Wargeyska Gobollada Dhexe - Oktoobar 2018

Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Isniin, 01 Oktoobar 2018, Cadadka 067aad, Sanadka 6aad

MAXAA CUSUB?

SHEEKH SHAAKIR OO DHAGAXDHIGAY ISBITAALKA BAXRU NUUR QORAALLO KALE FINANKA WAJIGA

| bogga 2aad

FAA'IIDOOYINKA MALABKA

| bogga 3aad

WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKA SHAKHSIYAAD KA GUUL GAARAY GANACSIGA Q4| bogga 5aad


2

WARARKA

Cadadka 067aad, Sanadka 6aad

Isniin, 01 Oktoobar 2018

FAA’IIDOOYINKA MALABKA WQ: Anas Khaliif

Shinnidu waxay ka mid tahay markii loo abtirinayo boqortooyda xayawaanka, oo waxay ku jirtaa cayayaannada ugu hormarsan marka dhinacyo badan laga fiiriyo. Shinniada waxaa lagu sheegay quraan kariimka. Shinnida waa boqortooyo aad u sarreeyo qaabdhismeedkeedu, oo waxay leedahay boqorad xukunta boqortooyada iyo laba (boqor) iyo shaqaale, oo wax soo saarka malabku ugu weyn yahay ayey ka shaqeeyaan. Markii aan ka hadlayno

wax soo saarka shinnida, waxay soo saartaa ilaa iyo 5 shay inta la og yahay, oo ka la ah: •MALABKA •KABRAHA AMA LOOXAANTA AMA SHUMACA •XABAGTA •CUNNADA BOQORADDA (ROYAL JILLI) •MICIDA SHINNIDA •MALABKA: taariikh ahaan waxaa la sheegaa, in la isticmaali jiray soddon kun oo sano dhalashadii nabi Ciise ka hor. Sidoo kale Faraaciintii hore waxaa uu ugu jiri jiray maaddooyinka wax lagu xifdiyo sida

hilibka, khudradda IWM, iyadoo meydkana ay marin jireen, bakteeriyaduna awood u ma laha in ay ku noolaato malabka dhexdiisa in ka yar 10 daqiiqo. Malabka sida la sheego 700 oo sano ka hor ilmo dhintay oo lagu riday ama lagu keydiyey santuuq malab ah, ayaan wax is badal ah ku imaan. Malabka waxa uu ka mid ahaa haddiyadihii ugu qaalisanaa ee la is guddoon siin jiray, sidoo kale, waxa uu ka mid ahaa nabi Yuusuf wixii loola yimid. Dhanka kale waxa uu soo wariyey kitaabka Towreed magac

ahaan nabi Suleymaan waxa uu amri jiray ciidankiisa in ay raadiyaan malabka waana uu isticmaali jiray. Haddaba qiimaha malabka waxaa uu nabbi ku sheegay Qur'aanka Kariimka ah, suuradda lagu magacaabo suuratul Naxli aayaddaha 68 ilaa 69aad. Sidoo kale suuradda Muxammed aayadda 15aad. Sidaas si la mid ah Nabiga (NNKHA) meelo badan ayuu kaga hadlay malabka in uu daawo yahay. Haddaba aynu isla eegno malabka inta uu

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin.

Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Isniin, 01 Oktoobar 2018

u dhigmo cunto ahaan. Waxaa la tilmaamaa inuu malabku dhaliyo firfircooni, wuxuuna 100grm oo malab ah jirka siiyaa 300 xaraarad ah, halkii kiiloo garaam wuxu u dhigmaa cunto ahaan shan liitar oo caano ah ama lix iyo labaatan xabbo oo muus ah ama lixdan xabbo oo liin bambeelmo ah ama konton xabbo oo ukun ah ama kow iyo toban kiilo iyo toddobaatan iyo shan garaam oo hilib ah amase laba iyo toban kiilo oo khudrad iyo macmacaanka ah, oo u leh wax tar dheef shiidka iyo xubnaha. Sidoo kale dhanaanka malabka waxa uu qofka u furaa cuntada isla markaa waxaa kororta korodhsiimada dhiigga,

WARARKA

wuxuuna u qaas yahay feytamiinnada (A, B, G.) Sida la ogyahay malabka waxaa ka buuxa macaadin, waxaana ilaa imminka la hayaa oo laga soo saaray shan iyo toban (15) nooc. Waxa ka mid ah: (Protein, macdanta, naxaasta, kubriyam, botaasiyam, mingiliisiyam, phosphor, color sowdiyan, kalsiyam silkooyet, silikom, manganiis iyo faytamiinada B, B2, B5, B6, G iyo khamiirka, sidoo kale nitroojin sitrik iyo saliida. Si gaar ah wuxu daawo u yahay beerka (The Liver) ama ba beer-xanuunka mana ku dhaco badanaa ruuxii daa'ima isticmaalka malabka! Ilmaha waxa looga daaweeyaa ama looga

Cadadka 067aad, Sanadka 6aad

ilaaliyaa burukiitada, hargabka, cunto xumada, nafaqo la'aanta iwm, waana haddii loo daa'imo oo la siiyo maalin kasta saddex jeer min nus qaaddo. Waa waxa ugu badan ay shinnidu soo sarto waxyna ka soo sartaa dheecaanno ay ka soo qaaddo ubaxa loona yaqaanno afka qalaad (naktar) malabku waxa uu ka mid yahy carbohydrate ka oo tamar (energy) laga helo waxa uu kasameysan yahy sonkorta fudud (glucose) taaso markuu qofka isticmaalayo si toos ah mindhiciradiisu u nuugi karaan. Sido kale Waxaa lagu ogaaday tijaabo lagu sameeyay London

3

University in malabka ay ku jirto bakteeriyada loo yaqaan lactic acid bacteria iyo organic acid. Lactic acid bacteria oo soo saara bacteria sign kaas oo la falgalo wax walbe oo cudur sababe ah oo jirka ku jira, sido kale waxaa la ogaaday, in malabka ay ku jirto bacteria antibiotic soo saarta kaasoo awood u leh inuu dilo dhammaan il ma argtada. Waqtiyadii faracinta malabka waxaa loo adeegsan jiray dawayn, waxayna eheed isha caafimaad ee ay is ticmaali jireen badana si qaas ah waxa loogu adeegsan jiray nabarrada in lagu dhayo.

SHEEKH SHAAKIR OO DHAGAXDHIGAY ISBITAALKA BAXRU NUUR Ra'iisal Wasaaraha Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Sheekh Maxamad Shaakir, ayaa magaalada ganacsiga Galmudug ee Guri ceel ka dhaxdhigay isbitaalka Baxru Nuur (BAXRU NUUR INTERNATIONAL HOSPITAL). Isbitaalka Baxru Nuur waxaa hirgelin doonaa mu’asasada diiniga ah, ee Baxru Nuur, oo uu madaxa ka yahay Sheekh Cabdirisaaq Maxamad Cali Mire Al

Ashcari, oo goobjoog ka ahaa dhagaxdhigga. Sidoo kale, Sheekh Cadirisaaq wuxuu ka mid yahay hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca. Dhanka kale, dhagaxdhigga waxaa goobjoog iyaguna ka ahaa guddoomiyaha degmada Guri Ceel, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Guriceel.

Madax dhaqameed ka hadashay dhagaxdhigga ayaa ka mahadceliyey dedaalka lagu bixinayo, sidii bulshada guud ahaan gaar ahaan dhallinyarada looga badbaadin lahaa fekerka xagjirka, oo ay madaxda Ahlusunno gaar ahaan Sheekh Shaakir iyo Sheekh Cabdirisaaq horseed u yihiin. Dhanka kale, maamulka degmada ayaa dhankooda sheegay, in ay faraxsan yihiin hormarinta

laga wado degmadooda, siiba qaybaha waxbarashada iyo caafimaadka, oo labadunba lacag la’aan ah. Waxaan helnay ammaan, aan dadka dhan wada haysan, oo waxbarasho lacag la’aaan ah raacsan tahay, haddana waxaa na loo hirgelinaa isbitaal lacag la’aan ah, ee aan ku dedaalno, in aan xafidanno ayaa dadku is ku boorrinyeen ka soo qaybgalay dhagaxdhigga.


4

Cadadka 067aad, Sanadka 6aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Isniin, 01 Oktoobar 2018

FINANKA WAJIGA WQ: Dr. Abdullahi Osman Yusuf (Dr.Naaaji)

Finanka wajiga waxa ay dhibaato ku hayaan dad badan, gaar ahaan dhallinyarada. Wajiga oo ah halka badi quruxda qofka laga go’aamiyo iyo dhallinyarnimada oo ku beegan waqtiga qofku ugu xarragada badanyahay, ayaa xanuunkani ka dhigaa mid walwal galiya dad badan. Finanka wajiga waxa ay keenaan, in ay wajiga ku dhaafaan haar ama baro madow. In kastoo finankani ay ku dhici karaan da' kasta, dadka ay da’doodu u dhaxeyso 12 sano-25 sano, ayaa ah kuwa ugu badan ee uu saameeyo. Wiilasha ayuu aad u saameeya marka loo fiiriyo gabdhaha. Finankaasi waxa ay ku fidi karaan qoorta, dhabarka iyo xabadka. Finankani intooda badan waa meel dhaxaad, 4-5sano ka dibna ayagaa iskood u baaba'o, dad yar un baa u baahda daawo,

balse bukaannada qaar sanado badan ayey la ildarnaan karaan. Maxaa bababa finanka wajiga? Sideese ku sameysmaan? 4 waxyaabood ayaa u sabab ah sameysanka finanka, gaar ahaan xilliga qaangaarka: - Waxa aad u weynaado xilliga qaangaarka qanjirro laga helo duleellada timaha iyo xaadda oo soo daayo dareere saliid oo kale ah. Qanjirradaasi waxa ay soo daaynayaan dareere xad dhaaf ah, waxa ayna xirayaan duleelladii timaha. Qanjiradan waxa ay ku badan yihiin: wajiga, qoorta, qeybta kore ee dhabarka, xabadka iyo qeybta kore ee gacmaha, waana meelaha ay finanku ka soo baxaan. - Dareeraha qanjiradaasi waxa quuto cooc gaar ah oo jeermiska bakteeriyada ah, lagana helo maqaarkeenna.

Godkii tinta ayuuna isku badinaa jeermiskaasi, halkaasne waxaa ka dhalanayo gaduud iyo malax. - Jeermiska bakteeriyada waxa uu keenaa in uu godka caabuqo, ka dibna uu sameysmo nabar gaduudan oo damqanayo. - Afka godka tinta oo xirmo waxa uu keenaa barar. Maxaa finanka wajiga sii xumeeya? - Make-up ka adag iyo kan saliidda badan. - Bajinta iyo tuutuujinta finka, oo ugu sii dara finka. - Dhididka badan iyo galidda meel cabburan, sida wax ku karinta jiko kulul. dhididka badan waxa uu ka qeyb qaadan doona xirmidda godka tinta. - Finanka waxa sii badin kara cadaadinta badan ee wajiga sida camaamadda oo wajiga lagu xerto, koofida wajiga ku dhaggan,

indhashareerrada IWM. - Daawooyinka qaar sida Phenytoin oo loo adeegsado xanuunka qallalka. - Waxa la sheegaa, in cunnooyinka sonkorta badan iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyay sida subagga Iwm ay u daran yihiin finanka, balse, wali wax caddeyn ah loo ma helin. - Daawooyinka ilmaha kala dheereeyo qaarkood. Sidee loo daaweeya Finanka wajiga? Hadafka daaweynta waa in la baabi’iyo dhibcaha si looga hortago in wajiga haar ku sameysanto. Dhaqaatiirta ama farmashiistaha ayaa kugula talin doono daawada aad qaadaneyso, waxa ayna ku xirnaan doontaa hadba sida heerka Finku yahay. Daawooyinkaas waxa ay noqon doonaan kuwa boomaatooyin ah ama/iyo kaniini afka laga qaato. In kastoo finanka intooda badan iska dhib yaryihiin wax daawo ahna u baahneyn, haddane kuwa caabuqa badan leh (barar, gaduud, malax iwm) waxa ay keeni karaan haar, waxaana wanaagsan in ladaaweeyo. Daawadu waxa ay yareyn doontaa finanka, hasa yeeshee, wajiga sidiisi hore ku ma soo celin doonto.


Isniin, 01 Oktoobar 2018

QORAALLADA WARGEYSKA

Cadadka 067aad, Sanadka 6aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKA SHAKHSIYAAD KA GUUL GAARAY GANACSIGA Q4 WQ: Xasan Mudane

Taariikh nololeedka Alhaji Aliko Dangote Qaybtii saddexaad ee taxanaha taariikh nololeedka shakhsiyaadka ka guul gaaray ganacsiga, waxa aynu kaga hadalnay taariikh nololeedka maalqabeenka Mark Zuckerberg, aasaasaha Facebook, oo ah qofka saddexaad ee ugu taajirsan caalamka. Qaybtan, waxa aynu kaga sheekeyn doonnaa taariikh nololeedka Alhaji Aliko Dangote. ALHAJI ALIKO DANGOTE waa halabuure ganacsi, waana aasaasaha shirkadda Dangote Group. Wuxuu dhashay 10 Abriil 1957, kuna dhashay gobalka Kano dalka Naajeeriya. Waxbarashadiisa heerka koowaad wuxuu ku qaatay jamaacadda Al-

Azhar dalka Masar, isaga oo ka qalinqortay cilmiga ganacsiga. Sannadkii 2014 wargeyska Forbes wuxuu sameeyey qiimeyn ku saabsan maalqabeennada dunida, waxay ku sheegeen Dangote, in uu yahay shakhsiga sannadka 2014 ee qaaradda Afrika. Ma ahayn oo keliya shakhsiga sannadka 2014, ee wuxuu kaloo noqday qofka ugu taajirsan qaaradda Afrika, sidoo kale wuxuu kaalinta saddex iyo labaatanaad kaga jiraa maalqabeennada caalamka. Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa 14.3 1 bilyan oo doollar. Dangote wuxuu leeyahay shirkado kala duwan, intooda badanna waxay ka kala shaqeeyaan waddammo kala duwan sida Benin, Cameron, Togo, Ghana, South Africa iyo Zambia. Wuxuu ka soo jeedaa qoys Muslim ah oo hanti iyo magac ku leh dalka Naajeeriya. Yaraantiisii wuxuu ahaa qof xiiseeya ganacsiga, mar isaga oo ka hadlaya sida uu u jeclaa, in uu noqdo ganacsade wuxuu yiri “Waxaan xusuustaa

markii aan iskuulka dhiganaayay, waxaan soo iibsan jiray kartoomo yar yar oo sonkor ah, ka dib waan sii iibin jiray si aan u helo faa’iido.” Markii uu jaamacadda ka qalinqortay wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa Naajeeriya. Wuxuu lacag ka deynsaday adeerkiis Sanusi Abdulkadir, si uu riyadiisii uga run sheego; macnaha si uu ganacsi u sameeyo, sidaas ayuuna ku soo galay saaxada ganacsig. Lacagtii yareyd ee uu ka deynsaday adeerkiis waxay u noqotay barta billowga guushiisa, waayoo, isla markiiba wuxuu aasaasay shirkado kala duwan, wuxuuna ugu magac daray Dangote Group. Gu’gii 2012 wuxuu qaaday tallaabo weyn, si uu u horumariyo ganacsigiisa, taas oo ahayd codsi uu u gudbiyay dowladda Naajeeriya. Codsigaasi waxay aheyd, in qeyb ka mida dekadda Apapa lagu wareejiyo shirkaddiisa, waana laga aqbalay codsiga, taasi waxay u 1 Tiraddan waxaa laga soo xigtay wargeyska: http://www.forbes.com/ profile/aliko-dangote

sahashay, in uu si fudud ku ballaariyey ganacsigiisa, sidoo kale wuxuu codsi la mid ah kii hore u diray baanka dhexe ee dowladda, si canshuurta looga dhimo, waana laga oggolaaday. Taasi waxay u sahashay, in shirkadahiisu ay si fudud u la wareegeen suuqa, gaar ahaan dhoofinta sonkorta, cusbada, bariiska, kalluunka, shamiintada iyo suufka. Sidoo kale, waxaa kordhay saamiga ay shirkadahiisu ku leeyihiin suuqa, wuxuu gaaray boqolkiiba toddobaatan. Sannadkii 2009 wuxuu ku guulaystay abaalmarinta qofka ugu shaqo abuurka badan dalka Naajeeriya. Isla sannadkii 2011, wuxuu mar labaad ku guulaystay shakhsiga loogu tixgelin badan yahay Naajeeriya. Abaalmarintaasi waxaa guddoonsiiyey madaxweynihii thore Naajeeriya Mudane Good Luck Janothan. Si kastaba, mar isaga oo ka hadlaya arrinka shaqo abuurka wuxuu yiri “… Haddaad i siiso shan bilyan doollar, waxaan ku maalgelin lahaa fursad walba oo taalla dalka.”


06155555209 / 0699969192


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.