The Somali Link Newspaper October 2019

Page 1

Russell Flickinger

ENTERTAINMENT

Somali Link Interviews K’Naan Pg.5

Pg.12

Pg.8

VOL. XII - ISSUE 11

Ogaysiis Ku Socota Darawaliinta Laga

LAW OFFICE

OCTOBER 2019

Qareen Howl-kar Ah!

Mahdi Taakilo Somali Link

Laga bilaabo bishii la soo dhaafey ee Juulaay 15keeda sannadkan 2019, waxay Ohio BMV oggolaatay in dadka laga xajuubiyey in ay Ohio gaari ku wadaan danbi ay galeen darteed ay aqbali doonaan in canshuurta lagu leeyahay ku bixin karaan in yar yar halkii ay ahayd in ay canshuurta lagu leeyahay hal mar bixiyaan. Waxay tusaale u soo qaateen in ay bixin karaan bishiiba $50 doolar haddey ka soo baxaan waxyaalaha kale ee loo haysto. Taas macnaheedu waxaa weeye in haddii tusaale ahaan lagu leeyahay 3000 oo doolar oo canshuur ah ay bishiiba bixin karaan konton doolar, halkii ay ka bixin lahaayeen 3000 oo doolar hal mar. Si ay barnaamijkan qayb uga noqdaan waxaa shardi looga in ay bixiyaan $150 doolar marka ugu horaysa si leesinkooda loogu ogolaado, looguna cusboonaysiiyo. Waa in ay sidoo kale la yimaadaan caddayn kaarka inshuransiga, taasoo macnaheedu yahay in ay tusaan xaafiiskan in gaarigoodu inshuransi leeyahay. Intaas ka gadaal ayaa leesinkii dib loogu soo celin doonaa, mana laga qaadayo illaa iyo inta ay bixinayaan bil walba lacagtaas $50. ■

HantiDhowrka Guud Franklin County Mahdi Taakilo Somali Link

Hanti dhowrka Degmada Franklin (Franklin County Auditor) waa laanta ugu muhiimsan dhammaan laamaha kale ee ay ka kooban tahay Degmada Franklin. Waxaa madax u ah Michael Stinziano oo la doortay sannadkii hore dhammaadkiisa. Mr. Stinziano oo ka soo jeeda xisbiga Dimoqaraadiga, horeyna u ahaan jirey guddiga magaalada Columbus (City council). Jagadaan hanti dhowrka waa markii ugu horreysay oo qof dimoqraadi ah loo doorto muddo 80 (siddeetan) sano ah. See FRANKLIN on Pg4

Inna Simakovsky, Qareenka Soomaalida ee Ohio

Anagoo ku hanweyn waxaan idinla socodsiineynaa in qareenkeenna howlkarka ah ee u dooda xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus iyo agagaarkeeda Ms. Inna Simakovsky uu ku sharfey joornaalka Columbus Dispatch Abaal marin loogu magac darey “Geesiyadda Maalin Walba” (Everyday Hero). Inna waxay u adeegeysey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Columbus tan iyo 2004 tii. Jaalliyadda Soomaliyeed waxay ka caawisey illaa haddana aysan ka daalin sidii ay u qaadan lahaayeen dhalashada Mareykanka (U.S Citizenship), Mideynta ama isu keenidda qoysaska

kala maqnaa muddo dheer (Family reunification) iyo ka caawinta kiisaska dacwada iyo u dagaalanka kuwa la doonayo in waddanka laga masaafuriyo (deportation). Inna waa qareen ku xeel dheer sharciyada qaxootiga, waxayna shaqaynaysey illaa iyo sannadkii 1998 dii , waxaan ku han weynahay oo aan oran karnaa in ay tahay saaxiib iyo walaal gaar ah ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ohio. Inna waxay ka furatey xaafiis Moolka Banaadir bartamihii sannadkii 2007-dii taasoo u suuro gelisay in si aad u xeel See Qareen on Pg2

13-ka Jid ee Ugu Shilka Badan Columbus Ayaa Ku Yaalla Deegaanada Soomaalidu Degto Warbixin cusub oo ay soo saartey hay’ad qaabilsan nabadgalyada waddooyinka Degmada Franklin (Franklin County) ayaa sheegtay in 13-ka waddo (jid) ee ugu shilka badnaa Degmada Franklin sannadihii 2018-2019 ay ku yaallaan meelaha ay Soomaalidu sida xoogga ah u deggan tahay. Qariirada halkan ku lifaaqsan waxay ku tusinaysaa magaca waddooyinka iyo inta shil ee ka dhacdey halkaas saddexdii sano ee la soo dhaafey. Inkastoo shilalka waddooyinkan ka

dhacaa ay sii yaraanayaan sanadan danbe haddana waxay noogu jiraan waddooyinka ugu shilalka badan magaalada Columbus ayuu yiri Robert Lawler oo ah Agaasimaha u qaabilsan nabadgalyadda waddooyinka hay’adda MORPC. Robert wuxuu intaas ku daray in uu dadwaynaha waddooyinkan ku nool ama marayaa ay suunka xirtaan marka ay gaariyada wataan, joojiyaana ku hadlidda taleefoonka, isna ilaaliyaan mar walba. ■

The Somali Link Newspaper Stay connected to your roots For more information Email: SomalilinkNewspaper@gmail.com 614.805.8630

Faceboogu Wuxuu Warka Siiyaa 1-ka Mid Ah 3-dii Qof ee Maraykan ah See FACEBOOGU on Pg


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.