Cosob December

Page 1

Bille, Muqdisho

Diceembar 2017

BOOQASHADII MADAXWEYNAHA EE IMAARAATKA OO U MUUQATA MID AAN WAXBA KA BEDDELIN MOWQIFKA DOWLADDA FEDERAALKA AH EE XASARADDA KHALIIJKA Dowladda Soomaaliya ayaa wali xusul duub ugu jirta in ay Xulufada Sucuudiga iyo Imaaraatka ku qanciso dhexdhexaadnimadeeda, halka Qadarna ay hora u qaadday tillaabo ay ku garab istaageyso Soomaaliya

CADADKA: 5aad

Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre


515 call center 818886 818883 818884


TUSMO

Grace Mugaabe

6

BOOQASHADII MADAXWEYNAHA EE IMAARAATKA OO U MUUQATA MID AAN WAXBA KA BEDDELIN MOWQIFKA DOWLADDA FEDERAALKA AH EE XASARADDA KHALIIJKA

8

KGS: SADDEX SANO KADDIB (ISBEDDEL YA FADAANEE)

10 10-KA HOGGAAMIYE EE XILLIGAN UGU WAQTIGA DHEER QAARADDA AFRIKA 12 WARBIXINTA DUGSIGA DHAGOOLADA EE SOMALI NATIONAL ASSOCIATION OF SONAD 14 LAASHKII AAKHIRO KA YIMID 16 HALKUU KU DAMBEEYAY HALGAN SIYAASADEEDKII GRACE MUGABE(2) 18 QOYSKU WAXA UU KA DHASHAA HESHIIS SHARCI AH OO DHEX MARA LABA QOF 20 TALOOYIN KU SAABSAN SIDA LA ISAGA DHAMEEYO BARUURTA

CALOOSHA ADIGA OO TAGIN GYM 22 ROOTIGII UGU HORREEYAY DUNIDA EE LAGA SAMEEYAY AYAX OO LAGU IIBINAYO FINLAND 23 MAALINTA DOOBABKA (SINGLES DAY) OO LAGA XUSAY DALKA SHIINAHA IYO

GANACSADE DUKAANKIISU KA FAA’IIDAY 25 BILYAN OO DOLLAR: 24 MURTIDA IYO MAADDA

COSOB

1

Diceembar 2017


Muuqaallo Mudnaan leh

SANAD GUURADII 66-AAD EE KA SOO WAREEGTEY AASAASKIISII RAADIYO MUQDISHO Raadiyo Muqdisho waxaa uu Hawada soo galay Bishii June 1951, waxaana habeen dhowayd loo dabaaldegey Sanad guuradii 66-aad ee ka soo wareegtey Aasaaskiisii. Waxa uu soo maray marxalado kala duwan 10-kii sano ee ugu horeysey waxaa maamulayey Gumeysigii Talyaaniga, Sagaal sano oo ku xigtey waxaa maamulayey dowlad rayid ah oo dimuqraadi ah, 21 sano waxaa gacanta ku hayey Talis Milatari oo xoog badan, Waxaa xigey maamulo kala duwan sida Cali Mahdi, Jeneraal Caydiid, Maxkamadihii, Cabdulaahi Yuusuf, Sheikh Shariif, Xasan Sheikh Maxamuud iyo hadda oo uu Raadiyo Muqdisho gacanta ugu jiro dowladda Farmaajo.

Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba. Waxaa ka fac weyn Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943kii.

COSOB

2

Diceembar 2017


Sanad guuradii Radio Mogadishu COSOB

3

Diceembar 2017


Koonfur Galbeed COSOB

4

Diceembar 2017


Muuqaallo Mudnaan leh

Munaasabad loogu yeeray xuska 3; guurada Asaaska Koofurgalbeed, hayeeshee u muuqatay mid lagu karjebinayey nux-nuxda xildhibaano iyo siyaasiyiin kala heerar duwan oo ka socota Baydhaba; ayaa ka dhacday dhowaan dhismaha Madaxtooyada KGS.

Waxa lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado u eg kuwii Kacaanka oo lagula hadlayey dad aan magacooda la xusin balse ficilada iyo howlaha ay hayaan lagu sheegay kuwo looga horjeedo KGS, waxaana sida aan ka fahmay heesaha iyo masraxiyaddaba loo danlahaa xildhibaano iyo Siyaasiyiin wada olole ka dhan madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan.

COSOB

5

Diceembar 2017


Booqashadii Madaxweynaha ee Imaaraatka oo u muuqata mid aan waxba ka beddelin mowqifka Dowladda Federaalka ah ee Xasaradda Khaliijka

MOHAMED ABDULLAHI FARMAAJO

M

adaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 19kii November socdaal rasmi ah ku tagay waddanka isutagga Imaaraadka Carabta. Safarka Madaxweyne Farmaajo waxa uu noqonayaa kii labaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilka loo doortay, balse safarkan wuu ka duwanaa kii hore, sababtoo ah wuxuu yimid xilli calaaqaadka labada dowladood uu mad-madow badan ku jiray. Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imraadka carabta ayaa ahaa mid aad u hooseeya tan iyo markii ay Soomaaliya shaacisay mowqifkeeda dhexdhexaadnimada ee ku saabsan khilaafka waddamada khaliijka u dhaxeeya.

Waxaan la dafiri Karin culeys kale oo kaas la mid ah in ay Qadar saareyso soomaaliya si ay usii ahaato dowlad dhexdhexaad ah. Faragelinta Dowladaha Khaliijku ku hayaa Soomaaliya ma ahan mid dahsoon, bishii September ee sanadkan Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ka gilgishay faragelintaas ayaa isku dayay in ay mooshin ka keenaan Dowladda imaaraadka oo loo arko in ay tahay tan sida weyn jahawareerka siyaasadeed ugu heysa Soomaaliya, hayeeshee Mooshinkaasi ma noqon mid miradhala wax kasta oo loo adeegsadayba.

MAXAA KEENAY MADMADOWGA? Xulufada go’doonka geliyay Qadar oo aad uga xumaaday go’aanka dhexdhexaadnimada ah ee ay soomaaliya ka istaagtay xasaradda khaliijka ka jirta ayaa galaangal badan u galay in ay Dowladda Soomaaliya cadaadis ka saaraan gudaha si looga helo dabacsanaan dibadda ah.

CULEYSKA UGU WEYN EE DOWLADDA HEYSTA WAA FARAGLEINTA SHISHEEYA Marka laga soo tago weerarrada al-shabaab, Culeyska ugu weyn ee dowladda Farmaajo heysta waa faragelinta ay waddamada khaliijku ku hayaan soomaaliya ayadoo

Waxaa loo adeegsaday Siyaasiyiin Mucaarad ah oo qaarkooda Dowladda ka tirsan iyo Maamul-goboleedyada dalka. Culeys aan la qiyaasi Karin oo dhinaca siyaasadda ah ayaa

COSOB

fuulay dowladda ayadoo la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan xulufada khaliijka oo ay ugu firfircoon tahay dowladda Imaaraadka oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleysa in ay soomaaliya ku riixdo go’aan ay ugu biireyso dowladaha taageeray go’doominta ay xulufada khaliijku ku sameeyeen Dowladda Qadar.

6

Diceembar 2017


soomaaliya aaney heyn itaal ay isaga joojiso xad-gudubyada ku dhacaya qaarkood.

ku shaqeyn doonto Xukuumadda si Culeyska looga qaado Villa Somaalia

Xirriirada soo jireenka ah iyo danaha dhaqaalle iyo ganacsi ee Soomaaliya kala dhaxeeya Waddamada khaliijka ayaa keenaya go’aannada jilicsan ee ay dowladdu qaadaneyso xaaladaha qaarkood iyo in aysan dowladdu si cad u sheegan Karin fargelinnada ay dareemeyso.

• Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta • Machadka Diblomasiyadda Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda • Shaqo Abuur Iyo Deeqa Waxbarasho • Xarunta Dowlada Hoose oo Dayactir Lagu Sameynayo

Dowladdu ma xumeyn karto xiriirna uma jari karto Waddanka Qadar sababtoo ah waxay ku qabtaa dano Dhaqaalle, Ganacsi iyo kaalmooyin kale, Imaaraadkana intaas iyo ka badan ayaa lagu heystaa.

Qadar waxay Door Fir-fircoon ku leedahay Arrimaha waxbarashada iyo Gurmadka, Hey’adaha Samafalka Qadar waxay gacanta ku hayaan Xarrumo badan oo waxbarasho iyo goobo dadka saboolka ah lagu caawiyo, Muqdisho oo kaliya waxaa ku yaalla Xarrumo si gaar ah loogu xannaaneeyo Carruurta Agoonta ah.

Dhammaan ilaalinta danahaasi iyo kuwo kale ayadoo la xeerinayo waxay Dowladdu ku qasban tahay in dhinacyada iska soo horjeeda aysan iyadu midkoodna xumeyn.

Qadar waxay 10 Milyan oo Dollar ku kabtaa Miisaaniyadda Dowladda, waxay sidoo kale bixisaa lacago kale oo aan cadaddooda la shaacin oo ku baxa howlaha maamulka iyo farsamada ee madaxtooyada.

DANAHA IMAARAADKA Dowladda Imaaraatku waxay gacanta ku heysaa Ciidan fara badan oo federaalka ah iyo kuwo maamul-goboleedyada u diiwaangashan, waxay si joogta ah u bixisaa mushaarka iyo qalabka ay ciidamadaasu adeegsadaan.

Dowladda Qadar waxay qaadatay Maamulka iyo Maareynta Shidaalka La doonayo in laga soo saaro Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dubai waa Marinka ay soo marto badeecada soomaaliya la keeno meel kastaba haka timaadee, sidoo kale Imaaraadka waxaa ku yaala “Suuqu Soomaal” oo ah suuq weyn oo ay ganacsi ku leeyihiin maalqabeenno badan oo soomaali ah. Imaaraadka waxaa ku nool tirada ugu badan ee soomaalida deggan waddamada khaliijka carabta.

Qadar waxay saaxiib dhow la tahay laguna ixtiraamaa Dowladda Turkiga oo si weyn u gacan heysa Soomaaliya. Turkigu wuxuu malaayiin dollar ku kabaa miisaaniyadda dowladda, wuxuu si toos ah u bixiyaa Deeqo waxbarasho, Tababar Ciidan, Gurmad bani’aadannimo iyo Mucaawanooyin kale oo tira badan.

Dowladda Imaaraadka waxay lacago aan la cayimin siisaa Dowladda inkastoo aaney aheyn miisaaniyad joogto ah oo lagu kabo kharashaadka dowladda.

Turkiga waa saaxiibka ugu dhow ee ay soomaaliya leedahay, Qadar oo xiriirkeeda la jarona waa ayadoo Turkiga si dadban xiriirkiisa loo xumeeyay.

Waxaa jira xiriir ganacsi oo labada dal ka dhaxeeya oo aan sina loo dhaawici Karin, Imaaraadku waxaa ganacsi ahaan loogu dhoofiyaa xoolo nool oo aad u tiro badan, dhoofintaasi xoolaha nool soomaaliya waxaa uga soo xaroota dhaqaale badan oo aan la qiyaasi Karin.

Safarka Imaaradka Muxuu Muhim ugu yahay Soomaaliya Waa wax muuqda lana dareemi karo inta uu la egyahay culeyska siyaasadeed ee soo fuulay Dowladda dhexe ee soomaaliya tan iyo markii ay qaadatay go’aanka dhexdhexaadnimada ah, sidaasi daraadeed waa lama huraan in ay dowladdu qaaddo tallaabo ay ku dheehan tahay Diblomaasiyad si taxadar ah loo Khorsheeyay.

Sidoo kale Imaaraadku waxay dib u dhis iyo dayactir xoog leh ku sameeyeen Dekedaha Magaalooyinka Ber-bera iyo Boosaaso ayadoo warar kale oo la helayana ay sheegayaan in lagula heshiiyay Dekedda magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maadaama soomaaliya aysan laheyn isku filnaan dhinacyada dhaqaallaha, siyaasadda, ciidanka IWM waa wax weyn oo aan laga fursan Karin in ay dowladdu ciyaarto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo wax ka tari kara cadaadiska siyaasadeed ee ka saaran gudaha iyo dibadda.

Intaas iyo in kaloo fara badan oo la xeerinayo darteed Dowladda soomaaliya way ku adag tahay in ay wax u dhinto xiriirta UAE haddii ay dhacdana waxaa la hubaa in culeysyo kale oo aan la xamili Karin ay ka dhalanayaan.

Safarka uu madaxweynaha ku tagay 19kii November inkastoo kulamadii uu la qaatay madaxda imaaraadka ay ahaayeen kuwo ay albaabadu u xiran yihiin haddana wararka la helay ee kulankaasi ku saabsan waxaa lagu sheegay in uu ahaa wadahadal lagu guuleystay oo ku saabsanaa Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraadku ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab la gula jiro.

Haddii ay sidaas tahay oo aan Imaaraadka xiriirkiisa waxba loo dhimi Karin oo danaha kale ee lagu qabo ay ka badan yihiin kuwa uu geysanayo waa maxay sababta kalifeysa in la ilaaliyo xiriirka qadar oo ay dowladdu weli u taagan tahay mowqifkeeda Dhexdhexaadnimada ah?! Waa su’aal kale muhim ah oo ay is weydiinayaan dad badan oo arrimahan daneynaya. Waxaa jira dano kale oo lagu qabo Dowladda Qadar iyo Dowladaha kale ee ay saaxiibbada yihiin.

Sidaasoo ay tahay sida wararku sheegayaan kama marneyn in madaxweynuhu imaaraadka kala hadlay in soomaaliya lagu ixtiraamo go’aankeeda dhexdhexaadnimada ah isagoo u bandhigay daruufo badan oo ku hareereysan oo kalifaya in ay Soomaaliya dhexdhexaad kasii ahaato Xiisadda Khaliijka ka taagan, hayeeshee sidee imaaraadka iyo xulufada kaleba ugu qancayaan soo jeedintaas?! Waa su’aal kale oo mudan in waqti la siiyo.

DANAHA QADAR Dowladda Qadar iyada oo ka Gilgilaneysa Natiijada ka dhalan karta Safarka Madaxweynuhu ku Tagay Imaaraadka ayay maalmo ka dib si degdeg ah muqdisho ugu soo dirtay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Alkuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta Qatar.

Si kasta oo ay ahaato in madaxweynuhu u safro UAE ee uu madaxda dalkaas isku dayo in uu wax ka dhaadhiciyo waxay dhowr jeer ka wanaagsan tahay in uu iska aamuso oo inkiro ama yareysto mushkiladaha siyaasadeed ee ku gedaaman Soomaaliya.

Qadar waxay Soomaaliya u ballan qaadday in ay u fulineyso Mashaariic Horumarineed iyo in ay siineyso lacag 200 milyan oo dollar ah. Mashaariicda la ballan qaaday waxaa ka mid ah: • Dhismaha Waddada isku xirta Magaallooyinka Muqdisho iyo Afgoye

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)

• Dhismaha Waddada u dhaxeeysa Muqqdishu iyo Jowhar • Dhismaha Xarrunta Xisbiga oo Noqon Doonta Xarrunta ay

COSOB

7

Diceembar 2017


KGS: Saddex sano kaddib (Isbeddel ya Fadaanee)

M

unaasabad loogu yeeray xuska 3 guurada Asaaska Koofurgalbeed, hayeeshee u muuqatay mid lagu karjebinayey nux-nuxda xildhibaano iyo siyaasiyiin kala heerar duwan oo ka socota Baydhaba; ayaa ka dhacday dhowaan dhismaha Madaxtooyada KGS.

xildhibanao labadaas heer kala ah oo aan ka qaybgelin munaasabadda kuwaas oo Baydhaba joogay, qaarkood oo aan arkay waxa ay ii sheegeen in madaxweyne Shariif ; uu soo hormariyey ololihiisa doorashada ee xilliga labaad, sidaas awgeedna aanay arkin saddex guurada wax weyn oo ay ka qabgalaan, waxa ii sheegeen in 17-ka November; ay tahay maalinkii la doortay madaxweynaha balse aanay ahayn maalinkii la aas-aasay maamulka KGS.

Waxa lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado u eg kuwii Kacaanka oo lagula hadlayey dad aan magacooda la xusin balse ficilada iyo howlaha ay hayaan lagu sheegay kuwo looga horjeedo KGS, waxaana sida aan ka fahmay heesaha iyo masraxiyaddaba loo danlahaa xildhibaano iyo Siyaasiyiin wada olole ka dhan madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan ama Aw-Shariif, sida suugaanta saddex-guurada loogu yeerayey, heesaha waxa kamid ahaa heesta “Awshariifow Annagaa ku dooranay” iyo hees kale oo lagu dhalliilayey hal-hayska Isbeddel fadaanee! Oo malaha hal-qabsi u ah siyaasiyiinta wada Ololaha, kuwas oo sugi la’ muddada ka hartay xilka madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa ay billaabatay kaddib salaadda Maqrib; waxa ayna dhammaatay labada habeennimo ama siddeed saac, waxa ka hadlay xildhibaano heer federal iyo heer gobol ah, kuwaas oo muujiyey sida ay ula jiraan hoggaanka KGS, balse waxa jiray

COSOB

Waxa ka qayblay madax uu kamid ahaa madaxweynaha Hirshabeelle iyo wakiil ka socday Galmudug, kuwaas oo intooda badan ku dhiirrigeliyey dadka joogay munaasabadda in ay taageeraan hoggaanka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Marka uu Shariif Xasan ka maqan yahay Baydhaba; waxa kaca hugunka iyo soo jeedinta mooshin dhan ah madaxweynaha, balse waxa ay shiiqaan oo ay u muuqadaan in ay meeshaba ka bexeen marka uu joogo, sidaas waxa ii sheegay Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin kala duwan oo aan la kulmay intii aan joogay Baydhaba.

8

Diceembar 2017


Xildhibaano heer federal ah iyo kuwo heer dowlad goboleed ah ayaa iska kaashanaya sidii loo kicin lahaa hugun siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay soo oogidda mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mucaaradku waxa ay u arkaan in aanay jirin wax loo dabbaaldego oo 3; sano kaddib ka muuqda magaalooyinka iyo degmooyinka KGS, iyaga oo dhismayaasha madaxtooyada Baydhaba iyo Baraawe, Hirgelinta Telefeshinka iyo Raadiyaha KGS; iyo wixii la halmaala u arka xoog iyo xoolo kaalmo ah oo ay bixiyeen kana shaqeeyeen hay’ado iyo deeqbixiyeyaal caalami ah. Balse Shariif Xasan Sheekh Aadan; oo weli rogrogi kara siyaasadda iyo qaab-dhismeedkeeda ayaa dooddda mucaaradka ku furay hir xoog badan oo loo adeegsaday warbaahinta iyo Fanka, kuwaas oo gaaray heer ay ku heesaan Aabe Shariifow adigaan ku aaminay. Fursad kale oo u muuqatay in kubadda uu laaday Shariif Xasan ay gashay shabaqa ayaa ah in Wasiirk koowaad ee xukuumaddu uu tagay Baydhabo; kaddibna uu ka qaybgalo furitaanka jaamacad loogu magacdaray isaga, hadalna ka jeediyo habeenkii xigay munaasabad ka dhacday isla meeshii ay ka dhacday munaasbaddii xuska saddex-guurada KGS. Inkasta oo aanan hubin in ay sax tahay haddana raisalwasaare Kheyre ayaa ka sheegay munaasabadaas in xukuumadda Soomaaliya shaqo uu abuurtay muddada ay jirto 5000; oo qof, ayna dhammaadka sanadkan u abuuri doonto 20,000 oo qof shaqo ay ku noolaadaan. Dhinaca Nabadgelyada Baydhaba; waa nabad marka aad dhex-joogto, balse daafaheeda si sahal ah looguma dhiirran karo in lagu safro ama loo daneysto, sababtuna waa in aanay ku jirin gacanta KGS iyo ciidanka Amisom ee jooga gobolka, raisalwasaaraha ayaa ka sheegay Baydhaba in ay qabanayaan 2; arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah furitaanka jidak isku xra Xamar iyo Baydhaba, sidaas oo kalana in xukuumaddu ku caawineyso madaxweynaha KGS, sidii uu ugu guurii lahaa madaxtooyada KGS ee Baraawe. Labadaas arrimood iyo kuwa ammaanka la xiriira ee haysta KGS waxa ay hirgeli karaan oo keli ah marka ay xaqiiqo noqoto in siyaasiyiinta wada ololaha “Isbeddel Fadaanee” iyo madaxweyne shariif Xasan; ay ka gudboon is haysiga gudaha iyo adeegsiga warbaahin hal-dhinac ku hadli karaan dhinaca kalana u taqaan dad bilaa macne ah MUNAASABADII BEYDHABO

Taasna waxa ay ii muujisay in madaxweyne Shariif Xasan; uu kamid yahay madaxda aan Xilka iyo Xollaha wada raadin halmar, ee marka ay mid hayaan kan kale ku illaaliya, taas oo ah dhaqanka madaxda hesha waqti dheer oo ay wax ku xukumaan, taasi kama dhigna in xukunkoodu toosan yahay balse waa in ay xilkooda ku waardiyeeyaan xoolaha iyo hantida soo gasha. Arrinta xusidda mudan ayaa ah in ay munaasabadda ay ka qaybgaleen Wasiirkii gaashaandhigga ee iska casilay xilka iyo Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee golaha xukuumadda xilka ka Qaaday, taas oo inyar muujisay jiritaanka is xulufeysi billow ah, kaas oo ka soo unkamay golaha dowladgoboleedyada, ayna ka soo muuqan doonaan madaxda sida qaabdarrada ah xilka looga qaado ee dowladda dhexe iyo kuwa laga masaafuriyo dowladgoboleedyada iyada oo lagu haysto in ay ka horyimaadeen madaxda.

Axmed Ciise Guutaale

intii aan joogay Baydhaba; waxa aan warbaahinta ka maqlay xildhibaano kamid ah KGS; oo sheegaya in ay ka laabteen sii waddidda mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

COSOB

9

Diceembar 2017


10-ka Hoggaamiye Ee Xilligan Ugu Waqtiga Dheer Qaaradda Afrika

Robert Mugabe oo 93 jir ah, ahaana hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xuriyaddii dalkaasi 1980-kii ayaa dhwaan is-casilay, Mugabe waxaa uu ka mid ahaa madaxda ugu waqtiga dheer adduunka iyo qaaraddan Afrika.

HADABA HALKAN KA AKHRISO MADAXDA XILLGAN AFRIKA UGU MUDDADA DHEER: 1: Teodoro Obiang Nguema Mbasogo: Madaxweynaha Equatorial Guinea 1979 Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, sheekadiisa waa mid xiiso badan, waxaa uu ka soo baxay Akaademiyad Militari oo ku taallo Spain, isaga oo madax ka noqay Jasiirad illaa adeerkiis Macías Nguema oo madaxweyne dalkaasi ka ahaa uu dilo aabihiisa iyo inta badan qaraabadooda, markaasi kadib Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa dagaal la lagay madaxweyne Macías Nguema, waana ka adkaay, ninka dambe caruurtiisa waxaa uu u diray Waqooyiga Kuuriya isagana waxaa lagu qabtay baadiyaha dalkaasi, ugu dambeyntiina waa la toogtay! Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, wixii xilligaasi ka

COSOB

10

dambeeyay, waxaa uu madax ka yahay dalka Equatorial Guinea, waa dalka ugu hodon-san qaaradda Afrika, wiilkiisa iyo dadka ku dhaw waxaa ganacsi ku leeyihiin qaaradda Yurub. 2:Paul Biya: Madaxweynaha Cameroon 6 November 1982. Inta uusan madaxweyne ka noqon Cameroon 1982-dii, Biya waxaa uu ra’isul wasaare u ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Ahmadou Ahidjo. Paul Biya, marar badan ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis badan balse waxaa uu uga badbaaday xiriirka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeystay dalka Cameroon!!

Diceembar 2017


3:Yoweri Museveni -Madaxweynaha Uganada 29 January 1986 Yoweri Museveni, waxaa uu dalkaasi madax ka yahay tan 1986-kii, waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa dalkaasi, waxaa ku soo xigay Idi Amin iyo Milton Obote. Dad badan oo reer Uganada ah ayaa kula taliyay in uu xukunka ka dago ama tartanka madaxtinnimada isaga haro, waxaa uu ku jawaabay “Haddii aan dhinto xitaa, qabriga ayaan ka soo tartamayaa”!! 4:Boqor Mswati III (Swaziland) – 1986. Boqorkan Swaziland, waxaa uu dalka qabsaday April 1986, markaas uu gaaray 18 jir, 4 sano kadib marka uu aabihii geeriyooday!!

9:Denis Sassou Nguesso – Madaxweynaha Republic of the Congo 1997 Madaxweyne Nguesso waa markii 2aad uu dalkaasi maamulo, horay waxaa uu madaxweyne u noqday 1979 -1992, isaga oo mar kale dib madaxweyne u noqday 1997. Markan dambe, dalka Republic of the Congo waxaa uu ku jiray dagaal sokeeye, waxaa uu xilka ka xoogay madaxweyne Pascal Lissouba illaa iyo hadda isaga ayaa xukuma!! 10:1999: Waxaa madaxweyne noqday rag badan oo ay ku jiraan Cabdelaziz Boutefliqa, Boqorka Moroco, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyanaha Gabon Cali Bongo!!

Dalkaasi waxaa uu ku heystaa awood aan xad laheyn, in kasta oo dalku leeyahay baarlamaan, ra’isul wasaare iyo xukuumad, hadana isaga ayaa ka awood badan!!

KOOXDA RECORD-KOODA

Ragga qaaradda Afrika ku nool waxaa uu dheer yahay boqornimada marka laga soo tago, September sanadkan waxaa uu guursaday gabar 19 jir ah oo noqoneysa xaaskiisa 14-aad!!!

Waxaa jira madax kale oo illaa iyo hadda la jibin la’ayahy Record-kooda xagga xukunka qaaradda Afrika, waxaa ka mid ah :

5:Cumar Xasan Al-Bashir – Madaxweynaha Suudaan 1989

Boqorkii Ethiopia Haile Selassie, kaas oo la tuuray 1974, waxaa uu boqor ahaa 44 sano!!

Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir waxaa uu sanadkii 1989kii afgambi aan dhiig ku-daadan xukunka uga tuuray ra’isul wasaare Saadiq Al-Mahdi. Intii uu talada hayey, waxaa dalkiisa waxaa ka go’ay Koonfurta Suudaan, waxaa looga yeeray maxkamadda ICC, dalkiisa waxaa uu ku jiraa 3 dal oo deyn ka qaadan Karin hey’adaha lacagta adduunka!

AAN LA JABIN:

Mucamar Al-Qadaafi, Madaxweynihii Libyan, waxaa la dilay 2011-kii, waxaa uu dalkaasi maamulayey 42 sano!! Omar Bongo Ondimba, Waxaa uu ahaa madaxweynaha Gabon, waxaa uu dalkaasi xukumayey illaa uu ka dhinto October 2011, 41 sano ayuu talinayey!!

6:Idriss Déby – Madaxweynaha Chad 1990 Madaxweyne Idriss Déby, waxaa uu dalka Chad qabsaday 1990-kii, Déby waxaa ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynihii xilligaas Xissene Habré. Déby waxaa loo musaafuriyay dalka Libya, taageero uu ka helay dalalka Libya iyo Suudaan ayuu weerar ku soo qaaday Habré, sanad kadibna waxaa uu la wareegay caasimadda N’Djaména. 7:Isaias Afwerki – Madaxweynaha Eritrea 1993 Dalka Eritrea tan iyo markii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya, ma arkin hoggaamiye aan Isaias Afwerki aheyn!! Afwerki, waa nin aan nixin, Xisbigiisa ma ahee cid kale siyaasad kama shaqeyn karto, arrimaha dimoqoraadiyadda iyo hanti-goosadka la xiriira maba qoro, eedeynta reer galbeedka iyo dariska, dheg-jalaq uma siiyo!!

Cabdi Caziz Gurbiye

8:Paul Kagame Hoggaamiyaha Rwanda 1994 1994, Paul Kagame iyo kooxdiisa RPF, waxaa ay ka adkaadeen ciidamada the Rwandan National Army kadib xasuuqii Rwanda ka dhacay. Xilligaasi wixii ka dambeeyay Paul Kagame isaga ayaa dalkaasi hoggaamiye ka ahaa, waxaa uu madaxweyne ka dhigay Pasteur Bizimungu illaa markii dambe uu iska tagay 2000. Paul Kagame ayaa la doortay 2000, waana madaxweynaha dalkaasi, doorasho kasta oo dhacda isaga ayaa hela 99%!!

COSOB

11

Diceembar 2017


Warbixinta Dugsiga Dhagoolada ee Somali National Association of Sonad

L

eyla Daahir Cumar waxay kursi dheer oo bir ka sameysan oo yaalla barxadda dugsiga kula fadhisaa saaxiibteed Sumayo Cabdisalaam Maxamuud oo aqrineysa Buug yar oo ka faalooda arrimaha jaceylka, Leyla waxay aqrineysaa mid ka mid ah wargeysyada Maxaliga ah ee kasoo baxa Magaalada muqdisho. Leylo waa16 jir Maqalka la’ afar sano ka hor in ay wax qorto iyo in ay wax aqriso iska daayee waxay aheyd qof aqrisqoraalkaba ka aaminsan rajo aysan weligeed xaqiijin Karin, laakiin hadda iyada iyo saaxiibteedba waxay ka mid yihiin fasalka 7aad ee dugsiga dhagoollada oo ku yaalla magaalada muqdisho. Leylo dugsiga ay dhigato waa kan kaliya dhagoolada wax lagu baro oo muqdisho ku yaalla, waxaa la furay sanadkii 2006dii hayeeshee saameyntii Dagaalada ayuu ku xirmay, wuxuu xilligaasi ku yaallay xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, si loo dhameystiro haqab-tirka baahida wax barasho ee dadka maqalka la’ ayaa waxaa mar kale sanad waxbarasheedkii 2009/2010 laga furay xaafadda KPP ee degmada hodan. Dugsigu wuxuu ka kooban yahay fasalada hoose iyo dhexe,

COSOB

Leylo waxay dugsiga kusoo biirtay sanadkii 2012-kii sanad kastana waxay ka gudbeysay laba fasal si la isu waafijiyo da’deeda iyo heerka waxbarasho, sanadkan dhammaadkiisa waxay ka gudbi doontaa fasalka 7aad oo ay hadda dhigato. Mustaqbalka marka ay dugsiga sare dhameyso waxay rajeyneysaa in ay ku biirto kuliyadda caafimaadka si ay u noqoto dhaqtarad ku fiican daryeelka caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka. Muuse Xasan Axmed waa Xoghayaha Iskuulka Dhagoolada marka magaciisa lasoo gaabiyana ah SONAD, Meese waa nin uu ka maqan yahay maqalka hayeeshee wuxuu u hadli karaa si jiglenimo ah balse la fahmi karo wuxuu ka warbixinayaa Sababta ku dhalisay in ay furaan dugsigan oo wax lagu baro dadka dhagoolada ah oo kaliya. “Waxaan dugsigan furnay ka dib markii aan aragnay baahida waxbarasho ee ay qabaan dadkan dhagoolada ah, iyadoo aysan wax la baran Karin dadka kale ee maqalkoodu fiican yahay, magaaladuna aysan ka jirin xarumo kale oo dadkan dhagoolada wax lagu baro ama lagu tababaro” Muuse ayaa sidaas yiri. Dugsiga waxaa dhigata 313 ardey oo 209 ka mid ah ay wiilal yihiin halka gabdhuhuna yihiin 114 gabdhood, waxay da’doodu u dhaxeysaa 5-jir illaa 16-jir marka laga reebo hal qof oo dumar ah

12

Diceembar 2017


oo da’deedu tahay konton sano. Dugsiga waxaa ka shaqeysa 10 macalin oo dhammaantood ah dad qaba baahi maqalka ah marka laga reebo hal macalin oo maqalkiisu fiican yahay kaasoo ay u shaqaaleysiiyeen in uu u matalo afhayeenka dugsiga isla markaana ka jawaabo telfoonada soo dhaca iyo warsiinta waalidiinta. “Magaceygu waa C/risaaq Maxamed C/laahi, Caqabadaha ugu badan ee halkan ka jira waa in dadka maqalka leh ee soo waca telfoonada iskuulka iyo kuwa halkan ka shaqeeya aysan is fahmi Karin, sidaas darteed aniga waxaan u kala tarjumaanaa labada dhinac, waxaan ka jawaabaa telfoonada, waxaan maamulka u raacaa meelaha iskuulka danahiisa laga soo fulinayo” Cabdirisaaq ayaa sheegay sidaas. Iskuulka waxaa lagu dhigtaa bishii lacag sideed dollar oo tan waxbarashada ah iyo 6 dollar oo tan gaariga ah. Ardeydu waxay isticmaallaan laba baabuur oo nooca min bus-ka ah oo ay ugu deeqday hey’adda muslim hands hayeeshee weli wey taagan tahay baahidii iskuulku u qabay in ardeyda xaafadahooda loo kala daabulo Muuse oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri: “Dhibka taagan wuxuu yahay gawaarida looma hayo qarash shidaal iyo mushaar darawalada ah, carruurtana badankood qarashkaasi iskama bixin karaan waayo waxay kasoo jeedaan qoysas sabool ah”

hoose ee Sonad Wuxuu doonayaa in uu mustaqbalka noqdo Xisaabiye bankiyada ka shaqeeya si uu bulshadiisa u caawiye naftiisa iyo qoyskiisana wax taro. Maadooyinka iskuulka lagu dhigo waa kuwo inta badan raacsan manhajkii waxbarasho ee dalku lahaa ka hor sanadkii 1991kii, dhibaatada ugu xooggan ee ay macalimiintu ku qabaan arrintan ayaa ah in aysan heysan manhaj ku haboon in wax lagu baro ardeyda aan maqalkoodu fiicneyn. Waa kan C/ naasir Maxamed Jimcaale oo ka mid ah macalimiinta iskuulka, C/naasir qudhiisu waa qof maqalka la’ balse cod la fahmi karo ayuu ku hadlaa. C/salaam Maxamuud waa aabaha dhalay Sumayo C/salaam oo 15 jir ah oo dhigata fasalka 7aad ee dugsiga Sonad. C/salaam sida gabadhiisa waa qof qaba baahi dhinaca maqalka, weligiis waxbarasho fursad uma helin laakiin wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in maanta ay gabadhiisa waxbaraneyso iyadoo mustaqbalka ku fakareysa in ay noqoto Macalimad ku fiican waxbarista dadka dhagoolada ah. Cismaan Maxamed Nuur oo ah Guddoomiyaha urur ay leeyihiin dadka Dhagoolada ah ee muqdisho ayaa ii sheegay in inkastoo uusan heynin tira-koob sax ah haddana uu ku qiyaasayo in dhagoolada muqdisho ku nool ay yihiin lix kun oo ruux 600 oo dadkaasi ka tirsan ayaa xubno ka ah ururkiisa.

Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

C/laahi Xuseen Ciise waa 6 jir dhigta fasalka 4aad Dugsiga

COSOB

13

Diceembar 2017


Laashkii Aakhiro ka yimid

W

axaan soo miiraamay maalmo kadib, markii aan indhaha kala qaaday waxaan isha qac kusiiyey, nin carab ah, oo I dul taagan iyo faleebayaal iga lusha aniga oo dhan.

Hadda waxaan joogaa labo maalmood, waxaan si aayar ah ula qabsanayaa jawiga, laakiin markasta oo aan seexdo waxaan ku sasayaa doonidii yarayd sidii ay u ciyaaraysay, iyo dhibkii aan sahalsaday anigu, geesta kale waxaan xasuus ku dhex maquurtaa noloshii gurigii Hooyo macan ka jirday, waxaa waqti kasta la isiiyaa daawo aanan karanaynin waxa ay tahay, dhaqtarku waa uu ii sheegeeyaa laakin ma fahmo hadalkiisa, waxaan ku jahwareersanahay qaabkii aan u soo badbaaday, su’aashaas maskadayda ka guuxaysa mahelo qof iga aqab tira, waxaan akhriyey waraaq yar oo agtayda taalay waxaan ogaaday, in ay halkani tahay tuulo yar oo u dhawayd Yemen.

Waxaan eegay geestayda midig waxaa yaalay miis yar oo ay daawo buux dhaafisay, waxaan is idhi soo fariiso oo bal jawiga si fiican u qiimee, markii aan soo hinqaday waxaa igu soo kala orday koox dhar cad cad xidhan oo aan dhihi karo waa dhakhaatiir, geesahey igamareen oo I taabtaabteen iyagoo ku hadlaaya af carabi, waxaan ka fahmaayey oo keli ah “alxamdullilaah”, waxay igu yiraahdeeen wax aan u fahmay “isdaji” oo aan ka fahmaayey gacmaha. Waxaan idhi “haye” aniga oo adeegsanaaya madaxa, maxasuusto wax yaalo badan waayo waxaan ahaa qof in badan koome ku jiray, markii aan helay miyirka waxa la ii sheegay in ay ahayd subax, laakin nasiib darro la iima sheegin waqtigii ay ahayd, si kastama waxaan ku faraxsanahay in aan garasho leeyahay, xillikaan aan kuu sheekaynaayo qoraa Najax.

COSOB

Isbitaalka aan ku jiro Soomaali majoogto, waan ladnaaday waxa la ii fasaxay in aan banaanka u soo baxo, markii aan isbitaalka iriddiisa maraayo ayaa waxaa ii yeedhay nin ka mid ah qoloda lacagta ka qaadda dadka bukaanka ah, su’aal baa la I waydiiyey, waan fahmi waayey su’aashii, waxaa la I fariisiyey kursi u dhawaa kan su’aalaha I waydiinaaya,

14

Diceembar 2017


Tahriibayaal

illeen waxaa la ii doonay qof Soomaali ah oo nookala durjuma aniga iyo kan lacag qaadaha ah, waxaa meel ka soo muuqday nin aan ku qiyaasay in uu sanba Soomaali ahayn sababtoo ah aad ayuu ugu eggaa kuwa carabta ah, waan yar istaagay si aan u salaamo, gacantaan u taagay laakin waxa uu ahaa mid qalbi wanaagsane laabtuu I geliyey, is marxabeen kadib, waxa uu igula hadlay Af-Soomaali waxaan dareemay farxad anan dhawaanahaanba dareemin, waan is waraysannay, waxaan u sheegay hoogii aan soomaray, waxaana u raaciyey hadalkaygiia, ii waydii nimankaan sidii aan usoo badbaaday anigu waxaan xasuustaa oo keliya aniga oo badwaynta ku dhex jiree, waa uu waraystay kadibna waa uu ii waramay waxa uu ahaa nin naxariis badan. Waxa uu nimankii ka codsaday in ay I siidaayaan oo aysan wax la cag ah iga qaadin, kadib markii uu u warramay. Waa ay aqbaleen, oo waxay idhaheen “waad fasaxantihiin”, waxaan soo raacay ninkii Soomaaliga ahaa, nasiib darro intii aanan gurigiisa soo gaarinba waxaa naga hortimid askar, waaba

iyagii ila haray waayo ninku mid sharci leh ayuu ahaa oo lamay hadlin isaga mooji mahorey u yaqaaneen, waxaa la ii taxaabay xabsi aanan filaynin oo ka daran doontii yarayd, ma awoodi in aan kaaga sheekeeyo imika xabsikan ciqaabta ah, waayo waa ay I dhibaysaa ka sheekeentiisu, waana kan aan hadda ka dhex hadlaayo. Noloshaydii waxaan ku dhamaysan rabbaa ciqaab aan gacmahayga ku raadsaday, kuma faraxsani in aan haldaqiiqo ka maqnaado Waddankaygii Soomaaliya, waxaa I qaaday caqli xumo iyo caruurnimo, waxaan talo siin lahaa dhalinta kasoo tahriibeysa dhulkooda hooyo, waxaana leeyahy Janno kaama horreysee joog dhulkiina

QAYBTII UGU DANBEYSAY SHEEKADAN

Najax Aadan Faarax

COSOB

15

Diceembar 2017


Halkuu ku dambeeyay halgan siyaasadeedkii grace mugabe WAA TUMA GARACE MUGAABI?

G

arace mugaabi waa marwada koobaad ee dalka Zimbabwe taniyo 1996-kii oo ku beegnayd markii ay guursatay madaxweyne mugaabi , waxay dalkaas ku dhex leedahay awood siyaasadeed aan la dafiri kareyn, waxayna haweeneydani dhawaan u hanqaltaagtay in ay seygeeda kala wareegto kursiga madaxtooyada oo uu ku fadhiyay ku dhawaad afartan sanadood taasoo noqotay halka uu ka dhashay muranka iyo is marin waaga siyaasadeed ee ay ka biyo diideen saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ee dalka zimbabwe. Garace mugaabi ayaa dhalatay 23-kii luuliyo 1965-kii waxayna ku dhalatay BENUNI oo ku taalla dalka koofur afrika Marwadan ayaa u dhaxday mugaabi 1996-kii kadib markii ay ka geeriyootay haweeneydiisii hore. Laba sano kadib is diiwaan galinteedii jaamacadda ayay Bishii September 2014-kii waxay darajada phd-ga ka qaadatay jaamacadda Zimbabwe iyadoo wax ka qortay cilmiga bulshada COSOB

inkastoo kol dambe buugeedii cilmi baadhista laga waayay keydka jaamacadda taasoo aqoonyahanno fara badan shaki galiyeen run ahaanshaha darajada ay qaadatay afada iyagoo ka codsaday inay dib u diyaariso darajada phd-ga. Marwo garace ayaa ku dangiigtay duud libaax waxayna itaal siyaasadeed baaxad leh ku dhex leedahay xisbiga (ZAANU) ee uu ku abtirsado mugaabi, waxayna haweeneydani hogaamisaa garabka loogu yeedho (JII 40) . Tan iyo sanaddii 2014-kii waxay hogaanka usoo heysay ururka haweenka taageersan xisbiga ZAANUU halkaas oo ay markii dambe uga soo biirtay xubinnimada xafiiska siyaasadda dalka. Marwo garace ayaa ku tuhuntay qaar ka tirsan masuuliyiinta xisbiga zaanu inay maleegayaan shirqool ay ku damacsanyihiin inay xukunka uga tuurayaan seygeeda oo ah ninka ugu da’da weyn madaxda dunida iyadoo aan la gabbanin marnaba sida ay ugu hanqaltaageyso inay ku fadhiisato

16

Diceembar 2017


bilaabeen dhaqdhaqaaq ay kula wareegayaan talada dalka iyagoo sheegay inay beegsanayaan dambiilayaal ku hareereeysan madaxweynaha waxayna ciidamada milatarigu gacanta kusoo dhigeen xubin muhim ah oo lagu magacaabo IGNAASHIYOOSTASHOMBO ahna waziirka maaliyadda kana tirsan garabka jii 40 ee ay hogaamiso marwo garace mugaabi. Gadoodkan milatarigu kula wareegeen xukunka dalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo iyadoo ciidamada milatarigu si weyn uga soo horjeedaan hanka marwo garace ay ku doonayso inay dalka madaxweyne kaga noqoto, waxuuna abaanduulaha ciidamada milatariga KONISTAANTIINO TISHYONGA madaxweyne mugaabi ku dahaliilay xil ka xayuubintii uu kula kacay ku xigeenkiisii MANANGAWA taasoo xisbiga talada haya ku abuurtay baqdin ay ka qaadaan taliyayaasha ciidamada kuna eedeeyaan dhankooda inay yihiin rag maleegaya khiyaanooyin qaran. Mugaabi ayaa Zimbabwe madax ka ahaa taniyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay gumaystihii ingiriiska1980-kii, inkastoo ninkani yahay nin gabow ah oo caafimaadkiisuna yahay mid aan wanaagsanayn, dhawaan ayuuna isu soo bax dad weyne reer Zimbabwe ah ka hor sheegay in caafimaadkiisu yahay mid hagaagsan aysanna jirin cid leh kartidiisa iyo heybaddiisa siyaasadeed oo dalka Zimbabwe horay usii daadihin karta. Grace ayaa ku can baxday inay tahay haweeney ku falan dhex taagnaashaha suuqyada iyo iibsashada badeecada qaaliga ah ee leh sumadaha ganacsi ee ay soo saaraan sharikada waaweyn ee dunida waxaana sidoo kale lagu xantaa inay kaalin lixaad leh kaga jirto musuqa iyo hanti lunsiga hadaantaka tuuray dalka zimbawe, warbixannada qaar ayaana tibaaxaya in mudadii ay xaaska u ahayd mugaabi iibsatay laba qasri oo aad u waaweyn kuna baxday hanti ciiddaa ka badan sidoo kalena guryo badan ka iibsatay dalka shiinaha. marwo grace waxay ka mid ahayd dad fara badan oo ka ag dhawaa mugaabi kuwaasoo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa ,hoos u dhaca xuquuqda aadanaha, iyo murugsanaanta xaaladda dhaqaale ee ka taagan dalka Zimbabwe sanaddii 2002-dii ayayna midowga yurub soo saareen liis ay ku qoranyihiin dadka cuna qabateynta la saaray ee dalka Zimbabwe kuwaasoo ay ka dhex muuqatay marwo garace mugaabi. grace mugabe

kursiga madax-tinnimada ee dalka ugu sarreeya kolka uu xilka ka dago seygeeda .

Hada talada dalka Zimbabwe waxaa la wareegay madaxweyne kuxigeenkii ay dhawaan xilkiisa ka ceydhisay manangagwa. Garace Mugabe ayaa ciil iyo cadho kala hagoogatay fagaarayaasha dalka Zimbabwe iyadoo uu gabbal baas u dhacay waayaheedii siyaasadeed.

goob dadweyne badan oo reer Zimbabwe ah isugu yimaadeen oo ku taalla haraare ayay 5-tii bishii nofember kaga dhawaaqday inay si buuxda ugu diyaar garowday inay xilka kala wareegto odaygeeda waxaana la soo tabinayaa inay tidhi waxaan ugu baaqayaa mudane mugaabi inuu xilka igu wareejiyo oo uusan ka laba labeynin ku dhaqaaqidda arrinkaa .

cabdifataax xasan wali c.naasir(zaki

Si ay u xaqiijiso riyadeeda una hubanti galiso yoolkeeda ayay haweeneydani waxay ka takhalustay ninka ay u arkeysay inuu yahay ragga ugu halista badan ee is hortaagi kara rabitaankeeda waana ninka loogu yeedho EMERSON MANANGAGO oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii dalka waxayna seygeeda dhagaha ugu shubtay in ku xigeenkiisa uu caqabad ku yahay xasilloonida dalka abuurayana fadqalalle nabad galyada wax u dhimaya . 15-kii nofember 2017 ayay ciidamada milatarigu waxay COSOB

17

Diceembar 2017


Haweenka Iyo Nolosha QOYSKU WAXA UU KA DHASHAA HESHIIS SHARCI AH OO DHEX MARA LABA QOF

W

axaan qor rmooyinkeenii hore uga soo hadalnay qiimaha haweenka iyo sida loo guursan jiray loona ilaalin jiray xurmada iyo xaqa ay ku lahaayeen bulshadda. Waxaan kaloo ka soo sheekaynay in haweenku yihiin saldhiga nolosha oo ah qofka maamula hoyga raggu iyo caruurtuba ku hoydaan. Qoysku waxuu ka dhashaa heshiis sharci ah oo dhex mara laba qof oo lab iyo dhedig ah, oo doonaya inay wada noolaadaan inta ka dhimman noloshooda isla markaana helaan taran dad. qoysku waa saldhigga ay ka soo baxaan bini-aadumku, hadii aan si kale u dhigo waa warshadda bini-aadamka soo saarta. Inta badan heshiiskaas waxaa soo jeediya ragga, wuxuuna hirgalaa marka gabadhu aqabasho, hadii ay diidana waa xaquuq ay leedahay. Hadaba Qofka guursanaya rag iyo dumarba wuxuu u baahan yahay inuu fahmo faaidada uu ka heleyo guurkiisa, Qoysku waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan, oo aan halkaan lagu soo koobi Karin. wuxuuna soo jiray ilaa Nabi Adam (cs) waxaana loo abuuray Xawaa, ilaa maalintaa guurku wuxuu ahaa sharci Allaah isugu baneeyay lab iyo dhadig inay si sax ah baahidooda jinsiga ah ku gutaan iyo inay koriyaan dad ka farcama qoyskaas sida sharciga ah ku wada nool. Qoysku wuxuu qofka u yeelaa miisaan, wuxuu geliyaa caafimaad maskaxeed iyo mid jireed, wuxuu baraa nidaamka masuuliyadda, iyo fekerka, wuxuuna u gudbiyaa xaalad horumar mida ugu wayn oo ah inuu helo ubad illaahay idinkii, Waxaad ogtihiin Dadka dunidda jooga waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka shaqeeyaan waa ganacsi, ganacsigana

COSOB

waxaa laga shaqaystaa waa badeeco la soo saaro ama shaqo la qabto oo lacag lage helo (product or service) labadaa arimood ee waqtigeenii oo dhan la galiyo waxaa ka shaqeeya dad, dadkana waxaa soo saara qoys, marka waxaad arkaysaa in ganacsigana habeen iyo maalin loo soo jeedo qoyskii dadka soo saarayayna la hilmaamo. Marka qoys waxaa laga soo saaraa waxa aduunka ugu qaalisan oo ah dadka, badeecadda iyo waxayaabaha dunida yaal waa la isa siiyaa, la is ammaahiyaa, la isu hibeeyaa, aqristow dad la isa siiyo ma aragtay? Ma maqashay dad la is daymiyay, ama dad beec ah oo qiimo lacageed lagu kala gadanayo, waxay ila tahay inaad ila fahamtay in qoysku laga helo waxa ugu qiimaha badan dunidda oo ah dadka , sida kaliya ee aad ku heli kartaana waa inaad qoys dhistaa ilaahayna tala saarataa, Markaan soo koobo qoddobada ugu muhiimsan ee laga faaido inaad qoys dhistaa waa Eebe oo raalli kaa noqda & sunnadii Rasuulka oo aad raacday Sidaan cutubka 1aad ku soo aragteen, qoysku waxuu ka mid yahay, shayga ugu mihiimsan ee jiritaanka aadmiga ku xiran yahay, waa halka uu bini-aadamku ka tarmo. Alah (sw) wuxuu ilaaliyay nasabka si aan ummadda Muslimka ah shubaho u soo dhexgalin, wuxuuna aayaad cad ku amray in laguursado, sidoo kale ayuu Nabigeena (scw) noo dar daarmay inaan guursano, marka waxaad ogaataa markaad iska ilaalisid xaaraanta oo xawadaada aad ku shubtid meel xalaal ah, waxaad fulisay amarka Allah (sw) iyo dar daaranka Nabigeena (scw) Marka waxaad fulisay qodob muhiim u ah Cibaadadaadda iyo nolaashaada dambe oo dhan.

18

Diceembar 2017


DEGGENAAN IYO QANEENCO

oo la sii dhawaynayaa, markuu yimaaddana waa la soo dhawaynayaa iyadoo la jecel yahay, wal wal kama qabo gadaashiisa iyo gurigii uu ka soo shaqo tagay, waa qalbi deggen yahay , wuu hubaa in meel wanaagsan seexan doono.....

Qoysku wuxuu abuuraa qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda, Shaqaday naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho waa lagu daalayaa dabeetana la iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd, haday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo ruuxdaadu isdiidayaan. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.

Iskaabuladda ama doobka markuu guriga ka soo baxayo subixii cidi uguma dambayso , markuu u hoyanayana cidu ugama horeyso, marka adigu isu bar bar dhig labadaa nin iyo daryeelka nafeed ama moral ee ay kala haystaan waxaana sabab u ah qoyska iyo qoys la,aanta. Raggu Qoyska waxay ka helaan daryeel iyo nadaafad buuxda, gabdhuhuna niyadsami iyo moral wanaag, ninku wuxuu guriga tagayaa isagoo diyaar u tahay xaaskiisu si daalka looga bi’yo, loona dajiyo, cunto diyar ah, gogol diyaar ah, caraf iyo jawi ku dajiya, marka guurku ragga iyo dumarkuba waxay ka helaan daryeel iyo in qofba kan kale u adeego.

Dadka cilmig nafsiga barta waxay ku doodaan in dawada ugu wanaagsan ee lagu baa’biyo werwerka, wareerka, xanaaqa iyo daalka badan ay tahay in aad gurigaaga tagtid oo aad la kulantid xaaskaaga. Waxaan wax badan arkay dad dhimirka ka jirran oo isugu jira rag iyo dumar oo makrii qoys loo dhisay mudo yar ka dibna helay caafimad iyo deggenaan, dadkaa waxaa wax badan lagu dawaynayay meelaha lagu dabiibo dadka dhimirka ka jiran, waxayse bogsadeen markay heleen wehel dhinaca jinsiga ah taasoo keentay inay qoboobaan xididadii kacsanaa, kana dhamaado gadoodkii xididada maskaxda ka buuxay, waxaana booskii wareerka galay deggenaan iyo qaneeco. Marka, guurku waa dawo u baahan in si fiican loogu daweeyo dadka dareenkoodu kacsan yahay, sidoo kale waxuu ka hor-tag u yahay cudurada keena

Bilaabidda mas’uuliyad iyo maamul dad. Qoysku waa udub dhexaadka ay ka bilaabato mas’uuliyadu, marka ragga lagu mehrinayo xaasaskooda waxa ugu horreeya ee la xasuusiyo waa waajibaad laga rabo inuu guto sida , makaan la dego, masruuf ku filan iyo buuxinta baahiyaha kala duwan ee gabadhu u baahan tahay, marka waxa imaanaysa si u buuxiyo baahidaas inuu shaqaysto oo soo saaro nolol maalmeedkiisa iyo inuu si fiican u fekaro, sidoo kale waxuu guurka ragga iyo durmarkaba baraa maamulka iyo kala dambaynta,

isla hadal-ka ama buufiska. .

DARYEEL IYO ADEEGII GURIGA OO LAGAA XIGSADO

Waxaan maqlay, waxaa jiray labo walaalo oo midka yari guursaday, kii waynaana uusan wali xaas yeelan, waxaa u yimid kii waynaa odoyaal doonayay in ay la xaajaystaan oo go,aan reer la qaataan, markii kii waynaa la waydiiyay inuu arinka go’aamiyo ayuu yiri “labadeena anaa wayn laakiin isagaa qoys leh oo arinkaan gudoominaya” halkaa waxaad ka garanaysaa in Qoysku uu mas,uuliyad iyo maamul wato markii la fahmo lana dhawro sharaftiisa.

Waxaanu ognahay in iskaabuladu xaalkeedu aad u liito, sababtoo ah cidina uma weel hayso oo wax u sii diyaarin mayso, dharka cidi u dhiqi mayso , gogosha cidi u gogli mayso , nadaafada meeshaad dagan-tahayna isagay sugaysaa, sidaa darted ninka doobka ah markuu gurigiisa tago waxaa u bilaabata shaqo hor leh hadii kale waxuu dhex seexanayaa meel uskag iyo qashin ka buuxo.

Osman sheikh Ahmed

Ninka qoyska leh markuu baxayana waa la sogootinayaa

COSOB

19

Diceembar 2017


Talooyin Ku saabsan sida la isaga Dhameeyo Baruurta Caloosha Adiga oo Tagin GYM

Dad badan oo inaga mid ah waxaa quruxdooda iyo qaab dhismeedka jirkooda kala dhantaalay Xeerta ama baruurta ay ku leeyihiin Caloosha, dadka qaar ayaa sameeya talaabooyin kala duwan oo lagu yareyn karo baruurta Caloosha oo qaar-kood ayaa ku guuleystay in ay iska dhameeyaan halka Qaarka kale ay ku fashilmeen talaabooyinkii ay sameeyeen, si ay u yareeyaan ama ay u baa’bi’iyaan baruurta caloosha, waa ay sahlan-tahay in aad Calool yeelato adiga oo aan is ogeyn balse waa ay adag tahay in aad baa’biso calooshaasi haddii aadan dadaalin.

SIDEE AYAAD KU YEELATAY BARUURTA AAD KU LEEDAHAY CALOOSHA: 1.WAXA AAD JOOJISAY XARAKAADKII AAD SAMEYN JIRTAY ?

7.Waxa aad dooratay in aad Habeenkii Cunto, cuno Culus adiga oo Caano Lo’aad Cabayo,sababta oo ah Xaaskaaga kaama yeeleyso ma cunayo Casho,adiguna ma barin in cunto fudud ay kariso habeenkii sida, Qudaar ,Miro,Ukun iyo wixii la mid ah.

Haddii aad tahay Rag waxa aad iska daysay markii aad garaadsatay gaar ahaan markii aad guursatay.

Haddii aad tahay Dumar :

1.Banoonigii aad Ciyaari jirtay. 2.Dabaashii aad tagi jirtay. 3.Oradkii aad Sameyn jirtay. 4.Socodkii ama Lugtii aad Sameyn jirtay. 5.Waxa aad dooratay in aad gaari ku dul joogto, ama aad gaari u

1.Waxa aad jeceshahay in aadan Socon oo aad gaari raacdo ama Bajaaj.

raacdo meel aad u socon karto.

2.Waxa aad jeceshahay in aad wax cunto oo aad seexato si ay cuntada ugu degto.

6.Waxa aad dooratay in aad Maqaayad ka cunteyso adiga oo aad iska hubin heerka uu la’eg yahay dufanka lagu Sameeyo cuntooyinka Maqaayadaha, Ama Hoteeladda. COSOB

3.Waxa aad doorataa in aad cabto cabitaanka Shiidan sida ,

20

Diceembar 2017


2.DHIB INTEE LA ‘EG AYAY KUGU HEYSAA XEERTA AAD KU LEEDAHAY CALOOSHA

Haddii aad Tahay Rag: 1. Suurta Gal kuuma ahan in aad Suunka ka xirato Halka loogu talagay ,oo waxa aad ku qasban tahay in aad Qaska Kor-kiisa ka xirato. 2. Marka aad fariisato way ku cadaadisaa sababta oo ah suunka kuu xiran ayaa saameyn ku leh. 3. Waxa ay kaa Xanibtaa shaqooyin badan oo aad gudan laheyd xiliga aad la kulmeyso Xaaskaaga. 4. Suurta gal ama ahan in aad jirkaaga wada aragto marka aad Suulida ku jirto. 5. Marka aad socod Boobsiineyso ama Aad ordeyso waxa aad dareemeysaa Culeys ama cadaadis ay kugu Heyso Caloosha.

HADDII AAD DUMAR AMA HAWEENEY TAHAY, DHIB INTEE LA EG AYAY KU HEYSAA BARUURTA CALOOSHA. 1. Suurta gal kuuma ahan in aad Xirato Goono ama Saako ku dhagan Jirkaaga sababta oo ah waxaa muuqaneysa Baruurta Caloosh taasi oo kala dhantaaleyso Qaab dhismeedka Jirkaaga iyo labiskaaga. 2. Marka aad fadhiisato way ku Cadaadisaa. 3. Si sahal ah uma wada Arki kartid jirkaaga gaar ahaan Qaarka danbo. 4. Si la mid ah Raga waxa ay kaa xanibtaa shaqooyin badan oo aad qaban laheyd marka aad la kulmeyso Seygaaga.

SIDEE AYAAD KU DHAMEYN KARTAA BARUURTA AMA XEERTA CALOOSHA KU LEEDAHAY: Canbaha, Babaayga ,Zaytuunka iyo wixii lamid ah.

1. Subax waliba Cab ugu Yaraan labo Koob oo Biyo Diiran ah adiga oo ku darayo hal xabo oo Liin dhanaan ah.

4.Waxa aad jeceshay in aad waxyaabaha Macmacaanka ah Cunto marka aad filimka Daawaneyso, Sheekeyneyso ama aad Chatting ku jirto.

2. Marka aad Tukato illaa iyo 20 ama 30 Mar Soo taabo faraha lugahaaga adiga oo dhabar dhabar u seexanayo. 3. Ugu yaraan Maalinkii soco 30 Daqiiqo, oo toos ah adiga oo jirkaagu siman yahay ,una soco si quman oo aan cago jiid aheyn.

5.Marka aad dhasho, ma xirtid Caloosha waxa aad cuntaa cunooyin kugu biirin karo dufanka , sida Hilibka la Shiilay, Maraqa, Mushaarida, Caano, Cabitaan Shiidan iyo waxyaabo kale oo sahli kara in calooshaada oo jilcan ay korto.

4. Samey Xarig ka bood ugu yaraan 50 ama 100 Mar si joogto ah.

6.Ma jeclid in aad dhaqdhaqaado xiliga aad fursada heyso oo waxa aad ka door bidaa in aad seexato.

5. Iska jooji isticmaalka Macmacaanka, sababta oo ah waxa ay jirka ku siyaadiyaan Sonkorta ,taasi oo isku badasho baruur ama dufan. 6. Ha cunin habeenkii Cunto Culus iyo Mid Shiilan toona, 7. Ku Cashey Habeen Xabad Tufaax ah, Xab moos ah , Gabal Babaay ama Canbo ah adiga oo xoogaa Ansataalo ah ku darsanayo.

Nasriin Maxamed Ibraahim.

8. Cab Ama isticmaal Green tea adiga oo aadan ku darin wax sonkor ah sababta oo ah waxa ay dishaa ilaa 70 calories ah. 9. Ha iska Badin Cuntada oo ka- kac adiga oo u baahan cunto waliba. 10 Cunto Xumada ama Cuntada oo laska badiyo waxa ay jirka fursad u siiyaan in uu naaxo ama Cayilo, waa in aad cuntaa cunto isku dheela tiran.

COSOB

21

Diceembar 2017


Rootigii ugu horreeyay dunida ee laga sameeyay Ayax oo lagu iibinayo Finland

M

id ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee cunnooyinka sameeya ee waddanka Finland ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday iibinta rooti ay ku sheegeen kii ugu horreeyay dunida ee laga sameeyay Cayayaanka ‘Ayaxa’. Markus Hellstrom oo ah madaxa shirkadda ‘Fazer Groups’ ee Rootiga iyo macmacaanka sameysa ee Finland ayaa sheegay jk in shirkaddoodu soo kordhisay rootigan laga sameeyay Ayaxa, iyadoo tijaabadii ugu horreysayna ay ku sameeyeen 70 Ayax ah oo la qalajiyay oo Rooti laga sameeyay. "Waxaan soo kordhinay rooti laga sameeyay ayaxa si aan sare ugu qaadno dhadhanka iyo macaanka cuntooyinka

aan soo saarno, waa rooti uu ka buuxo Borootiin iyadoo xasharaadkuna ay yihiin kuwo ay ka buuxaan Acid, Calcium, Iron iyo Vitamin B12” ayuu yiri Hellstrom. Rootigan ayaa ka kooban Bur laga sameeyay qamadi oo lagu daray Ayax la qalajiyay iyo abuur kale, waxaana uu ka qaalisan yahay rootiga caadiga ah waxaana halkii jeex oo rootigan ah ku jira 70 ayax ah waxaana la iibinayaa 3.99 euro oo u dhiganta $6.50 halka rootiga kale ee caadiga ah uu joogo 2 illaa 3 euro. Waddanka Finland ayaa kal hore ku biiray 5 waddan oo Yurub ah Ingiriis, Holland, Belgium, Austria iyo Denmark kuwaas oo ogolaaday in ay suuqyada ku iibiyaan cuntooyin laga sameyay xasharaadka.

Haaruun Yuusuf Khasaaro

COSOB

22

Diceembar 2017


Maalinta Doobabka (Singles day) oo laga xusay dalka Shiinaha iyo ganacsade dukaankiisu ka faa'iiday 25 Bilyan oo dollar:

W

addanka Shiinaha ayaa sanad walba 11 November waxaa laga xusaa maalinta Doobabka (Singles day), iyadoo maalintaasi oo markii hore ahaan jirtay maalin u gaar ah dhallinyarada loo beddelay maalin dukaameysi oo aad u weyn. Bogga Internet-ka laga dukaamaysto ee ugu weyn Shiinaha ee Alibaba ayaa maalintaasi u rogay maalin dukaamaysi sanadkii 2009-kii, iyadoo wixii waqtigaasi ka dambeeyay ay sare u kaceen dadka dukaamaysta maalintaa iyo weliba dhaqaalaha uu ka faa’iido.

dhawaaqay in shalay oo keliya uu faa’iiday $25.3 Bilyan oo dollar, taasoo ka sarreysa $7.5 Bilyan oo dollar intii uu faa’iiday sanadkii hore ee 2016. 1 Milyan oo ah Faraca dukaammada Alibaba ayaa haddiyado ka iibiyay dadka u dabaal degaya maalinta Doobabka Shiinaha. Sanadkii 2015, hal maalin oo qura waxaa dukaanka online-ka ah ee Alibaba uu iibiyay badeecado faa’iidadeedu noqotay $14.3 Bilyan oo dollar, iyadoo sanadkii tegay ee 2016, halkii daqiiqaba ay dad gaaraya 120,000 qofood wax ka dalbanayeen Store-ka Alibaba.

Haddaba ganacsadaha weyn ee Shiinaha Alibaba ayaa ku

COSOB

Haaruun Yuusuf Khasaaro

23

Diceembar 2017


Murtida iyo Maadda 4. WANAAGGA AAD SAMAYSO ADAA ISKA LEH SHARKA AAD MALEEGTAANA ADUU KU SUGAYAA

W

axaa dhacday xilliyadii hore in hooyo carruurteeda ay ku quraacin jirtay subax kasta

roodhi ciyaalkeeda, waxayse ugu tala gali jirtay midh dheeraad ah oo ay ugu talo gasho dadka safarka ah iyo dadka masaakiinta ah ee magaalada ku nool. Maalin kasta waxaa bartay oo guriga soomara oday miskiin ah oo xabaddaa roodhida ah ka qaata meesha loo dhigo, laakiin markuu qaadanayo waxa uu ku daraa hadal oo uu yidhaahdaa: ‘’khayrka aad kasbataa aduu ku anfici , sharka aad maleegtaana aduu ku sugayaa’’ , subax kasta marka uu roodhida qaadanayo ayuu hadalkaa odhan jiray. Hooyadii maalintii danbe ayay hadalkii xamili kari wayday waanay dhibsatay oo istidhi odaygani miyaanu mahadsanid ku odhanayn maalinna, hadal kanse uu ku soo celcelinaayo waan dhibsaday mana sii xamili karo intaa in ka badan ,odaygii ayaa ay eriday laakiin isagu kamatago waa uu ku soonoqdaa maalin kasta, iyaduna aad iyo aad ayaa ay u dhibsatay odaygii. Waxa ay go’aansatay in ay sun ugu darto roodhida si ay uga takhalusto, waxa ay islahayd cidi kuu raaci mayso oo waa miskiin in uu caadi u dhintay ayuu qof kastaa moodayaa, laakiin dib ayay isugu noqotay oo ay ka noqotay go’aan keedii iyadoo Alle ka cabsi dareentay , roodhidii ay sunta ku diyaarisayna way gubtay midkale oo fiican ayaa ay u saartay meeshii uu miskiinku ka qaadan jiray.

aan nafta ku ceshado. Hooyadii naxdin gariir ayaa ku dhacay , oo waxa ay ka naxday in ay dhimashada wiilkeeda ay iyadu sabab u noqon lahayd, haday odayga siin lahayd roodhidii sumaysnayd, waxa ayna soo xasuusatay xikmadii odaygu ku soo celcelinayay ee ahayd’’ khayrka aad kasbataa aduu ku anfici , sharka aad maleegtaana aduu ku sugayaa’’. 5. DAMMEERKII LAFIHIISII HORE AYAAN KU CESHAY. Maalin maalmaa kamid ah ayaa nin reer miyi ahi waxa uu soo xaday dammeer meel ku xidhnaa, markaas ayaa uu u geeyay xaaskiisii waxaanu ku yidhi dammeerkaas xannaanee oo dhaqaalee, markii dammeerkii gabadhii dhaqaalaysay oo kobcisay ayaa waxa uu ku yidhi walal waxan u baahanay lacag markaa dammeerkan suuqaan gaynayaa oo aan inoo soo gadayaa, waayay ayaa ay ku tidhi gabadhii, suuqii markii uu geeyay ayaa uu meel ku xidhay, isna waxa uu iska fadhiistay meel maqaaxi ah oo uu shaah dalbaday,

Odaygii sidii caadada u ahayd meeshii buu soo maray roodhidii ayuu qaatay, hadalkii sii ayuu sii tuuray ahaa: khayrka aad kasbataa aduu ku anfici doonaa , sharka aad

intii uu shaaha cabbaayay ayaa dammeerkii laga xaday , isaga oo faramadhan ayaa uu ku

maleegtaana aduu ku sugaysaa .

soo noqday gurigii, markii gabadhiisii su’aashay maxaad inoo wadaa dammeerkii ma

Galinkii danbe markii la gaadhay ayaa hoyadii waxaa guriga ku soo garaacay wiil in

iibisay? markaas ayuu ugu jawaabay ‘’dammeerkii lafihiiisii hore ayaan ku ceshay’’,oo

muddo ah safar uga maqnaa oo ay sannado sugaysay in uu soo guryo noqdo, marka ay

uu ula jeeday dammeerka markii horeba waan soo xaday.

aragtay ayay farxad kala bad badatay , waxayse aragta wiilkii oo uu rafaad ka muuqdo aadna u soo dhibaatooday, markaasay ku tidhi hooyo maxaa kugu dhacay rafaad baa kaa muuqdee? Waxa uu ugu jawaabay hooyo safar dheer ayaan soo galay wixii aan hanti soo

Ujeedadda sheekadu waxa ay ina tusaysaa qofku in uu hanti qof kale leeyahay xado diin ahaan iyo dhaqan ahaanba waa ka xaaraan,midda kale waxaad ogaataa wixii aad umadda kula dhaqanto ayuun baad abaalkeeda heshaa hadaad wax xaddo adna waa lagu xaddi uun.

Mubaarig Farxaan Faarax (Araye)

shaqaystayna waa la iga dhacay oo tuugbaa iga qaadatay, anigoo naftu i hayso ayaa ilaahay ii bixiyay oday Miskiina oo isiiyay xabad roodhi ah oo COSOB

24

Diceembar 2017


COSOB

25

Diceembar 2017


WAR GALIN MUHIIM AH Majalladda Cosob, waxa ay ku wargelinaysaa Hey’adaha Ganacsiga, Shirkadaha, & cidkasta oo dooneysa Ogeysiin, xayeysiin, in ay ku sameyn doonto qiimo jaban oo ku raali galiya. 0612221920 | 0615848980 | 0699885600 | 0624442222 | info@cosob.net | www.cosob.net


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.