Maxaan galabsadee la'iga goynayaa

Page 1

MAXAAN GALABSADEE LA’IGA GOYNAYAA? ISMAIL ABDILLAHI AW A LI


Copyright Title book: MAXAAN GALABSADEE LA’IGA GOYNAYAA? Author book: ISMAIL ABDILLAHI AW ALI

ISBN 978-91-87223-21-1 © 2013, OMHASSAN BOKFÖRLAG Maxaangalabsaday@live.se ALL RIGHTS RESERVED. This book contains material protected under International and Federal Copyright Laws and Treaties. Any unauthorized reprint or use of this material is prohibited. No part of this book may be reproduced or transmitted in any form or by any means, electronic or mechanical, including photocopying, recording, or by any information storage and retrieval system without express written permission from the author.


Buuggan waxa aan si maamuus leh ugu hibeeyey inantayda aan aadka u jecelahay ee Sagal Ismail Abdillahi



Magaca

Bogga

IS-BARASHO ……………………………………………………........3

DALXIIS …………………………………………………………….....8

BALQIIS …………………………………………………………........32

FIRXAD…………………………………………………………….....103

FARAJ……………………………………………………………........116



Mahadnaq Waxa mahad iska leh ilaahay oo ii suurtogeliyay in aan dadka usoo bandhigo buuggan. Marka xigta waxa aan aad ugu mahad naqayaa lammaanahayga nolosha oo taageero iyo dhiirigelin ila garab taagnayd iiguna samirtay wakhtiga dheer ee aan ku lumiyey qoraalka buuggan. Waxa kale oo xusid mudan qoyskayga oo dhammaantood ii garab taagnaa si hagar la’aan ah. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kaalin dahabiya kaga jira buuggan ayaan leeyahay ilaahay hakaa abaal mariyo waxqabadkaaga.

1


2


IS-BARASHO Deeq waxa uu ka dhashay reer ladan, aabihii waxa uu dhintay isaga oo afar jir ah. Hooyadii Milgo ayaa soo korisay, wax caruur ahna lama uu dhalan. Milgo waxa ay aad u jeclayd odaygeeda, geeridii ku timid saygeedu waxa ay ku dhalisay jacayl aad u badan oo ay u qabto wiilkeeda. Waxa ay ballan ku qaaday in wiilkeedaas aanay u keenin nin deelqaaf iyo hanjabaad soo gaadhsiiya. Dhowrkii sanno ee ka dambeeyay geerida saygeeda waxay wadada marisay dad badan oo isku dayay in ay guursadaan iyada. Milgo waxa ay ahayd guri joog markii uu saygeedu noolaa, balse wixii ka dambeeyey geeridiisa 1984-kii waxa Milgo kusoo faruurmay aduunyo iyada ku cusub oo la odhan karo waxa ay saa’id ku noqotay xanuunkii hore ee hayay. Hal sanno kadib, markii Deeq uu ahaa 5 jir ayay Milgo go’aansatay in ay xaaladda wax ka bedesho waxaanay reerkii ay wiilka u dhashay usoo jeedisay fikrad odhanaysa in haddii ay rabaan in ay reerka wax taraan ay meherad u furaan iyada. Reerkii oo ay hogaaminayaan labadii ay dumaashiga ahaayeen ayaa arrinkii dhammeeyay. Laga soo bilaabo wakhtigaas illaa iyo maanta oo uu Deeq yahay 27 jir, Milgo nolosheeda si fiican ayay ugu filnaatay. Meheradii maalintaas loo furay afar kale ayaa weheliya. Deeq jacaylka hooyadii u hayso uu ogsoon yahay, isagana ilaahay waalid-caaq kama dhigin. Dadka

3


qaar hadaad waydiiso, Deeq waxay u yaqaanaan ”ina Hooyo” isaguna uu ka war qabaa. Wakhtigan hadda la joogo Deeq isaga ayaa gacanta ku haya ganacsiga, Milgona wixii talo ah mooyaane wax kale kuma darsato. Kalsooni ay siisay ayuu ku caano maalay. Intabadan Deeq waxa uu joogaa oo uu ka dhex adeegaa dukaanka ugu weyn. Halkaas waxa kala shaqeeya laba wiil oo kale. Cali Xiiqsane iyo Mahad Ilays. Cali iyo Mahad waxa ay wakhti dheer is yaqaaneen Deeq, waana labada qof ee ugu dhow isaga, sir kasta oo uu Deeq leeyahayna way ogyihiin. Cali Xiiqsane sida magacaba laga daalacan karo waa qof fudud, hadalka yidhaahda gadaalna ka fikira balse maskax badan. Mahad aad ayuu u degan yahay, aad ayay dabeecadahoodu isaga soo horjeedaan. Mahad caqli xumo ma hayso balse wakhtiga uu fikiro waa goor xeedho iyo fandhaal ay kala dhaceen. Deeq labadaba aad ayay isku yaqaanaan muddo dheerna jaar ayay ahaayeen. Dhan marka la eegana saddexdoodu si fiican ayay isu dhammaystiraan. Deeq dabeecad iyo akhlaaq aad u fiican ayuu leeyahay, waa qof deggan sida hooyadii, wixii aan dantiisa ahayna maba galo. Qof dabeecadiisa boqolkiiba boqol yaqaanaa ma jiro. Dadka inta yaqaanaa waxay u yaqaanaan wiil edaab leh, qof aan ku mashquulin wax aan macno lahayn. Deeq uu hadal gaaban yahay, lagama yaabo 4


in uu wax walba fikrad ka dhiibto oo uu ka hadlo laakiin marka uu wax ka hadlo dadku way dhagaystaan. Waa qof soo jiidasho leh marka uu hadlayo kana fiirsada oo miisaama hadalkiisa intaanu odhan. Dadka qaar waxay moodaan in aanu waxba la socon balse wax ka qarsoon ma jirto. Inta badan waxa uu is weydiiyaa oo uu shaki ka galaa waxyaabo badan oo bulshada uu la nool yahay caadi ka ah. Waa qof marka wax loo sheego jecel in uu ogaado sababta oo aan iska qaadanin wax kasta oo loo sheego. Deeq siyaasadda aad ayuu u neceb yahay mana xiiseeyo. Doorashooyinkii ka dhacay dalka mid keliya ma uusan codayn. Kama aha in aanu fahamsanayn muhiimadda doorashada iyo qiimaha dimuqraadiyaddu ay leedahay balse waxa uu aaminsan yahay in hogaamiyeyaashu ay isku wada mid yihiin oo aanay fahamsanayn sababta loosoo doortay. Dhallinyarta asxaabta ay yihiin way ku dacaayadeeyaan oo waxay ku tilmaamaan in uu yahay qof aan waxba ka ogayn halka uu dalku marayo. Xiiqsane isagu uu ka duwan yahay waana dadka aadka u xiiseeya siyaasadda uguna qaylada badan marka la doodayo. Haddii waxyar aad dhagaysato marka uu hadlayo waxaad moodaa in uu khabiir wayn ku yahay waxa uu ka hadlayo waxana taas u sahlaysa habka uu u doodayo. Xiiqsane waxa kale oo uu kaga duwan yahay Deeq, waa nin waayuhu soo tabobaray. Reerkoodu danyar ayay ahaayeen mudo dheer, aabihiina miyiga ayuu gabadh 5


minyaro ah ku qabaa. Intii uu yaraa hooyadii xoolo uu odaygu dhaqdo ayay iib geyn jirtay. Markii uu weynaaday ayay Milgo kula talisay Deeq in uu inanka shaqaalaysiiyo, Deeqna fikirkiisa way ku jirtay arrintaasi. Xiiqsane iyo Deeq waxay wada shaqaynayeen todobadii sanno ee u dambeeyey. Balse Mahad 2 sano ayuu ka dambeeyey oo waxay wada shaqaynta bilaabeen markii uu sannadku ahaa 2002-dii. Mahad dhowr sanno ayuu ka yar yahay labadooda. Aabihii iyo hooyadii way joogaan gabadh 10 jir ahna waa la walaal. Sida ay saddexdani ugu kala duwan yihiin waxyaabo badan oo nolosha ku saabsan ayay kala fikrad ugu yihiin jacaylka. Mahad waxa uu saaxiibadii kaga duwan yahay, waxa uu aaminsan yahay in jacaylku wax jira uu yahay. Xiiqsane isagu jacaylka waxa la yidhaa kama helo sidiisaba. Waxa uu rumaysan yahay in uu jiro wax xiiso la yidhaahdo balse jacaylka weyn ee laga sheekeeyo uu yahay wax dadku iska samaysteen. Mahad iyo Deeq way ka dhow yihiin Xiiqsane. Deeq wuxuu aaminsan yahay in jacaylku jiro balse qof kasta aanu ku dhicin. Wada shaqaynta ka dhaxaysa saddexdoodu aad ayay u caan baxday waana dad lagu yaqaan dedaal iyo wax wada qabsi. Xidhiidhka dhexdoodu aad ayuu u badan yahay, haddii

ay

wada

dabeecadohooduba

joogaan u

iyo

kala 6

haddii duwan

kaleba.

Sida

yihiin

ayay


riyooyinkooduna u kala duwan yihiin. Xiiqsane waxa lagu qaatay qurbaha. Wuxuu aad u jecel yahay in uu waddanka ka dhoofo gaar ahaanna yurub uu tago. Waxa uu mar walba ku doodaa in waddanka aanay waxba oollin qofkii horumar gaadhayaana uu qurbaha ku gaadhayo. Dabcan fikraddaas saaxiibadii way kasoo hor jeedaan. Mahad qurbaha isaga laftiisu ma necba balse waxa uu rumaysan yahay in wixii uu hadda u baahnaa uu haysto mustaqbalkiisuna uu fiican yahay balse haddii safar yurub ah uu usoo baxo aanu diideen.

Deeq

qurbaha

aad

ayuu

u

neceb

yahay.

Arrinkaasna kuma heshiiyaan isaga iyo Xiiqsane. Deeq waxa uu isku dayaa in uu ka dhaadhiciyo saaxiibkii in qurbahaba ay joogaan dad aan waxba qabsan oo qofkii dadaalayaa dalka dhexdiisaba uu wax ka noqon karo. Arrintaasi dabcan uma cuntanto Xiiqsane hadalkooduna saacado ayuu qaataa hadii aanu qof adeeg doonayaa kasoo gaadhin.

7


DALXIIS 5-tii april 2007, maalin khamiis ah. Waa maalin ay sugayeen dhammaantood. Qorshaha ay maalintaas lahaayeen waxa uu ahaa in ay safar ugu baxaan magaalada Berbera gelinka dambe. Halkaas ay soo joogaan jimcaha kana soo laabtaan habeenimada sabtidu soo galayso. Markii ay saacaddu ahayd afartii galabnimo, saacad kahor xilligii ay xidhi lahaayeen dukaanka, ayuu Xiiqsane is hayn kari waayay. -

Waar niyow maanta imika ma xidhnaa oo dee ma dhaqaajinaa? Eeg wakaase, ayuu si hoose u yidhi Mahad.

Deeq wax jawaab ah muu bixin waxaanu hore kasii watay xisaabintii uu ku jiray isaga oo iska dhigaya in aanu maqlayn hadalka. Xiiqsane markii uu jawaab waayay ayuu ku jeedsaday gabadh soo gashay oo uu hadalkiisii macaanaa hore ka bilaabay. Deeq inta uu dhoosha ka qoslay ayuu hawshiisii sii watay. Wakhtigu markii uu ku dhawaaday xilligii xidhitaanka dukaanka ayuu inta uu Deeq buugii uu wax ku qorayay si xoog ah u xidhay uu ku dhawaaqay: -

Dee ina mariya waa saxe.

Intuu Xiiqsane soo booday ayuu yidhi: -

Imikaad jidkayga kusoo dhacday sow maaha? Waar haaye inaga mariya meesha. 8


-

Hayee inta aan intaas dhamaynayo laydhadhka iyo waxaas sii bakh-bakhtiiya, ayuu Mahad ku yidhi isagoo qalin gacanta ugu jiro dhowr diracna miiska u saaran yihiin.

Si degdeg ah ayuu hawshii nin waliba usoo gebo-gabeeyey iyadoo ay ka muuqato in nin waliba waxa uu qabanayo garanayo, albaabka ayaana lagu kulmay. Saacaddu shantii ayay iska gaadhay. Xiiqsane ayaa si aad u cod dheer oo isaga uun u gaar ah u jimicsaday inta uu gacmaha madaxa dushiisa

isugu

keenay.

Cadceed

gaaban

baa

haysa

wejiyadooda Deeqna indhaha ayuu big-big ka siiyay isagoo fallaadhaha qorraxda indhaha kala maagaya dhankii gaadhigana uu u dhaqaaqay. -

Ma dhaqaajinaa? Ayuu deeq yidhi inta uu daaqada hore furay. Alla yaa allaah, ayuu si hoose u yidhi Mahad isagoo dabada kursiga kula ordaya. Horto dee gurigii inasii mari aynu yara maydhmaydhannee, ayuu Xiiqsane u celiyay. Iyada oo la wada aamusan yahay oo nin waliba kaligii

mashquulay ayuu Deeqna maskaxdiisa ku foofay. Iyagoo aan dareemin ayay gurigii soo gaadheen loona baratamay afaafka guriga. Cod xaafadda ka caan ah oo naxariis ku dheehan tahay ayaa gudaha guriga kasoo baxay. Waa hooyo Milgo. -

Dig-digtiina ayaan gartay inaad idinka tihiin. 9


-

Waxaasoo dhan waa Xiiqsane Hooyo, ayuu si hiinfaadh leh u yidhi Deeq. Waar inanka waaxay waxaad ku leedahay waxba iskuma falayside, Hooyo Mahadoow dhinacaa ila qabo ruumigaa aan xadhigaa saaree, waar kaalaya halkan fadhiista aan wax aad cuntaan idiin keenee.

Mahad oo dhoosha ka qoslayaa ayaa isagoo sare u dallacaya ruumigii yidhi: -

Dad baa wax kaleba aan u iman. Oo ma ceeb baa haddaanu cuntada Hooyo Milgo jecel nahay, bal kan eega, ayuu Xiiqsane oo is gartay yidhi.

Deeq oo musqusha isku sii qaadaya ayay ku tidhi Milgo: -

Waar Hooyo dee kaalay horto inamada wax la cun. Haye, haye waan sii diyaarsanayuune, ayuu yidhi isaga oo baaldi biyo ah sii sita. Oo maanta xageed u socotaan?

Milgo qof been loo sheego ka wayn, sabab loogu sheegaana ma jirto. -

Hooyo Berberaanu is leenahay kasoo yara laabta. Ma illaa Berbera? Ayay ku dhawaaqday Milgo intay kusoo jeedsatay Deeq oo ay joojisay hawshii ay wadday. Hooyo Berberi sowtan. Qunyar baanu iska socone. Bal Hooyo dee waa saxe aayara socda.

Iyada oo aad aragto in uu wejigeeda werwer ka muuqdo ayay haddana soo rogaal celisay. -

Oo Hooyo maxaa wakhtigan idin saaraya maad maanta baxdaan? 10


Mahad iyo Xiiqsane si aan muuqan ayay u fadhiyaan inta uu Deeq hooyadii u jawaabayo. -

Wallaahi hawshuunbaa nagu badatee laakiin ilaahay baa wax ilaaliyee waanu is ilaalin.

Milgo oo dhulka maryo ka guraysa ayaa inantii agteeda taagnayd fartay inay miiska cuntada saarto. Nin waliba kursigiisii uu yaqaanay ayuu hore ka fadhiistay si hagar la’aan ahna wax u cunay. In nabar ah kadib ayay diyaar noqdeen dhammaan Milgona way macasalaameeyeen. -

Waar bal Hooyo isoo garaaca markaad nabad tagtaan. Haye haye! Ayay isku mar cod ku gaadhsiiyeen.

Iyadoo farxad wajigooda ka muuqato oo la moodo inay hadda hurdo kasoo tooseen ayay dhanka bari ee magaalada u jeedsadeen. Maqrib ayaa dhow. -

Halkii ina sii mari, ayuu si kaftan ku jiro u yidhi Xiiqsane isaga oo Deeq eegaya.

Deeq oo diidaya in uu wadada ka jeedsado ayaa inta uu si degdeg ah dhankiisa bidix u qooraansaday ugu yidhi Xiiqsane: -

Taasi waa khasabe. Waar heedhaha, ilmaadeerayaal maad inaga daysaan imikaan sidaydii waalane, ayuu xagga dambe kala soo booday Mahad.

11


Deeq iyo Xiiqsane ayaa inta ay qosol dheer isku dareen kadibna xasuusiyay Mahad wixii uu sameeyey maalintii hore. - Horto xaq baad u leedihiin inaad qososhaan. Laakiin sidaasi saaxiibtinamadu kuma jirtee ogaada. - Dee haddaanad rabin inaar iskadaa, ayuu Deeq ugu jawaabay isagoo aanay ka dhab ahayn, Xiiqsanena qosolkiisii dheeraa ka dhinac wado. Mahad oo isaga laftiisa qosolku soo gaadhayo ayaa yidhi: -

Horto niyow inaan nacas ahay baan u malaynayaa.

Hadalka Mahad uu yidhi wuxuu shidaal u noqday qosol aad u holcayay. -

Hee? Ayuu Deeq sii waydiiyey isagoo jawaab gaar ah ka sugaya. Dee bahalkan hadaad i siisaan diidi kari maayo hadhowna waa kala hadalkaygii.

Nimankan midna laguma oga inuu qayilo. Jaadkana waa wax ay Milgo kasoo horjeedo. Maalinta khamiista ah ayay wada qayilaan oo ay wada sheekeystaan. Markii hore waxa wada qayili jiray Deeq iyo Xiiqsane, Mahadna kombiyuutar buu la ag fadhiisan jiray. Balse khamiistii hore ayay wax waliba is bedeleen. Mahad baa go’aansaday in uu la fadhiisto saaxiibadii. Wixii ka gaadhay taariikhda ayay gashay oo wax aan loo joogin ayuu ka sheekeeyey taasina waxay khasabtay in laga hor qaado intii u hadhsanayd.

12


Deeq iyo Xiiqsane in is le’eg ayay dalbadeen Mahadna intaas badhkeed. Dukaankana sharaab ayay kasii qaateen. Xiiqsane oo keliya ayaa sigaarka cabba. Mugdigii ayaa hadheeyey magaalada dhaqdhaqaaquna uu soo yaraanayaa. Iyaguna sidii dad marti ah ayay magaalada uga baxeen. Nin kasta waxa dhinaca u yaalla jaadkii uu jidka ku marayay iyo caagad sharaab ah. Inta uu Xiiqsane laan dheer kasoo saaray bacdiisa oo si xoog-sheegasho leh uu u qaniinay ayuu hees ku dhuftay: -

-

-

Inkastoo ay ayaan Aqal yeelatoo Ubadna dhashoo Tahay oori kale Ilaahbaan kugu dhaariyee maanad xishoonayn? Ayuu Deeq si la yaab leh u waydiiyay Xiiqsane. Anigoo Ogsoon Kama Aamusee Waa Amar Allee Bal maxay indhuhu kaa eegayaan Bal muxuu… Dee inaar maanad khajilayn horto? Ayuu kasoo dhex galay Deeq. Waaxay? Bal waxaad ku heesayso eeg! Maxaad ka hadlaysaa? Imika maad isla saxsan tahay? Maantana ma heestaasaad igu qabsatay? Maxaase dhibee jira? Waxaad ku heesayso maanad maqlayn? 13


-

Dee naag uu jecel yahay buu u heesayaaye maxaa dhibee jira? Oo naagta sowta la qabo! Oo dabeedna? Sow sheeko hore kamay dhaxayn oo hore isumay jeclayn? Dee sow imika haaye lama qabo. Haa waa la qabaa, ayuu si garowshiyo ku jiro u yidhi Xiiqsane. Dabeedna miyaanay diin-xumo iyo dhaqan-xumo ahayn inaad u heesto naag la qabo? Waar iska raalli ahow bal oo inagu kaxee gaadhiga. Wax khayr qaba noogu hees waa saxe, haddii kale canjaladdaa inoo geli.

Mahad ayaa isagu xagga dambe ee gaadhiga hawl muhiim ah ku haya. Waa maalintii labaad noloshiisa oo uu qaad cuno. Waanay ka muuqataa sida uu ula mashquulay. Deeq oo hadda ku raaxaysanaya heesaha ay dhagaysanayaan ayaa muraayadda dhexe hagaajistay si uu u eego Mahad. Waxa uu isha ku dhuftay Mahad oo aad ugu mashquulsan bacda waxaanu si hoose u gujiyay Xiiqsane ishana ugu tilmaamay. Xiiqsane ayaa is hayn kari waayay oo qosol soo jeediyay Mahad ku dhuftay. Mahad oo aad moodo in ay dabeecaddiisu isasoo bedelayso ayaa yidhi: -

Igu dul wareega dee.

Deeq ayaa cod masuuliyadi ku jirto ku yidhi: -

Imikaba haddaad wax dareento sheeg yaa?

14


Wax jawaab ah muu helin aamusnidiisana ”haye” ayuu u fahmay. Waxay socdaanba safarkoodii uu soo gebo-gaboobay. Saacaddu waxay tilmaamaysaa 08:49 pm. Gaadhiga dadka saarani hadal iskuma darsanayaan. Deeq wuxuu ka fikirayaa halkii ay caawa seexan lahaayeen. Hudheel ayay soo gaadheen, qol saddex sariirood leh ayay heleen, lacagtii way bixiyeen gaadhigana way kasoo dhammaadeen albaabka hudheelka laga galana may gaadhin goortuu Deeq maqlay shanqadh iyo cod uu caawa oo dhan sugayay. Mahad baa matagaya. Deeq isaga oo sidii ballantu ahayd teleefanka ay Milgo ugu jirto oo aan dib usoo eegin Mahad ayuu biyo uga doonay albeerkada. Wuxuu usoo noqday Xiiqsane oo wacdi u jeedinaya Mahad. -

Aar waa caadiye dee iska daa ha qayilo hadduu rabee, ayuu Deeq ku difaacay. Horto bagaad gaadhiga lasoo dhaaftay, ayuu Xiiqsane si jees-jees leh u yidhi. Gob dheh, ayuu kusoo gunaanaday Deeq.

Qolkoodii ayaa la tusay nin kastaana sariir ayuu isha ka doortay balse Deeq ma rabo in uu seexdo. Qaad ayaa u hadhsan. -

Waar anigu waan qayilayaaye ninkii seexanayow seexo. Dee anna waan ku jiraaye inamari, ayuu Xiiqsane yidhi inta uu isasoo kala malmalay. 15


-

Adiga Mahadoow maxay kula tahay? Ayuu Deeq si deggan u su’aalay. Anigu waan ka dhacayaa niyowe waad fasaxan tihiin. Saasaa laguu qaatay, ayuu Xiiqsane ku darsaday.

Inankii meesha joogay ayay waydiisteen meel ay ku yara qayilaan intaanay seexan. Meel bannaan ah oo kuraasi taallo ayaa loo tilmaamay. Waa goobta dadka meesha seexdaa ay ku caweeyaan. Laba kursi iyo miis dhanka dambe ee mugdiga ah yaalla ayay dabada la raadsadeen. Warkii dunida oo ka socda shaashadda ayay isha la raaceen. Labaduba afcarabiga way fahmayaan in ku filan. Waxay garteen in warku uu ka hadlayo laba qarax oo dhawr maalmood kahor ka dhacay caasimadda Algeria iyo dablay hubaysan oo dad shaqaale ah oo soomaali iyo shiine isugu jira ku laayay Ogadeniya. Qodobada warka midba mid ayuu u dhiibay intaanay sheekadooda bilaaban kahor. Waxyaabo kala duwan ayay ka sheekaysteen intaanay u gelin sheekooyin gaar ah. -

Horto waxaan ku weydiiyay… Hee? Ayuu Deeq u celiyey. Adiga habluhu maxay kugu sameeyeen? Ma aniga? Haa adiga. Yacnii sidee? Niyow intaas oo hablood ayaa kaa laallaada oo haddaad rabto kuu diyaar ah. Adiguna uma jeedide siday wax u jiraan. 16


Deeq oo jeclaan lahaa inuu mawduucaa ka boodo ayaa go’aansaday in uu siday tahay ugu sheego. -

Wallaahi hadda hablaha xaggooda uma jeedo. Hii? Waxaan horto rabaa inaan sii shaqeeyo muddo intaanan guri yeelan. Laakiin dee adigoo guri leh baad shaqayn kartaaye sow ma ogid? Waar niyow wakhtiba uma hayo horto. Ee adigu bal ka warran inantii, ii sheeg magaceedii. Ma Hanaad sheegaysaa? Dee mooyi tii shalay dukaanka kuugu timid. Haa dee waa Hana. Oo ma kuwo kalaa jira? Adigu waa iska… Haa. Wallee adiga iyo dumar la’idiinma kala taag helo. Dee niyow hadaanad iska hubsan oo aanad dhowr isku dhex wadin sideed ku kala garanaysaa dadkan. Oo ma taasaad anigana igula talinaysaa? Maya maya, waar adiga midhaa kaa badan.

Qosol gaaban ayuu ku dhuftay Deeq kadibna uu sii waydiiyay: -

Horto ilaahbaan kugu dhaariyee waa imisa? Ma tiradoodu? Haa. Waar waa laba uun. Sawdiga iga dhigay qof nooc kale ah. Oo labada ma wax caadiyaad u haysataa?

17


-

-

Waar waxaan ku idhi anigu kuwan meel uun baanu iskala soo dhiciye, adigu ii warranoo waxanoo hablo ah maad mid kala baxdid. Adigaaba nasiibkaa lehe. Horto marka laga tago hawl nacaybka, weli mid aan ka heloba maan arag. Waar ilaahay ka yaab. Ma waxaasoo hablo ah? Maxaad raadinaysaa adigu markaa?

Inta uu koob biyo ah ka gaadhsiiyay ayuu sii watay: -

Anigu wax gaar ah ma raadinayee laakiin way iska iman. Ka warran inantii shalay ay Hana wada socdeen? Tee? Tii ay Hana wada socdeen. Tuma? Waar tii Hana la socotay baan ku idhi niyow. Ee dharka akhtarka ah xidhnayd. Hii‌ Horto maad maqlaysaa waxaan ku leeyahay? Haaye dee waan soo xasuusanayee. Wallaahi caadi uma xasuustaba. Hanaa ii carrab-baabtayoo si gaar ah bay kuu eegaysee. Dad badan baa igu xiiqaya wallee. Waar anigu waan ka dhacayaa niyow ee berri waa inoo goorma? Ayuu isaga oo sii ruqaansanaya weydiiyay.

Xiiqsane ayaa isaga oo isaga laftiisu luq-luqanaya soo daba kacay oo ku yidhi: -

Dee bal horto aynu soo toosnee inamari. Deeq qaddar yar kadib uu jiifsaday. Haddii meel fog

laga soo eego in uu hurdo ayaa la moodaa balse wuxuu la sheekaysanayaa wehelkiisa koowaad. Maskaxdiisa. Dhowr 18


jeer ayuu wareejiyay waxaanu isku dayay inuu soo xasuusto inantii uu Xiiqsane ka hadlayay. Rajo la’aan ayay ku dhammaatay. Beerka ayuu u seexday sidii ilmo toban jir ah waanu gam’ay.

19


Kulaylka qorraxdu sida gantaalaha ayuu gidaarka soo jiidhayaa. Waa abbaaro 10-kii subaxnimo. Deeq oo ku riyoonaya isaga oo jiingad garaacaya ayaa waxa uu ku toosay garaaca albaabka. Waa inankii shaqaalaha ahaa. -

Haa? Ayuu ku hambabaray Deeq Subax wanaagsan.

Saacadda ayuu si dhakhso ah u eegay isagoo aad mooddo inay sariirta is dagaaleen xalay. -

Waryaadeheen, rag alloow, hala kaco waa duhure, ayuu isku raaciyay.

Xiiqsane ayaa is rogay si uu u dareensiiyo in uu maqlay. Mahad sariirtiisu way madhan tahay. Deeq isaga oo aan wax dareen ah bixin ayuu musqusha oo qolka ku dhex taalla galay. Markii uu soo baxay ayuu arkay Mahad oo sariirtiisa dhinaca kaga fadhiya oo wax cunaya. -

-

Madax ilaahay baad tahay wallee, ayuu si farxad leh u yidhi Deeq. Adigu xaaji hurdooy quraac soo iibina garan maysid sow maaha? Ayuu weydiiyey Xiiqsane. Quraacda iyo waxaa ninkaasaa qaabilsan niyow, isagoo leh ayuu musqusha u waydaartay.

Waa la xadhko xidhay dhankii gaadhiga ayaana loo dhaqaaqay. -

Masjidkeebaynu tagaynaa markaa imika? Ayuu Mahad isagoo cadceedda ka gabbanaya weydiiyey. 20


-

Masjid-jaamacaynu jawaabay.

Goortay

gaadhiga

tagi

dhex

karnaa, fadhiisteen

ayuu ayay

Deeq

ugu

dhaguhu

xanuuneen kulayl awgii. -

Innaa lillaah, oo niyow horto badawsanidaa Deeq! Xiiqsanoow hee, adigaa ilbaxee dee eedda aniga isaar imika. Bal daaqadaha inaga dajiya. Oo ma waxaad garan wayday geedkaa hoos dhig gaadhiga xalay? Waar bal inamariya uun aynu salaadda jimce ka gaadhnee, ayuu Mahad usoo jeediyey.

Masjid-jaamaca badhtanka magaalada ku yaalla ayay soo gaadheen iyaga oo gaadhiga la raadsanaya meel hadh leh. Intaanay masjidka gelin kahor ayuu teleefanku usoo dhacay Deeq. Markii uu Mahad maqlay dhawaaqii teleefanka ayuu si degan u yidhi: -

Inaga bakhtii bahalka ama codka ka xidh masaajid baynu galaynaaye. Haloow! Haa Hooyo! Haa haa waanu nabad qabnaa. Masaajidkaanu sii galaynaa. Haye dabcan waan soo marayaa, haye anaa kuusoo sheegaya. Haye.

Duguf-duguf iyo gab-gab ayuu ku gaadhay salaaddii oo loo taagan yahay. Isagoon filaynna way dhammaatay. Isagoo aad mooddo in ay imaamka isku mar salaamanaqsadeen ayuu joogiisii dheera kala dhex mudh yidhi boqolaad dad ah oo fadhiya. Xiiqsane iyo Mahad oo sheedda kala socda ayaa meel ay ku hadhaan waayey. Deeq oo si dahsoon baabuurkii 21


isha ugu raadinaya dhinacna ka habaynaya safarkooda inta u dhiman ayaa hadal kala dhiman ku tuuray saaxiibadii oo tallaabada hoosta ka xadaya si ay usoo gaadhaan. -

Maxamedna waynu soo maraynaa. YAA? Maxamed‌ Hee? Waynu soo mari lahayn dee. Ma maqlayno waxaad leedahay. Iska dhaaf. Yaa? Waxba.

Iyaga oo mar labaad la yaaban huurka gaadhiga haysta iyo mudada kooban ee ay ka maqnaayeen ayuu Deeq u dhaqaaqay dhan isaga uuni uu garanayo. Mahad ayaa baraarugay. -

Haa, ma Maxamed Muusaad sheegaysay? Haa haa, waar inanka baryahaa ismaanaan maqlinbee, ayuu Xiiqsane ku darsaday. Intaynaan qadayn baynu sii mari, ayuu Deeq si hiinfaadh ku jiro u yidhi isagoo gacantiisa bidix badhanka sare ee shaadhka iskaga furaya horena u ruqaansanaya.

Deeq waxaanu kuba xisaabtamin gaadiidka tirada badan ee dhan walba ka xiga. Dadka ayaa sunsumaya baabuurta dhexdooda kana samaystay jidad ku meel gaadh ah. Dadka inta wada hadlaysaa way yar tahay. Qof waliba meel ayuu 22


ku ordayaa, in ay dadku waajibkoodii guteenna way ka muuqataa. Deeq oo aan ka lunsanayn jidka uu u marayo dukaanka uu u socdo ayaa cabbaar ka dib soo gaadhay. Hore ayaa baabuurkii looga daatay albaabka weyn ee dukaankana dhankiisa ayaa loo dhaqaaqay. Deeq oo laba tallaabo ka horreeya saaxiibadii ayaa albaabkii galay ishana ku dhuftay Maxamed Muuse oo shaqadiisa si habsami ah u wata. Assalaamu calaykum iyo salaan baa xigtay. La is gacan qaad, laabtana la isa saar. Kaftan iyo qosol dabadii guntii loo dhaadhac. Deeq iyo Maxamedna dhan isula bax. -

Waar inamada sharaab qabow kaalay halkan uga soo qabi, mee kii? Ayuu Maxamed oo Deeq la sii socdaa ka gaadhsiiyay.

Qol hore ayay galeen. Deeq su’aasha lamuu sugin inta ay fadhiisanayaan. -

-

Ii warran, xaggay wax kuu marayaan? Ayuu Deeq ku tuuray Maxamed isagoo kursigana hagaajisanaya si uu u fadhiisto. Isbedelka ugu weyn ee hadda dhacay tan iyo bishii hore waa ballaadhinta aanu ku samaynay meheradda. Iyo noocyada kombiyuutarrada oo aanu kordhinay.

Sheekadu

muddo

ayay

socotay,

Deeqna

intii

kaga

habboonayd uu ku darsaday. Qosol ayay kaga soo baxeen qolkii kuna soo galeen qaybtii kale ee dukaanka. Mahad iyo Xiiqsane sharaab ayay albaabka agtiisa ku cabayaan 23


dhinacna qalabka dukaanka yaalla ayay ka daawanayaan. Deeq ayaa kaga naxsaday hadal. -

Oo rag baa nastee. Cadaallad xumidiin horto. Mee anigana koobkaygii?

Xiiqsane oo afka ku haya sharaab ayaa gacanta si dhakhso ah ugu fiiqay koob sharaab ah. Deeq inta uu si fudud isu dhaafiyay koob cambe ah ayuu Maxamed ku jeedsaday. -

Dee waa saxe waa inoo berri sow maaha adiga? Haa anaa imanaya berri Hargeysa oo soo qaadaya waraaqaha oo dhammaystiran.

Safarkoodii waxay hore ugu kicitimeen hudheelka cuntada. Si niyad sami ahna wax way u cuneen. Suuqa ayay soo dhex mareen iyagoo dhammaantood hoosta iska fahamsan. Deeq ayaa Mahad su’aal ku tuuray isaga oo la xarbiyaya findhicilka afkiisa ku jira. -

Mahadoow maanta ma ku jirtaa? Ilaahayow qayrkay ha iga reebin. Iga daa su’aal nacasta. Waa hadal nin weyn, ayuu si qosol ku jiro u yidhi Deeq.

Jaad wixii ay u baahnaayeen hore ayay ka qaateen balse meesha ay ku socdaan maaha meel qaad ay rabaan in ay ku cunaan. -

-

Xiiqsanoow waxaan rajayn lahaa inta aad hadalka ka taqaan in aad dabbaasha ka taqaan, ayuu Deeq isagoo ilaaq doon ah ku duray Xiiqsane. Anigu ma sidaadaan dhuf-dhufleeyaa? 24


-

Waar ninka dhufdhufleeya ee aan bataaxa dhaafin waa la yaqaanaaye‌ Dee maantay kala caddaane inamari. Mahadoow ilaahay baan kugu dhaariyee si daacada noo kala saaroo ninkan runta u sheeg. Si daacadaan idiin kala saarayaaye dhagaysta waayee. Labadiinuba midh ma taqaanaan. Nin baa war la yimide, haye? Ayuu Deeq yidhi. Dee waxyaabo kale inaad igaga horraysaan waa laga yaabaa balse dabbaasha anaa idinkaga horreeya.

Huurkii magaalada way kasoo dhammaadeen. Neecaw qabow ayaa durba laabtooda gaadhay. Ciidda ayay cagaha la boobeen. Waxaana loo barotamay dhankii badweynta. Maanta waa maalin ay awood sheeganayso. Midabkeedu waa ka cirka ee ku daboolan oo kale. Mawjadaheedu caddaanka ay bixinayaan waxaad mooddaa in la xardhay korkeeda. Waynideeda iyo sida ay u cartamayso awooda ilaahay ayaa laga dhex daallacan karayaa. Nin waliba doc ayuu kaga hagaagay. Qaddar kadib ayuu Deeq ka bogtay. Tallaabooyin culculus ayuu kusoo gaadhay meel uu si fiican uga daallacan karo deegaanka ku wareegsan. Wuxuu wejigiisa u jeediyay dhanka biyaha gacmihiisana wuxuu ku nasiyay kalyihiisa. Isaga oo si fudud u neeftuuraya, biyaha dibnihiisa isugu yimaadana ka afuufaya, ayuu si khushuuc ku jirto u milicsaday inta ay indhihiisu gaadhi karaan. Isaga oo wax 25


yar ku xasilay ayuu cod uu si fiican u yaqaan uu soo jeediyay. Waa Xiiqsane oo indhocas. -

Waar ma qayilaad tagnaa? Haaye mee Mahad? Ayuu Deeq waydiiyey. Sowkaa gaadhiga ag taagan.

Iyada oo farxad iyo daal wejigooda ka muuqdo ayay si cagajiid ku jiro dhanka magaalada ugu jeesteen. Xamaam ayay sii mareen oo ka maydheen intaanay hore ugu sii gudbin bartii ay ku nasan lahaayeen. Makhaayad shaaha laga cabo oo magaalada dhankeeda koonfureed ku taalla ayaa la fadhiistay. Saddex kursi ayaa la’iska soo hor jeediyay iyadoo aad moodo in ay miiska kulaalayaan. Shaah iyo sharaab ay dalbadeen ayaa yimid. Kaftan iyo qosol ayaa xigay. -

Arrin baan idiin hayaa, ayuu Mahad si degan u yidhi.

Mahad gabadh ayuu la sheekaystaa waana lagu ogyahay balse warkan uu soo wado cidina uma fadhido. Maadaama oo uu Mahad hadal yar yahay marka uu wax sheegaana ay yar tahay si fiican ayaa loo dhagaystaa. Deeq iyo Xiiqsane ayaa dhagahooda soo jeediyay. -

Sabtida Ifraax baan doonayaa, ayuu si qabow u yidhi Mahad isaga oo indhaha ku mashquulinaya miiska hor yaalla.

Dhowr ilbidhiqsi midna waxba ma odhan. Nin waliba si ayuu ula mashquulay hadalka uu maqlay. 26


-

Yacnii ma doonitaankii meherka ahayd? Ayuu Xiiqsane iska soo jaray. Haddaa keed sugaysay, ayuu Mahad u celiyay. Mansha Allah, ma anaan garan in ay maanta wax kaa si’ ahaayeen, ayuu Deeq yidhi.

Jawigii jawi farxad oo amakaag ku jiro ayuu noqday. Nin waliba hawsha la gudboon uu garanayaa. Mudo kadib ayuu Xiiqsane waydiiyey Mahad: -

-

Ilaahbaan kugu dhaariyee imisa maalmood baad la aamusnayd arrinkan? Waar saaka markaad hurudeen een quraacda doonay baan la hadlay Ifraax oo aan u sheegay. Dee horto waa sabtidan sabtideeda oo wax badan inooma hadhine waa in odayaashana la wargeliyo, ayuu Deeq soo jeediyay. Goormaynu ka dhignaa markaa ma barqada? Ayuu Xiiqsane waydiiyay. Maxay idinla tahay? Ayuu Mahad ku celiyay. Waar duhurkaa fiican xilliga qadada si dadkuna u qadeeyaan, ayuu Deeq ku darsaday.

Xiiqsane ayaa intuu waxoogaa aamusnaa yidhi: -

Horto wakaa kii inoogu horreeyey guursaday, wallaahi inaanay da’ inoo hadhin. Ma ilmo yar baad is moodaysay adigu? Imikana adaa ku xigee ogow, ayuu Deeq ugu jawaabay. Oo kaalay adigu dadka maad iska saartay? Ayuu Mahad weydiiyey Deeq. Waar ninkan hablihii dacar baa loo mariyaan u malaynayaa, ayuu Xiiqsane lasoo booday. 27


-

Horto runta ii sheegoo miyaanad baryaahaa waxba doonanayn? Ayuu Mahad ku gujiyay. Warkaa ka baxoo maanta adigaa lagaa hadlayaaye u yara kaadi. Diyaargarow iyo tabaabushe ayaa hore laga galay. Deeq

oo masuuliyad weyn iska saaraya ayaa Xiiqsane hadal dheer la galay. Waxaad moodaa in Mahadba la iska iloobay oo qof kale oo aan meesha fadhiyin hawshiisa la wado. Mahad si kooban ayuu hadba hadal ugu tuurayaa. Cadceeddu way sii gaabatay midabkeeduna uu is bedelay waxaanay soo daalacanaysaa wejiga Deeq iyadoo ku dhuumaalaysanaysa dhabarka Mahad. Si xamaasadi ku jirto ayay hadalkii usoo xidheen sheekhuna salaaddii dadka ugu yeedhay iyadoo loo malayn karayay in uu la sugayay inta ay hadalka dhammaysanayaan. Masjidka oo dhowr tallaabo u jira ayay waajibkoodii kusoo guteen. Waa la isku soo noqday. Ku talogalkoodu waxa uu ahaa in ay maqrib kahor baxaan. Deeq oo la yaaban sida uu wakhtigii ku dhaafay ayaa saaxiibadii usoo jeediyay in ay baxaan. Inta ay alaabta miiska ka gurayaan, Xiiqsane xabbad sigaar ah oo u shidmi wayday ayuu la xarbiyayaa. Intii ay qaadan karayeen way qaateen dhanka gaadhigana waa loo dhaqaaqay. Xiiqsane oo meel uu ku hadho waayey ayaa sigaarkii oo uu badh ka cabay hore ka tuuray. Deeq ayaa ogeysiiyey Milgo in ay soo baxeen safarkoodiina way sii wateen isaga oo nin waliba 28


maskaxdiisa ku foofay. Wax badan la isma odhan. Goor fiid ah ayay Hargeysa kusoo guryo noqdeen. Ninba meel ayuu ku degay waana la kala hadhay. Deeq ayaa ku keliyoobay gaadhigii. Casho ayuu kasii laabtay mid wadada dhinaceeda taagnaa. Si toos ah ayuu gurigii u tagay, Milgo oo sugaysana uu la kulmay. -

Oo Hooyo maad iska seexatid, maxaa wakhtigan kusoo jeediyey? Hadaad rabto inaan hore u seexdo goor hore ayaad iman lahayde, ma nabad timaadeen uun imika? Haa Hooyo, alxamdu lillaah, ayuu si kooban ugu jawaabay isagoo iska ilaalinaya in ay wejigiisa ka bogato. Cashadii waata miiska saaran Hooyo, ayay kasii dabo tuurtay isaga oo albaabka sii gelaya. Haye Hooyee iska seexo anaa is dabarayee.

Qolkiisii ayuu hore ka galay. Dhar dabacsan ayuu soo xidhay inta aanu musqusha gelin kahor. Si degan ayuu u tukaday.

Gurigu

shanqadh

kale

ma

laha

oo

aan

neeftuurkiisa ahayn. Cuntadii miiska taallay ayuu dul fadhiistay, isaga oo aan danaynayn tii uu sitay. Dhowr jeer markii uu qaatay ayuu xasuustay wax uu ilaabayay. -

Hooyo maad seexatay? Ayuu ka yidhi daaradda inta uu dhaqdhaqaaqii joojiyay. Maya hooyo ee teleefan baan ku hadlayee.

Wax yar ayuu sugay waanay soo baxday iyadoo xiisaynaysa hadalkiisa. 29


-

Mahad ayaanu gabadh u doonaynaa maalin dhow. Mahadkee, ma Mahad Ilayskeena? Haa Mansha Allah, Hooyo waa arrin khayr leh. Waa goorma markaa? Sabtida insha Allah. Ma sabtidan dhow? Haa Mansha Allah, berri baan la hadli Cibaado, dee waataa iyadu waxba iisoo sheegi waydee. Hooyo cid kale umuu sheegin weli laakiin caawa ayaa laga yaabaa inuu u sheego. Haye, adiguna goormaad ku dayan doontaa saaxiibkaa?

Deeq oo meel dhow lagaga soo baxay ayaa lasoo booday: -

-

Hooyo arrinkaa soynagii dhowr jeer ka wada hadalnay. Haaye dhowrka jeer marna jawaab aan ku qanco imaad siin dee Hooyo. Hee, maxaanad fahmin Hooyo? Gabadh aan ka helo maan arag weli ayaad igu tidhiye ma suurtogal baa Hooyo? Intaas oo hablood ayaad mid ku cajabisa ka weydey miyaa? Haa, ayuu si kala maqan ugu jawaabay. Hadaba anigaa war kuu hayee dhagayso Hooyo.

Deeq oo fahmay waxa soo socda ayaa cuntadii dhinac isaga riixay, suxullada miiska saaray, gadhkiisana ku dul nasiyay labadiisa gacmood oo duuban. -

Haye? Waxaan imika la hadlayay Aamina. Haye... 30


-

Inanteedii aan kuu sheegi jiray ayaa waxbarashadii soo dhammaysay oo waddanka imanaysa maalin dhow. Inantee Hooyo? Inantii aan kuu sheegi jiray maanad garanayn ee Malaysiya ku maqnayd? Way ku garanaysaa adigee. Haa waan gartay, haye? Sahra ayaa inanta la yidhaahdaa. Waa inan aad u wanaagsan oo degan. Oo Hooyo goormaad wanaageeda baratay ma idinkaa is yaqaanba? Waanigii la hadlee aanu is baranee. Oo maxaad ku tidhi Hooyo, ma inankayga ayaan kuu dhisayaa? Maya maya, ee dee laakiin waan iska eegayaye dhagaysoo. Haye? Aaminana waa gabadh aad u wanaagsan weliba. Haye, ayuu si qosol ku jiro u yidhi. Markaa Hooyo haddii ay inantaasi ku cajabiso iska guurso. Bal horto aan arko qofka oo aanu is barano dee. Hayee orod oo iska seexo haddaba waadigan sidii nin daroogaysan indhaha meermeerinayee.

Deeq ayaa siduu dab ku joogsaday dib u booday qolkiisana galay.

31


BALQIIS Sabti, 7-april. Maalin maalmaha kale la cayn ah balse ka suntan. Saamaynta ay maalintani ku yeelan doonto noloshiisa waa mid aan la dareensanayn. Deeqna waa baraad la’ yahay. Sidii caadiga ahayd shaqadii ayuu usoo kicitimay. Meheraddii ayuu albaabada u furay koob shaah ahna uu dalbaday sidii looga bartay. Waxyar kadib Mahad iyo Xiiqsane ayaa yimid magaaladuna way toostay. Macaamiisha dukaanku dumar ayay u badan yihiin, sidaas oo ay tahay hadana Deeq il gaar ah kuma eego hablaha, Xiiqsane iyo Mahadna way ku dacaayadeeyaan. Inta badan marka uu qof soo galo dukaanka waxa soo dhaweeya Xiiqsane. Si kasta oo ay tahay Deeq isha ayuu kala socdaa qof kasta oo albaabka kasoo gala. Hawshu si habsami ah ayay ugu socotay qado kadibna waa isku soo noqday. Qofkii ugu horreeyey ayaa albaabka kasoo galay waxaana uu kusoo jeedsaday salaanta uu maqlay. -

Salaamu Calaykum Wacalaykuma Salaam, ayuu si caajis ah ugu jawaabay gabadhii waxaanu milicsaday gabadh kale oo ku dabo jirta.

Deeq oo indhaha ka lalinaya gabadha koowaad ayaa milicsaday wax indhihiisa soo jiitay markii ugu horreysay noloshiisa. Deeq ayaa Xiiqsane ka boobay soo dhawayntii 32


hablaha, hadalo goos-goos ah oo aan habaysnayna is dhex dhigay. -

Haa soo dhawoow, soo dhowaada, salaamu calaykum.

Deeq deganaanshihii waa ka tagay. Waana wax aan hore looga baran. Gabadhii koowaad oo aad moodo in ay ilaalo ka tahay gabadha dambe ayaa si kulul ula soo boodday: -

Waar waanu dhownahee waxaan ku idhi, meesha maad ku cusub tahay? Bal aniga isoo eegoo anaa kula hadlayee.

Deeq oo aad moodo in hurdo laga toosiyay ayaa ku ambabaray: -

-

Yaa walaal, maxaad tidhi? Acuudu billaah, oo yarku uu qaatan yahay bee, oo maxaad inanta kaga indho go’day bal wax naga iibi. Raalli noqda walaal, maxaan idin siiyaa, oo magacyadiinana bal noo sheega, ayuu Deeq iska soo jaray isagoo inantii isha ku xadaya. Aniga Maryan baa la’i yidhaa, inantan aad ku maqan tahayna Istaahil baa la yidhaa. Deeq jawaabta kamuu sugayn Maryan, Istaahilna way u

hiilin weydey oo dhinac bay isu ururinaysaa. Deeq oo ku hungoobay tijaabadaas ayaa isku dayay in uu dareenkooda soo jeediyo. Codka ayuu toban jeer bedelay, uu is kala bixiyay wuxuuse la kulmay weji-gabax iyo indho aan danaynayn. Intaas oo dhan waxa kaga daran Maryan oo ilaalo feejigan ka ah Istaahil. Deeq dhan walba uu kaga soo 33


wareegay, waxyaabo badan oo aanay weydiisanna uu tusay isagoo rajaynaya in aanay dukaanka hore uga dhammaan. Maryan

oo

uu

hadalkeeda

iska

eegayay

ayaa

ku

dhawaaqday: -

Walaalo inanoow, magacaagii muxuu ahaa? Deeq baa la’i yidhaa walaal, ayuu si dabacsan u yidhi isagoo dhanka Istaahil eegaya. Walaalo Deeqoow waad ku mahadsan tahay shaxshaxnimadee imika dharkii aanu ku waydiinay nasii. Walaal dharkaasi berri ayay imanayaan oo maanta ma hayo. Oo maba haysid? Way iga yara kala go’een walaal ee berri iisoo noqda anaa idiin diyaarinayee.

Marka uu halkaa arrin marayo ayay Xiiqsane iyo Mahad hoosta iska eegeen, wax hadal ah se kumay darsan. -

Dukaamadaa kalaanu ka eegi dee bal. Anigaa qiimo fiican idinka siinayee berri iisoo noqda walaal. Bal waa sax, ayay si niyad jab ku jiro u tidhi.

Maryan iyo Istaahil way is dabo kaceen. Deeq oo aan is ogayn ayaa albaabka ka baxay, isaga oo sii qooraansanaya ishana la raacaya labada hablood. Waxyar kadib ayuu kusoo jeedsaday codka Xiiqsane. Wuxuu soo jeedsaday isagoo karahsanaya oo u eeg nin riyo wanaagsan laga toosiyey. -

Hee? Bal soo yara gal. 34


-

Waaxay dee haaye?

Xiiqsane ayaa inta uu qosol ku dhuftay yidhi: -

Oo dee sowta lagu helay. Maantaad mid dhago la’na jeclaatay. Waxaad ka hadlayso maan garan, ayuu si hoose u yidhi isagoo iska dhigaya nin aan ogeyn waxa laga hadlayo.

Mahad oo miiska dabadiisa soo taagan ayaa sheekada soo galay. -

Waar dee ileyn carruur ma nihine wixii dhacayay waanu arkaynee iska qiro. Dee inantu way qurux badnayd ma wax kalaa jira, ayuu Deeq lasoo booday. Oo midda kale, soynaga hayna dharka ay habluhu doonayeen, ayuu Xiiqsane yidhi. Waan ogahee dee adigu nacasnimadaada maad siin lahayd? Hee ma inay kugu soo noq-noqotaad doonaysaa?

Deeq su’aashaas aamusni ayuu kaga jawaabay. -

Wallaahi in ay Istaahil khatar tahay, ayuu Mahad si lamofilaan ah u yidhi. Hee? Ayuu Xiiqsane lasoo booday.

Deeq ayaa dareenkiisii si dhakhso ah usoo jeediyey isaga oo jawaabta Mahad sugaya. -

Dee ma inanta ninkan oo lagu xiiqay maanta isku dhex yaacisay ayaan khatar ahayn?

Xiiqsane qosol ayuu ku jawaabay. 35


-

Hadaba yaynaan isku mashquulin, ayuu Deeq si kooban ugu jawaabay saaxiibadii. Si degdeg ah ayuu nin waliba shaqadiisii ugu foofay

hadalkana mid shaqo ayaa loo bedelay. Isaga oo hadalku iska cakiran yahay ayaa nin lagu farxay aragiisa uu albaabka kasoo galay. Waa Maxamed Muuse. Dareenkii lagu jiray si fudud ayaa looga gudbay nin walbana maankiisa wax kale ayaa galay. Deeq oo shaqada si gaar ah u dhibsanaya maanta ayaa kolba wax isku mashquuliyay. Wax yar kadib wakhtigii xidhitaanka ayay gaadhay. Isaga oo aad moodo in jeel uu kasoo baxsaday ayuu gaadhiga ku booday. Farxad aad u badan ayaa wejigiisa ku dheehan. Gaadhigii ayuu furaha ku rogay, dhan uu u dhaqaaqana uu garan waayey. Kolba shay ayuu indhaha ku iloobayaa isagoo qoslayana uu kasoo jeedsanayaa. Dhankii magaalada ayuu u jeedsaday maanta isagoo shalmaddii dhaqaaqdaba sii eegaya. Wuxuu wareegaba maqrib ayaa loo eedaamay. Dhankii guriga uu u kacay. Deeq oo qoortu dheeraatay ayaa gurigii soo galay si kalgacal ku jirana hooyadii u salaamay. -

Hooyaday macaan yaa arkay? Hooyo ma fiican tahay?

Milgo oo weji farxadeed ka muuqdo ayaa guriga dhankiisa kasoo baxday. -

Hooyo waan fiicanee caawa maxaa kaa farxiyay? Waan iska faraxsanahay ee waxba ma jiraan. 36


-

Hadaba casho weli lama samayne waxooga yara sug Hooyo. Hooyo dhib maleh, ayuu ku dhaafay.

Isaga oo aad moodo in qolkiisa wax loogu sheegay ayuu daf yidhi sariirtana beer-beer isugu tuuray. Isagoo barkimada gadhka ku haya ayay waxyaabo kala duwan soo hor mareen. Isagoo meel fiican marinaya ayuu ku toosay codka Milgo ee kasoo gudbaya albaabka uu iloobay in uu xidho. -

Waar dee Hooyo kabaha iska saar hadaad seexanayso. Isaga oo isku qoslaya ayuu dharkii iska bedelay. Si

wanaagsan ayuu dhacadiid ugu jiifsaday isagoo indho madhan ku eegaya bilifoonka guriga. Waxa uu isku dayay in uu si degan ugu noqdo wixii maanta dhacay si qumanna uu u lafoguro. Waxa uu isku dayay in uu dib ugu laabto bartii laga raacay. Deeq waxa uu aad ugu raaxaysanayay wakhtigan uu naftiisa gaar ugu helay. Waxa mar walba hor imanayay wejigii Istaahil, kaas oo u diidayey in uu fikiro. Qosolkii ayuu mar keliya joojiyay isagoo ay muuqato in wax kale ay maskaxdiisa soo galeen. Deeq waxa uu xasuustay sidii uu u dhaqmay markii ay Istaahil hor taagnayd, aadna uu isula yaabay. Waxa uu isku dayay in uu soo xasuusto hadalladii uu lahaa balse intoodii badnayd maskaxdu ma hayso. Waxa uu fahmay in uu wax khalday waxaanu go’aansaday in aanu dib sidaas oo kale u samayn. Marka uu Istaahil la hadlayana uu si qof caadi ah uu u dhaqmo 37


iyadana aanu waxba dareensiin. Wakhti kadib isaga oo aan iska rogin dhinacii uu u jiifay ayay Milgo ugu yeedhay cashadii. Isaga oo aad u dhibsanaya cashada ayuu hore usoo booday si uu dhakhso ugu soo noqdo. Isaga oo bilaydhka la dagaalamaya ayuu laba jeer ka dhigay wixii meesha ku jiray, sidii qof qolka wax kusoo iloobayna degdeg ugu laabtay sariirtiisii. Deeq waxa uu sii watay sheekadii uu naftiisa la wadaagayay waxaanu sameeyey qorshe uu berri ku qaabilayo Istaahil. Go’aanno dhowr ah ayuu gaadhay oo ay ka mid tahay in uu iska yareeyo naxdinta oo uu is dejiyo. Waa midda labaade in uu gaar ula hadlo oo ay si fiican isu bartaan. Deeq maskaxdiisu way diiday in ay nasato caawa. Si fudud ayay saqdii dhexe u gaadhay balse maaha wax uu isagu dareensan yahay. Deeq waxa uu dhibsanayaa mugdiga waxaanu raagsanayaa waaga. In ka badan kun jeer ayay maskaxdu kusoo celcelisay sawiradii maanta, intaa in le’egna uu is rogay. Wax yar kadib ayuu ku war helay daakiraaddii. Aad ayuu u farxay si firfircoon ayaanu uga kacay sariirta. Deeq isaga oo shanqadha dhowraya ayaa waxa hakisay kala doorashada dharkii uu xidhan lahaa. Wuxuu kolba mid isku eegaba dharkii ayaa soo yaraaday, waxaanu xaqiiqsaday in ay khasab ku tahay in uu mid qaato. Isagoo dhankii dukaanka u ordaya ayuu kasoo baxay 38


gurigii. Dukaankii ayuu hor yimid. Hareerihiisa ayuu eegay qof dhaqaaqana uu ka waayey. Deeq ma garan la’a in uu soo qadimay maanta balse uu is diidsiinayaa. Isaga oo aan maanta meel uu shaah ka dalbado haysan ayuu meheradii si farxadi ku dheehan tahay albaabada ugu furay. Waxyar markii uu gudaha ku jiray ayuu bannaanka usoo baxay. Cabaar kadib markii uu shaah helay ayuu sheeda ka arkay Xiiqsane iyo Mahad. Deeq uu gartay waxa uu kala kulmi doono. Xiiqsane oo aad u dhoollacadaynaya ayaa inta uu bariidadii iloobay ka dhawaajiyay: -

Eesh qiyaasak! Oo dee maan waxba la isku sheegayn?

Isaga oo aan jawaab sugin ayuu sii watay: -

Ileyn anaguna waanu isasoo hagaajin lahayne. Imika inaan qaawanahay baan is moodayaa.

Deeq oo is diidsiinaya xaqiiqada ayaa ku jawaabay: -

Waar sownigii awalba sidan u labisan jiray.

Mahad ayaa kusoo dhex dhacay oo yidhi: -

Haaye waa runtaaye.

Kaftan kadib hawl-maalmeedkii ayaa hore laga galay. Deeq kolba wax aan macno lahayn ayuu isku mashquulinayaa kolba qofka soo galana uu sii eegayaa. Aad ayuu u jecel yahay in ay Istaahil timaado hadana mar kasta oo albaabka laga soo galo laabta ayuu ka naxayaa. Isagoo naxdin dhammaystay oo ay xilligii qadada ku dhowaatay ayuu qof 39


albaabka kasoo galay. Markii uu aqoonsaday wejigeeda ayuu kasoo dhaqaaqay miiska dhabarkiisa dhanka horena soo istaagay. Waa Maryan. Si degdeg ah ayuu u salaamay isagoo indhihiisa dib ugu celiyey albaabkii sugayana in ay Istaahil soo gasho. Maanta lama mid aha maalintii hore. Istaahil lama socoto Maryan. Inta uu sugi kari waayey ayuu dhanka albaabka u orday banaankana ka raadiyey balse ishu way qaban weydey Istaahil. Maryan ayuu si kedis ah ugu soo laabtay. -

Oo walaal meeday inantii kale? Waar waa keligaye alaabtii ma kuu timid? Walaal anaa waxaad rabto ku siinayee meeday Istaahil? Dee ilama socoto maanta. Haye, oo dabeedna, maxaa... bal kaalay alaabta ku siiyee.

Deeq oo imika ay naxdin kale hayso ayaa u adeegay Maryan. Iyadoo qanacsan ayay albaabka ka baxday. Deeq oo ku qalalay sidii uu u taagnaa ayaa adkaysan waayey. Orod ayuu kaga soo booday albaabkii isagoo hiinfaadhayana uu u dhawaaqay: -

Maryan! Maryan!

Way istaagtay waxayna la kulantay Deeq oo soo ordaya. -

Hee ma waxbaan iloobay? Ayay lasoo booday iyadoo bacda hoos u eegaysa. Walaal heedhe, sideen ula kulmaa Istaahil? 40


-

-

Oo maxaad ka rabtaa? Anaa iyada u sheegi taase adigu iisheeg uun. Oo maxaan ka faa’iidayaa markaa? Haaye walaal ilaahay ka yaaboo iisheeg si aan ula xidhiidho. Horto waxaaba midbaa ka sokaysa, inantani diyaar uma aha sheeko sheeko iyo waxyaabahaas, mida kale maalmahan oo dhan arooska inaabtideed ayay ka shaqaynaysaayoo wakhti ay cid kula kulanto maba hayso. Yacnii sidee diyaar uma aha baad u jeedaa? Waar waxaan ku idhi Istaahil sheeko diyaar uma aha ee haku daalin. Hee dee maa la qabaa mise waa loo soo socdaa? Mayee lama qabo cidna uma doonana laakiin sababo kale ayaa jira kolley. Hadaba walaal anigaa la hadli oo ka samaysane adigu isku kaaya xidh. Bal waa sax, nin is hubaad tahaybee. Markuu aroosku dhammaado ayaan maalin soo kaxayn. Ma ballan baa? Waa ballane nabadeey, cadceedaa kulule. Deeq ayaa dukaankii kusoo noqday isagoo guul iyo

guuldarroba tirsanaya. Waxa uu la kulmay wajiyada Mahad iyo Xiiqsane oo hadal u ooman. Iyaga oo aan su’aalin ayuu intii ay Maryan is dhaafsadeen u sheegay. Saaxiibadii aad ayay u dhiirigeliyeen waxayna ku ammaaneen geesinimo.

41


Sabti, 14-april. Mahad oo garabkiisa fadhiya ayuu gujiyay. -

Maad naxsan tahay?

Mahad oo hadalku gaadhay ayaa dhoolacadayn iyo is-giijin ugu jawaabay. Xiiqsane oo Deeq dhanka kale ka fadhiya ayaa dhagta teleefan ku haya fadhigana wax ku maamulaya. Hawshu si habsami ah ayay u socotaa. Meherkii uu dhacay Mahadna xaasley ayuu noqday. Hadhimo qiimo gaar ah leh ayaa la cunay si guul ahna way ku dhammaatay hawshii. Sida qorshuhu yahay waxa caawa casho sharaf loo samayn doonaa Mahad iyo Ifraax waxana wehelin doona inta ugu dhow-dhow ee asxaab iyo qoyska isugu jirta. Deeq oo doonaya in uu xafladdaas isku diyaariyo ayaa goor galab ah guriga yimid. Isaga oo qolkiisii sii galaya ayuu maqlay Milgo oo u yeedhaysa. Inta uu soo noqday ayuu u yimid. Waxa uu la kulmay Milgo oo aan keli ahayn. Si humaag ah ayuu u arkayaa in ay tahay qof dumar ah. -

Hee Hooyo. Ka warran hawshii, si fiican ma idiinku dhammaatay? Alla haa ilaahay uu nagu asturay, ayuu lasoo booday. Inantan i ag fadhida maad garanaysaa Hooyo?

Deeq ayay indhihiisu la kulmeen weji dhoolacadaynaya. -

May Hooyo, waa tuma? Waa Sahra dee. Shalay jimcihii ayay timid. Sahra Sahra Sahra... Dee Aamina inanteedii aan kuu sheegayey. 42


-

Haa haa. dee waxba garan maayee, waan ku salaamay walaal.

Cod diciif ah ayuu ku maqlay: -

Waan kaa qaaday walaal. Sahri si fiican bay kuu garanaysaa Hooyo illaa ciyaalnimadiinii way xasuusataa. Wallaa? Anigu waxba ka garan maayo wallaahi. Dhib maleh waad is baran doontaan insha Allah.

Deeq oo wadnuhu laba boodayo ayaa albaabka kasoo baxay. Isaga oo aan wax badan is weydiin ayuu u dhaqaaqay diyaargarow. Dhowr jeer oo kala duwan ayuu teleefankiisu soo dhacay dhowr qof oo kala duwanna uu la hadlay. Waxa ka mid ahaa Xiiqsane. -

Waar Deeq xagay wax kuu marayaan? Waan is diyaarinayaa. Ma weli? Haa, dee mar dhowayd baan bilaabayba. Waar heedhe, caawa meesha waa la’isku arkayaabaa la yidhiye. Yaa isku arkaya? Waar nooc waliba way imanayaan caawa niyow. Oo dabeedna? Waar nabadeey niyow.

Deeq oo hoos u qoslaya ayaa hawshiisa sii watay una dhaqaaqay dhanka gaadhiga. -

Hooyo ma imikaad baxaysaa? Ayuu ku war helay. Haa Hooyo. 43


-

Sug dee sug sug aad Sahra sii qaadide. Yaa? Sahra ayaad qaadaysaaye sug. Waa diyaare waa tane, kaalay Hooyo Sahraay.

Deeq oo aan jeclaysan arrinkaas ayaa soo dhaweeyey Sahra. -

Haye, inamari walaal.

Isaga oo aan la qabsan dareenka ah in qof dumar ah oo aan hooyadii ahayn ay gaadhiga u dhex fadhido ayaa su’aal gaaban ku tuuray: -

Walaal xageen ku geeyaa? Gurigii walaal, ayay si xabeebi ku jirto u tidhi. Guriguna waa halkee markaa? Gurigayagii, een hore u soco anaa ku tusiye.

Deeq oo niyada ka jawaabay ayaa xawaaraha kordhiyay isagoo culays tirsanaya. Indhahoodu dhanka hore ayay ku qalaleen. Waa la’is ag fadhiyaa waxna la isma odhan. -

In ay raggu sidaada wada ahaadaan ayay ahayd.

Deeq oo hadalku lama filaan ku noqday ayaa wax uu ku jawaabo garan waayey. -

Yaa, sidee? Dee inan wanaagsan oo hooyadii la shaqaysanaya oo edaab leh ayaad tahay. Way jiraan qaar iga wanaagsan kolley. Ismaan lahayn isaga oo aan weli guursan ayaad Hargeysa kusoo noqon.

Qosol naxdin ku jirto inta uu qoslay ayuu yidhi: 44


-

Miyaa? Maxaad is lahayd? Dee naaguhu dayn maayaan baan is lahaa. Dee imikaba ima daayaane aniguunbaan diyaar u ahayn. Haddaa iska daa fursad baaba ii banaane.

Deeq oo naxdin dhagihii awdmeen ayaa waxa uu maqlay u qaadan waayey. -

Yaa? Maxaad tidhi walaal? Haddaa iska daa bagaanad guursane ayaan ku idhi.

Qosol anfariir ku jiro ayaa kasoo booday. Wax yar ayaa la kala aamusay isna wax uu ku darsado ayuu garan waayey. -

Halkan weeyaan walaale istaag. Ma kanaa gurigu? Haa walaal.

Sahra ayaa inta aanay degin kahor soo jeedsatay sidii qof wax iloobay. -

Walaal teleefankaaga maad ii qori haddii aan wax u baahdo aan kula soo xidhiidhee. Maanad magaalada isoo kala tusayn mar uun?

Deeq oo markii ugu horreysay wejigeeda ka bogtay ayaa gacanta jeeb qaldan kula booday. Hadana kala soo noqday. -

Qoro walaal. Haye, nabadgelyo walaal.

Deeq oo aanay maskaxdiisu ka gaadhsiin in ay liqdo wixii la’is yidhi ayaa goobta isku iloobay. Ilbidhiqsiyo kadibna ka dhaqaaqay meeshii. Deeq oo hadalkii kusoo duxay ayaa 45


naxdin afka gacanta kula booday dibna u naqtiimay haasaawihii dhex maray isaga iyo Sahra. Dhowr jeer oo hore Deeq tan oo kale way soo martay, balse tani maanta raad gaar ah ayay ku reebtay. Marka uu kasii fikiraba way kusii ballaadhataa. Isaga oo aan is ogayn ayuu soo gaadhay madashii cashada. Xiiqsane oo dhowr inamood la taagan ayuu kusoo baxay. Sheekadii ayuu bannaanka kula wadaagay iyadoo kolba gaadhi soo istaagayo. Deeq oo raagsaday Mahad iyo xaaskiisa ayaa teleefanka lasoo baxay. -

Caruus dee imika waad culusaatoo waataa lagu sugayee. Waar waanigan soo laabaya imika. Dee waa saxe anagu waanu sii geliye soo socda.

Isaga oo telefoonka ku mashquulsan ayuu dhanna ka maqlayaa Xiiqsane oo inanta soo martaba salaamaya. Intii ay sii wada socdeen ayuu Deeq weydiiyey: -

Oo kaalay adigu hablaha maad wada garanaysay? Dee maya. Haddaa sowdigii la wada hadlayay. Oo dee taasi ma barashay u baahan tahay? Cajiib. Waar waxaan arkay ma ogtahay? Hee. Tii baan arkay dee. Tee? Dee tii dukaanka inoogu timid.

Deeq ayaa dhan uu u qaado garan waayey. 46


-

Waar dee tii la socotay taad ku dul wareegaysay maalintii. Ma Maryan? Haa dee. Maryan. Iyadoo qof kale la moodo. Oo maxay meesha kasoo doontay?

Iyagoo hadalka afka ku haya ayay soo galeen goobtii loo waaheelay. Dadkii meesha sii fadhiyay ayaa sheekadii joojiyay. Deeq oo aan dhinacyada eegin ayaa kursi uu sheeda ka ishaaqsaday dhankiisa u dhaqaaqay. Intii soo xigtay ayuu salaamay. Wax yar kadib waxa soo galay Mahad iyo Ifraax. Laba gabdhood ayaa weheliya. Mid ka mid ah uu garanayaa. Deeq oo aan wejigeeda sixin ayaa soo dhaweeyey saaxiibkii iyo dumaashidii. Intaanu fadhiisan ayuu gartay suniyaha huruufka u samaysan iyo indhaha feejigan. Waa Istaahil. Quruxdii uu ku ogaa ayaa labanlaabantay. Deeq oo is iloobay ayaa in uu fadhiisto haleeli waayay. Istaahil ayaa u dhaqaaqday dhankii kursigeeda ishana kusii xaday Deeq. Deeq ayaa ku war helay jugta jilibka kaga socota. Waa Xiiqsane. -

Fadhiiso dee.

Istaahil waxay fadhiisatay kursiga kasoo horjeeda Deeq taasina xasilooni darro ayay ku keentay isaga. Kaftan iyo qosol ayaa socda laakiin isagu waxaa waa ka dhago la’ yahay. 47


-

Waar sow maaha Deeq?

Deeq oo hawl in ku filani haysato ayaa ku baraarugay su’aasha. -

Haa waa sidaa, ayuu isku dhaafiyay.

Jawigii uu ku jiray ayuu dib ugu noqday. Istaahil aad ayay u sheekaynaysaa waanay qoslaysaa balse Deeq eegmada ayuu qaabilsan yahay. Cidi kuuma jeedo ayuu is leeyahay laakiin aad ayuu u farsamo xun yahay. Deeq cuntadii hortiisa taallay waxba kamuu cunin. Istaahilna uu galaaftay. Ifraax ayaa Mahad hoosta ka gujisay si hoosena wax ugu sheegtay. Mahad ayaa dhanka Deeq usoo jeestay oo weydiiyey: -

Maad gubanaysaa?

Deeq oo aan su’aasha sugayn ayaa ku jawaabay: -

May niyow ee waan iska dhididay uun. Malaha waa cuntada. Cuntadu sawta ku hor taalla ma adigaa waxba ka cunay. Haaye... Bal inamari.

Bannaanka ayay usoo baxeen. Deeq oo su’aasha la sugi kari waayey ayaa weydiiyey: -

-

Sawtan Istaahil joogta. Maxay meesha ka qabanaysaa? Waar anaa sheekadeeda oo dhan kuu haya. Inanta Istaahil lama yidhaa. Inanta Balqiis baa la yidhaa. Waxayna inaabti yihiin Ifraax. Maantuunbaan ku naxay. Haye? 48


-

Dee waabay soo dhawaatay markaa. Alxamdulillaah haddaa. Dee laakiin niyow sidan isu dhaan. Waaxay waa lagu fahmayaaye. Sheekee oo dhididkan iska daa. Waar dee aniga maaha. Waan baqayaa uun markaan arko. Maxaad ka baqaysaa? Ma garanayo wallaahi. In dil la’igu xukumay uun baad moodaa markaan arko. Hadaba waa saxe dil laguguma xukumine is yara adkee.

Madashii ayay kusoo noqdeen. Hablaha intooda badani waxay la dhaceen labiska iyo muuqiisa laakiin Deeq waxaasi uma muuqato. Kursigiisii ayuu ku noqday. Taladii Mahad halkii ayuu kaga yimid. Hawshiina halkii ayuu ka bilaabay. Wax ay sidii ku socotaba habeenkii gebo-gebo ayuu ku dhawaaday. Ifraax ayaa bilowday in ay u mahad celiso asxaabteeda iyo intii hawsha si fiican ula waday. Mahad ayaa ku xigay. Isaga oo ujeedo gaar ah ka leh ayuu magaca Deeq ku tiiqtiiqsaday ammaan gaar ahna siiyey. Goobtii ayaa laga kacay. Deeq ayaa wax walba sameeyey si uu ula hadlo Istaahil. Wax uu wadaba fursad ayuu helay. Tallaabooyin cul-culus ayuu dhankeeda usoo qaaday. -

Walaal waxaan ku weydiiyey...

Istaahil ayaa si dabacsan usoo eegtay uguna jawaabtay: -

Hee?

49


Deeq ayaa hadal iska waayay. Candhuuf weyn ayuu liqay. Cod googo’aya ayuu kusii watay: -

Waxaan dhowr habeen ku hurdo seegay isu diyaarinta kulankeeda koowaad iyo sidaan kuula hadli lahaa maalinta aynu kulanno. Hadana wixii oo dhan daaqada ayay ka baxeen imika.

Istaahil ayaa dhoolacadaysay. Sidii roob dhul ooman ku hooray ayuu Deeq u qabowsaday. -

Horto walaal ma Istaahil baa lagu yidhaa mise Balqiis? Balqiis. Maryan baa maalintaa magaca kuu bedeshee. Oo magacaagu waa Balqiis? Hee muu foolxun yahay? Maya maya. Aad buu u qurux badan yahay. Ma hooyaa kuu bixisay mise aabo? Mayee aabo. Adigana? Aniga Deeq baa la’i yidhaa. Hooyaana ii bixisay. Waan ogahay in lagu yidhaahdo Deeq. Sheekadaada waan ka dharagsanahay. Oo walaal maxaad iga maqashay? Bilee hadalo xun lagu soo gaadhsiiyey. Adigu ma waxbaad isku og tahay? Maya dee... Bes dee hadaa.

Deeq oo diidaya in ay sheekadu kala go’do ayaa sii waydiiyey: -

Oo walaal xageed degan tahay? Jaar baynu nahay. Wallaahi? Runta ii sheeg walaal. 50


-

Waa iga dhab. Dhawr guri ayaa inoo dhexeeya. Gebigaba? Haaheey. Oo mudo intee le’eg ayaynu jaar ahayn? Ugu yaraan toban sano. Oo intaas oo dhan maxaan kuu arki waayey? Adigu hablaha maad tiro koobtaa? Mayee dee laakiin... horto aniga iyo habluhu iskuma fiicnin. Waayo? Xiisaha dumarka ayaa igu yar baan u malaynayaa. Ma saasaa? Laakiin beri dhoweyd ayaan is bedelay. Waanigii arkay gabadh xuural cayn ah. Haye? Dee waakaa. Qof la nooc ah hore umaan arag. Laakiin fulaynimo badan ayaa i haysa. Waa iska caadi fulaynimaduye, ma laga yaabaa in ay inanta lafteedu baqayso? Wallaahi waa suurto gal. Markaa maxaad igula talin lahayd? Hadii waxaa aad sheegaysaa kaa dhab tahay, ku dedaal oo iyadana tus. Anigu diyaar baan u ahay inaan sameeyo wax kasta oo ay xaaladu igu qasabto. Sidaa aan kuu sheegay samee hadaba waa saxe.

Cod keeda ka duwan ayuu xaga dambe ka maqlay. Waa Xiiqsane. -

Waar Deeqoow!

Deeq oo is dhegomarinaya ayaa si geesinimo leh u yidhi: 51


-

Walaal waxa laga yaabaa in aan talooyin badan kaaga baahdee teleefankaaga isii. Waakane qoro.

Deeq ayaa sidii ilmo yar oo dharkii ciida loo xidhay farxad lasii jeedsaday. Saddex illaa afar tallaabo kadib ayuu teleefankii wacay. Isagoo dhawaaqa teleefanka Balqiis maqlaya ayuu tallaabada sii watay. -

Hello? Ma Balqiis baa? Haaye. Oo sowdigan i ag jooga. Haaye waxaan hubinayay teleefanka. Okey. Anigana lambarkaygii wakaa walaal. Haye, nabadeey.

Deeq oo teleefanka gacanta si taxadir ku jiro ugu ilaalinaya ayaa inta uu dadkii ka gabaday gaadhiga dhex fadhiistay. Isaga oo aan is ogayn ayuu teleefankii daawanayaa. Wax uu is adkeeyaba uu ku celiyay Balqiis. -

Hello? Walaal heedhe... Hee? Een waxaad tidhi waxaan daganahay jaarkaaga sow maaha? Haa, hee? Dee miyaanad gurigii tagayn aan kusii qaadee. Walaal may. Ifraax baan hoteelka u raacayaa caawa oo halkaasaan ku nagaadayaa. Haa. Haye okey. 52


Deeq ayay fikrad kusoo dhacday. Mahad ayuu rabaa in uu la hadlo. -

Haloow. Waar Mahad. Weli maad baxdeen? May. Hablihii baanu sugaynaa. Dusha ka wadoo. Balqiis may idin raacaysaa? Haa. Ma illaa huteelka? Haa. Haye. Inanta waxaad tidhi ifraax ayay ilmaabti yihiin sow maaha? Haa. Dee bal niyow Ifraax si farsamo ah wax ugu sheegoo warkeeda soo sug. Haye. Anna berri baan kuu iman subaxee. Haye.

Deeq oo si nasasho la’aan ah gaadhiga u dhex fadhiya ayaa sheeda ka daawanaya gaadhiga ay fuuli doonto Balqiis. Wax yar kadib ayay soo baxday gaadhigiina uu weydaartay. Deeq ayaa Xiiqsane soo macasalaameeyey dhankii gurigana usoo kacay. Isagoo waaga raagsanaya ayuu tagay gurigii. Meeshii uu u jeclaa ayuu jiifsaday. Uu is kala bixiyey. Hadalkiisii ayuu dib ugu noqday waanu ku qancay sidii uu wax yidhi. Dhawaaq uu aad u yaqaan ayaa yeedhay. Waa codka teleefankiisa. Isaga oo aan hubin ayuu la booday dhagtana kula orday. 53


-

Haa walaal. Salaamu calaykum. Calaykuma salaam.

Deeq oo codkii soo saari waayey qofkii uu rabayna noqon wayday ayaa waydiiyay: -

Waa tuma walaal. Waa Sahree. Haaa Sahra. Walaal ma fiican tahay? Aad. Salaan uunbaan is lahaaye. Haa. Haye. Waan fiicanahay. Haye waynu is maqli. Haye.

Deeq waxba iskaga muu tirin hadalkaas. Degdeg ayuu u seexday.

54


Axad, 15-april. Deeq ayaa sidii oo uu iskuul ka habsaamay samada u booday. Saacada ayuu degdeg u eegay. Waa 7.14 subaxnimo. Teleefanka ayuu ka eegay in ay cidi soo wacday waxna uu ka waayey. Si dhakhso ah ayuu guriga uga soo dhammaaday. 13 daqiiqo kadib waxa uu soo gaadhay hoteelkii. Gaadhiga ayuu ka degay gudahana muu gelin. Teleefankii Mahad ayuu garaacay jawaab dhakhso ahna uu helay. -

Haa? Hoostaan joogaaye. Miyaa? Dee isug aan soo dagee anna diyaar baan ahee. Haye.

Mahad oo tallaabo-dheeraynaya ayaa albaabka kasoo baxay. -

Waar bal inamari inamari. Kaalay soo fuul gaadhiga, ayuu Deeq yidhi.

Iyaga oo aan hareerahooda eegin ayay hore ka dhaqaaqeen. Deeq oo su’aalo badan haya ayaa soo burqaday. -

Ii warran. Balqiis may joogtaa? Waar haaye dhagayso. Hee. Inanta sidaan kuu sheegay waa ilmaabti aadna way isugu dhow yihiin. Haye. Anigu horto waan waydiiyay oo waxaan ku idhi inantu ma nin bay u doonan tahay mayana way iigu jawaabtay. Haye. 55


-

Markaa magacaaga maan sheegin markii hore oo waxaan ku idhi inanta inan baa jecele bal ka warranoo iyadna waxay igu tidhi sidii ay Maryan kugu tidhi. - Haye. - Kuye inantu diyaar uma aha waxyaabahaas. Oo xitaa inan baa maalin dhowayd i shukaansaday bay igu tidhi bay tidhi. - Haye. - Markaa inankaa kalena uu jiraa ayay tidhi Ifraax. Anna waxaan ku idhi waa isku mide ka soco. - Haye. - Dee markii dambe waan is hayn kari waayeyoo magacaaga waan u sheegay oo waxaan ku idhi inanku waa Deeqeena. - Oo imika waad u sheegtay? - Haaye halkan istaagoo. Aynu makhaayadaa fadhiisanee. - Haye. Maxay tidhi markaa? - Waxay tidhi dee wallaahi Deeq waa inan wanaagsane anaa bal lasoo hadli. - Haye. - Markaa imikay la hadlaysaa oo waanigan usooo kala baxay. Goor fiican baad ii timid. - Hadaba anigu waanigii teleefankeeda xalay ka qortay. - Maad ka qoratayba? - Haa. - Hadaba ha garaacin maantee aniga iga war sug anaa waxay tidhaahdo kuusoo sheegiye. - Dee haaye naga dhakhso hadii kale waan ku dhufanayaaye. - Haye haye. Deeq iyo Mahad way iska sheekaysteen waxyar kadibna Xiiqsane ayaa u yimid. In mudo ah kadib Mahad huteelkii 56


ayaa lagu celiyey. Deeq iyo Xiiqsanena waxay usii dhaafeen dhankii dukaanka oo ay dhowr saacadood ka dhex adeegi doonaan. Jidka ayay ku jireen goortii uu teleefanku yeedhay. Waa Sahra. - Haloow, ayuu ku bilaabay. - Haa salaamu calaykum. - Wa calaykuma salaam. - Walaal Deeq ma fiican tahay? - Haa walaale ma fiican tahay adigu? - Aad baan u wanaagsanahay, een waxaan islahaa dee waakan isagu kuu iman waayee adigu maanta dukaanka ugu tag oo soo salaan. Markaa imika waan soo socdaa. - Walaal dukaanka ma joogo. Inta aanay jawaabin ayuu sii watay: -

Maanta uu xidhan yahay oo maba furayno. Wallaa. Dhib maleh. Haye nabad gelyo. Haye walaal.

Xiiqsane oo su’aasha la sugayay Deeq ayaa lasoo booday: -

Oo kaalay, soynaga dukaanka u socona maxaad saa u leedahay? Ka wareeg, ka wareeg. Qoobadahaagii mid ina gee. Miyaynu fadhiisanaa? Hadaa maxaad qaban lahayd? Dee waa sax. Mahadna? Waar Mahad waa aroose ha inagu daaline inamari. Isku suuq ma nihin imikee.

Bar ay iyaga uun garanayaan ayaa la fadhiistay. Deeq farriin ayuu ka sugayaa Mahad wax uu sugana uu helay farriintii. -

Haloow. 57


-

-

Waar Deeq! Haa Mahad. Xageed joogtaa? Waar meel buu Xiiqsane na geeyee. Maad qayilaysaan? Haa Bagaad iga tagteen aniga hadaa. ... Waar waxaan ku idhi. Hee? Ifraax waan la hadlay kow dheh. Kow. Inantii way wada hadleen. Waxayna ku tidhi naa Deeq oo inan wanaagsan ah ayaa ku rabee maad si fiican ula hadashid. Madax ilaahay, haye. Iyaduna waxay ugu jawaabtay ”naa anagaa heshiinaynee adigu iskaga bax”. Yaa? ”Anagaa heshiinaynee adigu iskaga bax”. Haye. Dee markaa waa in aad la hadasho inantu waxba ma diidanee. Oo haaye maxay uga jeedaa anagaa heshiinayna? Haloow? Waar Mahad maad i maqlaysaa? Haloow? Haa imikaan ku maqlayaa. Haa uu googo’ayaaye. Waxaan ku idhi. Bal anaa la hadliye iska naso adigu. Anaa kuusoo sheegi halkaanu isla marnee.

58


Deeq oo aan hadalkii uu rabay aan ka helin Mahad ayaa teleefankii dhulka dhigay koob biyo ahna afka kula orday. Talo ayaa ku ballaadhatay. Xiiqsane oo isha kala socda ayaan waxba ku darsan. Mudo markii ay kala aamusnaayeen ee uu Deeq dhinacna u dhaqaaqi waayey ayuu Xiiqsane ku guubaabiyay: -

Dee wuxuun yeel.

Deeq oo aan wax jawaab ah bixin ayaa dhowr qori is dhaafiyay. Dhanka musqusha ayuu u hinqaday wax yar kadibna isaga oo soo fooldhaqday ayuu soo noqday. Teleefankuu hore kala booday isaga oo aan fadhiisanna uu wacay. Cod uu aad ugu doogsaday ayuu maqlay. -

Hello? Walaal Balqiis. Iska warran? Alla waryaa walaal. Oo waaxay saasi? Hee walaal, sidee? Waa maxay fulaynimada intaa leegi?

Deeq oo raba in mawduuca laga gudbo ayaa hadana sii waday. -

Walaal fulaynimadee? Qosol uu qasab kusoo saarayna uu raaciyay. Waaxay dadkaad iisoo diraysaa?

Deeq ayaa saxday. In uu muujiyana diiday. -

Walaal een... i sug bal.

Koob biyo ah ayuu ka gaadhsiiyey. 59


-

Een maxaad tidhi, yaa kuu yimid walaal? Nimaan waxba ogayn maxaad isaga dhigaysaa? Wallaahi bay iga tahay walaal. Maxaan ogahay? Sowdiga Mahad soo diray ee uu Mahadna Ifraax la hadlay. Ifraax oo ganan baa isoo gashee. Walliyo billay iga tahay walaal. Waxba kama ogi waxaas. Waxaasoo dhan waa Mahad. Oo ma waxba kama ogi baad leedahay? Waxba kama ogi manaan soo dirin. Waa saxe ka gudub. Imika maxaad haysaa?

Deeq oo geesinimo wixii uu hayayba badka soo dhigay ayaa iska soo jaray: -

Walaal heedhe. Habeenkii aad ila talinaysay ma garanaysaa wixii aad i tidhi? Dee wax badan baynu is nidhiye maxaan ka garanayaa. Waxaad igu tidhi inanta aad jeceshahay tus jacaylkaaga. Haa wax saa u eeg buu ahaa. Dee waa la’igu weyn yahay walaal. Adigaan ku jecelahay.

Sidii goob madfac ku dhacay ayay hadal beeshay. Midna cod uu kasoo bixi waayey. Xiiqsane oo koob shaah ah ku qalalay ayaa dhaqaaqa joojiyay. -

Haloow?

Jawaab ayuu waayay. -

Balqiis?

Goor dambe ayay soo rogaal celisay. -

Waxaan ku weydiiyay, ma iska hubtaa? Haa wallaahi. 60


-

Imisa hablood oo hore ayaad kusoo tidhi sidaas oo kale? Tii u horraysay baad tahay Istaahileey walaal. Waa sax. Waan ku aaminayaa. Haa walaal Istaahileey.

Deeq oo aan kaba sii fikirin sidii uu uga sii socon lahaa halkan uu joogo ayaa mudo aamusnaa intaanu ku sii darin: -

Caawa maxaad qabanaysaa. Maka soo fakan kartaa inaabtidaa? Hee waayo? Waynu soo wada cashayn lahayn si aynu isu barano.

Istaahil ayaa qosol aad u gaaban raacisay. -

Waa sax. Goormaan kusoo doonaa imika markaa? Wakhtigaad doonto. Laakiin inta cishaa’iga ka horaysa. In aan degdeg usoo noqdo ayaan rabaa. Haye walaal. Waa inoo bacda makhrib. Nabadeey.

Deeq ayay ku qaadatay wakhti inta uu teleefanka dhagta ka qaadayey. Xiiqsane oo war sugayaana dhankan ayuu fadhiyaa balse waxba afka kamuu weydiin weli. Ilmo dheeraynaysa oo aad u kulul ayaa Deeq ka gabax tidhi. Sidii nin wax loosoo sheegayna bannaanka ayuu u booday. Dhowr dheecaan oo kala nooc ah ayay maskaxdiisu mar keli ah sii wada daysay. Kun dareen oo kala jaad ahina jidhkiisa ayay ku kulmeen. Dhowr daqiiqo ayay ku qaadatay inta uu isasoo dejinayey waxaanu dib ugu soo noqday Xiiqsane oo 61


sii sugaya. Xiiqsane ayaa inta uu Deeq fadhiisanayo hadalka la sugay. Isaga oo si yar u dhoolacadaynaya ayuu waydiiyey: -

Haye? Warka soo daa.

Deeq ayaa qosol meel uu ka yimid aan la garanayn oo naqas u badan ku nafisay intaanu hadalka bilaabin. -

-

Duco qabe ayaan ahay wallaahi. Haaye ducadu ha’ii dambaysee, inantu maxay ku tidhi? Inanta waxba iskuma diidanin. Horto caawa mid baan xaqiiqsaday Deeqoow. Waxaan xaqiiqsaday in uu jacaylku wax jira yahay. Hee maxaad aragtay? Waxaan arkay jacaylkii oo qof iska soo dhigay. Yaa? Waxaan ku idhi jacaylku haduu qof ahaan lahaa, adiguu ahaan lahaa caawa. Markaa imika dee ballantiina waan maqlayee mardhow baad is arkaysaanba sow maaha? Haa, imikaan kacayaa. Waa inoo berri insha Allah. Sug sug dee, xageed alaabahaaga uga tagtay. Waar dan kama lihiye nabad gelyo.

Tallaabada ayuu si hufan u qaaday gaadhigana dhanka magaalada ayuu u jeediyey. Waxa uu sii maray masjidka maqribna uu ku tukaday. Maanta salaada waxa weheliyey duco aad u dheer oo uu galay salaada kadib. Isaga oo qalbiga iyo jidhkaba ka diyaar ah ayuu usoo kicitimay dhankii hoteelka. Goortuu yimid ayuu wacay.

62


-

Waan ku arkayaa, waan soo degayaa, ayay kala hor timid.

Albaabka ayay kasoo baxday iyada oo tallaabada cutinaysa. Deeq oo aan is ogeyn ayaa gaadhiga kasoo dhex booday. Indhihiisa ayaa ku xasilay socodkeeda mudo ilbidhiqsiyo ah. Mudadaas Deeq waxa uu dareemayay in ay isaga iyo Balqiis oo keli ah ay aduunka ku nool yihiin. Wejigiisa inta badan waxa qarisay dhoollacadayn aad u weyn. -

Iska warran? Ayay si xishood ku jiro ugu tidhi iyadoo gaadhiga dhinaca kale ka taagan.

Isaga oo hadalka ku baraarugay ayuu u jawaabay. -

Nabad nabad walaal. Fadhiiso.

Deeq oo aan maanta dhibsanayn qofka ag fadhiya wax degdeg ahina aanu ku jirin ayaa si qumaati ah u dhaqaaqay. -

Meesha aad rabto ayaan ku gaynayaa caawa ee iisheeg. Meel uun ina gee anigu ma kala jecliye.

Deeq inta badan wadada uu iloobayaa waxaanu ku mashquulayaa wejiga Balqiis. Dhowr jeer ayay kusoo jeedsatay isagoo kusoo maqan. Mudo gaaban kadib ayay soo gaadheen goobtii ay u socdeen horena way ka fadhiisteen. Deeq oo aanay weligii fursad noocan oo kale ahi soo marin ayaa go’aansaday in aanu iska kala tuurin. Waxa uu naftiisa la qaatay in wax kasta oo dhaca aanu marnaba siideyn xadhigaa uu maanta soohdintiisa bilaabay. Hadal aan meel 63


gaadhsiisnayn ayaa la’is weydaarsaday. Ardaaga ayaa la isu dhaafi waayey. Balse Balqiis ayaa taas wax ka bedeshay: -

Imisa jir baad tahay horto Deeqoow? Walaal 27 jir. Ma 27 ku dhan?

Deeq ayaa jawaab iska waayey. -

-

Waan kula kaftamayaaye waxaad ii sheegtaa, koley nin 27 jir ah oo aan weli xaas yeelan dhowr meelood ayuu ka war keenee, imisa meelood baad soo martay? Jawaabta ayaan la baqayaayoo waxaan is leeyahay billee ku rumaysan weydaa. Hee, miyaad socod badnayd? Maya maya, adiga hortaa weli gabadh xataa lamaan hadal hadaan ku idhaa ka warran? Dee waad kaftamaysaa. Iskadaa sheekadoodoo ag joogooda ayaanan isku karaynba. Oo sowdigan imikaba i ag jooga. Dee adigu sow Balqiis ma tihid. Waaw. Waad i amaanaysaabee. Sow uma qalantid dee. Laakiin waxaanan weli fahmin, 27 jir aan weli qof jeclaan. Way ii yara cuntami la’dahay. Horto dee qofkii la jeclaanayey sow in la helo maaha. Ileyn hawada lama jeclaanayee? Haa. Dhibku halkaasuu ka taagnaa. Laakiin waadigii galab qabow albaabka iiga soo galay. Ka warran hadii aan kuu noqon waayo taad rabtay. 64


-

-

Horto qof xun uma eekid, ta kale ma ninkayga markii ugu horreysay qof uu ka helo arkay ayay tiina ka xumaanaysaa? U malayn maayo. Labadeenaba ilaahay dad wanaagsan ha inaga dhigo. Aamiin. Haye bal adiguna iska sheekee. Maxaan ka sheekeeyaa? Wax i weydii! Sawir noocee ah ayaad iga haysataa aniga?

Inta ay malqaacaddii dhinac isaga dhigtay ayay wejiga si buuxda u siisay Deeq uguna jawaabtay: -

-

Wax badan kaama aqaan. Haye. Magacaaga adigaaba ii sheegay maalintii meheradda aan kuugu nimid. Waxa kaloon ogahay in hooyadaa Milgo la yidhaahdo. Dhowr meheradood aad leedihiin. Hooyadaa ay aad kuu jeceshahay. Adna aad aad u jeceshahay iyada. Qof degan in aad tahay. Dumarka aan la hadlin. Aad u xishood badan oo hadii ay inani eegto kufaya. Waxaan ku weydiiyey, sowdigii imika lahaa wax badan kaama aqaan. Haa dee, intaasi may badan tahay? Oo hadaa maxaa kuu dhiman? Anigu intaa in le’eg kaama aqaanee. Waxaas oo dhan yaa kuu sheegay? Horto dee inaad hooyadaa aad isu jeceshihiin cid waliba way ogtahay. Hooyaday haa. Billee ay i saniftaa oo ay tidhaahdaa inankayga ayay iga qaadanaysaa. Alla hooyaday saad moodayso maaha. Milgo waa islaan xadaariyad ah. Si fudud baad isu fahmi doontaan. Anaa maalin iskiin bari doona. 65


Inta aanay hadal u celin ayay maqashay dhawaaq. -

Alla ma cishaayi baa durba la eedaamay? Walaal kaalay i qaad waan daahee.

Deeq oo hadalka ka naxay ayaa dhinacna jecel in uu yeelo rabitaankeeda. Sare ayuu u booday. Inankii u adeegayay ayay kala dhammaadeen. Dhankii magaalada ayay kusoo noqdeen. Iyagoo qoslaya ayay durba soo gaadheen hoteelkii. Nabad gelyo iyo waynu soo wada hadli ayaa lagu kala tagay. Deeq ayaa waxa uu degdeg ula soo booday teleefankii waxaanu wacay Mahad. -

-

Haloow? Waar Mahad, dee inantii waanu is fahamnaye ilaahay hakaa jazaa’i siiyo. Waa iska caadiye waxaad samaysaa weliba, imika shan habeen oo kale ayaanu meesha sii joogaynaa ma ogtay, markaa dee wakhti aad isku barataan waad haysataa. Waa saxe aniga igu daa. Adiguna iska seexo oo waa inoo berri uun kolley. Haye, salaamu calaykum. Calaykuma salaam.

Deeq oo guul is bidaya ayaa gurigii yimid, isaga oo aan warwareegin ayuu jiifsaday. Caawa hurdada si dhakhso ah ayuu ku helay balse sidaas si la mid ah ayaa lagaga kiciyay. Waa Milgo. -

Waar Hooyo maad seexatay? Deeq! Deeq! 66


Deeq ayaa cod sakaraad ah ugu jawaabay: -

Haa... Yaa? Waxaan ku idhi, maanta dukaankii maad furine maxaa dhacay? Haa, Mahad ayaanu la joognay Hooyo. Sahraa ii sheegtee, way ku raadinaysee. Yaa? Sahraa dee ku raadinaysay. Oo dabeedna? Dee way ku raadinaysaan ku idhi. Haaye maxay iga rabtay? Oo waaxay maxay iga rabtay dee, maanad xishoonayn Hooyo? Hee? Inanta sownigii kaala hadlay maanad garanayn? Mayee waan ogahee laakiin dee haye kumaan odhan Hooyo. Seenad ii odhan? Sowdigii ogolaa. Waxba maan ogolayn Hooyee inanta diyaar uma ihi. Waxaasi wax kaa soconaya maaha ee isla yaab. ... Goor aan cid walba la hadlay baad ku leedahay kan iyo keer. Iska seexo imikana mar kalaynu wada hadliye.

67


Jimce, 20-april. Deeq ayaa salaada jimce ku tukaday masjid suuqa ku yaalla. Waxa weheliya Xiiqsane. -

-

Waar Xiiqsanoow! Yaa? Maanta arrin baa i gubaya niyow kow dheh. Arrinaa? Haye? Dee waadiga ogoo Balqiis imika muddaanu wada soconay, shan habeen ayaa caawa ku buuxda. Haye! Habeen dambe wixii ka dambeeya gurigeedii ayay ku noqonaysaa ma garatay? Markaa maxaad waddaa dee? Waxaan rabaa inaan caawa ku idhaa ”guur diyaar ma u tahay?” Yaa yaa? Dee waanad ku odhanayn. Hee waayo? Oo imika makaa dhabbaa? Haddaa maan kaftamayaa? Naw! Oo waxaan ku waydiiyay, inanta ma adaa yaqaanba. Waar si fiican baanu isu baranee. Ma waxaan shantan habeen ahayn baad ka hadlaysaa? Dee mayee waa shantaas uun. Dee hadaba gudcur baad gudaysaa. Ma anaa gudcur gudaya? Haa adiga. Dhagayso dee aan wax kuu sheegee. Aduunka cidi kaa dhagaysan mayso gabadh baan shan habeen ku bartay. Oo sow silti muldhukh isaga kaa dhigi mayso. Billee waxay kuu sheegtay oo dhanba been yihiin. Maya been may sheegine. 68


-

-

Maxaad ku garanaysaa inaanay been sheegin? Qof been sheega uma eeka. Hayaay! Waar waxan anaga na waydii niyow, shan habeen baad sheegtee shan bilood baanad ku baran karin niyow dadkan. Adigu al xaasil inantan caawa arrinka waan usoo ban dhigayaa niyow. Waa saxe ilaahay ha kugu asturee ku soco.

Isaga oo aan hadalkiiba dhammayn ayuu teleefanku usoo dhacay Deeq. -

-

Waa Balqiise aamus. Wadnahaygii! Iska warran walaal. Walaal aad baan u fiicanahay, adigu seed tahay? Aniguna waan fiicanee, bariidi uun baan is lahaaye. Anigaba waad iga soo horraysuune waan kugu soo maqnaaye. Walaal heedhe arrin ayaan doonayay in aan kaala hadlo. Haye. Laakiin caawa maka dhiganaa walaal. Haa walaal dhib maleh. Aniga laftaydu arrin baan is lahaa kala hadale hadaa caawa uunbaynu ka dhigan. Haye waa sax. Waa inoo caawa insha Allah. Haye walaal.

Xiiqsane oo halgan kula jira shookaanta gaadhiga ayaa weydiiyey: -

Maxay tidhi? Dee caawaanu balannay. Haa, dee ilaahay khayr ha kaaga dhigee waa ku kaa. 69


Deeq ayaa durba ku foofay sidii uu usoo bandhigi lahaa muraadkiisa. Iyada oo aanay madaxiisa ka dhammaan ayaa la gaadhay wakhtigii ay ballansanaayeen. Iyaga oo imika is dabeecad bartay ayay sheeko kusoo gaadheen goobtii ay u socdeen. Guudkooda qosol iyo farxad ayaa ka muuqda laakiin qof kasta wax gubaya ayaa quluubta ugu jira. Deeq ayaa bilaabay: -

Een waxaan rabay in aan wax kaala hadlo Balqiiseey. Haye. Laakiin horto adiga laftaada wax baad rabtay inaad ka hadasho sow maaha? Haa laakiin adigu ku horree. Waa sax. Een dee horto imika mudo kooban ayaynu is naqaanay, tiro ahaan aan badnayn laakiin haddii aniga la’i waydiiyo waa in igu filan. Runtii hadii aanan ku qanci lahayn shakhsiyaddaada caawa halkan maan fadhiyeen laakiin wax walba sabab ayay leeyihiin. Adigana waxaan filayaa in aynu isku haad marayno oo aad dareemayso sidaydoo kale. Sidaa darteed anigoon waxba hadalka kugu dheerayn, waxaan rabay in aynu hore uga gudubno xaaladdan aynu hadda ku jirno tallaabada xigtana u gudubno. Markaa jidkii diinteena iyo dhaqankeenuba dhigayeen ayaan rabaa in aan maro. Bal ka warran arrinkaas?

Deeq ayaa markii uu intaa iskasoo jaray kor u eegay Balqiis. Waxa uu la kulmay gacanteeda oo ilmo ka masaxaysa dhabankeeda.

70


-

Horto waa arrin aad u wanaagsan. Waana sidii saxa ahayd sidaasi. Waanigii ku lahaa inaan kula hadlaan doonayaa.

Deeq oo naqaska kala shaxaadaya ayaa u celiyey: -

-

-

Haye. Markaa horto marna maan filayn inay sidan isugu beeganto. Culays saa’id ah ayuunbaanay imika i saartay taasi. Horto haddii aan kuusoo bilaabo waxa jiray inan aan aad u jeclaa. Inankii markii aanu si fiican isu fahamnay ayaanu heshiis ku gaadhnay inaanu is guursano. Waxoogaa uu yara jeedjeedsaday, inaan markaaba shakiyo ayay ahayd laakiin jacayl baa i madax maray. Markii dambe adigu waxaanu ku heshiinay maalin in uu isoo doonto. Aabahay ayaan u tagay sidii ay ahaydna waan ugu sheegay. Aabahay runtii muu jeclaysan warkaas wuxuuna isku dayay in uu iiga digo raggan hadda jooga iyo masuuliyad darradooda. Aniga oo indho la’ ayaan is diidsiiyay inaan dhagaysto aabo waxaanan ku qanciyay inuu inankani ka duwan yahay kuwaa uu ka hadlayo. Isaga oo cago jiid ah ayuu ogolaaday iina duceeyay. Lix bilood ayaa hadda laga joogaa maalintii uu la ballamay aabahay ee uu isoo dooni lahaa. Illaa maanta waan sugayaa oo muu iman. Yaa? Waxaan maqlay in uu naag kale qabo oo uu magaaladana ka guuray. Anna waxaan go’aansaday in aanan nin kale la sheekaysan. Innaa Lillaah... Haye? Dee waad garan karaysaa saamaynta ay wax noocaas oo kale ahi ku yeelan karto inan biliseed. Adigu markii dambe aabo waanu wada hadalnay. Waxaan ogaaday in 71


-

uu iga saxsanaa waxaanan u sheegay in maanta wixii ka dambaysa wixii uu yidhaa ama qofkii uu ii dooro aanan hadal ka keenin. Isaga oo aad u niyadjabsan ayuu ballan ila galay. Waxaanu ii sheegay inaan fursaddaydii halkaas ku lumiyay maanta wixii ka dambaysana isagu uu ii guuriyo ninkii uu isagu doono. Si fiican ayaan uga aqbalay waanan ka ducaystay waxaanan is idhi mar haddii wixii aad samaysay raalligelinteeda ay shuruudaasi ku xidhan tahay wax weynba maaha. Sidii ayaanu ku heshiinay. Hadaba shalay ayaa anigoo isku buuqsan uu i arkay kadibna uu i waraystay waanan u sheegay in uu jiro inan Deeq la yidhaa oo aad uga duwan kii hore, si aan ugu sheegana aan garan waayey. Aabo oo aanay boogtii weli bogsan ayaa si kulul arrinkaa u diiday. Wuxuu i xasuusiyay heshiiskii aanu wada galnay kalmadna waan u celin kari waayey. Adigu show isaga laftiisu sheeko kale ayuu wataa. Daboolkaanu ka qaaday. Wuxuu ii diyaariyay nin. Ninku wuxuu degan yahay Ingiriiska waxayna saaxiib yihiin adeerkay. Show sheeko soo dhammaatay ayuunbaan la kulmay. Imika qorshuhu waxa uu yahay in aan berri tigidh soo goosto. Yaa? Maxaad tidhi Balqiis? Waa inaan tago Malaysiya, qof ardayad ah aan isaga dhigo safaaradda Ingiriiska. Sidaasna aan ku tago Ingiriiska.

Deeq oo aad moodo in geeri loosoo sheegay ayaa madaxa gacmaha saartay. Noloshiisii ayaa tiirarka dhexe laga guray. Si lama filaan ahna way u duntay. In cabbaar ah lama wada hadlin. Ma aha in wax laga hadlo la waayey balse wax lagu hadlo ayaa la waayey. Gacmahooda ayay ilmadu qoysay. 72


-

Anigu mala hadlaa aabahaa. Maya maya. Waxaan ku odhan lahaa inantaada anaa jecel sidii kii horena ma ihi ee adeer inanta isii. Maya. Suurto gal maaha. Mar koowaadka aabo go’aankan uu qaatay waxaanay u eegtahay in uu ninkan la hadlay. Mida labaad aabo uu iga saxsan yahay, si kasta oo aad kii hore uga duwan tahay heshiis ayaa dhexdayada yaalay. Waxaanan ku khasbanahay inaan u hogaansamo isaga. Waayo habaar ayaan ka baqayaa hadii aan is adkeeyo oo aad adigu u tagto. Markaa taasi suurto gal maaha.

Deeq oo albaab kastaa kasoo xidhmay ayaa dhan uu u dhaqaaqo garan waayey. Su’aal aad u munaasib ahna waydiiyay Balqiis: -

Markaa imika maxaynu samaynaynaa? Waa in aynu aqbalno in jacaylka iyo waayuhu ay xor kala yihiin. Mararka qaarkoodna aanay heshiis ahayn. Nasiibkeena ayaa ku beegmay goor ay col yihiin.

Deeq ayuu hadalku dhimbiilo kaga kulul yahay. Balqiis ayaa sii wadatay: -

-

Waxaan doonayaa in aan kaaga mahad celiyo sida aad maalmahan nolosha iigu fududaysay. Culays badan oo i saarnaa ayaad iga dul qaaday. Jacaylku waxa uu yahay ayaad dib ii bartay. Adiguna qof runtii aad u wanaagsan ayaad tahay. Ta ku hesha ayaa nasiib leh. Mid iga ballanqaad. Hee? 73


-

Inantaa nasiibka leh ee qalbigaaga hanata inta aanad guursan kahor ilasoo socodsii waxaan rabaa in aan kaa eegee. Ma doonayo inaad coon ku dul kufto.

Deeq oo maskaxdiisa iyo afkiisu kala hadlayaan ayaa qosol kooban

kaga

jawaabay

iyadoo

ilmadu

dhabanadiisa

dareerayso. Balqiis ayaa ruqaansatay balse Deeq ayaa markiiba qabtay. -

Hadaba walaal inyar uun ilasii yara joog. Kolleyba waad iga tagi doontaaye dhowr daqiiqo uun isii aan kaa bogtee.

74


Sabti, 21-april. Deeq oo aanay wax hurdo ah is arag ayuu waagu u baryay. Indho cas-cas ayuu lasoo toosay. Isaga oo aan niyad u hayn ayuu dhankii shaqada u kacay. Xiiqsane iyo Mahad oo sii sugayay maanta ayuu la kulmay. Goortay arkeen saaxiibkood oo murugaysan ayay fahmeen in ay wax weyni khaldan yihiin. Deeq ayaa isaga oo aan maqlayn salaanta uu ka helay saaxiibadii ayaa si cago-jiid ah u furay albaabka. Gudaha markii la galay ayaa la’is waraystay. Sidii uu xaalku ahaa ayuu Deeq ugu sheegay. Wax ka qabasho maleh. Waxaanay dareemeen in ay gacmuhu u laaban yihiin. Waxay usoo jeediyeen in uu iska nasto maanta oo uu iska tago waxaanu u sheegay in uu wakhtiga isku ilowsiinayo oo uu rabo in uu sii joogo. Goor barqo ah ayuu doonay in uu la hadlo Balqiis. In mudo ah ayuu teleefanka ku dul fikirayay isaga oo maskaxdiisa halgan kula jira. Ugu dambayntii teleefanka ayuu dhegta saaray. Laba jeer markii uu dhacay ayay maskaxdiisu go’aan kale gaadhay. Si dhakhso ah ayuu u jaray teleefankii isaga oo aad u neeftuuraya. Mahad iyo Xiiqsane sheedda ayay kala socdaan. Si dahsoon ayay u eegayaan iyaga oo isagana u diidaya in uu dareen qaato. Muddo 15 daqiiqo ah kadib ayuu teleefanku soo dhacay. Deeq oo meel durugsan taagnaa ayaa durba teleefanka gacanta ku dhigay dhagtana kula booday.

75


-

Haloow, Balqiis! Haa walaal Deeq, ma fiican tahay? Alla haa walaal, aad iyo aad. Waan yara mashquulsanaayoo waan kaa qaban kari waayee. Haa... Meeshii tigidhadaan tagoo aan ku mashquulsanaa. Haye. Aabaanu wada soconoo. Haa. Markaa adigu mid berri ah baa la helay. Yaa? Tigidh berri ah. Hee Ayaa la helay. Markaa hala helee maad goosatay? Haa.

Deeq ayaa sidii qof biyo qabaw dusha lagaga shubay anfariiray. In mudo ahna jawaab aan celin. -

-

Imika miyaad baxaysaa? Haa berri ayaan baxayaa insha Allah. Alla noloshu adakaa. Ma xasuusataa xalay markaad igu lahayd waayaha iyo jacaylku wakhti ay col yihiin baynu kusoo beegannay? Haa... Colaadda xaasidnimay ku darsadeen.

Naqas qosol u eeg ayuu ka maqlay dhagta. -

Waakan aabo soo socdee waynu soo wada hadli, ayay kusoo gunaanadday. 76


Teleefankii way jartay Balqiis balse Deeq weli gacanta ayuu dhagta ku hayaa. Uu foofay. Hawada ayaa cidhiidhi ku noqotay, madaxa ayaa laba guri leekaaday. Waxa uu go’aansaday in uu mardhow ku celiyo Balqiis oo uu sugo inta uu aabaheed ka hadhayo. Kolba wakhtiga ayuu eegayaa. Saacadda maskaxdiisa ku jirta iyo tan gacantiisa ku xidhan ayaa kala horreeya. Wuu sugay intii uu sugi karayay isaga oo aad moodo in uu dhimbiilo dab ah ku taagan yahay. Cod dabacsan ayaa u jawaabay. - Hello? - Walaal berri goormaad baxaysaa? Balqiis ayaa jawaabta ka maagtay uguna soo koobtay: -

Weli maan eegin. Haaye ma gelinka horaa mise waa gelinka dambe? Maya waa gelinka dambe. Ee anaa berri subaxa kula soo hadli oo kuusoo sheegi saacadda. Dee walaal inaan ku macasalaameeyaan doonayaaye ma is aragnaa galabta?

Qaddar aamusni ah kadib ayay ku jawaabtay: -

-

Deeqoow walaal mid baa jirta, intii aan silci karayay waan silcay. Waxaan jeclaan lahaa in kulankeenii xalay uu noqdo kii inoogu dambeeyey. Xusuus aad u fiican ayuu igu reebay taas ayaanan rabaa inaan la dhoofo. Ma saasaad garatay walaal Balqiiseey? Labadeenaba saasaa inoo fiican walaal.

77


Axad, 22-april. Deeq ayaa lasoo toosay xanuun aad u badan oo ka haya dhinaca bidix ee uu u hurday. Si qallafsan ayuu uga kacay sariirta. Indhihiisa ayaa iftiin badan la kulmay. Saacadda oo sariirta dhinaceeda taallay ayuu tiigsaday. Kuma uu farxin goorta ay sheegaysay. Waa 11:59 am. Isaga oo aan wax dan ah ka gelin ayuu dharka qumaati u xidhay. Wejiga ayuu si jujuub ah u maydhay inta aanu albaabka ka bixin kahor. Isaga oo aan gaadhiga fuulin ayuu maqlay dhawaaqa Milgo. -

Waar Deeq Hooyo! Hee Hooyo.

Milgo ayaa iyada oo marada dhinaca haysata kusoo dhawaatay Deeq. -

Hooyo, maxaa ku helay? Waxba Hooyo dee hurdaduunbaa ila tagtay. Hooyo weligaa hurdo kulamay tagine maxaa ku helay? Waxba Hooyo waan iska... waan fiicanahay. Oo xitaa maad quraacane. Bal kaalay dee wax cun horto. Hooyo meheraddii baan ka gaadhayaa oo aan furayaa ee suuqaan wax ka cuni. Hooyo i dhagayso. Dukaanka waa la furay oo markaad kici wayday ayaa la furay kaase, kaalay oo wax cun. Oo yaa furay dee? Waakii Cali yimid ee furaha kaa qaatay saaka markaad kici wayday. Sowtii saaka lagugu soo waashay maaha. Hadaba suuqaan wax ka cuni haatane nabad gelyo Hooyo. 78


-

-

-

Bal u kaadiyoo Hooyo anaa kula hadlayee xageed ugu sii ordaysaa gaadhiga. Waxaan ku idhi. Maalmahan oo dhan waan kula socdoo waan ku arkayaa in ay wax kaa si’ yihiine. Maxaa jira Hooyo? Hooyo sownigii ku idhi waxba ma jiraan. Haaye maxaad la jeedjeedsanaysaa bal isoo eeg. Ma arrinkii Sahra ee aan maalintii dhowayd kaala hadlayay baa? Maya maya. Hooyo waxba ma jiraane iska naso. Bal waa saxe orod anigu waxba kaa fahmi waayaye.

Degdeg ayuu uga dhaqaaqay goobtii. Intii uu gaadhiga waday waxa uu aad ugu mashquulay teleefanka isaga oo hubinaya in uu soo wacay lambar gaar ah oo uu sugayay. Waxa uu arkay 15 telefoon oo soo wacay intii uu hurday, intuba waa Cali Xiiqsane. Isaga oo aan mar labaad sii eegin ayuu wacay teleefankii Balqiis. Dhagta ayuu ku qabtay isaga oo sugaya inta ay jawaabayso. Balse taasi way dhici wayday. Beddelkeedii waxa uu maqlay cod aad caan u ah oo leh: ”Lambarka aad garaacday wuu xidhan yahay...”. Si niyadjab ah ayuu u dhigay teleefankii waxaanu u dhaqaaqay dhinaca keliya ee uu xog ka heli karo. Goortii uu soo gaadhay dukaankii ayuu sidii maxbuus lasoo daayay kasoo booday gaadhiga toosna ugu soo hagaagay Mahad. -

Kaalay kaalay Mahadoow!

79


Mahad oo ku mashquulsanaa qof uu u adeegayey, oo ka naxay muuqa Deeq ayaa usoo dhaqaaqay dhankiisa. -

-

-

-

Hee, maxaa ku helay niyow? Waar waxbee niyow bal waxaad ii sheegtaa... Een bal la hadal Ifraaxoo waxaad tidhaahdaa ka war doon Balqiis. Hayee waxaan ku idhi, bal is deji niyow marka hore. Kaalay wax wejiga marsoo gebigaaguba inaad gidaar kasoo toostaa la moodaaye. Waar niyow walaal Mahad waxaasi ha ii dambeeyaane bal intaa ii samee horto. Horto bal kaalay oo ku fadhiiso kursigan. Waxba maad cunin sow maaha? Waar kaalay inankoow adeer, hoo hudheelkan wax la cuno kasoo qabo, wuxuun. Mahad walaal waxba ma fahmaysid baan u malaynayaaye, Balqiis mardhow bay baxaysaa aniguna inaan arkaan rabaa intaanay bixin kahor. Markaa niyow waxan ka baxoo la hadal Ifraax mise anaa la hadla? Maxaa kaa xun niyow? Bal horto is deji waayee anaa wax kuu sheegiye.

Mahad ayaa naqas aad u weyn qaatay oo sii watay: -

-

Niyow... Balqiis saakay baxday. Yaa? Nagaddaa ciyaarta hadaba. Waar niyow hadaba wallaahi ciyaar ma karayee la hadal Ifraax ama isii teleefankeeda anaa la hadliye. Balqiis saaka sagaalkii subaxnimo ayay duushay. Saaka aa? Haa saaka sagaalkii subaxnimo. Haye, yaa? Oo dabeedna? Yacnii ma dhoofitaankii ay ka hadlaysay mise meel dhow ayay u baxday? Malaysiya ayay u baxday. 80


-

Oo... Oo sawtii aniga igu lahayd gelinka dambaan baxayaa? Niyow hadaba Balqiis way baxday. Ifraax ayaaba madaarka u qaaday. Waar shalay bay saa igu tidhi niyow. Ma beenbay ii sheegaysay markaa? Maya maya. Niyow waxaasi macquul maaha. Mee, ii garaac, ii garaac een... Een Ifraax ii garaac.

Mahad oo wax uu sameeyo garan waayey ayaa teleefanka soo saaray sida uu saaxiibkii rabana yeelay. Teleefankii ayuu u fidiyay. Deeq ayaa la kacay teleefankii waxyar kadibna soo celiyay isaga oo wejigiisu aad u madow yahay. Warka uu Ifraax ka helay waxa uu ahaa mid uu u baahnaa in uu maqlo, sidaas ay tahayna ma uu jeclaysan maqalkiisa. Dareen aad u cajiib ah ayuu dareemay, wadnaha ayaa hoos u dhacay, kulayl badan ayuu jidhka ka dareemayaa dhaguhuna aad ayay u guuxayaan. Xubnaha jidhkiisa dareenka ayaa ka tagay. Tallaabo ayuu u qaaday dhanka gaadhiga isaga oo aad moodo in uu ka baxsanayo wax aan la arkayn laakiin cagihiisu dhulka si dheellitiran umay qabanayn. Mahad ayaa ka daba dhawaaqaya balse Deeq dhagihiisu waxba ma maqlayaan. Kursiga gaadhiga ayuu si qaab daran isugu tuuray waxaanu ku war helay Mahad oo daaqada taagan oo la hadlaya. Wax kasta oo uu waydiiyo waxa uu kaga jawaabay ”haa” iyo ”haye”. Deeq ayaa dib ugu baxay gaadiidkii goortaas wadada marayay si xoog ahna ku 81


dhaafay Xiiqsane oo soo ordaya. Dhanka galbeed ee magaalada ayuu u dhaqaaqay isaga oo aan garanayn dhan uu u socdo. Goor uu magaalada ka baxay ayuu miyirsaday. Dareenkii hayay waxa u bedelay cadho iyo ciil. Waxa uu istaagay goob cidlo ah. Niyadjab aad u weyn ayaa ku dhacay. Waxa uu dareemay in Balqiis ay khiyaamaysay, in aanay u jeclayn sidii ay sheegaysay in ay u jeceshahay, in ay wakhtiga isku dhaafinaysay oo ay ogayd in nin la siin doono. Cadho aad u badan ayuu u qaaday iyada. Taasi waxa ay keentay in uu naftiisa canaanto waxaanu naftiisa ku qanciyay in aanu la karti ahayn dhallinyarada kale ee ku guulaysta in ay guri yeeshaan maadaama oo marka hore aanu aqoon sida hablaha loola sheekaysto imikana tii uu la sheekaystay

ay

noqotay

mid

isaga

khiyaamaysa.

Kalsoonidiisii ayaa aad hoos ugu dhacday. Waxa uu nacayb aad u badan u qaaday hablaha guud ahaan, maadaama ay tii uu ka aaminay ee uu islahaa daacadnimo ayaa ku jirta ay weji kale lasoo baxday. Waxa uu go’aansaday in aanu inan dambe la hadlin, tii isku dayda in ay la hadashana uu wadada mariyo. Go’aanka uu qaatay waxa uu ahaa mid xanuunka naftiisa haya uu ku qaboojinayo balse in uu go’aankaasi noqon doono mid waara iyo in kale, taasi waa su’aal kale. Jalaska teleefanka ayaa ka kiciyay haasaawaha uu la waday naftiisa. Hoos ayuu u eegay, waxa uu arkay in uu yahay Xiiqsane, waxa uu damcay in aanu ka jawaabin 82


hadana waxa uu ka fikiray cidhibta ay yeelan karto haddii uu sidaas yeelo. -

Haloow?

Xiiqsane oo aad ugu farxay in uu teleefanka ka qabtay ayaa meel uu ka bilaabo garan waayey. -

Waar Deeq, xageed joogtaa? Yaa? Dee magaalada. Haaye magaaladoo xageeya walaal? Waar dee niyow meelahan uun baan joogaaye hee? Maxaa kuu daran? - Haye walaal waan ogahay inaad magaalada joogtee, xagaynu ku kulannaa waa saxe? - Niyow iyara daa ma doonayo inaan cid la kulmee. - Anigaa walaal raba inaan kula kulmee xageen kaa helaa anaa kuu imane? - Yaa...? - Xageen kuugu imaadaa? - Anaa dukaanka imanayee halkaa ha inoo ahaato. In muddo ah ayuu sii taagnaa meeshii uu joogay inta aanu ka dhaqaaqin kahor. Magaalada ayuu dib ugu soo noqday isaga oo dhexda marayana maqrib ayaa la eedaamay. Masjidka ugu dhow ayuu ku leexday waajibkiisana uu soo gutay. Isaga oo salaadii wax badan aanay ka bedelin xaaladdii uu ku jiray ayuu socodkiisii sii watay. Xiiqsane oo kaabadda dukaanka si werwersan u fadhiya ayuu u yimid. Sare ayuu usoo booday marka uu arkay Deeq. Xiiqsane ayaa jawigii uu ku jiray degdeg u bedelay inta aanu soo gaadhin gaadhiga. Weji farxadeed oo uu feedh iyo laag kusoo saaray ayuu gaadhiga lasoo fuulay. Deeq oo ah nin mayal adag ayaa gaadhiga ku dhex sugaya. Xiiqsane oo isku dayaya in 83


uu xaaladda wax ka bedelo ayaa isaga oo aad u dhoollacadaynaya ku bilaabay: - Waar haye! Weji-gabax iyo jawaab la’aan ayuu kala kulmay. Xiiqsane ayaa markiiba fahmay barta uu arrin gaadhsiisan yahay. Xeeladda ayuu bedelay. Wax yar ayuu dib u fadhiistay kadibna uu soo rogaal celiyey. -

Horto niyow waan ogahay hawsha ku haysata iyo dhibkeedu inta ay le’eg tahay, runtii marka loo fiirsadana wax fudud ma’aha. Anigu dee waan ogaayoo inanta aad waydinkii isugu fiicnaa oo horto marnaba meesha maan soo dhigan waxan dhacay, waxaan dee islahaa kuwani way is fahmeenoo waakuwaa taabogalay, imikana markaan arrinkan maanta maqlay aad baan u dhakofaarayoo Mahad baa iiga warramay inanta iyo xaalkeeda. Waxaanan dee imika u arkaa in arrinkaasi aanu wax ka qabasho lahayn ma garatay? Anigu niyow anigoo og culayska ku saaran iyo dhaawaca aad dareemayso ayaan haddana ku leeyahay aduunku maantoo qudha maahee nafta khayr u sheegoo shaydaanka iska naar. Qof deggan baad ahayd oo ilaahay ku xidhane is deji niyow. Maanta wuxuun bay noqon doontaa maalin ka mid ah maalmaha noloshaada ee faraha badan, laakiin adigaa ka dhigi kara wax aanay ahayn. Adigaa awoodeeda leh inaad weyneyso oo aad madaxaaga ku ballaadhiso. Sow maad garan? Markaa bal dee caadi iska dhigoo inamari aynu soo cashaynee. Meel aanad weligaa tegin baan ku gaynayaa caawee bal soco. 84


Xiiqsane ayaa qaabilay Deeq wuxuuna ka mas’uul noqday madadaalintiisa. Caways hadal iyo aamusni badan isugu jira ayuu noqday. Inta aanay kala hadhin kahor, ayuu teleefanka Deeq dhawaaqay. Waa Sahra oo goor aad u khaldan soo wacday. Ugu horreyntii aad ayuu u dhibsaday markii uu arkay magaceeda waxaanu damcay in uu jaro, balse si cadho leh ayuu teleefankii dhagta u saaray. Si kulul ayuu ugu jawaabay. -

Hee? Salaamu Calaykum. Naa walaa calaynaaye maxaa kuu daran? Bisinka, ma Deeq baa? Walaal Deeq iigu dhiib. Deeq wakhti kuuma hayee iska raalli ahow walaal, inta uu yidhi ayaa isaga oo aad moodo in uu ciil baxay ku jaray teleefanka.

Xiiqsane oo amakaagsan ayaa ag fadhiya, balse sidii oo aanay waxba dhicin ayuu u dhaqmay isaga oo indhaha ka jeedinaya Deeq kuna jeedinaya dhanka daaqadda. Qaddar aamusni ah kadib ayaa lasoo gaadhay goobtii uu Xiiqsane ku degayey. Si fudud ayaa loo kala hadhay. Intii aanu daaqadda gaadhiga xidhin ayuu Deeq ka dabo dhawaaqay: -

Caloow?

Xiiqsane oo maqlay dhawaaqa ayaa soo jeedsaday. -

Hee walaal. Berri adigaa furihii hayee meheradda fur yaa? Waxa laga yaabaa inaan seexdee waydinkaa. 85


-

Haye walaal.

Deeq oo aad madaxa uga daallan ayaa dhankii guriga u dhaqaaqay. Dhanka kalena wakhti uma uusan helin in uu wax iska weydiiyo dhacdooyinkii kala duwanaa ee maanta soo maray. Isaga oo gagabsan ayuu si maqiiqan u galay guriga, hurdo sariirta ku sugaysayna uu qaabilay. Deeq waxa uu galay hurdo dheer, aadna u tayo daran. Markasta oo uu jidhku damco in uu kaco maskaxda ayaa weyda sabab ay u kacdo. Gelinba gelin ayuu u dhiibay. Maalinba maalin. Milgo oo ku maqnayd magaalada Boorama ayaa soo laabatay laba cisho kadib. Waxa ay heshay warkii ahaa in aanu inankeedu kicin laba maalmood. Deeq ayaa ku toosay jugaynta iyo dhawaaqa kaga imanaya Milgo. Isaga oo aad u tamar daran ayuu indhaha kala qaaday. Hadalka iyo sawaxanka dushiisa ka baxaya iyo su’aalaha ay Milgo weydiinayso maaha wax uu caadi u maqlayo ama uu kala saari karo. Waxa ay indhihiisu qabteen dhowr bilaydh oo saaran miis agtiisa yaalla. Isaga oo aan fahmin mudada uu hurday ayaa waxa uu dhowr jeer ku cel-celiyey: -

Waa imisadii?

Milgo oo aad u xiiqsan ayaa ugu jawaabtay: -

Waar saacaddaa kala jabtee bal wax cun. Waaxay sidani? Ma intii aan maqnaa baad sidan noqotay? Way hoogi waayey... 86


Deeq waxa uu u haystaa in ay Milgo ka bad-badinayso oo uu yara seexday uun. Milgo iyadu way fahamtay in ay wax jiraan laakiin intaas wax dhaafsiisan may garan. Teleefan ayay daaradda ula baxday isaguna waxa uu isku dayay in isaga oo dul kambadhuudha sariirta uu wax cuno. Hal mar markii uu qaatay ayay calooshu diiday, matag ayuuna dibadda ula bax is yidhi balse waxaanu kuba xisaabtamin kartida iyo awooda jidhkiisa. Goortii uu istaagay ayay indhuhu madoobaadeen dhaguhuna shuuqeen. Madaxa ayaa la yaacay. Nasiib wanaag waxa uu haleelay albaabka isaga oo dhulka kusii socda. Muddo wakhti aad u dheer isaga ula eekayd kadib ayuu caadi kusoo noqday. Dib ayuu ugu noqday bilaydhkii uu cuntada ka cunayay, inta uu sacabka kaga xaabiyey wixii ku jiray ayuu ku hubsaday sariirta hoosteeda. Musqusha ayuu galay waanu soo maydhmaydhay. Isaga oo yara qaboobay ayuu kusoo baxay Milgo oo qolka ku dhex sugaysa. -

Waxaan ku weydiiyey, waa maxay sidani Hooyo? Sidee Hooyo? Waa maxay waxan oo hurdo ahi? Maxaa ku helay? Hooyo waan daallanaa uunoo dee waan iska hurday. Ma kaa dhabbaa? Haa Hooyo ma been baan kuu sheegi lahaa haddaa? Imikana waanigaa quraacday ee maydhay oo waan dhaadhacayaa.

87


Iyaga oo aan intaas in ka badan is weydaarsan ayay kala dhaqaaqeen. Deeq ayaa soo gaadhay dukaankii oo aanu dhowr cisho arkin. Waxa uu isku dayay in uu noloshiisa caadi kusoo celiyo balse wax ka weyn ayaa wata. Koob sharaab ah ayuu ka dalbaday mac-macaanle agtiisa ku yaalley intii aanu gelin dukaanka. Gudaha waxa ku sugayay Cali Xiiqsane, Mahad iyo Xaaskiisa Ifraax. Dhammaantood aad ayay uga naxeen muuqiisa, waxa ay isku dayeen in aanay dareensiin isaga balse kumay guulaysan taasi. Deeq waxa uu dareemay in isaga la hadal hayey oo uu dhexda kaga soo dhacay sheeko socotay. Intii aanu hadal kasoo bixin intooda kale ayuu Deeq kaga horreeyey: -

-

Hayee maanta maxaa laga shirayaa? Shiraa? Waar waanu iska fadhinuune, Ifraaxna suuqay ka timidoo, Xiiqsane ayaa halkaa ka galay sharraxaad aan loo baahnayn. Haye maxaa cusub? Ayuu Deeq u celiyey Xiiqsane oo aan hadalkii dhammaysan. Wax walba waa okey, ayuu Mahad si hoose u yidhi isaga oo dhinaca midig ka fadhiya Ifraax. Walaal Deeq iska warran? Ayay Ifraax iska soo jartay. Aad baan u fiicanahay, ayuu ugu jawaabay isaga oo is giijinaya oo muujinaya in uu ka yaabay su’aasheeda.

Wax yar kadib markii la’isu bixi waayey ayuu Xiiqsane ka waraystay halka uu xaalka meheradu marayo. Hadal gaaban kadib ayuu sharaabkii u yimid. Waxa uu go’aansaday in aanu hortooda ku cabin maadaama oo isaga iyo naftiisu 88


aanay heshiis ahayn. Hadalkii ayuu usoo koobay waxaana uu ku fadhiistay kursi bannaanka yaallay. Isaga oo aad ula xarbiyaya ayuu kolba kabasho dejiyey. Garabkiisa waxa soo istaagay Mahad iyo Ifraax oo damacsan in ay basbaas mariyaan nabarro uu isku dayayo in uu dhayo. Deeq ayaa markiiba dareen qaatay, waxaanu kaga horreeyey hadalkii isaga oo aan dhankooda eegin. -

Haye, maxaa cusub? Balqiis way nabad tagtay, ayuu Mahad yidhi.

Magacaa markii uu maqlay ayaa la saaqay Deeq. Aad ayuu isu adkeeyey laakiin qalbigiisu waxa uu jecel yahay in uu maqlo halka ay ku dambaysay. -

Oo dabeedna? Ayuu u celiyey sidii qof aan danaynayn.

Ifraax ayaa isku dayday in ay xaaladda wax ka bedesho oo hadalkii la wareegtay. -

-

Walaal waan garan karayaa sidaad dareemayso Deeqoow laakiin waxay Balqiis aad iigu adkaysay in aan kuu sheego xaaladda ay ku sugan tahay. Ma garan kartid sidaan dareemayo, qofna ma garan karo sidaan dareemayo, ayuu ugu jawaabay isaga oo aad moodo in aanu dhag u dhigin hadalka intiisii kale.

Isaga oo sii wata ayuu yidhi: -

Markaa maxay ku tidhi, ma qalbigiisa inta hadhay kusii tumo? Waabay tagtaybee maxay ka rabtaa ogaanshahayga?

89


-

-

Walaal taasi idinka ayay idinka dhaxaysaa oo kama jawaabi karo laakiin aniga farriin uun baa la’igu yidhi gaadhsii, ayay si degan u tidhi Ifraax. Waan gartay, haye? Markaa imika way nabad tagtay, weli guri ay ku dagto may helin oo waxbaa ka yara khaldamay laakiin way nabad qabtaa waxaanay igu tidhi haddii uu kaa aqbalo lambarkayga sii.

Deeq ayaa kun su’aalood oo bilaa jawaab ahi madaxiisa soo galeen. -

Maad haysaa markaa lambarka? Haaye maan kuu qoraa? Bal soo yeedhi.

Lambarkii ayuu qortay. Markii uu lambarkii gacanta ku dhigay ayuu dareen aad u cajiib ah dareemay. Waxa uu u qaadan waayey in uu Balqiis la hadli karo. Hadana waxa uu garan waayey haddii uu la hadlo waxa uu ku odhanayo. Isaga

oo

sidii

uu

maalmahan

dambeba

ahaa

aan

maskaxdiisa la kaashan ayuu teleefankii wacay. Gacanta oo gariiraysa ayuu dhegta saaray. Aad ayuu u neeftuuray. Garaaca wadnihiisa oo aan awood badan lahayn ayaa aad u sii batay marba marka ka dambaysa. Markii uu maqlay in uu teleefanku dhacayo ayuu fadhigii xamili waayey. Meel qaadda ayuu waayey. Waxa uu u cararay dhanka dukaanka waxaanu galay qolka hore. Wax uu sugaba goor dambe ayay ka qabatay, goortii uu codkeeda maqlay ayaa cadhadii iyo 90


ciilkii hayay ugu dambaysay. Mar keliya ayuu is bedeley. Codka ayaa kasoo bixi waayey Deeq. Isaga oo codkiisu googo’ayo ayuu hadana isku khasbay in uu hadal la gaadho iyada. -

Maad i maqlaysaa walaal Balqiis? Ayuu ku cel-celiyey.

Balqiis oo la dareemayo in ay meel fog kasoo hadlayso ayaa codkeedii dabacsanaa ugu jawaabtay. -

Walaal Deeq, waan ku maqlayaaye ii warran?

Deeq oo ku farxay in ay rabto in ay xaaladdiisa ogaato ayaa si kala daadsan ugu jawaabay balse way maqli weydey. Wax yar kadib xidhiidhka ayaa ka go’ay. Xiisihii ayaa aad ugu kordhay. Waxa wakhti dheer la noqotay intii uu dib ugu celinayey teleefanka. Way is heleen. -

Walaal Balqiis waan fiicanee dee maxaad saa iigu gashay? Waa maxay saasi Balqiiseey?

Qaddar ayay ku qaadatay in ay jawaabto. -

-

Deeqoow dareenkii aan kuu qabay waxba iskamay bedelin, imika inaan sidaas ku idhaahdo way fududahay waayo ima hor joogtid. Sababta aan wakhtiga beenta ah kuugu sheegayna waxay ahayd waxaan ka baqayay... Hello? Maad i maqlaysaa? Haa haa waan ku maqlayaaye ii wad... Haa, waxaan ka baqayay in aan adkaysan waayo haddii aynu kulanno ee igamay ahayn inaan been kuu sheego ee sidaas ula soco walaal.

Deeq ayaa marka ay hadalka sii wadaba ciil la ooyayey. 91


-

Anaaban ku fasaxeen hadaan kula kulmi lahaa Balqiiseey walaal. Imika xaalkaagu siduu yahay? Anigu aad baan u fiicanahay walaal ee ha iga warwarin. Walaal sawtii la’igu lahaa meel ay degto ma haysato.

Balqiis oo xog-ogaalnimadiisa ka xumaatay ayaa isku dirqiday inay jawaab bixiso. -

-

-

Walaal waxba maaha waxaasi, ish, taana may kuu sheegeen. Dhib maleh walaal ee qorshaha ayaa iska xumaa oo wax walba degdeg ayay ahaayeen laakiin inay dhowaan iska dhammaato ayaan rajayn doonaa. Ilaahay hakuu fududeeyo walaal anna xaalkaaga waan la socon doonaa insha Allah. Sow teleefankaagii maaha kani? Haa walaal waa kaygii ee adiguna naftaada ilaali Deeqoow walaal teleefanbaa isoo galee. Yaa, haye walaal, oo...

Way dhigtay. Teleefankii ayuu kaga bogan waayey. Waxa uu dareemay in uu derbi weyn u dhexeeyo. Masaafada ay isku jiraan waxa kaga weynaatay xaalad kale oo imika kusoo korodhay. Tan umabuu fadhiyin. ”Ayuu ahaa qofkii soo wacay Balqiis?” Maskaxdiisa ayaa is weydiisey balse su’aashaa xoog ayuu ku muquuniyey. Ilmadii ayuu is yidhi dhabannada ka masax laakiin gacanta ayuu ka waayey meel qalalan. Shaadhka ayuu ku masaxay wejigiisa. Naqas weyn oo xasilooni u keenay ayuu soo tuuray. Isaga oo oohinta ka dhargay oo aad moodo in indhaha basbaas laga mariyay ayuu kasoo baxay qolkii. Farxad badan oo aan beryahaas 92


looga baran ayaa wejigiisa nuurisay. Saddexdii kale oo midba meel ku dhaygagay ayuu naqas kasoo booday markii ay arkeen wejigiisa. Deeq oo dabeecaddiisii soo noqotay ayaa asxaabtiisii la qaatay galabnimadii iyo caweyskii. Waanooyin iyo talooyin badan ayay siiyeen isaguna uu ka guddoomay. Ifraax ayaa warbixin faah-faahsan ka siisay xaaladda Balqiis. Waxa uu ogaaday in Balqiis ay guri la’aani hayso. In aabaheed inanta ku khasbay inay si dhakhso ah u baxdo isaga oo aan qorshe fiican u dhigin. Habeenkii markii uu maskaxdiisa la keliyoobay ayuu isku dayey in uu arrinkaas maareeyo. Wax uu rog-rogoba xal ayuu helay. Laakiin xalkaasi waxa uu ka hoos galay meel uu hore u ciideeyey. Waaga ayuu la sugay hawl-galkiisa.

93


Khamiis, 26-april. Deeq oo u eeg in uu caadigiisii kusoo noqday ayaa wakhtigii uu kici jiray kacay. Suuqa ayuu usoo dhaadhacay shaqadiisiina sidii looga bartay ayuu u gudogalay. Si hufan ayuu u kala maamulay intii la shaqaynaysay waxaanu xidhiidhkoodii dib u bilaabay mas’uuliyiintii meheradaha kale ee uu madaxa u ahaa. Si fiican ayuu isugu wada xidhay dalabkoodiina u meelmariyey. Hawl wixii qabyo ahayd markii uu dhammaystiray ayuu usoo jeedsaday fulinta hawlihiisa gaarka ah. Teleefanka ayuu soo saaray, dhowr jeer ayuu ka maagay. Walaac dabadii ayuu wacay. Iyada oo jaraysan ayay ka qabatay. -

Haa, haloow! Walaal Sahra iska warran? Ayuu si xishood ku jiro u weydiiyey. Nabad walaal Deeq. Adigu ma fiican tahay? Ayay cod farxadi ku dheehan tahay ugu jawaabtay.

Deeq oo aan sugaynin sida fiican ee ay salaanta uga qaadday ayay taasi khajilaad aad u badan ku beertay waxaanu dareemay wanaaga ku dheehan Sahra. In uu sharraxaad ka bixiyo ficilkiisii ayuu bilaabay. -

-

Walaal wallaahi xaalkaygu uu iska qasan yahay, imikase waan fiicanahay ee waxaan jeclaan lahaa in aan ku arko oo aan dhowr arrimood kaala hadlo. Sax, dee imikaaban kuu iman halkan dhow baan joogaaye. Haye walal. 94


Deeq ayaa hawlihiisii shaqo kasii watay qolka hore ee meheradda. Wakhti gaaban kadib ayuu Xiiqsane usoo galay. -

Waaryee, tuyaroo madhabaa ku doonaysa niyow. Sahraa la yidhaa. Afdheeroow, soodaa.

Goortii ay Sahri soo gashay ayuu fadhiga ka kacay si kalgacal lehna uu u bariidiyey. Sharaab ayuu u dalbey miiskana labada dhinac ayay ka kala fadhiisteen. Hadal aan meel gaadhsiisneyn kadib ayuu Deeq bilaabay hadalkiisii. -

Horto walaal waxaan doonayaa inaan kugu ammaano dadnimadaada. Sababta waynu garanaynaa laakiin aniguunbaa dareemi kara macnaha ay samaynayso. Walaal xaaladdayda oo qasan awgeed ayaan habeen dhowayd nabar gardarro kugu dhuftay. Waxaan doonayaa in aan si kal iyo laab ah kaaga raalli geliyo.

Sahri si fiican ayay u dhuganaysaa hadalkiisa waxaanu sii watay:

-

Runtii in aan maanta kasoo horreeyo ayay ahayd laakiin anigaaba khadka ka baxsanaa maalmahan walaal. Waan ogahay in aanay cudur-daar fiican noqonayn taasi laakiin waa sida uu xaalkaygu ahaa. Adigu imika waxaan jeclaan lahaa inaan kula socodsiiyo inaan aad uga xumahay wixii dhacay raalli gelinna aan ka bixiyo. Waan gartay walaal, wax dhibaato ahi ma jiraan oo qofka maalin ka xun way jiri kartaa markaa taasi wax kasoo qaad malaha walaal. Markiibana waan fahmayoo waxaan is idhi kolley waxbaa ku si’ ahe isagaa kula soo hadli marka uu saaxiga keeno. Imikana walaal sidii 95


-

-

-

habboonayd ayaad yeeshay ma garatay? Aniguna caloosha waxba kuuguma hayo walaal ee saas ula soco. Aad baad u mahadsan tahay walaal. Taasi waa taas. Mid kale ayaa jirta oo aan doonayo in aan kaala tashado oo haddii aad wax iiga qaban karto aad igala qabato. Ma doonayo inaan danayste noqdo walaal laakiin arrintan ayaan maarayn u waayey. Waa iska caadi walaale maxaa dhacay? Walaal horto sababta ay beryahan wax iiga si’da ahaayeen ee aan habeenkaa aad isoo garaacday aan la dawakhsanaa waxa la yidhaa Balqiis. Balqiiseey aabaheedbaa nin aanay rabin u guuriyoo ninkii bay usii socotaa. Imika waxay joogtaa meeshii aad joogi jirtay ee Malaysiya. Farsamoxumo ku dhacday awgeed inantii waxay guri la’aan ku silcaysaa halkaas. Haye? Dee walaal bal adigaa dad ka garanaya meesha oo dhowr sanno ku maqnaaye cid aynu ula hadalno maad garanaysaa?

Sahra waxa hor yaalla hawl aad u cajiib ah. Fursado dahabiya oo qof iyada oo kale ahi uu sida uu doono ka yeeli karo. Sahra oo ah qof aan xumaan u dhalan ayaa wanaaga ka raacday, hadal isaga qaboojiyana siisay. -

Alla walaal waa la’is caawiyaa weliba qurbo markay tahay sheekaduna kaba sii daran. Sidaa aad adiguba iigu timid uunbaan aniguba kuugu iman lahaa walaal oo taasi dhibaato malaha. Anigana waxa ii sharaf ah in aan ku caawiyo, sow waxaad garatay maaha? Markaa walaal way jiraan hablo badan oo aanu is naqaano oo meesha

96


degan oo weliba guryo leh si fiicanna u qaabilaya ee xagey joogtaa anaa u sheegi doona imikee? Deeq oo uu hadalka Sahra tamar badan siiyey ayaa aad u farxay. -

Anaa soo ogaanaya walaal imika meesha ay joogto, i yara sug.

Isaga oo aan ka fikirin dareemada ay Sahri qaadan karto oo ay farxadi madax martay ayuu toos u garaacay. -

Hello? Walaal Balqiis, ii warran?

Cod aad u liita ayay si kooban ugu jawaabtay: -

Waan fiicanay. Walaal codkaaga maxaa ka si’ ah? Ayuu inta uu is hayn kari waayey weydiiyey.

Sahra oo hadalka la socota ayaa markii ugu horreysey sharaabkii mudada yaalley soo dhufatay oo afka kula oroday. Intaas kadib ayuu Deeq bilaabay in uu u sharxo halka uu xaal mariyay. Balqiis oo aan haysan garab kale ayaa aad ugu

faraxday

dedaalkiisa

uu

durba

wax

ugu

soo

dhammeeyey. Waxa uu weydiiyey goobta ay ku sugan tahay iyaduna waxa ay u sheegtay albeerkada magaceeda. Sahra ayuu u gudbiyey warbixinta iyaduna si dhakhso ah ayay u aqoonsatay. Deeq ayaa ku wargeliyey Balqiis in ay cidi lasoo xidhiidhi doonto oo ay qaabili doonaan. Balqiis ayaa ka 97


dalbatay in ay la hadasho Sahra si ay ugu mahad celiso. Deeq ayaa Sahra u fidiyey teleefanka. -

-

-

-

Haa walaalo, ayay Sahri ku bilowday. Walaalo Sahraay horto barasho wanaagsan ayuunbay dadku iska yidhaahdaan laakiin barashadani waa tii ugu wanaagsanayd ee aan qof la wadaago. Dhibaato ma jirto walaalo. Walaal ilaahay ceebtaada ha asturo, maanta waxaad asturtay inan biliseed wax fududna maaha. Markaa walaal abaalkaaga gudi kari maayo ee ilaahay hakaa jazaa’i siiyo. Waxaanan kuugu ducaynayaa in ilaahay muraadkaaga adigana kuu fududeeyo oo waxaad jeceshahay aad heshid walaal. Aamiin walaal. Waa iska caadi oo waa la’is caawiyaa walaal dee tanina waabay ka duwan tahayoo waa Deeq qofka aan doonayay inaan wax u qabto. Aad baad ugu mahadsan tahay walaal, insha Allah ilaahay ha iskeen tuso. Aamiin insha Allah waynu is arki walaal. Adigana ilaahay arrimahaaga hakuu fududeeyo.

Sidaas ayay Sahri ku hawlgashay. Iyada oo aan goobtii ka kicin ayay Balqiis meel ku hubsatay. Culays aad u weyn ayaa Deeq garbihiisa ka degay. Si weyn ayuu Sahra ugu mahad naqay. Waxa uu fahamsiiyey hawsha ay u fulisay maanta inta ay le’eg tahay iyo macnaha ay u samaynayso. Sahra ayaa u sheegtay in ay fahamsan tahay waxa uu ka hadlayo waxaanay ku tidhi hadal ay meel fog kasoo jartay: -

Walaal taas waan garan karayaa oo waxaan ogahay dhibka ay leedahay in qof aad u oomman tahay kaa 98


dheer yahay. Markaa ilaahay arrimaha hakuu fududeeyo walaal. Deeq ayaa weydiiyey in ay u baahan tahay in uu sii qaado oo uu gurigii geeyo. Taas waxay kaga jawaabtay in ay u socoto suuqa oo aanay u baahnayn adeegaas. Si fiican ayuu u nabadgelyeeyey waxaanay ka baxday qolka. Xiiqsane oo aan cidna dhaafin ayaa hadal ku bilaabay markii ay sii baxaysay wax yar kadibna way socotay. Deeq oo uu gabbal roon u dhacay ayaa nabad ku seexday. Mar haddii uu Balqiis meel ku hubsaday, Deeq waxa uu bilaabay in uu xidhiidh joogto ah la sameeyo iyada. Taasi waxa ay keentay in xidhiidhkoodii uu sii qoto dheeraado. Wax kasta oo ay ka wada hadli karayeenna way is weydaarsadeen. Deeq dawadiisa ayay noqotay in uu codkeeda maqlo maalintii ugu yaraan laba jeer. Waxa maskaxdiisa ka baxday in Balqiis ay xaas leedahay taasna waxa ilowsiisey baahida weyn ee uu u qabo iyada. In muddo ah labadooduba way iska indho tirayeen xaqiiqadaas. Balse Balqiis oo isaga ka dhow ayaa bilowday in ay wax iska weydiiso nolosha ay ku nooshahay. Waxa ay ugu dambayntii dareentay in si kasta oo ay wax uga dhexayn jireen Deeq imika uu jiro nin iyadu ay oori u tahay. In ay Deeq arrinkaas u sheegto waxay u aragtay mid aan faa’iido badan keenaynin. Sidaas darteed waxa ay bilowday in xidhiidhka ka dhexeeya iyada iyo Deeq ay si dahsoon u 99


yarayso. Deeq oo dhanka kale caafimaad ka qaaday xidhiidhkooda ayaa isaga oo aan ka war qabin samaystay wakhtiyo isku mid ah oo uu la xidhiidho iyada. Balqiis ayaa hadalkoodii badnaa kusoo koobtay hal mar maalintii. Deeq oo aan fahmin sababta ayaa Balqiis ka guddoomay marmarsiiyo badan oo kala cayn ah. Dhowr maalmood kadib ayuu damcay in uu su’aasha ku adkeeyo oo ay u sheegto waxa ay qarinayso. Balqiis oo aan is dhibin ayaa sidii looga bartay jawaab isaga qancisa siisay. Markan waxa ay u sheegtay in ay bilowday dugsi ay ku barato luuqada ingiliishka taas oo badh ka ah qorshaheeda ay ugu socoto Ingiriiska.

100


Maskaxdiisa oo beryahan dambe dagaal kula jirta qalbigiisa ayaa usoo jeedisay fikirro kala duwan oo ku aadan habka uu u dhaqmayo iyo in daawada uu moodayo in xidhiidhka Balqiis u hayo ay tahay waabay. Deeq oo aan aad maskaxdiisa u isticmaalin ayaa dabcan fikirradaas waxba yahay kasoo qaaday. Sidaas ayuu mudo dhowr wiig ah xidhiidhka noocaas ah kusii waday. Balqiis ayaa soo rogaal celisay. Deeq waxaanu ogayn in la’isugu yimid xumad jabintiisii u dambeysey. Isaga oo aad u daallan ayuu shaqadii ka yimid goor fiid ah. Baraad la’aan ayuu sidiisii beerka u jiifsaday. Teleefanka ayuu ka buuxsaday. Dhagta ayuu kula rooray. Balqiis oo sii sugaysay ayaa la booday. -

Hello C/khadar!

Deeq ayaa amakaag dartii teleefanka dhagta kala booday si uu u hubsado lambarka uu garaacay. Hadana dhagta ayuu ku celiyey. -

Haloow, miyaanay Balqiis ahayn? Haa walaal Deeq ii warran? Ma adigaa? Haaye waan fiicanee...

Isaga oo aan hadalka dhammaysan ayay kala booday. -

Haa bisinka C/khadar baan ku moodayey. Sow ma fiicnid walaal?

Deeq ayaa markii ugu horreysey maqlay magac uu adduunka ugu necbaan doono. Balqiis oo meel ku degdegsan ayaa sii wadatay hadalkii. 101


-

-

Walaal C/khadar baa ila hadlayoo uu ka go’ee yaanu is odhanin saacadan yay la hadlaysaaye nabad gelyo. Uu igu soo celinayaaye. Yaa ma imika? Haa wakaa isoo...

Way jartay. Deeq oo isa siiyey Balqiis ayay xaqiiqadu ka dabo timid. Waxa uu xaqiiqsaday kaalinta uu kaga jiro nolosheeda. Maskaxdiisa waxa ka dhaadhici weydey in nin ay iyada shalay is barteen uu isaga booska ka qaado maanta. Markiiba waxa uu bilaabay in uu is weydiiyo su’aalo macno weyn u sameynayey isaga markaas. Waxa uu muddo ka fikirayey dabeecadda uu ninkani leeyahay, sida uu ula hadlayo, imika waxa uu ku leeyahay iyada iyo sida ay u jawaabayso. Su’aal kasta oo uu is weydiiyo culayskeeda ayay wadataa. Markasta oo ay su’aaluhu sii bataanba waxa kusii kordha madax-wareerka. Su’aalihii iyo jawaabihii ayaa kala batay. Dhowr jeer ayuu damcay in uu ku celiyo teleefanka hadana uu ku hagaagi waayey. Awood la’aan ayuu dareemay naftiisana waxa uu sasabo uga dhigay in uu berriba la hadli karo. Wax uu galgashaba uu iska gam’ay.

102


FIRXAD Khamiis, 7-june. Todobadii maalmood ee u dambeeyey Deeq waxa uu u noolaa si nasakhan. Dhanka shaqada iyo habka uu dadka kale ula dhaqmayo wax badan iskamay bedelin laakiin isaga ayuunbaa dareemi karayey xanuunka hayey inta uu le’eg yahay. Muddadaas todobada maalmood ah laba maalmood ayuu wax xidhiidh ah la yeeshay Balqiis. Waxa uu dhowr jeer isku dayey in uu bedelo wakhtiga uu la hadlo balse way suurto geli weydey. Talo waxa uu ku dhammeeyey in marka ay ka qabato uun uu arko. Kadib markii uu aqoonsaday in taladaasi aanay waxba soo kordhinayn ayuu caawa go’aansaday in uu sheekada wax ka bedelo. Isaga oo wakhtiga raagsanaya oo aanay wax kale u muuqan ayuu guriga soo galay. Sidii uu u bartay isaga oo aan ogayn wax kala kulmi doona ayuu teleefanka dhagaystay. Wax badan muu sugin amintii iyada oo aad u faraxsan ay ka jawaabtay yeedhmadiisa. -

Hello?

Waxa uu dib u dhigtay su’aalihii uu hayey waxaanu muddo ka waraystay caafimaadkeeda iyo halka xaal u marayo. -

Weli miyaad u tagtay safaaraddii? Haa walaal maantaaban ku maqnaayoo nimciyo khadraaba isii raacay. Haye? Markaa waraaqihii u horreeyey ayaan xareeyeyoo waan iskaga imid. 103


-

Maxay ku yidhaahdeen markaa? Waxba yacnii, waraaqaha ayay gudbinayaan wixii soo kordhana waxay yidhaahdeen kala xidhiidh odaygaaga. Haa, waan gartay, ayuu si hoose u yidhi.

Isaga oo aan jeclayn in uu su’aashan weydiiyo ayuu hadana is hayn kari waayey. -

Caawa miyaanu kula soo hadlayn waadigan iga qabtee. Een... i sug.

Waxoogaa shanqadh ah ayaa dhankeeda kasoo gaadhay waxaanu u fahmay in ay bedeshey goobtii ay ku sugnayd. Wax yar kadib ayay sii wadatay: -

May walaal caawa uu yara mashquulsanaa, ayay si degan hadal ugu soo koobtay iyada oo hadal celin ka sugaysana way aamustay.

Deeq oo gartay in isaga hadal laga sugayo ayaa inta uu sacabkiisa bidix ku masaxay dhafoorkiisa iska riday culayskii u horreeyey. -

Ma sidanaa inoo dambeysey walaal Balqiiseey?

Balqiis oo uu hadalku sida fallaadha wadnaheeda uga dhex dusay ayaa sidii oo uu guri kusoo dumay hadal laga waayey. Iyada oo aanay ka ahayn in aanay fahmin su’aasha ayay hadana cod xabeeb leh ugu celisay: -

Sidee walaal? Waa maxay kala fogaanshahan dhexdeena soo galay? Ma sida aad ii sheegaysaa mise waxbaad iga qarinaysaa? 104


-

Deeqoow miyaanad ku qancin walaal hadalkayga, sownigii dhowr jeer kuu jawaabay maaha? Waan ku qancay walaal laakiin maan aqbalin. Hee maxaad saluugsan tahay waayee? Balqiiseey walaal mid baa jirta, adiga horto garan maayee laakiin aniga maanta noloshayda kaalinta koowaad ayaad kaga jirtaa. Is-barasho wanaagsan ayaa inasoo martay, wakhti aan u arko inuu ahaa kii noloshayda ugu fiicnaa ee isoo marana waynu wadaagnay. Wuxuunbaan u qaadan la’ yahay in doogaas caws inoo xigay.

Balqiis oo hadalka aad u dhuuxaysa ayaa weedha la wareegtay. -

Een, horto walaal intaa aad sheegtay waa xaqiiqo. In aynu wakhti aad u fiican soo wada qaadanay waa wax jira, sidan aad ii sheegtay in aad aniga ii dareemayso aniguba waan dareemi jiray Deeqoow laakiin maadaama oo aynu dad waaweyn nahay walaal waa in aynu eegnaa wakhtiga xaadirka ah oo aynu ka gudubnaa wixii tagay. Maanta xaalad kale ayaa taagan, Balqiistii aad taqaanay ee madaxa bannaanayd ma ihi oo adiguba waad la socotaa. Taasina waxay igu kalliftay inaan u hogaansamo xaaladdan cusub. Adiga walaal mid baa kula gudboon, waxaan jeclaan lahaa inaad go’aan calool adayg qaadato. Wakhtigii aynu soo wadaagnay ee sidaa aad sheegtay wakhtiyada kale inooga soocnaa aynu sidiisa ku deyno oo yaynaan ka dambaysiin ficillo kale oo hadheeya walaal. Imikana qof xaas ah ayaan ahay waxaana wanaagsan inaan daacad u noqdo ninkaa islaameed, anigu fikraddaan doono aan isaga ka haystee. Sidii adiguba aad u jeclaan lahayd in xaaskaagu daacad 105


kuugu noqoto ayuu kolley isaguna u jecel yahay. Markaa walaal imika intii ina kala gaadhay way ina kala gaadhay, laakiin maanta wixii ka dambeysa waa inaynu xidhiidhka noocaas ah joojinaa, haddii aad rabto inaad dee iga soo war doonto waa wax furan oo taasi waa caadi laakiin wixii intaa dhaafsiisan waa khalade ogow Deeqoow. Imikiyo haatanna walaaltinimadu ha inaga dhaxayso, mise waan khaldanahay Deeqoow? Deeq oo dhan walba lagaga soo wareegay ayuu xaal ku jiq noqday. -

-

-

-

Horto ku odhan maayo waad khaldan tahay oo ma khaldanid, kuna odhan maayo waad saxan tahay oo afkaan ku hagaagayn, laakiin waxaan kaga baxayaa taas, ma joogo kaalin aan su’aashaas maanta kaga jawaabo. Maadaama oo ay saasi adiga kula qummanaatayna waxaan ku qasbanahay inaan sidaa aad raallida ku tahay kuu sameeyo. Hadaba walaal halkaa aan kaa saxo, aniga inaad wax ii qabanayso haku fikirin ee waxaad aamintaa inaad naftaada u samaynayso. Khayrkay tagiye waa sax. Iisoo ducee walaal Deeqoow. Laabtana aynu iska sii dayno walaal. Dee wixii dhacay dhacee laakiin haatan waan kuu ducayne, ilaahay meel roon haku mariyo Balqiiseey, ilaahayna ha iskeen tuso koley malaha sidaa u kala dhammaan maynee. Hee waayo? Dee wallaahi u malayn maayo inaynu sidan u kala dhammaanayno, ayuu hadal kusoo koobay isaga oo aan ka dhag siinin waxa uu damacsan yahay. 106


-

Horto dee waa wax suurto gal ah, ilaahay tiisayna noqon. Khayr baan kugu ogahay walaal. Waa sax.

Deeq oo jeclaysanaya in uu hadalka sii dheereeyo ayay khasab ku noqotay in uu teleefanka hoos u dhigo. Isaga

oo

gows-dambeedka

qaniinsan

ayuu

dhacadiidka u jiifsaday. Qorshaha uu damacsan yahay waa mid dhan walba u dhici kara. Waxa uu garawsaday in aanay jirin wax isaga u yaalla dalka, in aanay jirin sabab uu usii joogo maadaama uu qalbigiisii dalka ka duulay. Waxa uu talo ku gooyay in uu ka ag dhowaado Balqiis oo uu u ambabaxo Ingiriiska. In uu dalka sii joogo gelin kale ayuu u arkay culays aad u weyn. Nidaamkii uu ku baxayey ayuu diyaarsaday balse wixii intaas ka dambeeya ilaahay ayuu u daayey.

107


Jimce, 8-june. Shandad yar oo ah nooca garabka la sudho ayuu degta ku qaatay intii aanu albaabka si gaagaabsi ah uga bixin kahor. Isaga oo maanta degdegsan ayuu daf-daf lasoo galay meheraddii oo ay joogaan Mahad iyo Xiiqsane. Xiiqsane oo ka indho dheer Mahad ayaa salaan uu hadal ku baadhayo kala hor yimid. Mahad oo goor dambe dareen qaatay ayaa isna indho weydiimo xambaarsan lasoo garab istaagay Deeq iyo Xiiqsane. Deeq oo ah nin aad u kala yaqaana asxaabtiisa ayaa doortay in uu labadooda u kala sheego hadal kala duwan. -

Maxaa soo kordhay maanta? Ayuu Mahad si gaaban ugu yidhi Deeq oo la jooga Xiiqsane. Waxbee wajaalaan u socdaayoo niman yidhi badeecad baanu haynaa ayaanu wada hadli doonnaa, ayuu Deeq ugu soo koobay.

Mahad oo ay jawaabtu deeqday ayaa usii joogay in uu dhagaysto waxa ay ka hadlayaan Deeq iyo Xiiqsane. Deeq ayaa ku jeedsaday Xiiqsane oo weydiiyey: -

Dee inamari, kaalay wajaale kasoo noqonee.

Xiiqsane oo aan hadal kasoo celin ayaa gaadhiga hore ka fuulay waxaanay jawi farxadeed kusoo gaadheen Wajaale. Deeq oo damaciisu ka dheer yahay meesha uu joogo ayaa usoo jeediyey saaxiibkii in uu gaadhiga dib ugu celiyo Hargeysa. Wakhti gaaban markii ay ku lagdameen hadalka kadib ayuu Xiiqsane aqbalay in uu keligii dib u noqdo. 108


Deeq ayaa ku keliyoobay goob aanu dad badan ka aqoon balse taasi dhib kuma hayso. Si dhakhso ah ayuu u fuulay baabuurkii u horreeyey ee u socday Jijiga, sidii qorshihiisu

ahaana

xilli

qadadii

ayuu

soo

gaadhay

magaalada. Inta uu qado aanu dhadhankeeda wax badan ka xasuusan si aan qumanayn isu dhaafiyay ayuu is keenay istaankii basaska oo uu hore u yaqaanay. Bas laba qof ka dhiman yihiin ayuu la kulmay waxaanu salka ku hubsuday bar aanu maalmaha qaar naftiisa u quudheen. Wax uu daqiiqadaha raagsadaba baskii ayaa u ruqaansaday dhanka Addis Abeba. Qalbigiisa oo markii ugu horreysey ku xasilay guuxa gaadhiga ayaa dhanka kalena qadar walaac ahi hadheeyey. Rabitaankiisa oo birta ka adag dartii ayuu hadana ku qaboobay. Afar iyo toban saacadood markii ay kolba goob ku hakanayeen ayuu waduhu soo af jaray socdaalkii. Deeq oo sidii qof maxbuus ah oo xorriyad la siiyey is maqiiqaya ayaa kasoo booday gaadhiga, lugihiisana ku hubsaday dhul tuuro waaweyn oogadiisa kuududaan. Isaga oo aan wax kale is weydiin ayuu u dhaqaaqay dhanka hudheellada xaafaddu ay ku yaallaan. Qaarkood ayuu ka gabaday ugu dambayntiina wax yar oo raffaad ah kadib waxa uu helay mid koone kaga yaal xaafadda. Waagii oo aanay wax badani ka dhinnayn ayuu hurdo ku qaabilay. Dhankii uu u dhacay isaga oo aan iska rogin ayuu ku toosay sawaxanka albaabkiisa hortiisa ka socda. Saacadda ayuu 109


durba eegay, waa 10:47 subaxnimo. Naxdin ayuu la booday, kabahii ayuu gacanta la haab-haabtay sidii dhagax la tuurayna albaabka ayuu ka booday. Goob telefoon ayuu is dul taagay si uu waranka uga fujiyo dadkii uu ka yimid. Hadal dheer kadib ayuu taas ku guulaystay balse waxa taas u xigay su’aalo ay jawaabahoodu isku cayn yihiin. Waxa uu dadkii oo hooyadii ka kow tahay ku qanciyay in uu hawlo shaqo ku joogo magaalada mudo kooban kadibna uu soo guryonoqon doono. Markii uu dabkaas iska bakhtiiyey ayuu si xasilloon u galay magaalada. Waxa uu ku horreeyey makhaayad ay fadhiyaan dhowr qof oo si wanaagsan hadalka u wadaagaya. Salaanta islaamka ayuu kaga kala xidhay sheekadii, isaga oo is uruurinayana kursi dhinac u yaal ayuu haleelay. Dadkii oo hadalkii ka kala lumay ayuu mid ka mid ahi hadal kusoo tuuray ninkan cusub. -

Walaal miyaad cusub tahay? Hee ma saasoo dhanbay iiga muuqataa?

Mid labaad oo ag fadhiyey ayaa hadalkii maroorsaday. -

Hayaay, waar taasi iyadu waata ugu fududoo qofka cusub isma qariyee inaadeer ma reer Hargeysaad tahay?

Deeq oo keli noqday ayaa hadalka la boobay. -

Haa walaal reer Hargeysaan ahay, idinkuna? Waanu isku jirnaa adigu laakiin galbeedka Somaliland uun baanu nahay. Waan gartay, dee meesha waad ku raagteen idinku kolley, iska itoobiyaan baad noqoteen malaha. 110


Mid saddexaad oo illaa hadda indhaha kala socday sheekada ayaa kusoo dhex dhacay. -

Meesha dee waanu ku noolnahay, eeneey markaa waanu ku dhaqannay ma garatay? Markaa ninkaasaa cusub laakiinse, mid afaraad ayuu farta ku fiiqay.

Deeq ayaa ku jeedsaday kii cusbaa oo uu ka dareemay dhowaanshiyo. -

Oo markaa walaal intee in le’eg baad joogtay? Ayuu Deeq si kalsooni leh u weydiiyey inankii afaraad. Far iyo suul inta uu qawlaladiisa kaga masaxay in qaad ah oo dul taallay ayuu jawaabtan iska soo jaray: - Waxba dee wax badan oo la sheego maan joogin, waxaan filayaa inay shalay ii buuxday laba sano. Deeq ayaa qosol aad u dheer muddo aad u kooban ku dhuftay, kadib markii uu arkay in aanay cidi la qoslayn ayuu degdeg u jaray. Hareerihiisa ayuu eegay waxaanu la kulmay indhahoodii oo kusoo maqan. Hadal aanu garanayn wax ka yeedhsiiyey ayuu intaa ku daray isaga oo isku deyaya in uu xaaladda wax ka bedelo. -

Wallaahi wax badan maaha laba sano, waxaan moodayey inaad intaa in ka badan ii sheegayso.

Wax yar kadib ayay Deeq iyo inankii is sheeko iyo dabeeco fahmeen, inanku magaciisa waxa uu ku sheegay C/naasir. Fadhi dheer ayay wadaageen waxaanay ku dhammaatay in Deeq uu usoo bedesho hudheelka C/naasir. Dhowr maalmood kadib markii Deeq uu C/naasir u bixi waayey 111


ayuu C/naasir laftiisu bilaabay in uu su’aalo sababta uu u joogo Addis Abeba. Deeq oo hadda aanay jirin sabab uu u qariyaa ayaa jawaab sax ah siiyey. Jawaabta uu Deeq bixiyey ayaa aad u xiiso gelisay saaxiibkii. -

-

-

Oo markaa waayee ma iyadaa ku kaxaynaysa? Tuma? Ma Balqiis? Maya maya, dee iyadu sow nin malaha. Dee mayee khad baan ka raadinayaa meesha oo anaa is wada. Oo dee markaa ma khad baad ogtahay mise meeshuunbaad wax ka baadh-baadhanaysaa? Mayee wallaahi meeshuunbaan wax ka baadhbaadhanayaa. Cajiib. Haye? Dee wakaa. Markaa imika aan soo ururiyee waxaad rabtaa inaad naagtii aad jeclayd oo nin kaa guursaday aad ka dabo tagto, qorshe aad ku baxdo oo kuu diyaar ahina ma jiro. Intaa waynu isla garanay? Waa sidaa. Haw! Hee? Wallaahi waad iga yaabisay. Horto laba waa mid. Haye? Ama beenbaad ii sheegaysaa ama nin waalan baad tahay.

Deeq oo meel gaaban lagaga soo booday ayaa aamusay. Sheekadii ayaa sii socotay mawduuciina waa laga gubday. Goortii uu sariirtiisa u hurdo tagay ayuu Deeq hawl kale galay. Hadalkii uu saaxiibkii ku yidhi ayaa mawjad cusub ku 112


furay. Waxa uu fahmi waayey waxa sheekadiisa mid la yaab leh ka dhigay. Taas waxa uu kaga gudbay go’aan uu ka qaatay xaaladda uu ku jiro. Go’aankaas fulintiisa waxa uu la sugay waaga, isaga oo qaadiraysanna markii uu waagu baryay uu ku dhaqaaqay. Waxa uu ku horreeyey hooyadii oo uu u sheegay in uu dibedda u socdo. Warkaas oo dabcan filanwaa iyo naxdin ku noqday Milgo ayaa niyadjab weyn ku keenay iyada. Waxa ay fahmi waydey baahida uu u qabo qurbaha iyo sababta ay hore uga maqli waydey isaga. Wakhti dheer ayay ku qaadatay in uu ka qanciyo waxa ku kallifay in uu iska soo baxo isaga oo aan iyada u sheegin. Naxdintii hore kadib waxa ay ka dhawaajisay duco khasab ku timid. Intaas kadib waxa uu u gudbay saaxiibadii Xiiqsane iyo Mahad oo uu isugu daray talo iyo dardaaran labadaba, balse qofka uu dardaaranka u badiyey labadoodan midna ma’aha. Waa Sahra. Waxa uu kula dardaarmay in ay ka war hayso baahiyaha Balqiis oo ay xil weyn iska saarto daboolidooda. Sahra ayaa sidii uu ka filayey uga aqbashay codsigiisa. Deeq oo ku toosay hadalladii kala duwanaa ee uu galay ayaa farxad kula soo noqday hudheelkii si uu hurdadiisii usii wato.

113


Afka ayaa aad u qallashan. Barkimada iyo inta uu furaashka kaga hurdayna aad ayay qoyan yihiin. Candhuuf uu dhuunta ku qooyo ayuu iska waayey. Cagaha ayuu si qumaati ah dhulka ugu hubsaday, qaarkiisa dambena weli sariirta ayay dul yaallaan. Ammintu waa galab isna ma daneeyo. Tukubo ayuu musqusha ku gaadhay, goor uu ladnaaday ayuu soo maray qolkii saaxiibkii. Waa C/naasir oo qaad feedhihiisa ka buurani barbarkiisa yaallo. Deeq oo layli ah ayaa fajac la qoslay dabeedna weydaartay. In cunto ah goortii uu isku qaboojay ayuu wareysi tagay. Waxa uu bilaabay sahan hor leh. Dhowr khad oo lagu bixi karo ayuu soo fahmay, intii aanu gabbalku dhicinna intoodii badnayd kakac ayay noqdeen. Rajo kala dhiman ayuu maqrib kadib saaxiibkii ula yimid. Gorfayn iyo xog-ururin badan kadib intiina daaqada ayay ka baxday. Deeq oo

qaadka

miciinsaday ayaa goostay in uu dedaalkiisa sii kordhiyo, saddex bilood gudahoodna uu ku gaadho carro Ingiriis wax kasta haku qaadatee. Halgan dheer ayuu bilaabay, hadal iyo sidanaa la yidhi ayuu ka bixi waayey. Dillaaliin dadka tahriibiya ayaa helay, wadada ayuu mariyay. Durba bil ayaa tagtay. Isaga waa u maalmo. Dadkii ayuu kala bartay waanu sii watay jidkii rumaynta riyadiisa. Jidkaasi buuro ayuu kala dhacay, boholo ayuu ku riday, isaga oo fayowna uu ka samato baxay. Laba bilood oo kale ayaa sida hillaaca ku dhaafay. Ku talogalkiisii ayaa mid aanay waxba ka jirin 114


noqday, wuxuu xaqiiqsaday in uu meel dhow wax iska tusay. Waxba way isugu hagaagi waayeen. Niyadjab uu xoog iskaga hayay ayaa soo kulaalay. In uu Balqiis sidaa kaga quusto ayaa u cuntami wayday, taasina shidaal aan badnayn ayay u noqotay. 15 caanomaal kadib ayuu lasoo hadlay hooyadii isaga oo codka tiirinaya. Waxa uu u sheegay in uu wax sugayo oo laga yaabo in uu si kadis ah u baxo, haddii uu baxana uu isagu lasoo hadli doono marka uu meel tago laakiin iyagu aanay werwerin ama soo raadsan. Xaalkii Balqiis oo aanay wax badan weli iska bedelin ayuu ka ogaaday Sahra waxaanu ku adkeeyey in aanay Balqiis u sheegin in uu isagu ka baxay dalka. Mahadna uu gaadhsiiyey. Deeq oo albaab waliba iska soo xidhay ayaa dhan uu u dhaqaaqo iyo meel uu ku noqdo midna garan waayey. Mugdi ayaa hadheeyey, hadalkii ayuu yareeyay, kii naftiisa uu la wadaagayeyna uu kordhiyey. C/naasir oo dhowr jeer isku dayay in uu dhiiri geliyo ayuu karhay. Goor uu dhaqdhaqaaqu yar yahay ayuu agabkiisii qaatay, xaafadda ayuu bedeley, soomaalina uu ka dheeraaday. Albeerko itoobiyaan leeyahay ayuu dan mooday. Intii ka noolayd xidhiidhkii hooyadiina uu anxay. Af-weynta Addis ayuu isku dhiibay, iyaduna way liqday.

115


FARAJ Sabti, 20-june 2010. Mijo aad u tayo daran oo is weydaarsan ayuu sariirta la dul fadhiyaa isaga oo gidaar madhan oo wajahaddiisa ah indhaha ku gubaya. Baalasha cayayaanka ee duulaya qolka dhexdiisa ayaa si waadax ah loo maqlayaa xarakaadkooda. Huur dartii ayuu kolba carrabka ku qoynayaa debnihiisa, carrabka oo ah ka keliya ee wakhti xaadirkan ka dhaqaaqaya jidhkiisa. Beer kabo waaweyn oo qadh ah ayaa si baylahsan u dhex yaalla garaabo aanu wakhtigeedu soo dhawaan oo qarisay sibidhkii qolka. Surwaal shaqo oo kala gaaban oo aad u madow ayaa albaabka dacalkiisa sudhan. Dhinaciisa bidix miis yaalla dushiisa waxa saaran rikoodh bilaa daaqad ah oo ay kasoo burqanayso hees uu aad u dhagaysto wakhtiga intiisa badan. Waa heestii ”bal maxay indhuhu kaa eegayaan?”. Waa maalin ka mid ah maalmaha tayada daran ee noloshiisa balse goor dhow wax weyni iska bedeli doonaan. Qolka hortiisa waxa taalla shaashad yar oo ay daawanayaan 5 illaa 10 qof, waa salaadii maqrib kadib, waxa kubadda cagta ku loollamaya Ingiriiska iyo Maraykanka oo isla dhaafi la’ hal iyo hal qaybtii labaad ee ciyaarta. Deeq oo aduunyo gaar ah ku dhex jira ayaa ku war helay qof albaabka oo ceshan kasoo qooraansanaya. Isaga oo aan weli wax hadal ah odhan ayuu kasoo jeedsaday, balse qofkii afaafka taagnaa qof kale ayaa ku lammaan. Albaabkii ayay si ballaadhan u 116


fureen si ay wax u arkaan, kii soo horreeyey oo ay ka muuqato in uu qof doon-doonayo ayaa arkay in uu qof sariirta ku dul fadhiyo laakiin uu aqoonsan waayey qofka uu yahay. Deeq oo aan u baran in lasoo booqdo ayaa maqlay: -

Salaamu Calaykum.

Deeq oo dhibsanaya dadkan fikirkiisa ka kala riday ayaa intii aanu jawaabin kahor gacantiisa midig la tiigsaday rikoodhkii si uu u naaquso heesta. -

Waa kuma? Ayuu jawaab uga dhigay. Waaryaa Deeq!

Deeq oo ay u qaadanwaa ku noqotay in uu markii ugu horreysey muddo 3 sanno ah uu maqlo magiciisa ayaa sacabka wejiga iyo gadhkiisa weyn ku masaxay, fadhigii ayuu bedelay waxaanu aqoonsaday qofka la hadlaya. Cod aad u xabeebsan ayuu u celiyey: - Ma Cali baa? Ma Xiiqsanaa? Intii aanu hadalka afka ka qaadin ayay indhihiisa oo aan dux badan lahayn ilmo kallifaad ku ah soo daadiyeen. Xiiqsane ayaa soo booday oo laabta laabta u saaray. - Waar Deeq, walaal waaxay sidan aad tahay? Waar bal C/naasiroow laydhkaa shid. Deeq oo aad moodo maxbuus xabsi daa’in laga soo furtay ayaa baroor aad u fool xun qabsaday. Goortii uu oohinta ka dhargay ayuu wareysi bilaabay. -

Hooyo ka warran? Hooyo say tahay? Hooyaday... 117


-

Hooyo sidii laguu waayeyba si’ bay noqotoo wallaahi niyow way iska taag daran tahay, laakiin markay codkaaga maqasho way ku farxi doontaa.

Isaga oo aad uga xun dhibta uu hooyadii baday ayuu hadana baroortii ku noqday. -

Waar meesha iga kexee walaal Caliyoow hadaad nin naxaya tahay... Inamari bal hudheelkaygii aynu tagnee, intaasoo bilood baan ku raadinayoo kaama tagayee.

Sidii ayay ku yimaadeen albeerkadii uu Xiiqsane joogay. Daryeelka uu jidhkiisu u baahan yahay oo badnaa awgeed ayay wakhti u waayeen in ay hadalo kale is weydaarsadaan. Deeq oo timihii weynaa iyo gadhkii qaabka darnaa lagasoo jaray ayaa labbis cusubna loo xidhay. Taag-darrada jidhkiisa ku jirta mooyaane sida kale muuqaalkiisii hore ayaa usoo noqday. Qolkii yaraa ayay saddexdoodii isugu yimaadeen. Waa la’is waraystay. -

Waar bal dadkii ka warran oo bal hadal oo wax ii sheeg Xiiqsanoow. Dee xageen kaaga bilaabaa... hooyo waaniga kuu sheegayoo fikir baa dilay miskiinta yar, sida kale laakiin meheradihii iyo wax waliba si fiican ayay weli u socdaan. Shaqaale cusub ayaanu qoranay, Mahad laba hablood ayuu dhalay, anigu 2009-kii ayaan guursaday...

Xiiqsane ayaa aamusay markii uu halkaa marayay. Deeq oo xiisaynaya sheekada ayaa lasoo booday: -

Dee wad! Yaad guursatay markaa? 118


-

-

Een... een inantii dee Sahra. Ma Sahradii jaarkayaga? Tii dee haa... Awowgaa la gub, inaanad cidna dhaafayn waan garanayee, car bal hakaa soo cabato inantaasi. Waar waanigii ka baxay ciyaarahaase dhagaysoo, dee warkii ugu weynaa ayaan kuu hayaa adiganee. Hee? Inantii Balqiis. Hee? Imisa carruuray leedahay? Dee dhagaysoo, inantii way soo noqotay, khamiistii hore ayay timid. Haye. Waa kuwii ninkii kala tagay. Ninkii hee? Ninkii way kala tageen baan ku idhi, aabeheed baa ka furay. Yaa? Oo maxaa dhacay? I dhagayso dee anigaa kuu sharrixiye, ninku reerka uu khiyaameeyey oo nin dhowr naagood leh ayuu noqday oo malaha yara xashiishadaysan dee. Balqiisna inuu dhoofiyo kumuu talo gelin. Waar maxaad leedahay imika niyow? Oo intaasoo sanno xagay joogtay. Dee bartii aad ku ogayd ayuunbay silcaysay. Inkaari kugu dhacday dheh kaa, ii wad. Shalayoo u dambaysay bay ilasoo hadlaysoo inay timaado oo ay ilakaa raadisay doonaysoo waxaan ku idhi iga war sug. Iyaduna waxay tidhi illaa aan hubsado inuu Deeq dhintay nin kale ma guursanayo.

119


Deeq oo ilmada qarinaya ayaa foorarsaday, dhulka ayay laba dhibcood oo waayeyni dhaskii meel ka bannaysteen. -

-

Waxaan ku weydiiyey, hooyo sheekadayda miyay og tahay? Ma sababtaad u dhoofaysay iyo Balqiis iyo waxaas? Haa. Naw! Waar cid aan ogayni ma jirto niyow, xitaa way is arkeen Balqiis iyo hooyadaa sida la’igu yidhi, illaa aabeheed baa u yimid hooyadaa oo reerku way is yaqaanaan niyow. Oo markaa imika haddii aan noqdo Balqiis waa ii diyaar? Naw, waar way kugu tasbiixsataa niyow.

Deeq markii uu intaa maqlay ayuu su’aal lama filaan ah weydiiyey C/naasir oo koone fadhiya. -

Waar C/naasirow walaal basaska Jijiga tagaa goormay baxaan? Een Sagaalka, saacad kadib ayay baxayaan. Inamari hadaba Xiiqsanow kuwaasaynu raacaynaaye inamari. Garaac hooyo, sow ma sidatid telefoon horto? Hoo la hadal waanigan garaacaybee.

Deeq ayaa teleefankii xaf siiyay oo qolka kala baxay, wakhti aad u dheer ayuu la maqnaa. Isaga oo qosol-gariiraya ayuu soo noqday. Istaankii basaska ayay isku raaceen daqiiqado kadibna baskii ayaa ula dhaqaaqay dhankii noloshiisu taallay. Waa safar aad uga duwan kii uu ku yimid Addis Abeba.

Waxaad

moodaa

in

uu

indhaha

kusii

nabadgelyeynayo magaalada inta uu basku socdo. Safar 120


dheer kadib shacabka Jijiga ayay subaxnimadii la tooseen. Quraac dabadeed gaadhi yar ayay kiraysteen keligood. Goor barqo ah ayay soo gaadheen Wajaale iyo goob ay kusii sugayeen dad aad u badani. Xiiqsane ayaa gaadhiga kasoo hor degay, Deeq ayaa ku xigay. Inyar kadib ayuu maqlay codka dadka taagan wadada dhankeeda kale ka imanaya oo ku dhawaaqaya magaciisa. Si hufan ayuu usoo jeedsaday, durba hooyadii ayay indhihiisu qabteen. Isaga oo aan is weydiin dadka kale cida ay yihiin ayuu u orday dhankii hooyadii. Milgo oo hoos u ooyeysa ayaa u qaadan weydey in uu inankeedii nool yahay. In door ah ayay ku dhegganayd. Dadkii oo cid walba isugu jira ayuu wada salaamay, markii uu salaanta marinayey Balqiis aabeheed Axmed ayuu Deeq is hayn kari waayey. -

Adeer meeday Balqiis? Waar Adeer way i wareerisayboo ta yari way kuu waalatee waataase la hadal, waa tii halkan joogtee meeday?

Milgo oo ag taagan Deeq ayaa iyaduna ku darsatay: -

Meeday inantaydii Balqiis, kaalay dheh waydinkaa is helee.

Deeq ayaa isha ku dhuftay qof dumar ah oo kaabad durugsan gacmaha wejiga ku haysa. Dhankeeda ayuu usoo dhaqaaqay isaga oo ilmada iska masaxaya. Dhammaan dadkii way ka hadheen waxayse ka dabo keeneen wejiyo 121


furan oo dhankooda kusoo maqan. Wakhtiga oo aad moodo in uu istaagay ayuu Deeq soo hor joogsaday Balqiis. Goortii ay naqaskiisa maqashay ayay indho aad u cas kor ugu soo eegtay. Inta uu wejigeedii ka buuxsaday ayuu madaxa ruxay, hadana dhoollacadeeyey. Balqiis ayaa fadhiga hayn weydey. Su’aal ayay u raacisay. -

Maxaad ku qoslaysaa?

Deeq ayaa wejigeeda sii eegi kari waayey oo foorarsaday kadibna u jawaabay. -

-

Waxaan la yaabanahay adduunkan naafada ah. Hee? Haddii aynaan waxaas oo dhib ah isusoo mari lahayn, toloow maynu is heli lahayn?

122


123


124




Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.