2025-26 DPS Enrollment Packet - Somali

Page 1


diiwaangelinta MACLUUMAADKA

Marka ardaydeenu iyo dugsiyadeenu horumaraan, dhammaanteen waynu ka faa'iidnaa.

DPS Foundation waxay abaabushaa kuna qalqaalisaa dhammaan bulshadeena si ay u maalgashadaan agabyada iyo barnaamijyada muhiimka ah ee saamaynta ugu wayn ku leh fayo-qabka iyo guusha ardayga, iyadoo la taageerayo qoysaska iyo ardaydaa. Markaan dhammaanteen ku biirno shaqadan, ardaydeenu waxay noqdaan hogaamiyayaasha mustaqbalka ee aan u baahanahay, magaaladeenana waxay gaartaa horumar. Nagu soo biir.

DPS Foundation waxay gacan ka geysataa hubinta in maalgelinta dugsiyadeena lagu hago habka ugu waxtarka badan, saamaynta leh uguna muddada dheer Lacagaha dawladu bixiso kuma filna inay siiyaan waxbarasho loo siman yahay ilmo kasta.

Ardayda ka badan 84,000 oo ku sugan DPS waa hogaamiyayaasheenna, hal-abuurayaasheena, wax ku biiriyayaasheena iyo isbedel-sameeyayaasha mustaqbalka. Mid kasta oo iyaga ka mid ahina waxa uu mudan yahay waxbarasho dawladeed oo tayo leh. Waa masuuliyadeen dhammaanteen inaan hubinno ardaydeenna inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guuleystaan.

Shaqadeenu waxay ardayda u saamaysaa siyaabo kala duwan. Laga soo bilaabo barnaamijyada la bixiyo xilliga dugsiga ka dib ilaa iyo midan la baro dadka sida loo shaqeysto, waxaan ka caawineynaa hubinta ardaydu inay diyaar u yihiin inay noqdaan xubno wax ku biirinaya bulshada.

DOORASHADA DUGSI KU YAAL DPS

Dugsiyada Dadweynaha ee Denver waxay ku faanaan ikhtiyaarada xulashooyinka dugsiga ee ay heli karaan qoysaskeena. DPS waxay aamminsan tahay in dhammaan qoysasku ay si siman u heli karaan dugsiyada ku habboon ardaydooda, iyadoon loo eegayn asalkooda ama meesha ay ku nool yihiin. Hoos waxaa ku qoran waxyaabaha diiradda la saaraayo marka aad bilaabeyso raadinta dugsigaaga.

MARKA HORE, SI WACAN U EEG DUGSIGA XAAFADDAADA

AMA KUWA KUU DHOW ADIGA. Ardayda bilaabaysa dugsiga barbaarinta ilaa fasalka 12aad waxaa loo dammaanad qaaday inay boos ka helayaan dugsiyada xaafadooda ku yaala -ama kuwa xaafadooda u dhow. Waxaad go'aansan kartaa dugsiga xaafadaada adoo ku qoraaya ciwaanka gurigaaga barta schoolfinder.dpsk12.org.

HADDII AAD XIISAYNAYSO DHIGASHADA DUGSI AAN AHAYN DUGSIGA AAD HADDA DHIGATO, WAXAA JIRA

QAABAB KALA DUWAN OO AAD KU BAARI KARTO

DOOKHYADAADA:

■ Hagahan isdiiwaangelinta wuxuu ka kooban yahay macluumaad ku saabsan dugsi kasta oo ku yaal DPS, oo ay ku jiraan barnaamijyada, macluumaadka xiriirka iyo wax kaloo badan. Si lagaaga caawiyo qaabaynta baaristaada, dugsiyadu waxay u qaybsan yihiin shan qeybood oo magaalada ah.

■ Booqo schoolfinder.dpsk12.org. Waxaad dugsiyada ku raadin kartaa cinwaan, barnaamijyo ama liiska xarfaha.

■ La xiriir dugsiyada aad xiisaynayso. Ma jiraan wax bedel u ah in si toos ah hoggaamiyeyaasha dugsiga loogala hadlo barnaamijyadooda iyo hab dhaqanka waxbarashadooda. Si gaar ah ula xiriir dugsi kasta si aad uga hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

Marka aad abuurto liiska dugsiyada aad doorbideyso sanad dugsiyeedka 2025-26, waxaad diyaar u tahay inaad ka qaybgasho barnaamijka xulashada dugsiyada ee SchoolChoice, hanaankeena halka wakhti ku eg, ee leh halka codsi ee diiwaan gelinta. Mudada Codsiga Wareegga 1aad ee SchoolChoice waa Janaayo 15 ilaa Febraayo 18, 2025. Eeg bogga 4aad si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah

NOOCYADA DUGSIYADA

DUGSIYADA AY MAAMULAAN DEGMADA

Waxaa ka hawlgala, kormeera oo taageera DPS iyo Guddigeeda Waxbarashada.

■ Qaar kamid ah dugsiyada ay degmadu maamusho ayaa ah dugsiyada hal abuurka, kuwaasoo aqoonsiga ay siisay Guddiga Waxbarashada ee DPS iyo Waaxda Waxbarashada ee Colorado, ayagoo baxsha dabacsanaan dheeri ah oo leh barnaamijyo waxbarasho, shaqaale, jadwal iyo miisaaniyad si loo buuxsho baahiyaha ardayda.

■ Dugsiyada ay degmadu maamusho waxaa sidoo kale ku jira dugsiyo ama barnaamijyo gaar ah, kuwaas oo xooga saara qaabka gaarka ah ee barashada ama baahida waxbarasho, ama u adeegaan ardayda leh dano isku mid ah, waxayna siin karaan gaadiid ardayda ku nool meel ka baxsan dugsiga xaafada. Tusaalayaasha waxaa ku jira Diirad saaridda Fanka, Montessori, Ardayda Hibada iyo Kartidda Sare leh, iyo Dugsiyada Labada Luuqadood ama barnaamijyada.

DUGSIYADA MADAX BANNAAN

Dugsiyada dadweynaha ee madaxbannaan waxaa maamula guddi maamulayaal oo madax-bannaan.

■ Dhamaan dugsiyada kale waxaa la xisaabtama Guddiga Waxbarashada ee DPS iyo heerarka waxqabadka tacliinta ee iskuulada degmadu maamusho.

■ Dugsiyada kale waxay leeyihiin dabacsanaan si ay u dejiyaan barnaamijyadooda waxbarasho iyo siyaasadaha ku saleysan dugsiga.

■ Dhammaan dugsiyada madax bannaan ayaa ka go'an inay si caddaalad ah ugu adeegaan dhammaan ardayda degmada gudaheeda. Qaar kamid ah dugsiyada madax bannaan ayaa muhiimada siiya ardayda ku nool gudaha aagaga loo asteeyay.

DUGSIYADA PATHWAYS

■ DUGSIYADA PATHWAYS waxay noqon karaan kuwa ay maamulaan degmada ama kuwo madax banaan. Dugsiyada Pathways ka ah waxay baxshaan waxbarasho xooggan iyo taagerooyin waxtar leh kuwaasoo ardayda gaarsiiya heerka waxbarashada diplomdaa kuna xira fursadaha dugsiga sare kadib. Inta badan dugsiyada Pathways-ga ka ah waxay baxshaan fursad lagu helaayo buundooyin dheeraad ah sanad kasta kuwaasoo ka badan kuwa caadiga ah.

Wax ayaa laga beddeli karaa macluumaadka lagu daabacay Hagaha Diiwaangelinta oo waxaana laga yaabaa inay macluumaadka qaar wax laga beddelay tan iyo markii hagaha la daabacay. Daabacaaddani ma ahan hage dhammaystiran oo bixinaya macluumaadka khuseeya dhammaan dugsiyada DPS. DPS mas'uul kama aha waxyaabaha ama luqadda xayaysiisyada oo ay leeyihiin qolo gacan saddexaad ah oo ku jira hagahan.

DIIWAANGELINTA IYO HANAANKA SCHOOLCHOICE

WEBSEEDKA: schoolchoice.dpsk12.org

TALEEFOONKA: 720-423-3493

Colorado waa gobal diiwaan gelintiisu furan tahay, oo DPS na waxay ka shaqeysaa inay ka dhigto hanaanka codsashada iyo diiwaan gelinta dugsiyada mid fudud inta suuragalka ah. Haddii ardaygaagu dhigto dugsi deegaankiisa ah ama uu doorto dugsi kale oo ku yaala Denver, DPS ayaa aaminsan in dhammaan ardayda ay tahay inay helaan fursad loo siman yahay ee ku aadan dugsiyada ay doorbidaayaan. Ardayda cusub waxaa loo damaanad qaadayaa in diiwaangalin laga siiyo dugsi xaafadooda ku yaala, ama dugsi ku yaala aagooda isdiiwaangalinta. Hase yeeshee, arday kasta oo doonaaya ama ubaahan inuu kubiiro dugsi cusub sanadka soosocda wuxuu ka qaybgali karaa barnaamijka xulashada dugsiga ee SchoolChoice, hanaankeena halka wakhti loo cayimay, ee halka codsi ee diiwaan gelinta furan. Diiwaangalinta ardayda ee barnaamijka dugsiga barbaarinta ee DPS lama damaanad qaadi karo; qoysaska ardaydooda dhigtaan dugsiga barbaarintu waa inay si sanadle ah u codsadaan.

HEL DUGSI KU YAALA XAAFADAADA

Haddii aad tahay muwaadin reer Denver ah, aadna ”dooran” dugsi ka baxsan aagga xaafadaada aadna doonayso inaad cunugaaga sanad dugsiyeedka hadda diiwaangaliso, waxaad si toos ah iskadiiwaangalin kartaa dugsiga xaafadaada ee gurigaaga u dhow. Waxaad booqan kartaa schoolfinder.dpsk12.org si aragto dugsiyada ku yaala xaafadaada. Si aad isu diiwaangaliso, si toos ah ula xariir xafiiska dugsigaaga si laguugu sheego taariikhaha isdiiwaangalinta iyo dukumiintiyada lagaa rabo.

Qaybo kamid ah Denver waxay leeyihiin adeeggaa aaga diiwaanglinta, ama aag deegaan halkaasoo ardaydu damaanad uhaystaan inay boos ka helaan mid kamid ah dugsiyo kala duwan, aana ku xirnayn kaliya hal dugsi oo gaar ah. Hadaad dhawaan soo guurtay aadna dagan tahay gudaha Denver, oo aad hadda ku nooshahay aaga diiwaangalinta ama aad doonayso inaad dhigato dugsi aan ka ahayn kuwa xaafadaada ee sanad dugsiyeedka hadda socda, fadlan buuxi codsiga adoo akoon ka furanaaya kadibna galaaya barta dpsschoolchoice.my.site.com

SCHOOLCHOICE

Hadaad doonayso inaad ardaygaaga diiwaangeliso dugsi DPS ka mid ah oon aan ahayn kan xaafadaada ku yaala (ama dugsiga uu ardaygu hadda dhigto) sanadka soo socda, waxaad ka qaybgali kartaa barnaamijka SchoolChoice. Inta lagu jiro barnaamijka SchoolChoice, qoysaska ayaa gudbinaaya hal codsi ardaygiiba, kaasoo ay sida ay u kala sareeyaan u qorayaan dugsiyada ay doortaan. DPS ayaa intaas ka dib ardayda ku meelayso dugsiyada iyadoo raacaysa dookhyadaas, iyo sidoo kale xeeladaha diiwaangalinta ardayda ee dugsiga iyo boosaska banaan. Nidaamkeena waxaa loogu talagalay kordhinta cadada ardayda helaaya dugsiyada ay doorteen.

Wareega 1aad ee barnaamijka SchoolChoice ee sanad dugsiyeedka 2025-26 waxa uu furmayaa 10 a.m. taarikhdu markay tahay Janaayo 15, 2025 wuxuuna xirmayaa 4 p.m. Febraayo 18, 2025 Waxaad samaysan kartaa akoon waxaadna ka codsan kartaa dugsiga aad doorbideyso barta dpsschoolchoice.my.site.com marka aad doonto inta lagu jiro mudada codsiga.

RAADI

xog ku saabsan dookhyada dugsiga ee ardaygaaga

■ Adeegso aalada oonleenka ah ee moobilka lagu isticmaalo ee School Finder adiga oo booqanayso barta schoolfinder.dpsk12.org.

■ Akhri hagaha diiwangelinta.

■ Si toos ah ula xiriir dugsiyada.

CODSO adiga oo oonleenka ku soo gudbinaaya codsigaaga SchoolChoice

■ Akoon ka furo ama gal adoo adeegsanaaya ciwaanka iyo baasweerkaaga Barta Waalidka (Parent Portal) dpsschoolchoice. my.site.com.

■ Gal oo soo qor liistadaada ikhtiyaarada doorashada dugsiga marka codsiga furmo Janaayo 15-Febraayo 18, 2025.

■ Gudbi codsigaaga xili kasta inta u dhexaysa 10 a.m. Janaayo 15 iyo 4 p.m. taarikhdu markay tahay Febraayo 18.

■ Hel natiijooyinka meeleynta dugsigaaga dhammaadka Maarso 2025.

■ La xiriir dugsiga si aad iskaga diiwaan geliso sanad dugsiyeedka 2025-26.

TAARIIKHAHA

MUHIIMKA AH EE SCHOOLCHOICE

JANAAYO 15, 2025

Wareegga 1aad ee Codsiga SchoolChoice ayaa furmaya saacadu markay tahay 10 a.m.

FEEBARAAYO 18, 2025

Codsiyada SchoolChoice ayaa ku eg saacadu markay tahay 4 p.m.

DHAMMAADKA

MAARSO, 2025

Qoysaska ayaa loo sheegayaa meelaynta dugsiga.

WAREEGA 2AAD

Wareega 2aad waxa uu furmaa xilliga guga ka dib marka natiijooyinka wareega 1aad la soo saaro oo uu xidhmo xilliga dayrta. Isha ku hay oo wixii macluumaad dheeraad ah kala soco barta schoolchoice.dpsk12.org

BARNAAMIJYADA DUGSIGA

BARNAAMIJYADA HORUMARINTA XIRFADDA

ARDAYDA (AVID) waa barnaamijka diyaar garoowga kuleejka ee ardayda K-12 kaasoo leh wada shaqeyn, tacliin sare oo diirada saaraaya ardayda asagoo ardayda baraaya inay u fakaraan si hufan, oo ay wada shaqeeyaan ayna degsadaan himilooyinkooda gaarka ah ee mustaqbalka. Iyada oo ah istaraatijiyad muhiim ah oo ku saabsan xiritaanka fursada, ardayda AVID waxaa lagu xisaabinayaa heerarka ugu sareeya ee tacliinta iyo taageerada bulshada si ay u gaaraan kartidooda buuxda. AVID waxay ardayda u diyaarisaa guusha waxbarashada dugsiga sare kadib iyaga oo ku qalabaynaya xirfado muhiim ah, hababka tacliinta iyo aqoonta kuleejka ah si ay u dareemaan awood ay ku qaataan mas'uuliyadda waxbarashadooda. AVID ayaa lagu baahinayaa heerka dugsi hoose iyo dugsi dhexe iyo fasal dheeri ah oo lagu daraayo heerka dugsiga sare.

MEELAYNTA SARE (ADVANCED PLACEMENT, AP) fasalada waxay caawiyaan ardayda dugsiga sare inay u diyaargaroobaan kuleejka iyadoo ardayda siinayso khibrad adag oo waxbarashada kuleejka oo kala ah. AP waa manhaj uu abuuray Guddiga Kuleejka oo bixiya koorsooyin loo diyaariyey oo guud ahaan loo aqoonsan yahay inay u dhigmaan koorsooyinka jaamacadeedka ee kuleejka. Ardayda hela dhibcaha imtixaanka uqalmida qaran ee AP ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay helaa kiridhitka iyo meeleyn heer sare ah iyagoo ka qaybgalaya kuleejooyinka iyo jaamacadaha, taasi oo u kaydinayso lacag iyo wakhtiyo labaduba inta lagu jiro sanad kuleejeedkooda. Casharada AP ayaa laga heli karaa dhammaan fasallada dugsiga sare, 9-12. Dhibcaha u-qalmitaanka ee imtixaannada AP waa mid ka mid ah ikhtiyaaradda muujin kara aqoonta xisaabta iyo aqoonta Ingiriisiga, taas oo oo shuruud ah xilliga qalin-jabinta. Ardayda ayaa heli doonaa buundada la miisaamay ee GPA-ga oo leh buundada gudbidda ee fasalka.

TABABARKA SARAAKIISHA YARYAR EE KAYDKA AH (ARMY JUNIOR RESERVE OFFICERS’ TRAINING CORPS, JROTC) waa barnaamij cajiib ah oo la siiyo ardayda dugsiga sare kaasoo ardayda bara shaqsiyada wanaagsan, guusha ardaynimo, caafimaadka iyo badqabka, hogaaminta iyo kala duwanaanta. Marka laga reebo inuu hormarinaayo muwaadinimada, JROTC wuxuu sidoo kale u diyaarshaa ardayda dookhyada

dugsiga sare kadib ayna ku jiraan kuleejka iyo shaqada. Ayadoo la adeegsanaayo barnaamijyada gaardiga iyo tartanka kooxaha, ardaydu waxay baranayaan xirfadaha shaqada oo muhiim ah sida hogaaminta, wada shaqaynta, maaraynta wax ku oolka ah ee waqtiga, edbinta naftooda iyo wada xariirka. JROTC ayaa ku dara buundada waxbarashada shuruudaha qalin jebinta.

BARNAAMIJYADA FANKA EE DUGSIYADA DPS waxay ka kooban yihiin fanka waxbarashada (fanka muuqaalka ah, masraxa, qoob ka ciyaarka, muusiga) sahminta iyo fursadaha hawlgelinta ardayda, is-muujinta shakhsi ahaaneed, iyo horumarka garashada/garaadka.

BARNAAMIJKA IS DIIWAAN GELINTA WAXBARASHADA DHEERAADKA AH ARDAYDA DUGSIGA SARE (ASCENT) waa barnaamijka dugsiga sare ee sanadka shanaad ee dheeraadka ah kaas oo u ogolaanaya ardayda DPS ee xaqa u leh fursad ay wax ku bartaan hal sano oo waxbarashada jaamacada oo bilaash ah! Ardaydu waxay barnaamijka ASCENT ka qaybqaataan sanadka ku xiga ka dib waxbarashada fasalka 12aad oo waxayna dooran karaan inay ka qaataan mid ka mid ah sideeda kuleej ee ku yaal agagaarka Denver. Ardeyda qaybta ka ah barnaamijka ASCENT waxay helaan waxbarasho lacag la'aan ah iyagoo sidoo kale helaya adeego la-talin iyo taageero. Ardayda ka qalin jebinayso waxbarashada fasalka 12aad ayaa u qalma haddii ay buuxiyaan shuruudaha qalin-jabinta DPS, shuruudaha ASCENT iyo sidoo kale waa in diyaar u ahaadaan waxbarashada kuleejka. Ardayda ka qalin jebiya dugsiga Kuleejka Hore ama P-TECH ayaan u qalmin ASCENT ama TREP sida ku cad sharciga Colorado.

Si aad wax badan uga ogaato barnaamijka ASCENT, booqo collegeandcareer.dpsk12.org/ ascent

WAXBARASHADA ISKU DHAFAN WAXAY ISKU-DARTAA QAABKA XOG GUDBINTA CASRIGA AH IYO QAABABKA DABIICIGA AH EE WAXBARASHADA FASALKA.

WAXBARASHADA XIRFADA IYO FARSAMADA (CTE) waa barnaamijyada Guusha Xirfada iyo Kuleejka kuwaasoo siiya ardayda fursad ay iskaga diiwaan gashaan tubaha waxbarashada la xiriirta shaqada (barnaamijyada dugsiga oo leh koorsooyin loo sameeyay, kuwaasoo

waafaqsan shaqada). Pathways-ka waxaa loo sameeyay inay siiyaan dhammaan ardayda shahaadada ganacsiga ama shahaadada kuleejka marka ay dhameeyaan. Ayadoo la adeegsanaayo koorsooyin ku dhisan tacliinta aduunyada dhabta ah oo mashruuc ku salaysan, kuna haboon shaqada, ardaydu waxay bartaan xirfado takhasus leh oo waxaana lagu xoojiyaa inay abuuraan xalal. Wixii xog faahfaahsan oo ku aadan barnaamijyada CTE iyo marinada xirfada ee laga heli karo dugsi kasta, booqo collegeandcareer.dpsk12.org.

Horumarinta Xirfadda waxaa barnaamij la siiyaa ardayda iyagoo la siinaayo xirafaddo ka caawinaya Waxbarashada Kuleejka iyo xirfadaha Shaqada ku salaysan. Barnaamijyadan waxay ardayda K-12 siiyaan sharaxaada ku aadan xirfada iyo fursadaha hormarinta kuwaasoo u sahla inay gaaraan hamigooda iyo waxyaabaha ay xiiseynayaan ayna gaaraan go'aanno faahfaahsan oo ku saabsan mustaqbalkooda shaqada. DPS waxay iskaashi la samaynaysaa ganacsiyada, ururada khayriga ah iyo wakaaladaha dawlada si ay u bixiso khibradaha waxbarashada ku saleysan shaqada sida hadal jeedinta martida ee xirfadeed, tababarada shaqada, shaqo barashada, hagista, tababarada xirfada iyo wax kaloo badan. Ka sokow hirgelinta joogtada ah ee barnaamijka waxbarashada ee ku salaysan shaqada, kooxda Horumarinta Xirfaddaha Shaqo waxay ardayda ka caawiyaan iyago oo siinaya wada-hadallo shaqo oo waxtar leh si ardaydu u gaaraan go'aamo ay xog-ogaal u yihiin oo gacan ka geysta hadafkooda shaqo. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada Horumarinta Xirfadda Shaqo iyo waddooyinka laga heli karo dugsi kasta, booqo collegeandcareer.dpsk12.org.

BARNAAMIJKA IMTAXAANKA HEERKA

KULEEJKA (CLEP) imtaxaanaadka CLEP waa imtaxaanaadka Gudiga Kuleejka oo loo sameeyay inuu ardayda ku imtaxaano maadooyinka ay horey u yaqaaneen. Ardayda ku baasa imtaxaanka CLEP ayaa helaaya buundooyinka kuleejka oo u qalma ku baasida koorsooyinka kuleejka, taasoo u sahlaysa ardayda inay adeegsadaan imtaxaanaadka CLEP si ay u badbaadiyaan wakhti iyo lacag uga bixi lahayd shahaadada kuleejka. Imtaxaanka CLEP ayaa lagu samayn karaa xili kasta dugsiga sare ee ardaygu dhigto. Si aad u hesho xog dheeri ah iimayl u dir concurrent_ enrollment@dpsk12.org

XARUMAHA BULSHADA AYAA BIXIYA

ADEEGYO TAAGEERAAYA BAAHIYAHA

BULSHADA, SHUCUURTA, JIRKA IYO

TACLIINTA EE DADKA WAAWAYN IYO

CARRUURTA SI DHAMMAAN ARDAYDU AY

U HELAAN FURSAD LOO SIMAN YAHAY OO

AYNA SAMEEYAAN HORMAR. XARUMAHA

BULSHADA AYAA U ADEEGGA DHAMMAAN

DADKA WAAWAYN IYO CARRUURTA, MAAHA

KELIYA ARDAYDA DPS.

WAXBARASHADA KU SALAYSAN KARTIDA

XIRFADDA AYAA U SAHLAYSA ARDAYDA

DOOKHYO AY KU SAMEEYAAN HORMAR

AYAGOO SI FIICAN U BARANAAYA

MAADOOYINKA CILMIGA, AYADOON LAGA

EEGAYN WAQTIGA, GOOBTA AMA BOOSKA

WAXBARASHADA AY KAGA JIRAAN.

DIIWAAN GELINTA ISBAR SOCOTA (CE) IYO

DIIWAAN GELINTA LABADA AH (DE) ayaa

siisa ardayda fursad ay iskaga diiwaan gashaan koorsooyinka kuleejka, si siman ayagoo helaaya buundada dugsiga sare iyo tan kuleejka.

Diiwaan gelinta isbar socota ayaa lagu qeexaa diiwaan gelin xiriir ah oo arday u qalma laga diiwaan gelinaayo dugsi sare oo degmadu leedahay iyo mid ama ka badan kamid ah koorsooyinka kuleejka, ayna ku jiraan koorsooyinka waxbarashada shaqada iyo farsamada, kuwaasoo ay ku jiri karto shaqo la xiriirta barnaamijyada tababarka shaqada ama barnaamijyada biloowga shaqada, laguna baxsho xarunta waxbarashada sare. Diiwaan gelinta Isbar socota waa in lagu baxshaa si lacag la'aan ah lana siiyaa ardayda u qalma. Koorsooyinka waa in lagu dabaqaa waxbarashada kobaca ama shahaadada kuleejka, shahaadada ama koorsada tubta, ama loo wareegsan karaa xarumaha gobalka ee waxbarashada sare.

Diiwaan Gelinta labada meelood ayaa lagu qeexaa diiwaan gelinta koorsooyinka kuleejka oo aan ku jirin shuruudaha sharciga ah ee diiwaan gelinta isfeer socota. Diiwaan gelinta labada meelood ayaa lahaan karta xadidaado dheeri ah, iyo/ama shuruudo, iyo qiimaha sareeya ee diiwaan gelinta. Tusaaleyaasha ayaa noqon kara qiimaha lacagta waxbarashada oo saraysa iyo xadidaadaha heer fasal. Si aad u hesho xog dheeraad ah, iimayl u dir kooxda Diiwaan Gelinta isbar socota oo aad ka helayso concurrent_enrollment@dpsk12.org

SOO CELINTA KIRIDHITKA (CREDIT RECOVERY) waxay ardayda siinaysaa ikhtiyaarka ah inay kasbadaan kiridhitka fasalada aan ku guulaysan si dhammeystiran si ay ugu socdaan wadada qalin jabinta. DPS

waxay bixisaa Soo celinta kiridhitka (Credit Recovery) dhammaan dugsiyada sare ee degmada ay maamusho sida ku salaysan awooda onlaynka iyo barnaamijka internetka ee taageerada macallimiinta.

XARUMAHA MUSTAQBALKA EE URURKA

DEEQDA WAXBARASHO EE DENVER (DENVER SCHOLARSHIP FOUNDATION FUTURE CENTERS), oo ku yaal tiro ka mid ah dugsiyada sare ee DPS, ardayda waxay taageeraan markay diyaariyaan kuleejka afar sano, laba sano ama dugsi farsamo. La taliyeyaashu waxay ka caawiyaan ardayda inay codsadaan, helaan deeqaha waxbarasho iyo inay ku guuleystaan waxbarashada kuleejka. Booqo denverscholarship.org si aad u hesho xog.

DISCOVERY LINK waa barnaamij ay bixiso DPS kasoo ay dardar galiso xilliyada dugsiyada uu xiran yahay Barnaamijka Discovery Link ayaa baxsha labada barnaamij midneh qarashka laiska qaado iyo qaar neh bilaashka ah, ayadoo ku xiran goobta.

Booqo elcs.dpsk12.org/discoverylink si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah Discovery Link kaliya maaha barnaamijyada xilliyada dugsiga ka baxsan oo lagu bixiyo dugsiyada DPS. Fadlan si toos ah ula xiriir dugsiyada si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan barnaamijyadooda gaarka ah.

Dugsiyada sare ee KULEEJKA BILOOWGA AH ayaa loo diyaarshay inay ardaydu u qaataan si wadajir ah, markay qalin jabinayaan, shahaadada dugsiga sare, shahaado kuleej, shahaadada dugsiga sare kadib, ama ugu yaraan 60 dhibcood oo kuwa kuleejka ah inta lagu jiro afarta sano ee dugsiga sare. Dugsiyada kuleejka hore waxaa qorsheeya Guddiga Waxbarashada ee Gobalka Colorado.

EDCONNECT waa tubta waxbarashada degmada oo dhan oo lagu doonaayo in laga dhigo ardaydeena hadda macalimiinta berito. Barnaamijka EdConnect ayaa laga heli karaa dugsiyada sare qaarkood waxaana si guud u heli kara ardayda dhammaan dugsiyada sare. Barnaamijka EdConnect waxaa loo sameeyay inuu ardayda fahansiiyo koorsooyinka biloowga ah ee kuleejka kuwaasoo ku dardar gelinaaya ardayda inay qaataan koorsada macalinka iyo ruqsada. Ardayda dhigata barnaamijka EdConnect waxaa lagu meeleeyaa dugsiyada hoose ee DPS si ay u bartaan xirfaddo shaqada ku salaysan. Iimayl u dir concurrent_ enrollment@dpsk12.org si aad u hesho xog dheeri ah.

WAXBARASHADA KHIBRADA KU SALAYSAN, AMA EL EDUCATION WAA NIDAAM

WAXBARASHO OO AASAASI AH OO RAACAYSO MABAADI'DA LA XAQIIJIYAY

OO KU HABBOON CILMI-BAARISTA

WAXBARASHADA IYO HORUMARINTA

ARDAYDA. WAXBARASHADA EL WAXAY

ISKU DHAFTAA HABKA WAXBARASHADA

DAQAMEED IYO ADEEGGA BULSHADA IYO

MASHAARIICDA DUNIDA DHABTA AH EE KU

DHIIRIGELISA ARDAYDA INAY SAHAMIYAAN

WAXYAABAHA ADDUUNKA AH EE KA BAXSAN FASALKOODA, IYAGA OO AWOOD U SIINAYA INAY GAARAAN HORUMAR DHANKA BULSHO AHAAN, SHUCUUR AHAAN IYO TACLIIN AHAANBA.

BARNAAMIJYADA WAXBARASHADA CAALAMIGA AH (INTERNATIONAL BACCALAUREATE, IB) waxay bixiyaan habab ballaadhan oo loogu talagalay waxbarashada sare. IB-da Sanadka Ugu Horeeya, Sannadka Dhexe iyo Barnaamijyada Dibloomada waxay bixiyaan manhaj adag oo ah mid joogto ah oo aad looga tixgeliyo adduunka. Dugsiyada IBda waxay diirada saaraan yoolal heer caalami ah oo dhanka waxbarashada iyo waxbarida ah, ayagoo ardayda kataageeraya barashada buuxdo ee dhaqankooda iyo luuqadooda. Barashada IB-da waxay gacan kagaysataa kobcinta garaadka, shaqsiyada, dareenka iyo wacyiga busho oo ardayda udiyaarinaaya inay guul kakeenaan aduunyada sida xawliga leh ukobcaysa. Ardayda qaadata koorasyada IB-da iyo imtixaannada dugsiga sare waxay u istaagan nidaamka gelitaanka kuleejka waxayna fursad u leeyihiin inay ku kasbadaan kiridhitka ama horumarka sare ee kuleejyada iyo jaamacadaha ee Maraykanka.

DUGSIYADA WAXBARASHADA HEER CAALAMI WAXAY BIXIYAAN MANHAJ GAAR AH OO FASALKA KA XIRAYA ADUUNKA OO DHAN. ARDAYDU WAXAY SAHAMIYAAN

DHAQAMADA KALA DUWAN IYO ARAGTIDA

CAALAMIGA AH IYAGOO HORUMARINAYA

XIRFADO KUWAAS OO KA CAAWIN DOONA INAY KU GUULEYSTAAN ADDUUNKAN WATO ISBEDDELKA DEGDEG AH LEH.

BARNAAMUJYADA HABKA WAXBARASHADA MONTESSORI LA SOCO OO TAAGEER HORUMARINTA DABIICIGA AH EE

CARRUURTA EE JAWIGA WAXBARASHO EE IS-MAAMULIDDA SHAKHSIAHAANEED.

BARNAAMIJYADA DPS MONTESSORI

WAXAY DIIRADDA SAARAAN KA CAAWINTA

CARRUURTA HORUMARINTA HAL ABUURKA, XALINTA MUSHKILADAHA, BULSHADA IYO

XIRFADAHA WAQTIGA MAAREYNTA.

DUGSIYADA DIIRADDA SAARA WAXBARASHADA IYO DHAQANKA DADKA

AMEERIKAANKA EE DHALADKA AH (NACE)

WAXAY BIXIYAAN ADEEGYO TAAGEERO

IYADOO LA ISU KEENAYO ARDAYDA

HIDDAHA IYO DHAQAN ISKU MID AH WADAAGA. SHAQAALAHA NACE WAXAY XAQIIJIYAAN IN ARDAYDU HELAYAAN

DHAMAAN FURSADAHA IYO KHEYRAADKA DEGMADA. HADAFKU WAA IN LA KORDHIYO HEERKA QALIN-JABINTA ARDAYDA HINDIDA MARAYKANKA IYO ARDAYDA DHALADKA EE ALASKA. NACE KALA XIRIIR 720-423-2042 si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

WAXBARASHADA GAARKA AH WAA QAAB WAXBARASHO OO DIIRADA SAARAAYA DHISIDA AQOONSIYADA ARDAYDA AH BARTEYAASHA MUDADA DHEER, SI AY MUDDO KADIB, U YEESHAAN DAREENKA BUUXA EE WAKAALADA BARTAHA IYO MULKIYADA HORMARKOODA WAXBARASHADA.

BARNAAMIJYADA KULEEJKA KA HOR AH (PRE-COLLEGIATE PROGRAMS) waxay diiradda saaraan diyaarinta ardayda si ay u sii wadaan waxbarashadooda kadib dugsiga sare; waxaa ku jiri kara kasbasho dhibco kiridhit ah inta lagu jiro dugsiga sare.

WAXBARASHADA MASHRUUCA KUSALEYSAN IS HABKA AY ARDAYDU KU

HELI LAHAAYEEN AQOON IYO XIRFADO IYAGOO U SHAQEYNAYA MUDDO DHEERI AH SI AY U BAARAAN UGANA JAWAABAAN SU'AAL DHAB AH, ISKU-DAR AH OO ADAG, DHIBAATO AMA CAQABAD AH.

DUGSIYADA SARE EE P-TECH (PATHWAYSKA DUGSIYADA SARE EE WAXBARASHADA

TIGNOOLAJIYADA EE KULEEJA KA HOR) waxaa loogu talo galay inay abuuraan iskaashiga dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay si loogu diyaarsho shaqooyinka xirfadaha sareeya ee mustaqbalka. P-TECH ayaa u furan dhammaan ardayda, ayadoo si gaar ah diirada loo saaraayo dhiiri gelinta diiwaan gelinta ardayda dhaqan dhaqaale ahaan iyo isir ahaanba kaladuwan, ardayda kuleejka jiilka koobaad,ardayda barta luuqada Ingiriiska, iyo ardayda naafada ah. Dugsiyada sare ee P-TECH waxaa abuuray Gudiga Waxbarashada ee Gobalka Colorado. Qaababka P-TECH ayaa ka dhex jira dugsiga sare ee wayn mana ahan in dhammaan ardayda dugsigaas sare laga doonaayo inay ka qaybgalaan P-TECH. Dugsiga hadda uu gobolku magacaabay sida

in uu yahay dugsi DPS P-TECH ah waa dugsiga Abraham Lincoln High School.

WAXBARASHADA ADEEGGA WAXAY

ISKU-DUBARIDAA SHAQADA MASHRUUC BULSHADEED, SIDA DEJINTA HOWLAHA

MUTADAWICIINTA, OO LEH DARAASADAHA FASALKA.

STEAM waa qaab waxbarasho oo farsamooyin badan oo ku aadan waxbarashada kaasoo adeegsada sayniska, tignooloojiyada, injineeriyada, fanka iyo xisaabaadka oo ah bar gelitaanka hagaysa su'aalaha, wadahadalka, hal abuurka iyo fahakarka saliimka ah ee ardayda.

BARNAAMIJKA WAXBARASHADA EE QORISTA MACALIMIINTA IYO U DIYAAR GAROOWGA XIRFADDA MACALINIMADDA (TREP) waa barnaamijka dugsiga sare ee lagu barto heerka fasallada shanaad iyo lixaad kaas oo u ogolaanaya ardayda xiisaynaysa xirfadda macalinimada in ay sii wataan waxbarashada oo ay dhigtaan heer waxbarasho kuleej oo laba sano kaas oo bilaash ah! Ardeyda dhigata barnaamijka TREP waxay helaan waxbarasho lacag la'aan ah iyagoo sidoo kale helaya adeego la-talin iyo taageero. Ardayda ka qalin jebinayso waxbarashada fasalka 12aad ayaa u qalma haddii ay buuxiyaan shuruudaha qalin-jabinta DPS, shuruudaha TREP iyo sidoo kale waa in diyaar u ahaadaan waxbarashada kuleejka. Ardayda ka qalin jebiya dugsiga Kuleejka Hore ama P-TECH ayaan u qalmin ASCENT ama TREP sida ku cad sharciga Colorado. La hadal la-taliyahaaga dugsiga si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan TREP, ama iimayl u dir concurrent_ enrollment@dpsk12.org.

XARUMAHA CAAFIMAADKA DUGSIGA EE

DENVER HEALTH

Xarumaha Caafimaadka Dugsiga ee Denver Health, oo ku yaal 19 dhismood oo DPS ah, waxay bixiyaan daryeel caafimaad oo lacag la'aan ah oo ay siiyaan ardayd kasta oo dhigta DPS, iyadoon loo eegin dugsigooda, xaaladdooda caymiska ama awoodda bixinta. Haddii aan dugsiga cunugaagu lahayn xarun, waxaad adeegsan kartaa xarunta kuugu dhaw. Xarumahani waxay ku yaalaan meelaha soo socda:

■ ABRAHAM LINCOLN (2285 S. FEDERAL BLVD.)

■ BRUCE RANDOLPH (3955 STEELE ST.)

■ EAST (1600 CITY PARK ESPLANADE)

■ XARUNTA EVIE DENNIS (4800 TELLURIDE ST.)

■ FLORENCE CRITTENTON (55 S. ZUNI ST.)

■ GEORGE WASHINGTON (655 S. MONACO PARKWAY)

■ JOHN F. KENNEDY (2855 S. LAMAR ST.)

■ XARUNTA KEPNER (911 S. HAZEL COURT)

■ KUNSMILLER (2250 S. QUITMAN WAY)

■ LAKE CAMPUS (1820 LOWELL BLVD.)

■ MANUAL (1700 E. 28TH AVE.)

■ MARTIN LUTHER KING, JR. EARLY COLLEGE (19535 E. 46TH AVE.)

■ XARUNTA MONTBELLO (5000 CROWN BLVD.)

■ NORTH (2960 SPEER BLVD.)

■ XARUNTA CAMPUS (5290 KITTREDGE ST.)

■ PLACE BRIDGE ACADEMY (7125 CHERRY CREEK DRIVE NORTH)

■ SOUTH (1700 E. LOUISIANA AVE.)

■ THOMAS JEFFERSON (3950 S. HOLLY ST.)

■ WEST CAMPUS (951 ELATI ST.)

Wixii macluumaad dheeri ah, booqo denverhealth.org .

DUGSIGA BARBAARINTA EE KU YAALA DPS Carruurta da'doodu u dhaxayso 3 iyo 4

WEBSEEDKA: earlyeducation.dpsk12.org

TALEEFOONKA: 720-423-2678

Dugsiga barbaarinta caruurta, oo sidoo kale loo yaqaan Waxbarashada Hore ee Carruurnimada ama (ECE), waxay ka caawisaa carruurta yaryar inay kobcan faham ahaan, bulsho ahaan iyo dareen ahaan. Aasaaskan xooggani wuxuu udiyaariyaa iyaga inay galaan sanadha dugsiga hoose si guul leh ayna kuu sii raaxaystaan waxbarashadooda. Barnaamijka Waxbarashada Hore ee DPS wuxuu bixiyaa dugsi xanaano oo tayo leh oo maalin badh ama maalin buuxda ah ee in ka badan 75 dugsiyada DPS . Barnaamijyada Dugsiga xanaanada caruurta ee DPS waxaa loogu talagalay inay u adeegaan dhammaan ardayda, oo ay ku jiraan ardayda naafada ah. Boosaska la heli karo oo xaddidan awgeed, diiwaangelinta lama dammaanad qaadayo.

Colorado Department of Early Childhood (CDEC, Waaxda Waxbarashada Dhalaanka ee Colorado) ayaa balaarinaysa Waxbarashada Dhalaanka oo leh hanaanka cusub ee diiwaan gelineed ee Universal Preschool Colorado, oo sidoo kale loo yaqaan (UPK). Qoysaska DPS waa inay ka codsadaan sanad dugsiyeedka soo socda ayagoo adeegsanaaya hanaanka UPK barta upk.colorado.gov.

KHARASHKA

Dugsiga Barbaarintu waa lacag. Qarashka waxaa lagu go'aamiyaa cabirka khidmadaha ee xajmiga qoyska iyo dakhliga guud, waxayna u dhaxeysaa bilaash ilaa qiimaha degmada.

UPK wuxuu xaqiijinayaa in cunug kasta, sanadka ka horeeya inta uusan u qalmin Dugsiga Xannaanada Carruurtam uu u qalmo dugsiga barbaarinta ikhtiyaariga ah, ee nus maalinka ah, ee uu gobalku qarashkiisa dhiibaayo.

Ardayda ECE ee qaybta ka ah Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah (IEP) ayaa u qalma oo helaayo maalgelin u oggolaanayso in ay dugsiga aadaan ugu yaraan hal gelin maalintii. Haddii ilmahaagu uu qayb ka yahay barnaamijka IEP, waxaad u baahan doontaa inaad soo gudbiso codsiga UPK ka dib markaad buuxiso codsigaga SchoolChoice. La xidhiidh Child Find haddii aad qabto wax su'aalo ah; wixii macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa ess.dpsk12.org/childfind

Ardayda jira 4 sano ayaa sidoo kale u qalmi kara maal gelinta ka timaada Barnaamijka Dugsiga Barbaarinta ee Denver. La xiriir Waaxda Waxbarashada hore oo aad ka helayso earlyeducation@dpsk2.org si aad u hesho xog dheeraad ah.

SIDEEN ISU DIWAANGELIYAA?

Qoysaska codsanaya inay ka diwaan geliyaan ilmahooda barnaamijka ECE-3 ama ECE-4 waxaa lagula talinaya inay soo gudbiyaan codsiga SchoolChoice inta lagu jiro wareegga 1aad ee codsiga. Soo gudbinta codsiga inta lagu jiro Wareega 1aad ee SchoolChoice waxay qoysaska siinaysaa fursad sare oo ku aadan in ilmahooda la geeyo dugsiga barbaarinta ee ay doorbidaan. Wareega 1aad waxa uu furmayaa 10 a.m. Janaayo 15 wuxuuna xidhmayaa 4 p.m. Febraayo 15, 2025. Ka dib Wareega 1aad, DPS waxay la xidhiidhi doontaa qoysaska si ay u ugu wargeliso tillaabooyinka xiga ee buuxinta codsiga taageerada maalgelinta ee UPK.

Ardeyda gaarta da'da 3 jir bisha Oktoobar 1 ama ka hor waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan barnaamijyada dugsiga barbaarinta ee 3 jirada. Ardeyda gaarta da'da 4 jir bisha Oktoobar 1 ama ka hor waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan barnaamijyada dugsiga barbaarinta ee 4 jirada. Eeg bogga 4aad si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

DUGSIGA XANNAANADA EE DPS

Carruurta da'doodu tahay 5 sano jir

WEBSEEDKA: earlyeducation.dpsk12.org

TALEEFOONKA: 720-423-2678. DPS waxay bixisaa barnaamijyo xanaano oo tayo sare leh kuwaas oo kor u qaada horumarinta waxbarashada aasaasiga ah ee ku salaysan guusha tacliinta ee waxbarashada dugsiga hoose. Dugsiga carruurta oo maalntii oo dhan shaqeeya ayaa laga helaa inta badan dugsiyada Hoose ee DPS. Gobalka Colorado ayaa Maalgelinaya dugsiga xannaanada oo maalinti dhan la dhigto si ay u dhigtaan dhammaan ardayda. Sidaas awgeed, waa bilaash in la dhigto barnaamij kasta oo dugsiga xannaanada DPS ah.

SIDEEN ISU DIWAANGELIYAA?

Ardeyda gaarta da'da 3 jir bisha Oktoobar 5 ama ka hor waxay xaq u leeyihiin dugsiga xanaanada oo maalintii oo dhan la dhigto ee DPS. Carruurta bilaabaya fasalada xannaanada ayaa loo balan qaadayaa in laga diiwaan gasho dugsiga xaafadooda. Si aad u hesho dugsiga xaafaddaada, booqo dpsschoolchoice.my.site.com.. Si aad utagto dugsi aan ahayn dugsiga xaafaddaada, waa inaad codsataa adigoo adegsanayo barnaamijka DPS SchoolChoice. Eeg bogga 4aad si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

GAADIIDKA

WEBSEEDKA: transportation.dpsk12.org

TALEEFOONKA: 720-423-4600

IIMAYLKA: transportation@dpsk12.org

Adeegyada Gaadiidka ee DPS ayaa si badqab iyo hufnaan leh u qaada ardayda ayagoo siinaaya adeegga macaamiisha oo heer sare ah kaas oo raacaaya mabaadii'da aasaasiga ah ee degmada ee DPS.

AAGAGA ISDIIWAANGALINTA

Ardayda kunool gudaha aaga isdiiwaangalinta ayaa helaaya gaadiid ugaar ah aagooda.

■ GAWAARIDA SHIRKADA SUCCESS EXPRESS SHUTTLES EE BARTAMAHA IYO WAQOOYI BARIGA FOG: Nidaamka adeegga basaska dugsiga oo si gooni ah u wareegaya dhammaan Waqooyi-Bariga Fog iyo Xaafadaha bartamaha si ay bulsho kasta u siiyaan gaadiidka usocda iyo ka yimaadaan dugsiyada DPS. Ka ogoow wax badan oo ku saabsan Success Express Shuttle oo ka hel jadwal buuxa oo ku saabsan gaadiidka adiga oo booqqanayo transportation.dpsk12.org/ successexpress .

Macluumaadka ku saabsan gaadiidka dugsiga gaarka ah waxay ku yaalaan qaybta macluumaadka dugsiga ee hagaha diiwaangelinta.

HEERKA

■ ARDAYDA DUGSIGA HOOSE (FASALADA K-5) ayaa u qalma gaadiidka basaska caadiga ah ee dugsiga haday dhigtaan dugsiyada xaafadooda udhaw ayna dugsiga ka fogyihiin wax kabadan 1 mayl.

■ ARDAYDA DUGSIGA DHEXE (FASALADA 6-8) ayaa u qalma gaadiidka caadiga ah ee dugsiga haday dhigtaan dugsiyada xaafadooda u dhow ayna dugsiga ka fogyihiin wax kabadan 2.5 mayl.

■ ARDAYDA DUGSIYADA SARE (FASALLADA 9-12) oo ka baxsan Goobaha Bartamaha iyo Fog ee Northeast Success Express Shuttles (Gaadiidka Basaska Yaryar ee Success Express) ee Waqooyi Bari waxay xaq u leeyihiin Gaadiidka Goboleedka Dagmada (RTD) haddii ay tagaan dugsiyaha xaafadooda oo ay ku noolyihiin in ka badan 2.5 mayl ee dugsiga. Ardayda dugsiga sare ee u qalma waxay ka helayaan bil kasta gaadid RTD pass oo ah bilaash ee sanad dugsiyeedka 2025-26. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waddooyinka gaarka ah ee uu maraayo baska RTD, booqo transportation.dpsk12.org

■ AAGA DIIWAAN GELINTA KOONFUR-GALBEED: Nidaamka gaadiidka ee u adeega ardayda ku nool kuna taga dugsiga dhexe ee Aaga isdiwaangelinta Dugsiga Dhexe ee Koonfur-galbeed.

■ AAGA ISDIWAANGELINTA GALBEED: Nidaamka gaadiidka ee u adeega ardayda ku nool kuna taga dugsiga dhexe ee Aaga isdiwaangelinta Dugsiga Dhexe ee Koonfur.

■ AAGA ISDEWAANGELINTA KOONFUR GALBEED EE FOG: Nidaamka basaska ee u adeega ardayda ku jira koonfur-barida fog ee Aaga Isdiwaangelinta Dugsiyada Hoose.

■ AAGA ISDIIWAANGELINTA DUGSIGA DHEEXE EE HILL/CENTRAL PARK: Nidaamka gaadiidka ee u adeega ardayda dugsiga dhexe ee xaafada Park Hill/Central Park.

Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo transportation. dpsk12.org/enrollmentzone

DUGSIYADDA WAXBARASHADA

GAARKA AH EE MAGNET

Gadiid ayaa diyaar u ah dhamaan ardayda ka diiwaangashan barnaamijka magnetka sida ardayda Hibada iyo Kartida Sare Leh kuwaasoo buuxshay shuruuda uqalmida gadiidka, kuna nool aaga gaadiidka magnetku kashaqeeyo.

MACLUUMAAD DHEERAAD AH

WAXBARASHO GAAR AH

Barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee DPS waxaa lagu baxshaa qaab ku salaysan baahiyaha gaarka ah ee arday kasta. Adeega gaadiidka ayaa lasiiyaa asagoo ah mid la xariira adeegga ardayda dhigata barnaamijka xarumaha lagu baxsho. Wixii macluumaad ah oo ku saabsan gaadiidka ilmaha leh baahiyaha gaarka ah, wac 720-423-2400 ama iimayl u dir ess@dpsk12.org

WAXBARASHADA

LUUQADAHA BADAN

Haddii dugsiyada lagu meeleeyey ardayda oo u dhow xaafadooda aysan bixinayn adeegyada Waxbarashada Luuqadaha Badan (MLE), ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay tagaan - oo ay helaan gaadiid ay ku tagaan - dugsiga ku yaala xaafadda ay joogaan kaas oo bixiya adeegyada MLE. Si aad u hesho goobaha ay ku yaaliin dugsiga MLE iyo tilmaamaha gaadiidka, booqo mle.dpsk12.org.

NIDAAMKA CODSASHADA KA-DHAAFITAANKA

Qoysaska ardayda aan u qalmin gaadiidka ama kuwa "doortay" dugsiyada xaafadooda waxay soo gudbin karaan codsi shardi ka dhaafitaan ah oo lagu tixgelinayo gaadiidka. Codsigan waxaa lagu soo gudbiyaa internetka iyadoo la isticmaalayo bogga Parent Portal; booqo myportal.dpsk12.org oo gal bogga "Transportation (Gadiidka)". Booqo transportation.dpsk12.org/exceptionrequest si aad u hesho macluumaadka ku saabsan habka codsiga shuruudaha ka dhaafitaanka.

WARGELINNADA BASKA

Qoysaska ardaydooda raaca baska dugsiga ayaa heli doona macluumaad iyo faahfaahin xiliga dhabta ah kuwaas oo la xariira adeegga baska ee ilmahooda waxayna ka heli doonaan qalabka Thrillshare Alerts. Ogaysiinada qoraalka iyo codka ah ayaa loodirayaa qoysaska marka basasku soodaahan wax kabadan 10 daqiiqo sababo la xariira cariiri wado ama taraafikada, xaalad degdeg ah ama dib udhac ay hawadu sababtay. Waalidiinta ardayda u-qalma gaadiidka si otomaatig ah ayaa loogu diwaangeliyaa si ay u helaan ogeysiisyada Thrillshare Alerts iyadoo lagu salaynayo lambarka taleefanka iyo cinwaanka iimaylka ee ay bixiyeen markii ay ardaygooda ka diiwaan-gelinayeen dugsiga.

Fiiro gaar ah: Waxaad xaqiijin kartaa aadna wax ka badali kartaa macluumaadka xidhiidhka adigoo galaaya Barta Waalidka.

DABOOLIDA BAAHIDA ARDAYGAADA

ADEEGYADA HIBADA IYO XIRAFDDA (GIFTED AND TALENTED SERVICE)

WEBSEEDKA: gt.dpsk12.org

TALEEFOONKA: 720-423-2056

MAXAY YIHIIN ADEEGYADA HIBADA IYO XIRAFDDA

Dhammaan dugsiyada DPS waxay mas'uul ka yihiin buuxinta baahiyaha ardayda leh hibada iyo kartida (HGT) ee la aqoonsaday, iyo kuwa hibada iyo kartida leh (GT), sidoo kale ardayda ku jirta kooxaha leh hibado gaar ah. Dugsiyada K-8 waxaa lagu taageera macallimiinta GT, dugsiyada jaatarka waxaa lagu taageeraa meel lagala xiriiro oo loo qoondeeyay, halka dugsiyada sare lagu taageero macallimiinta GT iyo/ama koox joogta dugsiyada iyo shaqaalaha maamulka dhexe.

Adeegyada GT ee ka jira dugsiyada DPS waxay isugu jiraan in macalinka loogu talagalay ardayda hibada leh lagala kaashado fasalka caadiga ah, barnaamijyada la siiyo ardayda hibada leh ee ka baxsan fasalada caadiga ah, isku keenista kooxayo arday ah oo kala duwan, kooxaynta ardayda isku kartida ah, isku keenista manhajka, dardargelinta waxyaabaha la barto, fursadaha kobcinta; iyo/ama adeegyada magnetka (loogu talagalay ardayda loo qoondeeyay HGT ama u qalma barnaamijka magnetka). Adeegyadu way ku kala duwan yihiin dugsiyada waxaadna wax badan ka ogaan kartaa adeegyada gaarka ah ee dugsiga adiga oo qorshaha barnaamijka GT ka eegaya gt.dpsk12.org

Macallinka waxbarashada ardayda hibada leh wuxuu la shaqeeynayaa macallimiinta fasalka si ay u kala saaraan wax-barida una siiyo hababka ugu wanaagsan ee wax loo baro ardayda leh Qorshaha Waxbarashada Hormarsan(ALP). Adeegyada iyo fursadaha dheeraadka ah ayaa laga yaabaa inay diiradda saaraan horumarinta hibada ee ardayda aan si rasmi ah loo aqoonsan laakiin muujinaya inay baahi ka qabaan meelaha qaarkood ee ka kamid ah dhanka tacliinta ama kartida. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada ardayda hibada iyo kartida leh fadlan kala xiriir macalinka GT ama Goobta Xiriirka ee dugsigaaga ama websaydka ka qorshayaasha barnaamijka GT-ka

U QALMITAANKA ADEEGYADA

Waxaa jira siyaabo badan oo ardaydu ay ugu qalmi karaan adeegyada GT. Dhammaan ardayda dhigata fasallada xanaanada carruurta, fasalada labaad iyo lixaad waxay ka qaybqaataan qiimaynada caalamiga ah ee aqoonsiga GT ee suurtagalka ah. Ardayda ku jira fasalada kale waxay soo gudbin karaa codsiga qiimaynta kuwaas oo la heli karo xilliyada deyrta ama gu'ga midkood. Macluumaadka codsiyada iyo wakhtiga kama dambaysta ah ee la soo gudbinayo waxaa laga heli karaa websaydka GT.

BARNAAMIJKA ARDAYDA HIBADA IYO KARTIDA SARE LEH (HGT)

Barnaamijka magnet-ka ee ardayda hibada iyo kartida Sare Leh ayaa siiya dookha waxbarashada ardayda in ay ku jiraan fasalka koobaad ilaa sideedaad kuwaasoo loo sameeyay kuwo u qalma waxbarashada magnet-ka (ME) ama loo aqoonsada kuwo leh Hibo iyo Karti Sare (HGT). Ikhtiyaarkan waxbarasho waxa loo bixiyaa si wax looga qabto baahiyaha aadka u daran ee ardayda laga yaabo inay muujiyaan karti garaad oo gaar ah iyo sidoo kale baahiyo bulsho iyo shucuureed oo gaar ah.

Haddii mar ilmaha loo aqoonsado inuu yahay mid u qalma barnaamijka magnetka ama HGT, qoysasku waxay barnaamijka HGT ku dari karaan dugsiyada Hoose ee Cory, Edison, Gust, Lena Archuleta, Polaris iyo/ama Teller iyo Dugsiga Dhexe ee Morey (Morey Middle School) xilliga codsiga xulashada barnaamijka SchoolChoice.

Wixii su'aalo ah oo ku saabsan u aqoonsashada GT ama ikhtiyaarada HGT, fadlan booqo gt.dpsk12.org ama la xiriir macalinkaaga GT-da ee hadda, ama Waaxda Ardayda Hibada iyo Kartida Leh.

WAXBARASHADA LUUQADAHA BADAN (MLE)

WEBSAYDKA: mle.dpsk12.org

TALEEFOONKA: 720-423-2040

WAA MAXAY ADEEGYADA MLE?

Luuqada arday kasta uu kuhadlo waa raasumaal waayo, marka lagu daro aqoontiisa xirfadaha dhanka luuqada Ingiriiska, waxayna gacan ka gaysanayna in uu guul ka gaaro waxbarashada dugsiga iyo noloshaba. Barnaamijyada Waxbarashada Luuqadaha Badan ah (MLE) waxa ay ka kooban yihiin waxbarid oo ay bixinayaan macalimiin aqoon leh iyo taageero loogu talagalay horumarinta Luqadda Ingiriisiga si looga caawiyo Ardayda Ku Hadashada Luuqadaha Badan (MLLs) inay helaan aqoonta qaybaha kala duwan ee waxa la barayo iyagoo isla markaana baranayaan luuqada Ingiriisiga.

YAA U QALMA?

Dhamaan ardayda luuqadooda hooyo aysan Ingiriiska ahayn, aana wali sifiican ubaran luuqada Ingiriiska, waxay xaq uleeyihiin adeegyada barnaamijka MLE. Xiliga diiwaangalinta, waalidiinta dhamaan ardayda cusub ayaa buuxsha foom looyaqaano Foomka Su'aal waydiinta laxariirta Luuqada Gurigga (HLQ), kaasoo lagu aqoonsanaayo luuqadaha ay ardayga iyo qoyskooda ku hadlaan. Hadii luuqad aan Ingiriisi ahayn lagu qoro foomka HLQ, waalidiinta ayaa dooranaaya barnaamijka MLE oo cunugooda la siinaayo. Dugsiga ayaa qiimeeya heerka aqooneed ee luuqada Ingiriiska cunuga ka dibna qiimaynaada dadaalka ardayga si loo goaansho haddii cunugu u qalmo in uu helo adeegyada barnaamijka MLE.

BARNAAMIJYADA

MLE EE LAGA BAXSHO DUGSIYADA DPS:

■ BARNAAMIJYADA KU-MEEL-GAARKA AH LABA-LUQADLAHA AH EE WAX-KUBARIDDA LUUQADDA HOOYO (TNLI) oo sidoo kale loo yaqaan barnaamijyada laba-luqadlaha ah, ayaa loogu talagalay MLL-yada (ardayda ku hadla luuqadaha badan) oo luuqadooda koowaad uu yahay luuqadda Isbaanishka. Barnaamijyada TNLI ee dugsiga hoose, ardayda waxaa ugu horayn fasallada wax lagu baraa luuqadda Isbaanishka. Inta ardayda ay ku sii jiraan barnaamijka, tirada casharada lagu bixiyo luuqadda Ingiriisigu si tartiib ah ayay u kordhaysaa ilaa laga gaaro dheelitir 50-50 oo wax ku barashada Isbaanishka iyo Ingiriiska ah ugu dambayn marka la gaaro fasalka afaraad. Barnaamijyadeenna TNLI ee dugsiga sare, ardaydu waxay ilaa laba ka mid ah koorsooyinkooda ku qaataan luuqadda Isbaanishka semistar kasta.

Hadafka barnaamijyada laba-luqadlaha ah waa in laga caawiyo ardayda inay bartaan luuqadaa Ingiriisiga iyaga oo isla markaana soo kobcinaya xirfadahood akhris-qoraalka iyo waxyaabaha kale ee lagu baro luuqada Isbaanishka, taasoo u horseedaysa inay aqoon fiican ka helaan labada luqadood. Macallimiinta barnaamijyada laba-luqadlaha ah ayaa si gaar ah loogu tababaray inay ardayda ka caawiyaan inay bartaan luuqada Ingiriisiga inta ay baranayaan maaddooyinka kale, waxayna aad u yaqaaniin luuqada Isbaanishka. Dugsiyada Waxbarashada ay ku baxdo TNLI waxaa haga Tilmaamaha Qoondaynta Luqadda oo ku salaysan cilmibaaris, kuwaas oo go'aaminaya boqolleyda inta waqti ee loo qoondeynayo barashada luqad kasta. Si aad u hesho xog ku saabsan dugsiyada baxsha casharada labada luuqadood laga bilaabo ECE ilaa fasalka 12aad ee gobal kasta, booqo mle.dpsk12.org/tnli

■ BARNAAMIJKA LABADA LUUQADOOD, waa barnaamij muddo dheer soconaaya kaasoo casharada ku bixinaaya labo luuqadood yoolkiisuna yahay hormarinta labada luuqadood, cilmiga labada luuqadood lagu barto, iyo dhirigalinta dhaqanka. Barnaamij kasta oo laba luuqadood oo degmadu maamusho waxaa ku jira ugu yaraan 50% casharo ku baxa Isbaanish heerka dugsi hoose, fanka luuqada Isbaanishka iyo hal maado oo lagubaro Isbaanish heerka dugsiga Sare. Ayadoon laga fiirinayn barnaamijka, dhamaan ardayda luuqada Ingiriisiga barata waxay helayaan casharo maalinkasta oo ku wajahan Hormarinta Luuqada Ingiriisiga (ELD), kuwaasoo ardayda siiya agabyada aasaasiga u ah ku hadalka iyo qorista luuqada Ingiriisiga.

■ WAXBARASHADA AH LUUQADDA INGIRIISIGA OO LOO BARTO SIDA LUUQAD LABAAD AHAAN (ESL, SIDOO KALE LOO YAQAAN ELA-E) waxaa loogu talagalay MLL-yada ku hadla luqad kasta. Barnaamijyada ELA-E, casharka waxaa lagu baxshaa luuqada Ingiriisiga, ayadoo lala baraayo ardayda facood ah ee luuqadda Ingiriisiga ku dhashay, ayadoo la siinaayo taageerada luuqada hooyo marka loo baahdo. Macalimiinta dhiga barnaamijkaan si gaar ah ayaa loogu tababaray si ay ardayda uga caawiyaan inay bartaan Ingiriisiga intay baranayaan maadooyinka kale sida akhriska, sayniska iyo xisaabta. Dugsiyadu waxay sidoo kale taageero dheeraad ah ku bixin karaan luuqadaha guriga looga hadlo iyaga ardayda u qoondeynaya macalin ku hadla luqadooda hooyo ama macalinka Illaha ELA-S.

■ BARNAAMIJKA DPS EE SEAL OF BILITERACY(ABAAL-MARINTA AQOONTA LABADA LUUQADOOD) ayaa la siiyaa ardayda sida faseexa ah ugu hadla labo luuqadood ama wax ka badan marka ay ka qalin jebiyaan dugsiga sare. Abaalmarinta waxaa lagu muujiyaa qoraalka iyo diblomada qalin jebinta ee ardayga dugsiga sare ka qalin -jabinaya waana bayaan tilmaamaya guulgaaris loogu faani karo shaqo-bixyeyaasha mustaqbalka iyo oggolaanshooyinka kulliyadda. Wixii macluumaad dheeri ah, booqo mle. dpsk12.org/sealofbiliteracy.

XARUMAHA ARDAYDA DHAWAAN YIMID waxaa loogu tala galay ardayda ku cusub Maraykanka, waxbarashadoodu kala go'day, ku jira heerarka ACCESS ee 1.0-2.4 una baahan taagero dheeri ah in laga siiyo la qabsiga nidaam waxbarasho oo cusub. Xarumaha ardayda cusub waxay ku yaalaan Dugsiga Hoose ee Montclair (K-1-5), Dugsiga Hoose ee Newlon (1-5), Place Bridge Academy (1-8), Dugsiga Dhexe ee Merrill, Dugsiga Dhexe ee Montbello, Dugsiga Sare ee Montbello, Dugsiga Sare ee Abraham Lincoln iyo Dugsiga Sare ee South.

La xariir dugsigaaga si aad wax badan uga ogaato adeegyada MLE. Liiska barnaamijyada MLE ee uu dugsigu bixiyo ayaa sidoo kale laga heli karaa mle.dpsk12.org. Wac 720-423-2040 si aad u hesho xog dheeri ah.

ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH

WEBSAYDKA: ess.dpsk12.org

TALEEFOONKA: 720-423-2400

IIMAYLKA: ess@dpsk12.org

WAA MAXAY ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH?

Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah waxaa loogu talagalay ardayda u qalma wax-baridda sida gaarka ah loo habeeyay taasi oo ay sabab u tahay naafanimada waxbarasho ee lagu qeexay Sharciga Waxbarashada Shakhsiyaadka Naafada ah (IDEA). Haddii arday uu u qalmo, Barnaamijka Waxbararashada Gaarka ah (IEP) ayaa loo aburaa si loo siiyo casharo gaar loogu sameeyay ardayga. Ardaydu waxaa ay sidoo kale u qalmi karaa oo taageero adeegyada la xidhiidho oo ay heli karaan adeeg bixiyayaasha sida kalkaaliyayaasha, dhakhtarada cilmu-nafsiga ee dugsiga, shaqaalaha bulshada, dhakhaatiirta luqadda iyo hadalka, dhakhaatiirta maqalka, turjubaannada luqadda dhegoolaha, mutacalimiin xagga farta indhoolayaasha ku takhasuusey, dhakhaatiir ku takhasuustay jihaynta iyo dhaqdhaqaaqa, macallimiinta dhegoolayaasha iyo dadka maqalka adag, macallimiinta indhoolayaasha ama dadka aragga naafada ka ah, macalimiinta waxbarashada hore ee caruurnimada, dhakhtaatiirka shaqada iyo dhakhtaatiirka baxnaanada jirka.

YAA U QALMA?

Arday kasta oo u qalma sida ku cad IDEA ayaa u qalma inuu helo adeegyada Waxbarashada gaarka ah oo lagu baxsho midkood ama ka badan Qaybaha Naafada ee lagu aqoonsaday qaybta IDEA. Waalidiinta/masuuliyiinta ayaa door ku leh hanaanka waxbarashada iyo u qalmida, iyo sidoo kale abuurista Qorshaha Waxbarashada Gaarka ah (IEP).

Erayga "ilmo naafo ah" waxaa laga wadaa:

Ilmo lagu qiimeeyay sharciga IDEA oo la cadeeyay inuu qabo naafooyinka garaadka, naafada maqalka oo ay ku jiraan maqal la'aan, naafada hadalka, naafada aragga ayna ku jirto indho la'aanta, dhibaatada daran ee shucuurta (oo lagu qeexo gudaha IDEA sida xanuunka shucuurta), naafada lafaha, autismka, dhaawaca maskaxda, naafo kale oo dhanka caafimaadka ah, naafada gaarka ah ee waxbarashada, indho iyo dhago la'aan, ama naafooyin badan, kuwaasoo, sabab la cadeeyay awgeed, u baahan waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira.

HALKEE AYAA LAGA HELAA ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH?

Waa mas'uuliyaddayada iyo waajibaakayaga in aanu siino ardayda u qalma waxbarashada gaarka ah inay helaan Waxbarasho Dadweyne oo Bilaash ah oo Ku Haboon Deegaankooda Gaarka oo Xaddiaada u leh iyaga. Dhammaan dugsiyada DPS, oo ay ka mid yihiin dugsiyada sida gaarka ah u shaqeeya, waxay bixiyaan adeegyo joogto ah si ay u daboolaan baahiyaha gaarka ah ee ardayda naafada ah. Dhammaan dugsiyadu waxay awoodaan inay bixiyaan barnaamijka ardayda leh baahiyo gaar oo illaa heer dhexaad ah.

Ardayda qaarkood waxay u baahan yihiin barnaamijyo gaar ah oo heerkoodu aad u sareeyo si loo daboolo baahiyahooda waxbarasho ee gaarka ah. Barnaamijyadayada waxbarashada gaarka ah ee gudaha DPS waa fasallo gaar ah oo u adeega ardayda laga bilaabo Waxbarashada Hore ee Carruurnimada (ECE) illaa barnaamijka da'da qaangaarka waxayna ku yaalaan xaafadayada, dugsiyada gaarka ah u shaqeeya iyo kuwa halabuurka ee degmada oo dhan. Xaruumaha Barnaamijyada ardayda baahiyaha gaarka ah qabaan waxaa si istaraatiiji ah ugu yaalliin guud ahaan gobollada degmada iyo magaalada si ay u helaan agabyada iyo illaha loo baahan yahay si loogu adeego ardayda baahiyaha gaarka ah qabaan iyadoo la siinayo adeegyada sida ugu dhow ee suurtogalka ah ee guriga arday kasta. Barnaamijyadan waxaa loogu talagalay oo loo qaabeeyay inay bixiyaan taageero heer sare ah oo salka ku hayso baahida gaarka ah iyo kuwa shakhsi ahaaneed ee ardaydeena. Guud ahaan, xaruumaha barnaamijyadayada ardayda baahiyaha gaarka ah qabaan waxay diiradda saaraan baahiyaha ardayda meelaha ay ka mid yihiin, laakiin aan ku xaddidnayn sida meelaha dhanka: tacliinta, hab dhaqanka, isgaarsiinta, bulshada/shucuurta, la qabsiga, shaqeynta, jirka iyo/ama madax banaanida.

SIDEEN KU HELI KARAA ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH?

Marka ardaygu u qalmo adeegyada waxbarashada gaarka ah, barnaamijka IEP-da ayaa eegayso adeegyada uu ardaygu u baahan yahay. Marka ardaygaaga la geeyo dugsi, fadlan si toos ah u la shaqee maamulka dugsiga si loo xaqiijiyo in adeegyada IEP-da isla markaba loo bilaabi karo.

CLEARCREEK

2 3 4 5 6 7 8

CHERRYCREEKSOUTH

Middle School

If your home is enrolled in the Denver Water Lead Reduction Program, be sure to use the water pitcher and filter provided for drinking, cooking and preparing infant formula. Boiling water does not remove lead, so filter first and cook with love. Learn more about the Lead Reduction Program at DenverWater.org/Lead.

Choose the speed that’s right for you.

Internet Essentials from Xfinity offers qualifying households high-speed home internet for a low monthly price. You can get fast, reliable speeds up to 50 Mbps with Internet Essentials or up to 100 Mbps with Internet Essentials Plus with no credit check, no term contract, and no cancellation fees.

Apply today if you participate in programs like SNAP/EBT, Medicaid, or the National School Lunch Program. For more eligibility information, visit xfinity.com/getIE.

Getting started is easy, with equipment included at no additional cost.

Internet Essentials: $9 95 Per Month

• Download speeds up to 50 Mbps

• Good for up to 4 devices at a time

Internet Essentials Plus: $29 95 Per Month

• Download speeds up to 100 Mbps

• Good for up to 5 devices at a time

Apply now Go to xfinity.com/getIE Call 1-844-963-0231

Visit an Xfinity store Scan the code with your phone’s camera Standard data charges apply.

Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.