Jeclaan Lahaayaa Qof Taladaan Oo Kale I Siiya Intii Aanan Siyaasiga Noqon!!
Talo uu siyaasi Ruugcaddaa ahi Siiyey nin Dhalinyaro ah oo doonayey in uu siyaasadda ku biiro W/T: Kamaal A. Ali (Kamaal Marjaan) Waa warqad uu siyaasiga, aqoonyahanka iyo saxafiga ruugcaddaaga ah ee reer Kanada Michael Ignatieff, talo dhaxalgal ah ku siiyey nin dhalinyaro ah oo damacsanaa in uu siyaasadda ku biiro, kaas oo ka dalbaday bal hadda in uu talo iyo tusaale ka siiyo siyaasadda uu ku socdo. Inta aynaan gudo gelin warqadda taladan uu siiyey siyaasigan da’da yar ee waayo-aragnimada soo biday, aynu wax yar ka nidhaahno Michael qudhiisa. Michael Grant Ignatieff oo dhashay sannadkii 1947kii, waa qoraa, aqoonyahan, siyaasi hore, hal-abuur iyo saxafi u dhashay dalka Kanada. Waxa uu hore u ahaan jiray hoggaamiyaha xisbiga Liberal Party ee dalka Kanada. Afartii sano ee u dhexeeyey 2008 da illaa 2011 ka waxa uu ahaa hoggaamiyaha xildhibaannada mucaaradka ee golaha Baarlamanka. Sidoo kale waxa uu shaqooyin sare ka soo qabtay, jaamacadaha caanka ah ee Cambridge, Oxford, Toronto iyo Harvard oo uu illaa hadda joogo [Markii qormada la qoray]. Ignatieff oo dalka Ingiriiska ku noolaa intii u dhaxaysay 1978 kii illaa 2000 waxa uu ahaa saxafi caan ah, oo ka hawlgala talefishannada iyo idaacadaha, waxa kale oo uu ka mid ahaa tifatireyaasha wargeyska The Observer ee ka baxa dalka Ingiriiska.