2024-25 Enrollment Information Packet - Somali

Page 1

2024-25

MACLUUMAADKA

DIIWAANGELINTA



DOORASHADA

NOOCYADA DUGSIYADA

DUGSI KU YAAL DPS

DUGSIYADA AY MAAMULAAN DEGMADA

Denver Public Schools waxay ku faanaan

Qaar kamid ah dugsiyada ay degmadu maamusho ayaa ah Dugsiyada Hal abuurka, kuwaasoo la siiyey aqoonsiga Guddiga Waxbarashada ee DPS iyo Waaxda Waxbarashada ee Colorado, ayagoo baxsha dabacsanaan dheeri ah oo leh barnaamijyo waxbarasho, shaqaale, jadwal iyo miisaaniyad si loo buuxsho baahiyaha ardayda.

Dugsiyada ay degmadu maamusho waxaa sidoo kale ku jira Dugsiyada Magnetka (Magnet Schools) qaarkood ama barnaamijyada, waxayna xooga saaraan qaabka gaarka ah ee barashada ama baahida waxbarasho, ama u adeegaan ardayda leh dano isku mid ah, waxayna u fidin karaan gaadiid ardayda ku nool meel ka baxsan dugsiga xaafada. Tusaalayaasha waxaa ku jira Diirada Farshaxanka, Montessori, Ardayda Hibada iyo Fahmada Sare leh, iyo Dugsiyada Labada Luuqadood ama barnaamijyada.

Waxaa ka hawlgala, kormeera oo taageera DPS iyo Guddigeeda Waxbarashada.

xulashooyinka dugsiga ee ay heli karaan qoysaskeena. Waxaan run ahaantii rumaysan nahay in ay jiraan dugsiyo ku haboon arday walba. Hoos waxaa ku qoran waxyaabaha laga fikiro marka aad bilaabeyso raadinta dugsigaaga. MARK A HORE, U FIIRSO DUGSIGA XAFADAADA. Dhamaan ardayda dhigata

fasalada xanaanada ilaa fasalka 12aad ayaa loo balan qaadayaa xaafadooda– ama xadka– dugsi. Waxaad go'aansan kartaa dugsiga xaafadaada adoo ku qoraaya ciwaanka gurigaaga barta schoolfinder.dpsk12.org. HADDII AAD XIISAYNAYSO DHIGASHADA DUGSI AAN AHAYN DUGSIGA AAD HADDA DHIGATO, WAXAA JIRA QAABAB K ALADUWAN OO AAD KU BAARI K ARTO DOOKHYADAADA: ■

Hagahan isdiiwaangelinta wuxuu ka kooban yahay macluumaad ku saabsan dugsi hoose kasta oo ku yaal DPS, oo ay ku jiraan barnaamijyada, macluumaadka xiriirka iyo wixii intaa ka badan. Si lagaaga caawiyo qaabaynta baaristaada, dugsiyadu waxay u qaybsan yihiin shan qeybood ee magaalada.

Booqo schoolfinder.dpsk12.org. Waxaad dugsiyada ku raadin kartaa cinwaan, barnaamijyo ama liiska xarfaha.

Lahadal dugsiyada aad xiisaynayso. Ma jiraan wax bedel u ah in si toos ah hoggaamiyeyaasha dugsiga loogala hadlo barnaamijyadooda iyo dhaqankooda. La xiriir dugsiyada shakhsi ahaaneed si aad uga hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

Marka aad abuurto liiska dugsiyada aad doorbideyso sanad dugsiyeedka 2024-25, waxaad diyaar u tahay inaad ka qaybgasho SchoolChoice, hanaankeena halka wakhti ku eg, ee leh halka codsi ee diiwaan gelinta. Mudada Codsiga Wareegga 1 ee SchoolChoice waa Janaayo 11 ilaa Febraayo 12, 2024. Ka fiiri bogga 4 xog

dheeraad ah.

DUGSIYADA KALE Dugsiyada dadweynaha ee madaxbannaan waxaa maamula guddi maamulayaal oo madax-bannaan. ■

Dhamaan dugsiyada kale waxaa la xisaabtama Guddiga Waxbarashada ee DPS iyo heerarka waxqabadka tacliinta ee iskuulada degmadu maamusho.

Dugsiyada kale waxay leeyihiin dabacsanaan si ay u dejiyaan barnaamijyadooda waxbarasho iyo siyaasadaha ku saleysan dugsiga.

Dhammaan dugsiyada kale ayaa ka go'an inay si caddaalad ah ugu adeegaan dhammaan ardayda degmada gudaheeda. Qaar kamid ah dugsiyada charter ka ah ayaa muhiimada siiya ardayda ku nool gudaha aagaga loo asteeyay.

DUGSIYADA PATHWAYS ■

DUGSIYADA PATHWAYS waxay noqon karaan kuway wadaan degmada ama kuwa kale. Dugsiyada Pathways ka ah waxay baxshaan waxbarasho adag iyo taagerooyin waxtar leh kuwaasoo ardayda gaarsiiya diploma kuna xira fursadaha dugsiga sare kadib. Inta badan dugsiyada Pathways ka ah waxay baxshaan fursad lagu helaayo buundooyin dheeraad ah sanad kasta kuwaasoo ka badan kuwa dhaqanka ah.


DIIWAANGELINTA IYO SCHOOLCHOICE WEBSEEDK A schoolchoice.dpsk12.org TALEEFANK A: 720-423-3493

Colorado waa gobal diiwaan gelintiisu furan tahay, DPS na waxay ka shaqeysaa inay ka dhigto hawsha codsashada iyo diiwaan gelinta dugsiyada mid fudud inta suuragalka ah. Haddii ardaygaagu dhigto dugsi deegaankiisa ah ama uu doorto dugsi kale oo ku yaala Denver, DPS ayaa aaminsan in dhammaan ardayda ay tahay inay helaan gelitaanka loo siman yahay ee dugsiyada la doorbidaayo. Arday kasta oo katirsan DPS waxaa loo damaanad qaadayaa diiwaangalin laga siiyo dugsi xaafadooda kuyaala, ama dugsi kuyaala aagooda isdiiwaangalinta. Hase yeeshee, arday kasta oo doonaaya ama ubaahan inuu kubiiro dugsi cusub sanadka soosocda wuxuu kaqaybgali karaa barnaamijka dookha dugsiga ee SchoolChoice, hanaankeena halka wakhti loo cayimay, ee halka codsi ee diiwaan gelinta furan. Diiwaangalinta ardayda barnaamijka dugsiga barbaarinta ee DPS lama damaanad qaadi karo; qoysaska ardayda dugsiga barbaarintu waa inay si sanadle ah u codsadaan.

SIDA LOOGA QAYB QAATO

KA RAADI xog ku

saabsan dookhyada dugsiga ee ardaygaaga

schoolfinder.dpsk12.org. ■

Akhri hagaha diiwangelinta.

La hadal dugsiyada gaarka ah.

HEL DUGSI KUYAALA XAAFADAADA Hadaad tahay muwaadin reer Denver ah, aadanna dooran iskuul ka baxsan xuduuda xaafadaada aadna doonayso inaad cunugaaga sanad dugsiyeedka hadda diiwaangaliso, waxaad si toos ah iskadiiwaangalin kartaa dugsiga xaafadaada ee aagaaga ushaqeeya. Waxaad booqan kartaa schoolfinder.dpsk12.org si u go'aansato dugsiga xaafadaada. Si cunugaaga looga diiwaangaliyo, si toos ah ula xariir xafiiska dugsigaaga si laguugu sheego taariikhaha isdiiwaangalinta iyo dukumiintiyada lagaa rabo.

Adeegso aalada oonleenka ah ee moobilka lagu isticmaalo ee School Finder ood ka helayso

CODSO adoo oonleenka ku gudbinaaya codsigaaga SchoolChoice ■

Ciwaan ka furo ama gal adoo adeegsanaaya ciwaanka iyo baasweerkaaga Barta Waalidka dpsschoolchoice.my.site.com.

Qaybo kamid ah Denver waxaa loogu adeeggaa aaga diiwaanglinta, ama aag deegaan halkaasoo ardaydu damaanad uhaystaan inay boos kahelaan mid kamid ah dugsiyo kaladuwan, aana kuxirnayn kaliya hal dugsi oo gaar ah. Hadaad dhawaan soo guurtay aadna dagan tahay gudaha Denver, aadna hadda kunooshahay aaga diiwaangalinta ama aad doonayso inaad dhigato dugsi aan ka ahayn kuwa xaafadaada sanad dugsiyeedka hadda socda, fadlan buuxi codsiga adoo ciwaan kafuranaaya kadibna galaaya barta dpsschoolchoice.my.site.com .

Gal oo soo qor liistadaada doorashada dugsi marka codsiga la furayo Janaayo 11-Febraayo 12, 2024.

Gudbi codsigaaga xili kasta inta u dhexaysa 10 a.m. Janaayo 11 iyo 4 p.m. markay tahay Febraayo 12.

SCHOOLCHOICE Hadaad doonayso inaad ardaygaaga kaqorto dugsi DPS kamid ah oon ahayn kan xaafadaada kuyaala (ama dugsiga uu ardaygu hadda dhigto) sanadka soo socda, waxaad kaqaybgali kartaa barnaamijka SchoolChoice. Inta lagu jiro SchoolChoice, qoysaska ayaa gudbinaaya hal codsi ardaygiiba, kaasoo ay kutaxayaan dugsiyada ay doortaan. DPS ayaa intaas kadib ardayda kuqorta dugsiyada ayadoo raacaysa dookhyadaas, iyo sidoo kale muhiimadaha diiwaangalinta ardayda e dugsiga iyo boosaska banaan. Nidaamkeena waxaa loogu talagalay kordhinta cadada ardayda helaaya dugsiyada ay doorteen. SchoolChoice Wareega 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2024-25 waxa uu furmi doona 10 subaxnimo Janaayo 11 waxana uu xirmi doona 4 galabnimo Febraayo 12, 2024. Waxaad furan kartaa ciwaan waxaadna ka codsan kartaa dugsiga aad doorbideyso barta dpsschoolchoice.my.site.com marka aad doonto inta lagu jiro mudada codsiga.

4

ISKA DIIWAAN GELI si aad uga

qaybgasho dugsigaaga

Hel natiijooyinka meeleynta dugsigaaga dhammaadkii Maarso 2024.

La xiriir dugsiga si aad iskaga diiwaan geliso sanad dugsiyeedka 2024-25.


TAARIIKHAHA MUHIIMKA AH EE SCHOOLCHOICE JA N A AYO 11, 202 4

Wareegga 1aad ee Codsiga SchoolChoice ayaa furmaya 10 a.m.

FEEBAR A AYO 12, 2024 Codsiyada SchoolChoice ayaa ku eg 4 p.m.

DH A MM A A DK A M A A R S O, 202 4

Qoysaska ayaa loo sheegayaa meelaynta dugsiga.

A BR IIL 10, 202 4

Wareegga 2 ee SchoolChoice waxa uu furmayaa 10 a.m.

AGOO S T O 31, 202 4

Wareegga 2 ee SchoolChoice ayaa xirmaaya marka la gaaro 4 p.m.


BARNAAMIJYADA DUGSIGA BOOD SIIN TA L OO C USK A DO GO'A A NK A GA A R K A A H ( AV ID) waa barnaamijka diyaar garoowga kuleejka ee K-12 kaasoo leh wada shaqeyn, adag oo diirada saaraaya ardayda asagoo ardayda baraaya inay u fakaraan si hufan, ay wada shaqeeyaan ayna degsadaan himilooyinkooda gaarka ah ee mustaqbalka. Iyada oo ah istaraatijiyad muhiim ah oo ku saabsan xiritaanka fursada, ardayda AVID waxaa lagu xisaabinayaa heerarka ugu sareeya ee tacliinta iyo taageerada bulshada si ay u gaaraan kartidooda buuxda. AVID waxay ardayda u diyaarisaa guusha jaamacada kadib iyaga oo ku qalabaynaya xirfado muhiim ah, hababka tacliinta iyo aqoonta kuleejka ah si ay u dareemaan awood ay ku qaataan lahaanshaha waxbarashadooda. AVID ayaa lagu baahinayaa heerka dugsi hoose iyo dugsi dhexe iyo fasal dheeri ah oo lagu daraayo heerka dugsiga sare.

MEEL AY N TA S A R E ( A DVA NCED PL ACEMEN T ) ( A P) fasalada waxay caawiyaan ardayda dugsiga sare inay u diyaargaroobaan kuleejka iyagoo leh khibrad adag oo kuleejka oo kala ah. AP waa manhaj uu abuuray Guddiga Kuleejka oo bixiya koorsooyin loo diyaariyey oo guud ahaan loo aqoonsan yahay inay u dhigmaan koorsooyinka jaamacadeedka ee kuleejka. Ardayda hela dhibcaha imtixaanka uqalmida qaran ee AP ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay helaa kiridhitka iyo meeleyn heer sare ah iyagoo ka qaybgalaya kuleejooyinka iyo jaamacadaha, badbaadinaya lacag iyo wakhtiyo labaduba inta lagu jiro sanad kuleejeedkooda. Casharada AP ayaa laga heli karaa dhammaan fasallada dugsiga sare, 9-12. Ardayda ayaa heli doonaa buundada la miisaamay ee GPA ga oo leh buundada baasida ee fasalka.

TA B A B A R K A S A R A A K II SH A YA RYA R EE K AY DK A A H ( A R M Y JUNIOR R E SERV E OFFICER S’ T R A INING C OR P S) (JRO T C) waa

barnaamij cajiib ah oo la siiyo ardayda dugsiga sare kaasoo ardayda bara shaqsiyada wanaagsan, guusha ardayda, caafimaadka iyo badqabka, hogaaminta iyo kala duwanaanta. Marka laga reebo inuu hormarinaayo muwaadinimada, JROTC wuxuu sidoo kale u diyaarshaa ardayda dookhyada dugsiga sare kadib ayna ku jiraan kuleejka iyo shaqada. Ayadoo la adeegsanaayo barnaamijyada gaardiga iyo tartanka kooxaha, ardaydu waxay baranayaan xirfadaha shaqada oo muhiim ah sida hogaaminta, wada shaqaynta, maaraynta waqtiga, edbinta naftooda iyo wada xariirka. JROTC ayaa lagu baxshaa 11 kamid ah dugsiyada sare ee DPS; ardayda ayaa iska diiwaan gelin kara barnaamijka ugu dhow haddii dugsigooda sare uusan bixin adeegga. JROTC ayaa ku dara buundada waxbarashada jirka shuruudaha qalin jebinta.

B A R N A A MI J YA DA FA R SH A X A NK A EE K A JIR A DUG SI YA DA DP S waxay ka kooban yihiin fanka waxbarashada (farshaxanka muuqaalka ah, masraxa, qoob ka ciyaarka, muusiga) sahminta iyo fursadaha hawlgelinta ardayda, is-muujinta shakhsi ahaaneed, iyo horumarka garashada/garaadka.

BOO T IN TA A R DAY DA I YA DOO L OO M A R AYO DII WA A NGEL IN I SK U M A R A H ( A S CEN T ) waa barnaamij ku salaysan sharci u ogolaanaya DPS inay bixiso kharashka kuleejka iyo kharashka hal sano oo buuxa oo kulliyad ah (simisterada dayrta iyo gu'ga) ee loogu talagalay ardayda ka qaybqaadanaysa barnaamijka. Waxaa sharciyan la meelmariyey 2009-kii iyada oo la kordhiyey barnaamijka Diwaangelinta Iskudhafan, ujeedada ASCENT waa in la abuuro barnaamijka tacliimeed loogu talagalay in ardaydu ku helaan buundooyinka kuleejka oo lagu daraayo shahaadadooda kuleejka, shahaadada bajalaarka ama shahaadada ganacsiga. Ardayda DPS ayaa ka qaybgeli kara ASCENT sanad kadib marka ay qalin jebiyaan marba haddii ay buuxshaan


shuruudaha u qalmida barnaamijka. Ardayda ayaa iska diiwaan gelin kara mid kamid ah kuleejyada iyo jaamacadaha ka qaybgalaaya (Arapahoe Community College, Community College of Aurora, Community College of Denver, Front Range Community College, Red Rocks Community College, Emily Griffith Technical College, Pickens Technical College iyo Metro State University of Denver). Ardayda ASCENT ayaa la siiyaa adeegyada taakulada adag ayna ku jiraan tacliinta, shucuurta bulshanimada iyo taageerada dhaqaalaha dhammaan inta lagu jiro sanadkooda koobaad ee kuleejka. Ardaydu waa inay helaan ugu yaraan sagaal buundooyinka heerka kuleeka ah intay ku jiraan dugsiga sare si ay ugu qalmaan barnaamijka ASCENT. Ardayda ka qalin jebiya dugsiga Kuleejka Hore ama P-TECH ayaan u qalmin ASCENT ama TREP sida ku cad sharciga Colorado. Si aad u hesho xog dheeri ah iimeel u dir concurrent_enrollment@

dpsk12.org .

WA X B A R A SHO I SK U DH A FA N waxay isku-dartaa qaabka xog gudbinta casriga ah iyo qaababka dabiiciga ah ee fasalka. WA X B A R A SH A DA X IR FA DA I YO FA R S A M A DA (C T E) waa barnaamijyada Guusha Xirfada iyo Kuleejka kuwaasoo siiya ardayda fursad ay iskaga diiwaan gashaan tubaha waxbarashada la xiriirta shaqada (barnaamijyada dugsiga oo leh koorsooyin loo sameeyay, kuwaasoo waafaqsan shaqada). Pathways ka waxaa loo sameeyay inay siiyaan dhammaan ardayda shahaadada ganacsiga ama shahaadada kuleejka marka ay dhameeyaan. Ayadoo la adeegsanaayo koorsooyin ku dhisan aduunyada dhabta ah oo mashruuc ku salaysan, kuna haboon shaqada, ardaydu waxay bartaan xirfado takhasus leh oo waxaana lagu xoojiyaa inay abuuraan xalal. Wixii xog faahfaahsan oo ku aadan

barnaamijyada CTE iyo marinada xirfada ee laga heli karo dugsi kasta, booqo

collegeandcareer.dpsk12.org.

HOR M A R IN TA X IR FA DA waa Barnaamijka Guusha Shaqada iyo Kuleejka oo loo sameeyay inuu siiyo ardayda K-12 sharaxaada xirfada iyo fursadaha hormarinta kuwaasoo u sahla inay helaan hamigooda iyo waxyaabaha ay xiiseynayaan ayna gaaraan go'aanno faahfaahsan oo ku saabsan tbtooda shaqada mustaqbalka. DPS waxay iskaashi la samaynaysaa ganacsiyada, ururada khayriga ah iyo wakaaladaha dawlada si ay u bixiso khibradaha waxbarashada ku saleysan shaqada sida hadal jeedinta martida ee xirfadeed, tababarada shaqada, shaqo barashada, hagista, tababarada xirfada iyo kuwo kale. Ka sokow hirgelinta joogtada ah ee barnaamijka waxbarashada ee ku salaysan shaqada, kooxda Horumarinta Xirfaddaha Shaqo waxay ardayda ka caawiyaan wada-hadallo shaqo oo macno leh si ardaydu u gaaraan go'aamo ay xog-ogaal u yihiin oo gacan ka geysta hadafkooda shaqo. Macluumaad ku saabsan barnaamijyada Horumarinta Xirfadda Shaqo iyo waddooyinka laga heli karo dugsi kasta, booqo: collegeandcareer.dpsk12.org . B A R N A A MI JK A IM TA X A A NK A HEER K A K UL EE JK A (CL EP) imtaxaanaadka CLEP waa imtaxaanaadka Gudiga Kuleejka oo loo sameeyay inuu ardayda ku imtaxaano maadooyinka ay horey u yaqaaneen. Ardayda ku baasa imtaxaanka CLEP ayaa helaaya buundooyinka kuleejka oo u qalma ku baasida koorsooyinka kuleejka, taasoo u sahlaysa ardayda inay adeegsadaan imtaxaanaadka CLEP si ay u badbaadiyaan wakhti iyo lacag uga bixi lahayd shahaadada kuleejka. DPS ayaa leh 28 dugsiyada sare ah kuwaasoo leh xarumo loo ogolaaday imtaxaanka CLEP. Imtaxaanka CLEP ayaa lagu samayn karaa xili kasta dugsiga sare ee


ardaygu dhigto. Si aad u hesho xog dheeri ah, iimeel u dir concurrent_enrollment@dpsk12.org .

XARUMAHA MUSTAQBALKA EE URURKA DEEQDA WAXBARASHO EE DENVER (DENVER SCHOLARSHIP FOUNDATION FUTURE CENTERS), oo ku yaal tiro ka mid ah

X A RUM A H A BUL SH A DA ayaa bixiya adeegyo taageeraaya baahiyaha bulshada, shucuurta, jirka iyo tacliinta ee dadka waawayn iyo carruurta si dhammaan ardaydu ay u helaan fursad loo siman yahay si xog looga ogaado loona sameeyo hormar. Xarumaha Bulshada ayaa u adeegga dhammaan dadka waawayn iyo carruurta, maaha keliya ardayda DPS.

dugsiyada sare ee DPS, ardayda waxay taageeraan markay diyaariyaan kuleejka afar sano, laba sano ama dugsi farsamo. La taliyeyaashu waxay ka caawiyaan ardayda inay codsadaan, ka qaataan deeqaha waxbarasho iyo inay ku guuleystaan kuleejka. Booqo denverscholarship.org si aad u hesho xog.

WA X B A R A SHO K U S A L AYS A N K A R T I ayaa u sahlaysa ardayda dookhyo ay ku sameeyaan hormar ayagoo si fiican u baranaaya maadooyinka cilmiga, ayadoon laga eegayn waqtiga, goobta ama booska waxbarashada ay kaga jiraan.

DII WA A N GEL IN TA I S-FEER S OC O TA (CE) I YO DII WA A N GEL IN TA L A B A DA A H (DE) ayaa siisa ardayda fursad ay iskaga diiwaan gashaan koorsooyinka kuleejka, si siman ayagoo helaaya buundada dugsiga sare iyo kuleejka. Diiwaan gelinta isfeer socota ayaa lagu qeexaa diiwaan gelin xiriir ah oo arday u qalma laga diiwaan gelinaayo dugsi sare oo degmadu leedahay iyo mid ama ka badan kamid ah koorsooyinka kuleejka, ayna ku jiraan koorsooyinka waxbarashada shaqada iyo farsamada, kuwaasoo ay ku jiri karto shaqo la xiriirta barnaamijyada tababarka shaqada ama barnaamijyada biloowga shaqada, laguna baxsho xarunta waxbarashada sare. Diiwaan gelinta Isfeer socota waa in lagu baxshaa si lacag la'aan ah lana siiyaa ardayda u qalma. Koorsooyinka waa in lagu dabaqaa waxbarashada kobaca ama shahaadada kuleejka, shahaadada ama koorsada tubta, ama loo wareegsan karaa xarumaha gobalka ee waxbarashada sare. Ardayda ayaa u qalmi kara casharka CE ee fasallada 9-12.

equity.dpsk12.org/extended-learning/discovery-link si aad u hesho xog. Discovery Link maaha barnaamijka keliya ee dugsiga kahor iyo kadib ee lagu baxsho dugsiyada DPS, fadlan la xiriir dugsiyada si toos ah si ay kuu siiyaan faahfaahin ku aadan barnaamijyadooda gaarka ah.

DUG SI YA DA S A R E EE K UL EE JK A BIL OOWGA A H ayaa loo diyaarshay inay ardaydu u qaataan si wadajir ah, markay qalin jabinayaan, shahaadada dugsiga sare, shahaado kuleej, shahaadada dugsiga sare kadib, ama ugu yaraan 60 dhibcood oo kuwa kuleejka ah inta lagu jiro afarta sano ee dugsiga sare. Dugsiyada kuleejka hore waxaa qorsheeya Guddiga Waxbarashada ee Gobalka Colorado.

EDCONNECT waa tubta waxbarashada degmada oo dhan oo lagu doonaayo in laga dhigo ardaydeena hadda macalimiinta berito. Barnaamijka EdConnect ayaa laga heli karaa dugsiyada sare qaarkood waxaana si guud u heli kara ardayda dhammaan dugsiyada sare. Barnaamijka EdConnect waxaa loo sameeyay inuu ardayda fahansiiyo koorsooyinka biloowga ah ee kuleejka kuwaasoo ku dardar gelinaaya ardayda inay qaataan koorsada macalinka iyo ruqsada. Ardayda lagu tababaro EdConnect ayaa la geeyaa dugsiyada hoose ee DPS si ay wax uga dhigaan. Iimeel u dir concurrent_ enrollment@dpsk12.org si aad u hesho xog dheeri ah.

Diiwaan Gelinta labada meelood ayaa lagu qeexaa diiwaan gelinta koorsooyinka kuleejka oo aan ku jirin shuruudaha sharciga ah ee diiwaan gelinta isfeer socota. Diiwaan gelinta labada meelood ayaa lahaan karta xadidaado dheeri ah, iyo/ama shuruudo, iyo qiimaha sareeya ee diiwaan gelinta. Tusaaleyaasha ayaa noqon kara qiimaha lacagta waxbarashada oo saraysa iyo xadidaadaha heer fasal. Ardayda ayaa u qalmi kara casharka DE ee fasallada 9-12. Si aad u hesho xog dheeraad ah, iimeel u dir kooxda Diiwaan Gelinta isfeer socota oo aad ka helayso concurrent_

ee maadooyinka muhiimka ah ee adeega bulshada iyo mashaariicda aduunka dhabta ah ee ka caawiya ardayda inay sahamiyaan adduunka ka baxsan fasalka.

S OO CEL IN TA K IR IDHIT K A (CR EDIT R EC OV ERY )

BARNAAMIJYADA WAXBARASHADA CAALAMIGA AH (INTERNATIONAL BACCALAUREATE (IB) waxay bixiyaan

enrollment@dpsk12.org.

waxay ardayda siinaysaa ikhtiyaarka ah inay kasbadaan kiridhitka fasalada aan ku guulaysan si dhammeystiran si ay ugu socdaan wadada qalin jabinta. DPS waxay bixisaa Soo celinta kiridhitka (Credit Recovery) dhammaan dugsiyada sare ee degmada ay maamusho sida kusalaysan awooda internetka iyo barnaamijka internetka ee taageerada macallimiinta.

8

DI S C OV ERY L INK waa barnaamij ay DPS maamusho oo baxsha adeegyada dugsiga kahor iyo kadib oo lagu baxsho in ka badan 45 dugsi oo ku yaala degmada oo dhan. Discovery Link ayaa baxsha labadaba barnaamijyada qarashka lagu qaado iyo kuwa bilaashka ah, ayadoo ku xiran goobta. Booqo

WA X B A R SH A DA K HIBR A DA (E X PEDIT ION A RY L E A R NING) waxay isku-dubbaridaa barashada dhaqameed

habab ballaadhan oo loogu talagalay waxbarashada sare. IB da Sanadka Ugu Horeeya, Sannadka Dhexe iyo Barnaamijyada Dibloomada waxay bixiyaan manhaj adag oo ah mid joogto ah oo aad looga tixgeliyo adduunka. Dugsiyada IB-da waxay diirada saaraan yoolal heer caalami ah oo dhanka waxbarashada iyo waxbarida ah, ayagoo ardayda kataageeraya barashada si buuxda dhaqankooda iyo


BARNAAMIJYADA DUGSIGA WAY SOCDAAN luuqadooda. Barashada IB du waxay gacan kagaysataa kobcinta garaadka, shaqsiyada, dareenka iyo wacyiga busho oo ardayda udiyaarinaaya inay guul kakeenaan aduunyada sida xawliga leh ukobcaysa. Ardayda qaadata koorasyada IB da iyo imtixaannada dugsiga sare waxay u istaagan nidaamka gelitaanka kuleejka waxayna fursad u leeyihiin inay ku kasbadaan kiridhit ama horumarka sare ee kuleejyada iyo jaamacadaha ee Maraykanka.

DUG SI YA DA DIIR A DA S A A R A HEER C A A L A MI waxay bixiyaan manhaj gaar ah oo fasalka ka xiraya aduunka oo dhan. Ardaydu waxay sahamiyaan dhaqamada kala duwan iyo aragtida caalamiga ah iyagoo horumarinaya xirfado kuwaas oo ka caawin doona inay ku guuleystaan adduun-is-beddel degdeg ah leh.

B A R N A A MUJ YA DA MON T E S S OR I U fiirso oo taageer horumarinta dabiiciga ah ee carruurta ee jawiga waxbarasho ee is-maamulidda. Barnaamijyada DPS Montessori waxay diiradda saaraan caawinta carruurta horumarinta hal abuurka, xalinta mushkiladaha, bulshada iyo xirfadaha waqtiga maareynta. DUGSIYADA DIIRADDA SAARA WAXBARASHADA IYO DHAQANKA DADKA AMEERIKAANKA EE DHALADKA AH waxay bixiyaan adeegyo taageero iyadoo la isu keenayo ardayda hiddaha iyo dhaqan isku mid ah wadaaga. Shaqaalaha NACE waxay xaqiijiyaan in ardaydu helayaan dhamaan fursadaha iyo kheyraadka degmada. Hadafku waa in la kordhiyo heerka qalin-jabinta ardayda Hindida Maraykanka iyo ardayda dhaladka ee Alaska. NACE kala xiriir 720-423-2042 si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

WA X B A R A SH A DA GA A R K A A H waa qaab waxbarasho oo diirada saaraaya dhisida aqoonsiyada ardayda oo ah barteyaasha mudada dheer, si ay muddo kadib, u yeeshaan dareenka buuxa ee wakaalada bartaha iyo mulkiyada hormarkooda waxbarashada.

B A R N A A MI J YA DA K UL EE JK A K A HOR A H (PR EC OL L EGI AT E PROGR A M S) waxay diiradda la saaray diyaarinta ardayda si ay u sii wadaan waxbarashadooda kadib dugsiga sare; waxaa ku jiri kara kasbasho kiridhit inta lagu jiro dugsiga sare.

WA X B A R A SH A DA M A SHRUUC A K U -S A L E YS A N is habka ay ardaydu ku heli lahaayeen aqoon iyo xirfado iyagoo u shaqeynaya muddo dheeri ah si ay u baaraan

ugana jawaabaan su'aal dhab ah, isku-dar ah oo adag, dhib ama caqabad.

DUG SI YA DA S A R E EE P -T ECH (pathways ka Dugsiyada Sare ee Technology Early College) waxaa loogu talo galay inay abuuraan iskaashiga dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay si loogu diyaarsho shaqooyinka xirfadaha sareeya ee mustaqbalka. P-TECH ayaa u furan dhammaan ardayda, ayadoo si gaar ah diirada loo saaraayo dhiiri gelinta diiwaan gelinta ardayda dhaqan dhaqaale ahaan iyo isir ahaanba kaladuwan, ardayda kuleejka jiilka koobaad,ardayda barta luuqada Ingiriiska, iyo ardayda naafada ah. Dugsiyada sare ee P-TECH waxaa abuuray Gudiga Waxbarashada ee Gobalka Colorado. Qaababka P-TECH ayaa ka dhex jira dugsiga sare ee wayn mana ahan in dhammaan ardayda dugsigaas sare laga doonaayo inay ka qaybgalaan P-TECH. P-TECH ka DPS ee gobalku abuuray ee hadda: Dugsiga Sare ee Abraham Lincoln.

WA X B A R A SH A DA A DEEGGA waxay iskudubaridaa shaqada mashruuc bulshadeed, sida dejinta mutadawiciinta, oo leh daraasadaha fasalka. S T E A M waa qaab waxbarasho oo farsamooyin badan oo ku aadan waxbarashada kaasoo adeegsada sayniska, tignooloojiyada, injineeriyada, farshaxanka iyo xisaabaadka oo ah bar gelitaanka hagaysa su'aalaha, wad ahadalka, hal abuurka iyo fahakarka saliimka ah ee ardayda. B A R N A A MI JK A WA X B A R A SH A DA QOR I S TA M AC A L IMIIN TA I YO DI YA A R GA ROOWGA ( T R EP) waa barnaamij gobalku leeyahay (SB21-185) kaasoo u sahlaaya ardayda u qalma tubta waxbarista si ay iskaga diiwaan gashaan koorsooyinka kuleejka muddo labo sano ah kadib fasalka 12aad. TREP waa barnaamijka sanadka shanaad/lixaad ee dugsiga sare kaasoo u sahlaaya ardayda inay ka qaybgalaan kuleej si buuxda muddo labo sano ah kadib dugsiga sare si lacag la'aan ah. Ardayda ayaa ka qaybgalaaya kuleej ka tirsan TREP biloowga dayrta kadib marka ay ka qalin jebiyaan dugsiga sare. TREP ayaa loo adeegsan karaa tubta waxbarista iyo talo bixinta ee ardayda. Ardayda ka qalin jebiya dugsiga Kuleejka Hore ama P-TECH ayaan u qalmin ASCENT ama TREP sida ku cad sharciga Colorado. Si aad u hesho xog dheeri ah, iimeel u dir concurrent_enrollment@dpsk12.org.

9


XARUNTA CAAFIMAADKA DUGSIGA EE DENVER HEALTH Xarumaha Caafimaadka Dugsiga ee Denver Health, oo ku yaal 19 dhismood oo DPS ah, waxay bixiyaan daryeel caafimaad oo lacag la'aan ah ardayd kasta oo dhigta DPS, iyadoon loo eegin dugsigooda, xaaladdooda caymiska ama awoodda bixinta. Haddii aan dugsiga cunugaagu lahayn xarun, waxaad adeegsan kartaa xarunta kuugu dhaw. Xarumahani waxay ku yaalaan meelaha soo socda: ■

■ ■

ABRAHAM LINCOLN

(2285 S. Federal Blvd.) BRUCE RANDOLPH

(3955 Steele St.)

EAST (1600 City Park Esplanade) XARUNTA EVIE DENNIS

(4800 Telluride St.)

FLORENCE CRITTENTON

(55 S. Zuni St.)

GEORGE WASHINGTON

(655 S. Monaco Parkway) JOHN F. KENNEDY

(2855 S. Lamar St.) XARUNTA KEPNER

(911 S. Hazel Court) KUNSMILLER

(2250 S. Quitman Way)

XARUNTA LAKE (1820 Lowell Blvd.)

MANUAL (1700 E. 28th Ave.)

KULEEJK A CARUURNIMADA HORE EE DR. MARTIN LUTHER KING, JR. (19535 E. 46th Ave.)

■ ■

■ ■

XARUNTA MONTBELLO

(5000 Crown Blvd.)

NORTH (2960 Speer Blvd.) XARUNTA NOEL

(5290 Kittredge St.) MACHADK A PLACE BRIDGE

(7125 Cherry Creek Drive North) SOUTH (1700 E. Louisiana Ave.) THOMAS JEFFERSON

(3950 S. Holly St.)

XARUNTA WEST (951 Elati St.)

Wixii macluumaad dheeri ah, booqo denverhealth.org .

10


DUGSIGA BARBAARINTA EE KU YAALA DPS Carruurta da'doodu u dhaxayso 3 iyo 4

WEBK A: earlyeducation.dpsk12.org TALEEFANK A: 720-423-2678

Dugsiga xanaanada caruurta, sidoo kale loo yaqaan Waxbarashada Hore ee Carruurnimada ama (ECE), waxay ka caawisaa carruurta yaryar inay kobcan faham ahaan, bulsho ahaan iyo dareen ahaan. Aasaaskan xooggani wuxuu udiyaariyaa iyaga inay galaan sanaha dugsiga hoose si guul leh ayna kuu sii raaxaystaan waxbarashadooda. Barnaamijka Waxbarashada Hore ee DPS wuxuu bixiyaa dugsi xanaano oo tayo leh oo maalin badh ama maalin buuxda ah in ka badan 80 dugsiyada DPS . Barnaamijyada Dugsiga xanaanada caruurta ee DPS waxaa loogu talagalay inay u adeegaan dhammaan ardayda, oo ay ku jiraan ardayda naafada ah. Boosaska la heli karo oo xaddidan awgeed, diiwaangelinta lama dammaanad qaadayo. Colorado Department of Early Childhood (CDEC, Waaxda Waxbarashada Dhalaanka ee Colorado) ayaa balaarinaysa Waxbarashada Dhalaanka oo leh hanaanka cusub ee diiwaan gelin ee Universal Preschool Colorado, oo caan ku ah (UPK). Qoysaska DPS waa inay ka codsadaan sanad dugsiyeedka soo socda ayagoo adeegsanaaya hanaanka UPK barta upk.colorado.gov.

KHARASHKA Dugsiga Barbaarintu waa lacag. Qarashka waxaa lagu go'aamiyaa cabirka khidmadaha ee xajmiga qoyska iyo dakhliga guud, waxayna u dhaxeysaa bilaash ilaa qiimaha degmada. UPK wuxuu xaqiijinayaa in cunug kasta, sanadka ka horeeya inta uusan u qalmin Dugsiga Xannaanada Carruurtam uu u qalmo dugsiga barbaarinta ikhtiyaariga ah, ee nus maalinka ah, ee uu gobalku qarashkiisa dhiibaayo. Carruurta 3-jirka ah ee buuxiya qodobada u-qalmitaanka ayaa laga yaabaa inay u qalmaan ugu yaraan barnaamijka dugsiga xannaanada ee waqtiga-dhiman (10 saacadood todobaadkii) waa haddii ay buuxiyaan codsiga UPK Colorado. Carruurta 4-jirka ah ee buuxiya qodobada u-qalmitaanka ayaa laga yaabaa inay u qalmaan saacado dheeraad ah oo ah wax ka barashada dugsiga xannaanada ee bilaashka ah. Ardayda jira 4 sano ayaa sidoo kale u qalmi kara maal gelinta ka timaada Barnaamijka Dugsiga Barbaarinta ee Denver. La xiriir Waaxda Waxbarashada hore oo aad ka helayso earlyeducation@dpsk2.org si aad u hesho xog dheeraad ah.

SIDEEN ISU DIWAANGELIYAA? Qoysaska codsanaaya inay iska diiwaan geliyaan barnaamijka ECE-3 ama ECE-4 waxaa aad loogu boorinayaa inay soo gudbiyaan codsiga SchoolChoice inta lagu jiro Wareegga 1. Soo gudbinta codsi inta lagu jiro Wareegga 1 ee SchoolChoice ayaa siinaysa qoysaska dookha ugu haboon ee boos ka helida barnaamijka dugsiga barbaarinta ee ay doorbidayaan. Wareegga 1 ayaa furmaaya 10 a.m. Janaayo 11 wuxuuna xirmayaa 4 p.m. Febraayo 12, 2024. Kadib Wareegga 1, DPS ayaa la xiriiri doonta qoysaska si ay u bixiso talaabooyinka ee dhamaystirka codsiga taageerada maaliyadeed ee lagu baxsho Universal Preschool (UPK) Colorado. Ardayda gaara 3 marka la gaaro ama kahor Oktoobar 1 ayaa u qalma inay codsadaan barnaamijyada dugsiga barbaarinta ee ECE-3. Ardayda gaara 4 marka la gaaro ama kahor Oktoobar 1 ayaa u qalma inay codsadaan barnaamijyada dugsiga barbaarinta ee ECE-4. Eeg bogga 4 si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah .

11


DUGSIGA XANNAANADA

EE DPS

Carruurta da'doodu tahay 5 WEBK A: earlyeducation.dpsk12.org TALEEFANK A: 720-423-2678

DPS waxay bixisaa barnaamijyo xanaano oo tayo sare leh kuwaas oo kor u qaada horumarinta waxbarashada aasaasiga ah ee guusha tacliinta ee dugsiga hoose. Dugsiga carruurta oo maalntii oo dhan shaqeeya ayaa laga helaa inta badan dugsiyada Hoose ee DPS. Gobalka Colorado ayaa Maalgelinaya dugsiga Carruurta oo maalinti dhan la dhigto si ay u dhigtaan dhammaan ardayda. Sidaas awgeed, waa bilaash in la dhigto barnaamij kasta oo dugsiga carrurta DPS ah.

SIDEEN ISU DIWAANGELIYAA? Dhamaan ardayda imaaday 5 ama ka hor bisha Oktoobar 1 waxay xaq u leeyihiin dugsiga xanaanada oo maalintii oo dhan la dhigto ee DPS. Carruurta fasalada birimada soo galaaya ayaa loo balan qaadayaa in laga diiwaan gasho dugsiga xaafadooda. Si aad u raadiso dugsiga xaafaddaada, booqo schoolfinder.dpsk12.org . Si aad utagto dugsi aan ahayn dugsiga xaafaddaada, waa inaad codsataa adigoo umaraya DPS SchoolChoice. Eeg bogga 4

si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah .

12


GAADIIDKA WEBK A: transportation.dpsk12.org

AAGAGA ISDIIWAANGALINTA

emailka: transportation@dpsk12.org

Ardayda kunool gudaha aaga isdiiwaangalinta ayaa helaaya gaadiid ugaar ah aagooda.

TALEEFAN: 720-423-4600

Adeegyada Gaadiidka ee DPS ayaa si badqab iyo hufnaan leh u qaada ardayda ayagoo siinaaya

adeegga macaamiisha oo heer sare ah raacaayana

oo si gooni ah u wareegaya dhammaan WaqooyiBariga Fog iyo Xaafadaha bartamaha si ay u siiyaan gaadiidka usocda iyo ka yimaadaan dugsiyada DPS ee bulsha kasta. Wax badan oo ku saabsan Success Express Shuttle ka ogow oo ka hel jadwalka buuxa halkaan t ransportation.dpsk12.org/eligibilityand-routing/success-express-shuttle/.

mabaadii'da aasaasiga ah ee degmada ee DPS.

Macluumaadka ku saabsan gaadiidka dugsiga gaarka ah waxay ku yaalaan qaybta muuqaalka dugsiga ee tilmaamahan.

HEERKA ■

A R DAY DA DUG SIGA DHE X E (FA S A L A DA 6-8) ayaa xaq uleh gaadiidka caadiga ah ee dugsiga haday dhigtaan dugsiyada xaafadooda u dhow ayna dugsiga kafogyihiin wax kabadan 2.5 mayl.

A R DAY DA DUG SI YA DA S A R E (FA S A L L A DA 9-12) (oo ka baxsan Goobaha Dow iyo Fog ee Northeast Success Express Shuttles (Gaadiidka Basaska Yaryar ee Success Express) ee Waqooyi Bari waxay xaq u leeyihiin Gaadiidka Goboleedka Dagmada (RTD) haddii ay tagaan dugsiyadooda xuduudaha oo ay ku noolyihiin in ka badan 2.5 mayl dugsiga. Ardayda dugsiga sare ee u qalma waxay ka helayaan bil kasta RTD pass oo ah bilaash dugsigooda. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan marinada baska RTD,

A AGA DII WA A N GEL IN TA KOONF UR- GA L BEED: Nidaamka gaadiidka ee u adeega ardayda ku nool kuna taga dugsiga dhexe ee Aaga isdiwaangelinta Dugsiga Dhexe ee Koonfur-galbeed.

A AGA I SDI WA A NGEL IN TA GA L BEED: Nidaamka gaadiidka ee u adeega ardayda ku nool kuna taga dugsiga dhexe ee Aaga isdiwaangelinta Dugsiga Dhexe ee Koonfur.

A AGA I SDE WA A NGEL IN TA KOONF UR GA L BEED EE FOG: Nidaamka basaska ee u

A R DAY DA DUG SIGA HOO SE (FA S A L A DA K-5) ayaa xaq uleh gaadiidka basaska caadiga ah ee dugsiga haday dhigtaan dugsiyada xaadadood udhaw ayna dugsiga kafogyihiin wax kabadan 1 mayl.

GAWA A R IDA SHIR K A DA SUC CE S S E X PR E S S SHU T T L E S EE B A R TA M A H A I YO WAQOOY I B A R IGA FOG: Nidaamka adeegga basaska dugsiga

adeega ardayda ku jira koonfur-barida fog ee Aaga Isdiwaangelinta Dugsiyada Hoose. ■

A AGA DII WA A NGEL IN TA DUG SIGA DHEE X E EE HIL L /CEN T R A L PA R K : Nidaamka gaadiidka ee u adeega ardayda dugsiga dhexe ee xaafada Park Hill/ Central Park.

Wixii macluumaad dheeri ah, ela transportation.

dpsk12.org/eligibility-and-routing/enrollment-zonetransportation.

DUGSIYADA MAGNETKA Gadiid ayaa diyaar u ah dhamaan ardayda ka diiwaangashan barnaamijka magnetka sida ardayda Hibada iyo Fahmada Sare Leh kuwaasoo buuxshay shuruuda uqalmida gadiidka, kuna nool aaga gaadiidka magnetku kashaqeeyo.

booqo transportation.dpsk12.org .

13


MACLUUMAAD DHEERAAD AH WAXBARASHO GAAR AH Barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee DPS waxaa lagu baxshaa qaab ku salaysan baahiyaha gaarka ah ee arday kasta. Adeega gaadiidka ayaa lasiiyaa asagoo ah mid laxariira adeegga ardayda dhigata barnaamijka xarumaha lagu baxsho. Wixii macluumaad dheeri ah oo kusaabsan gaadiidka caruurta baahiyaha gaarka ah qaba, wac waaxda Sinaanta iyo Fursadaha Adayda 720-

423-3437 ama iimeelka stutrans@dpsk12.org. WAXBARASHADA LUUQADAHA BADAN

Haddii dugsiyada lagu meeleeyey ardayda aysan bixinayn adeegyada Waxbarashada Luuqadaha Badan (MLE), ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay tagaan - oo ay helaan gaadiid ay ku tagaan - dugsiga ku yaala xaafadda ay joogaan kaas oo bixiya adeegyada MLE. Si aad u hesho goobaha ay ku yaaliin dugsiga ELA iyo tilmaamaha gaadiidka, booqo mle.dpsk12.org . NIDAAMK A CODSASHADA K A-DHAAFITAANK A Qoysaska ardayda aan u qalmin gaadiidka ama kuwa "doortay" dugsiyada xaafadooda waxay soo gudbin karaan codsi shardi dhaaf oo loo tixgelinayo gaadiidka. Codsigan waxaa lagu dhammeeyaa internetka iyadoo la isticmaalayo Parent Portal; booqasho myportal.dpsk12.org oo gal bogga "Transportation (Gadiidka)". Booqo transportation.dpsk12.org/

eligibility-androuting/exception-requestprocess si aad u hesho macluumaadka ku saabsan hannaanka codsashada ka-dhaafitaanka.

14

ISGAARSIINTA BASKA Qoysaska ardaydooda raaca baska dugsiga ayaa heli doona mcluumaad iyo faahfaahin xiliga saxda ah kuwaas oo la xariira adeegga baska ee ilmahooda waxayna ka heli doonaan SchoolMessenger. Ogaysiinada qoraalka iyo codka ah ayaa loodirayaa qoysaska marka basasku soodaahan wax kabadan 10 daqiiqo sababo laxariira cariiri wado, xaalad degdeg ah ama dib udhac hawadu. Waalidiinta ardayda u-qalma gaadiidka si otomaatig ah ayaa loogu diwaangeliyaa si ay u helaan ogeysiisyada SchoolMessenger iyadoo lagu salaynayo lambarka taleefanka iyo cinwaanka iimaylka ee ay bixiyeen markii ay ardaygooda ka diiwaan-gelinayeen dugsiga.

Fiiro gaar ah: Waxaad xaqiijin kartaa aadna wax ka badali kartaa faahfaahinta lagaala soo xariiraayo adigoo galaaya Barta Waalidka.


DABOOLIDA BAAHIDA

ARDAYGAADA

ADEEGYADA DEEQDA IYO KARTIDA WEBK A: studentequity.dpsk12.org/gifted-talented TALEEFANK A: 720-423-2056

MAXAY YIHIIN ADEEGYADA DEEQDA IYO KARTIDA? Dhammaan dugsiyada DPS waxay mas'uul ka yihiin buuxinta baahiyaha ardayda leh hibada iyo kartida (GT) ee la aqoonsaday, iyo sidoo kale ardayda ku jirta kooxaha leh hibado gaar ah. Dugsiyada K-8 waxaa lagu taageera macallimiinta GT, dugsiyada jaatarka waxaa lagu taageeraa meel lagala xiriiro oo loo qoondeeyay, halka dugsiyada sare lagu taageero koox joogta dugsiyada iyo shaqaalaha maamulka dhexe. Adeegyada GT ee ka jira dugsiyada DPS waxay isugu jiraan in macalinka loogu talagalay ardayda hibada leh lagala kaashado fasalka caadiga ah, barnaamijyada la siiyo ardayda hibada leh ee ka baxsan fasalada caadiga ah, isku keenista kooxayo arday ah oo kala duwan, kooxaynta ardayda isku kartida ah, isku keenista manhajka, dardargelinta waxyaabaha la barto, fursadaha kobcinta; iyo/ama adeegyada magnetka (loogu talagalay ardayda loo qoondeeyay HGT ama u qalma barnaamijka magnetka). Macallinka waxbarashada ardayda hibada leh wuxuu la shaqeeynayaa macallimiinta fasalka si ay u kala saaraan waxbarida una siiyo hababka ugu wanaagsan ee wax loo baro ardayda leh Qorshaha Waxbarashada Hormarsan. Adeegyada iyo fursadaha dheeraadka ah ayaa laga yaabaa inay diiradda saaraan horumarinta hibada ee ardayda aan si rasmi ah loo aqoonsan laakiin muujinaya inay baahi ka qabaan meelaha qaarkood ee ka kamid ah tacliinta ama kartida. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada ardayda hibada iyo fahmad leh fadlan kala xiriir macalinka GT ama Goobta Xiriirka ee dugsigaaga ama qorshayaasha barnaamijka GT ka eeg websaydka. U QALMITAANK A ADEEGYADA Waxaa jira siyaabo badan oo ardaydu ay ugu qalmi karaan adeegyada. Dhammaan ardayda dhigata fasallada xanaanada carruurta, fasalada labaad iyo lixaad waxay ka qaybqaataan imtixaanka caalamiga ah ee aqoonsiga GT ee suurtagalka ah. Ardayda ku jira fasalada kale waxay buuxsan karaan codsiga imtixaaneed ee la heli karo, imtixaanka deyrta ama imtixaanka gu'ga midkood. Arjiyada iyo wakhtiga kama dambaysta ah ee la soo gudbinayo waxaa laga heli karaa websaydka GT. BARNAAMIJK A ARDAYDA HIBADA IYO K ARTIDA SARE LEH (HGT) Barnaamijka magnet-ka ee ardayda Hibada iyo Fahmada Sare Leh ayaa siiya dookha waxbarashada ardayda in ay ku jiraan fasalka koobaad ilaa sideedaad kuwaasoo loo sameeyay kuwo u qalma magnet-ka ama loo aqoonsada kuwo Hibada iyo Fahmada Sare leh (HGT). Xulashadan waxbarasho waxa loo bixiyaa si wax looga qabto baahiyaha aadka u daran ee ardayda laga yaabo inay muujiyaan karti garaad oo gaar ah iyo sidoo kale baahiyo bulsho iyo shucuureed oo gaar ah. Haddii mar ilmaha loo aqoonsado inuu yahay mid u qalma barnaamijka magnetka ama HGT, qoysasku waxay barnaamijka HGT ku dari karaan dugsiyada Hoose ee Cory, Edison, Gust, Lena Archuleta, Polaris iyo/ama Teller iyo Dugsiga Dhexe ee Morey xilliga arji qoroshada SchoolChoice. Wixii su'aalo ah oo ku saabsan u aqoonsashada GT ama xulashooyinka HGT, fadlan booqo studentequity.dpsk12.org/giftedtalented ama la xiriir macalinkaaga GT-da ee hadda, ama Waaxda Ardayda Hibada iyo Kartida Leh.

15


WAXBARASHADA LUUQADAHA BADAN AH (MLE) WEBK A: mle.dpsk12.org

TALEEFANK A: 720-423-2040

WAA MAXAY ADEEGYADA MLE? Luuqada arday kasta uu kuhadlo waa raasumaal waayo, marka lagu daro aqoontiisa xirfadaha dhanka luuqada Ingiriiska, waxay u keenaysaa inuu kuguulaysto dugsiga iyo noloshaba. Barnaamijyada Waxbarashada Luuqadaha Badan ah (MLE) waxa ay ka kooban yihiin waxbarid ay bixinayaan macalimiin aqoon leh iyo taageero loogu talagalay horumarinta Luqadda Ingiriisiga si looga caawiyo Ardayda Ku Hadashada Luuqadaha Badan (MLLs) inay helaan aqoonta qaybaha kala duwan ee waxa la barayo iyagoo isla markaana baranayaan Ingiriisiga.

YAA UQALMA? Dhamaan ardayda luuqadooda hooyo aysan Ingiriiska ahayn, aana wali sifiican ubaran luuqada Ingiriiska, waxay xaq uleeyihiin adeegyada barnaamijka MLE. Xiliga diiwaangalinta, waalidiinta dhamaan ardayda cusub ayaa buuxsha foom looyaqaano Foomka Su'aal waydiinta laxariirta Luuqada Gurigga (HLQ), kaasoo lagu aqoonsanaayo luuqada ama luuqadaha uu ardaygu kuhadlo qoyskiisuna kuhadlaan. Hadii luuqad aan Ingiriisi ahayn lagu qoro foomka HLQ, waalidiinta ayaa dooranaaya barnaamijka MLE oo cunugooda la siinaayo. Dugsiga ayaa qiimaynaada heerka aqooneed ee Ingiriiska cunuga kadibna qiimaynaada dadaalka ardayga si loo go;aansho haddii cunugu u qalmo adeegyada barnaamijka MLE.

BARNAAMIJYADA MLE EE LAGA BAXSHO DPS: ■

BARNAAMIJYADA WAXBARASHADA KUMEELGAARKA AH EE LUUQADA HOOYO (TNLI) , oo sidoo kale loo yaqaano barnaamijyada labada luuqadood, aya loo dhigaa ardayda MLL kuwaas oo luuqadooda koowaad ay tahay Isbaanishka kuna jira fasalada hore. Inta ardayda ay ku sii jiraan barnaamijka, tirada casharada lagu bixiyo luuqadda Ingiriisigu si tartiib ah ayay u kordhaysaa ilaa laga gaaro dheelitir 50-50 oo wax ku barashada Isbaanishka iyo Ingiriiska ah ugu dambayn marka la gaaro fasalka afaraad. Barnaamijyadeenna TNLI ee dugsiga sare, ardaydu waxay ilaa laba ka mid ah koorsooyinkooda ku qaataan luuqadda Isbaanishka semistar kasta. Hadafka barnaamijyada laba-luqadlaha ah waa in laga caawiyo ardayda inay bartaan Ingiriisiga iyaga oo isla markaana soo kobcinaya xirfadahood akhris-qoraalka iyo waxyaabaha kale ee lagu baro Isbaanishka, taasoo u horseedaysa inay aqoon fiican ka helaan labada luqadood. Macallimiinta barnaamijyada laba-luqadlaha ah ayaa si gaar ah loogu tababaray inay ardayda ka caawiyaan inay bartaan Ingiriisiga inta ay baranayaan maaddooyinka kale, waxayna aad u yaqaaniin Isbaanishka. Dugsiyada Waxbarashada ay ku baxdo TNLI waxaa haga Tilmaamaha Qoondaynta Luqadda oo ku salaysan cilmi-baaris, kuwaas oo go'aaminaya boqolleyda inta waqti ee loo qoondeynayo barashada luqad kasta. Si aad u hesho xog ku saabsan dugsiyada baxsha casharada labada luuqadood laga bilaabo ECE ilaa fasalka 12aad ee gobal kasta, booqo mle.dpsk12.org/programs/ bilingual-tnli/.

B A R N A A MI JK A L A B A DA LUUQ A DOOD, waa barnaamij muddo dheer soconaaya kaasoo casharada kubixinaaya labo luuqadood yoolkiisuna yahay hormarinta labada luuqadood, cilmi labo luuqadood lagu barto, iyo dhirigalinta dhaqanka. Barnaamij kasta oo laba luuqadood oo degmadu maamusho waxaa ku jira ugu yaraan 50% casharo ku baxa Isbaanish heerka dugsi hoose, farshaxanka luuqada Isbaanishka iyo hal maado oo lagubaro Isbaanish heerka dugsiga Sare. Ayadoon laga fiirinayn barnaamijka, dhamaan ardayda luuqada Ingiriisiga barata waxay helayaan casharo maalinkasta ugo'an Hormarinta Luuqada Ingiriisiga (ELD), kuwaasoo ardayda siiya qalabka aasaasiga u ah kuhadalka iyo qorista luuqada Ingiriisiga.

WA X B A R A SH A DA A H LUUQ A DDA INGIR II SIGA OO L OO B A R T O LUUQ A D L A B A A D A H A A N (E SL , SIDOO K A L E L OO YAQ A A N EL A-E) waxaa loogu talagalay MLL-yada ku hadla luqad kasta. Barnaamijyada EL A-E, casharka waxaa lagu baxshaa Ingiriis, ayadoo lala baraayo ardayda facood ah ee Ingiriisiga ku dhashay, ayadoo la siinaayo taageerada luuqada hooyo marka loo baahdo. Macalimiinta dhiga barnaamijkaan si gaar ah ayaa loogu tababaray si ay ardayda uga caawiyaan inay bartaan Ingiriisiga intay baranayaan maadooyinka kale sida akhriska, sayniska iyo xisaabta. Dugsiyadu waxay sidoo kale taageero dheeraad ah ka bixin karaan luuqadaha guriga looga hadlo iyaga ardayda u qoondeynaya macalin ku hadla luqadooda hooyo ama macalinka kheyraadka EL A-S.

Barnaamijka DPS ee SE A L OF BILITER ACY (Abaal-marinta Aqoonta Labada Luuqadood) ayaa la siiyaa ardayda sida faseexa ah ugu hadla labo luuqadood ama a badan marka ay ka qalin jebiyaan dugsiga sare. Abaalmarinta waxaa lagu muujiyaa qoraalka iyo diblomada qalin jebinta ee ardayga dugsiga sare ka qalin -jabinaya waana bayaan tilmaamaya

16


guulgaaris loogu faani karo shaqo-bixyeyaasha mustaqbalka iyo oggolaanshooyinka kulliyadda. Wixii macluumaad dheeri ah, ela mle.dpsk12.org/seal-of-biliteracy/. ■

X A RUM A H A A R DAY DA DH AWA A N Y IMID waxaa loogu tala galay ardayda ku cusub Maraykanka, waxbarashadoodu kala go'day, ku jira heerarka ACCESS ee 1.0-2.4 una baahan taagero dheeri ah in laga siiyo la qabsiga nidaam waxbarasho oo cusub. Xarumaha ardayda cusub waxay ku yaalaan Dugsiga Place Bridge (K-8), Dugsiga Dhexe ee Merrill, Dugsiga Dhexe ee Montbello, Dugsiga Sare ee Montbello, Dugsiga Sare ee Abraham Lincoln iyo Dugsiga Sare ee South.

Kalaxariir dugsigaaga si aad wax badan uga ogato adeegyada MLE. Liiska barnaamijyada MLE ee dugsigu dhigo ayaa kaheli kartaa mle.dpsk12.org. Wac 720-423-2040 si aad macluumaad dheeri ah u hesho.

17


ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH W E B K A : studentequity.dpsk12.org TA L E E FA N K A : 720-423-2400 I I M AY L K A : ess@dpsk12.org

WAA MAXAY ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH? Waxbarashada Gaarka ah waa barnaamij federaal ah oo qasab ay tahay in la siiyo ardayda xaqa u yeesha casharo gaar ah sabab la xariirta naafo dhanka wax barashada ah. Dugsiyada DPS waxay baxshaan adeegyo wax barasho si lo buuxsho baahiyaha ardayda naafada ah ee xaqa u yeesha Barnaamijka Waxbarashada Shaqsiyaadka Naafada ah (IDEA). Haddii arday xaq u yeesho, Barnaamijka Waxbararashada Gaarka ah (IEP) ayaa loo aburaa si loo siiyo casharo gaar loogu sameeyay ardayga. Ardaydu waxaa ay sidoo kale taageero ka heli karaan kalkaaliyayaasha, dhakhtarada cilmu-nafsiga ee dugsiga, shaqaalaha bulshada, dhakhaatiirta luqadda iyo hadalka, dhakhaatiirta maqalka, turjubaannada luqadda dhegoolaha, mutacalimiin xagga farta indhoolayaasha ku takhasuusey, dhakhaatiir ku takhasuustay jihaynta iyo dhaqdhaqaaqa, macallimiinta dhegoolayaasha iyo dadka maqalka adag, macallimiinta indhoolayaasha ama dadka aragga naafada ka ah, macalimiinta waxbarashada hore ee caruurnimada, dhakhtaatiirka shaqada iyo dhakhtaatiirka jirka.

YAA UQALMA? Arday kasta oo u qalma sida ku cad IDEA ayaa u qalma inuu helo adeegyada Waxbarashada gaarka ah oo lagu baxsho midkood ama ka badan Qaybaha Naafada ee lagu aqoonsaday IDEA. Waalidiinta/ masuuliyiinta ayaa door ku leh hanaanka waxbarashada iyo u qalmida, iyo sidoo kale abuurista Qorshaha Waxbarashada Gaarka ah (IEP). Erayga "ilmo naafo ah" waxaa laga wadaa: Ilmo lagu qiimeeyay sharciga IDEA oo la cadeeyay inuu qabo naafooyinka garaadka, naafada maqalka, naafada aragga ayna ku jirto indho la'aanta, dhibaatada daran ee shucuurta (oo loogu yeero gudaha IDEA xanuunka shucuurta), naafada lafaha, autismka, dhaawaca maskaxda, naafo kale oo dhanka caafimaadka ah, naafada gaarka ah ee waxbarashada, indho iyo dhago la'aan, ama naafooyin badan, kuwaasoo, sabab la cadeeyay awgeed, u baahan waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira.

HALKEE AYAA LAGA HELAA ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH? Dhammaan dugsiyada DPS, oo ay ka mid yihiin dugsiyada kale, waxay bixiyaan adeegyo joogto ah si ay u daboolaan baahiyaha gaarka ah ee ardayda naafada ah. Dhammaan dugsiyada ayaa baxsha barnaamijyada fudud ilaa heer dhexe. Dugsiyada qaar ayaa leh barnaamijyada gaarka ah ee baahiyaha si qaas ag gaarka u ah ee ardayda qaar, sida dhagoolka iyo indhoolka ama autismka. Kooxda IEP da arday kasta ayaa go'aaminaysa haddii uu u baahan yahay barnaamijka heerkaan ah.

SIDEEN KU HELI KARAA ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH? Ardaydu si toos ah iskuma diwaangelin karaan adeegyada waxbarashada gaarka ah. Marka ardaygaaga la geeyo dugsi, fadlan toos ugala shaqee dugsiga si loo xaqiijiyo in adeegyada isla markaba loo bilaabi karo.

18


19


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.