Bille, Muqdisho Oktoobar 2017
BANDHIGGA BUUGAAGTA MUQDISHO BANDHIGGA BUUGAAGTA AYAA SANAD WALBA SOO KORDHIYA QORAYAAL IYO BUUGAAG CUSUB OO AAN SANADKII HORE JIRIN.
Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyrre
TUSMO 13 Maxaa Magacyo Haween loogu bixiyaa Duufaannada ku Dhufta dalka Mareykanka?
MUUQAALLO MUDNAAN LEH 3 Ra’iisul Wasaaraha Oo Xarigga Ka Jaray Saldhigga Milatari Ee Turkiga Ka Furtay Muqdisho
HAWEENKA 14 Jaalle Madaxweyne Haddii aadan ii saxiixin barashada Duuliyanimada waxa aan ku qasbayaa qoyskeyga in ay Dibadda ii diraan..
4 Gabdho suxufiyiin ah oo tababar sarre loogu qaadaayo aqoontooda loogu soo gabagabeeyay dalka Kenya
16 Haweenka iyo Nolosha (2)
CAAFIMAADKA WARBIXIN
18 Howl-Gabka Qanjidhka Dhuunta Ee Thyroid Hypothyroidism
6 Bandhigga buugaagta ee muqdisho oo saro u qaadaaya heerka aqriska iyo qoraalka
HAKA QUUSAN GUUSHA
8 Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka
20 25 Siyaabod Aad Naftaada Ku Dhiiri Galin Kartid.
11 Jinnigeygaa Neceb !!
NOLOSHA ISLAAMKA
12 Yaa sameeya Marada lagu Daboolo Kacbada imisa Bilood ayayse qaadataa Naqshadeynteeda?
22 Dhahaarada iyo Muhiimada ay leedahayd qeybtii saddaxaad (5)...
12 Waa maxay Xiriirka ka Dhaxeeya Muuska iyo Raganimada.
SHEEKOOYIN TAXANE AH 23 Nabsi...(Qeybtii 2aad)
COSOB 1
Oktoobar 2017
Muuqaallo Mudnaan leh
Ra’iisul Wasaaraha Oo Xarigga Ka Jaray Saldhigga Milatari Ee Turkiga Ka Furtay Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khare ayaa xarigga ka jaray Saldhigga Millateri ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu tababari doono Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxana Munaasabadda Furitaanka ka qeyb galay Taliyaha guud ee Ciidanka Turkiga, masuuliyiin ka tirsan dawladda, Safiirada Beesha Caalamka iyo saraakiil sare oo ka socotay labada dal. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, ayaa sheegay ka sakow dhismaha xaruntan casriga in marka la tababaro askarta ay dawladdu Turkigu u raacin doonto qalabeyn, taasoo uu uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga. Taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay inay garab siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo yeelato Soomaaliya.
Muuqaallo Mudnaan leh
Gabdho suxufiyiin ah oo tababar sarre loogu qaadaayo aqoontooda loogu soo gabagabeeyay dalka Kenya
Waxa ay ahaayeen 20-gabdhood oo suxufiyiin ah kuwaas oo kakala socday qaarkamid ah gobalada dalka Soomaaliya sida Moqdisho, Hargeysa, Boosaso iyo Garoowe ayaa tababar sarre loogu qaadaayo aqoontooda waxaa loogu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxyaabaha la baray waxaa ka mid ahaa sida ay doormuuqda ugu yeelan lahaayeen warbaahinta ay ka shaqeeyaan, maamulwanaaga, xisaabaadka,suuqgeynta,sameynta barnaamijo tayo leh iyo taageerida gabdhaha kale ee u baahan in la gacanqabto. Tababarkan oo socday mudo halsano ah ayaa loogu qabtay gabdhahan suxufiyiinta ah magaalada Nairobi xiliyo kala duwan oo isxigxigay, waxaana gacan ka geystay qabashada barnaamijkan hay’ada caalamiga ah ee taageerta hormarinta haweenka suxufiyiinta aduunka ee loo yaqaano WAN-IFRA iyadoona ay gacan ka heleysay hey’adaha caalamiga ah ee taageera warbaahinta
BANDHIGGA BUUGAAGTA EE MUQDISHO OO SARO U QAADAAYA HEERKA AQRISKA IYO QORAALKA Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay bandhigga caalamiga ee buugaagta, waana sannadkii seddaxaad oo la qabto tan iyo burburkii dowladii dhexe 1991-dii. Haddaba, sannadkan dad aad uga badan kuwii ka soo qeybgalay labadii sanno ee la soo dhaafay ayaa yimid bandhigga, waxaana ka mid ahaa qorayaal Soomaali u badan iyo kuwa ajnebi ah kuwaas oo buugaag ay qoreen ku soo bandhigay carwada buugaagta ee Muqdisho. Sida uu noo sheegay Maxamed Diine oo ah aasaasayaasha bandhigga buugaagta ee moqdisho illaa 31 qorayaal oo dalka iyo dibadda ka yimid oo ay ku jiraan, afar ajnabi ayaa bandhigga sannadkan kaqeybgalay Buugaag af Soomaali u badan iyo kuwo ku qoran af carabi,engilish,af booran,af garre ayaa lagu soobandhigay. saddax maalmood uu socday bandhig buugeedkan, waxaa soogaaray goobta dad aad u faraban oo kor udhaafaayo( afar kun iyo shan-boqol oo ruux ) 4,500 oo meelo kala duwan ka yimid kuwaasoo isugu jiray qorayaal, dadka doonaayay in ay iibsadaan boogaagta lasoo bandhigay marti sharaf iyo masuuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya oo qaarkood buugaagta wax ka iibsaday, hadaba maadaama la’arkay baahi badan dadku in ay u qabaan kulan sanad lahan ayna soobadanayaan qorayaasha soomaaliyeed muxuu yahay qorshaha aas’aasayaasha Muqdisho bookfair oo ay ugu talagaleen waqtiyada soosocoda? Maxamed Diine waxa uu yiri markale “ tirada dhalinyarada qorayaasha ee Soomaaliyeed marka la fiirsho sanadkiiba mar in la -dhigo way yartahay, dharuufo jira aawadood oo ay ugu horeyso dhanka dhaqaalaha maadaama dadyow kala duwan aan casuumno, oo ka kala yimaada gobalada dadlka iyo dibadiisa. Waxaa qorshaha noogu jiraa in aan sameyno sanadka intiisa kale in xaflado daahfur boogaag ah bishiiba mar in aan sameyno oo aan la sugin 12-bilood, aana kala kaashano Acadeemiyada cilimiga fanka iyo suugaanta, waxaan kaloo aan isleenahay dhalinta wax qortay in ta bookfairka sanadlaha ah laga gaaraayo
tababaro kordhinta iyo xoojinta xirfada qoraalka iyo dhigaalka af Soomaaliga in loo bilaabo bishiiba, waxayaabaha aan rabno in aan qabano waxaa kaloo kamid ah in la tifaftiro buugaagta ay qoreen qorayaasha da’da yar oo wada dadaalo aad uweyn si sanadkiiba wax qoraal ku bsaabsan loogu mashquulsanaado” ayuu yiri Maxamed Diine oo wareysi siiyay Majallada Cosob. Dhinaca kale waxaa sannadkan si weyn door ugu lahaa bandhigga Muqdisho dumarka oo illaa 11 dumar ah ayaa ku soo bandhigeen carwada buugaag ay qoreen, dumarkaas waxaa ka mid ah: Muna Maxamed Diirshe. Muna ayaa sheegtay in carwada ay ku soo bandhigtay illaa seddax buug oo mid ka mid ah ay uga hadleyso dhibaatada gabdhaha da’da yer kuna nool Muqdisho ee shaqo raadiska ah. Muna ayaa buuggan ugu magacdartay “Illinta qubaneysa yaa ka damqanaya” “Buuggan wuxuu si gaar ah uga COSOB 6
Oktoobar 2017
hadlayaa dhowr arrimood oo heesata gabdhaha gaar ahaan kuwa Muqdisho ku sugan waxa aad arkeysaa gabar 15 sanno jirta oo garoob ah oo heesata dhowr carruur ah,oo wajaheysaa dhibaatooyin nololeed oo aad u adag. sidookale dhibaatooyinka ay haweenku kala kulmaan halista shaqooyinka, muna qoraalka buugeeda waxa ay ku sheegtay in gabdho badan ay qaabileen dhibaatooyin halis ku ah mustaqbalkooda kadib markii shaqooyinkii lasiin lahaa lagu xiray baa’bi’inta gabarnimadooda, waxa ay leedahay inta ina rageed uu dareemayo dhibaatadda ay leedahahy in shaqo sharaf lagu dilo wey sii jiraayaan dhibaatooyinka heysta gabdho badan oo manta jooga .waxay ugu baaqday madaxda dowladda in ay wax ka qabtaan tacadiyada ay gabdhaha da’da yar kala kulmaan xafiisyada marka ay shaqo ka doontaan, Qorayaasha sanadkan wax qoray waxaa mamid Farxiya Muxudiin
Warbixin
Yuusuf oo qortay boogeeda lamacagbaxay “ Ambaqaadka nolosha” oo ka hadlaayo dhiiragalin iyo waxyaabaha qofka bani’aadamka ka saacidaayo sida uu qofka noloshiisa hormar uu ugaarsiin lahaa, Farxiya ayaa sheegtay buugga ay qortay in aysan soo bandhiggi lahayn haddii aynaan jaanis ka heli lahayn bandhiggan buugaagta. Cabdulaahi Axmad Tahliil waa da’yar sanadkan kusoobiiray qalinleyda Soomaaliyeed waxaana uu qoray book lamagacbaxay “Dhulkii qolfaha” waa boog koobsanaayo baaq iyo barasho. waxa uu hagid u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed . Waxyaabaha faaidada leh ee sanadkan sookordhay waxaa ka mid: sida uu sheegaayo qoraaga weyn ee Barre Sheekh Cabdullahi oo isna soo bandhigay buugaag tira badan oo qaarkoo ka sheekeynaayo dhaqanka Soomaaliyeed, barashada qoraalka afsoomaaliga may iyo maxaa tiri buuga la yiraahdo ‘afsoore” oo noqday buuga ugu iibsiga badnaa. Sidookale buugaag ka sheekeynaayo doorka haweenku ay ku leeyhiin bulshada dhaxdeeda sida buuga caanka ah ee la yiraahdo ‘GODDOB-REEB’ waa sheeko dhaqan wuxuu ka sheekeynaayaa dhibaatada dumarka ay u geysato colaadaha iyo kaalinta dumarka ee nabada . in xiligan dhalinyaro badan ay noqdeen qorayaal ku tartamaayo buugaag kala duwan oo ay ku qoreen, afsoomali, faaidooyinka kale waxaa ka mid ah dad banad in a ay iibsadaan buugaagta qorayaasha COSOB 7
missana ay aqriyaan taasoo ay naan ubadneyn umadda soomaaliyeed dhinaca aqriska, tanina waxa ay dhiiragalin weyn ay u tahay dadka waxqora. Abshir Jaamac oo loo yaqaano Abshir Taatiko waa wiil da’yar oo can ku ah farshaxanka wuxuu ku soo bandhigay carwada sawirro gacantiisa uu ku sameeyay oo qaarkood ay ku jiraan madaxdii Soomaliya soo martay, kuwa manta iyo madaxda caalamka.
GABAGABO
Madax ka tirsan Dowladda Soomaliya oo goobta soo gaartay si ay u boogaadiyaan qoroyaashan ayaa goobta ka jeediyay hadalo amaan iyo waxsheeg leh, Muddane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa bogaadiyay dhamaan dadkii ka qeybqaatay soo bandhigida buugaagtan oo ay ahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay ujeheeyaan bulshada dhanka horumarka,Caalamkana la tuso halka ay Soomaaliya hiigsanayso. Sidoo kale waxaa isna hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guudleed oo dhankiisa bogaadiyay dowrka aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada. Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho oo ay ku qornaayeen luuqado kala duwan, ayaa waxaa fursad u heley dad badan in ay iibsadaan buugaag ay ku qoranyihiin macluumaadyo kala duwan oo muhiim ah. Oktoobar 2017
Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay maalmahan ka doodayaan Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka, waa mid aad u xiiso badan oo noociisa ah, waana xeerkii lagu dhaqi lahaa, lagu shaqo-siin lahaa, lagu abaal-marin lahaa ama lagu ciqaabi lahaa dhammaan Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka!
GOLAHA MIHNADLEYAASHA CAAFIMAADKA QARANKA: Ujeedada Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka: Golaha ujeedadiisa waa: Diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta mihnadleyaasha caafimaad iyo xeer-nidaaminta hab-dhaqankooda mihnadeed, Siinta rukhsad xarumaha adeegga caafimaadka ee mudan, aqoonsi-siinta xarumaha waxbarashada caafimaadka, meel-marinta ama joojinta manaahijra iyo barnaamijyada tababarka caafimaad, xaqiijinta badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad, fududeynta gole u gaar ah mihnadleyaasha kuwaas oo farac ka noqondoona golaha guud. U Qalmidda Xubannimada Golaha: Shuuradaha laga rabo qofka golaha ka mid noqonaya waa: In uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, degen Soomaaliya, kuna leh cinwaan rasmi ah, leh shahaadada mihnadleyaasha, mihnadleyaasha ka baxsan caafimaadka waa in ay leeyihiin shahaadooyin meelmar ah ee maadooyinka la xiriira caafimaadka, waa in
uusan laheyn fal-dembiyeed maxkamad xukuntay ama aanu aheyn eedeysane, in uusan ku guda jirin ganacsi saameyn ku yeelan kara isku-dhac danaha golaha iyo in uu ogolaado xubinnimada in si xor ah oo mushaar la’aan uga mid noqdo xubnaha golaha. Magacaabista Xubnaha: Hey’adaha daneynaya ka mid noqoshada golaha waxaa ay soo magacaabayaan murashaxiintooda uga mid noqonaya golaha, xubinnimada kadib waxaa uu wakiil ka noqon doonaa danaha ay ka leeyihiin golaha, guddiga ansixinta murashaxiinta waxaa soo magacaabaya wasaaradda caafimaadka, shuruudaha tixgelin gaar ah la siin-doono waxaa ka mid ah: Caddeymo sugaya aqoonta mihnadda caafimaad, aqoon mihnadeed sare iyo karti dheeraad ah, waayo-aragnimo mihnadda ah, naxariisa iyo daacadnimo, u hoggaansanka anshaxa iyo akhlaaqda mihnadda iyo ugu dambeyntii dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan. Heerarka iyo xuquuda Xubinnimada: Golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka waxaa uu leeyahay 3 heer oo kala aha: 1. Xubnaha: xubnimada waxaa ay u furan tahay mihnadleyaasha caafimaadka iyo kuwa la xiriira howlaha caafimaadka. 2. La-wadaage: Ururka ha ahaado mid heer qaran, mid ka dhaxeeya dowlado badan ama mid leh aragti caalami ah, waxna ku soo kordhin kara golaha sida shahaadooyinka, qiimeynta, Imtixaan-qaadista, tayeynta waxbarashada… 3. Xiriir-wadaag: Xiriir-wadaag waxaa ay u furan tahay urur oo xiriir la leh golaha oo ku aadan hab-wanaagga xeer-nidaaminta COSOB 8
ee mihnadda daryeelka caafimaadka oo kaabaya mihnadda caafimaad. Tirada Golaha: Golaha waxaa uu ka kooban yahay 15 xubnood oo kala ah: (2) xubnood wasaaradda caafimaadka, (1) xubin wasaaradda tacliinta sare, (1) xubin wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka, (2) xubin ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed, (1) xubin ururka kalkaaliryaasha Soomaaliyeed, (1) xubin ururka umulisooyinka Soomaaliyeed, (2) xubin xarumaha waxbarashada caafimaadka, (1) xubin ururka farsamayaqaannada sheybaarka Soomaaliyeed, (1) xubin ururka daawo-yaqaannada Soomaaliyeed, (1) xubin ururka fayo-dhawrka Soomaaliyeed iyo (1) xubin bulshada rayidka ah. Awoodihiisa waxaa ka mid ah: Diinwaan-gelinta iyo rukhsad-siinta xubnaha aqoonta caafimaad leh, ilaalinta anshaxa, gacanku-haynta hannaanka haboon ee howl-qabad si waafaqsan mab’ada xeer-nidaaminta caafimaadka bulshada, hor-u-marinta shaqaalaha caafimaadka, dhiiri-gelintooda, rukhsad-siinta iyo aqoonsiga xarumaha caafimaad, waa gole matalada hawlwadeennada caafimaadka, barista eedeymaha iyo ashaxumida, in bulshada si hufan caafimaadka looga caawiyo, tayo-siinta wasaaradda caafimaadka. Waayidda Xubinimada: in uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed, haddii magaciisa hore looga tiray diiwaanka golaha, haddii lagu xukumay fal-dambiyeed iyo haddii uusan dhimmir ahaan fayo-qabin. Golaha waxaa ka kooban yahay: Guddiga fulinta, waxaa kale oo jira guddiyo gaar ah sida: Guddiga cilmo-baarista caafimaadka, guddiga anshaxa Oktoobar 2017
mihnadleyaasha, guddiga qiimeynta mihnadleyaasha. Ilaha Dhaqaale Ee Golaha: Khidmadda diiwaan-gelinta, rukhsad bixinta, aqoonsi-siinta mihnadleyaasha caafimaad, goobaha adeegga caafimaad iyo xarumaha warbarashada caafimaad, waxaa kale uu dakhli ka heli karaa golahan: dakhliga uu ka helo ganaaxa iyo ciqaabaha kale, qoondo miisaaniyadeed ay xukuumadda Soomaaliya siiso iyo dhaqaalihii kale ee laga helo kari ilo kale. Diiwaan-gelinta mihnadleyaasha Caafimaad: Codsi-diiwaangelin: qofka waa in uu ka codsadaa golaha, waxaa wehlinaya caddeyn shahaaodo, fayoqabka jireed iyo midda dhimireed iyo taariikhda fal-dambiyeed haddii uu jiro, muddo 30 cisho gudahood ayuu golaha go’aan ku qaadanayaa, haddii lagu qanco waa la sii wadayaa hab-socodka diiwaan-gelinta haddii kale waxaa codsadaha loo sheegayaa sababta loogu diiday, lama diiwaan-gelin karo codsadayaal hore magacyadooda looga saaray diiwaanka. Joojinta hawl-galka Mihnadleyaasha aan diiwaan-gashnayn: Qofna ma shaqeyn karo diiwan-gelin la’aan, qofkii lagu helo dambigaasi waxaa lagu ganaaxayaa US$2,000 ama
Diiwaan-gelinta mihnadleyaasha shisheeye: Mihnadleha caafimaad ee shisheeye oo doonaya in uu is-diiwaangeliyo waa inuu: Heystaa degananshiyo sharci ah ee Soomaaliya, Heystaa shahaado Jaamacadeed oo la aqoonsan yahay, ka gudbaa imtixaan loogu talo-galay, soo buuxiyaa shuruudaha kale ee ku cad foorma diiwaan-gelinta. Mihnadlaha caafimaad ee shisheeye waxaa uu helayaa diiwaan-gelin KMG ah iyo Diiwaan-gelin xadidan, waa 12 bil oo la cusbooneysiin karo. Xad-gudubka Mihnadda Caafimaad: waxaad galeysaa xad-gudub haddii: Beddelo ama tirtiro macluumaad ku qoran shahaadada diiwaangelinta ama nuqul shahaado kale uu bixiyay golaha, Been-abuur ama adeegsasho mansab hawl caafimaad oo diiwaangeshan, howlgelin xarun aanu golaha ogolaashiyi-siinin, lagu xabsi muddo aan ka badneen hal helo musuq, siin shahaado qof aan sano ama labadaba, Qofka aan u imtixaan ku guuleysan, Been-abuur qalmin isla markaana ku xad-gubta shahaado diiwaan-gelin, ka shaqeyn diiwaangelinta waxaa uu bixinayaa mihnad caafimaad oo loo heysan US$4,000 ama xabsi aan ka yareen rukhsad, fuliyo adeeg caafimaad 2 sano ama labadaba. oo dhaafsan heerka loo xadiday, Shuruudaha Diiwaangelinta: qofka bixiyo adeeg caafimaad sida barista, lama diiwaan-gelin karo haddii daweynta, qaliinka iyo waxyeello u uusan heysan shahaado ama xarun geysta bukaanka, faafiyo xog bukaan waxbarasho, isaga oo aan ka gudbin ayada aysan jirin wax qasbaya, wareysiga iyo imtixaanka, isaga oo dayaco bukaan ama uga faa’ideysa aan filin shuruudaha golaha, haddii danahiisa gaarka ah iyo in uu shuruudaha uu buuxiyo codsadaha xurmeyn-waayo habraaca daweynta, waa la diiwaan-gelinayaa, waxaana anshaxa iyo xushmada mihnadda la siinayaa shahaado. caafimaadka. Heerka Diiwaan-gelinta: Diiwaan-gelin Xarun Caafimaad: 1. Diiwaan-gelin KMG: Qof kasta Waa in codsi loo gudbiyo golaha, oo buuxiyo shuruudaha golaha diiwaan-gelinta kadib waxaa xarun waxaa la siinayaa shahaado KMG sharci ah, waa la diiwaan-gelinayaa ah, waxaana lagu kormeerayaa si loo farmashiyada gaarka ah iyi xurumaha hubiyo tayada waxqabadkiisa si uu u baarista ee gaarka loo leeyahay, helo diiwaan-gelin buuxda. waxaa la cusbooneysiinayaa labadii 2. Diiwaan-gelin Buuxda: Qofka sanaba mar, heysta shahaado la aqoonsan yahay, Rukhsad Mihnadle Caafimaad Joojin: horayna u heystay shahaadada Qofka ma howlgeli karo isaga oo aan diiwaan-gelinta KMG ah, qofkaas si heysan rukhsadda golaha, qofkii ku KMG ah u diiwaan-geshan waxaa xad-gudba waxaa la ganaaxayaa uu galayaa Imtixnaa si uu u helo US$2,000 ama xabsi ama hal sano. diiwaan-gelin buuxda. Codsi Rukhsad: Qofka waa in uu 3. Diiwaan-gelin Takhasusle: codsadaa rukhsad howl-qabad si waxaa xaq u leh qof kasta oo heysta waafaqsan hannaanka degsan ee shahaadada heerka 1aad, in qofka la xiriira daweynta guud, ma codsan mudan yahay una qalmo diiwaankaro isaga oo aan is-diwaangelin, gelinta iyo arrimo kale. Diiwaan-gelinta kadib golaha waa
COSOB 9
Oktoobar 2017
cusbooneysiin karaa ama waa diidi karaa. Muujin: Qofka la siiyo rukhsad waa in uu dhigaa ama ku muujiyaa meel laga arki karo. Baaris iyo Xiritaan Rug Caafimaad: Rugaha caafimaad waxaa baaraya Khubaro aqoon u leh shaqadan, waana la xirayaa haddii ay ku xad-gudbaan shuruudaha rukhsadda, adeeg ay bixiyeen in dad waxyeello ku soo gaartay ama in xarunta jabiso xeerka ama shuruucda. Ansixin Waxbarasho Caafimaad: Xarunta waa in ay golaha hor-dhigtaa barnaamijkeeda waxbrasho, xarun waxbarasho ma bixin karto tababar ama xirfad caafimaad haddii aan la ansixin barnaamijkeeda waxbarasho, xaruntii ku xad-gudbta waxaa la ganaaxayaa US$2,000 ama xabsi hal sono ama labada. Shahaadooyin waxbarashada Ee Shisheeye, golaha waxaa uu tixgelinayaa: in lagu bixiyay Af-ingiriis ama Afcarabi, in tasdiiqin ka wato wasaaradda tacliinta sare iyo arrimaha dibadda, tasdiiqinta ama shaabadda safaaradda Soomaaliya u fadhisa dalka shahaadada bixisay, Tasdiiqin ay bixisay wasaaradda hidaha iyo tacllinta sare. Aqoonsiga Ururada Mihnadleyaasha Caafimaad: Xeerkan waxaa uu aqoonsan yahay dhammaan ururada mihnadleyaasha caafimaad ee kala duwan oo ay leeyihiin
mihnadleyaasha caafimaadka, Xubanaha ururka aysan ka yareyn 11 xubnood, leeyahay dastuur, nuqulka dastuurka uu u soo gudbiyo golaha iyo in shahaadooyinka xubnaha ururka ay si toos ah ula xiriiraan mihnadda ururka caafimaadka ay ka midka yihiin. Xayeysiin: Lama xayeysiin karo Been, dhagar, Bixin hadiyad, cadeymo loogu gol leeyahay marin-habaabin, abuuraya rajooyin dhalanteed ah, kala saarid la’aanta baarista iyo daweynta..Haddii xad-gudubkaasi la helo waxaa xarunta lagu ganaaxayaa: haddii uu shakhi yahay: US$1,000, Haddii xarun caafimaad tahay: US$2,000 Qofna ma shaqaaleysiin karo qof aan loo diiwaangelin minhadda haddii uu ku xad-gudbo waxaa la ganaaxayaa: Shakhsi: US$1500 ama Hey’ad: US$2,000 Xakameynta Mansabka: qofka Mansabta mihnadda si xun u adeegsada waxaa la ganaaxayaa: Shakhsi: US$1,500 ama Hey’ad: US$3,000 Hindise Sharciyeedka golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka waxaa uu sugayaa doodda golaha shacabka, kadib waxaa uu u gudbi doonaa aqalka sare iyo saxiixa madaxweynaha si kadib loogu soo daabaco faafinta rasmiga ah. Cabdi Caziz Gurbiye
COSOB 10
Oktoobar 2017
Warbixin
Jinnigeygaa Neceb
Amiin Yuusuf Khasaaro “Naa Walaalay maalmahan kuuma bogin wajigaaga si-si ayuu ila yahay ee maxaa kugu dhacay”, waxay ku jawaabtay “Naa waa runtaa ayaantaan ma fiicni, haddii aan runta kuu sheegana ninkii aan isqabnay ayaan kala tagnay”, Gabadhii kale ayaa inta ay naxday waxay tiri “Ninkii wanaagsanaa ee Deeqsiga ahaa , Bashaashka ahaa ee Deriska amaaneyn ee aad kuu jeclaa miyaad kala tagteen?”, “Haa Abaayo calafka ayaa dhamaaday”, ayay war ugu soo gaabisay, balse tii kale ayaa su’aal sii weydiisay oo tiri “Naayaahee, Ninka miyaad Masruuf ka weysay mise gogosha ayuu kuu qancin waayey?”, “Maya, maya, Abaayo wax kale ayaa jira”, “Oo maxay yiriin, waxaad ii qarineyso?”, inta ay yara aamustay ayay warkeeda ku furfuratay “Abaayo ninkaa aad ayuu u wanaagsanaa, nin ka wanaagsan in aan arki doonana ma u maleynayo, laakiin Jinnigeyga ayaa nacay”, “Oo inkaar hesho Jinnigaan baas muxuu ahaa?”, “Waa Jinni kugu dhex jira oo mar dadka ku jecleysiiya marna ku necbeysiiya”, “Waa runtaa, nin kale Alle ha kuu sahlo oo Jinnigaaga soo jiita?”. Qoraalkaan waxa uu horudhac u yahay, dhacdooyin dhab ah oo Soomaalidu qabatintay, oo dadka qaarkii ay qabaan in qofka uu ku dhex jiro Jinni wax jecleysiinaya waxna necbeysiinaya. Labo Gabdhood oo sheekeysaneysa ayaa mid waxay leedahay “Alla Walaaley ninkaa aad ayuu u qurxuun yahay, markaad fiiriso socodkiisa iyo laafyihiisa, waxaa ka sii daranba markuu hadlayo waxaad jecleysaneysaa inaadan ka ag dhaqaaqin”
tii kale ayaa iyana leh “Walaalay intaa waan ku arkay balse waxaan kuu sheegayaa in Bidaartiisa uu Jinnigeyga neceb yahay”, middii hore ayaa iyana leh “Walaalay waxaan u maleynayaa in aniga iyo adiga aan isku jinni nahay oo Bidaartiisa weyn ee dhaldhalaaleysa markaan arko Jinkaa igu kaca, marka ninkaas dhib kale ma qabee Bidaartiisaa caqabad ku ah”. Labo Wiil oo dhallinyaro ah oo sheeko meel wanaagsan u mareyso ayaa mid waxa uu leeyahay “Gabadha heblaayaa ma taqaan?”, “Waa Gabadhee saaxiibow?”, ayuu midkii kale weydiiyey “Saaxiib Gabadhii deriskeena ahayd oo cid hebel deriska la ahayd?”, “Haa Saaxiib haddaan gartay, ee gabadhaa iiga waran”, “Saaxiib Gabadhaa aad ayay u qurux badan tahay, markaad fiiriso socodkeeda wajigeeda, balse saaxiib waxaa meesha taala in marka ay hadal damacdo ay lalabo meel kasta oo ay jirtay iiga timaado oo la Qanyo iyo Qaras isku jirta ayaa igu kacda, saaxiib markay hadleyso jinigeyga ayaa neceb”, “Oo saaxiib maba ogeyn Jin miyaad qabtaa, maxay tahay Jinkaan aad ka hadleyso, maxaad mar hore noogu sheegi weysay aan Qur’aan ku saarnee ?”, Kii kale ayaa qoslay “Kkk…kkkk…kkk.. War ha i Habaarin anigu Jin ma qabo, Laakiin waxaan kuu sheegayaa in aan af kala qaadkeeda iyo qosolkeeda aan nacay, Jinkana Saaxiib ulama jeedo Jinkii dadka ku soo degi jiray, ee waxaa la ii sheegay in uu jiro Jini dadka ku dhex abuuran oo waxna ku nacsiiya waxna ku jecleysiiya”, “Waa runtaa saaxiib waxaad arkeysaa wax dadka la fiican adna kula xun oo jinkaagu uusan jecleyn”. Sidaas oo kale marka laga soo tago Jinniga wax necbeysiinta waxaa jira dad iyana aaminsan (Jinnigeygaa Jecel), tusaale waxaa arkeysaa qof, qof kale jecel isla markaana aan xaggiisa laga soo marin, haddii aad wax ka sheegtana maalintaa kala bixi meysaan wax idin kala furfurana la helimaayo, ma xuma in wax la jeclaado laakiin qofka uu jeclaanayo haddii aad arki lahayd niyaddaadu kuma siin lahayn inaad maalin la sheekeysato, haddana qofkaa haddii COSOB 11
Oktoobar 2017
aad weydiiso waxa uu ku jeclaaday waxa uu hadal kuu soo gaabinayaa “Jinnigeygaa jecel”. Aan tusaale u soo qaato sheeko yar oo dhex martay labo gabadhood oo saaxiibo mudo deris ahaa, mid ayaa waxay leedahay “Abaayo, hebel runtii waa nin wanaagsan, waana jeclaaday, waxaana rajeynayaa in aan mustaqbalka is helno”, Laakiin saaxiibteed ayaa afka gacanta saartay oo la soo booday “Naa balaayo hesho ma midkii xumaa ee fool xumad badnaa, ee Ilkaha jajabnaa ee Muqayilka ahaa ee afka cagaarnaa ee isaga dhan Urayey oo is nacay ayaad maanta keentay waan jeclahay, naayaa hee ma indhaa la’ dahay?”, “Abaayo horta sidaas dhan ha ii canaanan waan ogahay intaas oo dhan haddana kama maaro oo waan jeclahay, Ilaahay amarkiis Jinnigeygaa Jecel, marka waxaas oo dhan uma jeedo”. Gabagabadii Jinnigeygaa Neceb iyo Jinnigeygaa Jecel ayaa ah halheys khiyaali ku dhisan marka sida runta ah laga eego, Soomaalida ayaa carabkeeda waxa uu barto inta badan isaga dhegan in laga tirtirana mudo ayay qaadataa, kana waxa uu qayb ka yahay halheysyada caan baxay ee Soomaalida dhexdeeda laga helo, marka ee leeyihiin waxa jira jinni dadka ku dhex abuuran wax jecleysiiya ama necbeysiiya ayaa ah sheeko aan jirin, waxaa dadka ka maqan in Alle (SWC) Insiga iyo Jinkaba abuuray ayna yihiin labo Makhluuq oo kala madaxbanaan oo aan isku dhex abuurneyn, waa jiri karaa Jinni dadka dhex gala oo ku soo dega, waxaana si cad nalookugu bayaaniyey Qur’aanka Kariima waxaana daawo u ah Isla Qur’aanka Kariimka, basle Soomaalida Qaarkood ayaa u haysta in Jinku dadka ku dhex abuuran yahay oo wax jecleysiin karo ama wax necbeysiin karo. In wax la jeclaado ama wax la necbaado waa mid Alle Bini’aadamka ku beeray ee ma ahan mid ka timid dhan Jinni ama dhan kalaba.
YAA SAMEEYA MARADA LAGU DABOOLO KACBADA IMISA BILOOD AYAYSE QAADATAA NAQSHADEYNTEEDA? noloshooda geliyay shaqadaasi waxaana ay u badan yihiin dad ku dhow howl gab sanadaha soo socda. Maxamed Cabdullah Bajowdah oo ah maamumaha shirkaddan oo u warramayay Reuters ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in mustaqbalka ay shaqo geliyaan jiil da’yar, waxaana loo dhameystiray qalabkii casriga ahaa ee howshaasi lagu hagaajin lahaa. Illaa 200 qofood ayaa ka shaqeysa xardhidda marada kacbada taas oo qaadata muddo 9 bilood ah, waxaana taariikhda qurxinta maradani ay soo bilaabatay Islaamka ka hor iyadoo socota illaa iyo maanta. Waddanka Masar ayaa muddo qarniyaal ah Sucuudiga Yaa sameeya Marada lagu Daboolo Kacbada imisa Bilood u soo sameyn jiray marada lagu gedaamo kacbada illaa ayayse qaadataa Naqshadeynteeda? sanadkii 1962-kii, xilligaas oo sameynta maradan u soo Marada lagu daboolo kacbada barakeysan ee loo yaqaan wareegtay Sucuudiga waxaana magaallada Maka laga ‘Al-Kiswah’ ayaa naqshadeynteedu waxay qaadataa waqti dhisay warshadda lagu sameeyo dharka kacbada sanadkii fog, waxaana ka shaqeeya rag fara badan oo Sucuudiyaan 1977-kii. ah kuwaas oo da’doodu u dhexeyso 40 illaa 50 sanadood. Dunta xariirta ah ee marada kacbadu ka sameysan tahay Xarunta weyn ee lagu sameeyo maradaasi qiimaha leh taasoo gaaraysa 670kg oo xariir saafi ah ay ka soo qaataan ayaa waxay waddanka Talyaaniga, halka Dunta qallinka ah iyo dunta ku taallaa magaallada Maka Al Mukarama waxaana ay dahabka ahna ay ka keensadaan waddanka Jarmalka. ka sameysan tahay xariir, dahab iyo qallin, iyadoo sanad Aayadaha Qur’aanka ee ku qoran marada kacbada ayaa walba maalinta Carafa maradaasi laga beddelo kacbada, waxay qaataan 60 maalmood si loo tolo, iyadoo guud Ragga naqshadeeya marada kacbada ayaa intooda badan ahaanna howshan ay ku baxdo 6.67 Milyan oo Dollar.
WAA MAXAY XIRIIRKA KA DHAXEEYA MUUSKA IYO RAGANIMADA bulshooyinka caalamku ay soo daliishan jireen muddo fog laakiin waayadii dambe waxaa la ogaaday in Muuskuba uusan sahlanayn oo uu yahay mid ay ku dhan yihiin faa’iidooyin caafimaad oo fara badan. Qofkii doonaya caafimaad iyo ragannimo aan hoos u dhac lahayn waxaa lagula talinayaa in uu joogteysto cunista Muuska ugu yaraan xabad muus ah maalintii haddii uu ka sii badin karana way fiican tahay. Ciyaartoyda iyo ragga jirkooda dhisa ayaa badsada cunista Muuska sababtoo ah waxaa ku jira maadooyin fara badan oo muhiim u ah jirka bani’aadamka oo ay ka mid yihiin: •Potassium •Magnesium •Protein •Phosphorous •Calcium •Selenium •Iron •Zinc •Manganese •Copper •Folate •Vitamin A •Vitamins B1, B2, B3, B5 and B6 •Vitamin C •Vitamin E Muusku waxa uu sare u qaadaa rabitaanka Galmada, Muddo Qarniyaal ah waxaa raggu ay ku howlanaayeen waxaana ku jira labada maaddo ee Magnesium iyo in ay helaan Cuntooyin dardar gelin kara awooddooda Manganese oo faa’iido u leh Qanjirka Xaniinyaha ee ragga. raganimo ee dhinaca Sariirta, waxaana inta badan ay Waxaa kale oo ku jira Muuska, gaar ahaan midkiisa Jaallaha Dukaammada cuntada ka baadi goobaan qaar ka mid ah Bromelain iyo Vitamin B kuwaas oo labaduba qayb ah cuntooyin loogu tilmaamay inay awood dheeri ah ka weyn ka qaata hagaajinta hormoonka dhinaca galmada helayaan. waxaana ay kordhiyaan rabitaanka jinsiga. Ragga doonaya Haddaba Daraasadihii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in ay natiijo ka keenaan kulanka sariirta ayaa waxay u in Muuska oo ka mid ah Miraha ay Soomaalidu aadka u cunto uu yahay mid kaalin mug leh ka qaadanaya awoodda baahan yihiin in ay 1 Muus ah cunaan saacad ka hor kulan ragga . Waxaa jirta oraah oranaysa “An apple a day keeps ciyaareedkaasi adag. Muusku waxa uu leeyahay keyd tamar the doctor away” (Hal Tufaaf oo aad maalintii cunto waxaad oo ay aad ugu baahan yihiin dhammaan ragga mar kasta oo ay howl adag qabanayaan. kaga maarmaysaa inaad dhaqtar u baahato) taas oo COSOB 12
Oktoobar 2017
MAXAA MAGACYO HAWEEN LOOGU BIXIYAA DUUFAANNADA KU DHUFTA DALKA MAREYKANKA?
Waxaa ayaan dhoweyd ay Duufaanno Roobab wata ku dhufteen qaybo ka mid ah dalka Mareykanka, waxaana durbadiiba loo bixiyay duufaantii Harvey, waxaa xigtay laba duufaan oo kale iyagana loo bixiyay Duufaantii Irma iyo Maria. Haddaba xaggeey ka yimaadeen magacyadani, yaase bixiya? Waagii hore musiibooyinka Mareykanka waxaa loogu magac dari jiray xilliga ay dheceen ama magaallada/ gobolka ay ku dhufteen, sida Duufaantii 1983, ama Duufaantii Florida. Sanadkii 1953’ ayaa hay’adda Saadaasha hawada
Mareykanku ay bilaabeen in ay magacyo u bixiyaan duufaanta, waxaana ay ku bilaabeen magacyo dumar ah, maadaama erayga ‘Huricane/duufaan’ uu yahay eray dheddig ah, laakiin ururrada u dooda xuquuqda haweenka ayaa arrintaasi ka hor yimid, waxaana kaddib sanadkii 1979’ laanta Saadaasha hawada Mareykanku ay isku dheeli tirtay magac bixinta iyadoo bilowday adeegsiga magacyada ragga. Magacyadan Dabeylaha iyo musiibada loo bixinayo ayaa ku socda xuruufta Hingaadda, iyadoo balaayadii timaaddaba xarafkeeda lagu hagaajinayo.
COSOB 13
Oktoobar 2017
JAALLE MADAXWEYNE HADDII AADAN II SAXIIXIN BARASHADA DUULIYA-NIMADA WAXA AAN KU QASBAYAA QOYSKEYGA IN AY DIBADDA II DIRAAN.
Marka Taariikhda Africa dib loogu laabto waxaa Qaaradani soo martay saddex Haween ah kuwaasi oo sanado kala duwan noqday duuliyaal-diyaaradeed,Sanadkii 1976kii Haweeney lagu magacaabo Asli Xasan Cabaade oo soomaali ah ayaa kicisay diyaaradihii kala ahaa SISNA150 ,SF205 ,SF206 kuwaasi oo ahaa nooca Miiga oo ay lahaayeen ciidanka Cirka maadaama ay ciidankaasi kali ku aheyd Haween ahaan. Sidoo kale dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa sanadihii 1993-kii iyo 2010 kii yeeshay Haween Duuliyaal ah waxaa taariikhada ku cad in Africa ay Soomaaliya ugu horeysay Haweeney Duuliya-diyaaradeed noqota. Asli Xasan Cabaade oo Sanadkii 1976-kii kicisay diyaaradii ugu horeysay ka dib barashada duuliya-nimadeed ,waxa ay muddo ku bixisay in ay barato sida diyaarada loo duuliyo ,waxa ay aheyd gabar dhalinyaro ah oo ku jirtay waxbarashada aas aasiga ah ,xiligii ay ku hamineysay barashada duuliya-nimadda ,sababta ku xambaartay waxa ay ku sheegtay in ay ku nooleyd meel aan sidaasi uga fogeyn xarunta ciidanka Cirka ee Afisyooni, waxa ay muddo sheeda ka daawaneysay diyaaradaha ku soo dega iyo kuwa ka kaca dhabaha diyaaradaha ,gaar ahaan
kuwa Ciidanka Cirka ,ugu danbeyntii waxa ay ku biirtay Ciidankaasi si ay duuliye u noqoto. Asli waxaa u saxiixay in ay wadista diyaaradaha baran karto Madaxweynihii xiligaasi Maxamed Siyaad Barre in kastoo su’aalo dhowr ah uu ka weydiiyay shaqada ay qaabileyso, Ka sokow Duuliya-nimada ay baratay waxa ay dalka Mareykanka oo ay muddo ka badan 30 sano ku nooshahay ka baratay Daryeelka Caafimaadka Qoyska ,waxa ay muddo 20 sano ah ka shaqeyneysaa Isbitaal ku yaalla Mareykanka oo ay dowladaasi leedahay, waxaa intaasi u soo raacay barashada Cilmiga Xisaabaadka , iyo barashada Fidinta Diinta Islaamka iyada oo ka qeyb qaadatay soo Musliminta 6 qof. Duuliye Asli oo ah Hooyo 60 sano jir ah oo wali isku heysa qoyskeeda carruurteeda iyo kuwa ay Ayeeyo u tahay waxa ay timid muqdisho sanadihii 2011-kii iyo 2017-kii tan iyo dhicistii dowladdii dhexe Nasriin Maxamed Ibraahim ayaa kula kulantay Muqdisho waxa ay la yeelatay wareysi ku saabsan sida ay ku baratay Duuliyanimada. Wariye Nasriin : Sidee ayay kuugu suurta gashay in aad duuliye noqoto?
COSOB 14
Oktoobar 2017
Haweenka
Duuliye Asli : Waxa aan ka mid ahaa ciidanka cirka waxa aan ku noolaa meel aan sidaasi uga fogeyn xarunta ciidanka cirka waxa aan si joogta ah u arki jiray diyaaradahooda oo dagayo marna kacayo ,aniga oo ardey ah ayaan ku fikiray in aan mar un kiciyo diyaaradaasi. dadaal ka dib waxaa ii ogolaaday Madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre in kastoo su’aalo dhowr ah uu iga weydiiyay Hamigeyga, ugu danbeyn wuu ii saxiixay sidaasi ayaana ku aaday macadkii lagu baranayay. Wariye Nasriin : Ma kali ayaad ku aheyd Duuliyanimada mise waxaa jiray gabdho kale oo Duuliyaal ahaa? Duuliye Asli : Kaligey ayaan ku ahaa dhowr mar ayaan isku dayay in dumar badan aan ku soo biiriyo duuliyanimada laakiin wey iga diideen sababta oo ah ma aheyn dad
ka helo in ay duuliyaan diyaaradaha. Wariye Nasriin : Diyaaradaha aad duulin jirtay noocee ayay ahaayeen ? Duuliye Asli : Waxa aan kicin jiray diyaaradaha dagaalka gaar ahaan kuwii ay lahaayeen ciidanka cirka ,waan soo bartay sida loo duuliyo kuwa rakaabka balse markii aan rabay in aan kiciyo waxa aan tobabar u aaday dalka Mareykanka aniga oo maqan ayay dhacday dowladii dhexe. Wariye Nasriin : Ka sokow duuliyanimadaada ma jiraan waxyaabo kale oo aad baratay oo aad ku shaqeysato ? Duuliye Asli : Haa waxa aan bartay Dayeelka Caafimaadka Qoyska waxa aan muddo ka badan 20 sano ka shaqeynayaa isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka oo ay dowladda leedahay kaasi oo ah isbitaalk lagu COSOB 15
Oktoobar 2017
daryeelo qoysaska. Wariye Nasriin : Kuwee ayaa ka mid ahaa sheekooyinkii ugu yaabka badnaa ee kaa qabsaday qoysaskii aad adeega u qaban jirtay ? Duuliye Asli : Waxa aan dhib badan ka marnay maareynta Soomaalida Mareykanka soo galayay sababta oo ah ma aysan aqoon dhaqanka ,luuqada iyo nolosha sida ay tahay ,waxaa waqti badan nagu qaadatay in aan fahamsiino sida loo noolaado marka Mareykanka la joogo.
Wareysiga Waxaa qaaday Nasriin Maxamed Ibraahim
Haweenka iyo Nolosha (2)
Haweenku waxay ahaayeen awood xoog badan oo lagu xisaabtamo, waxaaana caado ahayd in marka ninku guursanayo uu waqti badan galin jiray, ujeedaduna waxay ahayd in ninkaasi xoolaha uu bixinayo ay noqdaan kuwo u keena haweeney uu ka kaashado noloshiisa inta dhiman, haweenka waa lagu dhaaran jiray markii xaaladu xun tahay, oo hadii ninku arin ku xilo dalaaqo waa laga joogi jiray wax kastoy tahay, waayo waxaa la ogaa qiimaha ay ku fadhido xilo dalaaqu. Dhaqanka soomaalidu haweenka waxay aaminsanaayeen in qaybta ugu mihiimsan kaga jiraan horumarka ninka, waxayna maah maah u soo qaadan jireen, sedex nin mid maalin ma gaartid, nina sanad ma gaartid, midka kalana waligaa ma gaartid. Nin maalin ma gaartid waa ninka kaa faras wanaagsan oo faraskiisu kaaga ka dheereeyo maalintaa ma gaartid. Nina sannad ma gaartid, waa ninka sannadkaa xoolihiisu doog daaqeen adiguna aad abaar joogtid, sannadkaa ma gaartid oo waa kaa xoolo wanaagsan yahay. Nina waligaa ma gaartid oo waa ninka kaa naag
wanaagsan. Sida ka muuqata maah maahdaan waxaa ku jira cilmi wayn, sabaabtoo ah guriga hooyo wanagsan ay joogto waxaad arkaysaa in ilmuhu iyo ninkuba wanaagsan yihin, ninkuna wal wal iyo walaac dhinaca guriga ah ma qabo sidaa ayuu ku xoogsi tagaa oo rag wax la soo qaybsadaa, marse hadii guriga laga haysto oo dayacaad iyo culays gadaal ka haysto ma suuro galayso inuu dibada waxa badan ka soo qabto , waayo waxa u baahan shaqooyinkii guriga inuu wax ka qabto oo wax ka toosiyo. Mar haday qiimahaa dumarku lahaayeen waxaa lagu qiimeeyay in noloshu aysan macno iyo wanaag lahayn hadaan haween kula jirin oo kaala shaqayn halganka aad nolosha kula jirtid. Isagoo muujinaya booska haweenku ku leeyihiina ayaa abwaanka Soomaliyeeed Mohomed ibraahin hadraawi ku sheegay tix gabay ah oo yar, Haweenka maadama ay booskaa joogeen waa lagu loolami jiray oo la isku garbin jiray, waxaana dhici jirtay iyadoo la eegayo waalidka iyo magaca uu deegaanka ku leeyahay in inan yar oo aan soo korin la sii doono , si COSOB 16
Oktoobar 2017
markay waynaato aan la isugu qabsan , waxaa kaloo dhici jirtay in haweeney u doonan nin uu nin kale dhaco xoog iyo xeelad wuxuu adeegsadaba, siday doonta ha ku dhacdee hadii arinkaasi dhaco waxaa ka dhalan jiray dagaal iyo colaad keenta in rag is dilo ama beelo isku laayaan. Waxyaabaha Qaaliga ah ee Soomaalidu haysatay sidda, Geela, Fardaha, iyo hubka ama Qoriga, wax laga dhiibo iyagoo wada socda waxaa jiray haweeney la doonayo in la guursado, lama sheegin wax kale oo lagu bedeshay ama laga bixiyay, Ragga la dilay waxaa laga bixin jiray Geel iyo qori laakiin Faras kuma jirin, waxaa kaliya ee faras la siin jiray waxuu ahaa xididka ama qoyska gabadha laga doonayo waxaaana halkaa ka fahmaysaa xurmadda loo hayo dhismaha qoyska iyo xididkaba. Farasku waxuu la miisaan ahaa gaari tekniko ah oo qoyska lagu difaaco ama lagu weeraro reer kale si Geel loogu soo dhaco.Ninka bixiyana wuxuu heli jiray xurmo iyo magac, gabadha laga dhiibana waxay ahayd mid ka soocan gabdhaha kale. Aw jamac cumar ciise wuxuu buugiisa geela, fardaha iyo
Haweenka haweenka ku qoray gabay ay isugu faaneen oo mid waliba yiri anaa qiimo leh wuxuuna ku caddeeyay in gabadhu geel iyo farasba laga bixiyo oo iyadu qiimo wayn leedahay. Haweenka iyo caruurtu waxay ka mid yihiin waxyaabaha loogu jecel yahay dunidda, waxaa la siiyaa xaq dhowr gaar ah, waa loo naxariistaa, waa loo debecsan yahay, sababtuna meel fog ha ka raadin, waa abuuris eebe, waxaa jira ayaad oronaysa . waxaa la idin jeclaysiiyay waxyaabaha dadka so jiita oo ay ugu horeeyaaan haweenka, Haweenku waxay hayaan shaqada ugu adag ee qof qabto oo ah korinta iyo haynta carruurta , waa kuwa ababiya, waxa bara, koriya, isla markaana af bara ragoo dhan noocuu doono ha noqdee , geesi, deeqsi, bakhayl, madaxwayne, aqoonyahan, caaqil, suldaan, iyo doqon. Waxayna haweenku soo saaraan dhamaan dadka dunida jooga oo la,aantood aan heli lahayn meel ay ka soo unkamaan. Diinteena iyo dhaqankaba haweenka aad loo xurmeeyaa, waqtiyada dadku colaadaha ku jiraan lama dillo , xoolo la dhacay oo gabar la qabo ka daba timaadana waa la celin jiray, waxayna udub dhexaad u ahaayeen nabada iyo colaadaha reer miyiga ka jiray. Dhinaca colaadaha waxaa dhacday in haweenka oo la xumeeyo ay ka dhalan jirtay colaad aan waxba la isula harin, sidoo kale waxaa ka dhalan jiray haween la dhacay colaad rag badan ku dhinto ama keenta xaalad kudhow. Taariikhda soomaalida waxaa ugu cuslaa haween la isku qabtay caban xuseen cilmi oo ay isku qabteen garaad wiil waal iyo Raage ugas, gabadhaas waxaa u doonanays raage ugas waxaana raage oo mudo sanado ah maqanaa ka dib ka faaidaystay will waal oo la aqal galay, gabadhaan la iskuma dilin laakiin waxay ka tagtay murti iyo macno wayn oo taariikhda gashay. Gabadha labaad ee rag badani u dhinteen waxay ahayd, samawada ahmed Siciid oo ay ku dagaalameen , faarax afxakame iyo cali duulane. Labaduba waxay ahaayeen laba abaandule oo isku hayb ah guud ahaan laakin xlif ka dhaxaysay. Samawada Cali duulane ayaa doonayd oo loo soo diray iyada iyo dhibaadeedii , lakin waxaa si hunguri xumo ah udhacay faarah afxakame , dagaakii ka dhasahay waxaa lasheegaa inay rag badan ku dhinteen oo ay ku jiraan labdii isku
qabsatay. Sidoo kale haweenka waa lagu dhaaran jiray , ninku markuu xilo furo waa laga yeeli jiray wuxuu ku xila furay wax kastoo ay tahay, waayo waxaa loo arkayay waxa ka dambeeya xila fur inaysan jirinba. Dhinaca nabada haweenku markii colaadi dhexmaro laba reer waxaa lagu nabdi jiray markii la bixiyo gabar gadob reeb ah, waxayna ahaayeen nabad dhaliyayaal run ah oo aan colaad ka dambayn. Qoyska soomaalidu waxaa aas’aas u ah haweenka , waayo ragu waa soo xoojiyaan wayna shaqa tagaan , guriga masuuliyadiisa hoose oo dhan waxa haya waa haweenka, ragu inta badan meeshay u hoydaan waxa uga horeeya haweeney uu doortay kana caawinaysa halaganka nolosha. Halkaa waxaa ka dhasha waxa aan u naqaan qoys oo ah nin iyo haweeney isku afgartay inay wada noolaadaan oo dhisaan qoys iska kaashada nolosha iyo isbadalka dunidda. Haweenka oo ka kooban dhowr nooc , marka ugu horeysa waa inan, marka labaad waa hooyo , marka u dambasana waa ayeeyo. Sedexdaa marxalo oo markii ay ka gudubto caruurnimada ay gasho mid walba waa la jecelyahay, Markii ay inanta tahay waa markay ugu qurux badan tahay, waa markay isu diyaariso inay hooyo noqoto, waa markii nin kastaa hami ka galo oo uu doonayo inay ooridiisa noqoto, waa marka loo quuro xoolo oo idil. Marxaladaan haweenku waxay jecelyihiin inay ka gudbaan oo ay noqoto hooyo. Markay hooyo noqoto waa waxay isu badashay warshad waayo waxay dhalaysaa, korinaysaa , oo ay xanaanaysaa ubad oo ah waxa ugu qaalisan ee maanta dunida laga helo. Hooyada waa la amaanay waxaan lagu ammaanay siyaabo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan. Abwaan hadraawi ayaa yidhi . Hooyooy La,aantaa Higgaad lama Barteenoo. Hooyooy La,aantaa Hadal lama kareenoo. Ruuxaadan Habinoo, kolba aadan COSOB 17
Oktoobar 2017
Heesiyo, Hoobay ku Sabinoo, Hawshaada waayaa Hanaqaadimaayee. Hooyoy Taftaadaa Dugsi laga helaayoo. Hooyoy Dhabtaadaa Hurdo lagu Gam’aayoo. Hooyoy Dushaadaa Nabad lagu Helaayoo. Waxa lagu Halmaalaa Hooyo Ababintaadee. Hayin lagu Baraaraay,Hogol lagu Qaboobaay. Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey, Hiddo lagu Arooraay !!!! Inta aad Hooyo Nooshahay Hambalyo Salaan baan Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo Xaqdhawr baan Dusha kaa huwinayaa, Hooyo Dhimashadaaduna Hoogeyga waayee,waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo Hiyiga iyo Laabtaan kugu haynayaayoo !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! !!!! Hangal baan u xirayaa inta haada duushiyo idil habar dugaageed IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON Abwaan Hadraawi asagoo Qiimaha Hooyada tilmaamaaya oo ka hadlaaya waxa Hooyada Fiican lagu garto, wuxuu yiri : • Marka aad Nin hoogiyo • ka Hortagga Dagaalkoo • Dabkaa Hura Bakhtiiyoo • Garta Hubin Yaqaanoo • Xaqa Hoos u Eegoo. • Halista & Colaadaha • Ku Hagoogto Dhiigoo • Dadka kala hagaajoo kala haga • Dhashaa Baa Hooyo Lagu Xasuustaa. Lo soco qaybta dembe.
Osman Sh Ahmed
Howl-Gabka Qanjidhka Dhuunta Ee Thyroid Hypothyroidism (Cudur Haweenka Soomaalida Ku Badan)
Qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku yaallaa dhuunta, wuxuuna labada dhinac ka xigaa tuunbada hawa mareenka qeybteeda kore sida sawirkan hoose ka muuqdo, Qanjidhkani wuxuu soo saaraa dheecaano hormoon ah oo jidhku aanu ka maarmi karin. Waa Maxay Cilladaha Ku Dhaca Qanjidhka Dhuunta Ee Thyroid Gland? Cilladaha qanjidhka waxaa u badan laba nooc oo kala ah in qanjidhkani uu howlgabo oo uu keeno cudurka aan ka hadlayno hadda ee loo yaqaanno “Hypothyroidism” iyo inay dheecaannada uu soo deynayo siyaado noqdaan oo markaasna loo yaqaano Kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka, Luuqadda Ingiriisidana loogu yeedho “Hyperthyroidism”. Waa laba cudur oo lid isku ah, calaamadahooda iyo daaweyntaba way ku kala duwan yihiin. Waa Maxay Howlgabka Qanjidhka Thyroid-Ka (Hypothryoidism)? Howl-gabka qanjidhka toroodhka macnihiisu waa in heerka dheecaanada hormoonka ee hoos u dhacaan, haddii hormoonno jidhka ku filan uu qanjidhkani soo saari waayo waxaa qofka uu dareemaa ama ka soo muuqda astaamo dhowr ah oo lagu garto xanuunkan. Xanuunka dhacsanaanta ama howlgabka qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku badan yahay haweenka da’ dhaxaadka ah, dumarkeenna Soomaalida aad ayuu ugu badan yahay, laakiin nasiib darro badanaa dhakhaatiirtu si dhakhso ah uguma baraarugaan, maadaama calaamadaha la dareemaa ay u ekaan karaan cudurro kale. Haddii qofka xanuunkan qabaa aan la garanin, ma bogsado oo sheegashadiisa ayaa badata. Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Howl-gabka Qanjidhka Thyroid-Ka? Calaamadaha la dareemaa waxay ku xidhan tahay heerka uu marayo xanuunkaagu, haddii uu xanuunkani uu muddo ku hayay waxaad dareemaysaa calaamado ka duwan marka uu kugu cusub yahay.
CALAAMADAHA LA DAREEMO WAXAA UGU HORREEYA
1- Caajis Iyo Daal (haweenka qaarkood, daal iyo tabar darri awgeed, markay xoogaa socdaan waa in ay nastaan oo ay fadhiistaan!!) 2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajisku aad kuugu bato. 3- Calool-istaag 4- Miisaankaaga oo kordha adigoo aan cunin cunto badan 5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan
COSOB 18
Oktoobar 2017
Caafimaadka
yahay ama daamankaagu noqdaan kuwo sidii buufimada bararay, dadkuna u maleeyaan in aad naaxday. 6- Codka Oo Xabeeb Yeesha 7- Murqo Xanuun Iyo Tabardarri Aadan Si Sahlan Fadhiga Uga Istaagi Karin Illaa Inaad Wax Qabsato Ama Aad Afarta Ku Kacdo Mooyee. 8- Is Goysyada Xaglaha oo xanuun ama barar aad ka dareento 9- Caadada oo kaa wareerta ama siyaado noqoto socodkeedu. 10- Timaha oo khafiif noqda ama inay kaa googo’ayaan aad dareento 11- Maqaarka jidhkaaga oo cawlaan noqda ama qallayl noqda 12- Hilmaan aadan horay u qabi jirin ama caajis maskaxeed. 13- Qanjidhka oo soo kuusma ama barara, qofkane uu dareemo in dhuunta laga Cadaadinayo (xanuun-ka howlgabka qanjirkani qasab uma aha in qanjidhku uu bararo). Haddii aan la daaweyn, calaamadahan way ka sii dareen oo qofka way ku xumaadaan oo waxaa dhici karta inay heer kale isku badasho oo cadaadiska dhiigaaga hoos u dhaco, neefsashada ku dhibto, heer-kulka jidhkaaguna uu dhaco oo xitaa ay dhici karto in aad coma “suuxdin” gashid. Caruurta wuu ku dhici karaa xanuunkani calaamadaha laga dareemaana way ka duwan yihiin kuwa aan kor ku soo xusay waxaa ka mid ah: Indhaha iyo maqaarka oo Midab Hurdi ah noqda sida Jooniska (Cagaarshaw) oo kale, saxasho markuu naaska nuugayo, carrab weyn oo afka dibadiisa u soo baxsan iyo wajiga oo barara, markuu xanuunkani ku sii daba dheeraado waxaa caruurta lagu arkaa saxaro adeyg, murqaha oo daciif ah, dhaqdhaqaaq la’aan iyo hurdo siyaado ah. Haddii si dhakhso ah looga gaadhi waayo, xanuunkan wuxuu caruurta ku ridaa doqonnimo oo korriinka maskaxdooda ayuu wax u dhimaa. Badanaa hooyooyinka qaba xanuunka kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka ee qaata daawooyin lagu dajiyo hormoonnada haddii ay uur yeeshaan iyagoo daawada qaadanaya, waxay caruurtood halis ugu jiraan in qanjidhkooda uu howlgabo daawada hoyadood ay qaadanaysay darteed. Maxaa Keena Howl-gabka Qanjidhka Thyroid-Ka? Howlgabka qanjidhka thyroidka waxaa keena: 1- Caabuq ku dhaca qanjidhka oo dila unugyadii soo saari lahaa dheecaannada hormoonka 2- In qof qabay kacsanaan qanjidhka thyroid ka ah la siiyay daawo dajinaysa oo badan taasoo keentay in qanjidhkii uu howlgabo 3- In qofka uu ku yaryahay jidhkiisa maadada hormoonka laga sameeyo loona yaqaano “Iodine”. 4- Qanjidh kale oo maskaxda ku yaalla loona yaqaanno
“Pituitary” shaqadiisuna ay ka mid tahay in uu kontoroolo amarna siiyo qanjidhkan thyroidka oo cilladaysan. 5- In qanjidhka gabi ahaantiisba qofka laga saaray xanuun ama buro ka soo baxday awgeed. 5- Daawooyinka qaar. 6- Uurka, hooyooyinka xilliga uurka ay ku jiraan qanjidhkaani shaqadiisu waa ay yaraataa. 7- Midda ugu dambaysaa waxay tahay in ay ilmaha ku dhalan karaan howlgabkaan haddii hooyada ay ku yarayd jirkeeda maada “Iodine” ama cunugaba uusan lahayn qanjirka ama qanjirka uu ka cillaydaysan xag eebbe. Sidee lagu ogaan karaa in aan xanuunkaan qabo? Waxaa lagu ogaan karaa in dhiigga laga baaro iyadoo la fiirinayo heerka ay joogaan dheecaannada qanjirka thyroid-ka inay dhacsan yihiin, inay kacsan yihiin iyo inay dabiici yihiin intaba. Haddii Aan Qabo Howlgab Qanjidhka Thyroid-Ka, Daawo Ma Leeyahay? Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniin baddala hormoonka maqan, daawadaasi oo loo yaqaanno “Thyroxine” oo hal kaniin la qaato maalin kasta si joogto ah inta aad nooshahay. Daawadan si fiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilna way qarsoomaan. Waa muhiim in aad dhakhtar la xidhiidhid inta aad daawada qaadanaysid si loo hubiyo cabbirka kiniinka lagu siiyay uu kugu filan yahay. Talooyin: – Ku dadaal in aad daawadaada joogtaysid. – Haddii aad isku aragto calaamadihii oo dib kugu soo laabtay adoo daawada qaadanaya, dhakhtarkaaga si dhakhso ah ula xidhiidh – Haddii aad isku aragto dhidid badan ama wadna garaac, ku laaba dhakhtarkaaga, waxaa dhici karta in cabbirka daawada ay kugu badan tahay. – Haddii aad doonaysid in aad uur qaadid la tasho dhakhtar.
COSOB 19
Dr. Ahmed Abdulahi Hussein (Dr-Saacid)
Oktoobar 2017
25 Siyaabod Aad Naftaada Ku Dhiiri Galin Kartid. Ma jirta hawl intaad bilowday ka dibna aad ka caajistay ama ka niyad jabtay? Waxa la idhi hadaad heli lahayd qof markasta ku ag taagan ama ku ag jooga oo mar walba naftada wanaaga iyo wixi anfac leh kugu dhirin laha bani aadmiga dadka ugu roon ayaad noqon lahayd. Hadaba madama aanad helayn qof markasta inta kula taagan maxaa xal ah? Xagan waxan kuso qodobeeyey siyaabaha ugu fudud ee aad naftaada ku dhiri galin lahayd.
ama ugu adag aad maalinta leedahay isla markiiba waxaad dareenmaysa in maalinkaagu fududaday.
1. Naftaada heshiis la gal:heshiiska aad naftaada la galaysid wuxu noqon kara mid yar ama mid wayn. Tusaale ahaan naftaada waxaad ku tirahdaa hadaan laba bog o quranka ah aan qaybo casho qaali ah ayaan caawa suuqa ka cunaya.
8. Naftada cid aan ahayn ha barbar dhigin: markaad naftaada aad barbar dhigtid qof kale wuxu dhaawac u gayn kara kalsoonidaada iyo dhiranaantada, waayo markasta waxa jira qof kaa gulo badan. Waxa haboon inaad naftada oo kaliya is barbar dhigtid, sanadkan sanadkii hore maxa isbedel naftayda ku imi iyo maxan hor mar gaadhay.
2. Iska dhig qof markiisa hore dhiiran: haday jirto hawl aanad u dhiranayn inaad qabatid ama caajis ku hayo waxaad markaaga hore si nafsaaniyad ah naftada uga dhigta qof xiiso hawsha u haya. Waxa la yaab leh isla daqiiqado gudahood niyadaadu wey isbedalaysa oo xiisaa ku galaya. 3. Waxad iswaydiisa su’aalo niyadaada kor u qaadaya: subax kasta markaad toostid waxaad iswaydiisa su’aalahan oo kale: Wa maxay waxaan ku faraxsanahay maanta? Wa maxay sababta aan waxan ugu faraxsanahay? Dareen nooce ah ayu waxani (ku bedel waxa ka farxinaya xagan) i galinaya? Waa muhim inaad dareenta sidu ku dareensiinayo. Markan ka fakiro siiba su’aasha u danbaysa waxa i gala dareen farxad badan. Ha isku soo koobin su’aalahan oo kaliya, ka fakir qaado ka dibna su’aalo nolashaada ku saabsan oo ku farxad galinaya ama ku xiiso galinaya is waydii subax kasta. 4. Yeelo hadaf sareeya:waa inaad yeelata hadaf wayn iyo hadaf cayiman. Hadafka sareeya wuxu naftaada galin karaa dhiro galin badan siiba markad maalinkasta inyar inyar hadafkaaga inyar u jirsato. 5. Waxaad ka bilowda wax yar kadibna hore u soco:waxaad ka bilaabi karta oo kaliya inaad miiska aad wax ku akhrisanaysid iska habayso ama masaxdo ama aad agagaarkaaga iska nidaamiso, markaad intaa qabatid waxa ku helaya dareen ah inaad wax qabatay kadibna hore ayaad uga socon karta ama hawshaada u gudo gali karta. 6. Hawshaada inta ugu culus ama ugu adag ka bilow:markaad isdhaafisid ama qabatid hawsha ugu culus
7. Wakhtigaaga qaado markad hawsha bilaabaysid:xagaad hawshaada si dagdag ah ama qabqab ah ugu bilaabi lahayd waxa qurux badan inaad wakhtigaaga ku qaadatid iyo si xasiloon inta hore kadibna aad xawarahaaga kordhisid.
9. Xasuusno guulaha aad gaadhay: waxa si fudud loo ilaabi kara guulaha aad gaadhay waxana markasta qofkasta ku soo laabta gul darada kaga timi nolasha. Marka si aad horumar nolashaada u gaadhid waa inaad labadan kala badashid oo xasuusnaata guulahad gaadhay. 10. Ku dayo dadka wanwanaagsan: ma leedahay qof aad hiigsatid ama aad jeceshahay sifaadkooda? Waxa nooloshaada bedali kara ama kobcin kara inaad dadka sifaadka wanaagsan kaga dayatid. 11. Ha ilaabin inaad naftaada madadaalisid: si aanad stress ama culays badan u dareenmin waa inaad naftaada madadaalisid. 12. Ka bax waxa la idhahdo Baaxada Kalsoonida (Comfort Zone): baaxada kalsoonidu waxa loo tarjumi kara waxyaabaha aad markasta si fudud amaba si aan cabsi ku jirin u qaban kartid. Tusaale ahaan hadaad ka baqatid inaad dad hor istaagtid ama ka hor khudbadaysid kuma jirto baaxada kalsoonidada. Markaa isku day inaad markasta balaadhisid baaxada kalsoonidada oo qabatid waxyaabaha naftaada ku adag ama ay ka cabsato. 13. Ha ka baqin guul darada: guul daradu waa qayb ka mid ah nolosha wa cashar ka mid ah casharada nolosha, ha ku noqoto tix raaca guuloynka mustaqbalkaaga. 14. Baadhintaan ka sii samee hawshad qaban doontid: markaad baadhitaan si samaysid hawl aad qaban doontid ama aad waydiisid dad horta hawshan qabtay waxad ka sii baaran dagi karta dhibaatoynka ka hor iman kara. Laakin yaanu noqon wax ku niyad jabiya markad maqashid dhibatoynka ka hor iman kara. 15. Waa inaad garataa asbaabta aad hawshan u qabanaysid: hadaanad ogayn sababaha aad hawshan u qabanaysid ama aanad lahayn asbaab adag o ku qancisa
COSOB 20
Oktoobar 2017
Haka Quusan Guusha
wuxu kugu keeni kara inaad hawsha caajis badan ka muujisid. 16. Sii qor hadafkaaga iyo sababaha aad hadafkan u leedahay: ku dhaji meel aad arki kartid maalinkasta ama sariirtaada agteeda ama computerkaaga wallpaperkiisa si aad u xasuusnaato. 17. Ku dadaal markasta niyadaada iyo fikirkaagu inu noqdo mid positive ah: markasta hadaad wanaag ka fakirtid iyo aad wanaag samaysid niyadaadu wixi noqonaysa mid farxad badan. Ilaahi ayaa qoray qadarka markaa waa inu noqda mid aad markasta ku qanacsantahay. 18. TVga iska yaree: TVgu wuxu noqday waxa ugu wakhti lumis badan. Ku dadaal inaad yareesid hadaanad goyn karayn. 19. Hawsha yaryare: hawshad leedhay markaad yaryaraysid waxay noqonaysa mid dhib yar. Waa inaad u yeesha talaabooyn yaryar. Is waydii waxa ugu horeeya waa maxay iyo talaabooynka xiga. Markaad samaysatid liis ama shax hawleed aad ku maamushid hawshaada waxay ka yaraynaysa baahsanaan ku soo waajihi karta. Markasto talaabo ku guulaysato naftaada dhiranaan ayaa galaysa o kugu dhiirinaysa talabooynka kale. 20. Dib naftaada u program garee: ka fogow waxyaabaha naftaada murugo galisa iyo waxyaabaha negative ah. Inkasto ay wanaagsantahay inaad ogaatid waxa caalamka ka dhaca laakin isku day inaad wararka tvga iska yareeso waayo markaad aragtid dagaalada iyo
waxyaabaha aduunka ka socda adoon waxba ka qaban karin faiido ku yeeli mayso inaad ka xumaatid mooyane. Ku dadaal inaad naftaada ka buuxisid war farxad leh. 21. Adeegso awoodada maskaxeed rabi ku siiyey: soo qaado xaashi cad iyo qalin, ka dibna xaga sare ku qor qayb noloshaada ka mid ah aad rabtid inaad wax ka bedeshid. Ka dibna qodobe fikradahaaga aad isleedahay hadaad ku camal fashid inu qaybta noloshaada kur u qaadayo. Waxaad qorta ugu yaraan 20 qodob, ka dibna raaci 10 qodob oo kale. Qodobada aad qortay kama dhigna inay wada saxanyihiin ama dhamaantood wada wanaagsanyihiin laakin qasab waxa ka soo bixi doona qodobo aad u wanaagsan iyo anfac leh. Qaabkan waxaad ku baran karta sida fikirado badan lala soo baxo. 22. Waxaad ogaata waxyaabaha kaga farxin kara kadibna samee: laakin yaani noqon wax hawlahaaga kale kaa mashquuliya. 23. Waxaad dhagaysata muxaadaroyn iyo khudbado naftaada kobcinaya: waxa jira muxadaroyn badan ama khudbado internetka ka buuxa oo ku dhiiri galin kara. Tusaale ahaan hadaad doonaysid inaad quraanka kariimaka qaybtid waxaad dhagaystaa muxaadarada Sh. Mustafe Awoodaha Ilaahey Inasiiyay oo Aynu Dayacnay. 24. Badel qaabkad u fakirtid: qofkastaba si bu u fikira waxaad isku daydaa inaad badeshid qabkad u fikirtid. 25. Wakhtigaaga ilaalsho: hantida kaliya aynu haysano waa wakhtiga marka isku day inaad ilaalshatid wakhtigaaga.
COSOB 21
Nor Abdi Jim’ale
Oktoobar 2017
Nolosha Islaamka
Dhahaarada iyo Muhiimada ay leedahay (5) (4) Aqristaha qiimaha badanow waxaan ku guda jirnaa maqaalkii dhahaarada uga hadleynay, maqaalkani waxaan kaga hadli doonaa ISTINJADA ama DARABQAADASHADA. Istinjada waa isticmaalka Zuuliga ama musqusha, iyada oo lasuulinaya (lanadiifinaya) waxa kayimaada meesha laga kaadiya ama meesha laga saxarooda, lana isticmaalaya Biyo ama Dhagax ama wax lamid ah. Xukunka istinjada waa waajib sida ay qabaan culimada islaamka badankooda, waxaana tusinaya arintaas iyada ah hadalkii Rasuulkeena suuban s.c.w. ee ahaa “ Qafkiin hadii uu aada kortaga (waa meelaha lagu dangutee) ha isku nadiifiya saddex dhagaxaan way kufilantahaye”. Waa amar uu bixinaya Nabi Muxamed s.c.w. wuxuuna tusinayaa in ay waajib tahay in leyska nadiifiya kaadida iyo saxarada labadaba. Maxaa lagu istinjoonayaa? Laba shey midkood ayaa lagu istinjoonayaa: 1. Dhagaxaan ama wax lamid ah oo ah waxkasta oo najaasada nadiifinaya, sida maryaha ama geedaha. 2. Ama biyaha caadiga ah sida kucad sunada Nabi Muxamed s.c.w. Lagama istinjoonaya neefta ama dhuusada. Qaar kamid Aadaabta ay ledahay istinjada ama darab qaadashada: 1. Waa in gacanta midig lagu istinjoonin,kaliya waxaa la isticmaalikaraa gacanta bidix, Rasuulkeena suuban s.c.w. wuxuu yiri “ Qofkiin alaabtiisa ( xubinta taranka) yuu kuqabanin gacantiisa midig isaga oo
kaadinaya, musqushana yuu u isticmaalin gacantiisa midig, weelkana yuu kudhex neefsanin (waa marka biyaha ama waxa lamidka ah uu cabaya)” Bukhaari iyo Muslim ayaa soosaaray. 2. Gacanta loo isticmaalay istinjada waa in dhulka lagu rugaa waa sida kasugan Nabi Muxamed s.c.w. ama saabuun lagu nadiifiyaa. 3. Farjiya (xubinta taranka) iyo dharka uu wata qofka istinjoonaya waa in uu biyo ku far fardhiyaa kaadida kadib si ay meesha uga baxda shakiga ama waswaaska sheydaanka sababa. Sidee ayuu u istijoonayaa qofka xanuunsan ee ay kaadida kasocota had iyo jeer waxaa lamid ah haweeneyda uu kudhacay cudurka loo yaqaan dhabar furanka? Qofka dhibkaas haya Allaha ha caafiyee waa istijoonayaa waxaana uu u weyseysanayaa salaad kasta si gooni ah, wixii kayimaada inta uu kuguda jira salaadana wax dhib ah malahan. Qofka raba in uu isticmaala musqusha maxaa lagudboon? 1) In uu isqariya kana fogaada dadka hadii uu jooga meel banaan ah. 2) In uusan wadanin ama sidanin wax xuska Alla ama magaca Alla kuqoranyahay. 3) bishinka waa in uu kubilawdaa kahor musqusha, waana in uu magangalaa Alle. 4) waa in uu hormariyaa marka uu galaya musqusha lugta bidix maraka uu kabaxaya waa in uu hormariyaa lugta midig. 5) hadii uu meel banaan ah jooga waa in uusan qaabilin xagga qiblada, sidoo kale waa COSOB 22
in uusan dhabarka aadinin. 6) hadal aan baahi looqabin ama dan ayna keenin waa in uu iska daayaa. 7) wadada dhexdeeda ama meelaha laharsada waa in uu san isticmaalin. 8) biya aan soconin waa in uusan kudhex kaadinin ama kusaxaroonin. 9) marka uu dhameysta hooshiisa waa in uu yiraahdaa “ gufraanaka” macnaheeda waa Alla ayaan weydiisanayaa dambi dhaaf. Su’aal: mabanaantahay istaag in laga kaadiya? Hadalla badan ayaa mas’aladan kujira laakiin waxaa raajax ah (xoogbadan) in ay banaantahay istaaga in laga kaadiya, hadii ay arintaas dan keentana waa ok. Waxaa jirta soomaalida in ay ka aaminsanyihiin qofkii rorog kakaadiyaa in uu gaal noqonaya taasna sax ma ahan. Xasan Axmed Nuur F.G. wixii su’aala ah ee kusaabsan mawduuca waad noosoo gudbin kartaan waxaana jawaabta kusoo qori doonaa maqaalka xiga hadii Alla idma.
Oktoobar 2017
Sheekooyin Taxane ah
Nabsi NABSIGII SAMAWADA SILICA BADAY Sideedaba, marka wanaag iyo asxaan la isku samaynayo – haddii aysan laqdabo ku jirin - kan sameynaya iyo kan loo samaynayaba isha ma kala qaadaan, haddii ay kala qaadaanna, waa ay isku xadaan, waxaana ka dhex abuurma dareen kalgacayl iyo nugeyl is-jiidasho. Sawrac iyo Samawada, iyaga oo mid walba ku faraxsan yahay, tillaabada uu qaaday, hadbana gadaal isku soo fiirinaya ayey kala ambadeen. Sawrac waa wiil dan-yar ah, oo laamiga hormara Dugsigii sare ee Banaadir, ka soo horjeedkiisa Biyaha Cabbitaannada ah ee la miiro ku gata. In kasta oo ay daruufo dhaqaale korkiisa ka muuqdeen, laakiin da’diisa 18-ka ah waa uu u ekaa. Meesha uu biyaha ku gato aad ugama foga, halka uu deggan yahay; oo waa Carwada, oo Qaxooti ahaan ugu nool yihiin reerkiisu, waxa uuna la nool yahay hooyadiis iyo laba gabdhood oo ka yar, isaga ayaana reerka noloshiisa ka dabbara Biyahaas uu qaso, maaddaama aabbihii reerka Masruufi jiray uu laba sanno ka hor ku dhintay xabbad wiifto ah oo Hoggaamiyekooxeedyadii iyo Maxaakiimtu isku ridayeen 2006-dii. Xitaa markii uu odaygu noolaa iyo haatan oo mas’uuliyad weyn dhabarka u saarantay-ba, ma haleeli karin Wax-barasho, daruufo nololeed oo adag, oo ka jirtay gurigooda darteed. Meesha uu wax ku gato, waxaa ku badan dadka socotada ah iyo ardeyda Dugsiyada aagga ka dhaw dhigata, iyagaas ayaana rukun u ah oo Biyaha uu miiro iyo kuwa uu qaso iyo Jallaatadaba ka iibsada, lagamana helo miiskiisa wax kale oo aan biyahaas iyo Jallaato ahayn. Waxaa uu ugu macaash badan yahay xilliyada kulaylaha, oo dadku Omaska iyo Harraadku ku badan yahay.
Labadooduba – Sawrac iyo Samawada - iskuma cusba, oo Samawada halka uu ku ganacsado Sawrac ayaaba u ah marin, oo intii uu meeshaas ku ganacsanayey, waa is arkayeen, laakiin hadda ka hor iskuma soo bixin iyaga oo keligood ah, oo Samawadana waxa ay halkaas martaa iyada oo dhex socota Raxan arday ah oo la soo fasaxay ama iyada oo Dusiga u deg-degeysa ama waxaa ay soo gudubtaa Sawrac oo markaas biyihiisa gadanaya, oo kala geddiskaas u kasho beelay. Markii ay Samawada ka tagtay, buu wax badan dib isu weydiiyey, waxaana maankiisa ku soo dhacayey muuqaalka gabadha, waxaa uuna garaadkiisa ku gartay, in ay tahay gabar ka soo jeedda qoys aan wax buuran haysan ama iyadu si gaar ah u caddiban tahay. Waxa uu go’aansaday, in uu gabadhaas la sii sheekeysto, uuna ka caawiyo - wixii uu awoodo. Maalintii xigtayba, waa dad is yaqaanee, markii ay soo ag maraysayba waa u yeeray. Cabbitaan ayuu u shubay, laakiin waxa ay weydiisatay Jallaato beddelka Cabbitaanka. Is-wareysi kooban kaddib, waxaa uu ka codsaday in uu la kulmo, oo ay meeshaan meel aan ahayn ku sheekeystaan. Waa ay ka aqbashay, waxa ayna ku ballamisay meel gurigooda u dhaw, oo ay isla garteen. Markii uu casar-gaabkii shaqadiisii u dhammeystayba, xaafadda ayuu inta aaday, oo isa soo dhaashay, buu aas-madoobaadkiiba, waxaa uu isku sii daayey goobtii lagu ballamay. Wey ogayd, xilliga ballanta iyo halka lagu ballamaye, iyadiina xoogaa kaddibba waa u timid isaga oo 10 daqiiqo wax aan dhammeyn halkii taagnaa. Inta meeshii xoogaa laga dhaqaaqay ayaa Jardiin cidla ah inta wada fariisteen, dabadeed is xogCOSOB 23
Oktoobar 2017
wareysteen. Samawada, waxa ay uga sheekeysay in ay la joogto islaan eeddadeed ah, reerahoodiina ay Kismaayo ku nool yihiin, Dugsigana uu ka bixiyo abtigeed oo Bakaaro ku leh Sandaqad yar oo uu Daawo ku gato. Sawracna, warbixin dhammeystiran ayuu ka siiyey arrimihiisa iyo kuwa reerkiisaba. Sawrac, waa wiil garaadbadane, waxaa uu sheekada gabadha ka fahmay, in eeddadeed xaasidad tahay, oo aysan gabadha waxba u quurin, abtiguna culays ku tahay bixinta lacagta Iskoolka, ayna xitaa Samawada iibsan karin agabka Iskuulka, sida Buugta, Qalimaanta iyo Dharkaba. In kasta oo uusan Sawrac dhaamin, misena arrintaa laabtiisa wey walaacisay, uur-ku-taallana waa ku yara beertay. Waxaa uu niyadda ka goostay, in uu caawiyo gabadhaan, oo waxa uu la qaban karo uu lagarab-galo. Haddii ay isaga ku adkaatay Wax-barashadii, waxa ay la noqotay, in gabdhaha ka yar-yar kaalmeyntoodii, tanna uu ku daro. Labada gabdhood ee ka yar-yar ee la kala yiraahdo Ayaan iyo Aragsan, isaga ayaa ka dabbara Isoolka, in kasta oo mid ka mid ah bilaash uu ugu helay wax-barashada, laakiin agabka kale uu ka dabbaro, midda kalana uu wax walba ka daboolo. Waxaa uu wiilku Samawada u sheegay, in uu intii karaankiisa ah kal-kaali doono, haddii Alle yiraahdo, isaga oo ka codsaday in ay si fiican u dadaasho, iyana madaxa ayey u ruxday hawraartaas, iyada oo u mahad-celinaysay. Halkaas ayaana habeenkaas la isku macasalaameeyey. Maantii xigteyba, xilligii fardambaha ayey u timid, Cabbitaan ayuu siiyey, markii ay cabtay-ba, waxaa ay u sheegtay in ay u baahan tahay Buugta wax lagu qorto iyo
Qisooyin Cibro Leh
Qalimaan, haddii uu heli karo. Xoogaa yar oo uu shalay iyo saaka iibiyey ayuu inta Sandaqad meesha ka dhaweyd la-aaday, uga soo gaday toddoba Buug iyo laba Qalin kala midab ah iyo hal Laabis ah. Inta u keenay ayuu ku yiri “Abbaayo waa kuwaane, orod Fasalka aad, yuusan casharku ku dhaafine”. “Mahadsanid iyo Haye” inta tiri, ayey baxday. Samawada iyada oo faraxsan ayey ka tagtay, sababata oo ah, labo arrimood ayey heshey oo ku cuslayd. Waa marka hore e, xilliga biririfta ma soo bixi jirin, sababtuna ahayd, busaaradda haysatay, laakiin maanta, xilliga far-dambaha, waxa ay heshay meel ay wax afka ka soo geliso. Midda labaad, Buugta iyo Qalimaanta aad bey uga fekeri jirtay, laakiin maanta, waa tanoo iyaga oo aan wakhtiba uga bixin, heleysa. Sawrac, labada gabdhood ee ladhalatay, midda weyn oo hal sano ka yar, oo la yiraahdo Ayaan ayey is-la’eg yihiin Samawada. Xitaa xagga dhirirka iyo dhexdaba waa isku dhawaayeen. Arradka Samawada inta ka naxay, ayuu dhawr beri kaddibba, cabbirka walaashiisa ay Samawada isku filka ahaayeen ayuu yaqaanaye, waxaa uu u soo deyn-qaaday laba Xijaab iyo Goonno, oo midna kan Iskoolka laga xidho yahay, midna labbis caadi ah yahay iyo hal joog oo Kabo ah iyo weliba Saabbuun iyo Saliid yar. Markii uu u soo qaaday ayuu si lama filaan ah inta gurigeedii ugu tagay, ayuu hadiyaddii kaadka guriga ku guddoonsiiyey. Samawada, inta faraxday oo ay is heyn weydey ayey ku cel-celisay “Abboowe mahad-sanid, Khayr Allaha ku siiyo”. “Dhib ma leh Abbaayo, intaas iyo ka badanba, waan isku leennahay”, ayuu inta yiri, macasaaleemeeyey. Samawada cabbaar ayey meeshii taagneyd, waxa ayna la yaabbeneed wanaagga Sawrac iyo garashadiisa iyo sida ay muctaad ugu ahayd dharkaan, maaddaama dharkii ay qabtay inta hilfo ay noqdeen, daclo iyo farqo ay la bexeen. Subaxdii xigtayba, waxa ay ku soo labbisatay dharkii Xijaabka Iskuulka iyo Goonnadiisii quruxda badnayd iyo Kabihii Sookalka ahaa iyada oo weliba si fiican ugu soo qubaysatay Saabuuntii, oo hollabtii si wanaasgan isaga mayrtay, isla markaasina ku soo dhaashatay Saliiddii udgooneyd. Marka ay guriga ka soo baxaysay, waa arkaysay eeddadeed, laakiin waxa ay is lahayd abtigeed baa Alle tii u soo khasbay, oo meel kale ayey wax ka heli kartaaba isma oran. Lasoco qeybta xigta
COSOB 24
Oktoobar 2017
515 call center 818886 818883 818884
COSOB 25
Oktoobar 2017
WAR GALIN MUHIIM AH
Majalladda Cosob, waxa ay ku wargelinaysaa Hey’adaha Ganacsiga, Shirkadaha, & cidkasta oo dooneysa Ogeysiin, xayeysiin, in ay ku sameyn doonto qiimo jaban oo ku raali galiya. 0612221920 | 0615848980 | 0699885600 | 0624442222 | info@cosob.net | www.cosob.net