Opplyst, utstillingskatalog på somali

Page 1

Iftiin. Taariikh-dhaqameed kooban

SOMALI

Wakhtiga lagu jiro wuxuu ku tiirsan yahay kii la soo dhaafay. Iftiin waxaa qolalkii mugdiga ahaa ee ay ku kaydsanaayeen laga soo saarayaa oo ileyska la soo dhigayaa qaar ka mid ah shay-yaasha taariikhdhaqameedka norwiijiga ugu cajiibsan, ugu heer sarreeya oo ugu qiimaha badan.

Kuwaas oo ka turjumaya qaybo ka mid ah taariikhda aan wadaagno iyo daahfuryo waaweyn, hal-abuur lagu fara yaraystay iyo

dhacdooyin muhiim ahaa oo gundhig u noqday awooddeenna hal-abuurka iyo qarankeena.

Kaydka maktabadda qaranka waxaa yaalla qaar badan oo ka mid ah waxyaalihii

Norway lagu daabacay laga billaabo qarnigii 12-aad ilaa iyo xilliga aan hadda ku jirno. Kaydku waa xusuusta aan wadaagno, waana halka aan kala soo baxno

sheekooyinka ka warramaya kuwa aan nahay iyo meesha aan ka soo jeedno. Iftiin ayaa sheekooyinkaas ka mid ah.

17 12 24 3 27 6 4 23 2 15 9 25 7 28 16 1 11 5 29 22 13 26 30 14 18 8 19 21 20 10
Tusmada 1 Buugga heesaha masiixiga ah ee Kvikne 7 2 Xeerarkii waddanka ee Magnus Lagabøte 8 3 Biblia («baaybalkii cusboonaysiinta») 10 4 Waraaqihii jannada 12 5 Norske Intelligenz-Seddeler 14 6 Dorothe Engelbretsdatter: Siælens Sang-Offer (Heeso hurid ah oo ka yimi nafta) 16 7 Dastuurka Boqortooyada Norway 18 8 «Heestii riyada» 20 9 Georg Ossian Sars: sawir-gacmeedyo cilmiyeed 24 10 Henrik Ibsen: Peer Gynt 28 Et Dukkehjem (Gurigii boombalaha) 30 Hedda Gabler 32 Qoraallada/alaabaha Ibsen maaddaama ay nugul yihiin, ayaa marba qaar la soo bandhigi doonaa. 11 Peter Christen Asbjørnsen iyo Jørgen Moe: Eventyrbog for Børn (Buug sheeko-xariireed) 34 12 Ivar Aasen: Norsk Ordbog med dansk Forklaring (Qaamuuska af-norwiijiga oo wata sharraxaad af-daanish ah) 36 13 Edvard Grieg: Concert op. 16 38
14 Gina Krog (tafaftire.): Nylænde 40 15 Edvard Munch: Selvportrett med knokkelarm (Sawir isaga ah oo leh laf gacmeed) 42 16 Snorre Sturlason: Kongesagaer (Sheekooyinka boqorrada) 43 17 Hulda Garborg: Heimestell (Shaqada guriga) 44 18 Waraaqihii codbixinta ee aftidii boqortooyada 46 19 Dæmonen (Jinka), qaybo filim oo lagu sameeyay faafreeb 48 20 «Warqadii Cirifka koonfureed» 50 21 Arbeidernes leksikon (Abwaanka shaqaalaha) 52 22 Warkii 9-kii Abriil 1940-kii iyo warar laga soo tebiyey London 7-dii Maajo 1945-kii, NRK 54 23 Georg W. Fossum: Dhiibistii Yahuuda Norway, negatiifka filim 35 mm ah 56 24 Furitaankii rasmiga ahaa ee ceelka saliidda ee Ekofisk, NRK Warka 57 25 Arvid Sveen: Varig vern av Alta-Kautokeino-elva! (Rasmi ha loo nabadgeliyo webiga Alta-Kautokeino) 58 26 Darkthrone: A Blaze in the Northern Sky 60 27 www.oslonett.no 62 28 SKAM (CEEB), qoraalka filimka 64
29 Karpe Diem: Heisann Montebello (Iska warran Montebello) 68 30 Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo diimeed oo waaweyn, daabacaaddo yaryar 70

1 Buugga heesaha masiixiga ah ee Kvikne

Qiyaas ahaan 1150–1200

Waa buug markiisa hore ka kooban Buugga Heesaha Masiixiga ah ee Baaybalka. Heesahan 150-ka ah ee loo yaqaano heesaha David ayaa tiir-dhexaad u ahaa siddeedda xilli-salaadeed ee habeenka iyo maalintii oo loo kala qaybiyay maalmaha toddobaadka iyadoo la raacayo hab joogto ah. Sidaa ayuu toddobaadku ku noqday xilli wareega oo masiixi ah, halbeeg wakhtiyeed ku salaysan iimaan iyo salaad. Buugaagta heesaha diiniga ah ayaa ahaa nooca inta badan la isticmaali jiray xilligii qarniyadii dhexe.

Buugani waxa la sameeyay qaybihii dambe ee qarnigii 12-aad waxaana loo aqoonsan yahay buugga ugu da’da weyn ee lagu sameeyay Norway oo weli sidiisii ah. Waxa la filaayaa inuu markii hore ka koobnaa heesaha oo dhan. Boggag ayaa lumay xilligii qarniyadii dhexe, laakiin qarnigii 15-aad ayaa lagu beddelay boggag cusub isla wixii ku qoran yihiin.

Buugga heesaha ee Kvikne waa sidii lagu yaqaanay xilliga uu soo baxay iyo meesha uu ka soo baxay. Waxa lagu qoray gacanta iyadoo lagu qoray harag, xuruufta laatiinka, nashqada fartuna waxay u dhowdahay kuwa xirfadaysan ee lagu qoray buugaagta heesaha ingiriisiga ah. Laakiin quruxda farta qoreyaasha noorwiijiga ma gaadhin heerka kuwa ingiriisiga ah, mana ay ahayn qoreyaal buugaag hore qoray. Qurxintu way yarayd waxaanay ahayd wax fudud.

Qoraallada kala googo’an waxa weli isku haya galal adag oo geed ka samaysan, oo la filayo in la sameeyay qaybtii hore ee qarnigii 13-aad. Dhabarkiisa waxa lagu qoray qoraal isugu jira xuruufta ruuniga iyo laatiinka, oo ah «Kaniisadda Kvikne ayaa i leh».

7

2 Xeerarkii waddanka ee Magnus Lagabøte ee Codex Hardenbergianus

Bartammihii qarnigii 14-aad

Xeerarkii waddanka ee 1274-kii ee boqor Magnus Lagabøte kaalin muhiim ah ayuu uga jiraa taariikhda qaanuunka Yurub. Waxay ahaayeen xeerarkii saddexaad ee wada gaara waddan Yurub ah, waxaana beddelay xeerarkii Norway ee Christian V ee 1687-kii. Xeerarka waddanku waxay wax ka beddeleen bulshada norwiijiga – waxay abuureen in sharciga wax lagu maammulo oo dabaqadda hoose ee bulshada ayay xuquuq siiyeen ayaga oo islamarkaana gundhig u noqday dawladnimada norwiijga.

Waxaa la hayaa 39 qoraal oo aan la daabicin iyo in ka badan 50 qaybo yaryar oo aan ayagana la daabicin oo ka mid ahaa xeerarkaas. Codex Hardenbergianus ayaa ah kan ugu quruxda badan. Xeerarka waxaa lagu qoray Bergen bartammihii qarnigii 14-aad waxaana lagu qoray afka norrønt. Waxaa ku jira toban xaraf oo xardhan sawirrana ay la socdaan (waxaa loogu yeeraa kuwii ifayay), waana kuwa xambaarsan dulucda qoraalka.

Codex Hardenbergianus waa dhawr xeer oo isku dhafan. Xeerarka waddanka ayaa ugu weyn uguna muhiimsan, waxaa sidoo kale majalladdan ku qoran waxa loogu yeero wax-ka-beddel xeer – oo markii danbe xeerar noqday – oo buuxinaya ama beddelaya xeerarkii waddanka iyo xeerka masiixiga ee wadaadkii diinta masiixiga ee Jon Raude.

Waxa ugu muhiimsan ee laga dhaxlay xeerarkii waddanka ee 1274-kii ayaa ah in aan u hoggaansanno xeerarka la ansixiyo, meeshii la oran lahaa sida loo kala awood badan yahay ha la isu xukumo. Dastuurka ayaana keenay in dadkeenna maanta waddanka ku nool aan ereyga xeer la xiriirino xorriyad iyo xuquuq ee aynaan la xiriirin awood si xun loo isticmaalo iyo cadaadis.

9
Waxaa iska leh: Maktabadda boqortooyada, Danmark.

Biblia. Det er den gantske Hellige Scrifft,

1550

Isbeddelladii diimeed ee weynaa ee uu Martin Luther bilaabay markii ay ahayd 1517, ayaa dhinaca kalena yeeshay saamayn dhaqameed oo aan yarayn. Dib-ucusboonaysiintii diimeed ayaa xoojisay xidhiidhkii ka dhexeeyay qofka iyo diinta, halka uu daciifay doorkii kaniisadda ee ahaa sii gudbinta iyo tafsiiridda diiinta. Taas beddelkeedana ereyada Illaahay, oo Baaybalka ah, ayaa tiir-dhexaad u noqday noloshii diimeed. Taas darteed waxa loo baahday in Baaybalka oo ku qornaa laatiin loo turjumo af dadku fahmayo: oo ah afka ay ku hadlaan. Farsamadii daabacaadda, oo Yurub laga bilaabay badhtamihii qarnigii 15-aad, ayaa suuraggeliyay in buugta loo sameeyo si ka dhakhso badan, ka qiimo jaban oo kana tiro badan sidii hore.

Baaybalka halkan yaalla, oo loo yaqaano «baaybalkii cusboonaysiinta», ayaa ah baaybalkii u horreeyay oo isagoo dhammaystiran lagu qoray af-daanish. Waxa la daabacay sannadkii 1550 waxaanu gaar ahaan ku salaysan yahay daabacadddii 1545-kii ee baaybalkii Luther uu af-jarmalka u turjumay, laakiin farta lagu daabacay iyo sawirradu waxay yihiin isla kuwii loo isticmaalay daabacidda baaybal ku qoran afka jarmalka hoose oo soo baxay 1534. Guud ahaan waxa «baaybalka cusboonaysiintu» ka kooban yahay 85 sawir oo laga sameeyay loox la qoray.

Dhanka Norway waxa ay cusboonaysiintii diimeed soo af-jartay madaxbannaanidii siyaasadeed. Boqortooyadii waxa la hoos geeyay Danmark, kaniisadddina waxay sidaa ku hoos timi boqorka. Baaybalkan daanishka ah waxyaalaha ugu horreeya ee la arkayo marka la furo wax ka mid ah sawirka boqor Christian III.

10 3
udsæt paa Danske

Indhaha boqorku waxay u jeedaan cirka; gacantiisa oo aan gacmo-gashi ku jirin waxa uu ku hayaa warqad duuban oo ay ku qoran yihiin ereyada Illaahay. Astaantiisa ku taalla dhinaca kale ee bogga ayaa muujinaysa awooddiisa boqorreed.

Daabace: Ludowich Dietz, Kobbenheegan.

11

Waraaqihii jannada, bogga hore

Taariikh 1604

Waraaqaha jannadu waa waraaqo wareega, waa warqad qofka ay soo gaarto ku boorrinaysa in uu minguuriyo dabadeed na sii gudbiyo. Warqadda aad halkaan ku aragto, waa nuqul gacanta lagu qoray. Qoraalka warqaddu wuxuu sheegayaa in uu «Eebbe weyne» laftigiisu qoray asalkii warqadda oo uu u soo dhiibay malag geeya Konistantinoobal, oo ah magaalada maanta loo yaqaan Istanbul, halkaas oo ay sida la sheegay warqaddu hawada ka laallaadday ayada oo ku qoran xarfo dahabi ah. Qofka inta warqadda minguuriya dadka kale tusa, denbigiisa oo dhan ayaa la cafinayay; kii aan rumaynin oo aan minguurinna, wuu dhimanayay, awlaaddiisana «si xun bay u dhimanayeen». Marka qiyaamaha la gaarana, silic arki maayo qofkii ay warqaddu gurigiisa taallo. Qoraalku wuxuu akhristaha ku adkaynayaa in uu raaco amarka Eebbe iyo kelmadda Ciise, oo uu kaniisadda aado axadaha. Warqadda waxaa ku saxiixan «Aniga oo ah Ciise Masiixigii xaqa ahaa.»

In kasta oo ay yar yihiin waraaqaha caynkan ah ee la kaydshay, waxaan haddana og nahay in waraaqaha jannada laga jeclaa Yurubta is-beddeshay ee aan kaniisaddu cafis iyo qiraal midna bixin karin. Qoraalka waraaqaha jannadu isma beddelin qarnigii 18-aad iyo kii 19-aad. Waraaqaha gacanta ayaa lagu minguurin jirey, in kasta oo ay jireen qaar daabacan, inta badanna si qurxan ayaa loo sharxi jirey oo loo midabbayn jirey. Maaddaama ay hal bog ka koobnaayeen way fududayd in waraaqaha jannada la qaato oo la sii iibiyo. Madbacaduhuna lacag fiican ayay ka sameyn jireen oo tiro badan ayay daabici jireen. Dad badan baa doonayay in ay cafis iyo farxad shilin ama labo kala baxaan.

4

12

4

Waraaqihii jannada, bogga danbe

Taariikh 1604

Taariikhda warqadda jannadu waa 1604. Laakiin xaashida ay ku qoran tahay waxaa ku sawiran astaanta Amsterdam. Astaantu waxay caddaynaysaa in aan warqadda la qorin wakhti ka horreeyay 1675. Lama oga sababta taariikhda horay loogu dhigay.

Geesaha ay isaga laabanto ayaa muujinaya in warqadda shan mar la isku laabay, waxayna u badan tahay in sababta sidaas loo yeelay tahay si uu mulkiiluhu xirsi ahaan ugu wadan karo. Marar badan ayaa la isku laabi jirey, maxaa yeelay geesaha ayay ka dhammaatay, meelaha ay isaga laabantana waa ka duleeshaa. Dhinacyada kor soo xigay marka warqaddu isku laaban tahay, waa ka madow yihiin dhinacyada kale. Taas oo caddaynaysa in warqadda jannada la isticmaali jirey, oo jeebabka ama meel ay jirka is taabanayaan lagu wadan jirey – oo la akhrisan jirey ama had iyo jeer la soo bixin jirey oo dadka la tusi jirey

13

1763

Norske Intelligenz-Seddeler waxa loo aqoonsan yahay inuu yahay wargeyskii noorwiijiyeed ee ugu horreeyay. Tirsigii u horreeyay waxa uu ka soo baxay magaaladda

Christiania markii ay ahayd bishii May 1763. Soo-saare iyo tifatire waxa ahaa Samuel Conrad Schwach, oo ahaa buug daabace u dhashay Boruussiya oo wax ku bartay Kobbenheegan.

Christiania ayuu hore uga soo saari jiray muddaaleyaal noocyo kale ah ka hor intaanu bilaabin wargeyska. Waxay ahayd arrin hirgelinteedu adag tahay. Waxa jiray faafreeb adag, islamarkaana waxay dawladdu oggolaansho siin jirtay keliya wargeysyada ka soo baxa Kobbenheegan, oo ahayd meel ay dawladdu kula socon karto wargeysyada. Schwach si kale ayuu uga wareegay arrinkaas isagoo marna wargeyska ku koobay xayeysiin iyo qoraallo ku saabsan dhaqaalaha iyo diinta, iyo isagoo marna xidhiidh danneed la lahaa Nicolai Feddersen oo ahaa sarkaal-sharafeed iyo gudoomiyihii hore ee maamulka dhexe ee Christiania. Feddersen dan ayaa ugu jirtay inuu uu ilaaliyo Schwach: Waxa uu maalgashi ganacsi ah ku lahaa warshadda waraaqada ee Jerusalem Papirmølle, oo waraaqo ka iibin jirtay wargeyska kana heli jirtay faa’ido dhaqaale oo wacan.

Marba marka ka dambaysa waxa Norske IntelligenzSeddeler awooday inuu balaadhiyo waxyaalaha lagu

daabacayo wargeyska, laakiin sannadkii 1814-kii, oo ahayd markii Dastuurka § 100 sheegay «Xorriyad daabacaddeed ayaa jiraysa», ayaa loo oggolaaday inuu daabaco qoraallo siyaasadeed. Wargeysku waxa uu soo bixi jiray ilaa iyo sannadkii 1920, xilligaas oo uu ku biiray wargeyska Verdens Gang.

Waxa soo saaray Samuel Conrad Schwach. Eeg qoraalka farta caadiga ah loo beddelay ee ku jira jeebka kabadhka ee dhanka bidix.

14 5 Norske Intelligenz-Seddeler, lr. 1, bog 1 iyo 4, wargeys

Daabacaddii u horraysay ee Norske IntelligenzSeddeler waxa ku yaraa waxyaalo maanta la dhihi karo waxay yihiin qoraallo saxaafadeed. Tixda hordhaca ah waxay ahayd salaan ku socota akhristeyaasha, waxaana halkaas qodob muhiim ah laga dhigay in wargeysku yahay noorwiiji: «Kani waa wargeys wax ku eegaya indhaha noorwiijiga, oo ku saabsan waxyaalo kale duwan macno lahaan kara» Waxa uu si dadban u sheegay in uu jiro qaab noorwiiji ah oo adduunka loo fiiriyo, laakiin waddaniyadda la muujiyay waxay ahayd mid aad looga taxadarayo. Sidiisa kale waxa wargeysku ka kooban yahay bayaano fudud oo ku saabsan markabyada baxaya iyo kuwa soo maraya dekadaha iyo waxyaalaha la iibsan karo, dhalashooyinka, dadka dhintay iyo guurka, hantida boolida ah ee la soo qabtay, iyo maqaal ku saabsan sida loo kaydin karo liin-dhanaanta si aanay u xumaanin xilliga qaboobaha Norway.

Qoraalka la is dhihi karo maanta wuu ina khuseeyaa ayaa ah faallo kooban oo wax sixid loola jeedo oo ku saabsan sida dadka caqliga badani u dhaliilaan khaladka dadka kale, laakiin ay u ilaawaan inay saxaan khaladaadkooda. Hadda lama garanayo cidda qoraalkani ku socday markaas oo ay ahayd 1763, laakiin si kastaba soo maaha arrin maantaba jirta?

15 5
Intelligenz-Seddeler, lr. 1, bog 2 iyo 3, wargeys
Norske
1763
Wargeyskii asalka ahaa waxa lagu qoray nooc-farreed gaatik ah (gotisk) oo la dhaho faraktuur, oo akhriskeedu dadka ku adkaan karo maanta. Jeebka kabadhka ee dhanka midig waxa ku jira qoraalka oo loo beddelay far caadi ah.

Dorothe Engelbretsdatter:

Siælens Sang-Offer, buug heeso diini ah

1685

Gabyaagii heesaha diiniga ah ee Dorothe Engelbretsdatter waxay ahayd qoraagii koobaad ee xirfadlaha ahaa ee midowgii Danmark-Norway. Buuggii u horreeyay ee ay qortay, Siælens Sang-Offer (Heeso hurid ah oo ka yimi nafta/ruuxda) axaa lagu daabacay Christiania sanadkii 1678-kii. Daabacaaddii koowaad lama hayo, laakiin toddoba jeer ayaa buugga la daabacay intii ay Engelbretsdatter noolayd oo keliya. Luuqadda ay wax ku qorto oo ahayd mid toos ah oo lagu luuqayn karo ayaa keentay in ay noqoto mid ka mid ah dadka wax qora kuwooda loogu jeclaa qarnigii 17-aad.

Qaar badan oo ka mid ah buugaagta Engelbretsdatter ayaa waxaa ku dhegganaa sawirka qoraaga oo ahaa wixii loogu yeeri jirey frontispis, waa sawir la xardhay oo lagu dhejin jirey bogga ka soo horjeeda bogga ciwaanka. Sawirka qoraaga ee ku dhegganaa Siælens Sang-Offer, ee soo baxay 1685-kii, ayaa tusaya qof dumar ah oo da’ dhexaad ah oo wax qoraysa. Miiska hor yaalla waxaa saaran qalfoofta qof madaxiis oo aan maqaar iyo hilib lahayn iyo dhululubo saacad ah. Kuwaasi waxay ahaayeen astaamo la isticmaali jirey xilligii baroogga, waxayna daawadaha xusuusinayeen sida aan nolasha loogu waari doonin. Astaamaha sawirku waxay sidoo kale tilmaamayeen dhacdooyinkii

Engelbretsdatter qof ahaanteeda soo maray ee sida aadka ah u taabtay. Toddoba ka mid ah sagaalkii ilmood ee ay dhashay ayaa geeriyooday ayaga oo carruur ah. Haddiiba ay jiraan wax nolosha laga baranayo, waxaasi waa in ay geeri na sugeyso dhammaanteen. Mawduucaan ayaa ah mid ku soo noqnoqnaya heesaha buugga. Heesta habeenka’, oo weli ka mid ah buugga heesaha diiniga ah ee xilligan (2013) ay Kaniisadda Norway isticmaasho, ayaa ka hadlaysa in wakhtigu gabaabsi yahay.

16
6
Waxaa daabacay Christian Geersøn, Kiøbenhaffn (Kobbenheegan).

Dastuurka Boqortooyada Norway, boostar 1836

Dastuurkii noorwijiga ee soo baxay 1814 waxa uu ahaa xeerar awoodda sharci-dejinta ku wareejiyay baarlamaan, Stortingga, islamarkaana koobay awoodda boqorka. Xildhibaannada waxa soo dooranayay codbixiyeyaal ka kooban ragga muwaaddinninta ah ee da’doodu ka weyn tahay 25 sanno, oo isla markaana lahaa xoogaa hanti ah. Inkastoo ragga codayn kara ahaayeen keliya boqolkiiba 40-45 ragga deggan waddanka – islamarkaana xaqa codbixinta haweenku weli ahayn mawduuc la hadal hayo – haddana waxa kani ahaa isbeddel weyn marka la barbardhigo xalaaddii Yurub ka jirtay xilligaas . Dastuurku ma ahayn xeerar dabacsan oo keliya, laakiin waxa uu xataa keenay in norwiijigu madaxbannaani badan yeeshaan markii Iswiidhan lala midoobay. Taas darteed waxa uu astaan muhiim ah u noqday midnimada qaranka noorwiijiyeed.

Sannadihii 1820-nadii ayaa la bilaabay in la daabaco Dastuurka oo boostarro ku qoran, astaamahan siyaasadeed ayaa noqday sawirro gidaarka lagu dhejisto oo dadku jeclaa, weliba iyagoo la geliyay meegaar leh muraayad. Nooca halkan yaalla oo la sameeyay 1836 waxa uu leeyahay qurux gaar ah.

Sawirku wuxu muujinayaa dhismihii Eidsvoll iyo sawirqofeedyo laga sameeyay qaar ka mid ah raggii Eidsvoll joogay xilli ka mid ah lix toddobaad oo ku beegnaa gu’gii 1814, ama joogay kulankii Stortingga ee aan caadiga ahayn ee ugu horreeyey ee la qabtay deyrtii isla sannadkaas, oo ahayd markii la galay midowga. Dastuurku waxa uu ku taariikhaysan yahay 4-tii nofember, laakiin waa isla dasturkii la sameeyay 17-kii May oo aan wax weyn laga beddelin. Hoosta waxa ka

muuqda saxeexyadii 79-kii xildhibaan ee baarlamaanka.

Farsamada: J.C. Walter. Soo-saare: Prahl.

18 7

Arbeider-Foreningernes Blad, wargeys 1853

Waxa jiray dad dareensanaa in laga reebay ka qaybgalka arrimaha siyaasadeed ee noorwiijiga ah. Arbeider-Foreningernes Blad (Wargeyska Ururrada Shaqaalaha) ayaa ahaa wargeyskii codka shaqaalaha ee ugu horreeyay Norway ee xigay dhanka bidixda fog ee siyaasadda. Waxa asaasay dhaqdhaqaaq-wade Marcus Thrane sannadkii 1849. Thrane waxa uu ahaa halgamaa dedaal badan oo dhiirran oo u halgamayay in la balaadhiyo xaqa codbixinta iyo la sameeyo isbeddel bulsho, waxaanu ahaa hogaamiyihii wixii loo yaqaanay Dhaqdhaqaaqii Thrane – waa dhaqdhaqaaqweynihii siyaasadeed ee ugu horreeyey Norway. Sannadkii 1850-kii ayuu farriin u gudbiyay boqorka waxaanu codsaday waxyaalo ay ka mid yihiin in xaqa codbixinta laga dhigo mid guud. Laakiin inkastoo Dastuurka noorwiijgu ahaa mid furfuran marka la eego xilliga la joogay, haddana waxa xadidnaa xorriyadda hadalka, weliba marka loo isticmaalo in lagu kiciyo dabaqadda shaqaalaha: Thrane waxa lagu xukumay toddoba sanno oo xabsi ah.

Markii ay ahayd 4-tii Juun 1853 ayuu wargeyska Arbeider-Foreningernes Blad boggiisa koowaad ku qoray soo jeedinno ku saabsan wax-ka-beddel lagu sameeyo shan qodob oo ka mid ah Dastuurka, oo uu markan diyaariyay taariikh-yaqaan iyo siyaasi Ludvig Kristensen Daa. Soo jeedinnada oo dhan waxay ku saabsanaayeen balaadhinta xaqa codbixinta.

19 7

«Draumkvedet» luuqayntii Maren Ramskeid

Qiyaastii 1840–1850

In badan oo ka mid ah sheekooyinkii, heesihii, laxankii, lahjadihii iyo shay-yaashii la soo aruuriyay qarnigii

19-aad waxay ku salaysnaayeen fikradda ah in ay

dhammaantood yihiin qaybo kala duwan laakiin ka wada mid ah dhaqan soo jireen ah. Waa dhaqan qaran oo fac weyn, oo tiirarkiisa ugu waaweyn yihiin kuwo soo jireen ah. Waxyaalahaas la soo aruuriyay waxay

sidaas darteed ahaayeen kuwo lagu baadi goobayay taariikh hore oo la wadaago.

Fikir-dhaqameedkan ayaa ku xoogganaa Norway, dadka aamminsanaana waxaa ka mid ahaa uruuriyayaashii caanka ahaa sida Asbjørnsen iyo Moe, Ivar Aasen, Ludvig Mathias Lindeman – iyo wadaadkii

hees-diimeedkana tirin jirey ee Magnus Brostrup Landstad. Xilli ka mid ah sanadihii 1840-yadii ayuu qoray «Draumkvedet» (Heestii riyada) ayada oo ay heesta ku luuqaynayso jaariyaddii ka timid gobolka Telemark ee la oran jirey Maren Ramskeid. Heesta Ramskeid iyo Landstad ay sameeyeen ayaa ah nooca ugu wanaagsan ee heestan laga hayo, ayada ayaana la isticmaalay markii la isku dayayay in tii asalka ahayd dib loo abuuro.

«Draumkvedet» waxay ka sheekaynaysaa aragti weyn oo heestu waxay ba ku soo xusuusinaysaa gabaygii Dante ee Majaajilladii Rabbaaniga ahayd. Maanta lama hubo da’da «Draumkvedet» iyo in noocyada badan oo ay u qoran tahay ay isku hal hees yihiin.

Qoraalka heesta ee uu Landstad degdegta u qoray waxaa ka buuxa sixitaan iyo waxyaalo gadaal looga daray. Aad bay u kala duwa yihiin ayada iyo midda ku qoran buugga naqshan ee Gerhard Munthe ee ku jirta khaanadda ka hoosaysa.

20 8

1. Agnes Buen Garnås: Draumkvedet, 1984

Waxaa soo saaray Kirkelig Kulturverksted.

2:24 (qayb)

2. Arne Nordheim: Draumkvedet, iyo muustikaalayda qaranka, Ingar Bergby (hoggaamiye muusig), Grex Vocalis, 2006

Waxaa soo saaray Simax Classics.

4:27 (qayb)

21

Moltke Moe (isku-dubbarid) iyo

Gerhard Munthe (sawirro): Draumkvæde. Hees ka mid ah heesihii qarniyadii dhexe

1904

Heesta sida quruxda badan loo hagaajiyay ee Draumkvæde (Heestii riyada) waxaa naqshaddeeda iyo sawirkeeda lahaa Gerhard Munthe. Xataa xarfaha gacanta ayuu ku sawiray. Buuggu wuxuu ka kooban yahay heestii oo keligeed ah, oo aan sharraxaad dheeri ah la socon. Waxaa si kooban loogu sheegay in uu

Moltke Moe isku dubbariday. Moe wuxuu ahaa barafasoor «dhiga afka norwiijiga, islamarkaana bixin jirey casharro ku saabsan caadooyinka norwiijiga», waa maaddadii berigii danbe loo baxshay cilmiga dhaqanka iyo caadooyinka dadku af ahaan isugu gudbin jireen. Jagadaas barafasoornimadu waxay ahayd tii ugu horreysay ee maaddadaas lagaga shaqeeyo waddammada waqooyiga, waxayna ahayd mid gabayga loogu eegayay cilmi ahaan ee aan loogu eegayn keliya dareenka gabaygu xambaarsan yahay.

Moe shaqadiisu kuma koobnayn in uu qoraalka isku-dubbarido oo keliya: Waxaa kale oo laga rabay in uu diyaariyo laxan cilmi ku dhisan. Hawshii waa adkaatay, oo Moe kuma guulaysan in uu dhammaystiro. Taas oo niyadjab weyn ku keentay Munthe iyo madbacaddii buugga oo ahayd Ururka daabacaadda buugaagta ee norwiijiga, oo doonayay in ay buugga ka dhigaan daabacaaddoodii koobaad. Waxay muddo dheer rajaynayeen in ay soo saaraan majallad dheeri ah oo faallo wadata, laakiin taasi ma dhicin. Sidaas ayuuna buuggii Munthe ku noqday suugaan qurux badan oo casri ah, laakiin aan lahayn duluc-cilmiyeedkii laga damacsanaa.

8

22
Waxaa soo saaray Ururka daabacaadda buugaagta ee norwiijiga, Kristiania (Oslo).
23

Georg Ossian Sars: sawir-gacmeedyo cilmiyeed oo muujinaya xiddig-badeed, kalluunka toshkiga, xayawaanka qolofleyda ah iyo nibiriga bulluugga ah

Qiyaas ahaan 1860–1890

Georg Ossian Sars wuxu ahaa hormuudkii cilmiga

xayawaanka ee badhkii dambe ee qarnigii 19-aad joogay Norway, waxaanu weli ka mid yahay cilmibaadheyaasha sayniska ee noorwiijiga kuwa loogu

xigasho badan yahay. Markii uu yaraa waxa uu in badan ku maqnaan jiray badda, isagoo dawladda mushaar kaga qaadan jiray balaadhinta cilmiga lagu jaangoyn doono ganacsiga kalluumaysiga ee Norway iyo dabashada nibiriga oo markii dambe la bilaabayay. Waxyaalaha uu ogaaday waxa ka mid ahaa in ugxanta

kalluunka toshkigu aanay quusin biyaha, laakiin ay dul sabbayso badda, kaddibna sannadkii 1865 ayuu ku guulaystay inuu si aan dabiici ahayn u bacrimiyo ugxanta. Sannadkii 1874 ayaa Sars noqday borofesar ku takhasusay cilmiga xayawaanka waxaanu soosaaray cilmi-baadhis badan, weliba inta badan ku saabsan xayawaanka qolofleyda ah. Waxyaalaha

halkan la soo bandhigay waxay muujinayaan hibada dhif iyo naadirka ahayd ee isagu u lahaa samaynta sawir-gacmeedyada sayniska.

Sars waxa uu ka mid ahaa dad yar oo hormood ka ahaa bulshada sayniska iyo hal-abuurka ee joogta Norway. Walaalkii Ernst ayaa noqday taariikh-yaqaankii xilligaas ugu weynaa Norway. Gabadh ay walaalo yihiin, Mally, ayaa guursatay Thorvald Lammers oo ahaa muusig-curiye iyo hage muusig. Gabadh kale oo ay

Sars walaalo yihiin, Eva, ayay meel wax ku wada barteen

Lammers islamarkaana ahayd heesaa la qadariyo xilligii ay baratay ee ay is guursadeen Fridtjof Nansen, oo

9

24

isaguba hawlahiisa shaqo ka bilaabay cilmiga xayawaanka – iyo sawir-gacmeedka. Georg Ossian Sars laftigiisa ayaa, marka laga reebo inuu ahaa cilmi-yaqaan iyo sawir-sameeye hormood ah, ahaan jiray qof si wanaagsan u ciyaari kara fiyoliinka. Hawlaha Sars waxay tusaale u yihiin sida hal-abuurka iyo saynisku isu saameeyaan.

25

Warqad ka timi Charles Darwin oo ku socota

1877

Peter Christen Asbjørnsen oo ururin jiray sheekoxariirtu ma ahayn cilmi-baadhe la miisaan ah Georg Ossian Sars, laakiin isaguba waxa uu yaqaanay cilmiga xayawaanka, waxaanu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee cilmigii Darwin u soo bandhigay dad noorwiiji ah. Sannadkii 1853 waxa uu Hardangerfjorden ka helay nooc xiddig-badeed oo aan hore loo aqoon, oo uu ka helay meel aad u dheer oo biyaha hoostooda ah: 380 mitir. Xilligaas lama ogeyn in wax ku nool yihiin meel sidaas u dheer. Waxa uu xiddigtaas u bixiyay Brisinga endecacnemos, oo uu ugu magacdaray siliskii qoorta ee Frøya ee la dhihi jiray Brisingamen.

Lix iyo toban sanno kaddib Asbjørnsen, ayuu Sars ogaaday nooc kale oo xiddig-badeed ah, Brisinga coronata, oo uu ka helay 600 mitir biyaha hoostooda, meel ka baxsan Lofoten. Sars waxa uu qoray maqaal af-ingiriisi ku qoran oo ku saabsan wixii uu helay, oo la daabacay 1875. Maqaalkaas waxa uu u diray Charles Darwin, oo islamarkaana helay buug-yare ku saabsan farsamada awtogaraafiiga ee daabacaaddda ee Sars isticmaalay markii uu daabacayey dhowr ka mid ah sawiradiisii. Darwin ayaa warqad jawaab ah oo ixtiraam ka muuqdo u soo qoray Abriil 1877 isagoo u qiraya dedaalka uu sameeyay:

9

26

Dear Sir,

Allow me to thank you much for your kindness in having sent me your beautiful memoir on Brisinga. It contains discussions on several subjects about which I feel much interest. I congratulate you on your discovery of the new process of Autography which promises to be of much service to those who like yourself are good draughtsmen.

With the most sincere admiration for your varied works in Science, I remain, dear Sir

Yours very faithfully Charles Darwin

27

Henrik Ibsen: Peer Gynt. Gabay cajiib ah, daabacaaddii koobaad iyo tii labaad oo uu gacantiisa ku saxay

1867

Ruwaayadda Peer Gynt ee Henrik Ibsen waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu waaweyn suugaanta norwiijiga, taas oo ay qayb ahaan ku mutaysatay tayada luuqaddeeda, qayb ahaanna dersidda adag ee lagu sameeyay Peer Gynt – taas oo ay dad badan ula uhayd daraasad lagu sameeyay norwiijiga. Ruwaayadda waxaa lagu billaabay magaalada Roma 1867-kii inteeda badanna waxaa lagu qoray jasiiradda Ischia ee gacanka Napoli. Toban sano in ku dhow kaddib ayaa markii u horreysay 1876-kii lagu soo bandhigay tiyaatarka Christiania, ayada oo muusiggu yahay kii Edvard Grieg.

Qofka Peer Gynt ee riwaayaddu ku saabsan tahay wuxuu Ibsen kaga dayday Norske Huldre-Eventyr og Folkesagn (Sheekaxariirta norwiijiga) (1845) ee uu sameeyay P.C. Asbjørnsen, halkaas oo Per Gynt uu ku jiro asagoo ah « Shiishyahankii waagii hore ee Kvam». Waxaa la sheegay in uu ka takhallusay cirfiidkii buurta haugtroll iyo «Bøjg-gii weynaa ee Etnedalen». Waxaa kale oo lagu sheegaa in uu dadka uga sheekayn jiray sheekooyin aan caadi ahayn oo ka badbadis ah.

Peer Gynt-ga ku jira ruwaayadda Ibsen laftigiisu waa beenlow jecel in uu khiyaali isku maaweeliyo. Billowga ruwaayadda ayay Aase, waa hooyadiise ku leedahay: «Peer, been baad sheegaysaa!». Naftiisa oo keliya ayuu ka fikiraa, laakiin waa sida basasha oo kale oo waa bilaa ubuc. Meel kasta oo uu tagana, waxaa jooga Bøjgen oo u yeeraya asagoo siraya kuna leh ’Iska dhaaf’.

Daabacaaddii koobaad waxaa soo saaray madbacaddii Gyldendalsk (F. Hegel) ee Kobbenheegan.

Daabacaddii labaad (1867) oo sixitaan u badnaa cusboonaysiin xagga luuqadda ah ay Henrik Ibsen iyo qaar kale ugu sameeyeen daabacaddii saddexaad (1874).

10

28

1960-kii markii uu NRK billaabay in uu sii daayo barnaamijyo joogta ah oo dalkoo dhan laga daawado ayuu Tiyaatarkii teleefishinka ee cusbaa noqday il muhiim ah oo dadka norwiijiga ah dhaqanka gaarsiiya. Ruwaayado qaraami ah iyo kuwo casri ah ayaa baahay oo dadweynaha u gaaray si aan horey suuraggal u ahayn. Ruwaayadihii Henrik Ibsen, gaar ahaan kuwii ka turjumayay xilligi uu noolaa ayaa indhaha u furay norwiiji badan oo markaas ka hor aqoonta keliya ee ay Ibsen u lahaayeen ahayd mid ku kooban wax ay ka akhriyeen ama looga sheegay. Tiyaatarka teleefishinka oo ahaa hay’ad gaar u taagan lehna fannaaniin joogto ah waxaa la xirey 1990-kii. Waxaa beddelay qaybta barnaamijyada ee cusub ee la yiraahdo NRK Drama, taas oo tan iyo berigaas marar dhif ah soo saartay ruwaayado masrax lagu soo dhigayo.

Bandhig-masraxeedkii Peer Gynt ee 1993, ee uu jilaaga koobaad ka ahaa Paul-Ottar Haga, ayaa ka mid ahaa ruwaayadahaas dhifka ah. Ruwaayaddaas ayaa ahayd mid ku habboonayd qaabka Tiyaatarkii teleefishinka ee «hore» iyo TV-ga casriga ah ee barnaamijyada kala duwan laga soo deyn jirey ee ku yimid horummarka sancada laga gaaray. Arrintaas ayaa si muuqata loogu arkayay masrixii laga soo duubay hoolka Dovregubben.

Muuqaal yar oo laga soo qaatay arkiifiyada NRK

29 10
Peer Gynt, NRK 1993

Henrik Ibsen: Gurigii boombalaha.

Ruwaayad saddex muuqaal ka kooban, qoraalkii ruwaayadda iyo daabacaddii koobaad

1879

«Waa in aan ogaadaa, aniga iyo bulshada, kan saxan», ayay Nuura la soo boodday dhammaadka Gurigii boombalaha, oo ahayd ruwaayaddii labaad ee 12-kii ruwaayadood ee uu Henrik Ibsen ka sameeyay noloshii waagaas. Maalintii saddexaad ee ciidda kirismaska ayay ka dhaqaaqday ninkii iyo saddex carruur ah. Markii la soo gaaray muuqaalkii muranka badan abuuray ee dhammaadka ruwaayadda, daawadayaashu horay ayayba u ogaayeen oo googoos baa lagu tusay in Nuura iyo Helmer guurkoodu ku dhisnaa been iyo dhalanteed.

Gurigii boombalaha (1879) ayuu Ibsen ku soo caanbaxay oo magaciisa dunida looga bartay. Waana ruwaayadihiisa tan ugu badan ee masraxyada adduunka lagu dhigo, loona turjumay in ka badan toddobaatan luuqadood.

Kaalinta dumarka ee bulshada ayaa qaybtii danbe ee qarnigii 19-aad ahaa mawduuc aan bulshadu aragtidiisa ka mideysnayn. Buuggii guurka ku saabsanaa ee Camilla Collett ee Amtmandens Døttre (Gabdhihii guddoomiyaha) (1854–55) ayaa ka mid ahaa buugaagtii hadda ka hor doodda badan dhaliyay. Qoraalladii hordhaca ahaa ee Gurigii boombalaha kuwooda ugu horreeyay ayuu Ibsen wuxuu qoray: «Waxaa jira laba sharci oo ruuxi ah, laba nooc oo dammiir ah, midka ragga iyo midka dumarka oo ah mid kaas ka duwan». Ruwaayaddu waxay isku dayaysaa in wax laga ogaado ciwaaqibka ay arrintan u soo jiidayso nolol-maalmeedka qofka dumarka ah.

Daabacaddii koobaad waxaa soo saaray madbacaddii Gyldendalske (F. Hegel & Søn) ee Kobbenheegan.

10

30

10 Gurigii boombalaha, Tiyaatarka teleefishinka, NRK

1973

1960-kii markii uu NRK billaabay in uu sii daayo barnaamijyo joogta ah oo dalkoo dhan laga daawado ayuu Tiyaatarkii teleefishinka ee cusbaa noqday bar muhiim ah oo dadka norwiijiga ah dhaqanka gaarsiiya. Ruwaayado qaraami ah iyo kuwo casri ah ayaa baahay oo dadweynaha u gaaray si aan horey suuraggal u ahayn. Ruwaayadihii Henrik Ibsen, gaar ahaan kuwii ka turjumayay xilligi uu noolaa ayaa indhaha u furay norwiiji badan oo markaas ka hor aqoonta keliya ee ay Ibsen u lahaayeen ahayd mid ku kooban wax ay ka akhriyeen ama looga sheegay.

Bandhig-masraxeedkii Gurigii boombalaha ee 1973, ee ay Lise Fjeldstad matalaysay Nuura ayaa ahayd ruwaayad norwiiji ah oo teleefishin midab leh laga soo daayo tii u horreysay. Ruwaayadda waxaa loogu tala galay TV, laakiin waxaa loo dhigay qaab u dhow sidii ruwaayadaha Ibsen loogu soo bandhigi jirey masraxa nowiijiga. Laakiin haddana waxaa hab casri ah ka dhigay sawirro kaamirada la soo dhoweynayo oo xaglo kala duwan kaamirada lagu qabanayo, hadallada oo si fudud laysu dhaafsanayo iyo matalaadda oo tii tiyaartarka ka degdeg badan. Tusaale ahaan muuqaalkii caanka ahaa ee tarantella ayaa kaamirada loogu soo dhoweeyay si aan masrax loogu soo dhoweyn kari lahayn.

31
Muuqaal yar oo laga soo qaatay arkiifiyada NRK.

Henrik Ibsen: Hedda Gabler. Ruwaayad afar muuqaal ka kooban, qoraalkii ruwaayadda iyo daabacaaddii koobaad

1890

Henrik Ibsen intii uu ku guda jirey qorista Hedda Gabler oo soo baxday 1890-kii, ayuu wuxuu meel ku qoray mid ka mid ah fikradihii ruwaayadda: «Fikradda khaladka ah ee la aamminsan yahay ee ah in halkii nin hal naag ku habboon yahay». Meel kalena wuxuu sida soo socota ka qoray nooc dumarka ka mid ah oo uu aamminsanaa in uu arkay: «Qoddobbada ugu muhiimsan:

1) Kuma wada habboona in ay hooyo noqdaan.

2) Soo jiidasho way leeyihiin, laakiin fadeexada ayay ka baqaan.

3) Way og yihiin in shaqo jirto, laakiin ma soo qaban karaan.»

Qisada gabadha jeneraalku dhalay ee Hedda Gabler oo marka danbe xabbadda isku dileysa, dood aad u badan ayay abuurtay waagaas. Kuwa ruwaayadaha ka faallooda aad bay u dhalleeceeyeen. Qaar badan ayaa qabay in loo baahnaa in ruwaayaddu soo bandhigto anshax intaas ka fiican iyo in aysan lahayn fikrad muuqata.

Sida magaceeda dambeba sheegayo, Hedda Gabler aabbaheed bay uga dhoweyd ninka ay afadiisa tahay. Way ku ag caajistay Jørgen Tesman, oo ay u guursatay si uu u masruufo. Aabbaheed waxa keliya ee ay ka dhaxashay hal sawir iyo laba bistooladood. Markay weyday jid ay xorriyad ku hesho, ayay dooranaysaa «in ay qurux ku dhimato».

Ingrid Bergman, Isabelle Huppert iyo Cate Blanchett ayaa ka mid ah dadka Hedda Gabler ruwaayadaha ku matalay.

Daabacaddii koobaad waxaa soo saaray madbacaddii Gyldendalske (F. Hegel & Søn) ee Kobbenheegan.

10

32

10 Hedda Gabler, Tiyaatarka teleefishinka, NRK 1975

1960-kii markii uu NRK billaabay in uu sii daayo barnaamijyo joogta ah oo dalkoo dhan laga daawado ayuu Tiyaatarkii teleefishinka ee cusbaa noqday bar muhiim ah oo dadka norwiijiga ah dhaqanka gaarsiiya. Ruwaayado qaraami ah iyo kuwo casri ah ayaa baahay oo dadweynaha u gaaray si aan horey suuraggal u ahayn. Ruwaayadihii Henrik Ibsen, gaar ahaan kuwii ka turjumayay xilligi uu noolaa ayaa indhaha u furay norwiiji badan oo markaas ka hor aqoonta keliya ee ay Ibsen u lahaayeen ahayd mid kooban wax ay ka akhriyeen ama looga sheegay.

Ruwaayaddii Hedda Gabler ee Tiyaatarka teleefishinka, ee ay Monna Tandberg jilaaga koobaad ka ahayd, waxaa markii u horreysay la soo daayay 1975kii ayada oo ku salaysnayd ruwaayaddii Tiyaatarka qaranka ee 1971-kii. Ruwaayadda toos loogama soo minguurin masrixii tiyaatarka, ee waxaa lagu dhigay istuudiyo oo waxaa laga dhigay mid ku habboon teleefishinka. Dib u habayn ayaa lagu sameeyay luuqadda ruwaayadda, kaamiradana jilaaga ayaa loo dhoweeyay, taas oo keentay in masraxa ruwaayaddu ku dhammaanayso u ekaa in aad la isugu soo dhawaaday. Intaas marka laga soo tago, ruwaayaddu waxay toos ugu salaysnayd qoraalkii asalka ahaa iyo caadadii la yaqaannay ee qarnigii labaatanaad loo soo bandhigi jirey ruwaayadaha Ibsen.

33
Muuqaal yar oo laga soo qaatay arkiifiyada NRK.

Peter Christen Asbjørnsen iyo Jørgen Moe: Eventyrbog for Børn. Norske Folkeeventyr, buug I–III

1883–1887

Dhammaadkii 1830-nadii ayay Peter Christen Asbjørnsen iyo Jørgen Moe bilaabeen wadashaqayn dhalisay in ay ururiyaan sheeko-xariireedyo noorwiiji ah. Buuggii u horreeyay waxa uu soo baxay 1841. Labadoodu waxay safar ku dhex mareen waddanka, waxaanay ururiyeen oo qoreen sheekooyin aan ilaa xilligaas la qorin oo af ahaan uun la isugu gudbin jiray. Qoreyaasha Henrik Ibsen iyo Bjørnstjerne Bjørnson ayaa ka mid ahaa dadkii dhiirigelin ha helay sheekoxariireedyada.

Sannadkii 1883 ayuu soo baxay buuggii koowaad oo ka mid ah saddex buug oo ay sheeko-carruureed ku qoran yihiin – oo ay sawirradiisana Theodor Kittelsen, Erik Werenskiold iyo Otto Sinding sameeyeen. Waa laga doodi karaa in sheekooyinkan cabsida leh ku habboon yihiin carruurta yaryar iyo in kale, laakiin si kastaba waxa buugaagtani muujinaysaa in xilligaas ba laga fekeri jiray carruurta iyo carruurnimada.

Ugu dambayntiina waxa buuggii saddexaad lagu soo daray liis lagu sharraxayo macnaha ereyada. Akhristaha buuggu wuu ogaa qofka Espen Askeladd yahay, laakiin waa maxay macnaha ereyga «Askeladd»?

Waa: «ka ugu yar wiilasha walaalaha ah (ka weli guriga fadhiya ee walaaqaya dambaska, halka walaalihiisa kale shaqo ku maqan yihiin)». Sidaas ayay sheekooyinku ku noqdeen meel ay carruurta iyo dadka waaweyn ba ka helaan aqoon luuqadeed oo cusub.

11

34
Waxa soo saaray Gyldendal, Kobbenheegan.

Ivar Aasen: Norsk Ordbog med dansk Forklaring (Qaamuuska af-norwiijiga oo wata sharraxaad af-daanish ah)

1873

Xilli ay dadka norwiijigu weli af-daanishka wax ku qori jireen, ayuu luuqad-yahankii gabyaagana ahaa ee la oran jirey Ivar Aasen wuxuu gundhigay in afka nynorskuhu Norway ka noqdo af qoran. 1850-kii ayuu soo saaray Ordbog over det norske Folkesprog (Qaamuuska af-norwiijiga). Buuggu wuxuu xambaarsanaa in ka badan 25 000 oo erey, wuxuuna ahaa natiijada lahjado uu sanado badan uruurinayay oo nidaaminayay. Qaamuuska af-norwiijiga oo wata sharraxaad af-daanish ah (1873) waa kii oo la ballaariyay oo la cusboonaysiiyay, waana mid muujinaya hibada weyn ee uu Aasen u lahaa cilmibaarista afafka.

Hawsha cilmiga afafka ee uu Ivar Aasen horseedka ka ahaa ayaa ku beegnayd xilli ay socdeen is-beddello kale oo la xiriiray abuuridda qarannimada norwiijiga. Maanta Norway waxay leedahay labo af oo qoran oo rasmi ah. Af-norwiiji, oo ah labada af ee siman ee bokmål iyo nynorsk - iyo af-saamiga oo laga isticmaalo aagagga maammulka dadka saamiga. Af-saamigu wuxuu ka kooban yahay dhawr af, waana afafka ugu fac weyn ee dadka laga tirada badan yahay ee waddanka.

Ivar Aasen wuxuu ahaa 58 sano jir markii uu sawiraagii Carl Christian Wischmann ka qaaday kii koobaad ee saddex sawir oo qaarka hore ah. Waxaad mooddaa in uusan ka helin. 11-kii sibtember 1871-kii ayuu Aasen xusuusqorka wuxuu ku qoray: «Sawirqaade ayaan joogaa». 13-kii sibtember ayuu wuxuu ku daray: «Sawirqaade ayaan joogaa […] Jawi aan fiicnayn».

12

36
Waxaa soo saaray madbcaddii Mallings Boghandel, Christiania (Oslo).

Diiwaankii Carl Christian Wischmann

1870–1874

Footada waxaa 1839-kii aasaasay ninkii faransiiska ahaa ee la oran jirey Louis Daguerre, kaas oo sameeyay sawirradii loogu yeeri jirey nooca daguerreo kuwii ugu horreeyay. Billowgii dad yar baa awoodi karay in ay sawir iska qaadaan, laakiin markii la soo gaaray qarnigii 19-aad ayay marba caadi sii noqonaysay.

Carl Christian Wischmann wuxuu ahaa sawirqaade daanish-norwiiji ah kaas oo afartameeyadii sano ee noloshiisa ugu danbeeyay footo ku lahaa Christiania. Diiwaanka Wischmann waxaa ku dhan sawirradii uu qaaday sanadihii 1870-kii ilaa 1874-kii. Waxaa diiwaanka ku jira qayb yar oo ka mid ah dadkii Christiania ku noolaa waagaas, waxaana aad halkaas ku arkaysaa sawir-xilliyeed aan wax loo dhigo lahayn. Sawirrada waxaa lagu koolleeyay buug xisaabxir hore ah oo uu lahaan jirey nin kabaha tola. Sawirrada dhabarkooda iyo dhexdoodaba waxaad ku arkaysaa dalabkii shaqada kabatolaha sida dalab cusub oo kabo ah: «20 joog oo kabaha fardaha ah, waa cusub yihiin». Sawirrada Wischmann taariikhda ayaa ku qoran, siday u kala horreeyeen ayayna isugu xigaan. Saddex macmiille ayaa celcelis maalintii u imaan jirtay. Dadka sawirka laga qaadayo da’ walba iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayay ahaayeen. Qaar kaamadarada ayay eegi jireen, qaar hoos bay eegi jireen, qaar na dhinaca ayay eegi jireen. Badankooda waa dad aan la garanayn kuwa ay ahaayeen, laakiin qaar aan garanayno ayaa ku jira. 11-kii sibtember 1871-kii wuxuu Wischmann qaaday kii koobaad ee saddex sawir oo qaarka hore ah oo uu ka qaaday Ivar Aasen. Sawirka halkaan lagu soo bandhigay ayaa sawirradiisa ugu caansan.

37 12

Edvard Grieg: Concert op. 16 (bandhig muusig),

1868

Xagaagii 1868 iyo qaboobihii ku xigay ayuu Edvard Grieg qoray bandhigiisa keliya ee la isticmaalayo qalabka muusiga ee leh xadhko iyo faro laga garaaco. Markii ay ahayd 3-dii Abriil 1869 ayaa bandhiga markii ugu horreysay lagu qabtay Tivoli oo ku taalla Kobbenheegan. Grieg aad ayuu ugu wacnaa garaacidda biyaanada, laakiin ballamo kale ayuu lahaa oo goobjoog ma ahayn markii Edmund Neupert oo saaxiibkii ahaa noqday qofkii u horreeyey ee bandhiga ku yeeshay qayb keligii ah. Wargeyska Morgenbladet ayaa kaddibna bandhiga ku tilmaamay «arrin xiiso gaar ah leh», weliba labada qaybood ee u dambeeya ayaa loo bogay. «Kuwayaga sameeya qiimaynta muusiga waxa ay ka hadleen curintan iyagoo aad ugu qushuucay, waxaanay hoosta ka xarriiqeen asalnimadiisa iyo Noordiknimada u gaarka ah ee ka muuqata.» Dad badan oo qiimeeya muusiga ayaa si gaar ah u tilmaamay noordiknimada ka muuqatay curintan – iyadoo lagu jiray wakhti uu dhulka dalka ee sidiisa ah ee aan la taataabani noqday mid ka mid ah astaamaha qarameed ee ugu xooga weyn.

Islamarkaana waxa ay curintani ka mid noqotay bandhigyada laga yaqaano Yurub, waxaanay si dhakhso ah u noqotay mid caalami ah. Grieg wax ayuu ka beddeli jiray bandhigan intii uu noolaa, weliba waxa uu aad uga shaqeeyay dib u qaabaynta orkestarada furitaanka ah. Maanta dad badan ayaa markiiba garanaya bandhiga marka ay maqlaan. Weli waxa curintani astaan u tahay taariikhda muusiga noorwiijiga.

38 13
manuskript

1. Allegro molto moderato | 13:22

2. Adagio | 6:45

3. Allegro moderato molte e marcato | 10:06

39
«Bandhigga qalabka xadhkaha iyo faraha iyo orkestaro, op. 16», 1988
Ka soo baxay Edvard Grieg (1843–1907), Taxanaha hormoodka ee Norsk kulturråd. Jens Harald Bratlie, biyaano. Oslo- Filharmonien, waxa hagay Mariss Jansons. PolyGram Records A/S, Oslo, 1988.

Gina Krog (red.): Nylænde, lmbr. 9, majallad

1888

Ururka xuquuqda dumarka ee norwiijiga waxaa 1884kii aasaasay Gina Krog oo ahayd mid mayal adag oo u halganta xuquuqda dumarka iyo siyaasigii dhexdhexaadka ahaa ee xisbiga Venstre ee la oran jirey Hagbard Berner. Wuxuu ahaa ururkii koobaad ee waddanka ee danaha dumarka. Hadafka guud ee ururku wuxuu dhigayay in ururku «ka shaqeeyo sidii ay dumarku bulshada dhexdeeda xaqooda uga heli lahaayeen». Bishii febraayo 1887-kii ayuu soo baxay tirsigii koobaad ee majalladda ururka ee Nylænde, kaas oo ay Krog ka ahayd tafaftire. Laga billaabo 1894-kiina Krog ayaa la wareegtay soosaaridda.

Ururka xuquuqda dumarka ee norwiijigu wuxuu muddo dheer u halgamayay sinnaanta xaqa codbixinta ee ragga iyo dumarka. Gina Krog ayaa habeen iyo maalinba u taagnayd sidii hadafkaas lagu gaari lahaa. Maqaalkii faallada wargeyska ee «Xaqa codbixinta» ee ku soo baxay tirsigii bishii maajo ee Nylænde ee 1888kii, ayay tafaftiruhu ku tilmaamaysaa sida «ay weer maran u tahay» doodda caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha haddii xaqa codbixinta guud loola jeedo keliya «xaqa codbixinta dadka oo aan dumarku ku jirin» . Nylænde wuxuu ahaa unug muhiim, umana ahayn keliya halgankii xaqa codbixinta ee Norway oo keliya, ee waxaa kale oo muhiim ka dhigayay in ay dumarku heleen goob ay codkooda ku soo bandhigaan.

1913-kii ayay Norway noqotay dunida waddankii afraad ee xaq codbixin guud siiyay ragga iyo dumarka.

40 14
Waxaa soo saaray Ururka xuquuqda dumarka ee norwiijiga, Kristiania (Oslo)

Camilla Collett iyo Emilie Diriks: Forloren Skildpadde, lmbr. 1–5 iyo 7, majallad gacanta lagu qoray

1837

Qoraagii Camilla Collett waxaa aad loogu xusuustaa buuggeedii Amtmandens Døttre (Gabdhihii Guddoomiyaha, 1854–55). Waxay u doodi jirtay xuquuqda dumarka, waxayna ahayd xubin-sharafeedkii koobaad ee Ururka xuquuqda dumarka ee norwiijiga. Markii danbana waxayba noqotay mid ka mid ah dadka maqaallada ku qora majalladdii Nylænde kuwooda ugu firfircoon.

Xagaagii 1837-kii weli wax ay qortay lama daabicin. Ayada iyo gabadhii ay saaxiibka ahaayeen ee Emilie Diriks ayaa waxaa ku dhalatay fikrad ahayd in ay majallad qoraan. Waa wargeys toddobaadle ah oo lagu qorayay xaashi tayo fiican leh, kaas oo ay gacanta isaga dhiibi doonaan «dumar kooban oo la soo xulay». Majalladda waxaa loo bixiyay Forloren Skildpadde (waa nooc cunto ah), oo loogu magac daray cunto waagaas qof kasta oo dumar ah laga filayay in ay taqaanno sida loo sameeyo. Emilie Diriks iyo Camilla Wergeland (magaceedii guurka ka hor) hankoodu intaas wuu ku weynaa: Waxay rabeen in ay booskii cuntada ku beddelaan hal-abuur suugaaneed.

Lix jeer buu wargeysku soo baxay. Labada tafaftire waxay iska dhigayeen in ay rag yihiin, Md. CW (Camilla Wergeland) iyo Md. ED (Emilie Diriks), qoraalka oo dhanna ayagaa qori jiray. Majalladda waxaa ku soo bixi jirey curis, sheekooyin gaagaaban, sheekosafareed iyo tacsi beenabuur ah. Waxaa loo arki karaa in majalladdu ahayd isku day ay ku doonayeen in ay helaan marin ay codkooda ku gudbin karaan – ayada oo la joogay xilli aan dumarku haysan meelo guud oo ay ku soo gudbin karaan fikirkooda.

41 14

Edvard Munch: Selvportrett med knokkelarm

1895

Edvard Munch waa hal-abuur adduunka laga yaqaano oo samayn jiray sawirrada la daabaco iyo sawirrada gacanta ee rinjiga la isticmaalay. Wuxu ka mid ahaa hal-abuurradii ugu muhiimsanaa xilliga loo yaqaano muddadii casriga, waxaanu in ka badan lixdan sanno tijaabiyay noocyada kala duwan ee hal-abuurka isagoo isticmaalaya farsamooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin sawirrada la daabaco, sawir-gacmeed, sawirrinjiyeed iyo waxyaalaha laga sameeyay dhagaxa, geed ama waxyaalo kale oo la qoray. Selvportrett med knokkelarm (Sawir isaga ah oo leh laf gacmeed) waa sawir dhagax lagu qoray kaddibna la daabacay oo soo baxay 1895. Sawirkan isaga ah ee caanka noqday ayaa ka mid ahaa sawirradiisii u horreeyay ee dhagax laga qoray. Sawirka wuxu ka samaysan yahay muuqaallo aad isaga soo horjeeda. Wejigu waa caddaan, ku dhawaad u cad sida qof mayd ah oo kale, xagga dambena waa madow. Qaybta hoose ee sawirka waxa yaalla laf gacmeed oo ah xasuusin ku saabsan geerida.

Sawirka waxa lagu daabacay Berlin oo Munch joogi jiray laga soo bilaabo bilowgii 1890-nadii, isagoo la joogay hal-abuurro kale oo ay ka mid yihiin Sigbjørn

Obstfelder, Gustav Vigeland iyo August Strindberg. Isla Berlin ayay ahayd meeshii lagu qabtay «bandhigii fadeexadda ahaa» ee Munch ee la daahfuray 5-tii

Nofember 1892. Shan maalmo kaddib ayaa bandhigii la xidhay kaddib markii dadka qiimeeya hal-abuurka iyo intii u badnayd guddida ururka hal-abuurku

sheegeen in waxyaalaha uu soo bandhigay ahaayeen wax aan si wacan looga shaqayn oo aan dhamaystirnayn.

Laakiin bandhigu wax dhib ah kuma keenin magacii

Munch ku dhex lahaa dadka; waxaabu noqday halkii uu ku noqday hal-abuur caalami ah. Sannadkii ku xigay, oo ah 1893, ayuu sameyaay sawir-rinjiyeedkiisa ugu caansan. Skrik (Qaylo), iyo hal-abuurid kale oo caan noqday oo Munch sameeyay xilliyo dambe, ayaa keenay inuu baal dahab ah ka galo taariikhda hal-abuuridda.

42 15

Snorre Sturlason: Kongesagaer

1899

Caaqilkii gabyaaga ahaa ee reer Aysland Snorre Sturlason ayaa qoraallo cajiib ah ka qoray boqorradii norwiijiga, Heimskringla (Sheekooyinka boqorrada) , waxaa loo badinayaa in uu qoray horraantii sanadihii 1230-yeedii. Qoraalku wuxuu daboolayaa aasaaskii Norway, ee aan la ogeyn sida ay ku aasaasantay, ilaa iyo goobtii Re oo ku taalla gobolka Vestfold sanadkii 1177-kii. Sheekooyinka Snorre waxay caan noqdeen markii uu soo baxay buugga sawirrada wata ee Kongesagaer (Sheekooyinka boqorrada), ee ay soo saartay madbacaddii J.M. Stenersens sanadkii 1899-kii. Keliya ma ahayn in sheekooyinka aad loo akhrin jirey, ee waxay xataa abuureen xiise weyn oo loo yeeshay suugaanta norwiijiga iyo buugaagta sheekooyinka taariikhdii hore.

Madbacadda ayaa lahayd fikraddii daabacadda waxayna markii horeba la xiriirtay naqshadeeyayaashii kala ahaa: Halfdan Egedius, Christian Krohg, Gerhard Munthe, Erik Werenskiold, Eilif Peterssen iyo Wilhelm Wetlesen. Markii danbena Gustav Storm ayaa loo xilsaaray in uu ka soo turjumo afka norrønt. Werenskiold waxaa mas’uul guud looga dhigay naqshadda, meesha Munthe mas’uul looga dhigay sharraxa. Taariikhdii norwiijiga ee qarniyadii dhexe ayay u yeeleen qaab cusub oo gaar ah, waxayna la xiriiriyeen wakhtiga markaas lagu jirey. Werenskiold wuxuu boqorkii halyeeyga ahaa ee Olav Tryggvasson booskiisii geliyey Fridtjof Nansen, meesha sharrixii gaarka ahaa ee Munthe ee art nouveau-dekor ay aad ula dheceen farshaxanlayda iyo naqshaylayaasha saabaanka – in kasta oo jumladdii u horreysay daabacaddii koobaad ee Snorr ay oranaysay «Waa mamnuuc isticmaal kasta oo la isticmaalo waxa buugga ku qoran.»

43 16
Waxaa soo saaray madbacadda J.M. Stenersen, Kristiania. (Oslo)

Hulda Garborg: Heimestell. Uppskrifter og rettleidingar for smaae hushald, helst paa lande, buug cunto karin

1899

Jikada guriga ayaa sannadkii 1845 noqotay goob buuggeed, kaddib markii Hanna Winsnes soo saartay buugga cunto karinta Lærebog i de forskjellige Grene af Husholdningen (Buug ku saabsan hawlaha kala duwan ee guriga laga qabto). Qoraal caan ah oo uu qoray qoraaga Arne Garborg ayuu ku dhaliilay in Winsnes ka warhayn nolosha wacan ee ay haysato: «Waa keen … keen … keen oo keliya … iyadoo aan la is weydiinayn meesha laga keenayo. Waayo wax dhib ah ba kama jiro adduunka.»

Hulda Garborg ayaa odaygeeda kaga fiicnaatay in ay garato qiimaha uu leeyahay habka Winsnes wax uga qortay shaqada guriga. Buugga cunto karinta ee iyaduna soo saartay, Heimestell ( Shaqada guriga, 1899) – oo ah buuggii u horreeyay ee noocan ah ee ku qornaa farta landsmål , islamarkaana uu ku jiray cutub ku saabsan «Nacasnimada ragga» - waxa ay waxyaalo badan ka soo qaadatay buugaagta Hanna Winsnes. Laakiin Garborg waxa ay miisaanka saartay cuntooyinka waddamada kale, weliba cuntooyinka dadka dhirta keliya cuna ee Jarmalka laga yaqaanay. Waxa kale oo buugga ku jiray talo ku saabsan in la gurto oo la karsado boqoshaaga oo ah wax macaan, nafaqo leh oo bilaash ah, arrintaas oo ahayd wax cusub oo ay ku dhiiratay.

Hulda Garborg waxay ka qaybgashay hawlihii dhaqameed ee dadweynaha iyo shaqadii ku saabsanayd in la abuuro dhaqan qaran oo la wada leeyahay. Waxa ay asaastay wixii markii dambe noqday tiyaatarka Det Norske Teatret, waxaanay samaysay oo faafisay aqoon ku saabsan dharka hiddaha iyo dhaqanka iyo ciyaaraha dhaqanka. Kaadhka booseed

17

44

ee ku jira armaajada ayaa muujinaya in ay ahayd qof astaan qaran ah, iyadoo dhex taagan labo geed islamarkaana ku labbisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee la dhaho buunaad.

Waxa soo saaray wargeyska Den 17de Mai, Kristiania (Oslo). Sawirka kaadh-booseedka: Eivind Enger.

45

Waraaqaha cod-bixinta – haa iyo maya –aftidii boqortooyada

1905

Aftidii dadka norwiijiga laga qaaday 13-kii ogoosto 1905-tii ee looga go’ayay midowgii Iswiidhan ayay dadka badankoodu, 99,95 %, ka go’idda u codeeyeen. 184 qof oo keliya ayaa ka soo horjeestay. Taas oo Iswiidhan u caddaysay in ay dadka norwiijigu taageersan yihiin go’aankii ka go’ista midowga ee uu Stortinget gaaray 7-dii juun. Go’aankaas ayay iswiidhishku u arkeen kacdoon. Dumarka norwiijiga, oo aan xaq cod-dhiibasho lahayn, ayaa billaabay olole ballaaran oo dadka saxiix looga qaadayo. Norway ayaa markii koobaad ilaa 1380-kii noqoday waddan madaxbannaan.

Saddex billood kaddib ayaa haddana waxaa afti loo qaaday hab-maammulka waddanku yeelanayo: Bo qor tooyo mise jamhuuriyad? Natiijadu uma caddayn sidii tii bishii ogoosto, Stortinguhuna ma doonayn afti cusub oo keeni kartay fawdo siyaasadeed. Laakiin jamhuuriyiintii ayaa dalbaday in codkooda la maqlo. Ina-boqorkii daanishka ahaa ee Carl, ee laga codsaday in uu noqdo boqorka Norway, ayaa laftigiisu rabay in cod-kalsooni loo qaado. Aftidii 12-kii iyo

13-kii nofeembar aad baa loo fududeeyay: «haa» ama «maya» dheh ina-boqorka Carl.

Qaabka labada waraaqood ee cod-bixintu aad bay u kala duwanaayeen. «Haa» waxaa lagu qoray xarfo waaweyn oo u samaysan qaab wareeg furan ah; «maya» waxaa lagu qoray xarfo yaryar oo dhuuban. Natiijadii aftidu waxay noqotay 79 % oggolaatay iyo 21 % ka soo horjeesatay in Carl lagu wareejiyo taajka Norway.

46
18

18 Boqor Haakon, boqorad Maud iyo dhaxal-sugaha

boqornimada Olav oo Norway yimid, filin

1905

Laba toddobaad aftidii kaddib oo ku beegnayd 25-kii nofeembar 1905-tii ayuu ina-boqor Carl – oo hadda ah boqor Haakon VII – yimid Norway asaga oo ay weheliyaan boqorad Maud iyo dhaxal-sugaha boqornimada Olav. Waxay dhacdo taariikhi ah u ahayd Norway oo markaas dal madaxbannaan noqotay, iyo weliba filin- iyo sawirqaadayaasha norwiijiga oo soo kobcayay.

Qaar badan oo ka mid ahaa sawirqaadayaasha filimaanta Iskandaneefiya ayaa qoyska reer boqor ku weheliyay safarkii ay uga soo ambabexeen Kobbenheegan, ayagoo markii hore saarnaa markabkii boqorka Danmark ee «Dannebrog», markii ay Kristiania ku soo xiranayeen waxay ku wareegeen markabkii Norway laga lahaa ee «Heimdal». Waxay diyaariyaan filimaan war ah oo gaagaaban kuwaas oo maalmo yar kaddib laga soo daayay shaleemooyinka caasimadda. Filinka gaaban ee aad halkan ku aragto ayaa ka mid ah dhawr filin oo la hayo. Sawirrada waxaa ku cad in ay filinqaadaha shaqada ku adkeeyeen dadkii faraha badnaa iyo dabaylaha barafka wata. Sidaas darteed mar kasta ma fududayn in boqorka cusub la arko – in kasta oo uu ahaa qof dheer oo dhuuban.

Filimaantii berigaas la qaadi jirey way gaagaabnaayeen oo inta badan kama badnaan jirin dhawr daqiiqo, filimaanta wararka ah ayaana qayb muhiim ah ka ahaa waxyaalaha shaleemooyinka lagu daawado. Filimaantii maalintaan la duubay ayaa ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee Norway lagu qaaday. Imaashihii boqorka ayaa ahayd dhacdo rasmi ah oo filin laga duubo tii ugu horreysay Norway.

47
Filinqaade Peter Elfelt. Magacyo kale lama hayo, laakiin waxaa dhici karta in ay filimaanta qaar duubeen filinqaadayaal kale.

Dæmonen, qaybo filim oo lagu sameeyay faafreeb

1911

Xeerka shaleemooyinka ee Norway waxa la ansixiyay 1913 waxaanu dhaqangalay sannadkii ku xigay. Xeerkaas waxa lagu go’aamiyay in filimmada lagu sameeyo faafreeb ka hor intaan la tusin dadka, iyo in hal hay’ad oo keliya samayso faafreebka. Waxa kale oo la go’aamiyay in degmooyinku la socdaan hawlaha shaleemooyinka. Wixii ka horreeyay 1913 waxa boolisku awood u lahaa inuu faafreeb ku sameeyo tiyaatarrada, filimmada iyo bandhigyada kale ee tiyaatarka: Sarkaal ayaa bandhiga daawan jiray maalinta u horreysa ee la soo bandhigo, kaddibna bandhigyada dambe ayuu ka reebi jiray qaybaha xumaanta ah ee uu ku arkay.

Afarta qaybood ee laga hayo filimkii aan codka

lahayn ee Dæmonen (‘Jinka’, 1911), ayaa ah qaybihii laga reebay markii lagu sameeyay faafreebka. Filimkan waxa soo saaray Jens Chri. Gundersen, oo xilligaas

lahaan jiray dhowr shaleemo oo ku yaalla Oslo. Waxa uu filimka ku sameeyay Danmark. Halkaas waxa laga helayey goobaha filim duubista oo casri ah iyo labbisyo qaali ah, laakiin dadka qaar ayaa u arkayey in filimku wato anshax-xumadii lagu yaqaanay filimmada Danmark. Qaybaha filimka ee faafreebku qabtay ayaa muujinaya dad si weyn u wada xafladaynaya, oo samaynaya waxyaalo fal-jinsiyeed ku shaqo yeelan kara, iyo ciyaar faransiis ah oo la habeeyay – oo iyaduba ahayd ciyaar fal-jinsiyeed dhiirigelin karta. Ninka ciyaaraya ee filimka ku jira waxa metelaya Per Krogh oo ah hal-abuur noorwiiji ah oo samayn jiray sawir-rinjiyeedka.

Dæmonen waxa uu ka mid yahay filimmadii noorwiijiga ahaa ee u horreeyay ee la sameeyay laga bilaabo

1911 ilaa markii la ansixiyay xeerka shaleemooyinka.

Waxa soo saaray A/S Norsk Films Kompani. Hagida: Alfred Lind.

19

48
49

«Warqadii Cirifka koonfureed», warqad uu Roald Amundsen u diray boqor Haakon VII

1911

14-kii diseembar 1911-kii ayuu Roald Amundsen gaaray Cirifka koonfureed asaga oo ay la socdaan koox safar-cilmiyeedka ku weheliyay: Olav Bjaaland, Helmer Hanssen, Sverre Hassel iyo Oscar Wisting. Waxay taageen taandho yar si loogu garto barta Cirifka koonfureed. Kaddib na Bjaaland ayaa sawir ka qaaday kooxda inteedi kale oo taagan teendhada horteeda. Afar maalmood kaddib ayay degdeg ugu laabteen markabkii «Fram» si ay u noqdaan kuwa ugu horreeya ee warka soo bandhiga. Safar-cilmiyeedka si fiican ayaa loo sii qorsheeyay oo wuxuu ahaa dhacdo adduunka oo dhan lagala socday oo la xiisaynayay.

Safar-cilmiyeedkii ingiriiska ee la tartamayay uuna hoggaaminayay Robert F. Scott, bil iyo xoogaa kaddib ayuu Cirifka koonfureed gaaray. Markaas oo ay Amundsen iyo raggii la socday hal toddobaad oo lug ah u jireen markabkii «Fram». Safarkii Scott waxay heleen teendhadii iyo warqad uu Amundsen u qoray boqorka Norway – taas oo uu ugu tala galay lacalla haddii uu soo laaban waayo. Amundsen farriin buu Scott u qoray oo wuxuu ka codsaday in uu warqadda, oo ku tolnayd cad maro ah oo ka samaysnayd midda teendhada oo kale, boqorka boostada ugu diro.

Xubnihii safar-cilmiyeedkii Scott dhammaantood jidka ayay ku dhinteen markii ay soo laabteen. Waraddii ku jirtay marada teendhadana waxaa la helay ayadoo dhinac taalla maydka Scott, taas oo caddayn la hubo u noqotay in ay gaareen Cirifka koonfureed.

50 20

20

Sawirrada safar-cilmiyeedkii ingiriiska

ee antaartigga

1912

Labada sawir waxay tusayaan kooxdii Robert F. Scott oo Cirifka koonfureed jooga 18-kii jannaayo 1912. Sawirrada midkood waxaad ku aragtaa afarta nin oo garab taagan teendhadii norwiijiga taas oo caddaynaysa in Cirifka koonfureed ayaga hortood la gaaray; sawirka kalena xubnihii safar-cilmiyeedka oo dhan ayaa ku jira ayagoo haysta calankii ingiriiska. Waxaa wejigooda ka muuqda daal iyo niyadjab. Markaad sawirka fiiriso waxaad markiiba xasuusanaysaa in aan midna ka badbaadin safarkoodii danbe.

Sawirradii oo aan la caddayn ayaa laga helay maydka Scott, isla xaruntii ayaana lagu caddeeyay. Sawirrada tayadoodu aad bay u fiican tahay. Waxaad arkaysaa tolmada teendhada iyo xarigga kaamirada ee uu gacanta ku hayo Edgar Evans. Qoraalka sawirrada dhabarkooda ku qoran waxaa qoray sawirqaadihii weynaa ee Herbert Ponting, kaas oo Scott iyo ragga kale xarunta ku sugayay. Ponting ayaa mar danbe asagoo sawirrada Scott ka warramaya wuxuu yiri «waxay u badan tahay in ay yihiin sawirro masiibo kuwii adduunka ugu xiisa badnaa».

Sawirka kore: Discovery of Amundsen’s tent at the South Pole by Captain Scott’s party. January 18th. 1912. This print was made from a negative in the roll ffilm which lay for 8 months beside Scott’s body before it was found by the Search Party, & later developed.

Sawirka hoose: Captain Scott, Dr Wilson, Captain Oates, Lieut Bowers and Petty Officer Evans at the South Pole. January 18th 1912. — This print was made from a negative in the roll ffilm which lay for 8 months beside Scott’s body before it was found by the Search Party, and later developed.

51

Arbeidernes leksikon, buug I–VI

1932–1936

Xilligii u dhexeeyay dagaallada ee siyaasaduhu aad isu bedbedalayeen waxa soo shaacbaxay buug abwaan ah oo noorwiiji ah: Diyaarinta wixii loo bixiyay

Arbeidernes leksikon (‘Abwaanka shaqaalaha’) waxa la bilaabay 1931, waxaana muddadii 1932-1936 soo saari jiray Arbeidermagasinet oo buugaagta soo saari jiray, oo Jacob Friis iyo Trond Hegna tifatireyaal ka ahaayeen. Maqaallada waxa qoray xubno ka tirsan Mot Dag (‘Maalin u socda’), oo ahaa urur 1920-nadii ka mid ahaa Xisbiga Shaqaalaha, kaddibna Xisbiga

Hantiwadaagga, ugu dambeyntiina noqday urur kacaan ah oo madaxbannaan markii ay ahayd 1929.

Arbeidernes leksikon waxa uu noqonayey abwaan lagaga hortagayo abwaannadii cilmiyeed ee dadka dabaqadaha sare. Abwaanka waxa la qori jiray iyadoo la aaminsan yahay in xataa cilmiga la siyaasadeeyay. Waxa la rabay in uu la mid noqdo abwaankii weynaa ee ka jiray Soofiyet. Fikradda waxa lahaa dhaqdhaqaaqyadii shaqaalaha iyo dadkii ku xeernaa Arbeidermagasinet. Hadafku waxa uu ahaa in dabaqadda shaqaalaha wax loo iftiimiyo, iyadoo lagu salaynayo sida dhaqdhaqaaqa shaqaaluhu u «fahansannaa isbeddellada iyo xaaladaha bulshada».

Astaanta ku taalla dhabarka buugga ayaa sheegaysa fikradda laga aaminsanaa aqoonta: Wax akhrinta ayaa ah jidka loo maro fahamka iyo aqoonta.

52 21
Waxa soo saaray Arbeidermagasinets forlag, Oslo.

21 Ereyada: «dhicisoobidda ilmaha» iyo «abortus provocatus»

Wuxu lahaa dhabar ka samaysan maqaar islamarkaana ereyada ayaa loo taxay sida xarfaha alifbeetadu u kala horreeyaan, taas oo Arbeidernes leksikon u ekaysiisay abwaannadii caadiga ahaa ee dabaqadaha sare. Laakiin kala duwanaanshuhu waxa uu soo ifbaxayaa marka la is barbardhigo ereyada la doortay iyo sida ereyada loo sharraxay.

Abwaankii Aschehoug soo saaray ee magaciisu ahaa Illustreret norsk Konversationsleksikon ee soo baxay 1907 (ka midigta xiga), loona yaqaano abwaankii qaran ee ugu horreeyay Norway, waxa «dhicisoobidda ilmaha» loo sharraxayaa qaab ku salaysan cilmiga noolaha iyo cilmiga caafimaadka. Abwaanka Arbeidernes leksikon waxa ku jira labo erey oo ku saabsan mawduucan. Xataa halkan waxa «dhicisoobidda ilmaha» loo sharraxay qaab ku salaysan cilmiga caafimaadka, halkase «abortus provocatus», oo ah ilmaha la iska soo rido, la sharraxay iyadoo laga soo eegayo dhanka arrimaha bulshada ee saameeya caafimaadka dadka. Taas oo ka dhigan in siyaasad, taariikh iyo sharcigu meesha soo gelayaan.

«Waxay markaa noqonaysaa in haweenka danyarta ah ee dabaqada shaqaaluhu naftooda iyo caafimaadkooda u huraan xeerka ciqaabta ee dabaqadaha sare samaysteen», ayuu qoray qoraha maqaalka, oo markii dambena noqday agaasimaha caafimaadka, Karl Evang, isagoo sidaasna si toos ah ugu dhaliilay madnuucistii ka-hortagga uurka ee xilligaas jirtay iyo xeerkii Norway ee sheegayay in iska soo ridista ilmaha lagu mutaysan karo ilaa saddex sano oo xabsi ah. Isla maqaalkaas ayuu Evang ku dhaliilay kaniisadda, waxaanu bulshada dabaqadaha sare ee horusocodka diiddan ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin in la yareeyo tirada carruurta dhalanaysa, si markaa dabaqada shaqaaluhu weli u dhalaan carruur badan.

Soofiyet oo oggolaa ka-hortagga uurka iyo in ilmaha la iska soo rido ayaa la ahaa tusaale lagu daydo.

53

Warkii raadiyaha ee 9-kii abriil 1940-kii iyo warar laga soo tebiyey London 7-dii maajo

1945-kii, NRK

1940 iyo 1945

Markii uu dagaalkii labaad ee adduunka Norway ka qarxay bishii abriil 1940-kii, ayay kaalinta warbaahintu muhiimad weyn yeelatay. 1933-kii ayaa la aasaasay raadiyada NRK, taas oo ku beegnayd shan sano kaddib warbaahintii koobaad ee Norway laga sii daayo.

Muddo gaaban gudaheed ayaa raadiyuhu bulshada ku faafay oo noqday bar dadka kulmisa.

Intii dagaalku socday NRK wuxuu wararka ka soo tebinayay London, halkaas oo ay dawladda iyo boqorkuba joogeen. Dayrtii 1941-kii ayay quwaddii Jarmalka ee dalka qabsatay dadka norwiijiga ah ka qaadday raadiyayaashii.

9-kii abriil 1940-kii ayuu NRK oo ay ka soo warrameyeen dad uu ku jiro Toralv Øksnevad – oo markii danbe loo baxshay «codkii London» – waxay sheegeen in ay Jarmalkii ka dageen magaalooyin badan oo Norway ah. Waxaa la weriyey ergeygii Jarmalku in uu Norway u soo jeediyay in aan wax iska caabbin ah la samayn. Dawladdii ayaa cod loo dhan yahay ku diidday soojeedintaas.

Shan sano kaddib, 7-dii maajo 1945-kii, ayuu NRK oo uu ka hadlayay Hartvig Kiran sheegay in Jarmalkii is dhiibay. Warkiina wuxuu ku dhammaaday lix iyo toban farriimood oo ahaa kuwo gaar ah, waxaa ka mid ahaa: «Tobent rev» (Dawaco laba lugood leh), «Kalvedans til frokost» (Quraac Kalvedans ah) iyo «Kjærlighet uten strømper» (Jacayl bilaa sigsaan ah). Waxay ahaayeen

farriimo is-afgarad ah oo loo dirayay Milorg iyo basaasiintii Ingiriiska ee Norway joogay. Waxaa isla warkaas ku jirey senyaalaha is-afgaradka victory guul.

54
22
55
1. Warkii 9-kii abriil 1940 | 41:30 2. Warar laga soo tebiyay London 7-dii maajo 1945 | 3:11

Georg W. Fossum: Dhiibistii Yahuuda Norway, negatiifka filim 35 mm ah

1942

Markii ay ahayd 26-kii Nofember 1942 ayaa 529 Yahuud oo noorwiiji ah laga qaaday dekadda Oslo si loo dhiibo. Markab jarmal ah oo la dhaho «Donau» ayaa ka tegay Oslo malintaas galabteedii, maalmo kaddibna ku xidhay Stettin. Meeshii u safarku ku dhammaanayay waxay ahayd Auschwitz, halkaas oo intooda badan lagu dilay islamarkii ay yimaadeen ba inta la geliyay qolal gaas leh. Dadkii ahaa 529 qof waxa badbaaday sagaal qof. Hawsha dhiibista ah waxa abaabulay booliska noorwiijiga ah oo la kaashanaya gumaystihii.

Georg W. Fossum waxa uu sanadkii 1942 ahaa dhowr iyo labaatan sanno jir. Dhaqdhaqaaqi shacabka ee xorreynta dalka ayuu u qaadi jiray sawirro ku saabsan sidii Oslo ahayd xilligii dagaalka, waxaanu maalintaas Nofembar ah joogay dekadda kaddib markii qof booliska ka tirsani u sheegay in wax ka dhici doonaan meeshaas. Sawirka waxa ka muuqda dad kamarada ka sii jeeda oo eegaya «Donau» oo soo dhaafaysa Vippetangen, iyadoo ay islamarkaana Hovedøya ka muuqato xagga dambe.

Sawirkan dadka looma soo bandhigin wixii ka horreeyay 26-kii Janaayo 1994 oo markaas lagu soo daabacay wargayska Aftenposten, kaddib markii suxufiyadda Liv Hegna baafisay sawirro muujinaya dadkii la dhiibay. Xilligii dagaalku socday waxa

dhaqdhaqaaqi xorreynta dalku sawirrada oo aan la caddayn u dhiibi jiray cid si qarsoodi ah u geysa Stockholm, laakiin intaan sawirkan la qaadin ayaa la fashiliyay qofkii sii qaadayay taas darteedna filimkii sawirku waxa uu iska yaallay Norway, waxaanay u badan tahay in sawirka la caddeeyay dagaalka kaddib.

Maanta waxa sawirkani si wacan inoo xasuusinayaa doorkii noorwiijigu ku lahaa dabargoyntii Yahuuda.

23

56

24

Furitaankii rasmiga ahaa ee ceelka saliidda

ee Ekofisk, NRK Warka

1971

Kaddib markii saddex sano saliid laga raadinayay gunta biyaha badda ee Norway ayay shirkaddii Phillips Petroleum Company waxay dayrtii 1969-kii heshay ceelkii saliidda ee adduunka ugu weynaa. Ceelka waxaa loo baxshay Ekofisk. Culimmada qaabdhismeedka dhulku shaki ayay ka qabeen in ceelka Ekofisk noqon doono mid dhaqaale ahaan is bixin kara, laakiin waxaa tijaabadii horeba lagu ogaaday in saliidda ceelka faa’iido badan laga heli karo. 9-kii juun 1971-kii ayuu raysalwasaare Trygve Bratteli, oo ay weheliyaan xubno ka socday Stortinget iyo dawladda iyo marti kale oo dalka iyo dibedda ka timid, tagay riigga ceelasha qoda ee Gulftide. Halkaas ayuuna raysalwasaaruhu si rasmi ah xarigga uga jaray ceelka.

«Maalinta maanta waxay noqon kartaa mid astaan gaar ah u leh taariikhdeenna dhaqaale» ayuu Bratteli ku leeyahay intan yar ee laga soo qabtay warkii laga soo daayay furitaanka. «Waxaan rajaynayaa in ay rumoobaan rajooyinka laga qabo soosaaridda saliidda.»

Qudbo gaaban kaddib ayuu inta daah yar dhinac u riixay ayuu daaha ka qaaday warqad riigga ku dheggan. Munaasibaddaan kooban ayaa billow u ahayd isbeddel weyn oo ku yimid bulshada norwiijiga ah.

Wax soosaarku saliiddu dhaqaalihii dalka oo keliya ma beddelin, ee wuxuu beddelay kaalintii iyo saamayntii ay Norway dunida ku lahayd.

57
FG: 20-ka ilbiriqsi ee muuqaalka TV-ga ugu horreeya waa cod keliya, sawir lama socdo.

Arvid Sveen: Varig vern av Alta-Kautokeino-elva!, boostar

1979

Sannadkii 1968 ayay Hay’adda Agaasinka Biyaha iyo Tamartu soo bandhigtay qorsheyaal ku saabsan in koronto laga sameeyo webiga Alta-Kautokeino. Qorsheyaashaa waxa isla markiiba lagala horyimid mucaarad xooggan oo abaabulan, waayo cawaaqib xun ayaa ku iman lahaa bey’adda, dadka meesha deggan iyo danaha deegaankaba, iyo weliba dhaqashada xoolaha raynka (rein). Mucaaradnimadii dadka waxa la asaasay 1978 waxaana la soo ururiyay 15 000 saxeex oo taageeraya mucaaradka, laakiin baarlamaanka Stortingga ayaa aqbalay in la dhiso warshada koronto-dhalinta, oo ka koobnaa biyoxidheen joogiisu yahay 110 mitir oo laga dhisayey dooxa Sautso, oo lagu yaqaanay in xayawaan badan oo kala duwan ku noolaayeen.

Khilaafkii wuu sii xoogaystay. Sannadkii 1979 ayay dad Saami ah mudaharaad ka dhigeen Stortingga hortiisa iyagoo ka soomay cuntada, islamarkaana mucaarad kale ayaa sameeyay hawlgal ay ku joojiyeen shaqadii dhisidda warshadda. Isla xilligaasna waxa khilaafku noqday mid heer qaran ah isagoo markii hore ku koobnaa dadka deggan dhulkaas, markii dambena waxa uu soo jiitay indhaha dhaqdhaqaaqyadii caalamiga ahaa ee lagu raadinayay xuquuqda dadkii asal ahaan dalka degganaa. Boostarka Arvid Sveen waxa uu muujinaya webiga Alta oo u dhexeeya burburin iyo ilaalin, oo u dhexeeya warshadayn iyo manaafacaadsi dabiici ah islamarkaana u dhexeeya dadka leh awoodda dawladda iyo shacabka waddanka.

Siyaasadda Norway ee ku saabsan dadka Saamiga ah ayaa muddo dheer hadafkeedu ahaa in dadkaas laga dhigo noorwiiji. Kiiska Alta-Kautokeino ayaa

58 25

noqday dhacdo taariikhi ah oo wax ka beddeshay arrinkaas. Waxa uu si toos ah u keenay in la sameeyo xeerka Saamiga iyo qodob cusub oo lagu daray Dastuurka iyo in la sameeyo Sametinget – baarlamaanka Saamiga, oo la furay 1989. Waa labo sanno kaddib markii la furay warshada korontada.

59
© Arvid Sveen / BONO 2021.

Darkthrone: A Blaze in the Northern Sky, LP 1992

A Blaze in the Northern Sky waxa uu soo baxay qaboobihii 1992 waana albamkii labaad ee kooxmuusigeedka Darkthrone. Darkthrone iyo kooxo kale oo noorwiiji ah, oo Mayhem ka mid tahay, ayaa abuuray nooc muusig ah oo markii dambe loo bixiyay black metal-ka noorwiijiga ah.

Albamkani waxa uu marayaa jidka dhuuban ee u dhexeeya khatarta dhabta ah iyo waxa metalaadda iyo iska yeelyeelka ah. Galka albamka A Blaze in the Northern Sky waxa ku yaalla sawir shucaac leh oo muujinaya xubin ka tirsan kooxda oo wejiga marsaday midabka maydka oo jooga xabaalaha. Codadka albamku waa kuwo ad-adag, oo riff ku salaysan oo lo-fi ah, codka heesaagu waa mid ka imanaya cunaha oo xabeebsan. Ereyada heesuhu waxay ku saabsan yihiin geeri, dagaalyahanno, xabaal iyo diimo hore. Heesta «The Pagan Winter» waxa lagu bilaabaya u yeedhista shaydaanka: «Horned master of endless time / Summon thy unholy disciples».

Black metalka noorwiijiga ah waxa uu muddo dheer ahaa muusig ku kooban kooxo gaar ah. Laga bilaabo 1990-nadi ayaa dad badan bartay noocyadiisa kala duwan kaddib markii wargeysyada lagu soo qoray dhacdooyin ku saabsan dil iyo kaniisado la gubay, iyo kaddib markii kooxo black metal ciyaara ay doorteen in ay sameeyaan nooc la suuq-geyn karo oo dadkuna oggolaan karaan. Laakiin Darkthrone ma ka mid ahayn kuwaas. A Blaze in the Northern Sky waxa uu soo baxay wakhti yar ka hor intaan la ogaan fadeexadihii iyo dhibaatooyinkii dhacay. Kooxdani waxay ka soo horjeeday in muusigan laga dhigo mid suuqa caadiga ah laga helo, waxaanay ka gaabsadeen ka dhex muuqashada bahda dhaqanka, mana ay samayn wax bandhig-faneed ah wixii ka dambeeyay 1990-nadii.

26

60
Waxa soo saaray Peaceville Records.

1. «Kathaarian Life Code» | 10:35

2. «In The Shadow Of The Horns» | 6:58

3. «Paragon Belial» | 5:22

4. «Where Cold Winds Blow» | 7:21

5. «A Blaze in the Northern Sky» | 4:53

6. «The Pagan Winter» | 6:34

61

Oslonett waxa la asaasay 1991 waxaana bilaabay bulshada cilmiga kombuutarrada ee Jaamacadda Oslo, halkaas oo internetka la isticmaali jiray marka cilmibaadhista la samaynayo. Shirkaddu waxa ay internetka ka iibin jirtay dadka caadiga ah iyo shirkadaha yaryar ba, waxaanay bixin jirtay koorasyo la siinayo shirkadaha oo ku saabsan isticmaalka teknoloojiyadan macluumaadka ee cusub. Sannadkii 1993 ayay sameeyeen bar internet oo ujeeddo ganacsi laga leeyahay tii ugu horreysay Norway, www.oslonett.no.

Markii ay socdeen ciyaaraha barafka ee olimbikada ee Lillehammer lagu qabtay 1994 ayay Oslonett si toos ah barteeda u soo gelisay natiijada ciyaaraha. Aad ayaa loo xiisaynayey: Hal maalin oo ka mid badhtamaha bishii Febraayo waxa bartaas la soo galay 130 000 jeer, oo xilligaas caalam ahaan ahayd tiro aad u badan. Deyrtii isla sannadkaas ayay bartaas internetku dadka la socodsiisay aftidii Midowga Yurub. Dhacdooyinkan dadka sida tooska ah loola socodsiiyay ayaa markii dambe la sheegay in ay ka mid yihiin sababaha keenay in guryo badan oo noorwiiji ah xilli hore soo gashadaan internetka.

Sannadkii 1995 ayay Oslonett daahfurtay Kvasir oo ahayd bar lagu baadho internetka oo u samaysan habka Yaahoo! oo Maraykan laga ahaa. Kvasir waxa uu ahaa bar u samaysan habkii xilligaas socday oo dadku meel bannaan ku qori karaan waxa ay raadinayaan, ama ay taaban karayeen cinwaannada kala duwan ee la kala dooran karo si ay u helaan macluumaadka ay rabaan. Isla sannadkaas ayay Schibsted iibsatay Oslonett, oo ahayd tallaabadii u horreysay ee ay Schibsted qaadday markii ay go’aansatay in ay hawlaheeda ku soo darto miidiyaha isku dhafan.

62 27 www.oslonett.no 1994
63

SKAM, qoraalka qaybtii 3-aad 2016

Deyrtii 2015 waxa soo baxay filim taxane (musasal) ah oo laga daawado internetka oo qoraaga iyo iskudubariduhu ahaa Julie Andem, waxaana soo saaray

NRK P3. Taxanaha magaciisu wuxu ahaa SKAM (CEEB) waxaanu durba noqday mid si weyn loola socdo, gaar ahaan dhallinyarada, kaddibna soo jiitay daawadeyaal da’ kasta jira ugu dambayntiina waxa uu noqday mid si weyn u gaadhay caalamka.

Taxana SKAM wuxu ku saabsan yahay koox saaxiibbo ah oo dhigta dugsiga sare ee Hartvig Nissen, oo ku yaalla xaafadda Frogner ee Oslo. Taxanuhu waxa uu ka kooban yahay afar qaybood waxaana lagu ammaanay in uu si dhab ah u falanqeeyay nolosha dhallinyarada iyo mawduucyo kale oo adag oo ay ka mid yihiin dadka isku jinsiga ah ee is jeclaada, kufsiga, cudurrada nafsadda iyo diinta. SKAM waxa laga daawan jiray bartiisa internetka, halkaas oo marba la soo gelinayay muuqaallo goos-goos ah, farriimo iyo qoraalo laga soo qaatay baraha bulshada ee internetka. Muqaallada goos-gooska ayaa toddobaad kasta la isu geyn jiray oo noqon jiray hal xalqad oo laga soo daayo telefeeshanka. Dadka aan runta ahayn ee ku jira taxanuhu waxa ay baraha bulshada ee ay ka mid yihiin Facebook iyo Instagram ku lahaayeen baro run ah – arrintaas oo noqotay hab cusub oo dadka lagula socodsiiyo taxanaha. Xilligii ay socotay sheekadii jacaylka ahayd ee u dhexmartay Noora iyo William ee ku jirtay xalqadii 2-aad, ayaa dhowr boqol oo kun qof aragtidooda ka dhiibteen iyagoo isticmaalaya hashtagga #WILLIAMMÅSVARE (‘WILLIAM HA JAWAABO’).

64 28

Qaybta saddexaad waxay ku saabsan tahay Isak, oo kaddib markii uu muddo kooban walaacsanaa islamarkaana is-diidsiinayay uu ugu dambayntii isu qiray in uu caashaqay Even. Waxyaalaha laga ogaanayo faallada Andem ka bixisay qoraallada filimka waxa ka mid ah qaybaha filimka ee la sameeyay iyagoo aan markii hore la soo diyaarin.

Maktabadda Qaranka ayaa sannadkii 2018 guddoontay qoraallada xalqadaha 3-aad iyo 8-aad ee qaybta 3-aad, ee taxanaha SKAM.

Maadaama qoraalladu u adkaysan karin iftiinka, marba dhowr bog ayaa la soo bandhigayaa.

65

SKAM, muqaallo goos-goos ah oo ku jira qaybta

3-aad, xalqadda 8-aad, NRK

2016

Xilliga dhallinyaranimada waxa sii kordhaya su’aalaha qofku is weydiinayo ee ku saabsan qofka uu yahay, halka uu ka tirsan yahay, nooca qofka uu rabo in uu noqdo, iyo weliba qofka uu noqon karo. Islamarkaana qofka waxa muhiim noqon kara qofka uu caashaqayo.

Isak, oo uu metelayo Tarjei Sandvik Moe, ayaa ah qofka koowaad ee qaybta saddexaad ee SKAM (CEEB) ku saabsan tahay. Qaybtaas oo sharraxaysa labo wiil oo is jeclaaday. Xidhiidhka u dhexeeya Isak iyo Even, oo uu metalayo Henrik Holm, waa mid aan fududayn, laakiin sababtu maaha keliya in ay is jecelyihiin iyagoo isku jinsi ah. Waxyaalaha kale ee saamayn ku leh ayaa ah in Even leeyahay saaxiib/saaxiibad kale iyo inuu wakhtiyada qaarkood noqdo qof aan caadi ahayn, iyo in xidhiidhka u dhexeeya Isak iyo waalidkiisu yahay mid aan fududayn, iyadoo hooyadiina u soo dirayso farriimo wacdi ah oo ku saabsan diinta masiixiga. Laakiin haddana waxa qaybtan saddexaad ee taxanuhu si dhab ah diiradda u saaraysaa in ka helitaanka qof aad isku jinsi tihiin qofka ku keento dhibaatooyin dheeraad ah oo la xidhiidha waxa qofku yahay. Xataa iyadoo la marayo 2016.

66
28
Muqaal laga soo qaatay arkiifiyada NRK Arkiv.
67

29 Karpe Diem: Heisann Montebello

2015–2017

Kooxda heesaha hibhobka ee Karpe Diem (laga bilaabo 2017 waxa loo yaqaanay Karpe oo keliya)

waxay ka kooban tahay labo fannaan oo kala ah Chirag

Rashmikant Patel, oo ku soo koray Oslo islamarkaana leh waalid hindi ah, iyo Magdi Omar Ytreeide Abdelmaguid, oo isaguna ku soo koray Oslo, oo leh hooyo noorwiiji ah iyo aabo masri ah. Isla EP-goodii Glasskår (2004) oo ahaa koodii u horreeyay waxa ku jira heeso ku saabsan ahaanshaha dhallinyaro ku soo dhex kortay dhaqanno kala duwan.

Heisann Montebello (Iska warran Montebello) ayaa loo arkaa in tahay heestooda ugu siyaasadaysan wixii ka dambeeyay markii ay soo shaacbaxeen: Nofember

2015 ayaa marki hore saddex heesood oo keli keli ah la soo saaray – mid ka mid ah heesahaasna waxa wasiirkii caddaaladda ee xilligaas oo ahaa Anders Anundsen lagu tilmaamay inuu yahay «fulay». Xilligii u dhexeeyay Febraayo iyo Juun 2016 waxa soo baxay saddex heesood oo cusub oo keli keli ah, kaddibna «Gunerius» ayaa soo baxday bisha Ogos oo markaa soo gunaanadday albamkii. Dhammaan heesahan keli kelida ah waxa la socday muuqaallo muusigeed waxaana markii dambe la soo saaray iyagoo wada socda. Desember 2017, kaddib markii afar jeer oo gaar ah shaleemada laga daawaday muuqaalkii muusigeed ee Adjø Montebello (Nabadgelyo Montebello), waxa kooxdu soo saartay labo heesood oo kale: «Dup-idup» iyo «Rett i foret».

Muuqaalka heesta «Gunerius» waxa la isku daray filimo goos-goos ah oo laga soo qaatay nolosha labada fanaan xilligii ay soo korniinkooda iyo muqaallo muujinaya Norway-dii ay ku soo koreen: Gro iyo Kåre oo doodaya, mudaharaadyo lagu taageerayo

68

ama lagaga soo horjeedo Midowga Yurub, meelaha shidaalka laga qodayey, dhaarintii baadarinnimada ee Rosemarie Köhn, dilkii Arve Beheim Karlsen. Magdi ayaa dhahaya: «Waxan ku dul ciyaarayaa deyrka, imaan la’aanta iyo han weynaanta dhexdooda.»

Waxa soo saaray Karpe Diem DA.

1. «Au Pair». Hagidda: Kristian Berg | 5:45

2. «Hvite menn som pusher 50» (Rag caddaan ah oo 50 jir ku dhow).

Hagidda: Marie Kristiansen | 4:01

3. «Lett å være rebell i kjellerleiligheten din» (Waa wax fudud inaad mucaarad ahaato markaad joogto gurigaa’). Hagidda: Kavar Singh | 5:12

4. «Hus/hotell/slott brenner» (Guri/hoteel/qasri gubanaaya). Hagidda: Stian Andersen | 4:39

5. «Attitudeproblem». «Dabeecad-xumo?»

Hagidda: Torgeir Busch, Thea Hvistendahl iyo Kristoffer Klunk | 5:01

6. «Den islamske elefanten» (‘Maroodiga islaamka ah’). Hagidda: Thea Hvistendahl | 7:32

7. «Gunerius». Hagidda: Erik Treimann | 6:18

8. «Dup-i-dup». Kun lyd / Audio only. | 2:36

9. «Rett i foret». Kun lyd / Audio only. | 4:18

69

Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo diimeed oo waaweyn, daabacaaddo yaryar

1871–1994

Qayb kasta oo ka mid ah taariikhda guud ee noorwiijiga ah, hadba wakhtiga la marayo kama koobna waxyaalihii hore u dhacay oo keliya, laakiin waxa xataa ka mid ah waxyaalo kala duwan oo mustaqbalka dhici kara. Taas darteed Maktabadda Qaranku maaha meel lagu ururiyay taariikh oo keliya, ee xataa waa meel haysa himilooyinkii mustaqbalka ee wakhtiyadii hore – ugu yaraan kuwooda la daabacay. Buug-yareyaashani waxay muujinayaan qaybo ka mid ah waxyaalihii ay u halgami jireen dhaqdhaqaaqyadii waaweynaa ee noorwiijiga ahaa.

Dhowr ka mid ah ujeddooyinkii loo halgami jirey ayaa lagu guulaystay, sida in xildhibaanno haween ah soo galaan Stortingga iyo in aan Norway ku biirin

Midowga Yurub. Kuwo kale, sida in boqorku Qasriga Boqortooyada ku soo wareejiyo danta guud, ayaa noqday waxyaalo aan aad loo hadal hayn. Waxyaalo kale oo loo halgami jiray ayaa wakhtiyadii hore macno weyn u lahaa bulshada, laakiin aan maanta lahayn macno sidaas u weyn. Waxa ka mid ah hawlahii ururradii masiixiga ahaa ee ka koobnaa diin-fidinta iyo dedaalkoodii ku saabsanaa in Norway ahaato bulsho masiixi ah.

Dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed, diimeed iyo

caqiidooyinka ayaa laga bilaabo qarnigii 19-aad

noqday jidad muhiim ah oo lagu gaadho awood siyaasadeed. Waxay beddeleen Norway oo dadkii ayay isu keeneen si ay ugu midoobaan hal arrin.

Doodaha iyo mawduucayada ka mid ahaa halganka

ururrada is-xilqaamay waxay isu soo galayeen siyaabo

70 30

qofka feker ku abuuraya, sida codsigii ururka Riksmålsforbundet ee 1960 ee ku saabsanaa in dadka isticmaala af-noorwiijiga loo yaqaan riksmål la siiyo «darajada iyo xuquuqda bulsho-afeed» – waxay ahayd hab xuquuq loo raadiyay oo markii dambe saamayn ku yeelatay xoojinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

BANDHIGA

Nashqadda: Nissen Richards Studio

Iftiiminta: Studio ZNA

Bandhiga waxa la hirgeliyay ka dib markii taageero dhaqaale

laga helay Eckbos Legat iyo Sparebankstiftelsen DNB.

DIIWAANKA QORAALLADA

Nashqadda: Superultraplus Designstudio AS

Turjumidda: Ahmed Yasin iyo Osman Guled

Daabacaadda: Erik Tanche Nilssen AS

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.