Majaladda COSOB

Page 1

Bille, Muqdisho Agoosto 2017

MIISAANIYADDA

MADAXWEYNAYAASHA XILKA KA DAGA

XUKUUMADDA SOOMAALIYA AYAA MARKII UGU HORREYSAY MISAANIYAD GAAR AH U QOONDEYNEYSA MADAXWEYNAYAASHA JAGADA BANNEEYA

Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyrre



TUSMO

MUUQAALLO MUDNAAN LEH 2 Maalinta Ololaha Nadaafadda... 4 Maxaabiis laga soo daayay Itoobiya... 6 Raysal Wasaare Kheyre oo la kulmay ciidamada Xasilinta...

WARBIXINNO 8 Miisaaniyadda Madaxweynayaasha xilka ka daga... 9 Madaxweyne-yaashii hore iyo fasiraadda Dastuurka qabyada ah...

FAALLO 10 Xukuumadu weey ku shaqeyn kartaa miisaaniyad ku saleysan dakhliga gudaha...

CAAFIMAADKA 12 Muwaadin Soomaali ah oo Killiyahiisa laga soo saaray 700 oo dhagax!...

HAWEENKA 14 Maryan Yaasiin

“Sababaha ay dadka u Tahriibayaan oo aan xal loo helin ma joogsanayo Tahriibka”...

21 Lammaane Xafladdii Arooskooda u doortay in Lagu Soo hoyo Gaadhiga Maydka Lagu Qaado!!!...

NOLOSHA ISLAAMKA 22 Dhahaarada iyo Muhiimada ay leedahayd qeybtii saddaxaad (3)...

CAYAARAHA

HAKA QUUSAN GUUSHA 16 Hanashada guusha nolosha...

WAXBARASHADA 18 Barbaarinta Hagaagsan Ee Caruurta...

COSOB 1

LA YAABKA ADUUNKA

24 Qeybtii Labaad: Taariikhda Maxamed Cali Kalaay...

SHEEKO 26 Qeybtii koowaad: sheekada Nabsi...

Agoosto 2017



Muuqaallo Mudnaan leh

Maalinta Ololaha Nadaafadda Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa waxaa laga sameeyay degmada wadajir. Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, kuxigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaano iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex. Ra’iisul Wasaaraha oo gacantiisa ku waday gaadiidka gashinka xaaqayay, isla markaana dhex socday haweenka olalaha nadaafadda sameynayay, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda dalkooda


Muuqaallo Mudnaan leh

Maxaabiis laga soo daayay Itoobiya 114- Maxaabiis oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo in muddo ah ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa waxaa laga soo dajiyay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxaana ka dambeeysay imaatinkooda heshiis uu Ra’isilwasaaraha Soomaaliya la soo galay dowlada Itoobiya. Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Maxaabiista xubno ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo ehalada dadkaasi oo garoonka ku sugayay.




Muuqaallo Mudnaan leh

Raysal Wasaare Kheyre oo la kulmay ciidamada Xasilinta Raysalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan xilibaano ka tirsan baarlamaanka iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa booqasho ugu tagay qaarkamid ah ciidanka howlgalka xasilinta caasimada si uu ugu dhiiragaliyo in ay u siiwadaan howlgalka lagu xasilinaayo amniga muqdisho, ayna ku niyad jabin shilkii iyo isku dhacee dhaxmaray dhawaan ciidamada qaarkood.


Miisaaniyadda Madaxweynayaasha xilka ka daga Xasan Sheikh ayaa noqonaaya madaxweynihii ugu horeeyay oo ka faa’ideysanaaya fursaddan ayaa qaadanaaya lacag aad uga badan kan ay qaataan madaxda xilka ka dagta ee wadamda horey umaray ! Golaha wasiirrada Soomaaliya oo markii ugu horeysay dhawaan shir ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxay ku meel mariyay miisaaniyad sanadeed uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dakhliga Bishii ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qoondeysay Dowladda Soomaaliya ayaa ah $40,000 oo Doollarka Mareykanka ah Bishiiba.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Sanadkii waxaa ay noqoneysaa $480,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu ka badan yahay kuna laba jibaarmaa Madaxda sare ku xusan.

Brack Obama

Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Obama waxaa uu Sanadkiiba howlgabnimadiisa ku qaataa $200,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu xilka ka degay biloowgii Sanadkan.

David Cameroon

Stephen Harper

Ra’isalwasaarihii hore ee UK

Ra’islawasaarihii hore ee Canada

Halka Ra’isalwasaarihii hore ee UK, David Cameroon miisaaniyaddiisa sanadlaha ah ee ay dowladda siiso dhan tahay $149,000 oo Doollarka Mareykanka ah. COSOB 8

Agoosto 2017

Sidoo kale Dakhliga Ra’islawasaarihii hore ee Canada Stephen Harper,ayaa waxaa ay dhan tahay $105,000 oo Doollarka Mareykanka ah.


Madaxweyne-Yaashii Hore Iyo Fasiraada Dastuurka Qabyada Ah

Beryahaan waxaa warbaahinta Somalida ugu hadal-hayn badnaa; Xuquuq gaar ah iyo Miisaaniyad loo qoondeeyey 2017 Madaxweyneyaashii hore ee xilka ka degay oo la sheegay in Golaha Wasiiradu ansixiyeen iyaga oo ka duulaya Qodobka; 64 aad ee Dadatuurka Qabyada ah ee Fedaraalka, kadibna waxaa la isku khilaafay Fasiraada Qodobkaas iyo cida Fasiraysa iyo Ujadadiisa!!. Hadaba Qodobkii oo Qoraalkaan ku lifaaqan ayaa Khilaafkiisu ku saleysan yahay sidan; 1. Madaxweynehee laga bilaabayaa? Kuligood miyaa 1960 - 2017? Mise inta nool kaliya; Cabdiqaasim, Sh. Sharif iyo Xasan Sheakh? Mise Xasan Sh. kaliya?. 2. Xildhibaan-nimada iyo Xuquuqda ma isla socdaan? Mise waa kala socdaan? 3. Madaxweynaha kaliya miyaa leh Xuquuq? Mise Xaasaska iyo Caruurtiisa? 4. Ra’isalwasaare-yaashii hore iyo Wasiiradii hore wax Xuquuq ah ma leeyihiin? Mise waa Madaxweyne kaliya?

5. Madaxweyne-yaasha dawladaha Gobalada Xuquuq ma leeyihiin? Mise waa Federaalka kaliya?. 6. Hadii Madaxweyne kasta la siinayo Xubin Barlamaan oo joogto ah iyo Miisaaniyad gaar ah! Sow ma aha in laga bedelo 4 ta sane ee la doorto oo loo badiyo? Hadii kale Barlamaanka iyo Miisaaniyada Somaliya sow ma wada noqo karto Madaxweyne-yaal?. 7. Madaxweynihii la siiyo Xubin Barlamaan iyo Miisaaniyad gaar ah sidee loola tartami-doonaa 4 sano kadib? Hadii uusan balanqaadiin in uusan musharax aheyn marka hore? 8. Sidee laga yeelayaa Gudoomiyeyaasha iyo ku xigeenada Barlamaanka labada Aqal oo iyagu Sharciga iyo Fasiraadiisa gacanta ku haysta? Yaa ka celinaya in ay Sharciyeystaan iyagu? Madaxweyneyaasha iyo Raisalwasaare-yaashana u Sharciyeeyaan? kuna dabaqaan 4.5 ka iyo Awood-qeybsiga Qabiilka?. Hadaba dad badan waxey soo dhaweynayaan in Madaxda dalka la daryeelo, lagana kaaftoomo martigelinta dawladaha shisheeye, hadii awood dhaqaale loo leeyahay! Iyo in Cadaalad iyo Sinaan lagu qeybiyo!!. Waxaa Barlamaanka oo fasiray COSOB 9

Agoosto 2017

Warbixinno

Qodobka 64 aad ee Dastuurka Qabyada ah iyo Golaha Wasiirada oo ku raacay ay go’aamiyeen in Madaxweyne Xasan Sheakh laga bilaabo Xubin-nimada iyo Miisaaniyada gaarka ah, intii ka horeysana laga tago! Lamana oga inta gadaal looga soo dari doono iyo sababaha looga tegay Madaxweyne Caddiqaasim iyo Sh. Sharif ! Hadii Qodobka la dabaqayo oo sheegaya “ Qof kasta oo noqda Madaxweyne”. Qodobka 64 aad: Tirada Xubnaha Golaha Shacabka Faqrada (4) (Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ee Somaliya, marka uu xilka baneeyo, wuxuu noqonayaa xuldhibaan Golaha Shacabka inta uu noolyahay, hadii aan xil-ka qaadis lagu sameyn iyadoo aaney muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92 aad ee Dasturkaan, tirada Xildhibaanada Golahana dheeraad ayuu ka yahay).

Dr Maxamed Nuur Gacal


Xukuumadu weey ku shaqeyn kartaa miisaaniyad ku saleysan dakhliga gudaha

Waa qasab in dowlad kasta ay ku dhaqaaqdo barnaamijyo Maaliyadeed oo aasaas u ah keydinta dhaqaalaha ka soo xerooda bulshada ay maamusho iyo kuwo kale oo ay ka helaan hirgalinta mashaariicyo horumarineed oo ay la wadaagaan dalalka kale ee daneeya dowladahaasi. Inkatoo dowladda Soomaaliya ay ka soo kabanaya dhibaatooyinkii dowlad la’aaneed,haddana maamulka xilligaan oo ku yimid rabitaanka bulshada,waxay ku guuleysteen in ay diyaariyaan isla markaana soo bandhigaan barnaamij maaliyadeed oo keeni kara in dadku ay la ocdaan dhaqalaha dowladda ee dhinaca gudaha iyo dibadda ,si ay meesha uga baxdo tuhunada la xiriira wax isdaba-marin iyo lunsasho habti umadeed. Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii caadiga ahaa kaga dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Milyan oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhi-

man sanadkan. Lacagahaasi ayaa lagu saleeyay in ay yihiin kuwo laga soo uruurinaayo goobaha laga maamulo ilaha dhaqaale ee dalka sida dekedda,garoonka diyaaeadaha iyo meelaha kale,waxaana miisaaniyadda sanadkaan laga ilaaliyay in lagu daro dhaqaalaha ay bixiyaan dalalka daneeya Soomaaliya,kuwaas oo loo arkay in uu ku imaan karo dib u dhac ama arimo kale. Tallaabadaan oo ah dhaqdhaqaaq ay xukuumaddu ku bixineyso kalsooni raadinta ayaa timid kadib markii maamulka wasaaradda maaliyadda ay kashifeen in sadex laab iyo afar laab la helay lacagihii ka soo xeroon jiray dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho,taasina ay ku timid hagaajinta nidaamka loo qaado dakhliga. Waxaa dhab ah in aysan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya miisaaniyaddii hore iyo tan hada ee la ansixiyay ,hasa yeeshee waxaa muuqda in xukuumaddaan ay xil iska saartay sidii loo heli lahaa dakhli sax ah oo salka ku haya

COSOB 10

Agoosto 2017


Faallo

caafimaad-qabka ururinta canshuuraha dalka, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliya waxa ay heysataa fursad qaali ah oo aan soo marin kuwii ka horeeyay Hadii dakhliga gudaha loo maamulo si daacad ah oo ay ku dheehan taahay alla ka cabsi waxaa goor dhow dalka Soomaaliya uu ku tallaabsan doonaa horumar la mid ah kuwa ay gaareen dalalka Afrika qaarkood. Dadaalka baaxadda leh ee ay wadaan dowladda,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda,ayaa u muuqda mid suuragalinaya in dalku uu iska ilaalin doono lacago deyn ah oo ka yimaada dibadda,waxaaana la rajeynayaa in la bilaabo qaadista canshuuro badan oo hoos tagi jiray maamulka gobolka,wasaaradaha maaliyadda iyo lacagta,sida berrigga. Mudada dhow dakhliga ka soo xerooda caasimadda dalka ayaa la filayaa in lagu dhiso goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ,isla markaana lagu bixin doono mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada,iyadoo si gaar ah lacagaha ay is-dhaafsanayaan maamulka Maaliyayadda

,kan Bangiga iyo madaxda uu yahay mid cad oo aan keeneyn in gacan kaliya ay maamusho hantida umadda. Dalal badan oo isugu jira Carab,Yurub iyo kuwo kale ayaa bilaabay bixinta lacago dhiirigelin ah oo la siinayo dowladda,kadib kolkii ay arkeen xirfadaha dhabta ah ee ay ku shaqeynayaan xukuumadda cusub,waxayna ballan qaadeen in ay cafin doonaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya,haddii ay ka miro dhaliyaan hiigsiga dowlad wanaaga. Xukuumad daacad ah oo diyaar u ah in lala qeybsado dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee loogu adeegayo umadda,waxa ay dhiirigelin kartaa isla Xisaabtan dhab ah oo salka ku haya ogaanshaha hannaanka Maaliyadeed ee dalka ,iyadoo ay lama huraan tahay in dadweynuhu ay helaan ama la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado iyo in la mariyay dhaqaalahaasi meeshii saxda aheyd ee loogu talagalay

COSOB 11

Agoosto 2017


Muwaadin Somali ah oo Killiyahiisa laga soo saaray 700 oo dhagax!

C/raxmaan oo ah Muwaaddin Soomaaliyeed kana soo jeeda Magaalada Gaalkacyo ayaa kilyahiisa laga soo saaray in ka badan 700 oo dhagax sida ay sheegeen dhaqaatiir u dhashay dalka Hindiya oo qalliin ku sameeyay kilyaha C/ Raxmaan oo ugu tagay Dalka Hindiya. C/Raxmaan oo wax ka badan saddex Sanadood la xanuunsanay kilyaha ayaa waxaa uu u tagay dhaqtar ku yaalla Gaalkacyo,waxaana loo sheegay in Kellidiisa bidix ay infekshan qaadday sidaas darteedna aanay waxba u qaban Karin iyada oo midda midiga ay xanuun ku heysay. Waxaa uu tagay dalka Hindiya waxaana lagu sameeyay Qalliin guuleystay oo labada Kelli lagu sameeyay.

Surya Prakash oo ah Dhaqtaradda qalliinka ku sameeyay C/Raxmaan ee Isbitaalka Virinchi Hospitals ayaa sheegtay in sided bilood ka hor Killida bidix qalliin looga sameeyay uu qaaday caabuq islamarkaana uu dhibaato kale u geystay,waxaa ay sheegtay inta aysan billaabin labada qalliinba in ay dib u habeyn ku sameeyeen kelyaha oo dhagxaanta ku jiraan,markii ay caabuqa ka saareen kaddibna ay billaaabeen in mid mid ay ugu sameeyaan. Waxaa ay sheegtay in hal dhagax oo 3 Sinti mitir ah laga soo saaray killida bidix sidoo kalena boqolaal dhagax oo yaryar laga soo saaray kellida Midigta ah.

COSOB 12

Agoosto 2017


Caafimaadka

Waxaa ay sheegtay in dhagxaanta qaar ay daxaleysteen oo ay gudaha ku dhaceen intii ay howsha wadeen laakiin ay soo saareen dhagxaan ka badan 700 oo Dhagax. Drs Surya Prakash, waxaa ay sheegtay in tirade dhagxaanta ay tahay tii ugu badneyd ee qof laga soo saaro oo ay indhaha ka qaaddo intii ay dhaqtaradda ahayd,waxaana ay intaa ku dartay in inta ugu badan ee ay arki jirtay ay ku qiyaaseyso 150 ilaa 200 oo dhagax. Dhaqaatiirta Isbitaalka ayey sheegtay in maaddada kiimikaad ee ay ka sameysanyihiin dhagxaantan ay baarayaan sidoo kalena ay aaminsanyihiin in waxani aysan ahayn wax ku beermay C/raxmaan ee ay yihiin dhaxaltooyo.

Laakiin C/Raxmaan ayaa u sheegay dhaqaatiirta in taariikhda qoyskiisa aysan waligood arag dhagax killiyaha gala sidan oo kale uuna isagu yahay qofkii ugu horreeyay ee dhacdadan la kulma. Xaaladda Caafimaad ee C/Raxmaan ayaa hadda ah mid ka soo reyneysa,Dhaqaatiirta qalliinka ku sameeyay C/ raxmaan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Killiyaha C/Raxmaan oo nadiif ah ay mar kale shaqadooda dib u billaabaan.

COSOB 13

Agoosto 2017


Maryan Yaasiin: “Sababaha ay dadka u Tahriibayaan oo aan xal loo helin ma joogsanayo Tahriibka”

Tahriibka oo ah socdaal aan sharci aheyn waxa uu saameeyay badi bulshooyinka ku nool qaaradaha dunida sida Asia iyo Africa, sanad waliba waxaa tahriibo tiro dad ah in kastoo ay adag tahay ogaashaha inta ay la’eg yihiin tirada saxda ah ee tahriibayaasha sida joogtada ah naftooda ugu haliga Badaha dunida maadaama ay si aan sharci aheyn ku socdaan ,waxaa doomo qaatay sanadkii 2016 dad gaaraya 7281 Muwaadiniin Soomaaliyeed si ay Europe ugaaraan. Tahriibayaasha waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan ,qaarkood ayaa Badaha lagu daadiyaa, ka dib mar-

ka la fahmo in aysan doonta xamili Karin dadka sida xad dhaafka ah loo saaray ,kuwa ayaa gacanta-ugala Kooxo magafayaal ah kuwaasi oo ka qaato lacago si ay u sii gudbiyaan haddii tahriibaha uu diido , waxa uu qaabilayaa Jirdil ,mararka qaar-dil, haddii ay Haweeneyn tahay Kufsi iyo dhibaatooyin kale oo dhaawac maskaxeed gaarsiin kara qofka. Si loo ilaaliyo Xaquuqda Tahriibayaasha waxa ay dowladda Soomaaliya Sanad iyo billo ka hor u magacaawday Uqaabil-sanaha Xukuumada Soomaaliya ilaalinta Xaquuqda Tahriibayaasha iyo Carruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf

COSOB 14

Agoosto 2017


Haweenka

bayaasha maadaama ay yihiin dad go’aan saday in naftooda ay haligaan ? Mayan Yasiin : “Qof isbiimeeyay oo maanta doon raacay sabab ayaa jirta oo ku qaaday iyada oo ay sidaasi tahay qofku waxa uu leeyahay xaquuq ma ahan in la xiro La dilo , la jirdilo , lacag laga qaado ama loo geysto dhibaato saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelata noloshiisa,muhiimada waxa ay tahay in aan ogaano in uu yahay qofkan muwaadin ay daruuf u geysatay in uu tahriibo ,sababta oo ah ma jirto qof neceb wadankiisa , marka aan ogaano in ay jiraan dhibaatooyinka noocaasi ah waxa aan la xiriirnaa hey’adda IOM, iyo kuwa kale oo Qaramada Madoobe hoostaga si ay arrintaasi nagala shaqeeyaan

oo muddo 15 sano ka shaqeyneysay Difaaca Carruurta, Maryan Yaasiin oo wareysi ka qaaday Nasriin Maxamed ,Waxa aan weydiinay halka ay mareyso shaqada ah illaalinta Xaquuqda Tahriibayaasha? Maryan Yaasiin “ Haddii aan kuu soo koobo Shaqadu waxa ay mareysaa meel fiican si aan u sii dardar galino waxaa la sameeyay gudi heer sare kaasi oo ah gudi wasiiro ah oo ka shaqeynayo Maareynta Tahriibka , basle waxaa haboon in la ogaado sababta ay dadka u Tahriibayaan ,iyada oo aan taasi xal loo helin ilama ahan in Tahriibka la joojin karo.” Wariye Nasriin : Sidee ayaad u ilaalisaan Xuquuqda TahriiCOSOB 15

Wariye Nasriin : Maxaad kala socotaan dadka laga soo celinayo wadamada Qaar ? Maryan Yaasiin : Waxaa jiro wadamo badan oo dadka soo celiya , ama soo tarxiila sida Sacuudiga inkastoo Mareykanka uu hadda bilaabay qaarkood iyaga aan Dowladda Soomaaliya ka warheynin ama waqti aan lagala hadli Karin la joogo ayay dadka soo celiyaan ,ma dhihi karno yaanan la soo celin laakiin ka hor waa in uu jiraa qorshe loo sameeyay dadkaasi dib loogu soo celinayo wadankooda. Wariye Nasriin : Ma booqatay Xabsiyadda Ay ku xiran yihiin Maxaa biista ? Maryan Yaasiin : Waxa aan wadnaa qorshihii aan ku tagi laheyn sababta oo ah waxa ay ku xiran tahay in aad tagto in aad heyso xogo ka imaanayo xabsiga taasi inta badan qeybaha garsoorka iyo ,safaaradaha ayaa ka shaqeeyaan. Wariye Nasriin : Muhiimad intee la eg ayay leedahay in sharci ka dhan ah tahriibka la soo saaro ? Maryan Yaasiin : Waaa Su’aal fiican laakiin waxa is weydiin mudan ka hore inta aan sharcigaasi la sameyn maxaa laga yeelayaa dadka magafayaasha ah ee tahriibayaasha dhibaatadda badan u geystataasi oo aan sharci laga soo saarin lama awoodi karo in la sameeyo sharci ka dhan ah tahriibka sababta oo ah qofna kama reebi kartid tahriibka adiga oo aadan daboolin baahida uu u tahriibayo. Haddaba wareysiga Ergiga u qaabilsan Xukuumada Soomaaliya ilaalinta Xaquuqda Tahriibayaasha iyo Carruurta Waxaa Qaaday Wariye Nasriin Maxamed Ibraahim.

Agoosto 2017


Hanashada guusha Nolosha Nolosha qofka ibna adamka ah waxay ku salaysan tahay waxyaalo aad u badan. Sidaasi oo ay tahay qof walba oo ku dul nool gagida aynu ku dul uumanahay wuxuu ku taamaa oo uu jecelyahay in uu helo nolol aad u macaan isla markaana leh dhud iyo dhadhanba.

ruux kastaa si uu ugaadho nolosha guusheeda wuxuu kafaraa si uu u hanan lahaa wax kasta oo uu ku gaadhi karo nolosha sareedadeeda. Hadaba waxaan shaki ku jirin qof kasta inuu dhinac ka eego ama uu ka baadi goobo guusha uu ku taamayo.

In aad noqoto dhaqaale ahaan qof ku tiirsan shaqaale oo kaliya balse aad noqotaa qof ku tiirsan maxsuulka ay soo saarayso aqoonta maskaxdaada ku kaydsani. Taasina waxay sababaysaa ama ay keenaysa in aad noloshaada guusheeda hantido.

In noloshaadu ay ahaato mar walba mid leh yool isla markaana subax walba aad kuso toostid saaka intee inleeg ayaad yoolkaagi kusi dari kartaa ama kusii biirin kartaa.

Marka aynu ka hadlayno umadda somaliyeed meelkastay ku noolyihiin waxay ka raadiyaan badhaadhaha nolosha in ay cagaha saraan dhulal shisheeye sida Europe, America iyo Australia. Haddaba suaasha u baahan in si qoto dheer oo waayo arragnimo leh looga jawaabo waxay tahay Qofku siduu ku hanan karaa nolol sareedo barwaaqo iyo badhaadhe leh labadaba? Waxaynu isku dayi doonaa suaasha inaynu dhinacyo badan ka eegno isla markaana umadda u ibo furno siyaabo kala duwan oo lagu gaadhi karo hadafka nolosha ee loo loolamayo yar iyo waynba. Dadka badankoodu markay damcaan inay nolosha guul ka gaadhaan waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhaca in uu helo *** Lacag, Guri, Gaadhi iyo Gabadh*** taas oo sababtay in ay ka baadi goobaan dhulal shisheeye oo lagu tuhmayo nolol ka sareedo badan tan lagu uumay. Haddaba xaqiiqada dhabta ahi waxay tahay qofku inuu yeesho hami aad u fog sido kale inuu yeesho IL wax ka aragta meel ka baddan dhulka iyo samadu intay isu jiraaan. Hamigaaga iyo aragtidaada oo dheeraataa waxay sabab u tahay in waayo aragnimadaadu badato isla markaana aad abuuri karto fakar aad ku horu marin karto deegaankaaga kana dhigi karto meel ka nolol macaan kana raynrayn badan dhulalka shisheeye ee hamigaagu ku maqanyahay. Jim Rohns: waa aqoonyahan maraykan ah, waxa uu leeyahay saddex siyaabood ayaad ku hanan kartaa guusha nolosha.sido kalena marka aad u bahantahay inaad nolosha guul ka gaadho waa inaad ku guulaystaa saddex dan qodob. •

In aad ku guulaysatid kobcinta iyo kor u qaadida mugga aqoontaada. Markasta oo aad aqoontaada kobcisid waxaad kusii siqaysaa inaad u dhawaato

guusha noloshaada.

Maddaama oo aynu nahay umadd muslim ah waxaynu isku dayaynaa in aynu sidoo kale dul istaagno diinteena suuban waxay ka qabto kana tidhi guusha iyo sareedada nolosha. Diinteena suubani waxay ina faraysaa Nolosha aduunyadu idil ahaanteedba inay tahay imtixaan islamarkaana EEBBE S.W.T uu ku imtaxaamayo addoomadiisa. Imtixankaasi oo la eegayo qofka jawaabta uu ku jawaabo iyo fal-celintiisa. Hadaba qofka ku guulaystay adunyada waa qofka imtixaankaa EEBE sidisa ugasoo baxa sido kalena qofka aakhiro ku guulaystay uu EEBE S.W.T inoogu shegay Quranka kariimka ah. ‫) ﻓﻤﻦ‬ (‫ﺯﺣﺰﺡ ﻋﻦ ﺍﻟﻨﺎﺭ ﻭﺃﺩﺧﻞ ﺍﻟﺠﻨﺔ ﻓﻘﺪ ﻓﺎﺯ‬ Oo micnaheedu yahay qofkii laga dhufto naarta oo la galiyo jannada wuu guulaytay. Halkaas waxa inoogu cad dhamaanba ujeedada uu ilahay ka leeyahay adduunyada korkeeda sido kalena qofka aduunyada ku guulaysta iyo qofka aakhiro ku guulaysta uu qaalisanyahay qofka aakhiro ku guulaysta sababtuna ay tahay in adduunyadu ay tahay mid loogu talagalat in addoomada lagu imtixaamo ayna tahay mid aad u kooban. Haddaba guusha noloshu maaha in aad ka baadi goobto ama aad ka raadiso meel aan kaa fogayn balse waa in aad marka u horaysa niyadaada siisaa kalsooni ay ku garwaaqsato guushu inay tahay mid aad u fudud isla markaana ay tahay mid ku xidhan waxyaabo kooban oo ay awoodo inay naftaadu si buuxda u samayn karto. Waxan odhan karaa guusha qof waliba wuu kasban karaa haduu la yimaado dhawrkan qoddob: Samir badnaan: samirku waa waxa kaliya ee hoga tusaaleya qofku in uu gaadhi karo guul wakhti aan fogayn hadii uu la yimaado asbaabaha samirka. Isla markaana waa sir uu ilaahay inoogu sheegay Quraankisa kariim ka ah taas oo la taxaluqda ama ku lug leh guusha uu aadamuhu kuu taamo. Samirka waxa kale oo nafta lagu

COSOB 16

Agoosto 2017


Haka Quusan Guusha

baraa daganaansho iyo karti badnaan uu qofku ku xamilo nolosha adaygeeda. Daacadnimo: qoddonkani waa lagama maarmaan hadii aad u golongoshay ama aad in badan baadi goobaysay inaad noloshaada guul ka gaadhid. Waa wax dadbadani ku hungoobeen, buuxina waayeen. Waa wax lagu qiimayn karo in aad guulaysanayso noloshaada hadii aad la timaado isla markaana aad arki doonto shay aad maskaxda ku haysay aadna kuugu waynaa oo gondahaaga ama agtaada yimaada. Dhiiranaan: qoddobkani waa mid aad xasaasi u ah isla markaana u baahan feejignaan dheeraad ah. Waxa xaqiiqo ah in qof waliba uu naftiisa la jecelyahay waxa wanaagsan. Sidaasi oo ay tahay waxa dadku ku kala duwanyihiin dhiranaanta iyo hal adayga gaar ahaan marka qofku guul raadinayo. Waayo waa in aad maqashaa durbaanka kaa dhex baxaya sanqadhiisa, sidoo kalena aad rumaysaa riyooyinka joogtada ah ee ku xidhiidhsan waayahaaga nololeed. Waa shay u baahan daganaansho dheeraada iyo talooyin ama xoggo kala duwan oo aad ku jaan goyso, maxaa yeelay mararka qaar wuxuu khatar galin karaa noloshaada bini aadan tinimo si aad guul ugaadho awgeed. Waa waxa dadka qaar ay ugu hodmaan isla markaana ay guul awgeed xakamayn kari

waayaan naftoda melo aan ku habonayna ku hodda. Alle ka cabsi: Alle ka cabsigu waa hidaayo iyo hanuun uu EEBE S.W.T uu ku galado adoomihiisa uu jecelyahay. Waa akhlaaqiyaad wanagsan oo EEBE S.W.T uu ugu deeqo adoomihiisa uu ku sugayo dariiqa toosan. Waa siyaasad uu aadamuhu ku kala dheeraayo isla markaana uu ku kala gaadho sumcad wanaag iyo jacayl badnaan dha kastaba ah. Afartaa qodob waxay qofka u suurto galin karaan in uu noqdo qof ka midho dhaliya isla markaana rumeeya aragtidiisa ku aadan inuu nolosha guul ka gaadho. Wakhti aan sidaa usii durugsanayn bay ahayd markii aan dareemay wax yaabo badan oo noloshayda ah in badan ku taami jiray kuna riyoon jiray aan gaadhay waana guule mahadii, furaha ama sirta aan u adeegsadayna waxay ahaayeen qodobadaas aan kor ku xusay. Waxaanan rajaynayaa in badan oo idinka mid ah in ay guushay ku taamayaan hanan karaan hadi ay isticmalan qodobadan. Maahmaah English ah baa waxay tidhahdaa: “success is not once a shock” oo macnaheedu yahay guushu maaha wax hal mar soo baxa ama lagu naxo

COSOB 17

Nagib Abdi Rabi Agoosto 2017


Barbaarinta Hagaagsan Ee Caruurta. 18 TALO oo ku Saabsan Barbaarinta Caruurta

Caruur barbaarintu waa xirfad ay waariddiintu is dheer yahiin. Sida xirfadaha kale oo dhan, qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waayo xigmad caan ah ayaa oranaysa: “Qof waxuu bixiyaa, waxuu hayo!”. Sidee ayuu waarid ilmahiisa si wanaagsan ugu barbarian karaa, hadii aanu ogayn ama aqoon waajibka saran? Caruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo, akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxbarasho iyo bulsho ahaanba. Taasna micnaheedu ma ahan in ay ilmahu xumaan ku dhasheen, ee waxay u badan tahay, in ay soo barbaariyeen waaridiin dayacay ilmaha ama kuwo aan aqoon u lahayn barbaarinta haboon ee caruurta. Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jiro bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sida caruurta loo barbaariyo. Dabcan dhalintaa aan la tarbiyadayn waxay mushtamaca ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo dhismaha bulshadaba. Halkaan waxaad ka helaysaa talooyin kaa caawiya sidii aad u barbaarin lahayd caruur ku korta mabaadi’da Islaamka. 1- Guurso qof diin leh: Talada ugu horaysa ee barbaarinta caruurtu waa inaad marka horeba guursato qof diin leh. Diintu waa waxa ugu muhiimsan ee qof lagu doorto. Abu Hurairah, radiallahu ‘anhu, waxuu wariyay in Rasuulku, sallallaahu ‘alaihi wa sallam, yiri: “Dumar waxaa loo guursadaa afar shay: xoolaheeda, magaca qoyskeeda, quruxdeeda iyo diinteeda. Marka doorta dumarka diinta leh, hadii aydnaan rabin inaad khasaartaan.” [Bukhari iyo Muslim.] Doorashada xaasku dhaqmaya mabaadii’da Islaamku waxuu maalinta ugu horaysaba kula aas-aasayaa guri ku dhisan diinta Islaamka, ilmahuna dhaqan xumo kama baranayaan. 2- U akhrinta buugta iyo u sheekayntu waa muhiim: U bilow inaad ilmaha buugta ciyaalka u akhrido; iyaga oo yarna u sheekayso, si ay luuqadda iyo dhagaysiga u bartaan. Inaad horay ugu bilowdo ayaa aad u haboon. Buug u akhrinta caruurta waxa ay ilmaha iyaga oo aad u yar tusaysaa in waxbarashadu xiiso leedahay, waxayna baranayaan sida wax loo dhagaysto, oo loo qaato waxbarashada. Muhiimnimada wax akhriska waarid walba wuu ogyahay. In caruurta buugta loo akhriyo waa jidka ugu wanaagsan oo ay guul ku gaaraan – aqoon ahaan iyo qof ahaanba. 3- Ciyaartu hal-abuurka iyo fadhiga ayay ilmaha bartaa: Marka ilmahu ciyaar gaaro, ku dhiiri gali inay ku ciyaaraan qalabka kor u qaadaya fakarkooda iyo waxqabadkooda; waxa kaliya oo aad ka taxadartaa in qalabka ciyaartu uu diinta waafaqsan yahay, dhibna aanu u keenayn. Ciyaarsiinta ilmaha waa hadiyad ka mid ah hadiyadaha uu waalidku ilmahiisa siinkaro. Ciyaartu waxay ilmaha ka caawisaa inay yeeshaan hal-abuur, ilmaha way ku dagaan, waxayna galisaa himad ay ku arkaan waxa ay awoodaan. COSOB 18

4- Waxaad ku bilowdaa inay bartaan muhiimadda caabudidda Ilaahay: Waxa ugu wanaagsan ee waaridka Muslimka ah uu ilmahiisa bari karo waa inuu ku adkeeyo ilmaha, laga bilaabo maalinta ay waxkala garan karaan, in Ilaahay (swt) uu yahay kan kaliya oo xaqa lagu caabudo. Tani waa fariinta ugu muhiimsan ee uu Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) na faray, waana furaha janada. 5- Ilmaha u naxariiso: Naxariistu waxay dhashaa naxariis. Hadii aan ilmaheena u naxariisano, iyaguna dadka kale ayay u naxariisanayaan. Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee u naxariisashada ilmaha. 6- Bar tusaaleyaashii geesiyadii Islaamka: Halkii aad Batman iyo Superman uga sheekayn lahayd, uga sheekee geesiyada dhabta ah sida nabiyadii iyo asxaabtii. Sida: Abu Bakr, Umar Ibn Khattab, Osman bin Affan, Ali Bin Abi Talib, dhamaantood Ilaah ha ka raali noqdee, iyo kuwo kale. Usheeg sida hogaamiyeyaasha Muslimku ay u abuureen nabad dhab ah oo aduunka badasha, una qabsadeen qalbiyada Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahaynba. 7- Caruurtu dadka waawayn ha la fariisato: Waxaa haboon in caruurtu ay dadka waawayn ku dhex Agoosto 2017


Waxbarashada

jiraan, gaar ahaan marka muxaadarooyinka Islaamiga ah la qaadanayo. Nabigu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), waxuu inta badan caruurta fariisin jiran safka hore marka uu dadka la hadlayo. 8- U tus in ilmahu qof muhiim ah yahiin: Arimaha qoyska kala tasho. Ha dareemeen in ay yahiin xubin muhiim ah oo qoyska ka tirsan; qaybna ay ku leeyahiin talada wanaaga iyo horumarka qoyska. 9- Qoysku waa inuu is raaco: marka aad meel aadaysaan, halkii ay ilmahu saaxiibadood la socon lahaayeen, adiga iyo qoyska ha idinla socdeen (waayo inta caruurtu saaxiibadood la socoto, dhaqan xumooyin ayay ka baran karaan). Caruurtaadu ha ku dhexjiraan qoyska iyo saaxiibo wanaagsan oo aad ogtahay in wax xun aanay ka baranayn. Xasuusnow in caruurtaadu ay la midnoqonayso dadka ka agdhow oo ay raac-raacaan. Marka iska jir kuwa ay saaxiibka la yahiin, waxaana sidoo kale muhiim ah inaad ADIGU la socoto caruurtaada. 10- Amaan ilmaha: Amaantu waa arin caruurta aad muhiim ugu ah, khaasatan dadka hortiisa. Caruurtu qabkooda ayaa dhisma marka waaridkood dadka hortiisa ku amaano, waxayna isku dayidoonaan inay wanaaggaa sii wadaan. Hase ahaatee, waa in amaantu ku salaysan tahay dhaqamada Islaamka waafaqsan iyo falalka dhaqan wanaagga ah. 11- Ilamaha ha fadeexayn: Sidoo kale, dadka hortiisa ha ku fadeexayn. Caruurtu qalad way sameeyaan.

Mararka qaarkood waxay qalad sameeyaan, iyaga oo isku dayaya inay waaridka raali galiyaan. Hadii aad caruurta u caraysan tahay si khaas ah kaligood ugu sheeg. 12- Isboortiga: Rasuulku (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu dhiiri galiyay Isboortiyada ay ka midka yahiin dabaasha, orodka iyo fardo-fuulka. Isboortiyada kale ee jirka quweeya, dabcigana dhisa sidoo kale waa wanaagsan yahiin; hase ahaatee, ka taxadar in ayan dhumin anshaxa Islaamka, dhar ku haboon gashadaan, rag iyo dumarna aan la isku dhexdarin. 13- Mas’uuliyad: Kalsooni ku qab in ay caruurtaadu wax qaban karto. Udhiib howlo ku haboon da’da ay ku jiraan. Usheeg inay shaqo muhiim ah kuu qabanayaan, waxaadna arkaysaa iyaga oo isku dayaya inay mar kale ku caawiyaan. 14- Ha halayn: Caruurta si sahlan ayaa loo halayn karaa, hadii la siiyo shay walba oo ay dalbadaan, waxay kaa filayaan inay marwalba waajib kugu tahay in waxay rabaan aad bixiso. Aad uga fakar waxa aad u gadayso. Ka fogow inaad ka badbadiso oo aad galiso raaxo xuduudka dhaafsan. Uwad oo tus qaybaha magaalada ee ay dadka aan cayrta ah ku noolyahiin, si ay u arkaan nimcada ay haystaan. 15- Saaxiibtinimo u dhaqan, laakiin saaxiikood ha noqon: Waxaa inta badan dhacda in reer Galbeedku ay caruurtooda ula dhaqmaan sidii inay saaxiibo yahiin. Islaamka dhexdiisa, taasi macquul ma ahan. Hadii aad

COSOB 19

Agoosto 2017


waligaa maqashay saaxiibo wada hadlaya, waad garan kartaa waxa ay ka wada hadlaan; hadaba waad ogtahay in sidaasi aanay ahayn sida waaridka iyo ilmahiisu u wada hadli karaan. Adigaa waaridkii ah, waana in ay ku ixtiraamaan, waana inaad taas barto. Saaxiibtinimadu waa inay ku ekaataa in adiga iyo caruurtu ay si kalsooni ah u wada hadli karaan, si ay walwalkooda kuugu sheegtaan ama ay su’aalo kugu waydiiyaan makra ay rabaan. 16- Isla tukada: Ilamaha cibaadada wada sameeya. Marka ay yar yahiin, ha arkaan adiga oo tukanaya. Durbadiiba, waxa aad arkaysaa iyaga oo kugu dayanaya. Salaadda subax u toosi, adinka oo qoys ahna wada tukada (Tani waa mid ay waariddiin badan aanay samayn, waxayna keentay in dhalintu salaaddii iyo cibaadadii ka tagto, waayo, waaridkii ayaa kaligiis salaadda subax masaajidka aadaya, caruurtii oo salaad gaartayna waa iska huruddaa). Uga sheekee waajibnimada iyo abaalmarinta salaaddu leedahay, si ay u ogaadaan muhiimadda. 17- Carrabka ku adkee xalaasha: Ma wanaagsana in marwalba la yiraahdo “kani waa xaaraam, kaasi waa xaaraan”. Inkasta oo lagaa rabo inaad xaaraanta barto, hadana sidoo kale u tilmaan waxa xalaashaa! Si ay u kala gartaan waxa xun iyo waxii ay badalkiisa samayn lahaayeen ee xalaal ah. Islaamka waxaa ka buuxa waxyaabo badan oo xalaal ah, Ilamahaagana u sheeg inay Ilaahay (swt) ugu mahadnaqaan xuduudka uu u gooyay – ee cunada iyo dharka oo kaliya ku ekayn. Usheeg inay mahad ka sheegtaan indhaha ay wax ku arkaan, dhagaha ay wax ku maqlaan, gacmaha iyo lugaha, iyo nimcada ugu wayn oo ah inay Muslim yahiin. 18- Tusaale u noqo: Maadaama aad waarid tahay, waxa aad tahay tusaalaha ugu haboon ee caruurtu ku dayato. Hadii aad waaridkaa si xun ula dhaqanto, caruutaada ka filo inay adigana sidaa oo kale kuula dhaqmayaan. Hadii aad dadka kale aadan xushmayn, caruutaadu way kugu dayanaysaa. Islaamka waxaa ka buuxa waanooyin badan oo xag Rabi (swt) ka yimid oo ku baraya sida caruurta loo barbaariyo. Waxaa waajib waariddiinta saaran ah inay noqdaan Muslimiin wanaagsan, si caruurtoodu ugu dayato.

Hadii aadan adigu diinta ku dhaqmin, caruurtaaduna muhiim u arki mayso. Waxay ku noqonaysaa qodobkeenii 6-aad oo ahaa in loo yeelo halyeeyo Muslimiin ah oo ay ku daydaan. Maadaama aad adigu waaridkii tahayna waa in aad noqotaa halyeeygii ugu horeeyay ee ay Islaamka uga daydaan. GABAGABO Talooyinkaan aan soo koobnay waa dulmar, laakiin waxaa haboon hadii aad rabtid in ilmahaagu aakhiro iyo aduunkaba ku anfacaan, dad Muslimiin ah oo ay bulshadu wanaag ka sheegtana ay noqdaa, inaad fadlan barato casharada iyo buugta diiniga ah ee tarbiyada caruurta ka hadlaya; waa waajib ku saaran! Ujeedada ilmaha loo dhalayana ma ahan tiro ee waa inay noqdaan kuwo tayoleh, si ay kuu anfacaan aakhiro iyo aduunkaba. Maanta waxaa badan dadka carabka ku dhufta tirada caruurtooda, iyaga oo inta badan hilmaama in tayaduna muhiim tahay! Caruurtu waa amaano Ilaahay (swt) noo dhiibay. Waxaan ku barbaarin karnaa inay noqdaan dad Muslimiin ah oo sharaf leh, ama waan dayici karnaa oo waxaan ka dhigi karnaa dad aan wax qiimo iyo sharaf ah lahayn, oo diinta, bulshada iyo magaca qoyskaagaba fadeexo ku ah. Muhiimnimada waaridku intaas ayay le’eg tahay. Mas’uuliyaddaasi Aabaha iyo hooyadaba waa saaran tahay, oo ma ahan mid hooyada ama aabaha oo kaliya lagu halaynayo. Caruurta ay dhaleen waariddiin tarbiyadda saxda ah yaqaana waxaa la gartaa marka ay bulshada soo dhexgalaan; halka kuwa waaridkood dayacay oo aan wax aadaab ah la barin ay bulshadu ka dayriso…. Hadaba walaal, maanta bilow inaad mas’uuliyadda Ilaahay (swt) ku waydiindoono aad ka soo baxdo! Hadii qoys walba caruurtiisa ku dadaalo, waxaa soo baxaya bulsho hagaagsan, taasina waxay dhalaysaa Ummad Muslimiin ah oo hagaagsan.

Caruurtu waa nimco Ilaahay ku siiyay ee si wanaagsan u dhowr! ” Dr. Cali Sh.Axmed Abubakar

COSOB 20

Agoosto 2017


La Yaabka Aduunka

Lammaane Xafladdii Arooskooda U Doortay In Lagu Soo Hooyo Gaadhiga Maydka Lagu Qaado!!! Warkii aad maqashaaba yaabkiiisa lehe waligaa ma maqashay nin habeenkii aqal galkiisa halkii uu gaadhi caadi ah ka soo raaci lahaa ee uu ku hoyan lahaa nin isagu gurigiisii uu ku aqal galayay ama xafladdii arooskiisa u soo kaxaystay gaadhi Ambalaas ah oo ah nooca waliba Maydka lagu qaado. Waa dhacdo in badan oo dadkii maqlay ama arkay sida qisadani u dhacday aad ula yaabeen waxaanay ka dhacday wadanka Ingiriiska. Wargeyska Daily Mail oo arrintan wax ka qoray waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay sidan: Nin u dhashay wadanka Britain ayaa soo kaxaystay Gaadhi nooca Maydka lagu qaado ah si loogu gudbiyo oo uu ugu raaco Kaniisadda Deegaanka Berkley ee Gobolka Devon ee dalka Ingiriiska si uu u tago xafladda Arooskiisa oo ay diyaar ku ahayd haweenaydii ninkani la aqal gali lahaa oo la sheegay in uu doonay muddo haatan laga jooto 21 sanadood

balse ay maanta aqal galeen. Waxa uu ahaa Colin More oo da’diisu dhaaftay 89 sanadood kadib markii uu soo kiraystay gaadhi kuwa Maydka lagu qaado ah si uu u muujiyo in isaga iyo haweenayda uu doonayo in uu la aqal galo oo iyana da’diidu tahay 81 sanadood u muujiyaan in ay aad uga xun yihiin in guurkoodu habsaamay kadib markii ay isu doonanaayeen muddo ka badan 21 sanadood. Colen ayaa warkani sheegayaa in uu haweenayda Margret doonay sannadkii 1992kii balse ay maanta go’aansadeen in ay aqal galaan. Ninkan aqal galkiisa u soo kaxaystay gaadhiga Maydka lagu qaado oo u warramaay wargeyska Daily Mail waxa uu yidhi: “Waxa aan doonay in aan guursado sannadkii 1992-kii kadib muddo dheer oo aanu saaxiibo ahayn haweenayda Margret balse wakhtigaasi nooma ay suurta galin in aanu aqal gallo. Sidii ayaanu u ahayn laba nolosha ku wadaaga saaxiibtinimo aan hoy ku wada noolayn. Maanta ayaan ku qanciyay in la gaadhay wakhtigii aanu nolosha wadaagi lahayn ee aanu aqal gali lahayn. Waxaan u arkaa in uu yahay wakhtigii munaasabka ku ahaa xafladda arooskayga waxaanse ogsoonahay in aanaan wakhti dheer sii noolaan karayn da’dayda marka la eego”. Labadan lamaane ayaa markii ay aqal galayeen waxa lagu soo hooyay gaadhiga maydka lagu qaado waxaanay go’aan ku gaadheen in aanay wax fantasiye ah u dhigan Bisha Malabka loo yaqaano (Honey Moon) lacagta ay ku bixin lahaayeena waxa ay ugu deeqeen jimciyad khayri ah oo ka shaqaysa la dagaalanka Cudurka Kansarka. Haweenayda Margret ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay go’aankan ninkeedu qaatay waxaanay sheegtay in ay u ku jiraan aakhirul cimrigoodii si ay taasi u muujinaana ay gaadhiga maydka lagu qaado u soo kiraysteen si ay dadka u tusaan.

Xuseen Kurdi

COSOB 21

Agoosto 2017


Dhahaarada iyo Muhiimada ay leedahay (3) Aqristow waxaan mawduucii noogu dambeeyay kaga soohadalnay Najaasada inta nuuc oo ay ukala baxda. Qormadaanna waxaan kaga hadli doonaa qaar kamid ah su’aala kusaabsan dhahaarada. S1-aad : Manida (Shahwada) katimaada bani aadamka dhaahir miyaa mise waa najaasa? Jawaab: xukunka manida Culimamda islaamka way kukala arakti duwanyihiin ilaa laba qowl ayayna kaqabaan Culimada islaamka. 1) waxaa qaba manida bani aadamka in ay najaasa tahay Abuu-Xaniifa, Imaamu Maalik iyo Riwaayad laga sheegay Imaamu Axmed dhammaantood Allaha ka raali ahaadee, waxayna Daliil kadhikteen Xadiithkii Caa’isha Allaha karaali noqdee su’aal ayaa laweediiyay oo aheyd manida hadii ay gaarta dharka maxaa lagayeelayaa? Waxay kujawaabtay waxaan manida kadhaqi jiray marada Rasuulka s.c.w. kadibna wuu ubixi jiray Salaada iyadoo ay kamuuqata marada raadkii biyaha. Waxay yiraahdeen dhaqidaas waxay tusineysaa manida in ay tahay najaasa, sababtoo ah wixii ladhaqa waa najaasa, saas ayay qabaan culimadaas waaweyn ee aan kor kusoo sheegay. 2) Qaar kala oo culimada islaamka kamid ahna waxay qabaan manida katimaada dadka in ay dhaahir tahay oo ayan najaasa aheyn, waxaana arintaas qaba Imaamu Shaafici iyo Daawuud Althahiriyyi,waana labada riwaayadoot ee laga sheegay Imaamu Axmed mida ugu saxiixsan. waxay daliilsadeen Xadiith laga wariyay Caa’isha Allaha karaali noqdee ee ahaa in ay Caa’isha kajijibin jirtay ama kaxogi jirtay manida maradii Rasuulka s.c.w. Markii aad ufiirsata hadallada Culimada islaamka kaqabaan manida madhaahir baa mise waa najaasa waxaa muuqanaya in ay manida bani aadamka tahay dhaahir sababa badan oo jira awgoot oo ay kamid tahay sida aan ognahay manida waxaa laga uumay bani aadamka bani aadamkana Alla wuu karaameeyay, sidaas awgeet madhici karta in bani aadamka qiimahaas Alla siiyay layiraahda najaasa ayaa laga uumay.

Culimada qabta in ay manida tahay najaasa xadiithka ay daliil kadhikteen ee tusinaya in Caa’isha kadhaqi jirtay manida maradii Rasuulka s.c.w. waxaa ladhihi karaa arintaas waxay aheyd oo kaliya xagga nadaafada ee najaasa darteet maloodhaqeynin maradii ay gaartay manida. Sikastaba manida bani aadamka waa dhaahir. Waxaa lays weydiin karaa manida xoolaha xukunkeeda maxuu yahay? Waxay noqon kartaa jawaabta su’aashaas xoolaha sida aan ognahay waa laba nuuc nuuc waa xoolaha ladhaqda Geela Looda iyo Ariga, iyaga manidooda waa dhaahir oo najaasa ma ahan, waxaa lamid ah duurjoogta oo hilibkooda in lacunaa uu xalaal COSOB 22

Agoosto 2017

yahay. Hase ahaatee duurjoogta aan hilibkooda lacunin sida Libaaxa iyo wixii lamid ah ayaga manidooda waa najaasa sida ay ceyntooda najaasa utahay. S2-aad: Khamrada Najaasa miyaa? Jawaab: Culimada islaamka way isku qilaafeen: Culimada badankooda waxay yiraahdeen waa najaasa waxaana kamid ah afarta Imaam AbuuXaniifa, Imaamu Maalik, Imaamu Shaafic iyo Imaamu Axmed dhammaantood Alla ha karaali noqdee. Qaar kamid ah culimada islaamka waxay yiraahdeen waa dhaahir khamrada. Waxaan dhihikarnaa khamarada waa najaasa sida ay ay qabaan


Nolosha Islaamka

afarta madhabood ee dadka Ahlu sunnaha ah ku abtirsadaan . Aqristow ogow waxa ay culimada kahadlaayaan waa najaasanimada khamrada laakiin khamrada iyada in lacaba mabanaana qofkii cabana waa laxadeynaa, hadii aduunka lagu xadeynin qiyaamaha ayay sugeysaa ciqaabteeda. Ha ogaada qofkii khamra kucaba aduunka mida qiyaamaha ayuu kaqadayaa, mida qiyaamaha lamid ma ahan midan aduunka, oo sida aan ognahay khamrada aduunka waxay leedahay madax wareer iyo qofka cabaa wuu isdhexyaacaa hase ahaatee mida qiyaamaha way kaduwantahay oo malahan wax maanka dooriya isbadalna kumakeenta qofka cabaa. Waxaan leeyahay dadka ku waalan cabida maandooriya qeybihiisa kala duwan uguna horeysa khamrada haka

diktoonaadaana oo Alla ha kabaqeen. S3-aad: Dhiigga bani aadamka najaas miyaa mise? Jawaab: dhiigga waa dhowr qeyboot: 1) Dhiigga kayimaada dumarka oo lagu magacaaba xeydka (caadada) dhiigaas asiga ah waa najaasa qilaafna kama jira culimada dhaxdooda, waxaa lamid ah dhiigga umasha iyo midka dhabar furanka oo waa najaas dhammaantoot. 2) Dhiigga caadiga ah ee kayimaada dadka. Dhiiggaas asiga ah culimada islaamka way kukala arakti duwanyihiin oo sida ay ubadanyihiin waxay qabaan in uu najaasa yahay dhiiga kayimaada dadka, waa markii uu yahaya mid dareeraya sida ay qabaan qaar kamid ah culimada qabta dhiigga caadiga ah in uu najaasa yahay, waxayna daliil sadeen Aayda kujirta Suurat COSOB 23

Agoosto 2017

Al-Ancaam ee 145aad. Qaarkale oo katirsan culimada islaamka ayagana waxay leeyhiin dhiiga caadiga ah ee kayimaada qofka waa dhaahir waxayna daliilsadeen Ijmaac aktooda kusugnaaday. Culimada qabta dhiigga in uu dhaahir yahay waxay leeyihiin Aayda ay daliisadeen sida ay culimada ubadanyihiin waxay tusineysaa in uu dhiigga booda marka neefka lagowraca ama laqala uu yahay xaaraan ee najaasa matusineysa Aayada ayay leeyihiin. Qeyba kale ayaa dhiigga nooga dhiman hadii Alla idma qorma tan xikta ayaan kaga hadli doonnaa.

Xasan Axmed Nuur


Qeybtii Labaad: Taariikhda Maxamed Cali Kalaay

Kusoo Laabashadii Masraxa Feerka: Sannadkii 1970 ayey markale Muhammad Ali kusoo laabtay masraxa feerka, xilligaas oo aragtidii dagaalka ee Vietnam isbedeleysey, waxaa uu markaas magaalada Atlanta kula feertmay Jerry Quarry. Kaddib feerkii loo bixiyey ‘dagaalka’ ayaa dhexmaray Muhammad Ali iyo Joe Frazier oo ahaa horyaalka feerka ee aan laga guulaysan, feerkaas oo ka dhacay barxadda loo yaqaan ‘Madison Square Garden’ maalintii ay

taariikhdu ahayd March 8, 1971.Taas Muhammed Ali waa laga guulaystey. Laakiin bilo kadib ayuu ku guulaystey dagaalkiisii ugu weynaa oo ahaa in maxkamada sare ay baabisay dembigii ku oognaa, taasnina waxay Muhammad Ali markale awood u siisay in uu u safri karo wadankii uu doono si uu uga qayb qaato tartanada feerka adduunka. Dhawr feer ayaa taas ku xigey, waxaana kamid ahaa feertankii aan la fileyn in Muhammad Ali looga guuleysandoono ee Ken Norton iyo guushii aan la fileyn in uu Ali ka garayo COSOB 24

Agoosto 2017

Joe Frazier.Laakiin dhammaan feerkaasi waxay ahaayeen kuwo hor-dhac u ah tartankii ugu weynaa ee intii Muhammad Ali kusoo jirey feerka, kaas oo loo bixiyey ‘gurxankii kaynta’ ee uu la yeelan doono George Foreman oo ahaa hormuuska feerka ee laga biqijirey. George Foreman oo lahaa gacmo aad u xoogbadan oo wax burburinaya, waxana uu ahaa midkii sida fudud uga guulaystey Ken Norton, isla markaasna halka feer dhulka kula dhigay Frazier.


Cayaaraha

taas oo dadkii geeska Ali xigey ay yiraahdeen ‘waar Caliyood xariga ka fuq’, laakiin Muhammad Ali arintaas wuu ku adkaystay, toddobadii wareeg ee u horeeyey sidaas ayuu xarigga ugu gabanayey, laakiin markii la gaarey wareegii siddeedaad oo uu Foreman daalay ayuu Ali inta uu xarigii sidaayey uu feer dadkii ka fajiciyey dhinaca ugu tuuray Foreman, sidaasna uu Ali markale ku noqday boqorka feerka. Sidaas ayuu Muhammad Ali ku noqday mid feerka looga dambeyn jirey. Mar ay feer iskaga hor yimaadeen Leon Spinks ayaa laga guulaystey Ali, laakiin guushaas wuu kasoo dhacsaday Spinks, sidaas ayuu waqtigaas Muhammad Ali ku noqday ninka keliya oo taariikhda feerka culus ku gulaystey saddex jeer. Gabagabadii feerka cali wuxuu ku guulaystey 56 goor, taas 37 kamid ah uu dhinaca feer ugu tuuray qofkii la feertameyey, 5 goor ee kalena uu si caadi ah uga guulaystey.

Qoyska Muhammad Ali:

Feertankii Lagu Dalka Zaire:

Qabtay Muhammad

Markii uu dalka Zaire qabsaday Promoter Don King waxa uu feeryahanada u ballan qaaday lacag aan horay loo maqal oo gaareysa 10 million oo dollar.Muhammad Ali markuu uu tegey caasimada Kinshasa, dadkii Afrikaanka ahaa wuxuu ka helay dhiiri gelin aad u sareysa, aad ayaana halkaas looga jeclaa.Marka uu feertamayo waxay ugu dhawaaqyeen “Ali Bomaye!” oo ah afka reer Zaire taas oo la macne ah “Cali ninka dil”.

Ali markii uu isu diyaarinayey Feerkii ‘gurxankii kaynta’ ee u la feertamayey Foreman, Ali dhakhtarkiisii wuxuu usii diyaariyey diyaarad markiiba Ali u qaada cusbitaal kuyaal dalka Spain oo qaabilsan neerfayaasha. Laakiin makaas Ali fikrad kale ayuu maskaxda ku haystey, taas oo ahayd in uu garwaaqsaday in watiga uu la feertamayo Foreman uusan sidii hore u ciyaari karayn, lakiin wuxuu markiiba alifay habka loo yaqaan ‘Xariga-ku gabo inta qofka kale tabartu ka dhammaaneyso”, COSOB 25

Agoosto 2017

Mudane Muhammed Ali waxaa uu hore u soo guursaday saddex xaas, waxana uu leeyahay sagaal carruur ah oo kala ah: Maryum, Rasheeda, Jamillah, Hana, Laila, Khaliah, Miya, Muhammad Jr., iyo Asaad. Xaaska Muhammad Ali ee hadda waa Lonnie Ali (oo loo aqoonjirey Lonnie Williams) oo ah reer Louisville, Kentucky. Lonnie Ali waxay haysataa shahaadada BA ee jaamacada Vanderbilt University, iyo shahadada MBA ee jaamacada University of California, Los Angeles.Muhammad Ali wuxuu yaqaaney Lonnie ilaa 6 jirkeedii markaas oo qoyskeedii usoo guureen guri kuyaal kasoo horjeedka gurigii qoyska Muhammad Ali.Hadda Lonnie Ali waxay agaasime ka tahay qorshaha Muhammad Ali ee ah isu soo dhoweynta iyo isfahamsiinta dadka kala duwan, jaaliyadaha iyo dalalka. Ali waxaa ku dayday kumanaal dunida dacaladeeda ah, waxana uu dadka baray geesinimada.

Maxamuud Nuur Wardheere & Maxamed Cali (SomaliTalk)


Qisooyin Cibro leh

NABSI

NABSIGII SAMAWADA SILICA BADAY Samawada, waxaa ay ku dhalatay, kuna soo barbaartay Magaalada Kismaayo. Waxaa ay halkaasi kula noolayd hooyadeed iyo aabbeheed iyo laba wiil oo la-dhalatay, oo ka yar-yaraa. Ciddeedu sabool bay ahaayeen, wax maal iyo mood ah iyo wax shaqo ah oo fiicanna ma aysan haysan. Markii ay Samawada Iskool gaartay, ayaa waxaa la geeyey Dugsiga Hoose/ Dhexe/ Sare ee Faanoole, isla markaasina ay ciddu uga heshay wax-barasho tabbarruc ah. Laakiin markii ay Dugsiga Hoose dhammeysay, ayaa kii dhexe “Iska bixiya” la yiri, kolkaas baa ciddii awoodi weydey, ka-bixinta lacagta Dugsigaas. Waalidkii Samawada, inta tashadeen, bey go’aan ku gaareen, in Samawada loo diro Xamar, oo eeddadeed Aamino oo Xamar joogta, ay la noolaato, abtigeed Siyaad oo isna Xamar ku noolna, uu ka bixiyo lacagta Iskoolka. Sidaas baa Samawada loogu diray Xamar 2005-tii, isla markaasina, inta Iskoolka ‘Usaama Bin-seyd’ lagu daray, wax-barashadeedii halkaa ku sii wadatay. Markaas ay Xamar wax-barashada ka bilaabeysay, waxaa ay jirtay 14-sano. In kasta oo ay daruufi ka muuqatay, laakiin gabar qurux kula siman Iskoolkaas ma joogin. Dhererka, Dhuubnaanta, Isla’ekaanta, Xubnaha kala baxsan ee wada jalaqsan, Wejiga shuban, Indhaha baliisha u eg, Sunniyada qoran ee la-moodo bil dhalatay, Sanka Roomaanka, Bishimaha meel-dhexaadka ah ee quruxda badan iyo Ilkaha wada cad ee siman, Qoorta dheer ee ay cabbaadyadu ku taxan yihiin iyo weliba timaha jilicsan ee garbeheeda ka kala dhacsan, ee Seynta Faras la moodo; qofka qurux yaqaanka ah, daruufteeda ayuu ka dhex arki karaa bilicdeeda. Samawada, waa ay heshaa cunto iyo jiif iyo lacagta Iskoolka oo mar-mar abtigeed ay ku adkaato in uu si dhaqsa ah ku bixiyo, laakiin wax kale oo intaas dheer ma hesho. Eeddadeed, wax aan

cuntadaas ahayn, ma siiso. Xitaa dhar uma gaddo, oo Samawada, waxa ay xirataa dharka ay ka baxaan labada Gabdhood ee Eeddadeed carruur ka dhashay ee ka waaweyn, abtigeedna, wax aan lacagta Iskoolka ahayn ma siiyo, kolkaas bay niyad-jab ku dhigataa Iskoolka, marka ay aragto gabdhaha qeyrkeed ah oo wada labbisan, misena iska bixin kara cabbitaannada xilliga biririfta. Laakiin Dheg jalaq uma siine, daruuftaas adag ayey inta dugsiga dhexe kaga baxdey bey kii sarena u gudubtay. Xilli duhur ah, oo milicdu dhamac ahayd, oo markaas ku beegneyd horraanta bisha Maalmadoone, oo kicin xoog leh uu cirka ku jiray, Guga oo curasho ku dhawaa awgi, ayaa Samawado oo markaas ka soo baxday Dugsigii Usama Binseyd - oo ku yiillay aagga Carwada Taleex ee Degmada Hodan ee Xamar – oo ay markaasina dhiganaysay Fasalka Koowaad ee Dugsiga Sare, ayaa iyada oo hiiraan-hireysa, baqoolana u sii ah gurigoodii, inta aysan goyn jidka, waxa ay ku hakatay geed harac ah, oo ku yiillay daanta xigtay ee laamiga hormara Iskuulka sare ee Banaadir. Waa ay harraadsanayd yartu, oo oon bay dhuuntu la qallalnayd, qorraxda oo kululayd iyo iyada oo fasalkii saaka oo dhan iska dhexfadhiday, oo aan haysan jeebgelis ay bannaanka afka wax uga soo geliso xilliga biririfta ah, sida ardeyda kale ee eynigeeda ah, ayna u dheereyd lug ay doonaysay in ay ku gaarto gurigoodii, waxaa se nasiib-wanaag halkaas ay ku hakatay ku yaallay, Miiskii uu wiil ku gado Cabitaannada la qaso. Markii ay soo ag istaagtayba, wiilkii ayaa gabadha aad u eegey, waxaa uuna ka gartay naabta bishimeheeda saaran iyo ilgooyada ka muuqata, in aysan ilaa saaka afkeeda waxba saarin. Waa og yahay, in arday aysan duruufuhu ku wanaagsanayn, haddii ardaygu yahay gabarna ay ka daran tahay. Wax aan cabbitaan ahayn ma COSOB 26

gada e, inta u yeeray ayuu Kalax Qare ah u shubay, oo ku yiri “Abbaayo, hoo cab”. Markii hore in ay ka gobaadsato ayey damacday, laakiin inta uu ku khasbay, oo gacanta ka saaray, ayey ugu dambeyntii Aar-galaankii cabbitaanka Qaraha ahaa, inta la sii jeesatay, qur-qurisey. Inta koobkii oo aan gobo’ biya ah ku jirin miiska u saartay, ayey inta il naxariisle ku eegtey wiilkii, ku tiri “Mahadsanid Abboowe”. “Wax la isku leeyahay la isagama mahad-celiyo”, inta ku yiri, ayuu weydiiyey Magaceeda. “Samawada” ayey inta ugu jawaabtay, bay isna kiisa weydiisey. “Sawrac” ayuu isna ugu war-celiyey. Sawrac, waa uu garanayaa Dugsiga ay dhigato, oo waaba u dhaw yahay, waana fahmayaa in ay Fasallada sare, mid uun dhigato, oo waxa uu ka kasayaa Jalbaabka ay qabto jaadka uu yahaye, waxa uu weydiiyey, xaafadda ay deggan tahay. Maba foga e, waxa ay ugu tilmaantay meel aan ka dheereyn Isbitaal Banaaddir. “Abbaayo, barasho wanaagsan”, inta yiri, ayuu macasalaameeyey, maaddaama uu arkayey daalka inanta ka muuqday. Qeybtii koowaad ee sheekada Nabsi halkaan ha inoo joogto lasoco qeybta xigta ee nuqulka dambe.

Agoosto 2017

Qisooyin Cibro Leh



MONEY TRANSFER

Adigoo Taagan Taaj U dhiibo Adigoo aan tagin haqaate

Adna qaado Hormuud saaxiibkaana u qaad

WAR GALIN MUHIIM AH Wargeyska Cosob, waxa uu ku wargelinayaa Hey’add Ganacsiga, Shirkadaha, & cidkasta oo dooneysa Ogeysiin, xayeysiin, in aan ku sameyn doono qiimo jaban oo ku raali galiya. 0612221920 | 0615848980 | 0699885600 | 0624442222 | info@cosob.net | www.cosob.net


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.