DOOD CILIMEED KUSAABSAN NAAFADA

Page 1

DOOD CILIMEED KUSAABSAN NAAFADA

June 01, 2011

1


Xarunta Al-shaahid oo Muqdisho ku qabatay dood ku saabsan sida loo caawin karo dadka Naafada ah Arrar Arbaco, June 01, 2011 (HOL) – Waxaa lagu soo gabagabeeyey shalay dood laba maalmood socotay oo ay soo qabanqaabisay xarunta cilmibaarista iyo warfaafinta ee Al-Shaahid hoteel Paradise ee Magaalada Muqdisho, taasoo looga hadlayay sida loo caawin karo dadka naafada ah, waxaana kasoo qaybgalay curyaamiinta, indhoolayaasha, aayadaha maxaliga ah, NGO-yo iyo weliba warbaahinta. Doodda ayaa waxaa furay agaasimaha wasaarada shaqada iyo shaqaalaha DKMG ah Maxamed Shariif oo sheegay in dowladihii dalka soo maray ay si aad ah u taageeri jireen dadka naafada ah ay u abuureen shaqooyin kala duwan oo ay ku maareeyaan noloshooda sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay u kacaan sidii loo caawin lahaa dadkaas, gaar ahaan wuxuu u soo jeediyay dadka maal-qabeennada ah iyo intii awood leh inay dadkaas u gargaaraan. Agaasimuhu wuxuu sheegey in dowlada federaalka ay ku talo jirto in dadka naafada ay u abuurto shaqooyin iyo inay u sameyso goobo waxbarasho oo iyaga u gaar inta ay ka gaarayaan heerarka waxbarasho ee kala duwan, isagoo xusay in DKMG ah madaxdooda ay ka dhaadhicin doonaan inay dadka naafada ah daqli ku yeeshaan ilaha dhaqaalaha ee dalka si ay uga maarmaan hay'adaha kale ee ajnabiga ah. Wakiilka Muqdisho ee xarunta Al-shaahid C/llaahi Maxamed Xasan (Black) oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in xarunta ay qabatay tababarro iyo doodo fara badan kuwaasoo ay u qabteen qaybaha bulshada, waxayna intooda badan la xiriireen sidii dayeel loogu heli lahaa dadka naafada ah, isagoo xusay in in xaruntu dooratay inay qabato doodahaas si wax loogu qabto dadka naafada ah. Xubnhii ka qaybgalay dooddan ayaa isla meel dhigay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin wacyi-gelin fara badan oo la xiriirta taageerida dadka naafada ah, maadaama dadka Soomaaliyeed ay 2


yihiin dad aqoon-darri ay ka haysato caawinta dadka naafada ah, sidoo kale waxaa ka qaybgalaayasha ay soo jeediyeen in wacyi-gelin laga sameeyo qaybaha warbaahinta si dadka lagu baraarujiyo taageeridda dadka naafada ah. Cabduqaadir Barnaamij oo ka mid ahaa howl-wadeennada xarunta AlShaahid ayaa halkaa ka akhiriyay baaq kasoo baxay dadkii ka qaybgalay dood ku saabsan sida loo caawin karo dadka naafada ah wuxuuna baaqu u qornaa sidan: Baaqa laga soo saaray dood cilmiyeedkii ku saabsanaa wax u qabshada Naafada: Anagoo ka kala socona qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Howlwadeeno dowlada Soomaaliya ka tirsan, Haya’adaha horumarinta iyo samafalka ee wadaniga ah(NGOs), Hay’adaha Naafada, Warfaafinta, Bahda Dhaqaatiirta, Waxbarashada, iyo Culimada, dood iyo falaqeyn qoto dheerna ku yeelanay Mudo labo maalmood ah(30-31 May, 2011), Hotel Paradise, inagoo diirada saarney, "Daryeelka Naafada" . Waxaa dood iyo aragti is dhaafsi balaaran ka sameeynay "xaaladda Naafada: Nafsiyad ahaan, Dhaqaale, Bulsho iyo Baahida Naafada", sidoo kale "Doorka Hay’adaha Dowladda iyo Hay’adaha Horumarinta ka qaadan karaan samafalka naafada". Waxaan sidoo kale falanqeynay "Dowrka Mujtamaca ee kaga aadan daryeelka Naafada", doodaas iyo falaqeyntaas kaddib waxaan:1. Mahad gaara u soo jeedinay Xaruunta Cilmibaarista iyo Warfaafinta ee Al-shaahid, suurta galinta Dooddaan ku saabsan "Daryeelka Naafada", waxaanan ku dhiiri gelin dhamaan Hay’adaha Gargaarka iyo Dowladaba inay fiiro gaar ah u yeeshaan wax u qabshada Naafada Soomaaliyeed, sidoo kale loo sameeyo siminaaro aqoontooda kor loogu qaadayo gudaha iyo dibadaba. 2. In lagana shaqaalaysiiyo hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, lana tixgeliyo ra’yigooda iyo taladooda. 3. Waxaan balan-qaadeeynaa dhammaan kasoo qeybgalayaasheena inaan noqono kuwa taageera u ololeeya sidii loo daryeeli lahaa naafada, kuna tirtirsiino qaybaha bulshada inay ka qayb noqdaan dareenkaas daryeel ee ku wajahan naafada. Anagoo ka faa’ideysaneyno fursadaan, dareensanna waajibka naga saran naafada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynayaa:3


1- Naafada: •

Inay dhowraan midnimadooda, xoojiyaan kartida maamul iyo abaabul ee hay’adaha matala, kordhiyaan xiriirka ay la leeyihiin laamaha dowladda iyo hay’adaha bulshada. Inay kobciyaan kolsoonida ay naftooda ku qabaan, kana hortagaan si kalsooni ku dhisan faquuqa kasoo gaaraya bulshada. Inay dhisaan aqoontooda lana yimaadaan hal abuuro wax u taraya guud naafada iyo bulshada Soomaliyeed.

2- Dowladda: • •

Inay diyaariso shuruucda daryeelka Naafada, ayna saxiixdo sharciyada caalamiga ah ee ku lugta leh naafada. Inay dowladdu u fidiso taageero dhaqaale iyo mid dhiirigilinba naafada, lana horumariyo ururada naafada.

3- Hay'adaha Horumarinta: • •

Inay horumarinta naafada ugu talo-galaan budget gaar ah. Inay ka qaybgeliyaan fursadaha shaqo iyo kuwa ganacsi ee ay bixiyaan.

4- Warfaafinta: •

In warfaafinta Soomaaliya ay sameeyaan barnaamijyo, wareysigyo, doodo lagu wacyigelinayo bulshada, laguna soo bandhigayo dadaalada horumarineed ee ku wajahan naafada.

5- Ganacsatada: • •

In shirkadaha ganacsiga ay bixiyaan fursado shaqo oo la siiyo naafada kartida u leh inay shaqeeyaan. Inay taakuleeyan naafada Soomaaliyeed.

6- Bulshada •

Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay u dhimriyaan naafada, ka guuraan erayada dhaawacaya dareenka naafada, muujiyaana taageerada iyo dhiiri-gelinta qeybtaan muhimka ah ee ka tirsan bulshada.

4


• •

In bulshada dhammaan laga soo bilaabo qoyska ay dowr weyn ka qaataan, waxbarista, xirfad u yeelida iyo horumarinta naafada. In dhammaan qaybaha bulshadu ka qayb-qaataan wacyi-gelinta naafada. In la aasaaso hay’ad bulshadu leedahay oo ka shaqeeya horumarinta naafada.

https://www.hiiraan.com/news/2011/jun/wararka_maanta1-13758.htm

5


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.