Wargeyska Gobollada Dhexe - Sebtember, 2018

Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Sabti, 01 Sebtember 2018, Cadadka 066aad, Sanadka 6aad

MAXAA CUSUB?

MADAXWEYNE XAAF IYO MACALLIN MAXAMUUD: GALMUDUG HA IS KU TASHATO! QORAALLO KALE ILAALINTA XAQUUQDA CARRUURTA DOOD KU SAABSAN OO LAGU QABTAY DUSMAREEB

| bogga 2aad

TAARIIKH NOLOLEEDKA MARK ELLIOT ZUCKERBERG Q4

| bogga 4aad


2

WARARKA

Cadadka 066aad, Sanadka 6aad

Sabti, 01 Sebtember 2018

MADAXWEYNE XAAF IYO MACALLIN MAXAMUUD: GALMUDUG HA IS KU TASHATO!

Sidii weerarka qaawan, ay dawladda dhexe ugu soo qaadday dawalad goboleedka Galmudug, sanadkii hore dhammaadkiisa, ee la isugu dayay, in madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf xilka looga qaado, iyadoo la adeegsaday dhawr xildhibaan, oo maqaayad ku shirtay, balse, is caabbin xooggan laga hortagay, lana tusay, in Galmudug ka wayntahay Xaaf ama xildhibaanno dhawr ah, dawladda dhexe waxay wadday cagojiid iyo caajisin ku aaddan arrimaha Galmudug ee dhinac walba leh. Imitaankii madaxweyne Farmaajo, uu ku yimid, degaannada Galmudug

gugan horraantiisa, ee qaybta ka ahaa, socdaalka maamullada ee Farmaajo ku tagayey, ee sida fiican iyo heerka sare loo so dhaweeyey ka dib, wax weyn is ka ma badalin aragtida ku aaddan Galmudug, ay madaxda sare ka leeyihiin, oo ah runtii arrin ayaandarro ah. Dad badan ayaa filayey, in booqashada Farmaajo ka dib, in wax weyn is ka badali doonaan, maadaama kow uu Farmaajo iyo Khayrre ka soo jeedaan is la Galmudug, tan ka weynna ay tahay, in Galmudug ay degto beeshii ugu taageerada badneed Farmaajo, markii uu ku jiray ololaha

doorashada, taas oo muujisay, in Farmaajo uusan lahayn abaal iyo ergasho. Heshiiskii jabuuti ka dib, ee lagu hirgalshay Dusmo reeb, goobjoogna uu ka ahaa is la MW Farmaajo, waxaa lugta ku dhuftay, is la madaxda sare ee dawladda dhexe, oo mar kale carqalad ku furay Galmudug. Sida muuqata Galmudug, waxaa la saaray cunaqabatayn dhan walba leh, oo ay ugu horrayso dhanka dhaqaalaha iyo taakulaynta maal, ee ay ka heli jirtay dawladda dhexe iyo deeqaha dunidu u soo marsiiso, taas oo degaanka iyo maamulkaba ka abuuri karta xaalad amnixumo, xasillooni la’aan siyaasadeed iyo burbur ku yimaad maamulka, oodba mooddo, in ay tahay midda ay doonayaan madaxda dawalddu. Ma ahayn sir, in qaar ka mid ah hay’daha deeqaha dhiiba,

ururrada bixiya taakulaynta iyo dawaldaha qaarkood, in ay degaannada Gobollada Dhexe waxba siin jirin, lana saaray qad guduud, oon la aqoon sababta looga jeedo, marka laga reebo, in ay la xiriirto arrimo siyaasadeed. Midda hadda bannaanka tamid, oo MW Xaaf iyo Macallin Maxamuud; hoggaanka Ahlusunna ay carrabka ku dhufteen ayaa ah, in dawladdii dhexena ay billowday dagaal dhaqaale iyo cunaqabatayn aysan ku hayn maamullada kale, ee aan badi ku aragtida ahayn. Galmudug haddii aysan nagu aragti ahayn, waxaan ka joojinaynaa lacagtii lagu kabi jiray miisaaniyaddeeda, sidoo kale waxaan ka xannibaynaa deeqaha caalamku siiyo ayey aargtidii ku soo aruurtay. Saw aragti gurracan ma ahan? Lacagtaa waa

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin.

Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Sabti, 01 Sebtember 2018

canshuurta ka soo xaroota Muqdisho, oo qaybta ugu weyn laga qaado dadka ka soo jeeda Galmudug. Haddaba, sidee lacag laga qaaday dadka Galmudug ee Muqdisho, loogu diidi karaa ama loogu cunaqabatayn karaa maamulka Galmudug?. Taas waxay keentay, in MW Galmudug Xaaf iyo madaxa Ahlusunno Macallin Maxamuud si toos u dhahaan; GALMUDUG HA IS KU TASHATO, ka dib markii ay ka soo quusteen beenta iyo meermeerinta madaxda dawladda, oo ay ka go’an tahay duminta Galmudug.

WARARKA

Hal arrin waa muhim, in is ku tashiga lagu saleeyo is la xisaabantan; lacagta ay dawaldda dhexe ku kabto miisaaniyadda dawlada Galmudug, waa mid dastuuri ah, ee ma ahan saddaqo qof bixiyo ama deeq kooxi siinayso Galmudug, marka waa in lagu dacaweeyaa hay’daha ku shaqada leh, ee soomaaliyeed ama shisheeye, si korjoogtada dunida metalaysa u ogaato cunaqabataynta Galmudug la saaray. Midda kale, in Galmudug is ku

Cadadka 066aad, Sanadka 6aad

tashato, ee leh; dib u heshiisiin, dhaqaale abuurid, xoojin kaabayaal dhaqaale, abuurid shaqo, hormar abbaarid, adkaynta adeegyada bulshada oo dhan, ee waxbarasho, caafimaad, dhisme waddooyin, ceelal qodid, helid biyo nadiif ah IWM, waxaa sal u ah, in aqoonyahanka iyo indheergaradka degaanka laga qaybgeliyo talada iyo go'aanka maamulka Galmudug, oo nuglaan iyo bisayl badan la

3

muujiyo, si mammul wanaag iyo wadaaggiis loo hirgalsho. Waa midda keliya, ee lagu dhaafi karo caqabadaha iyo culaysyada taagan; TALOWADAAJIN. Tan u dambaysa, golaha dawalad goboleedyada, waa in Galmudug kaalin muuqata iyo awood qaysbi la yaqaan ku lahaataa, maxaa yeelay, waa meesha keli ah, ee dalka gudihiisa ah, oo Galmudug u sahli karta, in ay ka hesho taageero siyaasadeed iyo u muujin dhawaansho, marka la fiiriyo marxaladda ay marayso iyo heerarka la filan karo bilaha ama sanadka soo socdo, oo doorashooyin

ILAALINTA XAQUUQDA CARRUURTA DOOD KU SAABSAN OO LAGU QABTAY DUSMAREEB Wasaarahadda Haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug, ayaa magaalada Dusmareeb ku qabtay dood cilmiyeed iyo isugu jirtay wacyigelin, oo ku saabsaneed dhowrista xuquuqda carruurta. Dooddan waxaa ka qeybgalay bulshada qeybaheeda kala duwan, oo ugu horreeyeen dumarka, hooyooyinka, ururrada haweenka, MCH-yada dhallaanka, oo ay wehliyeen culimo iyo waalidiin.

Waxyaabaha doodda xoogga lagu saaray waxaa ugu muhimsanaa; dhowrista iyo ilaalinta Xaquuqda Caruurta, oo ah wax diinta, dhaqanka iyo xeerarka dalku dhawreen. Sidoo kale, waxaa looga hadlay sidii carruurtu ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo aqoon. Dooddan dadkii ka qaybgalay, ayaa waxaa ay isku raaceen, in bulshada dhexdeeda laga sameeyo wacyigalin la xiriirta ilaalinta Xaquuqda Carruurta iyo in

laga hortago in la askareeyo. Wasiirka Wasaaradda Xaquuqul insaanka ee Galmudug marwo Hodan Cabdi Shire, oo ka hadashay dooddan, ayaa sheegtay, in dowladda Soomaaliyeed ay saxiixday barnaamij Caalami, oo ku saabsan xaquuqda carruurta, ayna tahay, in la gaarsiiyo dowlad goboleeyda. Dhawaan ayey eheed, markii gabar toban sano jir ah ay geeriyootay, ka dib gudniin Fircooniga

ah oo lagu sameeyey, degaan hoostaga magaalada Dusmo reeb, oo maamulka Galmudug ka abuuray walaac badan. Dooddan lagu qabtay Dusmo reeb, ayaa eheed wacyigelin dadka lagu baraarujiyey, ahmiyadda ay leedahay ilaalinta caafimaadka iyo curdunnimada carrurta guud ahaan, gaar ahaan gabdhaha, waxaana la isu tilmaamay, in awoodda la saaro, sidii ay caruurta Soomaaliyeed u heli lahaayeen Caafimaad, waxbarasho iyo ka hortagga askareyntooda.


4

Cadadka 066aad, Sanadka 6aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Sabti, 01 Sebtember 2018

NAASNUUJINTA UBADKA WQ: Dr. Abdullahi Osman Yusuf (Dr.Naaaji)

Hordhac Maadaama labada toddobaad ee ugu horreysa bisha agosto loo bixiyey toddobaadyada naasnuujinta, ayaan waxaan jecleystay, inaan qormadan ka faaqido naasnuujinta. Naasnuujinta goorma ayey billaabataa? Jaqiddu waa in loo billaabaa ilmayga isla marka la dhaliyaba, iyadoo laga goynin xarigga xuddunta ama ugu badnaan saacad gudaheed dhalmada ka dib. Waa in ubadka la nuujiyo caanaha ugu horreeyo ee naaska hooyada; dambarta. Dambarta oo hooyooyinka qaar ay ubadkooda siinin waa nafaqo badalkeeda la heli doonin, dhallaanka oo jiqo danbarta waa muhiimad weyn, waayo waxaa ku jira nafaqooyin kala geddisan oo cunugga waxtar u leh iyo faytimiinno, gaar ahaan faytamiin-A, kaasoo xoojiya difaaca ubadka kana hortaga caabuqyada ku dhaca dhallaanka bilaha ugu horreeyo ee noolashiisa. Muddada naasnuujinta iyo inta jeer ee la nuujin karo maalintii Hooyadu waa in ay ubadkeeda nuujisaa muddo 18 bilood ah (sanad iyo bar), muddadaas 6da bil ee

ugu horreysa waa in aan la siinin wax aan eheen caanaha naaska, caanahaas ayaa biyo iyo cunnaba ugu filan muddadaas lixda bil ah. 2bada bil ee ugu horreyso ubadku waa in uu jiqaa naaska 8 illaa 12 jeer (habeen iyo maalin) taas oo ay micnaheedu tahay 2dii saac ama 3dii saacba mar. 2bilood markuu gaaro ka dib waa in uu naaska jiqaa 5 illaa 6 jeer 24kii saacba. Sidee ku ogaan kartaa in naasku ku filanyahay cunuggaaga? Ilaahey waxa uu naasaha hooyada ku diyaariyay caano ku filan ubadka mataanaba ha ahaadaane. Hooyo si aad u ogaato caanaha naasku iney ku filanyihiin ubadka, la soco inta jeer uu kaadin karo ama saxaroon karo, haddii uu naasku ku filanyahay waa in uu maalintii kaadiyaa 6 illaa 8jeer ama uu saxaroodu ugu yaraan 4jeer. Nuucyada cunno ee ku jira caanaha naaska Caanaha naasku waa cuntada ugu wanaagsan ee ubadka dhashay ay heli karaan. Tobanka milliliter(10ml)ka ugu horreeya caanaha naaska waa biyo waxa uuna Alle ugu diyaariyay in ubadku ku harraad gooyaan, marka uu xoogaa muddo ah ubadku

naasaha jiqo, caanuhu wa ay adkaadaan oo waa caano nafaqo iyo dufan badan leh waana caanaha uu ubadku ku koro tamarna ka helo. Hooyo ubadku ha jiqo oo ha dhammeysto hal naas ka hor intaa aadan u deyn kan kale, haddi kale ubadku waxa uu jiqi doonaa caanaha hore ee biyaha kaliya ah ee labada naas, taaso sababi doonta in ubadkii dhargo, isla markaasna gafaan caanihii nafaqada kujirtay.

dhammaan nafaqooyinka uu dhallaanku u baahanyahay, waana mid dheefshiidka ubadku shiidi karo. Dhallaanka naaska quuto calooshoodu ma fadhiisato oo saxaradoodu ma adkaato. Caanaha naasku ma laha xasaasiyadda ay leeyihiin caanaha xoolaha. Naasnuujintu waxa ay hoos u dhigtaa cayilka hooyada, Ubadka naaska nuugayana si xad Faa’iidooyinka dhaaf ah u ma cayilo. naasnuujinta iyo Naasnuujintu waxay naanaha naaska ka hortagtaa caabuqa Naasnuujintu waa mid naasaha iyo kansarka faa’iido u ah hooyada, ama kaankarrada. dhallaanka iyo bulshada Naasnuujintu waxa intaba. Waxaa ka mid ah ay dib u dhigtaa uur faa’iidooyinkaas: qaadidda hooyada, Caanaha naasku waa taaso jidhka hooyada u lacag la’aan; waxaa saamaxeyso, gaar ahaan qoyskana u baaqda ilma galeenka, inuu ka qarashkii kaga bixi lahaa soo kabto dhaawicii daaweynta xanuunnada uurkii hore. ka dhasha naasnuujin Naasnuujintu waxa la’aanta. ay joojisaa dhiig baxa Waxey sababaan jaceyl makaanka ee dhalmada iyo qanacsanaan ubadku ka dib, waxayna soo uu u qaado hooyada. aruurisaa makaankii Caanaha naasku waa fiday waqtigii uurka. nadiif, mana lahan Caanaha naaska waxa wax jeermis ah, sidaas ku jira dhacaanno kala darteed, ubadku ku ma duwan sida (IgA) iyo xanuunsado. Lactoferrin, Kuwaasoo Heer kulka caanaha ka hortaga jeermisyada naasku waa mid ku (Lysozyme) kaasoo habboon ubadka mar burburiyo jeermisyada. walba, ha lagu jiro xilli kulul ah ama qaboow’e. Waxaa ku dhammeystiran


Sabti, 01 Sebtember 2018

QORAALLADA WARGEYSKA

Cadadka 066aad, Sanadka 6aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

TAARIIKH NOLOLEEDKA MARK ELLIOT ZUCKERBERG Q4 W/D: Xasan Mudane

Qaybtii saddexaad ee taxanaha taariikh nololeedka shakhsiyaadka ka guulgaaray ganacsiga, waxa aynu kaga hadalnay taariikh nololeedka maalqabeenka Carlos Slim Helu, oo ah qofka saddexaad ee ugu taajirsan caalamka. Qaybtan, waxa aynu kaga sheekeyn doonaa taariikh nololeedka Mark Zuckerberg. MARK ELLIOT ZUCKERBERG Waa halabuure ganacsi, waana aasaasaha barta xiriirka bulshada ee Facebook. Sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay bilyoneerka ugu da’da yar dunida. Hantidiisa waxay gaaraysaa 71.6 bilyan oo doollar. Wuxuu dhashay gu’gii 1984, kuna dhashay magaalada New York ee dalka maraykanka. Wuxuu ku biiray Jaamacadda Harvard, balse, muusan dhammaysan jaamacadda. Yaraantiisii wuxuu ahaa qof jecel kombuyuutarka, sidoo kale, wuxuu ahaa qof qora barnaamijyada kombuyuutarka. Markii ugu horreysay wuxuu qoray barnaamij la dhaho Atari Basic oo

uu ugu magac daray Zucknet. Barnaamijkaas waxaa isticmaali jiray aabbihiis, wuxuuna u adeegsan jiray xaruntiisa caafimaadka. Aabbihiis Edward wuxuu maamule ka ahaa xarun caafimaad, sidoo kale hooyadiis Karen iyadana waxay ahayd dhaqtarad caafimaad. Tijaabo ay sameeyeen isaga iyo saaxiibbadiis waxay ku soo saareen barnaamij ciyaar ah, oo ku shaqeyn kara kombuyuutarka. Markii ay hooyadii aragtay sida uu wiilkeeda u jecel yahay barashada kombuyuutarka, waxay geysay iskuul lagu magacaabo Philips Exeter Academy. Tani waxay fursad u siisay in uu sii horumariyo xirfaddiisa ku saabsan kombuutarka. Isaga oo iskuulka dhiganaya ayuu soosaaray barnaamij lagu dhageysan karo heesaha, wuxuuna ugu magac daray Synapse. Barnaamijkaas wuxuu soo jiitay shirkado badan sida shirkadda Microsoft, AOL. Haddaba, markii uu ka soo qalinqortay iskuulka durbadiiba wuxuu iska soo qoray jaamacadda Harvard. Markii ay jaamacadda ogaatay, in

uu ahaa qofkii soosaaray barnaamijka synapse, waxay jamacadda u aqoonsatay, in uu yahay horumariye softiweer, taasi waxay u noqotay fursad dahabi ah. Isla xilligaas isaga oo jaamacadda dhiganaya ayuu soosaaray laba barnaamij oo lagu kala magacaabo Coursematch iyo Facemash. Isla xilligaas waxaa jirtay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo maamulka jaamacadda, ugu dambeyntiina waxay dhalisay, in jaamacadda laga eryo, sidaas ayuuna kaga habsaamay waxbarashadii Harvard. Dhanka kale, ka hor inta uusan jaamacadda ka habsaamin waxaa jiray saddex arday oo ka mid ahaa ardayda jaamacadda Harvard. Waxay la yaabeen barnaamijyadii uu ku soo kordhiyey jaamacadda muddadii yareyd ee uu jaamacadda joogay, waxayna ka codsadeen, in uu ka caawiyo barnaamij yar oo ujeedkiisu yahay in la helo bar isku xirta ardayda jaamacadda si ay u wadaagaan macluumaad. Isaga iyo saddexdii

arday waxay dunida ku soo kordhiyeen bar bulsho, taas oo qofka u sahlaysa, in uu si fudud u la xiriiri karo asxaabtiisa ku kala nool daafaha dunida, waxayna ugu magac dareen Facebook. Aasaaskii Shirkadda Facebook Sanadkii 2005 waxaa sii kordhaayey dadka adeegsada shirkadda Facebook, oo gaaray shan milyan, taas oo soo dedejisay, in ay soo jiidato indhaha shirkado waaweyn oo jeclaystay, in ay xayeysiis ku dhex samaystaan. Waxaa ka mid ahaa shirkadahaas shirkadda weyn ee Accel oo maalgashi dhan toban iyo laba milyan oo doollar, ku samaysay shirkadda Facebook. Waxaa suuqa ku soo biiray Facebook oo xilligaasi sii kordhayay saamaynta ay ku yeelanayso suuqa dunida. Mark wuxuu yiri “Haddaad rabto in aad samayso adeeg kaas oo saameyn leh waxaad u baahan tahay, in aad marka hore weynaato, haddaba hadda waxaan u malaynayaa in aynu weynaanay, oo aynu wax ka baranay khaladaadkeennii hore.”


06155555209 / 0699969192


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.