Wargeyska Gobollada Dhexe - Febraayo 2016

Page 1

Qiimaha 3000 Sh, So

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Isniin, 01 febraayo 2016, Cadadka 035-aad, Sanadka 3-aad

MAXAA CUSUB?

GALMUDUG OO SOO BANDHIGTAY CIIDAMO NABADSUGID | bogga 2aad

Garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb oo la ballaarinayo Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Dhalinyarada Deegaanka oo iskaashaday ay bilaabeen inay qayb cusub oo dhisme ah ku soo kordhiyaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb Dhismaha Garoonka oo aanan hada hormarsaneyn, ayaa Dhalinyarada waxa ay sheegeen inay garowsadeen.. | bogga 3aad.

QORAALLO KALE Hal abuurka ganacsiga

W/Q: Laylo Cabdullaahi | bogga 4aad

Hirgelinta Tallaalka W/Q: Xasan Kheyre | bogga 4aad

Qabweyni aan qiyaasneyn! W/Q: Cabdiqaadir Cali | bogga 5aad


2

Cadadka 035-aad, Sanadka 3-aad

WARARKA

Isniin 01, febraayo 2016

GALMUDUG OO SOO BANDHIGTAY CIIDAMO NABADSUGID W/Q: Maamulka Wargeyska Taliska ciidamada nabadsugidda ee ka howlgala deegaanada dowladda Galmudug ayaa soo bandhigay ciidamo loogu tala galay inay ka hortagaan dhacdooyinka la xiriira falalka amnidarro oo xiliyada qaar ay macquul tahay inay dhacaan. Saadaq Cumar Xasan, taliaha nabadsugidda ee deegaannada Galmudug oo la hadlay warbaahinta kaddib soo badhigidda ciidamadan ayaa sheegay inay ciidamadaani qeyb ka yihiin nabadsugidda Soomaaliya, isla markaana loogu tala galay inay ka hortagaan dhacdooyinka dhali kara falalka amnixumo. Wuxuu tilmaamay taliyuhu inay gacan bira ku qaba doonaan dad uu ku sheegay inay ka shaqeeyaan isku dhacyada beelaha Galmudug oo ay ka baxsadaan deegaanada ay falkaasi ka geystaan si ay ugu dhuumaaleystaan meelo kale isagoo sheegay inaysan ka hari dooni oo ay soo qaba doonaan meel kasto uu ka galo soomaaliya isagoo intaas ku daray inay ciidamadaani ay yihiin yunid isku xiran oo dhamaan ka howl gala soomaaliya. Taliye Saadaq ayaa ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan ciidamadaan si ay howshooda u guttaan. Ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa laf dhabar u ah amniga guud ee deegaannada iyo magaalooyinka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay ka arrimiso dowladda Galmudug.

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


WARARKA

Isniin 01, febraayo 2016

Cadadka 035-aad, Sanadka 3-aad

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay go'aankii ka soo baxay shirkii Muqdisho

Munaasabadda xarigjarka, ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirro, xildhibaanno, madax iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaGalmudug, sidoo kale, madaxda degmada cadaado, qurbajoog, maamulka Isbitaalka iyo marti sharaf kale.

C/kariin guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Cadaado ayaa sheegay in Galmudug aysan raalli ka aheyn wixii kaso baxay shirka. Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxdii shirtay ay isla meel dhigi waayeen go’aan ay isla garteen oo ku aaddan doorashada dalka ka qabsoomeysa dhamaadka 2016-ka.

Haddii beesha caalamka ay taageero u muujisay qodobbadii ay miiska soo saartay dowladda , ayuu Guulleed qeexay in ugu danbeyn ay dhinacoodu ka aqbaleen.

Isbitaalka Cadaado oo V.I.P lagu soo kordhisay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa xarigga ka jaray qeybta V.I.P-da ee isbitaalka magaalada Cadaado.

Madaxweynaha maamulka galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay go’aankii kasoo baxay shirka madasha wadatashiga aayaha soomaaliya.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay go’aan keligeed ah gaartay taasi oo keentay in madaxda maamul goboleedyadana ay iska qaataan go’aankaas.

3

Cabdikariin Guuleed waxa uu sheegay in matalaaddii shacabkooda ee aheyd in doorashada lagu saleeyo 4.5 ay ku guul darreysteen, waxaana uu sheegay in go’aanka dowladda federaalka ah ee soomaaliya iyo beesha caalamka ay qaadanayaan, oo ay ku qaateen in dhamaan maamulada ay ku qasbanaayeen xalka lasoo gaaray in la qaato.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb oo la ballaarinayo Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Dhalinyarada Deegaanka oo iskaashaday ay bilaabeen inay qayb cusub oo dhisme ah ku soo kordhiyaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb Dhismaha Garoonka oo aanan hada hormarsaneyn, ayaa Dhalinyarada waxa ay sheegeen inay garowsadeen inay horumariyaan intii ay awoodaan, waxaana hada ay bilaabeen dhismaha qayb Diyaaradaha la dhigto oo Garoonka hada uusan laheyn. Cabdulqaadir Cali Barre (Furre) oo ah Guddoomiyaha guddi u xilsaaran dhismaha garoonka ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dhismaha ay iska kaashanayaan dhallinyarada Gobolka, laguna xijin doono, dib u dhis laami ah oo ay ku samaynayaan waddada ay diyaaraduhu ka cago-dhigtaan, kana duulaan. Waxa uu ugu baaqay Furre, Dowladda Federalka Somaliya iyo ganacsatada Dhaqaalaha haysata ee ka soo jeeda Gobolka inay qayb muhiim ah ka qaataan dayactirka iyo dhismaha cusub ee Garoonka ka socda. Magaalada Dhuusamareeb waxaa gacanta ku haya Maamulka Ahlu Suna ee Gobolada Dhexe. XAYAYSIIS

XAYAYSIIS

Qeybtan cusub, oo loogu talagalay, in lagu dabiibo dadka madaxda ah, waxaa bixiyey dhaqaalaha lagu dhisay bulshada degmada Cadaado, waxaana arrintan aad u soo dhaweeyey madaxdii iyo martidii ka soo qeybgalay madashada. Qeybtan cusub, ayaa ka kooban lix qol, lix musqulood iyo barando, waxaana loo dhisay si casri ah, iyadoo qurbajoogta deegaanka ay hore u dhiseen qeybta gaarka ee Hooyada iyo dhallaanka. Agaasimaha guud ee isbitaalka Cadaado Dr. Maxamed Cumar, ayaa aad ugu mahadceliyey dadkii ka qeybqaatay dhismaha qeybtan, oo bilic iyo adeeg wanaagsan ku soo kordhisay isbitaalka.


4

Cadadka 035-aad, Sanadka 3-aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Isniin 01, febraayo 2016

HAL ABUURKA GANACSIGA IYO FURSADAHA SUUQA W/Q: Layla Cabdullaahi Cusmaan | layloqaali60@hotmail.com Halabuurka ganacsigu, waa hindiso iyo hannaan horumar u ah bulshada, waana hab lagu kobciyo dhaaqalaha waddanka. Halabuurnimada waxey daah rogeysaa, sababaha ganacsigu muhiim u yahay. Waxa ay ina xasuusinaysaa, inaan weli la arag qof hodan ku noqday mushaahar uu bishii u xaadiro, balse, ganacsigu yahay kan qofka hantidiisa badiya, dhaqaalahana kor u qaado, hadday tahay qofka, qoyska, degmada, gobolka, waddanka iyo dunidaba. Fikir cusub iyo halabuur ganacsi, oo aad la timaaddo, waxa ay keeni kartaa, in dad badan, oo bulshada ka mid ah, ay la dhacaan fikirkaada, is la markaana ka shaqeysiiyaan, iyagoo kugu biirinaya muruq iyo maal inta ay awooddaan. Waxa ay yareyneeysaa shaqo la’aanta baahsan, ee dhallinta haysata, oo guud ahaanba ka jirta gudaha dalka

gees ka gees. Bulshaeennu ma lahan hindisaha halabuurnimada, sidaa aawgeed, waxaa ku badan ganacsiyo yaryar, isu eg, is la markaana, aan lahayn qaab, qorshe iyo xitaa qarash saxan, oo ay ku howlgalaan. Waxa ay dhoowrtaan kaliya, sidi suuqa ay ugu badin lahaayeen ganacsiyada jiro, iyado marka hore indhaha ka qiimeeyo, ka dibna furo goob ganacsi, muddo marki ay furnaatana albaabbada isugu dhufto, waayo, hore u ma aysan lahayn qorshe fog iyo mid dhaw, oo ay ku hawl galeysay. Fursadaha ganacsi, ee suuqa ka jira, aad bay u fara badan yihiin, hase yeeshee, marka la qiimaynayo fusadahaa, waxa la qaddariya arrimo dhawr ah, oo kala duwan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin suuqa. = SUUQU waxa uu daahrogaa fursado fiican, waxa uu bidhaamiya baahida jirto iyo

macaamiilka u baahan, in laga caawiyo baahida uu qabo, isaga oo si fudud lagu gaari karo. Wwaxa uu muujiyaa habsamida ganacsigu u jaanqaadi karo iyo waliba goobaha muhiimka u ah, in ganacsigu saldhigto. = DHAQAALAHA; waa mid ka mid ah hirgalinta ganacsiga, waana il muhiim u ah qofka halabuuraha ah, in uu si fiican ugu fiira lahaado, isaga oo ka taxdarayo qiimeeynna u sameeynaya qarashka uu ku galayo ganacsigiisa cusub. = MAAMUULKA ama HAGAHA GANACSIGA; Fursadaha fiicaani waxay u baahn yihiin maamul awood badan, oo caan ku ah xirfad iyo waaya’aragnimo xagga Ganacsiga ah, waana in ay ilaaliyaan sumcadda suuqooda dhexdiisa, waxaa intaas weheliya, in maamuulkaasi caan ku yahay, hufnaan ganacsi, si dadka dhexdiisa uu ugu yeesho magac wanaagsan iyo qadarin.

Ugu danbeyntii, waa in la meeldhigo waxa fikiraddani kaga fiican tahay fikradaha kale. Waa in halabuuruhu uu xusi karo, waxa fikirkiisu kaga duwan yahay fikradihi hore, ku na sheegi karo, iney tahay mid ku habboon Gganacsigiisa waxna ka beddeli karta waqtiga . Haddii halabuuruhu intaa uu si fiican uga taxadaro, waxa uu u muuqdan karaa, in uu haaneediyey ganacsi habsami u socon kara. Sidoo kale, fursaddaasi waa mid cimridheer, ugu yaraan inta maalgelintu ku soo noqonayso, faa’iido macquul ahna laga helayo ay xaddidnaaneyso. Sidaa oo kale, waxaa suuqa aan buuxin ama hadda madaxa la soo kacay baaxaddiisana laga filayo koritaan iyo horumar aayo wacan keena.

Hirgelinta tallaalka dabeysha aan nooleyn, faa'ido ama qasaaro? W/Q: Xasan Kheyre Bisha Oktoobar, dowladdu, waxa ey hirgelisay, tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa eyna joojin doontaa, tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka ey taariikhdu tahay bisha April 2016. In la hirgeliyo tallaakan, waxa sabab u ah, ka dib, markii labo iyo toban bilood ey ka soo wareegtay, qof qaba cudurka dabeysha, lagana waayay dalka. Tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa la soo saaray sanadkii 1955, uuna soo saaray Dr Jonas Salk. Tallaalkan waxa uu ka kooban yahay, seddexda nooc ee fayruska sababa cudurka dabeysha, oo aan nooleyn. Bishii May 2013, shirka golaha caafimaadka adduunka, ayaa lagu ansixiyay, qorshaha cusub, ee dabargoynta cudurka dabeysha,

Toddobaadka Afka Hooyo W/Q: Cabdiqaadir Cali In kasta, oo aanan ahayn, qof afka, erayga iyo suugaanta ehel u ah, haddana, waxaan soo gudbinayaa, aragtidayda gaaban, ee ku aaddan xuska loo sameynayo qoraalka farta. Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay afafka geeska Afrika looga hadlo, kuwooda ugu ballaaran, dadka Somaaliyeed ee ku hadlana, waxay ku noolyihiin deegaanno aad u baaxadweyn. In kasta, oo ay af Soomaaliga ku hadlaan dad aad u badani, kuna baahsan dhul baaxad wayn, haddana, qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972dii. Ka hor

kaasoo soconaayo 2013 - 2018, ujeeddaduna tahay, in dalalku ey hirgeliyaan tallaalka dabeysha aan nooleyn, ayne joojiyaan tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka taariikhdu tahay bisha April 2016. Iyadoo hirgellinta tallaalkani wanaagsan yahay, balse, waxa muhim ah, in foojignaan loo yeesho, ka hirgelinta dalka waqtigan la joogo. Tallaalka dabeysha aan nooleyn, lagu ma taliyo in ey isticmaalaan, dalalka ku shaacsan yahay cudurka dabeysha ama halis ugu jira. In kasto, Soomaaliya eysan ka md aheyn dalalkaas, balse, halis ayey ugu jirtaa, waayo, ma ahan markii ugu horreysay, ee Soomaaliya, laga waayo cudurkan, welina la ma xaqiijin karo, in la baab'iyay.

xilligas qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriirayeen waxay ahaayeen afaf qalaad. Si afka Soomaaliga loo qoro waxaa dadaallo badan bixiyay aqoonyahanno Soomali iyo ajaanibba leh. Tusaale ahaan, 1961 dii, waxaa la soo hordhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission), 18 jaad, oo af Soomaaliga loo qori karo (script). 11 farahaas ka mid ahi waxay ahaayeen faro cusub, oo ay aqoonyahanno Soomaaliyeed curiyeen. Toddobada kalen, 4 ka mid ahi waxay ku qotomeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku saleysnaayeen qoraalka Laatiinka. Xilligii kacaanka, ayaa la sheegaa, in uu ahaa waqtigii uu afku aad u horumaray, dowladdii mellateriguna waxay

Haddii la hirgeliyo tallaakan, ka dibne la helo bukaan qaba cudurka dabeysha, waxaa halis ah, in si fudud uu ku faafo cudurka, waayo, tallaalka dabeysha aan nooleyn, ma joojiyo gudbinta fayruska, haddane, mandhicirka waxa uu siiyaa heer difaac oo aad u hooseeya. Waqtigan la joogo, ma muuqato, sabab loo joojiyo tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka cudurka dabaysha laga ciribtiro Soomaaliya, isticmaalka tallaalka dabeysha afka laga qaato, waxa loo baahnaan doonaa in la joojiyo, lana billaabo tallaalka dabeysha aan nooleyn.

aad u xoojisay suugaanta, dhaqanka iyo hiddaha. Luqadda Soomaaligu waxay noqotay tan rasmiga ah, tan lagu barto iskuullada iyo jaamacadaha. Waxaa la uruuriyay tariikhda suugaanyahannadii Soomaaliyeed- walow sida loo qoray cadaaladdarro badan laga sheego-, waxaase xaqiiqo muuqata ah, in dowladdii Siyaad Barre ay afka hooyo xil wayn is ka saartay, marqaatina waxaa u ah, sida Soomaaliga loogu sameeyay eray bixinno cilmi ah, iyo sida loo maalgeliyay fannaaniinta iyo halabuurrada Somaaliyeed. Burburkii ka dib maxaa dhacay? Markii ay dowladdii dhexe burburtay, waxaa meesha ka baxay, hay’adihii afka iyo farta u


QORAALLADA WARGEYSKA

Isniin 01, febraayo 2016

Cadadka 035-aad, Sanadka 3-aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

QABWEYNI AAN QIYAASNAYN! W/Q: Cabdiqaadir Cali | abdulkadiralieco@gmail.com Soomaaliya qof kasta, oo aad la sheekaysato, wuxuu kuu sheegayaa, in ay wax ka maqanyihiin. Waxa uu tabayo qofka Somaaliga ahi, wuxuu ku dareensiinayaa, in ay ku maqanyihiin gacanta dad kale, oo Soomaali ah. Beel kasta waxa ay sheeganaysaa, in beel kale sed ka wadato, maamul kasta kan deriska la ah ayuu u arkaa cadawgiiska koowaad. Dhul ballaarsiga iyo sheegashada maamullada, ee ay ku andacoonayaan, in ay leeyihiin gobollo iyo degmooyin ka baxsan xukunkooda iyo sheegashada beel waliba, ee ah, in ay iyadu tahay tan ugu badan gobol/ degmo hebel, hadda waxaa sii murjiyey FEDARAAL aynaan garanayn oo aan faraha la galnay, taasina, waxay muujinaysaa, sida uu u murugsanyahay xaalkeennu. Nolosha Soomaaliya ka jirta waa mid xaqiiqda ka fog, dadku dhalanteed ayay ku sheekaystaan. Waxaad arkaysaa iyaga oo ku faanaya, in ay beel hebel hadda ka hor dagaal la geleen, oo ay ka raayeen! U fiirso, waxa uu ku faanayaa, waa dad walaal ah oo dagaallamay. Cabdullaahi Suldaan Timacadde(AUN) ayaa yiri: “Qayrkii ka hare, waa ninkii qalay walaalkiise” Ma iswaydiinnay su’aalahan: Miyaa la ogaan karaa, tirada beel hebel iyada oo aan tirakoob la sameyn? Horay ma loo sameeyay tirakoob xilsaarraa, sidoo kale, waxaa baylah noqday af Somaaligii, oo dadkii afka aqoonta u lahaa waxay noqdeen kuwo geeriyooday, qayb gabowday iyo qola waddanka ka carartay. Dadkii waxay noqdeen kuwo afkooda ka carara, luqaddana liida oo ka fanaa. Waxbarashada waddanku waxay noqotay, mid ka maran afka hooyo, dadka aqoonta is biday, xitaa waxaa isaga qaldantay afka iyo aqoonta. Af shisheeye haddii aad wax ka barato miyaad aqoonyahan tahay? Su’aashaas waxaa horay noo weydiiay Abwaan Cali Sugulle (AUN), markii uu yiri: (Af Qalaad aqoontu miyaa?), dibna looga dhigay hees, ay talantaalliyaan Xasan Diiriye Faarax iyo Xaliima Khaliif Alle ha u wada naxariistee. (Af Qalaad aqoontu miyaa?), waa weydiin mudan, in dadka Soomaaliyeed ee xilligan nool la soo xasuusiyo, lana weydiiyo, bal in ay jawaab waafi ah u hayaan, dabcan ka jawaab celinteedu afka iyo aragtida gaaban way u sahlantahay, horana markiiba waan ka dhihi karna “maya, af shishiiyee aqoontu ma ahan” waa jawaab sax ah, oo qaf walbana - aqoonyahan iyo ruux kaleba – uu haleeli ogyahay, balse, nolosha dadka iyo jawaabaha ay bixinayaan aad ay u ka la fogyihiin. Jawaabta su’aashaas aan kor ku soo xusay, waxaa si mug leh oo gaaban uga jawaabay is la Abwaankii keenay,

madax bannaan, oo ku wajahan beelaha? Jawaabuhu waa kuwo is ka cad, beel tiradeeda la ogaan karaa ma jirto, maxaa yeelay, la ismaba tirin, xitaa waxaan tiro rasmi ah laga haynin caddadka dadka Somaalida ah oo dhan. Wayaadan danbe, aad ayay qabweynida qabiilku sara ugu kacday, waxaana nasiibdarro ah, in dadkii aqoonta sheeganayay xitaa, ay qabweynada qabiilku lafaha ka gashay! Sidoo kale, waxaa arrin laga naxo ah, in dadka dibadda u baxay, ee soo arkay macaanka dowladda iyo ka la danbeynta, kuna soo naalooday nimcada nabadda, ay hormuud u yihiin qabyaaladda, qabweynida, qabiilkana ay ku qaraabtaan. Dhanka kale, waxaan dhib badan ka sheegannaa adduunka, tusaale ahaan, markii Kenya sheegatay qeyb ka mid ah baddeenna, dadku way ka dhiidhiyeen, oo waxay muujiyeen waddaniyad iyo in ay dalkooda jecelyihiin bad iyo berri. Markiise ay timaado, is ku day ah, in aan wax wadaagno, waxaa soo baxaysa arrin taa aad uga fog, oo ah, in aynaan wax isu oggoleyn! Bulsho ahaanna u diyaarsanayn, inaan wax wada qaybsanno. Haddaba isweydii: Dowlad la’aan dal ma lahaan kartaa? Heshiis la’aan dowladi ma dhismi kartaa? Tanaasul la’aanti tamar ma yeelan kartaa? Dadka Soomaalidu, inta badan waxay colaad haddaba muxuu yiri? Isaga oo aan waqti iyo falanqeyn badan ku lumin, ayuu yiri: “Wa intuu qofba Eebbe gelshaa, Ayeey nala tahay annagee” Weliba, intaas ku ma uusan ekeysan, waxa uu raacshay dhowr jawaabood oo si faahfaahsan u sharxaya jawaabta hore, is la markaana waxa uu sii daba dhigay su’aalo kale, oo ah: “Ma ogtahay, dib looma abuuro dadkee, Ma ogtahay, aqoonta amaah lays ku ma siiyee, Ma ogtahay, aqoonta amaal lays ku ma saartee, Ma ogtahay, aqoonta miyaa la iibsan karaa? Ma ogtahay, aqoonta miyaa la soo ergadaa?” Waxaa hubaal ah, in qofkii dalka wax ku bartay burburkii ka dib, uu aad uga dheregsanyahay, sida loo liiday afka. Arday kasta oo 91dii ka dib, ka qalinjebiyay dugsi sare, wuxuu dusha ka xifdisanyahay naxwaha afka Ingiriiska iyo Carabiga, u la ma jeedo, maxaa Carabi iyo Igiriis loo bartay? Oo waa afaf loo baahanyahay barashadooda. Haddaba, su’aashu waxay tahay: Maxaa sida afafka qalaad loogu bartay, afkeenna hooyo loogu baran waayay, oo aan loo daneyn? Weeydiimahaas jawaabtooda waxa ay tahay: Duullaan afeed ayaa jira, oo waa kan af Somaaligii sii wiiqmayo, kana sii baxaya

u hayaan dadyow iyo dalal kale, waxaan arkaa iyada oo la la collaytamayo ummado kale sabab la’aan, dadka qaarna waxay is ka jecelyihiin dalal aan abid wax na tarin. Cid kasta oo wax wanaag u muuqda u qabanaysa qof Soomaali ah ama guud ahaan wax u taraya danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaan dhahnaa (Danta uu leeyahay ayaa kawayn). Turkidu marka ay laamiyada noo dhiseen, waxaan dhahnay: (Danta ay leeyihiin ayaa ka weyn). Dalalka qaxooti ahaan u qaaday dadka Soomaaliyeed - dagaalladii sokeeye kadib -, waxaan dhahnay:(Danta ay naga leeyihiin ayaa kawayn!). Qoladii mucaawino keenta, waxaan ugu fal celinaa:(Danta ay leeyihiin ayaa kawayn!). Ciddii noo timaadda iyada oo leh wax qabad ayaan wadnaa, aan is waydiino su’aalahan: Waxa ay qabanayaan ma yihiin wax qiimo leh, oo aan u baahannahay? Sida ay u qabanayaan ma tahay sidii ugu habboonayd? Xilligan hadda la joogo, cid naga baahi badani ma jirtee, qoladii wax noo qabanaysa aan ka faa’iidaysano. Xumaanta iyo wanaagga, wanaagga ayaa asal ah, ee dhanka samaanta aan wax ka eegno. Iskaashato Ma kufto.

goobaha waxbarashada iyo xafiisyada Dowladda, ama kuwa ay leeyihiin shirkadaha gaar ka loo leeyahay. Duullaanka af ee lugu soo qaaday af Somaaliga, dhaxalkiisii wuxuu noqday, in ardayga dugsi sare ka baxay, uusan aqrin karin buug ay ku qoranyihiin wixii uu soo bartay oo af Soomaali ah! Mase ahan, in la la yaabo marka la arko dhallinyaro afka ku hadalkiisa ama qoraalkiisa ku dheelaya, waayo, fursad u ma aysan helin, waxaase wax la la yaabo ah, ragga aqoonta sheegta iyo kuwa dalka maamula, ee aan hadalkooda ka saari karin af qalaad, iyaga oo weliba afka hooyo wax ku soo bartay! Malaha ilbaxnimo ayay muudeen! Oraah ayaa leh: Afkaada hooyo inta aad ka taqaan, ayaad af shisheeyana ka barataa. F.G: Qoraalkan qayb kamid ah waxaan ka soo xigtay: Cilmi A. Faradheere, weedhsan.com


WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!

*Waxaan ku siineynaa hal bil oo bilaash xayaysiis ah oo naqshadda xittaa aan kuu sameyneyno, balse waxaad nala galeysaa heshiis 6 bilood ah.

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.