Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Sabti, 01 Decembar 2018, Cadadka 069ad, Sanadka 6aad
MAXAA CUSUB?
AKHRISKA SIYAASAD DHULEEDKA GEESKA AFRIKA QORAALLO KALE SHABAAB LAGU DUQEEYEY GOBOLKA MUDUG | bogga 4aad ARDAY FARSAMADA GACANTA LAGU BARAYO DUSMO REEB
| bogga 4aad
MANSADII: ADDIN HADAL
| bogga 5aad
2
Cadadka 069aad, Sanadka 6aad
WARARKA
Sabti, 01 Decembar 2018
AKHRISKA SIYAASAD DHULEEDKA GEESKA AFRIKA WQ: Hassan Mudane ( Lafogure Arrimaha Afrika )
Wixii ka dambeeyay qaraxii 9/11, siyaasad dhuleedka geeska afrika wuxuu noqday mid u furan sheeko hal dhinac ah-argagaxiso. Taa waxaa xigtay mid kale oo iyadana ka saamayn badnaydburcad badayd. Tobankii sano ee u dambaysay, gobolka waxaa ku loollamay dalal kala dan ah, mid walba wuxuu rabay in uu saamayn dhaqaale iyo mid siyaasi ku yeesho geeska Afrika si mustaqbalka fog uu uga kalluumaysto. Legdinkaas dhaqaale siyaasiga ah wuxuu keenay isbeddel yeelan kara laba weji: Qulqulad siyaasadeed iyo Macaash dhaqaale. Marka ay timaaddo akhriska siyaasad dhuleedka bariga afrika waa muhiim in la tixgeliyo marinka badda cas. Prof. Ali Mazrui, wuxuu ku andacooday in badda cas tahay tan ugu saamaynta badan taariikhda Afrika. Robert Aliboni, buuggiisa “The red sea region: Local actors and the superpowers” wuxuu ka mid yahay buuggaagta ugu hodansan ee dhigay muhiimadda siyaasad dhuleedka badda cas. Siyaasadda badda cas waa tan keentay, in Turkigu uu Suudaan kula heshiiyay maamulidda jasiiradda Sawakiin, oo isgoys u ah gacanka cadan iyo badda cas. Halka Imaaraadka uu Elatereya ka saxiixday in uu la wareego magaal xeebeedka Assab. Sidoo kale, wuxuu hadda degan yahay jasiiradda Suqadara ee Yemen.
Halkaas waxa aynu ka akhrisan karnaa ahmiyadda juqraafi ee badda cas iyo loollanka u dhexeeya lixdaan kalluumaysato: Turkiga, Imaaraadka, Masar, Sucuudiga, Shiinaha iyo Maraykanka. ISBEDDELADA GEESKA AFRIKA Isbeddelada ka socda geeska Afrika wuxuu abuuray yididdiilo ku aaddan helidda korriimo dhaqaale, waana tan keentay in dalalka gobolka ay u kala baratamaan suuqgaynta dekedahooda. Jabuuti, oo ah dal leh saamayn siyaasad dhuleed aan la dhayalsan karin, wuxuu qayb weyn ka ciyaaray siyaasad dekedeedka ka jira gobolka. Wuxuu ka mid yahay dalalka sida waalida ah uga macaashay maalgalinta shiinaha. Tuhunkayga, dalkaas yar wuxuu sabab u ahaa siyaasadda cusub Imaaraadka ee ku dhisan “la qabso ku qadi meyside,” taas oo uu saami kaga helay dekedda Berbera iyo in uu fadhi militari ku yeesho magaalada Assab, ee Elatereya. Imaaraadka iyo Jabuuti, labaduba hadda waxaa ka dhexeeya loollan ciyaarayd ku dhisan “Guuldarradaada waa ii guul” (Zero-sum game). Imaaraadku, markii laga soo eryay maaraynta Doraleh Container Terminal (DCT), oo uu ku lahaa saami dhan boqolkiiba 33, beddelkeeda wuxuu doorbiday aargudasho. Si uu meesha uga saaro isku halaynta dekedaha
Jabuuti, wuxuu u kalluumaysi tegay dekedaha Soomaaliya, Elatereya iyo saaxiibtinnimada Itoobiya. Ujeedka wax kale ma aha oo aan ka ahayn khalkhal galinta dekedaha Jabuuti. Kenya, waxaa ka socda mashruuc aan innaba caadi ahayn. Mashruuca (LAPSSET)-dekedda Lamu, tubbooyin qaada shidaalka, waddooyin waaweyn iyo tareen isku xiri doono dalka Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya-qorshe u eg hal dhagax laba shimbir ku dil. Mashruuca waxaa ku bixi doona qarash lacagayd oo gaaraya 25 bilyan oo doollar. Haddii mashruucani guulaysto, Kenya waxay noqonaysaa dal ka macaashi doono isbeddelada gobolka ka socda, iyada oo halkaas ka helaysa kobac dhaqaale oo xooggan. Itoobiya, waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadka ugu xiisaha badan iyo mid dhaqaale. Isbeddelkaas oo la oran karo waxaa sababay cadaadis ka yimid qowmiyadda Amxaarada, Oromada iyo dhaqaalexumo. Heshiiskii dhexmaray Elatereya iyo Itoobiya oo lagu tuhmi karo in Imaaraadku uu garwadayn ka ahaa, maadaama ay dani ugu jirto in Itoobiya ay ka wareegsato ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti. Itoobiya laftirkeeda waxay raadinaysaa fursad ay kaga dabbaalan karto dabinka dekedeedka Jabuuti, oo boqolkiiba 90 ay kaga xiran tahay
Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin.
Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.
Sabti, 01 Decembar 2018
ganacsigeeda dibadda, laakiin hadda waxaa u furan dekedda Berbera oo ay ku leedahay saami dhan 19, dekedda Lamu- Kenya, dekedda Assab iyo Massaw ee Elatereya iyo 4 ta deked ee kula heshiisay Soomaaliya. SIDEE ISBEDDELADAAS LOOGA MACAASHAY? Dalalka Bariga Afrika, mid walba isaga oo ilaalinaya danahiisa qaran, wuxuu si qumman uga dheefsaday isbeddelada ka socda
WARARKA
Cadadka 069aad, Sanadka 6aad
gobolka. Dalka Suudaan ilaa iyo hadda wuxuu si xariifsan ula haystaa ciyaarta gobolka, isaga oo ku guulaystay in uu ka dhex ugaarsado danaha is-diiddan ee dowladaha Turkiga, Qadar, Imaaraadka iyo Sucuudiga. Intaas waxaa u sii dheer, in uu si nabdoon uga dabbaashay khilaafkooda.
3
dabin go’doonaydka Itoobiya. Itoobiya laftirkeeda waxay ka heshay macaash maalgelinayd. Halka Soomaaliya ay dhex maquuratay fashil laba dhinac ah: Macaash la’aan iyo Isle’ekeysiin li’i danaha is-diiddan. Iskusoowadadduub, lacagta Imaaraadka, Turkiga iyo Shiinaha way shaqaysay; waxay u adeegtay Itoobiya, Jabuuti, Kenya Kaligiitaliska Elatereya, wuxuu iyo Suudaan. uga faa’ideystay in uu kaga baxo
4
Cadadka 069aad, Sanadka 6aad
QORAALLADA WARGEYSKA
Sabti, 01 Decembar 2018
SHABAAB LAGU DUQEEYEY GOBOLKA MUDUG sugan gobalka Galgaduud, ayaa xaqiijiey, inuu jiro howlgal ka dhan Shabaabta jooga degaannada Galmudug, oo weerarrada cirku ay ka gacan siinayaan, sidii ay dhul weyn u bannayn lahaayeen, ka dibna loogu siqi lahaa. Si looga saaro gobolka Alshabaab waxaa qasab ah, in la helo siyaasadda degaanka iyo maamulka Galmudug oo loo madax banneeyo maaraynta taladooda, laga daayo faragelinta uga imaanaysa dibadda oo uun keliya dhalinaysa qalqal iyo qalalaase siyaasadeed oo dhash mid amni. Degaanka Maamiye, oo ka tirsan gobolka Mudug, una dhexeeya Maamiye Ceel Huur Iyo Camaara oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug, ayaa waxaa duqayn loogu gaystay fariismo ay Argagixisada AlShabaab k lahaayeen. Duqaymaha Maraykanku ka
gaysto gobolka Mudug aad ayey u yaraayeen marka loo fiiriyo gobollada Shabeellaha Dhexe, Gedo IQK. Dhanka kale, Shabaab ayaa xoog ku haysta degaanno ka tirsan maamulka Galmudug, oo deexda iyo cadduunkaba ah. Dhanka kale, madax ka tirsan ciidanka xoogga dalka, oo u
Amminkii iyo awooddii la isugu gayn lahaa, sidii Shabaab looga saari degaannada Galmudug waxaa lagu qasaarinayaa dhabarjebin iyo luggoyn Galmudug, oo ah runtii arrin aad looga xumaado, weliba marka ay ka imaanayso madaxda uga sarraysa dalka.
ARDAY FARSAMADA GACANTA LAGU BARAYO DUSMO REEB Mihnaddu waa waxa ugu muhimsan, ee qofku uu noloshiisa ku maareeyo marka aqoonta laga soo tago. xirfadaha gacanta ayaa guud ahaan dalka hore ugu yaraa, haddana gabaabsi ku ah, oo dadka adeegsada ayaa nadir ah. Haddana dadka danyarta ah wax badan ayey ugu taal. Magaalada Dusmo reeb, bilo ka hor ayaa laga hirgaliyey Iskuul lagu barto xirfadaha gacanta, oo ay ka faa’iidaysteen dad ka badan laba boqol oo qof, oo isugu jira lab iyo dheddig.
Waxay eheed tallaabo badan u bogeen, oo ay ku dhiirratay hirgelintiisa hay’ad degaanka ah, taasoo lagu magacaabo RAADO, si guudna ka howlgasha Degaanada Galmudug. Dhammaadka casharrada, ayaa ardaydu waxay soo bandhigeen xirfadihii iyo mihnadihii la soo baray, oo isugu jiray farsamooyinka ay ka midka yihiin; harqaanka, cillaan-saarka, farsamada telefoonnada iyo korontada. Ardaydu waxay xuseen, in ay ku faraxsan yihiin ka sokow, in ay
wax badan ka faa’iideen, iyagoo ka mahadceliyey fursadda la siiyey, ee ay ku barteen farsamada gacanta. Macallimiin uu ka mid yahay Cabdirisaaq Maxamed Kadiye, oo ka hadashay kulanka gunaanadka ayaa kula dardaarmay ardayda, in wixii la baray ay naftooda wax ugu qabtaan, bulshadana dib ugu celiyaan si looga faa’iido, si ay wax soo saar ugu noqoto.
QORAALLADA WARGEYSKA
Sabti, 01 Decembar 2018
Cadadka 069aad, Sanadka 6aad
DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com
MANSADII: ADDIN HADAL Curiye: Xasan Cabdi Abtiddoon (Kunciil)
Qofka uurka kaa neceb Afka hadalsan kaa dhaha Oon guusha ku la rabin Si kastood u tahay ceyr Ha u cabannin waligaa. Udub aan dhaceyn iyo Awood weeye garashee Qofka maanta aasoow U adkeyso eebada. Talo la iska qaatana Abuur baa horyaalee Dhaga owdan waanada Kasha ka ma adeecaan. Uunkoodi horabaa Uga tagay middaasoo Is eedeynta sharafbeey Ehel keennu moodaan. Adaa gaaban oo dheer Dhaliil u ma ekaatee Erayada wax dumiyaa Afku yuusan kaa baran! Aalad lagu adeegtiyo Iim maahan madaxee Qofaan owrta rari karin Ha u celin kabaalada. Ood ood dulsaarani Wali ooddi weeyee Ul la qaadan karo iyo Ha u arag bir aan jabin. Aafada dhaceysiyo Waxa eelka nagu wada Doqon lagu adeegtee Hal la dilo qof edab daran. Araggaba qof laga deday Ma arkayso ilayskee Adoo meel is geyn kara Eber yaan lagaa gadin. Irid xiran gadaasheed Indheergaradku waa kii Ammuuraha ka toogtee Inkiraaddu waa qalad. Nin hillaac oddorasaan U dulqaadan faankee Xagla geel awood li'i
Isma jabi karaan been. Afartaas ishaartiyo Maansada ilhaankaa Ubucdeeda weeyee Utun yaanay ku la noqon. Good iyo insaankaba Araxan kama dhaxeeyee Cadaw urugo kula raba Yaa aamin kugu yiri?. Uus buur sagaaradu Waxey digo u aastaa Waa maalin aarsee Ha illoobin godobaha. Alaab maahan guushoo La ma iibsan karayee Dhabadkuba afkiisuuw Aarmiga ku laliyaa. Adigana qof nool baa Alla kaa abuuroo Arrin yaableh weeyee Dhaqdhaqaaji unugyada. Aa iyo dhib badanaa Uurka loo ma sheegee Addimmada wax qabashada Waa lagu adkeeyaa. Afagaalle iyo urur Afsoomaali mooye Adduunyada intaa kale Afafkooda laga waa. Taa waxey aloostoo Ileyskana u daartaa Umaddeeyda Soomaal Afka iney ka tahay hodon. Carrab loo afeeyee Uubatadu ku leeftaa Key qabato uunkee Itaal sheegashada guud Rahu waa ka adagyahay. Hal libaax ku helay omos Olol ka ma dhammaadee Intaan araxdu kaa jabin Kor u qaad dareemaha. Summad iintu weeyaan Addoomada u gaar ahe Qof kastaa intuu galay
Isageey u tahay gaar. Axad ku ma nagaadoo Ifku maalmo weeyee Tacab dhigasho aaqiro Waa la ma illaawaan. Xayawaanka ka la ilan Oo midibba ceynkaa Urtu waa is garashada Ablig looga wada dhigay. Ilma dhabanka dhaaftoon Cabsi Eebbe kaa noqon Sida eyga harankaa La iskaga ilaalshaa. Dul ka qabid abeesada Uunreys ma daayee Waxa aadan heli karin Ha u aadin keymaha. Naftu uumis mooyee Ila qabad ma raacdee Onkad dhagaha jabiyaa Hogashoow u digayaa. Qaansada is dadabtana Quwadaha Ilaah beey Midda ugu yar qeexdoo U qashuuc ku leedahay. Adna qaadan meyside Ulal waxaad ka dhigataa Holan aan dhammaanbaa Oogadeeyda lagu shiday. Lulumaha u daadaga Inuu uusha taabtaa Biyahoow ka uunmee Kartidiyo il dheerida Aboor la ma ekaan karo. Gabagaba arartiyo Ujeeddadu waxey tahay Ariguba halkii aar Oofaha ku gooyaa Maalin kale ma aadee Inaan ido lagaa dhigan!
5
06155555209 / 0699969192