Wargeyska Gobollada Dhexe - August 2018

Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Arbaco, 01 August 2018, Cadadka 065aad, Sanadka 6aad

MAXAA CUSUB?

TAARIIKH NOLOLEEDKA CARLOS SLIM HELU DILAAGA DAHSOON “CAGAARSHOW”

QORAALLO KALE TALIYAHA BOOLISKA SOOMAALIYA IYO ERGEYGA QARAMADA MIDOOBEY OO GAALKACYO TAGAY

| bogga 1aad

MW XAAF OO KA QAYBGALAY SHIRKA BILJAM | bogga 2aad

Bogga 4aad


2

WARARKA

Cadadka 0655ad, Sanadka 6aad

Arabaco, 01 August 2018

TALIYAHA BOOLISKA SOOMAALIYA IYO ERGEYGA QARAMADA MIDOOBEY OO GAALKACYO TAGAY

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashir Cabdi Maxamad ayaa tagay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Booqashada Taliyaha iyo ergayga ayaa la xiriirtay u kuur gelida xaalada ammaanka magaalada iyo barnaamijka isku dhafka ciidamada sugaya ammaanka magaalada,

kaasoo ay taageereyso Qaramada Midoobey. Wafdiga Taliyaha Booliska ayaa waxaa ka mid ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska UNSOM. Wafdiga ayaa booqday xeryaha ciidamada isku dhafka la dejiyay,

waxayna la kulmeen maamulka Gaalkacyo ee labada dhinac Guntland iyo Galmudug. Qaramada Midoobey ayaa door weyn ku laheyd dadaallada nabadeynta magaalada Gaalkacyo oo colaadi uga taagneed, waxaana sanad ka hor la sameeyay ciidan isku dhaf ah oo sugaya ammaanka magaalada. Abuuridda ciidamadan

is ku dhafka ah waxay magaalada ka dhigtay meel nabad ah, sidoo kale waxay yaraaday dhaca, dilka iyo wixii keeni jiray is ku dhac iyo dagaal. Waxaa la helay nabad iyo ammaan, dhaliyey xasilloon dhan walba ah.

Halkaan ku xayaysiiso ganacsigaaga, ogeysiisyadaada, codsiyadaada iyo wixii kale oo aad jeclaan laheyd. Nagala soo xariir: w.g.dhexe@gmail.com

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Arbaco, 01 August 2018

WARARKA

Cadadka 0655ad, Sanadka 6aad

3

MW XAAF OO KA QAYBGALAY SHIRKA BILJAM

Shirka amniga iyo deeqda ee loo qabto Soomaalida dawlad iyo maamullaba, ayaa ka dhacay dalka Biljam. Qabashada shirku wuxuu ku soo aaday xilli Muqdisho amnigeeda laga dayrinayo, cabburin xooggan laga sheegayo. Sidoo kale, xilli maamullada dalka iyo dawladda dhexe uu ka dhextaagan yahay khilaaf maamul,

khayraad iyo amni. Maamulka Galmudug, oo shirkii sanadkii hore ee amniga looga hadlay oo ka dhacay London ka qaybgashay, ayaa kanna waxaa u ku metalay madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo. Shirkan Biljam ayaa Soomaalida loogu deeqay lacago ballanqaad ah iyo in laga gacansiiyo arrimaha amniga iyo xasilinta.

Markii shirku dhammaaday, ayuu MD Xaaf wuxuu u sii gudbay dalka Ingiriiska, oo ku la soo kulmay wasriika Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, madax kale iyo jaaliyadda Galmudug, isaga oo warbixin ka siiyey xaaladda Galmudug iyo shirkii uu uga qaybgalay Biljam. Ka dib, ayuu MD Xaaf wuxuu ku soo laabtay bariga Afrika, isaga oo

dalka Kenya, magaalada Nayroobi ku la shiray madax ka socotay dalalka daneeya Soomaaliya iyo jaaliyadda Galmudug. Booqashada uu dalkaa ku tagay ka gadaal, ayuu MD Xaaf ku soo laabtay dalka, isaga socdaalkiisa ku tilmaamay mid guuleed.


4

Cadadka 0655ad, Sanadka 6aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Arabaco, 01 August 2018

TAARIIKH NOLOLEEDKA CARLOS SLIM HELU WQ: Xasan Mudane

Qaybtii labaad ee taxanaha taariikh nololeedka shakhsiyaadka ka guul gaaray ganacsiga, waxa aynu kaga hadalnay taariikh nololeedka maalqabeenka Warren Buffet, oo ah qofka labaad ee ugu taajirsan caalamka. Qaybtan, waxa aynu kaga sheekeyn doonaa taariikh nololeedka Carlos Slim Helu. CARLOS SLIM HELU Waa hal-abuure ganacsi, waana maalgeliye ka soo jeeda dalka Maxico. Dadka reer Maxico waxay ugu naanaysaan ‘Warren Buffettkii Maxico’ waayo, waa shakhsi ku xeeldheer dhanka ganacsiga, waana aasaasaha shirkadda Telmex iyo America Movil, waana labada shirkadood ee ugu ballaaran ee bixiya adeegga warisgaarsiinta dalka Maxico.

Wuxuu dhashay 28 janaayo 1940kii, kuna dhashay magaalada Maxico city ee dalka Maxico. Waxbarashadiisa heer koowaad wuxuu ku soo qaatay jaamacadda Nacional Autonoma de Mexico. Wuxuu ka mid yahay dadka dunida ugu taajirsan, uguna caansan. Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa 86.3 bilyan 1 oo doollar. Yaraantiisii wuxuu ahaa qof jecel ganacsiga, wuxuu la shaqeyn jiray aabbihiis oo ganacsade ahaa, wuxuuna mushaar ahaan u qaadan jiray laba boqol lacagta Maxico ah, sidoo kale, wuxuu aabbihiis ka bartay xirfado ganacsi oo kala duwan, taasi waxay ku dhiirrigelisay in uu billaabo dhaqangelinta xirfaddii uu aabbihii ka soo bartay. Dhowr bilood ka dib

wuxuu guursaday Soumaya Domit oo ay jaamacadda isku barteen. Waxaa u billaabatay nolol cusub, waayo, noloshiisa waxaa ku soo biiray Soumaya oo ahayd gabar firfircoon oo hawlkar ah isaga oo fursaddaasi ka faa’ideysanaya ayuu billaabay, in uu sii horumariyo ganacsigiisa. Wuxuu soo iibsaday shirkado kala duwan oo mid walba adeegyo gaar ah bixiso sida dhismaha, macdanta iyo war-isgaarsiinta. Sannadkii 1982 waxaa dhulka galay dhaqaalahii dalka Maxico, fursaddaasi waxaa ka faa’ideystay Carlos Slim isaga oo soo wada iibsaday dhammaan saamiyadii shirkadahii musallifay ama fashilmay, sidoo kale wuxuu heshiis ganacsi la galay shirkado badan oo caalami ah, waxayna ahayd markii ugu horreysay oo uu ka soo muuqday saaxada ganacsiga dunida. Sideedaba fursadda mar ayay ku soo maraysaa oo ay albaabka kuu soo garaacaysaa, marka haddii aadan ka faa’ideysan waa guuldarro. Gu’gii 1988 wuxuu ku biiray koox ganacsato ah oo ka shaqeysata birta sida Kubarta iyo Allumuuniyada, isla sannadkaas wuxuu dowladda Maxico kala

wareegay shirkadda ugu ballaaran ee bixisa adeegga warisgaarsiinta. Sannadkii 2005 wuxuu maalgashi ku sameeyey shirkadda duullimaadka ee Volaris Airline, sidoo kale 2007 wuxuu maaalgashi labaad ku sameeyay shirkadda Cigatam Tobacco. Si kastaba, Carlos Slim Helu keliya muusan ahayn ganacsade, balse wuxuu kaloo ahaa qof jecel caawinta dadka dhibaateysan, isaga oo aasaasay saddex urur samafal oo kala ah: Fundación Carlos Slim Helú, Fundación Telmex, iyo Fundación del Centro Histórico de la Ciudad de México A.C. Intooda badan waxay xoogga saaraan dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqanka. Ugu dambeyn, 1 Tiraddan waxaa laga soo xigtay wargeyska: http://www.forbes.com/ profile/carlos-slim-helu

wuxuu noqday ninka dunida ugu taajirsan, sidoo kale wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu caansan saaxada ganacsiga. La socda qaybaha xiga, tirsiga bisha soo socota ee wargeyska.


QORAALLADA WARGEYSKA

Arbaco, 01 August 2018

Cadadka 0655ad, Sanadka 6aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

DILAAGA DAHSOON “CAGAARSHOW” W/D: Dr Gallad Daahir Xasan

Maanta oo ku beegan tahay 28 june, kuna summadan maalinta cagaarshowga adduunka, waxaa daafaha caalamka ka dhacaya isu imaatin xasuusin iyo sara u qaadista ogaalka; qatarta uu leeyahay cudurkan dilaaga ah. Anoo soo gabinaya bal aan yara kormaro muxuu yahay cudurkani? Qatar intee la eg ayuu ku hayaa Sooamaaliya? Sideese looga hortagi karaa?. Cagaarshowgu waa cudur ka mida cudurrada la is qaadsiiyo, kaaso waliba si sahlana ku faafa. Waxa uu u kala baxaa A, B, C, D, E. Qaybsankan ma ahan micnaheedu marxalado ow isku badbadalayo ee mid kasta iskiis ayuu u taagan yahay, astaamihiisa goonida ahna waa uu wata. Nuucyada ugu qatar badan waa B iyo C. Waxa ugu dhacaa dadka si isla mid ah lab iyo dheddig, yar iyo wayn. Waa cudur aan dawo lahayn, haddaan laga hortagin ama la dawayn billawgisa,

wuxu keeni kara kansarka beerka. Nuucayada B iyo C da Waxa lagu kala qaada galmada, sido kale dhiigga ama dheecanka bukaanka oo gaara qof fiyow. Halka Nuucyada A iyo E da ay ku faafan biyaha iyo cuntada wasaqaysan. Cudurkani halista ah waxa uu dhibaato daran ku haya Aadanaha. Waxa uu ku dhacay 325 million. Waxaana u dhinta dadyow gaara 1.34 million sanad kastaa, sida ay sheegen cilmi barayaal Soomaali ah, waxaa jira dad ku dhawaad 65 million oo qof oo ku nool Afrika lana nool cudurkan. Saomaaliya ma jirto cid garanaysa inta qofood ee qabta cudurkan, laakiin waxaa la isku raacsan yahay, in ay aad u badan yihiin dadka qaba cudurkaan. Cagaarshowga waxaa looga hortagi karaa si sahlan. Bal aan kala qaado; A iyo E da waxaa looga hortagi karaa, in sare loo qaado

nadaafadda, cuntadana si fiican la iskaga kariyo, halka B iyo C la iska ilaaliyo dhiigga iyo dheecanka qofka qaba cudurkan lana baaro dhiigga lagu shubayo bukaan cudur kale la xanunsan. Shaqaalaha caafimadka waa inay taxaddir gooni ah muujiyan, marka ay dawaynayaan bukaannada qaba cudurkaan, waxaana lagaga maarman ah dhammaan shaqalaha inay iska tallaalaan cudurkaan. Nuucyada A iyo B da waxaa jira tallaal looga hortagi karo, maadama aan halis ugu jirno inow nagu dhaco xilli kastaa iyo goob kasta, ee aan joogno, oo waxaan u baahannahy, inaan ka hortagno xilli kasta iyo goob kasta. Hooyo, eabbe iyo walaal aan is baarno, isna tallaalno iskana dawayno, si aan caafimaad badan oo fiican u helno.


06155555209 / 0699969192


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.