Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Khamiis, 01 March 2018, Cadadka 060aad, Sanadka 5aad
MAXAA CUSUB?
NABADDOON AXMAD DIIRIYE OO GIDHAYS LAGU AASAY
DANJIRAHA TURKIGA OO BOOQDAY HOBYO
QORAALLO KALE SOCDAALKII DUSMA REEB?
| bogga 1aad
NABADDOON AXMED DIIRIYE OO GIDHEYS LAGU AASAY | bogga 3aad YEELO TAB AMA FARSAMO | bogga 4aad
Bogga 3aad
2
Cadadka 0605ad, Sanadka 5aad
WARARKA
Khamiis, 01 March 2018
SOCDAALKAYGII DUSMA REEB W/D Daahir Cabdi maxamuud (Buuni)
CAASIMADDA GALMUDUG
dagaalladii u dhaxeeyey ururka Ahlusunna Waljamaca iyo Alshabab, oo ahaa tallaabo la isaga caabbiyey kooxda sharta iyo dhibka ee Alshabaab, dadka gobollada Dusma reeb waa ey hoos mari jirtey dhexena ku mudan yihiin caasimadda maamulka waddo, taasoo dadku Galmudug, sidoo kale marka ay hoos marayaan, billad geesinnimo. Magaaladan oo lagu waa caasimadda gobolka kana dusi jireen, tiriyo magaalooyinka Galgaduud. Waa magaalo maadama uu jidku ugu amniga badan ka mida magaalooyinka ahaa ciriiri ahaa, sidaa ugu qadiimisan darteedna ey u baxsheen magaalooyinka dalka ku yaalla, ayaa magaalooyinka Dusmo reeb. waxaa ka ariminnayey Soomaalidu leedahay. Waxaa dhacdey xilligii muddooyinkii danbe Waa magaalo ey ku gumeystihii Talyaanigga dhasheen ama ku in isbadal yari ku yimaado maamulka Ahlusunna waljamaacah, oo uu dhaqmeyn madax magacii Dusmoreeb, qilaaf siyaasadeed kala saaxadda siyaasadda kasoo isku badaley mar dhexeeyey Dowlad dalka sameyn ku leh qura dhuusamareeb, goboleedka Galmudug magac ahaanna aad isbadalkamagacaasi iyo dowladda dhexeba, uga dhex muuqdda wuxuu aad sameyn ugu madaxdda soomaalidda. yeeshey magacii hore ee balse, ugu dambayn, qilaafkii Waa magaalo ey ku ahaa Dusmo-reeb. dheeraa iyo is horfadhigii yaallaan xarumo gaaray Magaaladan oo soo badanaa la xalliyey, waa 68 xarumood oo loogu martey markaad cusubna uu u baryey talagaley, in loogu taariikhdeeda dib u adeego howlaha danta milicsano dagaallo wajiyo dadka gobollada dhexe. Sodaalka aan ku marayey guud. kala duwan lahaa, oo ey magaalooyinnka dalka Magaaladan oo ah ka mid ahaayeen kuwii qaar ka mid ah ayey magaalo dhul ahaan ku ahlugga ahaa sameyna Dusmi reeb ku jirtay, taalla bartamaha dalka, ku yeeshey hurusocod markii aan safar ku imid, magaceeda dhabta ihi oo magaladaas ayey hadda waxaa si weyn iigu soo ey leedahay waa Dusmo ka soo kabanaysaa. dhaweeyey dhalinyaro, reeb, kasoo ka yimid in Waxaa kaloo ka dhacay aqoonyahanno, magaalada uu ku yiil bari magaladaas ama ka abwaanno wariyaayal hore geed qurac ah oo bilaawdey 2008dii
IQKB. Waxaa inoo qabsoomey bandhig sugaaneed aan ugu talogaley inaan ku qabto magaalada Dusmo reeb, waxaana la wadaagey bulshadii halkaa isugu timid sugaanta aan curiyey qaar ka mid ah, waxaana ka mid ahaa; maansadii KALGACEYLKU WAA GUUL, maansadii DIB U DUMAASHO XAMAREEY, maansadii XAALWAREYSI, maansadii TAAN RABO MA EY DHALAN, maansadii GALEYDHYAHOW, maansadii HOOYO, maansadii DHIIRIGALINYA NOLOAHA, maansadii HODAN iyo maansoyin badan. Magaalada markaad eegto waa magaalo qaabka soo dhaweynta iyo dhiirrigalinta qofnimo aad loooga tixgaliyo, oo runtii waa ku hirtaa marar badan inan ku laabto kuna noolaado, aminiga iyo xasilloonida ayaa ah mid aan la la wadaagin.
Halkaan ku xayaysiiso ganacsigaaga, ogeysiisyadaada, codsiyadaada iyo wixii kale oo aad jeclaan laheyd. Nagala soo xariir: w.g.dhexe@gmail.com
Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.
Khamiis, 01 March 2018
WARARKA
Cadadka 0605ad, Sanadka 5aad
3
NABADDOON AXMAD DIIRIYE OO GIDHAYS LAGU AASAY
Nabaddoon Axmad Diiriye Cali, oo ka mid ahaa nabaddoonnada Soomaaliyeed, ee ugu caansan koofrta dalka, gaar ahaan gobollada dhexe iyo Muqdisho ayaa 194420/02/2018 ku geeriyooday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho Eebbe ha u raxmadee. Geerida marxuum Nabaddoon Axmad Diiriye Cali, ayaa timid, ka dib dhaawac ka soo gaaray qarixii soobbe ka dhacay 14/10/2017, oo la xanuunsanaa bilihii la soo dhaafay. Nabaddoon Axmad Diiriye Cali ayaa wuxuu ku dhashay Cadaado, Galgaduud, 1944-kii halkaasi oo uu Qur’aanka Kariimka ku bartay. Ka dib, xoogsi shaqo iyo hawlo qoys
ka dib, isaga oo 42 jir ah ayaa loo doortay nabaddoonka beesha Saleebaan ee Habargidir, oo uu hayey xilkaa 31-dii sano ee ugu dambeysay noloshiisa, halka 2007-dii, xilligii Itoobiyaanku soo galeen gudaha dalka loo doortay afhayeenka beelaha Hawiye, heer uu noqday, madax dhaqameedka ugu mugga iyo magaca weyn Soomaaliya. Nabaddoon Axmad Diiriye wuxuu ka mid ahaa, dhawrka qof ee af iyo addin u ga hortagtay malleeshiyaadkii iyo Xabashidii la socotay, xilligii uu socday xasuuqii Xabashida ee koofurta. Wuxuu hal adayg iyo dhabar adayg badan ku bixisay, sidii loo sii ahaan lahaa XOR, halka xerta Xabashidu na la rabtay,
in sidii xuunsho na la xayuubsado. Halgankiisii Xabashidiidnimo wuxuu ku mutay xabsi iyo xarig, oo xilligaa qofkii yiraa; dooni mayno dhabadhilif iyo Xabashi wuxuu ahaa xagjir iyo argagixiso, sida hadda qofkii dawladda dhaliila uu u yahay dawlad diid iyo qaran dumis. In kasta oo waxyaabo badan is rogeen, haddana, weli waa loo baahan yahay, in halgankii dad iyo dal la gu xoreynayey dib loo asteeyo. Dadkii shalay xabashida diiday sida ay doonaan ha ku diidaane, maanta ayaa loo ga baahi badan yahay shalay, oo shalay cudud muuqata ayey eheed, maantase caqli dahsoon ayey wadataa, ka
muhimsane, maanta magaalooyin aysan shalay joogin ayey maanta joogaan. Nabaddoon Axmadow, Janno iyo naxariis helow; mahad badan ayaan kaa ga haynnaa xaqaad u hadashay, xornimada aad doontay, gumaysiga aad diidday, xaqiiqada aad sheegtay, dilmiga aad ka dhiidhisay iyo dulmanaha aad u doodday. Waxaan soo jeedin lahaa, in nabaddoon Axmad taallo loo dhiso, isaga xus u ah, anagana xusuus noo ah, xornimadana u ah summad. Qofka waxgalka ah, haddii aannaan dhawran inta uu nool yahay, geeridiisa ka dibna aannaan dhigan waa dhimaal dhaqan, dhalanrog, dhaayotir iyo dhug la’aan.
4
Cadadka 0595ad, Sanadka 5aad
QORAALLADA WARGEYSKA
Khamiis, 01 February 2018
YEELO TAB AMA FARSAMO WQ: Xasan Mudane
Weerta TAB haddaan qeexno dulucdeeda waa wax aad si wanaagsan u taqaan. Tusaale, Fardafuul, shiishyahan, ugaaryahan, oradyahan iwm. Fardafuulku waa nin yaqaan tabta iyo habka loo hannaaniyo fardaha marka aad guradooda saarantahay, sidoo kale waa nin kala yaqaan fardaha jaadadkooda, da’dooda iyo sida ay u kala orod badan yihiin, sida mid weliba meel ugu fiicanyahay, dhaqankooda iyo alabkooda, sidaana ayaanna ku oran karnaa waa tabyaqaan fardood. Xilligii ay muslimiinta u soo haajireen magaalada Madiina ayaa Nebiga (swc) wuxuu laba laba u walaaleeyay Ansaar iyo Muhaajiriin, waxaana jiray laba saxaabi oo la walaaleeyay, kuwaas oo kala ahaa Sacad ibnu Rabiic iyo Cabbdiraxmaan ibnu Coof, Alle ha ka raalli noqdo. Sacad wuxuu ka mid ahaa dadka ugu xoolaha badan Ansaar dhexdeeda wuxuu ku yiri “Aniga waxaan ka mid ahay dadka ugu xoolaha badan, laba xaasna waan leeyahay marka xoolahayga laba u dhig qeyb qaado, sidoo kale xaasaskaygana soo eego tii ku qanciso ayaan kuu furi doonaa.” Mawqifkii Cabdiraxmaan ibnu Coof ma kula tahay in uu haye dhahay? Maya. Sidaa ma uusan oran, balse wuxuu ugu
jawaabay “Alle ha kuu barakeeyo ee suuqa i tus.”’ Cabdiraxmaan wuxuu ahaa qof ku kalsoon naftiisa, sidoo kale wuxuu ahaa qof leh tab iyo xirfad ku salaysan sida wax loo kala dillaalo. Waqti dheer kama soo wareegan, waxaa kulmay Nebiga (swc) iyo Abdirahman Alle ha ka raalli noqde. Nebiga swc wuxuu arkay Abdirahman oo wajigiisa ka muuqato farxad markaas ayuu weyddiiyay waa sidee arrinkaagu? Abdirahmaan wuxuu ugu jawaabay Rasuulka Allow waan guursaday. Nebiga (swc)
wuxuu mar kale weyddiiyay imisaa meher u siisay? Wuxuu ugu jawaabay laftimireed dahab ah. Xiisaha ay sheekadu leedahay waxay tahay haddaad naftaada ku kalsoon tahay, sidoo kale aad leedahay xirfad waxay kugu dhalinaysaa in aad ficil samayso, oo aad u dhaqaaqdo dhanka yoolkaaga. “Qof aan dhibtoon ma dheefsado”. Hantida degdegga ee uu sameeyey saxaabigu waxay eheed, in uu tab gedidda yaqaannay, taas oo uu ku dalbaday, in suuqa la geeyo, si uu ka la gedidda
dallaadeed uga macaasho, mudda yarna uu hantiile ku noqday. Tabta ama xirfadda mararka qaar waxay kuu noqon kartaa shabaagtii aad ku daban lahayd kalluunka, oo aad markaasi u baahan tahay. Haddaba, su’aasha isweyddiinta mudan waxay tahay, sidee ayaad ku daban kartaa kalluun adiga oon soo baran sida loo kalluumaysto? Dabcan, Haddaad doonayso in aad ugaarsato guusha waa in aad la timaaddaa tabtii iyo xeeladdii aad ku ugaarsan lahayd. FARSAMO.
Khamiis, 01 February 2018
QORAALLADA WARGEYSKA
Cadadka 0595ad, Sanadka 5aad
5
DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com
DANJIRAHA TURKIGA OO BOOQDAY HOBYO Ka dib heshiiskii ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna, ee ugu dambayn lagu hirgalshay magaalo madaxda Galmudug ee Dusmo, ayaa waxaa billowday, in la abbaaro dhinyacada hormarinta maamulka, ee amni, dhaqaale, ganacsi iwm. Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa waxaa booqasho ku tagay wafdi uu hoggaaminayo danjiraha dowladda turkiga u fadhiyo Soomaaliya mudane Oglen Beker, isagoo ballanqaaday, in ay kaalintooda ka qaadan doonan howlaha hormarineed ee magaalada Hobyo. Sidoo kale intii uu safiirka iyo wafdigiisa joogeen
magaalada waxa uu kormeeray Isbitaalka Hobyo, xarunta ciidanka Badda, iyo Iskuulka Hoose dhexe iyo sare. Booqashadu waxay dabasocotaa ahmiyadda ay magaaladu leedahay iyo sida Turki u danaynayo, in uu magaaladan iyo degaannada Galmudug u maalgashto, si ay u noqoto il dhaqaale iyo irid waddammada aad badda lahayn ee afrika. Degmda Hobyo oo ah magaalo taariikhi ah ayaa u baahan in la hormariyo si ay u noqoto magaalo dhisan oo ay u dhammaystiran yihiin waxyaabaha bulshada u baahan tahay.
GUDDOONKA XIRIIRKA OLOMBIKADA SOOMAALIYA OO BOOQDAY DUSMO REEB Guddoomiyaha Xariirka Olombikada Soomaaliyeed mudane Axmad Cabdullaahi Tarabbi, Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda Miiska mudane Maxamad Xaaji Cali, Guddoomiyaha ahna Duqa Caasimadda Macallin Nuur Cilmi iyo xubnaha sarsare ee hoggaanka sportska Dusma reeb ayaa kormeer
ku tagey saddaxda garoon ee caasimadda ku yaalla, ee ka la ah: garoonka kubbadfa cagta, garoonka Kubbadda koloyga iyo garoonka kubbadda cagta, oo haatan u baahan dayactir dag dag ah Dhammaan madaxda ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhexeeya
maamulka Olombikada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada caasimadda Dusma reeb ee Galmudug. Guddoomiyaha xariirka Olombikada Soomaaliyeed Tarabbi oo saxaafadda la hadlay ayaa dhallinyarada Dusmareeb ku tilmaamey, in ay yihiin hormuudka nabadda, waxa uuna sheegey in xiriirka
Olombikada soomaaliyeed uu si dhaqsi ah u dhisayo garoon caalami ah, oo magaalada Dusmareeb yeelato, si loogu diyaariyo ciyaaryahannada Galmudug ayna u noqoto galmudug mid ka dhexmuuqata ciyaaraha gobollada ee dalka.
06155555209 / 0699969192