COSOB JULY

Page 1

Bille, Muqdisho

Julaay 2018

HESHIISKII DHAWAAN DHEXMARAY ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA OO SHAKI BADAN ABUURAY JAWAABTA SOOMAALIDU KA BIXISAY HESHIISKA MAALGASHIGA DEKEDAHA EE SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA, AYAA MUUJINEYSA BAAHIDA WEYN EE LOO QABO FASIRAAD DHEERI AH OO LAGA BIXIYO QODOBADA HESHIISKA

Cadadka: 11aad

Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre



COSOB

1

Julaay 2018


TUSMO 04

06

09

10

11

HESHIISKII DHAWAAN DHEXMARAY ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA OO SHAKI BADAN ABUURAY

58 SANO KADIB 1-DA LUULYO: AAWAY XORRIYADDII IYO MIDNIMADII SOOMAALIYA?

GUUSHA HOGAAMIYE ERDOGAN & RAJADA CUSUB EE DUNIDA ISLAAMKA!

HADDII AY DOWLADDA NAF BADBAADINEYSO ANAGABA NAF BAAN BADBAADINEYNAA

XALIIMO YAREY IYO 3 QOF OO KALE OO SANADKAN U SHARAXAN ABAALMARINTA CAALAMIGA AH EE CHATHAM HOUSE

Hassan watara

12 NOLOSHA IYO QOYSKA

14

16

17

18

19

21

21

SIRTA AKHRISKA WANAAGSAN EE DARAJOOYINKA SARE LAGU GAARO

CABDIFITAAX WAA KABALYEERI HADANA JAAMACAD DHIGTA !!!

QODOBKAN OO LAGAMA MAARMAAN AH SI AAD U HESHO HURDO CAAFIMAAD OO XASILLOON A

12 FAA’IIDO OO QARAHA LAGA HELO WAXAA KU JIRTA DHEEF U WANAAGSAN HARAGGA SARE IYO TIMAHA

WAA KUMA AL-HASSAN WATARA

MURTIDDA IYO MAADDA

NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!!! QEYBTA 11-AAD

COSOB

2

Julaay 2018


COSOB

3

Julaay 2018


HESHIISKII DHAWAAN DHEXMARAY ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA OO SHAKI BADAN ABUURAY JAWAABTA SOOMAALIDU KA BIXISAY HESHIISKA MAALGASHIGA DEKEDAHA EE SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA, AYAA MUUJINEYSA BAAHIDA WEYN EE LOO QABO FASIRAAD DHEERI AH OO LAGA BIXIYO QODOBADA HESHIISKA

Dad badan ayuu tuhun ku abuuray Heshiiska maalgashiga dekedaha ee dhex maray soomaaliya iyo Itoobiya

I

n kabadan 20 sano oo uu dalku marna dowlad la’aan ahaa iyo mar kalena nidaam kumeel gaar ah lagu jiray kadib hadda soomaaliya waxay baahi weyn u qabtaa in ay hesho dowlado iyo hey’ado dalka maalgashi ku sameysta, sidaasi dareed madaxdu waxay ku qasban yihiin in ay raadiyaan cid ay dhab ka tahay maalgashigaas ayadoo loo marayo nidaam waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Culeysyadii soo qabsaday Dowladihii ka horreeyay 2017 waxay aheyd dhaqaallo xumo ayadoo qarashka kaliya ee ay dowladdu ku tiirsan tahayna uu ahaa kan laga helo deeq bixiyayaasha oo wax bixintooda shuruudo ku xira sidaas darteed maalgashiga saxda ah ayaa soomaaliya u horseedi kara in ay abuurto dhaqaale dalka lagu maamulo Heshiiska itoobiya iyo soomaaliya ay wada galayaan ee quseeya 4 dekadood oo soomaaliya ay leedahay waa fursad looga faa’ideysan karo dhaqaale abuur iyo sugid amni hayeeshee waa heshiis u baahan qorsho iyo dhiraandhirin badan. Waa heshiis u baahan in la sugo sharci ahaanshihiisa, sidoo kale waa in uu noqdaa heshiis si cad u qeexaya wax kasta oo quseeya danaha labada dal ee xiriirka la

leh labada dal Dad badan oo soomaali iyo ajnabi leh ayaa shaki ka qaba heshiiska iyo sida uu ku yimid iyagoo sidoo kalena ka gilgilanaya natiijada ka dhalan karta mustaqbalka dhow iyo kan fogba, waana shaki quman oo meesha ku jira. 7 sano ka hor ayay Itoobiya Bilowday dhismaha Ciidanka badda Sanadkii 1993kii markii ay kala go’een Itoobiya iyo Ereteriya; itoobiya waxay kala dirtay ciidamadeedii badda sababtoo ah waxaa meesha ka baxday shaqadii ay u taagnaayeen oo aheyd ilaalinta badda, dhulka xeebta ahi wuxuu raacay ereteriya sidaas darteed itoobiya

COSOB

4

baahi uma qabin jiritaanka ciidanka badda. Muddo hadda laga joogo 7 sano ayay itoobiya bilowday in ay dib u dhisto ciidanka badda, xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in ciidanka badda ee itoobiya ay heysato ay tiradiisu tahay 10,000 oo askari kuwaasoo heysta 26 maraakiibta dagaalka ah. Bal is weydii ciidanka ay tiradiisu intaas la egtahay haddaanba laga sii badin doonin iyo maraakiibta dagaal ee ay itoobiya soo iibsatay xagee loo wadaa illeen itoobiya bad malahee. Heshiisku si qayaxan ugama hadlayo Qaabka Maalgashiga Qodobbada heshiiska ku

Julaay 2018


dhigan meelna looga ma xusin Afarta dekadood ee ay itoobiya Maalgashaneyso kuwa ay yihiin. Xogo la helayo ayaa tilmaamaya in afarta dekadood ee ay itoobiya daneyneyso yihiin kuwo dhaca badda cas, sidaas haddii ay tahayna kuma jiri doonaan dekadaha ku yaalla magaalooyinka koonfurta iyo bartamaha ku yaalla. Mar haddii aan heshiiska lagu caddeynin magacyada afarta dekadood iyo magaalooyinka ay ku yaallaan sow itoobiya ma ciyaari karto xeerka “La jiifiyaana bannaan la joojiyaana Bannaan” oo marba sidii ay doonto sow uma dhigi karto dhaqan gelinta heshiiska?... waa su’aal meesha taal Heshiiska waxaa Faraha kula jirta Dowladda imaaraadka oo aan Soomaaliya isku fiicneyn Dad badan waxay tuhunsan yihiin in heshiiska iyo hindisihiisuba ay leedahay dowladda imaaraadka oo lagu eedeeyay in ay faragelineyso arrimaha soomaaliya. Xiisadda khaliijka ka taagan ka sokoow Dowladaha soomaaliya iyo Imaaraatka waxay isku maandhaafeen maalgashiga Dekado soomaaliya ku yaalla oo ay ka mid yihiin Berbera iyo Boosaaso ayadoo dowladda dhexe loo gacan dhaafay heshiiska maalgashigaas Sidaas oo ay tahay waxaa la aaminsan yahay in heshiiska hadda itoobiya lala galayana uu yahay uun isla kii imaaraadku wateen oo la midabeeyay. Maraakiibta iyo ciidamada itoobiyaanka ah ee loo diyaarinayo ilaalinta badda waxay ku sugan yihiin meel ka mid ah biyaha imaaraadka halkaas oo ay tababar ku siinayaan saraakiil mareykan ah. Waxaa la helayaa in qarashka lagu maalgelinayo dhismaha iyo qalabeynta ciidankaasi ay bixineyso dowladda imaaraadka. Sidoo kale dowladda imaaraadku waxay itoobiya dhawaan ugu

deeqday lacag 3 bilyan oo dollar ah, lama hubo in lacagtaasi ay sanad kasta heli doonto itoobiya iyo in uu ahaa qarash mar kaliya loogu deeqay, waxaase la hubaa in deeqdaasi lacageed ay raacdo kaalmo milatery oo ay ku jirto in itoobiya loo dhiso ciidanka badda loona qalabeeyo. Heshiiska laga ma talagelin Maamul-goboleedyada Inkastoo aan weli cod loo qaadin haddana soomaaliya waxay isku maamuleysaa nidaam federaal kaasoo micnihiisu yahay in awoodda dowladnimada la baahiyay, oo madaxda maamulgoboleedyadana la siiyay awood sharciyeed ay wax ku maamulaan. Marka heshiis ceynkanoo kale ah la geliyo waa in uu noqdaa mid hoos kasoo bilowda (min maamul-goboleed ilaa dowlad dhexe iyo baarlamaan). Waxay aheyd in dowladgoboleedyadu soo dhiraandhiriyaan, oo ay u soo gudbiyaan dowladda dhexe kadib uu baarlamaanku ka doodo soona ansixiyo haddii dan loo arko ugu dambeyna ay dowladdu saxiixdo ayadoo fasax ka heysata Baarlamaanka kana talo gelisay Maamul-goboleedyada Taas caksigeeda ayay dowladdu sameysay, waxay saxiixday heshiiska waxayna horgeyn doontaa haddiiba laga helo baarlamaanka kadib maamulgoboleedyadu way ka caroon doonaan ama way u riyaaqi doonaan waxayna ka hadli doonaan warbaahinta soo dhaweyn ama diidmo wixii ay ka qabaan Afarta dekadood ee ay dooneyso itoobiya haddii ay yihiin kuwo dhaca badda cas waxay noqon karaan dekadaha ku kala yaalla magaalooyinka Laas-qoray, Boosaaso, Seylac iyo Berbera oo ah tan ugu weyn dekedahaasi. Bal is weydii sidii ku dhaqan geli karaa heshiiskaas oo dekedaha qaar magaalooyinka ay ku yaallaan ay gacanta ku heyso soomaaliland oo ku doodeysa in

COSOB

5

ay ka go’day Soomaaliya? Mase Soomaaliland laftigeedu wax bay ka ogeyd qorshaha heshiiska si loo xalaaleeyo kii sadexgeesoodka ahaa ee ay la galeen itoobiya iyo imaaraad? In aad looga taxaddaro Danaha qaranka, Amniga guud iyo Jiritaanka Ummadda ayaa asal u ah heshiisyada ay dowladi la dhiganeyso dowlad ama hey’ad shisheeye, hadda waxay u muuqataa in aad si weyn looga fiirsan isla markaana muddada qorsheyntiisu ay aad u gaabneyd marka la joogo dowladda soomaaliya laakiin itoobiya xaggeeda waxaan shaki ku jirin in uu qorshuhu soo socdo muddo aad u fog ka hor. Itoobiya Itoobiya waa dowlad ay ku hoos noolyihiin in ka badan 100 milyan oo ruux, waa suuq weyn iyo fursad ganacsi oo aad u ballaaran, heshiis maalgashi oo loo maray waddo sax ah oo itaabiya lala yeesho wuxuu soomaaliya u sahli karaa in ay hesho dakhli badan kaasoo ay uga soo xaroonayaan canshuuraha badeecooyinka ay badda kala soo degaan ganacsatada itoobiyaanka. Sidoo kale waxaa fursad weyn ah iskaashiga dhismaha waddooyin waaweyn oo isku xira Magaalooyinka labada dal. Xitaa amniga xaggiisa wax weyn bay ka qaban karaan haddii la helo wada shaqeyn ay daacadnimo ku dheehantahay sababtoo ah itoobiya. Waxaasi oo idil waxaa asal iyo shardi u ah in la helo heshiisyo hufan oo ku yimid qorsheyn wanaagsan, ka fiirsi iyo dhiraandhirin sax ah, ayadoo ay labada dhinacna ka maran yihiin damac quseeya sad-bursi iyo daneysi dhinac kaliya ah.

Julaay 2018

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)


SANO KADIB 1-DA LUULYO: AAWAY XORRIYADDII IYO MIDNIMADII SOOMAALIYA?

1da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo

midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 58 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii! Cadawgii shalay maanta walaal ayuu noqday, qabiilkii ayaa isku badalay qaran, calankii waxaa

ka soke maray calammo kale, waxaa is badalay dhadhankii waddaniyadda, inta ay weli ku dambeyso xamaasadda Soomaalinnimo waxaa ay maanta dhahaan“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Hadaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan

COSOB

6

xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. HALGANKII SAYIDKA:

Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii

Julaay 2018


Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL:

Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . URURKA SYL, WAXAA MADAX U AHAA :

1. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye 2. Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen 3. Yaasiin Xaaji Cismaan.Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise

Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. DHACDADII 11KA J ANNAAYO 1948

11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. DHACDADII DHAGAXTUUR:

September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog,

COSOB

7

Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. XUKUNKII DAAKHILIGA:

Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. MADAXBANAANI GOBOLLADA WAQOOYI-SOMALILAND

Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday

Julaay 2018


waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii

June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”.

tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar XURIYADDII KOOFURTA IYO kale lasoo nooleeyay firkadii MIDNIMADII LABADA GOBOL: Pan-Somalism ama Somaliweyn. Xririyadii Somaliland 4 Markii xuriyadda la helay 1960maalmood kadib, waxaa xuriyadii kii, isla markaana ay midoobeen qaatay gobollada koofureed labada gobol ee Waqooyi iyo ee dalka iyagoo ka xuroobey Koofur, baarlamaanka dalka gumeystaha Talyaaniga. waxaa uu aqlabiyad ku doortay Allaha u naxariistee Maxamed Aden Cabdulle Cusmaan in uu Ibraahim Cigaal oo xilligaa noqdo madaxweyne muddo hal ra’isul wasaare ka ahaa sano ah, isagoo maalmo kadib Somaliland, Waxaa uu soo hor July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare kacay Wafti reer Somaliland ah u doortay Cabdirashid Cali oo Muqishu u yimid arin taariikhi Sharma’arke. ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii Abdi Aziz Ahmed Gurbiye halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu

COSOB

8

Julaay 2018


GUUSHA HOGAAMIYE ERDOGAN & RAJADA CUSUB EE DUNIDA ISLAAMKA!

K

adib dhacdadii 11 September 2001 waxaa dunida Islaamka ku socday dagaal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatery oo ay iska kaashadeen quwadaha reer galbeedka iyo reer bariga. Waxaana bilawday waxa loo yaqaan "Islamophopia" ama dagaalka Islaamka iyo Argagaxisada, waxa ay arintu kasii dartay markii la fashiliyay mashruucii kacdoonka Carabta 2011, khilaaf iyo dagaalna la dhex-dhigay Carabta iyo Iran, Pakistan oo aheed dawlad Nuckear na lagu abuuray mashaakil gudaheeda ah oo daciifiyay. Kadib doorashadii Trump 2016 xaalada dunida Islaamku waxa ay gaartay meel khatar iyo rajo beel ah kadib markii uu ku dhawaaqay qorshe dagaal cad oo ka dhan ah dunida Islaamka oo lagu qaadanayo Qudus, laguna burburinayo Turkey, laguna go'doominayo Iran, laguna boobayo hantida Khaliijka, laguna baabi'inayo Muqaawamada Israel (Xamas & Xizbulah) laguna eryayo Muslimiinta ku nool Galbeedka, cadaawadna lagu dhex-dhigayo dawladaha Islaamka hub-badana looga iibinayo kadibna la isugu dhiibayo. Bilawgii sanadkaan 2018 markii xaaladu gaartay meel adag oo quus ah ayaa Iftiin iyo Rajo kasoo muuqatay dhawr gobal oo Muslimiintu ku farxeen, Cadawgooduna ku jabay, kuna guul-daraystay dagaalkii iyo hantidii uu ku bixiyey ka hortaga guulahaas sida; 1. Doorashadii Ciraaq ee u ku guulaystay aqlabiyada Barlamaanka wadaadka mayalka adag ee Muqtada Sadri. 2. Doorashadii Lebanon ee uu

aqlabiyada Barlamaanka ku guulaystay Xizbullah. 3. Malaysiya oo uu dib ugu soo laabtay sanadkaan Dr. Mahathir Mohamed. 4. Turkey oo uu dib ugu soo laabtay M. Ordogan iyo Xizbigiisa AK Party. Afartaan Xizbi in aysan doorashooyinka ku guulaysan dagaal qor-shaysan iyo hanti fara badan ayey ku bixiyeen dawladaha waawayn ee reer Galbeedka, Israel iyo qaar ka mid ah Carabta lkn kuma guulaysan gaar ahaan doorashadii Turkey. Hadaba Guusha 4 taan Xizbi ee sanadkan waxa ay dunida Islaamka ugu dhigantahay in ay weli noolyihiin, muqaawamadii Israel-na ay nooshahay, rajadii awooda Islaamkana weli nooshahay, dhulkooda iyo muqadasaad-koodana aan la qaada karin.

COSOB

9

Guusha M.Ordogan waxa ay dunida Islaamka uga dhigantahay Salaaxudiin Ayuubi oo mar kale soo laabtay iyo Boqor Najaashi oo mar kale soo dhaweeyay Qaxootiga Islaamka, diidayna in agtiisa lagu dulmiyo. Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay uga dhigantahay Guushii 2aad ee u soo hoyatay kadib markii uu ka furay xeradii lagu ooday Somaaliya 2011, garabna taagnaa 8 sano, hadduu mar kale usoo laabtay waxaa rajo laga qabaa 5 ta sano ee la doortay Ordogan in Somaliya dib cagaheeda isugu taagi-doonto iyada oo Garab, Gacan iyo Hiil ka helaysa Walaalaheed reer Turkey.

Julaay 2018

Dr: Mohamed Gacal


HADDII AY DOWLADDA NAF BADBAADINEYSO ANAGABA NAF BAAN BADBAADINEYNAA

D

haqtar magaciisa diidey in loo adeegsado warbaahinta ayaa waxaa uu sheegey in ay aad ugu dhib qabaan wadooyinka xiran ee magaalada muqdisho isagoo sheegey in ay quus ka joogaan in ay ka howl,galaan goobaha caafimaadka magaalada “Hadii ay dowladdu sheegtey in ay naf badbaadinayaan, anagana naf baan Badbaadineynaa, waxaa maalin waliba nalaga hor istaagaa in aan gaarno goobaha Caafimaadka iyo isbitaalada oo ay nagu sugayaan boqolaal bukaan oo iyana Silic ku soo gaarey goobta, qaarkoodna ay dhaqtar la’aan ugu geeriyoodeen isbitaalada “ ayuu yiri dhaqtarkaas oo sheegey in marka ay ciidamada tusaan kaararkooda dhaqtarnimo waxayna noogu jawaabaan hadalo aad u naxariisdaran. sida “ war dhaqtar ma aqaan ee kaarkaada bariis ku karso “Bal Fiiri isbaaro ayaa la soo dhigey isbitaalka Banaadir hortiisa, mid kalaa taala Wasaarada arrimaha dibada , sidoo kale mid baa iyana la soo dhigey wadada digfeer waa yahay sow uma muuqdaan

isbaarooyinkaas kuwa bulshada looga hor istaagayo in ay gaaraan isbitaalada, sidoo kale gawaarida gargaarka deg dega ama Ambalaas ayaa iyana dhibaatada Jid xirnaanshaha Saameeysey, waxaa ka sii daran jidka warshadaha oo si toos ah loo marayey waxaa iyana la soo dhigey isbaarooyin, waxaana markii hore Ciidamada la faray in la baaro Gawaarida Magaalada soo galaysa, sidaa darteed waxaan aaminsanahay in isbaarooyinkaas aysan dowlada ka war qabin”ayuu yiri Dhaqtarka. “Dowladu waa in ay isweydiisaa hadii ay sheegtey in ay qarax ka hor tagtey oo ay ku dhiman lahaayeen boqolaal Soomaali ah, Imisa Soomaali ah ayaa u dhiman kara Maalinkii dhaqtar la’aan”ayuu yiri dhaqtarka oo sheegey in dad badan oo Soomaali ah ay noloshooda ay Saameysey xirnaanshaha wadooyinka sidaa darteed waxaan Dowlada uga fadhinaa in ay xal kale la timaado oo ku aadan xirnaanshaha wadooyinka “Waa la yaqaan dhamaan Wadooyinka oo hal mar la xiro ma garan karo in wadooyinka

COSOB

10

ay socdaan gawaari markaan weydisana gawaaridaas Sababta loo soo daayey waxaa uu ku leeyahay Si farsameysan baan ku soo gudbey , Waxaa Shacabka loo sheegey markii ay howlgalayeen Ciidamada xasilinta in ay Baarayaan gawaarida ma garan karo waxa keeney in gawaarida la Joojiyo ama Xanibaad lagu sameeyo,marka waxaa u qaatey in amarkii Ciidamada la siiyey mid jeebkooda ah la soo baxeen Ugu dambeymn haddii aan xal deg deg ah loo helin xirnanaashaha wadooyinka ee Joogtada noqdey in shacabka ay arrintaan ka dhiidhin doonaan sidoo kale waxaan Dowlada Federaalka u soo jeedinayaa in maxkamad la soo taago Ciidamadii hor istaagey haweeneydii Ilmaha ku dhashey wadada hor marta wasaarada arrimaha Dibadda iyadoo isbitaalka banaadir uu u jiro wax ka yar 300 oo talaabo.

Julaay 2018

Amiin Yuusuf Khasaaro


XALIIMO YAREY IYO 3 QOF OO KALE OO SANADKAN U SHARAXAN ABAALMARINTA CAALAMIGA AH EE CHATHAM HOUSE

X

aliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey) Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo 3 kale ayaa sanadkan isugu soo haray tartanka abaalmarinta caalamiga ah ee Chatham House .

iyadoo shahaadooyin ka qaadatay Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacad ku taalo dalka Talyaaniga. Shaqooyin kale waxaa ka mid ah: Isku duwo goboleedka ee hay’adda CISP, Xiriiriyaha bulshada ee xafiiska qoyska iyo caruurta ee gobolka Miniblis-Minisota 2000-2007, u qeybsane, Maamule iyo Sarkaal ka noqotay mashaariic iyo hay’ado waaweyn sida UNISOM iyo ururro haween. Waxay ku hadashaa Luqadaha Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Sida lagu sheegay qoraal ay aragtay Goobjoog News, Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa lagu xushay kaalinta ay ka qaadatay doorashadii 2016kii, inay dhiirigeliso nidaamka axsaabta badan ee dalka, in laga shaqeeyo sidii doorasho qof iyo cod ah ku dhici laheyd 2021ka iyo sidii dowladnimada loo adkeyn lahaa guud ahaa qaaradda Afrika. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa jagadan Guddoomiyaha guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka loo doortay July 27, 2015, howlaha ay soo qabatay waxaa ka mid ahaa:

Haddaba, Yaa Xaliimo Yarey La Tartamaayo? Xaliimo Yarey, Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka waxaa la tartamaya, hey’adda The Committee to Protect Journalists (CPJ), Mario Draghi oo ah madada bangiga dhexe ee Yurub iyo Zaid Racad Al-Xueen ee oo ah u qeybsanaha xogheyaha guud ee Qaramada midoobey hey’adda UNHCHR .

Guddoomiyaha Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud Guddoomiyaha Midowga ururada bulshada ee Soomaaliya Lagudoomiyaha guddiga xulista iyo Farsamada ee xulista iyo barista xubnahii ergada ansixiyay xubnihii Baarlamaanka.

WAX KA BARO CIDDA LA TARTAMAEYSA:

The Committee to Protect Journalists (CPJ) waa hey’ad Mareykan ah, oo xarunteeda ku taallo magaalada New York, hey’adda oo la aasaasy 1981dii, waxaa ay shaqadeeda tahay in ay dhiirigeliso xuriyatul-qowlka, waxaa ay sidoo kale difaacdaa xuquuqda Saxafiga.

Xaliimo Yarey waxaa ay baratay cilmiga beeraha,

Mario Draghi oo ah madada bangiga dhexe ee Yurub, waxaa talyaani dhaqaale-yahan ah, waxaa uu jagadan hayaa tan iyo 2011-kii, waa 70 jir waxaa uu horay madax uga soo noqday Bank of Italy. Zaid Racad Al-xueen waa amiir u dhashay dalka Urdun, waxaa uu dhashay 1964tii, waxaa uu horay u soo noqday wakiilka joogtada ah ee Urdun u fadhiya Qaramada midoobey iyo safiirka dalkaasi ee Mareykanka, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay maxkamadda dambiyada adduunka ee ICCda.

COSOB

11

Julaay 2018


NOLOSHA IYO QOYSKA MAXAAD KU XULAYNAYSAA LAMAANAHAAGA MUSTAQBALKA.

W

axaan ka casharkeenii hore uga soo sheekaynay in xulashadu tahay masuuliyad wayn oo u baahanin aad loo fahamsan yahay, waayo waxaad xulanaysaa qofkaad la noolaan lahayd inta noloshadaa kaaga dhiman. Qofkaad ku aamini lahayd naftaada , maalkaaga iyo magacaaga. Waa hadii aad doonayso guur waara, laakiin hadii aad rabto inaad maalmo la noolaato casharkaan ma ahan mid laguugu tala galay. Si aad u hesho qofkaa aad doonayso waxaa muhiiim ah inaad fahamsan tahay waxaad ku dooranayso Ama Qodobada laga baaryo inuu buuxiyo. Maadaama waxaan ka hadlaynaa yihiin Qoyska iyo ilaalintiisa waxay ila tahay in loo baahan yahay in laga baadho taariikhnololeedkiisan Tobankaan qodob ee soo socda. : Diintiisa, dhaqankiisa, Aqoontiisa, Akhlaakhdiisa, Dabeecadiisa, Ixtiraamkiisa, tala-wadaagiisa, Kalsoonidiisa, Sabirkiisa, iyo Jacaylkiisa. Bal aanu mid mid u soo qaadanno si aanu si wanaagsan u fahamno: Diintiisa. Nabigeenu (scw) waxuu na faray inaan gabadha ku doorano diinteeda, taa macnaheedu ma ahan inaan ragga lagu qiimaynayn diintiisa, hadaba waxa la doonayaa in labada lammaane eegaan qof kasta sida uu ku yahay diinta, qoyskiisa, iyo waxuu ka aaminsanyahay waxyaabaha asaasiga ah ee diintu ina farayso. Marka hubinta 1aad ee dadka doonaya inay midoobaan waa inay iska hubiyaan dhinaca diinta iyo wuxuu ka aaminsanyahay. Waxaa ayaantan dambe soo baxay oo la arkayay dad soomali ah oo la leeyahay waa kiristaan ama shiico kuna qanacsan, midabka iyo hadalkuna

waa soomali. Hadaba intaadan jacayl aadan kula dhicin qof wuxuu aaminsanyahay aadan aqoon iska eeg oo hubi diin ahaan wuxuu aaminsan yahay, waxaan kaloo aragnay rag dalbanaya gabar wadaad ah si ay u guursadaan, isaguna aysan aqoon sida salaadda loo tukado, Marka sidee u wada dhaqmayaan mise gabadha kaligeed ayaa laga doonayaa inay diin leedahay; waa in aad iska hubisaa dhinaca diinta marka hore. Diintu waa furaha nolosha, waa saldhiga xiriirka adiga iyo allaah. waxaa allah noo keenay dunidda inaan caabudno , qofkaan diin lahayn oo ilaahii abuuray inkiray, adigana bari ayuu ku inkirayaa, sidoo kale qofkii aan Allah xiiir la yeelan adigana xirir fiican kulama yeelanayo, waxaa jira aayad macnaheedu yahay, ( qofkii ka jeesta dikriga Alle waxaa u sugnaatay nolol ciriri ah,) hadaad nolol darted u raacdo qofaan diin lahayn, ogow noloshuu haysto inay ciriiri tahay oo wal wal iyo wareer la noolyahay, waana amar Eebe oo xaq ah, marka ka digtoonaada inaad qoys la dhisataan qof diintiisa iyo wuxuu aaminsanyahay aadan garanayn. sidaad ku ogaato qofka waxaa muhiim ah inaad inta haasaawuhu idiin socdo maalinba aad su,aal waydiisid muhiim ah oo dhinacyada caqiidada, saladda, soonka, xajka iwm, markaad ku qancdo diintiisa guurso insha allaha. Waalidiinta dhalay gabdhaha wanaagsan ee diinta baray Allaah ha ka baqaan, ha siinina gabdhihiina nin xoogaa lacag aad ka qaadateen oo diin lahayn, waxaad ogaataan markaad gabadhiina siisaan nin aan salaaadda tukan, oo khamri iyo khashin cabaya waxay noqonaysaa gabadhaadii laba arimood inay mid noqoto, • Inuu balwadii iyo qashinkii COSOB

12

gabadha uu baro oo aad sabab u noqoto gabadhaad ku tiir iyo tacab beeshay inay si fududu ku halawdo, adigaana mas,uuliyadaasi lagu waydiin doonaa, iyo • In markay aragto in ay god ku dhacday ka cararto oo iyadoo garoob ah kugu soo noqoto. Marka Lamaanuhu waa inay hubiyaan qofkay guursanayan diintiisa waaridkuna waa inay ubadkooda u dooraan qof aad hubiseen diintiisa iyo akhlaaqdiisa hana siisanina xoogaa shilimaad ah oo bari dhamaanaya.. Dhaqankiisa. Dhaqanku waa qodob aad muhiim u ah in aad doorashadaada ka hor aad baadho. Dhaqanku waa hooyada dhaq dhaqaaq kasta oo aad samayso, qofku haduu si foolxun u labisto funaad ku dhegen iyo surwaal jeemis oo moodid in sakiin lugu jeex jeexay soo xirto; waxaa la yiraahdaa dhaqan xumuu la yimid. Sidoo kale haduu si xun oo akhlaaqdari ah u hadlo waxa la dhahaa waa dhaqan xun yahay; marka dhaqanku waa noloshaada oo dhan iyo sidaad u fakarayso. Dhaqankeena aan ku faano ceeb ma lahan, waa qurxoon yahay; waa udgoonyahay; waana nadiif, inta badan dhaqankeena waxaa sal u ah diinta. Si fudud hadaan kuu fahamasiiyo “qofkaan hab dhaqankiisu ku qancin ka joog wuxuu yahayba”, hab dhaqanku wuxuu isugu jiraa, oo laga qiimeeyaa hadalkiisa, lebiskiisa, iyo fikirkiisa. sida uu ku qoray Khaliif Ashkir Diini, buugiisa Dhaqan dhumay dhib badanaa, Wuxuu sheegay

Julaay 2018


in waxkasta oo xumaada ay sabab u tahay dhaqankii oo laga tagay, wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dhaqanka hadalka; dhaqanka labiska; dhaqanka safarka; dhaqan fikirka; dhaqanka sancada; dhaqanka shaqadda; iyo kuwo kaloo badan, khaliif ashkir wuxuu ku adkaysanayaa in wax kastoo qaloocday dhaqankoodii laga tagay ka dibna ay xumaadeen. Inkastoo Soomalidu isku dhaqan yihiin si guud, hadana waxaa jira waxyaabo gobollada Soomaalidu ku kala duwan yihiin deegaan ahaan, maah-maah ayaa oranaysay, “waxaad ceebta u taqaan nin bay caadadiisa tahay” tusaale, aan soo qaadano laba sheeko oo run ah. Maandhooyinow hadda kow ka soo bilaaba Dhaqanka Soomaalida, sodohdu meel wayn ayay kaga jirtaa aad ayaana loo ixtiraamaa. Sodohaha qaarkood guriga gabadheeda inta badan waa ka fogaadaan oo waxay ka xishoodaan in wiilka gabadha qaba wajigeeda iyo kiisu si toos ah isugu dhacaan, marka waxay guriga imaanaysaa inta uu shaqada ku maqan yahay. sodohaha qaarkoodna waxay xaakim ama qaadi ka noqdeen waxyaabaha ka dhacay gogosha gabadheeda, bal sheekadaan aan kula waddaago, Waxaa jiray gabar iyo wiil ku heshiiyay inay is guursadaan, gabadhu waa shaqaysataa oo suuqa ayay bakhaar ku leedahay, wiilkuna waa baaga-muudo oo shaqo ma hayo. markii ay howshoodii soo dhawaatay ayuu wiilkii u sheegay gabadhii inuusan wax lacag ah haysan iyadana jecelyahay, gabadhii waxay soo jeedisay inay iyadu kharashka oo dhan bixinayso ; gurigii la degi lahaa, gogoshii lagu seexan lahaa iyo biilkiiba, laakiin sharuud ayay ku xirtay, sharuudaas oo ah in uu habeen walba afar jeer weerar qaado, sharuudaas wiilkii waa aqbalay, waana la aqal galay. Gabadhu waxay la degen tahay hooyadeed, waxaana iyadii iyo wiilkii u bilowday qoyskii sharuuda lahaa ee ay

ku heshiiyeen. Mudo markii galaan oo ugu sheekeeyaan ceeb heshiiskii socday ayaa wiilkii lama ahan, dhibna uma arkaan. daalay oo tabar dareeyay, Arintii waxaa dhibsaday wuxuuna ku fakaray sidii uu u ninkii gabadha qabay, wuxuu yarayn lahaa, wuxuu go,aansaday u yeeray gabadhii wuxuu inuu marka sedexaad ku murmo ku yiri; wiilashaan aad ilma inuu afar sameeyay, gabadha adeerka tihiin ee qolka jiifka oo la socotay tabar darida ku aan ugu imaanayo iyagoo kuugu bilaabatay wiilka waxay ka sheekaynaya waa ceeb: u sheeg digoonayd in heshiiska wax laga guriga booska ay ku leeyihiin dhimo, waxayana si taxadar ula waa qolka fadhiga inay fariistaan socotay fulinta heshiiska, oo aad ugu timaadid, laakiin Habeenkii dambe ayuu wiilkii qolka jiifka inaguu gaar noo markii sedexaad wuxuu yiri yahay. Gabadhii arinkii may afar, gabadha oo fahamtay in kala qarin oo xirfad kuma darin uu hal dheeraad ah ku daray ee sidii uu ninkeedii ku yiri waxay tiri labo oo iyana waxay ayay u sheegtay wiilashii oo ka jartay hal. Waxaa lagu waxay tidhi, ninkii wuxuu yiri: murmay waxaan sameeyay afar wiilashu guriga booska ay ku iyo waxaad samaysay labo, leeyihiin ha fariistaan, jiifka murankoodii waxaa ku soo uma ogoli, arrintii wiilashii baxday sodohdii oo ay laba qol waa ka xumaadeen, waxayna oo isku dhegen degenaayeen, aamineen in ninka yiri jiifka ma arinkii ay ku murmayeen geli karaan uu ceebeeyay, sidaa sodohdii lagama qarin, sodohdii darted waxay go,aan sadeen markii ay dhagaysatay ayay inay gabadha ka furtaan oo ay la tidhi: maandhooyinow waa idin dagaalamaan. ducaynaa oo aniga ii qoor dhiibta Marankii ka dhashay arintaa waxaan gudoomiyana yaan la waxay sababtay inay ku dhintaan igu diidin, marxaba ayaa la yiri laba nin, ilaa afar nin oo kalana oo loo qoor dhiibtay, sodohdii ay ku dhaawacmaan, wiilkii iyo waxay tiri: Maandhooyinow gabadhiina gobolkii ka cararaaan. waan idiin ducaynaa muranka Waxaan filayaa hadda inay iska dhaafa ee hadda kow ka soo kuwada nool yihiiin qurbaha, bilaaba. marka hadii gobollada qaar aysan Sheekadaan oo macno badan dadka qaarkii ku ahayn ceeb leh, waxaan uga jeednaa, sodoh inay gogosha walaashood ku xaakim ka noqotay gogoshii seexdaan, gobollada qaar ayay gabadheeda waxaa laga helaa dhimasho ka tahay, oo qofku inuu dalka , kuwa aan sare ku soo dhinta ka xigaa inuu gogosha sheegay ee gurigaaga iska walaashii ku dhaqanto ku seexdo dhaafe adigu inaad aragtaa ay ama ku fariisto. adagtahayna waxay joogaan Marka dhaqanku waa muhiim, dalka, marka doorashada adigaa waana lagu kala duwan yahay ee iska leh waxay ku kala duwan dooro qof aad isku dhaqan tihiin yihiina waa hab-dhaqankooda , intaadan la kulmin waxaadan sheekada, labaad.. qaadan karin oo lamaantaada iyo Guriga meeshaad ku leedihiin ehelkeedaba caadi u ah. ka fariista oo dhimasho Waxaa kaloo sannadahaan sababtay soo baxay dad qurbaha ku Waxaan joogay gobol ka mid ah soo koray o o aan fahamsnayn koonfurta soomaliya, waxaa is dhaqankeenii wacnaa iyo guursaday nin aan aqoon fiican wanaagiisa, marka hubi dhinaca u lahaa iyo gabar wanaagsan dhaqanka in farqi idiin dhexeeya oo dhisay guri xalaal ah, guriga adiga iyo lammaanahaaga ama waxaa yimaadda gabadha ina lammaantaada, isla markaan adeeradeed markii ninku shaqada ka yeesha is afgarad wixii kala aado, waxay gabadha ugu galaan duwanaan ah ee soo baxa. qolka jiifka, waa laba will oo aderkeed dhalay, iyagu inay walaashood qolkii jiifka ugu Osman Sheikh Ahmed (Qoysbile) COSOB

13

Julaay 2018


SIRTA AKHRISKA WANAAGSAN EE DARAJOOYINKA SARE LAGU GAARO

M

a is-weydiisay maalinna, sababta uu saaxiibkaa natiijooyinka sarsare u helo, idiinkoo isku iskuul ah, isku hal-macallinna uu wax idiin dhigo. Muxuu kaaga sare maraa? Hubaal waxaa ah in dadka intiisa badani ay waddo kasta u maraan sidii ay si wanaagsan wax ugu akhrin lahaayeen natiijada ugu fiicanna ay u heli lahaayeen. Hadaba, si aan talooyinka ugu fiican u helo, waxaan la xiriirnay Caalim ka mid ah aqoonyahannada fara ku tiriska ah ee ka tirsan hoggaamiyeyaasha aqoonta dalka, gacantoodana ay kusoo aflaxeen dad farabadan oo jagooyinka ugu sarsarreeya

dalka ka qabtay, waa Professor. Admiral. Faarax Axmed Cumar ‘Faarax Qare’, waxaan hordhignay su’aasha ah habka ugu wanaagsan ee wax loo akhriyo. Professor-ka waxa uu ka hadlay nuxurka akhriska wanaagsan oo ah mid faham ku dhisan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: “Marka ugu horreysa waxaa muhiim ah inaad fahamto nuxurka waxa aad dhiganeyso, cashar kasta mawduuc gaar ah ayuu ka hadlaa, mushikilad goonni ahna wuu xalliyaa, waa inaad fahamto theory-ga casharka ka dambeysa iyo dhibaatada uu daaweynayo, waxaa markaa

COSOB

14

hubaal ah inaanuu weligaa maskaxdaada ka go’ayn.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Dhacdo kasta oo aqooneed waxay leedahay taariikh u gaar ah, goob ay ka dhacday iyo mushkilad bulsho oo ay xallinayso, inaad arrimahaas fahamtaa waxay kaa garab siinayasaa inaadan weligaa illoobin casharka aad akhrineyso.” Professor-ku waxa uu ku talinayaa in markasta uu ardaygu xoogga saaro maadadiisa takhasuska u ah, kadibna uu akhriyo maaddooyinka kale ee muhiimka u ah noloshiisa si macluumaadkiisa guud uu u

Julaay 2018


xoojiyo, iyadoo aanuu qofku isku dhibayn inuu waxwalba barto. 10-QODOB EE AKHIRSKA WANAAGSAN SALDHIGGA U AH

1. Focus – Xoog Saarid Inaad shay xoogga saarto oo dhoohanaanta iska ilaaliso waa furaha akhriska wanaagsan; maskaxda saafiga ah ee mashquulka kale ka maran ayaa ah tan loo baahan yaahy, wakhtiga ugu habboon waa xilliga hore ee subixii, waana wakhti ay maskxdaadu saafi tahay. 2. Muhiimadda Maadada u Gaarka ah

Tusaale ahaan; haddii aad baraneyso maaddo suuqgeyn ku saabsan, ku fakar sidii aad maadadaa hadhow ugu fulin lahayd shaqadaada oo aad ugu dabaqi lahayd noloshaada, haddii aad maadada taariikhda ah baraneyso; daawo filim documentary ah oo fahamka taariikhda kaa taageeri kara, xilligan aan joogno way sahlan tahay inaad internet-ka ka hesho. 3. Ha kuu muuqto hadafkaaga waxbarasho Markaad hadaf gaar ah daba socoto si dhab ah, waxaa xaqiiqo ah inaad maalin un gaareyso; intii aad wax u akhrin lahayd sabab imtixaan, naftaada u diyaari sidii in lagaa doonayo wixii aad fahamtay inaad dad kale u sharraxdo; wadaasi waxay kaa garab siisaa in fikirkaaga aad diyaariso, macluumaad wanaagsanna aad hesho. 5. Akhrinta ka hor diyaargarow samee Sameyso jadwal akhris ah oo qorshe maalinle ah ku salaysan, qayb kasta, farac kasta iyo maaddo kasta, maxaa yeelay; wakhtigeennu inta badan waa mid furan oo aan jadwal lahayn, waxbadan ayaanana inagaga lumay arrintaas. 6. Maddooyinka adag Ka bilow Ka bilow maaddooyinka adag si aad u dareento inaad tallaabooyinkii ugu adkaa aad ka gudubtay, inta kuu soo hadha inaad dhameystirtaa way kuu fududaaneysaa. 7. Meel Go’an wax ku akhri Meel u go’an oo aad wax ku akhriso sameyso, ka fogow goobaha cuntada, telefishinka iyo xitaa mobile-ka, waxaana sii wanaagsan inaad sariirta ka fogaato. 8. Ka fogow waxyaabaha ku mashquulin kara Sannooyinkii dambe, mobilellada Smarts-ka ah waxay noqdeen waxa ugu badan ee

COSOB

15

wakhtiga lumiya, sidaa darteed waxaan ku talineynaa inaad iska fogayso xilliga wax akhriska iyo maalmaha imtixaanka. 9. Qaado cunnooyin caafimaad, jimicsina samee Ka fogow cunnooyinka baruurtu ku badan tahay xilliga imtixaanka, inta badan caajis ayaa laga qaadaa qofkuna nasasho ayuu u baahdaa, sportska samee ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii, arrintaasi waxay kaa garab siinaysaa inaad si wanaagsan wax u barato. 10. Isticmaal erayda dhiirrigelinta ah Halkan kaalinta ugu badan waalidkaa iska leh, waxaa laga rabaa iney ubadkooda dadaalka ku dhiirrigeliyaan kuna taageeraan, erayada niyad-jabka ahna ka ilaaliyaan, laakiin ogow haddii aad cid kale dhiirrigelintaa ka waydo, naftaada adigu ku abaalmarin waxyaabaha wanaagsan ee aad gaarto, naftaadana ku guubaabi, gabayada iyo halhaysyada waxbarasho ee dhiirrigelinta leh, sida ‘Yaraanta wax ku barta wayntaanta waad ku arkaysaan…” Ugu dambeyn, hadafka aad wax u akhrineyso yaanuu noqon mid aad ku salaysan sidii aad imtixaanka derajooyin sarsare ugu keeni lahayd oo qura, waxaad wax u barataa hadaf nololeed iyo sidii aad mustaqbalka meel wanaagsan uga soo bixi lahayd, aqoon wanaagsan oo tayo sare leh u yeelan lahayd, inta badan macallinka iyo manhajku waa taageero aad wada wanaagsan ku baraneyso , qofka la doonayo inuu dadaalo oo uu meel iska soo saaro waa adiga.

Julaay 2018

Maandeeq


CABDIFITAAX WAA KABALYEERI HADANA JAAMACAD DHIGTA !!!

Q

ofka marka uu dhalinyaro yahay, waxaa wanaagsan in uu ka faaideysto waqtigiisa, waxaa Mararka qaar aad arkeysa qof dhalinyaro ah oo iska baada muudo ah oo shaqo iyo waxbarasho midna aan heyn , markaad tiraahdid walaal maad waqtigaada ka faaideysatid markaas buu wuxuu leeyahay “ saaxiib wadanka waad u jeeda marka xaaladdaan laga baxo ayaa shaqo iyo waxbarasho bilaabayaa. Cabdifitaax Cabdicasiis ismaaciil

waa wiil dhalinyaro ah oo ad u firfircoon , waqtigiisa waa uu qaybiyey labo waqti uu waxbarto iyo waqti uu shaqeysto, waxaana uu meesha ka saarey dhalinyarada aan hore u soo sheegey ee ku marmarsiyoonaya xilgaan lama shaqeysan karo waxna lama baran karo. Cabdifitaax waxaa kula kulmey Hotelka Furaad ee magaaladda Muqdisho, Xiliga aan kulmeyney wiilkan dhalinyarada ah waxaa uu ahaa adeege Dhinaca raashinka (Kabalyeeri”

COSOB

16

Mar aan la sheekeystey waxaa wax ka weydiiyey Xaaladiisa waxaana uu yiri “ Walaal Xiliyada ama waqtiga waa ii qaybsan yahay, mar waxbaan bartaa marna Shaqadaan aad u jeedo ayaa ka shaqeeyaa” aad baan ugu farxay marka uu warkaas ii sheegey, waxaan iri ii soo dhawow waxaana weydiiyey Waxbarashadiisa markaas buu iigu Jawaabey “waxaan dhigtaa Jaamacad waxaan marayaa Semeterkii 2-aad” isagoo Faraxsan ayuu ii sii daba dhigey “Waxaan aad ugu rajo weynahay in aan dhameysto Jaamacada ilaa aan ka gaaro BHD, marka waxaan aad uga Xumahay dhalinyarada weli aan waqtigooda ka faaiideysan waliba u hanqal taagaya dal shisheeye waxaana leeyahay “ Haybad waxaad ku leedahay dhulkaada hooyo” waxaa uu intaas sii raaciyey. “ Shaqada waa sharaf waayo Kharashka aan halkaan ka helo waxaa isaga dabaraa Jaamacada , marka waxaan leeyahay dhalinyarada waalidkood iyagoo aan waxba haysan ku dhibaya in ay Jaamacad ka bixiyaan in ay Shaqeystsaan Wadanka wax badan oo laga shaqeysan karo ayaa yaala marka waxaan aad jecelahay in aan Shaqada Kabalyeeriga aan meel sare ka gaaro sidoo kalena Jaamacada aan dhameysto. Wiilkaan Dhalinyarada markii aan wareysanayey waxaa ii yimid rag Saaxiibadey oo kala ah Axmed Maxamuud Dhicisow,Cabduqaadir Qoslaaye iyo Cabdirisaaq Salaad markaan u sheegey Wiilkaan aad bay u gacan qaadeen una hambalyeeyeen waxayna yiraahdeen “ Waa tahay ruux ku dayasho mudan.”

Julaay 2018


QODOBKAN OO LAGAMA MAARMAAN AH SI AAD U HESHO HURDO CAAFIMAAD OO XASILLOON

C

aadooyinka hurdada dadku wey ku kala duwan yihiin, laakiin waxaa la isku raacsan yahay iney muhiim tahay qolka jiifku inuu noqdo mid madow, kaas oo saameyn ku leh caafimaad maskaxda iyo jirka guud ahaan. Daliilka ugu weyne ee farta lagu fiiqayo ayaa ah in Alle SW uu aadanaha nolosha u kala qeybiyay, habeenkii uu ka dhigay nasasho maalintiina uu ka dhigay macaash iyo mid ay shaqeystaan. Dr. Khaalid Usaama Cabdulqani oo ka tirsan Jaamacadda Helwan ee gudaha dalka Masar oo la hadlay wergeysa “Youm7” ayaa yiri: “Iftiinka yar farriin ayuu jirka usoo dirayaa in la gaaray waqtigii nasashada, arriintaasi waxey ka garabsiineysaa jirka

in la bilaabo diyaargarow Physiological ahaaneed si uu jirku u seexdo, waxaa markaa la soo saarayaa maadada Melatonin oo loo yaqaanno “hormoonka hurdada”, xubnaha oo dhani markaa waxey galayaan nasasho, markaa gamaanyo ayaa qofka qabaneysa”. Dr. waxa uu tilmaamey, marka uu qofk seexdo qol iftimaya waxaa isbedelaya saacadda gudaha aadanaha ee loo yaqaanno saacadda biology-ga ah, xubanaha jirku markaa si ay hurdo ugu soo dhacdo wey adkaaneysaa, maadaama arrin dabeecaddii jirka ay khilaafsan tahay. Haddii qofku meel madow aanuu seexan karin waxa uu kula talinayaa inuu seexdo qol iftiinku

COSOB

17

ku yaryahay oo nal guduud xigeenka ah leh, isagoo weliba tilmaamay in iftiinkaasi lagu xirayo meel qolka dibaddiisa ku taalla. Dr. Khaalid waxa uu xusay, in daraasadaha la sameeyay 95%, dadka adeegsada inta aaney seexan ka hor qalabka electronicga ah ee leh shaashadaha kala duwan ee midabka buluugga leh, iney arrintaasi raad aan wanaagsaneyn ku reebto soo saarista jirka ee hormoonka hurdada, xitaa haddii qolku uu yahay mugdi.

Julaay 2018

Maandeeq


FAA’IIDO OO QARAHA LAGA HELO WAXAA KU JIRTA DHEEF U WANAAGSAN HARAGGA SARE IYO TIMAHA

Q

aruhu waxa uu ka mid yahay fruitka inoo soo go’a xilliga xagaaga ah, waxaa lagu yaqaannaa dhadhan wanaagsan iyo midab qurxoon, sidaa darteed dadka oo dhani wey jecelyihiin, waxaa ku jira faytamiinno badan iyo dheer muhiim ah oo caafimaadka jirka aan looga maarmin. Sida uu qortay websiteka “Healthy“, Qaruhu ama Xabxabka faa’iidooyin badan ayaa laga helaa waxaa ka mid ah: Faa’iidooyinka Qaraha ee Jirka Guud Ahaan, Haragga sare iyo Timaha 1- Qaraha waxaa laga helaa maadada Collagen oo ka qeybqaadata xoojinta caafimaadka jirka, wey ifisaa, waxeyna ka ilaalisaa caalamadaha duqnimada. 2- Waxaa ku jira biyo badan, waxaana hooseeyay calories-ka uu leeyahay, sidaa darteed waxa

laga helaa firfircooni, baruurtana waa lagu jaraa. 3- Jirka waxa uu ka ilaaliyaa cudurrada kansarka ee kala duwan, sida; kansarka sambabha, kan naasaha iyo kan prostate-ka ah. 4- Jirka waxa uu ka ilaaliyaa xanuunnada wadnaha, istaroogga, sidaa darteed; faytamiinka faraha badan ee ku jira iyo nacfiga cunno ee uu leeyahay, waxey muhiim u tahay wadnaha iyo jirka. 5- Caafimaadka indhaha iyo sambabaha ayuu u roon yahay, nacfiga iyo faytaminnada lagama maarmaanka ah ee caafimaadka indhaha u roon ayaa laga helaa. 6- Waxa uu kaalin weyn ka ciyaaraa xoojinta raganimada iyo awoodda bacraminta qofkana. 7- Biyaha iyo sonkorta ku jirtay Qaraha heerka sonkorta jirka ayey xakmeeyaan,sidaa darteed; COSOB

18

bukaanka macaanka/sonkorowga qaba waxaa lagula taliyaa iney mar kasta oo ay u suuraggasho ay isticmaalaan. 8- Habdhiska dheefshiidka ayuu xoojiyaa, dhibaatooyinka caloosha ee caloolmajiirku uu ka mid yahay qofka wuu ka ilaaliyaa. 9- Caafimaadka beerka iyo kalyahay ayuu u roon yahay, waxa uu ka ilaaliyaa iney howlgab noqdaan ama cudurrada kansarku ay ku dhacaan. 10- Qaraha waxaa ku jira dheef muhiim ah oo dhiigkarta lagu dajiyo. 11- Waxa uu xoojiyaa caafimaadka iyo koritaanka timaha, caabuqana wuu ka ilaaliyaa. 12- Caafimaadka lafaha ayaa lagu xoojiyaa, waxa uuna ka ilaaliyaa lafo-jileeca iyo caabuuqyada kala duwan ee ku dhaca.

Julaay 2018


WAA KUMA AL-HASSAN W A T A R A

A

l-xassan watara waa hogaamiye siyaasadeed afrikaan ah kana soo jeeda waqooyiga dalka ivory coast ,waa khabiir ku xeel dheer dhaqaalaha ,wuxuu ahaa nin mucaarad ah ka hor inta uusan noqonin madaxweynaha dalka ivory coast ee ay aqoonsantahay beesha caalamka kadib doorashooyinkii dhacay 2010-kii taasoo dambaaburo colaadeed ka dhex holcisay al-xasan watara iyo madaxweynihii xilkiisii dhamaaday ee loran baagbuu iska hor imaadyadii dhacay xilligaa ayaa isla markiiba usii

xuub siibtay dagaal sokeeye oo ay faraha isula tageen reer ivory coast. Al-xasan watara ayaa dhashay 1-dii janaayo 1942-kii wuxuuna ku dhashay magaalada DEMBOKRO oo dhacda badhtamaha dalka ivory coast, aabihii ayaa ahaa nin ganacsade ah oo maal iyo magacba ku dhex leh magaaladaas. Watara ayaa marba marka ka dambeeysa usii talaabsanayay figta sare ee ilayska aqoonta illaa uu midigta ku dhigay shahaadada PHD-ga oo uu ka COSOB

19

qaatay culuumta dhaqaalaha ee jaamacadda PENSELFENIA ee dalka mareykanka sanaddii 1967kii. Mr.watara ayaa soo heegeeystay tiro xilal ah oo xidhiidh la leh aqoontiisa dhaqaale jagooyinkaas uu soo qabtay waxaa ugu magac iyo muunad sarreysay markuu ahaa gudoomiye ku xigeenka hey’adda sanduuqa lacagta adduunka xilkaas oo uu hayay intii u dhexeysay sanadihii 1994-kii illaa 1996-kii, intaa kadib ayuu si iskii ah uga tagay shaqadii uu u hayay wuxuuna go’aansaday inuu dib ugu noqdo dalkiisii hooyo. Watara ayaa mar loo magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha bangiga dhexe ee galbeedka afrika ,sidoo kale dalkiisa ayuu kusoo matalay hey’ado maaliyadeed oo isugu jira heer gobol iyo heer caalami intuba. Iyadoo loo eegayo xeel-dheerenimadiisa dhaqaale ayaa waxaa u yeedhay bud dhigihii dalka ivory coast ahaana madaxweynihii waagaa hayay talada dalka mudane FLEX HOFWET BUWANEE si uu dib u habeyn ugu sameeyo dhaqaalaha dalka ivory coast waxaana watara loo magacaabay ra’isal wasaaraha dalka ivory coast bishii November 1990-kii, taasoo ahayd shaqadii uu hayay taniyo geeridii madaxweyne buwanee 1993-kii . Intii lagu guda jiray labadii sano ee u dambeysay noloshii madaxweyne buwaanee ayuu watara ahaa ninka ku amar ku taagleeya dalka ivory coast maadaama madaxweyne buwanee uu fara kulul ku hayay cudurka cancer-ka . Sidoo kale mudadaas labada sano ahayd waxaa cirka isku shareeray lagdan siyaasadeed u

Julaay 2018


dhexeeyay watara iyo afhayeenka baarlamanka HENRY KONAN BEEDIE oo cuskanaya qodob dastuuri ah kaasoo qeexaya in haddii madaxweynuhu howlgab noqdo amaba geeriyoodo in afhayeenka baarlamaanku hogaanka u qabanayo dalka arrintaa oo BEEDIE u suura galinaysa inuu naftiisa u caleemo saaro kursiga madaxtooyada. BEEDIE ayaa u tafa xeytay sidii uu watara uga hor istaagi lahaa hogaaminta dalka ugana hor joogsan lahaa inuu ka qeyb galo u baratanka doorashadii madaxtinnimo ee 1995-kii isagoo u cuskaday xeer waajib ka dhigaya in u tartamaha kursiga madaxtooyada uu ahaado mid ay iska dhaleen aabe iyo hooyo u dhashay ivory coast, Maadaama la shaki galiyay dhalashada watara hooyadii ayuu ka hadhay doorashadii wuxuuna isaga baqoolay dalka. Kadib burburkii ku dhacay maamulkii BEEDIE 1999-kii ayuu watara dib u soo cagadhigtay dalkiisa waxaana loo doortay inuu hogaamiyo xisbiga midowga jamhuuriyiinta badhtamihii 1999-kii. Watara ayaa doorashadii dhacday

2000 mar labaad loo diiday inuu Dhanka kale beesha caalamka ka qeyb galo tartanka si la mid ayaa watara u aqoonsatay ah tii horay aannu usoo xusnay madaweynaha xalaasha ah ee wallow kalkan uu muran fara dalka ivory coast waxaana loo badani ka dhashay ,inkastoo dhaariyay xilkaas wuxuuna aakhirkii doorashada uu ku soo dhisay xukuumad inkastoo guuleystay ninkii sida weyn ay uu ku xayirnaa isaga iyo isu necbaayeen ee loran baagbuu, xukuumaddiisaba hotel golof ivory cost-ina waxay lugta la oo kulaala xeebta magaalada gashay dagaal sokeeye oo ugu abidjaan kaasoo ah hotel lagu dambeyntii laga fursan waayay in xeyndaabay silig qodxa leh oo ay lagu xalliyo fara-gelin shisheeye. waardiye ka hayaan tobannaan ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Al-hasan watara ayaa ka qeyb galay doorashadii October 2010- qaramada midoobay. kii isagoo wareeggii koobaad 11-kii bishii april 2011-kii waxaa galay kaalinta labaad helayna suura gashay in gacanta lagu codad dhan 32% halka loran soo dhigo loran baagbuu oo loo baagbuu oo la tartamayay uu arkayay inuu yahay nin qas iyo helay 38% codadkii doorashada . fadqalalle ka hurinaya ivory coast taasoo u gogol xaadhay in Wareeggii labaad ee doorashada watara ayuu nasiibku siiyay inuu alhassan watara gacanta ku dhigo dalka oo idil. helo 54% codadkii doorashada halka baagbuu uu ka helay 46% Dabayaaqadii October 2015-kii codadkii la riday, natiijadaas doorasho la qabtay ayuu watara ayuu loran baagbuu ku gacan helay 83% codadkii doorashada seydhay , muran kadib golaha taasoo ka dhigan inuu mar labaad dastuuriga ah oo dib u eegis ku sii daadihin doono dalka ivory sameeyay natiijada doorashada cost. ayaa ku dhawaaqay in baagbuu ku guuleystay doorashada iyagoo daaqadda ka tuuray boqollaal kun oo cod oo ka timid dhanka C/fataax xasan-wali c/naasir(zaki) deegaannada waqooyi ee ay gacanta ku hayaan fallaagada.

COSOB

20

Julaay 2018


ARRIN LA YAAB LEH OO KA DHACDAY MUQDISHO KADIB MARKII SAC UU LIQAY MOBILE

W

aa wax la fili karo in aad aragto waxaad la yaabo inta aad adduunyada joogto, todobaadkii la soo dhaafay ayaa degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin dad badan ka yaabisay kadib markii uu Sac uu lahaa nin deegaanka ka tirsan uu liqay Mobile uu lahaa nin kale. Lo’da Muqdisho oo lagu yaqaan in ay wax walba cunto sida Xaanshiyaha , Bacda iyo Baakadaha ayaa waxaa dhacdey in nin bac Qaad ah sitey isla markaan waxaa Bacda Qaadka ugu dhex jirey Mobile wuxuuna reer sac u joogey ka codsaday in la siiyo Musqul si uu ugu soo xaajoodo waxa uuna qaadkiisii saartay meel darbi ah, dadkii guriga joogeyna wax feejignaan ah ma siin qaadka uu ninku meesha saartay, waxaana dhacday intii uu musqusha ku jiray in Sacii reerku lahaa soo galay daaraddii kadibna uu afka si fiican ula helay Qaadkii darbiga saarnaa oo uu ku dhex jiray Mobile-ku, wuxuuna Mobile-ka ahaa mid yar oo aan sidaa u weyneyn waxaana Sacii u suuragashay in uu ku liqo caleentii Qaadka.Mobile-kii Ninkii markii uu soo dhameystay xaajaddiisii Musqusha ayuu dibadda u soo baxay, waxa uuna arkay haraadigii qaadka oo ka sii laalaada afka Saca, inta uu naxay oo afka labadii yeeray ayuu ku dhawaaqay “Alla Mobilekeygii……Alla Qaadkeygii”. Reerkii guriga ayaa qaylo dhaantii ku soo baxay, waxa uuna ninkii u sheegay in Sacaan uu ka cunqay qaadkii uu watay iyo waliba Mobile ku dhex jiray bacda qaadka. Odeygii reerka oo yaaban ayaa yiri “Qaadka garanay laakiin maxaa caddeyn kara in Sacu uu

liqay Mobile”, waxaa la wacay Mobile-kii waxa uuna yiri “Lama heli karo, Waa mashquul, Qadka ayuu ka maqan yahay iyo wixii la mid ah”, meeshiina waxaa ka bilowday muran xoogan oo u dhexeeyay ninkii socotada ahaa iyo reerkii, mid ka mid ah dadkii ku soo baxay ayaa yiri “Saca hadduu Mobile liqay si sahal aha ayaa loo helayaa waxaa la siinayaa Burgaanti oo waliba dhowr xabo ayaa la isugu darayaa” waa lagu wada qoslay waxaase ka biyo diiday ninkii lahaa saca oo isagu soo jeediyey in haddii uu Sacaan laqay Mobile waxaa lagu kala baxaa in Raajo la saaro Saca, Murankii ayaa sii dheeraaday,

COSOB

21

qolo kale ayaa soo jeedisay in saca laga qabto ilaalo gaar ah si saxaradiisa loola socdo. Mar kale waxaa la soo jeediyey in saca la qalo qarashka uu bixiyo ninka Mobile-ka leh, hase yeeshee ninkii waa uu diiday, waxay Odoyaashii meesha isugu yimid ayaa go’aamiyey in ninkii Mobile-ka lahaa loo celiyo wax xooggaa lacag ah, sidaa ayaana markii dambe lagu kala baxay.

Julaay 2018

Amiin Yuusuf Khasaaro


MURTIDDA IYO MAADDA 24. MA KULMI KARNAA.

Wiil ayaa Soo booqday gashaanti ay saxiibo yihiin oo gurigooda joogta, Markii uu xaafaddii yimid, aya waxa uu la kulmay innanta Aabbehed oo La fadhiya, Kaddib innantii ayaa la hadashay wiilkii ay isku asxaabta ahaayeen halkii ayaanay ka bilawday hadalkii,iyaga oo is waydaarsan doona kalmado ingiriisi ah oo ay isleeyihiin yaanu idin fahmin odaygu. Innantii : Haa walaal maxaad Rabtay? Wiilkii: waxba walaal waxan Rabay buuggii ahaa "Shall we meet2" innantii : waan ka xumay walaalo buuggas Ma hayo ee waxan hayaa hadaad rabtid buuggii 2aad ee ahaa "wait me the door i will come to you after 5minute" Wiilkii: Maya kaas waan haystaa ee kii ok do Faster Please ma haysaa? innantii: Haa kaas waan hayaa isaga iyo Kii kalee ahaa"Ok My Sweet" Aabbihii: innantaydii Aabbo Ma waxaas Oo buuggaag ah ayaad akhridaa Waad fiican tahay Waxaan u malaynayaa inaad iskuulka adigu ugu saraysidba, laakiin Buug ayaad ilowday Innantii: Aabbo Buuggasi waa kee?! Aabbihii:waxa weeye Buuggi ahaa "I am not Stupid I understand everything " Si aan Caadi ahayn,hadaba waxaa wanaagsan haddii aad wax qarinaysid in aad

hubsato in lagula socdo amma lagu fahmi karo. 25. TELEFOON IYO WACDARIHIIS.

Nin ayaa waxa uu qabay gabad kaddib ninkaasi waxa uu si qarsoodi ah u guursaday dummar kale qaarkalana waa uu la sheekaysan jiray ,balse nasiibdarro maa aysan ogayn gabadhiisii hore ninkani wax uu qabo iyo wax uu la sheekaysto ,maalin ayaa isaga oo daallan yaa uu yimid guriga gabadhiisii hore (min wanynadii) kaddibna waa uu seexday, waxaana haysay qaadiro ba’an, isla markiiba waa uu gamay cabbaar kaddib ayaa waxa soo garaacay lambarro kala duwan , oo ay ka mid yihiin : wasiirka maliyadda ,agaasimaa shirkadda telesom, af-hayeenka guud, sheikh Aadan , safiirka turkiga,xaaji khayre . illayn lambaradan lagu qoray dadka kale waa gabdhihii uu la sheekaysan jiray iyo kuwa

COSOB

22

uu qarsoodiga ku qabay,kaddib waxaa soo garaacay telefankiisii wasiirka maaliyadda gabadhii inta ay eegtay ayaa ay istidhi waakan hurdee waxba ha toosine iskadaa waa ay dhigtay ,inyar kaddib waxa soo garaacay agaasimaa shirkadda telesom lambarkii ayaa ay eegtay kaddibna waa ay iska dhigtay ,hadana waxaa soogaraacay af-hayeenka guud isna sidii oo kale waa ay iska dhigtay ,cabbaar yar kaddib waxaa soo garaacay safiirka turkiga waxay istidhi safiirku yaanu waxkale moodine waa uu hurdaa ku dheh si uu hadhaw ugu soo celiyo ,waabay qabatay HELLOW misna waaba gabadh af-soomaali ku hadlaysa oo leh’’ haa walal ku meedee waaban qadaynee?’’ haa walaal mee xaguutagay? gabadhii baa tidhi kuma ayaad u baahantay, waxay tidhi walaal waxaan ahay xaji Maxamed xaaskiisiiye mee ? xaaji Maxamedna waa

Julaay 2018


ninkan hurda,gabadhii intay yaabtay ayaa ay taleefankii dhigtay , inyar kaddib ayaa waxa soo garaacay Xaaji khayre misna waabay ka qabatay waa gabadh waxaabay ku bilawday ,GACALIYE MAFIICANTAY waaba yaabkale way iska dhigtay .inyar kaddib ayaa waxaa soo garaacay sheekh Aadan oo ah ninkan Aabbihiis waabay qabatay oo ay ugu jawaabtay adna saw matihid ka waxan oo naaga ah u guuriyay ,odagii baa yaabay oo amakaagay kaddib waxa uu iska dhigay taleefankii . 26. FARXIYA NIN HELAA FOOLXUMO MA EEGO. Nin ku noolaa Confur Africa oo ganacsade ah oo leh maalbadan ayaa waxaa la siiyay gabadh, ninkaasi waa uu il- la’aa, kaddib innantii waa ay ogolaatay kuna qanacday in lasiiyo ninkii ganacsadaa ahaa, sidii ayaa ay ku aqal galeen, muddo 5 sanno ah kaddib ninkii ganacsadaa ahaa waxa uu noqday shiid yacnii (xoolihii iyo maalkii ayaa ka dhamaaday ) sidii hore ee ay dhaqaalaa u hiligireen imaka wax wayn ayaa iska badalay, kaddib malin iyaga oo fadhiya gurigooda ayaa ninkii waxa uu soo jalleecay innantii, kaddib waxa ay waydiisay horta waxaan ku waydiiyay ishan maxaa kaaga dhacay ? kahorna maa aysan waydiin intii ay mudadaas shanta sanno ah isqabeen, ninkii waxa uu ugu jawaabay walal hore maanad u arag? Gabadhii waxay ku jawaabtay maya , waxa uu ku yidhi markii aan shiidka noqday ee aan xoolo beelay ayaa ay sidaas noqotay. Ujeeddada sheekadu waxay ina tusaysaa in uu bila’aadamku lacagta aad u

jecelyahay,laakiin ujeeddadda gabadhani nin doon maa’aysan ahayn ee lacag raadis ayaa ay ahayd markii ay waydayna waataa ninkii wax ka sheegtay iyadoo markii horeba ku kalsoonayd. 27. JOON IYO JEESTADIIS.

Beri ayaa waxaa jiray nin lugta ka curyaan ahaa oo laakiin lacag leh, ninkaas lacagtiisa awgeed waxa uu iska badalay magaciisii hore waxa uuna la baxay magac layidhaahdo( joon) gabadhii uu qabay ayaa maalin maalmaa ka mid ah waxa ay doontay in ay ninkeeda maalin uun ammaanto, ninkuna aad ayaa uu curyaan u ahaa oo lugihiisa mid ka mida ayaa aad naafo u ahayd,gabadhiisii waxay ku bilawday ammaanteedii ay ku ammaanaysay ninkeeda “ kii aan jeclaayaw, joon caafimaadoow, kay lacagtu jabisaw , ma jabnee majiilnee kii yara janjeedhow”, waxabay ku leedahay wuu jeestaynayaa. Murtida ku jirta sheekadu waa laba shay midi waa lacagta iyo waayeheeda,midina sideedaba qofku ruuxa uu jecelyahay uma quudho in uu wax ka sheego.

Ingiriisi, se iyagu Ingiriisiga inyar inyar ayaa ay ka yaqaaneen oo ay ka jajabsanayeen, malin maalmaa kamida hablihii waxaa ay aadeen xawaalad kamida xawaaladdaa lacagta laga soodiro,waxay yimaadeen xawaaladdii waxaa loo dhiibay foomkii ay lacagta ku dhigi lahaayeen ,markii ay foomka buux buuxinayeen ayaa waxay ku arkeen kalmadda ‘’sex’’ kalmadda macnaha ay ugu taallo foomka waa Lab miyaatay mise Dhaddig (jinsiga) laakiin markii ay hablii arkeen kalmadda waa ay yaabeen waxa ay is ku yidhaahdeen naa bal eeg waxay durtaba inoo soo raaciyeen ilaahow gaalo wax hanoogu dhiibin, kaddib waxay isku yidhaahdeen maxaa aynu ka yeelnaa meesha katagi maynee, gabadhii kale ayaa ku tidhi naa waxaad tidhaahdaa ‘’some times’’ oo ah mararka qaarkood ugu qor si uun bay u dhiciye.sheekadu waxay inna tusaysaa in kalmadda ay habluu u fasirteen sikale,sideedana waa ay iska dhacdaa in is fahamwaa dhaco.

28. LAB IYO DHADDIG IYAMAAD TAHAY?.

Wakhti waayaha ka mid ah ayaa waxaa la dhoofiyay laba hablood,waxaana loo dhoofiyay waddan aanay afkiisa aqoon, kaddib habluhu waxa ay joogeen muddo aad u kooban magaalada , magaaladan ay joogaana waxaa lagaga hadlaa afka looyaqaano

COSOB

23

Julaay 2018

Mubaarig Farxaan Faarax(Araye)


NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!!! QEYBTA 11-AAD

NABSIGII QABSADAY QAASIN

Q

aasin, waxaa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray Magaalada Baardheere. Waxaa uu ka mid ahaa dhallinyarada Ciyaalbeladka ah ee aan kolkaas waxba dhiganayn. Magaalada ayuu Waalidkiis kula noolaa, waxaa uuna goor dambe bilaabay Balwad (Jaad iyo Sigaar). Muddo kaddib, waxaa uu bilaabay in uu saaxiib la noqdo

Maleeshiyaadka qoryaha sita, markaas baa waalidkiis, waxa ay go’aan ku gaareen, in ay Qaasin Waddanka ka diraan, si, inta uu Malleeshiyaadka u raaco, uusan ugu dhiman meel xil-le. Ciddii dal iyo dibed inta is-waceen, ayey Qaasin ka kaxeeyeen Maagalada Baardheere sannadka 2001-dii, waxaana la geeyey magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda COSOB

24

Itoobiya, si halkaas ay uga dhoofiyaan laba wiil oo walaalihiis ahaa oo Maraykanka jooga. Markii Qaasin la geeyey AddisAbaba, ayuu waxaa uu galay nolol ka qurux badan middii uu ku haystay Baardheere. Waxaa uu jiifsadaa Hoteel Liibaan, oo ku yaalla Xaafadda Boolee, waxaa uuna helaa Qaad cusub oo biyuhu

Julaay 2018


ka da’ayaan iyo noloshii oo dhan oo ‘isa-saar’ ah. Qaasin, intii uu bataashkaas ku jiray, ayaa waxa ay isku barteen isla Addis-Ababa gabar la yiraahdo Feyley, oo ahayd gabar caddaantii ka badatay oo geedkaas la’eg oo indho Baliil u eg lahayd, oo qurux oo dhan loo dhammeeyey, oo ka soo jeeddey Magaalada Xuddur, oo la noolayd hooyadeed, isla markaasina gurijoog ahayd. Waxaa ay Feyley markaasi jirtay 19-sano, waxaa uuna Qaasin kolkaas ka weynaa 5-sano. Feyley, waxa ay la noolayd hooyadeed Nuuney oo keligeed markaas ay kala joogtay, sababta oo ah, wiil iyo gabar kale oo la dhashay, ayaa waxa ay ku noolaayeen dalka Norway, waxa ayna halkaasi ku ahaayeen Dhoof-sugayaal. Waxa ay degganaayeen isla xaafadda Boolee, waxa ayna u dhawaayeen guri uu degganaa wiil Qaasin saaxiibkiis ah, halkaas ayeyna isku barteen – Qaasin iyo Feyley - dhawr jeer oo ay iska soo horbexeen kaddib. Qaasin, weligi ma arag gabar la qurux ah Feyley, markii koowaad ee uu arkayna aad buu ula dhacay quruxda gabadhaas Alle manneystay. Waa dhammeys dhan walba ah; joogga, dubcaddida, timaha jilicsan ee dhirirka badan, xubnaha jalaqsan iyo wejiga quruxsan ee aysan Ishu ka libiqsan karin. Qaasin, waxaa uu go’aansaday, in uu gabadhaas daba-dhigto, oo uu soo xero-geliyo. Waxaa uu bilaabay, in uu barto isla markaasina xiriir adag la sameeyo. Waxaa uu bilaabay, in uu mar kasta oo uu u imaanayo u keeno Catarro, Baraafuunno iyo Hadiyado qaali ah, oo Feyley lafteedu aysan arag qof saaxiib ah, oo u keena alaabtaa oo kale. Waa uu yaqaanay af-guriga Maay e, isagaas ayuu ku shukaansadaa. Markaas baa qudheedii is-beddel ku dhashay ay ku aqbalayso. Qaasin Sideedaba, Hadiyadda, Hibada iyo hadalka suubban ee wata erayo-guri la isla garanayo, waxa ay ka mid yihiin, wax

yaalaha qofka maankiisa dafa, oo xitaa geliya waxa uusan qalbigiisu kolkaas diyaar u ahayn. Qaasin, sidii uu Sheeko macaan iyo Hadiyado aan kala go’ lahayn uu gabadhii ugu waday, waxaa uu gabadhii ku abuuray jacayl xeel dheer oo aysan ka soo sawaaqsan karin. Haddii uu isagu wici jiray mar walba, iyadii baa bilawday in ayba Taleefoonka ka joojin weydo. Haddii uu isagu soo raadin jiray, iyadii baa jecel in ay mar walba soo raadiso, oo ay ugu timaaddo meel kasta oo uu markaas isugu sheego in uu joogo. Si kale kuma garatide, waxaa ay noqotay Feyley qof la-madax-maray, oo ay kaga dhegtay oo keliya Qaasin. Qaasin, markii uu arkay in ay Feyley u soo xero-gashay, waxaa uu bilaabay in uu mar waliba ku ballansado hoygiisa, marka ay u timaaddana uu la-baashaalo, maaddaama jacaylka uu ku abuuray uu gaarsiiyey, in aysanba isku diidi karin, is-kana celin karin. Sidii uu u tumayey Feyley, mar walba oo ay u timaaddo, isaga oo kaga faa’iideysanayey Jacaylka xad-dhaafka ah ee ay u qaadday, ayaa markii dambe, waxaa Feyley ku soo baxay Uur. Sideedaba, qofku qofka uu si dhab ah u jecel yahay, dalabkiisa in uu diido waa ku adag tahay, waana sababtaas sida ay Feyley Uur ‘hor-gal’ ah ay ku qaadday. Weligeed, haddeer baa kow u ah Uur ay qaaddo e, ma garan labadii bilood ee ugu horreysey, laakiin hooyadeed Nuuney ayaa fahantay Bishii Saddexaad, markii ay aragtay calaamadaha gabadha. Hooyadeed, waxa ay ka qaadday Kaadi. Waa soo baartay, waana xaqiiqsatay Uurkii. Inta ay Feyley la hadashay ayey weydiisey cidda Uureysey. Kama qarine, waxa ay dul-geysay Qaasin. Hooyadii ayaa Qaasin weydiisey Uurka Feyley in uu leeyahay, markaas buu inkir cad la soo istaagey iyo in uusan aqoon Feyley. Islaantii Nuuney ahayd ayaa ku qeylisay, oo ku tiri “War ma gabadheyda ayaa been sheegeysa, waa adiga

COSOB

25

ninka gabadheyda Uureeyey?”. Markaas buu isaga oo Wejiga kaduudaya, si yasmo ah ku yiri “Maxaad caddayn arrintaas u haysataa?”. Nuuney, wax ay sheegto inta aqoon weydey, ayey ka dhaqaaqday, oo aaddey odayaashii qabiilka gabadha, una sheegtey arrinta dhacday. Odayaashii ayaa wiilkii odayaashiisii u yeeray, hase yeeshee, markii Qaasin loo wacay, waa inkiray Uurkaas, markaas baa Kitaab loo keenay. Inta Kitaabkii gacanta midig saaray, ayuu xuf ka siiyey. Halkaas buuna uga haray Uurkii Feyley. Feyley, waa qoomameysay, waxa ayna isku aragtay in ay fududaatay, isla markaasina ay jeclaatay qof aan xil-kas ahayn, oo faasiq ah, oo Qaadka labacanleeya. Aad iyo aad ayey uga xumaatay ceebta iyo sharafdarrada uu ninkaasi biday. Waxaa tiiraanyada heysay sabab u ahaa aaminaaddii, isa-siintii, hankii iyo filashadii wacnayd ee waayadaas maankeeda ka buuxay. Yaa ka xanuun badan qof aad shalay isa-siisay oo aad qalbigaaga oo dhan aad u banneysay, oo maanta bannaanka ku soo dhigay. Feyley qoyskeedii oo dhan iyo saaxiibbadeed ayey ka fongarantay, waxaana magaalada u galay sheeko iyo xan aad u xun. Uurkeedii maalinba maalinta ka dambeysa waa sii weynaanayey, mana heli jirin daryeelkii loo baahnaa, oo qoyskeedu waxa ay aaminsanaayeen in ay ilmo aabbe-laawe ah siddo, kaasina aan la daryeeli karin. Feyley, iyada oo murugadaas ku dhex jirta ayey marar badan soo xasuusataa, sidii uu u khalday Qaasin, habkii ay isku siisey iyo qaabkii uu ula dhaqmay, markaas baa waxaa ka soo harta habaar iyo inkaar ay lahayd “Alle, Qaasinow ku dullee, Alle Nabsiga aad iga gashay ha ku soo mariyo, oo ceebtaad igu dhigtay, kugu dhacday mid ka daran. Alle ha iiga kaa cad-gooyo, isaga ayaa qaaddir ehe”. LASOCO QEYBTA:12

Julaay 2018



Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.