CAP Interactive Guide Somali

Page 1


HELITAANKA BULSHADA BARNAAMIJKA
HAGAHA ISDHAXGALKA

NABADEEY!

Waan ku faraxsannahay

inaan idinku ku faraxsannahay

inaan idinku soo dhaweyno

Woodland Park Zoo oo dhinaca Barnaamijkeena

Gelitaanka Bulshada.

Riix halkaan si aad u dhageysatid:

Haddii aad heshay koodhadhka tikidka Barnaamijka Gelitaanka Bulshada oo u eg sidaan, muuqaalkaan wuxuu kula wadaagayaa tilmaamaha oo sida loogu badesho koodhadhkaas tikidhada beerta xayawaanka bilaashka ah.

Waxaa jiro labo qaabood aad ku badeli kartid tikidhadaada beerta xaaywaanka: onleen ahaan ama qof ahaan oo beerta xayawaanka.

Wixii tilmaamaha oo sida looga galo tikidhadaada onleenka oo websaydka beerta xaaywaanka, booqo qeybta cagaaran. Wixii tilmaamo oo sida si toos ah loogu badesho koodhadhkaaga beerta xayawaanka, booqo qeybta baluuga ah.

Marka koowaad, waxaan sharaxeynaa sida aad ugu badeli kartid onleenka koodhadhka tikidhkaaga.

Waxaan rajeyneynaa

inaan dhawaan ku aragno!

Ka booqo websaydka tikdhada beerta xayawaanka: https://www.zoo.org/visit

Riix halkaan si aad u dhageysatid:

Dooro ‘Buy Tickets’

Waxaa kadib lagu geynayaa bogg aad ka xulan kartid taariiqda iyo saacada aad jeclaan laheyd inaad booqatid.

Dooro taariiqda iyo saacada aad jeclaan laheyd inaad booqatid.

Dooro nooca tikidhka, sida dadka weyn ama carruurta, iyo tirada. Carruurta ka yar da'da 2 waa bilaash.

U dag hoosta bogga, oo dooro ‘Add ticket to order’

Riix halkaan si aad u dhageysatid:

8

Ka hor intaadan riixi “Proceed to Checkout,” Riix ‘Apply a promo code’

Geli koodhka tikidkaaga. Koodh walba wuxuu u shaqeynayaa labo tikidho oo waxaa la isticmaali karaa hajeer kaliya.

Riix halkaan si aad u dhageysatid: 9 10 11

Haddii aad iibsaneysid wax ka badan labo tikidho, waxaad u baahaneysaa inaad isticmaashid koodhadhka tikidho badan.

Koodhadhka ayaa ka dhigayo tikidhada bilaash. Tusaalaheen halkaan, waxaan dooranay inaan iibsano sadex tikidho, taasoo ka dhigan waa inaan gelinaa labo koodh.

Markii aad timaatid, booqo xafiiska aad gelisid koodhadhkaaga, waxaad riixi kartaa ‘Proceed to Checkout’

Waxaan xiggo, waxaa lagu weydiiyay inaad ku dhameystirtid bogga ‘Payment Information’ magacaaga, ciwaanka iyo i-meelka.

Uma baahnid inaad gelisid wax sharaxaado walboo lacag bixin ah sida kaarka deynta ama kaarka bangiga. Dalabkaaga wuxuu noqonayaa bilaash haddii aad isticmaasho koodhadadhka tikidka ku haboon.

Ugu dambeyntii, riix ‘Complete Order’

Riix halkaan si aad u dhageysatid:

15

Tikidhadaada waxaa lagu soo dirayaa ciwaanka i-meelka ee la bixiyay. Tikidhadaan waa dhijitaal oo waxay wataan warbixinta ku saabsan baakinka, tilmaamaha iyo gelitaanada.

Markii aad diyaar u tahay inaad booqatid beerta xayawaanka, fadlan la imaw tikidhadaada, midkood ku daabacan warqad ama taleefonkaaga. Haddii loo baahdo, waxaad imaan kartaa taariiq iyo waqti ka duwan waxa ku qoran tikidkaaga! 16

Midda xigta, waxaan ku tuseynaa sida loogu badesho qof ahaan tikidkaaga.

2

Riix halkaan si aad u dhageysatid: 1

Waxaad badanaa heshay koodhadhka tikidhka ee ka imaanayo urur aan faa'ido doon aheyn ama bulsho, iyo koodhadhkaas waxay u egyihiin sidaan oo kale.

Markii aad diyaar u tahay inaad booqatid beerta xayawaanka, la imaw koodhadhka tikidkaaga. Koodh walba wuxuu ku shaqeynayaa ogolaansho labo tikidho guud oo waxaa isticmaali karo dadka weyn ama carruurta. Haddii aad leedahay dadka kula imaanayo beerta xayawaanka oo ka badan labo qof, waxaad u baahaneysaa inaad la imaatid koodhadka badan oo tikidhada ah.

3

Waxay kugu jiraan koodhadhka tikidhadaan i-meelka, gabal warqad gacan lagu qoray ama ku daabacan warqad ama dokumenti. Qaab walba waa la aqbali karaa.

TIKIDHKA QOF AHAANTA AH

4

Haddii aad hoos ku qortid koodhadhkaaga, fadlan u qor si la aqrin karo oo ku dar magaca ururka ku siiyay koodhadhka.

Markii aad timaatid, booqo xafiiska tikidhka beerta xayawaanka oo tusi koodhadhka tikidhka Barnaamijka Gelitaanka Bulshada. Waxay kadib kuu sameynayaan tikidhka beerta xayawaanka. Kadib, waxaad gelin kartaa beerta oo aad ku raaxeysan kartaa waaya aragnimada!

Riix halkaan si aad u dhageysatid:

Waxaan rajeyneynaa inaan kugu aragno Woodland Park Zoo oo waxaan kuu rajeyneynaa inaad yeelatid booqasho fiican!

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.