Wargeyska Gobollada Dhexe - Jannaayo 2019

Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Khamiis, 01 January 2019, Cadadka 070aad, Sanadka 6aad

MAXAA CUSUB?

ISDHEXGALKA DHAQAALE EE GEESKA AFRIKA: ETHIOPIA, ERITREA IYO SOMALIA QORAALLO KALE ISDHEXGALKA DHAQAALE EE GEESKA AFRIKA: ETHIOPIA, ERITREA IYO SOMALIA

| bogga 2aad

GUGII 2018 IYO GALMUDUG

| bogga 4aad


2

Cadadka 070aad, Sanadka 6aad

WARARKA

Khamiis, 01 January 2019

ISDHEXGALKA DHAQAALE EE GEESKA AFRIKA: ETHIOPIA, ERITREA IYO SOMALIA WQ: Hassan Mudane ( Lafogure Arrimaha Afrika )

Ka hor 1980kii, xiriirka dalalka geeska Afrika wuxuu ahaa mid ku dhisancaqliyad cadowtooyo (siege mentality), laakiin qorshaha isdhexgalkadhaqaale oo ah mid soo billowday 1986, markii la aasaasay ururka IGAD,wuxuu abuuray yididdiilo ku aaddan wadashaqayn. Markiisii hore, wuxuu ahaa qorshe ku kooban ilaalinta degaanka iyo amniga, laakiin hadda dalalka geeska Afrika waxay mashquul ku

yihiin kobac dhaqaale, isdhexgal dhallinyar oo ka soojeeda siyaasad, bulsho iyo dhaqan. qowmiyadda Oromo. Waa nin u oomman in uu taariikh sameeyo. ITOOBIYA: Si kale u dhig, in uu wax ka beddelo Waxaa ku dhacay isbeddel taariikhda siyaasiga Itoobiya oo xoog leh. Waxaa ka dhacay wax markii hore ku socotay waddo Miriam Abraham ugu yeertay Tigreeygu jeexay. Sidaa waxaa ku furfurnaansho siyaasi (Glasnost) dooday Mohamed Girma, oo wax iyo dib-u-habayn dhaqaale ka qora arrimaha Itoobiya. (perestroika), laakiin aan u arko in Isbeddelada la yaabka leh ee uu ay tahay mid dhalanteed ah. sameeyay waxaa ka mida dib-uIsbeddelkaas waxaa socodsiiyay soocelinta xiriirka diblomaasi ee RW Abiy Ahmed, oo ah nin Eritrea iyo Ethiopia. Hadda wuxuu

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin.

Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Khamiis, 01 January 2019

ka shaqaynayaa suurtagalnimada in dalalka geeska Afrika yeeshaan hal suuq si loo helo isdhexgal dhaqaale. Itoobiya, shacab ahaan dalalka gobolka waxay ka tahay boqolkiiba afartan (40%). Saddex meelood meel ka mida dhulka gobolka waa dhulkeeda. Waxay xudduud la leedahay dhammaan dalalka gobolka marka laga reebo Ugaandha. Dhaqaalaheeda sanadkiiba wuxuu kordhaa boqolkiiba saddeed, waa dalka ugu kobac dhaqaale badan ee Afrika. Waxay u baahiqabtaa suuqyada iyo dekedaha dalalka deriska si ay uga faa'iideysato shidaalkeeda cusub. ERITREA: Waxay ka mid tahay dalalka farakutiriska ah ee la haysta isbeddelada ka socda geeska Afrika. Waa dal inta laga qayliyay siyaasaddiisa gudaha lagu metelay, in uu la mid yahay waqooyiga kuuriya, laakiin sanadyadii dambe, wuxuu ka faa'ideystay fursado diblomaasi ah oo uu ka helay Sucuudiga, Imaaraadka iyo Maraykanka. Wuxuu kaga baxay go'doonkii saarnaa ee hubka iyo dhaqaalaha. Hadda

WARARKA

Cadadka 070aad, Sanadka 6aad

wuxuu qayb ka yahay qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika. Wuxuu rabaa in uu uga faa'ideysto dekedahiisa oo ah kuwa u dhow marinka baabul mandal iyo kursi badbaadin (regime survival). SOOMAALIYA: Waxay muhiim u tahay qorshe walba oo ku aaddan geeska Afrika. Iyada oo sidaas ah, haddana waa dalka keli ee aan u diyaarsanayn ciyaarta gobolka, wuxuu madaxa kula jiraa kadeed siyaasi oo gudaha ah. Waa dal gudahiisa maaro u waayey maxaa ka galay dibadda? Maqaal hore ee aan qoray waxaan ku sheegay, in uu dhex maquurtay fashil laba dhinac ah marka ay timaaddo ka faa'ideysiga isbeddelka ka socda gobolka. Isdhexgal dhaqaale ka hor, Soomaaliya waa in ay isweyddiisaa maxay tahay maslaxadda qaran ee iigu jirta? Ma u diyaarsannahay? Isdhexgalkan dhaqaale ee geeska Afrika wuxuu soosaari doonaa guulaystayaal iyo guuldarroolayaal. Waxaan ku doodayaa in Soomaaliya ay ku fashilmi doonto ka dheefsiga isdhexgalka dhaqaale maadaama uu jiro ifafaale siyaasadeed bulsho

3

oo muujinaya habacsanaan dhan walba ah: dhaqaale, siyaasad amni iwm. ISDHEXGALKA DHAQAALE: Muxuu keeni karaa? Geeska Afrika, sanado badan wuxuu caan ku ahaa sheeko hal dhinac ah: faqri, abaar, colaad sokeeye, burcadbadayd, argagaxiso iwm laakiin qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee dalalka geeska Afrika wuxuu dhalin karaa sheeko cusub: nabad, baraare dhaqaale, maalgalin iwm. Isdhexgal dhaqaale wuxuu keeni karaa horusocod dhaqaale oo xoog badan sida maalgalin dibadda ah, shaqo abuur, socodsiinta waxsoosaarka warshadaha iwm. Wuxuu ku habboon yahay abuur ganacsi (trade creation). Helidda rabitaan siyaasi dhab ah waxay suurtagalinaysaa in dalalka geeska Afrika ay ka faa'ideystaan fursadahaas kor ku xusan iyaga oo isku tixgelinaya maslaxadda guud. Ugu dambayn, isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika wuxuu macaash dhaqaale u noqon doonaa boqolka milyan ee Itoobiya.


4

Cadadka 070aad, Sanadka 6aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Khamiis, 01 January 2019

GUGII 2018 IYO GALMUDUG WQ: Xasan Leego

Si aan wax kaga ogaanno dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa sanadka dhammaaday ee 2018, aan dib ugu noqonno, dabayaaqada sanadkii ka horreeyey ee 2017 oo ay billowdeen, howlahii ugu muhiimsanaa, sanadka 2018 bilowgiisii u qabsoomay Dowlad goboleedka Galmudug State. Sida aan wada ogsoonahay, wixii ka horreeyay

27-30 Nufeember 2017 ayaa magaalada Jabbuuti ee Jamhuuriyadda Jabbuuti labadii garab ee ku kala aragtida duwanaa maamulka deegaannada Galmudug ee Ahlu-sunnaWaljamaaca iyo Dowladda Galmudug waxay ku saxiixdeen heshiis taariikhda galay. heshiiskaas waxaa gar wadeen ka ahaa, urur-goleedka IGAD iyo madaxweynaha Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. waxaa heshiiskaas ka soo baxay 14 qodob oo xal looga gaaray khilaaf soo jiitamayey, oo la haray dadka iyo degaankaa, waxaana heshiiskaas ku jiray, in Sheekh

2018 deegaannada Galmudug, waxaa ay u qeybsanaayeen labo maamul, oo caasimadda Galmudug ee Dusmo reeb iyo Cadaado kala fadhiyey. Waxaa markii ugu horreysay mira dhalay wada hadalkii u dhexeeyey Ahlusunna iyo madaxda Galmudug oo uu madaxweyne Xaaf hormuud u ahaa.

Maxamed Shaakir (Hoggaamiyihii Ahlu-sunna) uu noqdo, maxada xukuumadda Galmudug. 03-0122017 ayaa caasimadda Muqdiso lagu kala saxiixday heshiiskaas oo ay goobjoog ka aheed DFS. Si loo dhaqan-galiyo heshiiskaas, waxaa markiisii ugu horreysay caasimadda Dhuusamareeb gaaray, madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo ahaa madaxweynii u horreeyey ee taga xarunta maamulka ee Dusmo reeb, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey, Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo

madax kale oo ka tirsan gobolka Galguduud. 16 Janaayo 2018, waxaana munaasabad weyn oo lagu maamuusayo midowga Galmudug iyo Ahlu-sunna lagu qabtay Xaruunta Madaxtooyada Galmudug, ee caasimadda Dusmo reeb 18 Janaayo 2018, waxaana goobjoog MW Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada iyo wafuud heer caalami ah, oo ahaa farxad iyo yididdilo weyn, oo han iyo himilo geliyey dadka Galmudug. Heshiiskii Jabuuti waxaa qeyb ka ahaa in la isku daro labada Baarlamaan ee Galmudug iyo


QORAALLADA WARGEYSKA

Khamiis, 01 January 2019

Cadadka 070aad, Sanadka 6aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

Ahlu-sunna, waxaana arrinkaa la meel mariyey oo la shaaciyey in la isku daray labada Baarlamaan 2603-2018, munaasabad lagu qabtay Dusmo reeb oo ay goobjoog ka ahaayeen, MW, Xaaf iyo MXG. Sheekh Maxamed Shaakir iyo Guddoomihii Baarlamaanka GM Cali Gacal Casir iyo MW ku xigeenka Galmudug Maxamad Carrabeey. 05-05- 2018, ayaa Baarlamaanka GM waxaa ay ansixiyeen dasduurka iyo astaanta Dowlad Gobleedka maamaada is raacii labada garab uu saameyn ku yeeshay Dastuurka iyo astaantaba, waxaana uu ahaa mid la is

waafajiyey oo ay ka soo wada shaqeeyeen, guddiyo ay u xilsaareen, labadii garab ee Jabbuuti ku soo heshiiyey. Diiwaangalinta ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa laga billaabay dhammaan deegaannada Galmudug, waxaana xiritaanka Diiwaangalinta ciidanka oo ay joogeen MXGM Sheekh Shaakir, ka cosotayAU iyo Mareykanka lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Dusmo-reeb 11-07-2018, ciidanka la diiwaan galiyey waxaa ay gaarayeen 5765 askari. 04-07-2018, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi

ay hoggaamineyso ayaa gaaray Magaalada Hobyo ee magaaloxeebeedka Gobolka Mudug. Wafdigan ayaa ka koobnaa xubno ka tirsan wasaaradda dekadaha Soomaaliya iyo wafdi ka socda dalka Qatar waxaa ayna Hobyo u tageen kormeer ay ku samaynayaan Dekedda qaddiimiga ah ee Magaaladaasi. Dhanka kale, Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayrre ayaa dalka magaalada Doxa, ee dalka Qatar ku soo saxiixay heshiis ay dawladda Qatar dib u dhis iyo uga samaynayso dekadda Hobyo dayactir, oo dadka degaanka Galmudug ay soo dhaweeyeen.


06155555209 / 0699969192


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.