Bille, Muqdisho
Janaayo 2018
DIB U EEGISTA SIYAASADDA XUKUUMADDA FEDERAALKA AH EE SANADKII TAGAY Xukuumadda oo ku tilaabsatay guulo wax ku ool ah ayaa haddana lugaha la gashay khaladaad wiiqi kara horu ukaceeda
CADADKA: 6aad
Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre
515 call center 818886 818883 818884
CONTACT US +252 616 66 19 99 | +252 615 61 41 61 Booking@idiltravel.com | Support@idiltravel.com Finance@idiltravel.com
TUSMO
Madaxweyne: Farmaajo & Raisul Wasaare: Kheyre
6
DIB U EEGISTA SIYAASADDA XUKUUMADDA FEDERAALKA AH EE SANADKII TAGAY
8
LASOO WAREEGIDDA HAWADA SOOMAALIYA WAA FURSAD DHAQAALE IYO ASTAAN QARAN
11
TURKEY OO FURAY SALDHIGII 2AAD EE AFRIKA & CARABTA OO GODKA BIYO UGU GALEEN!
12 LACAGTII SHILIN SOOMAALIGA QAARKEED OO AFKA KU SOO HARTEY
13 HAWEENKA XILDHIBAANADDA AQALKA SARE OO DOORTAY GUDOOMIYAHA URURKA
HAWEENKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED 14 HAWEEN KALLUUNKA IYO BADDA LOO TABABARAY 16 WAA TUMA FATU BIN SUDA 17 GABDHAHA REER MAURITANIA OO CAYILKA KA DOORTAY CAATADA!! 18 HAWEENKA IYO NOLOSHA 20 GUDOOMIYAHA AQALKA SARE OO DAAH-FURAY MADASHA AGA EE
HORUMARINTA AFKA HOOYO IYO HAL-ABUURKIISA 21 CUDURKA SONKOROWGA (DIABETES) 22 MURTIDA IYO MAADDA 24 NABSI: QEYBTA 4AAD
COSOB
1
Diceembar 2017
Muuqaallo Mudnaan leh
MADAXWEYNAHA JFS OO SHEEGAY IN MAAMULKA HAWADA SOOMAALIYA SI RASMI AH U SOO GALAY GACANTA DOWLADDA SOOMAALIYA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay xarunta laga maamulayo Hawada Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho ayaa xariga ka jaray mudo 27-sano ka dib xarunta hawada Soomaaliya oo ku taalo Muqdisho. Madaxweynaha Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in ay marqaati ka yihiin Taariikh weyn oo lagula soo wareegayo Hawada Soomaaliya,isagoona sheegay in hawada Soomaaliya ay si rasmi ah gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo in arintaan ay ku timid shaqo adag oo ay si wada jir ah u sameeyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Wasiirka gaadiidka,cirka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar),oo ka hadlay Munaasabada ayaa qiray in guusha maanta la gaaray ay ku timid howlo mudo badan soo socotay oo mas’uuliyiin kala duwan midba meel uu keenay. Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa sheegay in ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed taariikhina ah in Hawada Soomaaliya laga maamulo gudaha Soomaaliya oo tan iyo 1991-kii ka maqneyd gacanta dowladda Soomaaliyeed.
COSOB
2
Diceembar 2017
COSOB
3
Diceembar 2017
COSOB
4
Diceembar 2017
Muuqaallo Mudnaan leh
CIIDAMO TABABAR LOO SOOXIRAY
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray Ciidamo cusub kuwaasoo ka mid noqon doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamadaan ayaa Muddo bilooyin ah waxaa uu tababar uga socday Saldhiga dowladda Turkiga ee ku yaalla Muqdisho. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Saldhigga, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya,Xildhibaano iyo Madaxweyne Farmaajo. Ciidamadaan tababar loo soo xiray ayaa ah dabley, kuwaasoo uu Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in ay ka qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
COSOB
5
Diceembar 2017
DIB U EEGISTA SIYAASADDA XUKUUMADDA FEDERAALKA AH EE SANADKII TAGAY XUKUUMADDA OO KU TILAABSATAY GUULO WAX KU OOL AH AYAA HADDANA LUGAHA LA GASHAY KHALADAAD WIIQI KARA HORU UKACEEDA
W
TURUN-TUROOYINKA LOO GEYSANAYO DOWLADDA
ay adag tahay in laga hor dhaco sida ay rajadu sii ahaan karto wixii ka Bilowda Sanadka 2018ka, maxaa yeelay waxaa Jira himillooyin qurxoon iyo caqabado adag oo is barbar socda.
Wixii ka dambeeyay markii ay dowladdu qaadatay Go’aanka dhexdhexaadnimada ah waxaa kusoo fatahay Mowjado Siyaasadeed oo kasoo horjeeda kuwaasoo bilowgii kasoo Burqaday madaxda maamul-goboleedyada, kadibna u gudbay Siyaasiyiin magac ku leh dalka.
Jallaafooyin Siyaasadeed iyo Xagal daacinno badan ayay la kulmeysaa dowladda ay Majaraha u hayaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Caqabadaha ay dowladdu la kulmeyso waxaa barbar socdo dadaallo xooggan oo qaarkood mira dhal ku dhow ama si fudud ku mira dhalay oo ay dowladdu ku tallaabsatay, marxaladda noocan ah ayaa abuureysa Xaalad adag oo ay dhib badan tahay in la oddoros waxa soo socda mustaqbalka dhow.
Dowladda oo markii horeba la daalaa-dhacaysay amni darro xooggan oo dalka ka jirta ayaa lagu furay mucaaradad ay hor boodayaan rag Xilal kasoo qabtay Maamulka lalka iyo kuwo hadda haya. Siyaasiyiin ka madax bannaan labada gole ee dowladda iyo kuwo ka kala tirsan labadaas gole ayaa isku aragti ka noqday in ay jiraan qaladaad ay galeyso Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo looga baahan yahay dib-u-eegis sixitaan leh iyo in si daah-furnaan leh loo garwaaqsado qaladaadka saamaynta ku yeelan kara danaha qaranka.
Turanturooyin badan ayay dowladdu la kulmeysaa kuwaasoo uga imaanaya Gudaha Xeyndaabka Maamulka Dowladda iyo kuwo Bannaanka ka ah intaba waana kuwo is dabajoog ah oo isa sii taraya Waqtiba waqtiga ka dambeya haddii aan hadda la bar qabanna sii soconaya. Mararka qaar waxaa dhaceysa in Dowladda ay iyada is tilaabo dhaafto oo ay markaa ka dib kufaa-kacdo iyo in si ula kac ah ay u jalaafiyaan Rag Siyaasiyiin ah.
COSOB
Waxaa jira guux xooggan oo ka imaanaya taageerayaasha kuwa mucaaraddada wada iyagoo muujinaya saluug iyo himilo-xumo ku aaddan tisqaadka dowladda weli ku jirta sanadkeeda ugu horreeyay maamuulka iyo talada dalka.
6
Diceembar 2017
Olole dacaayad fidin ah oo qaarkood si xoog leh loo abaabulay oo warbaahinta iyo Baraha bulshada loo mariyay ayaa dowladda xasaasiyad ku kiciyay, xitaa waxay u muuqdaan kuwo saameyn ku yeeshay howlagalladii ay dowladdu u qorsheysay in ay ku qaaddo xarakada Al-shabaab si loo sugo amniga dalka.
Dowladda ayada oo aan saddexdaas midkoodna isticmaalin ayay baraha bulshada kula tirsatay kuwii naqdinayay ficilladeeda arrintuna waxay u ekaatay laba dhinac oo siman oo isku si’ u wada loolamaya.
Ololaha ugu xooggan wuxuu billowday markii ay dowladda weerar hubeysan ku qaadday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo hor jeeda hab-maamulka madaxda hadda talada heysa.
In la weeraro guriga qof siyaasi ah ka hor inta aan loo geyn warqad dacwo ah ayay dadka qaar u arkaan wax hareer marsan Nidaamka dowladnimada, sidaas darteed waxaa loo aqoonsan karaa mid ka mid ah jallaafooyinkii ay dowladda isu geysatay sababtoo ah gowlgalkaasi ugu yaraan waxay dowladdu ku lumisay taageerayaal markii hore la dhacsanaa hab-socodka dowladda.
Howlgalkaasi lagu soo qabtay Cabdiraxmaan oo lagu eedeeyay qaran dumis nimo ayaa loo arkay xad-gudub weyn oo lagula kacay muwaaddin Soomaaliyeed ayadoo loo adeegsaday xoogga iyo magaca dowladnimada.
Weerarkii lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qeybdiid wuxuu ahaa fashil kale oo dowladnimada dhaawacaya, ha ahaato howlgal ay dowladdu soo qorsheysay oo ay amarkiisa laheyd iyo mid aysan laheynba.
Dadka falanqeeya siyaasadda dalka ee dhaliilsan ficillada dowladda ayaa tilmaamaya in howlgalkaas uu xitaa hareer marsanaa shuruucda iyo xeerarka dalka, maxaa yeelay Cabdiraxmaan oo aan warqad dacwo ah loo geyn iyo ayadoo aysan maxkamad farin soo qabashadiisa ayaa weerar lagu qaaday gurigiisa oo xoog lagu soo qabtay isaga, weliba dad ayaa ku dhintay howlgalka sabab kastaba haku timaado dhimashadooda haddana waxaa loo arkaa khasaare ay dowladda horseed ka aheyd.
Marka koowaad haddii uu howlagalku ahaa mid ay dowladdu soo qorsheysay oo ay ka war haysay fulintiisa waa ayadoo lagu xad-gudbay dastuurka qabyada ah oo qeexaya xasaannada uu xildhibaanku leeyahay. Marka labaad haddii aysan dowladdu waxba kala socon ka hor howlgalka lagu qaaday guriga Cabdi qeybdiid waa arrin muujineysa dayacaad masuuliyeed oo xoog leh in ay jirto. Sidaasoo ay tahay labada mar way kala roon yihiin oo tan dambe ayaa loo qaateen ah maaddaama ay dowladdu qiraneyso qaladkeeda balanna qaadday in ay baaritaan ka dib sharciga lala tiigsan doonto cid kasta oo falkaasi ka dambeeysay.
Ficillada kale ee ay dadka wax mucaaradsan soo halqabsadaan waxaa ka mid ah weerarkii Bariire iyo in dowladda itoobiya loo dhiibay nin lagu naaneyso Qalbi Dhagax oo lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa hogaamiyayaasha ururka hubeysan ee ONLF.
3dii December, 2017 Khudbaddii uu jeediyay ra’iisul wasaare Kheyre marka la eego ereyada khudbadda ku jiray iyo lahjadda uu adeegsaday ra’iisulwasaaruhu waxay khudbaddu laad ku dhufatay waxqabadyadii iyo dadaalladii ay ku tallaabsadeen xukuumadihii ka horreeyay.
Tan dambe ee ku saabsan dhaliisha Dhiibista Qalbi dhagax waxaa loo arkaa in ay iska tahay Awr-kacsi balse mucaaradnimada ugu xooggan ay salka ku hayso Xasaradda Khaliijka ka taagan ee ay dowladdu ka qaadatay go’aan dhex-dhexaad ah kaasoo ka careysiiyay Xulufada ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Hadal waa Margoo kale hadba Meel u jiidma, si kastaba halloo dhahee madaxda Xilligan jirtaa waxa loo arkay kuwo xaqiraya dadaal iyo juhdi kasta oo ay ku tallaabsadeen madaxdii iyaga ka horreeysay.
Sababtoo ah waxyaabaha ugu weyn ee la sheegay in dowladda ay ku eedeyneyso Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah in isaga iyo rag kale ay dowlado shisheeye Lacag uga soo qaateen duminta qarannimada Soomaaliya.
Khudbadda ra’iisul wasaaraha oo dhowr jeer si kam iyo kasba loo isticmaalay kalmadda “Markii ugu horreeysay” waxay fursad fiican siisay dadka dowladda dhaliilsan iyagoo shacbiyad ku kasbaday falanqeynta iyo fasiraadda ay ka bixiyeen ereyada qaar ee khudbadda ku jiray.
Inkastoo aan la carab dhabin dowladahaas haddana guuxa jira ayaa ah in Dowladda Imaaraadka looga shakisan yahay in ay lacag ku filqeyso siyaasiyiinta qaar si ay caqabado u hor dhigaan dadaallada dowladda.
Tani waxay ka dhigan tahay dowladda oo is jillaafeysa ama fursad u siineysa dadka ka soo horjeeda in ay jallaafaan, maxaa yeelay Madaxda Hoggaanka heysa iyaga ayay Masuuliyaddooda tahay in ay doortaan dad af-maal ah oo kala taliya ama kala shaqeeya marka loo baahdo in aragti ama xog loo soo bandhigo shacabka si Farriimaha dowladdu u noqdaan kuwo waxgal ah oo si fudud loogu qanci karo.
TURUN-TUROOYINKA AY DOWLADDU ISU GEYSANEYSO Waxyaabaha ugu weyn ee ay ololahooda u adeegsanayaan kuwa wax mucaaradsan waa Warbaahinta oo ay kusoo bandhigaan Aragtiyo wax naqdin ah iyo baraha bulshada oo ay ku faafiyaan dhaliilo iyo ceebeyn maamulka dowladda lagula kaco.
MAXAA GUDBOON? Marka la eego qaladaadka iyo gefafka ay isu horseedeyso gowladda (haku yimaadaan aqoon darro ama degdeg) iyo caqabadaha ay ku hor gudbayaan kooxaha iyo shakhsiyaadka dowladda dhaliilsan waxay ina bareysaa sida ay muhiim u tahay in wax kasta oo jira sixitaankooda loo maro waddo ku dhisan sharci, ayadoo tallaabaqaad kastana looga fakarayo si Cilmi iyo Caqli ku dhisan.
Way jiri karaan wax intaas ka badan oo ololaha qeyb ka ah balse kuwo bannaanka yaalla maaha oo cid kasta ay fahmi karto, haddii la fahmi karana baaritaan ka hor laguma dhiiran karo shaacintooda. Ololaha xooggiisa oo warbaahinta ka jira dowladda sida ay uga falcelisay ma aheyn kuwo ku habboonaa, tallaabooyinka qaarkoodna waxay ahaayeen Jawaab ka badan intii ku filneyd in laga bixiyo.
Dhinacyada sheeganaya mucaaradnimada waa in ay garowsadaan in ay Muqaddas tahay illaalinta danaha qaranka, oo hadafkoodu uusan ku koobnaan in ay kaliya bartilmaameedsadaan danahooda siyaasadda iyo dhaqaalle iyagoon dan ka laheyn wixii iyaga dartood ku xumaanaya.
Waxaa jira habab cilmi ah oo loo maro in laga falceliyo dacaayadaha Siyaasadeed (Political Propaganda) ee kaa dhanka ah, waxay noqon kartaa:
Madaxda hoggaanka heysana waa in ay ku dadaalaan in ay yeeshaan sifooyinka wanaagsan ee lagu yaqaanno dadka hoggaaminta wanaagsan leh.
In aad si sahlan oo la fahmi karo uga bixisid jawaab la eg intii lagugu soo tuuray si aad u qancisid inta kale, in aad beddeshid (Marin habaabisid) jihadii ay ku socotay Dacaayadda iyo in aad ka aamustid adigoo kasoo qaadaya mid aan waxba ka jirin, tan dambe ayaa ah tan ugu culus uguna qarashka iyo juhdiga yar.
COSOB
Aweis Haji Nor (Aweys Aar)
7
Diceembar 2017
LASOO WAREEGIDDA HAWADA SOOMAALIYA WAA FURSAD DHAQAALE IYO ASTAAN QARAN DOWLADNIMO DHAB AH WAXAY JIRI KARTAA MARKA LA HELO MAAMUL HUFAN OO WAX KU MAAREEYA SHARCI IYO AWOOD DOWLADNIMO, IYO SIYAASIIN DHALIISHOODU KU QOTONTO WAX DHISID EE AAN HADAFKOODU AHEYN WAX DUMIN
W
aa arrin macne weyn ugu fadhisa dowladda iyo shacabka soomaaliya in hawada Soomaaliya laga maamulo gudaha.
ayadoo ay gacanta ku heysay hey’ad Caalami ah oo lagu magacaabo ICAO, kaddib markii loo arkay in Soomaaliya aanay awood u lahayn in ay maamulato hawadeeda.
Dadaallo muddo dheer soo socday ayaa suurtageliyay in ku dhawaad 30 sano kadib ay soomaaliya dib u hanato maamulka hawada jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dhaqaale badan oo ka soo xaroon jiray maamulka hawada ayaysan Soomaalida wax badan kala socon sidii loo maareeyay dhaqaalahaasi sidaasi daraadeed guul weyn ayay Soomaalida uga dhigan tahay in hadda wixii ka dambeeya ay iyaga Maamulan doonaa hawadooda iyo dhaqaalaha kasoo xarooda.
Waa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu weyn ee ay dowladda federaalka ah hore u qaadday, waa arrin taariikhda ku leh baal muhim ah 27 sano ka dib in gacanta Soomaalida lagu soo celiyay maamulidda iyo Koontaroolka hawada Soomaaliya. Tallaabada bilowga ah waxay rajo wayn ku abuureysaa bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel ay joogaanba sababtoo ah waxay muujineysaa astaan Dowladnimo oo dib loo helayo. Tan iyo bilowgii sagaashameeyadii ayaa hawada Soomaaliya laga maamulayay Magaalada Nairobi ee Waddanka Kiinya
COSOB
8
Soomaaliya waxay ku taallaa Bariga Afrika oo ah Marin istiraatiiji u ah Duulimaadyada Caalamiga ah sidaas daraadeed maamulidda hawada soomaaliya oo kusoo wareegay gacanta soomaaliya dhaqaale badan oo kasoo xaroon doona diyaaradaha caalimiga ee isticmaaliya qadka soomaaliya.
Diceembar 2017
Xeeldheerayaal ka hadlay arrintan waxay tilmaamayaan dhaqaalaha soo xaroonaya ka sokow in ay ka dhigan tahay Soo nooleynta Madaxbannaanida iyo Astaan muujineysa qarannimada Soomaaliya. Wax badan oo ay soomaaliya xaq u leedahay ayaa gacmo shisheeye ku jira oo dibadaha laga maamulaa sidaas darteed in ay xilligan Soomaaliya lasoo wareegto Maamulka Hawadeeda waxay Muujineysaa in ay dib usoo laabaneyso Aaminaadda iyo Kalsoonida adduunku ku qabo qaran-nimada Soomaaliya. Intaas oo fursadood ka dib waxaa jiri kara caqabado ka hor iman kara in ay Soomaaliya maamusho hawada. Amaanka Soomaaliya cago badan kuma taagna mana ah mid xitaa 90% leysku haleyn karo, sidaasi daraadeed amin darro yar oo gudaha ka dhacdaa waxay saameyn ku yeelan kartaa howlaha duulimaad ee dalka iyo maareyntooda. Is maandhaafka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa ah arrin caqabad ku noqon karta howsha maamulka hawada Soomaaliya Soomaaliland oo diiddan jiritaanka Midnimada Soomaaliweyn waa caqabad ku horgudban howshan maamulka Hawada, Maxaa yeelay Duulimaad badan oo isticmaalaya Hargeysa iyo deegaannada kale ee Soomaaliland Maamusho ayay Saameyn ku yeelanayaan maamulka hawada ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho. Musuq-maasuqa oo la sheego in uu si weyn u hareerayay shaqooyinka iyo Xafiisyada dowladda ayaa caqabad kale ku noqon kara howsha maamulidda Hawada Soomaaliya. Qalad yar oo dhaca haku yimaado aqoondarro ama Farsamo xumo wuxuu keeni kara in mar kale soomaaliya gacanteeda laga wareejiyo maamulka hawada. Dhinaca aqoon darrida Sida hawada loo maamul waa dhibaato kale, waxaa la sheegayaa in ugu yaraan 35 qof oo takhasusu iyo waayo aragnimo fiican u leh in loo baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Xafiiska, hayeeshee waxa la hayaa oo kaliya saddex qof, sida uu sheegay Wasiirka duulista hawada. Caalamku wuxuu qabi doonaa kalsooni buuxda oo suurtagelineysa in si dhameystiran Soomaali gacanteeda loo geliyo maamulka hawada Soomaaliya waa haddii si xilkasnimo ah loo maareeyo howlaha hawada soomaaliya isla markaana miyir qab iyo Aqoon lagu xaliyo caqabadaha aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo jiri kara.
MOHAMED ABDULLAHI FARMAAJO
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Salaad ayaa mar sii horreeysay sheegay in Lacagaha laga qaado diyaaradaha isticmaala hawada jamhuuriyadda Soomaaliya ay gaarayaan $1,200,000 (Hal Milyan iyo Laba Boqol kun oo Dollar) bishiiba, waa lacag aad u tira badan oo looga faa’ideysan karo in lagu maamulo howlo badan oo Maanta dhaqaale la’aan u xayiran in la qabto ama hakad ugu jira.
Aweis Haji Nor (Aweys Aar)
Sidoo kale dad badan ayay u tahay Shaqo abuur ay ka heli karaan dhaqaale ay noloshooda ku maareeyaan, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso sidii loo furi lahaa Dugsiga Tababarka Maamulka iyo Maareynta hawada Soomaaliya, si loo helo Xirfadlayaal ku takhasusay maamulka iyo Maareynta hawada, waa fursad kale oo muhim oo ka dhalaneysa la wareegidda Maamulka hawada.
COSOB
9
Diceembar 2017
COSOB
10
Diceembar 2017
TURKEY OO FURAY SALDHIGII 2AAD EE AFRIKA & CARABTA OO GODKA BIYO UGU GALEEN! 24 Bisha Desember ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee Badda Cas lagu wareejiyo Turkey iyaga ka dhisi doona xarumo Milatery, Dalxiis iyo Matxafyo Taariikhdii Dawladii Cusmaaniyada ee xukumi jirtay Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee Bariga Afrika Qarniyadii 16 aad ilaa 19 aad. Dawladii Cusmaaniyada ama Dawladii Khilaafada Islaamka oo Saldhigyo Milatery iyo Maamul ku laheed Dekedaha Sawaakin iyo Zaylac ee Badda Cas mudo 4 Qarni ah ayuu Madaxweyne Ordogan u muuqdaa in uu go'aansaday soo celinta Taariikhdii Turkey iyo Dawladii Islaamka isaga oo wajahaya culeys adag oo kaga imaanaya qaar ka mid ah Dawladaha Carabta, Reer Galbeedka iyo Israel.
Qarnigii 20 aad markii uu burburinayey Gumeysigii reer Galbeedku Dawladii Cusmaaniyada ee fadhigeedu ahaa Istanbul waxaa loo adeegsaday qaar ka mid ah wadamada Carabta gaar ahaan Khaliijka, iyada oo xilligaas lagu kiciyey laguna abaabulay (Yaa tola-heey! Carabtii Asharaafta aheed ayaa Turkey gumaysanayaa!). Maantana taa oo kale ayey dib usoo celiyeen, markii lafa caay iyo awoowe ku faan ay gaartay oo "Cabdalla Bin Zaayid yiri; Ordogan Awoowe-yaashii tuugo ayey ahaayeen, Dahab iyo Khayraad kale ayeyna ka xadeen Madiina Al Munawara, halka Ordogan ugu jawaabay in Cabdalle Awoowe-yaashii ahaayeen; daba-dhilifyo u shaqeeya Gumeystihii Ingiriiska).
Sanadkan iyo Sanadkii hore ayey Turkey ka fureen Somaliya Safaaradii iyo Saldhigii ugu weynaa ee Dawlada Turkey ka furto goob ka baxsan Dalkeeda Qarnigii lasoo dhaafay, waxaana Maseyr iyo Madax-xanuun ka qaaday arintaas qaar ka mid ah Dawladaha Carabta gaar ahaan Imaaraat, Sacuudi iyo Masar lkn si toos ah uma eedeyn Turkey ee waxey marmar-siimo ka dhigteen; Khilaafka Khaliijka, Maamul gobaleed, Dekedo, Saldhig Berbera, Siyaasiyiin ay madaxti-nimo u rabaan iwn.
25 Bishaan markii Madaxweyne Al Bashiir ku wareejiyey Jaziirada Sawaakin Turkey ayey afka furteen ilaa ay ku eedeeyaan Al Bashiir in uu yahay Khaa'in ku gabood falay Amniga Carabta, qaarna ay gaarsiiyeen; in Sudan iyo Somaliya yihiin; Cabiid u xiistay adoonsigii Turkey!
Si kasta ha loo cabiro ama ha loo qarsado ee waxaa cad: 1. In Dawlada Turkey noqotay Quwad iyo Awood saameyn ku leh Gobalka Bariga dhexe, Carabta, Afrika iyo Dunida Islaamka. 2. In Dawladaha Carabtu ay galeen go'doon Siyaasadeed gaar ahaan Xulafada Sacuudiga markii ay Cadaw ka dhigteen Turkey iyo Iiran, Shucuub-tooduna weli diidantahay xulafeysiga Israel.
Iiran waxaa cabsi laga qabaa in ay ku biiraan Xulafada Israel ee Gobalka ayna lumiyaan Qudus iyo Dawladaha Carabta ee taageera Turkey iyo Iiran.
Hadaba Dawlada Somaliya waxaa horyaal laba Khiyaar oo mid kasta adag yahay; A. In ay isku hayso xiriirka Dawlado kala Maseyrsan, Cuqdad iyo Hinaaso kala qaba, kala jiidanaya Siyaasiyiinta Somaliya sida; Imaaraat, Sacuudi iyo Masar VS Turkey, sida Jabuuti isugu hayso Dawlado is diidan. B. In ay reebato kuwii dan badani ugu jirto kuwa kalena iska erido, hadii kale xasilooni siyaasadeed lama heli karo inta dusheeda la isku haysto!
DR: Maxamed Gacal
3. In Sudan iyo Somaliya Carabtu aysan u ogoleen hurumar sida iyaga oo kale ama heshiis ay la galaan Dawlado kale. 4. In Xulafada Sacuudigu aaney kaligeed taagnaa karin Xulafa la'aan hadii ay lumiyaan Xulafada Turkey iyo
COSOB
11
Diceembar 2017
LACAGTII SHILIN SOOMAALIGA QAARKEED OO AFKA KU SOO HARTEY
S
aakey ayaa Gabar aan Deris nahay oo Teleefon kula hadleyso Gabadheeda si ay reerka ugu soo adeegto ayaa waxaan aad ula yaabey Iyadoo leh Boqol Shilin oo Kabsar ah, Boqol Shilin oo jeex Basal ah , 100 Shilin Basbaas ah,Shan Boqol Shilin oo Liin ah, iyo Shan Boqol Shilin Baradho ah
Markii ay adeegii ay dhameysey baan ku iri “Faadumooy sidee wax u jiraan maanta waan kuula yaabey markaas bay tiri “ oo sidaa ayaa iila yaabtey” waxaan ku iri “Waxaan kaa Maqlayey Lacag waa hore iigu dambeysey Maqalkeeda oo ku adeeganeysid ” Markaas bay tiri” Waa Runtaa waxaan kuu sheegayaa in Lacagtaas aan tirinayey ku soo hartey Afka oo keliya una eg tahay u Niyeeso.
Waxaan weydiiyey Hadii jajab soo Haro marka la isku daro adeega maxaa la sameynayaa “Inta Qososhey bay tiri “ Tusaale Hadii Laba Baqol Shilin ku soo harto laba ayaa kuu furan mid in aad Deyn ku lahaatid Islaanta Khudaarta si Beri marka la gaaro laguugu Xisbaabiyo, hadii aad Diidid daynta waxaa lagu leeyahay Laba Boqol oo shilin baa Kunkii kaaga soo harey ee ku qaado Xawaaji ama wax ay goyso Labadaas Boqol
Sidoo kale waxaan weydiiyey waxaan kaa maqley waa Boqol Shilin iyo Shan Boqol marka kuwii kale sida 5 tii, 10-kii Shilin, 20 Shilin iyo 50 Shilin maxaa loogu adeegan waayey markaa iyadoo qaylineyso ayey Tiri “ Walaalkeygiiyow Haweenka Khudaarta waa dadaaleen hase yeeshee waxaan kuu sheegayaa hadii aanu isbedel imaan in iyana la weyn doono kuwa maanta Afka keliya ku soo harey oo weli Maqalkoodii uu ku dambeeyo Haweenka ka Ganacsada Khudaarta”
Waxaa ka sii yaab badan Gabadha adeega loo diryo ma garaneyso Lacagahaan Afka la isku marsiinayo waayo marka ay soo adeegto ayey hooyo u sheegtaa Lacagta soo hartey ee islaanta Khudaarta ku leedahay waxay ahayd in Haweenka Soomaaliyeeed ay baraan Caruurta Lacagahaas si hadhow ay u ogaadaan in lacagaatn ay tahay lacag ay leedahay ummada Soomaaliyeed oo la waayey inteedii badan waqtigii dagaalada sakeeyo Runtii waa wax aan aad ugu farxay in aan Maanta aan maqlo in Lacagtii Jajabka ee Shilin Soomaaliga oo lagu adeeganayo qaarkeed iyadoo la niyeysanayo Xisaabteeda marka waxaan ilaah ka baryayaa in Lacagteenii ay dib u soo laabato waayo mid ka mid ah Ataamaha lagu garto Qaranimada maanta dalkii waxaa wax lagu iibsanayaa ama lagu adeeganayaa lacag wadan kale leeyahay waxaan soo jeedinayaa in Haweenka iibiya Khudaarta in Abaal marin la gudoonsiiyo waayo weli Haweenkaas waxay Af ahaan u hayaan Lacagtii Shilin Soomaaliga
Amiin Yuusuf Khasaaro
COSOB
12
Diceembar 2017
HAWEENKA XILDHIBAANADDA AQALKA SARE OO DOORTAY GUDOOMIYAHA URURKA HAWEENKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED
M
unaasabad ay haweenka xildhibaanadda aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo xubnaha ururka haweenka baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta aqalka Sare ayaa lagu qabtay xarunta aqalka Sare ee degmadda Shibis. Kulanka waxaa ka qeyb galay , gudooonada aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya, gudoomiyihii hore ee ururka haweenka baarlamaanka Soomaaliyeed,haween ka socday qeybaha kala duwa ee ururada bulshada Ra’yidka, xildhibaan ka tirsan baarlamaanka galmudug, xubin ka socotay UNDP, Fanaanada Hiba Nuura iyo Xubno. U jeedada waxaa ay aheyd in la doorto gudoomiyaha ururka haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee aqalka Sare, xilka gudoomiyaha waxaa u tartamay Shukri Aadan Maxamed Camey ,iyo Faadumo Gariyeey, Balse Faadumo ayaa u tanaasushay Shukri waxaana gudoomiye loo doortay Shukri Aadan Camey, waxaa doorashadaasi ka qeyb qaatay 12 ka mid ah 13-ka xubnood ee haweenka aqalka Sare. Doorashada oo halmar dhacday ayaa waxaa gudoomiye loo doortay Shukri Aadan Maxamed Camey, gudoomiye Ku xigeen Zamzam Ibraahim Cali halka xoghaye loo doortay, Zamzam Daahir Maxamuud. Waxaa natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi,ka dib natiijada, doorashada waxaa hadalo kooban jeediyay xubnihii ka socday, wasaarada haweenka, gobolka Banaadir, ururada bulshada Ra’yidka iyo UNDP, waxa ay guud ahaan amaaneen doorashada dhacday iyaga oo balan qaaday in ay si wayn ula shaqeynayaa haweenka Baarlamaanka. Ugu danbeyntii Gudoomiyaha la doortay ee ururka haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee aqalka Sare ayaa sheegtay sababta loo sameeyay in ay tahay sidii haweeenka 2020 kaalin fiican uga gali lahaayeen siyaasada iyo sidii la isugu xiri lahaa ururada haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kuwa baarlamaanaada dunida. Dhawaan ayay aheyd markii golaha Shacabka ay doorteen gudoomiyaha Ururka haweenka baarlamaanka Soomaaliya ee golaha Shacabka, balse waxa uu gudoomiyaha Aqalka Sare ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta labada urur si hadaf mid ah ay u yeeshaan.
Nasriin Maxamed Ibraahim
COSOB
13
Diceembar 2017
HAWEEN KALLUUNKA IYO BADDA LOO TABABARAY
K
heyrto Axmed Mayow waa hooyo 29 jir ah, waxay dhex fadhisaa dukaan yar oo ku yaalla suuqa koodka ee degmada xamarweyne, waxaa dukaanka lagu iibiyaa dhammaan allaabada laga soo helo badda, shabaakta iyo qalabka yar yar ee kalluunka lagu soo dabo iyo sidoo kale dhegaha iyo afka yaxaaska.
Labada wiil ee ay kheyrto dhashay maalmaha qaar way gaajoonayeen. Waxbarashana looma awoodin. 6 bilood ka dib, wax waliba way is bedeleen. Dukaankan waxay furatay markii ay dhammeysatay tababar soconayay muddo laba bilood ahaa, kaasoo loo qabtay 20 haween oo garoobo ah, iyagoo loo tababaray sida shabaakta loo sameeyo, habka loo keydiyo kalluunka iyo sida loo suuq geeyo waxyaabaha qiimaha leh ee laga soo saaro badda.
Kheyrto iyo qoyskeeda waxay 6 bilood ka hor nolol adag ugu noolaayeen deegaanka jasiira ee gobolka shabeellaha hoose iyadoo dulsaar ku ahayd hooyadeed oo ku tiirsan lacag aan badneyn oo ay mar mar ka hesho dad xigtadeeda ah. Kheyrto iyo caruurteeda waxay soo mareen waqtiyo adag wixii ka horreeyay august 2016kii. Maadama ay tahay garoob la furay oo aan shaqana heyn, waxay ku qasbanaayd in ay ku tiirsanaato waxa yarka ah ee ay hesho hooyadeed oo korineysa 4 carruur oo agoon ah,
COSOB
14
kheyrto“Tababarka ayaa nolosheyda wax badan ka beddelay, sababtoo ah hadda waxaan heystaa ganacsi aniga ii gaar ah, waxaan aqaanaa wax kasta oo badda laga soo saaro, qiimaha ay joogaan iyo sida dadka looga iibiyo. Sidoo kale aniga ayaa kalluumeysatada u sameeya shabaakta kalluunka lagu soo
Diceembar 2017
Cadalle, Warshiikh, Ceel-macaan, Xamar, Jaziira, Dhanaane iyo Gendershe oo dhammaantood dhaca dhulka xeebta ah ee ku dherersan goboladda shabeellaha dhexe, banaadir iyo shabeellaha hoose. Xasan Maxamed Rooble guddoomiyaha dallada iskaashatooyinka HIBO oo ah dallada tababarka fulisay ayaan weydiiyay cidda dhaqaalle ahaan dalladda ka gacan siisay qabsoomidda tababarka? “Runtii 20 haween ah oo deegaanno kala geddisan laga keenayo iyo waxbariddooda arrin culeyskeeda leh ayay aheyd, hayeeshee qarashka arrintaas lagu socodsiinayay waxaa naga gacan siiyay midowga yurub annagana ka dallad ahaan waan is kabnay” Tababarka ayaa haweenka ka qeybgalay u sahlay fursado ay nolosha qoysaskooda ku dabaraan, qaar ka mid ah haweenku waxay sameysteen ganacsiyo u gaar ah halka kuwo kalena ay la shaqeeyaan shirkadaha kalluumeysiga iyaga oo nolol maalmeed fiicanna ka hela. Hayeeshee kuma jiraan haween badda kasoo kalluumeysta, xasan ayaan mar kale weydiiyay maxaa idinkaga qorsheysan in haweenka loo tababaro in ay doomaha raacaan oo badda kalluun kasoo saaraan “Hadda ayaan qorsheyneenaa in aan 60 dhalinyaro oo gabdho iyo wiilal isugu jira u qabano tababar ku saabsan sida badda kalluunka looga soo saaro, waxaanna ku kala qaban doonnaa Xamar iyo Warshiikh”
Aweis Haji Nor (Aweys Aar)
dabo, lacag igu filan ayaan ka helaa, ugu yaraan $10 maalintii” Kherto ganacsigan yar aad ayay ugu riyaaqsan tahay sababtoo ah waxay hadda ku filan tahay biilka qoyskeeda iyo waxbarashada labadeeda wiil oo markii ugu horreysay ay geysay xarrun xannaanada carruurta lagu diyaariyo ah, sidoo kale hooyadeed oo iyada iyo carrurteedba gacanta ku heyn jirtayna maanta iyadaa dhaqaalle ku kabta. “Lacag yar oo 400 dollar ah ayaan ganacsiga ku billaabay, lacagtaas waxay aheyd wax aan ka helay qof qaraabada ah iyo in kale oo gaari raac naloo siinayay intii uu tababarku socday, runtii hadda faa’iido weyn ayaan heystaa, mustaqbalkana wax intaan ka badan ayaan rajeynayaa” Bishii July ee sanadkii 2016kii ayuu ahaa markii tababar loo qabtay 20 gabdhood oo laga kala keenay deegaanada
COSOB
15
Diceembar 2017
FATU BIN SUDA
Waa tuma fatu bin suda F
aatu waa gabadh afrikaan ah abu kaate ama sharci yaqaan ah una dhalatay dalka gaambiya waxayna heysaa xil aad u culus oo ah dacwad soo oogaha guud ee maxkamadda dambiyada dunida ee fadhgigeedu yahay laahaay ,jagadaas aannu soo tilmaannay ayay ka dhaxashay LUWIS MURINO OKAMBO oo soo hogaamiyay maxkamadda muddo sagaal sanadood ah . Faatuu bin suda ayaa dhalatay 31-janaayo 1961 waxayna ku dhalatay caasimadda dalka gaambiya ee BAANGOOL qoyskeedana waa mid balaadhan, bin suuda ayaa u dhaxday nin ganacsade ah oo wata labada dhalasho ee marooko iyo midda gaambiya waxayna hooyo u tahay laba canug . Kadib deeq waxbarasho oo ay ka heshay dowladda gaambiya ayay binsuda u kicicitintaydalka nayjeeriya si ay halkaas uga sii ambaqaado waxbarashadeedii la xidhiidhay culuumta sharciga ee jaamacadda EEV intii u dhexeysay sanadihii 1982-kii illaa iyo 1986, intaa kadib ayay u wareegtay caasimadda nayjeeriya ee LAGOS 1987 halkaasoo ay ka qaadatay diplom xaga sharciga ah , haweeneydan ayaana noqotay marwadii ugu horreysay ee kazoo jeeda dalka gambiya eek u takhasustay sharciga caalamiga ah.
FATU BIN SUDA
xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa nasiib u heshay soo dhaweyn diirran oo ay kala kulmay hey adaha ka shaqeeya arrimaha sharciga iyo guud ahaa hey adaha aan dowliga ahayn. Faatu binsuda ayaa doorashadeedi kadib sheegtay in qaaradda afrika mar labaad hubanti galisay taageraha ay u heyso garsoorka caalamiga ah iyo maxkamada dambiyada dagaalka ee dunida iyadoo wacad ku martay inay noqon doonto xeer ilaaliye guud oo madax bannaan oo aan marnaba u kala eexanayn dowladaha xubnaha ah, sidoo kale waxay carrabka ku dhajisay inay sii ebyi doontoo howlihii uu horay u waday ninkii ay xilka kale wareegtay ee okambo siina cidhbin doonta baadhitaannada dambiyada laga galayo dunida waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday binsuda inay ku dadaali doonto inaysan dambiilayaashu marna ka baxsanin garsoorka soona hortaagi doonto caddaaladda .
Binsuda ayaa dalkeeda kasoo qabatay xilal kala duwan iyadoo kazoo shaqeysay wasaaradda garsoorka kana soo noqotay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud , kadib afgambigii ka dhacay gambiya luuliyo 1994-kii ayay bin suda noqotay la taliyaha dhanka sharciga ee xafiiska madaxweyne YAXYE JAAMAC…. jagaba jago ayay uga sii talaabsatay haweeneydan illaa ay markii dambe noqotay xeer ilaaliyaha guud ee BAANGOOL 1998-dii sidoo kale waxay soo noqotay waziirka garsoorka iyadoo xilkaasi wasiirnimo heysay illaa iyo sanadkii 2000 xilligaasoo madaxweyne jaamic uu shaqada uga eryay khilaaf iyo is marin soo kala dhex galay isaga iyo binsuda , intaa kadib ayay binsuda waxay furatay xafiis ay ku qabato howlaha qareennimada inkastoo markii dambe ay gacanta ku heysay maamulka mid kamid ah bangiyada intii u dhexeysay sanadihii 2000 illaa 2002-dii. Intaa wixii ka dambeeyay ayaa fatu binsuda waxaa u suura gashay inay usoo xaluulato albaabada maxakamadda dambiyada dagaalka dunida ee laahaay, bishii may 2002-dii ayay noqotay binsuda la taliya sharciga ah oo ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ugaarka ahayd RUWANDA taasoo saldhigeedu ahaa magaalada CARUUSHA ee dalka TANZANIA maxkamadaas ayaa ahayd mid loogu garnaqayay qaddiyaddii foosha xumayd ahaydna tii uu uu ku daatay dhiiggii ugu faraha badnaa qaaraddan madow iyo qarnigii labaatanaad ee aynu sagootinnay qadiyaddan ayaa u dhexeysay labada qabiil ee huutuu iyo tuutsi.
Binsuda ayay go’aamadeeda cadho iyo ciil galiyeen qaarkamid ah hogaamiyayaasha waaweyn ee dunida kuwaasoo uu kamid yahay madaxweynaha dalka ruusha FALADAMIR BUTIN kadib war murtiyeed ay soo saartay nofember 2016kii kolkaas oo ay ku tilmaantay Iin ku biiridda jaziiradda CAREMEA ay ku biirtay ruushku tahay fal daandaansi iyo weerar qaawan oo uu ruusku ku qaaday dalka UKRAIN waxayna sheegtay in jazeeraddani tahay mid ruushku xoog ku qabsaday, hadalkaas isaga ah ayaa madaxweyne butin cadho galiyay isagoo dib ula noqday sixiixii nidaamkii roma ee lagu aasaasay maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.
Lagasoo bilaabo sanaddii 2004-tii faatuu binsuda waxay si toos ah ugu biirtay maxkamadda dambiyada caalamiga ah saldhigeeda laahaay waxayna ku xigeen u noqotay xeer ilaaliyihii guud ee maxkamadda mr.luwis okambo iyadoo ugu dambeytiina xilka kala wareegtay mr. okambo 12-kii December 2011-kii kadib codayntii ay u qaadeen dalalka tiradoodu gaadheyso 120-ka dowladood ee xubnaha ka ah maxkamadda kadib kulankii guud ee golaha dhexe ee qaramada midoobay eey ku yeesheen xarunta qaramada midoobay ee new York intaa kadib bin suda ayaa xilkaas loo dhaariyay looguna faataxeeyay 15-kii june 2012-kii.
cabdifataax xasan cabdinaasir(zaki)
Doorashada haweeneydan afrikaanka ah loo doortay jagada
COSOB
16
Diceembar 2017
GABDHAHA REER MAURITANIA OO CAYILKA KA DOORTAY CAATADA!!
C
aado dhaqameedka cayilinta gabdhaha ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay caado dhaqameed soo jireen ah oo ay dhowraan dhammaan qoysaska reer Mauritania illaa iyo haatan, waxayna u arkaan in ay tusaale u tahay quruxda gabadha Mauritanian-ka ah iyo in ay tahay qaabka ugu fudud ee ay gabadhu ku heli karto Guur. Inkastoo wasaaradda haweenka ee waddanka Mauritania ay dadaal fara badan ku bixisay sidii ay uga takhalusi lahayd caado dhaqameedkaasi ugana dhaadhicin lahayd in gabdhaha oo la caateeyaa ay tahay quruxda casrigan ayaa haddana qoysas ka mid ah dadka Reer Mauritania ay u arkaan in caado dhaqameedka cayilinta gabdhahoodu uu yahay mid lama taabtaan ah, waxayna markii gabdhaha ay 7-sano jiraan ay u diraan qoysas deggan baadiyaha oo ku caan baxay cayilinta gabdhaha yar-yar, iyagoo soo heynaya muddo sanad ah, waxaana gabdhaha halkaasi lagu siiyaa cunno xaddigeedu aad u badan yahay, gaar ahaan Caano iyo Subag. Saxafiyad u dhalatay dalka Mauritania oo lagu magacaabo Maryama Binti Abaah ( )ﻣﺮﻳﻢ ﺑﻨﺖ ﺃﺑﺎﻩoo ka sheekeyneysa
COSOB
dhaqankan cayilinta hablaha reer Mauritania ayaa waxay tiri “Hooyooyinkii hore ee Mauritania waxay ahaayeen kuwo ku tartami jiray cayilinta gabdhahooda, taasoo gabdhaha yar u ekeysiin jirtay gabdho waaweyn, waqti horena waxay heli jireen guur, waxaana ay u arkayeen in gabdhaha caatada ah ay ceeb iyo sharaf dhac u tahay qoyska ay ka soo jeedaan, taasi oo keeni jirtay in ay qoysaska gabdhahoodu caatada yihiin ay isaga haajiraan halka ay deggan yihiin, una haajiraan dhul kale oo aad u fog, halkaas oo ay gabdhahooda uga raadin jireen Caano iyo subag, ugana dhuuman jireen dadka hadalkooda, haddii nasiibku saacido oo gabdhahoodu ay cayilaan waxay dib ugu soo laaban jireen dhulkooda, iyadoo halkaasi si aad ah loogu soo dhoweyn jirey”. Maryama Binti Abah waxay intaa ku dartay in ay jirto oraah laga soo wariyey dadka Reer Mauritania oo oranaysa “heblaayo nafteedii way u aar gudday markii la furay kaddib, maxaa yeelay way nasatay aad ayayna u cayishay kaddibna ninkeedii ayaa u soo noqday isagoo u cudur-daaranaya!”.
17
Diceembar 2017
HAWEENKA IYO NOLOSHA
W
axaan ku soo jirnay muhiimadda iyo faaidada inaad qoyska dhismihiisu leeyahay, waxaan ku soo qaadanay qodoba kala ahaa,degenaan iyo Qaneeco, Daryeel iyo Adeegii guriga oo lagaa xigsado, iyo Bilaabidda masuuliyad Dad.
oo cusub waa arrin qaali ah oo muhiim ah waan in la fahmaa in xiriirkaasi kuu yahay hanti muhiim ah oo in la ilaaliyo u baahan...
UBAD KAA HARA AMA KUU SHAFEECO MAALINTA AAKHIRO
Waxaan manta qormadeena ku soo Qaadanaynaa qodobada kala ah, xiriir cusub oo kuu abuurma iyo ubbad kaa hara oo ka faaidaysatid Aduun iyo Aakhibaa.
Faa’iidooyinka qoyska loo dhisto tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubbad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubbad dhalistu waa inay leeday dhowr ujeddo oo muhiimm ah,
XIRIIR CUSUB OO ABUURMAY Markaad qoys dhisto waxaa kuu billowda xiriir cusub oo aadan markii hore lahayn, waayo adigu waxaad ka timid qoys, gabadhuna waxay ka timid qoys kale , marka labadaa qoys waxaa ka dhex abuurmay xiriirkaa aad gundhiga u tihiin adiga iyo inanta aad guursatay. Xiriirkaasi waa mid xushmo iyo ixtiraam ku bilowda waayo waxaad yeelatay, sodog, sodoh, seedi, iyo dumaashi oo dhamantood ah qoykaa ay ka timid gabadha, sidoo kale ayay gabadhuna dhinaca kale ku yeelanaysaa, marka xiriirkaa wuxuu noqdaa mid aad u aydo oo ku anfaca inta noloshaada ka dhiman ama mid xumaan iyo dhibaato abuuro oo saamayn ku yeesho noloshaada iyo tan ilmahaaga, marka inad hesho xirir dhalyo COSOB
18
Guurku raaxaysiga ka sokow, waxaa ugu muhiimsan ee qofku u guursanayaa waa in uu awlaad dhalaa, awlaadaa oo wax ka qiimo badan aysan dunida joogin, sidaa darteen hadaan dadka is qabaa oo aan carruur lahayn waa saaxiibbo, haddii ayse carruur dhalaan waa qoys, marka Qoyska waxaa laga helaa, dad aad nacfigooda guranayso adduun iyo aakhiraba, hadii aad hagaajisid oo si wanaagsan u korisid. Ubbadku waxay ka mid yihiin waxyaaabaha qofku markuu dhinto anfaca, waana ubbadka baariga ah ee kaa nolol dambeeya kuuna soo duceeya, Hadii ubbad aad dhashay kaa
Diceembar 2017
waa laga shakiyaa, waxaana la is waydiiyaa waxa ka hor taagan in uu nolosha ku raaxaysto qoysna dhiso? Hadaba ubbad dhalistu iyadoo muhiimadaa qiimaha badan leh ayay u baahantahay faham iyo masuuliyad buuxdo. Waxaana loo baahaayny in ubbadka loo tababaro sidii uu u noqon lahaa mid naftiisa iy waalidiintiisaba anfaca una buuxiya kaalinta uu bulshada ku leeyahay. Shareecadu waxay sheegtay in ilamaha markuu dhasho uu islaaam yahay ee qoyska iyo bii’adda uu ku soo biiray ka dhigaan nasaaro ama yahuud. Caruurta oo ah khayraadka ugu muhiimsan ee eebe ugu deeqay qoyska waxaa la rabaa in la dhowro, lana ilaaliyo si ay u fahmaan wadada ay bari mari lahaayeen una noqon lahaayeen dad naftooda iyo waalidkooba anfaca. Waxayaabah muhiimka ah ee ay ugu horeyso diinta ayaa la rabaa in lagu kariyo laguna ababiyo , ilmuhu markuu gaaro 7 jir ayaa la rabaa in dugsi la geeyo , masaajidkana lagu xiro oo uu fahmo in islaaam yahay lana qabsado salaado iyo masaajidka. Baarinimadda iyo xiriirka waalidka waa qodobka labaad ee caruurta in labaro loo baaahan yahay, waxaa kaloo muhiim ah in carruurta la baro dadka qaraabadiisa ah sida, awowga, ayeeyada, habaryarta, eedada, abtiga, adeerka iyo dhamaan ehelkiisa loona cadeeyo waxay isu yihiin iyo xiriirka ka dhaxeeya. Akhalaaqda iyo xishoodka waa in la baraa carruuta intay yar yihiin , waa in loo kala saaraa waxyaabaha xun iyo waxyaabaha wanaagsan, waxyaabaha ceebta ah ee laga fogaado iyo waxyaabaha wanaaagsan ee loo deg dego. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in carruurta la kala baro xaaraanta iyo xalaasha iyo ciqaabta iyo abaalmarinta ka dhalata qofka ficilkuu la yimaado. Ugu dambayntii ubbadka waa dadkii ku bedeli lahaa ee haday kaa dambeeyaan magacaaga sii wadi lahaa , waa inaad bartaa dad la dhaqanka iyo ixtiraamka dadka ka waawayn, dadka waalidka u ah, deriska, macalmiinta, iyo dhammaan caruurta ka wayn dhalsho ahaan. Qodobaddaan aan soo sheegay ubbadkii la baro looga baqi mayo inay lumaan ilaahay idinkii waxaana rajaynayaa in mas,uuliyadaas ay gutaan waalidiinta si ay u gurtaan mustaqbalka miro macaan oo aan ka dhamaanayn aduun iyo aakhiraba.
saqiiro oo yaraan kaaga dhinto, waa wax wayn oo illahay ku siiyay, ha u qaadan in halkaa arinkiisu ku dhamaaday, wuxuu kugu sugayaa maalinta khiyaame isagoo kuu baryaya Allah inuu kaa ilaaliyo cadaabka jannadiisana ku galiyo, marka ubbadku nolol iyo geeriba wax loo dhigaa oo lala simaa ma jiraan.
Ka qayb-gelinta ilmaha talada iyaga quseeya markii ay gaaraan 15 jir waa muhiim, macnuhu ma ahan inaad taladooda qaadato dhammaan, waa inaad barto inay talada wax ku leeyihiin isla markaa maskaxdooda dhalaaaliyaan si uu qorshe u keeno ku aadan waxbarashadiisa iyo arrimaha kale ee iyaga quseeya. Tiro koob la sameeyay waxa la ogaaday, in ilmaha guriga looga qaybgaliyo taladda guriga, uu aad uga horeeya ilmaha aan laga qayb-galin dhinaca fikirka iyo hal-abuurka, mas’uuliyada iyo waxbarashada oo dhan. Marka ka qaybgali dooda wax lagu hormarinayo iyo midda mustaqbalkooda qusaysa, dhagaysana taladooda adigoo waliba ku ammaanaya taladii wanaagsan ee ilmuhu keenaan.
Hadii aad duqowda oo aad tabar iyo xoog beesho waxaa ku daryeelaya waa curruutii aad shalay korisay, duqnimadu waa cudur halis ah waliba marka qofku shayb noqdo waxaa hayn kara kaliya awlaad uu dhalay oo baarri alla uga dhigay, waxaa soomaalidu tiraahdaa wiil iyo aabihii waa is koriyaan kumana ballamin, aabuhu ilamaha waa koriyaa , wax baraaa , ilaa uu dadka dhinac ka raaco oo isku filnaado, aabuhu markuu waynaado oo dabco, maskax ahan iyo muruq ahaan daciifo , waxaa gacanta ku qabta oo daryeela dadkii uu dhalay oo dib u xanaaneeya, marka ubbadku waxay qabtaan shaqo muhiim u ah noloshaada dhamaanteed.
Osman sheikh Ahmed
Soomaalida dhexdeeda qofkaan guursan waa la tuhmaa, waana la dhaliilaa, waxaa loo qaataa in si wax ka yihin, sababtoo ah , qof isagoo caafimaad qaba maskax ahaan iyo jir ahaan, awoodna u leh in uu dhiso qoys hadana kaligii nool
COSOB
19
Diceembar 2017
GUDOOMIYAHA AQALKA SARE OO DAAH-FURAY MADASHA AGA EE HORUMARINTA AFKA HOOYO IYO HAL-ABUURKIISA
M
unaasabad si qurux badan loo soo agaasimay looguna tala galayd daah-furka madasha AGA ee horumarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa, ayna ka soo qeyb galeen madax ka kala socotay Aqalka Sare ee baarlammaanka, golaha wasiirada, xildhibaano, masuuliyiinta akadeemiye-Goboleedka afSoomaaliga, naadiyada akhriska iyo qoraalka, aqoonyahano iyo marti-sharaf aad u fara badan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu furay suugaan kala duwan oo ka hadlaysay qiimaha iyo hoddontinimada afka Soomaaliga iyo khudbad dhaxal gal ah oo uu halkaasi ka soo jeediyay Ku-simaha gudoomiayah golaha abwaanada Md, Xirsi-dhuux Maxamed oo bogaadiyey dadaalka weyn ee ay ilaalinta afka hooyo ugu jirto Akakadeemiyegoboleedka AfSoomaaliga.
Gudoomiyaha Akademiye-goboleedka afSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad xiiso badan halkaas ka soo jeediyey ayaa si cilmiyeysan uga hadlay taariikhda iyo heerarkii ay soo martay Akademiyada AGA, waxaana uu sheegay sababtii loo unkay AGA inay ahayd sidii halista looga bad-baadin lahaa afka hooyo looguna hawlgali lahaa horumrintiisa, isagoo intaasi raaciyay himilooyinka Akadeemiyadu inay ka mid tahay sidii looga faa’iideysan lahaa awoodda AfSoomaaligu u leeyahay inuu ahaado nabad-side walaaleeya dadka Soomaaliyeed dhexdooda iyo iyaga iyo dadyowga kale.
Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo Gudoomiyaha haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka madashaasi qaabilsan horumarinta afka Soomaaliga, waxaana ay ku cel-celiyeen inay si dhaw ula shaqeyn doonaan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Prof. Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah masuuliyiinta Akadeemiyada AGA iyo Wakiilka Akadeemiyadaasi ee K/ Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa halkaasi ka soo jeediyay hadalo u badnaa Iftiiminta hawlaha ay qaban doonto Madasha AGA, Iyagoo soo jediyay in mudnaanta koowaad la siiyo illaalinta afka hooyo.
Dr. Afrax wuxuu si diirran u bogaadiyey dhallinyarada u soo jeesatey akhriska iyo qoraalka kuwaas qaar ka mid ah ay asaaseen naadiyo diiradda saara akhriska iyo qoraalka, wuxuuna sheegay akadeemiye-Goboleedgu inay xoog saari doonto dhiirrigalinta, tababbaridda iyo gacan-siinta dhallinyaradaas hibada leh, isagoo intaasi raaciayay jiilka soo koraya inay yihiin kuwa iyagu iska leh Akadeemiyadan oo ay tahay inay hantiyaan.
Xafladaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa intii ay socotay waxaa lagu daawaday Filim kooban oo ka hadlayay tariiqda, aas-aaska iyo waxqabadka Akadeemiyada AGA, Madasha AGA ee maanta laga daah furey Muqdisho ayaa noqonaysa madal Bille ah, waxaana si joogtaysan ugu kulmi doonaan bahda Akadeemiyaha, ehelada afSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baarista, bahda Warbaahinta iyo guud ahaanba inta ku hawlan ama jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoonta. Waxaa si gaar ah uga faa`iidaysan doona dadka ay ugu horeeyan da`yarta xiiseeya akhriska iyo qoraalka.
Dhanka kale, guddoomiyuhu wuxuu dawladda iyo xarumaraha waxbarashada ku boorriyey in AfSoomaaliga si dhab ah looga dhigo afka rasmiga ah ee dalka, afka waxbarashada iyo maamulka xafiisyada, Waxaana uu ku boorriyey in la daryeelo lagana faai’deysto abwaannada iyo hal-abuurka fanka iyo suugaanta iyo in la soo nooleeyo golihii murtida iyo madadaalada oo si dhakhsa ah loo dayac-tiro.
Gudoomiyaha aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay daah-furka Madasha AGA ee Horumrinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa ayaa sheegay inuu ka wel-welsan yahay xaaladda uu xilligaan ku sugan yahay afka Soomaaliga, waxaana uu ku baaqay in laga hor tago afdilayaasha weerarka ku haya afka Soomaaliga, isagoo dhanka kale u mahad celiyay Akadeemiyada AGA oo had iyo goor u taagan kor u qaadida afka Soomaaliga.
Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) waa xarun cilmiyeed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, laguna aasaasay Jabuuti 2013, waana madal ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, Af-Soomaaligana lagaga hadlo, xarunteeduna waa Muqdisho, waxaana si madax bannaan u maamulo gole ka kooban aqoonyahanno u kala dhashay dalalka AGA ku midaysan oo lagu soo xulay ku xeeldheeridooda Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo isna munaasbadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo furitaanka Madasha AGA, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Wasaaradiisu ay go’an tahay sidii ay Akadeemiyada AGA ugala shaqeyn laheyd illaalinta afka
COSOB
Soomaaliga, isagoo ugu yeeray Shacbiga Soomaaliyeed in muwaadin walba uu xil gaar ah iska saaro sidii uu ugu faro adeygi lahaa afkiisa hooyo.
Himilada Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaligu waa AfSoomaaliga oo halista ka badbaada, adeegsigiisa la saxo lana xoojiyo, lagana dhigto nabad-side walaaleeya Soomaalida iyo idil ahaanba ummadaha geeska Afrika.
20
Diceembar 2017
CUDURKA SONKOROWGA (DIABETES)
soo daayaan hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta ama fududeya shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay unugyo badan (cells), nudayaal (tissues), xubna badan (organs) oo jirka ka mid ahi sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)- In sonkor badan (glucose) si deg-deg ah loogu bedelo tamar geydsan (glycogen), taas oo uu jirku dib u isticmaalo xiliyada gaajada amaba xiliyada ay sonkorta dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos loo dhigo burburinta Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaanada,Bariiska, Baastada iyo IWM) si aan sonkor badan oo kale jirka loogu soo darin. Intaas oo shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda in sonkortii dhiiga la socotay ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa, unugyada ganacuna hakiyaan soodeyntii hormoonka Insuliinka.
C
udurka Sonkorowga ayay dad badan oo dunida guudkeeda ku nooli ka sheeganayaan, waayadan dambena tirada Soomaalida Sonkorta qabta ayaa sii kordheysa Sanadba Sanadka ka dambeeya. Fikrada ay dad badani ka heystaan waxa uu yahay cudurka Sonkorowga ayaad moodaa in ay wax badani ka qaldan yihiin,hadaba qoraalkeygan ayaan doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa uu yahay cudurka Sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu qeybsamo,Calaamdaha uu caanka ku yahay iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana isku dayi doonaa in aan u soo bandhigo si fudud oo qof walbi u fahmi karo. Cudurka Sonkorowga ayaa ka dhasha khalal ku yimaada qaabka uu jirku u burburiyo ama u sameysto nafaqooyinka uu u baahan yahay ( Metabolic Disorder) taas oo ugu dambeyntii sababta in xadiga sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u kaco Hhyperglycemia) ama hoos u dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas ama hoos u dhacaas oo ku xiran hadba nooca khalalka ah ee jirka ku dhaca,waxaana uga hadli doonaa si faahfaahsan. Sonkorta ayaa ah isha ugu wanaagsan ee uu jirka aadanuhu tamarta ka sameysto, waxaa jira noocyo fara badan oo sonkor ah balse mida ugu badan oo uu jirku isticmaalaa waa mida loo yaqaan kuluukoos (glucose), xubnaha isticmaala sonkorta ugu badan ayaa waxa ka mid ah 1) Maskaxda 2) Murugyada 3) Habdhiska lafaha (skeleton system) iyo xubna kale oo muhiin ah, xadiga caadiga ah ee sonkor ah oo dhiiga qofka caafimaadka qaba la socda ayaa ah 80 ilaa 110 milligram oo sonkor ah 100-kii mililitir oo dhiig ahba (80-110mg/dl). Maalin walba waxaan isticmaalnaa xadi sonkor ah oo badan, hadaba suaasha meesha taal ayaa ah xagee ayay aaday sonkortii badneyd ee aan isticmaanay? maxaase maamula in aysan sonkorta qofka aan cudurka sonkorowga qabani xadigeedii caadiga ahaa aysan ka badan ?. waxaynu wada ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka aadanaha ka dhaca uu RABI ugu talagalay qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga sonkorta ee jirka waxaa maamula laba hormoon oo laga soo daayo unugyada ganaca (pancreas cells) kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo laga soo daayo unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells. 2) Kuluukagon (glucagon) oo isna laga soo daayo Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee Ganaca. Shaqooyinka ay qabtaan labadan hormoon ayaa ah kuwa liddi isku ah waayo hormoonka insulin waxa uu hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga la socota marka ay dhaafto xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee buu hormoonkani hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga? Mar alaale iyo markii ay sonkorta dhiigu (blood glucose level) dhaafto xadigii caadiga ahaa ayaa waxaa la carriyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells in ay
COSOB
Hadaba khalal ku yimaada soo deynta Hormoonka Insuliinka amaba carqaladeyn ku timaada hanaanka shaqadiisa ayaa waxay sababtaa Sonkorta dhiiga oo kor u kacda (Hyperglycemia) ama hoos u dhacda (Hypoglycemia) taas oo inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan Cudurka Sonkorowga (Diabetes Mellitus). Mar hadii ay shaqada Insuliinku sidaa tahay waa maxay shaqada Hormoonka Kuluukagon (Glucugon)? Xiliga uu qofku gaajeysan yahay amaba uusan qaadan wax cunto ah oo Sonkor leh ayaa waxaa hoos u dhaca Sonkorta Dhiiga, marka si Sonkorta loogu soo celiyo xadigeedii caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa Unugyada Ganaca ee loo yaqaan Alpha Cells kuwaas oo bilaaba in ay soo daayaan Hormoonka Kuulukagon, islamarkiiba Hormoonkani waxa uu qabtaa howlahan. 1)- Sonkortii keydsaneyd (Glycogen) ee jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo keenta in sonkortii dhiiga la socotay kor u kacdo ilaa ay ka gaadho xadigii caadiga ahaa. 2)- Waxa uu cariyaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (proteins) loo bedelo sonkor (glucose) taasina waxa ay dhacdaa xiliga macaluusha ama gaajada siyaadada ah waqtigaas oo sonkortii keydsaneyd ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan, u bedelida duxda iyo borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay kor u qaadaa sonkortii dhiiga ee hoos u dhacday. Mar hadii ay sonkortii dhiigu (blood Glucose level) ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa unugyada Alpha cells ee ganacu waxay ay hakiyaan soo deyntii hormoonka kuulukogon (glucugon). Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo xakameyosonkorta jirka qofka caafimaad qaba, aan u soo noqono maxaa keena in sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa ay inta badan ka sareyso xadigeedii caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu dhiiga la socdo.
Faarax Axmed Muuse
21
Diceembar 2017
MURTIDA IYO MAADDA
6. HADDII AAN LAHAAN LAHAA CINWAAN(EMAIL) XAFIIS AYAAN JOOGI LAHAA.
saacadood waxa uu ku guulaystay in uu labanlaabo hantidiisii ahayd 10$ ,mar saddexaad ayaa uu ku celiyay
Nin bilaa camal ah ayaa waxa uu shaqo ka codsaday xafiis shirkaddeed,ninkii
waxaanu gurigiisii ku la hoyday isaga oo haysta 60$,ninkii waxa uu go’aansaday in uu
maamulaayay shirkadda waxa uu ninkii ka qaaday amma layeeshay su’aalo( interview)
shaqadiisan sii wato oo uu malin walba soo kallaho goordanbena uu ku noqdo
,kaddibna wiilkii waxa uu u sheegay in uu ku guulaystay in uu ku soobaxay interviewgii
gurigiisa,muddo yar kaddib hantidiisii waa ay saddex laabmatay waxaanu iibsaday
waxaanu ku yidhi waxaad ii sheegtaa emailkaaga si’aan kuugu soodiro fariin goorta aad
gawaadhi,ninkii marba marka ka danbaysa hantidiisii way sii korodhay waxaanu yeeshay
shaqada bilaabidoonto,ninkii waxa uu sheegay in uusan konbutar lahayn email iskaba
gawaadhi waawayn iyo maraakiib alaabta uu ku raro, shan sanno kaddib ninkii waxa uu
daayoo,maamulihii waxa uu u sheegay in uusan noqon doonin shaqaalaa shirkadda maadaama uusan lahayn email.
noqday ninka dalka oo dhan keena cuntada,kaddib ninkii waxa uu damcay in uu caymis
ninkii waxa uu ka noqday meeshii isaga oo aad u niyad jabsan,ninkan jeebkiisa waxa ku
(inshuuran) la galo dawladda waxaanu u yeedhay ninka caymiska (inshuuranka) ka
jira 10 $ oo kaliya ninkii waxa uu tagay tukaan ku yaala magaalad waxaanu ka soo
saxeexaya,markii ay muddo wada sheekaysanayeen ayaa waxa uu waydiiyay email
iibsaday 10 kiile oo tamaandho ah(yaanyo) kaddibna waxa uu ku iibiyay xaafadaa
miyaad leedahay aan waraaqaha kuugu soo diro, ninkii taajirka noqday waxa uu ku yidhi
dhexdooda si uu uga helo masaariif iyo lacag, in kayar laba
maya,ninkii caymiska(inshuuranka) bixinaayay aad ayaa uu
COSOB
22
Diceembar 2017
qabanaayay ayaa halkii laga sugaayay in uu hadalkiisa bilaabo waxa uu soo qaatay biibiilayaasha(balloon) ay ciyaalku ku ciyaaraan kaddibna wuu wada buufiyay, qof kasta oo ka sooqabgalay siminaarka waxa uu siiyay hal biibiile oo naqas ku jiro iyo qalin koobbi waxaanu amray in uu midkasta oo kamid ihi in uu ku qoro magaciisa ,qofkasta waxa uu ku qoray magaciisii,ninkii siminaarka bixinaayay waxa uu ururiyay biibiilayaashii waxaanu geeyay qol kale oo ka baxsanaa hoolka,markii uu ku soo laabtay dadkii ayaa waxa uu u sheegay in ay taggayaan qolkaas qof walibana uu muddo shan daqiiqo ah ku soo helo biibiilihii uu ku qornaa magaciisu ,qofkastaa waxa uu isku dayay in uu mudadaas loo qabtay uu ku helo, lakiin waxa ka dhashay is jiidhjiidh,cadho iyo jahawareer,markii ay dhamaadeen muddadii shanta daqiiqo ahayd majiro qof helay magaciisii,ninkii siminaarka bixinaayay waxa uu u sheegay in midkasta oo bakhtiyaanasiib gacantiisa uu soo galo si daggan u siiyo kii lahaa magacaa ,sidii ayaa ay yeeleen dhamaan dadkii qof walba waxa uu u dhiibay qofkii lahaa ka ku soo hagaagay, muddo shandaqiiqo ka yarna qofkastaa waxa uu haystay magaciisii isaga oo faraxsan iskana daggan, ninkii siminaarka bixinaayay waxaa uu u sheegay dhamaan dadkii in ay taasi tusaale u tahay farxadda,waxaanu u sheegay in farxaddu inagu hareeraysantay qofna uusan garanayn,laakiin farxaddeenu waxay ku jirtaa farxadda dadka kale,dadka sii
u yaabay waxaanu ku yidhi bilaa email ayaad sidaas ku gaadhay? Bal ka waran haddii aad lahaan lahayd cinwaan
farxaddooda waxa aad helidoontaa farxaddaada.
(emailna) halkeed gaadhi lahayd? Ninkii maalqabeenka ahaa waxa uu ugu jawaabay ‘’hadii aan lahaan lahaa email waxaan noqon lahaa nin ka shaqeeya xafiis’’. 7. TAARIKADA GAADHIGAAGU WAA KALA NOOC. Galab ayaa waxa soo maray taraafiga magaalada hargaysa nin wata baabuur tagsi(taxi) ah oo taarikada ku xidhani ay kala duwantahay ka danbe iyo ka hore markaas ayaa taraafigii joojiyay ninkii , waxaanu ku yidhi: waar maxaa kaasi ah taarikadaadu waa kala
Mubaarig Farxaan Faarax (Araye)
nooce? kaddib ninkii gaadhiga waday waxa uu ugu jawaabay adiga wajigaaga iyo qadaadkaaga danbe isku taarikana maaha isku midna maaha. 8. IN AAD FARAXDAA WAXA AY KU JIRTAA DADKA KALE. Maalin maalmaa ka mid ah ayaa waxaa shir ka soo xaadiray 50 qof kuwaasi oo siminaar loogu qabanaayay hool ku yaala huteel,markii uu soo galay ninkii siminaarka
COSOB
23
Diceembar 2017
NABSI: QEYBTA 4AAD
S
amawada waagiibaa ku baryey, arrinta noocaan ah kama filanayn Sawrac. Kama maaranto wiilkaan, oo waa kan nolosheedii iyo wax-barashadeediiba dhiirri-geliyey, oo ardaydii ay ka qoqobnayd ku dhex daray, haddana arrintaan aad bey ugu culus tahay, oo waxa ay u arkaysay in uusan u qalmin! Haddii ay cabbaar arrintii rog-rogtay, isna uu aamusnaa, oo Allow khayr ka keen niyadda uu uga lahaa, waa tan hadashay, waxa ayna ku tiri “Abboowe, anigu jacayl ma aqaan, laakiin arrinta aniga dartay dhibaatada kuu gelisay, waan kula qabanayaa, waana kula garab-galayaa”. Inta wiilkii Sawrac ahaa is-heyn waayey, ayuu waxa uu ku waashay “Abbaayooy mahad-sanid, Allaha khayr ku siiyo”. Isaga oo faraxsan ayuuna habeenkaas, halkaas ku macasalaameeyey Samawada. Sawrac habeenkaas, habeen Laylatul-qaddar bay u ahayd. Arrin ka cakirneyd ayaa sidii uu rabay ugu fushay. Gabadhii baa la qaadatay jacaylkii keligiis uu ku ahaa. Waxa uuna ka fekerayaa sidii uu gabadhaas dhiiggiisa oo dhan ugu bixin lahaa, habkii ay ku noqon lahayd gabadha ugu sarreysa Dugsiga iyo gabadha ugu fiican. Waxaa kale oo uu ka fekerayaa, qaabkii uu ula wadaagi lahaa mustaqbal ifaya. Habeenkaas iyo wixii ka dambeeyey, adduun kale oo qurxoon ayuu galay. Samawado, waagii hore ee ay u imaan jirtay Sawrac caadi ayuu la ahaa, laakiin waayadan dambe, ee ay dharka quruxda badan, Cabbitaannada iyo Jallatada jirkeedii kala bixiyey, gaaddaheedii iyo naasaheediina inta soo bexeen, gebi ahaanba muuqeedii dhabta ahaa soo saaray, ee ay heshey arday badan oo gabdho iyo wiilal ah oo dabaqad sare ah, oo ka daba-yaacaya, waxa ay u aragtaa Sawrac wiil hoose, oo aan u qalmin, maadaama ay hadda cid kasta daba-ordayso. Runtii jacaylkiisa iyo aayo-lawadaaggiisa jac kuma ahan.
gaabnimo iyo xaasidnimo tay ka ahayde! Dhawr jeer baa saaxiibbadeed weydiiyeen wiilka ay u geyso, ee ay Cabbitaannada ka soo siiso, ee aysan lacagna siin, markaas bay ugu sheegtaa, in uu yahay wiil ay macaamiil yihiin, oo lagu qoro Cabbitaannada, oo ay hal mar u shubto deyntiisa! Weligeed cid ay taqaan uma sheegin, in uu Sawrac yahay wiilka gacan-qabta, oo is-beddelka ka muuqda uu yahay wiilka ka dambeeya!
Waxa ay codsigiisa uga yeeshey, waxa ay u ekeyd, ku daneysi iyo yuusan ku dhaafin adeegga Dharka, Wax yaalaha la isku qurxiyo, Buugaagta iyo Qalimaanta iyo weliba Shilimaadka caddaanka ah ee ay ka qaad-qaadato!
Waayadii hore, Samawada xoogaa ayey la-taagnaan jirtay Sawrac, oo fursad ay ku wada had-hadlaan ayey siin jirtay, laakiin ayaamahan dambe, waxa ay inta badan u timaaddaa, iyada oo saaxiibadeed la socota, haddii ay keligeed u timaaddana inta ay biyaha cabbeyso uun bey la joogtaa. Wakhtigeeda ugu badan waxa ay ku bixisaa saaxiibbadeed, oo ay si fiican isku fahmeen xilliyadan dambe. Isaga qudhiisu aragti la’aanta ayaa u daran, intaasba waa u naruuro, in kasta oo uu jeclaan lahaa in uu fursad fiican u helo, maalin kasta oo ay u timaaddo.
Samawada, ma aqaan meesha ay la liigaysaye, dareenkeeda Aadaminimo ayaa aad ugu yaraa. Markii hore keligeed ayaa u imaan jirtay, oo Cabbitaanka iyo Jallaatada dalban jirtaye, markii ay aragtay in uuba jecel yahay, ayey bilawday, inay saaxiibadeed soo kaxaysato, oo keento Miiska Sawrac, oo ay ku tiraahdo “Dalbada Cabbitaan iyo Jallaato, waxa aad rabtaan”. Markaasaa isaga oo ku ixtiraamaya Jacaykiisa, siiyaa saaxiibadeed, waxa ay doonayaan.
Laba kala bariday kala war la’, Sawracna, indhihiisa waa ka jecel yahay Samawada, kolkaas buu, wax kasta u huraa. Waxa uu ka fekeraa, sidii ay xiddig ku noqon lahayd, oo ay ardeyda uga dhex muuqan lahayd. Waxaa uu ku dadaalaa sidii wax walba oo qalbigeeda ku soo dhaca, uu uga dabooli lahaa. Laakiin Samawada, ma jecla iyadu, umana aragto qof u dhigma, waana iska sarreysiisaa, oo mashquul aan jirin ayey isku riddaa.
Mararka qaar, waxa ay weydiisataa lacag Caddaan ah, kolkaas buu waxa uu hayo ee markaas u yaal, maqalka uga soo bixiyaa. Markii uu siiyo, ayey waxa ay la aaddaa Dukaan ka soo horjeeda Iskoolka, markaas bay kaga iibsataa Cabbitaanno, Saambuus iyo Bajiye, ardayda saaxiibadeed ahna uga gaddaa. Runtii aad bay ardaydu u daneeyaan waayadan la-socodka Samawada, bacdamaa ay maalmahaan dambe dhac-dhac ku qabaan.
Dhanka kale, jacaylka uu u qabo markii ay aragtay, ayey fursaddaas kaga faa’iideysataa, oo wax walba waa warsataa, haddana kaaga darane, saaxiibbadeed ayey soo kaxaysataa, oo ay Cabbitaanno ka siisaa miiska wiilka miskiinka ah!
Caku, qofku haddii uusan aragti dheereyn. Caku haddii uusan kala garan karin kan wax-taraya iyo kan aan waxba u heyn. Caku haddii uusan fekereyn, oo uusan ugu yaraan dhanka BiniAadaminimada eegeyn.
LASOCO QEYBTA XIGTA EE SHANAAD!!
Samawada, Wiilkii sidii la-ogaa ula gurmaday, oo culayskeeda Xambaaray, ayey culeys kale sii saartay, ma aqaan maan-
COSOB
24
Diceembar 2017
WAR GALIN MUHIIM AH Majalladda Cosob, waxa ay ku wargelinaysaa Hey’adaha Ganacsiga, Shirkadaha, & cidkasta oo dooneysa Ogeysiin, xayeysiin, in ay ku sameyn doonto qiimo jaban oo ku raali galiya. 0612221920 | 0615848980 | 0699885600 | 0624442222 | info@cosob.net | www.cosob.net