1 minute read

Abuuridda Isfahanka Dhaqanka iyo Xurmaynta

Abuuridda Isfahanka Dhaqanka iyo Xurmaynta

Tilmaantan waxaa ku jirta xog fudud oo si dhab ah loo isitcmaalo oo ku-saabsan mawduucyo badan oo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran: - Maaliyadaha - Guriyeynta - Shuruucada - Shaqooyinka - Daryeelka Caafimaadka - Waalidnimad - Waxbarashada - Caymiska - Bulshada - Xirfadaha Bulsheed - Dhaqanka - Gaadiidka

Waxaa jira wax-badan oo laga baran karo noloshaha gudaha Maraykanka ka jirta. Akhriska iyo ka-wada-hadlidda xogta tilmaamahan ku dhex-jira waxay kaa caawinayaan in aad aqoon dheeraad ah u yeelatid nolosha Maraykanka, in aad isku-filaatid oo aad noqotid qof isku-kalsoon. Marka aad xogta saxda ah haysatid go’aan gaadhidda iyo samaynta waxa saxda ah.

Markaad fulinaysid arrimaha hoos ku-qoran iyo waxyaalaha kale ee la midka ah, waxaad tixraaci karta xogta tilmaamahan ku dhex jirta: - Markaad xeraysanysid codsi shaqo ama marka aad galaysid waraysiga shaqada. - Markaad heshiiska kirada saxeexaysid. - Markaad xulaynaysid caymisyada. - Markaad canshurahaaga gudbinaysid. - Markaad ka-qayb-qaadanaysid shirweynaha waalidiinta iyo macalimiinta.

Waxaa jira arrimo badan oo dheeraad ah oo la-baran doono, balse xogtan waxay noqonaysaa aasaas wanaagsan oo aad aqoontaada ku sii kobcisan doontid wada-hadal aad dadka kale la yeelatid. Dhammaanteen waxaanu macalimiin iyo arday, sidaas-awgeed waxaa jiraya shay aynu ka baran karno khibradda iyo aqoonta uu shakhsi-weliba leeyahay.

Waxaan rajaynayaa in aad noqon doontid safiir iyo tusaale ay kuwa kale ku daydaan oo dhinaca dhaqanka ah, waxaa kale oo aan rajaynayaa in uu buuggan tilmaamuhu kaa caawin doono in aad kaalintaasi la wareegtid.

Waad mahad-sanatahay.

Lee Shainis

Qore, “Waxa u Muhaajir Kasta u Baahan Yahay in uu Ogaado”

“What Every Immigrant Needs to Know”

www.livingintheus.org

Agaasimaha Hawl-fulinta, Intercambio Uniting Communities www.intercambioweb.org

www.livingintheus.org

This article is from: