Bille, Muqdisho
Abriil 2018
ASTAAMAHA QILAAFAAD EE HOREY U MAJAXAABIYAY BAARLAMAANKA OO MAR KALE SOO IF BAXAY
CADADKA: 9aad
Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre
ADSL Plus
hOME AND OFFICE INTERNET - TELEPHONE
141 101 www.hormuud.com
info@hormuud.com m.me/hormuud
COSOB
1
Abriil 2018
TUSMO 4
ASTAAMAHA QILAAFAAD EE HOREY U MAJAXAABIYAY BAARLAMAANKA OO MARKALE SOO IF-BAXAY.
6
DERBIGA BELED XAAWO: WEERAR QAAWAN OO LAGU SOO QAADAY QARANNIMADA IYO MADAXBANNAANIDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA.
7
DOORASHADA 2020: WAX KA BARO WANAAGGA IYO XUMMAANTA NOOCA DOORASHO EE “PROPORTIONAL REPRESENTATION”
8
HAWEENKA SOOMAALIYEED SHALAY IYO MAANTA
10
NOQO GABADHA AAD RABTO INEY NOQOTO GABADHAADA!!!
11
12
BANDHIGA BUUGGA EE HABEEN EERSI
13
14
GABOOYUU KA GUURSADAY!
16
MAXAA YAREEYEY KA QEYBGALKA DHALLINYARADA EE SIYAASADDA
17
ISTICMAALKA TAABUUGGA IYO XANUUNADA LAGA DHAXLO
18
DR CALI ISAAQ CABDI “HADDII DADKA JUUDAANKA QABA DADKA CUNI LAHAAYEEN,AABAHEY AYAA I CUNI LAHAA”
19
GACANTII DAHABKA AHAYD EE NELSON MANDELA OO LAGU IIBIYEY 10 MILYAN OO DOOLAR
20
NOLOSHA IYO QOYSKA
22
MURTIDA IYO MAADDA
23
COSOB
2
HOOYO CANUGEEDA DHABTA KU HAYSATA OO U FARIISATEY IMTIXAAN JAAMACADEED
YAA U MAQAN CARUURTA DERBI JIIFKA AH?
NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!! QEYBTA 8AAD
Abriil 2018
COSOB
3
Abriil 2018
ASTAAMAHA QILAAFAAD EE HOREY U MAJAXAABIYAY BAARLAMAANKA OO MARKALE SOO IF-BAXAY. MOOSHINKU WAA SUNNO SOO TAXNAA TAN IYO MARKII LA DHISAY DOWLADDIHII KMG EE DALKA KA HANAQAADAY KADIB MARKII AY BURBURTAY DOWLADDII KACAANKA Hadii dib loo milicsado sooyaalka ku qoran taariikhda kooban ee baarlamaanka soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay (1991kii) burburkii dowladdii kacaanka waxaa ka buuxa mooshino tiro badan oo xilka looga qaaday madax ka tirsaneyd Dowladihii dhismay KMG iyo Rasmi intaba, isqabqabsi, iyo kala aragti duwanaansho xooggan oo aan ku fadhin micno culus oo danta bulshada ka tarjumaya. Beryihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay abaabulka Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Pro. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo lagu eedeynayo in uu ku tuntay qodobo ka mid ah xeerarka Baarlamaanka, islamarkaana uu siduu doono ugu takri falayo awoodiisa maamul isagoo sidoo kale lagu eedeeyay in uu caqabad ku yahay howlaha horyaalla baarlamaanka si loo fuliyo. Dhawaan Muqdisho waxaa kulamo dhowr ahaa oo is xig-xigay ku yeeshay xildhibaano tiro badan oo ka mid ah kuwa sida weyn uga soo horjeeda Guddooiyaha baarlamaanka iyagoo xal u arka in Jawaari uu iska casilo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ama Mooshin xilka looga qaado. Gudoomiyaha baarlamaanka oo aan si cad uga jawaabin eedeymaha loo jeedinayo baa qalabka warbaahinta ka sheegay in uu diyaar u yahay in xildhibaannadu u codeeyaan Mooshinka isaga laga keenay. Eedeynmahaas loo jeediyay Jawaari waa suuragal in ay wax ka jiraan sidoo kalena waa macquul in laga badbadinayo.
JAWAARI IYO XILDHIBAANADA MAXAA LAGA SUGAYAY MAXEYSA QABTEEN? Baarlamaankii 9aad iyo Hoggaamiyahoodii Pro. Maxamed Sh.
Cismaan Jawaari waxa ay ballanqaadeen inay ka shaqeynayaan 3 qodob oo waa weyn, Maxay ahaayeen? 1.
In la dhameystiro Dastuurka Qabyada ah.
2.
in la hirgeliyo Dhismaha Maxakamadda Federaalka.
3.
iyo in la xaqiijiyo Federaaleynta Dalka si dhameystiran.
Intaas oo qodob iyo kuwo kale oo kuwaas ka faracmaya ayaan midkoodna qaban. Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannadiisuba Waxay ku mashquuleen Mooshin ku-ridista
COSOB
4
Abriil 2018
madaxdii kale ee dalka laba ra’iisul wasaare ayey rideen iyagoo hal madaxweynana sigay (Xasan Sheekh Maxamuud). Hada oo uu jiro baarlamaankii 10aad weli Hogaanku waa isla Jawaari, Intooda badanna Mudanayaashu waaisla kuwii ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad. Waxaa is weydiin mudan Ma laga ka sugeyaa in ay hadda qabtaan howshii hore looga sugayey oo ay qaban waayeen, sow suuragal ma aheyn in ay diyaarinayeen mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha xilligan shaqeynaya. waxaa si weyn loo hadal hayaa sababta
waxayna inta badan mooshinadu kusoo beegmaan: •
Marka uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda sare qaarkood oo laakiin aan weli soo shaac bixin.
•
Marka ay mushaaraadka xildhibaanada soo daahaan
•
Marka wax uun ifafaallo nabadeed ama siyaasad hor u socod ah la dareemo.
•
Iyo Marka ay jiraan dareen Dowladaha Ajnabiga qaarkood u cuntami la’ (Sida hadda xaalku yahay.
HADDII AAN SOOYAALKA YARA DIB U MILICSANNO; 17kii January 2007dii Kulan ay isugu yimaadeen Mudanayaasha Baarlamaankii Federaalka KMG ee Soomaliya kooramkooduna ahaa 192 mudane ayaa ka dooday Mooshin ay soo diyaariyeen 32 xildhibaan kaasoo ka dhan ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka kMG ee Xilligaasi Shariif Xasan Shiikh Aadan oo hadda ah Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya. Dood saacado qaadatay kadib waxaa loo la billaabay u codeynta Mooshinka ugu dambeyna Shariif Xasan ayaa cod aqlibiyad leh looga qaaday xilka gudoomiyenimo iyadoo Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna kuxigeenka Labaad Md. Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday Shariifka. 16kii May 2010 Xildhibaanno kor u dhaafayay 319 Xildhibaan ayaa shaaca ka qaadday in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii baarlamaanka KMG ee xiligaasi Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe), ka dib markii ay ku doodeen in uu xilka waqtigiisa ka dhamaaday isagana uu isku dhejinayay.
uu mooshinku ku yimid in ay tahay in Jawaari iyo Saaxiibadiis siyaasadda ay maleegayeen Mooshiin laga keeno ra’iisul wasaaraha federaalka soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sidaas darteedna la ciyaaray Siyaasad ah “Qofka Godkiisa kula dagaal si Godkaagu kuugu Nabad galo”
XILDHIBAANNADU WAX AY CAAN KU YIHIIN WAA MOOSHIN: In mooshin laga keeno Masuul ka tirsan Dowladda Soomaaliya ma ahan mid ku cusub dhegaha Bulshada Soomaaliyeed,
28kii may 2010-na Shariif Xasan Sh. Aadan ayay markale Xildhibaanadu u codeeyeen in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaankii KMG Soomaaliya ka dib wareeggii ugu horeeyey ee cod bixinta oo uu helay 217 cod isla markaana uu tanaasulay xildhibaan Cabdi xaashi Cabdullaahi oo isaga la tartamayay isla markaana wareegii koowaad helay 143 cod. Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Maalintaasi Shariif Xasan u codeeyey, Aadan Madoobana xilka ka tuuray ayaa Maalintii dambe u ololeyay in Mooshin lagu tuuro Shariif Xasankii ay Doraad rideen shalayna doorteen. 09kii June 2011 heshiiskii laga soo qaaday magaalada kampala ee dalka Uganda oo ay xildhibaanaduna ansixiyeen 11-kii july 2011 tobankii qodob ee uu heshiiskaasi ka koobanaa ayaa waxaa ku jira qodob dhigaya in la abuuro jawi wada-shaqeyn iyo iskaashi oo baarlamaanka iyo xukuumadda ah,
COSOB
5
Abriil 2018
si taasi loo xaqiijiyana wa in la joojiyaa dagaalka warbaahinta, waana in mudo sanad ah aan mooshin laga keeni Karin madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaaka iyo ku xigeenadiisa, halkaas waxaad ka garan kartaa sida mooshinku halis ugu ahaa xasiloonida siyaasadeed laakiin ay xildhibaannadu ugu sahlaneyd.
MOOSHIN KEENISTU HALKAAS KUMA JOOGSAN: 02dii December 2013kii Fadhigii Baarlamaanka oo ay maalintaasi soo xaadireen 249 xildhibaan, 184 xildhibaan ayaa kalsoonida kala noqday Ra'iisal wasaarahii Xilligaasi Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) , iyada oo 65 ay codka kalsoonida siiyeen Ra'iisal wasaare Saaciid. Prof. Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Mooshinku uu gudbay sidaasina uu ansax ku yahay, Ra'iisal wasaare Saacid ayaa sidaasi xilkiisa ku waayay maadaama uu Barlamaanku kala noqday kalsoonida. 6dii November, 2014kii Mooshin kalsoonida loogala noqonayo oo ay ku saxiixnaayeen 140 Xildhibaan ayaa laga gudbiyay Ra’iisul wasaarihii Xilligaasi Cabdiweli Sh. Axmed, muddo bil ka dib oo ku beegneyd 06dii December 2014 waa loo codeeyay mooshinka, 153 mudane ayaa teegeeray kalsooni kala noqoshada, halka 80 mudanena ay diideen Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuu ahaa ra'iisul wasaarihii labaad ee uu baarlamaanka codka kalsoonida kala laabto Muddo 11 bilood gudahood ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Dagaalo culus kula jirtaa Xarakada Alshabaab, sida la rumeysan yahayna markasta oo uu soo ifbaxo muran siyaasadeed oo Baarlamaanka ama dowladda inteeda kale ahna waxaa sii xoogeysta Awoodda Macnawiga ah ee Alshabaab iyo dhinac kasta oo Dowladda kasoo horjeeda, Dhinaca kale waxaa cad in ay hoos u sii dhacayso kalsoonidii ay Bulshada Soomaaliyeed ku qabeen xildhibaanada iyo madaxda kale ee ka tiran Dowladda Soomaaliya ayadoo ay mugdi ka galeyso Rajada ah in la helo isbeddel siyaasadeed oo lagu gaaro dowladnimo sal adag leh.
Aweis Haji Nor (Aweys Aar)
DERBIGA BELED XAAWO: WEERAR QAAWAN OO LAGU SOO QAADAY QARANNIMADA IYO MADAXBANNAANIDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA. Kiinya waxay Soomaaliya soo gashay, xadkana ka soo tallaabtay 16-kii October 2011kii, iyada oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman iyo guutooyin la ciirciiraya hub culus, galitaankaa ka dib, Kenya waxay sheegatay inay ka hortagayso qatarta uga soo food leh Alshabaab, laakiin tan iyo xilligaas in ay al-shabaab wiiqdo iska daaye rag al-shabaab ka tirsan ayaa dhowr jeer dad ku dilay kuna af duubtay gudaha kiinya. Kiinya markii ay gudaha Soomaaliya ku jirtay laba maalmood, kadib ayey wafdi usoo dirtay Magaalada Muqdisho, si qaanuunka loo waafajiyo galitaanka ciidankeeda ay soo galeen soomaaliya, heshiiska labada dal si cad looguma qeexin in Kiinya la siiyay ogolaansho buuxda oo ay gudaha Soomaaliya ku gali karto, ama ku sii joogi karto, laakiin mar dambe ayaa loo ansixiyay ka mid noqoshada ciidamada howlgalka afrika ee Soomaaliya (AMISOM) sheekaduse waxay u ekeyd ilmo nikaaxa ka hor dhashay oo mar dambe meher lagu xalaaleeyay
X
ad-gudubyada kiinya ay ka waddo gudaha Waddanka waa astaan muujineysaa sida ay xilligan Soomaaliya ugu nugushahay waxyeeleynta dowlahada shisheeye oo ay ugu horreeyaan kuwa deriska ah. Ma jirin qof ku fakarayay in ay dhici karo Ayadoo maanta la marayo qarnigii 21aad in dowladda kiinya ay soo hunguriyeyso kuna xad-gudbeyso qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda soomaaliya waa arrin anfariir iyo qaadan-waa ku ah waddani badan oo waayo joog ah. Haddii uu qof si gardarro ah daanka kaaga dharbaaxo oo kadib aad gar dhigataan ogow qofka mar kasta laga guuleystay waa adiga sababtoo ah waxa la isku heysto waa daankaaga. Kiinya iyo Soomaaliya oo ka wada xaajoonaya Magaalada beled xaawo bartamaheeda oo ay Kiinya dooneyso in ay derbi ka dhisto waxay ka dhigan tahay in labada dal ay ku gorgortamayaan qarannimada Soomaaliya sidaas darteedna mar kasta cidda laga guuleysanayo waa Soomaaliya.
Kiinya horrey ayay dhul uga heysatay Soomaaliya, waxayna aheyd Qaddiyad waligeed soo taagneyd oo aan weli xal kama dambeys ah lagama gaarin, Dhismahan cusub ee ay kiinya ka waddo gobollada Koonfur galbeed ee soomaaliya waa astaan muujineysa sida ay kiinya ugu dhiiran tahay ku xadgudubka madaxbannaanida Soomaaliya. Dad aan badneyn oo ka carooday derbiga laga dhisayo beled xaawo ayaa waqti kooban dhagxaan ku tuuray taangiyada iyo dabaabadaha kiinya ee ilaalada ka haya derbiga la dhisayo, sidoo kale dibad bax kooban ayaa muqdisho lagu qabtay oo arrintaas looga dhiidhinayay Dowladduna waxa ay shaacisay in ay waddo dadaallo ay ku dooneyso in ay kiinya ku qanciso in ay joojiso dhismaha derbiga hadda ka socda magaalada Beled xaawo ee Gobolka Gedo laakiin intaas kooban ma ahan wax ku filan in lagu hor istaago xad-gudubyada kiinya ay ka geesaneyso gudaha dalka sababtoo ah xadgudbka iyo faragelinta kinya ka wadda soomaaliya ma ahan wax hadda dhaw bilowday.
Tan iyo xilligaas waxa ugu weyn ee ay Kiinya ka qabatay gudaha soomaaliya waa xasuuqa iyo bara-bixinta dad birimageydo ah oo ay ku weerartay kuna duqeysay deegaannadooda, alshabaabna meelaha ay hadda ku xoogan yihiin waa Gobollada Koonfurta gaar ahaan Meelaha ay joogaan Ciidamada Kiinyaatiga ah. Arrinta badda iyo murankeeda ayaa ah Xad-gudub kale oo culeyskiisa leh inkastoo dacwaddii arrintaasi laga furay ay weli hor taallo maxkamadda caalamiga ah ee the Hague. Isku soo duub, gorgortan iyo wada xaajood qaboow kuma filna in looga hortago xad-gudubyada qaawan ee ay kiinya ka waddo gudaha soomaaliya. Waa dhab soomaaliya ma laha cudud military oo ay wax ku kala furdaamiso, laakiin waa in ay jirtaa siyaasad cad oo diideysa in lagu xad-gudbo oo la waxyeeleeyo madaxbannaanida qarannimada dadka iyo dalka Soomaaliya. Haddii aan la helin Madax ka hufan Musuq-maasuq iyo wax isdaba marin way adkaaneysaa in xal loo helo faragelinnada iyo xad-gudubyada ka imaanaya dowladaha deriska ah oo ay kiinya ugu firfircoon tahay xilligan la taagan yahay.
Aweis Haji Nor (Aweys Aar) COSOB
6
Abriil 2018
DOORASHADA 2020: WAX KA BARO WANAAGGA IYO XUMMAANTA NOOCA DOORASHO EE “PROPORTIONAL REPRESENTATION”
S
oomaaliya 2020-ka waxaa lagu heshiiyay in ay ka dhacdo nidaam-ka doorasho ee PR ama “proportional representation”. Nidaam-kan doorasho waa nidaam xisbi ah, waa nidaam qof iyo cod ah, waxaa lagu doortay golaha baarlamaannada in ka badan 90 dal oo caalamka ah, waxaa lagu maamulaa dalal badan sida Ciraaq, Turkiga, Jarmalka, Spain, Lebnon, Brazil, Argentina, Angola, Algeria, Mozambique, Namibia iyo South Afrika ayaa isticmaalo. Nidaamkan “Proportional Representation”, waa mid sahlan oo inta badan cod-bixiyaha waxaa uu dooranayaa xisbiga, taasi oo fududeyn karta in la ogaado xisbiga aqlabiyadda leh ee doorashada ku guuleystay gaar ahaan goobta ay cod-bixinta ka dhacday. Arrinta kale oo uu nidaamkan doorasho ee PR-ka ku fiican yahay waxaa ka mid ah: xisbiga dhex-diisa waa fududahay in la hubiyo Saami qeybsiga, Metelaada dadka laga tirada badanyahay iyo kootada haweenka.
Waxyaabaha uu ku Wanaagsan yahay Nidaamkan Doorasho ee “proportional representation” waxaa ka mid ah:
Waxyaabaha uu Ku Xun yahay Nidaamka Doorasho Ee “proportional representation” waxaa ka mid ah:
1.
Saami qeybsi
1.
Metelaada juqraafi oo aad liidata
2.
Wadajirnimo
2.
3.
Metelaada dadka laga tirada badanyahay
Arrimaha isla xisaabtanka oo aan muuqan
3.
4.
Codadka qasaara oo yaraada
Nidaamaydaa Madaxweynaha ayaa u badan taageero dhanka shuruucda iyo dejintooda oo aad u hooseysa
5.
Dumarka oo ay u fududaato in la doorto
4.
lsbaheysidda ama dowladaha laga tiradda badan yahay ayaa u badan
6. Xuduudeeynta oo aan ku xirneyn qabashada doorashada
5.
Nidaamyadda baarlamaanka leh
7.
Looma baahna in lasameeyo doorasho ku celin
8.
Dadka maqan ayay fursad ay ku codeeyaan ayay siisaa
9. Xadidaa in halkii deegaanba lahaado hal xisbi
6. Awooda badankeeda oo xisbiyada la siiyo 7.
Keeni karaa in xisbiyadda xagjiriinta ah lagu daro qaabdhismeedka shuruucda
In uusan awood u laheyn inuu xisbi awooda ka tuuro
10. Dad badan oo codeeya
Hadaba waa maxay waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay midaam-kan doorasho “Proportional Representation” iyo waxa uu ku xun yahay.
Abdi Aziz Ahmed Gurbiye
COSOB
7
Abriil 2018
HAWEENKA SOOMAALIYEED SHALAY IYO MAANTA WAREYSI MAJALLADDA COSOB AY LA YEELATAY MUNO MAXAMED DIIRSE OO QORAA AH, WAREYSIGA WAXAA QAADDAY FARXIYA MAXAMED KHEYRE
H
aweenka Soomaaliyeed waa udub dhaxaadka ummadda Soomaaliyeed, waa hooyo, waa barbaariyaha qoyska, waa nabadoonno waxa ay kaalin muhiim ah ay kaga jiraan bulshada , waa kuwii lagu soo baxsaday tan iyo burburkii, waxa ay gacanweyn oo aan la qiyaasi Karin ay ka geysteen samatabixinta qooysaska, waxa ay qabtaan shaqooyin kala duwan oo ay ku maareeyaan noloshooda iyo tan reerahoodaba, inta ay ku guda jiraan howlmaalmeedkooda caadiga ah waxa ay la kulmaan hormar iyo dib udhacba, intaasba waa ay ka sheekeysaa Majalladda COSOB, haddaba Muno Maxamed Diirse oo ah hooyo Soomaaliyeed oo qoraa ah isla markaana wax ka qorta amuurahaa haweenka Soomaaliyeed. ayaa waxaan ka wareystay illaa saddax buug oo ay qortay oo dhamaantoodba kaga sheekeynayso marxalado kala duwan oo haweenka Soomaaliyeed la xiriira,bugga koowaad waxa uu ka hadlayaa Haweenka Soomaalyeed shalay iyo manta, bugga labaad waxa uu ka sheekeynayaa illintan qubaneysa yaa kadamqanaya, halka kan saddaxaadna uu yahay dumar iyo dareen, Hadaba halkaan waxaan idin kugu soo gudbinayaa faafaahinta buggii ugu horeeyay ee loogu magacdar haweenka soomaaliyeed shalay iyo manta, Muna maxaa ku dhaliyay in ay wax qorto, goormeese go’aan satay qorista buggagta yaase ku caawiyay su’aalahaan iyo kuwo kaloo la mid ah ayay Majalladda COSOB ay ka wareystay qoraa Muna Maxamed Diirshe. Majalladda COSOB: Muna waxaad inooga warantaa goormee ayaad go’aan satay in aad qoraa aad noqotid? Muna Maxamed Diirshe: qoraalka waxa aan ka dhaxlay aabaheey, xaaji Kuweyd agaasimihii wakaaladda wararka ee Sona asaga ayaana igu caawiyay wax qorista. waxaan ku fekeray in aan wax qoro anigoo yar oo dugsiiley ah balse waxaan bilaabay 2009 kii waxaa buggii ugu horeyay aan soosaaray 2014 wuxuuna ahaa Haweenka soomaaliyeed shalay iyo maanta Waxaana ku doortay magacaas anigoo kashaqeynaya walina ka shaqeeya miyiga Soomaaliya ee gobolada dhexe, sidoo kale waxa aan tagay gobalada Bay iyo Bakool anoo ku hadlaya labada lahjadood ee Soomaalidu ku hadasho ee May iyo Maxaatiri, waxaan waxbadan aan usoo joogay indhahaygana kusoo arkay wajiga dhabtaa iyo dhaqanka ee haweenkii shalay unna joogay haweenka maanta ee wax bartay qurbaha kunool, warshadaha haysta oo aan anigaba ka mid ahay Farqiga u dhaxeeya maanta iyo shalay waxaan
COSOB
8
Abriil 2018
lee yahay han mustaqbal fog ilaa waddanka lagawaayo hooyo,ama gabar dhibaateysan Insha’allah. Majalladda COSOB: Muna maadaama Bugga Haweenka Soomaaliyeed shalay iyo Maanta uu yahad Buggii ugu horeysay ee aad qortay guud ahaamba adoo ka faalloonaaya waxaad noo sheegtaa maxa ku qoran buggani iyo waxa aad ku dooratay? Muna Maxamed Diirshe: waxa uu ka kooban yahay boqol iyo labaatan bog (120) iyo afar iyo toban cutub (14) Wuxuuna ka soo bilaabaayaa buuga Xaawo iyo Aadan, gabarnimada ,waxa ay ku kala duwanyihiin wiilasha iyo gabdhah, haddii reerka ay u dhalato wiil iyo gabar siduu u arki jiray shalay, maantase sidee loo arkaa? wuxuu ka hadlayaa haweenka miyiga ayagoon aan hey san wax warshada ah iyo tacliin midna sida ay usoo saaraayeen waxa agab uu u baahan yahay aqalka oo dhan , waxay raacayaan oo ay daajinayaa xoolihii, waxa ay ka shaqeeynayaan wax soosaarkii beeraha, sidookale meelo aad uga fog ayay dushooda waxa ay uga soodhaaminayaan biyihii laga isticmaali lahaa aqalka, waxay tumaan badarkii ay beeraha kasoo goyeyn sida masakada Galleyda, Qamadiga iyo wixii lamid ah cunno ayayna ka kariyaan waxa ay caanaha ay ka lisaan xoolaha, waxaa intaa usoo dheer abaaro iyo biyo la’aan xoogan oo xilliyada qaar lasoo darsa hadana ay u ahaayeen hooyo waxdhashay oo xaanaaneysa carruurta reerna leh, wuxuu kaloo uu ka shekeynaayaa Bugga gabadha joogta wadamada horey maray ee waxbaratay ee shaqeysaneysa oo heysata warshadaha iyo waxwalba iyo doorka ay qaadato. Majalladda COSOB :Sedee reerku u arkaan markey gabari udhalato? Muna Maxame d Diirshe: Soomaalidu dhaqan ahaan gabdhaha iyo wiilasha way kala jecelyihiin, taasina waxay lahayd hal sabab in kasta uu hadda sii dhammaanayo haddana door weyn ka ciyaaray in wiilasha iyo gabdhaha la kala jeclaado, taasoo sababteeda ay ahayd ilaha dhaqaale oo aad u koobnaa,taas oo keeneysay in mar waliba lagu diriro, wixii yaraa oo la helo, ku waas oo ruux walba isku dayi jiray xoog iyo xeelad mid un in uu ke helo. Inkastoo ay soomaalidu dhaxdeeda ay ceeb ka ahayd in la kala dhaco ariga iyo lo’da, haddana geela waxaad mooday in uu ahaa mid ruux walba isku dayayay in uu gacantiisa galo, waxaana u hari jiray hadba ninka xogga leh. Taas waxaa ku tusaya tuducyo ka mid ah gabay uu lahaa Aadan Carab oo uu ku tilmaamayo sida lagu helo geela, iyo in uusan baryo ku imaan. Dadku waxa ay ahaayeen reer miyi, waxa ay wadaagi jireen biyo iyo baad
labaduba ay ciriiri yihiin, taas waxaad ka garaneysaa maahmaahyadooda waxaa ka mid ahaa “xabagta ninkii xoogleh ayaa goosta” taas oo macno cad kabixineysa sida druufto ahayd. Sharciga meeshaas ka jiray waxa uu ahaa sharciga kaymaha, kaas oo xaqa siinaya cidda awooda leh. Taas waxay keentay in raggu noqdaan raasumaal lagu xisaabtamo. Colaado joogta ah ayaa beelaha dhexmari jirtay, ilaalinta biyaha iyo baadka ka sokow, raggu waxay difaaci jireen qabiilka, halka dumarka inta colka la yahayna aan la dilijirin, marka larabo in la heshiiyana reeraha lagu kala maslixi jiray oo lakala guursan jiray ama godob tir la isku siin jirey. Majalladda COSOB: Muna ciwaanada bugga kuyaala waxaa kamid ah xaalada hooyooyinka Soomaaliyeed hada iyo mustaqbalka dhow maxaad iyana ka qoray? Muna Maxamed Diirshe: hooyada Soomaaliyeed waxay maanta ku sugan tahay labo xaladood oo is barbar yaalla, marka la eego howsha baaxadda weyn ee ay u heyso dalkeeda iyo dadkeeda waxaa kuu muuqanaya wax lagu farxo, hayeeshee markaad aragto culaabta aadka ugu tanka weyn ee qoorta ka saran, waxaa ku qabaneysa calool-xumo aad uweyn oo ku gaarsiin karta inaad inta is illowdid isla hadashid. Haweenku hadda waxa ay maraan siddii aan horey dhowr mar aan usoo sheegay heerkii ugu sarreysay ee mas’uuliyadeed ee ay abid gaaraan, iyaga oo manta gacanta ku haaya wax ka badan 60% qoysaskii Soomaaliyeed, gudaha ha joogeen ama dadka dibadiisa ha ku noolaadeenee. Dhanka siyaasadda waxa ay joogaan meel sare, iyaga oo markii ugu horreysay taariikhda afrika noqday Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda. Dhinaca dhaqaalaha waxay ku jiraan kaalin aad u sarreysa , iyada oo la oran karo dabaqadda dhexe ee waddanka meelaha dhaqaalaha laga fiiriyo waa dumar. dhanka shaqada iyo shaqaalaha lama oron karo waxay ka joogaan meel ku habboon, balse aad ayay uga fiican yihiin intii hore,iyada oo aad maanta aad arkeysid shirkad kasta in ay u shaqeynayaan horin dumar ah oo waliba aqoon sare leh, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah ay ku shaqeystaan xirfado ay leeyihiin. Marka aan taas leeyahayna ma moogi in heerka shaqa la’aanta dumarku uu yahay 74% halka raggana la sheegay in ay yihiin 61%. Majalladda COSOB: muna waxaad inooga warantaa awooda rabbaniga ah ee ku jira dumarka Soomaaliyeed ee aad wax ka qortay?
COSOB
9
Abriil 2018
Muna Diirshe: dumarka guud ahaan eebe wuxuu galiyay awood aan la galin bini’aadamka intiisa kale, Haddii aan tusaale yar aan kuu siiyo, waligaa ma booqatay hooyo Soomaaliyeed oo heysata shan carruur ah oo isumo qaado ah oo kan ugu weyne todobo (7) jir yahay, kan ugu yarna ay dhabta ku heyso! Ma aragtay shantii carruurta ahayd oo midna dhinaciisa uu uga eeda sheeganaayo kan kale, mid walba dhinaciisa hooyada wax ka weydiinaayo? •
Ma fiirisay wajigeeda?
•
Ma dhageysatay sida naxariista leh ee ay mid waliba dhiniciisa usiineyso jawaab hooyonimo?
•
Ma eegtay sida ay mid waliba uga celineyso alaabta horteeda taal,iyada oo aan xataa canaananayn?
•
Ma eegtay sida ay marna u istaagayso marna u fariisanayso?
•
Ma’aragtay sida waxay daadiyaan ba ay daqiiqad u tirtireyso?
•
Ma eegtay sida aysan ugu daaleynin inay uga jawaabto su’aalo adiga aan macno kula laheyn,balse iyaga wax weyn la’ah?
•
Markaas ka dib ma is weydiisay awoodda Rabbaaniga ah ee Allaha gaarka uga dhigay Haweenka?
Haddaad intaas akhristoow ila garatay ma u fiirsatay dhibaatada baaxaddda weyn ee ku habsatay dal weynihii Soomaaliya,si gooni ahna ma u eegtay mashaqada caqliga aadamaha ka weyn ee heysta kumanaan hooyooyin Soomaaliyeed ah,kuwaas oo habeen iyo maalin dhegahoodu maqlayaan wax laga naxo? Hooyooyinka indhahooda arkayaan wax ilmo ka keena, oo laga yaabo in hortooda la soo dhigo wiilkooda ama gabadhoodii oo ay labaatan sano hardaadineysay oo ay aqoon bartay, caafimaadkiisa ay har iyo habeenba la daaladhaceysay , intaas iyo kasii badanba inta ku dhacaan wali miyir qabta oo shaqeyneysa , Eebana wali Caabudeysa, iyada oo maankeeda iyo maskaxdeedii caadi yihiin oo aan waalan ama islahadlin. Ma is weydiisay maskaxda iyo dulqaadka Eebe ugu deeqay hooyadaas? Ma is barbar dhigtay iyaga iyo ragga marka dhibaatadu timaado? Iyo mid waliba sida uu uga soo kabto? Qeybtii koowaad ee wareysiga Qoraa Muna Maxamed Diirshe
La soco qeybta xigta iyo buuggaagta kaloo ay qortay Muna Maxamed Diirshe
NOQO GABADHA AAD RABTO INEY NOQOTO GABADHAADA!!!
F
acebook ayay ku baratay. Hadalo aad u dabacsan, oo lagu soohay kaftan iyo soojiidasho, ayuu Messenger-ka u soo dhigaa. Iyaduna wey u jawaabtaa. Markii ay muddo sidaas ahayd bey la noqotay caadi la sheekeysigiisa. Bilowgii barashada wey isyara xixireysayee, waxay bilowday iney isfurfurto. Isaga uun baa hadalka ku bilaabi jirayee, hadda iyadaa marmar soo tiraa "Hello". Markii dambe, waxa uu bilaabay inuu u soo diro sawiradiisa, iyadoon ka codsan, isagoo si heer sare ah u labisan, meel soojiidasho leh jooga, dhoola cadeynaya, muujinayana quruxda jirkiisa aadka u dhisan. Markaan waa la saaqay inanta. Durbadiiba ay indhaha ka qaaday sawiradiisa ayay dhoola-cadeyn yar afka si tartiib ah u kala qaadday. Iyadoo faraha gacanteeda midig bushimaha saareysa, ayuu dhawr sawir oo kale u soo diray, isla markiiba. Sariirteey dul fadhisee, gadacad ayay isu tuurtay. Mobile-kii baa ka fara baxsaday. Dhinaceeduu ku dhacee, dib bey islamarkiiba u soo haabatay. Wey ku dheygagtay, oo indhaha ayay si fiican ugu bakaacisay. Farxad bey garan weysay meeley isgeyso. Hadba sariirta ayay dhinaca kale isugu geddisaa (tuurtaa), isaguna intaa ereyo qabow, oo raxmad iyo naxariis badan, aadna u kooban buu dhag u soo siiyaa. Markaan, waxaa buux dhaafshay jacayl. Daad baa u sida dhinaciisa. Isma ogee, si run-run ah buu u degay qalbigeeda. Daqiiqad-daqiiqad bey isu weydaarsdaan fariimaha iyo sawirada. Wax yar kadibba, waxay hubisaa Mobile-keeda, bal iney fariin taal, mararka qaarna Messenger-ka ayay iska wacaan (cod & muuqaalba). Iskalama daahaan jawaabta. Aad bey uga heshay wiilka. Markii dambe, wey balameen. Gaari kala jiidan ayuu soo qaatay. Kulankoodiba, qof bey noqdeen. Waxay isu raaceen guri uu u sheegay inuu kiisa yahay, laakiin hotel ahaa. Intaan ka ahayn inuu u dhaadhaco dumarnimadeeda markey wadaageen kadib, wuxuu isku dayay inuu wax ka dayo. Wey ku adkeysay. Wuu isxumeeyay, xanaaq buuna u muujiyay. Wey dhibsatay inuu sidaa dareemo, waxayna la wadaagtay iney aad u jeceshahay, iyadoo ka raaligelineysa iney ka careysiisay. Waa siduu rabay dabacsanaantaasee, ugu dambeyntii, wuu u gudbay gabarnimadeeda. Sikastabase, wuxuu soo diray iyadoo qanacsan. Si fiican buu u soo sagootiyay. Iyagoo taagan dad-marka (maarsha
biyeediga) baa waxaa soo ag istaagay taxi. Inta aalyar u dhunkaday buu ku soo daray taxi-gii. Intey jidka soo socotay oo dhan, mid-mid bey u soo xasuusaneysay wixii dhex maray, intey wada joogeen, kalgacayl beyna kasii qaadeysay. Aad bey ugu bogtay inanka, una aamintay. Markii ay guriga timid bey u qortay fariin ah iney nabad tagtay. Wuu eegay, umase soo jawaabin. Wax yar kadib bey eegtay haddana, saa waa sidii, oo sooma jawaabin. Fariin kale ayay u dirtay, iyadoo muujineysa sidey uga heshay. Intuu eegay buu haddana ka aamusay. Aad bey u daalaneedee, wey gama'day. Markey soo toostay bey fiirisay Messenger-ka; bal inuu soo jawaabay, waxbase kuma arag. Fariin bey haddana u dir istiri, saa waaba black-gareeyay. Waxba wey u diri weysay. Profile-kiisii bey ku orodday, oo eeg istiri, ma iyadaa
COSOB
10
Abriil 2018
arkeysaba hee wall-kiisa. Sidaas ayuu ku lumay xiriirkoodii. Wuu gooyay, garana weysay meel ay ka goobto iyo si ay u raadiso. 2 bil kadib waxay dareentay culeys, xanuun iyo wareer xad dhaaf ah, markey adkeysan weysay bey u tagtay Dhaqtar. Wax yar kadib baa looga tibix siiyay iney uur leedahay, HIV Positive-na tahay. Waagii baa ku baryay. Dhagaheedii bey rumeysan weyday. Iigu celi bey dhaafi weyday. Ilmadii ka da'aysay indhaheedii baa qortay dhabanadeedii, oo ma joojin ooyin ilaa ay ka dhimato. Si aysan taas oo kale kuugu dhicin, fadlan, NOQO GABADHA AAD RABTO INEY NOQOTO GABADHAADA.
Noor Ali Faarax
HOOYO CANUGEEDA DHABTA KU HAYSATA OO U FARIISATEY IMTIXAAN JAAMACADEED
W
axaa baraha bulshada ee dhinaca Internet-ka ku faafay sawirka hooyo beeraleey ah oo u dhalatay waddanka Afghanistan oo lagu magacaabo Jahantab Ahmadi taas oo dhulka fadhisay iyadoo dhabta ku haysa gabadheeda yar isla markaana ka shaqeynaysay waraaqaha imtixaan jaamacadeed. Sawirkan aadka u mugga weyn waxaa qaaday macallin Yahya Erfan oo wax ka dhiga Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Nasir Khusraw ee ku taalla bartamaha Afghanistan, halkaas oo ay haweeneydani kaga qayb galaysay imtixaanka aqbalaadda. Durbadiiba waxaa sawirkan qiimaha leh ee Jahantab oo ah hooyo 25 jir ah oo 3 carruur ah haysata uu ku faafay Internet-ka iyadoo la ogsoon yahay in
dumarka Afghanistan ay yihiin kuwo tacliintu ku yar tahay oo aan qiimo weyn ku dhex lahayn bulshadooda. Jahantab waxay jeceshahay in ay barato cilmiga bulshada si ay u caawiso dadkeeda reer Afghanistan, riyadeedana uga rumoowdo. Ururka dhallinyarada Afghanistan ayaa iyagoo isku dayaya in ay caawiyaan haweeneydan dadaalaysa waxa ay boga tabarucaada lagu aruuriyo ee GoFundMe kaga fureen qaanad ay ku dalbanayaan in la soo caawiyo si ay waxbarashadeeda uga gun gaarto, waxaana illaa iyo haatan loo aruuriyay lacag gaaraysa14,000 dollar. Hooyadan ayaa markii hore kursi ku fadhisay xilligii ay imtixaanka tijaabada
COSOB
11
Abriil 2018
jaamacadeed galaysay balse ilmeheeda yar oo aad u ooynayay isla markaana goobtu meel imtixaan ahayd ayay ka cabsatay in ay ardaydu dhibsadaan, waxaana ay fariisatay halka ugu dambeysa fasalka meel ka dambeysay kursiga gabadhii ugu dambeysay, waana markaasi marka sawirradan laga qaaday.
Yaxye Yuusuf
BANDHIGA BUUGGA EE HABEEN EERSI
M
adal-cilmiyeed si qurux badan loo soo agaasimay laguna gorfeynayay buugga la magac baxay Habeen-eersi ee ay qortay Dayax Axmed Maxamed oo ah gabar dhallinyaro ah oo ka tirsan AkadeemiyeGoboleedka AfSoomaalia (AGA) ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax, marti sharaf iyo dad aad u fara badan oo ka mid ah bahda qalinleyda iyo halabuurka, waxaana madashaasi soo qaban-qaabiyay Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA). Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay munaasabadii furitaanka madashaasi ayaa sheegay inuu guud ahaan bahda qalinka iyo halabuurka, gaar ahaanna dhallinyarada hibada leh uu ku soo dhaweynayo Madasha AGA ee loogu tala galay hiilka afka hooyo, dhiiri galinta qorayaasha, horumarinta hal-abuurka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxaana uu ku nuuxnuuxsadey inay AGA sii wadi doonto qabashada madala ha caynkaan oo kale ah. Prof. Afrax wuxuu shaaca ka qaaday inay Akadeemiyadu furi doonto Tartan lagu qiimeyn doono Buuggaagta iyo hal-abuurka ay ka midka yihiin Sheekooyinka iyo Maansada, kuwaasi oo lagu bixin doono abaal marino qiimo badan, waxaana uu dhinac kale iftiimiyey waxtarka weyn ee ay lafa-gurka buugaagta iyo faaqidaadda suugaantu u leeyihiin horumarinta halabuurka iyo kobcinta aqoonta. Waana sababta ay AGA xoogga u saari doonto.
Intaasi dabadeed waxaa la guda galay lafagurkii buugga, waxaana halkaasi gorfayntooda ku soo bandhigay Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus, Ustaad C/ llahi Shiikh Cabdi (Gacanka), Abwaan Salaad C/lle Cabdi iyo Seynab Xaaji oo ahaa lafa-gurayaashii soo aqriyay buuggaasi, kuwaasi oo madasha la wadaagey falaqayn kala duwan oo isugu jiray ammaan, dhalliilo yaryar, toosin iyo hoga tusaaleyn ku saabsan sheekada Habeen-Eersi. Qaar ka mid ahaa ka qeybgalayaashii madashaasi oo cabirayay dareenkooda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka ay AGA u soo abaabushay madashaasi, waxaana ay codsadeen in la joogteeyo, Gaba-gabadii madashaasi waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta iyo Hal-abuurka Wasaaradda
Madashaasi oo aad u xiiso badneyd waxaa iyaduna ka hadashay gabadhii qortay buuggii miiska saarnaa ee Habeen-eersi Dayax Axmed Maxamed, taasi oo ka sheekeeysay sida ay ugu suurta-gashay qoraalka buuggaasi, waxaana ay tibaaxday in buuggeeda lagu soo bandhigay Tobban goobood oo isugu jiray qaar ka mid ah Magaalooyinka Soomaaliya iyo labbo Carwo buuggaageed oo lagu kala dhigay Muqdisho iyo Garowe. Dhanka kale waxay u mahad celisay Gudoomiyaha AGA, Dr Afrax, oo ay ku tilmaamtay inuu yahay Barbaariye wanaagsan oo ay abaal weyn ugu hayso taageerada iyo dhiirrigalinta uu isku garab taagey iyada da’yarta kale ee ku hawllan dadaalka noocaan ah.
COSOB
12
Abriil 2018
Dhallinyarada iyo Isbortiga, Md Maxamed Cali Cilmi (Gaa-gaale) iyo Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Abwaanda Somaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed oo hambalyeeyay qabashada madashaasi lagu lafagurayay buugga Habeen-eersi. Madasha AGA oo ah madal Bille ah ayaa si joogtaysan waxaa ugu kulma bahda Akadeemiyada, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baarista, bahda Warbaahinta iyo guud ahaan inta ku hawllan ama jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon faafinta, waxaana si gaar ah uga faa`iidaysta da`yarta xiiseeya akhriska iyo qoraalka oo ay ka midka yihiin xubnaha naadiyada dhallinyarada iyo ardayda jaamacadaha.
YAA U MAQAN CARUURTA DERBI JIIFKA AH?
y
aa u maqan Caruurta Derbi Jiifka ah waa Warbixin gaar ah oo aan ku eegeenno xarruntii carruurta agoomaha ee ku tillay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose. Xarruntan ayaa waxa ay daryeel iyo waxbarasho siin jirtay carruur badan oo agoomo ah ama kuwa dib jirka ahaa ee qoysaskooda ka soo dhuuntay si mustaqbal loogu dhiso. Dowladdii horre ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa si weyn isaga xil saartay xanaaneynta carruurta agoomaha si ay mustaqbalka ay u noqdaan dad wax tara dalka iyo dadka. Qaar badan oo ka mid ah Carruurtii agoomaha ee ku jiray xarruntan Afgooye ayaa noqday kuwa ka dhex muuqday bulshada oo illaa heer ay mas’uuliyiin ka noqday dalkeenna. Ma ahan carruurta lagu daryeeli jiray xarrunta kuwa agoomaha ee xitaa waxaa la soo aruurin jiray carruurta dib jirka ah ee ka saaqida nolasha kuwaasoo haddii bulshada lagu fasaxo noqonaya kuwa dadka dhibka iyagana dhib isa soo gaarsiiyo, si looga hortago dhibaatooyinkaas ayaa carruurta darbi jiifka la keeni jiray xarruntan halkaas ayaana lagu siin jiray waxbasho iyo hooy. Xarruntan ayaa bishii Febraayo sannadkii 1987-dii booqday madaxweynihii horre ee Jabuuti Allaha u naxariisto Xasan Guleed Abtidoon oo isaga iyo wafidga uu hoggaaminayo ay booqasho ku yimaadeen Muqdisho. Booqashadaas waxaa ku wehlinayey madaxweynaha Jabuuti madaxweynaha Soomaaliya allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre. Carruurtii agoonta ee ku jirtay xarruntan ayaa wafdiga labada madaxweyne ku soo dhaweeyay heeso qiiro leh oo ay ka mid tahay heesta jinsiyad Soomaaliyeed baa nahoo jawaabteenna waa mid qura, nabadda waa jecelnahay iyo jihaadkanna waa naqaan jallaafada gumeysiga ma ogglin, annagu waa wadajirnaa iyo erayo kale. Diinteenna ayaa sidoo kale, noo tilmaameysa daryeelka iyo ka warqabka carruurta waalidkooda ay dhintaan ama ay kala taagan.
waxaana ka mid ah xarruntii agoonta ee Afgooye. Waxaa kaloo kordhay carruurta agoomaha ama waalidkooda waayey haba ugu badnaadan kuwa waalidkooda ay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay dalkeenna. Dad badan ayaa aaminsan in carruurta agoomaha ay kordheen maadama waalidiin badan ay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay dalkeenna. Si kastaba, dhowrkii sanno ee la soo dhaafay waxaa soo hagaayey xaaladda dalka waxaana muuqda rajo iyo ifafaalo xasilloon.
Carruurtu waa mustaqbalka dal kasta, sida loo daryeelo ayuu u ekaanayaa dalkaas horumarkiisa sida ay lee yihiin dadka daryeella carruurta.
Waxaa kaloo abuurmay xarrumo daryeela carruurta agoomaha ama kuwa danta, xarrumaha ayaa carruurta agoomaha lagu siiyaa waxbarasho billaash iyo cunto si nolashooda loo dabboolo.
Haddaba, wixii ka dambeeyay 1991-dii waxaa dalka uu lugaha la galay dagaallo sokoyee, waxaa burburay dhammaan hey’addihii bulshada loogu adeegayey
Lama hayo tirakoob sax ah oo ku aadan carruurta agoomaha ee ku nool dalkeenna balse waxaa xaqiiq ah in ay jiraan carruur badan oo agoomo
COSOB
13
Abriil 2018
ah kuwaasoo u baahan daryeel iyo waxbarasho si mustaqbalkooda loo dhiso iyaguna ay u noqdaan berri kuwa wax tarta bulshadooda iyo dalkooda. Intaas ayaa ku soo gabagabeeneynaa warbixintii gaarka ah ee aan ugu hadleynay xarruntii agoomaha ee Afgooye iyo burburkii kaddib oo xarrumo badan ay ka furmeen dalka kuwaasoo buuxiyey booskii xarruntii agoomaha ee Afgooye. Hada ayaa Dhalinyaro Iskooda isku xilqaamay waxaa ay Degmooyinka Gobolka Banaadir ka bilaabeen Shaqo Howleed ay kugu kuurgalayaan Xaaladda Nolaleed ee ay ku nool yihiin Caruurta loo yaqaano Derbi Jiifka iyadoona ay Xusid mudan tahay in ay jiraan Caruur badan oo ay indhahaagu qabanayaan markaad marayso Wadooyinka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Xaruumaha kale ee Dalka. Baashi Ali Haashi iyo MaxamedKaafi Ali Muumin
GABOOYUU KA GUURSADAY! WAA QEYBTII LABAAD EE UGU DAMBEEYSAY
x
aadsan intay dib iiga sii gurato ayay si diidmo iyo naxariis la’aan aad kadheehanayso ii tidhi bal soo gal oo waxan iska fur isna nadiifi yaan umadu nala yaabine. filanwaa raxinimadii aan filayay ee aan nafta ku shukaaminayay markiiba waayay.laakiin yididiilo igashay qoyskaygii yaan caawa uhoyan doonaa, allow aday galadi kuu sugnaatay hoos ka idhi.halkii casho diiran lay keen gogolna lay fidi ama laysii aan dhinaca saaro qol gooni ah ayaa lay tilmaamay inaan uhoyan doono caawa dabadeed, durba diiray oo dadkii uso yara ekaaday, hayeeshee “burkaba bahal kamaan filane” Cawaash oo ahaa saygii eeddaday ihanqalafsay oo markiiba eegmo iyo waji xun itus,kolkay usheegtay innan reerka kusoo biiray oon kamid noqon doono, talona waa tiisa.allow sahal amuuraha. Cawaash maaha dadka uu raxmada ilaahay qalbigooda ku beeray, waa manaxaan qorqoda ah xilkasnimana hadal keedaba daa, habeenkii halkaygii u hoyday sidiina ula jaanqaaday qoyskii eedo, hayeeshee maalin maalmaha kamida ayaa waxa igu dhacay waxii noloshayda sii hafin lahaa,ilay waa ciyaal iyo garashadiiye waxay colaad xuni na dhexmartay wiilashii eeddaday,waayo waxay ahaayeen kuwo aad ii neceb ina xumeeya oo igawdhiya ilana xafiiltama ileen “mukulaal minankeedii joogtaa miciyo libaax yay leedahaye”. anigu waan ka xoog iyo tamarba yarahay oo wan ka da’a yarahay, waanan habbranayaa ilay hooyo igasoo horbooda iyo aabo shafka(laabta) iituma midna kuma ogi garabkayga eh wanan isnabayaa, laakin galabnimadii isniinta ayaa laygu yeedhey masaajid yar oo xaafada ka ag dhawaa in wax lagu siinayo caruurta agoomaha ah,waxana la iisheegay inan ka qayb galo oo soo qaato quruskayga, waan tegay waanan soo helay,anigoo aad ufaraxsan oo waliba sidii maqashii u jeeraarinaya (bood-boodaya) farxad awgeedna baala daymoonaaya ayaan imi gurigii kolkiiba waxaa igusoo booday wiilashii eeddo oo waliba boob iyo dil isugu kay daray maaha markii ugu horaysay oo ay imahoobiyaan (damaaciyaan) igana qaadaan waxa aan khaaska u leeyahay. Isku day fara badan oo ay igu muquuriyeen ayay igaga qaadi waayeen alaabtaydii oo ahayd kabo waan ku mintiday waayo inyar maan kabo la’ayn oo cadceedu ima gubayn. waan isla xarbinay waxaan xarbinaba Baashe oo ahaa kii labada yaraa maxaadh isha daf hayga siiyo, halkii aan ku dhiig baxo , Cawaashna debada hay
tuuro albaabkana hayga soo xidho,wax kale daaye eeddana haw diido inay inna waxuun ii qabato, gabalkii baasaa halkii ha iigu dhaco,cidna garan maayo aan ku eerto afarta koonena roob mahiigaani haka curto, tolow ehel la’aantu ma cayn kanoo miidhanbaa, oohintana waxaad oydaa ilay markay cidi kaa naxaysaaye,horaa loo yidhi “qandhuurtii gacal laa handhaadhirta” miyir waxaa iigu danbaysay anigoo qadhqadhaya daad fara badana dhex jiifa, waxan soo baraarugay iyadoo qof aanan garanaynin madaxayga fadhiyo arladuna dugsoontahay waan soo booday laakin cod aan moodayo inaan hora umaqlay ayaa iyidhi,sug una kaadi dhaawac baad tahaye haysku deyin inaad nafta dhibto. Waxaan idhi waa tuma waayo cod dumar ayay lahayd waxay igu jawaabtay waa midaadan garanayn laakin ku danaynaysa,laamandooday kolkiiba oo gataati dhacay ilay baaxadsoore nafsoo martay yaan ahaye.kolkii waagii baryay ayaan indhaha kala qaaday waxan arkay guri yar oo buul ah inan dhex jiifo aradna ka hoos muuqdo waayo waxaa ku nool qof dumara oo da’ wayn ah waan su’aalay tumaatahay waxay isugu kay sheegtay in Cutiya layidhaahdo wax ubadana inan yar haysato hase ahaatee manta dabadeed ay curad leedahay labeeya inanteeda,waligay hora umaan arag laakin maxaan codkeeda usoo soocay oon ugu qaatay mid COSOB
14
Abriil 2018
maskaxdayda ku yaal oon hora umaqlay. Waa su’aal. Haa hadan gartay waayo waxuu ahaa cod naxariistii hooyanimo ku jirto,waxii aan gartay waxuun buu ahaa codka hooyada naxariista lahi ay ku tidhaahdo ubadkeeda. Halkii bay Cutiyi igu dhayday iguna baxnaanisay dhakhaatiirtiina waxay waxba ka qaban kari waayeen ishaan beeelay. waan ladnaaday sida kale,waxay cutiyi kaloo igu dartay iskuulkii dawliga ahaa waxaanan halkaa kala jaanqaaday noloo cusub in kastoo magacaygii mar labaad is badalay noqdayna Cawar, mudo markaan joogay ayaan ka dalbaday inay baalash ii iibiso saan dakhliga(masruufka) reerka uga qayb qaato waayo waxay ahyd Cutiyi sabool aan “cidina umaqnayn ceelna u qodnayn” ilaahay mooyaane wayse igu gacan saydhay waayo waxay tidhi dooni maayo hooyo Cawaalow inaad ka saaqido iskuulka, waxaanse usheegay inayna halkaa ka warwarin hooyaday waayo waa waxa keliya oo aanan dayici doonin waligay. Sidaa ayaan ku bilaabay galinkii danbe gelinna ku shaqaysto shaqada baalshka ama kabacaseeyaha,waan rafaaday balse waan ku faraxsanahay masuliyadaan qaaday,awood xumadu xumaa mar walboon suuqa ama goobaha kale aan joogo ayaan lakulmaa dhibaatooyin badan oo igasoo gaadha baalashlayaasha kale iyo dibjir oodhanba.Hadh iyo
habeen waxaan utaaagnay garaacid iyo boob waayo meeshan waa lays reebayaa, nabarada dushayda kuyaal waxay noqdeen kuwo aan cadad iyo xisaab toona lahayn,milil iyo malaxinna ka dhaansantahay. Waa kii abwaan gaariye lahaa Waxaa carartay siigo Calooshiisa qaawan Markii ay ku ciirtay Masraxii cadaabta Oo car iyo bay la’ Calalkii kafayday Kana curatay sheeko Cayayaankii fiirshay Cartanow bogiisa Boogaha cunaayey Dukhsi aad col moodo Oon cadad lahayni Caabuqii korkiisa Durba caasha saare Ana saasan kadhiganahay. Nasiib wanaag maalin ay cadceedu aad ukululayd ayaan daal iyo tamardarro awgeed is loodin kari waayay kolkaasaan fadhiistay wadada
dheegeeda,millicduna aad ayay u kululayd waan kadaloobsaday labada gacmoodna intaan isdhaafsaday oon jilbaha (ruugaga) ku qabtay yaan madaxa saaray mudo kooban oo aan daal dhacsanayay,si kedisa ayaan ku warhelay gaadhi agtayda lagu qabtay iyo qof madaxa iga salaaxaya oo leh maxaa ku helay? Sara ayaan u eegay markaasaan ciil daraadii la ooyay. Qofkii taagnaa waxu ahaa nin aad arkayso inay haybad iyo mansaba ka muuqdo,sara ayuu iikiciyay wuxuuna iga biiyay ilmadii oo i iyidhi ina keen halkan iskuma waraysan karnee.waan ajiibay codsigiisii,goob nasasho ayuu ila fadhiistay isaga iyo qolyihii lasocdayba, darxumadu dhafoorkayga ayay ka muuqataa oo iswaydiin maleh,lakiin waxa iswaydiin mudan sababta keentay inaan il beelo iyo sida wax looga qaban karo,waan u waramay siday wax udhaceen oodhana oodaan uga qaaday. U qaadan waa iyo amankaag argagax ayay ku noqotay, waxuun iisheegay inuu yahay madaxa hay’ada caruurta dhibaataysan udooda waxna uqabata ,si degdeg ahna waxuu igu diyaariyay safarkii aan ugu anbabixi lahaa dalka Maraykanka si la iigu soo daweeyo, sidaa ayaan ku galay dalka Maraykanka dawo iyo dhakhaatiir tayo lehna ku helay,kaba siidarane kolkii lay soo celin lahaa ayaan oohin qabsaday kuna dooday inaan laygu celin COSOB
15
Abriil 2018
halkii aan dhaayahaygii ku waayay, way iisuurta gashay waxaanan sida ku degay dalkan,waxbarasho waan ku dhamysatay ilaa heerka loo yaqaano (BHD),dalkii ayaan dabadeed kusoo noqday anigoo magic iyo maamuus, aqoon haybadi ku dheehantay xanbaarsan , waxaan isku dayey bal ina aan dooorooshooyinkii dalka ka qayb qaato, nasiib wanaag waxaan ku guulaystay inaan noqdo wasiirka maaliydda ee dalkayga hooyo waayo dhaqaalayahan ruug cadaaya ayaan ahay maanta.”nabsigu wuu wareegaaye “ waxaa gondahayga buuxiyay reerkaan kadhashay iyo waliba Cawaash iyo wiilashiisii.”Nin meeli u cadahay meeli ka madw “ aniga waxaa igu dheer Cutiya iyo innanteedii Filsan,waan raadiyay waanan helay Cutiya maaha qof caadiya waa hooyaday.haa waa hooyaday ee tolow maxaan ugu abaal gudaa,iswayddiiyay su’aashaa marar fara badan waxaanan go’aansaday inaan Filsan u guursado,waayo hooyo walba oo caalamka daafihiisa ku sugani waxa ay ugu jeceshahay waa guurka innan teeda iyo inay meel xun marin.way I aqbasahay Filsan waxaanan shaaciyey (baahiyay) innan guursandoono Filsan, qoob iyo qaylo fiintaa daluuntay,maad garanaysaa waxa ay qabiil ku sheegaygii la sawaxeen ee gantaal feedh dabadeed laga daray kaga xanuun badatay,waa hooyo Cutiya iyo Filsan oo ahaa beesha Gabooyaha loo yaqaan, ciil iyo cadho ayaa laysla dhex jibaaxay iyo ma isagoo wasiira ayuu ka guursanayaa Gabooye,oo miyay isgayaan,mise naag uqalantuu waayay oo Aji ah, galab jimca ah ayaan khudbad uqabtay dhamaan shacabkii oo ayna ka maqnay qabiil kaan katirsanaa waxaan halkaa kaga waramay noloshaydii madoobayd iyo waayahaan soo maray,markuu ilaahay illin xidhana mid kaluu furaa.sababta uu rafaadka ilaahay iimariyayna midhaheedii maantaan helay.waayo waakii ilaahay iyidhi ( )وع�سى أن تكرهو شيا وهو خيرا لكمwaxaanan baahiyay inuu magacaygu yahay Cawaale baalashle ,Cawar, iyo ciirsi laawana ku magac dheer. Qabiilka keliya ee aan aqaanaa ay tahay hooyo Cutiya siday shalay yaba iixanbaaratay anna maanta uxanbaaranayo. Halkii ayaanu ku aqal galnay aniga iyo Filsan,sidaasna ay ku noqotay marwada wasiirka maaliyada ee Cawaale Baalashle, in badan oo bulshada kamid ahina uriyaaqeen in badannina ay canbaareeyeen falkaas,qoyskii Cawaalana uu halkaa ku balaadhay kuna caana maaleen.Nasiib xumo wax caruura isumaan yeelan ama dhalin aniga iyo Filsan laakiin nolol farxadi kabuuxdo yaan kuwada noolnahay waxaananu korsanay wiil yar oo ay Filsan darbi kasoo heshay laguna magacaabo Cawaale yare waxuuna dhamaystiray farxadii reerkayga.si aad uqurux iyo qiimo badan ayan uwada noolnahay, waa hooyo Cutiya,Marwo Filsan iyo waliba labo cawaale,waa Cawaalihii waynaa iyo Cawaalihii yaraa. Asiya Abshir Aadan
MAXAA YAREEYEY KA QEYBGALKA DHALLINYARADA EE SIYAASADDA
D
hallinyaradu waxay bulshada Soomaalida ka tahay in ka badan 75 boqolkiiba iyadoo ay jiraan caqabado badan oo soo wajahay oo ay ku jiraan in ay marti ka yihiin xaq ay leeyihiin oo ah in ay door ku lahaadaan go'aaan qaadashada siyaasdeed ama ka qeybgalka golayaasha siyaasadda . Waxaa jira oraah ah 25 jir inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa , taas oo lafteeda qeyb ka ah caqabada heysta dhallinyarada keentayna in ay ku yaraadaan siyaasadda oo inta badan ay gacanta ku hayaan siyaasiyiin u badan jiilal xilliyo hore soo galay masraxa siyaasadda. “ Dadka waaweyn ee hore siyaasadda ugu jiray ayaa hortaagan dhallinyarada oo fursad u diiday “ ayuu yiri. Daneynta ka qeybgalka siyaasadda ee dhallinyarada lama dhihi karo ma jirto waxaase la dhihi karaa wey yar tahay sababo dhowr ah oo jira awgeed oo ay ugu horreyso xiliigan oo ay ku xiran tahay odayaasha dhaqanka ee beelaha oo soo xulaha wakiilada beelaha ee golayasha ay ku jiraan baarlamaanka ama xukuummadda , taas oo adkeysay fursadihii dhallinyarada ay kaga qeybqaadan lahaayeen go;aan qaadashada siyaasadda. Maxamed Faarax waa xildhibaan golaha degaanka ee magaalada Gaalkacyo oo uu ku biiray sanad ka hor isagoo 25 jir ah wuxuuna la kulmay xaalad ku dhaweysay in uu seego xilkii xildhibaanimo ee uu raadinayey markii uu hortagay odayaasha '' si dhib leh iyo gar qabsi ayaan ku helay fursaddan oo wax kasta oo aan karay waa bixiyey''. Tan iyo markii dalka ay ka dhaceen dagaalada sokeeye dhallinyaradu ma helin fursado loogu diyaarinayo in ay wajahaan mas'uuliyadda ah in ay talada ka qeybgalaan , waxaaase ay siyaasiyiinta ka da'da weyn ee qaarkood ku dhow 80 jir ee weli aan ka tanaasulin siyaasadda u adeegsadaan in ku gaaraan hadafyo ay leeyihiin , sida ay qabaan dhallinyarada qaar. Mustf Baaruud Cabdi oo wax ka dhiga Jaamacadda Hargeysa wuxuu aamisan yahay in marka laga tago arrimaha dhaqanka ay dhallinyarada hortaagan yihiin caqabado kale oo siyaasi ah . '' dhibaatada ugu weym waxay tahay
odayaashii iyo dadkii waweynaa oo an dhallinta booska u banneyneyneyn oo soo taagan''.
'' waxaa laga aaminsan yahay in ay yihiin kuwo aan gaari karin go'aano wax ku ool ah '' ayuu yiri
Xilliyadan dambe koofurta Soomaaliya ,doorka dhallinyarada ee arrimaha siyaasadda isbedelo ayaa ka muuqanaya waxaana xubnaha baarlamaanka, wasiirada , madaxda degmooyinka lagu arkayaa dad dhallinayaro ah tiro ahaanba ha isa yaraadeene hase yeeshee Somaliland fursadha nooocan ah dhallinyarada wey ku yar yihiin sida uu ka hadlayo Mustaf Baaruud.
Somaaliya sanadka 2020-ka waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho , taas oo meesha ka saareysa in odayaasha dhaqanka ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka ama lagala tashado xubnaha xukuumadda
'' halkan somaliland fursadaha noocan ah waa yar yihiin ama ma jiraan ''. ayuuu yiri Maxamed faarax oo sheegay in xilligan oo uu ku lug leeyahay siyaasadda isaga iyo dhallinyaro kooban oo ka wada mid yihiin xubnaha golaha degaanka Gaalkacyo ee uu ka tirsan mararka qaar ay soo wajahaan in ay ku adkaato in fikradaha ay qabaan ay hirgalaan ayna sabab u tahay oraahda ah 25 jir inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa wuxuuse aaminsan yahay in sababaha dhallinyarada siyaasadda ugu yar tahay ay ku jiraan.
COSOB
16
Abriil 2018
Caqabadan waxay sababeen niyadjab soo wajahay dhallinyarada oo horseeday in ay dalkoodii ka cararaan oo ka doortaan in ay tahriibaan iyagoo raadinaya xaalad nololeed oo ka wanaagsan tan ay ku jiraan, qaar kalena waxay ku lug yeesheen dagaalada iyadoo kuwo kale ku mashquuleen mukhaadaraadka uu ku jiro qaadka , wuxuuse Maxamed faaarax u arkayaa xalka dhibaatadan heysata dhallinyarada in ay tahay sidan. '' xalka waxaan u arkayaa in dhallinyarada qaataan doorkooda oo hurdada ka kacaan waxna ku yeeshaan talada dalka''. Ayuu ku soo gabagabeeeyey. Mohamed Shiil
ISTICMAALKA TAABUUGGA IYO XANUUNADA LAGA DHAXLO
I
nta aanan u galin dulucda Maqaalkaan, bal marka hore aan qeexno, waa maxay Taabuug, inteese laga keenaa?, Taabuuggu waa nooc ka mid ah Tubaakada, taasoo Afka la gashado, taasoo ay dadka cuno ku tilmaamaan inay ka helaan firfircooni, balse ay dhinac taallo dhibaatada uu u leeyahay caafimaad ahaan, waxaana laga keenaa Dalka Kenya, waxaana keena Diyaaradaha Qaadka. Baaritaan lagu sameeyay Dadka cuno Taabuugga ee ku nool Soomaaliya, ayaa waxaa u badan dhallinyarada, gaar ahaan kuwa dhigta Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha. Baartiaanno kale oo dheeraad ah oo lagu sameeyay Dadka isticmaala Taabuugga ayaa lagu sheegay inay u badan yihiin Gabdhaha, taasina waxaa lagu ogaaday, dadka ka shaqeeya nadaafadda goobaha Waxbarashada ayaa sheegay inay ka
soo ururiyaan Taabuugaasi musqulaha Gabdhaha, waxaase la yaab leh maxaa u sabab ah inay cunaan Hablaha da’da yar e mustaqbal ku leh Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed?, waase su’aal u baahan in dib loo baaro. Dalkeenna Soomaaliya waxaa marka hore dhibaato ku haayay Qaadka,Sigaarka, Shiishadda ama Badeecada iyo Tubaakada, kuwaasi oo maaro loo la’aa, waxaase hadda ku soo biiray nooc ka mid ah Daroogada oo lagu magacaabo Taabuug, taasoo ah halis kale oo soo food saartay Dhallinyarada soo koreysa, taasoo la doonayo in lagu baabi’iyo Jiilasha Mustaqbalka dalka iyo dadkaba wax tari lahaa. Qofka cuna Daroogada Loo yaqaano Taabuuga ayaa loo diray digniin xooggan oo dhanka Caafimaadka ah, haddaba sida aan ognahay wax kasto oo daraagis ah Saamayn ayay ku yeeshaan
COSOB
17
Abriil 2018
isticmaalaha, sidii doontaba ha ahaatee, waxaa lagu faafiyay Baraha Bulshada dhibaatada uu taabuugu u geesto Dadka isticmaala, taais oo Lagu muujiyay in uu aad u wax yeelooyo, Afka sida.Carabka. Ilkaha,Faruuryaha,Qaaxada iyo waliba Mindhicirada, waxaana xusid mudan in Baakadka ay ku jirto Taabuuggu ay ku dul qoran tahay Digniin ah, inta aad ka fileyso waxaa ka badan inta aadan ogeyn ee halis ah, si la mid ah digniinaha ku qoran Baakadka Sigaarka. Digniino badan ayaa lagu faafiyay Baraha Caafimaadka waxaana u badan dadka cuna dhalinyarada, waana qayb ka mid ah digniinaha loo diro Dhalinyarada Soomaaliyeed.
SONNA
DR CALI ISAAQ CABDI “HADDII DADKA JUUDAANKA QABA DADKA CUNI LAHAAYEEN,AABAHEY AYAA I CUNI LAHAA”
soo faafeen Degmooyinkii u dhawaa sida Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Shabeelada Hoose
Su’aal : Habkee ayaa loo daaweyn karaa: Jawaab:Daawaynta Xanuunka Juudaanka waxayna u baahan tahay qorshe waxaana howshaasi sameyn kara Dowladoo kaliya madaama uu Cudurka uu ka mid yahay Xanuunadda Faafa , habka Daaweynta Xanuunaka Juudaankakama duwana sida daaweynta Qaaxada oo ruuxa qaba Xauunka Juudaanka waa lagu hubsadaa Daawada oo waxaa loo baahan yahay in mar waliba yimaado arunta Daawada
Su’aal Daawadee ayaa ugu Muhiimsan in uu qaato Bukaanka ?
W
axaa ii suurta gashey in aan Wareysi la yeesho Dr Cali Isaaq Cabdi oo ah Dhaqtar ku takhasusey Xanuunka Juudaanka (Leprosy) waxaana uu u dhacay Wareysigii Sidatan Su’aal:Maxaa keena Xanuunka Juudaanka ? Jawaab:Juudaanka waa Xanuun ka mid ah Xanuunada aadka u faafa oo haleela Cidiyaha,Unugyada Maqaarka sida Dham aan Lakabyada Maqaarka oo dhan isagoo marka dambe gaara qaybta Baruurta ilaa Murqaha. Kaasoo aakhirkii waxyeello u geysta Xarunta Dhexe ee Maskaxda "CentralNervous System (CNS) sidoo kale Xanuunka Juudaanka waxaa keena Bakteeriyada la yiraahdo(Mycobacterium Laprea)
Su’aal:Maxaa kuugu Dhalliyey in aad Barato Daaweynta Xanuunka Juudaanka ? Jawaab: Waa Su’aal aad Muhiim ah, in aan barto Daaweynta Xanuunka Juudaanka waxaa igu dhaliyey marka hore aan kuu sheegee, Xanuunkaa waxaa u Geeriyoodey Aabaheey sidaa Darteed mar hadii uu aabahaay u dhintey Xanuunkaas ayaan Goosatey in aan barto Cilmiga Caafimaadka gaar ahaan Xanuunka (Leprosy) Juudaan si aan Bulshada Soomaaliyeed uga daaweeyo oo uusan ruux kala nooga dhiman ama nooga dhicin Su’aal:Qaar ka mid ah Bulshada
Soomaaliyeed waxay qabaan in Ruuxa qaba Xanuunkaan Juudaanka uu dadka uu Cuno taas maxaa ka leedahay? Jawaab:Dadka qaba Fikirkaas waa dad wax ma garato ah, waxaa la yaab leh Ruux Xanuunsan oo u baahan in la caawiyo in la yiraahdo dadka ayuu Cunaa waa wax aad looga xumaado , Runtii haddii dadka Juudaanka dadka Cunaan Aabaheey ayaa I Cuni lahaa marka weli Bulshada waxay u baahan tahay in la wacyigeliyo si loogu sheego in Xanuunkaa uu ka mid yahay Xanuunada dunida ka jira Su’aal:Xanuunka Juudaanka ma ka mid yahay Xanuunada la iska Dhaxlo? Jawaab:Xanuunka Juudaanka ka ma mid aha Xunuunada la iska dhaxlo waayo Aabahey markii uu Xanuunkaas uu haleeley Caruur fara badan ayuu dhaley kuwaa oo Maanta Caafimaad qaba marka waa Cudur aan la iska dhaxlin , aan kuugu siidaree aniga ayaa ka dhaxli lahaa Aabahey Xanuunkaas Su’aal Maxaa Xanuunkaa ku badiyey Dhulka Koonfurta Soomaaliya ? Jawaab:Maya sidaa ma aha, Dowladii Hore ayaa Xarun weyn oo lagu Xanaaneeyo dadka qaba Xanuunka Juudaanka ka furtey Deegaan ku dhow Magaalada Jilib, Runtii Xaruntaa waxaa ku jirey Dad laga keeney Dhamaan Goboladda Dalka, sidaa darteed markii Xaruntaa ay burburtey ayaa dadkii ku Xareysnaa Xaruntaa waxay ku
COSOB
18
Abriil 2018
Jawaab:Daawada ugu Fiican waa"Dapsone”waxana la soo saaray 1950kii, waxaa sooraacaRifampicinoo Soomaalida ay u taqaanRifidiin.Sidoo kale waxa kamid ah Daawaayinkaas (Clofazimine(Lamprone)dhammaan daawooyinkan waxay waxtar leeyihiin iney toos u baabi’iyaan Bakteeriyada keentay cudurka Juudaanka. Waxaa la xaqiijiyay in seddex maalmood `kadib qaadashada daawda Juudaanka uusan bukaanku wax halis caafimaad uusan ku haynDeeganka iyo dadka uula nool yahay, waayo ma gudbin karo cudurka, daaweynta ugu yaraan waa hal sano oo xiriir ah taasoo haddaba qiimayn lagusameynayo xaalada bukaank a.
Su’aal Sidee Looga Hortagi Karaa?: Jawaab:Waxaa looga hortagi karaa talaabooyin badan oo la qaado sida in lahirgaliyo xarumo caafimaad oo heer Dowladeed si loo helo Goobo Baaritaan sidoo kale waxaa loo baahan yahay Goobo lagu Xareeyo dadkaas inta ay dhameysanayaan Daawada
Su’aal:Maxaa ku talineysaa oo aad bulshada u sheegeysaa? Jawaab:Waxaan bulshada u sheegayaa in xanuunkaasi uu iIlaah keeno lana mid yahay xanuunada la daaweyn karo, Daawadiisuna la mid tahay Xanuunada kale, sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in la kordhiyo Wacyi gelinta Bulshada si meesha looga saaro Faquuqa lagu hayo dadka qaba Xanuunka Juudaanka
Amiin Yuusuf Khasaaro
GACANTII DAHABKA AHAYD EE NELSON MANDELA OO LAGU IIBIYEY 10 MILYAN OO DOOLAR
G
acan dahab ka sameysan oo hadda ka hor laga sameeyay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayaa haatan lagu kala iibsaday 10 Milyan oo dollar oo lacagta Digitalka ah ee Bitcoin. Malcolm Duncan oo ah ganacsade South African ah ayaa iska iibiyay gacantan dahabka ah, waxaana ka iibsaday shirkadda isweydaarsiga lacagaha digital-ka ah ee cryptocurrency ee laga leeyahay Canada waxay kaloo shirkaddu ninkan ka iibsatay 4 waxyaabood oo qaali ah horraantii bishan, waana markii ugu horreysay ee Bitcoin lagu kala iibsado waxyaabo taariikhi ah oo uu ku saabsan halgamaagii hore ee Koonfur Afrika, Mandela. Gacantan dahabka ah oo culeyskeedu dhan yahay 9Kg oo ka sameysan dahab saafi ah ayaa la diyaariyay 2002, waxaana Mandela gacantan ka sawiratay shirkadda Harmony Gold ee Koonfur Afrika, 12 sanadood kaddib markii xabsiga laga sii daayay Mandela iyadoo gacantanna uu ka iibsatay Duncan oo xilligaa kaga gatay qiimo jaban. Duncan oo 62 jir ah haatanna ku nool Canada ayaa sheegay in uu
laba jeer la kulmay Mandela horraantii 2000, waxaana Mandela oo 27 sanadood xabsiga ku soo qaatay kaddib markii uu ka hor yimid caddaankii gumeysanayay dalkiisa. Mandela ayaa xabsiga ka soo baxay 1990kii, waxaana loo doortay madaxweynihii South Africa sanadkii 1994kii isagoo xilka hayay illaa 1999kii, ka hor intii uusan geeriyoon 2013-kii isagoo 95 jir ah ahaa, waxaana ganacsato fara badan ay ka faa’iideysteen magicii iyo sumcaddiisii iyagoo magiciisa ku helay hanti aad u fara badan
COSOB
Yaxye Yuusuf
19
Abriil 2018
NOLOSHA IYO QOYSKA XULASHADA IYO FAHAMKA QOYSKA
W
axaan soo dhamaysanay qormadeenii u dambaysay eek u saabsanayd soomalidda iyo waxay ka aamin san yihiin dadkaan guursan ama guurka ka daaha, waxaan mowduuceena bishaan iyo bilaha soo socda noqon doonaa xulashadda iyo fahamka qofkaad noloshaada la qaybsan lahayd, waxaan kaga jawaabi doonaan, suaalo muhiim u ah dadka guurdoonka ah laakiin aan fahamsanayn waxay wax ku xulan lahaayeen iyo sifooyinka ay ku xulan lahaayeen, sidoo kale waxaan kaga jawaabi doonaa, maxaa fashiliyo dadka guur doonka xiliga hore ee ay sheeko wadaag noqdaan, waxaan filayaa inay ka faaidaysan doonaaan dhalinta guud ahaan,. Qoysku waxuu ka dhashaa heshiis sharci ah oo dhex mara laba qof oo lab iyo dhedig ah, oo doonaya inay ah wada noolaadaan inta ka dhimman noloshooda isla markaana helaan taran dad. qoysku waa saldhigga ay ka soo baxaan bini-aadumku, hadii aan si kale u dhigo waa warshadda bini-aadamka soo saarta. Inta badan heshiiskaas qoyska lagu dhisayo waxaa soo jeediya ragga, wuxuuna hirgalaa marka gabadhu aqabasho, hadii ay diidana waa xaquuq ay leedahay. Xulashada iyo fahamka qoysku waa qodobka ugu muhiimsan ee laga donayo in qof kasta oo guur doon ah uu si wanaagsan u fahmo, intuusan guursan ka hor. Waayo waxaad bilaabaysaa inaad kala doorato waddada sacaadada ama shalayga.
MAXAA FASHILIYA GUURKA BILOWGA AH. Waxaan la kulmay dumar iyo rag badan oo guurkoodii koobaad ku fashilmay isla markaana go,aaan ku qaatay inaysan guursan mar dambe sababtoo ah, waxaa maankooda ku kaydsan dhibaatadii guurkii koobaad ay kala kulmeen, waxayna aamineen in guurku dhammaan sidaa u dhib badan yahay. Waxyaabaha ugu waawayn ee fashiliyay guurarkaas waxaan u malaynayaa inay ugu waawaynaa inaysan si fiican uga fikirin xulashada sidoo kale waxaaba ku yaraa fahamka doorashada, intaa ka sokow waxaa jira laba qodob oo fashiliya guurka bilowga ah oo kala ah Beenta iyo Faanka.
BEENTA: Soomaalidu inta badan waxay aaminsan yihiin qaacido qalad ah oo aan shaqaynayn wakhtigaan casriga ah, qaacidadaas oo ah (Dumar been baa lagu xero-galiyaa Runna Waa lagu dhaqaa) kalmaddaa kooban waxay qoysas badan galisay wareer iyo kala fogaansho, waayo , ragga iyo dumarka mustaqbalka doonaya inta badan waxay isu sheegaan been iyo khiyaali aan jirin, wuxuuna qof walba isugu geynaa awoodiisa in qofka kale uu qanciyo isla markaana saamayn ku yeesho qalbigiisa, taasna waxay u marayaan Been. Hadaba akhristow waxaan ku waydiiyay waligaa ma aragtay beenlow ku najaxay been? Mase tahay wax wanaagsan inaad qoys aad dhisayso ku dhisto been iyo khiyaali la ogaan doono mudo gaaban dabadeed? Waxaan filayaa inay tahay waxaan dhicin in qof nool oo aad mustaqbalkaaga oo dhan u dhibayso aad been iyo waxaan jirin ka dhaadhicisid, kuna noolaataan farxad iyo fur furnaan,. Beenta waa shay xun oo aan lagu aqoon ummada nabi Mohomed (scw) nabigu scw wuxuu yiri, ummadaydu waa dhici kartaa inay sinaystaan, waana dhici kartaa inay wax xaddaan laakiin ummadaydu Been ma sheegto. Dhinac dhaqankeena qofkii been lagu barto ummada dhexdeeda xurmo iyo
COSOB
20
Abriil 2018
sharaf kuma lahayn, waxaana loo bixin jiray beenlow, sidaa ayuu ku ahaa qof calaamadda beenta ah la raaciyay magaciisa si ummadu u fahamto. Beenta maanta qoysaskeena duminaysa waxaa ugu wayn, sheegasho dhaqaale aan jirin iyo balan qaad ujeedku yahay in mar aroos la galo , waxaadna arkaysaa qoys mudo gaaban wada joogay oo gartooda lagu jiro, marka beenta intaan guriga ladhisin la isu sheegayo rag iyo dumarba waa in la joojiyaa ileen waa aragnay meesha ay na gaysaye..
FAANKA: Faanku waa sheegasho waxaadan ahayn, sida inaad tahay aqoon yahan, inaad u shaqayso shirkad caalamiya iyo inaad leedahay hanti aadan lahayn, faankaa waxaa ka mid ah inaad sheegato Qoys caan ah iwm. Marka faanka aan joojino ma ahan inaad naftaada ku sheegtid waxaysan ahayn. Faanku inta badan waxuu la xiriraa ka sheekeyn naftaada, quruxdaada, dharkaaga, joogaaga, gaarigaaga, iyo waxaad haysatoo dhan, qofka ka sheekeeya naftiisa waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay dadka ugu caqli hooseeya dunidda, waayo waxaa la yiri: dadka caqliga leh waxay ka hadlaan fikradaha, dadka ku xigana waxay ka hadlaan dhacdooyinka, dadka ku
shirkada ku soo biiraya. Waxaa la waydiiyaa su’aalo badan oo toos ah, mid qoraal ah oo warqad laga buuxinayo. sidoo kale waxay ka qaadaan imtixaan jirkiisa ah sida aragiisa, fahamkiisa, xubnihiisa, qaabka istaagiisa, hadalkiisa, dhaq dhaqaaqiisa, iyo waliba caafimaadkiisa guud ahaan. Su’aalaha la waydiinayo waxaa ka mid ah, wuxuu ku doortay inuu shaqadaan soo doonto; wuxuu filayo inuu shirkadda ku soo kordhinayo; wuxuu bartay; waayo-aragnimadiisa; muddaduu shaqaynayay; inuu guursaday iyo inkale; balwaddiisa; waxayaabaha uu jecelyahay inuu qabto waqtiguu firaaqada yahay iwm. Ujeeddadu loo waydiinayo su,aalahaa badan ee taabanaya noloshiisa, Aqoontiisa, waayoaragnimadiisa iyo dookhiisa waxay tahay, in la hubiyo in shirkadu qaadato qofkay u baahnaayeen ee matali lahaa magacooda, una noqon lahaa shaqaale ka shaqeeya horumarka iyo guusha shirkada, waxayna iska ilaalinayaan inay shaqaalaystaan qof aan u qalmin inuu shirkadooda ka shaqeeyo ama aan bulshada dhexdeeda xurmo ku lahayn.
xigan waxay ka hadlaan waxyaabaha la sameeyo ee dhal dhaala, kuwa ku xiga oo dambeeya waxay ka hadlaan naftoodda, marka ogoy inaad ku jirtid meesha ugu hooseysa dhinaca caqliga haddaad xariif ku tahay inaad ku faanto naftaaada, qoyskaaga iyo quruxda naagtaada iyo carruurtaada.....
XULASHADU WAA MAS’UULIYAD Waxaa loo baahan yahay in dhallintu fahmaan, in guurku yahay masuuliyad culus oo aad qaadaysid, waayo waxaa masuul ka noqonaysaa guri ay joogta haweynaydaad ka dooratay dumarkoo idil, sidoo kale waa in laga fekeraa in guriga ay ku soo biirayaan awlaaad u baahan ilaalin iyo dhowris, si gurigaasi u noqdo mid jira oo ka dabaaasha mowjadaha mushkiladaha magaalooyinka yaala. Waxaa yaab leh in dhallinta ay waqti badan geliyaan si ay aad uga fekeraan kooxda ay banooniga la ciyaaraan ee ay ku biirayaan, saaxiibkiisa iskoolka iyo jaamacadda uu gali lahaa markuu iskoolka dhammeeyo. Dhinaca guurka marka laga hadlayo waqti iyo feker midna ma galino. Waxaa xusid mudan in shirkadaha iyo urrurada caalamiga ah ee qaata shaqaalaha ay samaysteen nidaam iyo hanaan cad oo ay ku qaataan dadka
Kawarran markaad dhisaysid mustaqbalkaaga oo aad dooranaysid gacalisadaada ama gacaliyahaaga, ee aad ku aamini lahayd naftaada, maalkaaga, iyo magacaaga,? Ma waydiisay naftaada waa kuma qofkaad doonayso inaad noloshaada inta dhimman la qaadato.? Xirfad noocee ah ayaan ku dooranayaa? Maxaase doonayaa guurka ka dib inaad helo.? Sidee noloshaan cusub ugu diyaargaroobay? Geedkaan abuurayo mid har-wayn leh oo la harsado ma noqon doonaa? miro noocee ah ayaanse doonayaa inaan ka goosto? Waxay ila tahay in furriinku yaraan lahaa, qoysas badana liibaan ku dhamaysan lahaayeen noloshooda, hadii labada lammaane ee midoobaya ay waydiiyaan naftooda su’aaalaha kor u xusan, isla markaana ay ka jawaabaan inta aysan jacayl abuurin. Waxaa kaloo ila tahay in labada qof ee doonaysa inay midoobaan uu midba kan kale u gudbiyo warqad qoraal ah oo dhammaystiran beenna aysan ku jirin kana warramaysa noloshooda, dookhooda, aqoontooda, waayaaragnimadooda iyo doonistooda. Markaad si fiican u dhuuxdid qaabka uu ku bilowdo guurkeenu, waxaad fahmaysaa inaan ka liidano shaqaale la qoranayo. Ka warran noloshaada inta dhimman oo dhan qofkaad doonaysid inaad wada qaadataan, miyayna hobooneen in baaritaanka la maro, ka dibna qof walba uu caashaqo qofka uu is-leeyahay waad wada noolaan kartaan kana fogaado midkuusan doonayn. Waxaan ku talinayaa maaddaama raggu leeyihiin dalabka guurka in ay sharuudaan keenaan, gabdhuhuna ka jawaabaan intaysan aqbalin soo jeedinta, qof-kasta-na ku qimeeyo kan kale dareenka ay ka qaataan qoraalka uu u soo gudbiyo ee ka hadlaya dhamaan
COSOB
21
Abriil 2018
noloshiisa, sida Diintiis, Akhlaaqdiisa, caafimaadkiisa, dookhiisa, iyo aqoontiisa.
HABKA QIIMAYNTA XULASHADDA Qoyska dhismihiisa waa loo ilaaalo tagi jiray, muddaana la daba socon jiray si loo hubiyo in qofkaad doonayso yahay qofkaad u doori lahayd inuu kula wadaago noloshaada. Aniga waxay ila tahay in maadaama la jooga aduun is bedelkiisu aad u sareeyo in qofka guursanaya isticmaalo caqligiisa iyo qiimayntiisa. Waxaa jira sedex caqli oo ilaahay dadka u qaybiyay , caqliga wax lagu qiimeeyo (analytical intelegence,) caqliga wax lagu farsameeyo (technical intelegence) iyo caqliga hal-abuurka dhaliya (intepreunear intelegence) markaad guur ka hadlayso waa inaad garaadkaaga iyo qiimayntaada isticmaashaa, ilaahay waxuu ku siiyo indho aad wax ku aragto, dareeen aad wax ku dareento, iyo dhego kuu soo gudbinaya codka qofkaad la hadlayo si garaadkaagu u fasiro, garaadka ilaahay dadka siiyay wuxuu ku yimaadaa laba midkood, inuu ku dhasho oo qof caqli badan oo faham badan yahay sida soomaalidu u badan tahay, ama in qofku wax bartay ama mudo soo joogay, marka waxaan rabaa in garaadkaaga istimcaashid qaybta wax qiimaysa , kuna qiimaysid cidaad mustaqbalkaaga la wadaagaysid si aad u hesho qofkii kugu haboonaa.. Waxyaabaha ugu mihiimsan ee inaad baadho u baahan waa inaad fahamtid waxyaaabaha aad isku si u aragtaan iyo waxyaaabaha aad ku kala aragti duwan tihiin. Hadii ay waxyaabaha aad iska midka tihiin ka badan yihiiin inta aad ku kala duwan tihiin, waa xaalad laga wada hadli karo, laakiin hadii aad waxba isaga mid noqon waydaan oo isaga wuxuu ka fekarayo mustaqbalka dhinaca qoyska iyo adiga hammigaagga kala duwan yihiin , waqti badan yuu kaa lumin ee raadso qof aad isku han tihiin iyo isku himillo oo aad isku wado qaadi kartaan. Waxyaabaha adiga qiimaha kuu leh ama qiyam kuu ah (values) hadaad isaga mid tihiin , waa fiican, qiyamku waa waxa lagu kala saaro xumaanta iyo samaanta iyo waxyaabaha adiga nolosha qiimaha kuu leh sida inaadan been sheegin, inaad xumaan samayn, inaad diinta ku dhimato, inaad baari u noqota waalidka, inaan salaadu kaa tagin, inaad wax barato. Inaad xurmayso dariska, iwm. Abwaan seenyo ayaa yidhi “xumaan Nimaan ka tagin xil looma asteeyo” marka waa muhiim inaad caqligaaga ka faaidaysato, ma ahan in adiga lagaa faaidaysto.. marka si aad u ogaato qofkaad doonayso waa inaad baaritaan samayso.
Osman Sheekh Ahmed
MURTIDA IYO MAADDA 14. NIN AAN DUL MARIN DHAAYO MA-LEH
N
in yaa waxa uu iibsaday dal kugal(passport) uu islahaa ku dhoof, kaddib ninkii waxaa la
siiyay talooyin waxaana lagu yidhi, waryaa markaad diyaaradda raacdo laba meelood ayaa ay kula istaagaysaa,meesha koobaad waa dubey, marlabaadkana waxay istaagaysaa waddan kamida waddamada yurub ,marka ay diyaaraddu istaagto istaaga hore ha isdhiibin,laakiin waxaad isdhiibtaa mar labaadka ay istaagto, basaboorka aad sidatana jeex jeex oo suuliga raaci, markaas adiguna is dhiib ,ninkii waxa uu qaatay taladii waxaanu fuulay diyaaraddii sidii ayaa ay diyaaraddii ku duushay,nasiib darro diyaaraddii waxaabay si kadis ah u martay jabuuti oo aan ninkan khadkaba ugu jirin, kaddibna ninkii diyaaraddii markay ladagtay jabuuti ayaa waxa uu bilaabay in uu tirsado waxaana uu yidhi kawdhe halkaas, marlabaadkii ayaa waaxa ay dagtay oo ay soo cagadhigatay dubay ninkii waxa uu is yidhi waadigaa soogaadhay halkaad ku socotay intuu dal kugalkii (passportkii) jeex jeexay ayaa uu isdhiibay waxaa ba uu u haystaa in uu yurub tagay,Ninkii sidii ayaa lagu qabtay laguna xidhay,muddo kaddibna waxaa loo soo tarxiilay somaaliya.
15. GAADHIGA AY ISKU HAYSTAANBA ANAA FURIHIISII HAYSTA. Koox dhallinyar ah oo ah dadka maskaxda ka xanuunsanaya ayaa waxa ay ku jiree cilaaj waxaanay ku xidhnaayeen qol,Ninka dhakhtarka ah ee jooga cilaajku waxa uu eegi jiray subax walba bal inay kasoo reeyeen iyo inkale waxaanu subaxwalba eegi jiray sida uu xaalkoodu yahay . Subax ayaa waxa uu arkay laba wiil oo gaadhi ay ku sawireen gidaarka isku haysta, kaddib dhakhtarkii waxa uu u dhaqaaqay dhankooda waxaanu waydiiyay maxaad isku haysataan? Wiilashii ayaa uu mid kamid ahi ugu jawaabay dhakhtarkii gaadhigan ayaan
doonayaa inaan kaxaysto isna wuu ii diidayaa ,dhinaca kale wiil saddexaad oo ka xigay ayaa qosol ku dhuftay, dhakhtarkii ayaa inta uu eegay ku yidhi maxaad ku qoslaysaa adigu ? wiilkii qoslaayay waxa uu ku jawaabay ‘’gaadhigan ay isku haystaanba anaa furihiisa haystaba’’,dhakhtarkii waxa uu ogaaday in wiilashu aanay kasoo rayn ee ay u baahanyiin nasasho iyo daawayn badan.
16. HA KOOBIYAYNIN HADDII AANAD BESTI GARAYN KARAYN.( DON’T COPY IF U CAN’T PASTE) Nin hadal yaqaan ah (speaker man) ayaa waxa uu damcay in uu u madadaaliyo dadka dhagaysanaaya waxaanu ku yidhi’’Sannadadii iigu wanaagsanaa iiguna farxadda badnaa
hooyaday’’dadkii farxad ayaa ay sacabeeyeen. Wiig kaddib Nin kamida dadkii joogay ee dhagaysanaayay ninka hadal yaqaanka ah ayaa waxa uu tagay gurigiisii waxaanu damcay in uu gurigiisa ka sameeyo madadaaladii uu ka soo maqlay ninkii hadal yaqaanka ahaa,goor ay jirtay ceeryaan aad u badan oo ay gabadhiisuna samaynayso quraac waxaanu ku yidhi ‘’sannadadii isoomaray waxaan gacanta hayay gabadh aan ooridayda ahayn,gabadhii naxdin iyo yaab ayaa ay la baxday,20 daqiiqaddood ayaa uu isku dayay in uu raaciyo intii kale ee ku jirtay kaftanka laakiin waa uu liqay manuu xusuusan,wakhti kaddib ninkii waxa uu soo miiraamay isaga oo ay kalkaaliyayaal caafimaad ka dhayayaan dab ka soo gaadhay biyo kulul oo ay gabadhiisu ku shubtay.
waxaan gacanta hayay gabadh aan ahayn xaaskayga !’’Dadkii dhagaystayaasha ahaa oo dhami waa ay naxeen,waxaanu hadalkiisii siiraaciyay ‘’gabadhuna waxay ahayd
COSOB
22
Abriil 2018
Mubaarig Farxaan Faarax (Araye)
dhashidna, ka Irsaaqad-tag.
NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!! QEYBTA 8AAD
Lafteedu waagii hore ma aqoon dhunkashada ee, Haruuse ayey ka soo baratay. Markii ay aragtay in uusan aqoon Sawracna, waa ka daysay, waxa ayna si kal-iyo-laab leh uga mahadcelisay wanaagga uu u galay. Halkaas ayaana habeenkaas la isku macasalaameeyey, iyada oo ay Samawada uga dhignayd kulankaas Jannadii Adduunka.
W
iilkii Sawrac ahaa, arrintaa filin-waa ayey ku noqotay. Wuu arkayaa, in uu kulanku dantiisu ahayd ‘sheego Uurka’, laakiin haddana waxaa ku adag in uu Uurkaas dhabarka saarto. Cabbaar ayuu aamusnaa, oo uu fekerayey, oo maxaad sameysaa uu islahaa. Gabadhan indhisiisa ayuu ka jecel yahay, oo kama tegi karo. Haddii uu xilli kooban talo isweydiinayey, waxa u soo baxday, in uu inta dhanka Bini-Aadanimada eego, uu asturo jacaylkiisa ay maleeshiyaadbeeleedku faraxumeeyeen. Markaas baa waxaa uu ku yiri “Abbaayo, horta waan ka xumahay dhibka ku qabsatay, ee ay qawlaysatadu kuu geysatay. Abbaayo, waad og tahay in nin kasta ay ku culus tahay xambaarashada cunug uusana dhalin, laakiin aniga oo arrintaas og, ayaan calool adayg darti, aan doonayaa in aan maanta ceebtaada asturo, Alle Idankina sida aad igula soo dhiirratay, waan kaa yeelay codsigaas, aniga ayaana sheeganaya Insha Allahu”. Laakiin intaas waxa uu u raaciyey, in ay si hoose isku mehersadaan, maaddaama aysan macquul ahayn, in hadda la is doono. Taasna waa lagu heshiiyey, in ay dhacdo laba habeen kaddib. Gabadhii Samawada ahayd, habeenkaas neef ayaa ka soo fuqday, aad ayeyna ula dhacday, sida uu u aqbalay Sawrac codsigeedii, uuna uga kor qaaday dhibtii ku taagnayd iyo kurbadii haysatay. Mar walbaba waa ay rabtay in ay korka ka saarto, xitaa haddii uu diido ee, laakiin, isagii baaba u fududeeyey. Waxa ay damacday in ay shummiso, oo ay ku tiraahdo “Macaane mahad-sanid”, laakiin dhabankiisa waa ka duway bishimaheedii, waxa uuna u arkayey dambi dhunkashada gabar uusan qabin.
Sawrac, isaga oo yaabban ayuu gurigiisii tagay. Arrintaan ku soo korartay ayaa fajac ku noqotay. Gabadhii uu jeclaa heliddeedii, waxaa ka mashquuliyey ‘Aabbe-laawaha’ dusha-saarashadiisa! Waa uu sii fekeraa, intii uu gurigiisii u socday. “Gabar Shan Bilood ah, oo Uur kuu leh miyaad qarin kartaa iyo hadda halkeed geyn kartaa?”, ayuu is weydiinayey. Sidii uu iskula sii sheekeysanayey, ayuu go’aan ku gaaray, in haddii uu dhabarka saartay ilmahaas, in sidii lagu ballamay, uu meherka dedajiyo iyo in uu reerkiisa la wadaago guurka iyo Uurkaba. Saas buuna yeelay, oo Samawadana hoos buu ka meheriyey, reerkiisiina waa lawadaagay guurkiisa. Samawada, xoogaa kale markii ay sii qarsatayba, Uurkeedii si fiican ayuu bannaanka u yimid, waxaana isla markiiba weydiisey eeddadeed, waxa ayna u sheegtay, in la-guursaday iyo weliba cidda guursaday. Waxa ay sidaas oo kale guriga ugu keentay wiilka guursaday. Eeddadeed oo awalba dariiq ay u soo marto la’ayd ayaa maalmo kaddibba Samawada gurigii ka cayrisay, iyada oo ku tiri “I dhaaf, oo orod ciddii ku guursatay aad”. Iyada oo Bac-madaw wadata ayey subixii dambe u timid Sawrac. Arrintii markii ay u sheegtey, ayuu war kale ma yaallee, geeyey gurigoodii. Hooyadii iyo walaalihiis runtii aad bey ugu farxeen gabadha quruxda badan oo wiilkoodu keeney iyo Uurkeedaba, horeyna waa ola socdeen, in uu guursaday. Waa soo dhaweeyeen, qolalka Buushkana mid ayey u firaasheen. Wixii ay heli kareen; maal, mood iyo soo dhaweynba waxba kama hagran. Samawada, horey uma arag guriga Sawrac. Danta ayaa ku kallifeysa mooyee, kama helin Isqanbuuska. Xitaa mararka qaar waa laga dareemaa in aysan ASH ku hayn guriga. Ma sii dooneyso in ay gurigaas ku sii noolaato, keliya waxaa ku jirta, inta aad ka dhalaysid iska dul-qaado, marka aad
COSOB
23
Abriil 2018
Samawada, Uurkeedii bannaanka ayuu iska yimid, waxaana laga wada ogaadey Iskoolka oo dhan. Laakiin, waxaa farxad u ahayd in ardeyda oo dhan aaminsanaayeen in ay guursatay, oo Uurka sidaas ay ku yeelatay, taas oo gabdho badan ugu hambalyeyn jireen, laakiin waxa ay Samawada ka qarin jirtay saaxiibbadeed, in wiilka Biyaha ku gada Laamiga ee ay yaqaaneen uu qabo, oo arrintaas waa ka xishoonaysay, maaddaama iyada iyo gabdhaha kalaba u arkaan wiil miskiin ah, oo aan u qalmin, waxa ayna ugu sheegi jirtay in uu guursaday, wiil Hormuud u shaqeeya, oo waa-weynka ah. Samawada, laba bil kaddibba, Iskoolkii waa dhammeysay, iyada oo 7 bilood ah. Waxa ayna markii ay Iskoolka dhammayseyba, isaga ururtay gurigii Sawrac, maaddaama ay aad u cuslaatay. Samawada, markii ay umushay, oo ay dhashay wiil, ayey saddex bil kaddibba, inta wiilkii reerkii u dhigtay, gaari u socday Kismaayo fuushay. Uma sheegin Sawrac iyo reerkiiba bixitaankeeda. Kismaayo waa halka aabbeheed iyo hooyadeed degganaayeen, laakiin ujeeddadeedu Kismaayo ma ahayne, waxa ay ahayd Nayroobi, oo ay habaryarteed deggenayd, oo ay islahayd, inta u tagtid, dabadeed, dhoof iyo wax ka raajici. Sawrac iyo reerkiiba, waa ay naxeen, iyaga oo u qaatay in gabadhii wax ku dheceen. Waxa ay ugu dhaqaaqeen raadin. Ilaa habeenkii markii ay wax uga bixi waayeen, ayey subixii gurigii eeddadeed tageen, waxa ayna Aamina u sheegtay, in ay ugu dambeysey waagii ay ka tagtay, taas oo ciddii murugo sii gelisay. Dhawr beri ayey sii raad-raadiyeen, oo wax u beytiya, raq iyo ruux toona heli waayeen. Maalmo kaddib ayuu Sawrac u tagey eeddadeed, markaas bey u sheegtey in ay la xiriirtay reerkii gabadha, oo ay u sheegeen in ay la joogto. Markaas buu Sawrac arrintaas ka qancay, waxna u bexeen. Sawrac, falkaas aad buu maankiisa wax ugu dhimay. Feker iyo fara-taag ayey ku dhalisay. Hurdo iyo ladid waxaa u diiday dhibaatada ay ku dhigtay Samawada iyo Jacaylkii ay ku xumeysay. Mucjisadaas qabsatay, waxaa dareemey reerkii oo dhan. Hooyadiiis Xaliimo ayaa inta wadaaddo Qaraabada ah ugu yeertay ayaa hal ‘Marro’ oo Qur’aan ah lagu dejiyey, taas oo isla markiiba caafimaad wanaagsan uu ka helay Sawrac. Biyo-qaskiisii ayuu gadaal ugu laabtay, taas oo Eebbe inta u barakeeyey, uu isla markiiba ganacsi yar oo kale furtay, kaas oo inta loo bullaaliyey uu markii dambe ganacsade weyn u-xuubsiibtay. Gabar wanaagsan oo noloshiisii farxad gelisey, ilmana u daadisey waa guursaday.
La soco qeybta 8-aad
COSOB
24
Abriil 2018