5 minute read

Xidhiidhka

90) Barashada Ingiriisiga

 Barashada luuqadda Ingiriisku waxay kuu furaysaa alaabadada fursadaha waxay kuu oggolaanaysaa in aad dad badan la xidhiidhid. Barashada luuqadda Ingiriisigu waa hawl adag oo u sanado qaadanaysa.  Marwelba ka-qayb-qaado xiisadaha luuqadda Ingiriiska, laylisyadana kashaqee, mar-welba oo ay suurageltahay kula hadal dadka ay luuqadda iIngiriisigu afkooda hooyo tahay oo kubarbaro, dhagayso raadiyaha iyo heesha Ingiriisiga, waxaanad daawataa barnaamijyada luuqadda

Ingiriisiga ku-baxa ee taleefishinka.  Ha yaxyixin, hana ka-cabsan in aad khalad samaysid. Dad waxbaran kara, waa dadka waxaa la baray ku barbarta.

91) Diridda Boostooyinka &

Xafiiska Boosta

 Sida qaalibka ah gaadhsiinta boostooyinku waa mid xawli-dheer lagu fuliyo oo ammaan ah.  Marka aad baqshadda cinwaanada ku qoraysid: 1. Cinwaanka qofka aad boostada u diraysid ku qor badhtanka baqshadda. 2. Cinwaankaaga ku qor dhinac kore ee bidixda ah 3. Farankabolada ku dhaji dhinca kore ee midigta ah.  Farankabolooyinka waxaad ka iibsan kartaa xafiiska boosta iyo dukaamo badan oo cuntada iyo cabbitaanada lagu iibiyo.  Warqadaha (boostooyinka) farankabolada lagu dhajiyey ee uu miisaankoodu ka hooseeyo 1 pound waxaa lagu dhex ridi karaa sanduuqyada birta ah ee buluugga ah ee boostooyinka la geliyo.  Xafiisyada boosootooyinku waxay haystaan fursado badan oo ay boostooyinka iyo alaabta xidhan kudiraan.

92) Liiska Ootomaatika ah

 Waxaa caadi ah in marka aad xarun ganacsi ama wakaalad dawladeed aad taleefoon kula xidhiidhid, in islamarkaaba aad maqashid cod la sii duubay oo ay la socdaan fursado liis ah oo aad ka dhex dooran karaysid.  Si aad qof gaar ah ula hadashid, waa in aad marka hore dhagaystid liiska duuban, kaddibna aad wacdid lambarka gudaha ee qofka aad doonaysid in aad la hadashid.

93) Ammaanka Kumbuyuutarada & Internet-ka

 Dad badani waxay ku xidhiidhaan khadka email-ka. Waxaad cinwaan bilaa lacag ah ka furan kartaa gmail.com, hotmail.com, ama yahoo.com.  Marka aad shirkadaha u gudbisid cinwaankaaga email-ka, waxay iyaguna cinwaankaaga email-ka u sii gudbin karaan shirkado kale.  Si aad ugaga hortagtid tuuganimada aqoonsiga shakhsiga lagu sameeyo isticmaal “software“-da lidka fayraska iyo“firewall“.  Ha furan “attachment”-yada (lifaaqyada) kaaga yimaadda qof aanad garanayn.  Farriimaha email-ka ee aad diraysid waligaa ha ku daran xogta shakhsiyeed ee ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran: - Lambarka xisaabta baanka. - Lambarada Dammaanadda Bulshada. - Lambarada Kaarka Kireedhit-ka. - Furayaasha Qarsoodiga ah.  Bixinta lacagta lagu helayo adeegga internet-ka waxay noqon kartaa kharash badan oo wakhtiga dheer ah.

Baadhitaan ku samee fursadaha jira, waxaanad hubisaa muddada wakhtiga qandaraaska.

94) Farriimaha & Taleefoonada

Been-Abuurka ah

 Ka digtoonow haddii aad “kuguulaysatid” shay aanad weligaa codsan. Taleefoonada kaa soo gaadhaya dadka aanad garanayn waxay noqon karaan lagu doonayo in lagu helo xogtaada shakhsiyeed si lacagtaada loo xado.  Hadiyadaha ama jeegagga lagu qoray

“free” (bilaa lacag) waxay sida qaalibka ah soo raacaan adeegyo ama qandaraasyo aanad doonayn.  Haddii aadan rabin in ay ku soo wacaan shirkadaha isku dayya in ay wax kaa iibiyaan, waxaad nambarka telefoonkaada gelin kartaa Diiwaanka

Qaranka ee lagu magacaabo Ha-Soo-

Wicin (National Do Not Call Registry) lagana helo www.donotcall.gov ama waxaad wici kartaa telefoonka 1-888382-1222.

95) Magacyada & Horgalayaasha Magacyada

 Dadka Maraykanka ahi waxay intooda badan leeyihiin magac kowaad iyo magac dhexe oo ay waalidiintu u bixiyeen iyo magac danbe, ama magac qoys. Magaca qoysku waa mid ka yimaadda dhinaca qoyska aabbaha.  Dhaqan ahaan haweenka la guursaday waxay qaataan magaca qoyska ninkooda, laakiin waxaa imika caadi noqotay in ay haweenku sii wataan magacyada qoysaskooda.  Dadka qaarkood waxay isticmaalaan magacyadooda dhexe, qaar kalena ma isticmaalaan.

96) Meel-dhigidda Dukumeentiga

 Koobbiyo ka diyaarso (sawirro) dukumeentiyada muhiimka ah oo koobiyadaasi dhig meel gaar ah oo ammaan ah. Dukumeentiyada muhiimka ah waxaa ka mid noqon kara: - Shahaadooyinka dhalashada. - Caddaymaha lahaanshaha baabuurka ama guriga. - Baasaboorada. - Shahaadooyinka waxbarashada kulliyadaha/Jaamicadaha iyo diiwaanada waxbarashada dugsiga.  Waxaa kale oo waajib ah in aad dukumeentiyada hoos ku qoran aad habaysid oo aad gal-gaar ah u samaysid: - Risiidhyada lacagaha aad bixisay, foomamka canshuurta iyo dukumeentiyada kale ee maaliyadeed. - Dukumeentiyada kirada iyo qandaraasyada kale. - Dukumeentiyada baabuurta, caafimaadka iyo kuwa caymiska.  Kaararka kireedhit-ka iyo warbixinada baananka baadhitaan ku-samee si aad u hubisid in ayna ku jirin iibsasho ama la-bixid lacageed oo aanad samayn.

97) Ka-jawaabidda Taleefoonada & Hubinta Farrimaha Soo

Dhaca

 Dadka qaarkood in taleefoonada laga jawaabo marka lagu jiro shir, ama cunto la cunayo, ama marka guriga akhriska la joogo ama marka ay saaxiibbadooda la hadlayaan waxay u arkaan anshax-xumo. Sidaas-darteed, waxaad sida qaalibka ah u baahanaysaa in aad farriin gudbisid in ay farriin guddoontid.  Haddii aad taleefoon ku-qabanaysid goobaha dadweynaha, aad ha u dhawaaqin marka aad taleefoonka ku hadlaysid.  Gobolada qaarkood waxaa sharcidarro ah in adiga oo baabuur wada aad dirtid farriimaha taleefoonka gacanta ama aad taleefoon ku hadashid.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

98) Isticmaalidda Buugga

Taleefoonada

 Buugaagta taleefoonada, sida “Yellow

Pages”, qaybtooda huruudda ahi waxay u habaysan tahay habka ay xuruufadda ingiriisigu u kala horeeyaan oo ah “A” illaa xarfka “Z”.  Qaybta caddaanka ahi waa mid ku qoran magacyada meheradda ama magacyada shakhsiyaadka.  Sida qaalibka qaybta hore ee buugga taleefoonka waxaa ku qoran lambarada adeegyada gurmadka degdegga ah, iyo khariidadaha deegaanka.  Si aad lambarada taleefoonada iyo cinwaada u heshid, waxaad wici kartaa 411 ama 1-800-555-1212, laakiin sida qaalibka ah adeegyadani waa kuwa lacag laga bixiyo.

Cinwaanada shabakadda ee

Whitepages.com iyo google.com waa bilaa lacag.  Lambarada ku bilaabma furayaasha goobaha ee ah 800, 866, 877, iyo 888 waxaa taleefoon kasta laga wici karaa bilaa lacag.

99) Kharashka Taleefoonka

Gacanta

 Haddii aad haysatid taleefoonka gacanta, waxaad la socotaa tirada daqiiqadaha aad hadlaysid iyo adeegyada ka tirsan heshiiska aad gashay. Haddii aad isticmaashid adeegyo ama daqiiqado dheeraad ah oo ka-baxsan kuwaad iskudiiwaangelisay, waxaa dhici karta in lacag (biil) aad u badan lagugu soo qoro.  Waa in shirkadaha taleefoonada gacanta intooda badan aad la saxeexdid qandaraas soconaya laba ama illaa saddex sano.

100) Tashiilidda Iftiinka Maalmeed iyo Gobolada Wakhtiga

 Axadda labaad ee bisha Maarso, markay saacaddu tahay 2:00 a.m. (habeenimo), saacadaha waxaa horay loo wadayaa hal saac oo waxaa laga dhigayaa 3:00 a.m.(habeenimo)  Axadda kowaad ee bisha Nofeembar, markay saacaddu tahay 2:00 a.m.(habeenimo), saacadaha waxaa dib loo celinayaa hal saac oo waxaa laga dhigayaa 1:00 a.m.(habeenimo)  Waxaa jira afar gobol oo wakhti.

Markay saacaddu 11:00 a.m. (aroornimo) ee Wakhtiga Rasmiga ah ee Bari (Eastern Standard) ay New

York ka tahay: - Wakhtiga Rasmiga ah ee Badhtamuhu wuxuu Jikaago (Chicago) ka noqonayaa 10:00 a.m.(aroornimo) - Wakhtiga Rasmiga ah ee “Mountain” wuxuu Denver ka noqonayaa 9:00 a.m. (aroornimo) - Wakhtiga Rasmiga ah ee Baasifiiggu (Pacific) wuxuu Los Angeles ka noqonayaa 8:00 a.m. (aroornimo) Los Angeles.

This article is from: