3 minute read

Bulshadaada

124) Guryaha Dadweyanaha ee

Akhriska

 Xaafadaha intooda badani waxay leeyihiin guryaha dadweynaha ee akhridka oo aad bilaa lacag kaga qaadan karaysid buugaag, CD-yada muusika iyo filimaan.  Haddii aad shayga aad la baxday aad dhaafisid wakhtigii loogu qabtay ee soo celinta, waxaad bixin doontaa lacagta gaanaxaa ee habsaamidda.  Guryo badan oo kuwa akhriska ahi waxay leeyihiin kumbiyuutaro aad ka heli karaysid adeegga internet-ka oo bilaa lacag ah.  Guryaha akhrisku waxay sida qaalibka ah bixiyaan xiisado waxbarasho, sidaas-awgeedna waxay noqon karaan meel wanaagsan oo lagu baran karo arrimaha ku-saabsan bulshada.

125) Xarumaha Madaddaalada & Beeraha Lagu Nasto

 Xaafadaha intooda badani waxay leeyihiin xarumo madaddaalo oo leh goobaha jimicsiga, qalabka jimicsiga, barkadaha lagu dabbaasho.  Xarumaha madaddaaladu waxay sida qaalibka ah leeyihiin fursado kala duwan oo lacagta lagu bixiyo.  Xaafadaha intooda badani waxaa kale oo ay leeyihiin beero lagu nasto oo dadweyne oo bilaa lacag ah.

Beerahaasina waxay yihiin goobo aad ugu habboon hawlaha ay qoysasku qabanayaan ee guriga dibaddiisa ah.  Beeraha lagu nasto ha kaga tagin xashiish.

126) Ilaha Bulshada

 Waxaa jira hay’ado bixiya caawimaad dhinaca guryaha, cuntada, xannaanada carruurta, imw.  Si aad khayraadka bulshada u heshid waxaa meelo badan ka wici kartaa 211.  Waxaad dhici ka hor intaanad helin waxaad u baahan in aad u baahatid in aad la xidhiidh dhawr wakaaladood.

127) Fursadaha Gaadiidka

 Waxaa magaalooyinka waa-weyn si caadi ah uga jira basaska iyo tareenada dhulka hoostiisa mara.

Meelaha kale waxaa si caadi ah looga isticmaalaa baaskiilada.  Sida qaalibka ah qiimaha tagaasidu waa qaali.

128) Lugaynta iyo Wadidda

Baaskiilka

 Markaad baaskiilka waddid ama markaad lugaynaysid ee aad waddooyinka ka tallaabaysid ha ka soo qaadin in ay baaburtu ku arkayaan.  Haddii ay mugdi tahay, marwelba laydhka shido ama gasho dhar birqaya oo meel fog laga arki karo.  Isticmaal dhinaca midigta ee waddada, waddada la lugeeyo. Dhinaca bidixda isticmaal keliya markaad qof kale dhaafasysid.  Marwelba ka talow isgoyska, waxaanad eegtaa calaamadaha dadka lugaynaya loogu tala-galay.

129) Dib u Isticmaalid

 Xafada badani waxay farsamayn dib u isticmaalid ah ku sameeyaan qaruuradaha, caagga, macdanta, jaandida iyo warqadaha.  Si aad u ogaatid walaxyada farsamaynta iyo dib-u-isticmaalidda lagu samayn karo iyo sida dib u farsamaynta ay uga socon karto goobta aad daggan-tahay, waxaad la hadashaa dariskaaga ama dawladda deegaankaaga.

130) Mutadawacnimo

 Mutadawacnimadu (iska wax-u-qabso) waa hab muhiim ah oo aad: - Bulshadaada ku caawin karaysid. - Kula kulmaysid dad saaxiibtinimada ku wanaagsan. - Ku-baran karaysid baahida bulshada. - Ku dareemaysid in aad abaalmarin heshay.  Xafado badani waxay leeyihiin wakaalado deegaaneed oo kula xidhiidhin kara fursado aad ku bixin karaysid adeegyo mutadawacnimo oo rabitaankaaga waafaqsan.  Tusaalooyinka hay'adaha mutadawiciinta ah waxaa ka mid ah baananka cuntada, barnaamijyada madaddaalada, gaboodka xoolaha xayawaanka, barnaamijyada barista akhriska iyo qorista.  Fursadha adeegyada mutadawacnimada waxaad ka heli kartaa shabadaha ay cinwaanadoodu kala yihiin: volunteermatch.org, idealist.org iyo nationalservice.gov.

131) Filimaanta

 Garo noocayada filimaanta carruurta ku habboon: - G – waa kuwa da' welba loo oggolyahay. - PG – waxaa lagu talinayaa in tilmaanta waalidka. - PG13 – waxaa laga yaabaa in arrimaha filim-ka ku jira ayna kuhabboonayn carruurta ay da'doodu ka yartahay 13 jir. - R – waa mid xadaysan— qof-welba oo ay da'diisu ka-yartahay 17 jir waa in uu qof soo raaco. - NC17 – looma oggola qofka 17 jir ka-yar.  Qaar ka mid ah filimaanta masraxyada iyo meelaha kale lagu daawado waxay qiimaha lagu daawanayo ka dhimaan ardayda iyo dadka ay da'doodu 62 ama 65 jir ka-badan-tahay.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

This article is from: