WAR-SIDE 3 BILE AH OO KA FAALLOODA ARRIMAHA JAALIYADDA SOOMAALIDA NETHERLANDS
W A R G E Y S K A
APRIL-LUULYO 2017
CADADKII 9AAD
SOO-SAARE: MOHAMED ABDI
KULANKA FSAN & BAARLAMAANKA NEDERLANDS SHIRKA SANADLAHA EE FSAN & URURADA XUBNAHA KA AH ARAGTIDA DIIMAHA EE GUDNIINKA
ISKU XIRKA FSAN EE XIRIIRKA XKCS & CIYAARTOOYDA SOOMALIDA HOLLAND
WAXQABADKA FSAN EE 3DA BIL
FSAN OO $60,000 GUDOONSIISAY GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA
FSAN OO XARUN CUSUB U GUURTAY
HOWLAHA STICHTING DALMAR
DOORKA
DABAALDEGA
SSGP EE PURMERED
DR. DAROOGO
GUURADA CALANKA S O M A L I A
SHEEKO GAABAN OO TAXAE AH
X U S K A
1 D A
L U U L Y O
E E
X O R N I M A D A
S O M A L I A
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
Maxay ka wada hadleen maamulka FSAN iyo baarlamaanka Netherlands? By. M. Abdi
FSAN picture
G
uddiga maamulka dalada FSAN ayaa 21-kii bishii June la kulmay guddiga baarlamaanka dalka Netherlands u qaabilsan arrimaha dibadda gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta bulshada, iyagoo kala hadleen arrimaha Somalia. Kulankan oo ka dhacay aqalka labaad ee baarlamaanka Dutch-ka ee magaalada Den Haag, ayaa guddiga FSAN waxay si faahfaahsan uga warameen dadaalka FSAN ay ugu jirto sidii looga qeyb qaadan lahaa mashaariicda dib loogu dhisayo dalka Somalia. Guddiga FSAN waxay guddigii baarlamaanka u gudbiyeen warbixin 3 bog ah oo ay ku soo koobeen waxa ay FSAN tahay, sida ay uga qeyb qaadatay gurmadkii abaaraha Somalia, dib u dhiska dalka Somalia, arrimaha isdhexgalka bulshada oo ay qeyb weyn ka qaadatay iyo sida u taageertay fursadaha xaga dhaqaale abuurista ee laga hirgeliyey Somalia. Dilan Yesilgöz oo xisbiga VVD u fadhisa baarlamaanka, ka mid aheyd guddigii kulanka ayaa u soo dhoweysay la kulankeeda guddiga maamulka FSAN oo ay sheegtay inay horey uga war qabtay howlaha waxqabad ee dallada.
Guddiga FSAN oo kulan la qaadanaya guddiga baarlamaanka Nederlands u qaabilsan arrimaha
dalka. Mashruucaasi ayaa waxaa xaga dhaqaalaha ka tageeray wasaarada arrimaha dibadda, waxa uuna noqday mashruuc guuleystay oo laga gaarya hadalkii laga lahaa.
doomiye ku xigeenka FSAN Raho Omar: Ku xigeenka xoghaynta FSAN
Waxay sheegtay in natiijada kulankan ay u gudbin doonto wasaarada arrimaha dibadda iyo hay’adaha ku shaqada leh. Daladda FSAN oo ay ku mideysan yihiin ilaa 53 ururo Soomaaliyeed, waxaa la aasaasay sanadkii 1994-kii.
Waxay ku amaantay FSAN mashruucii Brain Gain oo ahaa Guddigii maamulka ee shirka ka mashruuc wen oo FSAN ay ka fulisay qeyb galay waxay kala ahaayeen; gudaha Somalia, iyadoo dhalinyaAli Ware: Gudoomiyaha FSAN ro halkan wax ku bartay ay u dirtay Mohamed Said: Xoghaynta FSAN magalooyinka waaweyn ee Somalia si ay aqoontooda ugu faa’iideeyaan Mohammed Osman Gure: GuWargeyska FSAN
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
SHIRWEYNAHII FSAN IYO URURADA XUBNAHA KA AH KALA WAR QAADASHO IYO ISLA XISAABTAN
S
agaalkii bishan July 2017, waxaa magaalada Amsterdam shirkoodii sanadlaha ahaa ku yeeshay guddiga maamulka dalada FSAN iyo madaxda ururada xubnaha ka ah. Kulankan oo ahaa kala war-qaadasho iyo isla xisaabtan ayaa waxaa looga hadlay howlaha ay daladdu ka qabtay Somalia iyo gudaha dalkan Netherlands 2016kii, xisaabaadkii ku baxay, sida loo maamulay, mashaariicda dhamaaday, kuwa hadda socda iyo kuwa lagu howlan yahay in la hirgeliyo. Soo dhoweyn iyo isbarasho ka dib ayaa waxaa madaxda ururada xubnaha ah fursad loo siiyey in midkiiba soo bandhigo wax qabadkiisa iyo howsha uu ka hayo magaalada uu ka dhisan yahay, iyadoo ay jireen ururo firfircoon oo ka howlgala gudaha dalkii Somalia iyo halkan Netherlands oo ay ku lug leeyihiin arrimaha horumarinta jaaliyadda. Warbixin guud FSAN Mohamed Said, xoghaya dallada FSAN oo ugu horeyn shirka furay, ayaa ka si guud uga warbixiyey waxyaabahii u qabsoomay dalada oo ay ugu horeyso mashruucii Brain Gain oo noqday mid lagu guuleystay, iyadoo FSAN ay gobolada Somalia u kala dirtay ilaa 18 dhalinyaro wax ku baratay dalkan, kuwaasoo aqoontooda ugu faa’iideeyey shacabka Soomaaliyeed, taasoo qeyb ka ah dadaalada dib u dhiska dalka. Sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyey inay jiraan mashaariicda sida kan ka hortaga gudniinka hablaha oo ah mashruuc weyn ee FSAN weli wado, mashruucaasi oo sidoo kale iyana ay wax ka wadaa jaaliyaddaha kale ee Afrika iyo qaar ka mida kuwa Asia. Mashruucan ayaa waxaa FSAN kala shaqeeya 2
Sawir wadajira: Guddiga maamulka FSAN iyo madaxda ururada xubnaha ka ah
wasaarada caafimaadka Netherlands, hay’ada GGD iyo dowladaha hoose ee dalkan. Waxaa kaloo FSAN ay wadaa barnmaamijka ilaalinta xaquuqda caruurta iyo tarbiyadooda, iyadoo ay jireen tababaro la xiriira arrimahaasi oo la siiyey dad badan oo ka tirsan jaaliyadda. Xogahaya FSAN waxa kale oo uu xubnaha dalada ku wargeliyey inay wadaan baaritaano ku saabsan lacagaha dowlada Netherlands ay ku bixiso magaca Somalia ee la siiyo hay’adaha reer galbeedka sida loo maamulo iyo meelaaha ay ku baxdo. Xarun Baaris Guddiga waxa uu madaxda ururka xubanah u sheegay in FSAN ay wado dhismaha (KennisCentrum) oo ah xarun aqoon oo lagu aruursho aqoonta kale duwan ee jaaliyadda oo dowlada Holland ay wax walba oo quseeya Somalida ay wax ka weydiiso xarunta-aqoonta FSAN.
Ka hor sameynta xarunta ayaa waxaa hadda baaritaan wada Miriam Corciulo oo ah madaxa mashruuca Change Plus ee FSAN, baaristaasi ayey ku xaqiijinaysa sida ay u suurtageli karo in la sameeyo xaruntan oo la rajeenayo inay noqon doonto dhibaatooyinka ka dhex jira jaaliyadda Soomaalida Holland sida shaqo-la’aanta, barbaarinta caruurta iyo khilaafka qoysaska. Waxyaabaha kale ee FSAN ay wado waxaa ka mida in magaalo kasta oo Netherlands ka mida laga helo wakiil FSAN ka tirsan oo markiiba ka jawaabi kara haddii ay dhacaan dhibaato la soo derista Soomaaliyeed. Taakuleyta Ciidamada Guddiga maamulka FSAN iyo madaxda ururada xubnaha ayaa intii uu kulankaasi socday ka dooday sida la isaga kaashan lahaa mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha jaaliyada iyo waliba ka qeyb qaada.....ka sii aqri bogga 3aad
Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD .....ka yimid bogga 2aad shada dib u dhiska dalka. Waxaa la soo hadal qaaday sida ugu haboon ee ururada FSAN uga qeyb qaadan lahaayeen barnaamijka taakuleyta ciidamada Somalia ee ay dhowaan dowlada ku dhawaaqday, iyadoo qaar ka mida madaxda ururada ay soo jeediyeen qorshe ah in la sameeyo sanduuq dhaqaale oo lacag loogu aruuriyo, taasoo qeyb ka qaadan karta arrimaha amaanka. Xisaab xir Mahad, xisaabiyaha guud FSAN ayaa isna halkaasi ku soo bandhigay barnaamij xisaab-xir guud ah oo uu si faahfaahsan uga hadalaya qarashaadka lacageed ee soo galay FSAN 12kii bilood ee la soo dhaafay iyo meelaha ka yimaadeen ay ku kala baxeen, isagoo ku amaanay guddiga maamulka FSAN sida hufan ee ay uga soo dhalaaleen shaqooyinkooda. Waxa uu carabka ku adkeeyey in FSAN ay tahay daladda la wada leeyahay, ayna u diyaar u tahay in lala xisaabtamo, isagoo dhoweeyey haddii ay jiraan dhaliilo u baahan in wax la saxo. wax uu sheegay in hadda ay wadaan wadaan dadaalo si toos ah ay daladdu ugu lug yeelanayso arrimaha horurmarinta gudaha dalka Somalia iyo sidii bulshada Somalia looga caawin lahaa dhinaca tacliinta. Deeqaha Somalia Ali Ware, gudoomiyaha FSAN ayaa isna waxa uu sheegay in ay dowlada Holland ka codsadeen in Somalia ay si toos ah u caawiyaan maadaama dalka hada ay ka jirto dowlad. "Waxaan badanaa kala doodnaa xukumada Holland si deeqaha ay bixinayaan ay dowlada toos ugu wareejiyaan oo aysan u sii marin hay'adahooda." ayuu yiri. Waxyaabaha keenay in taasi ay dhici weysay, ayuu ku sheegay in 3
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
markii hore ay jireen dowlado aaminadooda ay yar tahay.
haa dadaalada dib loogu dhisayo dalkii Somalia.
Laakiin Ware waxa uu sheegay in dowlada iminka jirta ay ka rajeenayaan inay la yimaadaan qorshe ka nadiif ah musuq maasuq oo lagu aamini karo si iyaga si toos loogu hagaajiyo dhaqaalaha loogu tala galay dib u dhiska dalka.
Ali Ware, ayaa intii uu socday tababarkaasi waxa uu sheegay in dad haddi ay isku tagaan oo ay is aaminaan in wax badan la qaban karo, waxaana taasi tusaale fiican u ah buu yiri howshii loogu gurmaday abaaraha somalia isagoo soo qaaday hal ku dhiga ‘Gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan’
Waxa kale oo intuu socday shirkaasi laga dooday in ururada ay cod mideysan ku raadiyaan mashaariicda arrimaha horumarinta iyo dib u dhiska dalka, ka dibna la siiyo ururkii loo arko inuu gudaha dalka wax ka qaban karo iyadoo isla xisaabtan uu jiro. Guddiga waxa uu sheegay in waxyaabaha ay FSAN ku guuleysatay laga xusi karo inay noqotay dalada keliya ee ururo ka badan 50 ay ku midoobeen, yeeshayna hal maamul, taasina ay uga faa’ideyn karaan ururada kale qurbo joogta ee kala daadsan. Dacwadii Badda Somalia Mohamed Osman Guure, gudoomiye ku xigeenka FSAN, ayaa sheegay in FSAN ay qeyb qaadatay dacwadii badda ee Somalia iyo Kenya ee maxkamadeynteedu ka dhacay magaalada Den Haag iyo sida ay soo dhoweysay dadkii yimid. FSAN waxay suuragelisay inay kulansiiso wafdigii ka yimid Somalia iyo jaaliyadda, iyadoo dowlada Holland ka dhameysay in Soomaalida ay isugu baxdo banaanbax lagu difaacayo badda Somalia. Tababar Qeybahii dambe ee kulanka ayaa waxaa la qabtay aqoon isweydaarsi ka koobnaa dhowr mowduuc oo kala ahaa; Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta isku xirnaanta ururada iyo daladda FSAN iyo waliba sidii dallada ay isugu xil qaami laheyd in urur walba magaaladiisa loogu tago oo ay wareysato baahidiisa.
Shirka waxaa aad loo xusay muhiimada ay leeyihiin ururada local-ka ah iyo kaalinta ay ku leeyihiin caawinta, mideynta, wax wada qabsiga Soomaalida magaalooyinkooda degan, taasoo gudoomiye Ali Ware uu sheegay in ururada local-ka ah ay yihiin indhihii lagu arkayey iyo dhagahii lagu maqlayey dhibaatooyinka ka jira magaalooyinkooda. Ali Ware waxa uu intaa ku daray in FSAN ay diyaar u tahay in ururadaasi ay ka taageerto wixii la xiriira xaga kobcinta aqoontooda. Xusid Fiiro Gar ah: Jaaliyadd Breda oo runtii hormuud ka aheyd gurmadkii abaaraha ayaa waxay kulanka ka codsadeen in laga caawiyo dhismaha xarun ay ku ilaalsadaan dhaqankooda iyo diintooda iyo arrimaha kale ee bulshada u baahan tahay. Codsigaasi si wanaagsan loo soo dhoweeyey, waana lagu riyaqay in lagala shaqeeyo arrintaasi, waana tusale fiican oo ku dayasho mudan. Gebagebadii shirka ayaa waxaa dalada FSAN ku soo biiray ururka Soomaalida West Friesland, ururka Soomaalida Den Helder, Ururka Soomaalida Breda, Ururka Soomaalida Den Bosch iyo ururka Soomaalida Purmerende (SSGP), kuwaasoo ku qancay inay xubno buuxa ka noqdaan daladda.
Waxa kale oo seminaarkaasi loga dooday sidii looga qeyb qaadan la-
Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
WARARKA FSAN EE 3DA BIL
KHATARTA GUDNIINKA Jaaliyadaha
Dhamaadkii April ilaa May, FSAN waxay qabatay seminaaro ku saabsan sare u qaadida wacyiga la xiriira arrimaha gudniinka iyo ka hortagiisa. Seminaaradaasi oo lagu kala qabtay magaalooyinka Haarlem, ´s-Hertogenbosch, Roarmond, Maastricht, ayaa la siiy-
ey jaaliyadaha Somalida, Eritrea iyo Sudan. Tababaradan ayaa waxaa FSAN kala shaqeeyey, ururada stichting Haarlem en omgeving, Stichting IFTIIN, Stichting Libin, Somali Gemeenschap Eindhoven iyo Verenigingen Nubish Club Den Haag.
Guddiga END FGM Europe oo mar kale la doortay Zahra Naleie ayaa ka mid aheyd guddigii la doortay, waxaana magaca FSAN uga qeybgashay Mariam Corciulo. Magaalada Brussels ee caafimada dalka Belguim, waxaa 2930 May shir isugu yimid xubno ka tirsan ururka END FGM Europe. Waxaa halkaasi lagu doortay mar labaad guddiga ururkaasi.
Wacyi-gelinta imaamyada
Shirkaasi ayaa waxaa bar bar socday seminaar mowduuciisa ahaa building bridges oo ah sidii la isugu xiri lahaa Afrika iyo Yurub oo isula shaqeeyaan mustaqbalka, ayna iska kaashaadaan arrimaha ka hortaga gudniinka.
Kulan wacyi gelin ah ayaa 21-kii April magaalada Amsterdam loogu qabtay qaar ka mida macalimiinta dugsiyada quraanka iyo kuwa kaniisadaha. Kulankan oo qeyb ka ahaa mashruuca ka hortaga gudniinka, ayaa ku saabsanaa sidii ka qeyb galayaasha loo kobcin lahaa aqoontooda la xiriirta arrimaha gudniinka hablaha, meelaha weli laga isticmaalo, sharciyada ciqaabta ah ee ka dhanka gudniinka iyo dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ee ka dhasha. Dadka soo qeyb galay oo tiradooda ay aheyd 21, ayaa waxay ka soo gala jeedaan wadamada Somalia, Ethiopia, Eritrea iyo Nigeria, kuwaasoo dhamaantood degan dalkan Netherlands.
XARUNTA CUSUB EE DALLADA FSAN
Daladda Guud ee FSAN ayaa 1-dii bishan July si rasmiya ugu guuray xafiis cusub oo isla Amsterdam dhexdaada ku yaalla, halkaasoo ay ka sii wadayaan shaqada ay u hayaan jaaliyadda Soomaalida Holland. 4
Ciwaanka xarunta cusub ee FSAN waa sidan President Allendelaan 725 1068 VN Amsterdam. Abdikarim Mohamud, madaxa maareynta xisaabaadka FSAN ayaa ka hadlay sababaha ay ku doorteen inay u soo guuraan xafiiskan. Waxa uu sheegay in dhismaha xafiiskan
ay ku yaalaan hoolal waaweyn oo o lagu qaban karo munaasibadaha iyo shirarka jaaliyadda. “Runtii waxaan kaloo ku xulunay xaruntan, iyadoo ay dhismaha ay ku dhex taalo maqaayad laga cunteyn karo. Sidoo kale waxay leedahay meel baabuurta la dhigto oo bilaash ah iyo iyadoo ay u dhow dahay saldhiga gaadiidka
dadweynaya oo qofka si fudud u imaan karo.” ayuu yiri Abdikarim. Dallada FSAN oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 50 urur Soomaliyeed oo ka dhisan dalka Netherlands, waxaa la aasaay saadkii 1994kii, waxayna mudadii ay jirtay sameysay mashaariic kala duwan oo quseeya arrimaha Soomaalida Holland.
Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
ARAGTIDA DIIMAHA IYO GUDNIINKA HABLAHA laamka aysan wax shaqo ku laheyn dhaqanka gudniinka, isla markaana uusan nebiga (NNKH) iyo asxaabtiisaba aysan ku sameynin gabdhahooda. Waxa uu meesha ka saaray in xitaa la isticmaalo nooca lagu sheegay sunniga, balse la ogol yahay in gudniinka wiilasha oo uu sheegay in laga soo gaaray nebi Ibrahim (CS). Waxaa sidoo kale goobtaasi ka hadashay Marthine Bos oo ka tirsan hayรกda caafimaadka dalka Nederland ee GGD, iyadoo si kooban uga hadashay khatarta dhinaca caafimaadka ee uu gudniinka u leeyahaya duQaar ka mida ka qeybgalayaasha shirka ka hortaga gudniinka habalaha oo dhageysanaya khudbadaha marka lagu sameeyey. Waxay xustay in maalin walba ay arkaan kiisas allada guud ee ay ku niinka. cuduro ah oo ku yimaada gudniinka, mideysan ururada gaar ahaan xilliga dhalmada. Soomaalida Netherlands Kulankan ayaa intii uu socday waxaa dadkii ka soo qeyb galay loo saFSAN ayaa 20 bishii May 2017 meeyey aqoon-isweydaarsi doo- Intaasi ka dib waxaa ka qeyb gamagaalada Amsterdam kulan do la xiriira khatarta gudniinka layaasha kulankan loo qeybiyey ilaa balaaran oo u qabatay ilaa 100 hablaha iyo sida looga hortagi karo 4 koox, iyadoo koox walba la dhex dhigay mowduuc ay ka doodaan oo qof oo kala soo jeeda wadama- cadaadaasi. la xiriira gudniinka hablaha.
D
da weli laga isticmaalo gudniinka habalaha ee qaarada Afrika, kulankaasoo looga dooday waxa ay diimaha Islaamka iyo masiixiga ay ka aaminsan yihiin cadaadada gudniinka.
Paul van der Boom oo ah baadiri ka tirsan wadaada diinta masiixiga oo halkaasi lagu casuumay, ayaa isna waxa uu ka hadlay waxa ay diinta masiixiga ka qabto gudniinka laga isticmaalo qaar ka mida wadamada islaamka. Waxa uu sheegay in diinKulankan oo ahaa kii ugu balaarnaa ta masiixiga aysan meelna uga qoree ay qabato FSAN ayaa waxaa xiriir- neyn in gabadha la gudo, isagoo ku inayey Ali Yahye oo ka mida aqoo- tilmaamay arrinkan xadgudub lagu nyahanada Soomaalida ee degan sameenayo baniรกadamka oo uu Holland, waxaana ugu horeyn furay Ilaaheyn karaameeyey. Dr. Mohamed Said oo xubin ka ah guddiga maamulka FSAN, isagoo Sidoo kale waxaa shirkaasi hadal mahad celin ka dib carabka ku ad- ka jeediyey Professor ร zcan Hidir keeyey muhiimada shirkan iyo sida oo wax ka dhiga jaamacada Islaauu uga qeyb qaadan karo dagaalka miga ee Rotterdam. Hidir waxa si loogu jiro sidii loo joojin lahaa gud- faahfaahsan uga hadlay in diinta Is5
Abukar Ali Nur (Adeerka Qarniga) oo ka mida ka soo qeybgalayaasha ayaa halkaasi waxa uu ka jeediyey tix yar oo gabay ah oo uu ku muujinayey sida ay habalaha dacwad uga yihiin gudniinkii lagu sameeyey, isagoo gunaanadkii tixdiisana ku soo afjaray fariin ah in la joojiyo jarjarista habalaha jirkooda. Gebagebadii kulankan ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan in si wada jira ah loola dagaalamo gudniinka lagu sameeyo gabadhaha iyo sidii looga joojin lahaa wadamada weli laga isticmaalo dhaqankaasi, iyadoo halkaasi lagu saxiixay . Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
XUSKA 57 GUURADA MADAXBANAANIDA SOMALIA Somalida Holland oo u dabaaldagay farxada 1da Luulyo
By. Mohamed Abdi
X
aflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaaldageyey maalinta xornimada Somaliya ee 1da Luulyo ayaa 2-dii bishan July 2017 lagu qabtay magaalada Den haag ee dalka Netherlands. Xaflad oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ka mida jaaliyadda Soomaalida Holland, ayaa waxaa soo qaban qaabiyey dalada ay ku mideysan yihiin ururada Soomaalida Netherlands ee FSAN, iyadoo abaabulkeeda ay lahaayeen qaar ka mida masuuliyiinta ururada ku jira dalada. Munaasibada xafladan waxaa heeso wadani ah ka qaaday fanaaniin caana, sida Bashiir Ali Hussein, Abdi Baadil, Deeqo Nuur Gariish iyo fanaaniin kale oo reer Holland ah. Ali Ware, gudoomiyaha FSAN oo hadal kooban ka jeediyey madasha ayaa si kooban uga sheekeeyey ragii u soo halgamay madaxbanaanida Somalia iyo sida loogu baahan yahay in maalintan oo kale si weyn loo xasuusto. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Shukri Hassan, madaxa ururka IFTIN iyo Salaado Macalin, gudoomiyaha ururka IFTIIN, kuwaasoo labaduba ka hadlay doorka ay haweenku ku lahaayeen gobinimo-doonkii Soomaaliya, iyagoo u haray naf iyo maalba sidii dalku uga hoos bixi lahaa gumeystahii reer galbeedka. Eng. Ahmed Mohamud Handule oo ka mida ahaa wasiiradii soo maray dowladii dhexe iyo ka dambeeyey ee Somalia, ahna oday Soomaaliyeed oo mar walba ka qeyb qaata arrimaha Soomaalida holland oo isna munaasibada ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada maalintan oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo dadka ku baraarujeyey inay u duceeyaan ragii u dhintay xornimada 6
dalka. Waxa kale oo Eng. handule, uu ka hadlay muhiimada ay leeyihiin maalamaha muhiimka ee isku xig xiga (26 June iyo 1da July), loona gudbiyo jiilka soo koraaya. Bashiir Ali Hussien oo ka mida fanaaniinta caanka ee Somalia oo mudda ku noolaa Yurub, ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay inuu Soomaalida Holland kula dabaaldego farxada maalinta madaxbananida
Soomaaliya, isagoo halkaasi ku soo bandhigay heeso wadani ah, sida heesta caanka ee Soomaali waa mid. Waxaa kaloo halkaasi lagu soo bandhigay gabayo, geeraaro iyo guurow oo laga xusi karo gabaygii Oday Cabdulle Indhabuur oo ka yimid magaalada Brede iyo wiil dhalinyaro ah oo halkaasi ka jeediyey tix gabay ah oo aad u soo jiidatay dhagaha dadkii goobtaasi joogay.
DEEQ LACAGEED LOOGU TALAGALAY ABAARAHA Lacgatan oo loogu talagalay in lagu biiriyo lacagta la haayo si loo gaarsiiyo walaalaha dhibaatada haysato ee Soomaaliya ee jooga gudaha dalka.
Xubnaha (Abdisalaan iyo Abshir) oo ka socday ururkia Soomaalida Den Helder, kana soo qeyb galay shir sanadeedkii dalada FSAN ayaa markii labaad waxay soo gudbiyeen lacag gaaraysa 1367 Euro.
Waxaa ka gudoomay guddiga daladda FSAN ee qaabilsan abaaaraha, kuwaasoo ka mahad celiyey dadaalka ururka Soomaalida Den Helder, balan qaadayna in mar kale guddigii samafalka Holland isku imaan doonaan dhowaan, si looga tashado lacagaha gadaal ka yimid sidii loo gaarsiin lahaa Somalia.
Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
Waxqabadka ururka Dalmar Mashruuca ee magaalada Den Haag ka hortaga Urur u adeega Somalida midab-takoorka hay iyo inuusan aadin balan loo soo dhigay." ayuu yiri Ahmed. Waxa kale oo uu sheegay in arrimaha kale ee xafiiskooda wax ka qabto ay ka mid tahay caawinta caruurta keligooda ee waalidka aan la socon, kuwaasoo markay qaan gaaraan loo raadiyo buu yiri guri ay degaan, iskuulka iyo ceyrta oo loo furo inta ay waxbarashada ku jiraan. "Xitaa waxaan caawinaa caruurta waalidkooda la joogay laakiin qaan gaaray, una baahan inuu gaar u dego, iyagana waxaan la xalinaa waraaqaha looga baahan yahay."
U
rurka Dalmar Foundation oo ka mida ururada Soomaaliyeed ee mudada dheer ka dhisnaa magaalada Den Haag ee dalka Netherlands ayaa xafiiskooda maalin walba qabta howlo loogu adeegayo Soomaalida degan magaalada Den Haag iyo tuulooyinka ku xeeran. Ahmed Abdulwahab, agaasimaha Dalmar Foundation, ayaa sheegay in shan maalmood todobaad uu xafiiskooda ay caawiyaan celcelis ahaan 5 ilaa 6 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo laga caawiyo u aqrinta warqadaha la xiriira deymaha ay ku soo dalacaan shirkadaha. Ahmed waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo dhibaato ku qaba fahanka nidaamka wadankan Netherlands oo warqadaha la iskula hadlo. "Waxaa arkaysaa in qofka kuu imaanaya uusan fahmeynin luqada, isla markaana dhibaatooyin kala kulma inuu bixiyo lacag lagu leeya7
Xafiiska Dalmar Foundation ee magaalada Den Haag, waxa kale oo fuliyaa adeegyo lagu caawinayo caruurta Soomaaliyeed ee haysta dhalashada Netherlands ee reerahooda ula guureen UK, kuwaasoo markii ay xabsi galaan dib loogu soo celiyo Netherlands. Caruurtaasi ayaa Ahmed uu sheegay in iyagoo uusan waalid la socon dib loogu soo celiyo halkan, ayna ka caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen nolol. "Runtii aad ayey u adag tahay in wiil yar oo Soomaaliyeed oo isagoo dembiile ah halkan laga soo tuuray sidii loo caawin lahaa, laakiin saas oo ay tahay iangoo la kaashanayna sharciga waxaan ku dadaalnaa sidii aan ilmahaasi aan ku caawino inuu dib noloshiisa uga bilaabo Holland."ayuu yiri Ahmed Abdulwahab. Dhinaca kale xafiiska Dalmar waxa uu qabtaa howlo si bilaash ah loogu caawinayo caruurta Soomaaliyeed ee loo diyaarinayo inay galaan dugsiyada dhexe iyo sare, kuwaasoo laga caawiyo barashada xisaabta, luqada iyo maadooyinka kale.
D
almar waxa uu dhowaan bilaabay mashruuc lagula dagaalamayo arrimaha midab-takoorka ee dhalinyarada asal ahaan ka soo jeeda Afrika ay kala kulmaan xaga shaqooyinka iyo waxbarashada. Xafiiska Dalmar waxa uu caawiyaa dhalinyaro u badan Soomaali iyo Eritrean, kuwaasoo u soo gudbiyey kiisas ah inay dareemaan cunsurimo marka ay gaaraan dugsiyada dhexe iyo sare, gaar ahaan marka ay shaqooyinka raadinayaan. Howlwadeenada Dalmar waxa ay sameeyaan shirar iyo tababaro lagu wacyi-gelinayo dhalinyaradaasi, iyagoo u sharaxa inay jiraan xafiisyo dowladeed oo qaabilsan arrimaha ka hortaga midab-takoorka. Ahmed Abdulwahab, agaasimaha Dalmar Foundation ayaa warygeyka FSAN u sheegay in xafiiskooda uu sidoo kale dhalinyaradaasi ka caawiyo inay qabsadaan qareeno u soo dhiciya xaquuqdooda. "Waxaan kaloo u sharaxnaa inay sidii ay u fahmi lahaayeen nidaamka wadankan iyo inay jiraan waajibaadyo iyo xaquuqo is daba socda." ayuu yiri Ahmed. Shaqooyinkaasi waajibka ee barbar socda waxbarashada dugsiyada ayaa waxaa la siiyaa dhalinyaro u badan gabdho. Mashruucaan ayaa Ahmed uu sheegay in lagu aruuriyo kiisaska cabashada dhinaca midab-takoorka ee lagu sameeyo dhalinyarada asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee ku dhashay dalka Netherlands, si buu yiri logu dacwooda maamulka dowladeed ee ka jira Den haag. Xafiiska Dalmar waxa kale uu uu fursado siiyaa dhalinyarada waayey meel ay Stage (Shaqada Iska-wax u qabso) ku maraan, sida maamulka iyo daryeelka dadka waaweyn.
Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
XIRIIRKA KUBADDA CAGTA SOMALIA OO HOLLAND KA XULANAYA
G
udoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Somalia Cabdiqani Saciid Carab ayaa 6dii bishii June magaalada Nijmegen eedalka Netherlands kula shiray qaar ka mida dhaliyarada Soomaaliyeed ee u ciyaara naadiyada kubadda cagta ee dalkan, isagoo u soo bandhigay fursad ah in dhaliyarada ay ugu ciyaari karaan kooxaha kala duwan ee Somalia, iyagoo matalaya qaranka.
Soomaaliya uu u howlgalay sidii dib loogu soo celin lahaa sumcada ciyaaraha kubadda cagta ee Somalia. Sidoo kale waxaa shirkaasi ka hadlay Ali Ware, gudoomiyaha dalada FSAN, isagoo sheegay in daladooda ay wax badan isku howshay sidii loo suurta gelin lahaa qaab ay u wada xiriiraan dhaliyarada iyo xiriirka kubadda cagta ee Somalia.
Kulankan waxaa soo abaabulay daladda FSAN ee ay ku mideysan yihiin ururada Soomaalida ee dalka Holland, waxaana ujeedadiisu aheyd sidii la isugu xiri lahaa dhaliyarada Soomaalida ee ka kala ciyaaraha naadiyada heerarka kala duwan ee Netherlands iyo xiriirka kubadda cagta ee Somalia. Cabdiqani oo waqtigaasi booqasho ku joogay Holland waxa uu sheegay in xiriirka uu madaxda ka yahay uu diyaar u yahay inuu xusho dhalinyarada kubadda cagta ee tayada leh ee jooga Holland, si ay mustaqbalka ugu ciyaaraan magaca qa- Abdiqani oo la la tashanaya qaar ka mida ciyaartooyda Soomaalida ee Holland rankooda Soomaaliya. Waxa kale oo isna goobta hadal kooban ka jeediyey Mo“Xiriirka ayaa qaadaya masuuliyada amaanka ciyaartooy- hamed Osman Gure, gudoomiye ku xigeenka dalada da tayada leh ee ka tirsan naadiyada dalkan iyo qarashka FSAN, isagoo amaanay arrinta ah in la helo ciyaartooy ku baxaya inta ay joogaan Soomaaliya. Sidoo kale wax- xirfad leh oo mustaqbalka ku ciyaara magaca Somalia. aan fursadan siinaynaa kuwa aan naadi ka tirsaneyn haddii aan hubino xirfadooda kubadda.” Ayuu yiri Cabdiqani Waxa uu dhinaca kale sheegay in ay jiri doonaan ciyaartooy ka mida kuwa ka ciyaara naadiyada dalka Holland Saciid Carab. oo ka qeyb geli doona ciyaaraha xagaaga ee lagu qabanWaxa uu goobta ku soo bandhigay barnaamij muuqaal ayo dalka Sweden, kuwaasoo ku ciyaari doona buu yiri ah oo ka hadlaya dadaalkii ay u galeen sidii dib loogu magaca FSAN. tayactiri lahaa qaar ka mida garoomada kubadda cagta ee magaalada Muqdishu laga soo bilaabo sanadkii 2012, markaasoo uu sheegay in xiriirka kubadda cagta ee 8
Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD
DAABACAADA 9AAD
SABTI 15 JULY 2017
Sheeko Gaaban QISO DHAB AH
DR. DAROOGO !
W
ax badan ayaa iska badalay dhaqankeedii sida uu ahaa muddo gaaban ka hor, waxay qiimeynta fasalka ka geli jirtay kaalinta 1aad ama tan labaad lakin maanta waxay ka mid tahay ardayda ugu liidata fasalka waxana taasi ay fajiciso ku noqotay barayaashii iskuulka oo la yaabay is baddalka ku dhacay gabadha.
Ka sokow hoos u dhaca waxbarasho ee ku dhacay Barni waxa kaloo u wehliyay isbaddal kale oo ka muuqday gibilkeeda waxay ahayd gabar leh dherer meel dhexaad ah midab furan, dabeecad wanaagsan furfurnaan, soo jiidasho, ilaahay ku manneystay jir aad u qurxoon taasoo ay aad uga maseyri jireen gabdhaha ay jaamacadda wada dhigtaan markasta oo ay u jeedaan muuqeeda, waana sababta in marki gabdhuhu tilmaamayaan gabar jir qurxoon ay ku hadal qabsadaan sida Barni oo kale. Maanta Barni Barnideedii maahan, muuqaal ahaan waxa ku dhacay isbaddal xoogan, midabkeedii oo dhan ayaa qayirmay, malaha xaragadii looga bartay ma mooga lafteedu in isbaddal xoogan uu ku dhacay hase yeeshee dan kama ay laha ,waxay noqotay qof xirxiran, aamusan aan bulshada soo dhexgelin jecelna in ay keli ahaato markasta oo ay joogto jaamacadda ama gurigaba. Waxaa intaasi oodhan sabab u ahaa jacayl indha sarcaadin ah oo u gantaalkeeda la haleelay Dr Daroogo oo ahaa macallin ka mid ah macallimiinta jaamacadda ay dhiganeysay Barni. Dr, Daroogo waa nin dheer, xarago badan oo isku darsaday kaftan sheeko badni iyo furfurnaan, waa ragga Soomaalidu tiraahdo Shabeel Naagood ee sida shaarki isugu badala haweenka waligii gabar uu ku fakaray inuu soo xero geliyo muddo dheerba haku qaadatee wa tii ugu dambeyn ku dhacda siriqdiisa waa taa Barniba maanta ku jirta siriqdiisa ee sidii kaluun shabaag ku dhacay ku dhex rafaneysa. Run ahaantii 9
Muddo badan ayay ku qaadatay Dr Daroogo inuu soo xero geliyo Barni maxaa yeelay waxay ahayd gabar ku mashquulsan waxbarashadeeda mana ahayn gabdhaha miraafa ee yaqaana wareega micno darida ah, waana dhaqanka gureeda ka jira oo ah in gabadhu xishooto ee aanay noqonin dibad wareeg . Aabaheed Aadan Dheere waxa uu aahaa nin aad u jecel caruurtiisa kuna fara adeygay in ay heer sare waxbarashada ka gaaraan isaga ayaana xabadka u garaacay in Caruurtiisu ay sawir fiican u noqdaan xaafadda inteeda kale . Barni waxa ka weyn Cawaale oo jaamacad loogu diray sanadkii tagay dalka Shiinaha, waxana ka yar , Barwaaqo Bashiir iyo Basra oo ah guri dambeyska reerka. Dr Daroogo waxa uu ahaa nin yaqaana xeesha ama farsamooyinka loo adeegsado haweenka taqasus dheeraad ahna u lahaa ,waxa uu aad u yaqaanay sida loogu seexseexdo haweenka muddo dheerna loo daajiyo marki siriqda ay gashana looga biya cabo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Barni waxa guriga ku soo booqatay gabar ay aad saaxiibo dhaw u ahaayeen oo lagu magacaabo, Xorriyo,Xorriyo lafteedu waxay ahayd gabar dabeecad wanaagsan isla markaana aad u adaab badan dhanka waxbarashadana ku wanaagsan, waxay weydiisay isbaddalka ku dhacay iyo waxa la soo dersay,hase ahaatee dhawr jeer ayaya damacday Barni in ay sheekada saxiibadeed is moogeysiiso. Xorriyo iyo barni waxa ay ahaayeen saaxiibo sirta wadaaga mana jirin mid tan kale
Waxaa Qoray
ABDISAMAD.A FARAH
sheekada ka qarsata,Ugu dambeyn waxay u sheegtay in ay jeceshahay mid ka mid ah barayaasha wax ka dhiga jaamacadda iyadoona u tilmaantay qofka uu yahay, aad ayay uga xumaatay hadalkaas Xorriyo waxana ay saaxiibadeed u sheegtay in ay iska ilaaliso ninkaas oo ay sheegtay inuu yahay waraabe aan la aamin gabdha badana uu dabin u dhigay marki ay ku dhaceena uu ka gaaray muraadkiisii qaaska ahaa . Jaamacado badana laga soo raacdeeyay .Warkaas talada saaxiibnimo iyo feejignaanta isugu jira kuma socon Barni maxaa yeelay waxa hayay jacayl cusub oo mawjadihiisu xoog badan yihiin kuwaasoo garaacayay wadnaheeda,Horaa loo yiri (Qof meeli u caddahay meeli ka madow) Barni waxay dhibsaneysay. Waxay ahayd Maalinimo Jimco ah oo laga nasanayay waxbarashada ,Jaamacaddu waxay lahayd bandhig carweed ay ku soo bandhigaysay buugaag iyo qalab casri ah oo caafimaad, dhamaan ardayda jamacadda waa lagu marti qaaday inay ka soo qaybgalaan xafladda, Dr Daroogo waxa madax looga dhigay guddi jaamacadda ay u qoondeysay in ay hormuud u noqdaan baratakoolka xafladda iyo marti soorka ka qeybgalayaasha waxayna u noqotay fursadda kaliya ee uu kaga faaiideysan karo sidii uu Barni kulan ka fool ka fool ah ula qaadan lahaa.
..........Ka eeg bogga 5aad Wargeyska FSAN
CADADKA 9AAD ..........Ka timid bogga 4aad Waxa socota bishii Lixaad tan iyo inta xiriirka rasmiga ah ay yeesheen Barni iyo macalinkeeda Dr Daroogo hase yeeshee muddada intaa le,eg ma aanay yeelan wax kulan ah oo fool ka fool ah inta badan waxay ku xiriiri jireen taleefan. Dr Droogo Xafladdi Jaamacadda ee loo xilsaaray ayuu kaga faaiideystay in Barni uu ka dhigto gacanyarihiisa taasoo fududeysay inay ku balamaan gurigiisa si ay uga wada hadlaan qaabka xafladda agaasinkeedu u dhacayo iyo cidda lagu marti soorayo Barni iyadu ma dareensaneyn in hawlaha kale ee uu damacsan yahay Dr Daroogo Allaheed ka Alle, kasokow taqtarnimadiisa iyo xirfadiisa caafimaad ee uu bartay waxa u dheereyd isagoo ahaa nin murti badan oo heesaha oo dhan yaqaana qaasatan kuwa lagu amaano dumarka . Ilkaha u eg daruurtee Ciridkaaga duhulka ah Mowluhu ku daahiyo Dibnaha dhuxusha moodee Mar mar dib uga feeydiyo Sanqaroorka soo dagay Indha deeraleey Daymada xishoodka
DAABACAADA 9AAD Markaad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa OO layga darayaa Indha deeraleey Dumar ugu fil rooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu metaaleey Da’ada tii todaba toban Gugan loogu darayee Indha deeraaleey Dib timaha u dhacayee Diilimaha dhabarkiyo Garbahoo dhan daahiyo Sida tixida xaada Dayruwaha qadaadkiyo Sunayaasha duuga Caman doombir laayeey……. Waxa miyir ugu dambeysay isagoo cod macaan oo gaaban ku qaadaya heestaan kuna amaanaya iyada, waxa uu maandooriye u raaciyay cabitaan uu sii diyaariyay waxii uu ka sameyn karana waa uu ka sameystay, intaa kuma dhaafinee sawiro iyo muuqaalo kala duwan ayu kaga duubay taleefankiisa ..Waa socotaaa….. La soco qeybta kale. W/Q: Abdisamad Abdulkadir Farah (Hanad) Skype: abdisamad.farah2 Email: Cabdisamad111@gmail.com
SABTI 15 JULY 2017
FSAN OO DEEQ LACAGEED GUDOONSIISAY GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA
Dalada FSAN ayaa bishii May ee sanadka gudoonsiisay guddiga gurmadka abaaraha Somalia lacag dhan $60,000 taasoo ay ka soo aruuriyeen jaaliyadda Soomaalida Holland.
DOORKA SSGP EE MAGAALADA PURMEREND
Gudoomiye ku xigeenka FSAN Abdikarim Mohamed Sheih Hussein oo Muqdishu ayaa lacagtan Ahmed Mahdi, guddoomiyaha ururkaa- deeqda ah ku wareejiyey guddisi ayaa shirkii sanadlaha ahaa ee FSAN ga abaaraha oo uu madax ka yaka sheegay in Soomaalida Purmerend ka aasaaseen goob ay caruurta ku hay Sheekh Nuur Baaruud. bartaan quraanka iyo afkooda hooyo. “Waxaan sidoo kale Soomaalida cusub ka caawinaa xaga luqada Nederland iyo xalinta khilaafaadka qoysaska.”
AHMED MAHDI, SSGP
Purmerend oo ka tirsan gobolka Noord Holland ee dalka Netherlands , waxaa ka howlgala ururka SSGP (Somalische Gemeenschap Purmerend) kaasoo la aasaasay 2014-kii. Jaaliyaddan oo ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa Soomaalida degan magaaladaasi iyo tuulooyinka ku xeeran ka caawiyaa xaga tacliinta iyo isdhexgalka bulshada. 10
SSGP waxay kaloo ka shaqeysaa isku keenida dhalinyarada si ay u kala faaíideystaan hadday ahaan laheyd dhanka waxbarashada, shaqo-raadinta iyo in loo sameeyo barnaamijyo lagu horumarinayo mustaqbalkooda.
Lacagtan ayaa muddo laba todobaad ah looga soo aruuriyey qaar ka mida Soomaalida ku dhaqan dalka Holland ka dib markii FSAN ay ku baaqday in loo gurmado walaalaha Soomaaliyeed ee abaarahu saameyeen. Lacagtan ayaa lagu iibinayaa cuntada daruuriga iyo daawooyin loogu talagalay in la gaarsiiyo dad liita ee ay abaarahu saameeyeen. Wargeyska FSAN
WAR-SIDE 3 BILE AH OO KA FAALLOODA ARRIMAHA JAALIYADDA SOOMAALIDA NETHERLANDS
W A R G E Y S K A
WARGELIN ! Waxaa laga codsanayaa dhamaan ururada xubnaha ee daladda FSAN inay soo gudbiyaan wararka wax-qabadkooda magaalooyinka ay ka dhisan yihiin. Ku soo dira wararkiina mabdi@fsan.nl Wixii faahfaahin ah la soo xiriir Tel. 06 879 25 145 WARGEYSKA FSAN, U ADEEGAHA JAALIYADDA SOOMAALIDA NETHERLANDS