Oasis Academy Temple Quarter (Somali)

Page 1

Oasis Academy: Temple Quarter Buugga warbixinta

ka socota

dugsiga

Si aad u diiran ugu soo dhawow

Oasis Academy Temple Quarter

Waxaan u riyaaqnay in aad akaadamiyaddayada ama dugsigayaga u tixgelinayso ilmahaaga(carruurtaada). Waxaa sharaf aanan la qiyaasi karin noo leh in aan furayno Oasis Academy Temple Quarter oo aan qoysaska siinayno dugsi dhexe oo u adeegi doona bulshada xaafadda oo qof walboo da’ yar oo uu daryeelo ka caawin doona in uu kobco.

Gudaha Oasis Academy Temple Quarter, ilme walba – iyadoo aanan loo eegayn asalka ama diinta – ayaa lagu barbaarin doonaa dugsigayaga aad gaar u ah; mid garanaya ardaydiisa iyo qoysaskiisa oo iyaga ka taageera marxalad walboo dariiqa ku jirta.

Waxaa annaga in badan muhiim noo ah in aan abuurno meel ama goob wax lagu barto oo waxsoosaar cusub leh, xiise leh, oo la iskugu jiro oo bartamaha loo geliyo anshaxa dugsiga Oasis.

• Xamaasad loo qabo in qof walba iskugu jiro.

• Damac loo qabo in qof walba loola dhaqmo si siman, oo la xushmeeyo dhinacyada lagu kaladuwan yahay.

• U hoggaansanaanta xiriirrada caafimaadka leh ee furan.

• Rajo badan oo loo qabo in xaaladda la beddeli karo oo la dhalan rogi karo.

• Dareenka haris la’aan si waqti dheer loo sii socdo.

Anshaxa dugsiga Oasis waxa udub ah oo tiirnaya waa 9ka Caado ee Oasis; anshaxyo wada socda oo aan si firfircoon u abaabulno oo aan u dhaqan gelinno ardaydayada iyo weliba shaqaalahayaga, taasoo annaga naga caawinaysa in aan noqonno nooca ugu fiican ee aan yeelan karno.

Soonaha Ganacsiga ee Temple Quarter (Temple Quarter Enterprise Zone) (TQEZ) ayaa ka mid ah mashaariicda Ingiriiska ugu ballaaran ee dib u cusboonaysiinta magaalada ee loogu talagalay in lagu dhiso xaafad ama degaan magaalo oo cusub oo waara oo kobcaya oo ku yaalla Bristol. Qayb ballaaran oo ku taalla soonaha TQEZ waxaa ka mid noqon doonta degmo waxsoosaar cusub oo ay bartamaha ugu jirto oo ku hareersan Xerada Ganacsiga ee Jaamacadda Bristol (University of Bristol Enterprise Campus).

Waxaan annagu hubin doonnaa in dugsiga Oasis Academy Temple Quarter uu xiriirro dhow la yeesho jaamacadda iyo ganacsiyada ku hareersan si ardaydayada fursad gooni ah loogu siiyo in ay la shaqeeyaan ururradan oo ay helaan waayo ama khibrado macne leh oo caawin doona in la qaabeeyo fahanka ay ka qabaan dariiqyada loo maro xirfadaha mustaqbalka oo akaadamiyadda oo dhan ka abuuri doona dhaqan higsi. Marka la eego Manhajka Oasis, xaqa tanaadinta ee aan ku deeqno, daryeelkayaga latalinta iyo mashaariicdayada bulshada, ardaydayadu waxay annaga nagala tagi doonaan karti xirfadeed, dabeecad, iyo dareenka bulshada si ay nolol faraxsan oo qanac leh ugu noolaadaan dunida isbeddel joojin la’.

Waxaan anigu rajaynayaa in aan adiga kula kulmi doono oo aan kugu soo dhawayn doono akaadamiyaddayada.

Farriin
Maamulahayaga
23

Nolosha dugsiga Oasis

Academy Temple Quarter

Oasis Academy Temple Quarter waa dugsi dhexe ee 11-18 oo la iskugu jiro, oo u heellan in uu dhallinyarada ka caawiyo in ay gaaraan kartidooda buuxda laga bilaabo marka ay annaga nagu soo biraan ee ay soo galaan Sanadka 7 ilaa maalinta ay u baxaan qaybta xigta ee noloshooda.

Waxaan tan ku gaarnaa dhaqangelinta iyo abaabulidda anshaxyada akaadamiyaddayada:

Tacliin – diiradsaaris aanan kala go’ayn oo lagu hubiyo in la helo shahaadooyin waxbarasho oo heer sare ah iyo dhalinta jeceyl loo qabo waxbarashada oo loo sameeyo dadkoo dhan.

Beddelaad – fikir wax lagu koriyo oo lagu aamino in qof walba uu si ka fiican isku beddeli karo, iyo in qof walba uu awood u leeyahay in uu beddelo oo uu qalqaaliyo dadka kale iyo bulshada.

Himmad – aaminaadda in abbaarashada meel sare iyo dhiirranaantu ay suurtogeliso guusha iyo farxadda laga helo waxbarashada, shaqada, iyo nolosha.

Isku jir – hubaasha in aan nahay hal qoys, qofna ma dareemi doono go’doon ama keli ahaan.

Adkaysi – aqoonsanaanta in ‘magac weynidu’ aanay imanin haddii la keeni waayo qiyaas badan ee shaqo fiican, haris la’aan, go’aansanaan, iyo dadaal. Waa in aadan marnaba wax ka harin.

Masuuliyad Bulsheed – u hoggaansanaanta in aan daryeelno bulshadeena oo aan dadka kale caawinno mar kastoo aan karayno.

Tas-hiilaadka ama qalabka Dugsiga Oasis Academy Temple Quarter waxuu leeyahay tas-hiilaad ama qalab ugu casriyaysan oo yaalla qol walboo fasal iyo bannaannada waxbarashada loo kala baxo oo loogu talagalay shaqada kooxeed ama

ardayda baahiyaha gaarka ah ee SEND.

Tas-hiilaadka kale waxaa ka mid ah xarun ama hool isboorti, istuudiyo waxqabad iyo qaybta ciyaaraha isticmaal kaladuwan.

Deeqdayada

Ardaydu waxay ka faa’iido heli doonaan:

• Manhaj lagu dhisay cilmibaaristii ugu dambaysay ee lagu sameeyey waxbarashada, iyadoo diiradda lagu saaro dabeecadda, kartida xirfadeed, iyo bulshada.

• Taageero dheeraad ah oo af Ingiriisiga iyo xisaabta laga siiyo dadka u baahan.

• Daryeel latalin oo heer sare ah: waxaan hubin doonnaa in arday walba iyo qoyskooda la taageero laga bilaabo marka ugu horraysa socdaalka ay annaga nagula jiraan.

• Fursado tanaadin lagu helo dugsiga gudihiisa iyo dibaddiisa.

• Khibradda shaqada oo laga helo manhajka gudihiisa iyo weliba marka loo baxo dunida dibadda.

• Xiriirro lala yeesho jaamacado – lataliyeyaal iyo macallimiin marti ah.

• Xiriirro lala yeesho ganacsiyo – mashaariic, lataliyeyaal, iyo fursado khibradeed.

• Tas-hiilaad ugu casriyaysan oo loogu talagalay ardayda iyo bulshadooda.

• Kumbiyuutarka yar ee iPad oo la siiyo arday walba waqtiga ay annaga nala joogaan, taasoo qof walba u furaysa tignoloojiyadda oo xoojinaysa waxbarashada ay dadkayaga da’ yar ka helaan dugsiga iyo weliba guriga.

U kala guuridda dugsiga hoose iyo midka dhexe ayaa ah waqti xiise u leh nolosha qofka da’ yar. Waxay taasi keentaa oo soo raaca madaxbannaani aad uga badan iyo fursado cusub. Waxaan annagu weliba garanaynaa in carruurta iyo waalidiinta qaarkood ay ka walwal qabaan u guuridda Sanadka 7. Waxay ujeeddadayadu tahay in aan qoyska ka taageero habsocodka, annagoo hubinna in u guuridda dugsiga dhexe ay xiise leedahay oo ay dhibaato la’aan ku dhacdo. Annagu waxaan qaban doonnaa ‘Habeenka Soo dhawaynta’ dhammaadka bisha Juun si aan waalidiinta iyo carruurta u siinno dhammaan macluumaadka ay u baahan yihiin. Waxaa tan ku xigi doonta maalinta soo bandhigista oo loogu talagalay dhammaan bilaabeyaasha cusub, si ay u bartaan shaqaalaha, u samaystaan ama u bartaan saaxiibbo cusub, oo ay uga qayb qaataan waxqabadyo xiise leh.

Sanadkaaga Koowaad

Casharrada waxaa loo samayn doonaa jadwal si loo hubiyo in ardayda maalin walba la siiyo maaddooyin xul ah oo noocyo badan, iyo waqti ay nastaan oo ay dadka dhex galaan xilliyada nasashada. Casharradayadu waa 55 daqiiqo midkiiba, taasoo carruurta u suurtogelisa in ay u kala guuraan qolalka fasalka. Ardaydu waxay weliba maalin walba helaan waqti waxbarid gaar ah oo 20 daqiiqo ah iyo kulan horumarin shakhsi ahaan oo 25 daqiiqo ah. Habeenka Waalidka, oo lagu daray warbixinnada horumarka ee joogtada ah ayaa annaga naga caawiya in aan la soconno horumarka uu ilmahaagu ka gaaro waxbarashada iyo, iyadoo aad muhiim u ah marxaladda koowaad ee waxbarashada dhexe, dhanka latalinta iyo bulshada. Waxuu ilmahaagu taageero ka heli doonaa hoggaamiyeyaasha latalinta

iyo waxbarashada ee heellan dhammaan socdaalka ay annaga nagula jiraan.

Waxuu ilmahaagu heli doonaa buug xasuusqor maainta ugu horraysa akaadamiyadda ama dugsiga si looga caawiyo in ay diiwaan geliyaan shaqada guriga ama casharka guriga iyo taariikhaha kama dambaysta ah ee loo dhigo. Shaqaalaha ayaa farriimaha aanan degdegga ahayn guriga ugu diri doona buugga xasuusqorka, kaasoo waalidiinta iyo daryeeleyaasha waajib ku ah in ay saxiixaan toddobaad kaste waana in ay weliba isticmaalaan si farriimaha aanan degdegga ahayn ay ugu soo diraan shaqaalaha akaadamiyadda.

Qadooyinka

Qadooyinkayaga waxaa lagu toosiyey oo lagu hagaajiyey dhammaan baahiyaha cuntada waana kuwo dheellitiran oo nafaqo leh. Ardayda ayaa waxa ay rabaan ka dooran kara buugga cuntada ee maalin walba waxaana lagu dhiirrigeliyaa in ay meel wada fariistaan oo ay wada cunteeyaan sida qoyska. Carruurta waxaa weliba aad ugu furan in ay soo qaataan qadooyin duuban, laakiin waxaan codsanaynaa in sanduuqyada qadada si cad loo calaamadeeyo oo ay caafimaad leeyihiin.

45

Ardayda waxaa u furnaan doona waxqabadyo kaladuwan oo manhajka ka baxsan halkaasoo ay ku bartaan xirfado qiime leh, ay ku bartaan saaxiibbo, oo ay ku baaraan dano cusub. Waxaan annagu rabnaa in ardaydayadu ay helaan waayo iyo khibrado tanaadin leh oo u faa’iideeya, kuwaasoo iyaga ka caawiya in ay isku arkaan xamaasado cusub oo ay bartaan cidda ay yihiin shakhsi ahaan marka ay koraan dhammaan waqtiga ay annaga nala joogaan.

Xaqa Oasis

Ardayda oo dhan ayaa ka faa’iido hela Xaqa Oasis (Oasis Entitlement), fursado wada socda oo ballanqaad ah waqtiga ay joogaan akaadamiyadda ama dugsiga:

• Xeelado akhris si arday walba uu si faseexan wax u akhriyo.

• Helitaanka waxbarashada internetka.

• Helitaanka taageerada caafimaadka maskaxda ee tayo sarraysa.

• Noqoshada hoggaamiye ama lataliye arday.

• Qayb ka noqoshada bandhigga dugsiga.

• Qayb ka noqoshada kooxda dugsiga.

• Tumidda qalab muusikeed.

• Qayb firfircoon oo lagu yeesho mashruuc Hub.

• Tagidda safar degganaansho.

• Booqashada masraxa, xarun farshaxan iyo matxaf.

• Booqashada jaamacadaha iyo goobaha shaqada.

Baahiyaha Waxbarashada Gaarka ah iyo Naafooyinka (Special Educational Needs and Disabilities) (SEND)

Anshaxa Oasis waxuu ku salaysan yahay mawduuc ballaaran ee isku jiritaan; soo dhawaynta, dhiirrigelinta iyo u suurtogelinta dadkoo dhan in ay gaaraan halka ugu fiican caqabado kastoo ay taas kala kulmaan. Dugsiga Oasis Academy Temple Quarter gudihiisa, waxaan annagu:

• Soo ogaannaa carruurta qabta baahiyaha SEND (Baahiyaha Waxbarashada Gaarka ah iyo Naafooyinka) waxaanan hubinnaa in wax lagu bixiyo hab waafaqsan Xeerka Xirfadeed (Code of Practice) ee baahiyaha SEND.

• Leenahay oo noo magacaaban sarkaal SENCO (Isuduwaha Baahiyaha Waxbarashada Gaarka ah (Special Educational Needs Coordinator)).

• Maalgelinnaa tababbar shaqaalaha laga siiyo akaadamiyadda oo dhan iyo mid ku abbaaran oo gooni ugu toosan.

• Hubinnaa in waxbaridda la iskugu jiro oo akaadamiyadda oo dhan laga adeegsado xirfado ama caadooyin taageero leh.

• Hubinnaa in macallimiinta oo dhan ay fahansan yihiin in ay yihiin macallimiin ku shaqo leh baahiyaha SEND.

• Isku qorshaynaa oo aan isku diyaarinnaa u kala guuritaannada dhammaan marxaladaha muhiimka ah.

Yuunifoomka ama dirayska

Waxaan annagu rabnaa in ardaydayadu ay sharaf ka dareemaan ku jiritaanka akaadamiyaddayada oo ay tan ku muujiyaan yuunifoomkooda; waxaan og nahay in muuqaalka quruxsan iyo dareenka fiican ee ay ka qabaan waxa ay dugsiga u xirtaan ay iyaga ka caawiso in ay la yimaaddaan dadaalka ugu fiican. Marka tan la xasuusto, yuunifoomkayaga ama dirayskayaga waxaa loo habeeyey in uu noqdo mid quruxsan oo weliba camali ah. Waxaa ka mid ah jaakad summad leh, surwaallo iyo goonnooyin quruxsan, shaarar dugsi, tay dugsi iyo kabo quruxsan. Internetka ayaad ka heli kartaa war dheeraad ah oo ku saabsan yuunifoomkayaga.

Daryeelka Latalinta

Waxaan og nahay in mid kastoo ka mid ah dadkayaga da’ yar ay la kulmi doonaan caqabado kaladuwan inta ay korayaan, haddii ay tahay dhanka waxbarashada, bulshada, shucuurta, ama horumarka, sidaas darteed waxaan rabnaa in aan samayno wax walboo aan karayno si aan iyaga uga caawinno wax kastoo ay nolosha kala kulmaan. Ujeeddadan awgeed, waxaan annagu diyaarinnay nidaam dhammaystiran ee daryeel latalin (pastoral care), oo loogu talagalay in ardayda laga taageero dhammaan dhinacyada nolosha dugsiga.

Waxaa kuwan ka mid ah:

• Xiriirrada lala dhisto faca.

• Abaalmarinno laga bixiyo habdhaqanka togan ama wanaagsan.

• Abaalmarinno laga bixiyo xaadirista iyo xafidista waqtiga.

• Iskaashiyo lala yeesho ururrada ama hay’adaha dibadda si wax looga qabto dhibaatooyinka ka adag.

Waxaan annagu og nahay in barteyaasha ugu waxtar badan ay yihiin barteyaal faraxsan, sidaas darteed marka ugu horraysaba socdaalka uu ilmahaagu annaga nagula jiro ilaa dhammaadka waqtiga ay ku jiraan gurigayaga waxay ujeeddadayadu tahay in aan hubinno in ay dareemaan in la taageero, la dhiirrigeliyo, oo ay niyad u qabaan waxbarashada.

Waxaan rabnaa in carruurtaadu ay dareemaan in akaadamiyaddu ay u tahay guri labaad. Akaadamiyaddayadu waa qoys – lagu kobciyo xiriirro caafimaad leh iyo saamayn togan. Macallimiintayada fasalka iyo bareyaashayadu waxay waqti u qaataan in ay bartaan mid kastoo ka mid ah ardaydooda, iyagoo soo ogaada waxa uu ilmahaagu daneeyo, halka ay ku abbaaran yihiin waxyaabaha ay higsanayaan iyo rajooyinka ay u qabaan sanadkooda.

Deegaanka iyo Waaritaanka

Waxaan annagu garanaynaa in ay masuuliyaddayada tahay annagoo ah waxbarasho bixiye in aan deegaanka u dhawrno filalka hadda iyo mustaqbalka.

Dugsiga Oasis waxuu socdaal ugu jiraa in uu gaaro Saafi Eber (Net Zero). Waxaa tan hore loogu socodsiinayaa dhowr hindise oo laga wado ururka gebi ahaantiis iyo akaadamiyadaha goonida ah gudahood.

Si aad macluumaad dheeraad ah u hesho, fadlan booqo www.oasiscommunitylearning.org

67

Xeeladda Manhajka

Dugsiga Oasis Academy Temple Quarter gudihiisa waxaan isku taxallujinnaa in aan gaarno waxbarasho aad gaar u ah oo aan ku bixinno bartamaha bulshada, annagoo isticmaalna cilmibaaristii ugu dambaysay ee lagu sameeyey cilmiga waxbarashada waxaan higsanaynaa in aan soo saarno muwaadiniin firfircoon iyo barteyaal cimridherer oo fahan badan ka haysta dunida iyaga ku hareersan oo damac u qaba in ay saamayn togan ama wanaagsan u horseedaan xaafadda, qaranka, iyo dunida. Waxaan rabnaa in dadkayaga da’ yar ay:

• Niyadgelin ka helaan in ay wanaajiyaan dunida iyaga ku hareersan.

• Yeeshaan hammiga, xirfadaha, iyo khabiirnimada ay u baahan yihiin si ay ugu kobcaan duni dhakhso isku beddelaysa, isku wada xiran oo wadaxiriirku ku badan yahay, iyagoo kalsooni u leh oo khabiirnimo farsameed u haysta in ay kobcaan.

• Haystaan shabakad dad iyaga taageera.

• Ku raaxo qabaan cidda ay yihiin oo ay si joogto ah u baaraan cidda ay noqonayaan.

• Luqadaha ku fiicnaadaan oo ay xamaasad u qabaan waxbarashada.

• Isku dayaan in ay dadka kale wax kula jiraan oo ay ku soo daraan, ay dadka kale u feejignaadaan oo ay maamusaan kaladuwanaanta.

• Nolosha u muujiyaan xeelad ku salaysan anshaxyada oo ay fahmaan waxa saxda ah iyo waxa qaldan marka ay waayo nololeed ka helaan 9ka Caado ee Oasis.

Waxaan tan ku fulinnaa oo aan ku gaarnaa Manhajka Oasis gudihiisa, kaasoo diiradda saara horumarinta dabeecadda, kartida xirfadeed, iyo bulshada.

Maaddooyinka

Manhajkayaga uu ammaanay xafiiska Ofsted waxaa ka mid ah maaddooyinka soo socda: Ingiriisiga, xisaabta, sayniska, kumbiyuutarka, juqraafiyadda, taariikhda, luqadaha qalaad ee casriga ah (modern foreign languages) (MFL), waxbarashada diimeed, farshaxanka, muusikada, jilista, casharka jimicsiga, tignoloojiyadda naqshadaynta iyo horumarka shakhsi ahaaneed. Haddii aad rabto in aad war dheeraad ah ka hesho manhajyadayada maaddooyinka, fadlan booqo bartayada internetka.

Xirfadaha ama shaqooyinka

Waxaan ardayda ugu deeqnaa barnaamij xirfado ama shaqooyin oo horumar leh, kaasoo iyaga u suurtogeliya in ay si waxtar leh u qorsheeyaan oo ay u maamulaan xirfadahooda. Barnaamijka waxaa lagu bixiyaa fursado lagu baaro dariiqyo xirfadeed oo kaladuwan oo loo adeegsado shirar, waxqabadyo bareyaal, fasallo waaweyn oo ku saabsan shaqo helista, booqashooyinka loo-shaqeeyeyaasha, hoosooyin ama kulanno aqoon isweydaarsi, carwooyin xirfado iyo talo iyo hagis fool-ka-fool ah oo ku saabsan xirfadaha oo aanan eexasho lahayn oo madaxbannaan.

Waxaan annagu isticmaalnaa agabka Grofar oo aan ku diiwaan gelinnno waxqabadyada, qorshooyinka waxqabadka iyo horumarinta xirfadaha arday kaste. Oasis Horizons ayaa taageera dhinacan ka mid ah xeeladdayada oo xataa naga sii caawiya in aan la soconno oo aan raad raacno socdaalka waxbarashada xirfadaha arday kaste iyo weliba qorshaynta iyo diyaarinta dhacdooyin ama kulanno macne leh si loogu kordhiyo higsiga.

Oasis Horizons

Marka la eego Oasis Horizons, ilme walba oo ku soo biira dugsiga Oasis Academy Temple Quarter ayaa heli doona kumbiyuutar yar ee iPad oo iyaga gaar u ah waqtiga ay annaga nala joogaan.

Waxaan rabnaa in aan carruurtayada fursad loo siman yahay u siinno waxbarashada, sidaas darteed kumbiyuutarka yar ee iPad ayay haysan doonaan si ay ugu isticmaalaan dugsiga iyo guriga.

Iyadoo ay ka buuxaan abb-yada ama barnaamijyada waxbarashadu, kumbiyuutarka yar ee iPad waxaa casharrada dhexdooda loogu isticmaalaa baarista waxbarashada, su’aalaha ama imtixaannada yar yar ee fasalka iyo mashaariicda shaqada kooxeed. Waa agab ama qalab aad ugu fiican waxbaridda si ay shaqaalahayagu ula socdaan khayraadka ama ilaha cusub, fahanka ardayda iyo in dadkayaga da’ yar loo diyaariyo shaqada mustaqbalka ee loo isticmaalo farsamooyinka tignoloojiyeed ee dijital ah.

Kumbiyuutarka yar ee iPad waxuu leeyahay nidaamyo adag oo loo sameeyey badbaadada elektaroonigga si ilme walba badbaadada loogu ilaaliyo internetka gudihiisa, marka ay joogaan akaadamiyadda iyo weliba guriga, waxaana la socda sifooyin qufulaad iyo raadraac haddii qalabka ama aaladda la lumiyo.

Sida

aad u codsanayso Si aad u hesho macluumaad ku saabsan sida meel looga codsado dugsiga Oasis Academy Temple Quarter fadlan booqo www.oasisacademytemplequarter.org Haddii aad su’aalo qabto ama rabto in aad qof kala hadasho is qorista, fadlan si xor ah annaga noola soo xiriir. Iimayl: admissions@oasistemplequarter.org 89

Farriin ka socota Agaasimahayaga Guud (CEO)

Waxaan anigu u riyaaqay in adiga iyo qoyskaagu aad rabtaan in aad qayb ka noqotaan dugsiga Oasis

Academy Temple Quarter.

Waxbarashada Bulshada Oasis (Oasis Community Learning) waxaa loo aasaasay Urur Akaadamiyado Badan (Multi-Academy Trust) sanadkii 2004 iyadoo aragti loo lahaa in la abuuro “Waxbarasho Aad gaar u ah oo laga helo Bartamaha Bulshada”.

Waxaan iminka akaadamiyado ku maamulnaa afarta gobol ee ugu muhiimsan ee ku kala baahsan Ingiriiska, annagoo bixinna ama waxbarasho Hoose, Sare ama mid Marxalad walba.

Akaadamiyadahayaga oo dhan waxay u hoggaansan yihiin in ay bixiyaan waayo waxbarasho noocyo badan oo ay hubiyaan in ilme walba iyo qof walboo da’ yar uu fursad u helo in ay guul ku gaaraan heerka ugu sarreeya.

Anshaxayaga ayaa daruuri u ah adeeggaas la bixiyo. Waxuu muujinayaa dabeecaddayada, waa bayaan lagu sheego cidda aan nahay oo sidaas darteed waa bikaaca ama quraaradda aan ku qiimayno dhammaan waxyaabaha aan samayno. Waxaan u hoggaansan nahay qaab ama hab ku dhisan isku jiritaan, sinnaan, xiriirro caafimaad leh, rajo iyo haris la’aan aan ka muujinno dhammaan dhinacyada nolosha iyo dhaqanka ee bulshada akaadamiyad kaste. Waxaan xamaasad ku duubnaa waxbarashada waxaanan u hoggaansan nahay in ilme walba oo aan daryeelno ay gaaraan kartidooda buuxda, ay horumar guud ka gaaraan qayb walboo

ka mid ah noloshooda hadda iyo weliba mustaqbalkooda.

Waxan oo dhan waxaa udub u ah oo tiirinaya falsafaddayada waxbarashada oo muujinaysa diiradda aan saarno hoggaanka niyadgelin leh, waxbarashada qoto dheer iyo bulshooyinka caafimaadka leh. Waxay taasi higsanaysaa in ay dhisto dabeecadda iyo kartida xirfadeed ee ilme walba oo ka mid ah bulsho walboo aan annagu qayb ka nahay.

Sidaas darteed Waxbarashada Bulshada Oasis (Oasis Community Learning) gudaheed, waxaan aaminsan nahay in aan dhammaan nahay ‘dhiseyaasha nolosha ardaydayada’ taas awgeedna waxaan u hoggaansan nahay in aan aasaasyada habboon u dhigno mid walboo ka mid ah dadkayaga da’ yar.

Markaa waxaan rajaynaynaa in qoyskaaga ay u suurtogeli doonto in uu qayb ka noqdo Oasis, annagoo og in aan adiga kula shaqayn doonno si aan u hubinno in carruurtaadu ay noqdaan barteyaal kalsooni leh oo diyaar u ah in ay gaaraan waxyaabaha ay ka higsanayaan nolosha.

Aayo wacan, John Murphy Sarkaalka Agaasimaha Guud (Chief Executive Officer), Waxbarashada Bulshada Oasis (Oasis Community Learning)

Farriin ka socota Aasaasahayaga

Markii aan Oasis aasaasay ilaa iyo sanadkii 1985, haba yaraatee kuma fikirayn in uu u kori doono kooxda hay’adaha samafalka ah ee aad u wacan ee uu maanta noqday. Waxbarashada Bulshada Oasis (Oasis Community Learning) gudaheeda, waxaan nahay adeegbixiyaha labaad ee ugu ballaaran waddanka ee dugsiyada Akaadamiyadda, oo ay wax ku bartaan qiyaas ahaan 25,000 oo carruur iyo dhallinyaro. Dhanka ururka guryeynta ee Oasis Aquila Housing, waxaan guryo ku siinnaa dhallinyarada nuglan. Dhanka Iskaashiyada Bulshada Oasis (Oasis Community Partnerships) waxaan ku maamulnaa mashaariic bulsheed – laga bilaabo beeraha bulshada iyo aqallada bunka ama kaafeega ilaa kaniisadaha iyo xarumaha carruurta – iyo wax taas aad uga badan. Oo waxaan tan ka qabannaa bulshooyin u kaladuwan sida Gateshead oo ku taalla Waqooyi Bari ilaa Bristol oo ku taalla Koonfur Galbeed. Markaa, su’aashu waa…waayo?

Ma aaminsanin oo keliya in ay habboon tahay in ilmahaaga la siiyo waxbarashada rasmiga ah ee ugu fiican, laakiin weliba in nolosha iyo mustaqbalka caafimaadka leh loogu baahan yahay wax ka badan aqoonta ay leeyihiin oo keliya. Mid walboo annaga naga mid ah waxuu ka dhashay bulshada aan ku nool nahay. Taas awgeed ayuu dugsiga Oasis xamaasad u qabaa in ay habboon tahay in bulsho walboo ay u adeegto mid ka mid ah Akaadamiyadahayagu ay noqoto meel faraxsan, caafimaad leh oo qof walba isku jiro oo la qiimeeyo, oo ay karti u leeyihiin in ay

kobcaan oo ay gaaraan kartidooda buuxda, ee Ilaahay siiyey.

Taas awgeed ayaanan aragtida Oasis ujeeddo looga lahayn oo keliya in la bixiyo waxbarasho heer sare ah, laakiin weliba in la caawiyo dhisidda xaafado degaaneed oo aad u fiican.

Waxaan niyad ku haysannaa anshaxayaga Kiristaanka ee daruuriga ah oo ka dhigan in aan aaminsan nahay in qof walba – kuwa diin walba ama midnaba – ay qiime siman leeyihiin oo ay qayb ka bixin karaan oo ay caawin karaan in laga dhabeeyo aragtidan. Marka qof yar laga caawinayo in ay ka dhabeeyaan cidda loogu talagalay in ay noqdaan waxay dhaafsan tahay shahaadooyinka keliya ee ay qaataan ama shaqada ay rabaan; waxay ku saabsan tahay sida ay u arkaan naftooda iyo kuwa iyaga hareero jooga. Taas awgeed ayuu dugsiga Oasis hadaf u leeyahay in uu dhiso bulshooyin aad u fiican oo qof walboo da’ yar ay ku gaaraan heerkooda ugu fiican, ay isku xushmeeyaan, ay ku qiimeeyaan kuwa iyaga hareero jooga oo ay qayb kaga bixiyaan faa’iidada dadkoo dhan.

Waxaan rajaynaynaa in aan adiga iyo ilmahaaga idinku soo dhawayn doonno Akaadamiyad Oasis si aad tan iskaa ugu waayo aragto.

1011
Oasis Academy Temple Quarter i: info@oasistemplequarter.org admissions@oasistemplequarter.org @OATempleQuarter @oasistemplequarter www.oasisacademytemplequarter.org Community Learning Haddii aad rabto in aad war dheeraad ah ka hesho Waxbarashada Bulshada Oasis (Oasis Community Learning) – oo qayb ka ah kooxda hay’adaha samafalka ah ee Oasis – fadlan la xiriir: The Oasis Centre, 75 Westminster Bridge Road, London SE1 7HS @OasisAcademies www.oasiscommunitylearning.org

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.