7 minute read

Dhaqanka iyo Xirfadaha Bulsheed ee Maraykanka

Next Article
Baabuur Wadidda

Baabuur Wadidda

Qaybtani waxay ka hadlaysaa dhaqanka Maraykanka. Dhammaan dadka Maraykanka ahi ama dadka hal waddan ama gobol ka yimid ma yeelan karaan iskusi uma dhaqmayaan. Shakhsi-weliba wuxuu leeyahay dhaqankiisa. Waxaanu qaybtan u isticmaali doonnaa arrimo guud oo kaa caawin doonaa in kala duwanaanshan ka fikirtid iyo in aad dhaqaankaagana ka fikirtid.

101) Isa-salaamidda

 Marka ugu horaysa ee qof aanad garanayn la kulantid: - Kac oo indhahaaga iyo indhihiisa isla-hel (eeg). - Si xooggan u salaan. - Waxaad ku tidhaahdaa “My name is _______. Nice to meet you.” (“Magacaygu waa _____. Inaan kula kulmo aadbay u wanaagsan-tahay”)  Hab-siintu waxay caadi u tahay dadka isku-qoyska ah iyo saaxiibbada.  Waxaa muhiim ah in la xusuusnaado magacyada dadka.  Sida qaalibka marka ay dadku la hadlayaan dadka kale waxay isticmaalaan magaca kowaad ee qofka ay la hadlayaan. Mararka qaarkood marka aynu la hadlayno dhakhaatiirta iyo barafasoorada waxaanu isticmaalnaa horgalayaashooda magaca.

102) Nadaafadda

 Sida qaalibka ah dadku: - Maalin-welba way qubaystaan. - Maalintii laba ama saddex jeer ayey cadaydaan. - Waxay mardadaan/isku-buufiyaan shiir-dhawr (deodorant).  Dad badani waxay dhibsadaan shiirka jidhka ama neefta qadhmuun, xanjada oo si dhawaaq-dheer loo ruugo, iyo candhuufta oo la tufo ama in meelaha uu dadku isugu yimaaddo lagu dhex daaco.  In xashiishka lagu tuuro ama lagu daadiyo meel aan habboonayn oo gurigaaga ka-baxsan waa sharci-darro.

Xashiishka ku rid meelaha saxda ah ee loogu tala-galay.  Habaka qasabadaha iyo tuubbooyinka ee dalka Maraykanku waa mid la iskuhalayn karo. Warqadaha suuliga loo isticmaalo qashan-qubka suuliga dhexyaalla laguma dhex rido, waxaa lagu dhex tuuraa godka suuliga oo biyaha ayaa la raaciyaa.  Ha ku riddin musqusha wax aan ahayn warqadda musqusha.

103) Arrimaha aynu Bulshadu

Oggolayn

 Waxaa jira xog ay dadku jecel-yihiin in ay shakhsiga ku koobnaadaan. Dadka aanad aqoon badan u lahayn ha waydiinin arrimaha hoos ku qoran: - Fikradahooda siyaasadeed. - Mushaarka ama caddadka dakhliga ay helaan. - Xaaladaha xidhiidhkooda galmo kusaabsan. - Diinta ay aaminsan-yihiin. - Da’dooda ama miisaanka jidhkooda.  Dadka aad ha eegin ama farta ha ku fiiqin.  Carruurta iyo dadka kale dadka ee dhibsan hortooda ha ku hadlin hadalada aan wanaagsanayn.  Guud ahaan waxaa wanaagsan in la ilka-caddeeyo, in albaabada kuwa kale loo furo, iyo la yidhaahdo “fadlan” iyo

“waad-mahad-santahay”.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

104) Saxnimada Siyaasadeed

 Ha isticmaalin ereyada siyaasad ahaan khaldan. Eeg liiska hoos ku qoran.

Siyaasad-ahaan Sax ah Siyaad-ahaan khaldan ama meel-ka-dhac loo arko

Afrikaan Maraykan ah / Madow African American or Black Khaniis Gay/Homosexual Asiyaan Asian Weyn/Sareeya Elderly/Senior Awood la’aan dhinaca maskaxda ama jidhka ah Mentally or physically disabled Naygar, Midabaysan Negro/Colored

Khaniis Homo Oriyeentaal Oriental Duq, qadiim ah Old/Ancient Naafo, caqlidhimman Handicapped, Retarded

105) Ilaalinta Wakhtiga &

Xaqiijinta Ballamaha /Shirarka

 Mar-welba waxaa muhiim ah in la ilaaliyo wakhtiga saxda ah: - Shaqada iyo shirarka shaqada. - Dugsiga. - Ballamaha shakhtarka ama dhakhtarka ilkaha.  Waxtarka ilaalinta wakhtiga ee dhacdooyinka bulsheed waxay kuxidhan-tahay kolba xaaladda jirta.Dadka qaarkood habsaamidda waxay u arkaan xurmo-darro, meesha ay kuwa kale ay habsaamidda u arkaan in ay wanaagsan tahay.  Haddii aad ka habsaantid ballan ama shir la-qabanayo, dadka ku sugaya wac oo ogaysii.  Isticmaal qorsheeye ama jadwalka taariikhda si aad u xusuusatid maalaha aad u baahan tahay in aad tagtid.

106) Booska Shakhsiga iyo

Mugga Codka

 Dalka maraykanka sida qaalibka ah booska u dhaxaynaya labada qof ee wada-hadlaysa waa ugu yaraan dhararka qof gacantiisa oo buuxda.  Dadka qaar ma jecla marka dadka kale codkooda kor u dhigaan. Waxaa dhici karto in dadka u maleyaan in aad xanaaqsan tahay marka aad codkaada kor u qaadid.

107) Wada-hadal Yar

 Wada-hadalka yar oo bilowga sheekada oo waxaa ka mid ah arrimaha jawiga, ciyaaraha isboortiga, filimaanta, taleefishinka, dukaamaysi, iwm. Waxaa kale oo wada-hadalka yar ka mid noqon kara muwduucyada sida qoyskaaga ama aragtida aad dalka

Maraykanka u qabtid.  Wada-hadalka yar wuxuu noqon karaa mid loogu sii gudbo sheeko qota-dheer.

108) Marka Maraykanka La Joogo

“Haa” Waa Haa “Maya”-na

Waa Maya

 Sida qaalibka ah waxaa wanaagsan in waxaad fahmi-waydid aad islamarkaaba sheegtid in aanad garanayn. Xaaladdani waxaa gaar ahaan loo-baahan-yahay marka ay arrintu tahay mid saamaynaysa ammaanka goobta shaqada.  Haddii aad dadka u sheegtid in aad tagaysid meel ay dhacdo bulsheed ka jirto, dadku waxay filayaan in aad gooti iman doontid. Waxaad heli kartaa in aad qofka ku dhahdid “Casuumadda aad ii soo fidisay waad-ku-mahadsantahay, laakiin ma awoodi karo in aan ka soo qayb galo.” Haddii aad

“wayahay” ku tidhaahdid oo aad u tagiwaydid, waxaa dhici karta in ay dadku kaa xumaadaan.  Haddii u qof gargaar kuu fidiyo. Balse aad “maya” dhahdid, waxaa dhici karta in uu qofkaasi uusan markale gargaar kuu fidin.  “Haa” waa haa “maya”-na waa maya.

109) Kaftan

 Kaftanku waxaa lagu bilaabi karaa sheekaysi ama dabcinta xaaladaha.  Kajanku waa caadi, kaas oo ah qofka oo ku hadlaya cagsi arrinta uu doonayo in uu soo jeediyo. Tusaale, waxaa dhici karta in uu qofku yidhaahdo “Run ahaanti, jawigu aadbu u kulul-yahay!” iyada oo xaqiiqadu tahay in uu jawgu uu aad u qabow yahay.  Dadka qaarkood waxay kajanka isticmaalaan marka ay xanaaqsan yihiin, qaarna waxay u isticmaalaan maadaysi.  Ha kuftamin arrimo ku saabsan qolo, jinsi, xaaladaha galmada, naafanimada ama diinta.

110) Shukaansiga & Guurka

 Waxaa caadi ah in ragga iyo haweenku iyaga oo aan is-shukaansanayn ama aan is-guursan ay xidhiidh saaxibtinimo oo caadi ah yeeshaan. Haddii uu qof jinsiga kale ka tirsan uu kula hadlo, macnaheedu ma’aha in uu qofkaasi uu xidhiidh kale kuu doonayo ama ay kuu doonayso.  Lammaanaha is-guursaday waxay intooda badani fargal gashadaan fartooda far-yarada ku xigta ee gacanta bidixda.

111) Sinaanshaha Jinsiga

 Haweenka iyo raggu waxay leeyihiin xuquuqo siman, waxayna bulshada ku dhex leeyihiin kaalin siman.  Waxaa si caadi ah u jirta in ay raggu qabtaan hal in ka-badan oo ka mid shaqooyinka dhaqan ahaan loo arko in ay kuwa haweenka yihiin, waxaana shaqooyinka noocaas oo kale ka mid ah cunto karinta, nadiifinta, iyo xannaanaynta carruurta.

112) Ciqaabidda Carruurta

 Carruurta oo guriga dhexdiisa ama dugsiga waxbarashada karbaashid/dilid lagu ciqaabo waa tallaabo sharci-darro ah oo aan la oggolayn.  Haddii ay carruurtu jabiyaan shuruucda dugsiga waxbarashada u yaalla, waxaa ilmaha khaladka galay lagu ganaaxi karaa in wakhtiga uu dugsiga ka rawaxayo oo dib loo dhigo ama in dhawr maalmood dugsiga loo diido. Si aad u baratid qaanuunta dugsiga waxbarashada ka jira ee carruurta looga-baahan-yahay in ay u hoggaansanaadaan, la-hadal qof dugsiga ka tirsan.

113) Soo-jeedinta Su’aalaha

 Dad badan oo Maraykan ahi waxay xurmeeyaan dadka su’aalaha soojeediya. Haddii la kulantid waxaanad garanayn si looga shaqeeyo, ha kacabsan in aad dadka garanaya waydiisid. Dadka intooda badani way ku farxi doonaan in ay kaa caawiyaan.  Ha ka xumaanin haddii uu qof kuu sheego in aad khalad samaysay.

Waxaad ka dhigataa fursad wanaagsan oo aad su’aalo ku soo jeedin karaysid oo wax ku baran karaysid.

114) Bakh-shiish

 Marka aad cunto doonatid, waxaad fishaa in aad bixin doontid bakh-shiish gaadhaya 15-20%. Celcelisku waa 18%.  Makhaayadaha waa caadi u ah in kuwa adeegaya ay biilka lacagta aad bixinaysid kuu keenaan ka-hor intaanad waydiisan.  Waligaa bakh-shiish ha siinin sarkaal dawladeed. Waxaa kuwaas ka mid ah saraakiisha booliska.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

115) Diinta

 Dadku waxay haystaan diimo kaladuwan, sidaas-awgeed, adiguna waxaad xor u tahay in diin-kasta dooratid.  Diintu waa arrin shakhsiyeed, sidaasdarteed waxaa laga ilaaliyaa dugsiyada waxbarashada ee dawladda iyo goobaha shaqada intooda badan.

116) La Ciyaaridda Eyda

 Haddii aad leedahay eey waxaa lagaaga baahan yahay in aad: - Eeyga siisid raashin iyo biyo. - Eeyga dibadda u saartid 3 ilaa 5 jeer maalintii. - Nadiifisid meesha eeyga maro marka uu tago musqusha ku taal dibadda.  Waxaa dhici karto in deriskaada wacaan boliiska haddii ay u maleyaan in aadan daryeelin eeygaada.  Haddii aad doonaysid in aad ey salaaxdid: 1. Waydiiso oggolaanshaha qofka eyga leh. 2. Eyga u oggolow in uu gacantaada ursado, laakiin wajigaaga ha u dhawayn wajiga eyga.  Dadku waa in ay xayawaankooda gurijoogta ah (sida eyda iyo bisadaha oo kale) nadiifiyaan.

117) Dambi

 Qof wanaagsan noqo, laakiin qofnaba ha ka baqin. Talooyinka ammaanku waxay yihiin: - Gurigaaga, baabuurkaaga, baaskiilkaaga iyo alaabtaada quful. - Xaafadaha aan ammaanka ahayn habeenkii kaligaa lug ha ku marin. - Lacag badan ama alaab qimabadan ha qaadan.  Waxaa boob badan loo-gaystaa kaarka kireedhit-ka iyo khayaamada email-ka.  Haddii aad aragtid dambi dhacaya, raadso goob ammaan ah, kaddibna wac 911.

118) Galmada

 Jidhka laga-ganacsado wucuu mamnuuc ka yahay gobolada intooda badan.  Waa si caadi ah u jira cudurrada galmada lagu kala-qaado. Waxaa muhiim ah in cudurradan la iskadifaaco isticmaalka cinjirka la yidhaahdo kondhomka iyo in la ogaado taariikhda galmada ee qofka aad la galmoonaysid.  Si aad u heshid xog dheeraad ah oo ku-saabsan cudurrada galmada lagu kala-qaado iyo sida aad iskaga ilaalin karaysid, la xidhiidh dakhtarkaaga ama rug caafimaad.

This article is from: