Bukhara Publications/Tel: 078 672 7797/Fax: 086 651 2125 Email: islamicfocus@gmail.com/Korsten/Port Elizabeth
Waxaan kutalin lahaa in qofku cuno saddexdiisa waqti cuntooyinkaan soo socda: QURAACDA: Subaxa hore isku day inaad maalin walba cabtid ugu yaraan koob biyo caadi ah inta aadan wax kale afka saarin, kadib haddaad heli kartid mushaali ama Boorash ka kooban noocyada dhirta dabiiciga ah oo dhan, barqadii oo kale Bataati cun, haddaad koob shaax ah oo bigeys ah ku dartidna kaba sii fiican. Sagaal faa’ido oo bataatigu leeyahay halkan ka akhri : http:// www.care2.com/greenliving/9reasons-to-love-sweetpotatoes.html QADADA: Waxaan rajaynaya in qofku ku joogi karo intaas aan kor kusoo sheegnay illaa xilliga qadada. Soor ama Ugaali caano geel oo dhay ah lagu darsaday ama Maraq aan dufan badan lahayn lagu daray ayaa ugu habboon, haddii muufo galley la shiiday laga sameeyey oo maraq aan
Issue 2
2
AKHBAARTA CAALAMKA
3
SIIRO
4
SUAALO IYO JAWAABO
5
ADVICE
6
RAMADAAN TIMES
Igniting the Spirit of Islam June 2014
saliid badan lahayn lagu iidaamay aad heli kartidna aad bay qado dhamaystiran unoqon lahayd. Biyaha cad xlliga qadada si aadan iska badinayn ucab. CASHADA: Xilliga cashada ma haboona inaad qaadato cuntooyinka culus waxaana fiican inaad ku gaabsato cunto fudud oo calool gashi leh, sida xabad Jabaati ma caysh ah iyo koob bigeys ah. Waxaana aad cunaysaa xilli hore si aad useexato adiga oo calooshaadu yara maran tahay gaajana aysan ku hayn. Biyaha caadiga ah oo la cabbaa xilliyada udhaxaysa waqtiyada cuntada la cunayo faa’iido dheeri ah ayey leeyihiin. Waxaa laga yaabaa inay dad badan is waydiinayaan hilibka iyo goorta la cunayo. Guud ahaan hilibka cunitaankiisa oo la badsado caafimaadkaaga ayuu waxyeelaynayaa maadaama in la burburiyo waqti dheer qaadato, sidaas darteed hal mar ka badan inaad maalintii cunto ma
haboona haddaad iska daysana kaba sii wanaagsan. laakiin waxaad arkaysaa qof saddexdii waqtiba hilib cunaya markaasaa laga yaabaa in kii hore oo aan wali la jajabin mid kale ka daba geeyo oo calooshii nafis waydaba isaga oo markaas uu ku dhacayo daaco qurun iyo calool majiir badan inleen waa calool nafis loo diidaye, Nebiguna waa uu sheegay oo waxaa uiu xadiis ku cabiray in caloosha loo qeybiyo saddex qeybood: QEYB CUNTO LA GELIYO, QEYB CABITAAN LA GELIYO IYO QEYB QOFKA KA NEEFSADO. Gunta iyo gunaanadka maqaalkan, waxaan Alle waydiisanaynaa inuu nasiiyo cimri dheer iyo cibaado suubban aana Alle ka baqno meel kasta oo aan dunida ka joogno, muhiimad weyna waa inaan siinnaa caafimaadkeena iyo sida uu uwanaagsanaan karo. W/Q: SACIID FAARAX
Scan the QR code with your cellphone to go to our website: www.islamicfocus.co.za
BISMILLAH WHOLESALER
ALJAZIIRA RESTAURANT
135 Durban Rd Korsten
123 DURBAN RD KORSTEN
Doqoni calaf maleh, Danbeeye magaadho. Dhamaan soomalida waxaan, ogaysiinaynaa in dukaankaygu beec ama iib yahay, qoŅii danaynaya. kusoo dhawoow gacma furan iyo qiimo macquul ah, sidoo kale kusoo dhawoow ganacsi macquul ah.
NAAXI NAFTAADA Bariis, Baasto, Mallaay Digaag, Waslaat, Ceesh iyo waliba Sharaab kalanoocnooc ah oo ku qancinaya. Shaqaale loo carbiyay caawinta, macaamiisha waxaa intaa kuu. dheer special tea iyo waliba coffee.
073 555 8822
071 035 9659
Islamic Focus