6 minute read

Habka Waxbarashada

Next Article
Bulshadaada

Bulshadaada

78) Heerarka Dugsiga Waxbarashada

 Carruurta ay da’doodu Saddeex-illaa-

Shan jir tahay waxaa loo arkaa da’da waxbarashada dugsiga ka horaysa.  Sida qaalibka ah carruurtu waxay waxbarashada dugsiga xannaanada carruurta ay bilaabaan Bisha August ama Seetambar ee sanadka xuska dalashadooda ee 5aad .  Dugsiga hoose waa dugsiga xannaanada carruurta ee soconaya illaa fasalka 5aad ama 6aad .  Sida qaalibka ah dugsiga dhexe ama dugsiga sare ee hoose wuxuu soconayaa fasalka 6aad illaa 8aad .  Dugsiga Sare waa fasalka 9aad illaa 12aad .  Dadka waa-weyn ee aan haysan dibloomada waxay baran karaan oo ay heli karaan shahaadada GED. Sida qaalibka ah waxaa GED waxaa laga soo qaadi karaa in ay u dhigantaa shahaadada dibloomada ee dugsiga sare.

79) Manhajka & Luuqadda

Ingiriiska oo Luuqad Labaad ahaan Loo Baranayo (ESL)

 Sida qaalibka ah dhammaan ardayda dugsida hoose waxay bartaan xiisado isku mid ah. Sida qaalibka ah ardayda ku jirta dugsiga dhexe iyo dugsiga sare waxay heli karaan fursado ay ku kala dooranayaan xiisadaha ay baranayaan, kuwaas oo ay ku jiraan xiisadaha luuqadaha iyo aartis-ka.  Carruurtaada kala-tasho fursadaha waxbarashada ee ay ka dhex dooran karaan, waxaanad u muujisaa in aad xiisaynaysid arrimahooda waxbarashada.  Waa in dhammaan dugsiyad waxbarashada ee dad-weynuhu ay bixiyaan xiisadaha ESL (luuqadda ingiriisiga).

80) Kaararka Natiijooyinka

Waxbarashada

 Kaararka natiijooyinka waxbarashadu waxay muujiyaan dadaalka dhinaca waxbarashada ee uu ilmaahagu dugsiga waxbarashada ka muujiyey.  Kaararka natiijada waxbarashada waxaa sanadkiiba laba illaa afar jeer.

Dugsiyada qaarkood waxay kaararka natiijooyinka waxbarashada ay si toos ah ugu dhiibaan ardayda, kuwa kalena waxay waxay boosto ugu diraan waalidiinta ardayda.  Carruurtaada u hambalyee marka ay helaan natiijooyin wanaagsan oo dhinaca waxbarashada ah.

81) Celceliska Dhibcaha Natiijooyinka (GPA)

 Dugsiyada dhexe, kuwa sare iyo kulliyaduhu waxay natiijooyinka waxbarashada ardaydooda ku muujiyaan xuruufta “A” illaa “E” ama

“F”. “A” waa natiijada ugu saraysa, “E” ama “F”-na waa natiijada dhicitaanka muujinaysa.  Arday-weliba wuxuu yeelanayaa celceliska dhibcaha natiijada ee uu helay (GPA). GPA waa dhamaan dhibcaha natiijada uu ardaygu helay oo la soo koobay. Xaraf-weliba wuxuu leeyahay qiimo gaar ah oo ah sida hoos ku qoran: A = 4 dhibcood C = 2 E = 0 B = 3 D = 1 F = 0  4.0 waa GPA-ga ugu sareeya, laakiin dugsiyada qaarkood waxay bixiyaan sharaf iyo xiisadaha AP. Xiisadahani waxay natiijada “A” la simaan dhibco dhan afar ama in ka badan.  “A” oo GPA aad u sareeya ah, waxay ardaydu ku gali karaan kulliyado wanaagsan, waxayna ku heli karaan shaqooyin fiican.

© 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

82) SATs, ACTs, & TOEFL

 SAT iyo ACT waa imtixaanada ay kulliyaduhu ardaydooda ku qiimeeyaan.  Ardayda waxay badanaa u baahan yahiin in ay qaataan mid ka mid ah imtixaanadaan si ay u galaan kulliyada.  Ardaydu waxay imtixaanaadkan maraan marka ay baranayaan fasalka 11aad ama 12aa .  Ardayda ESL si ay kulliyad u galaan waxaa kale oo ay qaadan karaan

TOEFL.

83) Carruurtaad oo aad Dugsi Waxbarasho u Heshid

 Ilmo weliba wuxuu xaq u leeyahay in uu illaa fasalka 12aad uu bilaa lacag ku barto.  Haddii aanad doonayn in aad ilmahaaga ku dartid dugsiga xaafaddiina ka jira, la xidhiidh degmodugsiyeedka (school district) goobtiina ka jira.  Bulshooyinka qaarkood waxay leeyihiin dugsiyo waxbarasho oo kiro ah iyo dugsiyo beddel ah. Dugsiyadani waxay caawin karaan carruurta dugsiyada rasmiga ah ee dadwaynaha dadaal wanaagsan ka muujin waaya.  “Head Start” waa barnaamij heer qaran ah oo lagu caawiyo carruurta aan dugsiga waxbarashada gaadhin ee ka tirsan qoysaska uu dakhligoodu hooseeyo.

84) Shirwaynayaasha Waalidiinta iyo Macalimiinta

 Ka-qayb-qaadashadaada waxbarashada ilmahaagu waxay saamayn wanaagsan ku leedahay ku guulaysiga waxbarashada ee ilmahaaga.  Dugsiyada waxay bixiyaan shirarka waalidka-macalinka. Ka-qayb-qaado shirwaynayaasha ay waalidiinta iyo macalimiintu yeelanayaan ee kusaabsan: - Dadaalka uu ilmaahagu samaynayo. - Sida aad ilmahaaga u caawin karaysid. - Siyaasadda shaqada guriga ee ilmahaaga. - Talooyinka Buugga. - Fikrada-kasta oo kale oo ay soo jeedinayaan.  Haddii aanad luuqadda ingiriiska fahmayn waxaad codsataa in qof turjumaan ah lagu sameeyo. Carruurta tujumaan ha ka dhigan.  Maraykanka waxaa caadi ka ah in ay waalidiintu ka-qayb-qaataan shirarka dugsiyada waxbarashada, in ay fikradahooda ka soo jeediyaan, iyo in ay macalimiinta su’aalo weydiiyaan.  Waxaad la hadli kartaa macalinka cunugaada waqti kasta inta lagu jiro sannadka.

85) Ururada Waalidka

 Dugsiyada intooda badani waxay leeyihiin ururka waalidiinta oo iskawax-u-qabso ah, waxaana ururkaas la yidhaahdaa PTA, PTSA ama PTO.  Ururadani waxay kuu fududaynayaan in aad: - Xog muhiim ah aad heshid. - Waalidiinta kale iyo macalimiinta aad la kulantid oo aad fikrado iswaydaarsataan. - Heshid khibrada waxtar leh. - Fikraddaada ka dhiibatid sida loo-wanaajin karo dugsiga waxbarashada.

86) Sida aad Carruurta uga

Caawinaysa Gaadhitaanka

Heer Sare

 U akhri, marka ay la qabsadaanna u sheeg in ay kuu akhriyaan.  U diyaar jadwal joogto ah oo tilmaamaya wakhtiga ay seexanayaan iyo wakhtiga ay aroortii soo toosayaan.  Marka uu ilmahaagu shuruucda jabiyo, waxaad ka qaaddaa tallaabooyin macquul ah.  Hurddada fiican waxay carruurtaada ka caawinaysaa kobcinta awooddooda xusuusta iyo kartida ay u yeelanayaan in ay maskaxdoodu hal meel iskugu keenaan.  Adiga iyo carruurtaadu hawsha guriga qaybsada oo wada shaqeeya.

Carruurtaada u oggolow in ay carruurtaadu cuntada kula keriyaan, waxaanad ka wada-hadashaan qaybaha ay ka kooban-tahay iyo geddisocodka diyaarinta cuntada. Carruurtaa u keen qalabka lagu ciyaaro ee xagga waxbarashada ka caawinaya.  Inta aad karaysid oo dhan dhiirigeli dabeecadaha wanaagsan ee ay carruurtaadu muujinayaan.  Carruurtaada oo aad mudda dheer dugsiga waxbarashada ka reebtid waxay dhaawici kartaa horumarkooda dhinaca waxbarashada. Haddii ay u baahdaan in ay dugsiga ka-baaqdaan, qoraal kula socodsii dugsigooda waxbarashada.  Diyaari wakhti joogto ah oo ay carruurtaadu ka-shaqaynayaan laylisyadooda ay guriga kaga shaqaynayaan iyo wakhti ay akhrisanayaan oo aan TV-ga ladaawaanayn. Haddii aad wakhti dheer

TV-ga daawatid, carruurtaaduna waxay u baahan doonaan in ay wakhti-dheer

TV-ga daawadaan.  Ku dhiirigeli caruurtaada in ay samaystaan asxaab.

87) Hawlaha Waxbarashada

Caadiga ah Ka-baxsan

 Carruurtu waa in ay ka-qayb-qaataan hal ama in ka-badan oo ah hawlo laqabanayo waxbarashada dugsiga kaddib, waxayna hawlahaasi noqon karaan kooxaha ciyaaraha isboortiga ee fudud, kooxaha muusika iyo ururada ardayda, iwm.  Tan waxay ku kaalmeyn kartaa in ay samaystaan asxaab iyo in ay bartaan xirfado cusub.  Soo-bandhigidda kartiyada kala-duwani waxay carruurtaada ka caawin kartaa marka ay u isticmaalayaan waxbarashadooda kulliyadda.

88) Hababka Baridda LagaWada-Qayb-Qaadanayo

 Waxbarashadu waa ficil kor u dhaafsiisan macalinka keliya oo la dhagaysto.  Dadka waa-weyn iyo carruurta ardayda ahi iyaga oo isku-qaybinaya kooxo yaryar ayey su'aalo soo jeedinayaan, su'aalaha ka-jawaabayaan, hawlo dugsiyeedna ay qabanayaan.

89) Kulliyadaha & Jaamacadaha

 Sida qaalibka ah ardayda gobolka waxay waxbarashada jaamicadaha gobolka ku heli karaan qiima ka jaban qiimaha ay kuwa kale ku baran karaan.  Sida qaalibka waxbarashada jaamicadaha khaaska ahi dhammaan ardayda qaalibay ku tahay.  Kulliyada bulshadu kulliyadaha kale way ka qiimo jabin-yihiin.  Dugsiyada xirfadaha lagu barto waxaa loogu tala-galay ardayda ka soo qalinjabisa dugsiyada sare ee doonaya in ay bartaan xirfad shaqo oo gaar ah, sida xifadaha kumbiyuutarka ama makaanignimada.  Xog dheeraad ah oo ku-saabsan deeqaha federaalka, daymaha iyo gargaarka maaliyadeed ee ardayda lagaga caawinayo dhinaca kharashka waxbarashada kulliyadda waxaad ka heli kartaa shabakadaha ay ciwaanadoodu yihiin Ed.gov, students.gov iyo finaid.org. © 2011 Intercambio Uniting Communities. Dhammaan Xuquuqda Daabacaaddu Way Ilaashan-tahay. Iyada oo aan marka hore ogglaansho looga helin Intercambio lama badin karo.

This article is from: