COSOB MAGAZINE JUNE

Page 1

Bille, Muqdisho

Juun 2018

TUKERAQ DAGAAL SOKEEYE OO LA SIYAASADEEYAY MASUULIYIINTA PUNTLAND IYO SOOMAALILAND AYAA KU DADAALAYA IN AY KA GAARAAN DANO SIYAASADEED OO DEG DEG AH DAGAALKA SOKEEYE EE TUKERAQ

CADADKA: 11aad

Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre



COSOB

1

Juun 2018


COSOB

2

Juun 2018


TUSMO

john Corcoran 4

DAGAALKA TUKERAQ WAA MASIIBO DADKA DEEGAANKA LOO HORSEEDAY XILLI LAGU JIRO BISHA RAMADAAN

6

MAGACAABIDA G. MAXKAMADA SARE & XAALADAHA KU MEERSAN!

7

BAJAAJTA : DHIBKEEDA IYO FAA’IDADEEDA KEE BAA BADAN ?

8

BARBAARINTA CARUURTA WAA DIYAARINTA SOOMAALIDA BERI

10

XAMAR MA LAHAAN JIRTAY JID-XADIID TAREENADU MARAAN?

12

CULIMO MASAARI AH: PUNTLAND KUMA TAALLO SOOMAALIYA!

13

SENATOR NACIIMO IBRAAHIM YUUSUF “KUMA FIKIREYNIN SENATOR LAAKIIN IN AAN GANACSATO AHAAN DOONO WAAN KU FIKIRAAYAY.”

14

NOLOSHA IYO QOYSKA

16

QAMAR GUURKEEDA QABRIYAA KA XIGAA!!

17

GABOWGA DUNIDA

18

“DANYAR IYO DACASLEEY NIN DUULABA DOORAALAA UGU HOREEYEY”

19

“MA DOORAN LAAKIIN MACAANKEEDII BUU DAREEMEY”

20

CORCORAN: “17 SANO BARE AYAAN AHAA WAX MA AQRIN KARIN,MANA QORI KARIN”

22

MURTIDDA IYO MAADDA

24

NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!! QEYBTA 10AAD

COSOB

3

Juun 2018


TUKERAQ DAGAAL SOKEEYE OO LA SIYAASADEEYAY

MASUULIYIINTA PUNTLAND IYO SOOMAALILAND AYAA KU DADAALAYA IN AY KA GAARAAN DANO SIYAASADEED OO DEG DEG AH DAGAALKA SOKEEYE EE TUKERAQ

S

oomaali dhexdeeda way soo dagaalami jirtay wayna dagaashay laakiin nasiib darro ka weyni ma jirto Ayadoo Maanta la marayo 2018 in soomaali dhexdeeda ay xuduud isku qabtasto oo ay ku

dagaalanto. Ujeedka ugu weyni ee dagaalku u qarxay waxaa lagu micneyn karaa ujeeddo siyaasadeed oo ay ka leeyihiin madaxda labada maamul waa Puntland iyo Soomaaliland COSOB

4

Juun 2018

Mid kasta oo labada madaxweyne ah wuxuu isku dayayaa in uu sameeyo is muujin siyaasadeed iyo Milatery si uu usoo jiito dareenka shacabkiisa taasoo uu u arko in ay mustaqbalka dhow u sahli karto in dib uu doorasho


ugu soo bixi karo. Dagaalka qabaa’ilka ka dhex dhaca wuxuu ku saleysnaan jiray muran ka dhasha dhul daaqsimeed, ceel biyood, xoolo la kala dhacay iyo wax la mid ah balse Tukaraq in loogu dagaalamo sida laba waddan oo uu ka dhaxeeyo muran dhuleed waa arrin si weyn looga gilgisho. “Dadka labada dhinac ee la dagaal geliyay ee loo horseeday dhimashada, dhaawaca iyo barakaca waxay mudnaayeen in ay si nabadgelyo ah ku cibaadeystaan deegaannadooda isla markaana ku noolaadaan si aan laheyn cabsi iyo welwel ammaan, hayeeshee ma dhicin” Sidaa waxaa yiri Sheekh Cali Muuse. Markii bulsho meel wada deggan tahay ama darisnimo ka dhexeyso oo ay dagaal iyo colaadi dhexmarto, waxaa halkaas ku burbura masaalix badan oo bulshadaas ka dhexeyn jirey, waxay waayaan wax badan oo barwaaqo ah oo ay ku heysteen wada noolaanshaha iyo xasiloonida deegaanka. Dadka hoos taga labada maamul ee Somaliland iyo Puntland waxaa la dhihi karaa waxay imika marayaan mid ka mid ah xilliyadooda ugu xumaa nolosha, dad badan oo xirfado kala duwan ugu noolaa deegaanka ayaa ku qasbanaaday in ay guryahooda ka cararaan si ay dagaalka uga nabad galaan C/weli Maxamed Cali “Gaas” Madaxweynaha Maamulgoboleedka Puntland wuxuu talada puntland qabtay sanadkii 8dii January 2014kii wuxuuna ka degayaa xilka sanad kadib (2019ka) sida qorshuhu yahay. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu talada soomaaliland majaraha u qabtay sanadkii hore 2017kii wuxuuna ka tegi doonaa dhowr sano kadib. Labada madaxweyneba waxay xilka sii heyn doonaan waqti yar oo kooban iyaga oo intan ka

dhaqaale iyo barwaaqo badan, waxayna ka tagi doonaan dhulka iyo dadkiisa oo weli sidii iyo si kasii liita u yaalla. Dadka dagaallamaya ayay tahay in ay isweydiiyaan sababta ay isu dagaalayaan, kadibna ka fakaraan sida ay deegaanka nabad ugu wada noolaan karaan Mararka qaar waxaa warbaahinta rasmiga ah iyo baraha bulshadaba laga baahiyaa dad jadbeysan oo dagaalka u mashxaradaya, warbaahinta labada dhinacna waxay qorayaan warar ay labada maamul ku kala sheeganayaan guulo dagaalka lagu xaqiijiyay. Laakiin xaqiiqda ayaa ah in dagaalku aanu keeneyn natiijo aan guuldarro aheyn, guul darradaasuna shacabka labada dhinac uun bay ku dhaceysaa ee madaxdu way ka nabadgelayaan illaa xad. Marka uu istaago dagaalka kaliya waxaa laga dhaxli doonaa qodobbo hor leh oo uur-kutaallo iyo qoomamo leh: • Dhiig badan oo ku daata dagaalkaan, kaasi oo bulshada gobolladaas degta ku dhaliya dakano qarniyo socota. • Xiriirka bulshonimo iyo isdhexgalka oo dhuma. • Waxqabadka maamullada ka jira gobolladaas oo daciifa, xag maamul, amni iyo dhaqaale intaba. • Qabaa’ilka maanta dagaalka hurinaya oo dib iyaga colaadi uga dhex-dhalato, markii uu dhibku bato. • Burburka Dowladnimada Soomaaliya oo sii xoogeysta gaar ahaan deegaannada lagu dagaallamayo • Gobolkaan lagu dagaallamayo oo burbur, barakac iyo dhaqaale xumo ballaaran ku habsadaan. • Xiriirka dhaqaalle ee gobolladaas iyo isu gudubka badeecadaha oo yaraada.

COSOB

5

Juun 2018

• Kaalintii isimada ee xallinta dhibaatooyinka oo lunta. • Afkaarta shisheeyaha iyo keenidda ciidamo nabad ilaalin ah oo dhalata • Ururrada ka dagaallama Koonfurta dalka oo fursad dahabi ah ka hela dhibaatadaan jirta, kaddibna isku fidiya dhammaan gobollada dalka oo dhan. Puntladn iyo Soomaaliland waxay ku dagaallamayaan lahaanshaha dhul soomaaliweyn ka wada dhaxeeya suurtagalna aan aheyn in koox gaar ah ay dagaal ku hantiso. Taariikhda laguma hayo soomaali dhexdeeda oo dagaal ku kala reysay oo dad iyo dhul isaga qabsatay, dagaallada dhacaa oo dhan waxaa lagu xalin jiray si caqli iyo miyir uu ku dheehan yahay isla markaana dhaqanka suuban ayaa la waafajin jiray Waa nasiib darro weyn in weli la isku hor fadhiyo goobtii dagaalku ka bilowday isla markaana aanu jirin xal muuqda oo lagu dhammeynayo Colaadda. Inkastoo Soomaaliland ay sheeganeyso madaxbannaani iyo dowlad gaar u taagan haddana Dowladda Soomaaliya ayaa Masuul ka ah jamhuuriyadda soomaaliya, Dowladda federaalka ayay tahay in ay ka fakarto habka lagu wajihi karo xaaladda ka taagan deegaanka tukeraq. Dowladda federaalka ah ayadoo garowsan Masuuliyadda weyn ee saaran waa in ay raadisaa tab xal loogu soo dabbaali karo deegaanka isla markaana dadka dib loogu celin lahaa ama ay iyaga ugu soo noqon lahaayeen

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)


MAGACAABIDA G. MAXKAMADA SARE & XAALADAHA KU MEERSAN!

G

odoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yusuf Axmed oo M. Farmaajo dhawaan u magacaabay xilkaas. Waxaana labadii beri ee ugu horeysay hareeyay Saxaafadda hadalhayntiisa dhaliilo iyo ammaan loo wada jeedinayo talaabadaan uu Madaxwaynahu ka qaatay dhanka Garsoorka dalka. Nuxurka dhaliilaha waxaa ugu waynaa: Baashe waa kuma? Da'diisa? Khibradiisa? Haybtiisa? Somalinimadiisa? Hannaanka loo maray magacaabistiisa? Xilliga lagu aadiyay ? Xiriirka isaga iyo RW ku xigeenka? Iwm. Halka dadka ku amaanaya Madaxwaynaha magacaabistiisana ay xusayaan; In xilli hore laga sugayay Madaxwaynaha Isbedel Garsoor, loona baahnaa dhalinyaro aan horay loogu baran Musuq iyo Cadaalad-daro? Lana ilaaliyo awood-qaybsiga beelaha! Ahal iyo qaraabana ay wada yihiin Siyaasiyiinta ku sugan Hargaysa iyo kuwa jooga Muqdisho, welina uusan jirin Sharci kala saarayo, Somaliland-nimaduna aysan aheen Mabda' kala gayn kara Somalinimada ee ay tahay dano yaryar iyo duruufo waqti kooban kala geeyay Siyaasiyiinta, iskana dhammaan-doona? Hannaanka loo marayna waa wadadii loo maray kuwii isaga ka horreeyay, mar haddii Dastuurku siinayo Madaxwaynaha awooda Magacaabista Garsoorka lkn ay ka dhimantahay soo jeedintii Gudiga Adeega Garsoorka, ma burrinayso Awooda Madaxwaynaha qaybta ka maqan ee aan dalka weli ka jirin? Doodahaas Mucaaradka iyo Muxaafidka hadii aan ku daro aragtidayda; 1. Baashe laguma eedayn karo Da'diisa ayaa yar

2.

3.

4.

5.

waxaan aragnay madax iyo hogaamiyaal ka da' yar ama la da' ah oo laga markhaati kacay hogaamintooda sida; Raisalwasaaraha Canada, Madaxwayna France iwm. Khibrad yari; xilkaan laftiisa waxaa soo qabtay Odayaal khibrad iyo da' aysan u dhinayn lagumana qancin Cadaaladooda iyo Maamulkooda! Hadii aan dib u milicsano; Madaxwayne C/ qaasim ayaa halku dheg ka dhigtay; qof aan soo marin Wasiir, Genaraal, Safiir iwm Xil looma dhiibi karo, waxa ayna noqotay dawladiisii tii ugu tabarta darneed oo ka adkaa waysay, lana heshiin waysay hogaamiye kooxeedyadii xilligaas, kadibna isagii iyo Cali Khaliif oo mudo dheer soo ahaa Wasiiro ayaa is khilaafay. Somaliland-nimo; si loo abuuro kalsooni iyo is dhexgal Siyaasadeed, mid bulsho waaba jirtaahe, loogana saaro madawga iyo mugdiga Maamulka Somaliland iyo Fedaraalka waxaa haboon in Albaabada la wada furo sida; In Gudoomiye Iidle shaqadiisii Xeer ilaaliyaha Somaliland ku laabto, Gudoomiye Faysalna Xamar wax looga raadiyo inta doorashada danbe laga gaarayo. Dastuurka iyo Shuruucda noo qoran waxaa ka horeeya kana awood badan awood qeybsiga beelaha hadii runta laga sheego ama waaqica wax lagu qiimeeyo, si loo gaaro in la isku qiimeeyo ama la isku magacaabo aqoon iyo khibrad waa in meesha laga saaro 4.5. Isbedelka Garsoorku waa in uusan ku joogsan Baashe kaliya ee la dhamaystiro.

COSOB

6

Juun 2018

6. Dhismaha Gudiga Adeega Garsoorka Madaxwaynaha kaliya malaha ee waxa uu ka dhexeeyaa Golayaasha Wasiirada, Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waana in aan la siyaadayn sidii ku dhacday Madaxwayne Xasan Sheakh oo markiii uu isku dayay in uu dhisho Garsoorka uu Barlamaankii 9aad ka ciideeyay. 7. In Madaxwayne Farmaajo ka dhabeeyo balanqaadkiisii ahaa in uu dhisayo Garsoor Hufan, kana faa'iidaysto inta uu haysto aqlabiyadda Golayaasha Fefaraalka. Ugu danbayn waxaan Gudoomiye Baashe u rajaynayaa Guul iyo Horumar iyo in uu Tusaale fiican u noqdo dhallinyarada Somaaliyeed iyo Maamulwanaag!.

Dr: Mohamed Gacal


BAJAAJTA : DHIBKEEDA IYO FAA’IDADEEDA KEE BAA BADAN ?

G

aadiidka loo yaqaano bajaajta ayaa dhowr sanadood ka hor ku soo batay dariiqyada Magaalooyinka waaweyn ee Somaaliya wuxuuna kaalin ka galay gaadiidka fududeeya isu socodka dadka . Bajaajta oo ah gaadiid fudud kuna wanaagsan waddooyinka ciriiriga ah wuxuu noqday mid meel walba iyo xilli walba laga heli karo gees kasta oo qofku joogo caasimadda Muqdisho mase aha gaadiid safar gali kara siiba gobolada maadaama loogu talagalay inlagu gaaro meelo aan sidaa u fogeyn. Muqdisho maxay gaadiid ahaan ku sugneyd ka hor mooto bajaajta ama saddex lugooleyda. Axmed Maxamed Cabdi- waa ganacsade ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in magaalada gaadiid ahaan ay heysteen sida uu leeyahay tagaasi iyo gaadiidka caasiyada loo yaqaano oo uu yiri xilligaa waxay aheeyeen kuwo sidey doonaan dadka u isticmaala lacagta ay doonaana ku dallca. “ Tagsi wuxuu rabo ayuu sheegan jiray ….yaa raaci karay..qaaali.. hadda booskii waa ka baxay…. caasi laftigiisa..cariirigiisii iyo daahidiisii waa laga reystay….” Inkastoo bajaajta ay wax badan ka bedeleen culeys badan oo jiray

hadana iyaga laf ahaantooda lama dhihi karo dhibaato ma wadin sida ay ka hadleyso Cibaado Geeddi oo ku nool Muqdisho oo bajaajta u aragta fidno hor leh …iyadoo tilmaamaysa in orodkooda habeenkii saqda dhexe ay ka buuxaan fadeexado iyo dumar u daabulid goobo aan fiicneyn sida ay sheegeyso. “ Bajaaj habeenkii oo dhan waa orodaa ..orodkaas wax baa ku jira ..gabdho ayey sii wadaan soo wadaan ..sacab maxaa loo tumaa habeenkii haddaan wax ku jirin” ayey tiri. Bajaajta oo loo yaqaano magacyo badan sida saddex lugooley, tuk-tuk dhanka Hargeysa iyo booramaba looga bixiyey SAQAJAAMADDA …dhanka kalena wadayaasheeda qaar oo u badan kuwo aad u da’yar ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwo fudfudud ficilada qaarna u sameeya si aan ka fiirsi laheyn iyagoo mararka qaar rag hubeysani u isticmaalaan in ay dadka uga dhacaan mobeelada sida uu sheeegayo C/laahi Maxamed Xuseen oo reer Jungal ah – “ Wax walba waa dhex taagan yihiin …fudeyd ay wax ku dhigeen …ma fiirsdaan ilaa heer waxaa la gaaray in iyaga loo adeegsado dhaca habeenkii ee shacabka” ayuu yiri C/laahi. COSOB

7

Juun 2018

Iyadoo ay jiraan arrimahaa ayaa hadana bajaajtu waxay noqotay shaqo abuur taas oo manta ay ka xoogsadaan kumanaan dhallinyaro oo ku nool Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waawweyn oo dalka ah waxayna noqotay meel ay kasab ka helaan qoysas Soomaaliyeed. Maxamed C/qani waa 23 jir wuxuu haatan bajaaj wade yahay 3 sano wuxuuna biilka ka soo saartaa bajaajta ka guursaday . wuxuuna kaga baxay iskaabulonimadii iyo shaqo la’aantii , haaatanna waa nin noloshiisa , shaqadiisa iyo reerkiisa cusub ku faraxsan. . “Aniga runtii bajaajteyda waa ku liibaanay ….hadda xaas baan leeyahay oo aan ka guursaday bajaajta ..biilkana waa ka soo saartaa….Alxamdullilaah” Waxaa jira in dad badan ay ku dhibsadaan bajaajta shilalka tirada badan sida ay yiraahdeen waxayna dadku ku tilmaameen shantii shil ee wadddooyinka ka dhacda saddex ka mid ah bajaaj tahay sida uu sheegay Kabtan Xuseen Axmed Maxamed oo ka tirsan ciidanka nabadgelyada wadddoyinka balse haatan howlgab ah . “Bajaaj waa shil socda ….waxaana ugu wacan canug walba ayaa inta loo soo gaday loo soo dhiibay..qaarkood sida jidadka la isugu dhaafo ma yaqaaanaan”ayuuna yiri. Si kasta ha ahaatee..shacabku waxay qirayaan in gaadiidka noocan ah ee bajaajaka uu yahay gaadiid ku habboon dal sida Soomaaliya oo kale sabool ah oo celceliska dhaqaalaha maalintii qofka soo gala aanu dhammeyn labo Doollar. Maxamed Shiil


BARBAARINTA CARUURTA WAA DIYAARINTA SOOMAALIDA BERI

COSOB

8

Juun 2018

B

arbaarinta caruurta waa mowduuc aad u weyn, waana wax dhinacyo kale duwan leh,sidaa darteed waxaa ugu muhiimsan barbaarinta jirka iyo maskaxda, waa in ilmuhu helaan degaan degan, cunta fiican, nasasho ku filan iyo meel colaadu ku yar tahay. Muhiimada waa guri waliba inta ilmahu ka yar yahay 13 sano iyo meelahaas in khilaafka iyo dooda waalidka laga qariyo, oo haddi hooyada iyo aabahu doonayaan in ay doodaan waxaa Wanaagsan in waqti kale ka dhigtaan oo ilmaha Joogin waayo ilmaha waxay ku noqoneysaa wax maskaxdooda qatar galiya (Psychological Threat) buuqaas tirada badan ee dhinaca waalidka ka imaanaya. Barbarbaarinta maskaxda ama caqliga waa qeybta ugu muhiimsan uguna baahi badan yahay ilmaha si uu ugu badbaado ama ugu guuleysto adduunka, waana qeyb ay dayacaan waalidiin badan , ayadoo sabab ay u tahay, aqoondaro, waqti la’aan iyo ahmiyad aan la siinin Ilmaha waa in aad ka dhistaa, luuqada afkiisa hooyo, waxaad ugu dhisi kartaa adigoo ka saxa erayada termonligi cusub , adigoo mar walbo uu fiirinaayo in da’da uu ku jiro ku haboon tahay , qasab ma ah in aad adiga ku fiican tahay ,waxaad u geyn kartaa Adeerkiis , abtigiisa, eedadiis, ama ayeydiis oo kaaga fiican luuqada halkaas oo uu ka helayo Sheeko xariir ,gabayo , iyo suugaan badan amaba u soo kireyn kartaa qof sugaanta ku fiican haddi aad awoodo . Halkaas ilmaha waxaa uu ka helayaa kobcin caqli, Sheeko walba dulucdeedana wey saameynaysaa caqligiisa , haddi aad baadiyaha geyn karto sanadkii mar waa arin aad u fiican markuu soo gaaro iskuulka , waxaan aad ugu digayaa ilmaha oo la baraa Luqadaha qalaad taasoo dhici karta in ay ka xoog badnaato luqadiisa hooyo ee asalka u lahaa Waa in aad ixtraamtaa asxaabtiisa yar yar gurigana ku marti qadaa barataa Waalidkooda,


isku daydaa in aad wax wada sameysaan si caruurtina Saaxiibtinimadooda ay u noqdaan kuwa hal u jeedo leh mararka qaar ah aad la soctid Goobaha ay aadaan marka ay fasaxa yihiin. Bar waxa saxda ah iyo khaladka, adigana iska ilaali in aad hortisa ku sameysaa khaladaadka, sidoo kale abaal marin fiican sii markuu wax saxo , markuu wax qaldana ciqaab u qalantaa da’diisa si uu u ogaado qaladkiisa , markuu soo kobcana , kalsooni sii , ka yarey kormeerka faraha badan, waayo hadi uu soo gaaro dhowr iyo toban sano, sida aad rabtay uu noqon waayo waxaa kaa xog badiyey degaanka oo aad koontrolliweysay ama dadaalkaaga baa yaraaday, waalidka aqoonta leh wax walba wey ka war hayaan weyna ka sii baraan degaan. Waxaad arkeysaa labo ilmo oo labadaba qurbaha ku barbaaray, midna adiga kaa af Soomali badiya oo aad is leedahay kani ma shalay buu baadiyaha ka yimid, hadde waa nin aan waligii dhaafin London ama Ohio, mid kalena waxaad isleedahay sow kani waalid Soomaali maba dhalin, waa farqiga labada waalida u dhaxeeya iyo dadaalkooda iyo waxyaabo kale oo badan oo aan ogeyn aniga. Ilma si fican loo barbaariyey

waxay wax tarayaan dhammaan bulshada ay ku nool yihiin dhexdooda, khaas ahaan waalidkii dhalay. Waalidka masuuliyada ka saaran barbaarinta caruurtooda waa mid Diini iyo Maadiba waajib ku ah, waxay Diinta si joogta ah noo fareysaa in aan , wax walboo masuul aan ka nahay nalagu xisaabin doona aakhiro, haddi ilmahayaga aan si fiican u barbaarin weyno uuna dhib ku noqdo Bulshada waa nasiibdaro waalidka u taal mana jiro waalid doonaya in uu ilmahiisa noqdo mid aan guuleysan laakin waxaa dadku ku kale duwan yahay waxyaabo badan iyo xaaladaha haysta . In caruur la dhalo sida ay muhiim u tahay, si la mid ah ayey muhiim u tahay in la barbaraariyo, qofka hanti kaga weyn ma jirto caruurtiisa, haddi qoys walba caruurtooda ku barbaariyan dal jaceyl, Soomaalinimo , iyo in ay wax bartaan waxaad caawisey bulshada waxaan helayanaa jiil wanaagsn oo badalo jiilka hadda jira oo qaranka Soomaliyeedna Meesha ka sii wada. Wasaarad Waxbarashada iyo Barbaarinta, waa in ay leedahay ujeeda cad ah oo ku aadan tarbiyeynta ilmaha iyo u diyaarintooda in ay noqdaan

COSOB

9

Juun 2018

muwaadiniinta beri ee Soomaaliya ay sugayso , waxay arintaas Wasaarad ku sameyn kartaa in dugsi walba maado qasab ah ay ku jirto oo barbarinta ilmaha ah oo ku qoran Afka Soomaaliga si saxna ilamha loogu ixtraamo Wasaarada waa in aay ku dadaashaa in ilmo walbo soomalaiyeed uu yaqaano sugaanta soomaliyeed , dhaqanka , wadanka soomaaliya inta uu qeybsamo , kheyraadkiisa iyo tariiqdeena , iyo sida uu aduunka ula dhaqmi lahaa oo sawir fiican soomaaliya ugu gudbin lahaa. Wasaarada Waxbarashada iyo barbaarinta waa in ay xakameysaa sameynta luuqdaha iyo dhaqamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya, waayo waxaa maesha ka baxaya dhaqankii wanaagsanaa ee ay Soomaaliya lahayd sidoo kale waxaa qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa in ay muhiim tahay in mar waliba wada shaqeyn dhex marto macalinka iyo waalidka si loola socdo hab dhaqanka caruurta. Mohamed Jacfar Mohamed


XAMAR MA LAHAAN JIRTAY JID-XADIID TAREENADU MARAAN?

WAA TAARIIKH NAGA DAHSOONTAY OO DABOOLKA LAGA QAADAY

M

agaalada Xamar ee caasimada wadanka Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer; laakiin waxaan la ogayn inay lahaan jirtay jid-xadiid ah oo Tareenku maro. Halkan waxaan ku soo koobay cilmi baaris ku aadan Taariikhdaas Tareenka Soomaaliya siday ahaan jirtay, nooca matoorada Tareenka, baaxada dhulkii uu mari jiray ama istaagyada Tareenka iyo taariikh la xariirta gaadiidkaas Soomaaliay waagaas ka jiray. Xamar waxay lahayd Istayshan (maxadad) Tareen aad u weyn oo lagu dayac-tiro Tareenka, si hawlaha la xariira gaadiidka habsami ugu socdaan.

Xariiqa cagaaran waa khadka xadiidka ama jidka taraynka. Khadkan wuxuu isku xiri jiray Xamar, Afgooye iyo Jowhar Waqtigii Fashisam ka, dawladda Talyaaniga waxaa damac weyn ka galay inay dad Talyaani ah ay dejiso dhul beereedka Dooxada Shabeelle, oo ka soo billaabma Jowhar ilaa Afgooye iyo Janaale. Dhulkaasi waxaa la dejiyay dad Talyaani mustacmiriin ah (Italian colony) dhul beereedkaasi wax soo saarka badan. Jowhar waxaa deggenaa madaxii kolonyada oo la dhihi jiray Luigi Amadeo, oo sitay magaca Duca d’Abruzzi. Sidaas awgeed, waqtigii kolonyada, magaalada Jowhar waxay Talyaaniga ku magacaawdeen “Villagio Duca

COSOB

10

Juun 2018

Degli Abruzzi”. Si gaadiid ka iyo is-gaarsiinta u hagaagto ayaa waxay Talyaaniga Fashistaha ahaa 1914 ay ka billaaben inay dhiseen jid Tareen ama jid xadiided oo isku xira Moqdishu, Afgooye, Webi Shabeelle raaca dhinaca waqooyi ahaan illaa laga gaaro Jowhar, oo ay dhihi jireen “Villagion di Duca Degli Abruzzi”. Jidka Tareenkaasi dherer kiisa wuxuu ahaa 113 km. Tareenku markuu Muqdisho ka baxo wuxuu aadi jiray dhinaca galbeed illaa uu gaaro Afgooye. Ka gadaal ayuu raaci jiray webiga Shabeelle meel u muuqata oo dhul beereed ka ah. Dhismaha jidkaasi Tareenku waxuu dhammaaday 1927.


DHISMAHA JIDKA TAREENKA AMA XADIIDKA:

Labo qeybood ayaa loo kala dhisay: Mogadiscio – Afgooye Afgooye – Jowhar ama Villagio Duca Degli Abruzzi, loo soo gaabiyo Villabruzzi

30 km 1924 ayaa Dhismaha dhammaaday 83 km 1927 ayaa Dhismaha dhammaaday

Tareenkaasi waxaa furfurtay oo qaatay Ingiriiska. markuu uu Talyaaniga ka adkaaday sanadkii 1941 Dagaalkii Labaad ee Adduunyada. Sidaas ayaa Tareenkaasi taariikhdiisa loo iloobay. ISTAAGYADA TAREENKA:

Istaagyada Tareenka

Fogaanshaha (km)

Mogadiscio Buundada Afgooye Afgooye Busleey Cadaleey Garsaale Buundada Garsaale Villagio Degli Abruzzi

0 Afgooye agtiisa 30 48 66 92 Jowhar agtiisa 113

Waxaa xusid mudan in Tareenkaasi uu mari jiray galbeedka baadiyaha Magaalada Balcad. Isla noocii Somalia ka shaqaynayay ayaa Eritrea isla goora haas ka shaqaynayay. (Sawirka waa Eritrea). Tareenka la adeegsan jiray marka hore wuxuu ahaa nooca “steam engine” ama ku shaqeeya uumiga biyaha (biyo karkaraayo), Laakiin markii dambe waxaa lagu beddelay nooca naaftada ah (diesel). Wuxuu shaqeeyay ilaa 1941. Markii Soomaaliya Ingiriiska uu qabsaday oo Talyaaniga Geeska Afrika looga adkaaday, ayaa Ingiriiska waxay furfureen jidkii xadiidka ahaa; waxayna u qaadeen waddan kale. L’ albergo di Villabruzzi nel 1938 [Hotela Villabruzzi, 1938]. Wax tar badan ayuu u lahaa gaadiidkaasi Tareenku dadka isaga gooshaya Xamar, Afgooye iyo Jowhar iyo inta u dhexaysa. Tusaale ahaan 1929 – 1930

Tareenkaasi wuxuu daabulay dad tiradoodu tahay 19,359 iyo alaab culaabtoodu tahay 43,467 metric ton; waxaana laga helay lacag leeg £1,591,527. Waxaa kaloo taariikhda Soomaalida ka dahsoon in Talyaaniga ay dhiseen si degdeg ah jid Tareen ciidameed oo isku xira Villagio D’Abruzzi (Jowhar) iyo xuduudda Itoobiya, ololihii 1935 markuu Talyaaniga ku duulayay Itoobiya. Magacyada tuulooyinka tre cento, iyo cento quindice iyo Garziani, dhammaan waxay la xariiraan jidkaas xadiidka ah oo lahaa ujeedo military, si loogu duulo oo loo qabsado Itoobiya. Sida sawirka ka muuqata “L’ albergo di Villabruzzi nel 1938 Hotela Villabruzzi, 1938 “, waxay ahayd meesha la siixin jiray martida Jowhar timaadda. Khadka Xamar ka yimaada, wuxuu ku dhammaan jiray

COSOB

11

Juun 2018

Jowhar Luigi Amedeo, Duca d’ Abruzzi, fondatore della colonia Agricola Luigi Amedeo, duca d’Abruzzi, wuxuu ahaa aasaasihii Iskaashatada Beeraleeyda Talyaaniga, oo markaasi degay magaalada Jowhar, Iskaashatadaasi waxay ahaayeen ama ka koobnaaayeen 200 boqol oo reer oo leh kaniisad, warshado, beero, guryo iyo magaalo dhan . Waxaa kaloo jiray Sinima, meelo cawaysi ah, iyo garoomo isboorti. Hadda wuxuu ku aasan yahay qabuuraha webiga jiinkiisa ah ee Jowhar.

Amiin Yuusuf Khasaaro


CULIMO MASAARI AH: PUNTLAND KUMA TAALLO SOOMAALIYA!

D

howr baare oo u dhashay dalka Masar ayaa soo saaray baaritaan cusub oo ay ku doodayaan in “Puntland” oo ah dhul uu xiriir ganacsi kala dhaxeyn jiray dalka Masar xilligii hore ee Faraaciinta aanay ku oolin Soomaaliya ee ay ku taallo dhulka Itoobiya. Baare xagga raad-raaca shucuubta ah oo u dhalatay dalka Masar, laguna magacaabo Inaas Alshaafici kuna fiican sida loo akhriyo fartii hore ee Masaariga qadiimta ah ee Hieroglyphicska iyo afafka kale carabiga iyo Talyaaniga ayaa arrintan ka sheegtay xarunta “Jimciyadda Taariikhda Masar” oo ah jimciyad la aasaasay 1945tii, shaqadeedana tahay inay baarto taariikhdii hore ee Masar. Qoraaga maqaalkan oo ku soo baxay wargeyska maalinlaha ah El Masri El Youm ee Wasiim Al-sisi oo doodda gabadha soo qaatay, waxaa uu leeyahay sheekadan markii ugu horreysay waxaa soo shaac-bixiyay Dr. Cabdi Caziz Saalax, oo ku sheegay dhawaaqeeda saxda

ah “Bo-Win-t”, xarfaheedana Hieroglyphics ahaan waxaa loo qoraa “B square ah” oo ujeedka yahay “xarun” iyo Weyn” oo micnaheedu yahay” xaalad ahaansho” iyo “T”-da oo ah shaqal wax suga marka la fiiriyo luqada ay isticmaali jireen Masaaridii hore ee Hieroglyphics-ka. Marka erayga sida ay qoreen waa labo kelimad oo kala ah ‘Goob’ iyo fasiraad ah“3 buur”, aragtidan waxaa Dr. Cabdi Caziz Saalax la qabto gabadha Inaas Al-shaafici , waxaa ay ku doodayaan in Soomaaliya aaney buuro laheyn ee buuraha laga hadlayo ay ku yaalaan Itoobiya gaar ahaan ’ Lake Tana” oo ah badyarta ay ka yimaadaan 80% biyaha Nile-ka ee Masar laga cabo. Baaritaankan cusub waxaa ay culimada soo qaadanayaan in mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii boqor Psamtik oo isaga oo jooga “Puntland” u diray fariin boqorkiisa, sheegana in roobab badan ay ka da’ayaan buuraleyda “Punt”, oo daadad ka geysan kara gudaha Masar. COSOB

12

Juun 2018

Qoraaga maqaalka wargeyska El Masri El Youm waxaa uu isweydiinaa haddii Soomaaliya ay ku yaallaan buuro daadadka ka baxa ay waxyeello u geysan karaan Masar? Sidaa darteed daraasaddan waxaa ay ku talineysaa in ergadii boqoradda Hatshepsut oo ka tirsaneed boqoraddii Faraaciinta aaney tagin Soomaaliya ee ay tageen dhulka Itoobiya halkaasna ay tahay Puntland. Inta badan, qoraallada iyo baaritaannada arrintan la xiriira ee horay loo sameeyay waxaa ay lahaayeen Puntland waa dhul Soomaaliyeed, waxaana loo cuskan jiray xiriirka qotto dheraa ee Faraacina gaar ahaan boqoradda Hatshepsut oo ergo iyo ganacsi u soo diri jirtay kala dhxaeeyay geeska Afrika gaar ahaan Puntland. Lama oga waxa hadda ku soo beegay baaritaankan cusub, laakin waxaa muuqata in taariikhyannada Masar ay doonayaan isu soo dhowaanshiyo iyaga iyo Itoobiya ah, xataa haddii laga dib loo qoro taariikhda ama laga been sheego.


SENATOR NACIIMO IBRAAHIM YUUSUF “KUMA FIKIREYNIN SENATOR LAAKIIN IN AAN GANACSATO AHAAN DOONO WAAN KU FIKIRAAYAY.”

N

aciimo Ibraahim Yuusuf waxa ay ka mid tahay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay senator noqotay dabayaaqadii Sanadkii 2016-kii xiligaasi oo ay soo doorteen xildhibaanada Maamulka Goboleedka Hirshabeelle maadaama Xubnaha 54-ta ah ee Aqalka Sare ay ku imaanayeen codka Xildhibaanada qeybta ka ah Baarlamaanada Maamul Goboleedyada Soomaaliya. Muddo 25 Sano ah ayay ku nooleeyd Wadanka Ingiriiska oo ay markeeda hore ka gashay Dalka Talyaaniga, Kahor xildhibaanimada waxa ay ganacsi ku heysatay Dalka

Ingiriiska iyada oo ka ganacsan jirtay Dharka Dumarka iyo waxyaabaha ay isku udgiyaan. Macahad ku yaalla Dalka Ingiriiska ayay kaga Baxday Maamulka Dhaqaalaha, sida ay noo sheegtay,Sanadkii 2016ayay dib ugu soo laabatay dalka Soomaaliya si ay siyaasada ugu soo biirto ka dib markii ay dhiiro gali ka heshay Saaxiibadeeda, Qaraabadeeda iyo Nabadoonka beesheeda. Waxyaabaha ay deegaan ka iyo dadka soo doortay ku celisay muddada ay Senator-ka tahay sida ay noo sheegtay waxaa ka mid ah in ay kaalin ka qaateen iyada iyo xildhibaano kale oo deegaanka ah u gurmashada COSOB

13

Juun 2018

dadkii ay fatahaadaha ku saameeyeen Magaalada Baladwayn ee xarunta Gobolka Hiiraan. Senator Naciimo waxa aan la yeelanay Wareysi ay uga Hadleyso Waxa ay ku doorantay Senator-nimada , Waxa ay kaga dhigan tahay, iyo haddii ay nolosheeda ku fikireysay in ay xildhibaan noqoto wareysigaani waxaa qaaday Nasriin Maxamed Ibraahim oo kula kulantay Xarunta Aqalka Sare ee Dagmada Shibis. Nasriin Maxamed Ibraahim


NOLOSHA IYO QOYSKA MAXAY SOOMAALIDU KA AAMINSAN YIHIIN DADKA AAN GUURSAN?

W

axaan ka soo hadalnay faaidada guurku u leeyhay dadka guud ahaan, hadaba maxay soomaalidu ka aaminsan yihiin dadkaan guursan. Soomaalida dhexdeeda qofkaan guursan waa la tuhmaa, waana la dhaliilaa, waxaa loo qaataa in si wax ka yihin, sababtoo ah , qof isagoo caafimaad qaba maskax ahaan iyo jir ahaan, awoodna u leh in uu dhiso qoys hadana kaligii nool waa laga shakiyaa, waxaana la is waydiiyaa waxa ka hor taagan in uu nolosha ku raaxaysto qoysna dhiso? Si aan arinkaa u fahmno aan soo qaadano sheekooyin gaagaaban oo arinkaa ku saabsan, Sheekada Jamac iyo Cabdulaahi Nin aan saaxib nahay oo cabdulaahi la yiraa ayaa maalin ii sheekeeyay, wuxuu yiri: waxaan is baranay nin daris ila ahaa,da’diisu waa ilaa 50 jir waxaan kuwada tukanaaa Masaajidka meelaha shaaha lagu cabana waa isugu nimaanaa, mar kasta oo aan is aragno, waxaan ka waraystaa xaafadda iyo ciyaalka isaguna waa fiican yihhin ayuu iigu jawaabaa. Maalintii dambe ayaan shakiyay oo waxaan u qaatay in ninkaan reero badan leeyahay, anigoo ka cudur-daaranaya ayaaan ku idhi, “maalin kasta markaan ku arko, xaafada ka waran ayaa ku idhaahdaaye, kuma waydiin inta ay yihiin ee ma labaa mise waa sedex xaas,” markaasuu aamusay daqiidad intii ah, wuxuuna ku jawaabay, “ Walal wali reer is-kuma dayin carruurna iima dhalan.” Intaan aad u naxay ayaan xoog u fiiriyay sidii nin igu cusub, una qaatay in xanuun noocuu doonaba ha noqdee uu qabo, ayaan ugu jawaabay “muuqaalkaaga iyo hadalkaa igu

tidhi isma lahan, nin wayn oo aan xaas lahayn wuxuu la mid yahay geed wayn oo aan har lahayn, hadaan ogaan lahaa inaad iskaabulo tahay adigoo da’daan jooga waan ku caawin lahaa,” hadaladii aan ku idhi ninkii aad ayay u dhibeen, wajigiisa ayaa is bedelley wuxuu u muuqday sidii qof qandho ku soo booday oo kale , isagoon ii jawaabin ayuu iska dhaqaaqay, Anigoo la yaabay jawaabta aamusnaanta ah ee bixiyay jamaca ayaan kala tagnay, mar dambana isma aana arag ninkii oo wuxuu ka guuray xaafadii, waxaan u qaatay in ay dhibtay inaan ogaaday inuusan xaas lahayn, sidaa darted uu iska dhaadhiciyay inuu bulshadii uu saaxiibka la ahaa ka dhex baxo. Sheekada Siciid yare iyo kaynaan. Sheekada labaad waxa ii sheegay arday la yiraahdo, Siciid yare, wuxuu iiga sheekeeyay in oday adeerkii ah uu dukaan la gadi jiray, odogu reer ma lahan, qiyaastii waa 45 jir, wuxuu xoogiisa isugu geeyay sidii uu xoogaa lacag ah u ururin lahaa. Waxaa mudo badan lagula taliyay inuu guursado, laakin wuu diiday oo wuxuu u arkaayay inuu khasaaro yahay oo lacag badan ku baxayso. Maalintii dambe ayuu jiraday, COSOB

14

Juun 2018

dukaankiina aniga ayuu igu soo baxsaday oo kaligay ayaa shaqadii waday, markii shaqada dukaanku fudududato duhurka, ayaan sii maraa oo wuxuu rabo siiyaa, xanuunkii ayaa ku waynaaday oo wuxuu awoodi waayay inuu iska duwo nijaasadda, waxaan u tagay isagoo xaalad adag ku jira. Waxaan u tagay dadkii dariska si ay ii caawiyaan, waase diideen markii ay arkeen nijaasada odogu dhex jiifo. Waxaan nadiifiyay dhammaan dharkiisii, gogoshiisii iyo jirkiisii, Markuu roonaaday ayaan ku iri, “ adeer, maalintii dhawayd ee aad xanuunsatay, waxaan u yeeray dad badan si ay ii caawiyaan waana iga diideen, adiguna waxaad rabtaa inaadan waligaa guursan oo aadan xaas iyo carruur yeelan, anigaa dadka kuugu dhow oo waliba adeer ii ah, hadda ka dibna dhaqi mayo dharkaaga ee guurso”, Adeer hadalkaygii wuxuu ku noqday boog, wuxuuna balan qaaday inuu yeelayo taladayda, wuxuu go’aansaday inuu guursado si uu u helo wehel waana uu guursaday, mar danbana lama kulmin dayacii qabsaday xiligii uu doobka ahaa, waxuuna halhays ka dhigtay, hadii aan dayac u dhiman wayay intii aan doobka ahaa, hadda ka dib u dhiman maayo.


Sheekadii guuleed iyo aniga Waxaa kaloo ii sheekeeyay nin guuled la yiraa, oo intii mudo ah ka shaqaynayay super-market, wuxuu ka qaataa lacag dhan $200 waxuuna kaydsaday lacag dhan $2500 doolar, guuleed ayaan arki wayay intii laba asbuuc ah, markii dambe ayaan arkay, waxaan waydiyay waxa ku dhacay ee uu ku maqnaa, wuxuu iigu jawaabay “ waxaan haystay xoogaa lacag ah oo aan urursaday si aan ugu shaqaysto laaakin waxaan ku xaliyay su,aal aan jawaab u la’aa intii mudo ah,” intaan yaabay ayaan ku idhi, jawaabta lacagta oo dhan kaa qaadatay maxay ahayd? wuxuu iigu jawaabay, “waxaan ahaa nin wayn oo guursan karay laakin ma samayn, dadku waxay u qabaan inaan xaas leeyahay, marka nin kasta oo i yaqaan ama i salaama wuxuu i leeyahay reerkii ka waran, jawaabtaas ayaan intii mudo ah igu taagnayd, oo aan xal u la’ aa, laakiin hadda si dhab ah ayan u xaliyay oo reer ayaan yeeshay.” Sheekadii Siibed iy huffan Waxaan ku soo gunnaanadayaa sheeko xiiso badan oo uu ku qoray buugiisa Himilidaadda Hano qoraaga la yiraahdo Maxamed Ismaciil Maxamed (siibed) waana tan isagii oo ka sheekaynaya. Anigoo nin wayn ah oo aan guursan, kana imid qurbaha ayaan tagay meel ka tirsan gobolka mudug oo ay qaraabadaydu daganayd, markaan tuuladii tagay ayaa la ii yimid oo la waraystay, waxaan ka waramay dhibaatooyinii ka dhashay bur burkii dowladii dhexe, dadkii qaxay ee qaxootiga noqday, sidaan u caawinay, iyo dhibaatooyinka ay la kulmeen dadkii qaxootiga ahaa ee qurbaha galay. Markaan hadalkii dhameeyay, ayaa islaan wayn oo huffan la yiraahdo kana mid ahayd dadkii i waraysanayay waxay tiri “ waad noo dhamaysay wixii war ahaa iyo waxaad qabateen ee adigu iska warran?,” waxaan fahmi waayay su,aasha ay islaantu i

waydiisay, waxaana i idhi, “soo anigii maanta oo dhan idiin waramayay waa dhameeyay”, iyadoo aad u dhaliilsan in aanan fahmin ujeedadeeda ayay ku tidhi “ noo warantay waxaad qabateen ee adigu dad iyo duunyo maxaad la joogtaa?. Waxaan jeclaystay inaan is dhaafiyo su, aashaan oo waxaan idhi, maxaad uga jeeddaa? Intay igu soo dhawaatay ayay tidhi “ Intaad waramaysay maan maqal adigoo ka hadlaaya xaas iyo carruur ee maxaa kuu jooga? Waxaan u qaatay inay la igu dhuftay wax culus markaasaan indhaha cadeeyay ayaan idhi “ eedo wali xaas iyo carruur midna ma yeelan” intay fadhigii ka kacday oo indho quursi oo kale ah igu eegtay ayay tidhi “ maxaad maantoo dhan qaxooti ayaan caawinay u lahayd adigaaba qaxooti ahe” hadaladaasi waxay igu noqdeen waxaanan iloobin waligay, waxayna fure u noqdeen inaan guursado, waayo waxay ahaayeen kuwo run ah waana awooday inaan guursado marar badan, laakin waxaa iga horistaagay wahsi iyo fududaysi. waxaan qiyaasayaa, hadaladaa islaantu ku tidhi qoraaga inay yihiin kuwo adag, oo keeni karo niyad jab iyo dareen kala duwan, waxayse tilmaan cad ka bixinaysaa, fahamka dadka Soomaalidu ka haystaan ragga guurka ka daaha, iyo kuwa doorta inay kalinnimo ku dhamaystaan nolosha. Hadii aan halkaa uga gudubno sheekooyinkaa xiisaha leh, ragga aan guursan waxaa la yiraahdaa (gablan- doob), macnaha dad ma dhalin oo waxa sabab u ah doobnimuu ku duqoobay dumarka aan guursana waxaa loogu yeeraa ( guumays). Qofkii guursada ee aan ubbad dhalin ceeb ma leh oo waxa ku dhacay qayb Eebe, kuwa caruurta Alla siiyayna waxay ku heleen qayb Eebe, marka eed ma lahan. Tiro koob aan ka qaaday odoyaal badan, oo aan ku waydiyay waxa ugu wanaagsan ee ay samayn lahaayeen hadii fursad loo siin lahaa dhalinyaranimo mar kale, waxay inta badan ku jawaabeen COSOB

15

Juun 2018

jawaabo isu dhow, waxayna yiraahdeen: guurkaan badsan lahaa; waan guursan lahaa anigoo yar oo xoog leh; si fiican ayaan u korin lahaa carruutayda; diintaan baran lahaa, iwm. Marka halkaa waxaad ka garanaysaan, waxa ugu wayn ee qofku u noolyahay cibaadadda Alle ka dib, waa inuu helo lammaane la qaata noloshiisa kana dugsado dhibaatooyina ka dhasha kalinimadda iyo wehel la,aanta, isla markaana uu ka helo awlaad fiican oo uu ku indho qabowsado markuu waynaado, kan helo gacan iyo kaalmo joogta ah oo uusan ka heli karin cid kale ilma uu dhalay mooyaane. Abwaan mohmed ibraahih hadraawi, oo ka hadlaya inaad hesho wehelkaaga iyo faa’iidada ku jira wuxuu yiri. Haddaan guudka laga jarin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan Illayn guri dugsoon ma leh. Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adigiyo go´aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saareyn Illayn gogoshu wehel ma leh. Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illaa noloshu guul ma leh.


QAMAR GUURKEEDA QABRIYAA KA XIGAA!! SHEEKO DHAB AH

H

ooyadeey Alaha u Naxariistee ayaa iiga sheekeysey yaraateydii qiso dhab ah oo iIaa Hadda aan hilmaamin waxaana go’aansaday in aan bulshada maanta la qaybsado ama la wadaago ,Waxay ka ghacdey baadiyaha cadaado , reer ay deris ahaayeen Hooyadeey ayaa wiilkooda waxay u sheegeen in beri loo aqalgeynayo Ina hablaayo, markaasuu hooyadii iyo aabihii wiilkii wuxuu ku yiri “ gabdhaas maad iga dhaaftaan” Maya “ anaga ayaa kuu doorney ee beri diyaar garow. Waxaa uu ku yiri labadiisii waaliid “hooyo iyo aabbe intaan guursan lahaa Qamar waxaan ka xigaa Qabri” aabbe ayaa soo boodey oo wiilkii ku yiri “ maxaa isku inkaareysaa gabadhaas quruxda badan oo qoys wanaagsan ka soo jeeda baan kuugu Darney” hase yeeshee hooyo Iyo aabbe waxay ku Jiraan diyaar garow waxayna Bilaabeen in loo digo bulshada deegaan, dhinaca kale wiilka waxaa ka muuqda murugo iyo walbahaar waxaana uu ku celceliyaa “ heblaayo guurgeeda Qabri baan ka xigaa” waxay Saacadu is gurto waxaa la garey habeenkii oo berii ay tahay maalintii Arooskiisa . Waxaa la soo diyaariyey hal ameer ah si bulshada beri ugu baashaalaan arooskana uu deegaanka ka noqdo mid ma hadho ah oo muddo laga sheekeeyo hase yeeshee wiilkii ayaa markey ahayd 4 Saac fiidkii waxaa ku soo boodey qandho , waxay hooyada iyo Aaabaha wiilkii ku yiraahdeen “qandhada haysaa waa mid fuleynimo ah” , waxaa loo soo diyaariyey dharkii hidaha iyo dhaqanka ee uu beri ku aroos geli lahaa , welibana

waxa loo dhisey aqalka aad u weyn oo wax waliba loo dhigey. Qandhadii baa ku siyaadey hase yeeshee markii la gaarey lix saac habeeninmo ayaa wiilkii arooska ahaa ayey nafta ka baxdey, waxaa gurigii ka baxay baroor, waxaana Aabihii iyo hooyadii la soo dersey muruqo waxayan yiraahdeen “ Ilaah baa u aqbaley Baryadiisii” waxaa bulshadii ku dhaqaneyd deegaanka oo sugayey farxadii arooska in Gurigii u yimaadaan tacsi iyo u diyaargarowga aaaska iyo in hooyadii aaabihii la weydiiyo wiilkooda waxa ku dhacay iyo Sababta uu u geeriyoodey balse hooyadii iyo Aabihii aaamusnaan baa ka soo hartey iyo murugo. Waxaana xoolihii loo diyaariyey COSOB

16

Juun 2018

arooska iyo farxadii bulshada deegaanka isku Badeleen tacsi iyo alal bari, waxaana gurigii soo buux dhaafiyey dad fara badan oo qaarkood meel fog fog ka yimid sidoo kale qoyskii gabadha ka dhalatey ayaa iyana waxay fajiciso ku noqotey geerida deg dega ah ee ku timid wiilka Sidaa darteed walaal sheekadaan sidee u aragtaa? magacee baa u bixin lahayd aniga magacaan u bixiyey waa “QAMAR GUURKEEDA QABRIYAA KA XIGAA” AMA “ AROOS ISKU BADELAY TACSI”

Amiin Yuusuf Khasaaro


GABOWGA DUNIDA

W

arbixin dheer oo ay dhawaan soo saartay hey’adda jumciyadda quruumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in dadka ay da’doodu kor u dhaaftay 60-ka sano ay tiradoodu gaadhay 962 milyan oo ruux dabayaaqadii sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2017-kii taasoo u dhiganta 13% guud ahaan dadka dunida ku nool . Warbixinta ayaa intaa sii raacisay in tirada dadka waayeellada ah ee ku nool aduunyada ay ahayd 382-milyan sanadkii 1980-kii imikana ay noqdeen 962 milyan oo ruux ,dadkaas oo sadex dalool dalool ay ku noolyihiin dowladaha soo koraya waxaana il gaar ah lagu hayaa tirada maalinba maalinta ka dambeysa sii tacabireysa seerihii la filayay inay ku hakato, dadka da’doodu ka sarreyso 60-ka sano ayaana noqday sideed dalool dalool wadarta guud ee dadka dunida ku nool,iyada oo laga rajo qabo in marka la gaadho sanadka 2020-ka ay noqdaan shan dalool dalool. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadyowga ay da’doodu ka talaabsatay 80-ka sano ee aduunka ku nool ay tiradoodu tahay 137-milyan oo ruux qaramada midoobay ayaana saadaalisay in marka la gaadho sanadka 2050 ay tirada waayeelladu gaadhi doonaan 425-milyan oo ruux. kororka lixaadka leh ee aan kala joogsiga lahayn ee ku imanaya tirada dadka waayeloobaya ayaa loo aaneynayaa dhowr sababood gaar ahaan marka laga warramayo dowladaha horu-maray sida hoos u dhaca weyn oo ku yimid tirada carruurta dhalaneysa , horumarka laga gaadhay dhanka la socodka iyo daryeelka caafimaadka, iyo waliba ha ka reebine hab nololeedka dadyowgaas oo ah mid barwaaqo sooran ah. COSOB

sida laga soo xigtay warbixintan sanadlaha ah ee ay soo saartay qaramada midoobay in kabadan 68.7 milyan oo qof oo da'doodu ay kor u dhaaftay 60 sano ayaa ku nool qaaraddan afrika oo ay soomaaliya ku jirto , halka 549.2 milyanna ay noolyihiin asia, qaaradda duqda ah ee yrub ayaa hoy u ah 183-milyan oo waayeel waqooyiga america ayaan isaguna dab yar shidin waxaana halkaa ku dheelmada 78.4 milyan oo ka mid ah duqowda caalamka , laatiin ameerica iyo mandiqadda carebeanka ayuu tiri koobku sheegay inay ku noolyihiin 78 milyan sidoo kale waxaa intaa sii dheer 6.9 milyan oo ku nool jaziiradaha ku teedsan badda basifig-gga. haddaan u imaanno dhanka saadaasha marka la gaadho 2050-ka ayaa la filayaa inay kordhi doonaan waayeellada afrikaankanka ah gaadhina doonaan 226 milyan halka kuwa eeshiyaanka ahina gaadhi doonaan 1.3 bilyan, kuwa yurub ayaa iyaguna caga cageyn doono 247.2 milyan halka kuwa waqooyiga ameerica ku noolina la filayo inay tiradoodu gaadho 123 milyan. dowladda jabaan ayaa dunida hoggaanka u heysa dhanka tirada dadka ku nool ee waayeelka ah 33.4% dadka dalkaas waa 17

Juun 2018

dad ay da'doodu dhaaftay 60 sano. dalka talyaaniga ayaa isaguna liijaanka u haya kaalinta labaad 29% dadka talyaaniga ahina waa dad gaboobay, jarmarlku isna waa 28% ,botaqiiska iyo filbiin ayaa waxaa ku nool iyaguna tiro isla eg oo ah 27%. waxaa la saadaalinayaa in kolka la gaadho sanadda 2050-ka ay sare u kici doonto tirada dadka duqoobay ee dalka jabaan gaadhi doontano 42.4% taasoo wadna qabad maaro loo waayay ku ah dowladda jabaan oo la daalaa dhaceysa xal u helidda dhibaatadaas arbushaadda ku heysa nolosha bulshada jabbaan. hey,adaha ka faallooda kororka farqiyada u dhexeeya da'aha bulshooyinka ayaa carrabaabay in is badalladda ugu waaweyn uguna ballaadhan ee ku dhacaya bulshooyinka caalamka inta lagu guda jiro qarniga 21aad ay tahay waayeelnimada taasoo taasoo saameyn ku yeelan doonta dhammaan laamaha kala duwan ee nolosha bulshooyinka dunida sida suuqa shaqooyinka, maaliyadda, dalabka badeecadaha iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha sida guryaha ,gaadiidka, daryeelka bulshada iyadoo intaasi ay sii dheertahay is badalka ku dhici doona hab dhismeedka qoysaska iyo xidhiidhka ka dhexeeya jiilasha . adduunyada ayaa waqti xaadirkan si dhow isha ugu heysa dadka waayeellada ah waxaana loo arkaa inay yihiin kuwo mudan in laga faa'iido qeyb libaaxna ka qaadan kara horumarrada la hiigsanayo ayna habboontahay in la biiriyo awoodahooda si ay ugu lug yeeshaan horu-socodka siyasadda iyo hirgalinta mashaariicda halbowlaha ah ee heerarka kala gaddisan leh. Cabdifataax Xasan Wali


“DANYAR IYO DACASLEEY NIN DUULABA DOORAALAA UGU HOREEYEY”

W

aagii Sacuddiga aad loo aadi jirey ayaa wiil barbaar ah waxaa uu hooyadii mar waliba ku celcelin jirey in ay mar uun Sacuudiga u dirto , waxay dhibsato oo gadaal isku dhigto, ayaa maalinkii dambe Lacagii ay Lo’da caanaheeda ka aruurin jirtey inta farqaha ka soo furtey wiilkii ku tiri “waataas kisitii Keydka noo ahayd ee deg deg Sacuudiga ugu bax. Markiiba Dooraale fiisihi iyo tikidkii buu soo jartey ,habeenii saaxiibadii iyo deriskii baa sagootiyey Subaxii Dambane ayuu diyaaradii Soomaali Airline hore u raacey, saacado markii ay sii socotey ayaa markii uu Madaarkii ka degey oo uu u soo socdey xaafad ku taala magaalada Jidda ayaa ciidanka dhakab la yiraahdeen, oo isla diyaaradii dib loogu soo celiyey oo Muqdisho laga soo dejiyey. Markiiba xaafadii ma tagine guri Saaxiibadii ay degenayaan ayuu ku leexdey, aad bay ula yaabeen war Dooraale maxaa kuugu dhacay, waa adigii shaley baxaye “war yaan idiin ku daaline “ ee waxaa gacan iga siisaan waxa aan ka yeelayo

hooyo, halkii baa talooyin la isku dhaafsadey waxaa la isku raacey in Hooyo loo wada tago caawa oo uu sameeyo in dhalinyarada gadaashooda uu ka hadlo, Markii la isbariidiyey ayaa Dooraale hooyadii la weydiiyey “ hooyo Dooraale xaaladiisa ka waran” markaas bay tiri “Shaley buu baxay weli wax war ah kama helin” inta la yara aamusey ayaa waxaa si hoose u hadley Dooraale “ hooyo goormaa warka Doraale la helayaa” inta yara gadaal u sigatey bay tiri “ Saa waa hooyo wax dhashaye oo kala taqaan Codadka Caruurteeda “ bay tiri “ Qofka hadlaya waa Dooraale sidee Wax u jiraan” dhalinyaradii baa qosol la dhacay markiiba inta Mugdigii dhalinyarada ku qarinayen ka soo dhex baxay buu hooyadii ku yiri “ hooyo waa Dooraale “ markaasuu u sii dabadhigey “hooyo markaan diyaaradii ka degey oo gurigii u sii socdo ayaa ciidanka isoo qabteen “ markaas bay hooyadii ku calaacashey “DANYAR IYO DACASLEEY NIN DUULABA DOORAALAA UGU HOREEYEY” Marka Danyar iyo dacasleey Alaa u maqan

COSOB

18

Juun 2018

Amiin Yuusuf Khasaaro


“MA DOORAN LAAKIIN MACAANKEEDII BUU DAREEMEY”

C

abdisalaan Maxamed Yaasiin (Sadiiq) Markuu dhameystey Dugsiga Sare ayaa isaga iyo Waalidkiis isku afgarteen in uu sii wato Waxbarashadiisa ilaa Heer Jamaacadeed, wuxuuna isaga iyo Waalidkii isku raaceen in uu galo Jaamacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho. Markii uu galey Imtixaankii Qabuulka ee Jaamacadda Ummada, ayaa wuxuu Gudbistey Codsigiisa ahaa in uu barto Dhaqaalaha ama Beeraha hase yeeshee,yadiiladaas aad bay ugu weyneyd Cabdisalaan in uu helo mid ka mid ah Labadaas Kuliyadood, balse Maxaa dhacay Markii la soo Dhejiyey Imtixaankii ayaa waxaa loo sheegey in uu heley Kulliyadda Saxaafada, hase ahaatee,Cabdisalaan waxaa ku dhacay Niyad jab, wuxuu Go’aansadey in uu ka haro Jaamacadaas maadaaama Saxaafada Soomaaliya ay tahay mid aad u dhib badan oo

uu ogahay Xaaladaha ay ku shaqeeyaan. Hooyo iyo Aabbe markuu u sheegey in uu heley Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacada ummada, haddana dhinacooda iyagana Niyad Jab la mid ah midkiisa ayey ii Muujiyeen waalidkii, waxayna kula Taliyeen in uusan ka harin Waxbarashada Kuliyadaas intii uu waqti ka lumi lahaa, iyagoo u ballan qaadey in wixii Karaankooda aysan kala hari doonin. Wuxuu waqtiga is guro isagoo caga Jiidaya oo niyad Jabsan ayuu qaatey Taladii Waalidkiis, wuxuuna bilaabey Waxbarashadii Kulliyadda Saxaafadda hase yeeshee, Cabdisalaan weli Niyad Jabkii waa ka Muuqdaa oo ardeydii ay isku Fasalka ahaayeen, waxay mar waliba ku yiraahdaan “Saaxiib maalmahaan waa Maqan tahay ee Maxaa kuugu dhacay, mar waliba waad Fakereysaa” wuxuu u sheegey in uusan ku qanacsaneyn Kulliyaddaan, balse Saaxiibadiis waxay ugu Laab qaboojiyeen in Kulliyadda Saxaafada ay tahay mid aad u wanaagsan. Waxay waxbarashada socoto isagana uu gadaal isku dhigayo ayaa wuxuu go’aansadey in uu iska imaansado Kulliyadda Saxaafadda, waxaana Waqti yar laga dareemey Farxad iyo reynreyn ku aadan ku qanacsanaanda Kulliyadda Saxaafadda, waxaana intaa sii dheeraa oo Farxad kale geliyey, Macalimiinta sida Casharada uu siinayaan iyo weliba sida ay ugu dhiiragelinayaan in uu dhameysto Jaamacadda. Mar uu la sheekeystey mid ka mid ah Macalimiinta wax

COSOB

19

Juun 2018

u dhigaya Jaamacadda, ayaa waxaa uu u sheegey in markii hore uu aad uga niyad jabey ku soo biirrida Kulliyadda Saxaafadda. Markaas buu ku yiri Macalinkiisii “Doqon baa tahay oo aan waxba kala ogeyn Cilmiga Saxaafadda, marka la fiiriyo Caalamka waa mid aad loo jecel yahay, weliba Bulshada Dhexdeeda ka heleysid Qadarin iyo Xushamad marka waxaa tahay qof Nasiib badan ee ka faa’iideyso Fursadaan”. Markii uu ku soo maaxdey Macaanka Cilmiga Saxaafada ayaa wuxuu Go’aansadey in si farxad ah ku sii wato Waxbarashada Kulliyadda Saxaafadda. Sidoo kale wuxuu Waalidkiis u sheegey in wixii uu ka filayey Kulliyadda wax ka weyn uu ku arkey, oo ku aadan Cilmiga Saxaafadda in uu yahay Cilmi aad u balaaran, kana Wanaagsan Kuliyadihii uu ku taamayey ee Xulashadiisa ahayd. Ugu dambeyn Qoraalkeyga waxaa ku soo gabagabeynayaa wax waliba waxaa Wanaagsan in aad ka Fiirsato, mar walibana aad qaadato talooyinka laguu soo jeediyo, waayo waxaad aad moodeysey Shar in ay kuu wanaagsanadaan. Marka Cabdisalaan wuxuu ku rajo weynahay in uu meel sare ka gaaro Saxaafadda. Sidoo kale wuxuu kula Dardaarmayaa ardeyda Dooneysa in ay Jaamacadaha galaan, marka ay Waayaan Xulashadooda in ay qaataan wixii u soo baxa intii uu Waqti ka lumi lahaa. Sidaa darteed, waxaa uu leeyahay Cabdisalaan “MA DOORAN LAAKIIN MACAANKEEDII BAAN DAREEMEY”.


“17 SANO BARE AYAAN AHAA WAX MA AQRIN KARIN,MANA QORI KARIN”

john Corcoran

J

ohn Corcoran ; waxaa uu ku koray Gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka, intii u dhaxeysay 1940 ilaa 1950kii waxaa uu ka mid ahaa, lix carruur ah oo ilmo adeer ahaa,waxaa uu ka qalin jebiyay Dugsi sare,waxaana uu ku biiray Jaamacad. 1960kii waxaa uu noqday Bare,waxaana uu waday muddo 17 Sano ah, hayeeshee waxba ma aqrin karin,waxna ma qori karin,waxaa uu ka sheekeeyay in Waaliddiintiis ay u sheegeen markii uu yaa in uu isagu yahay qofka guuleysanaya. Ilaa da’da lix jirkiisa ayuu aaminsanaa hadalka waalidkii ee ah in isagu uu yahay qofka ugu dambeyn guuleysanaya,waxaan uu arrintaas qalbiga ku hayay waqti ka mid ah noloshiisa. “Mar dambe ayaan go’aansaday in aan barto sida loo qoro loona aqriyo sida Gabdhaha ila dhashay oo kale,waxaan waqti badan ku bixiyay aamusnaanta,ku hagaajinta sadarka ee qoraalka

iyo waqtiga Musqusha”. “Markii la gaaray fasalka 2aad,waxaan isku daynay barashada aqrinta,laakiin aniga waxaa ay iiga dhigneyd,aniga oo furaya wargeys Shiineys ah oo kale oo dayaya kaliya, mana fahmeyn waxa ay ku saabsan yihiin sadarrada meesha ka muuqda, xitaa aniga oo jira 6,7 ilaa 8 Sano”. “Waxaan xusuustaa aniga oo Habeenkii Alle baryaya,kuna duceysanaya Ilaalow berri isoo kici aniga oo garanaya sida loo aqriyo,mararka qaarna hurdada intaan ka tooso ayaan Nal ku shidayay Buugga si aan u eego haddii mucjiso ii timid,laakiin isbeddel ma leh”. “Iskuulkii waxaan uga baxay markii aan dhowr jeer feer kala daalay ardeyda qaar,kuwaas oo isku dayay aqrinta iyo dhigaalka hayeeshee aniga iima suuroobin”. “Baraheygii ayaa waaliddiintey u sheegay in aan wanaagsanahay,waxaana

COSOB

20

Juun 2018

ay ii gudbiyeen fasalka saddexaad,sidoo kale 4aad iyo 5aad ayaa sidaas la iigu gudbiyay hayeeshee wali waxba ma aqrin karo”. “markii aan isku dhex arkay fasalka 5aad inaga oo eber ah,subax kasta waan soo lebbistaa,Dugsiga ayaan soo aadaa,waxa kaliya ee aan sameeyana waa dagaal,ugu dambeyntiina dugsigii waa la iga eryay”. “Markii aan gaaray fasalka 8aad,waxaan maalin kasta fadhiyay xafiiska maamulaha aniga oo dagaal uun ka soo baxay,doodna taagan tahay,waxaan go’aansaday in markan aan aniga ismaamulo” “Waxaan doortay in aan noqdo Orodyahan,waxaan lahaa xirfadda Orodka,sidoo kalena waxaan lahaa xirfadda xisaabta oo Iskuulka ka hor,waxaan awooday in aan tiro badan isku daro horayna ka sheego”. “Inta badan waxaan ku ordi jiray


hareera Iskuulka,Leyligeyga inta badan walaalahey ayaa iiga soo shaqeyn jiray,marka ay kuwa dhibcaha badan keensaday khudbeynayaan,aniga waan fiirsan jiray uun”. “Iskuulkii waxaan uga baxay Qish iyo qiyaano oo aan ku dhameeyay,waxaana markii dambe helay deeq waxbarasho oo Ciyaaraha fudud ah (Oraddada),waxaana halkaas ka soo baxay in aan ahay qof ka duwan kii hore”. “Imtixaankii Jaamacadda,Barihii ayaa afar weydiin saaray sabuuradda,waxaan la soo baxay buuggeyga Buluugga ah,laakiin ma aqaan waxa sabuuradda ku qoran,waxaana u dhiibay wiilka ugu waangsan fasalka oo gadaal ila fadhiyay,waxaase uu igu yiri Gabadha Marry u dhiib,isaga waa uu xishoonayay,wiilkii ayaan ku celiyay,intii uu iiga soo jawaabayay waxaan la soo baxay buuggeyga 2aad ee Buluugga ah si aan isaga dhigo Nin su’aalaha ka jawaabaya”. “Waxaan dhameeyay Jaamacaddii,Barayaasheydii iyo Waalidiintey waxaa ay igu dhaheen, saaxiibadaa nolol fiican ayey heystaan,shaqooyin ayey heleen,waxaan arkay jago shaqo Macallinimo ah,waana codsaday”.

Iskuulku waxaa uu lahaa kulan todobaadle ah,macallimiinta waxaa la weydiinayay su’aalo iyo waxyaabaha ay soo diyaariyaan,cabsida ugu badan waxaan ka qabi jiray in Maamulaha i dhoho,soo bandhig waxa aad soo qortay,illeyn maba aqaane”. “Haddii ay sidaas dhici lahayd oo uu maamulaha i wici lahaa,waxaan ka istaagi lahaa kursiga,labo tallaabo ayaan qaadi lahaa,daaqadda ayaan iska tuuri lahaa,waxaan aay wici lahaayeen malaheyga Nambarka 911, ee Booliska si Isital la igeeyo”. “Waan guursaday,waxaana markan isu heystaa nin isku filan,habeen habeennada ka mid ah ayaan xaaskeyga ku iri anigoo muraayad hortaagan, Cathy waxba ma aqrin karo,Cothy waan aqrin karaa,iyaduna ima fahim waxa aan ula jeedo”. “Ma ogtahay Jacaylku Indho ma leh,waana dhagool,sanad kaddib cunug baa noo dhashay,muddo kaddib waxaan wax u aqrineynay gabadheenna,aniga aqris ma aqaan hayeeshee waan jilayay,waxaana u sheegayay sheeko sheeko iyo wixii la mid ah”. “Gabadheydha ayaa igu tiri aabbo ma aqrineysid,sida hooyo oo kalena uma aqrin COSOB

21

Juun 2018

taqaanid,waa halka ay xaaskeyga ka ogaatay in aan waxna aqrin waxna qorin,waana ay i caawin jirtay”. “Maalin Jimco ah ayaan aaday Maktabadda,waxaana weydiiyay qofkii agaasinka ka ahaa,waxaa ay ahayd haweeney,waxaa ay noqotay qofka 2aad ee ogaaday in aan waxba aqrin,qoriina,sababta oo ah waan u sheegay”. “Waxa ugu horreeyay ee ay igu tiri waxaa ay ahayd aas aaska wax qorista isku day,aniga maskaxdeyda waa ay ku jirtay laakiin ma aqaan kicinta iyo Hingaadda”. “Waxaan billaabay waxa aqrinta iyo qoridda,Todobo Sano ayey igu qaadatay arrintaas,markii aan arkay in aan wax aqrin karo oo aan qori karo waan ooyay,ooyay,waxaana u ekaaday qof hadda xoroobay oo kale”. John Corcoran, ugu dambeyntii waxaa uu sameeyay Hay’ad magaciisa wadata oo Dadka waaweyn iyo Carruurta aan wax aqrin qorina karin arrintaas ka caawisa,caan ayuu ka yahay Mareykanka. Isha: BBCNews. W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).


MURTIDDA IYO MAADDA 20. MINYARO MASAYRTAY MAANYARAA

Lammaane is qaba ayaa ninkii silama filaan ah ugu yidhi xaaskiisii waan guusaday, gabadhiisii waxay ku tidhi dhibmalaha waa wax sookordhay waliba waxa ay ugu sii dhiibtay hadiyad aad u qaaliya oo ay ku tidhi u gee ,waa uu uqaaday waana uu u geeyay oo waxaana uu iskaga dhigay mid isagu u keenay ,hadaba gabadhiisii kale waxa ay si daggan uga codsatay kol haddii uu gurikale ku dhaxaayo in uu carruurta soo maro oo uu casharka ka caawiyo intaanu hurdo tagin habeenkii,waa uu ka ogolaaday. Marka uu sii tagaayo guriga minyara waxa ay ugu dhiibi jirtay cunto ay usoo iibisay si uu ugu qaado, waxoogaa markii ay is qabeen minyaradii ayaa waxa ay ku tidhi xaaji xageed ku soo habsaantaa? markaas ayaa uu ugu jawaaba carruurtaan soomaraa oo aan casharka ka soo caawiyaa,halkaas ayaan kusoo habsaamaa kabbid waxay is tidhi malaa naagtan ayuu utagaa habeen kaagana,haddii uuna u tagin miyuu goor hore kuu yimaaddo. Habeen kii danbe ayaa ay cay iyo aflagaaddo ka dayn wayday gabadhii minyarada ahay naagtiisii hore ee minwaynada ahayd, waxaanu arkay in ay hinaasad tay kaddib waxa uu ku yidhi gabadhan maxaad u cayday miyaanay ahayn gabadhii iigu soo kaadhiibtay

dharkan aad xidhantahay, alaabtan quruxdaban, minyaradii ayaa intay barooratay oo ay bood booday tidhi’ makuwan,makuwan, kaddibna waa ay wada siibtay sidiina gurigii ayaa ay kaga tagtay .murtida sheekadu waxay inoo sheegaysaa in dadka loola dhaqmo sida fiican ee aan wax walba la’isku koobin,sidookale haddii uu qofku wax ilaahay u banneeyay ku xiniyo amma u diido mushkilad iyo caaqibo xumo ayuu la kulmaa,sideedabana bila’aadamku sidii aad ula dhaqanto ayaa laguula dhaqmaa,qofkana waa lakasbadaaye xadhig laguma keeno.

COSOB

22

Juun 2018

21. BAKHAARKII 4AAD GOORMAAN XISAABIYAY

Beri ayaa waxaa ku noolaa tuulo kamida toolooyinka soomaalidu dagto nin lahaa 4 Bakhaar ,maalin maalmaa kamida ayaa masjidkii uu ku tukan jiray waxaa dhacday in uu iimaamkii ka tagay ragcad, hase ahaatee dadkii ayaa isku qabtay 4 iyo 3 ragcaddood ayaanu tukanay kaddib ninkii bakhaarada lahaa ayaa kor u istaagay markaas ayaa uu yidhi anaa huboo ragcad ayaa aynu ka tagnay ,kaddib waxaa la waydiiyay ee Maxamedow maxaad ku garanaysaa amma aad ku caddaynaysaa in aanu ragcad ka tagnay? kaddib waxa uu ku jawaabay 4 tayda bakhaar midba


ragcad ayaan xisaabiyaa markaa bakhaarkii 4aad wali maan xisaabin,kaddibna sidaas ayaan ku ogaaday in aynu ragcad ka tagnay. 22. ANIGU MEEL MADAW KAMA SHAQAYNAAYO

Maalin maalmaa kamida ayaa waxaa wada sheekaystay gabadh iyo nin kawada shaqayn jiray shirkad,maalin ayaa ay gabadhii jeclaatay in ay hesho fasax,ninkii la shaqayn jiray iyada ayaa ku yidhi maamuluu kuma fasaxayee maxaad samayn? Gabadhii waxay tidhi anaa ka dhamaynayee adigu i’eeg,gabadhii waxay fuushay qorigii ku xidhnaa ruufka qolkii ay ka shaqaynaysay kaddibna waa ay iska soolaalaadisay iyada oo cagaa ku qabsatay looxii madexeediina soo laa laadisay. waxaa soogalay qolkii ninkii maamulaa ahaa waxaanu waydiiyay gabadhii waxay meeshan ka doontay,waxaanay ugu jawaabtay waxaan ahay guluubkii u baxaayay qolka,maamulihii inta uu qoslay ayaa uu ku yidhi maanta waxaan u malaynayaa in aad u baahantay in aad iska tagto gurigii oo aad iska fasax noqoto,gabadhii sidii ayaa lagu fasaxay waanay baxday ,markii ay gabadhii baxday ayaa uu maamulihii arkay ninkii ay wada shaqaynayeen gabadha oo isna siidaba socda waxaanu waydiiyay xageed qabanaysaa aduguna? Ninkii ayaa ugu jawaabay isaga oo cabanaya

anigu meesha madaw kama shaqaynayo,oo uu ula jeedday haddii ay gabadhu iska dhigtay guluubkii u baxaayay qolka kaddibna la fasaxay meelmadaw yaa joogaaya? 23. HA XISHOONIN EE RUNTA SHEEG

Gabadh ayaa waxa ay u mehersanayd nin dibadda ku maqnaa, kaddib baryo badan oo aanay wax war ah iska helin ayaa ay go’aansatay in ay waraaq aad u fiican u qorto, kaddibna waxay u yeedhatay wiil ka mida wiilasha ay taqaanay oo wax dhigta waxayna ku tidhi walal adigaa engilishka yaqaanee ii qor warqaddan. Kaddibna wiilkii waa uu ogolaaday waxanay ku tidhi waxaad ku tidhaa walal waan fiicanahay illayn wiilku englishka aad umuu aqoon kalmadaa uun buu yaqaanay laakiin sida hadalka loo dhiso maa uusan aqoon, wiilkii waxa uu qoray waanu iska fiicanahaydii :GOOD , hadana waxay ku tidhi waxaad tidhaahdaa roobna waa uu nahelay ,waxa uu qoray :RAIN ,maan helin waraaqihii aad ii soo dirtay ,waxa uu qoray :LETTER ,walaal aad baan kuugu xiisay jacaylkeeniina waa halkii walaal, waxa uu qoray : LOVE, warqaddii halkaas ayaa uu ku gaba gabeeyay ,waxa uu siiraaciyay ku ;socota ,ka: ka socota infloobkii buu ku dhagsiiyay sidaas baa lagu diray guul darro wiilkuba waxa uu ka

COSOB

23

Juun 2018

xishoonaayay gabadha waanu odhan kari waayay walal maqori karo,kaddib ninkii ayaa ay gaadhay warqaddii waabu furay ,waxaa ku qoran GOOD ,RAIN ,LETTER ,LOVE , ninkii aad buu u yaabay warqaddiina waa uu fahmi waayay. Sidaasi darteed dareenka ay inna siinayso sheekadani waa haddii aanad garanayn waxa laguu diray waxaa wanaagsan in aad iska dayso,haddii aad ka xishooto waxaas garanmaayo amma aad istidhaahdo waxaa lagu odhan waxba garanmaayo waxaad ogaataa waxaad qaribtay amma aad hallaysay ayaa kadaran,taasi oo dib kuugu soo noqon doonta.

Mubaarig Farxaan Faarax(Araye)


NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!! QEYBTA 10AAD

M

arkii ay soo idlaysatay xarigii, oo ay ka soo baxday xabsigii, iyada oo digsi dabadi u eg, ayey garatay in uusan Nayroobi fadhiu-ool. Waxa ay iskula talisay, in ay Soomaaliya isaga soo laabato, maaddaama ay dhoofi weydey, dhoof-doonkiina meel xil-le dhigay. Mid ay isku suuq ahaayeen oo saaxiibteed ah, oo u socota Boosaaso ayey is arkeen, oo ay ka codsatay in ay raacdo. Inta ka yeeshay oo la-tabaabusheysatay ayey Boosaaso ka caga-dhigteen. Iyada iyo tiiba waxa ay Boosaaso ka bilaabeen shaqadoodii, waxaa ayna heshay suuq cusub oo ay ayaan kale ku mood-moodday.

Kolkii inta la bartay, laga qashdhacay ayey Xamar u soo socdaashay, kolkaas bay suuqa layrka leh ka soo dhul-bilawday. Sideedaba, waa dhaqanka Dumarka hallaaba iyo kuwa Shuhubooyinka ah, in ay kahawo-geddistaan meel kasta oo aad looga barto oo ay ku qiime-dhacaan, si ay u hesho suuq cusub. Meesha kale markii ay tagto ayey Xuural-ciin iska dhigtaa, kolkaasey dabaqadda sare inta ka soo bilawdo ayaa sida la isugu sii dhiidhiibayo, taxtiga tagtaa. Hadhaw ayey misena aaggaas iyo Magaaladaas ka beddelataa. Marka ay koriyo-hoosba ka daasho, oo ay aragto in aysan sii socon karin COSOB

24

Juun 2018

ayey aakhrika isku beddeshaa ‘Fataalad’ gabdhaha suuqa-gelisa oo dabeed iibisa. Markii ay Samawda baryo xoogaa ah joogtay Xamar, oo Majaalista badankood ka socon weyday, ayey soo istaagey meel cidla ah. Quruxdii iyo shacnigii lagu rabay dhammaa, oo maanta xitaa Ilkihii waxa ay noqdeen kuwa doorsoomay, kuwa qodmay iyo kuwo jajabay. Wajigii quruxda badnaa qayirmay. Meel walba oo jirkeeda ka mid ahaydna, waa tan inta dabacday kala daadatay. Nacalad ayaa kordeeda fuushay, qofkii arko uu ka cararayo! Waa dambe, markii ay aragtay in


aysan suuq lahayn ayey Fataalad isku beddeshey, oo halkaas irsaaqaddii ka gashay. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa iyada oo fekeraysa, oo haad u bixi waayey oo Mijintii maantaas la’, oo meel ay aaddo garan la’, ayaa waxaa uu Raadeerkeedii soo qabtay Sawrac, oo uusanba ku soo dhicin muddo dheer. Xitaa markii ay Xamar imaanaysay, maba xasuusan isaga iyo wiilkii ay ku ag xoortay-ba. Shaw hunguri wejiyo badan baa inta galay, waxa ay go’aansatay in ay raadiso Sawrac oo ay bal ogaato meesha ay ku dambeeyeen isaga iyo wiilkii. Raadin iyo goobid ayey ugu dhaqaaqday. Qabiilkiisa, Jifadiisa iyo ab-tirkiisaba waa garaneysaye, muddo yar kaddibba waa heshay. Nin ay Samawada is-yaqaaneen, oo dhawr jeer wada qayileen, oo ay Sawrac isku hayb ahaayeen, ayaa inta kaxeeyey, waxaa uu ugu geeyey guri uu degganaa oo uu ku lahaa Xamar-Jadiid. Markii uu Sawrac gurigii ka furay ayey Samawada inta ku soo boodday, ku tiri “Sawrac

waa Samawada ee iska warran walaal”. Inta naxay, oo uu gabadhii iska qabtay ayuu fiiriyey, markaasey ula ekaan weydey Samawada, kolkaas buu ku yiri “Naa ma tihid Samawada e, beenta iska dhaaf”. “Wallaahi waa Samawada, oo Nabsigaagii helay”, inta tiri ayey misena sii raacisey “Meeyey wiilkaygii yaraa ee aan ka tagay?”. Sawrac inta gartay in ay tahay Samawada, oo Mucjiso qabsatay, ayuu inta geeyey qolka fadhiga, soo dhaweeyey. War dhafoorka ayuu ku yaallaaye, ma wareysan, laakiin isaga ayaa u sheegey in uu guursaday, oo Shan Carruur ah Eebbe siiyey, isla markaasina uu leeyahay guriga uu maanta ku nool yahay, ganacsade weynna yahay. In uu Alle barwaaqeeyey ayuu uga warramay, Ilaahayna uu faraj u furay dabadeed. Laakiin hadal ay ka naxday ayuu u sheegey, oo ahaa, in Wiilkeedii, tegitaankeedii, laba bil kaddibba, uu saqiiray, kaddib markii uu xanuun la garan waayey, lagana daweyn kari waayey, la-maliilay! Sawrac, inta uu siiyey lacag

COSOB

25

Juun 2018

fiican, ayuu ku yiri “Abbaayo, wax kale kuuma tari kara e, intaas qaado, Ilaahayna wanaag ayaan kaaga baryayaa”. Samawada, intii uu hadalka u waday oo dhan, is-beddel ayaa ku dhacay, waxaa ayna bilawday in ay hogato, oo ay fiirin weydo Sawrac, oo barwaaqoobay iyo iyada oo dullawday. Maanta Cayr iyo Carruur la’aan iyo hoog ayey dhex fadhidaa. Inta is celin weydey oo lacagtii ka firdhatay ayey oohin la dhawaaqday, oo roogga isku tuurtay. Carruurtii iyo reerkii baa ku soo baxay, xitaa markii dambe xaafaddii oo idil ayaa halkii soo dhoobtay, taas oo jawigii u beddelay Yoon, Qablan iyo Bulaan. Markaas baa ninkii ay la socotay inta u yeeray gaari taksi ah, oo u aruuriyey lacagtii uu Sawrac siiyey, ayaa gaarigii la saaray, iyada oo sii barooranaysa, oo ku heysay “Nabsi Baa i helay, aniga ayaa saas isku galay, Sawracoow i cafi walaal, luggooyadaadii ayaa sidan ii gashaye!”. Lasoco qeybta:11


ADSL Plus

hOME AND OFFICE INTERNET - TELEPHONE

141 101 www.hormuud.com

info@hormuud.com m.me/hormuud


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.