Wargeyska Gobollada Dhexe_Maarso_ 2019

Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Jimco, 01 March 2019, Cadadka 072aad, Sanadka 6aad

MAXAA CUSUB?

DHIRTA IYO NOLOSHA QORAALLO KALE DHIRTA IYO NOLOSHA | Bogga 2aad NABADDA IYO NABADDOONNADA | Bogga 4aad HANTIDA GUUD | Bogga 5aad

Bogga 5aad


2

WARARKA

Cadadka 072aad, Sanadka 6aad

Jimco, 01 March 2019

DHIRTA IYO NOLOSHA W/Q: Maxamed Daahir

Dhirta waxay udub dhexaad u tahay nolosha aadamiga iyo duunyadaba. Dhirtu waxay fii’iido u leedahay jiritaanka adduunyada oo idil. Waxay qayb lixaad leh ka ciyaartaa helidda hawo nadiif ah, biyo, daaq iyo waliba horseedaa nolol barwaaqo ah. Dhirtu waxay sii daysaa Ogsijiin (O 2 ) halka ay qaadato karboon dhayogsayd (CO 2 ) maaddada la dhoho. Qaadashada dhirtu karbon dhayogsaydka waxay ka macno tahay nadiifinta hawada wasaqaysan, iyadoo isla markaana ku soo celisa hawada ogsijiin ey u baahanyhiin xoolaha iyo bani aadamka si eey u neefsadaan. Meelaha dhir la’aanta ah waxaa

oran karaa hawadu waa shayga ugu muhiimsan ee uu u baahanyahay aadanuhu si uu u noolaado. Ma ahan kaliyah hawada aan isdhaafsanno dhirta in aan ka faa’iidno, laakiin waxay sidoo kale qayb ka qadataa jiritaanka ama helidda biyo kuwaasoon u baahanahay inaan helno si aan u jirno. Meelba meesha ey ka dhir badantahay waa ey ka biyo badantahay. Biyaha iyo dhirtu waa labo aan kala maarmin. Dhirtuna si ay u korto waxay u baahantahay biyo, halka biyuhuna u baahanyihiin dhir si eey ugu soo da’do dhulka. Dhirtu waxay biyaha ka soo saartaa macaadin kala nuuc ah, sida cusbada iyo kuwo kale. Geeduhu waxay dhulka ka dhuuqaan biyo u sahla iney noolaato iyadoo isla markaasi ey tahay waxa ugu badan ee hawada u dira biyaha kuwaasoo dib ugusoo da’a dhulka. Biyaha dhulka ku jira waxay soo qaadaan macaadin badan oo ciidda ku kaydsan kuwaasoo macaadinta kuu soo dara ama qasa geedka biyaha dhulka ka soo jiidaya, macaadintaasi waxay ku kaydsantaa miraha geedkaas iyadoo aadamiga ama xooluhuna ka cuno noloshiisana ka dhigta mid caafimaad leh.

ku habsada xannuunada qaar ee aadamiga ku dhaca, sida; xannuunada neef mareennada, madaxa xanuunka, iyo unugyada qaar ee jirka sida beerka, maskaxda, wadnaha, iyo waliba dhiigga kuwaasoo soo dadajisa geerida. Haddiise xataa qofka uu sii noolaado oo uusan xannuunadan u geeriyoon waxaa noloshiisa Haddaba waxaan oran karnaa harraadiya fahamdarro ama waxaa marka laga reebo, in dhirtu udub suurogal ah inuu waasho. asal u tahay helidda hawo nadiifa (Ogsijiin O 2 )taas oo ah waxa Noolaha unuglaha ah iyo dhirtu koowaad oo aan u baahanahay si waxay isdhaafsadaan ogxygen oo aan u jirno, haddana waxay sidoo ey unugleydu u baahantahay si kale muhiim u tahay shayga labaad uu u noolaado, halka dhirtuna u ee aanan la’aantiis badbaadi karin baahantahay kaarbon dhay-ogsayd oo ah biyaha. si ay u noolaato. Haddaba waxaan

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin.

Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Jimco, 01 March 2019

Marka laga soo tago hawada ey dhirtu na siiso iyo fududaynta ey noo fududeyso helidda biyo, sidoo kale dhirtu waxay inoo kobcisaa ama badbaadisaa xoolaha aan hilib ahaanta u cunno. Dhirtu waxay daaq u tahay xoolaha inaguna waxaa nolol inoo ah hilibka xoolahaas ama caanahooda amaba manaafacaadka kale ee aan ka helno sida subagga iyo kuwo kaloo la halmaala. Aadanaha noloshiisa waxaa asal u ah dhawr sheey oo ey ka mid tahay cunidda hilibka nimcooleyda ama ugaarta. Labaduba haddeysan helin wax baad ah oo ey daaqaan aadanuhuna u suurogal u ma ahan helidda hilibka ey u baahanyihiin si ey u noolaadaan, iyadoon ognahay in quutul yawmkeenna muhiim u yahay cunidda hilib ama cabidda caano wax ka badan cuntooyinka kale ee aan cunno. Sidoo kale dhirta waxaan ka helnaa qoryaha aan ku karsano hilibka aan xoolahaas ka qalanno. Haddii aanan helin dhir aan shidanno waxaa noo suurogal noqonaynin inaan hilib bisil cunno. Inagoo og dab aan dhirta ka shidanno laftiisa inuu faa’iidoon kaloo badan noo leeyahay sida

WARARKA

Cadadka 072aad, Sanadka 6aad

inaga oo isku dawayno ama isku kululeyno xilliyada qabowga ah. Haddaba dhirtu ma ahan kaliyah iney naga caawiso inaan helno hawo nadiif ah ama helidda biyo iyo xoolo aan ku manfacaadno, laakiin sidoo kale waxey na siisaa dharka aan xiranno. Dharka dunta laga sameeyo waa suuf dhirta qaar ey sii dayso, iyadoo suufkaasna laga sameeyo dun kuwaasoo loo sii badalo maryo aan isku asturno; nolol iyo geeriba. Dharka aan xiranno sagaanshan iyo sagaal boqolkiiba (99%) wuxuu ka sameeysanyahay asal ahaan dhir. Ma ahan inta aan xiranno kaliyah inta aan dhirta kal helno, balse sidoo kale wax kastoo dun ka sameysayn sida roogagga iyo dirmaha, dhamaballada aqalka la saaro, daahyada iyo wiliba kuwo kaloon halkaan ku soo koobi karin. Waxaa kaloo ka mid ah waxyaalaha aan dhirta ka helono looxyada aan Quraanka Kariimka ah ku barano ama xaanshiyaha aan wax ku qoronno. Haddii aanan lahaynin loox ama waraaqado wax lagu qoro waxaa adkaan lahayd in wax la barto ama kayd la helo. Horumarka uu maanta aadanuhu ku

3

taamayo waxaa horseeday tacliin lagu xifdiyay waraaqo iyo looxyo laga soo helay dhirta qaybeheeda kala duwan. Cilimigaas looxada lagu xifdiyay sidoo kale waxaa lagu keydiyay guryo ka sameeysan alwaax lagoo guray dhir. Ma ahan in guryahaas lagu keydiyay kaliyah cilmigii la qoray, balse aadamigii laftiisa ayaa ka samaystay dhirta gooba uu ku hoydo. Aqallada inoo dhisan intooda badan waxaa ey ka sameeysanyhiin alwaax iyo tiirar lagu adkeeyay biro iyo shamiito. Tan kale waxaan ka sameeysannaa kuraas aan ku fariisanno iyo waliba agabya kale oo nolosheenna muhiim u ah. Nolosheenoo idil waxay ku gaaf wareegeeysaa jiritaanka dhirta, marka, dhirtu waa udub dhexaadka nolosha aadanaha, haddii ey noqoto hawo nadiif ah oo ey na siiso, roob ama biyo, amaba sidoo kale daaqa xoolaha, manaafacaadka dhulka hoostiisa ku jira oo ey inooga soo qaaddo. Dhirtu waxay noo horseeddaa nolol barwaaqaa oo caafimaad leh, iyadoo na siiso dab aan shidanno, dhar aan xiranno, hooy aan duggaalno iyo waliba agabyo aan cilmiga aqoon ku baranno ama ku kaydsanno.


4

Cadadka 072aad, Sanadka 6aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Jimco, 01 March 2019

NABADDA IYO NABADDOONNADA W/Q: Cabduwahaab Saqa

Abaaro, maamulxumo, dhaqaalexumo, waddooyin la’aan, adeegyada bulshada oo aad u tayo liita iyo aafooyin kale oo badan ayaa degaannada Galmudug hareeyay. Aafada ugu darani se waa colaadaha qabaliga ah ee sida joogtada ah u soo noqnoqda. Mar walba qabiilooyinku way dagaallamaan, sannad kastana colaadaha qabaliga ah waxaa u qur go’a dad tiro badan oo reer miyi u sii badan. Haddaba maxaa colaadaha dhaliya? Maxay u joogsan la’ yihiin? Maamulka Galmudug karti, awood iyo xilkasnimo uu aafadan wax kaga qabto maxaa looga waayay? Dadaallada gudaha Galmudug iyo bannaankeedaba laga agaasimo ee lacagaha tirada badan lagu bixiyo ee la yiraahdo: “colaadaha ayaa lagu daminayaa” aalaaba maxay u guuldarraystaan? Dabcan colaadaha sokeeye ee Soomaaliya ka taagani Galmudug oo kali ah kama jiraan. Laakiin su’aalahaan iyo kuwo kale ba way rahman yihiin. Run ahaantii iyaga in laga jawaabo ayay ku xiran tahay in ay xasillooni, wadanoolaansho iyo horumar ka hirgalaan Galmudug. Waxaa ka jawaabi kara uun dad ama ururro karti leh oo xog’ogaal ah oo kudhac leh oo qabiilooyinka dagaallamaya dhex u ah. Waxaa la isku dagaalaa qabiil qabiil. Qabiillada waxaa hormuud u ah odayaal. Odayaashaas wadar ahaantooda waxaa loo yaqaannaa odayaaldhaqameedyo ama nabaddoonno. Iyaga ayay ka go’daa arrin walba ama inta ugu badan arrimaha qabiillada. Iyaga ayaa maxkamad ah, iyaga ayaa dastuur (xeer) ah, iyaga ayaa garaad iyo guddoon ah, iyaga ayaa xilalka siyaasadeed ee beeluhu qoondada u helaan bixiya ama gata… Run ahaantii odayaashu waxay carrada ku leeyihiin kaalin ku dhow tan maamulka. Sideedaba way nagu adkaatay in aan

nidaamka qabiilka ka guurno oo nidaam dowladnimo oo qabiilladu dano wadaagaan u guurno. Laakiin xaqiiqada la dhadhamiyay ee salkeeda la gaarayi waxa ay tahay: “nabaddoonnadu” waligood iyo allahood Galmudug kama dhalin doonaa nabad waarta. Sabab? Mar walba oo ay dagaallo soo cusboonaadaan odayaashu way isku yimaadaan ama waa la isku keenaa. Waxa ay ku heshiiyaan oo isla guddoonsadaan NABAD, ka dib marka ay kala qaataan wixii ay u arkaan xuquuq la kala leeyahay. Laakiin odayaashu ma kaantarooli karaa falalka “nabaddii ay wada guddoonsadeen” wax u dhimaya? Nabadda afka uun bay iskala qaataan e ficil ahaan uma ilaalin karaan.

ku howlgaliyaan dad ka shaqeeya in aysan qofaf qabiilladooda ka mid ahi ku kicin falal burin kara nabaddii ay isla guddoonsadeen. Isla goobta shirka “dibuheshiisiintu” ka socdo iyaga oo fadhiya ayay suuragal tahay in geeljire meel fog joogaayi dilo geeljire kale, wayna dhacday. Waayo, odayaashu ma xakamayn karaan waxa uu falayo geeljire hubaysan oo meel fog jooga oo aamisan in dakano ka maqan tahay. Haddiiba uu dhaco fal nabadda carqalad ku ah oo tusaal ahaan qof la dilo, aalaaba gacan-ku-dhiiglaha lama ciqaabo ee mag iyo duug ayay odayadu kala qaataan. Waxaa kale oo run ah in aysan odayaashu oggolayn in qabiilooyinka hub-kadhigis lagu sameeyo, waayo oo qudhoodu iskuma kalsoona.

Bulshada rayidka ahi way wada hubaysan tahay, dakanooyinna way kala sheegataa ama way kala qabtaa. Dad badan oo aan xilkas ahayn ayay aalado nafta gooyaayi gacmaha ugu jiraan. Aalaaba colaaduhu waxa ay ka qarxaan geeljire ama mooryaan hubaysan oo qof kale oo aan qabiilkiisa ahayn xabbad ku kala jeexay, sabab iyo sabab la’aan labadaba.

Hadda ba maxaa xal ah? Waa xal ah: in la xoojiyo hay’adaha nabadgalyada ka shaqeeya, siiba sirdoonka iyo booliska, lagana howlgaliyaa tuulooyinka iyo meel walba oo ay colaadi ka aloosan tahay. Waa in la dhisaa hay’ad garsoor oo la sameeyaa xeerar lagu ciqaabo cid walba oo colaad qabali ah kicisa ama isku dayda in ay kiciso.

Maaddaama oo ay odayaashu saamayn bulsheed oo weyn leeyihiin waa in xaaladdooda iyo waayahooda laga hadlaa oo la qeexaa. Sida ay u badan yihiin waa da’jooga xilli ay iyagu u baahan yihiin daryeel. Tan kale, Kuma jiro ama waa ku dhif oday waxbarasho asaasi ah oo iskuul soo maray, mid heer jaamacadeed gaaray ha joogtee. Iyada oo ay jirto in ay nolosha magaaladu ka duwan tahay ta miyiga, duruufaha dhaqandhaqaale iyo kuwa bulsheed ee Soomaalidana wax weyni iska beddeleen, haddana odayaashu waxa ay u badan yihiin reer miyi. Dhanka kale, odayaashu ma leh karti, xirfad, aqoon iyo dhaqaale ay

Intaas ka dib waa in hub-ka-dhigis rasmi ah la sameeyaa, xuquuqda qofka iyo sugnaanta amnigiisa, karaamadiisa iyo hantidiisana kor loo qaadaa. Kalsoonida bulshada u dhexaysa iyo is’ahaanshiyaheeduba aad ayay u hoosaayeen; runtii waa ba eber. Waa in dadaal aad u badan lagu bixiyaa sidii Galmudugnimada looga sarraysiin lahaa qabiilnimada. Waa in dhaqaalaha maamulka aad loo koriyaa oo kaabayaasha dhaqaalaha degdeg loo dhisaa, waayo, faqriga iyo shaqo la’aantu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha dadka ku haya heerka qabiilnimada. Waxaas oo dhan waa in la sameeyaa oo nafta la ag dhigaa, haddii kale sidan la yahay baa la sii ahaan doonaa.


QORAALLADA WARGEYSKA

Jimco, 01 March 2019

Cadadka 072aad, Sanadka 6aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

HANTIDA GUUD W/Q: Shaafici Macallin Axmad

Doodaha maamul, awood, xeer, garsoor iwm ee bulshadeenna ka dhextaagan, horana uga dhexjirtay waxaa ka mid ah HANTIDA GUUD, oo takrifal, kala dhac, boob iyo biliqo hore loogu gaystay haddana lagu hayo. Haddaba, waa maxay hanti?. Hanti: waa wixii qiimo leh oo nooluhu ku nacfiyo. Dadka reerka reer guuraaga ah hanti waxay u yaqaanaan Xoolaha nool. Hantida waxa ay u qaybsantaa: 1- Hanti gaar ah. 2- Hanti qaran(hanti dawlad) 3- Hanti guud(hanti dadweyne). HANTI GUUD: Hanti guud waa hantida nafcigeeda dadka ka wada dhexeyo, bulshaduna

sababteed ku wada joogt, qof si gooni ah ulana gaar noqon karana aan la oggalayn. Waxaa kamid ah hantidaas guud: 1-waxyaabaha ay ku xirantahay nolasha aadanaha, sida: biyaha, daaqa, dabka, iwm. 2-macdanta iyo ilaha dabiicaga ah ee dhulka iyo badda, sida: cusbada, batroolka nuucaydiisa kala duwan, dahabka, qalinka, birta iyo macdanta oo dhan, sidoo kale khayraadka badda sida kalluunka nuucyadiisa kala duwan. 4- Mashruucyada asaasiga ah, sida: waddooyinka, korontada, gaadiidka dadweynaha, masaajidda, goobaha wax barashada, goobaha caafimaadka,

gegada diyaaradaha, goobaha ciyaaraha, dakadaha, kanaallada, badaha, wabiyada, gacanbadeedyada iwm. HANTI GUUD iyo HANTI QARAN. Waxaa jirta hanti aan ahayn midda guud, balse dadwaynuhu xaq ku leeyahay, waxaana lagu magaacaabaa hanti qaran ama hanti dawladeed. Waxaa tusaale u ah canshuuraha. Dhulka, mashruucyada gaarka aydawladdu u samayso, darajooyinka ciidanka, deeqaha wax barashada, IWM. Waxa ay ku kala duwan yihiin hantida guud iyo hantida qaranku arramihan soo socda: 1-dawrka dawladda ee ku aaddan hantida guud waa maamulid kali ah sida sharcigu qabo, cid gooni ah kuma gaaryeeli karto. 2- Nacfigeeda dadwaynaha oo dhan ayaa ka siman. Halka hanitida qaranka loo oggolyahay dawladda in bulshada qayb ka mid ah ku gaar yeesho. Tusaale ahaan canshuuraha waxa ay ku taageeri kartaa dadka taagta daran kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kale beerallayda, kalluumaysatada iyo wixii mashruuc ah oo dadwaynaha faa’iido oga soo noqonayso. 3- Hantida guud ma ahan mid aqbalaysa hanasho si gooni ah qof uu hanto. Tusaalel ahaan badda iyo wabiyada ma ahan wax qof gacantiis gali kara. Halka hanitada qaranku ay tahay asal ahaan mid noqon karta hanti gaar ah sida dhulka.


06155555209 / 0699969192


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.