4 minute read

Baabuur Wadidda

Next Article
Guri

Guri

64) Shuruucda Baabuur

Wadidda

 Waaxda Baabuurta ee Deegaankaagu (DMV) waxay ku siin doontaa shuruucda waditaanka baabuurta ee gobolkaaga.  Haddii adiga oo sharciga baabuur wadidda jabinaya lagu qabto, waxaad heli doontaa tigidh, liisankaaga dirawalnimadana waxaa lagu-darayaa dhibco. Haddii ay dhibcuhu gaadhaan tirada la go’aamiyey, waxaad waayi doontaa liisankaaga dirawalnimada.  Hubi in marka loo-baahdo aad cusboonaysis diiwaan-gelinta baabuurkaaga.

65) Tigidhada Meelaha Baabuurta la Dhigto

 Haddii aad baabuurkaaga joojisid meelaha uusan sharcigu oggolayn ama haddii aad bixin-waydid lacagta adeegga baabuur joojinta ee uu tilmaamayo qalabka cabbirku, waxaa laguu dhiibi doonaa tigidhada baabuur joojinta. Haddii aad lacagta ganaaxa ku-bixin-waydid maalmaha la go’aamiyey gudahood, waxaa kordhi karta lacagta ganaaxa ee aad bixin doontid. Haddii aad meelaha qaarkood aad gaadhigaa si sharci-darro ah u joojisid, gaadhigaa waa la jiidi doonaa.  Baabuurkaa abid ha joojin baabuurta dabdamiska hortooda, hana joojin waddada ay baabuurtu maraan, goobaha ay tagaasidu ama basasku joogsadaan, jiirooyinka casaanka ama huruudda ah.

66) Maxaad Samayn Haddii uu

Boolisku ku Joojiyo adiga oo

Baabuurkaaga Wada

 Haddii baabuur boolis oo laydh bixinaya oo ku soo dabagalo: 1. Isticmaal lacaydhka baabuurka lagu-weeciyo, kaddibna baabuurkaaga dhinaca midigta u u durki oo meel ammaan ah jooji. 2. Matoorkaaga baabuurkaaga dami oo baabuurkaaga ha ka bixin. 3. Gacmahaaga oo isteeringiga baabuurka saaran, si nafis ah u fadhiiso oo sug inta uu ka imanayo. Marka uu sarkaalka boolisku ku waydiiyo liisankaaga dirawalnimada, caymiskaaga iyo diiwaan-gelinta, ayaad gacmahaaga ka qaadi kartaa isteeringiga baabuurka. 4. U muujiji dhaqan wanaagsan iyo xushmad.

67) Kuraasta Ilmaha

 Ilmaha ay da’doodu iyo misaanka jidhkoodu uu ku jiro xadka lagu muujiyey sharciga gobolka, waa in lagu fadhiisiyo kuraasta ammaanka ee carruurta loo diyaariyey. Boolisku haddii ay arkaan ilmo aan isticmaalayn suunka kursiga ama aan ku fadhiyin kursiga ammaanka ee ilmaha loogu tala-galay, way ku joojin doonaan. Si aad xog gaar ah u heshid eeg shabakadda uu ciwaankeedu yahay

NHTSA.gov.

68) Garaacidda Hoonka

Baabuurka

 Waddamada qaarkood dadku waxay marar badan isticmaalaan hoonka baabuurtooda, laakiin gudaha dalka

Maraykanka (U.S.) waxaa hoonka baabuurta la garaacaa marka loobaahan-yahay keliya, gaar ahaan magaalooyinka yar-yar.  Sida qaalibka waxaad hoonka gaadhigaaga isticmaali kartaa si aad ugaga hortagtid shil ama si aad ugu baraarujisid dirawalinta kale ee aan taxaddarka samaynayn.

69) Caymiska Baabuurka

 Heeshiiska caymiska baabuurku wuxuu kaa ilaalinayaa in uu khasaare lacageed ku soo gaadho haddii uu shil baabuur ku soo gaadho.  Heshiisyada caymisku waxay bixiyaan heerar kala-duwan oo baaxadda caymiska ah oo ku xidhan kolba halista aad u diyaargarowday.  Si aad qiimayaal kala-duwan u heshid, waxaad wacdaa laba ama saddex shirkadood oo caymiska bixiya.

Qiimaha caymisku wuxuu ku-xidhanyahay diiwaankaaga dirawalnimada, da’daada iyo tirada dadka gaadhiga wadi doona.  Noocyada caymisyada baabuurta waxaa ka mid ah: - Waxyeellada dantida – waxaa qaybtan hoos imanaya dayactirka lagu samaynayo waxyeellada baabuurta dadka kale loo-gaysto. - Dhaawaca jidhka soo-gaadha – noocan waa caymis kaa ilaalinaya kharashka kaa soo gaadhi kara dhaawaca aad qof kale u gaysanaysid. - Dirawalka aan caymiska lahayn – Caymiskani wuxuu kaa ilaalinaya khaladka ka imanaya dhinaca qofka aan caymiska lahayn. - Isku-dhacyada baabuurta – waa caymis ku-caawinaya waxyeellada gaadhigaaga soo gaadhaysa, haddii uu khaladku dhinacaaga yahay. - Ka Guud – Caymiskani waa mid bixinaya waxyeellada aan shilka la xidhiidhin ee ka timaadda sababaha ay ka mid yihiin dabka iyo falalka tuuganimada.  Si aad gaadhigaaga u diiwaan-gelisid, waxaad u baahan karta in aad marka hore soo bandhigtid caddaym muujinaysa in caymis leedahay.  Haddii jurtid shil baabur oo dhacay, waxaad qortaa magaca qof kale ee isaguna shilka galay taleefoonkiisa iyo tirada liisanka lambarka taarigada baabuurka.  AAA waa urur lacagta xubinimadiisa ee laga bixiyo ay yar-tahay. Marka ay xaalad gurmad degdeg ah u baahan ay jirto waxay bixiyaan caawimaad.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

70) Haadka Dhinaca Midigta oo Baaburka Lagu Wado

 Marka aad baabuurka marinaysid waddo weyn, waa in aad gaadhiga ku waddid haadka midigta ee waddada.

Haadka bidixda isticmaal keliya marka aad baabuur kale dhaafaysid.  Haddii aad maqashid baabur bixinayaa hoonka ama laydhka digniinta gurmadka, baabuurkaaga si tartiib ah dhinca midigta ee waddada u durki oo baabuurka gurmadka degdegga isdhaafi.  Haddii aad aragtid bas dugsi waxbarasho oo laydh cas bixinaya, baskaas ha dhaafin.

71) Iibsashada & Diiwaan-gelinta

Baaburka

 Waxaad shakhsi ama shirkadaha baabuurta iibiya aad ka iibsan kartaa baabuur la soo isticmaalay ama mid cusub.  Raadso makaaniik fiican baabuurka kuu baadhaya ka hor intaanad iibsan.  U diyaar-garow in aad samaysid gorgortan dhinaca qiimaha ah, maadaama uu gorgortanka qiimuhu yahay qayb caadi ah oo ka tirsan iisbsada baabuurka.  Intaanad iibiyaha baabuurka la kulmin, si aad qiimaha baabuurka u ogaatid eeg shabakadda uu cinwaankeedu yahay kbb.com.  Waa in aab baadhitaan ku samaysid fursadaha kala-duwan ee aad gaadhi ku iibsan karaysid, sida iibsashada, liizka iyo dayn-ka-qaadashada baanka, ama ka-daynsashada dhirkadaha baabuurta iibiya.  Meelaha qaarkood waxaa lagaaga baahanayaa in aad gaadhigaaga marisid baadhitaanka caddadka qaaca uu soo saarayo ka hor intaanan diiwaan-gelinta baabuurka lagu oggolaan.

72) Meel Iskugu Keenidda

Baabuurta & Haadadka HOV

 Qaar ka mid ah waddooyinka waaweyni waxay leeyihiin haadadka HOV oo loogu tala-galay baabuurta ay ku jiraan laba qof ama in ka badan.

Haddii adiga oo keligaa baabuurka ku jira aad haadka HOV isticmaashid lacagbaa lagugu ganaaxayaa.  Waddooyinka qaarkood waxaa laga bixiyaa lacag, sidaas-awgeed haddii aad waddooyinkaas isticmaashid adiga oo aan lacag iska-bixin, waxaa lagaa qaadayaa lacag badan oo qanaax ah. Hubi in aad gashay hadka

“Lacagta Caddaanka Keliya” haddii aanad qalabka atoomaatigga ee lacagta aanad haysan.

This article is from: