangas dilaha sida, Thiabendazole iyo Alum ayaa loo isticmaalaa si looga ilaaliyo fangaska iyo bakteriyada sababta cudurka crown rot ka. waxlaha awoodda leh ee ku jiraThiabendazole waa 2-4 (4-Triazolyl) Benzimidazole, iyo (NH4) Al(SO4)2 Alum ah. • Fungas dilayaasha kale ee isla howshaas qabta waa my- clobutanil iyo azoxystrobin. • Milanka diyaari 24 saac ka hor wakhtiga cabbaynta.
Koox-kooxayn • U diyaari miraha koox-koox sadex ilaa todoba xabo, hadba sida looga baahanyahay suuqa, ku rid markaa tareelada mooska. • Kala sooc tareelada, si ay u qaadaan mooska yaryar, dhexe iyo kuwa waawayn. • Jeermiska ka dil tareelada iyo meelaha miruhu iska haystaan, taasi waxay ka hortagtaa fiditaanka fangaska iyo bacteriyada, waxayna xaqiijisaa bed-qabkooda. • Ku dheji calaamad mooska taa soo cadaynaysa noociisa ka hor inta aan cartoonka lagu ridin.
Cabbayn • Faahfaahinta cabbaynta ee suuqa dhoofinta looga baahanyahay waxaa ka mid ah tayada, qaabka loo cabbeeyo, dawaynta gurashada ka dib iyo shahaaadada sumadda. Shaqada cabbayntu waa in aanay miraha gaarsiin nabarro iyo inay dheecaan sameeyaan • U cabbay mooska la dhoofinayo saddex ilaa shan saf, hal kii kartooba uu ka koobanyahay ugu badnaad 15 kooxood ama 100 xabbo oo moos ah. • ku shaabaday kartoonka warshadda cabbaysay numberkeeda, meesha lagu cabbayay iyo taariikhda.
Shixnadda iyo Saadka Moosku waa mira jilicsan una baahan taxadar marka la safrinayo. Waxaa la tixgaliyaa fogaanta u dhaxaysa dekedda laga rarayo iyo tan uu u socdo ayna keeni karto inuu mudda dheer jidka kusii jiro, cimilada miraha mooska oo la ilaaliyaa waxay kordhisaa cimrigiisa iyadoo raajinaysa bisalykiisa inta uu xamuulka ku sii jiro. Mooska hakad-bisayl ayaa lageliyaa inta uu shixnadda ku sii jiro. Kontaynarada qaboojiyaha leh waxay sameeyaa isku dhaf ku haboon oo ah oksijiin iyo Karbon labo oksaydh. Taasoo hoos u dhigta neefsiga mooska cagaaran inta safarka uu kujiro. Waxayna ku gaaraan goobtii loo waday xaalad bisayl oo wanaagsan. Goobta istaraatiijiga ah ay Soomaaliya dhacdo ayay kaga guulaysanaysaa wadamada kale ee dhoofiya mooska oo ay sabab u tahay dakedda Muqdisho.
shixnadaha qaarkood sida caadiga ah waxay qaataan wakhti kabadan 25 maalmood, lakiin inay ka yaraato ayaa habboon. Marka lagu baaro dekedii uu u socday, gaaska ethylene ka ayaa loo isticmaalaa si loo bisleeyo mooska mudda kusiman afar ilaa shan maalmood ka hor inta aaan lagayn dukaanada.
Sifooyinka iyo Shuruudaha Suuqa loo dhoofinayo Shahaadada maaraynta tayada waa shuruuda suuqya badan oo wax loo dhoofiyo. Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa sidii loo dhisi lahaa hay’adihii maamulilahaa bed-qabka iyo caafimaadka waxyaabaha cuntada ah, ay ka mid yihiin wax-soosaarka beeraha. Xeer qaran iyo hal-beegayada bad-gabka cuntada ayaa loo dejiyaa inay xaqiijiyaan habraaca bad-baado ee dhamman marxaladaha silsilada dirista cuntada. Shirkadaha gudaha, kuwa dhoofiya, kuwa soo saara iyo kuwa tafaariiqeeyaba, waa inay waafaqaan halbeegyada ay suuqa iyo xeerku uga baahan yihiin. Fahan fiican oo aad suuqayada ka haysato, gaar ahaan suuqyada Turkiga iyo bariga dhexe, wuxuu fure u yahay gaarsiinta dalagii saxda ahaa. Beeralayda mooska iyo shirkadaha dhoofiyaba waa inay u diyaariyaan dalagooda iyo sililadda diristaba si ay u waafaqaan sifooyinka looga baahan yahay, iyagoo isku dhafaya hab-maamulka tayaynta ee ugu wax ku-oolsan. Dhamman qorshayaasha ganacsi iyo suuqgayneed waxay u baahanyihiin farsamo ilaalin si loo kor joogteeyo, loo qiimeeyo loona bed-bedelo habkaas hadba baahida jirta awgeed. Joogtaynta tayadu waxay lagama maarmaan u tahay tacabka moos faa’iido keena, waana tan kowaad ee buugani diirada saarayo. Hal-beegyada hortabinta leh ee laga filayo suuqyada wax loo dhoofiyo waxaa ka mid ah; • Joogtaynta hab beerasha Suuban (GAP) Daabacada 5aad ama mid uun oo ka dambeeyay • Falanqaynta Khatarta iyo bar kontoroolka adag (HACCP) • Hab Maamulka Bad-baada cuntada (ISO 22,000) • Nidaamyada raad-raaca • Shahaadada caddaynaysa dabiici ahaanshaha Mooska ee suuqya gaar ah
falanqayn Ganacsi Moosku waa ganacsi faa’iido leh, inta badan beeralaydu way ka faa’iidaan tacabkiisa. Dalabka moosku waa ku sii kordhayaa suuqyada gudaha, gobolka iyo caalamkaba. Dhowaan wuu kacay qiimaha aduunka uu ka joogo, gaar ahaan Bariga Dhexe. Kuwa dhoofiya waa inay isha ku hayaan qiimiha uu aduunka ka joogo marwalba, waxaase muhiim ah ka hor inta aanay la gor-gortamin gataha.
Suuqa Gudaha Qiimaha suuqa gudaha waa is bed-bedelaa hadba xiliga la joogo. Garaafka hoose wuxuu muujinayaa celceliska qiimaha xilliga mooska ee Muqdisho.
Suuqa Caalamiga ah • Sidoo kale wuu isbed-bedelaa qiimaha suuqa aduunku iyada oo hoos u dhaco qiimuhu inta u dhaxaysa Juun iyo Sebtember sannad kasta. • Dhoofinta moosku aad ayuu faa’iido ugu leeyahay beeralayda Soomaaliyeed maadaama qiimuhu uu ka badanyahay boqolkiiba 80 marka suuqyada gudaha lagu iibiyo.
Guudmar Mooska Dunida Tacabka iyo Suuqyada • Moosku wuxuu ku baxaa 20 digrii ee Dhulbaraha, wuxuu u baahanyahay qiyaastii 5cm oo biyo ah asbuucii, roob ama waraab midkood. Wuxuu si fiican ugu baxaa heer kul u dhaxeeya 26° iyo 30°C, wuu ku shaasha-baxaa heer-kulka u dhaxeeya 15° iyo 37°C. wuxuu ku koraa ciid carro-san ah aan cusbadana xamillin. • Dhoofka Moosku caalamka wuxuu gaaray 16.5 Malyan oo tan sanadkii 2012, taasoo ka dhigan in 15% la dhoofiyay inta kalena gudaha lagu isticmaalay. In kasta oo Hindiya ay tahay wadanka ugu tacabka badan Mooska, Ekwador waa wadanka ugu dhoofinta badan. Costa Rica, Guatemala, Philippines, iyo Colombia iyaguna aad ayay u dhoofiyaan. Woqooyiga Mareekanka, Yurub, Jappan iyo Bariga dhexe waa suuqyada ugu muhiimsan ee Mooska loo dhoofiyo. • Mooska waxaa lagu shixnadaa konteenar qaboojiye leh oo 40 cagood ah isagoo cagaaran 1000 Kartoon oo moos ah ayaa lagu ridaa. Inta badan suuqyada, halkii kartoon oo moos ah culayskiisu waa l40lbs ama18.2kg, lakiin Japan iyo Bariga dhexe waxay adeegsadaan kartoon culayskiisu yahay yahay 13.5kg.
Su’aalaha inta badan la is waydiiyo (FAQs) Sidee loo midaynkaraa walxaha beerashada?
Beeridda nudda/unuga ee dhitra mooska marwalba waa iskumid sidaasi darteed dhirta soo baxdaa isku cimri ayay noqonayaan.
Malagu kordhin karnaa wax soosaarka iyadoo la adeegsanayo habka abuuridda nudda/unuga ? Maxay yihiin hababka ugu caansan ee dhirta lagu tarmiyo ? Kharash intee le’eg ayuu ku kacayaa beerita hal Higter oo moos ah? Moosku mayahay dalag laga faa’iido? Mudda intee le’eg ayaa lagu gurtaa Mooska? Hal-beegyadee ayaa looga baahan yahay beeralayda inay waafaqaan? Soomaaliya ma u dhoofisaa moos Yurub?
Haa. Waxay ku gaarsiinkartaa koror mugleh oo gaaraya 45 boqolkiiba waayo geedka baxaya wax cudur ah malaha.
Maxay tahay shahaadada phytosanitary ga?
Waa dukumenti ay soo saarto Wasaarada Beeraha kormeer iyo baaritan ka dib taasoo xaqiijinaya shahaada siinta iyo u hogaansanaanta shuruudaha wadanka loo dhoofinayo.
Tallalidda iyo abuuridda Nudda.
qiyaastii $3,200.
Haa. Beeralaydu waxay ka helaan celcelis $11,000 Higter kii. Sida caadiga ah 9 bilood markii dalaga la beero. Hal-beegyada bed-qebka iyo Caafimaadka dhirta ayaa maamula suuqa caalamka, halka ay jiraan hal-beegyo ay leeyihiin suuqyada khaaska ah ee miraha Maya, sababtu waxay tahay hal-beegyada adage ee ay dhigteen oo ah dhinaca soo dejinta dalagyada beeraha. Si kastaba ha ahaatee, Wasaarada Beeraha oo dejisa habraacyo adag iyo u hogaansanaanta fayo-qebka iyo Caafimaadka dhirta, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay mooska dhoofiso.
Daabacaadan waxaa suurta galiyay taageerada dadka Mareekanka oo adeegsanaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareekankanka (USAID) oo adeegsanaya USAID/Soomaaliya mashruuca GEEL. Xogta daabacaadani waxay u gaartahay Kooxda Khayraadka Caalamiga ah (a subsidiary of RTI) kamana turjumayso aragtida USAID. Ama Dowladda Mareekanka.
USAID KA TIMID DADWAYNAHA MARAYKANKA