SAAMAYNTA GANACSIGA Warbixinta Mashruuca Kobaca, Ganacsiga, Shaqaaleynta iyo Hab-nololeedka.
Cadadka 8aad September 2019
Tusmada Tiknoolojiyad cusub oo Sare u Qaadday Wax-soorsaarka iyo Maalgashiga ka-ganacsiga Abuurka Guud ............................................................................................................................................................. 3 iyo kan Mooska. Hogaanka USAID oo Kaqeybgalay Carwada Ganacsiga Muqdisho ......................................................................... 5 Shirka Ganacsiga ee Baydhabo oo Astaan u ah Adkeysiga
..................................................................................... 7
Maareynta Kalluumeysi ay Xog-ogaalnimo Hageyso oo Hiil u ah Kobaca Tirada Kalluunka Aargoosatada ...10 Munaasabadda Daahfurka Shirkadda Tiknoolojiyadda Beeraha ee AgriTech.......................................................... 11 Hannaan Istratiiji ah oo Lagu Dhawrayo Kaydka Qajaarka Badda iyo Dhir-Badeedka ........................................... 12
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
Filsan oo taageero kaheleysa USAID ayaa beerteeda kahowlgelisay Greenhouse heer-kulkiisa laxakameeyey, si loo soosaaro abuur tayo leh. Xuquuqda Sawirka: Cabdikarim Cumar/GEEL.
F
Tiknoolojiyad Cusub oo Sare u Qaadday Wax-Soorsaarka iyo Maalgashiga ka-ganacsiga Abuurka Guud iyo kan Mooska.
Filsan Seed Company oo ah shirkad maxalli ah tii ugu horeysay ee beeraleyda Soomaaliyeed u keentay adeegga iibinta abuur tayo sare leh ah ayaa raad togan kureebtay qeybaha kala duwan ee tacabka beeraha dalka, iyadoo taagero ka heleysa hey’adda kaalmada caalamiga ah ee Mareykanka - USAID. Beeraha Soomaaliya oo ah kuwa ay kajirto firfircooni ayaa shirkadda Filsan Seed u sahashay in ay suuq fiican u hesho abuurka tayada iyo isku-halleynta sare leh ee ay heyso. Shirkaddu waxey leedhay xarumo iyo agab casri ah. Sannadkii 2018, Filsan waxey 1.9 milyan oo doolar ku maalgelisay yagleelidda warshad ballaaran oo farsameysa abuurka oo xarunteedu tahay Muqdisho, iyo diyaarinta 60 heekar oo ah dhul-beereed kuyaalo degmada Afgoye. Bilowgii 2019, qeybta beeraha ee mashruuca GEEL ayaa warshadda Filsan u rakibtay mashiin cusub oo sajila abuurka galleyda, qamaddiga, salbuukada, iyo abuurka qudaarta, waxaana maalgelisay hey’adda USAID. Mashiinkan ayaa sahli doona howsha xirmeynta iyo xir-xirka beegga abuurka, isla markaana sare u qaadi doono iibka shirkadda iyo in adeeggeeda kubaaho gudaha dalka.
Kaalmo dheeri ah oo USAID ay fidisay awgeed; GEEL waxey Filsan kala shaqeysay dhismaha guriga dhirta lagu beero [Greenhouse] iyo shabaqyada harka leh si loo tayeeyo adeegga macaamiisha ee abuurka mooska iyo miraha kale. Kalsooni fiican oo uga muuqatay faafidda iyo qulqulka waxsoosaarkooda kaddib; Filsan waxey maalgelin dhan 80,000 oo doolar gelisay abuur
3
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
qudaar oo laga keenay Talyaaniga si loogu xir-xirmeeyo looguna iib-geeyo gudaha dalka. Shirkadda ayaa la rajeynayaa in ay abuurto wax kabadan 200 oo fursado shaqo oo hor leh muddada 12 -18 bil ee soo aaddan.
Maxamed Abukar Yusuf oo kamid ah macaamiisha Filsan, Jambaluulna ku leh beer shan heekar ah ayaa yiri: “ Filsan waa shirkadda kali ah ee dalka joogta lagana helo abuur tayo leh iyo farsmo casri ah oo naga caawisa kordhinta wax-soosaarkeenna.”
“ Haddii aaney ahaan laheyn taageerada farsamo iyo tan dhaqaale ee GEEL ay nasiisay, Filsan ahaan waa ay nagu adkaan laheyd inaan gaarno riyadeenna ah inaan noqonno shirkaddii ugu horeysay Soomaaliya ee abuur ka shaqeysa” Maadaama aanu moosku laheyn miro la beero, beeraleyda waxey laan-curdin ah kasoo jaraan geedaha mooska kadibna la tallaalo taas oo noqoto geed cusub oo moos. Hannaankan ayaa ah mid aad u cakiran una baahan qalab casri ah si abuurka u badbaado. Saddexdii bil ee lasoo dhaafay, USAID ayaa Filsan ka taageertay qalabeynta sheybaarkeeda unugyada mooska, waxana qalabka soo iibintiisa fududeeyey mashruuca GEEL. Unugyada iyo meyraxda adag ee lagu daryeelay sheybaarka Filsan ayaa lafilayaa iney sare-u-qaaddo wax-soosaarka iyo in ladhawro hal-beegyada caalamiga ah. Tijaabooyin hordhac ah oo lagu sameeyey unugyadan ayaa tilmaamaya koror wax-soosaar oo gaaraya boqokiiba 30. Si loo gaaro natiijooyin togan, shaqaalaha GEEL waxey tababarro ku sabsan hormarinta unugyada, isticmaalka qalabka iyo sheybaarkaba u fidiyeen howlwadeennada iyo shaqaalaha Filsan. Filsan ayaa farsamayaqaannada kale sii gaarsiin doonto tababarkan, waxeyna soosaari doontaa unugyo laga abuuro moos si ay u gaarsiiso macaamiisheeda beeraleyda ah ee kusugan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
4
Kaddib kaalmada USAID, warshadda Filsan waxey ku dhiiratay in ay maalgelin dheeri ah geliso agab sheybaar oo hor leh. Sida uu qabo Saciid Cali, oo ah khabiir dhanka beeraha oo katirsan GEEL, Isla maalgashiga istrateejiga ah ee kan ookale ah wuxuu leeyahay raad togan oo yididiilo leh. Taageeridda mid kamid ah shirkadaha hormuudka ah ee dhanka beeraha si ay wax-soosaarkeeda sare ugu qaaddo, faaidada taageeradaasna uga dhigato maalgelin, waa qaab kamid ah qaababka ay USAID kaalin uga qaadeyneyso sidii beeraley badan oo Soomaaliyeed ay u gaari lahaayeen kobac dhaqaale. Sidookale, ganacsatada dhoofinta sameeya iyo shirkadaha maxalliga ah ee ka ganacsada beeraha waxey ku tashan karaan abuurka, miraha iyo qudaarta tayada sare leh ee Filsan ay soo saarto ee laga heli karo meela badan oo dalka ah. “ Haddii aaney ahaan laheyn taageerada farsamo iyo tan dhaqaale ee GEEL ay nasiisay, Filsan ahaan waa ay nagu adkaan laheyd inaan gaarno riyadeenna ah inaan noqonno shirkaddii ugu horeysay Soomaaliya ee abuur ka shaqeysa” ayuu yiri madaxa shirkadda Filsan Xuseen Xaaji.
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
Hogaanka USAID oo Kaqeybgalay Carwada Ganacsiga Muqdisho
M
ashruuca GEEL ee USAID iyo shirkadaha lashaqeeya ee uu taageerada siiyey iyo sidookale hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya ayaa iska kaashaday tallaabooyin
muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare-u-qaadidda kobac dhaqaale oo loo dhan yahay. Guulaha ilaa Madaxa USAID, Mark hadda lagaaray waxaa kamid ah, kaalmo lagaarsiiyey Green oo in kabadan 7,000 ganacsato yar-yar ah iyo in kabadan kormeeraya qeybo kamid ah bandigga oo qudaar iyo miro ay kusoo bandhigeen ganacsiyada GEEL ay taageertay.
2,700 fursado shaqo oo joogta ah. USAID waxaa kale oo ay kaalin kaqaadatay dhoofinta wax-soosaar qiimahiisu kabadan yahay 26 Milyan oo Doolar iyo taagero ay siisay shirkado Soomaaliyeed si ay badeecadahooda ugu soo bandhigaan carwooyinka caalamiga ah sida tan Khaliijka ee Gulfood Trade Expo ee Dubai, oo ah bandhigga cuntada ee ugu ballaaran adduunka ama bandhigga kale Kallumeysiga iyo Cuntada badda ee China. Kaqeybgalka munaasabadaha noocan ah ayaa ganacsatadu kahelaan macaamiil cusub oo heer gobol iyo mid caalamiba leh, iyagoo dareenka dadyowga caalamka kusoo jeedinaaya dhaqaalaha kobaca sameynaya ee Soomaaliya.
Bishii Juun ee 2019, wuxuu mashruuca GEEL isku-keenay daneeyeyaasha dhaqaalaha dalka iyo hogaanka USAID, si laiskula eego hormarka lasameeyey, caqabadaha taagan, iyo qiimeynta fursadaha horyaalla ganacsiga Soomaaliya. Kudhowaad 40 ganacsi oo Soomaaliyeed ayaa kaqeybgashay carwo laba maalin kasocotay Muqdisho, halkaas oo ay ganacsatu kuheleen fursad muhiim ah oo ay kula hadlaan cidda leh go’aanka hey’adda USAID, oo ay kamid yihiin safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, maareeyaha hey’adda USAID Mark Green, iyo madaxa howlgalka USAID Jeffrey Bakken. Ganacsatu waxey kahadleen qeybaha ganacsiga Soomaaliya ee nacfiga xoggan leh, waxaana kamid ah shirkadihii kahadlay: shirkadda qudaarta ee Somfresh oo ay leeyihiin haween, shirkadda caanaha ee Irmaan Dairy iyo Shirkadda Kalluunka ee Sundus Fishing Company. Carwada oo qaab-suuqeed loo diyaariyey, ayey shirkadaha taagerada kahelay mashruuca GEEL kusoo bandhigeen wax-soosaarkooda iyo adeegyadooda. Dowladda Mareykanka iyo hogaanka USAID ayaa lahadlay daneeyeyaasha kala duwan ee aan dowliga aheyn kana wareystay iskaashiga saameynta ballaran leh ee kadhexeeya mashruuca GEEL iyo qaar kamid ah shirkadaha Soomaaliya ee kuhowlan kaqeyb-qaadashada dhaqaalaha kobcaya ee
5
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
dalka, fursado shaqana abuuraya, isla markaana hormarinaaya nolosha dadka. “ waxaan aragti fiican kahelay howsha firfircoon ee ay hayaan shirakadaha gaarka ah ee Soomaaliya iyo mustaqbalka wanaagsan ee lafilan karo.” Ayuu yiri madaxa hey’adda USAID Mark Green. Maalintii labaad ee madashana waxaa qabsoomay dood-kooxeedyo kala duwan oo ay hormuud ka ahaayeen wakiillada shirkadaha iyo khubarada madaxda ka ah waaxyaha mashruuca GEEL, sida waaxda xoolaha ( hilibka iyo caanaha), waaxda
6
kalluunka iyo tan beeraha. Doodaha ayaa diiradda lagu saaray guulaha dhaqaale ee maalgalinta ay USAID kusameysay qeybaha laxulay ee dhaqaalaha Soomaaliya, iyo sidookale qorsheyaasha mustaqbalka si loo daboolo baahiyaha ay qabaan qeybaha ganacsiga gaarka ah. shaqaalaha mashruuca GEEL, hogaanka ganacsatada, mas’uuliyiinta dowladda iyo USAID-ba waxaa ka-go’an xaqiijinta in ganacsiga Soomaaliya uu kaafiyo baahida maxalliga ah, daneyntii iyo macaashkii uu mudnaana kahelo suuqyada caalamka.
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
Shirka Ganacsiga ee Baydhabo oo Astaan u ah Adkeysiga
D
eegaannada Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya (KGS) oo mar ahaan jiray halka dalka laga quudiyo, soona saari jiray noocyada kala geddisan ee dalagga, sida Qamaddiga, Digirta, nuucyada qudaarta, hilibka xoolaha iyo kalluunka, ayaa inkabadan 60 boqolkiiba dhulkii wax-soosaarka lahaa uu hadda yahay mid aan lagu shaqeysan sababo laxiriira colaadda iyo abaaraha soo noq-noqday. Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha baarlamaanka KGS, Cabdiqaadir Sharif, mar uu daah-furayey munaasabad laba maalin ah oo kadhacday Beydhabo. Guddoomiyuhu wuxuu soo dhoweeyey mashaariicda USAID/GEEL ay kawadaan KGS, isagoo ku nux-nuuxsaday baahida loo qabo in tallaabo deg-deg ah loo qaado sidii loo yareyn lahaa culeysayada cunno-yari ee taagan.
helaan ganacsatada ka shaqeysa kalluumeysiga, iyo wax-soosaarka xoolaha.
beeraha,
Doodaha iyo soojeedimaha lasameeyey waxaa dhextaal u ahaa kormeer iyo wareeg ay martidu kusameeyeen bandhig-suuqeed ay ganacsatada maxalliga kusoo bandhigeen wax-soosaarkooda iyo adeegyadooda. Wax-soosaar iyo adeegyo laga keenay maamul goboleedyo kale ayaa iyana lagu soo bandhigay suuqa, kuwaa oo laga yaabo in ay kaalin kageystaan hormarinta nolosha reer miyiga.
Madaxweynaha KGS iyo martida kaleba waxey muujiyeen sida ay ugu farxeen waxyaabaha lagu soo bandhigay shirka, sida, abuurka tayada sare leh, dawooyinka xoolaha, kalluunka, miraha iyo qudaarta, sisinta, cunnooyinka gasacadeysan iyo caanaha. Kasheekeysiga Hal-abuurka ganacsi ayaa goobta Shirkan heerka sare ah waxaa soo qabanqaabiyey hareeyey, oo miisaskii qadada waxaa lagu faaqidaayey Mashruuca GEEL, kana dhacay madaxtooyada KGS, fikrado ganacsi! ayaa diiradda lagu saarayey sidii loo xoojin lahaa adkeysiga dadka iyo ganacsiga ee deegaannada KGS. Ka qeybgaleyaashu waxey si wadar ah isla qaateen Shirka waxaa kasoo qeybgalay inkabadan 100 qof, oo kaalinta muhiimka ah ee hey’adaha aan dowliga aheyn ay kamid yihiin mas’uuliyiin sarsare oo dowladeed, kuyeelan karaan xoojinta adkeysiga dadka shirkadaha gaarka ah, hey’adaha samafalka, shaqaalaha Koonfur-Galbeed. GEEL iyo hey’adaha kale ee ay isku GEEL iyo wakiillo kasocday ganacsiyada maxalliga ah. hannaanka yihiin ee ka howlgala KGS ayaa soo bandhigay qorshe-howleedyadooda, gaar ahaan kuwa Shirka intiisa badan waxaa loo qoondeeyey doodo sida gaarka ah diiradda u saaraya shaqa-u-abuurka iyo kusaabsan adkeysiga bulshooyinka iyo kobac dhaqaale taakuleynta ganacsiga ay leeyihiin haweenka iyo oo ka hanaqaada deegaankan lagu galladay kheyraad dhalinyarada. GEEL ayaa sidookale kahadashay berri iyo mid badeedba. Howlaha hor-tabinta leh ayaa guulaha ay gaareen ganacsatada kahowlgala goobo ah sidii sare loogu qaadi lahaa helidda isku filnaasho kale oo Soomaaliya ah, taas oo tusaale fiican u ah dhanka cunnada ah loona yareyn lahaa kutiirsanaanta hiigsiga dhaw ee shirkadaha deegaannada KGS ay gaari karaan. gargaarka, arintaasi oo lagu gaari karo taageero ay
7
Issue #8 September 2019
Saamaynta Ganacsiga The USAID / GEEL Project Newsletter
Shirkadaha ka ganacsada beeraha iyo qeybaha kale ee ganacsiga ayaa kaqeyb-qaatay fursad ay ku kulmeen ganacsatada iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, sida Madaxweynaha, oo diiradda lagu saaray deedaallo adkeysi oo ay bulshadu hormuud katahay. Xuquuqda Sawirka: Cabdikarim Cumar.
Qeyb kamid ah kulan loo dhanyahay oo lagu xoojinaayo adkeysiga reer Koonfur Galbeed, hey’ado ay kamid tahay GEEL iyo Mercy Corps ayaa kaqeybgalay madasha. Xuquuqda Sawirka: Cabdikarim Cumar.
8
Issue #8 September 2019
Saamaynta Ganacsiga The USAID / GEEL Project Newsletter
9
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga
Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
Maareynta Kalluumeysi ay Xog-ogaalnimo Hageysooo Hiil u ah Kobaca Tirada Kalluunka Aargoosatada
B
arnaamijkii koowaad ee maareynta iyo kormeerka aargoosatada ee Puntland ayaa ladaah-furay! Hey’adda maxalliga ah ee Homboboro Relief and Rehabilitation Organisation (HRRO) - oo talo-bixin
kaheleysa Andrew Harvey oo aqoon durugsan u leh kalluumeysiga, lana shaqeeya mashruuca GEEL, ayaa sameysay barnaamij waqti dheer soconaya oo lagula soconaayo laguna ilaalinaayo jillaabashada maxalliga ah ee aargoosatada. Saddexdi bil ee lasoo dhaafay, kooxdu waxey soo gabagabeeyeen xog-ururintii socotay tan iyo 2018-kii. Hey’adda HRRO oo adeegsaneysa kormeerayaasheeda labada boqol kabadan ee kusugan xeebaha deegaannada Puntland, ayaa u suurtageliyey in ay keento xog muhiim ah oo ku saabsan jillaabashada kallunka, taas oo caawin karta sameynta istraatiijyo xog-ogaalnimo kusaleysan oo lagu maareeyo kalluumeysiga. Xog-ururinta waxaa
10
kamid ah inta xirmo ee kujirta jillaabasho kasta, caafimaadka iyo tayada keydka kalluunka iyo cunna-badeedka. Kooxda cilmi-baareyaasha ah waxey ogaadeen –tusaale ahaan, xirmooyinka kallunka ee shabagga kusoo dhaco wuxuu aad u sarreeyaa xilliga horaanta - sannadka, sida xogta la uruuriyey tilmaameyso. Xogtan ayaa loo adeegsan karaa kago’an gaarista xilliyada xayiraadda lasaari karo kalluumeysiga, si fursad loosiiyo kobaca keydka kalluunka aargoosatada. Sida macluumaadka lagu ogaaday xog-uruurinta ay tibaaxeyso, jillaabashada aargoosatada ee deegaannada Puntland waxey u baahan tahay taageero farsamo iyo mid maareyn oo caawimi karta in kalluumeysatada Soomaaliya ay u jillaabtaan sida maangalsan, ugu haboon, uguna waari og. GEEL wuxuu hormarinayaa talooyin kusaabsan maareynta kalluumeysiga, taas oo waxkatari doonto helidda keyd aargoosatado oo saameyn dhaqaale oo togan kuyeelan doonto bulshooyinka kudhaqan xeebaha.
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
Munaasabadda Daahfurka Shirkadda Tiknoolojiyadda Beeraha ee AgriTech Munaasibadd a daahfurka AgriTech waxaa qeyb ka ahaa soo bandhigidda agab beereed kala geddisan oo lagu iibiyo tukaankan. Xuquuqda Sawirka: Erin Wolgamuth / GEEL.
I
n beeraleyda Soomaaliyeed ay helaan agab casri ah, abuurka beeraha, qalab, iyo tashiilaadka kale ee muhiimka u ah kobac waara iyo waxsoosaar cumriya, kana qeybqaata tartanka suuqa maxalliga iyo kan caalamkaba ayaa ah arin muhiimad gaar ah leh. Talo farsamo oo lasiiyo beeraleyda sidii agabkaasi u isticmaali lahaayeen, ugana gaari lahaayeen faaidada ugu badan ee suurtagalka ah waxey kacaawineysaa in maalgelintii ay sameeyeen laga macaasho. Milkiilayaasha Agritech, Axmed Gaas iyo Maxamed Ibraahim, oo taageero kahelaya mashruuca GEEL/USAID, ayaa tukaankooda oo kuyaallo Hargeysa, kuna dhanyihiin qalab beero oo tayo sare leh qiima ahaanna jaban ugu adeega beeraleyda.
kufarsameysaa gudaha dalka. Sidaa awgeed AgriTech agabkeedu waa karaqiisan yahay shirkadaha kale ee suuqa kula tartama. Kadib markey soo iibsatay mashiin tuubbooyinka lagu qalloociyo, AgriTech waxey noqotay shirkadda kaliya ee laga helo agabka Greenhouse cabbirkii ladoono. Shirkaddu waxey u adeegi kartaa macaamil kala jaad ah laga soo bilaabo haweenka qudaarta yar-yar kubeera guryaha ilaa beeraha ganacsiga ee waaweyn.
Greenhouse, abuur lahubiyey, iyo direys ay xirtaan beeraleydu markey shaqada kujiraan. AgriTech waxaa kale beeraleydu lawadaagtaa aqoon, sida in macaamiishu ay barto isticmaalka agabka, baarista ciidda beerta iyo talo-siinta beeraleyda laga bilaabo xilliga abuurka ilaa dalagga lagasoo gooyo.
Saddexdii bil ee lasoo dhaafay, GEEL waxey AgriTech kataageertay in ay furto tukaan cusub. Munaasibaddii furitaanka waxaa goobjoog ka ahaa wafdi kasocday USAID, mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo shirkadaha ganacsiga beeraha, hey’adaha maaliyadda iyo ardayda kulliyadaha beeraha. Jeffrey Bakeen, madaxa hormarinta iyo iskaashiga USAID Somalia, Dr. Cali Axmed Maax, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Somaliland, Aamina Faarax Carshe, agaasimaha qeybta kalluumeysiga ee rugta ganacsiga Somaliland, ayaa kamid ahaa dadkii kahadlay munaasibadda. Inkabadan 40 ruux ayaa kaqeybgashay munaasibadda, xarig-ka-jarista tukaanka, madal su’aalo iyo jawaabo ah oo khubarada mashruuca GEEL ay kaqeybgaleen, iyo bandhig agab iyo adeeg beero oo tukaanka lagu soo bandhigay ayaa kamid ahaa waxyaabihii munaasibadda kadhacay. Kasokoow taageerada daahfurka tukaanka, koox kasocotay qeybta beeraha ee GEEL ayaa AgriTech siiyey talo-bixin dhanka suuq-geynta, adeegga macaamiisha, iyo sidii ay taageerada farsamo ee ugu wanaagsan u siin lahaayeen macaamiishooda, si ay u gaaraan guulo waara. AgriTech waxey tukaanka kumaalgelisay $11,000 oo doollar.
Inkasta oo AgriTech ay suuqa uga soo horreysay shirkad kale oo lagu magacaabo Horn Gardens – oo iyaduna taageero kahesho GEEL, AgtiTech waxey suuqa kagashay kaalin gaar ah. Shirkaddu waxey agabka ka keentaa daafaha caalamka kadibna
Xafiiska Maalgelinta ee GEEL ayaa AgriTech kataageerayo sidii ay u naqshadeyn laheyd xirmooyin maalgelin oo deyn ay kusiineyso ganacsatada beeraleyda. Xirmooyinkaas ayaa u sahlaya in beeraleydu iibsadaan agab iyagoo lacagta isaga bixinaya
AgriTech waxey beeraleyda u hayaan agab cimilada lajaanqaadi karo sida aqalka dhirta lagu koriyo ee
11
Cadadka 8aad September 2019
Saamaynta Ganacsiga Warbixinta Mashruuca GEEL / USAID
Shaqaalaha GEEL ayaa kaqeybgalay daahfurka AgriTech oo kaalin ka qaadaneysa kobaca qeybaha wax-soosaark a. Xuquuqda Sawirka: Erin Wolgamuth/ GEEL.
si tartiib-tartiib ah muddo bilooyin ah, taas oo u ogolaaneyso in macaashka dalagga soo go’a ay kubixiyaan maalgelintii ay sameeyeen.
Ilaa xagaagi 2019, 15 beer oo intooda badani ay leeyihiin dumar iyo dhalinyaro ayaa kafaaideystay taageerada ceynkan ah ee ay AgriTech bixiso. GEEL ayaa dhankeeda kawaddo hirgelinta guryo lagu beero qudaarto (Greenhouse) iyadoo kaashaneyso bangiga Primier. Xirmadan greenhouse-ka waxaa lasiin doonaa haweenka beeraleyda ah ee kaqeybgalay shirkii USAID ay maalgelisay ee 2018-kii Hargeysa kadhacay, kuna saabsanaa sidii haweenku u heli lahaayeen maalgelin, waxeyna haweenkani heli doonaan qiima-dhimis dhanka dul-saarka ah, muddada deynta oo lakordhiyo iyo fududeynta shuruudaha.
Hannaan Istratiiji ah oo Lagu Dhawrayo Kaydka Qajaarka Badda iyo Dhir-Badeedka
Q
ajaar badeedka waa kheyraad muhiim u ah hab-nololeedka noolaha badda iyo nolosha deegaanka ee kuteedsan xeebaha Jubbaland. Bad-quuseyaal ayaa
xeebahaas si joogta ah uga soosaara ugu yaraan 60 nooc oo kheyraadkaasi ah, kuwaasi oo Kismaayo laga dhoofiyo loona iib-geeyo suuqyada Asia oo tafaariiq halkii kilo lagu iibiyo ilaa 500 oo dollar. Qiimaha sarreeya ee suuqa uu kajoogo awgeed, xaalufinta keydka dhir-badeedka ayaa ah caqabad weyn oo culeys ku ah bey’ada iyo ilaalinta kheyraadka deegaanka. Kalluumeysiga xad-dhaafka ah ee caalamka oo dhan kajira ayaa sababay in ay meelaha qaar ka dabar go’aan noocyo badan, taas oo horseedday in dowladuhu hakiyaan dhaq-dhaqaaqyada kalluumeysiga si keydka dhir-badeedka u soo kabto. Dhirta Mangrove-ka waa mid si weyn looga helo gebiyada labada webi ee mara koonfurta Soomaaliya, jooggooduna uu gaaro ilaa 45 fiid. Waxeyna sifiican ugu koraan cirifyada qoyan iyo xeebaha deegaannada leh cimilada kulul, oo ay kusameystaan xididdo xooggan kuna adkeeyaan ciidda si ay u nooleeyaan noole badan oo iyaga kutiirsan, taas oo kadhigeysa arin u mihiim ah howsha kalluumeysiga, sababtoo ah dhirtan waxey quudisaa kalluunka sida kuwa yaryar ee laga ganacsado. Nasiib darrose, maqnaanshaha sharci ilaalinaya darteed, Mangrove-ka Soomaaliya halis iyo xaalufin ayaa kusocota, gaar ahaan kuwa webiyada, oo waxaa laga jaraa alwaax loo isticmaalo dhismaha. Qiyaas aad loogu kalsoonyahay oo lasameeyey sannaddii 1975, waxey tilmaameysaa in baaxadda dhir-badeedka mangrove-ka uu dhamaa 10,000 oo hektar, halkii sannadkii 2015 uu hoos-u-dhac kuyimi awgeed uu gaaray 2,000 oo hektar oo kaliya.
12
Bishii Luuliyo, USAID/GEEL ayaa shirkadda Zamid Consulting u dirtay in ay sameyso cilmi-baaris ku aaddan qaabka lagu hormarin karo maareynta keydka qajaarka iyo dhirbadeedka xeebaha Jubaland. Si gaar ah, baaritaanka Zamid wuxuu abbaaray sahminta goobaha ugu wanaagsan ee kheyraadkaasi kujiro iyo sida ugu wanaagsan ee loo qaadi karo tallabooyin wax kaqaban dowladeedba ay si iskood ah isugu xil-qaameen wax-ka-qabashada arintan; haddane, kheyraadkani waxey u baahan yihiin dedaallo dheeri ah oo lagu hubinayo in ay sii jiraan. Maareynta jillabashada qajaarka iyo xannaaneynta mangrove-kuba waxey kaalin kaqaadaneysaa hal-beegyada xakameynta xaalufinta, sida in laxaddido cabbirka ugu yar, si loo ilaaliyo kuwa cardunka ah, kormeerka dabashadooda ama jaristooda iyo dhoofintooduba, ama in gebi ahaanba la hakiyo jillaabashada xilliyada qaar. Zamid waxey kutalisay in lasameeyo dedaallo ay bulshadu udub-dhexaad u tahay, sida sameynta guddiyo kormeera maareynta kheyraadka iyo kobcinta aqoonta bulshada ee ku aaddan qiimaha ay dhir-badeeddu u leedahay deegaanka iyo dhaqaalaha. Shirkadda Zamid waxaa kale oo ay kutalisay in laisku xiro goobaha xannaaneynta iyo dayactirka si loo fududeeyo iskaashiga iyo talowadaagga. Zamid ayaa bilihii u dambeeyey cayimtay goobo laga sameeyo dhaq-dhaqaaqyo tijaabo ah, welina waxey waddaa cilmi-baaris dheeri ah oo mashruuca GEEL kacaawin doonta in ay dowladda talo xog-ogaalnimo kasiiyo sameynta siyaasado lagu maareeyo kheyraadkan.
Yaan-nahay Mashruuca USAID ee Kobaca, Ganacsiga, Shaqaaleynta iyo Hab-nololeedka (Growth, Enterprise, Employment & Livelihoods GEEL), wuxuu diiradda saarayaa fursadaha iyo caqabadaha si guud uga jira qeybaha dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo kobcinaya aqoonta iyo tabarta maalgashadeyaasha maxalliga iyo qurbe-joogta u heellan maalgelinta fursadaha ganacsi ee dalka.
Diyaarinta warbixintan waxaa suurageliyey taageerada dadweynaha Mareykanka oo lasoo marsiiyey hey’adda Mareykanka u qaabilsan hormarinta caalamiga ah ee USAID. Nuxurka xogta kuqoran waxaa mas’uuliyaddeeda leh International Resources Group (IRG) Ltd, kamana dhigna aragtida USAID ama Dowladda Mareykanka.
Mashruucan, wuxuu hor-tebinta siinayaa ganacsiyada sida gaar ah ay uga faaidi karaan qeybaha bulashada ee aan helin fursado kufilan, sida haweenka iyo dhalinyarada. GEEL wuxuu si joogta ah ula shaqeynayaa hey’adaha dowliga iyo kuwa gaarka ah si maalgelin horleh loogu sameeyo ganacsiyada jira, kuwo cusubna loo hirgeliyo. Soomaaliya isbeddel iyo hormar ayey sameyneysaa, waxeyna lafalgaleysaa suuqyada caalamiga, sidaa awgeed; waxaan taageero mug leh lagarab-taaggannahay shirkadaha ganacsiga si ay uga faaideystaan fursadaha ganacsi ee kajira adduunka. Warbixintan aan ugu magac darnay “Saameynta Ganacsiga” waa mid aan kula xiriirno shirkadaha iyo hey’adaha aan jaalka nahay. Saddexdii bilba, waxaan kuwadaagnaa xulka warbixinnada, hor-u-marka lagaaray, wararka, munaasibadaha iyo xogaha si ay ula socoto ugana faaideysato cid walba oo nala shaqeysa, sida, beeraleyda, shirkadaha iyo dadweynuhuba.