Information in Somali on Joining

Page 1

Macluumaadka ku xirmida Luqada Kale Ku soo Dhowow Maktabadaha Degmada Wellington: Qof walba waa lagu soo dhowaynayaa Maktabadaha Degmada Wellington! Waxaan ku leenahay 14 laamood Wellington dhexdeeda, Arag laantaada kuugu dhow (find your nearest branch). Maktabad walbaa waxay leedahay kumbuyuutaro iyo WiFi lacag la’aana, iyo weliba munaasabada lacag la’aana (free events) oo carruurta yaryar, kuwa koran, iyo dadka waaweyn, oo ay ku jiraan kooxaha wada barta Ingiriiska (Learning English groups).

Ku xirnow Maktabadaha Degmada Wellington: Waa lacag la’aan inaad ku xirnaato Maktabadaha Degmada Wellington. Fadlan keenso aqoonsi sida baabasaboorkaaga, laysanka gaari wadida, ama aqoonsiga ardayga, maktabada iyo maktabad yaqaanada ayaa kaa caawinaya inaad is qorto.

Maktabada waxaa yaala buugaag, magaasiino, CDs, DVDs, iyo waxyaalla kale sida eBooks oo aad amaahan karto. Buugta waa lacag la’aan inaad amaahato. Marka la soo celiyo ka hor waqtigii oo aan dhicin, lacag lagaa qaadi mayo. Magaasiinada, CDs-ka, iyo DVDs-ka waa lacag inaad amaahato. Waxaa kaloo jirta la iska rabo marka la soo celiyo shey iyada oo dhaafay waqtigii soo celinta, wax gaaraan ama sheygu lumo. Lacagta aan la bixin waxay loo diraa hay’ada soo ururisa deynta. Waxaan halkan u joognaa in aan ku caawino: Waxaanu doonaynaa inaad ku qaadato waqti fiican Maktabadaha Degmada Wellington. Haddii aad qabto wax su’aalla ah, fadlan na weydii – waxaan halkan u joognaa in aan ku caawino! Adeega afcelinta: Maktabadaha Degmada Wellington waxay leeyihiin adeega tarjumida, waxaana loo heli karaa turjubaan in ka badan 60 luqadood. Haddii aad jeclaan lahayd mutarjum markaad isticmaalayso maktabada, fadlan u sheeg maktabad yaqaanka ka dibna wuxuu kula samayn karaa wada sheekaysi iyada oo uu mutarjum ku jiro Khadka telefoonka.


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.