COSOB OCTOBER

Page 1

Bille, Muqdisho

OCTOOBAR 2018

NIDAAMKA DOORASHO EE 2020-KA XUKUUMADDA FEDERAALKA AH OO WAJAHAYSA IMTIXAAN AH DOORASHO, HAL-IYO-COD AH HAGAAJINTA AMAANKA IYO HESHIIS SIYAASADEED OO LAGA GAARO HIIGSIGA 2020-KA, AYAA AH CAQABADAHA UGU ADAG EE HORYAALLA DOORASHO HAL QOF-IYO-COD AH

Cadadka: 14aad

TIFAFTIRAHA: Farxiya Maxamed Kheyre


COSOB

2

OCTOOBAR 2018


TUSMO 06

10

08

NIDAAMKA DOORASHO EE 2020-KA: XUKUUMADDA

KU FAANTO HADDII AYSAN WAXBA KA QABAN AMNIGA IYO

DOORASHO ‘HAL-IYO-COD AH’

NABADGELYADA MAGAALADA MUQDISHO

12

MA JOOGTAA WAKHTIGII LACAG CUSUB LOO DAABICI LAHAA SOOMAALIYA

13

14

FAHAMKA BULSHADA EE SHAQADA

BULSHADA IYO BARAHA BULSHADA

16

DAYAARAD TAKSI AH MUQDISHO MA U KALA RAACDEY ? !!!

18

WARBIXIN DHEERAD AH OO KU SAABSAN DILKII AXMED DOWLO

TARAAFIKADA

15

DOWLADDU KUMA GUULEYSAN KARTO WAXQABADYO AY

FEDERAALKA AH OO WAJAHAYSA IMTIXAAN AH

FARAHAYGU WAA DAHAB

20

QUDH-GOOYADII RIYADA AFRIKA

37 SANADOOD KADDIB NIN KA TIRSANAA SIRDOONKA CIA-DA MAREYKANKA OO QIRTAY IN UU DILAY FANNAANKII BOB MARLEY

21

KOOXO HUBEYSAN OO DILAY BOQORADDII

22

QURUXDA WADDANKA CIRAAQ

24

26

MURTIDDA IYO MAADDA

COSOB

3

NOLOSHA IYO QOYSKA

NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!!! QEYBTA 12-AAD

OCTOOBAR 2018


COSOB

4

OCTOOBAR 2018


MUUQAALLO MUDNAAN LEH

M

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in dib loo xoojiyo nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jiray dalka. Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey kumannaan arday ah oo wax ka barata 24 Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayna dhigtaan ku dhawaad 15-kun oo arday, iskuulladaas oo si rasmi uga mid noqday nidaamka waxbarashada dawliga ah ee dalka. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo, waana waajib dastuurku na faraayo. Maanta awooddeeda Alle waa uu nasiiyay, waxaana ka shaqeynaynaa fulinta qorshaha ah in xuquuqda waxbarasho ee caruurta Soomaaliyeed aan dib usoo celino.” Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa soo bandhigtay qorshaha ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta ah, iyadoona ku dhawaaqday in macalimiinta iyo maamulka dugsiyada ku biiray nidaamka waxbarashada dowliga ah ay ka mid noqon doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

COSOB

5

OCTOOBAR 2018


NIDAAMKA DOORASHO EE 2020-KA: XUKUUMADDA FEDERAALKA AH OO WAJAHAYSA IMTIXAAN AH DOORASHO, HAL-IYO-COD AH DOORASHO HANNAAN QOF IYO COD IN SOOMAALIYA LAGA QABTO WAA HOWL ADAG OO U BAAHAN IN SI BUUXA LOO FULIYO ISLA MARKAANNA LOO DHAMMEEYO CAQABADAHA JIRA EE BAAJIN KARA NOOCA DOORASHO EE LOO BAAHAN YAHAY IN AY DHACDO 2020KA

Haddaba aan eegno caqabadahaas jiray ee ay dowladdii hore (2016) ay uga gacan taagtay in ay diyaariso doorasho guud oo qof iyo cod ah SHURUUCDA IYO XEERARKA DOORASHOOYINKA DALKA OO AAN WELI LA DHAMEYSTIRIN

D

oorasha qof iyo codkiisa ah waa mashruuc ka ballaaran kana misaan culus doorashooyinkii aan aragnay sanadihii u dambeeyay ee Soomaaliya lagu qabtay waayoo inta aan la guda gelin shaqada muhimka ah waxa habboon in tixda lagu daro arrimo dhowr ah ama jawaabo waafi ah loo helo si loo turxaan bixiyo arrimo iyo daraasado kabi kara in la asteeyo gundhig adag oo leh muuqaal daah-furan (transparent) oo kalsooni iyo ogolaasho ay ku dheehan tahay. Waa tallaabo horey loo qaaday in xilligan la hadal hayo doorasho qof iyo cod ah laakiin su’aal adag ayaa barbar socota oo ah sidee ayay soomaaliya uga suurtoowdaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah ayadoo la is tusinayo dhammaan caqabadaha jira ama iman kara mustaqbalka dhow Si aan u ogaanno meesha la taagan yahay iyo dhowr sano kadib waxa aan qaban karno bal aan yara dib ugu laabanno halkii uu saan-qaadku ka bilowday

SOOYAALKA RAJADA DOORASHO QOF IYO COD AH

Sanadkii 2000 ayay aheyd markii ay soo noolaatay rajada dib u dhiska hey’adaha dowladnimo ee soomaaliya xilligaas oo magaalada carta ee dalka jabuuti lagu yagleelay dowlad ku meel gaar aheyd isla markaana lagu heshiiyay axdi qarameed. Waxaa xigay dowlado kale oo kumeel gaar ahaa ilaa laga soo gaaray sanadkii 2012kii oo mar kale dhidibbada loo muday dowladnimo rasmi ah iyo dastuur kumeel gaar ah Madaxdii xilligaas ayaa loo igmaday in xilliga xiga (2016ka) soomaaliya gaarsiiyaan doorasho guud oo qof iyo cod. Waxay howshu maalinba heer soo istaagto ugu dambeyn waxay dowladdu shaacisay in aysan suuragal aheyn in doorasho guud oo qof iyo cod ah la qabto caqabado jiray dartood

COSOB

6

Doorashadu waxay ku dhisan tahay shuruuc waana aasaaska illaalinta hab-raaca doorashada si loo sugo hufnaanta iyo daahfurnaanta loo baahan yahay in lagu shaqeeyo Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu qeexayaa in hannaanka axsaabta badan laga dhiso dalka laakiin hadda waxaa loo qorsheeyay in lagu sameeyo dib-u-eegis la doonayo in la dhameystiro ka hor sanadkan 2018ka. Waxaan sidoo kale weli la billaabin qabyo-qoraalka sharciga doorashooyinka iyo kan aqoonsiga muwaadinka oo ka mid ah sharciyada lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashada. Weli lama dejin xeerka xalinta khilaafaadka, lama dhisin maxkamadda dastuuriga ah oo marjac u noqon laheyd khilaafaadka dastuuriga ah ee dalka. Dalku mala aqoonsiga muwaadinka oo dhameystiran, inkastoo ay jiraan habab kale oo qofka loo diiwaangelinkaro. Maadaama uusan weli soo bixin sharcigii doorashooyinka hagi lahaa weli lama soo saarin xeerarka iyo hab-raacyada doorashooyinka.

OCTOOBAR 2018


MURUNNADA SIYAASADEED

Madaxda qaranka ayaa bishii November 217kii ku heshiiyay in aragti mideysan laga qaato xal-uhelidda caqabadaha doorashada sanadka 2020ka. Sida aan ognahay dhammaan howlaha doorashadu waxay suuragal yihiin kaliya marka is faham buuxo oo daacad laga yahay iyo wada shaqeyn dhab ay dhex marto madaxda qaranka iyo qeybaha kale ee shacabka Hadda waxaa taagan khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya madaxda doladda dhexe iyo kuwa maamulgoboleedyada, inkastoo waqti kasta ay suuragal tahay in ay heshiis mideysan gaaraan haddana weli khilaafkoodu waa arrin xal u baahan Dhibaatada aan la dafiri kari waxay ka iman kartaa; dastuurka qabyada ah laguma caddeyn sharciyada doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol si looga baaqsado is maandhaaf iyo kala duwanaansho siyaasadeed. Waxaa xal siyaasadeed u baahan waxa laga yeelayo gobollada waqooyi-galbeed oo madaxdoodu ku doodeyso in ay go’een, laakiin waxaa qasab ah in shacabka gobolladaasi ku nool ay helaan xuquuqdooda codeynta marka ay timaado doorasho guud. HEERKA AMMAANKA IYO NABADGELYADA

Xoogagga kasoo horjeeda dowladda ayaa weli halis ku ah dhaqdhaqaaqyada dowladda iyo tallaabo kasta oo ay ku fakarto in ay dhaqaajiso, awoodda kooxaha dowladda kasoo horjeeda xitaa waxay saameyn ku leedahay waddamada kale ee geeska afrika qaarkood sidaas darteed marka amniga iyo doorashada laga hadlyo waa arrin fakar iyo ka fiirsi badan u baahan. In doorasho guud laga hirgeliyo waddan sida soomaaliya oo kale ah oo ay colaaduhu daashadeen waa qasab in la helo cudud dheeraad ah si loo sugo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay doorashooyinku ka dhacayaan.

Waxaan xasuusannaa in doorashadii dadbaneyd ee dalka lagu qabtay xilligii nasoo dhaafay ay dad badan u god galeen kuwaasoo loo beegsaday in ay doorashadaasi ku lug yeesheen darteed In ergo badan iyo oday dhaqameedyadii soo xulay ay u dhinteen sabab la xiriirta in ay doorasho ka qeyb galeen darteed ayaa ah cashar laga baran karo sida ay weli u jirto khatar amni oo u baahan in xal la taaban karo loo helo. Xilligan la taagan yahay xitaa ma muuqato qiimeyn dhab ah oo ku saabsan sida loola tacaali karo amni darida jirta.

Si kastaba marka si gun dheer loo eego xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee xisbiyada waxaa soo baxeysa natiijo ah in aan weli loo diyaarsaneyn hannaanka nidaamka xisbiyada badan. Weli mar jiro xisbi xafiisyadiisa ku baahiyay gobollada, maaddaama aanu jirin aqoonsiga muwaadinka xubinta u noqon lahaa waxaa iska cad in caqabad ay ka taagan tahay ka qeyb galka xisbiyada ee doorashooyinka mustaqbalka dhow soo socda

MIISAANIYADDA DOORASHADA

Xaqiridda doorka haweenka ayaa weli si xooggan uga dhex jirta bulshada, in gabdhuhu ay si kalsooni leh uga qeyb galaan doorashooyinka iyaga oo murashaxiin ah waa arrin aan biseylkeeda la gaarin. Dadka qaar aqoonteey doonan ha lahaadaane caqabadah heysta ayaa ah in beesha ay ka dhasheen darteed loo diido ama loo faquuqo sidaas darteed wacyiga bulshadeenna ayaa weli meel hoose taagan.

Marka laga soo tago amniga iyo xasilooniga; Dhaqaallaha ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee u baahan in la helo marka la doonayo in soomaaliya ay ka dhacdo doorasho guud. Kal hore Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu gudbiyay Miisaaniyadda ku baxeysa dhammaan howlaha doorashooyinka 129 milyan oo dollar ayuu guddigu sheegay in ay ku bixi karto doorashooyinka, duruufaha jira iyo sida loola falgalayo xaaladaha dhaqaale ayaa muujinaya in miisaaniyaddaas bixinteeda aysan dowladdu awoodi Karin Kaliya waxa la isku halleynayo ayaa ah balanqaadyo ka imaanaya beesha caalamka kuwaasoo laga yaabo in qeyb ka mid ah baahida la qabo ay daboolaan. WACYIGA IYO U DIYAARSANAANTA XISBIYADA SIYAASADEED

Xisbiyada siyaasadda ayaa muhim u ah geeddi socodka dimuqraadiyadda iyo hufnaanta doorashada soomaaliya, xisbiyadu waxay udub dhexaad u yihiin hannaanka doorashooyinka ku dhisan awood-qeybsiga qabiilka looguna guurayo hannaanka nidaamka xisbiyada badan.

COSOB

7

DHAQANKA, CAADOOYINKA IYO HEERKA WACYIGA BULSHADA

GUNAANAD

Doorasho guud oo qof iyo codkiis ah in ay soomaaliya ka dhacdo waa riyada ugu qurxoon ee waayadan lagu jiro, laakiin riyo kasta waxay micno sameysaa marka wax qabad loo beddelo si ay u dhaqan gasho Si loo dhaqan geliyo riyada ku saabsan doorasho qof iyo cod ah waa in laga fakaro isla markaana laga shaqeeyo xalinta dhibaatooyinka iyo caqabadaha aanu halkan ku xusnay iyo kuwo kale oo ay dhici karto in ay mustaqbalka soo if baxaan

OCTOOBAR 2018

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)


DOWLADDU KUMA GUULEYSAN KARTO WAXQABADYO AY KU FAANTO HADDII AYSAN WAXBA KA QABAN AMNIGA IYO NABADGELYADA MAGAALADA MUQDISHO

D

howrkii todobaad ee ugu dambeeyay muqdisho waxaa ka dhacay dilal qaarkood si fool xun loo fuliyay, waxyeelooyin kale, dhac, ilmo la afduubtay kadibna meydkood lasoo helay . dadka la dilay waxaa ku jira carruur da'yar iyo rayid kale oo sababo micno aan ku fadhin nafta loo dhaafiyay 18kii September, 2018 Askari la socday gaari ciidamada milaterygu adeegsadaan oo marayay meel u dhow afaafka hore ee isbitaalka digfeer ayaa xabad ku dhuftay deeqo daahir oo 9 jir aheyd.

DILAL DAD RAYID AHAA LAGU BEEGSADAY

Deeqo markii la dilayay waxay saarneyd gaari bas ah oo uu leeyahay iskuulkeeda, xilligaas waxay ka timid iskuulka iyadoo guriga kusii jeedday, in askarigu uu rasaasta furo ayaa la sheegay in ay ku timid kadib markii ay waddadu saxmad noqotay kadibna uu askarigu rasaas ku furay baabuurtii ka horreeysay si ay jidka ugu banneeyaan. in waddada oo ciriiri noqatay ay askarta gaarigooda la maraan darteed ayay Deeqo oo Fasalka koowaad ee dugsiga hoose dhiganeysay ay u dhimatay waa nasiib darro aan jirin wax lagu qiyaaso.

COSOB

8

laba maalmood kadib dhacdadaas 21kii, September, 2018 Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa nin ku diley agagaarka daarta Seypiano ee Magaalada Muqdisho. ninka la diley wuxuu watay gaari nuuca raaxadda ah isaga oo ku sii jeeday dhanka Isgoyska Banaadir, ciidan watey gari Cabdi Bile ah ayaa xabad madaxa uga dhuftay, iyaga oo kadibna ka baxsadey goobta ay dilka ka geysteen. Waxay aheyd muddo todobaad gudaheed dhacdadii labaad ee qof shacab ah loo dilo wadooyinka oo cariir noqday. isla maalintii 21ka September 2018, Aamino Xuseen Xasan oo fadhisay fasal ka tirsan kuliyadda

OCTOOBAR 2018


Sharciga iyo qaanuunka ee Jaamacadda Soomaaliya (Uniso) xilli ay xiisaddu socotay ayaa dhalinyarro bastoolado ku habeysnaa ay toogteen kadibna sidaas ku geeriyootay, kooxdii dilka fulisay iyagoo bad qaba ayay goobta ka tageen. Waxa murugada abuuraya ayaa ah in dhibaatooyinkaas shacabka ku dhacay badankood ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda kas iyo kam intaba Halkii ay aheyd in shacabku ay ciidamada ka helaan nabad gelyo iyo amni oo aysan cid kale ka heli Karin, ayaa ay wax u dhimeen nabadgelyadii laga filayay Waa arrin haddii ay sii jirto abuuri karta kalsooni xumo soo kala dhexgasha ciidamada iyo shacabka. DHACA IYO TUUGONIMADA OO SOO BATAY

Marka laga soo tago In ay muqdisho dilal ka dhacaan waxa ay sida weyn loogu amaanno caasimadda waxay aheyd in ay ku yaraayeen dhaca dadka rayidka ah iyo goobaha gancsiba. Hadda dhacdooyinka dhaca iyo waxyeelooyinka ka dhashay ee dhacay waxay noqdeen kuwo aan tiro lagu soo koobi Karin. Habeen kasta ayaa lasoo wariyaa dad guryaha loogu galay oo dhac loo geystay, kuwo waddooyinka isbaaro loo dhigtay kadibna la dilay ama la dhaawacay dad tobaneeyo ku dhow tira ahaan ayaa inta wixii ay heysteen xoog looga qaatay kadibna toorey lala dhacay, qaar ka mid ah dadkaasi waa ay u dhinteen kuwo kalena waa dhaawac isbitaallada lagu dabiibayo Xaafadaha qaar tuugada iyaga oo raxan raxan u socda oo hub sita ayay guryaha ugu galeen dadka kadibna ka xoogeen wixii ay heysteen dadka qaar guryahooda ayaa lagu dhex dilay kadibna hanti wixii qaadmayay laga qaatay.

Falalkaas waxaa geysanaya dad qaarkood ku labisan dareeska ciidamada oo hubna sita tallaabooyin muuqda oo xaaladda wax ka beddela lama sameyn, weli dhaca iyo waxyeeleynta shacabka wey socdaan. QARAXYADA

Inkastoo waayadan laga reystay weeraradii isugu jiray ismiidaamin iyo toogasho goob lagu qabsado haddana waxa todobaadyadii lasoo dhaafay muqdisho ka dhacay dhowr qarax oo baabuur lagu soo xiray kuwaasoo dad ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Laamaha amniga lagama hayo waxqabad la taaban karo oo dhibaatada looga hortagayo ama lagu yareynayo Waxyaabihii lala yaabay waxaa ka mid ah in qaraxyada lala beegsaday qaar ka mid ah xarrumaha degmooyinka oo dad badan lagu laayay, waxa kaliya ee looga falceliyayna waxay ahaayeen in meydadkii la aasay, dhaawacyadii la qaaday kadibna qaraxa laga cambaareeyay warbaahinta. 02dii September, 2018 Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Waxaa muuqatay in aan aad looga taxadarin in ay dhici kartay in degmo kale oo banaadir ka tirsan xarrunteeda la weeraro, masuuliyiinta dowladda way cambaareeyeen laamaha amniguna goobtii qaraxu ka dhacay ayaa saacado joogeen Siddeed maalmood kadib oo ku beegneyd 10kii September sidii hore si la mid ah ayaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu weeraray xarrunta degmada hodan ee gobolka banaadir, dhammaan dhinacyada ay masuuliyadda ku dhaceysayna

COSOB

9

isla sidii hore ayay uga falceliyeen MAXAA XAL AH?

In hal xilli gudihiis ay muqdisho u kulmaan, qaraxyo, dilal iyo dhac guryaha iyo waddooyinka bartamahooda ah waxay astaan u tahay dayaca baahsan ee ka jira amniga sidaas darteed waa in la qaado tallaabo xaalladda lagu hagaajinayo, muqdisho waa caasimadda dalka waana muraayadda laga dhex arki karo dalka oo idil sidaas darteed waa lagama maarmaan in la qurxiyo lana hagaajiyo muraayadda Waa magaalo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 3 milyan oo ruux, waxaa qasab ah in laga shaqeeyo sidii dadkaas tirada badan ay magaalada ugu noolaan lahaayeen si ay ku dheehan tahay nabadgelyo, ammaan iyo xasilooni Si loo sugo amniga, nabadgelyada iyo xasiloonida magaalada waa howl u baahan qorshe iyo istaraatiijiyada adag, waxyaahaba qaar waxaa qasab ah in ay waqti fog oo sanado ah qaataan, laakiin laamaha amnigu waa in ay si daacadnimo leh ugu howlgalaan kuwa aan waqtiga dheer u baahneyn si loo badbaadiyo nafta iyo hantida qofka muwaadinka ah in ay dowladdu ku dadaasho sugidda amniga iyo nabadgelyada waa wadiiqadda kaliya ee ay dowladdu u mari karto in ay hagaajiso oo wax ka qabato howlaha kale ee looga fadhiyo in ay ku tallaabsato ka hor 2020ka ma jirto wax ay ku faani karto dowladda haddii uu amnigu liito ama xun yahay sidaas darteed waa lagama maarmaan in ay dowladdu ka shaqeyso wax ay ku faani karto.

OCTOOBAR 2018


MA JOOGTAA WAKHTIGII LACAG CUSUB LOO DAABICI LAHAA SOOMAALIYA

D

owladda Federaalka Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay lacag cusub daabacdo. Horraantii bishii Juun ee sanadkan 2018, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay naqshado 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali cusub ah. Shir jaraa’id ee uu qabtay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya dhamaadkii bishii Juun ee 2018 ayaa lagu sii caddeeyay inta ay ka koobnaan doonto lacagta cusub. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in lacagta ay ka koobnaan doonto 1,000, 2,000, 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali. Waxaa la aaminsan yahay in lacagta Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-habeyn dhowr sabab awgood. Ugu horreyntii, Shillin Soomaaliga hadda jiraa malaha astaamihii aasaasiga ahaa ee lacagta.

Shillinku ma aha mid qeybsama, Soomaaliya waxaa ay leedahay 1,000 shillin oo kaliya (23,000 oo Shillin Soomaali ah waxa ay u dhigantaa 1 doollar). Lacagta sidoo kale ma ahan mid si fudud loo qaadi karo sababtoo ah qiimaha Shilin Soomaaliga aad buu u hooseeyaa. Tusaale ahaan, $50 waxa lagu sarrifaa $1,250,000 Shillin Soomaali ah mana sahlana in jeebka lagu qaato. Shilin Soomaaliga oo aan qeybsameynin iyo in aanu ahayn mid ay fududdahay in la qaado ayaa sababtay in ganacsigii Soomaaliya la doolareeyo (iyadoo la isticmaalayo mobeellada oo lagu qaato lacagta). Sababtan awgeed, 1,000-ka shillin waa mid aad usii dhamaanaya, haddaan lasoo uruurin laguna beddelin shilin cusub, sannado kadib waa la weyn donnaa. Midda labaad, maamulka daabacaadda

COSOB

10

lacagta ma ahan mid ay dowladda dhexe gacanta ku heyso sida uu xusayo dastuurka Kumeelgaarka Soomaliya. Maamul goboleedyada qaar iyo ganacsato ayaa leh makiinado lacago daabaca, Dowladda Federaalka Soomaaliyana awood badan kuma laha xakameynta lacagta suuqa ku jirta. Midda saddexaad, ganacsigii oo la doolareeyay waxa uu culeys ku kordhiyay qoysaskii saboolka ahaa iyo ganacsiyada yaryar, sababtoo ah ma awoodaan in ay doolar ku iibsadaan waxyaabaha aasaasiga ah. Sababahan awgood, daabicidda lacag cusub ayna adagtahay in iyadoo kale lasoo daaboco aad ayay muhiim ugu tahay Soomaliya. CAQABADAHA UGU WAAWEYN

Markii ay Soomaaliya codsatay caawinaad caalami ah si ay

OCTOOBAR 2018


u daabacdo lacago cusub, dalka Suudaan ayaa bixiyey lacagta waxaana Soomaaliya loo daabacay balaayiin lacago cusub ah sanadkii 2011-dii. Si kastaba ha ahaatee, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah sida Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ayaa ka-horyimid in lacagahaasi lagusoo fasaxo suuqyada dalka, lacagtiina Soomaaliya loomasoo qaadin. Inkastoo natiijooyinkii ugu dambeeyay ee barnaamijka kormeerka shaqaalaha ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ay ahaayeen kuwo dhiirrigelin leh, haddana caqabadihii xagal daaciyay qorshihii sanadkii 2011-dii lacagta cusub lagu sameynayey weli waa ay taagan yihiin. Caqabadaha soo wajahaya lacagta cusub ee la qorsheynayo in la daaboco waxa ay isugu jiraan kuwo siyaasadeed kuwo amni iyo kuwo maamul. Ugu horeyn, in Shilin Soomaaliga la beddelo waxa ay u baahan tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro. Marka la eego xiriirrada aan xoogganeyn ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, qaar ka mid ah maamul goboleedyada — gaar ahaan kuwa leh makiinadaha daabaca lacagta — waxa ay kasoo horjeesan karaan go’aanka dowladda federaalka ee ah in la daabaco lacag cusub. Tanina waxa ay abuuri kartaa xasarad siyaasadeed oo hor leh. Soomaaliland, oo iyadu ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii, waxa ay leedahay shilin Soomaliland ugaar ah, bangi dhexe iyo nidaam maaliyadeed. Maqaamka Soomaaliland ayadoo aan la caddeynin, lacagta cusub ma laga isticmaali doono Soomaaliland. Waxa sidoo kale loo micneyn karaa in ay Dowladda Federaalka si dadban u oggolaantay madaxbannaanida Soomaaliland. Xaqiiqooyinkan siyaasadeed ayaa noqon doona

caqabado waaweyn ee wajaha daabicidda lacagta cusub. Midda labaad, amniga ayaa isagana ah culeys kale oo ay lacagta cusub wajaheyso. Dowladda Federaalka dalka oo dhan ma maamusho. Waxa ay u badan tahay in lacagta cusub aanan laga oggolaan doonin dhulka ay al-Shabaab ka taliyaan, waxa ayna uga digi karaan ganacsatada iyo bulshada guud ahaan in ay isticmaalaan lacagta cusub si lamid ah sidii ay ku sameeyeen Beledweyne bishii Luulyo ee sanadkii tegay markii ay lacago been abuur ah soo galeen magaalada. Midda saddexaad, awoodda Bangiga Dhexe ee Soomaalia ayaa ah mid liidata. Awoodda shaqaale iyo sharci ee Bangiga Dhexe waa ay xaddidan tahay. Bangiga weli ma muujinin awood uu ku maareeyo bagiyada ganacsiga. Xaqiiqda ah in Wasaaradda Maaliyadda ay kaalin firfircoon ka qaadaneyso arrimaha lacagta cusub ayaa muujineysa tabarta Bangiga Dhexe. Bangiga kuma laha xarumo gobollada mana lahan awood uu ku maamulo qulqulka lacagaha. Midda afaraad, daabicidda lacag cusub waxa ay u baahan tahay maalgelin. Malaayiin doolar ayaa loo baahan yahay (qiyaastii 50 malyan oo doolar) in lagu maagaliyo daabicida lacag ku filan dalka. Wadarta guud ee miisaaniyadda sanadkan 2018 ee dowladda federaalka ayaa ah $274 million. Soomaaliya ma awooddo in ay lacagahaasi bixiso. Haddii xitaa lacag loo helo daabacaadda lacagta cusub, maalgelin dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo yareeyo khatarta sicir barar ee ka imaan karta lacagta cusub ee suuqa la gelinayo. MAXAA HABBOON IN LA SAMEEYO?

ah oo ay ku bixineyso sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka maaliyadeed. Balse waa in aanay ku degdegin go’aanka ah in lacag cusub la daabaco. Dowladda Federaalka waa in ay saddexdan arrimood xoogga saartaa. Midda koowaad, dowladdu waa in ay xoojisaa awoodna siisaa Bangiga Dhexe ee Soomaaaliya. Waa in mudnaan la siiyaa dhisidda sumcadda iyo kalsoonida Bangiga Dhexe. Bangi Dhexe oo awood iyo qorshe cad oo maaliyadeed leh iyo awood uu ku hirgeliyo qorshayaalkiisa waxa ay u sahli kartaa dowladda in ay shacabku aaminaan. Sidoo kale, Bangi dhexe waa in uu yeeshaa awood u suuragelisa in uu xakameeyo lacagaha mobeelada wax loogu kala iibsan karo. Midda labaad, dowladda waa in ay muujisaa in ay sugi karto amniga, iyo in ay ka hirgelin karto go’aamadeeda iyo siyaasadeeda gebi ahaanba dalka. Dowlad Federaal oo aanan joogin meel ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalka ma ahan in ay lacag soo daabacdo suuqyadana kusoo deyso, ama ay abuurto in labo lacag suuqa ku wada jiraan taasoo sii xumeyn karta dhaqaalaha dalka. In la hagaajiyo amniga lana xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya laamaha amniga dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka horreysa in la beddelo lacagta. Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka waa in ay mudnaan siisaa sidii heshiis siyaasadeed iyo xiriir wadashaqeyn wanaagsan ula yeelan lahayd maamul goboleedyada iyo Soomaaliland. Hannaanka dib-ueegista dastuurka oo laga dhigo mid loo wada dhan yahay ayaa noqon karta meel heshiiskaas siyaasadeed laga bilaabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu bogaadiyaa dadaalka dheeraadka

COSOB

11

OCTOOBAR 2018

Somali Public Agenda


WARBIXIN DHEERAD AH OO KU SAABSAN DILKII AXMED DOWLO AXMED DOWLO OO HORE U SOO GUURSADEY GABDHO KA SOO JEEDA BEELAHA

I

yadoo weli ay jirto hadalheyntii ku aadaneyd gabood falkii loo geystey Mawaadin marxuum Axmed Mukhtaar Saalax ( Axmed Dowlo) ka dib markii inta la diley lana gubey marka waxaa la sheekeystey nin Saaxiibkey ah oo ay deris ahaayeen Axmed Dowlo waxaa uu ii sheegey in uu ahaa nin Weyn looga yaqaaney xaafadda welina lahaa asxaab iyo saaxiib badan sidoo kale Axmed wuxuu nin deeqsi ah oo hadana Kaftan badan. “Xaafadaan ayuu ku dhashey muddo dheer baan deris ahayn waxaa uu u dhaqdhaqaaqi jirey caruurtiisa iyo carurta adeerkii isaga ayaana waxay quutaan u soo dhicin jirey marka Dhacdaan Shaqasiyan aad baan uga naxay waayo Axmed Dowlo waxan kala qayb galey guurka saddex haween ah oo ka soo jeeda beelaha Shiikhaal, Sacad oo Carruur hore ugu dhaley balse kala tageen hadda waxaa uu qabey laba haween ah mid ay tahay gaal-jecel “Axmed Markii uu wiilka adeerka u ahaa uu gabadhaan Jeclaadey wuxuu ku doodi jirey maxaad noogu diideysaan aniga ayaa soo guursadey reero idinka laf weyn waa sida uu ku Kaftami jirey Axmed Dowlo hase yeeshee Axmed waxaa uu ka qayb galey kulamo badan oo lagu xalinayey guurka ruqiyo iyo Maxamed Cabdiramaan iyadoo inta aan la diley waxaa uu u gogol fariistey wiilka uu adeerka u yahay hase yeeshee waxaa uu goob joog u ahaa dhacdooyin xiriir oo lagula kacay qoyskiisa “ ayuu yiri waxaa uu sii raaciyey“ aabaha dhaley gabadha iyo odoyaal iyo ee dhinaca kale ee wiilka ayaa

Kulan ku yeeshey xaafadda garasbaaley waxaana lagu faataxeystey in lamaanayaasha la isa siiyo maadaama ay gabadha ku dhaaratey in hadii loo diido Jaceykeeda ay Dhimasho ka xigto ” ayuu yiri hase yeeshee hooyada dhashey gabadha ayaa arrintaa ku gacansayrtey oo u cuntami weysey, waxaana dhacay in guriga Axmed Dowlo la soo weero Dhowr jeer, in waqti ka mid ah lagu weerarey qarsho gaas laga soo buuxiyey. “ falka Axmed Dowlo marka uu dhacay waxaa dhowr maalmood xiran hooyada dhashey gabadha waxaan la waayey cid damiinata, waxaana maalinkii khamiista falka dhacay ayaa labada dhinaca looga yeerey maxkamada hase yeeshee intii maxkamada lagu maqnaa ayaa koox kale taageersan mowqifka hooyada waxay soo weerareen Axmed Dowlo, iyadoo inta uu socdey weerarka Axmed Dowlo Waa iska caabiyey hase yeeshee nabar gaadmo ah oo lala heley ayaa sababatey in uu dhulka ku dhaco ka dib shiidaal lagu bilbiley oo taraq lagu Shido” ayuu yiri Saaxiibkey oo inta raaciyey “Inta uu socdey dilka ayaa waxa Dhacay in haweeney ka mid ahayd dadkii dilka ka qayb qaatey markey aragtey in xaalka faraha ka baxay ayey ku dhaqaaqdey in ay wax ka damiso

COSOB

12

dabkii lagu shidey Axmed Dowlo , waxaa markiiba goobta yimid ciidamo booliska oo xirey intii dil wadareedkaas ka qayb qaadatey waxaana bulshada u sheegayaa in hooyada gabadha dhashey maalinka uu dilka dhacayey la xiray, hase yeeshe abaabulka qayb ku lahayd waxaana kiiska u xiran lix qofood oo shan ka mid ah ay ahaayen fuliyayaashii ee labada dhinac ee reerka ” Intii Axmed Dowlo uu ku jirey qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer ayaa aabaha dhaley Wiilka waxaa u la kulmey nin Turki ah oo isbitaalka ka shaqeeya waxaana looga turjumey dhibaatada loo geystey Axmed Dowlo waxaana loo sheegey in Wiil uu adeer u ahaa oo loo diley gabar u jeclaadey markaasuu ninkii Turkiga ahaa waxaa uu la soo boodey “falkaas aad baan uga xumahay ee maxaad nooga soo doonaneysey gabar Turki ah anagaa ku siin lahaynee “ Isku soo duubo Axmed Dowlo waxa lagula kacay faad u fool xun waana dhacdo ma hadho sidaa darteed waxaan dhihi lahaa in dadkii ka dambeeyey falkaas hayb Sooca ah in Cadaaladda la horkeeno ama diyo ay bixiyaan beeshii dhibka geysatey si la isugu calool fiyoobaado islamarkaana uu u guuleysto guurka Ruqiya Cabdullahi Maxamed iyo Maxamed Cabdiraxmaan.

OCTOOBAR 2018


FAHAMKA BULSHADA EE SHAQADA TARAAFIKADA

B

ooliska taraafikada waxay bixiyaan adeeg qiimo leh oo ay u hayaan bulshadeenna iyaga oo hagaya waddooyinka magaalooyinka iyo fulinta sharciyada wadista gaadiidka sida; hagaajinta sharciyada baabuurta, booliiska taraafikadu waxay leeyihiin awood ay ku qori karaan, ku qaban karaan oo ku xiri karaan muwaadiniinta lagu tuhunsan yahay inay jebiyaan sharciga. Taariikhda inta lagu hayo booliiska taraafikada waxa ay soo bilaabatay goor laga joogo ku dhawaad laba qarni, saxmada iyo buuqa ka jira waddooyinka lama xalin kari laheyn iyada oo aan loo helin sharci iyo awoodo ka shaqeeya sida loo xakameeyo dhibaatooyinka ka dhalan kara. qarnigii 18aad ayay ahayd markii la sameeyey tijaabadii u horreysay in qof uu ilaaliyo wadada kadib markii duqii London uu sheegay in loo baahan yahay booliis kala haga waddooyinka si loo yareeyo shilalka ka dhaca waqtigaas magaalada London. Wixii ka dambeeyay intaas waxa isa soo tarayey horumarrada laga gaarayo howlaha taraafikada iyo in lasii garto inay muhiim tahay shaqadooda. Shaqada ugu badan hadda caalamka waxaa qabto astaamo loogu tala-galay in lagu hago dadka iyo gawaarida, intaas oo kaliya kuma eka howlaha taraafikada oo mararka qaar waxa ay qabtaan waajibaad kala dhaxeeya booliiska qeybahiisa kale. heerka asaasiga ah, booliiska taraafikada waxaa loo xil saaray fulinta shuruucda waddada sida; xakamaynta xawaaraha gawaarida, hab dhaqanka wadista baabuurta, baaritaanka shatiga iyo diiwaan-gelinta gaariga. Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale xakameyn karaan

baaritaanka shilalka, xatooyada gawaarida iyo kahor-tagga iyo faahfaahinta amniga ee dowladda iyo shaqsiyaadka caanka ah iyo caawimaadda baarista dambiyada. Sida qeybaha kale ee booliiska ayuu ugu baahan yahy inuu xaadiro xarun tababar, waxaana saaran shaqsiga taraafikada ka tirsan karti iyo foogjignaan dheeraad ah. Qofka noqonaya waxa laga eegayaa inu taam yahay maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba. Inuu helo mushaar dhameystiran iyo in uusan noqon mid ku daala wadada, waxa ay caawineysaa ka hortaga falalka lidiga ku ah ammaanka, waxa ayna ciidamada nabad-galyada u sahleysaa ka war-qabka baabuurta aan sharciga aheyn ama qaldan. bulsho ahaan waxa ay kamid tahay sugnaanta iyo in laga hortago dhicista shilal is-dabajoog ah. hadaba intee ayuu la'eg yahay fahamka bulshadu ka haysato howsha taraafikada: qaran jabkii ka dambeeyey 1991-kii waxaa dhacay wax saameeyey dhammaan qeybaha nolosha, si gaar ah haddii aad u fiiriso waxaad dareemeysaa in badi bulshada ixtiraamin kuna dhaqmin waajibaadka waddooyinka sababo badan haba ugu horreyso aqoon-darrida ka jirta dhankaas oo bulshada ku dhawaad rubuc qarni ay ahaayeen

COSOB

13

kuwa aan sharci iyo kala dambeyn laheyn. Waxaa kale oo loo sababeeyaa inaysan helin mushaar iyo tababarro ku filan dadka si daasi ah ugu shaqeeya. Sida ay doonto ha noqoto, bilowga fiican oo aan hadda heysano waxa uu noo horseedi karaa baraarug wax fiican ka qaban kara dhibaatooyinka waddo marista ee dalka ka jirta. marka aad ku socdaalayso waddooyinka kala duwan, waxaad la kulmeysa wadayaal badan oo aan u hoggaansameyn shuruucda waddada hadii uu joogo booliiska taraafiikada ah iyo hadii uusan jooginba. eedeymaha kale oo loo tiiriyo waxaa kamid ah in wadayaasha gaarida aysan aheyn kuwa hela tababar kaga filan aqoonta waddo marista iyo nooca gaadiidka ay wadaan.Waxa ay kasii dartay markii ay yimaadeen gaadiidka yar ar oo loo yaqaan bajaajta kuwaa oo dhalinta si kas la’aan ah mararka ugu kaxeeyaan waddooyinka magaalada taasi oo sababta shilal joogta ah iyo xakameyn la’aan ka jirta jaamka ka dhasha maqnaanshaha booliiskii ku shaqada leh. ugu dambeyn, helista boolis taraafik u tababaran waxa uu yareyn karaa saxmadda maalinlaha ee ka jirta waddooyinka qaar, in la waayo shilal joogta ah - iyada oo taas loo marayo raacista shuruucda waddooyinka, qaadashada leysanka, helista iyo ka warqabka ammaanka dalka, horumarinta darawaliinta wada gaadiidka. Inaad xushmeyso qofka kuu haya howsha noocaas waxa ay keeneysaa hagaagsanaanta iyo bad qabka naftaada, hantidaada iyo guud ahaan bulshada.

OCTOOBAR 2018

Fardowsa Sheik Abdirahman (Fardowso Himilo)


BULSHADA IYO BARAHA BULSHADA

I

laa iyo intii aay soo bilaabantay nolasha aadanaha, dunidu hadba heer ayey ahayd, bulsha kastana waxay la nooc ahayd casriga ay jirtay, nooca xiriirka iyo guud ahaan dhinacyada nolasha, waxay dunidu socotaba waxaa layimid qarnigii 21naad qarnigan waxaa loo caleema saaray qarnigi horumurka iyo ilbaxnimada, waxaa la xaqijiyay awoodo badan oo insaanku leeyahay iyo horumarro aan qiyaas lahayn, oo ay hogaaminayso tecnolijiyadda casriga ah, waxkasta oo suura galnimadoodu adkaydna qarnigan wuxuu ka dhigay wax nolasha kamid ah, tusaale isticmaalka baraha bulshada, in lahelo goobo ay ku kulmaan bulshooyin kala gaddisan, nolol ahaan, diin ahaan iyo waliba dhaqan ahaan, sidoo kale in xogta la isku gudbiyo wax kayar ilbiriqsiyo, casrigan caalamka wuxuu kadhigay hal magaalo amase hal tuulo, Waxaase iswaydiin mudan sidee looga faa'iidaystay hurumarka qarnigan? Bulshooyinka kala gaddisan ee calaamka ku nool qoloba heer ayey dunida ka maraysaa, iyadoo waxa lagu kala hormarayo ay tahay tecnolijidda, intaan ognahay calamka waxa hogaaminaya bulshooyinka ku talaxtagay tecnoolijiyadda. Haddaba bulshada soomaaliyeed kaalintee bay kaga jirtaa bulshooyinka baraha bulshada adeegsada?

Waxaa muuqata oo aan cidina daah ka saarnayn in bulshada somalidu aysan u isticmaalin baraha bulshada ujeedooyinkii loo abuuray xitaa inaysan soo dhawayn boqolkiiba 3% halka caalamku aragtiyo cusub oo hormar leh isku dhaafsadaan. bulshadeennu waxay isugu gudbisaa xumaanta, xanta iyo xasaradda, waxaynu nahay ummad muslim ah; diinta suubban ee aan haysano waa mid inagu boorisay in aynu xumaanta ka dhowrsonno wanaagna isfarno alle sareye wuxuu yiri: ْ ‫ُكنت ُ ْم َخي َْر أ ُ َّم ٍة أ ُ ْخ ِر َج‬ (‫اس‬ ِ َّ‫ت ِللن‬ ‫ع ِن ْال ُمنك َِر‬ ِ ‫) ت َأ ْ ُم ُرونَ ِب ْال َم ْع ُر‬ َ َ‫وف َوت َ ْن َه ْون‬ (Waxaa tihiin ummad kuwa ugu khayrka badan ee dunida loo soosaaray waxaad isfaraysaan wanaagga xumahana waad iska rebaysan). haddaba bulshada tilmaamtaas la siiyay bulshadi dhaqanka wanaagsan ku amaanneyd waxay isu badashey bulsho uu ugu madaxsarreyo kaliita, bulsho amaanta ka caaytama, bulsho taagerta oo ay ka dhex muuqdaan intooda aan cilimiga iyo garashada lahayn halka inta fiyowna naftooda uun ku filnaadeen amaba hadla oo aan cod dheer lahayn, Waxaa ayaan darro ah in aan noolnahay qarnigii 21 oo ku suntan qarnigii hormarka nahayna bulshada ugu liidata cilimi ahaan iyo edib

COSOB

14

ahaan labadaba, waxase ugu sii daran inaaan nahay boqolkiiba 70% wax kabadan dhalinyaro marka dhalinyaro lagu leeyhay micnaha cimriga umaddan ee inta ugu badani ku eg tahay 60 ayaad kaga jirtaa sanadihii ugu muhiimsanaa marka seddex loo qaybiyo cimriga qofka 1 waa labaatan uu gacanta waalidkii ku jira 2 labatan uu isaga nolasha wajahayo 3 labaatan gacanta ubadkisa ku jiro haduu alle siiyo. Waxaan ka marag kacnay inaan nahay bulsho inteeda ugu badani ku jirto sanadaha qurxiya jiritaanka qofka, waxaa wax laga naxo ah in aan noolnahay qarnigii ugu horumarka badnaa intuu aadanuhu soo jiray waliba inagoo ku jirna cimriga ugu muhiimsan nolasha insaanka inaan baraha aan ku kulanno waxa ugu badan ee la xiiseeyaa ay yihiin, xumaha iyadoo diintu na fartay in aynnu xumaanta is kareebno, ‫أبي سعيد الخدري رضي هللا عنه عن النبي‬ ‫ (إياكم والجلوس‬:‫صلى هللا عليه وسلم قال‬ ‫ يا رسول هللا ما لنا من‬:‫في الطرقات) فقالوا‬ ‫ فقال رسول هللا‬.‫مجالسنا بد نتحدث فيها‬ ‫ (فإذا أبيتم إال المجالس‬:‫صلىاهلل عليه وسلم‬ ‫ وما حق‬:‫ قالوا‬.)‫فأعطوا الطريق حقه‬ ،‫ (غض البصر‬:‫الطريق يا رسول هللا؟ قال‬ ‫ وألمر بالمعروف‬،‫ ورد السالم‬،‫وكف األذى‬ ‫)والنهي عن المنكر‬. xadiiskan waxaad ka dhex dhadhansanaysaa in ay muhiim tahay in dadku kaa nabad galaan, halka uu Nabigu ka leyahay scw wadada xaqeeda siiya. Waxa soo galaya barahan bulshadu kuwada sheekaysato, saxaabada ayaa kolkuu Rasuulku sidaa yiri waydiiyay wata "fadhigeenna maxaan ka yeelnaa" kadibna waxaa la faray intaan soo xusnay, hadaba bulshadu manoqonkartaa kuwa ka faa' iidaysata baraha lagu kulmo oo aragti iyo aqoon mala isdhaafsankara?

OCTOOBAR 2018

Firduus Daahir C/rahman


DAYAARAD TAKSI AH MUQDISHO MA U KALA RAACDEY ? !!!

S

annadkii 1994 tii oo ay joogeen Ciidamadii UNISOM ee uu horkacayey mareykanka ayaa anagoo Koox Wariyayaal ah waxaa gaarney magaalada Kismaayo oo shir dib u heshiisiin ah lagu soo gabagabeynayey kaasoo uu garwadeen uu ka ahaa Alaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Axmed (Liiqliiqto). Markii aan soo dhameysaney howshii wariyanimo oo aan ku soo laabaney magaalada muqdisho kana soo degeney garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho Waqti ay qoraxda ay sii dhaceyso ayaa ciidankii mareykanka ee ku sugnaa garoonka waxay noo sheegeen in xaalada ay cakiran tahay maanta ay Jireen dagaalo u dhaxeeya Taageerayaasha caydiid iyo ciidamada UNISOM. Markii ay ogaadeen in aan ku jirno halis islamarkaana aanan Jiifan Karin garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay noo soo jeediyeen “in cidii rabta Siliga Mareykanka la geyn karo” mid ka mid wariyayaashi ayaa ninkii ka socdey Unisom waxaa uu weydiiyey “maadaama aanan ka bixi Karin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho sidee ku bixi karnaa” waxaa uu ugu jawaabey“ diyaaradahaasi helikobtarka ee halkaas dhooban ayaa la idiin ku qaadayaa . Waxaan dhamaanteen aan la soo boodey “haa diyaaradahaas nagu qaado oo na geeya Silliga mareykanka oo waagaas ay saldhig u ahayd ciidamada UNISOM kana amaan roonaa marka la fiiriyo garoonka” markiiba laba helikobter baa nalagu qaadey waxaan dulmarney magaalada muqdisho ka dibna waxaan ka degney Siligga Mareykanka “Waa garoonka Muqdisho iyo siliga Mareykan

oo hal degmo ka wada tirsan” Intii aanan Soo bixin Silliga ayaa nin Sooomaali ah oo la shaqeeeya ciidamada UNISOM waxaan weydiiyey maxay yihiin Diyaaradhaan? Waxaa uu si faahfaahsan iigu sharaxay in diyaaradahaan ay yihiin takaasi lana kireysto. Wax dhib ah ma laha in diyaarad helikobtar ah la raaco Waxaan la yaabey in meel ii muuqata oo ka mid ah magaalada Muqdisho aan u raaco diyaarad helokobter ah sidoo kale waxaan la yaabey waa Markii iigu Horeysey oo Diyaarado taagaasi ah aan ku dhexmaro Magaalada Muqdisho, waxaa la ii sheegey in diyaaradahaasi ay lahayd Shirkad laga leeyahay dalka Australia kuwaa oo si weyn uga Macaashey dagaaladii u dhaxeeyey taageerayaasha Alaha ha u Naxariistee Janaral Caydiid iyo kuwii Mareykanka sidoo kale waxaan Diyaaradahaas tagaasida ah ka bartey in kuwa maanta jooga ee u shaqeeya AMISOM ee isaga goosha dalka ay yihiin diyaarado kireysan

COSOB

15

oo laguna cuno lacagaha loogu deeqey dalka sida kuwii hore loogu cunayey siioo kale waxaan ku dhiiragelinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay Muqdisho keeneen diyaarado takaasi ah oo la isaga goosho xaafadaha Muqdisho maadaama uu Jaamka badan uu ka jiro wadooyinka moqdisho.

OCTOOBAR 2018

Amiin Yuusuf Khasaaro


FARAHAYGU WAA DAHAB

D

areemada bani-aadamka ama dhadhanka waxa kugu xeeran waxaa ka qayb qaadan kara waxyaaba badan. Sida aan la wada socono ama inaga dhaadhacsan gudbinta waxa aan doonayno in aan la wadaagno dadka kale waxaan u marnaa siyaaba kala duwan. Siyaabahaas ama dariiqadaas aan dooranay ayaa si kala dhumuc ama mug leh aan ugu gudbinnaa. Waxa aad is leedahay la wadaag dadka kale: farxad, murugo, tiiraanyo, canaan, cambaarayn nac ama kalgacayl waxay ahaadaanba waxaad u sahansataa sida ugu wanaagsan ee ay ku gaari karto hadba cidda aad u danleedahay in aad wax la gaarsiiso. Hadalku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha wax la iskugu gudbiyo kan ugu shandhada dheer. Waa kii lahaa Salaan carrabay "afku waxa uu la xoogyahay magliga xowsha kaa jaro e". Intee in la eg ayuu Salaan u adeegsaday tuducan wax gudbinta afka u sal-dhigideeda; waa sidaas oo afka ama erayga dhawaaq waxa uu ka daranyahay ama wax ka gudbin og yahay dhaawac jirkaaga si muuqata loogu gaysto. adigoo dhibaata ama farxad ku jiro ayaad aragtaa ereyo ka tarjumayo xaaladdii ku haysay, markaas ayaad is tiraahdaa tolow mu'alifka ereyadan ma sii ogaa in aad mari-doonto xaaladdan! Ama dunidan horumarka u sahansatay ilmaheeda waxay saadaal-bilan ku soo heshay ekaanshaha xaaladda aad ku sugan tahay iyo ereyada milgaha leh mooyi. ereyadaas kuwooda ugu xulsan ee taaban karo meelaha noloshu muhiim ka tahay ayaan ku soo qaadan doonaa qoraalkaygan. qaybaha in wax lagu gudbiyo loo saantay waa badan yihiin laakiin maanta waxaan soo qaadan doonnaa ereyo ku jiro heeso.

Aad iyo aad. Intee in la eg ayay sifeeyeen ereyadan qofka laga sheekaynayo. qofka indhaha ku nastaan aragtidiisa, qalbigana qaboojinayo. Ka tusaala qaado roob qayoodo wanaaga uu kaga tagi karo laabtaada, mar waa udug iyo caraf, mar waa qurux, mar waa daganaan, marna qabow iyo raaxo; sidaas si la mid ah ayuu qofku ku reebaa intaas iyo ka badan oo wanaag ah. Sifooyinka wanaagga nafta raalli-galinayo ayay wadaagaan qofkaas iyo roobka raxmadaysan. Allifaha heesta Maxamed Shirwac iyo al-fanaan Samatar hambalyo. HEESTA 2AAD HABOON:

fanaanka aan maanta heesaha uu qaado jarjari doonno waa fanaan sharaf iyo karaama ku dhex leh bulshadiisa; aanan la illaawi doonin dadaalkiisa hagarla'aaneed, Xasan Aadan Samatar. Xasan heesaha uu qaado waa badan yihiin, abwaanno iyo mu'alifiin badan ayaa ku taammo mar uun ma u dhiibtaa ereya aad leedahay Xasan. Inyar oo aad u yar ayaan ka soo qaar goosan doonnaa ereyada ugu sii mudan heesaha Xasan. HEESTA 1AAD QORAXDOO AROORTII:

"Haddaan qiro runtaydoo Qotanshoo warkaygaa Ruuxaan kugu qiyaasoo Kula qayr dhigaayaa Kama qaadin indhahee Sida roob qayoodoo Saxansaxa qabowloo Laabtayda qaadee"

COSOB

16

"Sida hogasha roobkoo ama hilaac guyoo da'ay hoobaan bislaatiyo hara wada biyaysan oo lagu hayaamoo hubaal sahankii uu raray wuxuu sii hintiqiyaaba hadda halacsi loo jiro haboonay naftaydan hiigsi baa ku noqotoo adaa ii hiraayee" yaa salaam! qaddarkan miraha aan ka soo qaaday heesta la magac baxday Haboon ee uu curiyay Maxamed Cumar 'hanaan' ma dhuuxday oo ma ku dhaceen, haddii aad dhuuxdayse ma dhadhansatay qota-dheerida mirtiyeed ay xambaarsan yihiin mirahaa? Si fiican ugu dhugma yeelo akhriste. Qof u sahan tagay meel roob hareeyay, markuu arkay haraha oo buuxo oo meel walba barwaaqo taal, inta uu soo noqday cidduu u sahan tagay soo raray waliba isagoo hubo halka uu ku wado reerka.

OCTOOBAR 2018


heesta waxa ay ku bilaabatay 'sida' oo caddayn u ah ekeeye. Wuxuu yiri: aragtidaada waan sahmiyay waana i deeqday. fanaanka qaadayo iyo mu'alifkaba waxaan ku bogaadinayaa dhisidda ereyadan quruxda badan "hanaanka iyo quruxdaan Hibooy kugu jeclaado, hablahaad u sidataa haybad iyo asluubtee". HEESTA 3AAD DIIDAY HA I MAQASHIIN: SAMATAR IYO BAXSAN:

"Waa in aad ku dadaasho halka aad dajinayso aayahaaga dambeeyo" waano iyo wax sheeg kooban ayuu Xasan ku darandoorinayaa ereyadan. Waa kooban yahay haddana aad u urursan yahay hadalka. HEESTA 4AAD KALA HARIMAYNO SAMATAR IYO BAXSAN:

"Naftu hadday iga haaddo Iilka hoose la i geeyo hugga qaban maayee hayso qabrigaa ha igu hallaynee aakhiraa layska helaayee" Waa ereyo cajiib ah, farshaxannimo xeeldheer ka muuqato, mu'allifka ereyada allifay iyo fanaanku qurux aad u badan ayay kaga qayb qaadateen fankayaga. Waxay si fannima ah u soo bandhigeen heestan, 'kala hari maynee wax hubso'. HEESTA 5AAD DHOOF CAASHAQ: SAMATAR.

"Soomaaliya dhankeedii Dhawaaq farax leh mooyee

Dhiilla kama sugaayee" Bal qiyaas dhumucda ereyadan, inta ka soo sheekeeyay dhibka caashaqa iyo layaabkiisa. Sida uu ugu sii adag yahay marka aadan joogin dhulka hooyo. adigoo dhul shisheeya joogo oo doolaal ah sida uu kaaga miisayo. ugu dambayn waxa uu ku laabqaboojisanayaa abwaanka allifay ereyada, Maxamed Cali Kaariye, in Soomaaliya iyo gayigii uu kaga yimid qofka uu qalbiga kala yahay daris aanu ka sugayn akbaar xun. dhiilladu ma fiicnee. DUCO IYO FARXAD AYUU KU SOO GABAGABAYNAYAA.

'Allahayow iyadoon dhiman dhaban quruxsanoo ladan kalgacaylkiiyoon dhicin waliba dheeri sii koray dhulkiiyoo barwaaqaa dhammaanteen na nabad gee'. Aamiin Yaa Rabbi! awoodda ereyga, dhisidda hadalka, farshaxannimada suugaanta, quruxda heesaha waxay saldhig u yihiin gudbinta waxa aad doonayso in aad gudbiso. ekaanshaha xaaladaha iyo ereyada la allifay waxay ka qayb qaadanayaan qurxinta dhacdada iyo dhab aanshaha nolosha iyo is rog-rogeeda. Shantan hees ayaan ku soo gabagabaynayaa faalladan tijaabada ah ee farahaygu waa dahab/fannaaniintu waa dahab. Waxaan rajaynayaa in aad ka heli doontaan qoraalkan, wixii qalad ama aqoonyari ahna iiga raalli ahaada akhristayaal. Mahadsanidiin Saynab xaaji Axmed “ugbaad”

COSOB

17

OCTOOBAR 2018


QUDH-GOOYADII RIYADA AFRIKA

L

aga yaabee in in badan oo ka mid ah dhalinteenna in aysan garaneyn captain THOMAS SANKARA waase hubaal inuu yahay hogaamiye iyo madaxweyne soo maray mid ka mid ah dalalka afrika taallo lagu tilmaansadana ka dhex yagleelay quluubta dadka ku abtirsada qaaraddan. Hoggaamiyahan 33-jirka ah ayaa dalka Burkina faso ku qabsaday afgambi sanaddii 1983-kii isaga oo gacan taageere ka helaya dadweynaha wuxuuna soo daadihinayay dalkaas ilaamaa 15kii October 1987-kii kolkaasoo ku beegneyd markii shirqool abaabulan lagu khaarijiyay. Captain sankara ayaa muddadii afarta sano ahayd ee uu hayay xilka waxaa dalka burkino faso laga dareemay badhaadhe iyo barwaaqo kasoo burqatay ciidda dalkaas wuxuuna ku guuleystay ninkani in dalkaas oo ahaa mid ku tiirsan kaalmooyinka shisheeyaha uu durbaba noqday dal isku tashaday una madax bannaan arrimihiisa dhaqaale iyo tan bulshaba. Carcartii hore ee maamulkiisa ayuu sankara la sooshir tagay qorshe qoto dheer oo uu ku tir-tiray musuq maasuqa gaamuray ee gabbaadka ka dhigtay xarumaha dowladda wuxuuna isla markiiba dhimay mushaaraadkii ay qaadanayeen golaha wasiirada sidoo kale wuxuu iibiyay dhammaan gaadiidkii wada birqayay ee ay ku taxaashi jirtay madaxtooyada isaga oo taa badlkeedana keenay gawaadhida RINO5 loo yaqaanno oo ahayd gawaadhida ugu qiimaha jaban dalka Burkina faso. Madaweyne Sankara ayaa diiday in xafiiskiisa lagu xidho qalabka wax qaboojiya taasoo uu ku sheegay in haddii uu

xafiiskiisa ku xidho qaboojiye inuu noqonayo nin dambiile ah oo aan u garsoori Karin bulshada uu madaxda u yahay maadaama badi dadweynaha reer Burkina faso aysan awood u lahayn inay guryahooda ku xidhaan qaboojiyayaal, taasi waxaa iyana la mid ahayd in Sankaara diiday in sawirkiisa la sudho gidaarrada xafiisyada dowladda maadama uu aaminsanaa in qof walba oo reer burkino faso ah yahay Sankara matalana Burkina faso oo aan loo baahneyneyn in sawirkiisa gidaarrada laga lalmiyo. Madaxweyne Thomas Sankara ayaa kuguuleystay inuu badalo magacii ay dalkaasi u yaqiinneen gumeystaha ee ahaa Republic of Upper Volta wuxuuna u bixiyay Burkina faso oo macnaheedu yahay dhulkii maqaawiirta. Macno badan iima laha ka sheekeynta shakhsiyadda ninkani balse kaliya waxaan bartilmaameedsanayaa aragtidiisa ku aaddan waxqabad qarameed muuqda oo uu ku gaadhay muddo kooban xilli dalka uu ka arriminayaana ahaa mid mashaqo dhan walba ah eey heysato balse halka uu ka abbaaray dhibaatada ayaa ahayd mid bogaadin mudan tallaabooyinkii ayaana jecleystay

COSOB

18

in qaar ka mid ah aan farta ku fiiqo:Sanadkii ugu horreeyay kolkii uu ku fadhiistay kursiga ayuu mudane sankara ku dhawaaqay mashruuca tallaal wadareed loo sameeyay carruurta dalkaas kaasoo lagu tallaalay in kabadan 2.5 milyan oo canug wuxuuna tallaalkaasi aad hoos ugu dhigay tirada carruurta ee dalkaasi ku geeriyoon jirtay. Mudane sankara ayaa bulshada dalkiisa ugu baaqay inay noqdaan bulsho ku maasha muruqooda iyo wax soo saarka dalkooda wuxuuna joojiyay in badan oo kamid ah badeecadihii dalkaasi loo soo waaridi jiray. tallaabadan ayaana dhiiri galin buuxda u noqotay koboca iyo wax soo saarka warshadaha dalka ,hadlakii madaxweyne sankara ee nuxurkiisu ahaa isku tashiga oo uusan wakhti badani kasoo wareegin ayaa la arkay dadka reer burkino faso oo dhammaantood ku labbisan dhar ka sameysan cudbi eey tayadiisu wanaagsantahay laguna farsameeyay warshadaha dalkaas, tallaabadii taasi xigtay ayuuna madaxweyne sankara dadkiisa ku guubaabiyay joojinta cunista bariiska iyo dalagga kale ee laga soo dhoofiyo dalalka reer yurub wuxuuna ku celcelin jiray odhaahda ah “ waa inaan cunnaa midhaha guntigayaga ku jira”. In ka yar afar sano ayuu dalkii saboolka ahaa ee burkino faso oo uu ka muuqdo qorshihii toolmoonaa ee madaxweyne sankara waxa uu noqday dal isku filan gaar ahaan dhanka wax soo saarka cunnooyinka kadib markii dhul beereed aad u ballaadhan ay dowladda ka fara maroojisay rag xoog ku heystay dabadeedna ay u gacan galisay dadka danyarta ah laguna caawiyay

OCTOOBAR 2018


agabyada lagama maarmaanka u ah qodashada beeraha sida matoorrada waraabka iyo dawooyinka lagu bacramiyo beeraha. sankara wuxuu adeegsaday wadiiqooyin door ah iyo kaalmooyin ay xukuumaddu ugu tala gashay inay ku caawiso shacabkeeda taasoo ay ugu horreysay fududeynta adeegga waxbarasho labadii sano ee ugu horreysay taliskiisa waxaa sare u kacay tirada ardayda u dareeray iskuuladda oo gaadhay ku dhawaad 25% halka kolkii hore ay ka ahaayeen 10%, arrinta oo si weyn hoos ugu dhigtay heerka akhris-qoris la’aanta oo marayay 90% kolkii uu talada dalka la wareegayay. Waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto halyeeygan ayaa waxaa ka mid ahaa in dabayaaqadii sanadkii ugu horreeyay ee xukunkiisa inuu ku dhawaaqay olole ballaadhan oo lagu dhireynayo dalka kaasoo sabab u noqday in dalka lagu beero toban milyan oo geed si loola diriro nabaad guurka . Sankara ayaa aad loogu xusuustaa hiilladii uu u galay haweenka reer burkina faso maadaama uu tuhunsanaa in bulshada reer burkino faso tahay bulsho u janjeerta dhanka ragga isaga oo taa ka duulaya ayuuna qaaday ololayaal sare loogu qaadayo ilaalinta sharafka dumarka shafkana u garaacday qoondeynta saamiga haweenka oo ay ugu horreyso shaqo siinta haweenka ee xarumaha dowladda ,wuxuuna madaxweynaha u asteeyay haweenka maalin uu ugu magac daray maalinta bar-bar istaagga haweenka guri joogta ah maalintaas ayaa ragga dalkaas lagu khasbi jiray in muddo 24 saacadood ah ay qabtaan shaqooyinkii ay dumarka

guryaha ka qaban jireen, sankaara ayaana sidoo kale dadweynaha ugu baaqi jiray inay noqdaan kuwo leh jidh fayow waxaana la arki jiray isaga oo ordaya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Ougadougou. Sanaddii 1987-kii xilli lagu guda jiray shir madaxeedka afrika ayuu mudane Thomas Sankara wuxuu isku dayay in madaxda asaaggii ah ee madasha ku sugan uu ka dhaadhiciyo inay diidaan bixinta daymaha eey dalalka reer galbeedka ah ku leeyhiin afrika wuxuuna yidhi “deymahakan nalaga qaado waxaa loo maamulaa si xirfadeysan waana dabin la doonayo in nalgu addonsado dhammaantayana aan ahaanno kuwo ku jira keenaha reer galbeedka , siyaasaddi salka ku heysay cawimaadda iyo dheef doonka daba socda weey soo afmeerantay laga billaabo haatanna waxaan u diyaar garownay inaan naftayada shirrabno una jeexno waddo aan ku hiigsan karno badhaadhe nololeed” ayuu yidhi sankara. Siyaasadda sankara iyo go’aannadiisa liddiga ku ah gumeystayaasha afrika ayaa faransiiska ku abuurtay cabsi ,sas iyo walaac ay ka qaadeen sankara una arkeen cadaw aanan hadalka la gabbanin lehna gole joogsi aad loogu dhag raariciyo taasoo ay sii dheertahay in uu abuuri karo dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul siyaasadeed oo wiiqi kara danaha faransiisku ka leeyahay Burkina faso iyo guud ahaan afrikaba. Dilka lagu khaarijiyay madaxweyne sankara ayaa lagu eedeynayaa inuu soo maleegay saaxiibkii oo waliba ahaa nin ay aad isugu dhowyihiin sankara laguna magacaabo Blaise Compaoré Noqdayna madaxweynaha dalka Burkina faso kadib geeridii sankara

COSOB

19

,baadhitaanno la sameeyay ayaa iyaguna qeexaya in dilka sankara ay wax kasoo maleegeen sirdoonka mareykanka iyo kan faransiiska sidoo kalena kiiskan ayaa lugaha la galay dad fara badan oo reer burkino faso ah iyo madax kale oo afrikaan ah. Walow la ogyahay in Blaise Compaoré yahay ninka ku eedeysan dilka sankara ayaa haddana in badan laga meer meeraa in maxkamad caddaaladeed la isku halleyn karo la hor keeno si sax ahna loogu qaado dacwada loo heysto daafta kalena dowladda faransiiska ayaa iyana ku hagoogatay moora duugga sankara iyo gacan siinta eedeysane Eedeysanahan o Compaoré oo 27 sano dalka xukumayay ayay naf ahaatiisa kursiga ka tureen dadweyne cadheysan October 2014-kii kadib kolkii uu isku dayay inuu baddalo qodobbo kamid ah dastuurka si uu u sameeyo muddo kororsi xileed. Sankara ayaana ciil iyo caloolyow ku jiifa qabri aanan u qalmin qabkiisa si loo qariyo kaalintiisii iyo magacii uu usoo hoyay afrika waase suura gal in dhallinyarada afrika ay dib u eegaan boodhkana ka jafaan sooyaalkooda una hiilliyaan fikradihi kobcineed ee uu xambaarsanaa halyeeygaas laqmaday.

OCTOOBAR 2018

Cabdifataax xasan wali


SANADOOD KADDIB NIN KA TIRSANAA SIRDOONKA CIA-DA MAREYKANKA OO QIRTAY IN UU DILAY FANNAANKII BOB MARLEY

W

ar cusub oo soo baxay oo lagu daabacay wargeyska ‘Daily Star’ ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka ee CIA-du ay ka dambeeyeen dilkii fannaankii heesaha Raggae ee Bob Marley, kaasoo geeriyooday 11 May, 1981-kii oo haatan laga joogo 37 sanadood. Bill Oxley oo 79 jirsariir yaal ah ayaa sheegay in isagoo fulinaya awaamiirta CIA-da uu ka dambeeyey dilkii Bob Marley oo xilligaasi 36 jir ahaa. Taariikhda waxaa lagu qoray in fannaankii hore ee Jameyka Bob Marley uu u geeriyooday xanuunka Kansarka isagoo da’yar, balse Bill Oxley ayaa qirtay in uu fuliyay dilka (assassinations) loo geystay 17 qofood oo uu ku jiray Bob Marley intii u dhexeysay 19741985. Oxley waxa uu xusay in uu 29 sanadood u shaqeynayay CIAda, isla markaana dowladda

Mareykanku ay Bob Marley u arkaysay nin halis ku ah danaha Mareykanka. "Mar alba waxaan ahaa daacad, kamana shalaynayo dilkii aan u geystay Bob Marley, waayo waxaan ka shaqeynayay danta Mareykanka” ayuu yiri wareysi uu bixiyay Oxley oo xusay in CIA-du siyaabo kala duwan u khaarijisay bar tilmaameedyadeeda. Sida uu ku warramayo Oxley, waxa uu sheegay in uu isticlaamay kaar sawir qaade ka socda wargeyska New York Times, oo been abuur ah, kaddibna waxa uu haddiyad u geeyay Bob Marley. "Waxaan u haddiyeeyay joog Kabaha All Stars ah ee lambarkoodu yahay Size 10, markii uu isku dayay in uu lugta midig isku cabiro, waa uu qaliyay OUUCH!, haa, markaas ayay ahayd marka naftiisii uu ku qamaaray, Musmaarka lugta ka duray Bob Marley waxaa la soo mariyay Virus-ka Kansarka

COSOB

20

OCTOOBAR 2018

(Melanomas) iyo Bakteeriya kale oo halis ah, taas oo ku faaftay maqaarkiisa” ayuu yiri Oxley. Oxley waxa uu ku nuux nuuxsaday in Kansarku uu ku faafay Bob Marley illaa uu weyd noqdo oo xaaladdiisa caafimaad ay meel halis ah gaarto. Dhaqaatiirta Ingiriiska ayaa baaritaan ay hadda ka hor sameeyeen waxa ay ku xaqiijiyeen in Bob Marley uu u dhintay cudurka kansarka maqaarka ku dhaca ee Melanomas, taas oo soo geba gebeysay waayihiisii fanka.


KOOXO HUBEYSAN OO DILAY BOQORADDII QURUXDA WADDANKA CIRAAQ

W

asiirka Arrimaha gudaha Ciraaq, Qasim Al-Araji ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gabar dalkaasi si aad ah looga yaqaanno oo lagu magacaabi jiray Tara Fares, taasoo ku caan baxday dhinaca labiska, horeyna ugu guuleysatay boqoradda quruxda Ciraaq, waxaana dhacdadani ka dhacday Baghdad. Qaasim Cabdul Hadi oo ah madaxa Isbitaalka Rusafa Health Center ayaa warbaahinta u sheegay in Tara Fares meydkeeda la keenay Isbitaalka Sheikh Zaid iyadoo rasaas kaga taallay Madaxa iyo Feeraha. Gabadhan oo 22 jir ahayd ayaa sanadkii 2015 ku guuleysatay boqoradda quruxda Ciraaq, waxaana ay ku noolayd caasimadda Kurdistan ee Erbil, hase yeeshee waxay mar walba imaan jirtay caasimadda Baghdad. Waxay mar ku noolayd Qaaradda Yurub, hase yeeshee waxa ay go’aansatay inay ku

laabato dalkeeda, waxaana ay shacbiyad ballaaran ku lahayd baraha bulshada, gaar ahaan Instagram oo ay soo dhigi jirtay sawirradeeda gaarka ah. Fares waxay Instagram ku lahayd 2.6 Milyan oo taageere kuwaasoo si aad ah ula socday sawirradeeda, laakiin dadka reer Ciraaq ayaa ku kala qaybsanaa fikirka ay ka qabaan gabadhan ay iska dhaleen Aabe Ciraaqi ah iyo Hooyo Lubnaan u dhalatay, iyagoo sheegay in ay Baraha bulshada ku haysay dhaqan fool xun oo ka duwan midka reer Ciraaq, halka taageerayasheeduna ay fikir taa ka duwan qabeen. Yaxye Yuusuf Khasaaro

COSOB

21

OCTOOBAR 2018


NOLOSHA IYO QOYSKA XULASHADDA LAMAANAHA

Waxaan ku soo jirnay mowdiicii xulashada Lamaanaha waxaana qormadeena ay ka bilaaban doontaa , Tala wadaaga oo ka mid ahaa qodobadii aan hore u soo sheegnay inay ka mid yihiin qodobada Aasaaska u ah qoyska nagaadigiisa iyo noloshiisaba: Tala wadaaggiisa: Tala-wadaagu waa furaha nagaadiga qoyska sidoo kale waa xoojiyahay guriga, gurigii talowadaaga waxay ka muuqataa dhaqankooda, carruurtooda iyo noloshooda, meeshii talo wadaag laga waayana waxa u dambeysa kala tag iyo kala fogaansho, marka hubi in aad dookhaaga ka ilaaliso kaligii taliye aan tiisa maahee tala kale galin, ama gabar aan dhego lahayn oo aan waxba maqlayn teeda ma ahee. Maanta aduunkaa casriga ah ee la jooga, marka guriga la dhisayo waxaa lagu dhisaa talo-wadaag, maxaa noo diidan inaan talada wadaagno markaan guriga dhisno. Tala-wadaaga aan u jeedo waa in laga tashado waxyaaaha guriga la dhisayo u baahan yahay, sidii lagu dhaqi lahaa, iyo qorshaha qoyska ee la doonayo in la xaqiiijiyo. Tala-wadaaga meesha kama saarayo in guryaha taladiisa ay leeyihiin raggu, guriga amiir ama madax waxaa ka ah ninka, ilaahay ayaana u dhiibay cidii ka qaadana waxba uma hagaagayaan waana arin la tijaabiayay oo lagu guul daraystay, laakiin talada loo dhiibay macnaheedu ma ahan inan waxba la waydiin qofka guriga aad shirkadda ku tihiin ee ay idinka dhaxayso nolosha iyo jacaylku, marka waa in arimah guriga iyo caruurta talo mid ah laga yeeshaa si guriga iyo caruurtu ay ugu koraan nolol hogaamin iyo wada tashi ku dhisan ..

Guryaha tala-wadaaga ka jirto ama lagu dhisay waxaa laga gartaa noloshooda, degenaantooda farxadooda, iyo siday u wada shaqaynayaan. Gurigii aan tal-wadaag ka jirina waxaa laga gartaa carruurta wajigooda waxaana ka jira kala carar iyo kala fogaansho. Marka ka fogow qof aan tiisa ma ahane talo kale galin, sidoo kale gabar aan waxba maqlayn oo waxaad u sheegto dhagaheeda galayn oo teedu u cadahay waayo ma sii wada joogi kartaan. Ujeedada talada loo wadaagayo waa in la isla fahmo shaqooyinka guriga gudihiisa ka socda iyo midda dibada uga imaanayso oo looga faaidaysto sida ugu haboon, Aabuhu wuxuu u shaqo tagaa dibada oo inta badan guriga wuu ka baxaa, wuxuu soo helana wuxuu ula soo noqdaa guriga, hooyaduna waxay agaasimaysaa guriga iyo waxa dhex yaala oo ay carruurtu ugu horeeyaan, waxay ogtahay baahida guriga iyo xaalada hoose ee caruurta , marka inaad wadaagtaan warka iyo sidii qoyska loo gaarsiin lahaa barwaaqo iyo guul waxay ku imaanaysaa inaad tashataan oo talada wadaagtaan iyo akhbaaraadka guriga ka dhex jira, maah maah ayaa ahayd, “war la helaa talo la helaa” Marka waa inaad fahamtaa inaad ka fogaataan qof aan talada lala wadaagi karin rag iyo dumar midkuu doono ha ahaadee........ Kalsoonidiisa: Kalsoonidu waa albabka laga galo reerka, hadii aysan jirina marka horeba qoys ma dhismo; wado lama wada mari karo; xataa shah lama wada cabi karo. Kalsooniddu waa wax la abuuro; la koriyo; lana hormariyo. Shaatiga aad qabto hadii aadan ku kalsoonayn jirac aan jirin ayaa kaa qaniinaya, qofkaad guursanaysana hadaadan kalsooni

COSOB

22

buuxda ku qabin ma jiri karo qoyskaasi. Kalsooniddu waa shay aad muhiim ugu ah marka qoyska la dhisayo, hadii dhismaha ka dib ay kalsooni-darro timaadana waa bur buray qoyskaasi. Markii si cilmi ah loo qeexo kalsooni waa inaan ogahay inaadan si ku tala gal ah, ama aan ku talagal ahayn, aadan iiga faaidaysanayn ama i khiyaamaynayn. Marka sidee lagu ogaan karaa qofka aan kalsoonidda kuu hayn? Waxaa lagu gartaa qofkaan kalsoonida lagu qabi karin markaad ku aragto. Been: Beentu waa waxa qofka markuu kuu sheekeyanayo kuu sheegaya waxaan jirin , waa marka qowlkiisa iyo ficilikiisu kala duwan yihiin, tusaale, wuxuu kuu sheegayaa inuu ku jecelyahay, hadana wuxuu kuula dhaqmayaa si ka duwan. Hadaba beentaas waxay dumisaa kalsoonidda labada qof ka dhaxaysa ee waa in laga fogaadaa... Daacad darro: Qofka aan daacad ahayn waxaad ku balantaan uguma imaanaysid oo ma fulinayo , waxaad ku wada hadashaad oo adiga iyo isaga gaarka u ah waxaad ka maqlaysaa meel kale ,ama warkii ayaa meel kale kaa soo galaya, marka qofkaad ku aragto been iyo daacad darro rag iyo dumarba kalsooni kuuma hayaan ee ka tasho.

OCTOOBAR 2018


Kalsoonidda waa la dhisaa oo la ilaaliyaa , waana wax si fudud loo dumin karo ,marka waxyaabah dhisa kalsoonidda waxaa ka mida Inaad ku ilaalisid waxyaabaha uu qofku gaarka u jecelyahay Ilaalinta waxyaabaha qofku gaarka u jecelyahay ee aan sharciga ka hor imaanayn waxay dhistaa kalsoonidda. Waxa laga yaabaa inay ka mid tahay sida dharka uu raba inuu xirto, cuntada uu rabo inuu canno. Dadka uu rabo inuu la sheekaysto , meesha uu rabo inuu ku nasto , ama saaxiibada uu la qaato waqtiga, dhamaan waxay u baahan yihiin inaad dhowrto , dhowriddaa waxay dhisaysaa kalsoonidda waxayna adkaynaysaa xiriirkiina, In la is caawiyo: labada qof ee nolosha wadagaysa waa inay is caawiyaan oo qof walba fahmo in qofka kale caawintiisa u baahanyahay haday noqon lahayn cawin maskaxeed ama mid muruq ah. Labada qof waa in ay isu gurmadaan waqtiyada adag ee soo mara, waa inay isu turaan; is kaalmaystaa; iskuna tiirsanaadaan si ay uga gudbaan culaysyadda nolosha, marka labada qof fahmaan inay sidii hal qof oo kale u fekeraan isuguna dhimriyaan, waxaa xoogaysta kalsoonidda ka dhaxaysa oo keenta inay si buuxda noloshooda u ilaashadaan. In canaanta laga fogaado. Canaanta ama qayladu lagu qayliyo qof waa shay xun oo keena in qofku difaac galo ama uu dareemo ciil iyo calool xumo, canaantu waa ma dhalays waxba ma siyaadiso hadii adigu culaykii iyo caradii isaga dajisay inaan ku qayliso xaaskaaga ama odogaaga adigu waa qabowda, lakiin qofkaad canaanatay muxuu dareemayaa? waan hubaa inuu sii fogaaday oo ka daray, marka canaanta ka fogow, si miyir ah

wax u saxa taasaa kalsoonida dhista dadkan isu soo dhawaysa , ogow canaantuna waxay abuurtaa kalsoonid darro xoog leh marka ka fogaadda inaad caado ka dhigato canaan iyo qaylo aan waxba kuu siyaadinayn .. In aad aqoonsatid Aqoonta uu qofku gaar u leeyahay: waxayaabaha kalsoonid dhisa waxaa ka mid ah in aad aqoonsato waxyaabaha qofku gaarka u leeyahay sida aqoontiisa ama xirfadiisa, dadku waa kala aqoon roon yihiin; kala caqli badan yihiin; kala xirfad badan yihiin.. Aqoonsigu wuxuu keenaa in qofba kan kale ku ixtiraamo shaqadiisa iyo xirfadiisa oo ay ka dhalato kalsooni buuxda oo dhex marta. Sidaa darteed, hubi in kalsooni jirto labadada dhinacba, kalsoonidu waxay keentaa jacayl hadii aan jacayl jirina qoys ma dhismo, marka hubi inaad ilaaliso xirfadaha iyo aqoonta qofku leeyahay ka dibna hibiya kalsoonida idinka-dhaxaysa oo adkeeya kana ilaaliya wixii dal dalool ah ee la idinka soo gali karo.. Sabirkiisa: Sabirku waa adkeeyaha iyo xoojiyaha nolosha lamaaanaha, waa nuurka nolosha, inta aysan guur galin lamaanuhu ka hor waxa soo wajaha carqalado iyo dhibaatooyin joogta ah oo la socda nolosha, dadka guurka ka sheekaysanaya waa inay hubiyaan sabirka qof kasta leeyahay, waxyaabaha uu u dulqaato iyo waxyaabaha uusan u dulqaadin karin. Noloshaan dhamaanted waa imitixaan, geeri ayaa dhacaysa, jiraa dhacaysa, gaajaa dhacaysa, marka sabirku waa muhiim nolosha dhammaanteed inta sabirkaagu dhan yahay ayaana guusha noloshaadu dhan tahay. Markii guryaha la dhiso sabirku waa shayga 1aad ee reeraha isu

COSOB

23

haya , waayo wax badan yaa guriga ka xumaado, hadan lagu Sabrina reerku ma jirayo. Hadaan wax walba oo guriga ka dhacaya ama inta aana aqal galin dhacaya ku sabri wayno meelna ma gaari karno, sabirku wuxuu kuu suuragalinayaa inaad meeshaad u socotid gaadhid, waxaad rabtidna aakhirka heshid , noloshaadana aad barraare ka dhigtid. Dadka dunida jooga fikradahooda iyo ficiladooda waa kala duwaan yihiin waana qurux eebe na siiyay sababtoo ah, hadii dadka oo dhan isku midab yahay, oo isku hadal yahay, oo isku lebis yahay noloshu dhadhan ma yeelateen. waxa aduunkan macnaha u samaynaya waa kala duwanaansha, midabka, hadalka, lebiska, rayiga, iyo deegaanka, marka waa inaad ku sabirtaa mushkiladaha maalin kasta aad la kulmayso oo ka bedelan waxaad taqaanay. Dhinca kale qofka muslimka ah sabirku waa ku qasban yahay, waayo waxa ilaahay u qoray waa inuu ku sabraa , haduu ku sabri waayo ajarna heli mayo dhibkiina kama baxayo. Waxa lagu sabrayo waa inay tahay waxaad ogtahay inay culays kugu yihiin , waxaana dhici karta in arrin adiga kula fudud ay culays wayn ku tahay qofka kale, amaba la diin kala waramo oo mushkilad la idin dhex dhigo, waxaa kaloo dhici karta in qof sameeyo khalad barreer ah oo ku tala gal ah, haddaba hadii uusan jirin sabir ama qofkuba aqoon in la sabro waxay abuuraysa in dhibaato dhalato oo arrin fudud aan xal laga gaarin, ugu dambayntiina wada socodkii halkaa ku istaago, marka waa in la hubiyaa heerka samirka qof kasta leeyahay intaan la degin si loo fahmo looguna tala-galo.

OCTOOBAR 2018

Osmaan Sheekh Axmad


MURTIDDA IYO MAADDA 34. HADDII AY SIDAASI KU SIISOCOTO WAABA LA’ISKA XIIRI.

Oday reer miyi ah oo bakhayl ah ayaa waxa uu damcay in uu u safro reerkiisa oo dagganaa meel baadiye ah,waxaanu ku yidhi islaantiisii(ooridiisii) waxaan u safrayaa magaaladiiye reerka sii ilaali,waxa ya damacday islaantiisii kol haddii uu safraayo in ay wax u dirayto, waxayna ku tidhi haddii aad inoo safraysid dee anna ganbo aan madaxa ku xidho iisoo gad, kabacdi odaygii inta uu qoslay ayaa uu ku yidhi naa gambaad ka hadlayasaaye Abaarta jirta miyaanad arkayn’’ Haddii ay sidan ku sii socoto waaba la iska xiirayaa timahaba’’. Ninkani isagu bakhayl nimadiisa geed umawaayo,waxa uu labakhaylayaa in uu safarka reerka ugu daro gambo ay xidhato gabadhiisu. 35. ADEER GOOBBE WAAD MAHADSANTAY.

Qoys ayaa waxa ay u xidhxidhnaayeen una kolonyaysteen in ay dibadda u dhoofaan,markii ay safaaraddii tageen ayaa waxaa la amray in ay soo maraan dhakhtarka si caafimaadkooda loo ogaado, kaddib waxaa ay tageen dhakhtarkii, waxaa jooga nin tuurlen oo qaybta shaybaadhka fadhiya, markii ay u yimaadeen waxa ay aragtay gabadhii carruurta hooyada u ahayd dadkii oo ku dhahaaya ninka tuurta leh waar yaa’’ goobbe’’ hooyadii waxay ka xumaatay magaca loogu yeedhayo ninka tuurta leh, waxaanay go,aansatay in iyada iyo carruurteeduba aanay ku odhan ninka ‘’goobbe’’ inta hawshooda loo dhamaynaayo.

maalinkii dambe markii loo dhameeyay shaybaadhkii ayaa ay soo doonteen,kolkii ay qaadanayeen jawaabtii ayaa wiil ay dhashay hooyadu oo la socday waxa uu ku yidhi ‘’adeer goobbe waad mahadsantay’’ , hooydii ayaa xanaaqday oo dhirbaaxday wiilkii yaraa kuna tidhi yaa ku yidhi goobbe ku dheh ninka? gabadh yar oo ay dhashay ayaa ku tidhi hooyo waadiga adiguba yidhi goobbe , ninkii ayaa fahmay oo iska aamusay . ujeeddada sheekadu waxay ina faraysaa in abuurka Eebbe aan waxba laga sheegin,dadka laxaadku ka maqanyahayna aan lagu caayin amma lagu ciyaarin lana yasin waayo ilaahii sidaas kuu abuuray ayaa isagana sidaas u abuuray ,laakiin ujeeddada ilaah ka damacsanyay waa in ay ku cilmi qaataan kuwa laxaadka u saaxiibka ahi. 36. ANUU XAAFADDA WAAN KU CUSUBAHAY.

Laba nin oo aad usaaxiibo ah ayaa waxa ay ku noolaayeen magaalo,malin maalmaa kamid ah ayaa waxa ay taggeen magaalo kale oo markaasi iyaga ku cusbayd, labada nin bahalka jaadka layidhaahdo ayaa ay balaayo ku qabeen oo aad bay u qayli jireen. markii ay soo galeen magaaladii cusbayd ayaa waxa ay qaateen jaad aad u badan oo ay la fadhiisteen mee u dhaw guriga ay ku soo daggeen, markii ay

COSOB

24

aad u mirqaameen ee ay gaadhay goordambe ayaa ay ka keceen meeshii ay ku qaylayeen, kaddib mid kamid ah labad nin aya waxa uu eegay cirka waxaanu waydiiyay kiikale ee saaxiibkii ahaa niyaw waxani ma qorraxdiibaa mise waa dayaxii ? kiikale ee ay saaxiibka ahaayeen ayaa ugu jawaabay’’ niyaw anigu xaafadda waan ku cusubahay’’. Ujeeddadu iyo hogatusmayta sheekadu waxay ina baraysaa in qofka marka uu qaylsanyahay amma uu mirqaamsanyay aanay mararka qaarkood maskaxdiisu caadi ahayn,ujeeddada dadka loogu diidaana maanka qofka ayaa uu dooriyaa. 37. WAAR MAXAA SINXIGA DHARKA KUU GEEYAY?.

Waxaa jiray laba nin oo saaxiibo ahaa oo ku noolaa tuulo, labada nin waxa ay habeenkii ku soo qaylijireen maqaaxiyaa qaadka lagu iibiyo, labada nin midka mid ahi waxa uu qaadka ka soo kici jiray oo uu tagijiray guriga 7:00pm halka ka kalena uu tagi jiray

OCTOOBAR 2018


gurigiisa 12:30pm,labada ninba waxay lahaayeen xaasas, waxaanay ahaayee labada nin dumarkoodu deris, gabadhii ninkii imanjiray xilliga dambe ayaa waxa ay waraysatay xilliga uu yimaaddo ninkeedu, kaddib waxa ay ku tidhi waxa uu yimaaddaa marka ay tahay 7da fiidnimo , sidookale iyana waxa ay tidhi anna waxa uu yimaaddaa 12ka habeenimo, gabadhii ninkeedu habsaami jiray waxa ay is waydiisay halkee ayaa uu ku maqanyahay xilligan gabadhii shaki ayaa galay. Ninkii ayaa guriga yimid gabadhiina waxay bilawday in ay ninkan ogaato meesha uu ku habsaamo waxa ayna waydiisay heblaayo odaygeedu waxa uu yimaaddaa goor horee adiga maxaa ku haysta eed goor hore noogu iman wayday? Ninkii waxa uu ku yidhi waan iska soo qaylaa laakiin waan soo dhakhsan doonaa, iyadu se habeen walba waa ay ku soo celcelisaa ninkii isaga ahaa waa uu u adkaysan waayay xisaabtan lala dabagalay,ninkii waxa uu sameeyay in uu maalintii oo dhan iska joogo gurigiisa oo aanu meelna u kicin,waxaabu ku darsaday in uu ku yidhaahdo gabadhiisii iisoo ururi dharka maanta anaa maydhayee , kaddib dharkii ayaa ay isaga iyo gabadhiisii wada maydeen iyaga oo maydhaaya ayaa waxa u timid ninkii kale gabadhiisii,cabbaar ayaa ay aad u eegtay waxa ay istidhi ninkaaguna sidaas ayuunbuu iskaga meeraysanayaa gabadhan jaarkaagana sidaas ayaa uu guriga ugala shaqaynayaa ,markii uu soo hoyday ninkeedii waxa ay ku tidhi waryaa gabadhaas jaarkeenna ninkeedu sida uu ula shaqeeyo ee uu dharka ula maydho malayn

maysid adiguna waad iska meeraysanaysaa,markaa sidaas looma baahna ee waxaan doonayaa in aad ila shaqayso. Labadii nin ayaa maalinkii danbe isugu yimid maqaaxidii ay fadhiisan jireen , ninkii gabadhiisu damacsanayd in uu dharka la maydho oo xanaaqsan ayaa waxa uu waydiiyay kii kale ‘’waaryaahee maxaad gabadha iigu dirtay se maxaa kuu geeyay sinxiga dharka?’’, waxa uu ugu jawaabay waaryaa adkayso markaaga imisa ayaad fiidka iga cararaasay oo ay gabadhu iqabsatay markaa adkayso niyaw. Sheekadani waxay inatusaysaa in ragga iyo dumarku iska kaashadaan guriga oo wixii lawadaqaban karo lawada qabto. 38. WAAKII DHIIGU KAA YARAAYE IN YAR CAB.

Wiil ayaa waxa uu cabbi jiray khamriga oo uu laqabsaday waxaana inbadan looga taagi waayay khamriga, maalin maalmaha ka mid ah inankii ayaa wiil kale oo ay is yaqaneen hadiyad u siiyay dhalo wayn oo khamri ah , kaddib isaga oo dhalodii waynayd sita ayaa waxa uu soogalay gurigoodii kaddib hooyadii ayaa aragtay oo ku tidhi hooyo quraadadan wayn maxaa ku jira? markaas ayaa uu ku yidhi hooyo waa sharaab (casiir) aan soo iibsaday hooyadii ayaa ku tidhi hooyo aan anna kuu soo guro qado aad ku cuntide I sug,waxay rabtaa hooyadii in uu cuntada ay u soo gurto iskaga dajiyo sharaabka. Intii ay hooyadii qadadii ku maqnayd ayaa uu wiilkii suuliga galay, hooyadii ayaa soo qaaday qadadii makii ay keentay qadadii ayaa ay tidhi ‘’waa tii baryahan lagugu sheegayay

COSOB

25

dhiigla’aantee in yar wiilkaaga ka shubo’’ , hooyadii ayaa waxa ay koob ku shubatay in yar oo khamri ah kaddib waa ay cabtay oo waliba intay sirkhaantay hadana ku ceshatay, wiilkii ayaa waxa uu ka soo baxay suuligii mise waa hooyadii oo cabbaysa khamrigii , waxa uu ku yidhi alla hooyo maxaad u cabtay ,hooyadii ayaa intay sidaas u eegtay ku tidhi yaad hooyaysanaysaa waar iiga bax guriga kaddib wiilkii waxa uu layaabay sida ay hooyadii ku noqotay khamriga isla maalintii ayaa uu bilaabay kol hadii hoyadiiba sidaasku noqotay in aanu ku noqon mardambe oo aanu cabin. Sheekadani waa sheeko ina tusaysa dhibta iyo hadimada uu leeyahay cabbitaanka khamrigu,sidoo kale wiilkani waxa uu xaqiiqsaday in uu ku sugnaa arrin aan wanaagsanayn waxaanu ogaaday in aanu is ogayn marka uu khamriga cabsanyahay ee uu noqdo sidaas iyo si kadaran.

OCTOOBAR 2018

Mubaarig Farxaan Faarax(Araye)


NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!!! QEYBTA 13-AAD NABSIGII AY MARYAN MUTAYSATAY

M

aryan, waxa ay ku dhalatay Magaalada Gaalkacyo, halkaas ayeyna ku soo bar-baartay. Waxaa ay kaligeed la-noolayd hooyadeed Xamdi iyo aabbeheed Sheekh Aadan, oo ay u ahayd guri-dambeys. Waxaa la-dhashay wiil reerka curad u ahaa, oo la yiraahdo Suudi, oo markaas Maraykanka ku noolaa iyo gabar kale oo Xamar lagu qabay, oo loogu yeero Nuurto. Maryan, waxaa ay ahayd Ardayad markaas dhammeystay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar, sannadkii 2010-ka, waxa ayna kolkaas jirtay 20-sano. Markii ay Iskoolkaa Sare af-meertay, ayaa waxa ay jeclaatay in ay waxbarashadeeda sii wadato. Waxa ay ku fekertay, in ay waddanka dibeddiisa wax ku barato. Waa ay ku dadaashay, laakiin waa u suuroobi weydey. Markii dambe ayey go’aansatay, in ay waddankeeda imaansato, oo ay wax ku barato - saa dan baa keentaye. Waxa ay qiimeysay Jaamacadaha waddanka, markaas baa waxaa ay ula ekaatay, in Jaamacadaha dalka ay ugu fiican yihiin, kuwa Muqdisho ku yaalla. Nasiibwanaag, waxaa Muqdisho ku noolaa walaasheed, oo ka weynayd 5-sano, looguna yeero Nuurto. Nuurto, waxa ay ku noolayd Xaafadda Xamar-Jajab, gaar ahaan meel u dhaw Buundooyinka. Waxa ay ahayd Afo u dhaxday wiil dhallinyaro ahaa oo la yiraahdo Khaliif. Nuurto, guri-joog ayey ahayd, waxa ayna u haysay Khaliif laba gabdhood.

Khaliif isagu waa shaqeeyaa, waxa uuna leeyahay Macdaar weyn oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha, oo Saacadaha iyo Ookiyaale-yaasha lagu gado. Shaqadiisa Bas uma raaca e, waxaa uu lahaa gaari cad, oo kuwa raaxada ah, ee loo yaqaan Premio. Waxaa uu ahaa nin ladan, qoyskiisuna waxaa uu ahaa qoys iska yar, kuna noolaa nimco iyo libaan. Maryan, maaddaama ay Jaamacadaha Muqdisho jeclaatay, in ay mid ka dhigato, waxaa ku soo dhacay walaasheed in ay wacdo, oo u sheegto in ay daneyneyso in ay Muqdisho Jaamacad ka dhigato, iyana la noolaato. Waa ay wacday, waana la wadaagtay taladeedii, Nuurana si wanaagsan ayey arrintaasi ula muuqatay. Labadoodiiba go’aan waxa ay ku gaareen, in ay Maryan Muqdisho timaaddo, oo ay waxbarashadeedii halkaas ay ka sii wadato. Kolkaasey labaduba, Waalidkood inta la wada hadleen, bay ka dhaadhiciyeen, in ay Maryan Xamar timaaddo, Jaamacadaha Xamar-na ay mid ka dhigato, ayna la noolaanayso walaasheed Nuurto. Reerkiina waa yeelay iyaga oo Nuurto aad ugu duceeyey wanaagga ay walaasheed la-jeclayd awgi. Sidaas ayeyna Maryan Xamar ku timid, kana bilawday Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir. Nuurto, si fiican oo walaaltinimo ah ayey ku soo dhaweysay walaasheed Maryan, waxa ayna dejisey Qol gaar ah, oo ay wax ku barato, iyada oo u fududeysay tasiilaadkeeda waxbarasho. Nuurto, ninkeeda ayey ka codsatay in uu walaasheed Jaamacadda ka bixiyo, siiyana agabka wax-barsaho, isna waa ka

COSOB

26

guddoomay. Sidaas bay Maryan si qurux badan Jaamacaddii ugu bilawday oo ay si wanaagsan ugu dhiganeysay. Nuurto, iyadu wax-barasho, Dugsi Dhexe ayaa ugu dambeysey, fursad kale uma helin wax-dhigasho. Markaas bay, go’aansadatay, in ay walaasheed maanta fursadda ay heysato uga faa’iideyso, si aysan ugu dhicin wax-barasho la’aantii Nuurto soo martay. Nuurto, xitaa walaasheed uma oggola in ay shaqada guriga wax ka qabato, kamana yeesho in ay qabato waxa aan ahayn Qalin iyo Buug. Si walaaltinimo ka sarreysa ayey ula dhaqantaa, waxaana loo moodi jiray in ayba Hooyo u tahay. Laakiin Maryan, asxaanka iyo wanaagga ay walaasheed u fidisay ma aysan arage, markii ay laba sano la-noolayd, ayaa waxaa damaaci ka galay Khaliif – ninka Nuurto - waxa ayna bilawday in ay Khaliif qalbigiisa soo jiidato. Maryan, dhan walbaba waa uga qurux badnayd Nuurto, haddii ay isa soo garab-istaagaanna, Ishu kama libiqsaneyso Maryan, Nuurana lama eegayo. Maryan Waa ay ka dheereyd, ka dhuubneyd, kana caddayd isla markaasina ka weji iyo jir bilicsanayd Nuurto. Marka aad labadooda aad ugu sii fiirsatid, waxa aad is-leedahay Nuurto waa ‘cawra-tirka’ qoyskoooda. Maryan, iyada oo quruxdeeda adeegsanaysa, ayaa waxa ay bilawday in ay soo dabato Khaliif.

OCTOOBAR 2018


Cajiib, Aadanaha badankiis Abaal ma gayo, oo waxa aad arkeysaa qof, qof kale wanaajintiisa ku hawllan, isna uu xumihiisa ka shaqeynayo. Waa tan ay Soomaalidu waa hore garatay, oo ay ka tiri ‘Waxaa jira qof aad Kabtiisa toleysid isna Kafantaada tolaya’. Maryan, isma aysan weydiin, falka ay ku jirto waxa uu u keeni karo iyo waxa uu Qalbiga walaasheed u dhimi karo. Ma aragto ballan-furka ay ku samaynayso gabadha walaasheed ah oo Gaalkacyo ka soo wadday, oo dhabarka u ridatay nolosheeda iyo wax-barashadeeda, oo ka fekerta mar walba, oo xitaa shaqada guriga in ay wax ka qabato aanan oggolayn, oo qalbigeeda aad u ilaalisa. Ma oga e, waxa ay isu haysataa in ay qumman tahay! Maryan, waagii hore, waxa ay ku bilawday in, inta sida ugu quruxda badan ay u labbisato, ay Khaliif ku tiraahdo “Abboowe, waan daahaye, Jaamacadda igu sii tuur”, markaas buu gaarigiisa inta ku qaado, geeyaa Jaamacadda. Inta ay sii socdaan, baa shirka hore ayaa la isla fadhiyaaye, sheeko sii cammirtaan, ay garwadeen ka tahay Maryan. Isna sheekadeeda inta ka helo, ayuu gaariga tartiib u wadaa, markaas buu, isaga oo sheekada Maryan u xiiso qaba, la gaaraa Jaamacaddii. Dhawr jeer oo kale ayuu sidaas Jaamacadda ku geeyey, markaas baa qudhiisii, inta qalbigiisii janjeersaday, damac ka galay gabadha carrabka u laalaadinaysa. Khaliif ayaa mar dambe, laftiisii waxa auu bilaabay – iyada oo aan ka codsan - in uuba gabadha Jaamacadda gee-geeyo, kana keeno, taas oo labadoodii gaarsiisay, in uu jacaylkii ku sii wada siqo, laakiin aysan weli isku sheegin. Maryan waa ka xishootaa in ay Jacaylka u soo bandhigto, isna waa ka qajilaa. Markii dambe, daqiiqad inta la is moogaan

waayey ayaa Taleefoon sheekadii isu beddeshay, ka gadaalna, waxaaba la gaaray in meelo kale lagu soo wada sheekeysto. Aakhirkii Jacaylkii waa la isku soo bandhigay, waana la isla fahamay, laakiin misena sidii ay u maarayn lahaayeen, oo Nuurto looga qarin lahaa ayaa dhib noqotay, laakiin iyana – kol dambe - xal baa laga gaaray, oo waxaa lagu ballamay, in Nuurto laga indha-qarsado oo meelo kale la isla aado, marka guriga la joogana aan la is aqoon. Khaliif, sidii ay isku barteen, oo isku dhex-galeen isaga iyo Maryan, waxaa ku soo yaraanayey Jacaylka Nuurto. Mar-ba marka ka sii dambeysa, waxaa u muuqanaysay quruxda Maryan, taas oo qalbigiisa ka sii saareysay Nuurto, oo uu u arkayey gabar laga qurxoon yahay, laga reer-magaalsan yahay, laga sheeko iyo macaamil wacan yahay, isla markaasina laga fir-fircoon yahay. Waxaa ay la noqonaysay Nuurto, gabar dhanna aan ku gaari karin Maryan, markaas buu marar badan is-weydiiyaa, sidii uu uga takhalusi lahaa Nuurto, Maryan oo u heellanna uu u guursan lahaa! Nuurto, iyada ma oga arrinta socota, oo waxa ay u aragtaa, in ninkeedu walaasheed kaalmaynayo, oo sidaas uu Jaamacadda ugu geynayo, waxa ayba arrintaasi ku sii kordhisay Nuurto, jacayl wanaagsan oo ay u sii qaadday Khaliif, maaddaama uu walaasheed ka fekerayo wax-barashadeeda, oo uu ku dadaalayo, oo uu siiyo wax walba oo ay u baahan tahay, isla mar ahaantaasina gaarigiisa uu Jaamacadda ku geynayo, kagana soo celinayo. Qalbigeeda hal mar kuma soo dhicin, in walaasheed iyo Khaliif Jacayl wada dhisayaan, oo Jaamacadda la geeynayaba ay wax dheer yihiin!

COSOB

Waa Aadane Nuurto, oo mar mar waa ay is-weydiisaa kash-kashleynta Maryan iyo u adeegidda Khaliif marka guriga la joogo iyo u xoog-furnaantaba iyo weliba deeqda iyo wanaajinta xad-dhaafka ah ee Khaliif u sameeyo Maryan. Laakiin misena inta was-waaska iska saarto Nuurto, ayey is tusisaa, in arrintaani tahay wanaag isugu jira abaal iyo abaal-marin. Khaliif iyo Maryan aad bay isku jeclaadeen, waxaana la isla gaaray sidii looga fekeri lahaa, qaabkii la isku guursan lahaa iyo sida ugu wanaagsan ee Nuurto booska looga saari lahaa. Muddo dheer ayaa arrintii laga baaraan-degayey, waxaana ugu dambeyntii talo lagu gaaray, in la-is-mehersado, isla jeerkaasina la-is-arooso, oo aanan Nuurto waxba loo sheegin, iyada is-keed ha uga war-heshee. Sidii baa la yeelay, oo inta wadaad iyo laba markhaati loo yeertay, ayaa la-isnikaaxsaday. Markii la-is-mehersaday, ayaa waxaa lagu heshiiyey, in laba bil kaddib ay ka dhigtaan arooska iyo aqal-galka, intaasina la iska sii joogo guriga Nuurto, markii la isku baahdana Hoteel la isla aado, halkaasina lagu soo wada raaxaysto. Sidaa baana la yeelay. Khaliif, waa og yahay, in haddii uu Maryan mehersaday, aysan u bannaanayn Nuurto e, waxa uu bilaabay in uu ka xeeladeysto guriga iyo u galmoodka Nuurto, waxaa uuna marka uu guriga yimaado isku ridaa cudur aan la aqoon, isaga oo qolka fadhiga bilaabay in uu iska jiifsado. Nuurto, ninkeeda dhibba oma arage, waxa ay bilawday, in ay seygeeda xaaladdiisa caafimaad la-tacaasho, waxaa ayna isku taxalujisaa, in waxa uu u baahdo ay u diyaariso, iyada oo cuntooyinka dhanka caafimaadka u wanaagsan, si hufan ugu karisa! Lasoco qeybta:14-aad ee sheekada nabsi!!

27

OCTOOBAR 2018


ADSL Plus

hOME AND OFFICE INTERNET - TELEPHONE

141 101 www.hormuud.com

info@hormuud.com m.me/hormuud


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.