Warsaxaafadeed Shirka maalgashiga beeraha ee Hirshabeelle: adkeynta beeraha iyo isku-xirka ganacsiga Faafin deg-deg ah Mashruuca Kobaca, Ganacsiga, shaqada iyo hab-nololeedka (Growth, Enterprise, Employment & Livelihoods - GEEL) Kala xiriir: +252 (0) 619967742 / info@sogeel.org Jowhar [Jimce, 20/09/2019]: Munaasabad lagu soo bandhigayey kheyraadka iyo fursadaha maalgashi ee kajira maamul-goboleedka Hirshabeelle ayuu mashruuca GEEL ee USAID magaalada Jowhar ku qabtay madal ay shirkadaha beeraha, ganacsatada iyo beeraleyda isugu yimaadeen. shirkan oo socday laba maalin ayaa ladaah-furay 15kii Sebtembar, 2019, ganacsataduna ku wadaageen fursadaha maalgashi, aqoon-is-weydaarsi iyo iskaashi dhexmara adeeg-bixiyaasha iyo beeraleyda soosaaro khudaarta, xoolaha iyo caanaha, sisinta iyo sidookale kalluumeysatada. Kudhawaad 160 daneeyeyaal kasocday hey’ado dowli ah iyo kuwa gaar ah ayaa kasoo qeybgalay shirkan oo uu si rasmi ah u furay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi, oo nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in sare looga qaado wax-soosaarka deegaannada maamulka Hirshabeelle lana ballaariyo kaabayaasha iyo maalgashiga uu u baahan yahay. Mudane Cabdi Xuseen Geedi ayaa beeraleyda, ganacsatada iyo kaqeybgaleyaashu ku ammaanay sida ay u daneynayaan kobcinta iyo hormarinta wax-soosaarka beeraha. Shirkan iyo kuwa kale oo lamid ahba waxaa looga gol-leeyahay in lagu kordhiyo adkeysiga dhaqaale ee bulshooyinka aagagga cunno yarida ay kajirto ee dalka. “Gaajada waxaan uga bixi karnaa innagoo isku-tashanna, iskuna kaashanno wax-soosaarka beeraha iyo tayeynta xirfadeheenna si aan caqabada taagan xal ugu helno, korna ugu qaadno wax-soosaarka dalka intaan dhiirigelin laheyn dalag dibedda laga keenay.” Ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi. Maalintii koowaad ee shirka waxaa diiradda la saaray soojeedinta wasaradaha maamulka Hirshabeelle, halka dowladda Federaalkana uu matalay Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka, isagoo ka hadlay muhiimadda uu deegaanka Hirshabeelle u leeyahay dhaqaalaha dalka. Waxaa sidookale maalinkaas kaalimo-suugaaneed oo halkudheggooda yahay “isku-tashi kusaleysan beeraha” soo bandhigay Kooxda Iftin oo talo farsamo ay
siiyeen shaqaalaha GEEL. Shirka ayaa maalintaas lagu soo xiray dood iyo falanqeyn furan oo ku aaddan caqabadaha heysta kaganacsiga beeraha ee Soomaaliya. Maalintii labaad ee madasha waxaa soojeedimo sameeyey shirkadaha jaalka la ah mashruuca GEEL, sida kuwa soosaaro bariiska, sisinta iyo kalluunka. Sowda Mire oo wakiil ka aheyd wasaaradda beeraha ee federaalka ayaa kahadashay kaalinta muhiimka ah ee haweenku kaqaataan wax-soosaarka beeraha iyo mudnaanta ay leedahay taakuleynta haweenka ku lugta leh wax-soosaarka iyo ganacsiga beeraha. Hey’adda Mercy Corps oo kamid ah dhawr hey’adood oo caalamiga ah oo iska kaashanaya hormarinta wax-soosaarka beeraha ee deegaannada Hirshabeelle, ayaa sameysay soojeedin ay kusoo bandhigtay shaqada ay kaqabatay helidda waraabka beeraha iyo barnaamijyo kusaleysan kab-dhaqaale oo ay siisay beeraleyda. Kaqeybgalayaasha, marti-sharafta, iyo wakiillada dowladda ayaa kormeeray goobaha shirka ee beeraleydu ay kusoo bandhigeen dalagyada kala duwan iyo wax-soosaarkooda. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah madasha u soo xiray, isagoo boggadiyey is-kaashiga iyo wadashaqeynta qeybaha kala geddisan ee ganacsatada iyo hey’addaha dowladda.
Shirkan waxaa fududeeyey mashruuca Kobaca, Ganacsiga, shaqada iyo hab-nololeedka (Growth, Enterprise, Employment & Livelihoods - GEEL) oo ah mid ay maalgelisay USAID ayaa hey’adaha dowladeed iyo kuwa gaarka ah ee Soomaaliya kala shaqeeya sare-u-qaadidda kobac dhaqaale oo waara. Mashruuca ayaa diiradda saaro kordhinta aqoonta maalgashadeyaasha maxalliga ah, muhiimad gaar ahna siinaya haweenka iyo dhalinyarada. GEEL ayaa ilaa iyo hadda taakulo kala geddisan gaarsiiyey boqolaal dumar ah oo kashaqeeya qeybaha kala duwan ee wax-soosaar, sida Xoolaha, kalluumeysiga, beeraha, tamarta, taageeridda ganacsatada caanaha, injineerada, beeraleyda iyo ganacsatada haweenka ah. Halkan ka daawo sawirro ku saabsan munaasabadda